Cumar Cabdirashiid,waa Musharax Madaxweyne Fadaraalka ah,sida la xaqiijiyay. Koox horboodaysa Olalihiisa,ayaa Xamar ka hawlgashay oo diyaarinaysa Guryihii iyo Gaadiidkii. Maabta,ayuu tagayaa Muqdisho oo si weyn ugu diyaar garowday soo dhaweyntiisa. Cumar waxaa ku faraxsan isa sharixidiisa Beelaha Somaliyed ee Koonfurta iyo Bartamaha Dalka dega,isla markaana xiriirkiisa Caalamku waa wanaagsan yahay. Balse Deni iyo Farmaajo,ayaa u arka in uu khatar weyn oo loolan adag ay kala kulmi karaan uu yahay,maadaama ay isku Beel kasoo wada jeedaan uguna sumcad iyo Sxb wanaagsan yahay Somalida kale. Cumar waa mid ka mid ah siyaasiyiinta Somalida ugu miisaanka weyn Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Waxay ku kulmeen Doxa Maalmo ka hor Farmaajo iyo Khayre,sida Wararku sheegayaan. Khayre,ayaa kaga sii horeeyay oo sii joogay Doxa ka hor tagida Farmaajo. Sida wararku xaqiijinayaan,waxaa jira heshiis la dhex-dhigay Labada Nin,kaasoo Qadar kasoo shaqaysay. Heshiiska dhexmaray salkiisu waa in Labadooda mid Wajiga koobaad ee Qatar noqdo. Lama yaqaan in Farmaajo la nasiyay oo Khayre la dhisayo. Jibril Qoobey.
Seneter Ilhaan Cumar,ayaa Guddoomiyey kulanka Guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka ee ku saabsan xiriirka Mareykanka iyo Afrika. Seneter Ilhaan Cumar,ayaa maanta wax ka weydiisay qalalaasaha ka taagan Itoobiya,kaaliyaha Xoghayaha. Arimaha ay wax ka waydiisay,waxaa ka mid ah… 1.Go’aankii Xasuuqa,cunaqabateynta Hubka ee Imaaraadka. 2.Turkiga, Shiinaha iyo Iran oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibinaya dowladda Itoobiya. Halkan ka daawo muuqaalka
Demeke Mekonnen oo ah Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Itoobiya ayaa yiri “Shiinuhu runtii way nagu caawinayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sababtoo ah waxaan ka iibinay qaybo balaaran oo Dhulkeena ah” Ujeedka socdaalka Itoobiya ee Wasiirka Arimaha Dibada Shiinaha,ayaa ahaa in uu kala wareego Dhul balaaran oo dalkaas ah oo uu kaga badashay Dowlada Abiy Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn. Shiinuhu waa dalka labaad ee taageera Abiy iyo dagaalkiisa ka dhanka ah Tigreega. Halkan ka daawo muuqaalka
Gashena oo udhow Baati Showa kana mid ah ismaamulka Amxaarada ayay Tigreegu gacanta ku dhigeen. Ciidamada TPLF,ayaa soo bandhigay sawirada Magaalada ay qabsadeen goor dhawayd. Ciidamada Abiy oo ilaa shalay soo qorayay warar been abuur ah oo ay ku sheeganayaan in ay jabiyeen TPLF kana qabsadeen Dhul balaaran,ayay Tigreegu ugu baaqeen in ay soo bandhigaan sawirada ama muuqaalada meelaha ay sheeganayaan in ay ka qabsadeen. Sheegashadii Abiy ee ahayd in uu isagu dagaalka hogaaminayo,ayaan waxba soo kordhin,isla markaana Goobaha dagaalka aan waxba ka badalin. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Dagaalada ayaa weli ka socda dalka Itoobiya, halkaas oo ciidamada xoreynta Tigraay iyo Oromada ay ku sii siqayaan caasimadda Addis Ababa. Ciidanka xoreynta Oromo ayaa hadda gacanta ku haya dhul baaxad leh. Isku soo wada duuboo, TDF iyo OlafPresents waxay qorsheynayaan inay xukunka ka tuuraan oo ay la wareegaan caasimadda. Halkan ka daawi muuqaalka
Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal,ayaa Saddex Qof xukuno kala duwan ku riddey kuwaas oo lagu soo qabtay Walxaha maanka dooriya gaar ahaan xashiishada. Halkan ka daawo muuqaalka
Taliyaha Ciidanka Boolisla DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa kala wareegay Hay’addaha {UNDC} iyo {INL} sadex gaari oo TOYATA Hilux ah kuwaa oo loogu talagalay Xafiisyada CID ee Puntland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntalnd S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Tababar ufuray Saraakiisha CID waaxyaha Crime Prevention, Crime investigation, iyo Investigation tactics. Tababarka waxaa bixinyay saraakiil ka socday EUCAP waxaa furitaankiisa kala qayb galay Taliyaha Hogaanka CID Puntland Gen. OMAR BILLE iyo Taliye kuxigeenka Hogaanka CID Puntland Col. Abshir Hussein Said Dabaylaha.
Madaxweyne Deni “Anagu Talada dadkaan kusoo celinay, oo shacabku iyagaa qof iyo cod ku dooran doona madaxdooda, Hay’adihii Dowladdana Gacanta Shacabka ayaan kusoo celinay oo Dowladdu u metelayso” Halkan ka daawo muuqaalka
Dhex-dhexaadin meel wanaagsan maraysa,ayaa socota. Mida koobaad,waxaa wada Islaan Bashiir oo labada dhinac la xiriiray kana afqaaday ayna ubadan tahay in uu beri usafri Bosaso si uu ula kulmo Boqorka iyo Wiilasha. Mida labaad,waxaa wada Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin uu hogaaminayo Jurille,waxayna xiriir la sameeyeen Labada dhinac oo ka afqaadeen. Mida Sadexaad waxaa wada Ganacsato reer Mudug ah,kuwaasoo Bosaso kula soo kulmay Wiilasha Ilmo Diyaano,haatana Garowe yimid oo Madaxweynaha la kulmaya. Dhamaan dadaaladaasi waxay ka siman yihiin in Wareegtada Madaxweynuhu ku hirgasho si nabad ah. Wiilashu waxba ma diidana,waana ogol yihiin xil wareejin balse waxay qabaan dood mudan in loo hakado.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo maanta ku tegay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Burtinle. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu shacabka Somaliyed iyo Beesha Caalaamkaba u caddaynayaa in aysan qayb ka ahayn Doorashada.
“Waxaa inta kal-fadhigu furan yahay loo yeerayaa Taliyaasha Ciidamada si aynu ugala hadalno arinta Xasaanada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
BUURTINLE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa kormeeray wadada Jalam ilaa Xarfo oo dhismeheedu si wanaagsan u socdo. Madaxweynaha oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha Dowladda ayaa si qoto dheer u eegay wadada oo dhowaan dhismeheedu soo gaba-gaboobi doono, isagoona warbixino ka dhegaystey Injineerada gacanta ku haya. Mas’uuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dhismaha wadada ayaa madaxweynaha iyo waftigiisa u sheegay inay bilaabeen qaybo kale oo laami loo diyaarinayo waxaana ay balan qaadeen inay wadadan ay noqon doonto laami muddo la intifaacsan doono. Baahintii Xafiiska Wacyigelinta iyo WarfaafintaWasaaradda MaaliyaddaDowladda Puntland
Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe : 30 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa, oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.
Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaada maanta ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal. Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.”Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC,” ayuu ku yiri…
Lionel Messi,ayaa ku guuleystay Abaal marinta Xidiga ugu wanaagsan ee Adduunka sanadka 2021. Messi markii 7aad,ayuu caawa abaal marintaan ku guuleysanaya waayihiisa ciyaareed, waana ciyaariyahanka ugu badan ee ku guuleysta abaal marintan.
Qarax,ayaa goor dhawayd ka dhacay goob u dhow Dugsiga Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood halkaas oo ay ka dhawaayeen Ciidanka Booliska Somaliland. Ma jiro wax khasaare ah oo qaraxaas ka dhashay,iyadoo ay Ciidanku ku hawlan yihiin baaris ku aadan sababta qaraxan keentay.
Wasiirka Dekedaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo si wadda jir ah u dhagax dhigay in kabadan 6 Wasaaradood xafiisyadooda ay ka furan doonaan Dekeda Garacad ee degmada Jariiban Gobolka Mudug. Xarumaha la dhagax dhigay waxaa kamid ah Taliska Canshuuraha,Xanaanada Xoolaha,Bankga Dowlada, Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan. Madaxweyneyaasha Puntland,…
Saraakiisha dalka Uganda ayaa beeniyay warar sheegayay in Shiinahu uu la wareegayo garoonka caalamiga ah ee diyaarahada oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha ee ay dowladda, hadii ay ku guul dareysato fulinta heshiiska deynt uu Shiinuhu siiyay Uganda. Safiirka Shiinaha ee Uganda ayaa sidoo kale hadalladaas beeniyay. Halkan ka daawo muuqaalka
Buurmadow oo ka hadlayay Xaflad lagu soo dhawaynayay Magaalada Muqdisho,ayaa yiri sidatan mar uu ka hadlayay Beesha Direed iyo hankeeda. Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane. “Marka layiraahdo oo idinka Dir…
Garowe: 29 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Mahad Cabdi Faarax iyo Ibraahim Axmed Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa saraakiisha Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug,ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Baarista Gobolka Mudug iyo Taliye Xigeenka Baarista Gobolka. Halkan ka akhriso wareegtada
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka. Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga.
Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa raalligelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay “khalad uu jeebkiisa sameeyay” oo ka dhacay bartiisa Twitter-ka. Hadalka wasiirka ayaa daba socday hadal heyn baraha bulshada qabsatay oo ku saabsaneyd inuu wasiirku Twitter-kiisa ku sii faafiyay qof qoraal ku weeraray dowladda Turkiga. Hase yeeshee Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in “telefoonka oo jeebkiisa ku jira uu dhacay fal celiskaas”, isaguna uusan waxba ka ogeyn. Waxa uuna eedeeyay dadka sii faafiyay arrintan. “Waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah bogagga baraha bulshada lagu siyaasadeeyo faainta uu jeebkeyga ku sameeyay twitter, jahwareer kasta oo…
Faransiiska ayaa billaabaya inuu dib uga soo celiyo qaar ka mid ah muwaadiniintiisa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kadib markii uu u kiraystay diyaarad gaar ah oo magaalada Paris ku soo celisa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda. Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku boorriyay dhammaan muwaadiniintiisa inay isaga baxaan Itoobiya si aan daah laheyn, maadaama colaadda dalkaas ay sii kordhayso. “Wasaaradda arrimaha Yurub iyo dibadda waxay go’aansatay inay kireysato duullimaad khaas ah, si loo fududeeyo dhoofka dadka waddankeenna ah,” ayaa lagu yiri ilo-wareedkan. Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu markiiba jawaab kama bixin codsi ay wakaaladda wararka ee Reuters u dirtay…
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-gudoomiyey shir wasiireedka maamul baahinta Puntland oo ay isugu yimaadeen xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland iyo Wasiiro ka socday wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruuca.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hada tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in…
Somaliland oo beenisay warkii been abuurka ahaa ee Mustafe iyo Abiye sheegeen ee ahaa in Somaliland ku taageersan tahay dagaalka Tigreega. Saxaafada Dowlada Itoobiya,ayaa warkaas been abuurkaa qortay laakiin Somaliland,ayaa ka daba timid oo iska fogaysay. Hada ka hor Mustafe waxuu duubay war Taleefoon oo uu kula sheekaystay Muuse Biixi. Markana waa kii labaad oo uu Muuse iyo Maamulkiisaba khatif ku ah oo Mustafe sabab uyahay. Jibril Qoobey.
“Report said 92% but I heard the final Amhara settlement was destroyed yesterday. At least 300 Ethiopian soldiers and militia were killed” Sudan waxay soo ceshatay Alfaqasha boqolkii 92%. Ciidamada Sudan,ayaa dharbaaxday Ciidankii itoobiyaanka iyo Maleeshiyaadkii Amxaarada,iyadoo ka dishay ilaa 300. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay xuduuda Sudan gudaha ay ugaleen Ciidamada Eretereya,Kuwa Abiy iyo Maleeshiyaadka Amxaarada. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Gaas waxaa la oran karaa ku saxan yahay Sadexda Qodob uu taabtay ee kala ah.. 1.Eeda faashilka Doorashada in uu leeyahay Rooble. 2.Midowga Musharaxiintu in ay dhinac isku raacaan oo Doorashada ayidaan ama diidaan. 3.In la hakiyo Doorashada mudo Bil ah si wax loo saxo Dadka Abaartu saamaysana loogu gurmado. Halkan ka daawo muuqaalka
Reer Buntilaanow Isku tashateene Isu tanaasula! Dhismaha Dekedda Garacad waxay dadka ku nool Puntiland iyo Somalia inteeda kaleba xasuusinaysaa in dawladnimada dhabta ah ay ku jirto gacanta dadweynaha. Iyaga ayaa milkiilaha runtaa ka ah mustaqbalkooda iyo midka Dalkaba. Afar sano oo uu Farmaajo joogay wax muuqda oo mashruuc dawladeed lagu sheegi karo dadka uma uusan hirgelin. Xitaa meelaha uu taageerada ugu xooggan ku lahaa dhaxal nacfi leh uga ma uusan tegin. Sidiisaba Farmaajo uma imaan inuu horumar bulsho maalgeliyo, waayo kartidaasna ma uusan lahayn, kalsamaan uu howshaas ku qabtana ma lahayn. Keliya wuxuu u yimid fulinta wixii uu khibradda u…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken,ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaalada Itoobiya,wuxuuna ku baaqay in wada xaajood deg-deg ah laga yeesho xiisadda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug,ayaa Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga,sidoo kalena lagula dagaalamayo mukhaadaraadka khamriga ayaa ka wada magaalada Gaalkacyo Hawlagalada ayaa waxaa si wadajira u fulinaya ciidamadii horay u joogay magaalada iyo ciidamo cusub oo dhowaan tababar logu sooxiray xiray xereda Xorgoble.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida 5-ta Gobol iyo danbiyadda culus ee Dowladda Puntland xarunteeda Magaaladda Bosaso,ayaa xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan ciidamada puntland kuwaas oo danbiyo u gaystay dad shacab ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dawladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa khudbad ka jeediyaya xaflada xilwarejinta Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo ka dhacaday magaaladda garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Diyaarad siday Maxaabiis 20-qof oo shacab Tigree ah,ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wilwaal Jig-jiga Goob joogayaal ku sugan garoonka,ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in diyaarada ay ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, halkaasi oo maamulka Abiy uu ka sameeyay Xabsiyo lagu ciqaabo Shacabka caadiga ah ee Tigreega. Magaalada Jigjiga,waxaa ku xiran boqolaal Qof oo shacabka caadiga ah ee kasoo jeeda Qowmiyadda Tigreega. Jibril Qoobey.
MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY MUNAASABAD AY XILKA KULA KALA WAREEGEEN TALIYAHA CUSUB IYO TALIYIHII HORE CIIDANKA ASLUUBTA PUNTLAND. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa Magaalada Jig-Jiga ee Caasimada Deegaanka Somalida lagu xiray 3-Xubin oo Gole Dhexe & Gudiga Fulints ONLF ka mid ah,kuwaasoo kala ah.. 1.Xuseyn Cumar Carafaad 2.Shiikh Naadir 3 .Yusra Axmed
Tigreega,ayaa markale soo bandhigay Ciidamo sida ay sheegeen ay ku qabteen dagaaladii ugu danbeeyay ee dhexmar iyaga iyo Dowlada Abiy. Dagaalo cul-culus,ayaa ka socda Laba jiho oo Gudaha Deegaanka Canfarta ah,sida wararka laga helayo Deegaamadaas ay sheegayaan. Jihooyinka dagaaladu ka socdaan,ayaa kala ah Metehara oo aad ugu dhaw wabiga Hawasha iyo Mille goob udhow oo duleedkeeda ah.
Maxamed Cali Xassan,ayaa ku guuleystey kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 103 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari. Maxamed Cali Xassan,ayaa heley Codad dhan 78-halka musharaxii la tartamayey uu heley Codad dhan 18. Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen. Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali,ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari,taasoo gaartay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo shalay ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, walow Koonfur Galbeed ay…
Nooca cusub ee xanuunka ee COVID-19 ayaa si xowli ah ugu faafaya qaaradda Yurub, maalmo kadib markii saynisyahanno u dhashay waddanka South Africa ay halistiisa soo bandhigeen, wuxuuna walaac ku abuuray dowlado badan oo dunida ah. Boqortooyada Ingiriiska ayaa Sabtidii adkeysay shuruucda kahortagga xanuunkan, iyada oo tijaabo caafimaad ka qaadi doonta dadka soogalaya xudduudaheeda, kaddib markii UK laga helay laba kiis. Kiisaska cusub ayaa sidoo kale Sabtidii laga xaqiijiyay Jarmalka iyo Talyaaniga, iyada oo Belgium, Israel iyo Hong Kong ay sidoo kale ay xaqiijiyeen in xanuunka cusub laga helay dadka safarka ah. Gudaha Mareykanka, Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka…
Waxaan ugu hambalyeeynaya Shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee bilowga ah oo aynu ka gaarnay dhismaha Dekadda Garacad, oo maanta uu kusoo xirtay markabkii ugu horeeyay. Mashruuca oo ah kii koowaad ee noociisa dalka ka qabsoomay burburkii ka dib, wuxuu ku dhismay isku tashi dadka reer Puntland ay ku Dhiiradeen Dowladd iyo Shacaba, markii la dhaqaajiyayna kasbaday dadka kale ee Soomaaliyeedna in ay ka qeyb qaataan. Waa qorshe soo socday oo Dowladdii naga horeysay bilowday anana aan halkii kasii wadnay, ka dhabeynay oo u dhabar-adeygnay marxaladkasta aanna rajeynayno inuu dhameystirmo mustaqbalka, waana uga mahadcelinaya cidkasta oo…
Garoowe: 28 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Hoyga ciidamada Asluubta Puntland ee xaasleyda ah. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Cadaaladda, Saraakiisha Ciidamada Asluubta iyo Booliska Puntland iyo martisharaf kale.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashooyinka dadban,ayaa sheegay in ay qabteen dacwad laga keenay kursiga Hop67 oo dhowaan loo doortay Yaasiin Fareey.
Deked Umada Somaliyed iyo tan Bariga Afrika leedahay oo ku taal Garacad,ayaa Maanta shaqo gashay. Waa dadaal iyo juhdi Dad Somaliyed sameeyeen oo mudan in la bogaadiyo. Sida ay ii xaqiijiyeen Maamulka Hantida lagu maalgeliyay Dekeda,waxaa leh guud ahaan Umadda Somaliyed ee Bariga Afrika. Garacad waa Deked hoostagta Maamulka Dowlada Puntland iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya. Waa mid ka mid ah Dekedaha Somaliyed ee Dowladnimada kaabaya. Garacad wax ka dhoofso kalana soo deg,adigoon Qofna Marti uga ahayn.
Dadaal fiican oo bilow ah,waxaa sameeyay Ganacsato iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud. Dadaalkooda waxay ka bilaabeen Talyaha Ciidamada Yaasiin Cumar,kaasoo ay ka af qaateen in uusan wax weerar ah samaynayn. Kadib waxay tageen Xerada PSF oo ay kula kulmeen Ilmo Diyaano. Wada xaajood xoogaa qaatay waxay Ilmo Diyaano uxaqiijiyeen in ay diyaar uyihiin wada hadal. Ganacsatadii iyo Waxgaradkii hada waxay diyaarinayaan Gudi balaaran oo Beesha Cumar Maxamuud ah oo Madaxweynaha utaga. Hadaba waa muhiim in Ragaas la xoojiyo,gaar ahaan Islaan Bashiir doorkiisa qaato oo hogaamiyo Gudiga Madaxweynaha hor fariisanaya. Maanta Beesha uu doorkeedu furan yahay Dhaqan iyo Siyaasiba…
Halkan ka daawo muuqaalka
Sudan Milatariga Sudan,ayaa iska caabiyay weerar cusub oo ay Ciidamada Ethiopia oo ay taageerayaan maleeshiyada Amxaara ku qaadeen meel u dhow deegaanka Malakawa, oo 17-km u jirta xuduudka Sudan. Warbaahinta Sudan,ayaa sheegtay in dagaalka uu socday dhowr saacadood. Ugu yaraan hal askari oo Sudan ah,ayaa lagu soo waramayaa inuu dhintay, qaar kalena waa lagu dhaawacay.
Xaalada amaan ee dalka Itoobiya ayaa sii xumaanaysa. Safaaradda Maraykanku waxay ku boorinaysaa Muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Itoobiya in ay hadda ka baxaan,iyagoo isticmaalaya duulimaadyada Ganacsi.
Fariintayda Asad iyo Maxamuud iyo guud ahaan Qoyska” Urur Ciidan ah hogaamintiis haku badalinina hogaaminta Afar Milyan oo reer Puntland ah. Uma layn maayo fursada aad haystaan ee ku aadan hogaaminta Puntland cid haysataa in ay jirto. Doorashadii Madaxweyne Deni lagu doortay,waxaad noqotay Asadoow Ninkii sigay oo Afar Cod looga guulaystay. Xisbiyada markii loo dhaqaaqayna,waxaad gaarteen in Ururkiinu kii Dowlada ka awood bato. Dhanka sumcada iyo rabitaanka Umadda kor baad ukacdeen. Maanta haluminina fursadahaas iyo sharaftaas oo aqbala nidaamka Dowladnimo. Xataa hadii aad ku guulaysataan ka hor imaadka Wareegtada Madaxweynaha,waxaad lumiseen kalsoonidii Bulshada cid wax danbe idin dhiibanaysaana majirto. Waa…
“Beerla xawsi iyo Hadal jilicsan meeshan ma yaal,Wareegtada Madaxweynuhu waa socodsiin,laysama baryayo,xilkuna waa wareejin”Ayuu yiri Gallan. Sida xogta ugu danbaysay igu soo gaaraysana Dowladu waa Diyaar garowday,awood in ay kusocod siiso Dogreetada Madaxweynaha ayay go’aansatay. Ugu yaraan 2000 oo Askari,ayaa heegan u ah in ay fuliyaan hawlgalka. Majirto cid waan-waan wada xiligan dhan walba. Ilmo Diyaano waxay dhankooda ku adkaysteen diidmadii wareegtada.
Golaha Midowga Murashaxiinta marna ma aqbalayo doorashooyinka boobka ah. Kulamada wadatashi ee dhexdiisa ah iyo kuwa uu la yeelanayo RW iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa diirada lagu saarayaa waddo kasta oo lagu xaqiijinayo doorasho daahfuran iyo badbaadinta masiirka dalka iyo Dowladnimada. Halkan ka akhriso:-
Boosaaso, 27, November, 2021: Agaasime Ku-xigeenka Cusub ee Ciidamada Badda iyo Bariga Puntland ee PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar ayaa xilka kala wareegay Agaasime Ku-xigeenkii hore ee Ciidamada PMPF Axmed Yuusuf Axmed. Munaasibadda Xilwareejinta ayaa ka qabsoontay Taliska Guud ee Ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si weyn uga walaacsan sara u kaca iska horimaadyada militari ee Itoobiya, wuxuuna ku baaqay in wadaxaajood degdeg ah laga yeesho xiisadda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka. “Xoghaye Blinken wuxuu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee muujinaya kororka militariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price Jimcihii shalay. Price, ayaa hadalkan soo saaray ka dib markii…