Author: Jibril Qoobey.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan,ayaa loo doortay inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Guddoomiyaha ayaa u tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP182, isagoo helay codad gaaraya 88 Cod, ka dib doorasho goor_dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Read More

Villa Soomaaliya oo loo magacaabay Agaasime Burco kasoo jeeda. Prof Maxamed Cabdullahi Ciise oo Madaxweyne Farmaajo goordhoweyd u magacaabay Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya ayaa kasoo jeeda Magaalada Burco – ISAAQ – Habar-Yoonis Reer Xuseyn. Dr. Mohamed Dheere, waa aqoonyahan Cilmiga Maadi iyo Diini ba aad u dhisan, wuxuuna noqonayaa 30, sanno masuulkii u horeeyey ee reer Somaliland ah oo loo magcaabo Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya.

Read More

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur GalbeedOg: Guddiga Xalinta KhilaafaadkaOg: Madaxda Maamul GoboleedyadaOg: Raysalwasaaraha – JFSUjeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103) Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo. Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu…

Read More

Waxaa Xabsiga loo taxaabay Maayarkii Magaalada Debrabirhan ee Amaxaarada. Shalayna,waxaa laxiray Talyihii Liyuga Amxaarada ee Magaaladaas iyo Talyihii Police-ka. Waxaa la isku hayaa,waa in aan Magaalada gudaheeda lagu dagaalamin iyo Dowlada oo amar ku bixisay in lagu dagaalamo magaalada dhexdeeda dhufaysyana laga qodo. Madaxdan la xiray,ayaa ka biyo diiday in Magaalada dhexdeeda lagu dagaalamo.

Read More

Bilowgii u horeeyay Hay’adda PSF waxaa la asaasay dabayaaqadii sanadkii 2002,waxaana magaceeda la oran jiray PIS,waxaana maamulkii 1aad Hay’adda Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu u magacaabay Maxamed Aadan Bidaar oo ahaa sarkaal kasoo jeeda Gobolka Mudug. Labo sano kadib #AUN Cabdulaahi Yuusuf OO loo doortay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya wuxuu u wareegay Koonfurta Soomaaliya,waxaana ka dambeysay muddo lix bilood ah oo uu hogaaminayay PUNTLAND AUN Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi,horaantii 2005-tii waxaa bedelay oo doorasho ku yimid Alle ha u naxariisto General Cade Muuse Xirsi,waxaana maamulkii hay’adda PIS si toos ah ula wareegay sarkaal waqtigaas sumcad ku lahaa…

Read More

Muqdishu – Saaxiibada caalamku* waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah. Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada…

Read More

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan, ayaa Boosaaso ka sheegay in ay ka go’an tahay dhaqan-gelinta wareegtada madaxwayne Deni isbedelka ugu sameeyay agaasinka hay’adda Puntland Security Force, isaga hogaankii hore ku booriyey… “in aysan qaadin dhalinyaranimo”. Ciidanka,ayuu ku tartarsiiyey in ay ka amar-qaataan taliyaha cusub, in ay ku nagaadaan xeryahooda iyo ilaalinta hantida hay’adda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Degmadda Jiriban iyo Deegaanada hoostaga,ayaa Roobsaday. Roobka,ayaa umuuqda in uu kusoo fidayo dhinaca dhulwaynaha Birriga. Sida Mapkan ka muuqata inta cagaaran ee hurdiga yarka ku jiro oo dhan roobaab,ayaa ku jira ama hadda ayuu bilaabanaya Eyl ilaa Muqdisho. Sidoo kale Nudug,ayuu roobka ku fidaya galabta gaar ahaan Deeganada Buubi,Seemade, ilaa.Balli-buste

Read More

Rabbi ayaa ku mahadsan roobab ayaa ka curtay meelo badan oo soomaalidu degto sida: Gardafuu, Xaafuun, Hurdiye, laga soo bilaabo Dul, Haluule, Noobir oo dhan, Hulal , Sarrifka Isku shuban iyo Qandala u dhexeeya, Boosaaso iyo meelo kale. Eyl, Dhanaan, Gaalo ood, Jiifle, Dhinawda, Godobjiiiraan, Godob Cadduun, Dhiganle, Ceel Xagar, Garacad, Jirriiban iyo meelo kale. Burco, Gallaadi, Xamar ilaa Baraawe iyo meelo kale oo lasoo sheegayo. Fuad Aflow

Read More

Garoowe: 25 November 2021:Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Aqoonyahanka Reer Puntland ee wax kusoo bartay dalka Uganda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Guddoomiyaha Degmada Garowe iyo Saraakiil kale oo Dowladda Puntland ka tirsan oo ka mid ah dadka wax kusoo bartay Uganda, waxaa isna munaasabadda ka qeybgalay Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiwali oo caan ka ah dalka Uganda booqashona ku jooga Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madax ka tirsan World Bank oo ka yimi magaalooyinka Washington iyo Nairobi,ayaa soo gaaray Garowe. Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku qaabilay Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo Mas’uuliyiin kale. Kulan ay wada yesheen ayaa looga hadlay mashaariicda Banggiga adduunku ka wado Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ethiopia’s government has ordered four of Ireland’s six diplomats serving at its embassy in Addis Ababa to leave the country by next week. However, Ireland’s ambassador and one other diplomat were told they could stay. “I deeply regret this decision by the government of Ethiopia,” Foreign Minister Simon Coveney said, adding that he hoped the move was temporary. Ireland was a signatory to a November 5 United Nations Security Council statement that called for a ceasefire over the escalation of the Tigray conflict in the country’s north.

Read More

Midowga Musharaxiinta waxa uu sameyn doono kulamo joogto ah oo maalmaha soo socda dhaca, oo uga tashanayno samata-bixinta bulshada Soomaaliya ee hanaanka boobka iyo burburinta looga samatabixinayo.”Ayuu yiri Daahir.M.Geelle. Waxa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ciidanka, maadama uu Golaha isla qaatay in laga horyimaado hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Abiy Axmed waxa uu si shaqsi ah u hogaaminayaa Ciidamada Militariga ee ka socda jiidda hore ilaa talaadadii ka dib markii ay sii kordheen dagaalada u dhaxeeya dowladiisa iyo Ciidamada Tigreega. “Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA. Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka. Dhinaca kale,waxaa sii badanaya baaqyada Nabada ee ka imaanaya Caalamka. Madaxweynayaasha Kenya iyo Koonfur Afrika iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,ayaa ku celceliyey baaqyo…

Read More

Hey’adda Heritage ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho,ayaa warbixin ay soo saartay oo ku saabsan dhinaca doorashooyinka ku sheegtay in sida wax u socdaan ay cadaaladda ka fogtahay. “Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaareen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta,” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage. Halkan ka akhriso Warbixinta Heritage:- Inkasta oo ay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya yihiin kuwo ka fog caddaaladda iyo xornimada, haddana labaatankii sano ee la…

Read More

Waxaa maanta la doortay Yaasin Cabdullaahi Farey oo hadda ah ku-simaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, halka ninka la tartamayay Maxaamuud Cali Culusoow uu isna helay 20 cod, halka 3 cod ay halaabeen. Yaasiin Fareey ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horreeyay ee ciidanka dowladda ka tirsan oo jago sare haya oo loo soo doorto Xildhibaan. Doorashadiisu waxay imaanaysaa,iyadoo Musharaxiintii kale kuwoodii ugu cadcadaa sheegeen in uu jiro Musuq baahsan,isla markaana Xeerarka Doorashada ay ka mid yihiin Qodobo oranaya (Waa in 3-todobaad ka hor xiliga isdiiwaangelinta uu iska casilaa Musharaxii xil Ciidan haya) Sidoo kale,waxaa…

Read More

Garoowe: 25 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay ario ay ugu waa weynaayeen… 1. Amniga 2.Heerka Covid-19 ee Puntland 3. Warbixinta Gobollada Puntland. 4.Guud ahaan xaaladda Somaliya.

Read More

Garoowe: 25 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 46 ee November 25, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska DowladdaPuntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka CaynWaxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka CaynXeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA…

Read More

Jawaari oo laga hor istaagay isa sharixidii Kursigiisii Baarlamaanka,ayaa goor dhawatd kasoo huleelay Baydhabo. Jawaari waa Oday soo shaqeeyay,ahna Khabiir Maamul oo Dowladnimadu ubaahan tahay. Waa mid ka mid ah qorshayaasha qaribida hanaanka Doorashada ee Fahad wado. Marka uu soo gaaro Xamar,ayuu qaban doona Shir jaraa’id.

Read More

Olimbikada Ethiopian Haile Gebrselassie iyo Feyisa Lilesa,ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Tigraay & Oromo. Ku dhawaaqistooda,ayaa timid kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in uu safka hore aadi doono si uu dagaalka u hogaamiyo. Ciidamada Tigreega,ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin caasimadda Addis Ababa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Read More

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay amar ku bixisay in si deg deg ah loo daad gureeyo xubnaha qoyska ee shaqaalaha caalamiga ah. Sidoo kale Faransiiska,ayaa noqday dowladdii ugu dambeysay ee reer galbeed ah oo muwaadiniinteeda u sheegta inay ka baxaan Itoobiya. Qeylo-dhaan caalami ah,ayaa ka soo baxeysa dagaalka sii xoogeysanaya ee ka socda dalka Itoobiya. Ciidamada Tigraay,ayaa ku sii siqaya caasimadda Addis Ababa. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddiga doorashada Liibiya ayaa Arbacadii sheegay in Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore, isla markaana ahaa musharrax miisaan leh ee doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dhacdo bisha December, aanu u tartami karin doorashada. Diidmada guddiga doorashada ayaa sii kordhinaysa qalalaasaha ku xeeran codbixintan. Qadaafi waxa uu ka mid ahaa 25 musharrax oo guddiga doorashada ay go’aan hordhac ah ku kala reebeen ilaa inta laga gaarayo hannaanka racfaanka ee garsoorka dalkaasi uu go’aan uga gaarayo, waxaana doorashadan markii hore isku diiwaangaliyay 98 musharrax. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Qadaafi uu lumiyay xaqa ka qeybgalka doorashada, maadaama…

Read More

Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal ah oo ka soo baxay xerada Janaraal Gordon. Booliska Somaliya,ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaaro nooc SURF ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Booliska Soomaaliya,ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaaro nooc SURF ah oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa. AlShabaab,ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay kordhisay qaraxyada iyo weerarrada ismiidaaminta ah ee ay ku beegsanayaan Muqdisho, xilka dalka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.

Read More

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyooday 17 kalena waa ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay inta u dhexeysa isgooyska Tarabuunka iyo dugsiga sare ee Benaadir ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen hey’adaha ammaanku. Booliska ayaa sheegay in qaraxan loo adeegsaday gaariin noociisu ahaa Surf, kaas oo lala beegsaday gawaari ay leedahay shirkadda Duguf Security oo waardiyeyneysay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. Qaramad Midoobay weli kama hadlin qaraxan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaartay shaqaalaheeda. Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay ardayda dugsiga Mocaasir iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay. Kooxda…

Read More

Ilaa iyo inta la ogyahay 33 muhaajiriin ah oo doonayay inay u soo gudbaan Britain,ayaa ku dhintay xeebta u dhaxaysa Faransiiska iyo England, kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay waqooyiga xeebta magaalada Calais sidda ay booliiska Faransiisku xaqiijiyeen. Ururka Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xeebtaasi tan iyo intii ay billaabeen ururinta xogta dadka ku nafwaayay biyahaas sannadkii 2014kii.

Read More

Qarax aad u xooggan,ayaa goor dhow ka dhacay Muqdisho gaar ahaan waddada Cabdiqaasim meel ku dhow Isbitaalka Fiqi. Wararka ayaa sheegaya in lala eegtay askar halkaas mareysay oo dad aan la hadlay ay iigu sheegeen in ay umaleynayaan AMISOM “Si dhab ah looma xaqiijin, sidoo kale rasmi looma oga nooca uu qaraxu yahay. Dadka aan la hadlay waxay ii sheegeen in uu jiro bur bur uu qaraxu geystay. Askartii lala beegsaday ayaa weli goobta taagan. Dadkii aan la hadlay waxay sheegayaan in ay u maleynayaan in uu jiro khasaare. Jidka uu qaraxu ka dhacay ayaa isku xira KM4 iyo Tarabuunka.…

Read More

Wasiirka UK ee Afrika ayaa ku dhiirigalisay muwaadiniinta British-ka ah ee ku sugan Itoobiya in ay ka baxaan. Wasiirka,ayaa sheegtay in awoodda bixitaanku ay noqon karto mid xaddidan maalmaha soo socda. “Xaaladda Itoobiya way sii xumaanaysaa, fursadaha u furan muwaadiniinta British-ka ah ee isku dayaya inay dalka ka baxaan waxay noqon kartaa mid aad u xaddidan maalmaha soo socda.” Muwaadiniinta Ingiriiska waa inay hadda baxaan inta duulimaadyo ganacsi diyaar yihiin. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Aadan Maxamed Xasan,ayaa Magaciisa afagarashadu ahaa Shaafici,kana mid ahaa 58-Maxbuus oo toogasho ku xukunaa,balse Weerarkii Xabsiga Bosaso ku baxsaday. Aadan Bosaso,waxuu ku dilay Dad ku dhow Labaatan oo isugu jira Saraakiil,Ganacsato, iyo Isimo,ayaa 9-kii May 2020 Ciidamada PSF ku qabteen Bosaso,isaga iyo Saaxiibkiis oo markaas Qarax sida,waxaana ku dhintay hawlgalkii lagu qabanayay Aadan Sxb-kiis,halka isaguna ku dhaawacmay. Aadan waxuu ahaa Nin Taxi ku gabada oo dhawrkii Biloodba iska badala Baabuurka. Markii la qabtay oo uu Ciidamada uwaramay,waxuu sheegay in uu Daacish ka tirsan yahay,isla markaana uu degan yahay Guriga Axmed Yuusuf oo uu Wakiil uga ahaa Walaalkii Liibaan Dheere. Aadan,waxuu…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYE XIGEENNADA QEYBAHA BOOLISKA EE GOBOLLADA NUGAAL IYO BARI. Garoowe: 24 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska DowladdaPuntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka NugaalWaxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA HAY’ADDA PSF EE CIIDANKA DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe: 24 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Doorashada Aqalka Hoose oo ku bilaabatay si aan waafaqsaneyn Xeerarkii iyo heshiisyadii laysku ogaa.. Heshiiskii Doorashada ee 17 September 2020.Guddiga Doorashooyinka oo si bareer ah u ogolaaday in laga leexdo habraacyadii xulista Ergada, doorka dhaqanka iyo nidaamkii tartamayaasha oo si cad loogu xusay in qof shaqaale ama ciidan ah uusan tartami karin. Waxaa cadaatay in RW Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii iyo hogaankii Doorashooyinka toosna ula shaqeynayo Farmaajo iyo Olalihiisa. Waxaa sidoo kale muuqata in Qoor Qoor iyo Laftagareen cabsi ka qabaan qofkale oo Madaxweyne noqda,sidaas Awgeed ay Farmaajo u afduuban yihiin. Waxaa muuqata in Senator Cabdi Xaashi wiilkiisa iyo…

Read More

Madaxweyne qayb haka noqon Doorasho xaaraan ah. Waa dhab in aad heli karto 100-ka Xildhibaan ee PL iyo JL. Waa dhab in aad heli karto Dhaqaale kugu filan oo aad hankaaga ku tijaabiso. Waa dhab in waxgaradka Puntland iyo Jubaland u arkaan hankaagu wax mudan in la garabgalo. Balse kufsiga iyo burburinta Dowladnimada Somaliya qayb kama noqon karno. Ergay Afduuban Xildhibaan uu doortay ma aqoonsan karno. Ergo lagu badalay Askar Qof ay codsiiyeen Xildhibaan uma aqoonsan karno. Beel Kursi ay lahayd Ergo looga dhigay Beel kale Dadkeed Qof ay codsiiyeen Xildhibaan ma noqon karo. Qoor-qoor iyo Laftagareen oo gacan ku…

Read More

Getachew Reda,oo ka hadlay go’aankii maamulka Itoobiya shaaciyeen ee ahaa inay hoggaamintu dagaalka gali doonto ayaa ku tilmaamay riwaayad dadka lagu kicinayo. “Haddii hoggaaminta xukuumada Abiye Ahmed ay ka dhabeeyan oo ay furimaha dagaalka yimaadan,waxaa noo fududaan doonta shaqadii ahayd inaan ka tallaabo qaadno oo aan sharciga la tiigsano.”; ayuu yidhi Getachew Reda oo ka hadlayay go’aankii Dowladda dhexe kasoo baxay. Voss tv.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta kormeeray Buundooyinka deegaanka Qayaadsame ee Gobolka Karkaar, oo dayactir iyo dhisme ay Dowladdu ku wado. Madaxwweyne Deni ayaa ahmiyad gaar ah siiyey dayactirka dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeyso wadada weyn ee isku xirta Gobollada Puntland, kharashka lagu dhisayo wadooyinka waa cashuurtii laga qaaday dadweynaha oo Dowladdu dalka dib ugu celisay. waxaana fulinaya shaqada socota shirkadaha dhismaha ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Axmed Yuusuf,waxuu la dhashay Gudoomiyaha Gobolka Bari Abwaan oo hada Seneter noqday Iyo Ganacsade Liibaan Dheere. Axmed waa Ganacsade weyn oo leh Dhaqaalaha Liibaan Dheere ku shaqeeyo. Axmed,isagoo ka faa’idaysanaya fursadaas Ganacsi,waxuu xiriiriye dhaqaalaha iyo Saadka ah unoqday Kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo ilo Maalgeliya. Lacagtii iyo Saadkii ugu badnaa,ayuu ugudbiyay Daacish,isaga iyo Sxb-kiis oo hada gacanta Dowlada Imaaraadka ku jira. Axmed waxuu galaaftay Dhalinyaro kale oo Walaalihii iyo ehelkiis ah,kuwaasoo laga soo masaafuriyay Imaaraadka,kadib markuu soo marsiiyay Lacagtaas. Axmed oo ka baxsaday Dalka Imaaraadka oo markaas fariisin u ahaa,ayaa hada magac kale ku jooga Cumaan. Cabdulqaadir Tuube maamulaha…

Read More

Agaasimaha Ciidamada PSF ayay ubadan tahay in xilka laga qaado dhawaan. Maxamuud Cismaan Diyaano,ayaa lagu badalayaa Aamiin Xaaji Khayr,sida wararku sheegayaan. Hogaanka PSF,ayaa lagu eedeeyay arimo waa weyn oo ay ka mid yihiin… 1.Agaasime Maxamud oo siyaasada ku millmay. 2.Aminiga sugidiisii oo hogaanku siyaasadeeyey. 3.Ladagaalanka argigixsada oo hogaanku sidii la rabay ugu soo bixi waayay. 4.Dhaqaale urursi xoog leh oo hogaanku usoo jeestey,waxayna Qoys ahaan samaysteen Shirkado Ganacsi iyo Guryo fara badan. 5.Fahad oo ay musuul uga noqday hogaanku soo saarista Xildhibaanada Faderaalka ee kasoo baxaya Puntland. 6.Lacag walba oo ka timaada Xamar oo hogaanka PSF soo maraysa. Kalabayr ilaa…

Read More

Ra’iisul Wsaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah oo ka dhalatay abaaraha dalka ku sii baahaya, ka dib marki uu guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddiga maamulka Doorashada dowlad goboleedka koonfur Galbeed,ayaa ku howlan diiwaan musharixiinta u tartamaya kuraasta Gollaha Shacabka ee deegaan doorashoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya . Gudoomiyaha Guddiga maamulka Doorashada dowlad goboleedka KG mudane Yuusuf Cabdiqadir ayaa gudoonsiiyay shahadada musharaxnimada kadib markii ay Soo buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada.

Read More

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta daahfurtay qandaraaska dhismaha buundada isbitaalka Garowe, iyadoo la kala saaridoona shirkaddaha kala duwan ee soo codsaday qandaraaska dhismaha. Guddi gaar ah oo ay dowladda hoose u saartay howshaan ayaa billaabi doona in ay qiimayn ku sameeyaan dokumentiyada ay soo gudbiyeen shirkaddaha Waddaniga ah ee codsiga soo gudbiyay. Duqa Garowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in si degdeg ah loo bilaabi doono dhismaha buundada isbitaalka Garowe, oo baahi weyn loo qabo dhismaheeda, muddo dheerna lagu taamayay.

Read More

Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho. Doorashada maanta oo ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ayaa waxaa lagu doortay illaa shan xubnood oo baarlamanka kasoo galaya gobollada waqooyi (Somaliland). Xubnaha la doortay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Maareeyee oo markii labaad lasoo doortay, isaga oo ka guuleystay musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid. Waxaa sidoo dib loo soo doortay xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartameysay. Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyana la doortay kadib markii sida la sheegay loo tanaasulay.…

Read More

SNA iyo NISA:”Ciidamada cabsida iyo Caburinta Soomaalida”. Ciidamada Qalabka sida (Somali National Armay) iyo Ciidanka Nabad-sugidda ( NISA ex NSS) 50-kii sano ee ugu damaysay waxay ahaayeen sharka Dawladnimada, waxyeeladooda ayaana ka badnayd waxtarkooda, waxaana la joogaa xilligii si buuxda loo dul-istaagi lahaa. Gefafkii xusuusta mudnaa ee ciidamadan loo adeegsaday waxaa ka mid ah: Dilkii Madaxweynihii Dalka ee Cabdirashiid Cali Sharma’arke Oct. 15, 1969Afgembigii Dawladdii Rayadka ahayd ee la doortay iyo laaliddii Dastuurkii dalka ee Aftida dadweyne lagu ansixiyey iyo xuquuqihii madaniga ahaa oo dhan ee Oct. 21, 1969Sumayntii iyo dumintii Berkedaha biyaha, qaxintii shacabka, duqayntii iyo burburintii Hargaisa iyo…

Read More

In ka badan 700-Askari,ayuu Madaxweyne Deni Xorgoble ugu soo xiray Tababar Saakay. Ciidamada Booliska,ayaa ka kala yimid Gobolada kala duwan ee Puntland, waxayna mudo tababar ugu xaraysnaayeen Dugsiga Xorgoble iyaga oo qaatey Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin… 1-Baarista Danbiyada2-Soo bandhigidda Xogta Dembiyada3-Ilaalinta iyo caawinta shacabka4-Barshada sharicyada BooliskaIyo casharo kale oo la xiriira Ciidamada.

Read More

Wasiirka iyo Wasiiru ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali iyo Maxamud Cabdi Xassan Pekos,ayaa Maanta waxaa lagu Dhaariyey xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa. Waxaana Munaasabadda Dhaarintooda ka qeybgalay habdhowraha Golaha shacabka BJFS, Xildhibaano, iyo Wasiiro. Wasiiradda cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda,waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux.

Read More

Guddiga Doorashada Galmudug,ayaa Maanta gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno ay sheegeen in ay soo buuxiyeen Shuruudaha musharaxnimada. Xubnaha la siiyay Shahaadada Musharaxnimo,waxaa ku jira Talyaha Kmg ah ee Nisa Yaasiin Farey oo Dacwadi ka taalay Maxkamada Ciidamada. Sidoo kale Shuruudaha Mushaeaxnimo,waxaa ka mid ah in Qofkii haya Masuuliyad Dowladeed uu iska cadilo 3-Todobaad ka hor. inkastoo Shalay uu shaaciyay Xeer-ilaaliyaha Maxkamada sare ee Ciidamada in lagu waayay Nisa in ay ku lug leedahay Dilkii Ikraan Tahliil Faarax. Dhanka kale Kursiga uu utartamayo Yaasiin Farey ee Beesha Wacaysle Abgaal,waxaa cabasho kasoo gudbiyay Musharaxiintii kale ee ku tartamaysay Kursigaas. Su’aasha iswaydiinta mudan,waxay tahay…

Read More

1dii Maajo 2021 oo ah maalintii Madaxweynaha muddo kororsiga laga diiday Maxamed Cabdullahi Farmajo ku dhawaaqay inuu mas’uuliyadda hogaaminta hirgelinta doorashada barlamaanka federaalka, oo shan (5) bilood dhaafsaneyd waqtigii loogu talagalay, ku wareejiyay RW Roble, isla markaana Ciidammada Badbaadada Qaranka ka baxeen Muqdisho, kuna noqdeen xeryahooda;6dii bisha Setember 2021 oo ah maalintii RW Roble soo saaray warqadda xil ka qaadista Agaasimaha Guud ee hay’adda Nabadsugidda (NISA) Fahad Yaasin Xaaji Daahir oo lagu eedeyay inuu ku milmay siyaasadda, isla markaana ka madax adeegay inuu ka keeno warbixin lagu qanci karo masiirka geeri iyo nolol sarkaalad ikram Tahlil Faarax oo ka tirsaneyd…

Read More

Musharixiinta Kursiga Baarlamaanka Aqalka-hoose Beesha Wacaysle ee yaala Dhuusamareeb oo la shaaciyay in Talaadada la dooranayo,ayaa soo saaray Cabasho iyo eedayn. Waxaan la aqbali karin ayay ku tilmaameen mudada labada maalin ah ee loo qabtay in ay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn. Halkaan hoose ka akhriso War Saxaafadeedka ay soo saareen:- 1- Waxaan ogaanay in madaxweynaha 1.Waxaan ogaanay in madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo fulinaaya amarada shaqsiyaadkii dhistay uu damacsanyahay in uu kursiga HOP#67 u boobo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugidda qaranka kaas oo uu riixaayo Fahad…

Read More

Sababta Kiiska Ikraan loosoo da dajiyay in lagu dhawaaqo waa in ay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey oo dilka Gabadhaas Villa Somaliya wakiil uga ahaa hada yihiin Musharaxiin Xildhibaan. Sidoo kalena loo sameeyo Waraaqda Dambi la’aanta ee Musharaxiinta laga rabo,iyadoo Waraaqdaas uu gacantiisa ku qoray Yaasiin farey oo hada ah kusimaha Talyaha Nissa. Maalmaha soo socda waxaa la magacaabayaa Talyaha cusub ee Nissa. Farmaajo,ayaa ku dhaganaa Magacaabista Talyaha Nissa ilaa uu ka hubsanayay Kiiska Ikraan in la Masaxo si musharaxnimada Fahad dambi la’aan looga dhigo. Heshiiska Farmajo iyo Rooble wuxuu u hirgalay siday rabeen indhaha Beesha Hawiye iyo Musharaxiinta iyo…

Read More