Author: Jibril Qoobey.

Ugu horreyn wuxuu wasiir Beyle meesha ka saaray in jaadka ay dad gaar ah soo dhoofsadaan. “Arrinta jaadka oo maalmahan hadal-heynteedu soo xoogeysaneysay oo la leeyahay jaadku cid buu u xidhan yahay, dad badan oo cabanaya ayaan baraha bulshada ka dhageystay. Waxaan doonayaa inaan soo afjaro hadalkaas, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan jaadku cidna u xidhneyn,” ayuu yiri Bayle. Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in labo shuruud lagu xirayo qof walba oo doonaya inuu qaad dalka soo galiyo. “Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad…

Read More

Larry ayaa ku geeriyooday gobolka Los Angeles, waxaana sida ay xaqiijisa shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasayaasheeda uu ku geeriyooday isbitaalka Cedars-Sinai Medical Center. Muddo 60 sano ayuu ku jiray mihnadda saxaafadda, 25 sanoo oo kamid ahna wuxuu u shaqeynayay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku qaban jiray barnaamij loogu magac daray. Intii uu saxaafadda ku jiray, Larry wuxuu wareystay shakhsiyaad caan ah sida hogaamiyeyaal siyaasadeed, jilayaal iyo ciyaartooy caan ka ah dunida BBC .

Read More

Millatariga dalka Uganda ayaa sheegay sheegay, in ciidanka Uganda ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay dileen 189 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Shabab. Bayaan kasoo baxay Millatariga Uganda ayaa lagu sheegay, in ciidankooda ay Jimcihi weerareen xarumo ay Al Shabab ku lahaayeen tuulooyinka Siigaale, Adimoole iyo Kayitoy ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ilaa 100 km dhinaca koofurgalbeed uga beegan magaalada Muqdisho. Sida ay sheegeen ciidanka Uganda, weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabab. Ma jirto wax war ah oo arrintani ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab. Ciidanka Uganda ayaa qeyb…

Read More

Todobaadka Madasha Danaha Puntland,waxaa marti noogu ahaa laba masuul oo kala ah… 1.Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland Australia Cumar Dholowaa,isla markaana ah Aqoon yahan haysta Shahaadada Labaad ee Master. 2.Xildhibaan hore Saciid Surcad bartayna IT kana mid ah haldoorka firfircoon ee reer Puntland.Qodobka Todobaadka waa Dhalinyarada iyo horumarkooda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Fiiro gaar ah ayay mudan yihiin Odoyaashan!! Alshabaab waxay soo qaadeen dagaal rogaal celis ah.Maamulkii Galmudug intiisa badan gacanta ayay ku dhigeen Alshabaab!! Amniyaadka Alshabaab waxay si xoog leh ugu soo gudbeen Puntland,gaar ahaan Gaalkacyo. Qaraxyada maanta iyo xogihii soo baxayay maalmahan waxay muujinayaan qorshayaasha cusub ee Alshabaab. Odoyaashan hadlaya waa kuwii hada ka hor Bariire tagay heshiiskana lasoo galay Alshabaab. Sida xogta aan ku helay Alshabaab,ayaa amar soo siiyay markale Shirkana waa lagu amray. Qorshe soo socda oo qayb ka ah hawlgalka rogaal celinta Alshababaab ayay hordhac uyihiin Odoyaashan!! Laamaha amaanka waa in loo xoojiyaa,gaar ahaan PISA qaybteeda Mudug.…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka. Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka…

Read More

Maamulka cusub ee la wareegay hogaaminta Dowlada hoose ee Gaalkacyo,waxaa looga fadhiyaa isbadal muuqda. Bilicda Magaalada,ayaa laga rabaa in uu waxkaqabto,isla markaana amaanka door ka qaato. 50.-Shaqaale ah iyo Miisaaniyad 71000$ ayay la wareegeen maamulka cusub. 45-cisho ee ay haystaan waxay ka dhigan karaan fursad ay isku muujiyaan oo ku galaan doorashada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidankan oo dhamaystay tababarkoodii,ayaa ku jira isu diyaarintii munaasabadii loogu soo xiri lahaa tababarka. 7-beri kadib sida qorshuhu yahay Madaxweyne Deni,ayaa tagi doona Badhan una soo xiri doona tababarka. Ciidankan kadib Dugsiga Jeneral Giriin waxaa ku xaroon doona Booliska Gobolka Sanaag oo tababar iyo qalabayn loo samayn doono. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirkani wuxuu i soo xusuusiyey nin xilligii uu Sadaam Xuseen sii dhacayey warfaafinta u qaabilsanaa oo Maxamad Saciid Saxaaf la oran jiray. Wuxuu caan ku ahaa in afkiisu iyo dhegihiisu is maqal. Ninkani waa sidii oo kale, wuxuu dafirayaa in wiilal Soomaaliyeed tababar loogu qaaday Eritrea, haddana wuxuu beeninayaa in wiilashaasi dagaalka Gobolka Tigreega ka socda ku go’een. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay ilaa 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib weerar iskugu jira qaraxyo iyo weerar daba socday oo lagula eegtay kolonyo agagaarka degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellda Hoose. Kolonyada baabuurta ayaa waxaa la socday guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Siidii iyo saraakiil ka tirsan milatariga, waxaana la socday ciidan iskugu jira Danab iyo Guutada Toddobaad, sida ay VOA u sheegeen ilo amni oo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Weerarka ayaa la sheegay inuu marka hore ahaa qarax lala eegtay baabuurta, kadibna waxaa ciidamada iyo maleeshiyaadka…

Read More

Madaxweynaha muddada dheer haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo hadda la tiriyay ee doorashada madaxtinimada dalkaasi, inkasta oo uu hogaamiyaha mucaaridka Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay. Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday Guddiga Doorashada, ayaa muujineysa in 91 boqolkiiba codadka la tiriyay uu madaxweyne Museveni ka helay 58.9%, halka musharraxa sida aadka ah ula tartamay ee ka socda mucaaridka Bobi Wine uu helay (34.6%). Natiijada rasmiga ah ee doorahadani oo dhacday Khamiisti, ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo goordhaw oo maanta ah. Museveni, oo ah 76 ayaa talada Uganda soo hayay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah. Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay… 1.Amniga2.Xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka. Xeerka Horumarinta Sanduuqa Dhallinyarada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ugu danbayn Tv-ga Dowlada Farmaajo waxuu si buuxda u qiray Axmed Madoobe in uu yahay Madaxweyne buuxa,halka markii hore ay inkiri jireen uguna yeeri jireen Kmg. Tani waa mid xaqiijinaysa in kooxdu liidato oo sii galbanayso. 25-cisho,ayaa ka haray mudo xileedka sharciga ah ee Farmaajo. Qorshahoodii doorashadana waa socon waayay oo waxaa sutida uqabtay Puntland iyo Jubaland. Sidoo kale Gobolkii Gedo labo,ayay ukala jabeen kooxihii ay geysteen. Garabka Macalimow iyo Garabka Kulane Jiis,ayuu kala noqday Gedo. Galbataye Alahayoow!!!

Read More

Macalimuu oo ahaa Ninkii ugu muhiimsanaa ee Gedo ka waday kacdoonka looga soo horjeedo Jubaland,ayaa maanta xilka laga qaaday . Ciidan uu haystay,ayuu maanta kala baxay Dooloow asagoo kusii jeeda Beled xaawo. Macalimuu oo Geesi qaran ugu qornaa Qaamuuska Nabar iyo Naxdin Malaga yaabaa in uu maalin Gudaheed isku badalo Khaa’inu wadan Kenya u adeega sidii caadada ahayd??

Read More

Shirkii Golaha Wasiirada DFS ee Khamiislaha ahaa,ayaa maanta la baajiyay sababo aan la sheegin. Farriimo loo diray Wasiirada,ayaa lagu wargeliyay in shirka dib loo dhigay. Golaha Wasiirada waxaa la filayay in la horgeeyo liiska illaa 15-Safiiro cusub oo la ansixin lahaa, kaddib markii todobaadkii hore la soo celiyay sababo la xiriira in aysan waafaqsaneyn hannaanka awood qeybsiga. Jibriil qoobey

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo Dib-u-hishiisiinta waa in uu iska iscasilo xilka uu haayo, waayo waajibaadka loo igmaday iyo shaqada wasaaradda waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka, haddii kale wasiirku wuxuu noqonayaa magac u yaal mushaarkiisa iska qaata. Waxaa wareegto r/wasaare lagu magacaabay wasiiru-dowlaha x/raisul wasaaraha in uu daadihiyo arrimaha doorashooyinka iyo xiriirka beesha caalamka ee arrimaha doorashada. Shaqadaan loo xilsaaray wasiiru-dowlaha kuna saabsan arrimaha doorashada waa mas’uuliyadda wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalaynta iyo dib-u-hishisiinta kuna qeexan tahay xeerarka iyo istraatijiyada wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalaynta. Wali waa ku adag tahay kooxda Farmaajo in ay fahmaan nidaamka dowladnimo, iyo sida shaqada…

Read More

Xalka Doorashooyinka Soomaaliya?? Waxaa socota dadaal xoog leh oo xal loogu raadinayo doorashooyinka Somaliya,jaasoo ay wado Beesha caalamka. Ilaa iyo hada Qodobada la hor dhigay Madaxda Somalida ee xalka loo arkay waxay kala yihiin… GEDO: Gudoomiyaha Gobolka Jubbaland ee Gedo oo ku laabta GarbahaareyCiidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM oo lagu wareejiyo ilaalinta Amniga GarbahaareyGuddiga Doorashooyinka Jubbaland oo loo ogolaado Maamulka Doorashooyinka ee Degmada Garbahaarey Somaliland: 1.Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo RW ku xigeen Khadar Guuleed iyo siyaasiyiinta Somaliland oo si wadajir ah u soo xula Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Ergada Dooranaysa labada Aqal ee Baarlamaanka Murashaxiinta oo u sinaada…

Read More

222 Dimuqraadiya iyo 10 Jamhuuriya oo ka tirsan Aqalka hoose,ayaa ucodeeyay markale xilka xayuubin lagu sameeyay Madaxweyne Trump. Aqalka Sanadka oo loo gudbin doono Xilka xayuubintan,ayaan ufariisan doonin ka hor 20-ka bishan markaas oo Trump Aqalka cad ka baxay,taasoo ka badbaadinaysa in uu si ceeb ah looga saaro. Balse dacwadu waa sii soconaysaa waxuuna wajihi doonaa Maxkamada Senetka oo hadii lagu helo lagu xukumi doono in uusan mar danbe soo hawaysan Xaafiis Dowladeed. Trumpka 7-Beri uga hartay xil hayntiisa waxuu ahaa Madaxweynihii ugu liitay ee soo mara taariikhda Maraykanka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa socda dadaal aad u xoog badan iyo xiriiro ay wadaan diblomaasiyiinta shisheeye,kaasoo ku aadan dhexdhexaadinta Madaxda Somalida. Waxaa la filayaa in uu dadaalkaas guulaysto oo uu mira dhal noqdo. Ugu danbayn bishan 20-keeda waxaa soo bixi doona heshiis ay beesha caalamku kasoo shaqaysay sida wararku sheegayaan. Madaxda Somalidu si kafool ka fool ah uma kulmi doonaan sida la filayo,balse ukala dabqaadida diblomaasiyiinta shisheeye,ayaa arinka soo afjari doonta. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa laga garan karaa Warqadan in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiinta, iyo federaalka laga qaaday kaalinta hormuudka ah ee ay ku lahaa hirgelinta doorashada 2021. Waxaan rajeynayaa in Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo mucaaradka ku go’aan qaadan doonan isbeddelka Maamulka doorashada 2021 ee RW Roble ku dhaqaaqay. Halkan ka akhriso:-

Read More

Maxamuud Shido iyo Aaran,ayaa Duqii badalaya ilaa xalay ayay socotaa!! Sheekadan waxaa suuqa gashtay Aaran laftigooda si ay saamayn ugu yeeshaan maskaxda reer Garowe oo loo hadal hayo!! Waa hubaa in Madaxweyne Deni siyaasada Gudaha iyo dibada uusan Aaran waxba ka waydiin wax saamayn ah oo buurana aysan ku lahayn!! Aaran waa koox ka mid ah garabyada Deni xulufada la ah si gaar ahna u haysta Maaliyada oo ilaa xad ay dadka ku dhibaateeyaan Miisaaniyada caadiga ah ee loo ogol yahay. Duqa Garowe hadii la badalo Madaxweyne Deni ayay ka timid,waxuuna eersan karaa laba arimood… 1.Ictisaamnimadiisa fogaatay. 2.Dareenkiisa oo dabac…

Read More

Wasiirkii Arimaha dibada ee ugu mudada dheeraa Itoobiya Siyuu Mesfin oo lasoo sheegayo in uu ku dhintay dagaalka Tigreega. Mesfin waxaa kaloo la dhintay Saraakiil waa weyn oo Tigree ah Abo Sahaye iyoTsegaye Berhe. Mesfin waxuu mar ahaa Ninka labaad ee Itoobiya ugu awooda iyo saamaynta badnaa. Taariikhda Itoobiya waxuu ahaa Raga looga danbeeyay siyaasada Arimaha dibada iyo diblomaasiyada. Jibril Qoobey.

Read More

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta,ayaa xil-kaxayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib marki Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska. Saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga xayuubiyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Kani waa Shaafici Cabdullaahi Xaashi ku xigeenka Duqa Cusub ee Gaalkacyo. Shaafici waxuu ahaa madaxii abaabulka iyo kicinta oo toos loogu soo diro dhaqaalaha Nabad iyo Nolol ay ugu talagashay hawlgalkaas ee Degmada Goldogob. Waxa is waydiinta mudan waxay tahay see shaqsi noocaas ah loogu dhiibay booskaas muhiimka ah?? Dhabancad iyo Sanyare ma sidaan ,ayaa hogaamin ka ah mise wax kalaa jira?? Ma nabad iyo Nolol olalaheeda,ayaan fursad siinaynaa oo xoojinayanaa?? See wax ukhaldamaeen oo Madaxweynaha loogu gudbiyay magaca Qof aan laga soo eegin?? Jawaab,ayaa laga rabaa Dowlada deg-dg ah??? Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Duqa KMG ah ee Gaalkacyo waa Agaasimihii hay’ada Wadooyinka Puntland PHA oo ay gacantiisa ku luntay Wadada Gaalkacyo iyo Garowe. Inkastoo uu kmg yahay hadana waxay umuuqataa in uu yahay Ninka loo wato Duqa rasmiga ah oo fursada is diyaarinta lasiiyay. Ka hor dhici mayno oo khayr baan filanaynaa!! Jibril Qoobey.

Read More

MADAXWEYMAHA OO GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KUMEEL-GAAR AH U MAGACAABAY DEGMADA GAALKACYO Garoowe, 12, January, 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey :- Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada GaalkacyoWaxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada GaalkacyoXeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,…

Read More

Qoor-qoor waa ka laabtay hadalkiisii ahaa Doorashaan galaynaa oo waxuu yiri Pl iyo Jl doorasho ay ka maqan yihiin cid geli kartaa majirto!! Beesha caalamka iyo Musharaxiinta Muqdisho waxay sameeyeen cadaadis xoog leh. Waxay ubadan tahay in Xalane layskugu tago oo xal ay keentay beesha caalamku la qaato.Farmaajo dharbaaxo kale oo ku dhacday ayay ku tahay arintan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Must Think Before it Acts The Way Forward for the United States in Somalia. A nation must think before it acts.Foreign Policy Research InstituteThe United States Africa Command (AFRICOM) is on track to withdraw almost all U.S. forces from Somalia by January 15, 2021, providing a gratuitous public relations and operational windfall to al-Shabaab, Somalia’s potent al-Qaeda affiliate. The hasty exit compromises the reputation of the United States as a partner and opens the door to a greater role for the People’s Republic of China. President Donald Trump ordered the move precipitously, and the Department of Defense announced it on…

Read More