Mustaf Dhuxulow si waafiya,ayuu usharaxay xaalka Dalka iyo faashilka taagan.Sidoo kale Mustaf waxuu faahfaahiyay hogaaminta Farmaajo ee faashilka ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Ilayn Cabdi Siciid-kuba maqal kuu ku wanaagsan yahay?? Farmaajo in uu hadal xumaado,hogaamintuusuna fashilanto waa fahmi karnaa?? Sidaas,ayuu Ninkaas ku yahay Lataliyaha Amniga Qaranka Somaliyed! Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Axmed Madoobe si faahfaahsan oo xog ogaalnimo leh,ayuu uga hadlay dib udhiskii Ciidanka Xooga Dalka iyo heshiiskii Amniga Qaranka ee fashilmay. Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu cadeeyay in Al-Shabaab ay si fudud ku helaan hubka iyo agabka kale ee Dowlada Federaalka ah ay lahayd halka aysan helin Ciidamada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madasha waxaa la sugayaa in la isku raaco warmurtiyeed: 1.Fulinta heshiiskii doorashada ee 17 September 2020 2.In murankii ka dhashay habraacyada heshiiska Doorashooyinka lagu xaliyo shir deg deg ah oo Madaxda Dalku isugu timaado iyo saamileyda siyaasadda. Jibril Qoobey.
Boqor Burhaan Boqor Muuse,ayaa lagusoo dhaweeyay Caasimadda Puntland ee Garowe. Qaar kamid ah Xildhibaanada iyo masuuliyiinta Puntland, siyaasiyiin aqoonyahano iyo qaybaha kale ee Bulshadda ayaa Boqorka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir.
“Sanbalooshe”Madaxweyne Farmaajo markii uu xilka qabtay, waxa ciidanka loo kala saaray Team-keenna iyo Tuugada,Team-keena waxa loo bixiyey kuwo laga keeney Galdogob, Buuhoodle iyo Gedo,halka kuwo laga keeney Sheebeelooyinka iyo Hiiraana loo baxshay tuugada” Sanbalooshe,ayaa sidaa yiri.. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkada Kebarco wajigii sadaxaad oo 400-mitir ah ayay udhisaysaa Wadada dhexmarta Burtinle. Laba boqol oo ka mida ah Wadada waxaa bixiyay Faysal Baabaraqiis iyo Axmed Baabaraqiis oo Aabahood Xasan Yacquub Baabaraqiis usadaqeeyay. Kebarco waxay mudan tahay bogaadin iyo mahad celin.
Madaxweyne Hassan Shiikh Maxamud,ayaa khudbad heer sare ah ka jeedin doono Madasha 17-aad ee PDRCTALKS oo dhacaysa 3-da bishan,ayaa waxaa looga hadli doonaa ‘Hannaanka Toosan ee Hirgelinta Nidaamka Federalka Somaliya. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Garowe Caasimadda Puntland ayaa su’aalo toos ah weydiin doono Madaxweynaha Demoqraadiga ah Xassan Xassan Sheikh Maxamuud.
Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayi Aadan ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo katirsanaa golaha wakiilada Jubbaland, Xildhibaanka ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha Argagixisadu ay qarax ugu xireen gaarigiisa. Madaxweynaha ayaa guud ahaan dadka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka Laamaha amniga ayuu faray in ay dabagal ku sameeyaan kooxaha Argagixisada katirsan ee ka dambeeyey falkaan si gacanta loogu dhigo kadibna loo horgeeyo sharciga.
Rabi ha’unaxariisto Xildhibaan Haashim oo ka tirsan Baarlamaanka Jubaland,ayaa Gaarigiisa Qarax loogu xiray goordhawayd Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qado sharaf u sameeyay Madaxda DFS, Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garoowe. Qada sharafta oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Si qurux badan,ayaa loosoo dhaweeyay Xulka Kubada Cagta Puntland oo Garowe dib ugu soo laabtay. Halkan ka daawo muuqaalka
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM. Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan horay usoo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya. Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Bism.Rax.Rax. “DOORASHADA 2021” SOMALIYA IYO FARMAAJO YAA U GAR NIQIDOONA..? Anoo ku hadal qabsanaya khudbadii Mahdi Guuleed ee Garowe, faaladayda waxaan ugu magacdaray GARNAQSI: Marka hore, waxaan Xaal u dirayaa AUN Adeerkay Osman Yussuf Keenadeed oo gabaygiisi si qalddan iyo Madal qalddan loo isticmaalay. Qodobka labaad, maalmahaan waxaan iswaydiinayey, Mucaaradka ma aqbalayaan in ay Doorashada ka qayb galaan haddii Farmaajo aqbalo codsigooda oo ah: Guddiga Doorashada in gabi ahaanba la bedelo oo la tixgeliyo xubno ay heshiis ku yihiin..!Fahad Yassin in laga qaado xilka NISA..!!Ciidamada Dawlada in dib looga soo celiyo Gedo..!!! MashaAllah, riwaayad qurux badan soo ma aha. Somaali…
Garoowe: 31 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda soo gaaray Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo maalintii labaad ka socota Garoowe. Madaxweynaha ayaa shalay daah-furay Madashan oo markii u horeysay lagu qabtay Soomaaliya.
Halkan ka daawo muuqaalka
‘Waxaan Kugudajirnaa Dadaalo Aan Dooneyno Inaan Kuxalino Tabashooyinka Xaga Doorashada Ee Udhaxeeya Dowlada Soomaaliya Iyo Saamileyda Siyaasada Ee Dalka”,Ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor. Halkan ka daawo muuqaalka
Hadaljeedinta Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Xaaladaha Amniga Doorashooyinka Iyo Siyaasada. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS, Madaxweynaha Jubbaland iyo Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa maagaalada Garoowe ku yeeshay kulan looga hadlay xaalada Guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
“Intaan qorano hal xisbi oo xisbigii Hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed ah oo 86 u noqono kadibna Sanduuqii Jaalaha ahaa iyo kii buluuga ahaa kadhigano Maan doorashada Madaxweynaha ugu Baarakeyno”Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan ka daawo muuqaalka
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA HERITAGE EE GAROOWE. Garoowe: 30 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa daahfuray madasha aragti wadaagga ee maxadka Heritage oo hadda Garoowe ka furmay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysey ee Soomaaliya lagu qabto. Doodda shirka sanadka ayaa ku aqptonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 2025”. Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa booqasho ugu tagay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan kulanka uu la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa Xaalada dalka uu marayo xiligan kala guurka ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Doorashooyin loo dhan yahay oo la isku raacsan yahay xor iyo Xalaalna ah inay dalka ka dhacaan taas oo kamid ah himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan hogaamiyayaasha dalka.
Garoowe: 29 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan xubno wafdigiisa ka mid ah.
Agaasimaha Mac-hadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi,ayaa wax laga waydiiyay ahmiyadda shirka madasha wadahadallada Soomaalida ee Mac-hadku ku qabanayo Garowe,kaas oo doorkan ajendihiisu yahay sidii Soomaaliya hannaanka kumeel-gaarnimada ah uga bixi lahayd sanadka 2025-ka. Halkan ka daawo muuqaalka
Sidee u geeriyooday Wasiir Dowlad?? Qolkiisii,ayuu xalay galay kadib maantaa lagu jabiyay,waxaana loogu tagay isagoo Sijaayadiisii Salaada dul yaala oo u eg Qof geeriyooday. Kadib bahda Caafimaadka oo loo yeeray waxay xaqiijiyeen in uu geeriyooday. Dowlad waxuu ahaa Qof wanaagsan oo haldoorka bulshada ka mid ah sida ay ka mara kacayaan dadkii lasoo shaqeeyay. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa booqasho ugu tagay Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo sidoo kale ay kulanka qeyb ka ahayeen masuuliyiin kale.
Ilaahay ha unaxariisto Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf(Dowlad) oo geeriyooday. Axmed waxuu ahaa haldoor muhiim u ahaa Putland. Dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay Samir iyo iimaan allaha kasiiyo Aamin. Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlada Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye”Qooraoor” ayaa ka hor shirka Sanadlaha ah ee Madasha Heritage’ kulan la qaatay masuuliyiinta iyo shacbka ka soo qeyb galay Furitaanka Madasha.
CBB waxay u yaqaanaan N&N Farmaajo oo qura!! Shirka Aqoon iswaydaarsiga sanad laha ah Heritage ee Garowe ka furmay maanta waxaa jooga.. 1.Raiisalwasaare ku xigeenkii dalka iyo 10-Wasiir wax ka badan iyo Wasiir ku xigeeno. 2.Gudoomiyayaashii Golaha Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Xildhibaano tiro dhaaf ah. Hadana N&N waxay wareejinayaan in shirkaas shir mucaarad yahay Dowladda fedaraalkuna aysan shaqo ku lahayn. CBB waxay ka xun yihiin in markii ugu horaysay shirkan lagu gabtay caasimada Puntland ay ku qabatay Heritage Somaliya asagoo awal lagu qaban jiray DJabuti. Heritage waa hay’ad Cilmi baaris mana jirin loogama baran inay ka shaqayso wax Dowladda Somaliya…
Jadwalka Shirka Heritage Ee Garowe” Maalinta 1-aad: Salaasada 29 Diisenmber 2020. Mawduuca: Siyaasadda BARNAAMIJKA AFI 2020 Goorta Barnaamijka Cidda hadlaysa Qaybt 1-aad 15:00 – 16:00 Iswaangalinta 16:00 – 16:05 Furitaanka madasha HIPS+Qur’aan 16:05 – 16:10 Farriin caafimaad oo la xiriirta COVID-19 Jaamac Faarax, Wasiirka Caafimaadka Puntland 16:10 – 16: 20 Erayga furitaanka ee HIPSCabdirashid Khaliif Xaashi, Agaasimaha HIPS 16:20 – 16: 30 Erayga soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland H.E. Siciid Cabdullahi Dani 16:30 – 16:45 Hadal-jeedinta Madaxweynihii hore H.E. Xassan Sheikh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya 16:45 – 17:00 Hadal-jeedinta Aqalka Sare H.E. Cabdi Xaashi C/llahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare 17:00 –…
Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlada Jubaland,ayaa soo saaray warqad lagu cadeynayo in uu dib shaqadiisa u bilaabi karo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland Maxamed Xasan Maxamed oo shaqo joojin lagu sameeyay 22 -08-2020.
Casharka laga bartay “Sixir bararkan” la buunbuunshay oo ay Fahad iyo Farmaajo dabada ka riixayaan si ay arrimaha doorashada kaligood isaga wataan.. In Puntland u baahantay inay ka fakarto sidey lacag Sharci ah oo aan si fudud loo daabici karin u samaysan lahayd (Xamar iyo koonfur xaal keedu xaalkeedu ma dhawa). 2.In xal u helida dhibka ka dhashay diidmada Sh So aan Dawladda PL kaligeed xalin karin oo ay tahay awooda dowladda dhexe ayna Iska indhatirayso DASTUURKA DALKA 3.In ay ganacsatadda reer Puntland door muhiim ah oo la taaban Karo ka qaadato abuurista sidii xalwaara loogu helilahaa dhibka jira iyo…
Qaabka ama Shaxda uu Mw Farmaajo u agaasimayo Doorashada 2020-2021Cayaar-Qof-Kaligii sameestay..!! Qaybtii labaad.. Mw Farmaajo waa Madaxwaynaha Dalka islamarkaa ah Murashax doonaya in marlabaad dib loo doorto 2021.. Mw Farmaajo waxa loo dhaariyey inuu dalka gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Codkiisa ah, lkn waxay u muuqataa inuu agaasimayo Doorasho Qof-Kaligiis ah.. One-Man-Election..! Halbeega faaladayda ama Misaanka aan saarayo waa sidii loo heli lahaa Doorasho waafaqsan Dastuurka, Daah-furan, Xor ah, ay ka muuqato in si CADAALAD ku dhisan tahay loo agaasimayo Doorashadii loo balansanaa ee 2020-2021.. iyo haddii la waayo waxa la filan karo.. Su’aasha aan iswaydiinayno waa: Mw Farmaajo isagoo ah…
Maanta waxaa ka furmay Caasimadda Puntland ee Garowe shirweyne Soomaaliyeed oo Machadka Heritage uu soo diyaariyey. Waxaa amaan mudan Madaxweynaha Puntland H.E. Sacid Abdullahi Deni oo xil weyn iska saaray dejinta, soo dhoweynta, hab maamuuska iyo qabsoomidda shirkan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, howl wadeennada Machadka Heritage ayaa mudan hambalyo isku dubaridka shir weynaha. Shirka waxaa looga doodayaa oo saldhigiisu yahay 2025 see Somaliya ugaari kartaa Afartan Qodob… 1.Dhameystirka Dastuurka 2.Dib u habeynta Dhaqaalaha ( financial reform).. 3.Dib u habeynta Amniga ( security sector reform). Dib u heshiisiin ( National reconciliation plan) 4-taas qodob oo si buuxda u…
Kadib markii ay arkeen in cid doorasho ugu imaanaysaa in aysan jirin ayay iskood dib ugu dhigeen xiligii ay horay udhigteen kaligood. Doorasho laysla ogol yahay waxaan ahayn dalka kama dhacayso. “Taariikh: 26ka Diseembar 2020WARSAXAAFADEED KU SAABSAN ISBEDEL KU YIMID WAKHTIGA DOORASHADA Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in is baddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31-ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021. Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku…
Garoowe: 29 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
“Wararkii ugu danbeeyay Ee Shirka Garowe” Shirkii oo maanta la filayey saddex saac in uu furmo, dib ayaa sagaal saac loogu dhigay. Arrimo farsamo awgeed. Si aad u qurux badan ayaa loo dejiyey, loona soo dhoweeyey wufuudda. Martiqaadyo isugu jira qado iyo casho ayaa loo kala qeybiyey wufuudda. Sheikh Sharif ayaa galabta imaanaya… Dadka waxaa laga qaaday covid 19 test. 23 qof ayaa ku dhacday testigii oo laga helay Xanuunka,kuwaasoo qaybna goobo gaar ah la geeyay qaybna Hoteladoodii lagu xiray. Shirkaa waxaa looga doodayaa oo saldhigiisu yahay 2025 see Somaliya ugaari kartaa. Afartan qodob,ayaana Ajandihiisu kusoo ururayaa… Dhameystirka DastuurkaDib u…
Kooxda Daacishta waxay ku dagaalameen Buuraleyda Cal Miskaad. Dagaalka dhexdooda ah waxaa iskaga dhintay 3-Maleeshiyadooda ka mid ahaa. Kooxdu waxay isku haysataa cida badalaysa hogaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin oo hada sii tabar dareeyay uuna dilooday xanuunka Sonkorta. Dagaalku waxuu ka dhacay shalay galab Buuraleyda udhaxaysa Qandala iyo Dhaadaar. Jibril Qoobey.
Wiilku waxuu sheegay in uusan Puntland ka codsan in loo qaato Xulka Kubada Cagta,isla markaana aan lagu dulin lagana reebin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkanm ka daawo muuqaalka
Cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF,ayaa maalintii labaad Garowe ka hawlgelaya.Ciidanka Badda waxa ay mahad balaaran u jeedinayaan shacabkooda oo ay ku amaanayaan wadashaqayn hufan iyo ixtiraam ay u muujiyeen. Halkan ka daawo muuqaalka
HARAMCAD HADDA LOO DAADGURAYNAYO BELEDWEYNE Waxaa waqti dhow loo daadgureeyy ciidamo HARAMCAD ah magaalada Beledwyne. Horay waxaa u joogay duleedka magaalada Matabaan HARAMCAD laga dajiyay GALMUGUG. Waxaa la sheegayaa in ciidamadaas iyo kuwa cusub ay fulinayaan codsi ka yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Janaraal Mukhtar Afrah oo hadda Beledweyne ku sugan. Ujeedadu waxaa weeye in la weeraro Kacdoonka Jeneraal Xuud ka dibna la caburiyo kacdoonka shacabka Beledweyne. Wixii masuuliyad ka dhasha weerarkaas waxaa qaadaya Dowladda Somaliya, Madaxweyne FARMAAJO, FAHAD, WasiirMukhtar iyo ciddii kale ee ay ku caddaato. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciyaartoydii Koonfur-galbeed oo lagu weeraray Muqdisho kadib markii coyaartu soo dhamaatay. Gaari ay saarnaayeen,ayaa lagu weeraray 8-ayaana dhaawac soo gaaray oo isbitaal la dhigay.
Sahra Saalax waxay ku jirtaa Gudiga Doorashada ee Puntland udhaartay hadana sidaan ayay uhadlaysaa oo taageero qayaxan ugu tahay Nabar iyo Naxdin. Waxa is waydiinta mudan waxay tahay see qof noocaan oo kale ah loogu ogolaafay in ay Puntland matasho?? Waa in dib loo eegaa xubinimadeeda oo si weyn looga fiirsadaa Sahra Saalax.
Dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka (BF) 10 2016-2020 Sida ku cad qodobka 60 ee dastuurka kmg, muddo xileedka BF waa 4 sano oo laga bilaabayo maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada rasmiga ah oo ah maalinta dhammaan Xildhibannada guuleystay la dhaariyay. BF 10 ( 2016-2020 ) waxay dhammaatay maanta 27.12.2020. Sidaa darteed, ma jiraan xildhibaanno la doortay oo BF 11 ama 2021-2025 ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed. Waxaan shaki ama muran ku jirin in barlamaan la’aanta dhacday ay tahay guuldarro DF u soo jiiday shacabka Soomaaliyeed. Sharci iyo dhaqan dowladnimo dartood waxaa xaaladdaas ka dhalaneysa: Inaysan jirin xildhibanno matalaya shacabka Soomaaliyeed…
Waxaan dhegeystay farrinta aadka u gaaban ee RW Maxamed Xussein Roble ujeediyay Ummadda Soomaaliyeed, ugana hadlay dhawr arrimood oo kala ah: 1. Inuu la kulmay wakiillo ka kala socda beesha caalamka iyo bulshada ra’yidka, kana wada hadleen doorashada “lagu muransan yahay;” 2. In albaabada xafiiskiisa u furan yihiin ciddii cabasho ka qabta doorashada hirgelinteeda socoto; 3. In shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho is dejiyaan, ilaalsadaan hantidooda, loona turo; 4. In aan loo baahneyn in lagu dhaqaaqo tallaaboyin dhibaato ku ah shacabka Muqdisho, asaguna diyaar u yahay inuu xalliyo wixii dhibaato jirta, 5. In wada hadallada socdaan, inkastoo wax dhibaato…