Author: Jibril Qoobey.

Garoowe: 05 January 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay Shirka Tiknoolijiyadda Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, ayna ka qeybgalayaan Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Tiknoolijiyadda, Warbaahinta, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Khuburo Aqoon u leh Tiknoolijiyadda . Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada casrigan ay Tiknoolijiyadu u leedahay Dowladnimada , iyadoo nidaamka Dowladnimo ee Puntland ay qeyb weyn ka tahay, sida diiwaangelinta Ciidanka iyo Shaqaalaha, Ku maareynta maaliyadda, Adeegsiga adeegyada danabeysan, Isgaarsiinta, amniga, horumarka iyo qeybo badan oo Dowladnimada maanta ah. Wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku ku boggaadiyey Wasaaradda Warfaafinta joogtaynta Shirkan, oo…

Read More

Boqollaal Qof oo ku nool meel miyi ah oo 165-KM Waqooyi-bari kaga beegan Caasimadda Addis Ababa, ayaa Guryahoodii ka baxayay,iyagoo argagaxsan, kadib markii meel ka ag dhow lagu arkay Folkaanno muujinaya calaamado suurtagal ah in ay qarxi karto. Calaamadaha Folkaanada,ayaa muujinaya khatar xagga ammaanka ah,taasoo horseedday cabsi xooggan oo Dadka Deegaanka ku Khasbeysa in ay si deg-deg ah uga baxaan Guryahooda. Deegaanka ay Folkaanadu ka Qaraxday,waa Deegaanka Canfarta oo Dabiiciyan leh Taariikh Folkaano iyo Kulayl ka duwan Itoobiyada kale.

Read More

Itoobiya,waxay shaacisay  in Ciidamadeedu ka qeyb qaadanayaan hawlgalka AUSSOM. Sidoo kale Labada Wadan ku heshiiyeen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amniga. Tani ma muran ayay leedahay in ay tahay fashil Siyaasadeed 100%. Xasiloonida Geeska,waxaa Caalamka uga masuul ah Itoobiya,iyadaana kala Shaqaysa DG-yada uu ugu horeeyo kan Xamar. Waaqici in aad ku nooshahay,waa muhiim. Saakay,waa Somalidee mida isku eedayn karta jacaylka Itoobiya? Itoobiya uma baahna Nacayb iyo Jacayl oo waa awood xaqiiqiya oo jirta. Siyaasigii fahmi waaya oo aragti gaabnidiisa la dareen noqda Shacabka,sida Xasan oo kale,ayuu ceeboobaa. PL Xisaabtu kama khaldamin.

Read More

Wefti Maraykan ah oo iskugu jira CIA iyo Africom,ayaa yimid Xamar,waxayna kula kulmeen Xasan iyo kooxdiisa. Hal farin ayay soo gaarsiiyeen,taasoo ahayd.. “Ku laabo dagaalkii argagixisada”. Taageer dagaalka PL kula jirto Daacish si cad,waa muhiim. Adiga iyo Axmed Siyaasada waa halkeeda lkn kawada Shaqeeya dagaalka argagixisada. Kadib kulanka Xasan,waxay weftigu tageen Kismaayo oo ay kula kulmeen Axmed Madoobe,waxay gaarsiiyeen fariin ahayd…. “Dagaalkii argagixisada sii wad oo ha joojin,sababtoo amaanku mahan wax Siyaasad geli kara,wax walbana,waa nooga muhiimsan yahay,Siyaasada in aad ka heshiisaan idinkay idin wanaagsan tahay”. Axmed,waa aqbalay 100% soo jeedintooda,waana ballan qaaday in uu deg-deg ubilaabayo hawlgallada. “Waxaan uhakanay…

Read More

Uma qalanto Somaliyada Maanta jirta in la siiyo Kursigaas,sababtoo ah iyadii,ayaa heshiin wayday oo wada noolaan wayaday,isla markaana wada samaysan wayday Nidaam. Somaliyada jirtaa,waa mid 40-Sano burbursan oo aan lahayn….. 1.Siyaasad Amni. 2.Siyaasad Dhaqaale. 3.Dastuur iyo Xeerar. Somaliyada Maanta jirta,waa mida Ninka QM u aqoonsan tahay Madaxweynaheeda ku mashquulsan yahay Dhul boobka,Qabyaalada,Eexda iyo Musuqa aan Xishoodka lahayn. Maxay kusoo kordhin kartaa Bulshooyinka Caalamka oo laga dugsan karaa Somalida Kursigaas ku fariisatay? Sida Rwanda Dal soo maray colaad sokeeye oo hadana soo kabtay mudan in laga faa’idaysto oo haya wax uu usharaxo Caalamka,ayaa ku haboonaa Kursigaas. Waa khasaaro iyo wakhti lumis…

Read More

Wefti Itoobiyaan ah oo isku jira Siyaasiyiin iyo Saraakiil Milleteri,ayaa tagay Muqdisho. Ujeedka socdaalkooda,ayaa lagu sheegay wada xaajood dhexmari doona Kooxda Xasan oo lagu Lafa gurayo sida Ciidamada Itoobiya hawlgalka Midowga Afrika qayb uga noqon lahaayeen. Xamar,waxay Maalmo ka hor sheegaysay in Ciidanka Itoobiya aysan ka mid noqonayn hawlgalka. Ma cada,waxa isbadalay iyo waxa ay ku badalatay. Itoobiya kama laaban heshiiskii ay la gashay SL? Itoobiya ma bixin raaligelintii ay ka dalbatay kooxda Xasan Shiikh? Itoobiya ma joojin taageeridii JL? Itoobiya hoos uma dhigin wada Shaqayntii DG-yada? Kaliya,waxaa ucadaatay kooxda Xasan Shiikh in aysan Itoobiya ka saari karin Somaliya haday…

Read More

Dhaawacyadii cuslaa ee Ciidanka Mujaahidiinta PL,waxaa loo qaaday Wadanka Dibadiisa,iyadoo Diyaarad khaas ah loo keenay. Tani,waxay dhiirigelinaysaa Ciidanka,waxay kaloo muujinaysaa diyaar garowga PL ee dagaalkan sida uu usareeyo. Askartan la qaaday,waa kuwii ka hortagay oo fashiliyay Kooxdii Ajaanibka ahayd ee aadka udiyaarsanayd,isla markaana lahayd tababarka sare. Raga la laayay ee Ajaanibta argagixisada ahaa,waxay wada ahaayeen kuwo lawada baadigoobayay oo muhiim ah. Waxaa cajiib noqotay sida Ciidan kooban oo ilaalo Madaxeed ah ay ucaabiyeen una fashiliyeen qorshahoodu ahaa in ay burburiyaan Taliska kuna laayaan Askar fara badan,kadibna dib ugu laabtaan Buuraha,iyagoo duubtay khasaarihii ay gaarsiiyeen Ciidanka PL.

Read More

Puntland,waxay ka codsatay Dowladaha Ingiriiska,UAE iyo Itoobiya in ay cadaadis saaraan SL si ay wax uga qabato argagixisada isticmaasha Dhulka ay maamusho ee usoo gudubta Buuraha Bari ee PL. Ujeedka PL,waa in la hakiyo oo loo diido fursad ay kusoo gaarto argagixisada Buuraha Bari. SL maxay ufududaysaa Argagixisada? 1.Waxay isticmaashaa Garoomada SL. 2.Waxay ka dhex samaysataa Basaboorada. 3.Waxaa udegan Xaasaskooda. 4.Waxay ku daawaysataa Dhaawacyada. 5.Sirdoonka SL Sanadkii,waxa uu siiyaa argagixisada Lacag dhan $300-kun si aysan gudaha SL uga fulin Dilal iyo Qaraxyo. 6.Waxay kasoo gudubtaa argagixisadu Sanaag marka ay soo galayso Buuraha Bari. Somaliland,waxay u aragtaa in ay isku cadow…

Read More

Gacantii ugu horaysay ee dagaalka,ayaa Saakay dhacday. 30-Maleeshiyaad kuwa Ajaanibka ah ee aadka utababaran oo Qaraxyo ku xiran yihiin,ayaa isku soo miidaamiyay Furimaha hore ee Ciidanka. Jilibka ayay u asteen Ciidanku,wayna laayeen dhamaantood,marka laga reebo Laba ku fakaday Mooto. Khasaaraha argagixisada? 1.30-Maleeshiyaad ah oo wada Ajaanib ah kuli Qaraxyo ku xiran yihiin oo Maydkooda weli laga furfurayo Qaraxyo,taasoo keentay xataa kii isdhiiba in aan la aamini karin oo uu isqarxinayo. 2.In ay ku guuldaraysteen hadafkoodii oo ahaa Saadka iyo Saraakiisha. Dhanka Ciidanka Mujaahidiinta PL…. 1.Talis,waxay ku dhufteen Gaari Qarax. 2.Labo Gaari oo Qaraxya sidana fadhi Labo Urur ayay isku qeybsheen.…

Read More

SL ilaa iyo hada Xisaabtu,waa ka khaldan tahay. Cirro,waxaa ka muuqda Jileec,inkastoo uusan fursad uhelin talada fariisinteeda. SL xaaladaha ka jira,waxa ugu daran,waa Shacabka oo wacyigoodu hoos udhacay. Shacabka SL ee caadiga fahamkoodu,waa sarayn jiray lkn haatan,waxaa muuqata hoos udhac weyn iyo caadifad Nacayb ah oo ay xakamayn la’a yihiin. Waxaa la yaab noqotay in ay dagaal ka galaan xuduuda Itoobiya oo dhan walba oo laga eegaba u ah Nolol. Kilinkii colaad,ayaa uga furantay. Barigii colaad,ayaa uga furantay. Jabuti Nolol iskugumana xirna. Hadii Colaada ay uraacdo Abaar,waa bas. SL,waa in ay mid samaysaa? Colaada Beesha Daarood,waa in ay iska damisaa…

Read More

Gaadiidka ka imaanaya Dowlad Deegaanka in laga dhaafo Canshuurta,waa loo baahnaa,waana talo ay qaadatay Wasaarada Maaliyada Puntland. Ganacsigii Deegaanka Somalida Itoobiya,waxa usoo wareegay 100% Dekedaha Puntland. Horay,waxaa uga soo wareegay Dadkii isticmaali jiray Garooomada Diyaaradaha Somaliland. Garoomada Diyaaradaha Garowe iyo Bosaso ayay usoo wareegeen Macaamiishii. Somaliland,waxay ku lumisay colaadaha Xuduudaha Itoobiya iyo PL Ganacsi balaaran oo ay ka heli jirtay Canshuur. Colaadaha Xuduuduhu,waxay khatar ku yihiin xasiloonida Gobolka,isdhexgalka,Ganacsiga iyo Nolosha caadiga ah. Halkan ka akhriso:-

Read More

Dowlad Deegaanku,wuxuu ka kooban yahey 11-Gobol. 7-Gobal oo kamid ah,waxaa ku Aadan oo udhow Dekeda Garacad oo durba adeegeedu gaaray… 1.Gobalka Doollo/Wardheer 2 Gobalka Qoraxey/Qabridahar. 3 .Gobalka Shabelle/Godey 4 Gobalka Nogob/Ceelweyne. 5.Gobalka Afdheer/Hargeele. 6.Gobalka Liibaan/ Filtu. 7.Gobal Dawa/Mooyaale. Magaalada Qabridahar,waxaa Dekeda Garacad laga siiyay Dhul balaaran oo laga dhisayo Hangaro waa weyn oo lagu kaydinayo Shixnada Dekeda kasoo dega si Gobollada Todobada ah ay uga sii adeegtaan. Dekeda Berbera? Gobalada DDSI ee Dekeda Barbara udhow waa Afar Gobol oo kala ah….. 1.Gobalka Faafan/Jig-jiga. 2.Gobalka Jarar/Dhagaxbuur. 3.Gobalka Erar/Fiiq. 4.Gobalka Siti/Shiniile. Ganacsigu,waa Tartan. JQ.

Read More

Dhawaan,waxaa laga maarmi doonaa in Gaaska laga keeno Dibada,waxaana laga samayn doonaa Gudaha PL Warshad soo saarta. Warshadaas,waxaa maalgashanaya Ganacsato reer PL ah iyo Shirkad Norwegian ah oo lagu Magacaabo antecbiogas. Hirgelinta Mashruucan oo ku kacaya la $25-Milyan,waxaa la Saxiixayaa Bisha Janaayo ee Sanadka cusub,waxaana xiriiriye ka ah Axmed Gabax oo ka mid ah Qurba joogta PL. Gaaska Dabiiciga ah Haantiisa 20-kiilo ah,waxaa lagu kala iibsadaa gudaha PL $40,waxaase la rajaynayaa hirgelinta Mashruucaas kadib in lagu kala iibsan doono $10. Warshada Gaaska soo saari doonta,ayaa ka dhalin doonta Gaaska Qashinka caadiga ah ee la daadsho. Bulshada haatan isticmaasha Gaaska ee…

Read More

Garoowe: 30 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS). Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa. Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP…

Read More

Siyaasada Dowlada Puntland,waa Nabad iyo Nolol ay barbar socoto Difaaca karaamada,Qiyamka iyo Xuduudaha Dhulkeeda. (Gacana horumar,Gacana Difaac). Puntland marna qayb kama noqon colaad Gobolka ka dhacda,mana ku duulin Dhul kale. Tusaale,waxaa loosoo qaadan karaa Ceerigaabo oo ay PL si cad iyo si qarsoonba uga hor timid colaad laga huriyo,haatana Shirka Ceelbuh ay ugu baaqday Nabada in uu xoojiyo. Sideedaba Nabada,ayaa lagu kala ceeshaa oo lagu kala dhex tartamaa ee colaaduhu wanaag masoo kordhiyaan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Suldaan Siciid,waa Isim Nabadeed oo Taariikh wanaagsan ku leh Gobolka Geeska Afrika. Marna kama Shaqaynayo colaad,isla markaana ma dhici doonto saan filayo Gogol uu fidiyay in Dagaal lagu Go’aamiyo. Gogashan,waxa ugu weyn ee kasoo baxaya,waa baaq Nabadeed iyo Gudiyo ka Shaqeeya Nabadaas. Dadka qaarkii ee raba in dagaal looga dhawaaqo Gogosha,waa Laba kooxood oo kala ah… 1.Kuwo aan si Caqliyan,Waaqiciyan iyo Istiraatijiyan ah ufakarin. 2.Kuwo Gacmo kale adeegsanayaan. Itoobiya Shirka Hadaaftimo xiriir ayay la samaysay. JQ.

Read More

Kunteenarada,ayaa ka mid ahaa Shixnadaha kasoo dagi jiray Dekeda Berbera. Ugu yaraan Bishii 40-Kunteenar oo laga leeyahay PL,ayaa kasoo degi jiray Dekeda Berbera una soo gudbi jiray Gobollada PL. Baahidaas,way xirantay xiligan oo Dekedaha PL ayay uqaybsameen Kunteenaradii. Dekeda Bosaso,waxay yeelatay Qayb Kunteenarada ah oo ay kusoo xiran karaan halkii mar Laba Markab oo min 10-kun oo Tan sida. Sidoo kale Qayb Kunteenarada ah,waxay kasoo degaan Dekeda Garacad. SL,waxay halkaa ku wayday Canshuur iyo adeeg gaaraya $1-Milyan Bishii. Ganacsigu,waa tartan,waxaana muuqata Ganacsatada PL in ay muujinayaan firfircooni dheeriya. Sidoo kale Maamulka PL,ayaa Ganacsatada wax badan la fududeeyay.

Read More

Suuqa Ganacsi ee ka xirmay Berbera,waxaa ka mid ah Gaaska Cuntada lagu karsado. Ganacsatada reer Puntland,waxay Gaaska kasoo iibsan jireen Haamaha Kaydka ee Berbera. Maraakiibta Gaaska keenta,ayaa ku shubi jiray Haamaha Kaydka ee Berbera. Ganacsatada PL,ayaa haatan Kayd Haamood oo balaaran ka dhistay Dekeda Bosaso,kuwaasoo gabagaba ku dhow kuna kacay $11-Milyan. SL halkaas,waxay ku lumisay Dhaqaale baaxad leh oo iskugu jira Canshuur iyo wax iibsasho. Wadada LC iyo Burco ee xirantay,ayaa sababtay in Ganacsatada Gaasku xal kale raadsadaan. Colaadaha Xuduudaha,waxay naafeeyeen Dhaqaalihii SL.

Read More

Maraykanku Laba Qodob dartood,ayuu uga aamusay taageerada qaraarkii K&B Somaliya looga bilaabayo hawlgal cusub oo Nabad ilaalin ah sida xogaha ugu danbeeyaa ay sheegayaan…. 1.In hufnaan badan oo Maamulka iyo Dhaqaalaha hawlgalka ku saabsan la helo. 2.In Itoobiya ay sii joogto Somaliya kadib 31-December ee Sanadkan. Maraykanku,waxa uu qabaa Ciidanka Itoobiya Goobaha ay joogaan ilaa laga helayo Ciidan badala in aan la saarin,waxa uuna Villla Muqdisho kula dooday mahaysaan Ciidan Somaliyed oo buuxin kara boosaskooda? Xasan Shiikh laftigiisu ma danaynayo in Itoobiyaanka laga saaro hawlgallka,waxase uu rabaa in uu wax uga badasho kasii mid ahaanshaha hawlgalka. Sida xogaha lagu helayo…

Read More

Garowe : 29 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman LugatoorLugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku sagootiyey Qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak, oo dhameystay muddadiisii shaqo ee xafiiska Qunsuliyada ee Itoobiya. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Qusul Yitbarak, intuu Xafiiska joogay doorkii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga arrimaha Amniga, Siyaasadda , Ganacsiga iyo isu socodka bulshada . Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirada Caafimaadka, Warfaafinta, Deegaanka iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Read More

Xarfo: December 29, 2024: Shalay oo taariikhdu ahayd December 28, 2024, waxaa guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud ee Degmada Xarfo ka furmay wajiga 2-aad ee shirka dib u heshiisiinta labadaba beelood ee isku dhacu ku dhexmartay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug December 22, 2024. Shirkaan oo ahaa maanta mid si toos ah loo guda galay, ayaa waxay nabaddoonnada iyo guddiga labada jifo ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad ku heshiiyeen:- 1. Waxay Jifida Maxamed Cumar ka garaabeen, raalligelin iyo soo hoyasho tolnimana ka bixiyeen dhacdadii foosha xumayd ee Xarfo ka dhacday. Waxay caddeeyeen inay beel ahaan hagaajinayaan Ceelkii waxyeeladu soogaartay…

Read More

Safarka Xasan oo lagu qorsheeyay kulankii Turkiga,ayaa Itoobiyaanku joojiyeen markii uu ku hormaray Eretereya. Xasan markii Itoobiya ay baajisay booqashadiisa,ayuu xiriir la sameeyay Jabuti kana codsaday furdaamin,waxaana Jabuti casuntay Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya si ay Xasan ugu kulan siiso Wadankeeda. Hogaamiyaha Maamulka Villa Somaliya ee haysta Sharciyada QM,waxa uu aad ubaadigoobaya ku qancinta Itoobiya ka mid noqoshada hawlgalka Midowga Afrika. Itoobiya ilaa iyo hada ma xiisaynayso hawlgalkaas,waxaana uga muhiimsan xiriirkeeda DG oo Xasan rabo in uu uga badasho. JQ.

Read More

Midowga Yurub,waxa uu ka Shaqaynayaa Qabashada Shirweyne Dib uheshiisiin oo Somaliyed. Shirweynahaaas,waxay kala xaajoonayaan Diyaarintiisa Qaybaha Somalida….. 1.Halka lagu qabanayo. 2.Qodobada looga xaajoonayo. 3.Gudoominta. Mar hore PL,way kala hadleen Shirweynahaas,wayna soo dhawaysay Dowlada PL,waxayna ugudbin doontaa aragtideeda ku aadan Shirkaas Midowga Yurub. Shirkaas,waxaa maalgelinaysa si gaar ah Dowlada Sweden,waxaana hadafka laga leeyahay yahay in la badbaadiyo Dowlad Dhiskii Somaliya ee socday. SL horay ayay uga maqnayd,PL,way ka baxday,waxaana ku xigtay JL oo banaanka kasoo istaagtay hanaankii Dowlad dhiska ee Somaliyed. BC,waxay hakinaysaa dhamaan arimihii Dowlad Dhiska oo ay ugu horeeyaan Mashaariicdii ilaa inta laga helayo Dib u heshiisiin Qaran. Waa…

Read More

Burundi,waa iska nacday kasii mid ahaanshaha hawlgalka lagu sheego Nabad Ilaalinta ee Dhaqaalaha lagu lunsado ee Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya. Burundi,waxay taagan tahay Cadad Ciidan oo Dhaqaale nooga soo bixi karo nasiiya hadii kale,waa ka baxaynaa hawlgalka. Waxa ugu weyn ee Wadamada ku jira hawlgalkan ay udoorteen in ay Qayb uga noqdaan,waa Dhaqaale samayn. 20-kun oo Askari oo hawlgalka Midowga Afrika ah oo 20-Sano soo waday Nabad ilaalin laguma gaarin guul ka weyn ilaalinta Madaxda iyo Xarumaha Hay’adaha Fadaraaliga ah ee Muqdisha fadhiya. Nasiibdaro,waxaa ah in 20-Sano kadib lagu guulaysan waayay in laga maarmo Ciidankaas oo lagala wareego Amniga. Sidoo…

Read More

1:-Ku xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee UN-ka . “Howlgalka cusub ee AUSSOM waxaa ka qeyb qaadan doona 11,00 oo askari, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.” 2:- Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda. “Waxaan bogaadinayaa wakiillada Soomaaliya u jooga xarunta UN-ka, sida hagar la’aanta ah ee ay ugu adeegayaan danaha Qaranka” 3:-Cali Balcad “Shuruudihii aan joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ku diidnay waa la xaliyay, latashiyo ayaa socda, waxna waa iska beddeli karaan go’aankii hore, waxaanse xaqiifin in 11,900 loo qeybshay 4 dal oo kala ah: Jabuuti, Burundi, Uganda…

Read More

Toban Saldhig ayay Daacish ku leedahay Buurta Calmiskaad…. IL iyo Camayro? 1.Siido 1-Saldhig 2.Dhabancado 1-Saldhig 3.Moqoro 1-Saldhig Toga jeceel? 1.Buqo 2-Saldhig. 2.Dhariin 1-Saldhig. 3.Canjeel 1-Saldhig. Waxaa loogu baaqayaa Shacabku in ay ka fogaadaan Deegaamadaas Calaamadaysan,kuwaas oo ah Bartilmaameedka Hawlgalka Duufaanta Silsilada Golis. Ciidanka Puntland,waxay dageen dhamaan Wadooyinka soo gala Buurahaas . JQ.

Read More

Al-Shabaab way sii xoogeysanayaan, waxayna rabaan inay dowlad khilaafad ah ka dhisaan Soomaaliya,waxaana jira midow u dhexeeya Daacish iyo Shabaab. Shabaab waxay hadda qabsanaysaa dhul badan, waxayna isku ballaarinayaan dhanka badda iyagoo halis ku ah marinka biyaha caalamiga. Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi. -Ethiopia waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya,wayna sii wadeysaa hawgalkeeda ka dib ATMIS. Itoobiya,waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa DFS,balse waxaa jira dhinacyo Saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan Gobolka,waa in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan. …

Read More

Maraykanku,waa ka aamusay meelmarinta qaraarkan waliba,isagoo ah Shir Gudoonka. Ka aamusidiisa,waxay ku salaysan tahay dhanka Dhaqaalaha oo waxay ahayd hawlgalkan 75% in Deeq bixiyayaashu bixiyaan kharashkiisa,halka 25% ay ahayd in ay qaataan QM iyo Midowga Afrika lamana helin. Dhanka qaraarkan kuma qorna Itoobiya in laga reebay hawlgalkan cusub,waxaana lakala ogaan doonaa ilaa Beri oo ay soo baxayso faahfaahinta. Warka sheegaya in Itoobiya laga reebay,waa mid ay Suuqa gashatay Vila Xamar oo Naf Siyaasadeed ka raadinaysa.

Read More

Jamhuuriyadii Sadexaad way burburtay,mana jiro wax ay Somalidu ku midaysan tahay. Maamulada jira,iyaga,ayaa masuul ka ah amniga Deegaamadooda,isla markaana umadax banaan Siyaasadooda gudaha iyo Dibada. Marka la qiimeeyo amaanka Geeska Afrika iyo danaha Somalida Itoobiya in ay baxdo dan kuma jirto Laba arimood awgood…. 1.Deegaamada ay ka baxayso oo ay la wareegayso argagixisada maadaama aysan jirin Ciidan buuxin kara oo Somaliyed. 2.Masaarida imaanshaheeda Somaliya oo keenaya in uu dagaal ku dhexmaro gudaha Somaliya Labada Wadan ee Itoobiya iyo Masar. Xasan Itoobiya,waxa uu hordhigay Laba Qodob haday rabto kasii mid ahaanshaha hawlgalka Midowga Afrika…. B.In ay ka laabato heshiiskii SL ay…

Read More

Uma baahna fasax ay ku gasho ama ku joogto gudaha Wadankii la oran jiray Jamhuuriyada Somaliya. Itoobiya,waxaa uga filan joogisteeda Somaliya in aysan jirin Dowlad ku filan sugida amniga xuduudaheeda oo khatar ku ah Itoobiya. Tusaale? Turkigu 50-km,ayuu gudaha ugalay Siiriya,isagoon fasax ka haysan Dowlada Siiriya. Itoobiya dhawr jeer ayay soo gashay Somaliya,waxaana jiray hal mar oo ay fasax ka haysatay Baarlamaankii Somaliya ee Dowladii Cabdullaahi Yuusuf. Xasan Shiikh,waa damiin Siyaasadeed,sababtoo ah markii uu lahaa Masar,ayaan gaynayaa Qaybta Afraad ee Itoobiyaanku joogaan,waxa uu ifiyay Toosh Itoobiya ku khasbaya in ay joogto halkaas. Itoobiya kama gorgortamayso Bay,Bakool iyo Gedo,sababtoo ah… B.Bay&Bakool,waxay…

Read More

Kaliya,waxaa la meel mariyay hawlgalka cusub ee Midowga Afrika,waxaana lasoo afjaray hawlgalkii hore ee Atmis. Waxa la ansixiyay kuma jirto Ciidamada qaybta ka noqonaya hawlgalka Wadamada ay ka imaanayaan. Xiriir aan la sameeyay Saraakiisha Somalida ee fadhiga qaarkood,waxay iisheegeen in weli la diyaarinayo faahfaahinta qaraarka la meel mariyay. Itoobiya,waxay codsatay in ay amaan ahaan uga bixi karin Somaliya oo ay sii joogayaan Ciidamadeedu una baahan tahay in la tixgeliyo,waxaana taageeray Maraykanka. Qaraarka la ansixiyay,waa midkii ay diidanaayeen Senetero ka mid ah Kongareeska Maraykanka oo ay ku haysteen musuq ka jira gudaha Midowga Afrika. Xasan,waxa uu Itoobiya hordhigay in ay…

Read More

Seneterada Kongareeska Maraykanka uqaabilsan Arimaha Dibada,waa diideen Qaraarkan ku saabsan hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya. Waxay ku haystaan musuq baahsan oo ka jira gudaha Midowga Afrika. Haatan,waxay ku hanjabeen in Maamulka Biden uusan meel marinayn oo ku bixinayn Canshuurta Dadka Maraykanka Dhaqaalaha ku baxaya hawlgalkaas. Trump,ayaa kasii fog oo aysanba macno ulahayn Afrika.m,gaar ahaan Somaliya. Maraykanku,waa bixiyaha kharashka hawlgalka kala bar 50%. In uusan danaynayn ama diidan yahay,waxay ka dhignaanaysaa fashil soo wajahay hawlgalka. Sidoo kale Midowga Yurub horay ayay udiidanaayeen sii maalgelinta hawlgalka Midowga Afrika,waana Deeq bixiyaha ku xiga Maraykanka. Majiro Dal kale sida Shiinaha iyo Ruushka oo bixinaya…

Read More

Maraykanku,waa ka aamusay meelmarinta qaraarkan waliba,isagoo ah Shir Gudoonka. Ka aamusidiisa,waxay ku salaysan tahay dhanka Dhaqaalaha oo waxay ahayd hawlgalkan 75% in Deeq bixiyayaashu bixiyaan kharashkiisa,halka 25% ay ahayd in ay qaataan QM iyo Midowga Afrika lamana helin. Dhanka qaraarkan kuma qorna Itoobiya in laga reebay hawlgalkan cusub,waxaana lakala ogaan doonaa ilaa Beri. Warka sheegaya in Itoobiya laga reebay,waa mid ay Suuqa gashatay Vila Xamar. JQ.

Read More

Dhalinyarada Qaybta ka ahaa Doorashooyinkii Puntland ee Golayaasha Deegaanka,waxaan leeyahay ka fogaada in aad Qayb ka noqotaan waxa Xasan Shiikh wato ee Doorasha ku sheega ah….. 1.Khibradiina,ayaa si khaldan looga faa’idaysanayaa. 2.Dhulkiina iyo Dadkiina,waxaysan Qayb ka ahayn,ayaad ka Shaqaynaysaan. 3.Mustaqbal maleh Xasan waxa uu wado oo BC waa diiday maalgelinteedii,Soamliduna,waa ku diiday. Xasan iyo koixdiisa Villa-da,waxay aad ubaadigoobayaan Dhalinyaradii khibrada ku yeelatay Doorashooyinkii PL si ay u isticmaalaan Maalmo kooban. Sidaan cadayn uhayo ilaa koox Dhalinyaro ah ayay lasoo xiriireen,waxaana qaatay dalabkooda ilaa iyo hada Hal Nin oo Agaasime Guud ka noqday Wasaaradaha PL mid ka mid ah,kaasoo durba laga…

Read More

Argagixisada oo wal-wal ka qabta hawlgalka xooga leh ee kusoo wajahan,ayaa sameeyay Sahan ku aadan goobaha ay ku gaban karaan ama ay ka bixi karaan. 9-Nin ayay udireen Sahan,kuwaasoo gaaray Aaga Degmada Murcanyo,waxàana ka mid ah Goobaha ay sahminayeen…… 1.Toga Galaal. 2.Toga Laaso Guduudan. 3.Toga Dhurbo. Sagaalka Nin ee ay Sahanka udireen Lix ka mid ah,way laabatay,halka Sadex lagu arkay Maanta Toga Ceelasha Wiyeerkaa leh ee Darale ee ujirta 18-km Murcanyo.

Read More

NUGAAL 2-2 MUDUG,waxaa Gool ku laad kusoo baxay xulka Gobolka Nugaal. Hanbalyo Nugaaal Fardaha Kubada Cagta Puntland. Xaqiiqdii PL,waxay muujisay awood Maamul.. 1.Dagaalka argagixisada Diyaar garowgiisa. 2.Koobka Kubada Cagta ee hawsha badan. 3.Shaqadii Maamul ee si fiican usocota. Puntland waa awood qaangaar ah.

Read More

Daacish inta udhaxaysa Toga Biyo Kulule iyo Toga Jaceel ayay iskugu gaysay Maleeshiyaadkeedii iyo Qalab,waxaana ku sugan halkaas hogaamiyayaasha ugu sareeya Kooxda. Kooxda Daacish,waxay ku diyaarisay Maleeshiyaad gaaraya 300 oo fuliya Qaraxyo,Miino Dhulka lagu Aaso iyo Drons Qaraxyo xanbaarsan Shan Xarumood oo kala ah……. B.Goob oo Degmada Qandala udhow. T.Turmasaale oo ah Wadada Buurta laga fuulo ee Beeli-wacatay. J.Hoobato oo ah Balidhidhin. X.Toga Maroodi Magale oo ah Timirshe. . Kh.Toga Xaroowe Ceelka Xabley ee Tasjiic. Weerarada Bosaso ay uqorsheeyeen? B.Diyaarado is qarxiya. T.Saxiimado Miinaysan. Xarumaha Bartilmaameedka u ah,waa….. B.Dekeda Bosaso. T.Garoonka Bosaso. J.Goobaha Dadku ku badan yahay. Fulinta Qaraxyadan,waxay uxilsaareen…

Read More

Waxaa la Diyaariyay 100-Gawaarida Gargaarka Caafimaadka ah. Waxaa la Diyaariyay dhamaan noocyada Dhiiga Ciidanku ubaahan yahay. Waxaa la Diyaariyay Afar Goobood KMG oo Ciidanka ah. Waxaa la Diyaariyay dhamaan Jeelashii Maxaabiista. Waxaa la Diyaariyay Garsoorkii iyo Saxaafadii. Waxaa la Diyaariyay Saadkii lagama maar maarka ahaa. Waxaa la Diyaariyay Diyaaradihii Drons-ka ahaa. Waxaa Diyaarsan Quwadihii Caalamka. Hawlgalkan,waa mid si heer sare oo casri ah loo qaabeeyay.

Read More

Waxaan si hagar la’aan ah u garab taaganahay ciidamada dawlada Puntland hawl galka ay ka fulinayaan Buuraha Golis ee ku teedsan Bada Gacanka Cadmeed ( Golf of Aden). Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan dal iyo debed in ay ka qayb qaataan hiil iyo hooba Dawladu doorkeedii waa ka soo baxday keenii ayaa dhiman. Jaaliyadaha dalka debadiisa waxaan ugu baaqayaa in ay ku dhawaaqaan QAARAAN QARAN oo buuraha Golis lagu xoraynayo akoonana ha la furo, Dalka gudahiisa dadka jooga waxaa la idiinka Baahan yahay xoolo MOOD iyo NOOL ba leh iyo taageera buuxda oo muuqata…

Read More

Garoowe: 26 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland lyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland. Kulanka,ayaa Todobaadkan looga hadlay…… 1.Amniga Guud. 2.Dhacdooyinka Todobaadka. 3.Siyaasada Xeerarka iyo Hab-raacyada Maamulka shaqada iyo Shaqaalaha Puntland. 4.Dhagax dhiga Isbitaalka ugu weyn Puntland oo Garowe laga dhisayo.

Read More

Socdaalkii Itoobiya ee Balcad iyo Sanbalooshe,waa kusoo hungoobeen,waxa kaliya ee kasoo baxay,waa in Sanadka cusub Bisha 2-Aad Gudi kasii Shaqeeya heshiiskii Turkiga lawada sameeyo. Arimaha amaanka,wax badan islama aysan fahmin,waxaana lagu soo kala tagay aan sii wadno wada xaajoodka. Sarkaal Itoobiyaan ah,ayaa ii xaqiijiyay in kulankan kaliya ahaa muujin in wada hadal bilowday oo albaabada laysku furay oo Itoobiyaankuna markooda ay tagi doonaan Xamar. Itoobiyaanku xiriirkooda wada Shaqayneed ee Somaliland iyo Jubaland si caadiya,ayuu ugu sii soconayaa mana jiraan wax isbadalay ama isbadali doona,sida uu xaqiijiyay Saraalkaas. Labada Maamul ee SL iyo JL way ka masuulsan yihiin Maamulka Xamar oo…

Read More

Argagixisada Daacish,waxaa Saakay iska soo dhiibay horin ka faa’idaysanaysa baaqii Madaxweynaha. Horintan oo Ciidanka PL isku soo dhiibay,waxay ku Hubaysnaayeen Qoryo Boobayaal ah. Hawlgalka sifaynta argagixisada si habsami leh,ayuu usocdaa. Jiic-boore? Dagaal kama dhicin waa Rasaas dhexmartay Labada Awboos ee Galmudug iyo Puntland. Waxaa kaloo jiray Nin Reer Miyi ah oo kasoo jeeda Galmudug oo Aagaas Shalay ku dhintay rabi ha’unaxariisto. Xarfo? Shaqaaqadii dhacday si wanaagsan,ayaa loo xakameeyay oo loogu guulaystay Labada Jifi ee ay kasoo kala jeedeen Dhalinyarada khaladka samaysay,waa qaateen Gudoonka lagu riday. Islaan Bashiir oo maqnaa,waa yimid,wuxuuna imaanshihiisu wax weyn ka tarayaa si rasmi ah in khilaafkan…

Read More

Baanka Aduunku,waxa uu joojinayaa taageeradii Maaliyadeed ee uu siin jiray DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Go’aanka Baanka Aduunka,ayaa hirgalaya Bisha Janaayo ee 2025. Go’aanka Baanka Aduunka,ayaa ku qotoma kala qaybsanaanta Siyaasadeed ee Wadanka iyo Deeqihii oo ay Villa Somaliya Siyaasadaysay. Baanka Aduunku,waxa uu aad dhibsaday kana bixiyay digniin Lacagihii laga hakiyay PL kal hore,waxaase xaalku Cirka isku sii shareeray markii JL laga reebay Lacagtii Kabida ahayd ee ugu danbaysay. “Hadii DG walba oo aad isku qabataan Siyaasad,aad Lacagta Baanka Aduunka ka xanibaysaan masii wadi karno taageerada”Ayaa kagu yiri qoraal loo diray Xamar. Taageerada Baanka Aduunka,ayaa iskugu jirtay Kabid Miisaaniyadeed…

Read More

The Minister of State of the Federal Ministry of Foreign Affairs, Ambassador Misganu Arega, and the State Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia, Ethiopia, spoke in Addis Ababa. Ambassador Misganu said that Ethiopia is committed to the implementation of the Ankara Agreement, Ambassador Misganu added that Ethiopia has a lot to do to ensure peace in Somalia Ambassador Misganu said that Ethiopia and Somalia have inseparable destinies. Ambassador Misganu said that Ethiopia has made a lot of sacrifices to ensure peace in Somalia, They focused on the issue of the two countries. The foreign…

Read More

“Qasa,waxay noqonaysaa Muqdisho oo kale,(Muqdishadii Maritereeniyanka)”Ayuu yiri Xoghayaha Arimaha Dibada Midowga Yurub. Magaalo aysan ka jirin amar iyo kala danbayn oo bahalo galeen ah sida Muqdisho ayay kusii socotaa Qasa,ayuu noqonayaa hadalka xigmadiisu. Magaaladii noo ahayd Caasimada,ayaa Caalamku maqaamkaas uhayaa oo Qasada burburtay la leeyahay yaysan noqon,iyadoo kale. Waa hadal muujinaya sida Aduunku noo arko iyo maqaamka aan ku dhex leenahay ee ay sababtay Muqdisho. Halka Adis-ababa tahay Xarunta Midowga Afrika,Fadhiga Labaad ee Maraykanku ka hago Siyaasada Afrika iyo mid ka mid ah Xarumaha Diblomaasiyada Caalamka. Somalidu Dowlad masii wada lahaan karto. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland si wacan ayay wax uga qabatay oo uga hawlgashay Shaqaaqadii Xarfo. 1.Waxay Gacanta ku dhigtay Xasiloonidii. 2.Waxay qabatay kulan Waxgaradka ah. 3.Waxay soo saartay Qodobo laysku raacay. Shaqaaqada Xarfo salkeedu,waa Deegaamaynta,taasoo W.A.G ay mamnuucday Magaalayn cusub. Khalad,waa dhacaa,waxaase muhiim ah wax ka qabadka,waana la muujiyay waxqabad muuqda. Dadka reer Puntland,waa Dad is jecel,is ixtiraama oo leh Dhaqan iyo Maamul macno leh oo wax kala yiraahada mar marka wax dhex maraan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Puntland,waxay leedahay Qurbajoog saamayn weyn ku leh Wadamada ay ku Dhaqan yihiin oo sameeyay Aqoon iyo Dhaqaale. Dhakhtar Aadan,waa mid ka mid ah Qurbajoogta oo Wadanka wax kusoo celiyay kana hirgelinaya Garowe Isbitaalka ugu weyn uguna casrisan. Geeska Afrika. Wasaarada Qorshaynta PL,waxaa laga rabaa in ay ka faa’idaysato Qurbajoogtaas qiimaha badan oo diyaariso qorshayaal iyo aragtiyo soo jiita. Si gaar ah,waa in Waax qaabilsan Qurbajoogta oo la xiriirta ay samaysaa Wasaarada. Israa’iil, waxaa dhisay oo hadana u ah Garab Qurbajoogteeda,waxayna gaarsiiyeen in Aqalka-cad laga ilaaliyo danaha Yuhuuda. Aan ka faa’idaysano Qurbajoogteena.

Read More

Caalamkan,waxaa hogaaminaya Danaha R.Galbeedka iyo Yuhuuda,waana lala dirirayaa Dalkii iyo Dadkii loo arko in ay caqabad ku noqon karaan. Waa loo jeedaa Islaamka Bariga Dhexe Sunni iyo Shiico kuu noqdaba in laga adkaaday oo meesha laga saaray Hogaamiye walba oo ay ku jirto aragti wax iska caabin. Somali hadaan nahay,waxaan la Qayb nahay Islaamka Bariga Dhexe oo waxaa naloo arkaa Dad caqabad ku noqon kara danaha Galbeedka iyo Yuhuuda. Dhamaan Dowladaha Islaamka ah ee jira dantooda gaarka ah,ayaa mudnaan uleh,waxayna u arkaan la Shaqaysiga Galbeedka in ay ku khasban yihiin. Dowladihii Islaamku,waxay ku tartamayaan u adeegida Galbeedka iyo noqoshada Dulaalka…

Read More

Sanbalooshe,waa Ninkii yiri…”91-dii Hawiyaa Dalkan ku adkaaday ee see Sharciga loogu dul samayn karaa oo Gabdhaha PL uga qurux badan yihiin Gabdhahooda”. Hadalkaas iyo fikradaas uu qabo,waxa uu ku helay abaal celin ah in laga dhigo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka. Saakay Itoobiya,ayuu hor fadhiyaa oo kala xaajoonayaa Dan Qaran,saw mahan Dhurwaa Hilbo ku raro?. SL masuuliyiinteeda,ayaa uga dhow Dan Umadeed,sababtoo ah Danta Deegaamadooda waa udaacad,isla markaana ka khibrad iyo Aqoon fiican Sanbalooshe iyo Balcad. Maamulka SL halooga danbeeyo arinka Itoobiya ee Badda,sababtoo ah ma Villa Somaliya Raga jooga ee aan ujeedno siday udhaqmayaan,ayaa ehel u ah Bad Somaliyed ilaalinteed? Sanbalooshe iyo…

Read More

Saakay,waxa uu joojiyay Diyaaradihii Shacabku isticmaalayeen ee JL. Ogow Diyaaradahaas ma’ahan kuwo Dowladu leedahay ee waa kuwo Shacab Lacagtooda kusoo maalgashteen. Ogow Dadka raacaya Dowlad kama bixiso mana kabto ee Lacagtooday isticmaalayaan. Ogow,waxa Diyaaradahaas loo joojiyay,waa kala duwanaansho Siyaasadeed oo loo dhibaataynayaa Bulshada Caadiga ah. Madaxweynihii Xasan ka horeeyay ee Farmaajo sidaan oo kale,ayuu yeelay oo awoodii yarayd ee lagu aaminay ugu isticmaalay Shacabka. Villa Somaliya aragtida iyo Dadka fariista mar walba masuul ma’ahan. Looma daba fariisan karo,lagumana aamini Karo Awood Dowladeed. Somalidu isma qaadan karto,ismana aqbali karto,mana wada yeelan karto Dowladnimo,layskugumana dhiibi karo awood.

Read More

Halkani,waa Adis-ababa Caasimada Shucuubta kala duwan ee Itoobiya iyo Xarunta Midowga Afrika. Waa Amni iyo Magaalo Itoobiyaanku usiman yahay,isla markaana Dibomaasiyiinta Caalamku aaminsan yihiin. Muuqaalkeedu,waa muraayad lagaga tusaale qaato Nidaamka,ilbaxnimada iyo jiritaanka Qofka Itoobiyaanka ah. Somalida 20-kii Sano ee udanbeeyay,hay’adaha Fadaraalka,waxay ku Shaqaynayeen Xamar oo Caasimad noo ah. Xamar,waa Magaalo burbursan,Amni ahayn,loo sinayn,Nadaafadeedu Dhulka taal oo lagu tilmaami karo God Dhurwaa. Muuqaalka Muqdisho,waxa uu astaan uyahay muuqaalka Qofka Somaliga ah. Uma qalanto in sii ahaato Xarun Somaliyed,mana matali karto Sinjiga Somaliga ah. Xalka Somalidu,waa in ay kala noolaato oo kala tashato xaqiiqdii. Somalidu isma qaadan karto ismana aqbali karto ee…

Read More

Hodaale,waa Xaafad kusoo biirtay Xaafadaha Caasimada PL ee Garowe oo dib udejin loogu sameeyay Dadka Barakacayaasha ah ee Somaliyed. 1000 Qoys,ayaa la dajiyay Xaafadan oo looga dhisay Guryo cusub. Waxaa xusid mudan in Xasan Shiikh Guryaha ka dumiyo Shacabka Danyarta ah,taa badalkeeda PL ay udhisto Guryo cusub Dadka soo barakacay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maalmo ka hor dagaal xoog leh,ayaa dhexmaray kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Shabaab. Dagaalku,waxa uu ka dhacay Deegaanka Xabley,waxaana looga adkaaday kooxda Daacish,iyadoo Shabaab uu la wareegay fariisimahoodii. Maleeshiyada Daacish ee laga adkaaday,ayaa haatan ku sugan Toga Ariile iyo Toga Wadisoor oo ah Togag isbarbaryaala oo ku dhamaada Camayra. Ciidanka Amaanka ee kusii jeeda Kooxahan waa ufursad isku dhacooda.

Read More

Waa marka hore ee Turkiga ayay kula Shirtay oo ka saxiixatay danaheedii. kadib,waxay Maanra ku karbaashtay Gobolka Gedo oo ay soo gelisay Laba Urur oo Ciidamadeeda ah,kuwaasoo taageerayay weftiga JL. Sidoo kale Maamulkii iyo Ciidankii Xasan Shiikh,ayay Doolow ka saartay Itoobiya,iyagoo gaarsiiyay khasaare iskugu jira Dhaawac,Dhimasho iyo Maxaabiis. Waxaa la yaab leh in Adis-ababa ku sugan yihiin W.Dowlihii Arimaha Dibada Cali Balcad iyo Talyihii Nisa Sanbalooshe si ay wada xaajood ku saabsan wadashaqayntii lagu soo balamay usii wadaan. Wixii ka dhacay Gedo,waxay muujinayaan in Itoobiya aysan abid aaminayn Xasan oo ay Laba Waji kula dhaqmayso. Waji gabaxa Xasan ku dhacay,waxa…

Read More