Argagixisada? Maalin ka hor ayay qabsadeen 10-Magaalo oo Xamar ku hareeraysan,waana ku fashilmay Dagaalkii uu ku qaaday Sanad ka hor. Saldhiga Dayax-Gacmeedka? Turkiga,ayaa qorshaynaya in uu ka dhisto Saldhig Dayax-Gacmeed Somaliya,kaasoo uu rabo in uu sii kireeyo,mahan wax Somali leedahay ama dan ugu jirto kaliya,waa wax Xasan xoogaa Shaaha ka helayo. Dayn qaadasho? Dayn qaadashada ufuran Somaliya mahan Lacag Cadaan ah ee waa Mashaariic,waxayna ku xiran tahay Siyaasad midaysan iyo Amni laysku halayn karo. Doorasho Q&C? Somaliya Doorasho Q&C ay ka dhacayso majirto,balse,waa qorshe Xasan Kursiga kusii joogayo oo ku samaysanayo mudo kotorsi 2-Sano ah. Dastuurka? Somalidu,waxay heshiis ku ahayd,waa…
Author: Jibril Qoobey.
Argagixisada,waxay Difaacooodu ku ururiyeen Gaatir-Oodan oo ah goob muhiim u ah dagaalka oo leh Difaacyo dabiiciya. Ciidamada Difaaca Puntland iyo garab istaagooda weyn ee Imaaraadka,waxay wadaan duqayn joogta ah oo Caawaba socota,taasoo diciifinaysa,isla markaana burburinaysa dhufaysyada argagixisada. Ciidanku halka uu Caawa ku sugan yahay,waxay ujirtaa Gaatir-Oodan 8-Km,waana inta ugu muhiimsan hawlgalka sifaynta argagixisada Wajigiisa Labaad. Marka Gaatir-Oodan la galo,waxaa haraya 20-km oo Sheebaab ah oo aysan argagixisadu ku hakan karin oo durduro lagu gaarayo Dooxada. Maalmo kooban kadib,waxaa lagu dhawaaqi doonaa in uu guulaystay Wajigii 2-Aad ee hawlgalka oo ahaa Turmasaale-Dhasaan,waxaana loo gudbi doonaa Wajigii 3-Aad oo ah sifayn Guud…
By:-✍️ Dr. Liban Cigaal. Puntland waxay si geesinimo leh u hoggaamineysaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta ISIS, iyada oo aan wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka. Halka ciidanka Puntland ay dhiiggooda u hurayaan difaaca dalka, madaxda Villa Soomaaliya waxay doorbideen inay sheegasho iyo iska indho-tir xaqiiqada dhabta ah isku mashquuliyaan. Wasiir Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Federaalka laga hor istaagay taageerada Puntland, balse su’aasha dhabta ah waxay tahay: Yaa idinka hor istaagay inaad booqataan ciidamadii Soomaaliyeed ee dhaawaca ahaa, kuwaas oo Addis Ababa lagu dabiibayay, meel aan ka fogeyn xaruntii aad shirka u joogteen ? Waaba haddii aad aaminsan…
Maanta ma dhicin wax dagaal ah kaliya Ciidanku horay,ayuu uruqaansaday Shido la’aan. Shalay,waxaa dhacay dagaal guul weyn lagu gaaray hadana dhibka soo gaaray Ciidamada Difaaca Puntland uu koobnaa. Afar Askari oo Shahiiday iyo 6-Dhaawac ah,ayuu noqday dhibka lagu hantay Guushii Shalay ee Ciidamada Puntland. Muhiimada,waa sifaynta fariisimaha kala ah… 1.Gaatir-Oodan 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sida muuqata Ciidamada Difaaca Puntland si khibrad sare leh ayay ugalayaan dagaalka xiligan.
Fiqi waxa uusan fahansanayn hadalkan in MW Deni uyahay faa’ido weyn oo Shacabka Puntland usoo jiidaya,isla markaana uxaqiijinaya in uusan Villa-da waxyar oo dabac ah umuujin. Maanta reer Puntland Siyaasiga ka gadmaya ee ay u istaagayaan,waa kan aan Xamar uwadin oo ka fog si adgana ula Xisaabtama. Deni,waxa uu muujiyay adayg Villa-da ka dhan ah iyo Xisaabtan loo baahnaa,waana mida usoo jiiday Shacabka oo uu kagaga adkaaday Siyaasiyiintii kale ee reer Puntland. Mar walba oo Villa-da iyo Dadkeedu hadlaan Deni ayay utahay fursad iyo faa’iido sida hadalkan Fiqi oo Deni ka dhigay Wiil la holin waayay oo diiday sandareerto iyo…
Saldhigyada Toga-jeceel ee ku harsan Gacanta Argagixisada,waa …. 1.Gaatir-Oodan. 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sadexdan Saldhig,waxay ku fadhiyaan 26-km,waxaana qiyaastu tahay Laba Maalin Dagaal oo min 10-Km la guuro. Galabta Ciidanku Guul weyn,ayuu gaaray,waxaana argagixisada ku dhacay Gacan fiican,iyagoo Ciidanka kusoo rogaal celiyay oo Xabadu socoto,ayaa Diyaaradaha duqayntu kor uga bilaabeen,waxaana isku raacay Xabadii Dhuka iyo garaacistii Cirka. Ciidanka Difaaca Puntland ruqaansi fiican ayay sameeyeen Maanta.
Sheebaab oo ahayd Madaxtooyada Argagixisada,waxay noo jirtaa 25-Km Caawa. Ciidanka Difaaca Puntland,waxay soo nadiifiyeen Dhul gaaraya 250-km oo ah Dhul adag oo leh Togag,Buuro,Jeexyo iyo Boholo. Waxay ku waayeen Ciidanka Difaaca Puntland xaqiijinta guushaas weyn ee Taariikhiga ah ku dhawaad 200-Askari oo isku jira Dhimasho iyo Dhaawac. 64-Askari oo Shahiid ah. 117-Dhaawac ah oo ay 78 fududahay oo 58 ka mid ah Dib ugu laabatay Dagaalka,halka 18 Dibada loo qaaday. Dowlada Puntland,waxay ku bixisay dagaalkan socda 2-Bilood Dhaqaale ku dhow $17-Milyan. Dhiiga iyo Dhaqaalaha ku baxay dagaalkan,waxa uu xaqiijiyay in 1-kii Km oo Dhulka reer Puntland ah uu ka Qiimo…
Today, two airstrikes in the Damdamaale area killed 29 ISIS terrorists. Seven were killed in the Damdamaale valley, while the rest were eliminated inside the village of Damdamaale. The airstrikes were carried out by Puntland’s allies, the United Arab Emirates.
Maanta Garaacistii Labaad,ayay fuliyeen Diyaaradaha Drons-ka Imaaraadka. Garaacistii saakay,waxaa lagu dilay 20-Maleeshiyada argagixisada ah. Kan Goor dhawayd dhacay weli ma cada khasaaraha lagu gaarsiiyay argagixisada. Dowlada Imaaraadka si hagar bax ah ayay Qayb uga qaadatay hawlgalka sifaynta argagixisada ee PL. Sadexdii Beri ee ugu danbaysay,waxay Imaaraadku fuliyeen 4-Duqayn oo muhiim ahaa,isla markaana argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro weyn,waxaana lagu dilay ku dhawaad 80-Xubnood oo argagixisada ah. Imaaraadku,waxa uu kasbaday quluubta Shacabka Puntland.
Hawlgalkii maanta oo ahaa Cir iyo Dhul, waxaa lagu dilay in ka badan 44 Argagixiso Daacish ah, waxaana laga qabsaday Argagixisada Deegaano muhim ah. Halkan ka akhriso:-
Ciidanka Difaaca Puntland,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaanka Qurac iyo Dandamale oo ujirta Taliska Guud ee argagixisada ee Sheebaab 34-KM. Ciidanku Maanta,waxay sifeeyeen 10-KM. Saakay argagixisada,waxaa la garaacay,waxaana looga dilay garaacistaas 20-Nin. Dagaal toos ah oo dhexmaray argagixisada iyo Ciidanka Difaaca PL,waxaa looga dilay argagixisada 28-Nin. Waxaa jiray Niman Guri isku qariyay oo damacsanaa in ay Ciidanka isku qarxiyaan,waase la ogaaday oo waa lagu dumiyay,waana kuwa Sawiradooda lasoo bandhigay. Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Difaaca P L,waa Gaari kuwa hawlgalka ah oo Miino la qaraxday,waxaana ku dhintay Hal Shihiid,iyadoo Lix kalena ku Dhaawacmeen. Ciidanka haatan halka uu ku sugan yahay marka laga…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay bilaabeen weerarkii soo afjarida argagixisada. Waxay Cagta mariyeen Talal ilaa Dhasaq. 13-Miino ayay qarxiyeen Ciidanku inta ay ku jireen hawlgalka Saakay ay ku dhaqaaqeen. Majirin Ciidan wax ku noqday Miinooyinkaas la qarxiyay. Argagixisada xogaha laga helayo,waxay sheegayaan in ay diyaariyeen… 1.Laba Gaari oo Qarax ka buuxo. 2.Mootooyin Qaraxyo ka buuxaan. 3.Rag isqarxinaya oo ay uyaqaanaan (Inqimaasi). Dhanka Toga Ina Cidoole firxad iyaga ah,ayaa lagu sheegay,waxaase dhici karta in ay yihiin kuwo mashquulin Ciidanka ah.
Kenya,waxay Qayb ka noqotay Quwadaha Gacmaha kula jira Sudan. Si cad,waxay uga Shaqaynaysaa burburinta Dowladnimada Sudan oo hadaba wiiqantay. Wadankeeda,waxaa ka dhacaya oo waliba ku qabanaysaa xarunta Shirarka ee KCC Shir Mucaaradka RSF iyo xulafadoodu ku dhisanayaan Dowlad barbar taala mida QM aqoonsan tahay ee Khartuum. Dowladaas,lagu dhudi doono Nayrobi,waxaa qorshuhu yahay in Galbeedka Sudan looga dhigo Xarun. Waxay xoguhu sheegayaan Kenya in Quwado Dibada Qaarada ah ku riixayaan taageerada Mucaaradka. Hab dhaqanka Kenya,waxay sii murginaysaa xaalka cakiran ee Bariga Afrika,waxayna Seenyaale udiraysaa in Wadamo kale oo Gobolka ah ay ka samaysmi karaan Dowlado iska soo horjeeda.
Bosaso : 19 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Og: Hay’adda Socdaalka Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay…
Somaliya iyo Itoobiya,ayaa yeeshay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo ee kadib heshiiskii Baaqa Ankara, oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo nabadda gobolka. Wadahadalladan, oo Talaadadii ka dhacay Magaalada Ankara,ayaa waxaa martigeliyay wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyadoo wafdiyada ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliya, Cali Maxamed Cumar.
Today, an airstrike killed more than 11 members of the ISIS terrorist group who had gathered in a cave near the Sheebaab area in the Calmiskaad Mountains. The airstrike was carried out by Puntland’s government allies from the UAE. #Puntland #Hilaacoperation #Calmiskaad
Duqayn kale,ayaa ka dhacday Buuraha Cal miskaad. Duqeyn,waxaa lagu dilay 11-xubnood oo ka mid ah Maleeshiyada Argagixisada Daacish,sida ay xaqiijisay Dowlada Puntland. Duqaynta,ayaa ka dhacday God ku dhow Sheebaab oo ka tirsan Cal miskaad. Dowlada Imaaraadka Carabta oo garab ugu ah Puntland dagaalka argagixisada,ayaa fulisay. Maalmaha soo socda Ciidamada Difaaca Puntland,waxay qaadi doonaan weerar Dhulka ah oo xoog badan,kaasoo ka dhan ah argagixisada
Wadadan,waxay muhiim utahay loolanka Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Somaliland,waana mida ku aadan Wadada Burco-Ceerigaabo. 60-kii Sano ee Somaliya ay xorta ahayd Sanaag nasiib uma yeelan Kaabayaal Dhaqaale oo macno leh. 26-kii Sano ee ay Puntland jirtay Sanaag,waxaa ka hirgalay Mashaariic door ah oo laga xusi karo….. 1.Wadadan dhismaheedu socdo. 2.Jaamacada Badhan. 3.Garoonka Diyaaradaha Badhan oo la dayactiray. 4.Xarumaha Maamulka oo la hormariyay. 5.Ceelal Biyood door ah. Sanaag,waa Wadnaha Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Qasa haddii dagaalka la soo afjaro. Diblomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan. Wadahadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka. Qorshahaas…
Waxaa la yaab leh in Safiirka Somaliya ufadhiya Sacuudiga uu hayo Magacyada Dadka xiran ee la Tooganayo. Safiirku arinkaas kama hadlin,mana ogaysiin ehelkooda mana samayn wax ficil ah oo uu ku difaacayo Dadkaas ku xiran Sacuudiga. 45-Qof oo Somaliya in ay Dil uxiran yihiin oo DDowlada haysata Aqoonsiga QM aysan ka hadlin,waa wax muujinaya sida ay utahay Qayra masuul. Xasan Shiikh,waa Ninka ugu socodka badan Madaxweynayaasha Caalamka,sidaas oo ay tahay,waa garan waayay in uu Safardiisa ku darsado uqareemida Dadkaas xiran. Diinta Islaamku ma qabto in Daroogo Qof loo dilo. Sidoo kale Xeerka Somaliya ma qabo in Daroogo Qof loo Toogto.…
DFS,waa Magac haysta Aqoonsiga QM,intaasaa keenaysa in la xuso ee wax saamayn ah iyo wax tala ah oo ay ku leedahay Garaacista PL ka dhacda majirto. Goobaha la garaacayo,waxaa bixiya PL,isla markaana wakhtiga garaacistu dhacayso,iyada,ayaa lala soo wadaagaa. Sadex duqayn,ayaa Xalay dhacay oo ay kala fuliyeen Imaaraadka iyo Maraykanka. Laba,waxaa fuliyay Imaaraadka,halka midna uu fuliyay Maraykanka,waxaana xoog badnayd mid ka mid ah kuwa Imaaraadku fuliyay Sxb-da Caalamka ee PL,waxay mudan yihiin bogaadin,gaar ahaan Imaaraadku,waxa uu umuujiyay PL Dhiig shubid.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish. Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso. “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u…
Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka,ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump. Wadahadalladan,ayaa imaanaya,iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii Madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada Madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa…
The rise of ISIS in Puntland was not inevitable, it was preventable. These terrorists did not appear overnight; they slowly built their presence, exploiting Puntland’s lack of immigration control, fragmented security forces, weak financial oversight, and international isolation. Puntland did not fail because it lacked the will to act but because it lacked the institutions to detect, monitor, and eliminate the threat early on. Puntland reserved for the Federal Government of Somalia to establish these four key institutions: immigration, defense, financial oversight, and foreign relations. These were the only institutions Puntland agreed to reserve for the federal government under the…
The United States and the United Arab Emirates have carried out airstrikes targeting areas in the Calmiskaad Mountains, located in the Jaceel Valley. These joint operations took place today, February 16. In the afternoon, the UAE launched an airstrike on Xaankooki, near Dhasaan. Later in the evening, USAfricaCommand warplanes bombed GodkaKunle, near Daramodow. The operation, codenamed “Hilaac”, is part of Puntland’s ongoing offensive against #ISIS fighters in the region, which has been active since the beginning of the year. The government has confirmed that it has reclaimed territories previously controlled by the group and inflicted casualties during the battles. Somalia…
Sxb-da Caalamka ee Puntland,ayaa fuliyay Sadex duqaymo Galabta ilaa Caawa. Xakookil oo udhow Dhasaan ah iyo Godka Kunle oo udhow Darin Madoobe ah,ayay ka kala dhaceen Duqaymaha. Bartilmaameedka Duqaymahan,ayaa ahaa hogaamiyayaasha ugu sareeya argagixisada Daacish. Maalmaha soo socda,ayaa la helayaa xaqiijinta rasmiga ah ee khasaaraha la gaarsiiyay argagixisada. Sxb-da Caalamka ee PL,waxay muujinayaan garab istaag weyn oo ay usamaynayaan Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada Hillaac.
Argagixisada,ayaa Ciidanka usoo dirtay Afar Diyaaradood oo Qaraxyo sida. Dhamaan Drons-kaas,waa lawada soo riday. Majirto khasaare kasoo gaaray Ciidanka Diyaaradahaas. Goobta lagu soo riday Diyaaradaha Drons-ka ah,waa Hararyo.
Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana Argagixisada Daacish. Dowladda Puntland waxay Saaxibada Imaaraadka uga mahadcelinaysaa gacanta joogtada ah ee ay ka geysanayso dagaalka ay Puntland kula jirto Argagixisada Daacish/ISIS. -DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA EE HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA DAACISH-
By:Prof.Kaynaan. The first litmus test for Mr. Mohamoud Youssouf’s leadershio and vision for Africa will be what he says or doesn’t say about the threat posed by #ISIS to Africa. #ISIS is making its last and most vicious stand in the strategic mountains of #Puntland, Somalia. If the newly elected Chairperson of the #AUC fails to immediately address the ISIS menace so close to his homeland, the only conclusion that could be drawn is that #Peace, #security and #prosperity for the Horn, Africa and the world are not among Mr. Youssouf’s topmost priorities. The ISIS menace imperils African peoples and…
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish, iyo weerarkii talaadadii todobaadkii ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka argagixisada furimaha hore ee Togga Jeceel, kaas oo si ba’an loogu jebiyay Daacish, loogana dilay 89 xubnood. “Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixiso ee ISIS ee ka dhanka ah Ciidamada Difaaca Puntland ee dhacay 11ka Febraayo. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska geesiyaasha ciidamada amniga Puntland ee askarta ku waayey naftooda weerarka.
Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay Dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii “Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka saaran qaaradda”Ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore. Waxa uu sheegay in Guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare. Marka laga soo tago ilaalinta Nabadda iyo amniga Qaaradda, waxa uu sheegay…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf,ayaa ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Maanta ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo Dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay. Ilaa Lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar,ayaa ahaa mid qaatay ilaa Toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar,ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii Saddexaad. Wareeggii Lixaad,ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in…
Madaxweynaha Dalka Angola João Lourenço,ayaa loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika isaga oo beddelaya hoggaamiyaha hadda jagadaas haya oo ah madaxweynaha dalka Muritaaniya. Madaxda Midowga Afrika,ayaa la filayaa in ay sidoo kale dooran doonaan qofka noqonaya guddoomiyaha Fulinta ee Midowga Afrika. Kursigaas,waxaa ku loolamaya Wadamada Jabuti iyo Kenya oo ay kala metalayaan Raila Odinga iyo Maxamuud Cali Yuusuf.
Shir Madaxeedka 38-aad ee Madaxda Wadamada Midowga Afrika,ayaa ka furmay Addis Ababa ee Xarunta Midowga Afrika. Arimaha looga xaajoonayo,waxaa ugu waa weyn Doorashada Guddoonka cusub ee Midowga Afrika. Shirka,ayaa soconaya Sabtda iyo Axada,waxaana lagu dooran doonaa Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Midowga Afrika,iyadoo Guddiga fulinta horayba loo doortay. Xilka Gudoomiyaha,waxaa u tartamaya…. 1.Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuti, Maxamuud Cali Yuusuf. 2.Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga. 3.Wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar Richard Randriamandrato. Musharrax walba,waxaa khasab ku ah in uu helo taageerada Saddex-meelood Labo Codadka Wadamada Qaaradda si uu Guushiisa uxaqiijiyo. Xilka Guddoomiye ku-xigeenka waxaa isna u tartamaya Madax kasoo…
Haduu qiimo lahaa garab istaag Boqor Buurmadow,ayaa umuujiyay Puntland. “Hadii Somalinimo jirto oo waxuun laysku taageeri karo PL halagu garabsiiyo la dagaalanka Cadowgaas soo duulay ee kuligeen khatarta ku ah”Ayuu yiri Boqorku. Erayadaas Hal Nin oo ka mid ah Dhaqanka Somalida kale ah uma oran Puntland. Sidoo kale taariikhda iyo hanka reer PL,ayuu Boqorku uqiray si Gobanimo ah. Wuxuu kaloo ku baaqay wax wada qabsi Siyaasadeed oo ay yeeshaan reer PL iyo reer SL sidii udhacdsy 60-dan maadkii. Boqor Buurmadoow,waa Jookar iyo Geed fadhiga Dhaqanka iyo Siyaasada SL iyo Beesha Direed si Guud. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4DAfxk3TQzk?si=4aJIrtMk9RU8ag3V
Xamas,ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto Saddex Qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay Xabbad-joojinta ka jirta Marinka Qasa. Xamas,ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta Maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta Qodobbada Xabbad-joojinta. Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in isaga iyo hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen in ay “si degdeg ah” u bilaabaan wada-xaajood ay Madaxweynaha Ukraine kala yeelanayaan soo afjarista colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine. Trump,ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo, iyadoo kan ugu horreeyana uu sheegay in uu ka dhici doono dalka Sacuudiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-7gvQck95iE?si=S8dltOGjDuGDLp03
DRC Dalka Aduunka ugu qanisan hadana Dadkiisu ugu gaajaysan yahay. Congo,waxaa rabi ku manaystay…… 1.Waxay leedahay 80-Milyan oo Hegtar oo Dhul Beereed ah,kaasoo quudin kara 2-Bilyan oo Qof,waxaa xusid mudan in Afrika tirada Dadkeedu dhan yahay 1.3-Bilyan. 2.Waxay leedahay Macdan lagu qiyaasay $24-Trilyan. 3.Waxay leedahay Wabiyo,Harooyin iyo Laagag iyo Roob joogta ah. 4.Waxaa laga samaynayaa Biyo xireen 9-jibaar ka weyn kan Itoobiya oo soo saari kara 45-kun MW,waxaana Korontada laga dhaliyo dabooli kartaa Baahida Koronto ee 40% Qaarada Afrika. Wadankaas 1998 ilaa hada,waxaa dagaalo ku salaysan khayaraadkaas ugu Geeriyooday 6-Milyan oo Qof.
Hawlgalka sifaynta argagixisada Hillaac,waa guulaystay,ayaa la oran karaa marka lagu qiimeeyo Guulaha la gaaray. 70% Dhulkii Argagixisadu ku suganayd,waa la sifeeyay. 70% Awoodii argagixisada,waa la burburiyay. 70% Xubnihii argagixisada,waa la laayay. Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Caawa joogaan Qurac oo ahayd Talis adag oo argagixisadu lahayd,balse ay ka carareen. Dhulka haray ee argagixisada laga sifaynayo,waa 30-km oo Dhasaan ugu fog tahay,waxayna xogaha laga helayo argagixisada dhexdeeda sheegayaan in walaahoow,baqdin iyo burbur ay ku jiraan. Argagixisada,waxaa la yaab ku noqday Geesinimada,Dhiiranaanta iyo Wadaniyada Ciidamada Difaaca Puntland. Hawlgalkii Hillaac,waa Guulaystay.
Trump qorshihiisii rarida reer Falastiin,waa ku dhaqaaqay,waxa uuna uyeeray Madaxdii Carbeed ee kala Shaqayn lahayd. Hada,waxaa la jooga Boqorka Jordan,waxaa imaan doona Sisi-ga Masar iyo Boqorka Sacuudiga. Kulamadaas kadib,ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa halka loo rarayo Falastiniyiinta. Wadamada loo rarai doono ee uu Afka ku dhuftay Trump,waxaa ka mid ah… 1.Urdun. 2.Masar. 3.Meelo kale. Sida muuqata Trump,waa ka dhabaynayaa hindisihiisa mana jirto cid uu ujoojinayo,waana ka furaystay Dhagaha Qaylo walba oo yeeraysa. Madaxda Carbeed ee Laba Wajiilaynayay maraduu ka fayday si cadna,wuxuu ugu amray in ay ka Shaqeeyaan fulinta qorshihiisa. Qaabka uu ula qabtay Shirka jaraa’id Boqor Cabdalla…
Labo duqeyn Cirka ah oo Caawa ka dhacay Aagga Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad,ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaalyahannada ISIS, intooda badan waxay ahaayeen Ajaanib,waxa kaloo lagu burburiyay Gaargii sahayda ay ku wateen.
Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Hindiya,ayaa qabtay Burcad Badeed hubaysan oo dhawaan Xeebaha Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka Af-duubtay Doon Kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay. Burcad Badeeda Gacanta lagu dhigay oo ka soo wada jeeda PL,ayaa Subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan Biyaha Somaliya ku weeraray Doon Kalluumeysi oo Hindiya laga leeyahay taasoo dalbatay gurmad deg-deg ah,kadibna uu usoo gurmaday Markabkan dagaal. Sidoo kale Doontii Kalluumeysi ee ay horay u qabsadeen Burcadan,ayaa iyadana laga furtay oo hada ku jirta Gacanta Ciidamada Hindiya.
In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted airstrikes against ISIS-Somalia on Feb. 01, 2025. The joint airstrikes targeted senior ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles southeast of Bosaso. Mareykanka,ayaa sheegay in duqayntii uu ka fuliyey Puntland, uu ku diley 14 ka tirsan IS oo uu ku jiro Madixii hawlgallada dibedda & Qorista Dagaalyahanada Dunida”. The command’s current assessment is that approximately 14 ISIS-Somalia operatives were killedand no civilians were harmed. Among those killed was Ahmed Maeleninine, a key ISIS recruiter, financier, and external operations leader responsible for the deployment of…
In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted airstrikes against ISIS-Somalia on Feb. 01, 2025. The joint airstrikes targeted senior ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles southeast of Bosaso. The command’s current assessment is that approximately 14 ISIS-Somalia operatives were killedand no civilians were harmed. Among those killed was Ahmed Maeleninine, a key ISIS recruiter, financier, and external operations leader responsible for the deployment of jihadists into the United States and across Europe. Degrading ISIS and other terrorist organizations’ ability to plot and conduct attacks that threaten the U.S. homeland, our…
Waddamadee bay ka kala yimaadeen argagixisada ISIS ee ku soo qulquleysa, kuna soo duushay Puntland? Sida uu qoray Taliska Mareykanka ee AFRICOM ee hawlgalka Afrika, argagixisada ISIS waxa ka kala yimaadeen sagaal waddan oo Afrika iyo Bariga Dhexe ku kala yaal oo ay kamidyihiin Tanzania, Itoobiya, Sudan, Libya, Algeria, Morocco, Tunisia, Sacuudi Carabiya iyo Suuriya. Hawlgalka Africom kuma darin argagixisada kale ee ka kala timid Bartama Aasiya ee qowmiyadaha loo yaqaan Turkic ee dalalka Turkiga, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Turkmenistan, Tajikistan, iyo waliba argagixisada Wiigarka ee Shiinaha, laakiin badi u soo qaxay oo ku nool Turkiga. Taasi waxay ka dhigeysaa in…
Iyadoo Xasan Shiikh laga diiday codsi uu ku dalbaday in uu kaga qaybgalo Shirkan,ayaa dhanka kale Imaaraadku ku casumeen Cirro. Shirkaas,waxaa ka qaybgalaya 300 oo Wasiir iyo 80 Madax Hay’ado Caalami ah. Xasan ma qaadi karo masuuliyad Umadeed,waxaana farxad ah in caalamku fahmo oo badalkiisa xiriir iyo wada Shaqayn la yeesho Masuuliyiinta masuulka ah. Maraykanka iyo Dowladaha Reer Galbeedka,ayaa joojiyay wada Shaqayntii la dagaallanka argagixisada ee Villa Somaliya,waxayna uguureen in ay toos ula Shaqeeyaan PL iyo JL. Waa fariimo toos ugu socda Xasan Shiikh oo badbaado ah loona baahnaa.
Sida aan xogta ku helay Cirro, wuxu udhiibay Swan fariin Nabadeed iyo in uu diyaar uyahay wada Shaqayn amni cid walba oo ay qusayso xasiloonida Gobolllada Sool iyo Sanaag. Wakiilka QM,ayaa soo dhaweeyay fariintaas,waxaana ay ubadan tahay in QM fududayso ka Shaqaynta Nabadaas. Waa muhiim in xasilooni loo helo Labadan Gobol ee Sool iyo Sanaag oo laga wada Shaqeeyo…. 1.Daminta colaadaha Qabaa’ilka. 2.La dagaallanka argagixisada. 3.Dib ufurida Ganacsiga. Cirro,waa degan yahay,waana talo qaataa,waxa uuna fahansan yahay Diblomaasiyada in uu wax badan ku gaari karo. J
Madaxweyne Cirro,waxaa loosoo diray Diyaarad khaas ah isaga iyo weftigiisa. Diyaaradaas,ayaa ka dajisay Dubai oo uu kaga qaybgalay Shirka caalamiga ah ee Dubai World Governments Summit. Shirkaas maqaamka Cirro ku fariistay,waa (Head of State),waa mid sare oo udhigma Madaxweyne Qaran. Shirka Dubai World Governments Summit,waxaa kasoo qaybgalaya Madaxweynayaal,Wasiiro,Madax Hay’ado Caalamiya iyo Maalqabeenada Dunida ugu taajirsan. Xasan Shiikh oo haysta aqoonsiga QM ee Jamhuuriyada Somaliya laguma casumin Shirkan,waxaana loo ogolaaday Wasiiro in uu usoo dirsado. Maqaamsiinta SL,waxay PL utahay Dan Siyaasadeed haatan iyo mustaabalkaba,sababtoo ah,waxaa fashilmay Geedi socodkii Dowlad dhiska Somaliyed,waxaana burburay Jamhuuriyadii 3-Aad iyo Nidaamkii Fadaraalka.
Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ku raran yihiin iyo ku dhawaad 400-Nin, ayay Ciidanka kusoo weerareen Xalay Saq dhexe. Dagaalkaas ilaa hada Xabadiisu,waa sii Wiifleedahay oo Ciidanka,ayaa cayrsaday firxadkooda. Ku dhawaad 100,ayaa laga dilay argagixisada,waxaana la baaxsanayay ilaa 16-km. Ciidanka Difaaca Puntland khasaarahoodu,waxa uu hada marayaa… 1.Shahiid 28-Askari. 2.Dhaawac 85-Askari oo 10 culus tahay. Ciidanka PL,waxay muujiyeen Geesinimo yaab leh,waxayna Nimanka kula dirireen Buuro ay ka samaysteen Difaac adag. Dagaalka Maanta,waxay argagixisadu iska soo hormarisay Somalidii ku jirtay ee awal ay gadaal mariyeen,taasoo muujinaysa in Ajaanibkii sii jabayo. Hawlgalku si qurux badan,ayuu usocdaa,waxaana sareeya Niyada Ciidanka.
“In ka badan 60 Argagixiso Daacish ah,ayaa lagu dilay hawlgalkii 24kii saac ee u danbeysay ka socday Calmiskaad” Afhayeenka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland,Jen.Maxamuud Faadhigo. Halkan ka daawo muuqaalka
MW Cirro si cad,ayuu usheegay in uu dhamaystirayo heshiiskii Itoobiya ee MOU-ga Sanadkan dhamaadkiisa. Si wanaagsan oo kooban,ayuu uhadlay MW Cirro, kaliya Aftahan buusan ahayn wax badan soo gudbin kara oo gadi kara SL ugana faa’idayn kara fursadan. Madaxa DP World,ayaaba ka dhiiranaa oo gaday SL kuna tilmaamay Wadan,isla markaana dul istaagay muhiimadeeda. Waxay u ahayd fursad weyn Cirro,maadaama ay tahay dhaqaaqiisii ugu horeeyay ee Diblomaasiyadeed. SL,waxay u ahayd fursad kale oo Indhaha iyo Dhagaha caalamka maqleen oo arkeen. Sidoo kale Maamulada awooda badan ee Somaliya in ay horay usocdaan,waa loo baahan yahay. Waxaa kaloo sii xoogaysanaya diciifinta Nidaamka Villa…
Waxay weerareen Laba Guuto oo kala ah…. 1.Guuto 1-Aad. 2.Guuto 3-Aad. Waxay kusoo weerareen Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ka buuxaan. Qiyaasta tirada argagixisada soo weerar tagtay,waa 300-Nin wax ka badan. Mid ka mid ah Gawaarida Qaraxyadu ku rarnaayeen,ayaa qarxay,kaasoo ahaa Saruf,halka midkii kale oo Dyna ah uusan qarxin oo Darawalka laga toogtay. Guuto 1-Aad,wax badan Nimanka isma hor fadhin oo waa jabiyeen,waana ku socdeen oo Laba rac oo soo weeraray Cagtay mariyeen. Khasaaraha Guutadaas soo gaaray,waa 9-Dhaawaca mana jirto Dhimasho. Guuto 3-Aad,ayaa culays xoog leh saarnaa oo dagaalku ku daahay. Khasaaraha soo gaaray Guutadan oo aan weli dhamaystirnayn,waa…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ka ruqaansadeen Dhirin Saakay Aroortii,iyagoo Sadex Guuto ah oo kala haysta Sadex Jiho. Waxay Cagta sii mariyeen Qurac oo ay udhaafeen dhanka Dhadaar iyo Dhasaan. Ilaa iyo hada Ciidanka,wax iska caabin macno leh kama hor imaan,waxayna usocdaan si taxadar leh oo ay ku jirto Miino saarid. Khasaaraha argagixisada? B.Waxay Ciidanku fashiliyeen koox argagixisadu ugu talagashay Dhabarjabin iyo Miino Aasid. T.Waxay Ciidanka PL dhexgaleen isgaarsiintii argagixisadu kuwada xiriiraysay. J.Waxay Ciidanka PL soo saareen 34-Miino. 2.argagixisadu,waxay ukala jabeen Somali iyo Ajaanib. Khasaaraha Ciidanka PL? B.Majirto Dhimasho ama Dhaawac. T.Majirto Gaadiid laga gubay. J.5-Drones oo ay soo kicisay argagixisadu Dhulka,ayaa…
Waa lagama maarmaan in la helo Talis aan la badalin Magaciisa oo yeesha Xarun aan guurguurin oo xogta lagu kaydiyo layska dhaxlo ahna Dastuuri. Taliskaas,waxa uu yeelanayaa Ciidan gaari kara 700-Askari oo 400 ay muuqato,halka Sadexna qarsoonaato ay ka mid yihiin Culumo,Ganacsato,Arday,Macalimiin,Wariyayaal iyo Haween Nolosha kaga jira heerar kala duwan. Ciidankaas,waa in tababar sare la siiyaa oo lagu Qalabeeyaa Gaadiid,Hub iyo Agab walba oo ay ubaahan yihiin. Taliskaas la dagaallanka argagixisada Puntland si loogu helo Dhaqaale gaar ah oo joogta ah,waxaa la samayn karaa…. In waxa dhoofaya iyo waxa soo dagaya la saaro $0.3 Canshuur ah oo la dagaallanka argagixisada…
Utagida Musefeni Madaxda kale,waa ka Maagtaan oo waa Nin baratakool xun si khaldana ula dhaqma Madaxda Afrikaanka ah ee soo booqata. Xasan,waa markii 8-Aad oo uu utago Musefrni loolana dhaqmo si yasmo ah oo lagu yiraahdo hadalo gaf ku ah Guud ahaan Somalida. Hada,waxa uu ugu tagay Ciidamada Ugandha,waxaan gaynayaa Baydhabo oo Itoobiyaanka,ayaan ku badalayaa. Ujeedka Xasan,waa fulinta heshiiskii uu la galay Masar ee ahaa in uu geeyo Ciidamada Masar meel Xuduuda Itoobiya udhow oo ay ku tababari karaan kuna hubayn karaan Mucaaradka oo ay si fudud gudaha ugu gelin karaan Itoobiya. Xasan,waxaad isleedahay,waaba uma baryin oo waxa uu ku…
Ciidamada Israa’iil,ayaa Axadda Maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Qasa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu…
Waxaa bilaamay Gulufkii ugu balaarnaa oo ay Ciidanka Puntland ugu dhaqaaqeen firxadka argagixisada,kaasoo halmar maanta kawada bilaamay Xeebaha iyo Buuraha Cal-Miskaad. Ciidanka,ayaa toos ugu dhaqaaqay guud ahaan Buuralayda lagu tuhmayo in ay Gabaad ka dhigteen firxadka argagixisada. 24-kii saac ee ugu danbeeyay Ciidanku,waxay heleen Xogaha firxadka argagixisada iyo Tiradii ugu badnayd Ajaanibtii oo Habqan ah. Argagixisada,waxaa culays ku noqday markay waayeen Sahay iyo Saad,waxayna isku dayayaan in Xeelad ama Dagaal kaga baxsadaan Goobaha Ciidanku ku hareeraysan yahay. Ciidanku Waxay heleen xogo laysku halayn karo.
Waa dhab,Dowlada Maraykanka iyo Caalamka kalaba,waa kala laabteen kalsoonidii Dowlada DFS ee haysata aqoonsiga QM. Si gaar ah dagaalka argagixisada caalamku Xasan,waa ku maalgeliyay oo si weyn,ayaa loo garab siiyay. Balse nasiibdaro Xasan si khaldan,ayuu u isticmaalay Dhaqaalihii iyo Saadkii lagu siiyay dagaalkii argagixisada,markii danbana si cad,ayuu uga baxay oo ugu mashquulay Dhulka Xamar. Niyad jabkaas,waxa uu keenay in BC ay ka wareegto DFS,isla markaana joojiso taageeradii ay siinaysay. Maraykanku,waxa uu jihaystay garab istaaga PL iyo JL ee dagaalka argagixisada,waxaana miro dhal deg-deg ah dhaliyay dagaalkii PL ee argagixisada. Guulaha Ciidamada PL ka gaareen furimaha dagaalka iyo Ajaanibka tirada badan…
Daamurkan,waa Laba Markab oo Imaaraadku ugu deeqay Dadka reer Puntland ee ay Walaalo yihiin,waxaana loogu talagalay in lagu dhiso Laba Wado oo kala ah…… 1.Ceel-daahir-Ceerigaabo. 2.Xarfo-Galkacyo. 3.Wadooyin 27-km oo Gudaha Bosaso ah. Halkaas,waxaa kusoo xirmay kuwii soo dhexmarayay Wadada Xarfo-Galkacyo ee Xamar laga soo dirayay. Sidoo kale,waxaa Warkii ka xirmay kuwii dooda ay PL ku fogaynayaan ka dhigan jiray daahida dhamaystirka Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo. Sanaag Abid ma yeelan Wado Laamiya PL ka hor oo kama helin wax horumarin ah 30-kii Sano ee ay jirtay Jamhuuriyadii Somaliya 1960-kii ilaa 1990-kiii. Imaaraad Quluubta Shacabka Puntland,ayuu kasbaday,waxaana loo hayaa xeer aan abid la ilaawi…
Ruuxa Adkaysiga Leh ee Puntland: Taariikhda Geesinimada iyo Dulqaadka Dahir Mire Jibreel 02/07/2025 Dadka reer Puntland, oo ku nool waqooyi-bari Soomaaliya, waxay muujiyeen adkaysi iyo ruux geesinimo leh taariikh ahaan. Go’aankooda adag ee ah inaysan marnaba u dulqaadan gumaysi ama cadaadis shisheeye waa caddeyn muujinaysa geesinimadooda. Dhaxalkaas iska caabbinta ah ayaa sii jira, iyadoo maanta Puntland ay si kalsooni leh ula dagaallamayso khataraha kooxaha argagixisada sida Daacish, iyagoo rumeysan guul kama dambays ah oo u horseedi doonta Puntland iyo Soomaaliya nabad iyo xasillooni. Sanadkii 2016, Puntland waxay la kulantay weerar culus markii dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo lagu qiyaasay 800 illaa…