Maalmo ka hor dagaal xoog leh,ayaa dhexmaray kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Shabaab. Dagaalku,waxa uu ka dhacay Deegaanka Xabley,waxaana looga adkaaday kooxda Daacish,iyadoo Shabaab uu la wareegay fariisimahoodii. Maleeshiyada Daacish ee laga adkaaday,ayaa haatan ku sugan Toga Ariile iyo Toga Wadisoor oo ah Togag isbarbaryaala oo ku dhamaada Camayra. Ciidanka Amaanka ee kusii jeeda Kooxahan waa ufursad isku dhacooda.
Author: Jibril Qoobey.
Waa marka hore ee Turkiga ayay kula Shirtay oo ka saxiixatay danaheedii. kadib,waxay Maanra ku karbaashtay Gobolka Gedo oo ay soo gelisay Laba Urur oo Ciidamadeeda ah,kuwaasoo taageerayay weftiga JL. Sidoo kale Maamulkii iyo Ciidankii Xasan Shiikh,ayay Doolow ka saartay Itoobiya,iyagoo gaarsiiyay khasaare iskugu jira Dhaawac,Dhimasho iyo Maxaabiis. Waxaa la yaab leh in Adis-ababa ku sugan yihiin W.Dowlihii Arimaha Dibada Cali Balcad iyo Talyihii Nisa Sanbalooshe si ay wada xaajood ku saabsan wadashaqayntii lagu soo balamay usii wadaan. Wixii ka dhacay Gedo,waxay muujinayaan in Itoobiya aysan abid aaminayn Xasan oo ay Laba Waji kula dhaqmayso. Waji gabaxa Xasan ku dhacay,waxa…
Qodobada laga soo saaray Shirweynaha Arrimaha Islaamka Puntland,waxaa ka mid ah…. 1.In dhammaan xeerarka iyo shuruucda Dowladda la waafajiyo Diinta islaamka.
Puntland,waxay Mushahaarka iyo Nolol maalmeedka si joogta ah usii saa Ciidamada Salinta Sool Difaaca uga jira ee Beesha Khaatumo. Afar Urur oo maray nidaamka Data Ciidamada PL,ayaa fadhiya halkaas,kuwaasoo kala ah…. 1.Ururka Jiqda. 2-Ururka Maxamed Jibriil 3-Ururka Guulwade. 4. Ururka Ina Salaad Kibir. Uraradaas midkiiba,waxa uu ka kooban yahay 350-400 oo Askari. Waxaa kaloo jira Laba horumood oo aan Diiwaangashanayn oo qaata Lacag $70 Askarigii ah. Mid,waxaa haysta Ina Falaalug. Midna,waxaa haysta Ina Afgaab. Waxaa kaloo Raashin joogta ah oo la siiyaa Maleeshiyaadka Marya-calasta ah oo Jamhad ahaan loo abaabulay. Xasuusnoow Habeenkii Gooja-cade la galayay,waxay PL Ogaysiisay waxyar ka hor…
Dhalinyaro 500 ah oo Jaamiciyiin ah,ayaa loo xulay Boolis,waxaana loo xareeyay tababar casri ah oo kala duwan. Ujeedku,waa in Booliska aqoontooda kor loo qaado oo Dhalinayarada Jaamacadaha la qoro. Dhalinyaradan,waxaa laga soo ururshay Gobollada Puntland,iyadoo Aqoon lagu tartarsiiyay. Hadii sidaan lagu sii wado Booliska PL,waxa uu tartiib tartiib ugu xuubsiibanayaa Ciidan Aqoon leh,Akhlaaq leh oo Dhalinyaro ah. Dhanka kale Urur Madaafiicda loo tababaray oo ka mid noqonaya Ciidamada Milleteriga PL,ayaa tababar casri ah usoo dhamaaday. Ururkan,waa Dhalinyaro Aqoon iyo Akhlaaq lagu soo xushay oo laga kala keenay dhamaan Gobollada Puntland l. Horumarinta Ciidamada kala duwan ee PL si xawaara ah…
War Saxaafadeed:-Jubbland oo ka hadashay Dagaalka ka dhacay Doolow.
Maleeshiyaad ay soo abaabushay Villa Muqdisho,ayaa kasoo duulaan tagay Beledxaawo,waxayna soo gaareen Dooloow. Wefti Wasiiro ah oo JL ka socda,ayaa Garoonka kasoo degay,waxayna ku biireen weftigii hore ee sii joogay,kuwaasoo M.xigeenka iyo W.Amniga JL ay hogaaminayeen. Kadib Maleeshiyaadka Beledxaawo,waxay weerar ku ekeeyeen weftigaas iyo Garoonka oo ay ku sugnaayeen Ciidan yar oo ilaalo ahaa. Ciidamada Itoobiya,ayaa Laba Urur kasoo gudbiyay Xuduuda,waxayna Dharbaaxo ku dhufteen Maleeshiyaadkii Beledxaawo. Haatan Magaalada xaaladeedu,waa degan tahay,waxaana Gacanta ku haysa JL oo ay kaabayso Dowlada Itoobiya. Dhanka Kulbiyow Maamulka JL oo tagay Magaalada,ayaa rabshado,waxaa kala hor tagay Gudoomiyihii hore,waxaase gaaray Ciidamo xoogan oo JL ah. Majirto,wax…
Nayrobi Caawa,waxaa lagu qabtay Xaflad balaaran oo lagu soo bandhigay Buuga Jiilka Daraawiishta oo ah mid si dhab ah usoo gudbiyay xaqiiqda dagaalkii Gooja-cade. Daahfurka oo ka dhacay Caasimada Kenya ee Nayrobi,ayaa,waxaa kasoo qaybgalay Isimo,Siyaasiyiin,Haween,Dhalinyaro iyo Saxaafada. Maxamed Siciid Kaashawiito Qoraaga Buugan lagu tilmaamay kii ugu sareeyay Buugaagta laga qoray Goojacade iyo guud ahaan colaadii Sool,ayaa fadhiyay oo gudoon siiyay Bulshadii kasoo qaybagashay ku dhawaad 1000-Buug. Faadumo Yaasiin Jaamac Wariyaha VOA ee PL oo ah Marwada Qoraaga Buuga,ayaa iyaduna door muuqda ku lahayd Buuga iyo Xaflada. Isku soo wada duuboo Daahfurka Buuga Jiilka Daraawiishta ee Kenya si sare,ayay udhacday.
After the collapse of Somalia’s central government in 1991, no genuine Somali currency has been in circulation since. With no central bank printing money, special interest groups began printing their own currencies, flooding the market to target specific regions and undermine local economies. Hormuud capitalized on this situation by creating EVC Plus, Somalia’s first mobile money transfer service. This innovation allowed users to buy and sell goods, and pay for services using their phones, eliminating the need to carry large amounts of Somali Shillings and reducing the risk of robbery. In exchange for hard currencies from Somali citizens, Hormuud provides…
Dhan walba,waa iskaga filnaanay hadaan nahay reer Puntland… 1.Amni. 2.Siyaasad. 3.Dhaqaale. Wakhti badan,ayaan gelinay Somali midowda oo isqaadata,waase ku hungownay ilaa iyo Maanta. Way Shaqayn wayday DFS oo ay Xubno ka yihiin Dowlad Goboleedyda,waana fashilantay 20-Sano kadib. Weli,waa xeerinaynaa Qaran mid ah oo Somaliyed oo Geeska Afrika ka jira. Balse si ka duwan aan ku raadino Dowladnimadii 20-ka Sano aan raadinaynay ee Somaliyed Waxaan uguuraynaa Sadex Dowladood oo isgarabyaala oo kala leh Calan,Dastuur iyo Lacag. Maxaan ubaahanahay si hamigaa looga dhabeeyo? B.In wax la lahaanshaha B&K laga sii fogaado oo halka aan hada ka taaganahay kasii durugno. T.In la dadajiyo…
Xamar,waxaa qabsaday xagjiriin ay Madax martay Qabyaalada nacaybka ku salaysan oo Caydiid lasoo Shaah cabay. Xasan,ayaa u ah Oday Geed fadhi ah,waxayse gaarayaan ilaa 24-Xubnood oo iskugu jira Qayb muuqata iyo Qayb qarsoon. Kooxdaasi,waxay Siyaasada saamayn balaaran ku yeesheen Laba jeer oo ay Xasan soo saarteen. Nacaybkooda,waxaa bartilmaameed u ah Beel gaar ah,waana Beesha Daarood,waxaana hadafkoodu yahay in ay Siyaasiyan Dhulka dhigaan. Nidaamka Fadaraalka ayay u arkaan in uu yahay wax Beeshaasi keentay oo iyaga lagula diriray,isla markaana guushii USC ee 91-dii meesha ka saartay.,waa sida ay aaminsan yihiin. Xasan-kii hore,waxay isku dayeen Fadaraalka in ay tuuraan,waase usuuroobi wayday,fursada Labaad…
Ukrain,waxay dagaalkeedii gaarsiisay Wadnaha Ruushka,iyadoo ka fulisay weeraro 1000-km gudaha Ruushka. Weerar ay u adeegsatay 8-Dron ayay ku qaaday Ruushka,waxayna bar tilmaameedsatay Guryo Maamulka ah,Guryo Deegaan iyo Guryo Ganacsi. Sida ay weerarkan yqaaday,ayaa u ah sidii loo fuliyay weerarkii argagixisada ee 9/11 Maraykanka. 8-Drone ee weerarka gaystay Lix ka mid,ayaa ku dhacay Guryo Shacab degan yahay. Maalmo ka hor,waxaa duleedka Moscow Qarax lagu dilay Sarkaal Sare oo muhiim u ahaa Ruushka,taasoo xogaha soo vaxayaa ay sheegayaan in sirdoonka Ukrain. Weeraradan iyo Dilka Jeneraalka sare ee Ruushiyaanka ah ee ka dhacaya gudaha Ruushka,waxay muujinayaan awooda Ukrain iyo Suda dagaalku ugaari karo…
Laba Qof,ayaa ku dhintay oo uu ku jiro ilmo yar,waxaana ku dhaawacmay 68-Qof weerarka ka dhacay Magaalada Magdeburg ee Jarmalka. Ninka weerarka gaystay,ayaa ah Dhakhtar 50 jir ah oo u dhashay Sacuudi Carabiya, kaasoo ku noolaa Jarmalka tan iyo 2006-dii. Suuqa Christmas-ka oo ah mid aad u mashquul badan,ayuu Gaari la dhex qaaday Danbiilaha Sacuudiga udhashay Dadkii faraha badnaa ee ka adeeganayay,isagoo ilaa 400-Mitir ku dhex waday. Madax badan oo caalamka ah,ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin weerarka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo Faransiiska. Waxaa bilowday Mudaaharaadyo looga soo horjeedo soo galootiga,kadib weerarka ugaystay Ninka Dhakhtarka ah oo…
Maamulka Deni,waa mudan yahay in lagu bogaadiyo la dagaallanka argagixisada sida uu uga soo dhalaalay. Guud ahaan Magaalooyinka Puntland,waxay noqdeen kuwo leh amni laysku halayn karo,gaar ahaan Galkacyo iyo Bosaso. Haatan Ciidanku,waxa uu ku ruqaansaday hawlgalka sifaynta argagixisada ee Labada Buurood oo si weyn loogu diyaar garoobay. Bulshada PL gudo iyo dibad,waa in ay garab siiyaan Ciidanka iyo Maamulka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa Qodob loo baahnaa oo xiligii ku haboonaa la qaatay. PL in ay yeelato Lacag ugaar ah,waxaa kusoo talinayay mudo dheer inta badan waxgaradka iyo aqoon yahanka. PL iyo Lacagta? 1.Dhaqaalahan,waa muhiim in la helo Lacag rasmiya oo aan ahayn Hawadan lakala iibsanayo. 2.Miisaaniyada Dowlada PL,waa umuhiim Lacagta. 3.Mashaariicda iyo horumarinta PL,waa umuhiim. See usoconaysaa Lacagta cusub?. B.Dowladu,waxay ku bixinaysaa Mushaaraadka. T.Dowladu,waxay ku maalgelinaysaa Mashaariicda J.Ganacsatada,waxay helayaan Damaanad qaad. Mustaqbalka Lacagta? B.Somali haday sidaan kusii kala tagto,waxayn noqonaysaa Lacagta rasmiga ah ee Dowlada Puntland. T.Lacagtan,waxay la Mustaqbal noqonaysaa tan SL oo halka ay marto ayay mari doontaa. J.Caalamka,way ka jiraan…
Boosaaso: 21 December 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta…
Wada hadal,ayaa usocda DFS iyo DF Itoobiya. Wadahadalkaas,wuxuu ku salaysan yahay sidii loogu ogolaan lahaa Ciidamada Itoobiya in ay qayb ka noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Sida ay xaqiijinayaan Warar hoose,waxay ubadan tahay in loo ogolaado Itoobiya qayb ka noqoshada hawlgalka. DFS horay ayay usheegtay in Itoobiya laga saaray Ciidmadeeda hawlgalka Midowga Afrika,kadib xadgudub ay ku samaysay Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya. Xasan Shiikh oo ka hadlyay Masaajid,ayaa sheegay in Itoobiya ka khatar badan tahay argagixisada ama ay isku mid uyihiin Somalida Shabaab iyo Itoobiya. Kulankii Turkiga ka dhacay,waxaa kasoo baxay Warmurtiyeed ay Itoobiya ku cadaynayso ilaalinta Midnimada,Madaxbanaanida…
Somaliya Saldhig Dayax Gacmeed in laga samaysto,waxay utahay fursad weyn…. 1.Waxay kor uqaadaysa sumcadeeda Wadan. 2.Waxay usoo jiidaysaa fursado Dhaqaale abuur. 3.Deganaanshaheeda Siyaasadeed iyo Amni oo xoogoobaya,iyadoo ay wax ka ilaalsanayaan Quwado kale. Marka laga soo tago Turkiga oo Saldhigan maalgashanaya,waxaa kaloo kusoo xirmaya Wadamo danaynaya isticmaalkiisa,kuwaasoo Somaliya ay ka heli karto kiro. Somaliya Shan Qodob,ayaa usoo jiidaya in laga hirgasho Saldhigan….. 1.Hawada furan ee Sanadka aan is-beddelin. 2. Ku dhawaanshaha Dhulbaraha. 3. Ku dhowaanshaha Badda. 4. Somaliya oo ku taal meel muhiim ah. 5. Kharashka oo yar. Dalabka Turkidu wuxuu soo jiray ilaa iyo 2012. JQ.
“Sanadkan Iran,waxay utahay Sanad xun”Waa erayadii Blinken oo umuuqday in uu wax gaar ah og yahay. Durba,waxaa muuqday qalalaase gudaha Iran ah,waxaana soo wajahay Wadaadii Sadex arimood… 1.Shacabka oo si weyn ucaraysan. 2.Jab ku dhacay Sxb-doodii Gobolka. 3.Awoodeedii oo ay diciifisay Israa’iil. Xaalada haatan taagan,waa yaraanta Tamarta oo keentay xiligan oo Qabow daran uu ka jiro Dalkaas in la waayo Tamar,waxaana la xiray Xarumo Gaas,Iskuulo,Xaafiisyo iyo Xarumo kale. Shacabka oo awalba kacsanaa,ayaa tanina ugu sii darsoontay,waxaana la yaab noqotay in Iran oo ah Dalka Labaad ee kaydka Gaaska Dabiiciga ah iyo Wadanka Afraad ee Saliida Caalamka oo idil uu u…
Sadex Qodob,ayaa ah Xigmada kulanka DH iyo W.A.G.:- 1.In aan la Magaalayn karin lana oodan karin Dhul cusub,waa muhiim lala daahay oo xakamaynaya Tuulooyinka faraha badan ee macno tiray Magaalooyinkii waa weynaa,isla markaana Dhul Daaqsimeedkii baaba’shay.waa Qodobka……..(Xigmada kulanka). 2.Santuukha horumarinta Degmooyinka Puntland in la sameeyo,waa mid loo baahnaa oo lagu tilmaami karo Qodobkan (Boqorka Kulanka). 3.Shir Sanadeed joogta ah in la qabto Sanad walba,waa mid keenaya Qodobkan isla Xisaabtan oo lagu tilmaami karo (Fahanka Kulanka). Macnaha kulankan,waa in la fuliyo Qodobada kasoo baxay lana dabagalo kuwa aan fulin oo ay jiraan hay’ado Maamul oo ficil ubadala Warka ku Qoran Waraaqaha.…
Madaxweynaha Puntland,waxa uu gaaray Bosaso kadib mudo dheer oo uu ku Shaqaynayay Carmo. Abaabulka iyo isku dubaridka Hawlgalka sifaynta argagixisada ee Labada Buurood,ayuu Carmo ufadhiyay. Diyaarintii hawlgalkaas,waa soo dhamaaday,waxayna Ciidamadii ukala jihaysteen Labada Buurood. Bosaso,waxaa imaanaya Beri ama Saadanbe wefti sare oo Maraykan ah,kuwaasoo la kulmaya MW Deni. Bosaso,waxay ku jirtaa xilli ka mid ah xilliyadii ay ugu wacnayd dhan walba.
Xulka Gobolka Mudug,ayaa Galabta ka adkaaday Xulka Gobolka Sanaag tartanka Ciyaaraha Gobollada PL. Mudug 2-1 Sanaag. Mudug,waxay sidaa ku wadataa Lix Dhibcood,halka Sanaag ay ka hartay Coyaaraha oo Laba jeer guuldaro la kulantay. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo dhowr ah. Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay Xaalada amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Jubaland oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaariijta. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa golaha warbixin ka siisay Gargaar ay wasaaraddu gaarsiisay dadka ku nool deegaanada xeebaha ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo Wasaaraddu ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanka u qeybinaysay Gargaar loogu talagalay sidii dadka deegaanku ay uga soo kaban lahayeen firaaqa ku yimid dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo adeeg bixinta kadib markii ay duulaanka…
Garoowe : 19 December 2024 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo Todobaadkan looga hadlay… 1.Amniga Guud. 2.Dhacdooyinka Todobaadka. 3.Xaaladaha bani’aadantinimo ee Puntland gaar ahaan Gobolka Sanaag. 4.Wax ka badelka Xeerka Tacliinta Sarre. 5.Asixinta Xeerka Guddiga ladagaalanka HIV/AIDS(PAC) iyo qodobo kale . Golaha,ayaa falanqeyn iyo dood dheer kadib ansixiyey Xeerka Guddiga ladagaalanka HIV/AIDS(PAC). -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAD –
Xeer iyo Gudi Doorasho mahan wax uu yeelan karo Qof ee waa Wadar gguud oo lawada leeyahay. Gudi Doorasho oo aan loo hayn Dhulkii Doorashada ay Maamulayaan lagu qaban lahaa,dhismahoodu muxuu soo kordhinayaa? Wax walba,waxaa ka horeeya heshiis Siyaasadeed,mana ka shaqaynayaan Somaliya Hal wax oo aan lagu heshiin. Sudoo kale Dastuurku,waa heshiis Bulsho sidiisaba,waana wax ubaahan Dad ku midooba. Dad badan,ayaa aaminsan xaalka Xasan Shiikh in aan caadi lagu tilmaami karin oo sy wax ka khaldan yihiin. Xasan,waxa uu dhamaystirtay Xeerarkii iyo Gudiyadii Doorashada oo isagu faar uleeyahay.
Wuxuu ku mmuujiyay Waraysi uu siiyay BBC bisayl,aragti iyo fahan Dowladnimo. Sida Wadaada Seefla boodka ah kuma mashquulin,waxyaabaha aan mudnaanta hore lahayn. Xuquuqda Haweenka ee Waxbarashada iyo Cabida Khamriga sida uu u arko,ayaa la waydiiyay,wuxuuna uga jawaabay si macquul ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SNVfDEqeapQ?si=pJgU6Hz6HOD-Q26D
Waa Maamul ururshay oo muujiyay baaxada,awooda iyo maqaamka Dhul ka ah Somaliya Sadex meelood oo meel. Waa Maamul ay dhismeen hay’adihiisa oo Sanadkan Miisaaniyadiisu gaartay Nus Bilyan Dolar. Waa,Maamul Dhulkii Gaariwaa loo yaqaanay ubadalay Barwaaqo sooran leh Garoomo,Dekedo,Wadooyin iyo adeeg Sare. Waa Maamul Wiilka iyo Gabadha hanka leh ku hirtaan oo wax ku noqdaan. Waa Maamul si fudud Caalamka kale ufahansiiyay Dhul dhan 200-Kun Km oo Isku wareeg ah iyo 1600-Km oo Xeeb ah awoodiisa Siyaasadeed,Dhaqaale,Dhuleed iyo Dadeed. Waa Maamul utaagan jiritaanka Somaliya mid ah,Fadaraal ah,Dimquraadiya oo isqaadata. Waa Maamul ay ku badbaadeen Somali fara badan oo kasoo qaxay Colaado…
Waxay soo afjartay Taliskii ugu danbeeyay Talisyada aaminsanaa fikrada iska caabinta Israa’iil,kaasoo ah Bishaar Al-asad. Waxay gudaha ugashay Dhulka Siiriya,iyadoo sugatay Maamulida Buuraha Muhiimka ah,isla markaana,waxay xaqiijisay burburinta awoodii Ciidan ee Siiriya. Xamaas iyo Xusbullaah Dhulkay dhigtay,waxayna diciifisay awoodii Wadaada Iran. Marka laga soo tago burburinta awooda Shiicada,waxaa ka horeeyay burburinta awoodii Sunnida ee … B.Iraq. T.Libiya. J.Sudan. X.Yemen. Qorshahaas balaaran,waxaa ku garabsiiinayay Israa’iil Bahwadaagteeda Galbeedka,waxaana haatan bilowday yagleelida Dowlado Islaam Sunni iyo Shiico ah oo ah qunyar socod Nolol raba oo aan marna khatar ku noqon karin Israa’iil iyo danaha Galbeedka sida….. 1.Masar. 2.Urdun. 3 Iraq. 4.Maamulka Falastiniyiinta. 5.Dowladaha…
Ra’isalwasaarihii Kanada,waa lagu dhegan yahay,iyadoo loogu baaqay in uu iscasilo. Mucaaradka,ayaa ku eedeeyay in uu ku fashilmay Maamulida… 1.Muhaajiriinta. 2.Xuduudka 3.Xakamaynta Kharashka Dowlada 4.Sicir bararka. Ku xigeenkiisii oo ahayd Wasiirka Maaliyada,ayaa iscasishay,waxayna ku eedeysay in Maamulka Justin uu xakamayn waayay Kharashaadka. Sidoo kale Wasiir kale oo Maamulkiisa ka mid ah,ayaa sheegay in uu arko Dalku in uu Doorasho aado. Ra’iisul Wasaaraha,ayaan weerarkaas dhag jalaq usiin,waxa uuna durba Magacaabay Wasiir Maaliyadeed oo cusub.
Erdogan,waxa uu Turkiga ka dhigay dulaal weyn oo udhaxeeya Wadamada Islaamka iyo Reer Galbeedka. Islaamka qunyar socodka ee Garka xiirta,isla markaana Suudka ku labista ee la noolaan kara Galbeedka,ayuu dulaal ku qaatay ka hirgelinta caalamka Islaamka. Siiriya,waxa uu ku guulaystay in uu kala jabiyo kooxihii Islaamiyiinta ah oo kasoo dhex saaro qunyar socod. Sidoo kale,waxa uu ku guulaystay isfahansiinta Somaliya iyo Itoobiya iyo ilaalinta xasiloonida Geeska Afrika. Sida muuqata Erdogan Dibada guul Siyaasadeed,ayuu ka keenay,waxaase dhaawac weyn ku ah Dhaqaale xumida ka taagan gudaha Wadankiisa.
Turkiga,waxa uu ka dhisanayaa Somaliya Xarun Hawada sare ah oo lagu tijaabiyo Gantaalada lagana diro Dayax Gacmeedyada. Warkan,waxaa xaqiijiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Somaliya,waa mid ka mid ah Sadexda Goobood ee ku wanaagsan Xarumaha laga diro Dayax Gacmeedyada Caalamka oo idil. Labada kale,ayaa kala ah… 1.Florida Maraykanka 2.Kazakhstan . Heshiiska Turkigu uga dhisanayo Somaliya Xaruntan,ayaa wayb ka ahaa heshiiskii Bada. Horraantii Sanadkan, Turkigu wuxuu u diray Cirbixiyeenkiisii ugu horeeyay, Alper Gezeravcı,Saldhigga Hawada sare ee caalamiga ah,waxayna ahayd tijaabo muhiim u ah barnaamijka Hawada sare ee Turkiga. Sidoo kale Turkigu,waxa uu Saldhigan uga faa’idayn doonaa oo hadaba la sheegayaa in uu Maraykanka…
Afar Tikniko ah,waa laga qabsaday Labana,waa Laga gubay Beesha Khaatumo kadib dagaal ay kasoo qaadeen Saakay meel ujirta Fiqifuliye 18-km. Sidoo kale Talyihii Ciidanka watay reer Khaatumo Maxamed Jibril iyo 8-kale,waxay galeen Gacanta Maleeshiyada Beesha Habaryoonis. Dowlada PL si hoose ayay in ku dhow 10-jeer ugu sheegtay Beesha Khaatumo in ay joojiso dagaalkaas,waase laga dhaga adaygay. Sanaag,Sodonkii Sano ee udanbeeyay,waxay ahayd Nabad lawada nool yahay oo lakala Shaqaysto mana jirto sabab xiligan Xabad looga rido. Halkan ka daawo muuqaalka
𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐓𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐗𝐈𝐒𝐁𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐐𝐀𝐁𝐘𝐀-𝐐𝐎𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟗. 𝑮𝒂𝒓𝒐𝒐𝒘𝒆, December 18 2024: Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland Mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq, ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Xisbiyadda Siyaasadda Puntland iyo PEC. Guddoomiye kuxigeenka oo furay kulanka ayaa sheegay in ay uga wada hadlayaan qabyo-qoraalka qorshe hawleedka Guddiga ee 5-ta sano ee soo socda (𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟗), kaas oo ay qayb ka yihiin Xisbiyadda Siyaasaadda iyo daneeyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah, qorshahan-na ay usoo bandhigi doonaan inta uu qabyo qoraalka yahay dhammaan cid walba oo ay qusayso oo ugu horeeyaan Xisbiyadda Siyaasadda, Ururadda Bulshada rayidka, Golayaasha Dowladda, daneeyayaasha arimaha…
Madaxweynaha JL ,ayaa uMagacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseyn Isaaq Alqaadi. Halkan ka akhriso:-
BARI 2:1 HAYLAAN KOOBKA GOBALADA PUNTLAND. Halkan ka daawo muuqaalka
Way umuuqatay Qof walba oo waxgarad ah in Beesha Khaatumo dagaal kaligeed ah aysan Ceerigaabo ku qabsan karin sababahan awgood…. 1.Saad uma hayso. 2.Caafimaad uma hayso. 3.Gurmad uma hayso. Dagaal wax fudud ma’ahan oo Maalinkii,waxa uu ubaahan yahay ugu yaraan 100-kun oo Dolar,isla markaana 10 Gawaarida dagaalka ah dayactirkoodu,waxa uu ku kacayaa 100-kun oo Dolar. Mida kale SL waa Deegaan markay timaado Ceerigaabo,wayna kaga Dad,Ciidan iyo Dhaqaale badan tahay Beesha Khaatumo. Sidoo kale Beesha Sanaag Bari ee Ceerigaabo ka ah Beelaha dega 40% Dagaal diyaar uma ahan. Waxaa iyaduna xusid mudan colaada Ceerigaabo wax muhiimad Siyaasadeed iyo Milleteri oo ay…
Waxa uu la mid yahay Xasan Shiikh Boqoradii tiri markay aragtay Dad Mudaaharaadaya Gaajo daraadeed oo ay xataa waayeen Rootigii… ” Oo may Cake cunaan”. Bulsho,waxa uu Madax uyahay 98% aan awoodin in ay Caruurtooda ka bixiyaan Lacagta Billaha ah ee Iskuulka. Sidoo kale,waxa masuul ka yahay Bulsho aan haysan Biyo Nadiif oo ay cabaan. Hadalka Xasan Dad badan oo Somaliyed, waxay u arkeen mid masuuliyad daro ah,halka Dadka qaar ayba ku doodayaan Xasan Caruurtiisa,waxa uu wax kusoo baray Lacagtii Canshuurta ee Bulshada laga musuqmaasuqay. Halkan ka daawo muuqaalka
Maraykanka,ayaa markii ugu horaysay qirtay in uu toos ula xiriiray kooxda la wareegtay talada Siiriya HTS. Qirashadan,waxay imaanaysa,iyadoo weli Maraykanku u aqoonsan yahay kooxdan Urur argagixiso ah. Xoghayaha arimaha Dibada Maraykanka,ayaa ka sheegay hadlkaas Urdun,waxa uuna qiil uga dhigay “Si looga tashto Mustaqbalka Siiriya”. Waa tilmaan muujinaysa saamaynta Maraykanka ee kooxaha la wareegay Siiriya heerka ay gaarsiisan tahay. Halkan ka daawo muuqaalka
Beesha Caalamka Maanta ayay la xiriirtay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xiriirkaas,waxa uu ku saabsanaa in ay ka waraysato dagaalkii Raaskanbooni dhankiisa. Si fiican,ayuu ugu waramay oo waxa uu usheegay….. “Dagaalkaas in uu ahaa Inqilaab iyo weerar DFS kusoo qaaday oo ay ku khasbanaayeen in ay iska difaacaan,isla markaana Ciidankii lasoo adeegsaday intii Gacantooda soo gashay ay dib ugu celiyeen Xamar,wixii danbana ay celin doonaan”. BC oo qanacsan,ayaa Axmed kasoo dhamaysatay,waxayna ballan ka samaysteen Xasan si ay dhankiisa uwaraystaan. Caalamku,waxa uu doonayaa wixii dhacay masuuliyadeeda cid qaadata ama ay xog uruurintooda ku helaan.
Shirka Amniga DFS ee Sharciyada QM haysata si dadban,ayaa loo baajiyay. Waxaa loo badalay in looga hadlo Amniga guud,iyadoo laga saaray Labadii Qodob ee JL iyo Turkiga. Ujeedka Qodobadaa looga saaray,ayaa ahaa Wasiirada kasoo qaybgalay oo aan la rabin in xogta hoose ay ogaadaan. Qodobada looga hadlay,waxaa ka mid ahaa Beeralayda Shabeelada Hoose oo aad uga cabanaya Isbaarooyin gaaraya 16 oo yaala inta udhaxaysa Janaale iyo Xamar,kuwaasoo looga qaado Lacag fara badan. Yaanyada kasoo baxda Beeraha Janaale oo Xamar ujirta 90-KM,waxaa ka raqiisan mida ka timaada Kenya,waxaana kalifay Isbaarooyinka. 16-kaas Isbaaro,waxay uyaalaan DFS,KG,Qabiilooyinka iyo Argagixisada. Sida aan xogta ku helay…
Minister of Foreign Affairs and Immigration Badr Abdelatty received Saturday a phone call from his Somalian counterpart Ahmed Moalim Faki who presented the outcomes of the Ankara Trilateral Summit with Turkey and Ethiopia. Minister Faki stressed Somalia’s insistence on respecting its sovereignty, security, and territorial integrity, which was supported by Minister Abdelatty who also underscored Egypt’s backing to the country in combating terrorism, and achieving security and stability. The two ministers agreed on continuous joint coordination, and preparing for the trilateral meeting with Eretria for further consultations on regional affairs of joint concern, according to the statement released Sunday.
Masar oo daba socota kulankii Turkiga,ayaa Wasiirkeeda Arimaha Dibada,waxa uu lasoo xiriiray Wasiirka Arimaha Dibada DFS. Masaaridu,waxay ka caroodeen la kulankii Xasan Shiikh ee Abiy. Sida xoguhu sheegayaan Masaarida in aan lagu wargelin kulanka Abiy iyo Xasan. Taleefoonka Masaaridu soo dirtay,waa mid ay kaga rabeen Maamulka Xasan faahfaahin ku saabsan kulankaas. Xasan,waxaa dilaya heshiisyada aan isqaadanayn ee uu lakala galayo Quwadaha isdiidan. Masaarida,wax gaar ah oo ka dhan ah Itoobiya ayay isku ogaayeen Xasan kana wada Shaqaynayeen,balse Habeen,ayuu ka Guureeyay,isagoon waxba usheegin. Haatan Masaaridu,waxay soo jeediyeen in uu qabsoomo kulan Sadex Geesood ah oo deg-deg ah,kaasoo ay ku kulmayaan Somaliya,Masar…
Magaalada gudaheeda,waxay ka yihiin 5% dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan. Deegaanka ugu dhow ee ay degaan,waa 30-km Magaalada. SL Magaalada gudaheeda,waxay maamushaa 100%,Beesha Dhexe ee SL,waxay ka tahay Dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan 50%. Beesha Sanaag Bari,waxay ka tahay Magaalada Dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan 30%,waxayse ku qanacsan yihiin Maamulka SL. Ceerigaabo dagaal socon kara Maalmo oo heli kara gurmad,Saad iyo Caafimaad,waxaa ka ridi kara Beesha Isaaq iyo Beesha Warsangeli. Beesha Khaatumo,xaalad way abuuri karaan kamase diriri karaan gudaha Ceerigaabo. PL diyaar uma ahan in ay taageerto colaad Ceerigaabo laga huriyo. Somalida kale ma taageerayaan Magaalo nabad ah in Dab…
Shir looga hadlayay Gedo oo ay fadhiyeen Xasan,Xamse,Sanbalooshe iyo Faarax Cabdiqaadir,ayaa loo diiday in uu kusoo biiro Fartaag. Arinka Gedo ayay ku mashquulsan tahay Xasan iyo Kooxdiisu kadib Raaskanbooni,waxayna uxilsaareen Faarax Cabdiqaadir iyo Sanbalooshe. Adis-ababa ayay ka hawlgalayaan oo waxay isku dayayaan in ay Itoobiya ka dhaadhiciyaan in ay iyaga la shaqayso oo xiriirka ujarto JL. Itoobiya si fiican ayay ufahansan tahay Xasan marnana uma noqonayso Daacad iyo Sxb ay la Shaqayn karto. Dhanka kale JL Gedo uma ahan Istiraatiiji lagu dhibaatayn karo ama lagu Dhabar jabin karo. JL xataa Gedo oo idil hadii Gacanteeda laga saaro saamayn kuma yeelanayso…
Majirto,wax la yiraahdo Ergay ama Safiir Somaliya iyo SL ee waxaa jira Ergay uqaabilsan Turkiga dhexdhexaadinta DFS iyo Maamulka SL… (Somalia Federal Government and Somaliland Administration). Hadalkan,waa xadgudub cad oo Turkigu ku xadgudbay Midnimada iyo Qaranimada Wadanka. Wasiirka Arimaha Dibada Axmed Fiqi oo maalmahan ku mashquulsanaa Colaadii Raaskanbooni,ayay tahay in uu Shaqadiisa qabsado oo ka falceliyo xadgudubka Diblomaasiga Turkiga. Turkigu,waa mid ka mid Dowladaha sida weyn Dulaalka uga ah Somaliya.
WAR-MURTIYEED: Garoowe- 14 December, 2024: Waxaa Maanta, Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare Ee Puntland isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare. Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen: 1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare. 2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo. 3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda. 4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare…
Sadex Gool ayay Nugaal uga badisay Cayn. Halka Xulka Gobolka Cayn uu keensaday Hal Gool oo qura. Labada Xul,waxay soo bandhigeen Ciyaar aad uqurux badan. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Ruto,waxa uu saxiixay in Caasimada Kenya laga raro Nayrobi. Caasimada,ayaa loo rarayaa Nakuro oo ah Magaalo Barwaaqo ah oo qurux badan,isla markaana dhisan,waxaana dega 70% Kuukuuyo iyo 30% oo ah Qabiilka MW Ruto. Sababta loo rarayo,ayaa lagu sheegay mashquulka faraha badan ee Nayrobi saaran. Dadka Kenya oo gaaraya 55-Milyan,ayaa 7-Milyan oo ka mid ah,waxay ku nool yihiin Nayrobi. Nakuru,waxaa laga dhisayaa Garoon Diyaaradeed oo cusub,Madaxtooyo iyo Xarumaha hay’adaha Maamulka. Shaqaalaha,Wasaaradaha iyo dhamaan hay’adaha Dowlada Kenya,ayaa guuraya. Qaraarkan Maanta,ayuu saxiixay MW Ruto,waxaase la qiyaasayaa in ay qaadan doonto rarida Caasimada ilaa 10-Sano. Si dhab ah marka loo dul istaago Kenya…
Gole Wasiiro oo ka kooban 28-Wasiir,15 Wasiir ku xigeen iyo Sadex W.Dowle oo ubadan Dhalinyaro aan xilal hore soo qaban,ayuu Magacaabay Cirro. Wasaaradii Arimaha Gudaha ee muhiimka ahaan jirtay markay timaado Nidaamka SL,waa la burburiyay,waxaana loo qaybiyay Sadex Wasaaradood kala ah…. B.Wasaarada Amniga oo ay hoos imaanayaan Sirdoonka iyo Booliska. T.Wasaarada Dowlada Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka oo ay hoos imaanayaan Degmooyinka. J.Wasaarada Dib udejinta oo ay hoos imaanayaan barakacayaasha iyo IWM. Yaa lagu qanciyay Golaha? B.Urur Diimeedka Ictisaam oo Door weyn ku lahaa Guusha Cirro,waxaana la siiyay Diinta iyo Awqaafta. T.Beesha Habar-Awal oo la siiyay 3-Wasaaradood oo (A). J.Beesha Dhulbahante…
Cirro in uu Habar-Awal ka siiyo Golaha Wasiirada cusub 5-Wasiir,waa Talo uu asiibay. In laga Samir siiyo Doorashadii oo Awoodaha wax laga siiyo,isla markaana loo muujiyo in ay Maamulkan wax ku leeyihiin oo aan la fuquuqayn,waa wax weyn. Markay joogto Gudaha SL,waa awood Habar-Awal,markii Baadiyihii,Geelii lakala dhici jiray iyo Gabayadii laga soo tagay ee ay samaysmeen Magaalooyinka iyo Maamulada,waxay noqdeen hogaan aan liicin marna. Sidoo kale Habar-Awal SL -ta rasmiga ah,waa iyaga markay noqoto…. 1.Dhul. 2.Dhaqaale. 3.Qadiyad. Cirro,isagaa Garxajis ah,Habar-jeclana Xirsi,ayaa uhaya,waxa ubaahan in uu kasbado waa Habar Awal. Sadexdaas oo isla socda,waxay xaqiijin karaan jiritaanka Maamulka Awooda leh ee…
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland,ayaa ku dhawaaqay Liiska Golaha Wasiirrada Cusub. Halkan ka daawo muuqaalka
Magaca Qaran,waxa uu ku dhintay Xamar.!! Ciidanka Qaranka. Haweenka Qaranka. Dhalinyarada Qaranka. Culimada Qaranka. Madaxweynaha Qaranka. Garsoorka Qaranka. Foolxumaynta Qaranka,waxaa ugu danbeeyay Maleeshiyaad aan uqalmin Ciidan Qaran oo Balwad iyo Anshax xumo dilootay markii horana ahaa Maleeshiyaadkii Isbaarooyinka in Raaskanbooni lagu soo daadiyay markay Xabadu bilaabatayna ka gudbay Xuduuda oo Kenya isku dhiibay. Saakay ayay Kenya leedahay,waxaan dib ugu daad guraynaynaa Wadankoodii Hooyo Ciidamada Qaranka Somaliyed ee Maganta nasoo biday. Ogow,waxa la celinayo ma’ahan Qaxooti Dumar iyo Caruur ah ama Rag Shacab caadiya ah ee waa SNA. Qaran Somaliyed in dib loo istaajiyo,waxaa kow ka ah in la geeyo Magaalo…
By:-Ismail Warsame. As you would approach Eyl Old City located in midland Indian Ocean coast of the State of Puntland, Northeast Somalia, climbing mountains and finally descending steeply on a windy road many multiple times until you drive through Old Eyl City called Daawad, the name probably after the Castle of Derwish Movement, now a dilapidated ancient strong defence block-building to protect religious/cultural/political leader, Sayid Mohamed Abdille Hassan and his fighters against the invasion of British and Italian colonial powers in the 19th century. Sayid Abdulle Hassan led armed resistance against the British, Italian, and Ethiopian troops in Somalia during…
By:Prof.Keynaan. The Ankara Declaration is not only a huge gain for Ethiopia, but also arguably a deal unmatched in history. It was pulled from thin air, costed nothing and fast tracked to fruition with minimal effort and astonishing speed. Prime Minister Abiy Ahmed might be on the cusp of pulling off the biggest strategic victory in spectacular fashion. Somalia made huge strategic concessions to a hostile neighbor with longstanding hegemonic ambitions. And gained and possibly expected nothing in return except a huge embarrassment and diplomatic humiliation. Somalia’s national interest and strategic assets were put in great peril not because it…
War-Saxaafadeed Jubaland Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Somaliyed, Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo isku tanaasul. Sida marar badan aan Caddeeynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo gurracan iyadoo la adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharci ee ciidanku leeyahay. Falalkan sharci-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen…
Ruushku,waa ka huleelay Siiriya,waxaana loo furay Wado amaan ah oo uu ku baxo. Muuqaalkan kama dhigna oo kaliya in Siiriya looga adkaaday oo u ahayd Sxb weyn oo muhiim ah ee wuxuu ka dhigan yahay in Siyaasiyan iyo Milleteri ahaanba loo diciifiyay. Asad in laga tuuro xukunka,waxba waa ka qaban kari waayay,taa badalkeeda,waa ku gorgortamay oo wuxuu ku badashay in dagaalka Ukrain laga damiyo. Trump,waxaa miiska usaaran joojinta dagaalka Ukrain oo Ruushka looga badalanayo Afarta Gobol ee uu hada haysto in loo daayo,taa badalkeedana uu aqbalo Ukrain in ay Xubin ka noqoto Natto. Siiriya,waa dhoolatuskii ugu danbeeyay ee caalamka la…
Ciyaaraha Gobolada Puntland,ayaa si xamaasad leh ,waxay uga socdaan Caasimada Garowe. Galabta,waxaa fooda isdaray Gobollada Mudug iyo Haylaan,waxaana guudhu raacday Mudug kadib Ciyaar kululayd oo dhexmartay. Xulka Mudug Sanadkan aadbuu udiyaarsan,wuxuuna Haylaan ku dardaray 3-0. Halkan ka daawo muuqaalka
“US Secretary of State Antony Blinken thanks Türkiye for facilitating agreement between Somalia, Ethiopia during his visit to Turkish capital” Erdogan,waa kasoo baxay Shaqadii loo diray ee ahayd in uu heshiisiiyo Somaliya iyo Itoobiya,waana lagu amaanay. Maraykanka,wuxuu diidayaa in xasarada Gobolku kor ukacdo oo ay ka faa’idaystaan Quwado kale oo uu ka ilaalsanayo. Turkigu sidiisaba,waa Gacmaha Maraykanku isticmaalo,gaar ahaan Erdogan,waxa uu rabaa markale in uu isku soo taago Doorashada Dalkiisa Dastuurkuna uma ogola,waxaase jirta qorshe Doorashada xiligeeda looga soo hormarinayo,taasoo fursad uu isku sharaxi Karo oo Sharciyadeed ugu dhex jirto. Reer Galbeedka ugu horeeyo Maraykanka in ay Indhaha ka laabtaan,ayuu…
Si nabad ah,qurxoon oo ilbaxnimo leh,ayaa loola kala wareegay awooda. Doorashadii qurxoonayd ee dhacday,waxaa ka danbeeya xil lakala wareegidan aadka usaraysa. Qof walba oo Somaliya ayay sharaf utahay,waliba,waxay muujinaysaa in Somaliya aysan ahayn oo kaliya Goob Colaad iyo dib udhac ee ay ka jiraan arimo kala duwan. Hadii Koonfurta fog ay ka dhacayaan dagaalo aan loo baahnayn,hadana Waqooyiga ,waxaa ka jira Doorasho iyo xil lakala wareegid Xasiloon. Halkan ka daawo
“Rw Abiy dib,ayuu usoo laabtay Saakay Subixii,kadib markuu soo dhamaystay kulan uu la lahaa Turkiya” Waa qoraalka Xaafiiska RW Itoobiya oo xataa aan lagu xusin in uu sidoo kale uu Turkiga kula kulmay MW Somaliya,iskabadaa in la sheego heshiis lala galay. Ilo xog ogaal ah,waxay sheegayaan in Abiy ahaa Ninka keensaday Shuruudaha wadahadalka,waxaana ka mid ahaa…. 1.In aan MoU lasoo hadal qaadin. 2.In la muujiyo oo la amaano doorka Ciidamada Itoobiya ay ka qaateen xasiloonida Somaliya. PHD,Cimri iyo Siyaasad mudo lagu soo jiro macno ma sameeyaan hadaadanba marka hore hibo iyo aragti aadan ulahayn Hogaaminta. Xasan,waa tusaalaha xun ee Somalida.…