Author: Jibril Qoobey.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya AUE Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay. Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida…

Read More

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM). Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn,…

Read More

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay. Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa sheegay in…

Read More

Dowladda Puntland oo war saxaafadeed goor dhoweyd oo maanta ah warbaahinta u qabatay ayaa war ka soo saartay xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo hadalo dhowaan ka soo yeeray maamulka Soomaaliland oo gacanta kuhaya Tukaraq,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/1834392209974883/

Read More

Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay.   Ceelashan oo daboolka laga feeday 28-dii June, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.   Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.   Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo…

Read More

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan caqabado waa weyn oo keenay dib u dhacyada xooggan ee dib uu eegsita dastuurka xilligan. Gudoomiyaha guddiga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in caqabadahaas ay ka midyihiin Gacmaha ajaanibta, madaxda Soomaalida iyo miisaaniyad la’aanta. Guddiga ayaa maanta Mqudisho kaga dhawaaqaya in ay bilaabayaan dib u eegsita dastuurka KMG ah. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle,hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka Daahir Afrax

Read More

Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax, islamarkaana VOA weli kuma guuleysan inay khadka teleefonka ku hesho mas’uuliyiinta dowladda,hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka

Read More

Xulka Brazil ayaa gaaray wareega sideeda ee Koobka Aduunka kadib marki 2-0 uga badiyeen xulka qaranka ee Mexico, ciyaar ka dhacday garoonka Samara Arena ee magaalada Samara. Guusha ay gaartay Brazil oo aheyd mid ay u qalantay waxaa door weyn ka ciyaaray xidigooda Naymar oo dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 51-aad, goolka labaadna wuxuu ahaa mid uu baasay isla Naymar, balse uu shabaqada ku hubsaday daqiiqadii 88-aad ciyaaryahan Firmino oo dhamaadki ciyaarta baddal kusoo galay. Waa marki todobaad oo ay Mexico ku dhacdo in ay u gudubto wareega sideeda koox ee ciyaaraha aduunka. Halka Brazil ay taasi caksigeeda markeedii todobaad oo…

Read More

ayiraddii saarnayd xoolahii loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga ayaa la qaaday kaddib markii mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya ay kulan arrintaasi looga arrinsanayo ay kala yeesheen Sucuudiga.   Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Sheikh Nuur Maxamed Xasan wuxuu sheegay in hadda lagu guulaystay in xayiradda laga qaado xoolahii loo dhoofan jiray Sucuudiga   Dalka Sucuudiga ayaa sannadkii 2016-kii sheegay inaysan qaadanaynin xoolaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegen in xoolaha ay qabaan xumada Riftvalley.   Wasiirka ayaa intaasi ku daray in wasaaradda xannaanada xoolaha ay xaqiijisay in xoolaha aysan qabin cudurka.   Wasiirka ayaa hadalkani sheegay xilli uu la hadlayay…

Read More

afiya oo ah robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo kamid ah robotka oo lumay dib loo helay. Safiya waxay kala hadashay Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaarin lahaa curinta fikaradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida halka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu dhankiisa sheegay in uu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/rhsJMemrMb8

Read More

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Askari la sheegay in uu ka tirsan Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa goor dhow ku Qarxay meel aan ka fogeyn Isgoyska Siinay ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi lagu xiray Gaariga uu watay Askariga ka tirsan Ciidamada Dowlada. Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helyo Qaraxaasi goor dhow ka dhacay Isgoyska Siinay ee magaalada Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo. Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay: Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda. Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya. “Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran,…

Read More

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda. “Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.” “Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018,waxayna Dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh direysaa Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo. Sidoo kale,Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida deg deg ah ay uga jawaabeen dhacdada. Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkaan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya,maalin ay farxad iyo damaashaad u ku jiro Qarankeenna iyo dadka intaba. Dowladda…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.   Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.   Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda…

Read More

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay inuu xilkaas ka tagayo, tallaabadan  ayuu sheegay iney ugu wacan tahay siyaasadaha Trump uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midowga Yurub oo uu ku soo rogay canshuuro dheeraad ah. Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, isla markaasna aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay, waxaana ka mid ah safiirkii Maraykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire…

Read More

Qalbidhagax sii dayntiisii kadib maanta ayuu meel dad badan iskugu yimaadeen si furan uga hadlay. Qalbidhagax waxuu si cad usheegay in uu ka shaqaynayao midnimada iyox ornimada Umada Somaliyed. Mujaahid Qalbidhagax waxuu sheegya in usoo dhiibistisii Itoobiya ay hayd Danbi weyn oo laga galay Umada Somaliyed,. Qalbidhagax waxuu si aan caadi ahayn ugu mahadceliyay Umada Somaliyed meel kasta oo ay joogto. Qalbidhagax waxuu baaq udiray Qawmiyadaha Somalida iyo Oromada oo ugu baaqay in ay Nabada kawada shaqeeyaan,isla markaana ay xasuustaan quluubtana ku haystaan mar walba in ay yihiin Dad wada dhashya oo uu ka dhaxeeyo Dal,Diin iyo Dhalasho. Isku soo…

Read More

Ethiopia’s nascent energy industry is gathering pace, with a unit of China Poly Group Corp. starting test output of crude oil in a volatile border region and the government estimating initial annual income of $1.2 billion when gas exports begin from the area.   Oil and gas income will be a major boost to the landlocked Horn of Africa nation’s economy, bringing in much-needed foreign exchange as well as saving on imported fuels, Prime Minister Abiy Ahmed said late Wednesday in a televised address. The United Arab Emirates this month pledged $3 billion in aid and investments to Ethiopia.  …

Read More

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda. Kooxaha kala duwan ee Fanaaniinta ayaa ku sugan, sidoo kale Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ayaa ka qeyb galaya. Toos u daawo Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo. Halkan ka daawo muuuqaalka https://youtu.be/1uiPOUnV_Qk

Read More

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaanada Koonfur Galbeed.   Raggii dilka ka danbeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo aysan u suura gelin in ay soo qabtaan kooxihii dilka geystay.   Al-Shabaab,ayaa bishii hore baraha Bulshada kusii daysay muuqaalo muujinaya xubno ka mid ahaa ergooyinkii soo doortay baarlamaanada Dalka oo lagu tooganayo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Read More

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.   Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhimashada tiro ka badan Shan ruux oo ay carruur ka mid yihiiin.   Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan oo sidoo kale ku dhacay isla qeybo kale oo ka mid ah degmada Wadajir.

Read More

“Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.” “Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay. Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen argagixisada Al Shabaab.” Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan…

Read More

Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana Dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas. “Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin. Hadalka safiirka Itoobiya Muqdisho u fadhiya,ayaa dadka wax odorasa waxay u arkaan mid xaqiiqda aad uga fog,isla markaana ah qorshe Dowlada Muqdisho looga fududaynayo culayska iyo wajigabaxa ka soo gaaray dhiibistii Qalbidhagax ee Itoobiya. Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye,ayaa maanta qaabilay Qalbidhagax,isagoo usheegay in uu dalkiisii joogo xor…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay martigelisay kulankii Shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Darstuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalkaiyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoolagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 29-30 Juun 2018. Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi waxaana soo xiray Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil UJEEDOOYINKA KULANKA SHANAAD EE MADASHA: Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka…

Read More

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar looga codsanayo in Liiska Kooxaha Argaxisada ah looga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7, oo kamid ah Ururada mucaaradka ku ahaa dowlada Itoobiya. Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa horey u ansixiyay in cafis loo fidiyo Ururada iyo shaqsiyaadka loo heestay in dambi qaran galeen , waxa ayna Wasiirada sidoo kale meel mariyeen qaraar looga saarayo liiska argaxisada kooxahan ka dagaalama Itoobiya. Go’aankan kasoo baxay Xukuumada Itoobiya ayaa ah mid lagu doonayo in lagu soo afjarto colaada dalkaasi qeybo kamid ah ka aloosneyd, waxa ayna dowlada dooneysaa in ay heshiis la gaarto kooxaha…

Read More

Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas.   “Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin.   Dhinaca kale Safiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal si qaldan loo fasiray, kaasoo ahaa hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed ee ahaa in la mideynayo labada dal, waxaana uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin labo dal oo la mideynayo, balse ujeedada tahay sidii…

Read More

Guddoomiyaha Maamulka Shabeelada-Hoose Maxamed Ibraahim Barre,ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho iyo dhaawicii soo gaaray.   Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda uu Isbitaalka ka baxay ayna jirin wax xanuun ama dhaawac Culus ah culus ah uu qabo, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya inuu soo gaaray dhaawac halis ah.   “Waa caafimaad qabaa hada ayaana ka sii baxayaa Isbitaalka, dhaawac maqabo ee firirka Muraad ka soo dhacday Gaarigii aan saarnaa ayaa isha hoosteeda iga garaafaysay hadana wax dhib ahna ma qabo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada-Hoose.   Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dhaawac…

Read More

Maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Buundo muhiim u aheyd marinka iyo isku socodka dadweynaha oo ay qarxiyeen Al-shabaab.   Buundadan la qarxiyay ayaa la sheegay in ay muhiim u aheyd isku socodka deegaannada Qoryooley, Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Shabeellada-Hoose.   Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay.   Waxay sheegeen masuuliyiintaa in halkaas ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowlalada.   Sidoo kale masuuliyiinta Maamulka Shabeelada Hoose,ayaa sheegay iyaga oo ka hortagaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley ay si deg-deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi muhiimk…

Read More

Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza. Ashraf Al-Qudra oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in labada ruux ee ay dileen milatariga Israel ay kala yihiin wiil 13 jir ahaa oo lagu dilay meel u dhaw magaalada Khan Yunis iyo wiil kale oo 24 jir ahaa oo isna lagu toogtay agagaarka Rafah. In ka badan 130 ruux oo Falastiinyiin ah ayay wasaaraddu sheegtay in Jimcihi shalay lagu dhaawacay xadka Gaza…

Read More

Safiya oo ah Robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa gaartay dalka Itoobiya.   Boorso ay ku jiraan qaar kamid ah qalabka Robotka Safiya ayaa ku lumay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt.   Waxay arrintani dhalisay in la baajiyo shir jaraa’id oo maanta lagu qaban rabay matxafka qaran ee magaalada Addis Ababa sii lagu soo dhaweeyo Robokta lagu magacaabo Safiya.   Robotka sida qof haween loo sameeyay waxay ku hadli kartaa luqadda qaranka Itoobiya ee Axmaarik.   Waxaana la filaya in Robotka Safiya lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u casho la qaadan doono saddexda maalmood ee booqashada…

Read More

Xukuumadda Nigeria ayaa sheegaysa in horraanta bishaan ay bilaabayso in qoysaska saboolka ah ay u qaybiso lacag ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar, taas oo dhawaan ay dib usoo celiyeen masuuliyiinta dalka Switzerland, kadib markii uu lacagtaas lunsaday taliyihii militariga Sani Abacha sanadihii sagaashamaadkii.   Waxaa lagu wadaa in lacagtaan lasiiyo in kabadan saddex boqol oo kun oo qoys kuwaas oo bil walba lasiinayo 14 dollar qoyskiiba.   Dawladda federaalka ah ayaa goor horeba bilowday in ay xawisho oo ay u qaybiso lacago caddaan ah dadka saboolka ah iyo kuwa taagta daran ee ku dhaqan 20 gobol oo…

Read More

Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Corneal Indhasheel, waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa magaalada Buuhoodle si rasmi ah ugaga dhawaaqay inay taageersan yihiin howlgalka ciidanka difaaca Puntland Soomaaliland kaga xoraynayaan goboladaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/V_xRZERP9zU

Read More

Maxkamadda derajada 1aad ee gobolka mudug ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland Barkhadle Aadan Muuse oo lagu soo eedeeyay inuu dhacay musharkii ciidamadda iyo shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug iyo hanti kale oo dawladeed. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland  Xasan Aw- Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garoowe, wuxuu sheegay in uu dalka ka baxsaday Xisaabiyuhu, wuxuuna ka codsaday Laamaha amniga ee dowladda federaalka, Maamul goboleedyada iyo  wadamada deriska in loo soo gacan galiye Eedaysane Barkhadle. “  Qoraalkaasi markuu soo gaaray xafiiska xeer ilaalinta, Xogta na soo gaaraysa  ee hay’adda Sirdoonku na soo gaarsiiyeen…

Read More

Wafti ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.   Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in waftigan oo ka koobnaa afar xubnood ay la kulmeen Saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan Taliska Mareykanka Africom ee fadhigooda ahaa dalka Jabuuti.   Wararka ayaa sheegaya in waftigan oo ka wakiil ahaa Mukhtaar Roobow ay kala hadleen Saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado Mukhtaar Roobow.   Mukhtaar Roobow ayaa wada abaabul…

Read More

Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Sarkaalka ka tirsan Jabahadda ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kaasi oo bishii September 2017-kii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya kadib markii lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyaha ururada Argagixiso. Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Itoobiya, hadana uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay. Wuxuu sheegay in labaatan maallmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan…

Read More

Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab. Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgaba oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab. Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaadhay dhaawac. Waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka dareewalkii Bashiir Qoorgaab. Hawlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya. Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay. Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah…

Read More

Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Itoobiya. “Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge. Dawladda Itoobiya ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana…

Read More

Hay’adda ka faalloota Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa qortay warbixin ay kaga hadlayso cabsi laga qabo dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Puntland. Warbixinta ayaa qortay in labada dhinacba ay ciidan badan ku soo daabulayaan meel u dhow dhulka lagu dagaalamayo ee Tukaraq, iyaga oo albaabkana ka xirtay waan-waan ay Qaramada Midoobay wadday,hoos akd hagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, isla markaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan C/qaadir Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan is bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay inay weli dhowrayaan in is bedeladaas ay noqdaan kuwo aas-aasi ah. “Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa, waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, waxyaabaha waa weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is…

Read More

Qof hubeysan,ayaa ku dhaawacay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho.   Gabadha la dhaawacay ayaa la sheegay in ay ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda dhowr xabadood aya ka haleelay Caloosha iyo Lugta.   Lama oga sababtay keentay toogashada uu qofkan hubeysan u geystay gabadha wariyaha ah, hasse ahaatee goob joogayaasha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhaxmaray muran kaddib-na sidaa uu rasaasta ku furay.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland. Xaqiijinta kulanka oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa yimid maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Russian ah oo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaaro kulanka. “Madaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan mas’uuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyne” ayuu yiri Bolton oo weriyayaasha kula hadlay Moscow. “Waxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah…

Read More

Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa Gelinkii dambe Maanta magaalada Kismaayo waxa ay ku soo bandhigeen 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab.   Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa Goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamada isku-soo dhiibaan 12 kaas ruux ee dhalinyarada u badan.   Ragga maanta la soo bandhigay ayaa Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa maamulayey tuulooyinka qaar ee Gobolka Jubbada Hoose.

Read More

Dowlada Itoobiya ayaa maanta siideysay C/kariim Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo in mudda ah u xirnaa, kaas oo loo haystay in uu ka mid ahaa Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta deegaanada Soomaalida Itoobiya.   Mid ka mid ah Xubnaha Jabhadda ONLF oo ka mid ah,ayaa xaqiijiyay in la siidaayay saaakay 8-dii aroornimo Qalbi dhagax,   Qalbidhagax,ayaa caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay,soo deyntiisa,ayaa lla sheegay in ay ku timdi wada xaajood dhexmaray jamhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya.   Majirto wax door ah oo ay ku lahayd Dowlada Fadaraalka Somaliya sii daynta Qalbidhagax oo ay iyadu horay ugu wareejisay Dowlada Itoobiya.  …

Read More

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka. Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PkVG3TGrUfc

Read More

Shirkan ayaa sadexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxuu ka socday caasimada Garowe waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Boostada iyo isgaariinta Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, iyo Garyaqaanka Guud Dowlada Cismaan Cilmi Guuleed .   Shirkan,ayaa waxaa qodobadii looga xaajooday ka Mid ahaa:-   1.Wax ka badalka Xeerka isgaarsiinta Qaranka, qodabada sida Weeyn loga dooday waxay kala ahayeen,Qodobka – aad.6 -aad,10-aad iyo Qodobka 35-aad .   Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo heli lahaa xeer isgaarsiineed oo ay ku midaysan yihiin guud ahaan Somalida.kaasoo salkiisu yahay nidaamka Fadaraalka ah.   Dhamaan madaxdii ka soo qeeyb gashay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha. Xeer Madaxweyne Lr.73 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha. Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta shaqada maamulka iyo maaliyadda ee Wasaarddaha Markuu Tixgeliyey:              Talo soo jeedinta wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarddaha Dawladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha  waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta Waxaa Maxamuud Axmed…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. kuna saabsan Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu latashaday:             Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Markuu Tixgeliyey:              baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha Wuxuu Xeeriyey:                                                Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa…

Read More

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,ayaa sheegaya in saacadda geeska Africa markay ku beenayd  1:30 saq dhexe oo habeenimo iska hor imaad la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka bilaamay gudaha Magaalada. Iska hor imaadkan oo socday mudo xoogaa ah,ayay Ciidamo Deegaanka ah oo taabacsan Puntland waxay ku weerareen fariisimo ay fadhiyeen maleeshiyada Jeegaanta ee Muuse Biixi. Wararka laga helayo magaalada,ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaaqa rasaasta la isku adeegsanayo ,taasoo iskugu jirta Hubka waaweyn iyo kan yar-yar. Maleeshiyada Deegaanka,ayaa weerarka ku ekeeyay saldhiga Bartamaha Magaalada oo fariisin u ah qayb ka mid ah…

Read More

A high-level Eritrean delegation led by foreign minister Osman Saleh arrived in the Ethiopian capital, Addis Ababa for talks on ending the decades-long conflict between the two countries.   The delegation – which was received by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Tuesday – also included Eritrean President Isaias Afwerki’s right-hand man Yemane Gebreab.   It is the first time in more than two decades that a top-level delegation from Asmara visits Ethiopia.   The visit comes a week after President Afwerki said the East African country would dispatch a delegation to Addis Ababa to “gauge current development” in the…

Read More