Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa unba baxay isaga iyo wafti uu hogaaminayo magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirka amniga qaranka.   Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah kasoo qaybgalkiisa.   Shirkii Brussels ee looga xaajoonaay dib u dhiska Ciidamada Qaranka Somaliya oo ay taageerayso beesha caalamka,ayaa shuruud looga dhigay in Somalidu la timaado waxay heshiis ku yihiin.   Dowladaha xubnaha ka…

Read More

Caawa waxaa si weyn shaki usoo kala dhexgalay Maleeshiyada Jeegaanta iyo Maleeshiyada Ina Canbaashe .   Kala fogaanshahan ayaa waxaa keenay ka gadaal markii Maleeshiyada jjeegaantu ay dib u gurasho sameeyeen iskuna ururiyeen Deegaanka Ganbadhe oo qiyaastii 25-km ujira magaalada laascaanood,sidoo kale Jeegaanta ay Hubkoodii cuslaa udaad guraysteen Taliskooda Oog .   Saraakiisha hogaamisa Maleeshiyada jeegaanta waxay ka walwalsan yihiin hadii dagaal kale dhaco in laga awood roonaado kadibna kacdoon shacab uu kaga bilowdo gudaha Laascaanood lagana reebto Hubkooda muhiimka ah.   Hadaba horjooge Ina Canbaashe oo arinkaas ka caraysan ayay caawa waxay is afdhaafeen Talyaha Maleeshiyada jeegaanta Nuux Taani.…

Read More

Ciidamada difaaca Puntland (PSF) hawlgal ay qaadeen kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay weerar gaadmo ahaa kusoo qaadeen fariisinka 20-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan kuwa Badda ee (PMBF) ay ku leeyihiin Buuraha Galgala Baliga loo yaqaan Bali-Khadar ayay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen cadowga argagixisada ah ee Alshabaab. Ciidamada oo isticmaalayay tababarkooda sareeya iyo qalabkooda u dhamaystiran waxay dhawr jiho kaga yimaadeen Maleeshiyada argagixisada ah. Dagaal socday dhawr Saacadood oo aan waxba laysku reeban,ayaa kusoo gabagaboobay jab iyo naasa beel lagu dhigay argagixisada Alshabaab. Ciidamada difaaca Puntland ayaa guud ahaan maleeshiyadii aragixisada ee soo duulaan tagtay oo ugu…

Read More

Garaad Saleebaan Garaad Mohamed Garaad Mohamud oo kamid ah isimada ugu caansan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan gobolka Sool ayaa si kulul uga hadlay daandaansiga maamulka Soomaaliland ay kawado deegaamo katirsan goboladaasi.   Garaad Saleebaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shacabka kunool gobolka Sool aysan katirsanayn Soomaaliland aysana ku qanacsanayn inay ku biiraan maamul wax u dhimaya dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed   Garaad Saleebaan,ayaa yiri”Markaan Xabad kala daalnay oo awoodoodii aan tusnay ayay caruurihii iyo dumarkii xirxireen oo Xabsi ka buuxiyeen”..   Hoos ka daawo muuqaalka Garaadka oo ak hadlaya arimahaas. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan. Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya. Dhinca Kale Madaxweymaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas…

Read More

Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Faysal hadaladdiisa waxaa ka mid ahaa Daraawiisha Annagaa Jebinnay…. Reerkii Somalida iswaalaba Annagaa Jebinna iyo Durukhaan kale aan soo qaadasho mudnayn… Daraawiishta Annagaa Jebinnay…. Asaaskii Darawaashiishta, sidaan haynno halgankii ugu horeeyey ee Sayid Maxammed AUN waxaa la jaan qaaday Suldaan Nuur AUN oo ahaa Suldaanka Guud Ee Qabiilka Isaaq Gaar Ahaanna Garxejis oo uu Faysal kasoo jeedo… Suldaan Nuur wuxuu ku dhintay halgankaa isagoo ku jira waliba hoggaan sharfoon kaga jira… Haddaan hadalkaaga raaco, ma waxaan buugta taariikhda u gelinnaa reerka aad ku…

Read More

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 02 June,2018 hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab ka fuliyeen degaanka #Maraje ee Buuraha Cal Madow.   Hawlgalkan oo ay ciidanka PSF ku beegsadeen kaga na daba-tageen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa #Togga Maraje ayaa wuxuu jawaab-celin u ahaa weerar gaadmada ahaa ee ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee Puntland ku leeyihiin degaanka Balikhadar; i   Hawlgalku inta uu socday waxay ciidanka PSF ka dileen argagixisada Al Shabaab 41-ka mid ah Al Shabaabkii xalay soo weeraray Balikhadar, waxaana sidoo kale laga dhaawacay Al…

Read More

Magaalada Baydhabo ee xarunta Kmg ah maamulka Koonfur-Galbeed,waxaa maalmaha soo socda ka qabsoomi doona shirka amniga Qaranka.   Shirkaas waxaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan madaxda Somalida oo idil heer Fadaraal iyo heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.   Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa la filayaa isaga iyo wafti uu hogaaminayo in ay gaaraan Baydhabo.   Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada…

Read More

Weerarkii xalay ay Alshabaab kusoo qaadeen mid ka mid ah fariisimada Ciidamada Badda Puntland Balikhadar ee ka tirsan Buuraha Galgala,ayay Ciidamadu si weyn iskaga difaaceen. Weerarkan oo ahaa mid ay Maleeshiyada argagixisada Alshabaab ay ku han weynaayeen in uu noqdo mid gaadmo ah,isla markaana dhaliya khasaare baaxad weyn,balse nasiib wanaag waxuu noqday mid fashilmay,kadib markii sirdoonka Puntland ay horayba xogta weerarka u heleen. Ciidamada difaaca Puntland,gaar ahaan kuwa Badda ee (PMBF),ayaa si dhamaystiran uga xaajo qaatay iska difaaca weerarkaas. Saraakiisha Ciidamada oo ay idil News la xiriirtay,ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu kala cayriyeen Maleeshiyada weerarka soo qaaday,isla markaana ay goobta uga carareen…

Read More

Xaaf Madaxweynaha galmudug waxuu jooga Garowe,kadib booqasho aan la shaacin oo uu kusoo gaaray halkaas.   Wada hadalo albaabadu u xiran yihiin ayuu ku la leeyahay Madaxweyne Gaas Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe.   Si dhab ah looma shegi karo arimaha y ka xaajoonayaan,balse ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya baahida ugu weyn ee keentay iin Madaxweyne Xaaf Garowe yimaado ay tahay iyadoo khadka Taleefoonada ee koonfurta Somaliya la dhagaysto.   Madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Xaaf ,ayaa maalmaha soo socda isku sii raaci doona magaalada Baydhabao si ay uga qaybgalaan shirka amniga qaranka ee halkaas la qorshaynayo in…

Read More

Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.   Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xasan,ayaa mudada ay joogeen magaalada Nayrobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo deegaamadaas.   Labada madaxweyne sidoo kale intay joogeen Nayrobi waxay isku arkeen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah,iyadoo wararka laga helayo kulankaas ay…

Read More

Saldhiga Ciidamada Difaaca Puntland ee Bali Khadar waxaa caawa dhawr jiho kasoo weeraray Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.   Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan Taliska Ciidamada Badda PMBF ee buuraha,ayaa noo xaqiijiayy weerarkaas oo ahaa mid ay dhawr jiho kasooq aadeen Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab.   Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,walina waxaa socda dagaalka.   La soco wararkayaga danbe.

Read More

Beesha Guuleed Garaad Barkad oo 4-Gaari oo Tikniko ah Ku Wareejisay Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ENG Camey.   Gaadiidkan Dagaalka Waxaa ku Wareejiyey Puntland Nabadoon Bashiir Osmaan Waraabe Dheere.   Waa qayb kamid ah ka qaybqaadashada hawlgalka dib u xoraynta Laascaanood oo ka timid beesha Barkad.   Camey ayaa gaaray Buuhoodle maalinkii shalay ahaa,waxaana la filaya ain uu sidan oo kale beelaha kale ee reer buuhoodle kala wareego Ciidan iyo Hub lagu xoojiyo hawlgalka dib u xoraynta Sool.   Guud ahaan Puntland waxaa ka socda abaabulka iyo garab istaaga Ciidanka Difaaca Puntland ee ku guda jira hawlaglka dib u xoraynta Sool.

Read More

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuql insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia . “Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”. “Waa in aan loo ogolaan askartan in…

Read More

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamad cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid tahay xaaladda deegaanka Tukaraq. Sidoo kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee  Soomaaliya, iyadoo shirka laga soo saaray war-murtiyeed u qorna asidan: Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Duulaanka uu Maamulka Somaliland kusoo qaaday Deegaamada Puntland: Golaha xukuumadda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu…

Read More

Dharkayn-geenyo oo is buuxad ugu soo biirtay Puntland. Guud ahaan maamul iyo Ciidan Dharkayn-geenyo waxay si toos ah u hoos timid garowe. Dhawaan waxa ahalkaas gaari doona Saraakiil ka socota Ciidamada difaaca Puntland si ay u diyaariyaan Maleeshiyda markii hore ka amar qaadan jirtay maamuka Jeegaanta. Talaabadan waxay udanbaysay talaabooyin isdaba joog ahaa oo ay iskus ood hiibayeen Maleeshiyaadka markii hore kux irnaa maamulka Jeegaanta. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa kacdoon shacab waday bulsha weynta reer Sool,kuwaasoo ka dhiidhiyay bahdilka Jeegaanta garab istaagayna hawlgalka dib u xoraynta Sool ee ay wadaan Ciidamada difaaca Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Buuhoodle.   Waftiga Madaxweynaha waxaa si weyn usoo dhaweeyay kagana hor tagay duleedka Magaalada,masuulyiinta Gobolka Cayn,Saraakiisha Ciidanka,Isimada iyo qaybaha bulshada.   Camey ayaa Dadka kula hadlay meel fagaare ah waxuuna u sheegay in uu u yimid Cayn qorshaha dib u xoraynta Sool ee ay ku hawl jiraan Ciidamada difaaca Puntland.   Camey waxaa la filayaa in uu sial caawa kulan xasaasiya la qaato waxgaradka Gobolka,kaasoo ku aadan sidii reer Cayn ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlaglka socda.   Guud ahaan Puntland…

Read More

Tababaraha Real Madrid Zidane aya shir jara’id u qabtay si layaab leh saxafadda ugu sheekay inu iskaga tagay shaqada macalinnimo Naadiga caanka ah ee  Realmadrid. Maalmo kadib markii uu qaaday koobkiisa 3-aad ee champions league ayuu codsaday in laga aqbalo codsiga ah inuu kooxda ka tago walina lama hubo sababta dhabta ah ee ka danbeysa inuu baneeyo shaqadii tababarnimo ee kooxda Real, Walow uu sheegay in kooxdu ay u baahantahay is badal. Zidane ayaa kooxda Real madrid u gacan galiyay koobab muhiim u ah,kuwaasoo kala aha:- 3-Champions league oo xariir ah sanadaadii 2016kii,2017kii iyo sanadkan 2018ka,iyo labo- UEFA Super Cup,…

Read More

Waxay ahayd magaalada Basel, sannadii 1897 markii ugu horraysay ee uu qabsoomo shirwaynihii ugu horreeyey ee Yuhuudda muddo 2kun oo sano ah, waana maalintii uu ku tiraabay oraahdii taariikhda gashay ee ahayd: ”Maanta waxaan asaasay dowlad Israa’iil, laakiin haddii aan imminka cod-dheer ku iraahdo waxaa macquul ah in adduunku igu qoslayo. Haddiiba aanay 5sano ahayn, waan hubaa in 50 sano ka dib caalamku arki doono dowladda Israa’iil”- sidaas waxaa yiri: Theodor Herzl. Theodor Herzl, wuxuu ahaa Joornaaliiste, qoraa, howl-dhabeen, aabaha siyaasadda casriga ah ee sahyuuniyadda iyo aas-aasaha dhabta ah ee dowladda Israa’iil. Herzl, wuxuu ku dhashay magaalada Budapes ee dalka…

Read More

Labada Madaxweyne ee Kenya iyo Somaliya waxay wada qateen kulan xasaasiya oo ay uga xaajoonayeen arimaha muranka Badda.   Farmaajo iyo Uhuru oo kulankoodu uu ahaa mid Saxaafada ay banaanka ka joogtay,ayaa qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliya waxaa lagu sheegay in ay isku afgarteen in la dhiso gudi wadajir ah oo ka kooban labada dal,kaasoo lagu magacaabay xaqiiqo raadin arimaha muranka Badda ee labada Dal ay isku hayaan.   Gudigan xaqiiqo raadinta ah ayaa booqandoona Magaalooyinka ku teedsan Xuduuda sida Beledxaawo iyo Mandheera waxayna soo saari doonaan warbixin wadajir ah.   Talaabadan ayaa ah midii ay Dowlada kenya mudo raadinaysay,waxayna…

Read More

Caawa waxaa isugu soo baxay fagaaraha ay caanka ku tahay Garoowe (Barxadda) dadweyne u badan haween iyo dhalinyaro ,kuwaasoo taageersan hawlgalak dib uxoraynta Sool ee ay ku jiraan ciidanka difaaca Puntland. Qaar ka mid ah haweenka mudaharaadaya oo la hadlay warbaahinta ayaa u jeediyay madaxda Jeegaanta iyo taageerayaashoodaba  hadalo dhiilo colaadeed huwan,digniin iyo dardaaran, waxayna sheegeen in ay ku garab taagan yihiin ciidanka dowladda Puntland hawlgalka ay ku jiraan. ”Ragayagu waa noo nasanayaa oo raga Somalialnd haweenka Puntland ayay isku maqaam yihiin”erayadaasi waxay ka mid ahaayeen baaqii Haweenka caawa ku mudaaharaadayay barxada Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose…

Read More

Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta. Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaaro waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan. Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xiriirkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaaro guul wax ku ool ah. Haddiise xiriirkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata…

Read More

Saddax habeen ayaa Kismaayo lagu martigeliyey. Maamul kale, oo intaa uu joogay ma jiro, marka laga reebo, socodkii tamashalaha, dalxiiska iyo nasashada ahaa, ee uu ku tagay Puntland iyo Galmudug. Shaahaa uu habeen cabkiisa macaansaday, waa Formaajoo fudeyd ayaa wax walba dhaafinayee, wuu garan waayey, in uu aragtida qabyaaladdda uusan ka la qaadin, oo Kablalax iyo Sade ka la finjilin, ee kuu wado DAAROODEYNTA. Qofka ku yiraa; Formaajo qabyaalad ma yaqaan, keliya waxaad weydiisaa; waxa ka socda Jubbaland! Markaa ayaad ogaan, in qabyaaladdu lafaha iyo dhuuxa uga jirto. Hadda wuxuu joogaa Nayroobi, oo uu Keenyaatiga labo midkood ka baryayaa 1-…

Read More

Madaxweyne xigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo wafti balaaran oo uu hogaaimnayo,ayaa gaaray Magaalada Buuhoodle xarunta Gobolka Cayn.   Qabanqaabada soo dhaweynta waftiga Camey ayaa ka socota magaalada.   Madaxweyne Camey ayaa kula kulmi doona halkaas isimada,saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada Gobolka.   Waxaa guud ahaan ka socda Puntland olalaha lagu garab istaagayo hawlgalka dib u xoraynta Sool ee ay ku guda jiraan Ciidamada difaaca Puntland.

Read More

Waxaa fashilmay waanwaan aan caga badan ku taagnayn oo ay waday beesha caalamka,gaar ahaan Qaramada midoobey,taasoo looga gol lahaa xal uhelida dagaalka Sool. Puntland ayaa aqbashay waanwaantaas,isla markaana muujisay qadarin diblomaasiyadeed,gacantana ka saartay wafuudii beesha caalamka ee dhexdhexaadintaas waday shuruudaha dhankeeda ay ku xirayso sidii dagaalkaas looga baaqsan lahaa.   Puntland ayaa hor dhigtay beesha caalamka shuruudo ay ka mid ahaayeen in ay xabada ay joojianyso ciidankeeda xakamaynayso hadii Muuse Biixi uu kala baxo Maleeshiyaadkiisa guud ahaan dhulka Puntland dibna ugu laabto xuduuda beeshiisa ee labiga gaatamo.   Dhanka maamulka Jeegaanta ee Somaliland ayaa beesha caalamka kala kulntay niyad jab…

Read More

Waftiga Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda ayaa la filayaa in loo gudbiyo qasriga madaxtooyada Halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha wadanka Kenya.   Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Shiikh.   Madaxweynaha ayaa dalkaas u tagay bilaabida si rasmi ah wada hadal ay labada Dowladood ee Kenya iyo Somaliya uga bilaabanaya xuduuda dhanka Badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin.   Somaliya iyo Kenya ayaa isku haya Xuduud badeed la sheegay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Qandala. Xeer Madaxweyne Lr.63 ee 23 May 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Qandala. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Qandala. Markuu Qiimeeyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga. Waxaa Yuusuf Maxamed Ciise si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qandala. Waxaa Cabdukhaaliq Maxamed Ismaaciil si ku…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala. Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday. Wuxuu xeeriyey. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA…

Read More

Xog hoose oo warbaahinta idil News ay ka helayso deegaanka Tukaraq, Gooja-cadde iyo Laascaanood ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii ugu badnaa ee katirsanaa maleeshiyo beeleedka Jeegaanta keentay Tukaraq ay baneeyeen goobihii ay ku sugnaayeen.   Wararka laga helayo magaalada Laascaanood iyo taliska Maleeshiyada Jeegaanta ee Gooja-cadde ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ugu badnaa ee beesha Sama-roon ay ka bexeen duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ay gedood ka sameeyeen hub iyo rasaas loo qaybinayey ciidamada ku sugan aaggaasi.   Taliska Maleeshiyada Beesha Sama-roon ayaa u gudbiyey Taliska guud ee Maleeshiyada Jeegaanta in dhankoodu dagaalkii ugu danbeeyey ee Tukaraq uu kasoo…

Read More

Ninkan Waa Cimaad Muqni Oo ahaa Lubnaani Katirsan Ururuka Xisbulaahi Ee Ka dhaqdhaqaaq Lubnaan.   Cimaad Muqni Waxa Uu ahaa Dilaaga Aamusan Ee ay Ku Dhaqaystan Suuriya Iyo iiraan.   Cimaad Muqni waa ninkii loo xiriiriyay in uu isku soo dubariday dilkii raysal wasaarihii Wadaniga ahaa Ee Lubnaan Rafiiq Allxariiriri, mardanbe Ayaa isna lagu dilay Dimishiq Dil qorshaysan.   Hadaba Ninka Reer SOOL Ee dhaqankiisa iyo sida Ninkaasi u ahaa dilaaga aamusan u ah waa Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah Raga ay adeegsado maamulka jeegaanta Hargaysa.   Waa Nin dilalka iyo Qarbudaada uu sameeyo ay raad reebaan.   Xildhibaan Dhakool…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda dalka kenya.   Madaxweynaha ayaa dalkaas u tagaya bilaabida si rasmi ah wada hadal ay labada Dowladood ee Kenya iyo Somaliya uga bilaabanaya xuduuda dhanka Badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin.   Xogaha ay helayso idil News,ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo la taliyaashiisa ay arinka xuduuda Badda ee labada dal ay isku hayeen ay aqbaleen in wada hadal laga galo,isla markaana socdaalka uu ku tagayo Madaxweyne Farmaajo kenya uu noqon doono fadhiga ugu horeeya ee lagu bilaabayo wada hadaladaas.   Iyadoo Dowlada Fadaraalka Somaliya…

Read More

Waddamada Ingriiska, Mareykanka, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa isku raacay in siyaasadda Muse Bihi ee qar iska xoorka ah ay Somaliland u geysan doonto go’doon siyaasadeed ee hor leh.   Sidoo kale,Qaramada midoobey iyo Midowga Yurub. ayaa walaac ka muujiyeye faham darida iyo nusqaanta siyaadaeed ee Muuse Biixi kula soo biiray arrimaha Gobolka.   Wada hadalo dhexmaray Beesha Caalamka, DFS iyo Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland iyo shacabkeedu muujiyeen dulqaad fara badan.   Sidoo kalena beesha caalamku ay ku boorisay in ay sii wadaan dulqaadkaas iyo xakameynta ciidankooda.   Si gaar ah Dowlada Maraykanku waxay Puntland uga garowday gardarada…

Read More

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa maalinkii shalay ahaa kala hortagay mudaahaaraad xoog leh oo wata rabshado maleeshiyada Jeegaanta oo galbinayay shaqsiyaad sheegta in ay yihiin Wasiiro ka tirsan maamulkaas. Mudaahaaraadyadaas,ayaa dhabarka ka jabiyay qorshe ay wateen Awrkiraalayaasha u adeegayay Jeegaanta,sidoo kale udiiday wax dhaqdhaqaaqa in ay sameeyaan Maleeshiyada Jeegaanta ee  galbinaysay Awrkiraalayashaas. Shacabka Laascaanood waxay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan gumaysiga iyo bahdilka maamulka Jeegaantu ku hayo iyo haysashada ay haystaan Magaalada laascaanood. Shacabka ayaa ku dhawaaqayay erayo wadnaha xanuujiyay Jeegaanta ,waxaana kamid ahaa ”Puntland ha noolaato,dooni mayno Jeegaanta,Dooni mayno gooni-goosad,Somali baan nahay”.hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

24kii Saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo qof ka mid ah uu ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.   Dilalkan ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegta kooxaha argagixisada ah ee alshabaab iyo Daacish.   Dilalkii ugu dambeeyey ee dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Muqdisho,ayaa siyaabo kala Duwan u dhacay   Qof ka mid ah dadka la dilay Waxaa la sheegay inuu ahaa Macalim Dugsi Qur’aan halka qofka kalane la sheegay inuu ahaa halible aad looga yaqaano Degmada. Sidoo kale Dagaal ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Heliwaa, waxaana la sheegay inuu…

Read More

Jeneraalka ugu sareeya ciidammada Kuuriyada Waqooyi Kim Yong-chol ayaa lagu wadaa in uu maalinta arbacada ah gaaro dalka Maraykanka, halkaas oo ay oga bilaabanayso booqasho.   Waa markii ugu horey muddo 20 sano oo qof darajada heerkaas ah jooga oo Kuuriyada Waqooyi ka socda uu tago dalka Maraykanka.   Tani ayaa waxa ay dhacaysaa xilli qprshaha kulanka Trump iyo Kim Jong-un uu sii karar qaadanayo, islamarkaasna meel wanaagsan marayo.   Jeneraal Kim ayaa loo arkaa nin muhiim ah oo uu kalsooni badan ku qabo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, iyada oo dhawr jeer oo hore loo direy kullamo hore. Halkan hoose…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq. Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey oo goor dhaw la hadlay warbaahinta dawladda PuntlandTV ayaa sheegay in uu soconayo dagaalka gobalka Sool hadda ka bilowday oo uusan istaagi doonin inta TAAKO kamid ah dhulka Puntland ay ku jiraan ciidamada Somaliland. Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxa uu sheegay in ay Puntland taako ka mid ah dhulkeeda aysan ka tanaasuli doonin, cid kasta oo la timaadana ay talaabo ka qaadayso dawladdooda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/A3z__VmTIEI

Read More

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa ka dhacay banaan bax ay dhigeen bulshada kala duwan ee magaaladaasi,kaasi oo looga soo horjeedo maamulka Soomaaliland laguna taageerayey ciidanka Puntland.   Mudadii banaanbaxa socday waxaa in ay joojiyaan isku deyey ciidanka Maamulka Somaliland ka soo daabulay Hargaysa iyo Burco si ay shacabka magaaladaasi u caburiyaan   Sideed qof oo afar dhaawac culus ay qaban,ayaa ku dhaawcmay iska hor imaadka dhexmaray Maleeshiyada Jeegaanta iyo shacabka caraysnaa ee mudaaharaadayay..   Xaalada Magaalada ayaa kacsan waxaana dhamaan go’an wadooyinka dhexmara Magaalada oo ay shacabku ku jareen Dhagxaan iyo Taayiro ay ku gubeen,hoos ka daawo muuqaalka.…

Read More

Berri waxaa magaalada Laascaanood Kusoo wajahan Masuuliyiin ka socota Beesha caalamka kuwaasi oo u kuurgalaya shacabka Gobolka sool halka ay Taageersanyihiin. Hadaba sida aan Wararka hoose ku helayno Wax ay sheegayaan in caawa maqribkii magaalada Burco laga sooraray 4-Bas oo kuwa salaama Bus ah kuwaasi oo wada shacab tiro badan oo Ladoonayo in laga dhigo Shacabkii reer Sool oo taageersan Somaliland. Kadib markii ay dadka Gobolka ugu magacaaban Somaliland Ay kasbaneaayren Shacabka. Arinkani ayaa ku soo beegmaya xilli maanta gelinkii hore uu ka dhacay Magaalada Laascaanood Mudaaharaad lagu taageersan yahay Dawladda Puntland. Hadaba waxaa laga codsanayaa Shacabka Gobolka Sool Inay…

Read More

Hawlgalada lagu caburinayo shacabka Laascaanood ayaa sii xoogaysatay ilaa shalay kadib markii ay halkaa ska dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay mamaulka Jeegaanta.   Maleeshiyada Maamulka Jeegaanta,ayaa xirxiray dad shacab ah oo fara badan iyo wariyayaal madax banaan.   Dadka ay xirx ireen Maleeshiyada jeegaanta ayaa u badan dumar iyo caruur,kuwaasoo dhigayay Mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan maamulkaas iyo hadafkiisa gooni goosadka ah.   Maleeshiyada Jeegaanta dadka ay xireen waxaa ka mid ah Wariye madax banaan oo barnaamij uu shacabka Laascaanood aragtidooda ku aadan dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ku waydiinayo sameeyay.     Wariye Cabdiraxmaan Keyse Tungub,ayay Maleeshiyada jeegaanta…

Read More

Haduu Muuse Biixi soo waraystay Koofi anaguna Saydikii ayaan soo waraysanay waxaana noo balan ah Laascaanood”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Quraanjecel. Sidoo kale Quraanjecel waxuu fariin udiray shacabka Puntalnd ee Laascaanood lagu gumaynayo wxauuna yiri”Laascaanood waa la xoraynayaa gunimadana waa laga dulqaadayaa shacabkaas’. Quraan jecel waxuu kaloo fariin adag udiray Reer Sool-ka kale,waxuuna yiri”Xudun,Buuhoodle iyo Taleex hadii Laascaanodo la gumaynayao ma daawanaysaa Puntland kale oo ma Falastiin baan ka dhigaynaa soo garab istaaga Ciidankiina mujaahidiinta ah ee casharka u dhigay kuwa soo duulay”.. Dhanka kale Quraanjecel waxuu fariin udiray Dowlada Fadaraalka ah oo maalmihii alsoo dhaafay ku mashquulsanayd la xiriirka Muuse…

Read More

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleyman ayaa waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA waxuu ku sheegay  in uu isagu wali yahay gudoomiyaha Maxkamada sare, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa. Madaxweyne Farmaajo,ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku sheegay in uu xilkii uga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Fadaraalka Somaliya,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha xilka laga qaaday. Halkan hoose ka dhagayso codka Gudoomiyaha

Read More

Cod ka fakadey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Korneyl Maxamed Kaahin Axmed ayuu ku sheegay in Beesha Dhulabahnte aysan sinaba u midoobi karin wakhtigan lagu jiro. Codkan oo si weyn ugu baahay baraha Bulshada Kaahin wuxuu sheegayaa in beesha Jaamac Siyaad dhibaato badan ay gaartey saddexdii dagaal oo dhimasho 100 gaartey ay ku dhacdey. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa sheegay in ay kala jejebiyeen Dhulabahantaha oo qoloba gaar ula shireen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka dhagayso codka Kaahin https://youtu.be/J9r5cBB7-Gw

Read More

Xildhibaan Cosoble Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Madaxweyne farmaajo looga baahan yahay inuu xuso qodobada Dastuurka ama xeerarka Garsoorka ee uu u cuskaday xil ka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada sare.   “Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay in uu xuso qodobada dastuurka ama xeerarka garsoorka uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle, Haddii dastuurkii aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arrinkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan Baarlamaanka ka fariisto”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.   Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha ay aheyd inuu faro Xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida Baarlamaanka ee…

Read More

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] Inkasto ay sharci Daro tahay oo uusan Xaq u lahan in uu wareegto ku magacaabo ayaa waxaa loogu magacaabo Garyaqaan sare Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sarre ee Dalka. Xilkaan waxaa laga qaaday Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo sababta xilka looga qaaday lagu sheegay kadib cabashooyin ay kasoo gudbiyeen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay qayb ka tahay dib u habaynta nidaamka Dastuurka dalka, Shaqsiga cusub ee loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka,ayaa hada ah Agaasimaha Xarunta dhexe ee Xisbiga Wadani, ee Maamulka Somaliland.,kaasoo lagu magacaabo Baashe. Baashe waxuu deegaan ahaan…

Read More

A greve de caminhoneiros do Brasil)- Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah. Lagasoo bilaabo maalintii khamiista waxaa shaqo joojin ku jira Gaadiidka Xamuulka ee Dalka Brasil. Waxaa istagay dhammaan Baaburta xamuulka ee, u kala gooshta Waddanka gudihiisa, tani waxay ka dembeysay kadib markii qiimaha (Naafatadu) qaaliyoobay, ama kor u kac uu ku yimid. Waxa kor u kac ku yimid Qiimaha Shidaalka waxeyna saamyn xoggan kuyeelatay dhammaan isu socdkii Dalka xitaa waxay saamayn ku yeelatay Safaradii Duulimaadyadda dibadda u safari jiray kadib markii Garoomadda Caalamiga ee Brazil ay gartay kor u kaca Shidaalka. Waxaa shaqo joojin sameyey Darawaliinta Baabuurta…

Read More

Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Hakan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pdcjt0LRAUU

Read More

Puntland ayaa war-saxaafadeed ay goor dhow baahisay ku sheegtay in beesha caalamka ay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliland in ay isaga baxaan deegaanka Tukaraq.   “ Waxaa ay beesha caalamka u sheegtay maamulka inay dib uga baxaan deegaannada ay ku soo duuleen, laakin hoggaamiyaha maamulka wuxuu ku dooday inuu tagayo xadduuda uu Ingiriiska siiyay .. wuxuuna dhaga ka fureystay dhammaan soo jeedinaddii beesha caalamka wuxuuna duullan ku soo qaaday deegaanka Tukaraq ee Puntland.”ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Puntland oo intaa ku daray “   War saxaafadeedka waxaa kaloo lagu yiri”Dhul iyo Dad ka tirsan Puntland…

Read More

Shacabka Gobolka Sanaag ayaa taageeray hawlaglka dib uxoraynta Gobolka Sool ee ay ku dhaqaaqeen Ciidamada difaaca Puntland. Kulan balaaran oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Haweenka Puntland ee magaalada Badhan ayay shacabka qaybahiisa kala duwan ku muujiyeen  taaageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada difaaca Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo  muuqaalka https://youtu.be/DMDHL6A4D9Q

Read More

Waxay noqdeen oo Xamar looga yaqaan ku buuxso booska. Siyaasigii maalinkaa qorshe leh ayaa awrkiisa ku kacsada intuu san dareero uqaybiyo. Xildhibaanada Puntland kasoo jeeda ee heer fadaraal waa kuwo aan utaagnayn wax qadiyad ah haba yaratee,waana kuwa ugu liita guud ahaan Xildhinaada fadaraalka Somaliya. Iskuma xirna iyagu,isku dana mahan,dan kooxeed iyo ujeedo siyaasadeedna uma taagna,kaaga sii daraee dan guud oo Somaliyed uma taagna. Waa Hal qalabsi midba meel qado ka raadsado waagii baryam,qaarna waa mayeeraan ilmadow ah oo darbiyada iska fadhiya.. Markaan tusaale usoo qaato midi ka mid ah Xildhibaanada ku matala Puntland Baarlamaanka Fadaraalka waa Xildhibaan Xuubsireed oo…

Read More

In Madaxweyne Farmaajo Puntland lasoo xiriiro kuna dirqiyo in aysan is difaacin ee ay tanaasusho. In Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo Jeegaanta waxay rabto ayaan usamaynaynaa si Nabad loo helo. In Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo waxaan Jabuti kula kulmayaa Muuse Jeegaan. Madaxweyne Farmaajo waa diiday in uu Puntland dhagaysto,isla markaana tixgaliyo xaqa waxay uleedahay. Madaxweyne Farmaajo mahan Nin la socda waaqiciga dalka,sidoo kale mahan Nin xog ogaal ah. Madaxweyne Farmaajo waa Nin jilicsan,balse niyad wanaagsan aan siyaasi ahayn calaamadahaas uu leeyahay waxaa uga faa’idaystay koox yar oo uu hogaamiyo Fahad Yaasiin kuwaasoo hadba waxay iyagu dan u arkaan ama hadba qabiilka…

Read More

Dhamaan arimihii uu la hor tagay mudane khayre Ra’isalwasaaraha awooda badan ee Itoobiya Attoo Abiye waa laga diiday.   Qodobada laga diiday ee uu Khayre la shir tagay waxaa ka mid ahaa:-   1.In Itoobiya ay ka baxdo heshiiska Berbera.   2.In Axmed Madoobe wada shaqayn umuujin waayay dowlada Fadaraalka.   3.in In guud ahaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah aysan xiriir toos ah la yeelan .   4.In Dowlada Fadaraalka Itoobiya ay toos ula xiriirto Dowlada Fadaraalka Somaliya.   Dhamaan arimahaas uu la hor tagay Khayre Ra’isalwasaare Abiye waa kugu gacansayray waxaana loo sheegay in siyaasada arimaha…

Read More