Author: Jibril Qoobey.

MW Shariif Doorasho Qof iyo Cod ah sida ay ku qabsoomi karto,ayuu dul istaagay,isla markaana in aan la diidanayn ee loo baahan yahay in laga heshiiyo.. 1.See uqabsoomi kartaa? 2.Halkee ka qabsoomi kartaa? 3.Gudiga Maamulaya waakee? 4.Goormay qabsoomi kartaa? Dadka Somaliyed in ay toos udoortaan Madaxdooda,waa muhiim,lkn lama gaarin xiligaas oo wax badan,ayaa ka horeeya in la gaaro. Xasan,isagoo ka faa’idaysanaya Doorasho Qof iyo Cod ah,ayaa Wadanku ubaahan yahay,ayuu rabaa in uu tiisa dhexmarsado. Dal iyo Dad aan ku midaysnayn Siyaasad,Dhaqaale iyo Amni oo aad unugul,isla markaana aan weli ka doogsan colaadii Qabiilka,ayuu ku Ciyaarayaa Xasan. Qar iska xoornimada Xasan,waxa…

Read More

Dhulkii Awoowayaasha.!! Dhaadaar,waa halkii ay ku Dhasheen 7-da Ilmo Saleebaan Maxamed Ibraahim Jibraahiil. Sidoo kale,waxaa ku taal Buurta Qaniga ah ee Xaysimo. Xaysimo,waa Buur ka mid ah kuwa Silsilada Golis oo rabi ku galaday….. 1.Biyo Dabiiciya. 2.Beero. 3.Macdan. Buurta Xaysimo dhiroow dhinaca Bari waxaa ka xiga Degmada Qandala,dhinaca Galbeed ee dhabarkeeda danbe,waxaa ku taal Tuulada Dasaan oo cirifka ku haysa Buurta iyo Koonfur oo ay ka xigto Tuulada Dhaadaar. Deegaanka aan tilmaamayo,waa halka argagixisadu isku urursatay oo ay rabaan in ay Fariisin ka dhigtaan. Su’aashu,waxay tahay ma u ogolaan karnaa argagixiso Dhul sidaa muhiim u ah Juquraafi ahaan iyo Barwaaqo…

Read More

“Xildhibaanku wuxuu sheegay in Muuqaalka la jarjaray oo markii hore isaga Askartu u gacan-qaaday,marka Gacan qaad wuxuu leeyahay Gacan qaad”Ayuu yiri Shiikh Shariif. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Haddii Jubaland oo doorasho qabatay dowladdu weerartay kii kalena ay mudo kororsi sharci daro ah ku dhiirigalineyso,Doorasho qof iyo cod ah ma ardeyda iyo macalimiinta Wasaaradda waxbarashada ayaa loo qabanaa”. Halkaas si fiican,ayuu udul istaagay. MW Sh.Shariif. Weerarkii Xasan Shiikh ee JL,waxa uu isku badalay Qabyaalad oo waxaa kala qaybsamay Bulshadii Somaliyed. Taageerayaasha Xasan,waxay noqdeen kuwo Qabiil ku taageera. Sidoo kale Dadka diidan,waxay noqdeen kuwo Qabiil uga soo horjeeda. Hogaamiyaha,ayaa laga rabaa in…

Read More

“Madaxweyne Musaveni,Aniga,Walaalkeey Xasan Shiikh iyo Abiye Axmed,ayaa qorsheynayna in aan kulano,si hoos loogu dhigo xiisada Gobolka,sababtoo ah amniga Somaliya waxuu qeyb ka qaataa Deeganaanta iyo xasiloonida Gobolka”.Ayuu yiri Ruto. Si Guud hadalka Ruto,waxa uu bahdil ku yahay Sinjiga Somaliga oo waxa uu duurxul uyahay MW Somaliya Ninka huwan ee Madasha fadhiya. Hadalka Ruto,waa fariin cad oo oranaysa…”Colaad iyo xaalad kacsan Gobolka loogama baahna ee Xasanoow mida Gudaha Wadankaaga ku filnow dajinteeda (JL)”. Dhanka kale kulanka la filayo in uu dhexmaro Xasan iyo Abiy ee uu Ruto Carabaabay,waxay xoguhu sheegayaan in uu ka danbeeyo cadaadis ka yimid Maraykanka. Haduu qabsoomo kulankan,Xasan,waxa…

Read More

Garowe 10-ka Sano kadib,waxay noqonaysaa Caasimad ka hormarsan… 1.Amniga. 2.Bilicda. 3.Dhaqaalaha. 4.Dadka. 5.Adeega Bulshada. Waxaa la qiyaasaa in Dadka ku nool ay gaaraan ku dhawaad 700-kun oo Qof. Sidoo kale,waxaa kobci doona Dhaqaalaheeda Magaalo ahaan iyo Adeegeeda Waxbarasho iyo Caafimaad. Bulshada iyo Maamulka in ay iska kaashadaan soo jiidashada Dadka iyo hanashada fursadaha,ayaa laga rabaa. PL,waxaa baahi loo qabaa Magaalo leh Adeeg Waxbarasho iyo Caafimaad oo casri ah oo ay ku nool yihiin Hal Milyan oo Qof….. 1.600-kun oo reer PL ah. 2.300-Kun oo Somalida kale ah. 3.100-Kun oo Itoobiyaan ah. Garowe amni ahaan,waa meel la maamuli karo,Hawo ahaana,waa Magaalo…

Read More

Waa aragtida aan difaacanaynay 50-kii Sano ee udanbeeyay mida MW Deni hada difaacayo,waana sababta Siyaasiyiinta ku mashquulsan Shaqo mudo gaaban ah,CV iyo Mashruuc lakala goosto uu nooga mudan yahay Deni. Aragtida aan ka leenahay Dowlad dhiska Somaliya,waa cadahay,waana mida MW Deni qeexay,mana jiri doonaan,waxaan ku badalan doono. Jiilba jiil,ayuu ka dhaxli doonaa ilaalinta aragtida reer PL ee Dowlad dhiska Somaliyed. Somalida kale Maalinba Deegaan,ayaa nasoo raacaya oo xaqiiqsanaya Wadada saxda ah in aan Anagu hayno. Shalay JL oo Dad iyo Deegaan noogu sokaysay Somalida,ayaa carartay oo tiri Xasan,ayaan la Shaqaysanayaa,balse,iyadoo la cayrsanayo oo ku qaylinaysa,waad naga saxnaydeen ayay soo laabatay,waana…

Read More

“Ethiopia, Kenya, UAE,Qatar & most of IC are against HSM.!! Maleh Sxb garab istaagi kara markan oo kale,sababtoo ah… 1.Layskuma halayn karo. 2.Waa Wajiyo badan yahay. 3.Waa Lacag jecel yahay. 4.Waa musuqiiste. 5.Siyaasadiisu,waa Madhalays. 6.Bulshada Somaliyed ma jecla. 7.98% ,Siyaasiyiinta,Ganacsatada,Culumada,Saraakiisha Ciidanka,way diidan yihiin. 8.Dowladnimadii ay maalgeliyeen BC waa diciifiyay. 9.Dagaalkii Argagixisada,waa ku fashilmay. Dhamaan Beesha Caalamka,waa lumiyay,waxayna uga soo horjeedaan Dhaqankiisa Siyaasadeed. JQ.

Read More

Interpol (International Police): Waxay ka shaqeeyaan soo qabashada iyo isu celinta Waddamada dhexdooda shakhsiyaad ku eedeysan… 1. Dil 2. ⁠argagaxiso. 3. ⁠Kufsi. Shuruudaha Interpol,waxaa khasab ah in Sadexdaas danbi Qofka ku eedaysan Maxkamad xukuntay oo kana fakaday. Interpol ma dhexgasho arrimaha Siyaasadda iyo Maaliyadda midna. Balse Laba Dal oo heshiis ka dhexeeyo way isu celin karaan. Dacwadaha lagu soo kala oogay Madaxweynayaasha JL iyo DFS Xasan iyo Axmed saamayn kuma leh Interpol. JQ.

Read More

Hawlgalka sifaynta argagixisada ee Labada Buurood,waxaa ka dhiman Laba arimood oo muhiim ah…. 1.Afhayeen Ciidanka uhadla. 2.Wariye TV-ga PL ah oo ugaar ah hawlgalka. Afhayeenka Ciidamada? Waa in uu noqdaa Nin leh…. B.Da’da ugu yaraan 45-jir. T.Darajada Ciidan meel dhexe ah. J.Khibrad Ciidan leh. X Fahankiisa Siyaasadu sareeyo. Kh.Akhlaaq wanaagsan. D.Haybad iyo muuqaal la xurmeeyo leh. Wariyaha? Wariyuhu,waa in uu leeyahay astaamahan…. B.Aftahan. T.Dhiiran. J.Aqoon Saxaafadeed leh. X.Akhlaaq wanaagsan. Hawlgalka,waxaa ilaa iyo hada ka maqan qaybtii Saxaafada iyo xiriirka Bulshada. Waa muhiim in Bulshada la kiciyo oo la abaabulo.

Read More

Hey’adda Cuntada Aduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaadday in ay hakisay dhammaan Howlgalkii Gargaar ee ay ka wadday Sool Bari iyo Degnada Buuhoodle, kadib markii 95 Metric Tons oo raashin ah lagu dhacay Buuhoodle. WFP oo bayaanka hakinta Gargaarka bini’aadanimo la wadaagtey Puntland, waxa ay sheegtey in ay quudin siin jirtay 51,530 ruux oo ku nool degmooyinka Buuhoodle, Laascaanood iyo Taleex. Halkan ka akhriso:-

Read More

Waxay ahayd xili ku aadan 1981-1982 waxaan joogay qurbaha, magaaladii aan joogay waxaa yimid wafdi ka socda qabiilka Isaaq ah oo ay isa soo khilaafeen Cadbulaahi Yusuf oo diiday in laga garab furo jabhad kale, kuna eedeeyey jabhadii ay nimankaasi wafdiga ah furi lahaayeen in ay goosasho rabaan, waxayna dacwadoodii gaadhay ilaa Qadaaffi, wuxuuna Cabdulaahi ku guulaystay in Itoobiya diido in la furo SNM. Nimankii rabeen in ay furaan jabhada waxay aadeen Londan oo ay warqad ku socota Mingiste iyo waddamo reer Galbeedka ah sida Maraykanka qoreen, warqadaa oo aan si aan loogu talagalin  u arkay waxay sharxaysay asbaabta ay…

Read More

Maraykanka iyo Kenya oo ku diiday DFS dagaalka Raaskanbooni. Xamse,waa loo yeeray ee isagu ma codsan safarka Kenya,waxaana uyeeray Dowladaha Maraykanka iyo Kenya. Maraykanku,si cad,ayuu ugu sheegay in uu joojiyo dagaalka Raaskanbooni,waxaana lagu yiri…. “Marabno colaad halkaa ka dhacda,adaana abaabulaya ee jooji”. Kenya,waxay usheegtay in aysan raali ka ahayn Raaskanbooni, waxa ka socda oo uu joojiyo Xamse. Fariintan loosoo dhiibay Xamse,waxay toos ugu socotaa Xasan Shiikh. Waa waji gabax kale oo Xasan kala kulmay qorshihiisa burburinta Nidaamka Jubaland. Ma fududa digniinta Maraykanka iyo Kenya ee hiilka umuujisay Axmed Madoobe. JQ.

Read More

Shirka Todobaadkan ee Golaha Wasiirada Dowlada Puntland, ayaa looga hadlay…. 1.Amniga Guud. 2.Dhacdooyinka Todobaadka. 3.Daraasada Biyasaarka Gaalkacayo. 4.Tababarka Golayaasha Deegaanka. 5.Siyaasada Laylinta iyo Shaqo Carbinta. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.

Read More

Doorasho Qof iyo Cod,waxay ubaahan tahay hirgelinteeda…… B.Hay’ado Dowladeed oo awood uleh fulinteeda T.Isla ogol Siyaasadeed. J.Hogaan lagu aamini Karo fulinteeda. Intaasba Maanta mahayno,waxa Xasan rabana,waa dhawaaq wanaagsan oo uu u isticmaalayo si khaldan. Xasan,waxa uu khatar ku yahay…….. 1.Midnimadeena. 2.Nidaamkeena. 3.Soo kabashadeena. 4.Kalsoonida dhexdeena. 5.Horumarkeena. Xasan,waa dhab oo waa Qabyaaladiiste lkn yaanan u ogolaan in uu nakala qaybiyo oo Wadajir aan iskaga qabano.

Read More

Waxaa maanta kulan gaar ah isugu yimid dhamaan 14-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, kulankan ayey ku doorteen Goddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka rasmiga ah ee Guddiga kadib markii la mariyey Hannaanka iyo Habraacyada Doorashada Guddoonka Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga,ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Ahmed Mohamoud Omar oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay. Halka Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga si rasmi ah loogu doortay mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq( Abdinur Sheikh), mana jirin cid la tartantay. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND EE PEC

Read More

Ina Suuban Sabriye oo loo yaqaan Xasan Shiikh Maxamuud Culusow,ayay amartay Maxkamada Darajada 1-Aad ee Kismaayo  in lasoo qabto. Taliska Booliska JL,ayaa lagu amray in ay soo qabtaan Xassn Shiikh oo haya Xilka MW JFS. Maxkamada Kismaayo,ayaa ucuskatay soo qabashada Xasan Shiikh dhawr Qodobo kala ah…. 1.Hurin Colaad Sokeeye. 2.Kala qaybin Bulsho. 3.Ku tumasho Dastuur. 4.La Shaqayn argagixiso. Halkan ka akhriso:- Tani,waxay jawaab utahay amar lagu soo qabanayo Axmed Madoobe oo ay soo saartay Maxkamada Gobolka Banaadir . Halkan ka akhriso:-

Read More

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maantay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho,ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,sida uu sheegay Gudoomiye Aadan Madoobe. 169-Xildhibaan,ayaa ogolaatay, waxaana diiday 6-Mudane,mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhaawaway Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe. Guddigan oo loogu yeeray Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha,ayaa ah Guddi Qaran oo Dastuuri ah,wuxuuna mas’uul ka noqonayaa Maamulidda Doorashooyinka heerarka kala duwan ee Wadanka iyo in ay hirgaliyaan Doorashooyinka Qof iyo Cod ah oo hufan oo la rabo inay ka dhacdo Dalka sida ay sheegayso Villa Somaliya. Dhanka kale,waxaa jira Xildhibaano door…

Read More

By:-Ismail Warsame Hezbollah has not only stopped the Israeli invasion of Lebanon but also defeated it at its borders, forcing it to agree to an American salvation proposal in the form of ceasefire between Hezbollah and Israel. Netayahu had to go back to its aggressive ambitions to change the balance of power in the Middle East. Lebanon is still an independent country, and Hezbollah is still intact despite losing its top military and political leaders. The dramatic developments today in Lebanon make ceasefire in Gaza more likely, too, with the release of Israeli captives in Gaza, too. Although the link…

Read More

Waraaq Furan Shalay Maanta u Ekaa Ujeedo: Nasteexayn iyo Tallo siin ku socota Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Dr Hassan Sh Mohmud Soo jeediye Caasha Gelle Dirie Siyaasi Madax Banaan Talaado 26.11.2024 Mudane Madaxwayne Iga gudoon salaam milgo iyo Sharaf huwan , salaan kadib ,qoraalkaygan aan sumada uga dhigay Nasteexayn iyo Tallosiin oo kugu socota wXaan kugu xasuusinayaa xaqiiqda dhabta ah oo dalku maanta marayo maadaama aan hubo in aan madaxdu ay yihiin dadka ugu dambeeya oo ogaada caqabadaha ku gadaaman dawladnimada. Maadaama aan soo wada shaqaynay, ixtiraam badana kuu hayo waxaan warqadaan u qorey in aan ka dhabeeyo maahmaahda ah…

Read More

Si walba haku timaado Ciidan daraasiin ah,ayaa JL iska dhiibay oo ugalay kuwa DFS ee Raaskanbooni la keenay. Ciidanka isdhiibay,waxay kala ahaayeen kuwo Doon saarnaa oo Jihadu ka luntay iyo kuwo Raaskanbooni Gudaheeda lagu tababarayay oo la dhexgalay. Balse JL uma hakan,waxayna gaarsiisay 8-Km meel ujirta Raaskanbooni Ciidamo ilaa Afar raac ah. Qorshaha JL,waa in ay halkaas iskugu gayso 1000-Askari oo go’doomiso Ciidamada DFS ee Raaskanbooni. Sidoo kale,waxay JL Ciidanka isla Xalay ugu daabushay halkaas in ay kaga hormarto Jasiirada Kudhaa Ciidamada DFS ee Raaskanbooni laga dajiyay. Qorshaha Ciidanka Raaskanbooni laga dajiyay,ayaa ahaa in ay Maantay Subixii hore usoo guuraan…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha…

Read More

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland. Doorashada Madaxweyne Madoobe waxay soo afmeeraysaa rajadii muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad Goboleedyada. Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah kaga digaynaa in ay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) u adeegsadaan dano siyaasadeed, waxaan xusuusinaynaa in ay waali tahay ku celcelinta ficillo isku mid ah iyadoo…

Read More

“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday. Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu mutaysan doonaa xarig hadii uu tago dalka Ingiriiska, kadib markii amar soo qabasho ay u jartay Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee ICC, sida uu sheegay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska. Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10,ayaa diiday in wax hadal ah uu ka dhiibto kiisja, balse waxa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay fuliso “Waajibkeeda Sharciga ah”. Maalintii Khamiista Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC),ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo Wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal…

Read More

Gaashaanbuurta NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine. Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska. Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha…

Read More

25-ka Bisha December ayay PL Dhagaxdhigaysaa Tuulo Caafimaad oo uu ku dhexyaalo Isbitaal weyn oo dabooli doona baahida Caafimaad ee Deegaanada PL. Tuuladan Caafimaad,waxay ku haboonayd in laga dhiso Deegaamada Bari ee fog Laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah….. 1.Daadajinta iyo qaybsiga Adeegyada iyo Ilaha Dhaqaale si loo waafajiyo Nidaamka Fadaraaalka. 2.Ku haboonaanta Xarun Caafimaad Deegamaadaas. Si kastooy tahay,waa wax lagu farxo xaqiiqdii iyo baahi taagnayd oo ay ka jawaabtay Dowlada Puntland. PL dhinacyada Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Waxbarashada,waxay ka samaysay horumar,waxaase hooseeyay dhanka Caafimaadka. Hadii Isbitaalkan dhismo,waxay unoqon doontaa Maamulka MW Deni hogaaminayo waxqabad taariikhda ugala. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

MW Axmed Madoobe oo Maanta qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Doorashada Madaxweyne ee JL,taasoo la qorsheeyay in ay qabsoonto Isniinta oo ku beegan 25-ka Bishan. Waraysi ubixiyay Axmed markii uu qaadanayay Shahaadada Musharaxnimo,ayuu kaga jawaabay su’aalo muhiim ah oo la waydiiyay. “Fadaraal uma ahi MW Ee JL baan u ahay”Ayuu yiri MW Axmed Madoobe. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ilyaas,waxay Dad badan oo Somaliyed aaminsanaayeen in uu yahay Nin Oday ah oo waxgarad ah oo noqon Kara haduu ka danbeeyo Axmed Nin loo hakan karo,waase fashilmay oo Midabkiisii rasmiga ah,ayaa soo baxay. Maxay macno ah oo usamaynaysaa xoogaa Lacag ah oo lagu siiyo carqaladaynta nidaamka iyo xasiloonida Kismaayo? Ma garan kari waayay Xamse iyo Axmed kan muhiimada leh ee Asalka lama taabtaanka noqon kara? Ma garan kari waayay Damjadiid uma socdaan Axmed ee JL ayay rabaan in ay burburiyaan? Haatan Hotel,ayay koox 7-da Qof ah intay gashay,waxay shaaciyeen in Ilyaas ay udoorteen Madaxweynaha Kmg ah ee JL. Damjadiid oo…

Read More

Nin la yiraahdo Maxamed Naasir oo Booliska mar xukumi jiray oo haystay Gaari Ciidanku leeyahay,ayaa lagu amray in uu Gaariga soo xareeyo. Balse,waa ka dhaga adaygay,waxa uuna ula galay koox Hotel isku urursatay oo Mucaarad ah,kadib Ciidanka Booliska,ayaa ka talaabo qaaday oo ku qabtay Hotel udhow W.Maaliyada. Hawlgalka,waxaa ku dhintay Darawalkii Seneter Ilyaas Badal oo Gaari watay,waxaana ku dhaawacmay Askari Boolis ah,isla markaana Ciidanka Boolisku,waxay Gacanta ku dhigeen Gaarigii. Magaalada,waa xasiloon tahay mana jiro dareen kale,waxaana taagan goob walba Ciidamada Amaanka. JQ.

Read More

Puntland waxay galaysaa dagaal dhamaan Buuralayda Golis looga sifaynayo argagixisada. Magaca Hawl Galku,waa Duufaanta Sil-silada Golis. Saadkii iyo dhaqaalihi Hawlgalka,waa la dhamaystiray. 2500-Askari oo laga soo xulay Safafka Ciidamada kala duwan ee PL,ayaa hawlgalka galaya… 1.Daraawiishta. 2.PMPF. 3.PISF. 4.Madaxtooyada. 5.PISA. Waxaa la diyaariyay dhamaan Saanadii iyo Cududii loo baahnaa,sigaar ah,waxaa la diiwaan galiyay tababaro loo dhamaystiray Ciidankii Kasoo laabtay SOOL,waxaana kor loo qaaday Mushaarka iyo Mooralka Ciidanka. Qorshuhu,waa Garaacitaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weerar ku ekeeya Buuralayda,kadib waxaa xigaya Hawlgalka Dhulka ah. Dawladaha Maraykanka,Imaaraatka iyo Midowga Yurub,ayaa fulinaya Hawlgalka koobaad ee dhinaca Hawada ah. Dhinaca Bada,waxaa garaacitaan kooban fulinaya…

Read More

Maqaamka Caasimada ma samayn karaan…… 1.Hal koox. 2.Hal Beel. 3.Hal Deegaan. Caasimadu,waa Magaalo loo siman yahay oo lawada Boqraday,sidaa daraadeed Xeerka lagu maamulayo iyo maqaamka ay yeelanayso,waa in Dadkii wada Boqraday wada samaystaan. Sidoo kale Gudiyada ka Shaqaynaya maqaamka Caasimada,waa in ay noqdaan Dadka lagu darayo kuwo matalaad leh oo Deegaamada ay Magacooda Gudiga ugu fadhiyaan ku leh saamayn iyo xiriir. Sida hada lagu wado diyaarinta Maqaamka Caasimada,waa mid lagu sii kala fogaanayo oo Xamar kusii ahaanayso Magaalo Beel kaliya leedahay. Xasan Shiikh Dowladnimada soo kabashadeedii,waxuu kusii riday dib udhac gaarsiisan 30-Sano oo danbe. Si gaar ah Beelaha Hawiye iyo…

Read More

“International Partners support Somalia on advancing its state building agenda, including the ambition of progressively moving towards one-person, one-vote elections through increasingly inclusive and participatory voting systems. This includes garnering public and political support by developing electoral processes, and a viable timeline for completing them, that are inclusive, widely accepted, achievable, and guarantee national security and stability” “Saaxiibada caalamku waxay Somaliya ka taageeraan horumarinta ajandayaasheeda dhismaha Dowladnimo, oo ay ku jiraan in la qabto doorasho heshiiskeeda loo dhanyahay, suuragal noqon karta, dammaanad qaadaysa Amniga iyo xasilloonida Qaranka, si tartiib tartiib ahna loogu guuro hiigsiga doorasho Qof iyo Cod ah.” Xasan…

Read More

Baarlamaanka Jubaland,ayaa ku doortay Gudoon cusub Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo. Cabdi Maxamed C/raxmaan,ayaa noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo ku xigeennada 1-Aad iyo 2-Aad loo kala doortay Hiirad Ismaaciil Maxamed iyo Cabdi Baaley Xuseyn. Tani,waxay soo afjaraysaa sheegashadii DFS ee ay sheegatay in la joojiyay Doorashadii Jubaland,kadib warkii kasoo baxay BC. Sida ka muuqatay Warsaxaafadeedkii BC,waxa uu JL ufasaxayay in ay sii wadato Doorashadeeda oo ay kadib kusoo laabato Madasha Qaran lana gasho wada xaajood DFS. Dowladda Federaalka,ayaa wadata qorshe Doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku hoos jirto mudo kororsi. Sidoo kale,waxay DFS diyaarsatay Xeerar Doorasho kuwo Xisbiyo iyo…

Read More

Garoowe, Nofeembar 20, 2024: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehlinayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo khubarada Wasaaradda ayaa warbixin u jeediyey Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Puntland. Madaxda Wasaaradda ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay qorshahay horumarineed ee waxbarashada, caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray taabbo gelinta mideynta waxbarashada, manaahijta iyo daadejinta adeegyada waxbarashada heer gobol iyo heer degmo. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntlnad ayaa su’aalo ka weydiiyay Madaxda Wasaaradda tayeynta manhajka waxbarashada, kor u qaadidda tayada dugsiyada hoose iyo dhexe, hirgelinta barnaamijka quudinta ardayda, maamulka deeqaha…

Read More

Haday Doorashadii SL qiimaheedu muuqatay oo Cirro Madaxtinimadiisu fariisatay hadii Muuse Hanbalyeeyay. Muuse,waxaa taariikhda ugashay in uu qabtay Doorasho qurux badan oo nadiif ah,isla markaana natiijada aqbalay. Muuse,waxaa kaloo lagu qadarinayaa in uu awooda ku wareejinayo Siyaasi iyo Beel aan awood muuqata oo Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Ciidan aan lahayn oo Guusha dabiicoga ah ee ay gaareen uu aqbalay. SL,waxay Doorashadan utahay mid ka duwan kuwii hore oo kor uqaadaysa Maqaamkeeda. Doorashadan,waxaa dhadhan gaar ah uyeelay Musharaxa tartamaya iyo Beeshiisa oo mudo saaxada Siyaasada ka maqnaa. JQ.

Read More

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa Xarunta Wasaaradda kula kulmay  Danjire.Steen Sonne Andersen, Safiirka Denmark u fadhiya Somaliya. Safiirka,ayaa soo ajiibay ujeeridii Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliya. Kulan dhexmaray Safiirka Denmark ee Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Fiqi,ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo in Safiirku ka bixiyo raaligelin hadal uu ka yiri Hargaysa Doorashadii halkaas ka dhacay. “Denmark,waxay sii wadaysaa in ay ixtiraamto Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland oo qayb muhiim ah ka ah.” Ayuu ku yiri Qoraal uu Twitter-ka soo dhigay. “:2/3 Denmark continues to respect Somalia’s territorial integrity and unity,…

Read More

Mogadishu, 20 November 2024 – International Partners* are alarmed by the escalation of the dispute between the Federal Government and Jubaland State following the recent National Consultative Council (NCC) meeting. We urge all stakeholders to engage in constructive and inclusive discussions on the electoral process. Jubaland State is urged to return to the NCC for an open discussion of all outstanding issues, and to restore ties with the FGS. We encourage all parties to refrain from provocations and re-engage in an open dialogue, before any electoral processes are finalised. International Partners support Somalia on advancing its state building agenda, including the…

Read More

Beesha caalamka,ayaa ugu baaqay Jubbaland in soo-celiso xidhiidhkii wadashaqayneed ee DFS iyo in ay dib ugu laabato madasha Golaha Wadatashiga Qaran. Beesha caalamka ay hoosta ka xarriiqday in ay Soomaaliya ku taageerayaan ajandayaasha doorashada Qof iyo Codka ah, kaas oo ay ku tilmaameen mid u baahan kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed oo ku imaan kara horumarinta hannaanka doorashada, samaynta jadwal dhaqangal ah oo caddeynaya xilliga ay wax kasta qabsoomi karaan oo dammaanad qaadaya nabadgaliyo iyo xasillooni qaran. Maalmahanba DFS,waxay waday cadaadis ka dhan ah Jubaland,kaasoo ay BC uga codsanaysay in ay cadaadis saarto JL oo laga joojiyo Doorashada ay…

Read More

The opposition leader of the self-declared republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, has won the territory’s presidential election. More popularly known as Irro, he won with 64% of the vote to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The 69-year-old, a former speaker of Somaliland’s parliament, beat incumbent Musa Abdi Bihi, who took 35% of the vote. During campaigning, Irro said his party would review a controversial deal to lease landlocked Ethiopia a 20km (12-mile) section of its coastline for 50 years to set up a naval base – an agreement that has caused a…

Read More

16-Saacadood,ayaa kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Cirro ku guulaystay Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ilaa hadda Muuse Biixi ma dirin Hanbalyo mana sheegin in uu aqbalay Natiijada haday ahaan lahayd Qoraal & hadal toona. Qiimaha Doorashada iyo Natiijada,waxaa Gacanta ku haya Muuse oo ay Maanta aqbalaadiisu uga qaalisan tahay SL wax walba. Aqbalaada Muuse,waa umuhiim Doorashada Qiimaheeda. Dadku shaki ayay qabaan,waxayna ka wal walsan yihiin in uu diido Natiijada oo laysla aado Maxkamad. Maxkamada,ayaa ridi karta go’aan waxba kama jiraan ka dhigi kara Natiijada oo keeni kara in dib loogu noqdo Doorasho kale. Inkastoo Dad ay qabaan Gudiga Doorashadu in uusan…

Read More

Ilaa Sadex Mashruuc,ayaa qaybna ay ka hirgashay,qaybna laga hirgelinayaa Degmada Waaciye,waxaana Xarig jar iyo Dhagaxdhig ku sameeyay Madaxweyne Deni. Dhismaha xarunta Agoomaha ee Degmada Waaciye. Dugsiga farsamada Gacanta ee degmada Waaciye oo halkii mar ay wax ka baran karaan 240 Arday. Warshada Biyaha macaaneysa oo laga hirgeliyay degmada Waaciye.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa kormeeray Dugsiga farsamada gacanta ee degmada Waaciye, Kaasi oo halkii mar ay wax ka baran karaan 240 Arday. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan uu dhismaha xaruntu ka koobanyahay, waxaa uu isugu jira goobihii Waxbarashada oo qalabeysan, goobihii hurdada, xafiisyada maamulka iyo meelaha ay wakhtiga ku qaadan lahayeen ardaydu. Xarunta farsamada gacanta ee degmada Waaciye oo ay ka wada faa’ideysan doonaan ardayda guud ahaan Gobollada Puntland, ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Hay’adda GIZ ee Germany. Halkan ka daawo muuqaalka -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

MW Deni,isagoon ka fiirsan,ayuu PL Gacantiisa ku kala jarayaa. Waxay ahayd khalad in Hanbalyada Cirro uu raaciyo SSC,kaliya,waxay ahayd in uu si kale uyiraahdo. Waa dareemayaa,waxa MW haysta,waa latalin la’aan oo Dad isma arkaan. Tusaale,waxaa kuugu filan hadalkii Juxaa uu ka yiri su’aashii SSC laga waydiiyay oo muujinasay iska warqab la’aan Xukuumadeed oo haduu heli lahaa MW Habeenkii waxa uu haysan lahaa jawaab uu la hor yimaado Baarlamaanka. Dhibka Deni haysta,waa dabeecadiisa xirxiran oo aan ku wanaagsanayn Nin ka Shaqaynaya Siyaasad. Cabashada ugu badan oo Deni loo hayo,waa helid la’aan,waxaana ugu cabasho badan Golihiisa Wasiirada.

Read More

“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi, waxaanu sidoo kale boggaadinaynaa doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ee Xisbiyada iyo madaxtooyada. Madaxweynaha cusub ee Somaliland waxaan ka rajeynaynaa inuu furo weji-cusub oo nabad iyo xasillooni ku suntan iyo inuu illaaliyo deris wanaaga SSC-Khaatumo iyo Puntland, iyo sidii aysan mardanbe usoo noqon laheyn colaadihii hore u dhacay.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Wakiilada BC oo kulan kula qaatay Aalada Intarnedka MW Axmed,waxay xoojiyeen in JL qabsato Doorashadeeda. “Xasan,waxaan isku diidnay iska fadhi,waxaana usheegay in aan ubaahnahay Doorasho iyo Sharciyad”Ayuu Axmed ku yiri BC. BC,waxay ka codsatay Maamulka JL in Doorashada ay noqoto mid xor ah,waxaana MW Axmed ugu jawaabay idinku kormeerayaal ka noqda oo waan idin casunay Maalinka Doorashadu dhacayso ee imaada. BC,waxaa cadaadis ku hayay Xasan Shiikh oo ku khasbayay in ay Warqad udiraan Axmed uu ku joojinayo Doorashada,waase suuroobi wayday oo masoo saarayaan Warqad,waxayna haatan kulan la leeyihiin RW Xamse. Dhanka kale Gudigii Doorasho ee uu Magacaabay Cabdi Cali Raage…

Read More

Cirro,ayaa noqday MW Lixaad ee SL,sida ay shaaciyeen Gudiga Doorashada Maanta. Shaacinta Natiijada,iyadoo Gudiga Doorashada SL midaysan yahay,waxay utahay ulahayd macno Doorasahadan. Sidoo kale,waxaa muhiim ah aqbalaada Muuse Biixi oo laga rabo Hanbalyayn. In awooda lagu wareejiyo Siyaasi iyo Beel aan Hubaysnayn oo Afartan Sano saaxada ka maqnayd ma’ahan wax fudud marka lagu qiimeeyo Afrika,Geeska iyo Somaliya. Qiimaha Doorashada iyo Natiijada,waxaa Gacanta ku haya Muuse oo ay Maanta aqbalaadiisu uga qaalisan tahay SL wax walba.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan aqbali doonin natiijada ka timaado doorashooyinka uu ka shaqeynayo Madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe. Waxa uu tilmaamay in Maamulka Jubaland uu horay u aqbalay doorashooyinka Qof iyo Codka ah, oo ay ka shaqeyneyso Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. Hadalka ra’iisul wasaaraha,ayaa waxaa ka muuqday halka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Maamulka Jubaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garowe, Nofeembar 18, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda. Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha…

Read More

Waa su’aal muhiim ah oo la waydiiyay Wasiir Juxaa. “Gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn mustaqbalkooda iyo adeegii Bulshada maxaa PL uga qorshaysan? Jawaabta Juxaa ee uu kusoo koobay..”Baradho Kulul” kuma filna. Waxaa la joogaa wakhtigii meel la saari lahaa arinka SSC oo Baradhadu,waa Qabowday. Talo ahaan reer SSC,waxaa ueanaagsan in ay qayb kasii ahaadaan PL-ta ay ku sharafan yihiin oo ay iyagu leeyihiin kuna haystaan Matalaad macno leh. Waa muuqataa in aysan macquul ahayn Maamul la yiraahdo SSC oo dhismi kara,isla markaana fursada la haysto ee lagu baadi goobi karo ay dhan tahay 5%. BC iyo DFS ma awoodaan in ay…

Read More

Somalia’s Minister of Foreign Affairs has sent a serious warning to the European diplomats in Somalia, after they made statements in Somaliland elections. “Somaliland is not a country, it is a region of Somalia,” Fiqi said. Fiqi said that he called the Danish ambassador to Somalia to talk about his political faux pas speech while in Hargeisa. “Somalia is one country, regardless of our differences, we will not accept Foreign Ambassador interference and their hideb messages. Fiqi added. “It should be considered that the SL election took place in a region of Somalia, and the differences should be resolved by…

Read More