Author: Jibril Qoobey.

Go’aamada Tuugsiga laga soo saaray oo kale,waa in Wasaaradaha Cadaalada,Caafimaada,Maaliyada iyo Warfaafintu qaadaan kuwaas kuwo la mid ah… 1.W.Cadaalada,waa in ay la socotaa Akoonada Masaajidyada ee Jimca walba Lacagaha loogu yabooho sida loo isticmaalo iyo cida Maamusha. 2.Wasaarada Warfaafinta,waa in Shirkadaha Taleefoonada ka dalbataa Xogta Nambarada Ajaanibta. 3.Wasaarada Caafimaadka,waa in Farmashiyayaasha iyo Isbitaalada aan lagu Daweyn Ajaanib aan haysan Dukuminti Sharciyaysan,isla markaana aan laga iibin Dawo. 4.Wasaarada Maaliyada,waa in Xawaaladaha ay kusoo rogto Sharciyo dheeriya oo Xakamaynaya Xoriyada badan ee ay haystaan.

Read More

Warqadan Dadku ma fahansana,isla markaana majiro masuul usharaxay si aysan khalad ugu fahmin oo ay ula jaanqaadaan oo fulinta amarada ku qorana doorkooda uga qaataan……. 1.Tuugsiga,waxaa ku gubada Ajaanibka argagixisada ah,waana Qaab fudud oo ay isku qariyaan kuna dhexgalaan Bulshada oo ay xogaha ku urursadaan. 2.Tuugsiga Taleefoonada loo isticmaalo,waa kuwa argagixisadu ku xawilato Lacagaha. 3.Tuugsigi,waa Ganacsi oo Qof,ayaa utagaya Golis,waxa uu kasoo furanayaa 30-kaar,waxa uu uqaybinayaa 30-Qof oo Ajanabiya,isagoo midkiiba kula heshiinaya in uu siinayo 10-dolar iyo Qadadiisa Maalinkii,isaguna uu ku Tuugsi tago Warqad Nambarku ku qoran yahay,waxaa la helay Qof Tuugsanaya oo gaaray Limidkii Lacageed ee loo diri karay,kaasoo…

Read More

Hawlgalada Amniga Bosaso lagu xoojinayo ee Dadka faraha badan lagu qabtay,waa kuwo loo baahnaa. Dadkaas,waxaa laga dhex helayaa Dad muhiim ah iyo xogo,waxayna baqdin gelinaysaa Sharwadayaasha. Wax fudud mahan in Laba Qarax la fashiliyo,isla markaana la helo Geeri iyo Nolol Dadkii waday. 21-kii Bishan,ayay ahayd markii ay soo baxday xog sheegaysa in Lix Nin oo 5-Ajaanib tahay soo galeen Bosaso,iyagoo Qaraxyo ku raran. Bartilmaameedkoodu,waxa uu ahaa…… 1.Fariisinka Ciidanka Badda ee Jidka Sodonka. 2.Isbitaalada. 3.Hotelada. 4.Iskuulada. 5.Wadooyinka Dadka badan. Laamaha amaanku xogtaas si muuqata ayay uga hawlgaleen,waana ka miro dhaliyeen,waxayna umuuqataa 70% in ay xaqiiqoowday. Pisa si firfircoon ayay ushaqaynaysaa,inkastoo heerkii…

Read More

Go’aankan Dowlada PL ay ku joojisay Dadka Tuugsada iyo Taleefoonada ay ku Tuugsadaan,waa loo baahnaa,waase in la balaariyaa oo lagu daraa Talaabooyinkan si Deg-deg ah…. 1.Waa in la diiwaangaliyaa Dhamaan Xubnaha Ajaanibta ah ee ku sugan Gudaha PL iyo Taleefoonadooda,Shaqada ay qabtaan iyo Nooca Shirkadaha ay ushaqeeyaan. 2.Dhamaan Xubnaha Ajaanibta ah ee Shaqo la’aanta ku jooga gudaha Puntland waa in lagu celiyaa Deegaamadoodi,sida Itoobiyaanka,Yamaniyiinta iyo Siiriyaanka. 3.Waa in gabi ahaan la joojiyaa Xubnaha Ajinabiga ah ee soogala gudaha PL marka Laga reebo Shaqaalaha Xarumaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Xirfad layaasha ah ee Shirkadaha ushaqaynaya. 4.Waa in la kordhiyaa Baraha kayntaroolada,waana…

Read More

Si buuxda ayay Gacanta ugu dhigeen Ciidamada Difaaca Puntland Buurta God Shabeel oo ahayd halkii argagixisada ay usaarnaayeen Qoryaha waa weyn. Hoobiyayaal iyo Dhashiike,ayaa lagu asqaysiiyay,taasoo ku khasabtay in ay ka cararaan. Saldhigyada argagixisada laga sifeeyay Saacadihii ugu danbeeyay ee Maanta,waxay kala yihiin… 1.Ina Cidoole. 2.Damal Caga gub. 3.God Shabeel. Dagaalka looga saaray Saldhigyadan argagixisada,ayaa ahaa mid culus oo socday Saacado,ayna galeen Ciidanka Bada ee Qaybta ka ah Ciidanka Difaaca Puntland. Argagixisada,waxaa dagaalkan looga dilay Lix,waxaana looga dhaawacay Sadex ay sii qaateen. Argagixisada ka dagaalamaysay Buurta God Shabeel,waxay dhamaayeen 80–Xubnood oo kala saarnaa Laba meelood oo Buurta ah. Argagaxisadu,waxay uga…

Read More

Xasan,waxaa Dhulka dhigay marka laga soo tago Lacag raadintiisa aan xuduuda lahayn hanyaridiisa aadka uhoosaysa.. Tusaale? 1.Wuxuu tagay Imaaraadka,waxaa hadyad loo siiyay Saacad,markaasuu horay ka xirtay,waxa uuna safar ugalay isagoo xiran Masar,waxaa ka furay Sirdoonka Masar oo helay Xogta Saacada,waxayna usheegeen in Kaamiro iyo Makarafoon ku xiran yihiin. 2.Wuxuu kasii aaday Turkiga,waxay ku casuumeen baaris Caafimaad haduu ubaahan yahay,waa aqbalay oo isbaaray,waxa baaraya,waa Sirdoonka Turkiga mase oga oo waxa uu uhaystaa isbitaal caadiya,Turkigu,waxay ka baqsan yihiin in isagoon fahansanayn Jiib lasoo laqsiiyay oo Caloosha ugu jiro,wuxuuna kulan la leeyahay Erdogan. 3.Wuxuu Ballan la lahaa RW UK,waxa uu Baratakool xumo awgeed…

Read More

Ciidamada amaanka oo wada Shaqayn ka helaya Shacabka Bosaso,ayaa fashiliyay Laba Qarax Xalay ilaa Maanta. Qaraxa koobaad,waxaa soo sheegay Shacabka,kadib markii Ciidanku soo gaaray Ninkii waday,ayaa isku qarxiyay. Qaraxa Labaad Ciidanka amaanku Gacanta ayay ku dhigeen,waxaana lagu qabtay Nin Siiriyaan ah. Wada Shaqaynta Shacabka iyo Ciidanka,ayaa keentay in Qaraxyada la fashiliyo. Hawlgalka sifaynta argagixisada,waxa uu sababay in Shacabku kalsooni helo oo ku dhiiradu argagixisada.

Read More

Toga-jeceel oo ah Dhul iskugu jira Buuro,Togag,Dooxooyin iyo Dhul hawd ah oo Geedo badan oo ay ku yaalaan Saldhigyada argagixisada ee Shebaab,Turmasaale iyo Dasaan,ayaa argagixisada laga sifeeyay 60%,waxaana weli harsan in la sifeeyo 60-km. Ciidanka hawlgalkan Toga-jeceel ku jira,waa Sadex Guuto oo loo dhamaystiray Adeegii ay ubaahnaayeen oo ay ku jiraan Diyaarado dhaawaca qaada iyo Qalabka Dronska looga hortago. Khatarta ugu weyn ee Ciidanku ka taxadarayo waa Miinada oo ay si tirabeel ah ugu aaseen Dhulka. Guulaha? 1.Waxaa la dilay 13-Argagixiso ah. 2.Waxaa argagixisada laga nadiifiyay Dhul dhan 70-Km oo isku wareeg ah. 3.Waxaa laga furtay 7-Talis oo ku jiro…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa loo keenay Qalabka looga hortago Drons-ka oo ay baahi uqabeen. Qalabkan,ayaa ka anfacaya burburinta Drons-ka ay argagixisadu soo dirto. Argagixisada,ayaa waxay ku dagaalamayaan Drons ay Qarax kusoo rareen iyo Miino ay Dhulka ku aasaan. Sida muuqata hawlgalkan,waa loo hagar baxay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidanka Difaaca Puntland,Ururada Onkod ee uu la socdo Gudoomiye Hoori iyo mid ka mid ah Ururada Ciidamada Difaaca PL ee Mudug kasoo ruqaansaday,ayaa qarka usaaran in ay galaan Turmasaale. Dhanka kale Ciidanka Lugta kusoo socda Urur ka mid ah iyo waxaa ishelay 40 Nin oo argagixisada ah. Hoobiyayaal iyo Xabad kulul oo lagu asqaysiiyay darteed,waa carareen,waxayna sii gubeen Talisyo dhawr ah oo ay lahaayeen,waxayna isku shubeen Turmasaale Taliskii ahaa. Ciidanka Difaaca Puntland ee Lugta ku daba socda,waxay kusii jeedaan Taliska weyn. Sida muuqata Argagixisada Daqiiqado ka badan ma hor fadhiyi karaan mana ku wajihi karaan Ciidanka Puntland dagaal ka fool…

Read More

Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso Ciidamada Guddiga Taakuleynta Ciidanka,ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamada geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira . Dowlada Puntland,waxaa ka caawisay Dowlada Imaaraadka Carabta hrlida Diyaaradan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Hal Askari,ayaa naga dhintay Sadex kalena,waa naga dhaawacmeen,kadib Diyaarad Drons ah oo Qarax ku raran yahay oo ay kusoo tuureen Ciidankii gaaray Maanta Janno Jiifta. Ciidankan,waxaa la socda Gudoomiyaha Balidhidhin Hoori. Urur Ciidan ah,ayaa uruqaansaday Xalay Janno Jiifta,kaasoo Gacanta ku dhigay,waxayna sii nadiifiyeen Dhawr Saldhig. Ciidanka Difaaca Puntland,waxay dhawr Jiho uga dhaqaaqeen Toga-jeceel,iyagoo bilaabay haatan Lug. Dagaalka Qaybtiisii ugu adkayd,ayaa laga guda galay. Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Muhaahidiinta Geeriyooday.

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ku dhaqaaqeen dhamaystirka hawlgalka sifaynta argagixisada. Bartilmaameedku,waa Saldhiga weyn ee Turmasaale,waxaana Cagta la marinayaa dhamaan Toga-jeceel oo ay ugu muhiimsan yihiin…. 1.Dayraan 2.Wadsoor 3.Jana-jiifta 4.Dacar Adin Gure 5.Ini Cidoode. 6.Dul-dhaxaad. 7.Daadi dhogore. 8.Ceelka Miraale 9.Dhaadaar 10.Buq Caleed 11.Xaysimo waa dhanka Bada. Toga-jeceel,waxay xoguhu sheegayaan in uu ku sugan yahay Cabdiqaadir Muumin,isla markaana uu yahay marinka kaliya ee ay wax usoo maraan,waxaana ku yaal Riig Biyo ah. Jana jiif korkeeda,waxaa ugu xiran Qori. Dacar Adin Gure,waa Talis,,waxaana yaala Raashin Aad ufara badan. Daadi Dhogore,sidoo kale,waa Talis heer dhexe ah oo ay ujoogaan Awrta,waxaana ku sugan xiligan 86-Awr. Waxay…

Read More

Midowga Afrika,ayaa ka falceliyay go’aanka uu gaarey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, gaar ahaan kuwa joojinta Taageerada la siin jiray Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweyne Trump markii uu go’aansaday in Mareykanku uu ka baxayo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadaas, iyagoo ku booriyay in dib looga fiirsado. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in go’aankan uu dhaawici karo iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cudurrada. Sidoo kale, Midowga Afrika,ayaa taageero buuxda u muujiyay Agaasimaha Guud ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, kadib weerarro ka yimid Madaxweyne Trump, kuwaasoo ku saabsanaa habka WHO…

Read More

200 oo Wareegto,ayuu Saxiixaya MW cusub ee Maraykanka. Siyaasada Trump,waxay ku salaysan tahay Wax walba in laga hor mariyo Danta Maraykanka. Waxaa meesha ka baxaya Shaqooyinkii Maraykanku waxka qaban jiray ee Caalamka. Sidoo kale,waxaa lumaya ilaalintii Xeerarka Caalamiga ah,Dimuqraadiyada iyo xuququda Aadanaha ee Maraykanku hormuudka ka ahaa ilaalintooda. Hogaamiyayaadha Caalamka ee aan ilaalin Dimuqraadiyada iyo Xuquuqda Aadanaha,waxay utahay Nafis oo Maraykanku kuma mashquulayo hadaysan danihiisa taabanayn. Gaashaanbuurta Maraykanka sida Nato oo kale,way taabanaysaa oo Dhaqaale badan,ayaa fuuli doona oo horay Maraykanku ubuuxin jiray. Si guud,waxaa yaraanaysa faragalintii Maraykanka ee marar badan aysan danta Maraykanku ku jirin. Siyaasadan,waxay utahay Maanta Dan…

Read More

Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhimatay dab qabsaday hotel caan ah oo lagu nasto oo lagu ciyaaro ciyaarta barafka ee dalka Turkiga, iyadoo dadka qaarna ay daaqadaha ka boodeen. Dabka ayaa ka kacay hoteelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq oo alwaax ah, saacaddu markay ahayd 03:27 wakhtiga maxaliga ah (00:27 GMT) xili ay ahayd wakhti fasax ah oo mashquul ah oo ay ku sugnaayeen dad gaaraya 234 qof. Waxay qaadatay 12 saacadood in la damiyo dabka. Afar qof ayaa la xiray oo uu ku jiro mulkiilihii, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda. 66-da qof ee dhimatay ayaan ilaa…

Read More

Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay Tobanaan wareegto oo kala duwan. Qaarkood,ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mid ah taageerayaashisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C. Trump wuxuu ballan qaaday awaamiir sare u qaadi doona barnaamijyada garaadka macmalka ah kuwaasi oo ka imaanaya Waaxda Waxtarka Dawlada (Doge). Sidoo kale ballan qaaday diiwaano la xiriira dilkii loo geystay John F Kennedy 1963 inuu ka dhigo kuwo la heli karo. Wuxuu kaloo ballan qaaday in uu ku amri doono Militariga…

Read More

Gaalkacyo: January 21, 2025: kulan muhiim ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dawladood ee Galmudug iyo Puntland ee ku howllanaa nabadeynta Gobolka Mudug, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda iyo dirirta soo noqnoqtey ee u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase islamarkaana looga hortagi lahaa iskudhac danbe oo sababa khasaare nafeed ayaa lagu gaarey go’aamadaan; 1. In maleeshiyada labada Beelood ee dirirtu u dhaxayso la kala fogeeyo iyada oo la kala geynayo goobihii hore loogu asteeyey (Bandiiradley iyo Galdogob). 2. In dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada Dawladood, kuwaas oo u xilsaaran…

Read More

Dhismaha Wadada Laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceergaabo,ayaa waxaa bilowday wajigii Labaad. Maanta,ayaa waxaa Daahfuray dhismaha Wadada Laamiga Cawsane ilaa Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlada Puntland. Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Dowladda Puntland Hodan Saciid Xasan oo ka hadadhay Daahfurka,ayaa tiri… “Dowlada,iyadoo Culayd haysto ayay hadana Hormarka Muhiimad siinaysaa”. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka,ayaa loo magacaabay Marco Rubio. Durba,waxa uu cadeeyay in Siyaasada Dibada Maraykanka ay ku salaysan tahay oo wax walba ka hormarinayso Danta Maraykanka. Lacag kasta oo aan kharash gareyno, barnaamij kasta oo aan maalgelinno iyo  siyaasad kasta oo aan raacno,waa in lagu caddeeyo jawaabta mid ka mid ah Saddexdan su’aalood……. Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid ammaan ah? Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid xoog badan? Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid ka barwaaqo ah. Hadalka,ayaa xigmadiisu,waxay tahay Maraykanku ma taageerayo Barnaamij aan intaas ka jawaabayn,taasoo noqon karta mid Milatari,Mid Dhaqaale,Mid gargaar iyo Mid Siyaasadeed.

Read More

Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka. Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan. Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale. Waxa uu…

Read More

Caawa,waxaa isa soo dhiibay Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa argagixisada. Ninkan isa soo dhiibay,ayaan weli Magaciisa la shaacin,balse,waxaa saamayn ku yeeshay oo xiriir la sameeyay Ehelkiisa. Xubintan,ayaa ah mid sare oo muhiim ah,waxa uuna xog ahaan ula wadaagay Ciidanka … (In argagixisadu diyaarisay Gawaari Anbalaas ah oo Dhiiqo marsan tahay oo ay ka buuxiyeen Qaraxyo). Anbalasyadan ayay u ekaysiiyeen kuwa Caafimaadka caadiga ah,waxayna uga gol leeyihiin in lagu khaldamo oo ay soo dhexgalaan Ciidanka iyo Shacabka. Sidoo kale,xogta laga helay Xubintaas,ayaa ah… (In argagixisadu isku urursatay Deegaamada Xarago iyo Unuun ee Toga-jeceel).

Read More

Boosaaso: 20 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, ayaa galabta ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Geesi ka mid ah Ciidanka Dowladda Puntland kaasi oo ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland isla markaana caafimaad loogu diray dalka dibediisa. Madaxweynaha,ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo. Dowladda Puntland,ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo Madaxwehnuhu dhowaan magacaabay si ay uga…

Read More

Waa Ciidanka isku dhafka ee Gaalkacyo,waxay Wadajir uga Shaqaynayeen Sanadihii ugu danbeeyay amniga Magaalada ee Labada dhinac. Markale,ayaa lasoo xoojiyay oo la siiyay Awaamiir cusub oo ay ku hawlgalaan mudo Bil ah. Reer Mudug,waxay ka midaysan yihiin xoojinta amnigooda si Wadajir ah,taasina,waxay niyad jab ku tahay Argagixisada iyo Gacmaha Siyaasadeed ee Xamar. Mudug oo amni ah,waa Somaliya oo Amni ah.

Read More

Mareer iyo Lobo Afle oo ka tirsan Degmada Balidhidhin una jirta 7-Km ayey Ciidanku ku dileen Lix Argagixisada ka mid ah. Ciudanku,halkaas,waxay ku furteen Hubkii ay siteen Lixda Argagixiso oo Dhalasho ahaan kasoo jeeday Itoobiya. Dhanka kale Meel u dhexaysa Kobdhexaad iyo Ufayn,waxaa Gaari ku haleelay Miinada Dhulka lagu Aaso. 11-Ragii saarnaa ka mid ahaaa,ayaa isla markiiba Goobta ku Naf waayay,waxaana Dhaawac markii danbe ugeeriyooday 2-kale,rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo, waxay ahaayeen Mujaahidiin. Ragan Qaraxu haleelay,waxay ahaayeen Dadka Deegaanka oo lagu xoojinayay Ciidanka. Ma’ahayn Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Badda,waxayse ahaayeen halgamayaal Deegaan usoo baxay in ay Qayb ka noqdaan sifaynta…

Read More

Argagixiso usoo raadsatay Biyo meel ay ku ogaayeen,ayaa Ciidanku Sadex ka dilay kana dhaawacay Mid aan Gacanta lagu dhigin. Dhanka kale Makhribkii ayay Ciidanka Daraawiishta Difaacooda ugu shisheeya kusoo Tuureen Hoobiye,waana looga jawaab celiyay. Sidoo kale Talis cusub ayay Ciidanku Galabta kala wareegeen argagixisada. JQ.

Read More

Wafti ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakil ayaa caawa soo gaaray Degmada Gaalkacyo, iyadoo ujeedka safarkoodu yahay xal u helida shaqaaqadii xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo Wafdigan oo ay wehlinayeen Maamulka Gobolka iyo Degmada, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyey dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii dhacday naf iyo maal,iyagoona sheegay in talaabo laga qaadi doono cid waliba oo ku lug lahayd falkan sharcigana la horkeeni doono. Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka si loo ilaaliyo deganaanshaha Gobolka, Iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeynayaan xal waara oo lagu nabadeynayo…

Read More

TikTok ayaa shaqadeedii Mareykanka joojisay goor dambe oo xalay ah, waxaana laga waayay dukaamada Apple iyo Google ka hor sharci dhaqan galaya Axadda maanta, kaasi oo dalbanaya in la xiro app-ka ay isticmaalaan 170 milyan oo Mareykan ah. Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii shalay sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli mamnuucista TikTok ay Axadda maanta ah ka bilbaanayso ka dib amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka. Barnaamijyada kale ee ay leedahay…

Read More

Hoggaanka maamulada Galmudug iyo Puntland ee Galkacyo ayaa maanta kormeer wadajir ah ku sameeyey goobihii shaqaaqadu ka dhacday xalay. Si nabadda loo adkeeyo, ciidamo isku dhaf ah ayaana xaley iyo saaka waaberigii hore la geeyey goobahaas. Masuuliyiinta oo ay kamid yihiin saraakiil sare maamuladda gobolka iyo kuwa degmada Galkacyo ee labada dhinac, ayaa magaalada lug kusoo maray iyaga oo si toos ah ula falgalay bulshada qiimeeyeyna goobihii dhibku ka dhacay. Mayor Mohamed Daacad ayaa warbaahinta uga warbixiyey xaaladda magaalada oo uu ku tilmaamay mid degan oo xasiloon. Isaga oo sheegay muhiimada ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac si nabadda loo ilaaliyo…

Read More

Xaalada Galkacyo Gacanta,ayaa lagu dhigay,waxaana goobta la wareegay Ciidanka Booliska isku-dhufka ah. Hal Hooyo,ayaa ku Naf wayday Shaqaaqada dhacday rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Maamulka Galmudug,waa ku amaanan yahay sida uu uxakameeyay dhankooda xaalada iyo wada Shaqaynta uu muujiyay. Jiri,ayaa fulisay waxa dhacay Caawa mana ahan wax Qabiil iyo Deegaan loo tirinayo,waxayna ahaayeen Sadex Gaari oo Tikiniko ah oo kasoo baxay Maleeshiyaadkii Beesha Leelkase ee Jiic-boore,waxayna kasoo galeen Magaalada dhanka Koonfureed,iyagoo toos u abaaray Hotel Five Star oo ku yaal Xaafada Baraxley. Sida ay ii xaqiijiyeen Maleeshiyada Jiic-boore horjoogayaashooda,waxba kalama socon soo bixidooda,waxayna uga soo tageen Magaalada Goldogob,ayaan kusoo Qayilaynaa,kadibna,waxay…

Read More

Xuutiyiinta Yemen,ayaa la sheegay in ay sheegeen inay ka dambeeyaan weerarkii gantaal ee lagu qaaday bartamaha Israa’iil goor sii horreysay Maanta. Kooxdan ay Iiraan taageerto,ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegayaan inay beegsadeen Wasaaradda Difaaca Dalkaas, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP. Wasaaradda Difaaca,ayaa ku taalla Talaabiib, halkaasoo Maanta laga maqlay dhawaaqa Qalabka ka hortaga Gantaallada. Militariga Israa’iil,ayaa sheegay inay ka hortageen Gantaalka, isla markaana aysan jirin cid ku dhaawacantay.

Read More

Al-Qudus, oo ah garabka hubeysan ee kooxda Islamic Jihad, oo ka qeyb qaadatay weerarkii 7 October, ayaa Israa’iil uga digay inay geystaan duqeymo kale oo cirka ah kahor xabbad-joojinta Qasa. Duqeymaha cirka ayaa ka sii socday halkaas, iyadoo 122 qof loo maleynayo in la dilay tan iyo intii lagu dhawaaqay. Kooxda al-Qudus Brigades ayaa sheegtay in duqeynta oo sii socota ay sababi doonto in la heystayaal badan la dilo, iyo in qoyska la heystayaasha ay tahay inay Israa’iil u sheegaan inay joojiso duqeymaha si looga fogaado dhimasho kale. Kooxda Islamik Jihad ee Falastiiniyiinta waa garabka hubeysan ee ugu weyn Qasa.

Read More

Xilli ay soo dhawdahay waqtigii Maraykanka laga joojin lahaa TikTok, dadkii isticmaali jirey ee reer Mareykan ayaa u wareegaya barnaamijka Shiinaha ee RedNote, taas oo sare u qaadday in uu noqdo app-ka ugu badan ee lagala soo degay barta lagala dego barnaamijyada taleefanka Iphone ee App Store tan iyo Isniintii. Muxuu yahay RedNote? RedNote oo sidoo kale loo yaqaan magaca Shiinaha Xiaohongshu (Buug Caska Yar), waa barnaamij isku dhafan oo u dhexeeya TikTok iyo Instagram, una badan dad dhalinyaro ah oo ku nool Shiinaha, Taiwan, iyo gobollada ku hadla luuqadda Mandarin. Waxa ay haystaan 300-Milyan oo isticmaale bishii ah,kuwaas oo…

Read More

Xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaa bilaaban doonta subaxnimada berri oo Axad ah saacaddu marka 06:30 GMT, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha, waxaana warkan uu yimid ka dib markii golaha wasiirrada Israel ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska iyo sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista. Qatar, Masar iyo Mareykanka oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku dhawaaqay heshiiska Arbacadii. Duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa socday tan iyo xilligaas. Sabtida maanta ah, guddiga difaaca madaniga ah Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii weerar lagu…

Read More

Hawlgalka guulaha laga gaaray,waxaa ku jira Xogaha laga helay Talisyadii argagixisada. Haday noqon lahayd Dadkii la Shaqeeyay. Haday noqon lahayd Akoonadoodii. Haday noqon lahayd Dadkii ay laayeen. Haday noqon lahayd Nabadoonadii u adeegayay Haday noqon lahayd Gadidkii wax usoo qaadi jiray. Haday noqon lahayd Ganacastadii Hubka . Haday noqon lahayd Saraakiishii Ciidan. Haday noqon lahayd Talefoonadii ay isticmaaleen. Xogaha la hayo,waxaa ku jira 2022,2023 iyo 2024 Shaqooyinkii ay qabatay argagixisada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Horumar aad usareeya,ayay Ciidanka Difaaca Puntland ka sameeyeen hawlgalka Argagixisada. Goobaha laga sifeeyay,waxaa ku jira…. 1.Iskuulo Tababar. 2.Geerajyo Farsamo. 3.Xarumihii samaynta Qaraxyada. 4.Xarumihii isgaarsiinta. 5.Talisyadii hogaaminta. Waxaase wax walba ka muhiimsanaa qabashada God dhererkiisu gaarayay 1-Km oo Dhulka hoostiisa ah lehna Laba Af oo ay ugu talagaleen Dadka Deegaanka in ay ku tashkiiliyaan oo wax walba ku kaydsanaayeen. Waxaa farxad weyn ah oo jabka Argagixisada qayb ka qaatay Dadkii Deegaanka ee ay qorteen oo markii hawlgalku bilowday ka baxsaday ugana baxay dagaalka. Waxaa xusid mudan in 10-Sano oo argagixisadu joogtay Deegaamadaas ay la falgali wayday Dadka Deegaanka oo ay Maanta…

Read More

Jamahiirta Difaaca PL oo ahayd Jamaahiirta Dimuquradiyadii Laf dhabarta u ahayd,ayaa Xaflad balaaran oo lagu taageerayo Ciidamada Difaaca PL ku qabtey Caasimada Garowe. Jamaahiirta,ayaa shaaciyay in ay Dhiig shubis bilaabanayaan iyo Adeeg kale oo Ciidamada ay usamaynayaan Maalmaha soo socda…. Xubnaha Jamaahiirta ee hawshan soo qabanqaabiyay,ayaa kala ah…. 1.Faadumo Diiriye 2.Ayaan Xasan Maxamed 3.Maxamed Cabdirisaaq ( Casaanyo) 4.Cabbdirisaaq Maxamed Warsame 5.Axmed Caafi Maxamuud 6.Xasan Gamaadiid Maxamuud 7.Maxamed Axmed Dalmar ( Maska) 8.Siciid Bare 9.Yaxye Cabdiraxmaan 10.Nashaad Maxamuud Ismaaciil 11.Axmed Muuse 12.Xildhibaan Gaani 14.Xildhibaan Dharaar 15.Xildhibaan Samatar 16.Xildhibaan Asmo 17.Cabdimajiid Idiris Maxamed 18.Sundus Cabdullaahi Siraad.

Read More

Xasan,waxaa cadaadis weyn ka haystaa Laba dhinac oo kala ah…. 1.Maraykanka oo uqabtay ugu danbayn Soonka kadib in uu la yimaado qorshe Wadankan ku badbaadi karo. 2.Damjadiid iyo Daljir Xubnihii ka tirsanaa ee Garabka u ahaa oo 70% iskaga tagay. Maraykanku,waxa uu diiday in uu ku taageero dagaalkii argagixisada oo uu Xasan codsaday in uu ku laabto,waxayna si cad ugu sheegeen xataa garaacistii Hawada in aysan ku taageerayn iskabadaa Dhaqaale iyo Saad. Kooxihii Xasan ee Damjadiid iyo Daljir,waxay ukala qaybsameen Laba Garab oo ku midaysan fashilintiisa…. B.Garab Dhulka uu boobayo wax ka rabay oo uu qadiyay. T.Garab han lahaa oo…

Read More

Sh.Shariif Warkiisu,waa Cad yahay oo waa Diyaar garoobay. Majiri doonto,wax lagu hakin doono oo waxa uu taagan yahay Doorashada Xasan qabsanayo,waa ugaar ah isaga iyo Xisbigiisa,sidaa daraadeed Anna waa qabsanayaa mid ii gaar ah. Sidoo kale,wuxuu helay Dood macquul ah oo loo hakanayo,taasoo ah…. “Doorasho PL iyo JL ka maqan yihiin macquul mahan,waxayna ka dhigan tahay in Dalku kala go’ay”. Sida aan xogaha ku helayo Shariif Ciidan ahaan si weyn,ayuu udiyaar garoobay oo taageero Milleteri,ayuu helay oo Dibada ah. Shariif,waa Siyaasiga Xasan ku qabsan kara Beesha ay kawada dhasheen kana gadmi kara Somalida kale. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Sadex arimood,ayuu ka hadlay… 1.Hadal uu uduurxulayo heshiiskii Muuse iyo Abiy,wuxuuse ilowsan yahay in Xasan mid cusub lasoo galay Abiy oo hadii Nin Qaraf Saxiix iskaga siinayo arin masiiriya uu kaasi yahay Xasanka isaga Xukuma. 2.Qodobka kale ee uu sida dadban uga hadlay,waa  Nidaamka Fadaraalka oo aragtidii Xasan ee Fadaraal diidka uu lasoo Shir tagay una turjumay si khaldan oo ka dhigaysa in Dalku ku kala Go’ayo. 3.Qodobka Sadexaad,waa Dhaliisha Dowladiisa oo uu ka tilmaamay… B.Musuqa. T.Diciifnimada Hay’adaha Dowlada. J.Adeeg xumada Dowlada. Sadexda arimood ee uu ka hadlay,isaga,ayay kusoo dhamaanayaan …. B.Musuqa,waxaa Caan ku ah oo Aabe iyo Hooyo u…

Read More

Cabdullaahi Cali Madoobe,waa Askari Puntlander ah oo Geesiya. Ilaa Afar jeer,ayuu ku dhaawacmay dagaal uu ku Difaaacyo Puntland. 1.Tukaraq 2.Galkacyo 3.Galgala 4.Dharjaale Dhaawacii ugu danbeeyay ee Dharjaale,waxa uu ka dhaawacmay Neef Marneenada iyo Lafta Xangulaha. Dowlada Puntland, waxay ugu kiraysay Diyaaarad khaas ah $40-kun,isla markaana daawayntiisa ka badan,ayaa gashay. Ilaahay Mahadii,waa lagu Guulaystay Qaliinkiisii Geesigaas Naftii huraha ah. Dowlada Puntland, waa ku amaanan tahay siday udaryeeshay Ciidanka Dhaawacmay oo kuwoodii ugu cuslaa deg-deg Dibada ugu qaaday. Gobanimo. JQ.

Read More

Taliska Digaale,waxa uu udanbeeyay Talisyada iyo Xarumaha argagixisada Gacanta looga dhigay. Guulaha la gaaray? 1.Waxaa la dilay 53.Argagixiso oo uu ku jiro isku xirihii Daacish ee Bariga Afrika. 2.Waxaa la gaaray Guulo w.weyn Todobaad Gudihiis. 3.Waxaa argagixisada laga nadiifiyay Dhul dhan 130-Km oo Isku wareeg ah. 4.Waxaa laga furtay 48-Talis,Warshadii Hubka,Xaruntii Dronsyada,Iskuulkii tababarada iyo Xaruntii Farsamada Qaraxyada. 5.Waxaa la Qarxiyay 14-Miino oo ay Dhulka ku Aaseen. 6.Waxaa lasoo riday oo la burburiyay 38-Drons. Khasaaraha Ciidanka soo gaaray? B.Waxaa dhaawacmay 70-Askari,iyadoo 10-ka mid ah ay culus yihiin loona qaaday Dibada. 2.Waxaa Shahiiday 23-Askari. 3.Waxaa ku burburay 5-Gaari. Ciidanka hawlgalka ku jiraa,waa…

Read More

Duqeyn xaga Cirka ah oo ay fulisay Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof oo ku nool magaalada Qasa, kadib markii la shaaciyay heshiiska xabad joojinta iyo siideynta maxaabiista oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil. Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa. Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil. Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli…

Read More

The agreement is in three stages. The first will last 42 days: – The release of 33 Israeli hostages by Hamas; – Israel will release several hundred Palestinian hostages, including those convicted of killing Israelis; – Palestinians in Gaza can return to the north of the region, Israeli troops will partially withdraw. Negotiations on the next stages of the agreement will begin on the 16th day, but the continuation of the ceasefire is not guaranteed.

Read More

Dowladaha dhex dhexaadinaya Israa’iil iyo Xamaas,ayaa Arbacadi shalay magaalada Doha ee caasimadda Qatar uga dhawaaqay, in la gaaray heshiis xabbad joojin ah oo Axadda ka dhaqangeli doona Qasa. Heshiiska oo Saddex waji leh, ayaa wajigiisa koowaad uu dhigayaa.. 1.In Xabbada laga joojiyo Qasa. 2.In la sii daayo la heystayaasha Isra’iliyiinta. 3.In Xabsiyada Isra’iil laga fasaxo boqollaal Falastiinyiin ah. 4.In gargaar bani’aadannimo oo deg deg deg ah lala gaaro dadka reer Qasa. Falastiiniyiinta Qasa,ayaa warka heshiiska farxad ku soo dhaweeyay. Siidoo kale qaar ka mid ah shacabka Israa’iil ayaa aad u soo dhaweeyay heshiiskan. https://youtu.be/FFbelimiWCY?si=_mSGMvQztQkM0kIa

Read More

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa maanta looga hadlay… 1.Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. 2.Guulaha Ciidanku gaaray. 3.Garab istaaga iyo Gargaarka ban’aadantinimo ee dadka ku nool deegannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad, Gobolka Bari. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdifaarax Juxa, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Gargaarka Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa la hadlay warbaahinta . Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Diyaaradahan aan duuliyaha laheyn waa isku daygii Ururka Argagixisada Daacish ay ku doonayeen in ay ku hakiyaan weerarka Ciidamada Difaaca Puntland. Dooranaskan,waa Nooca Basaaska iyo Nooca Qaraxyada. Dhammaan,waa laga hortagay si xeeladaysan,waxayna Ciidanku ku guulaysteen in ay dhulka soo dhigaan. Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee Cal-miskaad,waxay sheegayaan in haraagii Ururka Argagixisada Daacish ay qaybo ka mid ah gaareen Xarumihii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen Deegaannada Dhaadaar, Unuun iyo Tuurmasaale. Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa wada weerar Sadax jiho ah,waxayna ku sii siqaayaan Deegaano hor leh. Dagaalka oo socda wax ka yar Todobaad,ayay Ciidamada Difaaca Puntland ka soo hoyeen Guulo la…

Read More

Ciidanku horay,ayuu usii socday,waxayna kusii fidayaan Dhulkii argagixisada lagu arki jiray. Talisyada laga qabsaday argagixisada,waxay kala yihiin…. 1.Ceel-ileed. 2. Al-dacwa. 3.Dibqalooc. 4.Dugsigii Tababarka. 5.Warshadii usamaynaysay Qaraxyada Daacish Sidoo kale,waxaa la qarxiyay Miinooyin ay Dhulka ku aaseen oo gaaraya 8-Miino. Dhanka Ciidanka Difaaca PL,waxaa khasaare kooban kasoo gaaray Gaari.

Read More

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan dalka Jarmalka,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa Iskaashiga labada Maamul iyo Mataanaynta Puntland iyo Nordrhein-Westfalens. Xiriirka Puntland iyo Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka ayaa soo bilowday kadib markii September 2024 Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wefti uu hogaaminayey ay safar shaqo ku yimaadeen dalka Jarmalka. Safarka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliya Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland Maxamed Xasan Ibraahim, Senator Samiira Maxamuud iyo Madaxa La-Socodka Mashaariicda iyo…

Read More

Boosaaso, 14ka Janaayo 2025 – Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa si rasmi ah u daah-furay duulimaadka diyaaradda Air Arabia ee tooska ah ee isku xiraya Boosaaso iyo Shaariqa. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka caalamiga ah ee Puntland. Guddoomiyaha oo hadal dhaxal-gal ah ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabka dalkaas kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan horumarinta Puntland. Wuxuu sheegay in duulimaadka cusub uu muhiim u yahay fududeynta isku socodka dadweynaha, xoojinta…

Read More

Itoobiya sababta uu iskugu dhiibay,waa Laba Qodob oo kala ah…. 1.La dagaallanka DG-yada. 2.Hankiisa kusii fadhiga ama kusoo noqoshada Kursiga. Balse ma yaqaan Itoobiya mana akhrin karo Siyaasada. Itoobiya,way fahansan tahay in aysan jirin Dowlad Somaliyed oo Xasan matalo waxa kaliya ee uu Saxiixiisu gooyaa waa Kursiga uu ku fadhiyo ee aqoonsiga ka haysta QM. Heshiiska ay la galaan Xasan waxba kama galo SL,PL,JL iyo KG,sidaa daraadeed Kursiga Xasan iyo DG-yada,waxaa umuhiimsan DG-yada oo Asalkii ah. Itoobiya,waxay kaa saxiixaaysaa Bada,kadibna waxbay ka gowracaysaa. Xasan Aragti gaabnidiisu,waxay tustay waxuun Doorasho ku sheeg ah in uu malmaluugo kadibna Kursiga kusii fadhiyo.! Waa…

Read More

Dowladda Puntland,ayaa Saaka shaacisay warbixin kooban oo ku saabsan khasaaraha Argagixisada lagu gaarsiiyay hawlgal xooggan oo ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay warbixin sawirro iyo muuqaallo wadata oo ku saabsan khasaaraha Argagixisada lagu gaarsiiyay hawlgal ciidan ee ka socda buuraha Calmiskaad gaar ahaanna degaannada hoosyimaada degmada Bilidhidin ee gobolka Bari. Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa warbixintooda ku sheegay in hawlgalka lagu gubay Talisyadii Argagixisadu ku lahayd buuraha Calmiskaad”Ciidanka Hawlgalka ciribtirka Argagixisada ayaa gubay talisyo Argagixisada Daacish ku lahayd buuralayda Cal-miskaad,” ayaa lagu yiri Warbixinta kooban ee ka soo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland. Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid dhiro dhal ah. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ku garab istaagan Dowladda…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa Saakay weerar ku qaaday fariisimo cusub oo argagixisadu isticmaalaysay Sanidihii lasoo dhaafay. Weerarkaas,ayay Ciidamada Difaaca PL ku burburiyeen Saldhigayadaas kana sifeeyeen argagixisada. Talisyada argagixisada laga qabtay ee ay la wareegeen Ciidamada PL,ayaa kala ah….. 1.Taliska Awaydi. 2.Taliska Wacariyaad. 3.Taliska Salnafeed. 4.Taliska Kaadilay. 5.Conqoro. 6.Digaale. Talisyadan,waxay ku yaalaan Deegaanada Dhabancado,Dubad iyo Aroorka Awaydi. Hawlgalkan,ayay Ciidamada PL ku dileen 21-Maleeshiyada Argagixisada ah. Dhanka Ciidamada PL 2-Askari,ayaa ka Shahiiday,waxaana ka  Dhaawacmay Sadex kale. Khasaaraha Ciidamada PL soo gaaray,waxaa sababay Miino Gaari la kacday. Hawlgalka sifaynta argagixisada,ayaa maraya heerkii ugu cuslaa ee Gododka khatarta ah layskugu galayay,iyadoo Ciidanku isticmaalayo Awr iyo…

Read More

Wasiirada arrimaha dibadda iyo Diblomaasiyiinta sare ee Wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe,ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga kula kulmay wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Siiriya. Kulankan,ayaa ah kii ugu horreeyay ee heer Gobol ah oo ku saabsan Siiriya tan iyo bishii hore oo xukunka laga tuuray Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/f_CDJTALd5E?si=KM9_yGCNzAQMRTOl

Read More

Shaqaalaha dab-damiska Gobolka California iyo kuwa Dowladda Federaalka Mareykanka,ayaa wali la halgalamaya daminta Dabki ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Los Angeles ee Gobolka Califronia. Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha, in ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in Dabkani ay ku dhinteen. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/o6Lh3seoJ0s?si=8lKHRxVNJA2prdmw

Read More

Guuladarooyinka Booqashada Xasan kasoo gaartay Somalida….. B.Waxay sii diciifisay haday jireen,wuxuun Somalidu si isku mid ah ugu hakanaysay sida Badda Difaaceeda. T.Ciidan Badeed oo Itoobiya leedahay oo salaan dhoolatus ah siiyay Madaxweyne Jamhuuriyad Somaliyed,waa fariin Daniirka Somalida taabanaysa. J.Ubax dhigid Taalada Adwa ee halgamayaasha Itoobiya oo leh macno Somalida si gaar ah usaamaynaya. Guulaha Abiy ka gaaray booqashada? B.Heshiiskii Saldhiga Milleteri ee Badda oo ugu danbayn si cad usaxiixi doono Xasan,iyadoo haatan loosii gogol xaaray. T.Isbahaysigii Masar,Eretereya iyo Somaliya oo uu Bam ku dhuftay. J.Loolanka Siyaasada Geeska oo uu muujiyayy in uu Somalida kaga adag yahay kana qaangaarsan yahay. Turkiga…

Read More