https://youtu.be/KFb7RNWoBfw
Author: Jibril Qoobey.
Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako. Olalahan ayay Al-Shabaab bilaabeen bil ka hor, waxayna ilaa iyo hada ka ururiyeen lacago fara badan Ganacsatada leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar Sida lagasoo xigtay qaar kamid ah Ganacsatadaas oo magacooda u qariyay sababo amni, Ururka Al Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inay tagaan deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose. U yeeritaankaas ayaa ku saabsan in looga dhaadhiciyo lacagaha laga qaadayo iyo…
Talyaha Ciidanka NISA ee deegaanka siinka dheer ,ayaa ii sheegay in qaraxa uusan aheyn Ismiidaamin balse uu ka dhashay Gaari ay xalay halkaasi ku qabteen Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya kadibna uu Galabta qarxay. Talyaha ayaa sheegay in ay Gaadiidka Xamuulka ah ee Soo gala Magaalada Muqdisho la weydiiyo damiin gaarigaasina uu ka mid ah Gawaari xalay halkaasi lagu qabtay oo laga sugaayay Damiin balse uu Galabta qarxay waxaana inta hada la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 2 qof ku dhawaad 10 kalane waa ay ku dhaawacmeen oo dhamaantoodba ahaa Shacab sida ay noo sheegeen laamaha Amaanka. Wararkii…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe12 July 2017 Garoowe dib ugu soo laabtay, kadib shirkii amniga Qaranka Soomaaliyeed oo ay Muqdisho kaga qayb galeen. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, guddomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamadda qolabka sida, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, Isimo, cuqaal iyo qaar kamida bulshadda Magaaladda Garooowe. Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada,hoos ak daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka…
Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay Kala-fadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay xubnaha Aqalka Sare in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay inay jiraan howlo badan oo haatan horyaala golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya. Ajandayaasha horyaala ayaa waxaa ugu muhiimsan dib u eegista Dastuurka Fadaraalka iyo qodobo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada fadaraalka. Labo diyaaradood oo lagu kala qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa la diyaariyay, kuwaasoo ka kala degi doona magaalada Kismaayo gelinka hore iyo gelinka dambe. Diyaarada u horeysa ayaa waxay goor dhow ka qaadi doontaa garoonka diyaaradaha Muqdisho wati uu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Diyaarada labaad ayaa qaadi doonta iyaduna Ra’isalwasaaraha iyo xubno ka mid ah shaqaalahiisa. Diyaar garow ballaaran…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 3 bil dib u dhigay go’aan kama dambeys ah oo la filayey inuu ka qaato in si joogto ah dalka Sudan looga qaado xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka uu saaray. Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii Janaayo saxiixay amar madaxweyne oo si ku meelgaar ah xayiraadda dhaqaale uga qaaday Sudan muddo lix bilood ah. Trump ayaa shalay oo arbaco ahayd wajahayey waqti kama dambeys ah, oo haddii aanu tallaabo qaadin ka dhigi lahayd xayiraadda laga qaaday Sudan mid joogto ah. Taa beddelkeeda ayaa Trump waxa uu saxiixay amar madaxweyne oo…
Wadamada Qadar iyo Mareykanka ayaa wada gaaray heshiis ay dadaal ugu gelayaan sidiii loola dagaalami lahaa maalgelinta argagixisada. Hishiiskan waxa magaaladda Dooxa ku saxiixay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku jooga Dooxa . Hishiiskan ayaa imanaya xilli ay xiisad ka dhex aloosan tahay Qadar iyo wadamda carabta ee ay deriska yihiin oo Sacuudigu ka mid yahay, Wadamadan ayaa xiriirka u jaray Qadar kadib markii ay ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ah ee bariga dhexe. Qadar ayaa beenisay dhamaan eedeymahan, dadka ka faalooda arrimaha bariga dhexena waxay sheegayaan in heshiiskan ay dowladda…
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan ka dib markii dhowaan uu furmay Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka. Qodobada Maanta Baarlamaanka la horyaala ayaa waxaa kamid ah Miisaaniyadda Dowladda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda fadaraalka. Dhankale waxaa jira Sharciyo Badan oo horyaala Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo la doonayo in go’aan laga gaaro sida uu horay u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.
Waa malahaygee Cawaale Maroodi, Cige Maroodi, iyo Canab Maroodi waxa ay ka yimaadeen meeraha “Mars“, cimri ahaan waxay inaka weyn yihiin 460 sano, waxa dhalay reer qansax oo jinsi ahaan ku abtirsada “dad kasoo jeeda islameerahaas” waxa waxbaray macallimiin khuburo ah oo lagasoo dhex hindhisay barbaarta jinka, waxa dhashay qalanjo 67 baac ah, waxa ay foolanaysay fatro yar oo 53 habeen ku gingiman, waxa ay ku dhesheen gobolka barwaaqo ee dhaca dhanka bogox ee meerahaha Maaris, Maalinkoodu waxa uu dhan yahay 72 saacadood, halkii saac waxa ay Xafidi karaan duruus 100 G.B lagu qiyaaso, Teknoolojidda waxa ay ka gaareen heer…
Waxaa soo gabagaboobay shirkii deg-dega ahaa ee u socday Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Shirkaas oo ay albaabadu u xiraanyeen ayaa su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso shacabka iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg…
Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa xilligan shir deg deg ah uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo loo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Shirka oo uu albaabada u xiran yahay ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga…
Waxaa mar kale maanta albaabadu ay u laaban yihiin suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ganacsatadu waxa ay sheegeen in xirnaashahaasi uu daba-joogo canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay. Dawlada Puntland ayaan ilaa iyo hada ka hadlin Ganacsiga xiran maalinkii afraad iyo cabashada ganacsatada ee canshuurta cusub ee lasoo rogay. Ganacsatada ayaa ku doodaysa in casnhuurat la saaray ay bixinayaan oo kaliya markii ay helaan xaqa ay leeyihiin ee waajibka ku ah in dawladu fuliso.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lvjYpKAo_lc
Xogahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada. Mdane Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. “Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri…
Ciidamada AMISOM ayaa saaka bilaabay inay ka guuraan mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha Jaamacaddii Gaheyr ee ku taal degmada Wadajir. Dhismaha Jaamacaddan ayaa muddo 10 sano ku dhow ay degenaayeen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, waxaana lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidamo Boolis. Guuritaanka Ciidamada AMISOM ee fariisinkooda Jaamacadda Gaheyr ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka gaadiidka, iyadoo loo xiray waddooyin dhowr ah, sida dhanka wadada aada Afgooye.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CTVUsJ9RO-s
War ka soo baxay Ciidamada amniag Puntalnd ee loo yaqaan PSF,ayaa lagu sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen 14 dhalinyaro ah oo ay ku jiraan ajaanib kuwaas oo ka tirsan al-Shabaab. kuna socdey in ay kamid noqdaan malaysiyada al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow. Maleeshiyadan ka tirsan alshabaab ayaa waxaa qabtey dad reer guuraa ah oo deggan duleedka caasimada Puntland ee Garoowe, waxayna dadku deegaanku markii danbe ku wareejiyeen Ciidamada amniga ee PSF. ”Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan 14 Alshabab ah oo u socda Buuraha calmadow ayagoo marayey duleedka…
Talyaha ciidamada nabadgalyada wadooyinka Puntland qaybta Mudug ayaa ka warbixiyay shilalka sii badanaya ee Gobolka. Talyaha oo uwaramayay Puntalnd Tv ayaa ka hadlay Nabadgalyada wadooyinka Gobolka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/azeZiqVjNbw
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada kismaayo,waxuuna saxaafada uga warbixiyay shirkii ku saabsanaa maniag ee ku qabsoomay mqudisho,kaasoo dhexmaray madaxda fadaraalka iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6zqx8iEYwDc
Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dawlada fadaraalka,ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ku xir xiray Maamulayaasha Iskuulada ku yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabeelaha Dhexe. Saraakiisha NISA ayaa sheegay in maamulayaasha Iskuulada ay tageen Meel ay maamulaan Al-shabaab kadibna ay kulan la soo qaateen Dagaalamayaasha Al-shabaab sidaas darteedna ay su’aalo weydiinayaan. Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar. Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya awaamiirtooda.…
Waxaa Xafiiskan iska kaashaday furidiisa maamulka gobolka bari kan degmada Bosaso iyo Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha. Baahida ugu wayn ee Xafiskan loo furay ayaa ahayd kadib markii baasaboorka soomaaliya ay Qaateen dad ajaaniib ah oo aan dalka soomaaliya udhalan. Xafiiskan ayaa waxaa kushaqayn doona 9 kamid aha nabadoono kala matalaya qabaailada dagan gobolka Bari iyo dadka ka soojeeda Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya, waxaana loo sameeyay xafiiskan buuga isiraaca qofka muwaadinka ah ee baasaboorka soomaaliga ah qaadanaya . Gudigan nabadoonada ah ee arintan loo xilsaaray ayaa ka kooban 7 Xunbnood . Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed…
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal habeen hore ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isagoo ku tilmaamay mid halis gelinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan Xildhibaanada Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka “Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah…
Ugu yaraan 16 ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay qaraxday diyaarad ay leeyihiin milatariga Maraykanka oo ku dhacday Mississippi. Shilka diyaaradda ayaa ka dhacay deegaanka LeFlore oo 160 kiiloo mitir u jirta Jackson. Dhamaan 16kii ruux ee saarnaa midkoodna kama badbaadin sida uu sheegay Fred Randle oo madax ka ah gurmadka degegga ah ee Leflore. Gafernatooraha Missisippi Phil Bryant ayaa sheegay in dhacdadani ay masiibo tahay. “Raga iyo Dumarka qalabka sida maalinkaste naftooda ayay khatar galiyaan si ay xoriyaddeena u ilaaliyaan” ayuu yiri. Ma jirin faahfaahin dhamaystiran oo durba laga bixiyay waxa dhaliyay shilkan.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah isimada ugu miisaanka culus ee soo jireenkana ah ee Puntland ayaa iska fogeeyay in uu qayb ka yahay ama wax ka og yahay ama wakiil udirsaday shirka Xamar ee uu abaabulayo madaxweyne Farmaajo. ”Aniga cidna ima matasho shirkaas shaqo kuma lihi ina Dabagooye ma dirsan mana wakiilan Dhulbahante ha ogaado,Puntland ha ogaato Somali ha ogaato”ayuu yiri Garaad Saleebaan. Magaalada muqdisho waxaa ka socda abaabulka shir madaxweyne Farmaajo dabada ka riixayo oo uu iskugu keenayo isimada iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante, Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalgaliyay shaqsiyaad sheegta siyaasiyiin iyo…
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee magaalada Muqdisho uga socday madaxda dowladda Fadaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa lasoo gabagabeeyay. Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob,oo aysan ka dhex muuqan qodobadii laysku mari waayay ee maalmahan hsirku ka doodayay,waxaana loo saaray gudiyo farsamo oo kasoo arimiya qodobadaas madaxdu isku mari wayday. Madaxda shirka ka qeyb galeysay ayaa aad isugu hayay qaab dhismeedka ciidamada iyo cida maamuleysa, habka loo marayo. Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa ku doodayay in ay muhiim tahay in wax walba ay noqdaan wax laga arinsaday…
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta10 July, 2017 waxa uu caasimadda Garoowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay. Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawladda ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’adda UNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland. Dhammaan…
Jaaliyada Puntland ee magaalada Siyaala Washinton ee cariga Maraykanka ayaa uqabatay xaflad soo dhaweyn iyo sagootin iskugu jirta Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg oo maalmahan joogay halkaas. Xafladan oo si qurux badan loosoo agaasimay,ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan jaaliyada Puntland ee Siyaala washinton. Nuune Diiriye Dhagaweyne Gudoomiyaha jaaliyada Puntland ee Siyaala washinton oo soo abaabulay xaflada ayaa maadsha ka jeediyay khudbad ku aadanayd soo dhaweynta talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg,sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay oo hadalo qiimo leh ka jeediyay haldoor tiro badan oo jaaliyada ka tirsan. Jeneral Ereg Talyaha Booliska Puntland oo ugu…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/U5q1qFc2p0I
Jen. Qaalib oo wareysi siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay inuu ka cudur daartay xilkaas loo magacaabay, isagoo tilmaamay in aan lagala tashan, magacaabidiisa ay ku dhacday khalad. “Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri,…
Shirkii golaha amniga qaranka oo ay ku midaysan yihiin madaxda fadaraalka iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa galay maalintisii sadexaad. Shirka maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Rw Khayre ka gadaal markii madaxweyne Farmaajo ay kusii adkaatay hogaaminta shirka. Sida xogaha hoose ay sheegayaan isfahan waa xoog leh ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ,isfahan waagan ayaa ku salaysan sida loo maaraynayo ama loo maamulayo dhaqaalaha ay beesha caalamka ugu talagashay dib u dhsika ciidamada Somaliya. Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya…
Kulan labo maalmood uga socday laamaha amaanka Puntland xarunta wasaarada amniga ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo muhiim u ah adkaynta amaanka Puntland. Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa saxaafada uga waramay go’aamada soo baxay iyo guud ahaan qorshaha amaan ee dalka,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ssVOMdP_TpQ
Dikreeto ku taariikheysan 27 bishii June 2017 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ugu magacaabay xubin ka mid noqonaysa guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ee hanaanka asxaabta badan Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe). Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa u cuskadey magacaabista Caaqil Shuuqe ka dib markii uu arkey dastuurka Puntland, Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo. Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe ayaa soo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Sidoo kalena wuxuu madax kasoo noqday guddiyo dib u heshiisiin oo gudaha iyo dibada dalka kasoo qabtey shaqooyin nabadeyn. Warar madax banaan ayaa sheegaya in Caaqil Shuuqe isu diyaarinayo qabashada Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kumeelgaarka ee…
Dhalinyarada reer Puntland ( Mudane madaxweyne miyaa na iloowday) Mudane maxdaweyne aniga oo ogsoon howlaha faraha badan ee ku horyaala haddana waxaa rajeynayaa in aad wakhti yar aad siiso oo aad ku akhrisato fariintan. Mudane madaxweyne fariintan waa mid taabanaysa dhalinyarada reer Puntland ee aan haysan meelo ay ku qaataan wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin sida ay sameeyaan dhalinyarada ku nool wadamada horumaray oo aad adigaba ka markhaati kacayso. Mudane madaxweyne waxaa ka warhaysaa in deegaanada Puntland aysan lahayn garoomo waaweyn oo lagu ciyaaro kubbadda cagta, tenniska iyo ciyaaraha kala duwan taasi oo ka dhigtay dhalinyaro badan in ay tahriibaan oo…
C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan. “Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixinnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd…
Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta mar kale dib uga bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu hakad ku jiray. Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay mar kale maanta isugu yimaadeen shirkoodii u socday maalmihii la soo dhaafay, iyagoo ka doodaya qodobo ku aadan amniga dalka iyo dhismaha ciidamada. Shirka ayaa Khamiistii la soo dhaafay oo lagu waday in la soo gaba gabeeyo u baaqday caqabado ka dhashay qaabka lagu saleynayo dhismaha ciidamada, oo dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Madaxda. Sidoo kale Madaxda maamul…
Warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa siwayn uga Faalootay Taariikhda Markii i ugu horaysay oo Qof aan la dooran ku Fadhiistay Kursigii Madaxwyanaha, Kadib markii Gabadha uu dhalay Madaxwayne Trump ay Aaabaheed ku matashay Kursiga shirkii G-20. Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey. Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u…
Farmaajo isagoo qiiraysan oo erayo wadaniyadeed afkiisa ay ka burqanayaan ayuu xalay kasoo dhex muuqday xaflad lagu sheegay in loo qabtay taageerida ciidamada qalabka sida ee Somaliya. Hadaba in ciidanka la taageero waa talaabo loo baahnaa oo aan marna la dhaliili karin,balse waxaan laga aamusi karin ayaa ah sida madaxweyne Farmaajo uga fog yahay ama iskaga indho tirayo waaqiciga taagan. Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ciidanka uu madaxweynuhu leeyahay hala taageero oo dhaqaale haloo urursho oo Acount haloo sameeyo waa kuwee? Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ma waxuu u yaqaanaa ciidanka Qaranka maleeshiyaadka Xamar xooga ku haysta ee…
Xaaladda deegaamadii ay ku dagaalameen ciidanka difaaca Puntland iyo Alshabaab ee buuraleyda Galgala ayaa saaka degan kadib markii, sida ay sheegeen saraakiisha ciidan dowladda Puntland. War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim ah ay lahaayeen alshabaab, “Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen…
Ra’isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa tagey magaalada Mosul waxaanu sheegay in magaalada laga xoreeyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Wuxu u hambalyeeyey ciidanka iyo shacabka Ciraaq, waxaana la filayaa in uu goor dhaw khudbd rasmi ah oo uu ku shaacinayo guushaa jeedin doono. Maanta oo idil waxa soo baxayey warar sheegayey dagaal ka socday qaybta qadiimka ah ee magaalada, halkaas oo mitidiintu isku urursadeen. Soddon ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku tuuray webiga Dejla. Qiiqa ka baxaya badhtamaha magaalada ayaa cirka isku shareeray, waxaana la maqlayaa rasaas googoos ah…
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye. Lacagtan ayaa Somaliya waxaa kaga soo aadaya 126 milyan Dolar. Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa arintan ka waraysatay aqoonyahan Cabdiqafaar Wardheere,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahfsan. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Waxaa maanta albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen canshuur macaash ah oo la dul dhigay ganacsatada ku jirta guryaha ijaarka ah. Gancsade ka mid ah kuwa xiray goobahooda ganacsi ayaa sheegay in ay si weyn uga cabanayaan canshuurta cusub oo 4% ah kirada guryaha laga qaado. Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa xaqiijiyey in uu hada ka socdo Rugta ganacsiga kulan ganacsatada iyo dowladda u dhexeeya kaasoo lagu maareeynayo cabashada ganacsatada, wuxuu kaloo Guddoomiyuhu intaas ku daray in ganacsigii uu dib u furmay, loona saaray Guddi ka kooban…
Wasiirka arimaha Gudaha fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa,ayaa dawlada fadaraalku ka qaadatay ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahayd. Juxaa ayaan ilaa iyo dhawr beri shaqo tagin kuna sugnaa Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho. Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka oo uu kasoo baxay amarka looga qaaday Juxaa ilaaladiisa gaarka ah,ayaa ku macnaysay ka qaadida Wasiirka ilaaladiisa amar dawladu soo saartay oo ku aadanaa in dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyhay iyo ilaalada khaaska ah ay isku diiwaan galiyaan mudo sodon cisho gudahood ah. Saraakiisha Ciidamada fadaraalka ayaa ku doodaya in ay ciidamo kale oo ka diiwaangashan wasaarada Gaashanadhiga udireen wasiirka,balse uu diiday kuna adkaystay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 08 July 2017 ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa sidoo kale kala qayb galay furitaanka kal-fadhigani, Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS, maasuuliyiin ka tirsan goloyaasha DFS, saraakiisha ciidanka qalabka sidda, masuuliyiin ka socdey beesha caalamka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LCBK_Xzvolg
Banaanbax balaaran oo iskugu jira mahadnaq,soo dhaweyn iyo Codsi ayay maanta dhigeen shacabka Degmada cusub ee Dhudhub. Degmada Dhudhub oo ku taal deegaan istiraatiijiya oo ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa ah Deegaan hodan ku ah Beeraha,Xoolaha,kaluunka iyo khayraadka Dabiiciga ah. Degmada Dhudhub ayaa ka mid ahayd afar Degmo oo madaxweyne Gaas uu dhawaan digreeto ugu magacaabay in ay noqdaan Degmooyin buuxa. Maqaabka Degmada ayaa hada horyaala si ay u ansixiyaan Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kuguda jira kalafadhigoodii 39aad. Hadaba hoos ka daawo banaanbaxaas ay dhigeen shacabka Degmada Dhudhub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uGEVZZKXmH4
Marwada madaxweynaha Dawlada Puntland Hodan Siciid Ciise ayaa qasriga madaxtooyada Puntland kual shirtay gudoomiyayaasha haweenka Gobolada dalkoo idil. Kulankan oo ahaa si waraysi iyo kala xog qaadasho ayaa waxaa marwada kala qaybagalay Gudoomiyaha haweenka Puntland Marwo Khadro,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zXYfZf-j0t0
Talye ku xigeenka Booliska Gobolka Nugaal Ibraahim Maxamed Cabdi oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in sugidii amniga caasimada Puntland ee Garowe laga wareejiay Booliska. Talye Ibraahim ayaa hadalkiisa ku daray in Dawlada ku wareejisay sugida amniga caaismada ciidan kale,isla markaana majirto wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya labada ciidan, Hadalka Talye xigeenka ayaa yimid iyadoo maalmahan cabasho ku aadan Mopile furasho ka bilaabatay caaismada Garowe shacabku suoo gudbinayeen laamaha amaanka,hoos ka dhagayso codka Talyaha. Halkan ka dhagayso codka talye xigeenka
Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Ceelasha-biyaha iyo Siinka Dheer ayaa sheegaya in Maanta halkaas lagu laayay Wiilal dhalinyaro ah oo uu dhalay Ganacsade Caan ah oo lagu Magacaabo Xaaji Gaabow. Dadka la laayahay oo gaaraya ilaa Shan Qof ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay wadeen Meyd ay doonayeen in ay soo duugaan ,iyadoo halkaas lagu dilay ilaa 5 Qof. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay in halkaas lagu laayahy illaa Lix Qof oo ka mida Familka Reer Xaaji Gaabow. Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay in ay…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka. Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12-ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka. Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale. Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya…
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in deeq lacageed oo dheeraad ah oo ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro. Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga Yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. War qoraal ah oo ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa. Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada…
Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka. Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump. Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag. Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G-20 ayaa soconayay tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah…
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/VB7_zPAdgKs Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/JB0iwMfRxro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray wax qabadka dowladda, isagoo intaasi ku daray in howllo adag ay horyaalaan baarlamaanka kalfadhiga 2-aad ee maanta furmay Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Gudoonka maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas oo furitaanka kalfadiga 2-aad ayaa ka jeediyey khudbad uu diiradda ku saaraywax qabadka golaha shacabka.…
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo waxyaabihii muhiimka ah ee ay doonayaan in si dhaqso ah wax looga qabto. Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu jawabiyey dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UyqXQ9wi-vk
Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery is dead. He passed on after being admitted to Karen Hospital on Saturday, July 8 – Hours later, his widow, Hellen Nkaissery, was hospitalised after receiving the news of her husband’s death Hellen Nkaissery, the widow of the late Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery has been hospitalised. According to reports seen by TUKO.co.ke, the late Nkaissery’s wife was rushed to Nairobi Hospital where she was admitted with high blood pressure. Speaking outside Lee Funeral Home where the late Nkaissery’s body was transferred to from the Karen Hospital, Kajiado Central Member of Parliament…
Wasiirka arimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaal caasimadda Nairobi, saacado ka dib markii uu halkaa u tegay baaritaan caafimaad. Nkaissery ayaa fiidnimadii Jimcaha tegay cisbitalka Karen, ka dib markii uu ka rawaxay Beerta Xoriyadda oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kagala qeyb galay munaasabad dalka loogu ducaynayay. Madaxweyne Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida degdeg ah ee ku timid wasiirka, waxaana uu xilkiisa si kumeelgaar ah ugu wareejiyay wasiirka waxbarashada Fred Matiang’i. Nkaissery oo ahaa jenaraal ka fariistay ciidamada ayaa 2-dii December 2014 loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha, asagoo xilka kala wareegay Joseph Ole Lenku. Marka xilka…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsan mudanayaasha aqalka sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka qayb-galaya barnaamijka Martida Makarafoonka ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mawqifka dhexdheaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay xiisadda carabta. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in mawqifkaasi laga noqdo isaga oo sheegay in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan Halkan ka dhagayso codka Cumar Cabdirashiid https://youtu.be/6gU2Ty4U0JA