Author: Jibril Qoobey.

“Israa’iil lama dirirayso Ciidamada Nabad ilaalinta ee QM,lama dirirayso Shacabka Lubnaan,waxay la diriraysaa Xusbullaah oo ah argagixiso Iran taageerto oo isticmaalaysa Xuduuda Lubnaan,waxaan idinka codsanaynaa in aad si KMG ah ubanaysaan Saldhigaas inta aan hawlgalka fulinayno”Ayuu yiri Netanyahu. Hadalka Netanyahu,ayaa yimid markii Israa’iil Gantaalo ay riday ku dhaceen Saldhiga Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Koonfurta Lubnaan. Weerarkan ayay Israa’iil kala kulantay canbaarayn caalami ah. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Kuuriyada Waqooyi,waxay ku doodaysaa in Kuuriyada Koonfureed usoo dirtay Hawadeeda Diyaaradaha duuliyaha lahayn ee Drons-ka Bishii lasoo dhaafay tiro ka Sadex jeer,waxayna si gaar ah usoo gaareen Hawada Caasimada Siyool. Kuuriyada Waqooyi,waxay heegan gelisay Ciidankeeda waliba Qaybta Madaafiicda,iyadoo ku goodisay hadii Drons danbe soo galo Hawadeeda in ay jawaab adag oo ah dagaal toos ay kaga falcelinayso. Hadalka hanjabaada ah,waxa uu kasoo yeeray Gabadha awooda badan ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Koonfureed dhankeeda,waxay ku dooday in eedaynta Kuuriyada Waqooyi ay tahay marmarsiiyo dagaal oo aysan waxba ka jirin. JQ.

Read More

Subaxnimadii Oktoobar 14, 2024,Dowladda Itoobiya l,ayaa duqaymo diyaaradeed oo aan duuliyaha lahayn iyo kuwa Qumaatiga u kaca ah ka fulisay meel u dhow amagaalada Bahar Dar, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa koonfurta Achefere iyo Waqooyiga Mecha ee Gobolka Axmaarada. Koonfurta Achefere, bambaanooyin laga soo tuuray diyaaradaha qumaatiga u kaca,ayaa lagu weeraray dugsi hoose, kaasoo sababay burbur iyo khasaare soo gaaray dad rayid ah. Ilo deegaanka ah,ayaa xaqiijiyay in hal cunug uu ku jiro dadka dhaawacmay,intaas waxaa dheer, bambooyinka ayaa lala beegsaday Waddooyin aaggaas laga dhisayay. Waqooyiga Mecha, duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay…

Read More

Ethiopian government has imported drones from China, Iran, Israel, Turkey, and the United Arab Emirates. Bahirdar, Ethiopia – On the morning of October 14, 2024, the Ethiopian government carried out drone and helicopter airstrikes near Bahir Dar, targeting civilians in the Southern Achefere and Northern Mecha areas of the Amhara region. Starting at approximately 8:30 AM, the attacks left significant damage to civilian establishments, marking a continuation of the escalating violence in the region. In Southern Achefere, bombs dropped from helicopters struck a primary school, causing destruction and civilian casualties. Local sources confirmed that one child was among the injured.…

Read More

Safiirka UK ee Somaliya iyo MW Jubaland waxay kuwada hadleen khadka Taleefoonka. Arimaha ay iska dhaafsadeen,waxaa ugu hilnaa Shirka Madasha iyo Qodobada JL ka Biyo diiday. JL,waxay usheegtay Safiirka in ay samaynayaan waxa Dastuurka JL u ogol yahay,isla markaana aysan ka talaabsan karin,taasoo la macna ah in ay Doorasho galayaan Bisha Nov. Sidoo kale,waxaa qorshaysnaa in wefti ka socda Midowga Yurub ay Maanta gaaraan Kismaayo,wayse baaqdeen,waxaana wararku sheegayaan in ay beri tagayaan ama ay dhici karto in la joojiyo Safarkaas. Safaraadaha BC,ayaa intooda badan isku raacay in DG qabsadaan Doorashooyinkooda,isla markaana Xasan Sh.joojiyo deg-dega. Wakiilada BC,waxaa usocday maalmahan kulamo ay…

Read More

Xasan Sh iyo kooxdiisa,waxay isku dayayaan in ay Beri War soo saaraan,iyagoo inkiri doona maqnaanshaha JL,isla markaana PL udiri doona fariin ay ku leeyihiin kasoo qaybgala Shirka. MW KG Laftagareen,ayay xoguhu sheegayaan in uu maalmahanba diidanaa JL oo ka maqan Shirka in War murtiyeed laga soo saaro. Xasan weli,waa quusan la’ayahay,waana isa sii miidaaminayaa oo markan JL,ayuu rabaa in uu dagaal lagalo,sida xoguhu sheegayaan.

Read More

Wasiirka difaaca Israel Yoa Gallant,ayaa sheegtay in ay casharo ka baranayaan weearkii Xisbullah ee Axadii kaas oo ay ku dhinteen Afar Askari. Wuxuu booqasho ku tagay Goobtii la weeraray oo ah meel u dhow Binyamina, una jirta 33-KM Magaalada koonfurta ee Xayfa. “Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay xoogga saarayaan dadaallo lagu sameynayo xal wax looga qabanayo khatarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Ciidamada Israel,waxay sheegeen in ay duqeeyeen 200 oo Goobood oo Xisbullah ku leedahay Lubnaan. Dhinaca Qasa, IDF waxay sheegeen in ay Ciribtireen…

Read More

Muqdisho, Isniin, 14 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad…

Read More

Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay Gantaallo casri ah oo difaaca Cirka ah iyo Ciidamo Mareykana ah ay u direyso Israa’iil. Madaxweyne Joe Biden,ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Israa’iil. Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israa’iil, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee Gobolka. Waxaa jira oo kale xogo sheegaya in Ruushku siiyay Iran Gantaalo khatar ah iyo Hub kale,sidaana Mareykanku udadajinayo Gantaaladan Difaaca…

Read More

The representative of the Secretary General of the United Nations in Somalia SRSG James Swan met today the President of JL Ahmed Madobe in Kismayo. The agenda of the meeting discussed the National Consultative Conference (NCC) which the Jubaland administration withdrew few days ago. The administration of Jubaland shared with the UN representative views on the Elections and Review of the Constitution of the country. Amb Swan, conveyed the need to return to the Conference and resolve the differences within the Conference, but President Ahmed insisted that he will not return to Mogadishu, and that he is doing what the…

Read More

Ethiopia’s black market exchange rate for the US dollar has reached a critical milestone, crossing the 140 birr mark. This widening gap between the black market and the official rates presents serious challenges for the country’s economy, businesses, and consumers. As of mid-October 2024, while the official National Bank of Ethiopia (NBE) rate stands at 116.97 birr per dollar, the informal market has surged to 140 birr, reflecting an alarming divergence. The 140 Birr Milestone: A Tipping Point The significant rise in the black market rate, now standing at 140 birr per dollar, marks a crucial tipping point in Ethiopia’s…

Read More

Kooxda Xasan,waxaa uqorshaysan hadii ilaa Isniinta dadaalladan guulaysan waayaan in ay sii daayaan Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka oo aysan qayb ka ahayn JL. Qodobada ay sii dayn doonaan,ayay xoguhu sheegayaan in ay ku jiraan……. B.In DG-yadu qabsan karaan Doorashooyinkooda Nov kadib markii la tixgeliyay Dastuuradooda. T.In Labadii Gudi ee heer Fadaraal iyo heer DG dib loogu hawlgalo. J.In Oktoobar 25-keeda 2025 lawada qabto Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. Xasan,waa isdaadraacinayaa markii uu usocon waayay isku daygii hore,waxa uuna samaysanayaa isku day Labaad oo dhigaya in wax lagu sheegay Doorasho Golayaal Deegaan lagu qabto dhawr Magaalo Sanadka danbe,kadibna uu dalbado mudo kororsi uu…

Read More

Swan,waa tagay Kismaayo,isagoo wada fariintii aragtida Xasan ee ahayd Shirka kusoo laabta. JL,waxay ugudbisay aragtideeda iyo in ay ilaalsanayso Sharciyadeeda Dastuur. Si kale hadii loo yiraahdo JL in aysan ku laabanayn Xamar,ayaa Swan loo xaqiijiyay oo ay ku dhaqaaqayso waxa Sharcigu u ogol yahay. Waxaa xusid mudan in soo jeedinta Swan aysan ahayn cadaadis oo kaliya ay ku koobnayd aragti isdhaafsasho. Swan xiligii F&F ,waa isdiidanaayeen PL& JL,markale,hadana,waxaa muuqata in ay kala leexanayaan,isaga iyo Labada Maamul. Sidoo kale Berri,waxaa kusoo Aadan Kismaayo wefti ka socda Midowga Yurub oo isla fariintan oo kale sida.

Read More

Waxaan halkan ku caddeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga, talo-maroorsi iyo gabood-fallo ka hor imaanaya hannaanka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad, Dastuurka Qaranka, iyo xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare. Sidaas darteed, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in warqadda uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo summadeedu tahay GAS/B-11/17/24, kuna taariikhaysan 12/10/2024, aysan lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan. Halkan ka akhriso:- .

Read More

Gudoomiyihii ONLF,waa ka goostay Itoobiya oo waxuu galay Dowladaha dariska ah,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah. Sidoo kale Qalbidhagax oo ay wax isla og yihiin,waxa uu aaday Muqdisho. Xogtu,waxay sheegaysaa in ONLF dib iskugu diyaarinayso dagaal ay la gasho Itoobiya Laba sababood awgood…… 1.Abiy oo aan fulin,waxay ku heshiiyeen. 2.Maamulka Abiy oo aad udiciifay ayna jiraan fursado waa weyn oo laga faa’idaysan karo xilligan. Masar iyo Eretereya,ayay xoguhu sheegayaan in ay siinayaan taageero Mileteri iyo mid Dhaqaale,isla markaana ay Somaliya ka samaysan doonto ONLF Saldhigyo. Waa loolan cusub oo Maamulka Abiy soo wajahay oo ay adag tahay in uu ka…

Read More

“Waa Difaacaynaa Somaliya Xoriyadeeda”.Ayuu yiri Sisi. Macnaha hadalkaas,waa….. “Waa Difaacanaynaa danahayaga”. Masar ma Difaacayso Dhul iyo Dan Somaliyed,isla markaana jaangoynteeda Siyaasadeed ee Dibada kuma dhisna Diin iyo Sinji. Muhiimadeeda 1-Aad iyo teeda 100-Aad,waa danteeda oo ah Maanta Biyaha Webiga Niil. Itoobiya,waxay Biyo xireen saamayn yeeshay ka samaysatay Webiga Niil oo Shacabka Masar ku tiirsan yihiin. Biyaha Webiga Niil,waxay ku jiraan Qodobada Amniga Qaranka Masar. Isku danaysi,waa imaan karaa lkn,waa in uu isu dheelitiran yahay. JQ.

Read More

Cabdi Xaashi ma’ahan,waxa Saalax dilaya Siyaasiyan ee waa Kooxda Villa-da fadhida ee Xasan. Saalax,waxay ku dhibsadeen hor istaagidiisii samaynta RW xigeen 2-Aad. Haatan,waxay rabaan in ay Magacaabaan RW xigeen 2-Aad oo kasoo jeeda KG ugu danbayn Nov. Waxay go’aansadeen in ay Saalax ka saaraan Siyaasada oo waxay u arkeen Nin aysan la Shaqaysan karin,waxayna kaloo ka qaadi doonaan Jagada RW ku xigeenka dhawaan. Waa suuroobi wayday in la ansixiyo Xubintii badali lahayd oo waa lagu kala qaybsamay,balse sida la filayo Villa-da rabitaankeeda,ayaa Shaqayn doona ugu danbayn. JQ.

Read More

Nidaam si fiican u abaabulan,ayaa noo dhisan. Horumarka Deegaan ee PL Somaliya meel sare,ayuu kaga jiraa. PL Amni ahaan,Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba meel wanaagsan ayay wax umarayaan. PL 30-ka Sano ee soo socota in ay leedahay Amnigeeda,Siyaasadeeda iyo Dhaqaalaheeda gaarka ah,ayaa muhiim ah,sababtoo ah Somalidu uma bisla in ay wada dhisato nidaam ay wada leedahay oo Xukunku wadaag yahay oo la wada dugsan karo. Ugu yaraan 30-Sano oo danbe Somaliya sida ay hada tahay,waa kusii jiraysaa oo Dowlad dhiska luudayaa,waa sii soconayaa,waana mid aan ugu sii baahanahay in ay PL gaar usii leedahay Amni,Siyaasad iyo Dhaqaale,iyadoo Qayb ka ah…

Read More

Millatariga Lubnanayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga…

Read More

Maanta oo kale,waxaa mudnaanta leh in la xuso Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo oo ahaa hindisihii Calanka. 1954-tii kala Doorashadii Calamada lasoo bandhigay,ayaa lagu qaatay Calanka Buluuga ah ee Xidigta 5-ta Gees leh dhexda kuwata. Calanka Buluuga ah,weli,waa astaanta Qaranka iyo Dugsashada Sinjiga Somaliga ah si walba oo uu xaalku adag yahay. 64-Sano kadib Xoriyadii Somalidu Gobanimo kuma noola,waxaana tusaale u ah Ninkii Calanka ku astaysnaa in uu ku Geeriyooday Qurbe uu gabaad ka raadiyay. Calankeenoow Cawaale,waxa uu ku dhashay Mudug,waxa uuna ku Geeriyooday Canada. Isku soo wada duuboo jiritaanka Qaran mideeya Somalida,weli,waa muhiim.

Read More

Afhayeenka Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi,ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jamaac uu lumiyay Kursigiisii Aqalka Sare. Cabdi Xaashi,ayaa sheegay innuu Saalax ku waayay XilkiisavSenatarnimo,sababo la xiriira in uu soo xaadiri waayay Afar fadhi oo baarlamaanka Aqalkiis sare ah. Ibraahim Ciidle Suleymaan, oo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa ku farisanaya Kursigii Golaha ee uu banneeyay” Saalax. Sida Warar hoose sheegayaan,waxaa jira khilaaf Siyaasadeed oo udhaxeeya Afhayernka Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo RW xigeenka Saalax oo sababay in uu Kursiga lumiyo. Halkan ka akhriso Qoraalka Aqalka-Sare”-

Read More

Israa’iil ayaa Diyaarisay Aargoosi Ka Dhan Ah Iraan siday ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo . Wasiirka difaaca Israa’iil galant ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talo-galay u dhacaya . Wuxuuna intaa ku daray in Iran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhici doonaan, laakiin ay arki doonaan Keliya natiijada. Madaxweyne biden ayaa Israa’iil u ogoladay inay Iran ku qaadi karto weerar aargoosi ah,Lknse aanay beegsan Goobaha Nuclearka iyo ceelasha shidaalka ee Iran,siday qortay Jerusalam Post . W/D”-Cabdirisaaq Jubba. Faahfaahin Dheeri ah . https://youtu.be/YoKc4526V8s

Read More

The tripartite meeting hosted by Eritrea’s President for his counterparts of Egypt and Somalia was to show a united front position against PM Abiya Ahmed’s overreaching political and security ambitions. The United States, Turkey and other western powers share frustration on Abiya’s aggressive agendas within Ethiopia and the Horn of Africa putting risk to uncontrollable conflicts. Reports from that meeting say that President Sisi has delivered to Somalia military assets and will continue to arm both Somalia and Eritrea to stand against Ethiopia. Egyptian navy are expected to patrol Somalia’s Red Sea corridor to prevent Ethiopian intervention. On the other…

Read More

Xisbullah ayaa isu diyaarinaysa dagaal muddo dheer qaata Koonfurta dalka Lubnaan kaddib markii Israa’iil ay leysay hoggaankii sare ee ururka. Xisbullah,ayaa yeelatay hoggaan cusub oo Milatari si uu u sii wado Gantaalada ay ku ridayaan gudaha Israa’iil iyo dagaalka dhulka ee ka socda Koonfurta Lubnaan, sida labo ilo wareed oo arintan aad ula socda ay u sheegeen wakaaladda warrarka ee Reuters. Ururka Xisbullah,ayaa dib u dhac weyni ku yimid Sedexdii Todobaad ee la soo dhaafay, markaas oo inta badan hoggaan keedii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka geystay Koonfurta Caasimada Bayruut,waxana ugu weynaa hoggaanka la khaarajiyay Xasan Nasrullah. Kooxdan Iran…

Read More

Dadka degan Gobolka Florida,ayaa qiimeynaya burburka ka dhashay duufaanta Milton, taasi oo kicisay roobab xooggan iyo daadad ka dhashay duufaano iyo koronto la’aan baahsan markii ay soo gaartay xeebta. Duufaanta,ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo uu dheer yahay khasaare hantiyeed oo Lixaad leh. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VTfcaM9tI1U?si=JYlEdSASgOrR-qjn

Read More

Xamse Xataa Naftiisa ma matalo,waxa uuna uyaqaan Xasan Macallinkiisii. Jagada uu ku fadhiyo,waa mid Siyaasadeed oo matalaad ah,isla markaana wadata Shaqo Dastuuriya. Xasan,waa Ciilqabe Qabiil oo aaminsan in Beesha uu ka dhashay ay gaarto Guulo ugaar ah oo ay ka dhex samayso Somalida. Wuxuu dhibsanayaa Dastuur iyo Nidaam ay hormuud ka ahaayeen hirgelintiisa Beel kale oo aan tiisa ahayn in lagu hago Dowladnimada Somaliya. Aragtida Talyihiisa Nabadsugida,ayuu aaminsan yahay ee ah (1991,Beeshayadaa adkaatay),waa fahan khaldan oo koox Beesha Xasan kasoo jeeda ay iska dhaadhicisay. Balse Beeshu soo gelideedii 91-dii Xamar oo ahayd Caasiimadii Wadanka,waxay ugu badashay Magaalo Qabiil gaar ah…

Read More

Ujeedka kulanku,waa fariin loo dirayo Abiy oo oranaysa (Kulligayagu,waa kuu midaysanahay). Fariintan in la diro,waxaa fasaxay Maraykanka oo si weyn uga niyad jabay hogaaminta Abiy ee toobiya. Warar,kulankaas laga helayo,ayaa sheegaya in MW Masar soo gaarsiiyay Somaliya Maraakiib dagaal oo Itoobiya leedahay in ay joogaan Badda Somaliya oo ay dhawaan tagi doonaan Berbera. Kulankan,waxay Somalidu ka faa’idaysaa cadaadis saarida Abiy in ay sii xoojiso. Dhanka kale Masar,waxay keenaysaa Xamar Markab kale oo Hub ah,iyadoo tababaraysa ku dhawaad 200 oo ah Askartii Madaafiicda ah. Hubka Masar keenayso iyo tababarada ay bixinayso,waxay kusoo aadayaan xilli Somaliya aysan lahayn Ciidan Qaran,waxaana walwalka ugu…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Qasa waxay sheegtay in tirada lagu dilay Qasa ay dhaaftay 42,000 oo Qof. Qaramada Midoobay,ayaa xogtan u aragta mid laysku haleyn karo. Wasaaradda kalama soocin rayidka iyo kooxaha hubeysan. Dhowr jeer oo hore ayey sheegtay in dadka ugu badan ee geeriyooday ay yihiin Haween iyo Carruur. Dhinaca kale,Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee Falatsiin l,ayaa sheegay in ugu yaraan 400,000 ay ku xaniban yihiin waqooyiga dagaalka dartiis. Philippe Lazzarini wuxuu sheegay in dad badan lagu qasbay in ay ka baxaan xerada qaxootiga Jabaliya kaddib markii Israel ay soo saarto amaro halkaas looga baxayo. Wuxuu intaas ku daray in sahayada…

Read More

Buug cusub oo uu qoray Bob Woodward oo ahaa wariyihii wax ka sameeyay baaritaanka fadeexadii Watergate ayaa sheegay in Donald Trump uu si qarsoodi ah ugu diray mashiinada lagu baraao Covid 19 madaxweyne Putin si shaqsiyan u isticmaalo mar sahaydu ka yaraatay. Ololaha Madaxweyne Donald Trump way beeniyeen eedaas loo jeediyay. Buugga oo cinwaan looga dhigay ‘Dagaal’ waxaa sidoo kale ku jira waxyaabo ka hadlaya in Donald Trump uu si qarsoodi ah ula xiriiri jiray Putin ilaa iyo markii uu ka tagay xafiiska sida ay soo xigteen warbaahinta Mareykanka. Donald Trump wuxuu sheegay in ay yihiin waxyaabo aan run aheyn…

Read More

Saraakiisha Caafimaadka Falastiiniyiinta,ayaa Arbacada maanta ah sheegay in duqaymo habeen hore ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga iyo blBartamaha Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 18-Qof. Weerarkii ugu dambeeyey,ayaa yimid ayada oo dagaalka Marinka Qasa uu Sanad jirsaday, kuna dhinteen in ka badan 40.000 oo Qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Caafimaadka Qasa oo Xamaas ay maamusho. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GuBBq9Wiz2A?si=AGiOB49QacnaNs1v

Read More

Waxaa jira cadaadis,dadaal iyo baayac la rabo in Axmed lagu soo celiyo Xamar iyo Shirka B&K Wadanka. Dadaalka iyo baayaca,waxaa wada Xasan Sh oo toos ula xiriiraya Axmed,isla markaana Gacmo kalana adeegsanaya. Cadaadiska,waxaa wada BC oo ay QM ugu horayso,waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan dhex-dhexaadin. Ujeedka BC,waa in aan lakala tagin oo khilaafka Wadanka ka jira sii xoogaysan oo intii wada socotay aysan sii kala tagin. Wefti ka socda BC oo uu hogaaminayo Swan,ayaa tagi doona Kismaayo si ay Axmed ula kulmaan. Ilaa iyo hada dadaalka iyo baayactanka Xasan,wax waa ka badali waayeen Axmed,balse cadaadiska BC,ayaa lawada eegayaa saamaynta…

Read More

Jabuti,ayaa ka shakiday loolanka Badda ee Xasan Itoobiya  kula jiro in uusan daacad ka ahayn. Jabuti,waxay haysaa xogo lagu kalsoonaan Karo oo ah in Xasan loolankiisa Itoobiya ee Badda aysan dhab ka ahayn oo uu jiro qorshe uqarsoon. Tuhunka Jabuti,waa mid sii xoojinaya midkii ay qabeen Dad badan oo Somalida waxgaradkeeda ah. Sida soo ifbaxaysa Xasan iyo Ismaaciil,waa kala shakiyeen. Inta badan Xasan,waa danayste tiisu kala weyn tahay danta Qaranka oo muhiimad siiya Lacagta. Su’aashu,waxay tahay… Yaa aaminaya Xasan hadii Jabuti aamini wayday? JQ.

Read More

Sannad kaddib markii uu billowday dagaalka Qasa, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Israel Isniinti Shalay is weydaarteen Madaafiic cusub. Xisbullah,ayaa Gantaallo ku duqeysay Magaalada Saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi. Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa. Millatariga Israel ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israel Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen…

Read More

Alleyle Xasan meeshii la rabayayuu kusoo dhacay… 1.Dastuur ku falaadidii waa kakac. 2.Doorasho diyaarsashadii waa kakac. 3.Dagaalkii argagixisada,waa kakac. Sadex Sano,waxa uu kasoo Shaqaynayay,waa Hal Bacaad lagu lisay. Saakay,waxay kusoo ururtay Sanad Doorasho oo haray iyo taladii oo Dhulka taala. Kusoo dhawoow waaqiciga iyo waxay PL 3-Sano ka hor kaaga digtay. Farmaajo,wixii uu isku dubaritay Xabad baa looga kala daadiyay balse Xasan Hadal,ayaa looga riday. Markaad talo xun tahay,oo Cuno jeceshahay oo Qabyaaladuna kugu xoog badan tahay sida Xasan,ayaad ceeboobaysaa. Waxa uu awooday… B.In uu Wadanka mideeyo. T.Argagixisada wadajir loola diriro. J.Ciidan Qaran lawada dhisto. X.Dhaqaalaha la midaysto. Kadibna haduu…

Read More

Si rasmi ah,ayuu ufashilmay Shirkii K&B ee Xasan Shiikh. MW JL oo Shalay dib ugu laabtay Kusmaayo,ayaa sababtay fadhilka Shirka oo markii horaba PL ka maqnayd. Axmed Madoobe,waxa uu ku dooday Laba Qodob oo kala ah… 1.PL,waa in la helaa ka hor intaan Doorasho Qof iyo Cod ah la aadin. 2.In uusan haysan Mudo xileed usaamixi kara gaarista go’aano masiiriya,maadaama  Sanadkii ku darsiga ah ee uu siiyay Baarlamaanka JL uu ku eg yahay Bisha Nov Sanadkan. Qorshihii Xasan,ayaa sidaa ku fashilmay oo kala daatay. Dad badan,ayaa qabay Xasan sidaan si ka wanaagsan in uuuhogaamin karay Wadanka. Sidoo kale si ka…

Read More

LATEST ON TIGRAY TPLF FACTIONS. 1) The TPLF faction led by Debretsion to have “removed President @reda_getachew his post as interim President of Tigray region. 2) The Tigray IRA, led by @reda_getachew, calls it an “official coup declaration” and pledges legal action against TPLF faction of Debretsion. 3) The Tigray Security Forces state “We will not allow anarchy, and we will not remain silent.” Getachew Reda, Tigray’s interim president, and his section of the TPLF, including General Tsadkan, are closely allied with Ethiopian PM Abiy Ahmed’s Prosperity Party (PP), while TPLF chairman Debretsion believes that the delegates he sent to…

Read More

Talaabooyinkan lagu samaynayo Sadex Iskuul Technical-ah oo kala ah…. 1.Iskuul Beeraha ah. 2.Iskuul Xoolaha ah. 3.Iskuul Kalluumaysiga ah. Tani,waxay wax ka taraysaa Shaqo abuurka iyo in la helo xirfadlayaal. Waxay kaloo,jihaynaysaa aragtida PL isku filnaata oo uqumta danaheeda gaarka ah kana hormarisa wax walba. Maamulka Deni,waxaa laga rabaa in ay Bulshada jiheeyaan oo usameeyaan Rajo iyo hiigsi una soo bandhigaan 10-ka Sano ee socota sida Wadanka ay la rabaan in uu u ekaado. Muhiimadu,waa in Maamulku diyaariyo Mashaariic waa weyn oo Bulshada la wadaago,kadibna hirgelintooda loo hawlgalo. In Bulshadu Deegaamadeeda ku nagaato,waxaa fure u ah in Nolol looga sameeyo. 30-ka…

Read More

“James Swan si khaldan, ayuu u fahmay sawirka dhabta ah ee siyaasadda ee Soomaaliya, xog khaldan ayuuna siiyey Golaha Ammaanka, marwalba waxa wanaagsan aragti isku dhiili-tiran”,Ayuu yiri Wasiir Juxaa. Waa loo baahnaa in la PL ka hadasho warbixintii Swan siiyay fadhigii QM ee ku saabsanayd Somaliya. Swan,waxa uu si khaldan ugu talax tagay Dastuurka iyo Qodobada Xasan ku falaaday ee aan laysku raacsanayn. Ma ahayn in uu ku daro warbixinta uu ka bixinayo Somaliya Qodobo Dastuur oo aan laysla ogolayn. Inkastoo warbixintiisa uu kusoo afmeeray,wax walba,waa in ay noqdaan wax heshiis lagu yahay,hadana Dastuur lagu falaaday in uu soo hadal…

Read More

It is highly important to get the operations against Daish and Alshabab in Galgala mountains to take are approached with carful consideration including organizing IC partners and local commumities to win the war. Countries with experience should be consulted to receive necessary resources including aerial support. Operations in this difficult terrain should be planned with a winning strategy. Both the United States and the United Arab Emirates have provided financial and logistical support for PL in the past. Their role will be indispensable to defeat the terrorist groups who are suffocating PL’s commercial hub Boosaaso. Without a doubt, the growing…

Read More

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israel duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan ka soo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax,hoos ka…

Read More

Muuqaal naadir ah oo ka soo muuqday qolka xogta lagu kala qaato ee Aqalka Cad, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxaa uu Jimcihii ku sheegay in Israa’iil aysan weli go’aansan sida ay uga jawaabeyso weerarkii sawaariikhda ahaa ee ay qaadday Tehraan, wuxuuna ku boorriyey Israa’iil in aysan beegsan bartilmaameedyada saliidda Iran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Biden https://youtu.be/__gpRg13crY?si=HQbLghVfPBRQ6pXd

Read More

Waa muhiim in loo helo hawlgalka lagu qaadayo argagixisada Labada Buurood Agab kala duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Drons ah. Sidoo kale hawlgalkaas,waa in uu helaa diyaar garow sare oo uu ku socon karo mudo gaaraysa 6-bilood oo xiriir ah. Maraykanka iyo Imaaraadka,waa Dowladaha ka taageeraya PL hawlgalkan oo ku bixinaya Dhaqaale,Qalab iyo Saad. Si gaar ah Imaaraadku,waxa uu PL siinayaa Diyaaradaha Drons-ka ah oo wax duuba,kuwaasoo muhiim u ah dagaalka. Maraykanku,marka laga soo tago in uu diyaariyay qorshe uu kula hawlgalayo Ciidamada PL oo fariisin KMG ah uga samaysanayo Garoonka Bosaso,hadana,waxaa jira Dhaqaale toos ah oo uu siinayo…

Read More

Bosaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga . Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .…

Read More

Bosaso: 05 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn…

Read More

PL Jaamacadaheeda iyo horumarkeeda,ayay ku mashquulsan tahay oo waa ka gudubtay wakhti ku lumintii Somali weyn Qaran ah. Badalka Dowlad dhis Somaliyed,waxaan gelinaynaa Dowlad dhis PL oo yoolkeedu yahay isku filnaansho dhan walba ah. Ku milanka Koonfur,waxay nagu ahayd,waxaanan ka fiirsan oo qiiro Somalinimo na gelisay,waxayna ahayd khalad weyn oo aan galay dib in aan ugu aqoonsano Caasimad Xamar oo aan weliba horkacno Dowladnimo lagu cesho. Maanta meel fiican ayay noo maraysaa,waxaana haysanaa Maamul noo dhismay iyo fursado waa weyn. Shaqada ugu horaysa,waa in aan kala miirno PL iyo Koonfur oo aanan Qayb ka noqon DG-yada Magaca ah iyo Maamulka…

Read More

Waxaan tacsi tiiraanya leh ka diraya geerida naxdinta leh ee ku timi walaalkey, saaxibkey Cabdirahman Cabdulle Cismaan ( Shuke), Allaha u naxariiste, oo Jimcaha maanta Oct 4,2024, ku geeriyoday magaalada Nairobi dalka Kenya. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaya xaaskisi Hawa Aden Camey, qoyska rer Abdulle Othman, ehelada kale iyo asxaabtiisi tirada badan, dadka rer Puntland iyo rer Somalia oo dhan. Ilaahey ha ka samir siiyo, isaga na dembigisa Allaha dhaafo oo Jannadi Firdowsa ha geeyo. Aamiin yaa Allaah. Abdirahman-Shuke AUN waxa uu ahaa aqoonyahay iyo siyaasi ruugcadaa ah ee cimrigiisi oo dhan u adeegayay dadka Somalia. Wuxu ka mid…

Read More

K&B Somaliya,waxaa weli ka dhex socda dood kusii siqaysa khilaaf oo ku aadan Doorashada. Xasan oo ah Madaxweynaha K&B,waxa uu ku adkaysanayaa oo ka samayn la’a yahay tanaasul Doorasho Qof iyo Cod ah baan qaban karnaa. Dowlad Goboleedyada KG,Hir-Shabelle iyo Galmudug,waxay ku raacsan yihiin aragtida Xasan Shiikh. JL,waxay weli taagan tahay halkeedii oo waxay ku doodaysaa Doorasho Qof iyo Cod ah ma dhici karto Laba Qodob awgood….. 1.PL oo maqan aawadeed,,waxay Doorashadan sii kala diraysaa Wadanka. 2.Nabad diidka oo aan laga xorayn Dhulka suurtagal mahan Doorasho Cod iyo Cod ah. Villa Somaliya iyo cadaadiska Axmed? Si Axmed Madoobe cadaadis loo…

Read More

Dooda Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta.. Doodda XSM: 1. Hal sano oo loo kordhiyo DG. 2. ⁠Afar bilood oo lagu ansixiyo sharciga Doorashooyinka iyo Xisbiyada. 3. ⁠Doorashada oo loo qabto Bartamaha iyo Koofurta Somaliya. (Waxaa ku raacay Qoor Qoor, Guudlawe, Madaale iyo Laftagareen) Doodda Axmed Madoobe: 1. DG Dastuurkooda, Baarlamankooda iyo Xukuumadaha aan talada la wadaagno. 2. ⁠Doorashada waxaa ka muhiimsan Midnimada Dalka,mana ahan suurto gal in aan ka tashano PL. Waa in la raadiyaa. 3. ⁠Doorashada waxaan u arkaa in la qabto tan Madaxweynayaasha ilaa iyo bisha November. 4. ⁠Kaddibna Doorashada 4-ta DG iyo tan PL aan isku geyno…

Read More

Axmed Madoobe ma diidana Sanadka ku darsiga ah,balse,waxa uu khaldayaa Laba Dowladood oo kala ah……. 1.Kenya oo kula soo ballantay in uu qabto Doorashada oo uusan raacin qorshaha Xasan,sababtoo ah Kenyanka,waxaa muhiimad uleh JL. 2.Imaaraadka oo kula soo ballamay in uusan raacin qorshaha Xasan oo uu qabsado Doorashada,sababtoo ah Imaaraadka iyo Xasan,waa kala dhaqaaqeen. Axmed oo cadaadiska Kenya iyo Imaaraadka iyo qancinta Xasan isqabadsiintooda la jahwareersan,ayaa hindisay Doodan ah… 1.PL Shirka ha timaado. 2 Khaatumo xal haloo helo. Ujeedka Axmed,waa….. B.In uu Shirka geliyo buuq oo haday umarto sidaa ku tago,isagoo isku muujinaya hogaamiye qiyam ku dagaalamay oo masiirka Daarood…

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa xariga ka jaray wejiga Labaad ee Wadada Laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso, oo la dhameystiray 3.5KM, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay wejiga Saddexaad ee wadadan oo dhan 2.4KM. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari, Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha Wadada jidka 30-ka ee Boosaaso. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay. Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha…

Read More

Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso,waxay Xarun ku meelgaar ah ka heli doonaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Xaruntaas,waxay ka hagi doonaan Duqaymaha iyo la socodka awooda Argagixisada Labada Buurood. Taliska Africom Qaybta ka hawlgalaysa Garoonka Bosaso,waa Ciidan gaar ah loo agaasimay weerarada Argagixisada. Ciidankaas,waxa uu ku hubaysan yahay Maraakiib dagaal oo Badda ah iyo Ciidanka gaar ka ah ee Cirka. Sidoo kale,waxaa Qayb ka ah hogaamo kale oo Dowladda PL kala shaqayn doona Sirdoonka iyo howlgelinta Dhulka. Dhanka PL,waxaa xogta iyo Sirdoonka la hawlgalaya Hay’ada Sirdoonka PL ee PISA,halka Dhulka iyo hawlgallada gaarka ah ay la hawlgalayaan Urur Madaxtooyada ah oo si…

Read More

Wada xaajood hoose oo socday,ayaa lagu dhameeyay intii badnayd khilaafka hogaanka PSF iyo Madaxtooyada. Waxa kaliya ee harsan,waa la kulanka Agaasimaha PSF Maxamuud Diyaano ee Madaxweynaha. PSF,waxay ka qaybgalaan howlgalka baaxada leh ee wiiqida awooda Daacish,waxayna toos ugu biirayaan Shaqada. 15-Gawaarida Gaashaman ah iyo 200-Askari,ayaa loo qoondeeyay in ay hawlaglka kaga mid noqdaan.

Read More

Waa 6-Qodob ujeedka Safarka MW ee Xarunta Ganacsiga PL Bosaso….. 1.Abaabulka Ciidamada Dowladda iyo Dadka deegaanka si loogu midoobo hawlgalka la dagaallanka Daacish. 2.La kulanka Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso. 3. La kulanka Ciimada Midowga Yurub oo uu kula kulmi doona dusha sare ee Maraakiibta dagaalka ee EU,waxaana kulan gaar ah la qaadanaya Qaybta Ciidanka ee EUCUP Somaliya. 4.Xarig jarka Dekada 5.Xalinta khilaafka PSF. 6.Kulamada Dadweynaha. Ugu badnaan 10 Beri,ayuu joogi doonaa oo dib,waxa uu ugu soo laaban doonaa Garowe Caasimada Siyaasada Dowlada PL oo uu ka furmi doono Kalfadhiga Baarlamaanka 15-ka Oktoobar. J

Read More

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo,ayaa Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo u doortay Maxamed Cabdirisaaq Daacad. Duqa cusub,ayaa haatan ahaa Gudoomiyaha Xaafada Yameyska. Sidoo kala waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dhagacade. Dadka yaqaan,waxay ku tilmaamaan in uu yahay Nin firfircoon oo aragti fiican. Gaalkacyo,waxay la’adahay hogaan DH haga oo muujiya waxqabad ilaa iyo hada.

Read More

Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen. Dalka Denmark, laba qarax,ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen. Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho Socdaalka Madaxweynaha,ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More