Author: Jibril Qoobey.

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.    Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.   “Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi…

Read More

Magaalada Boosaaso kulan ay maanta ku yeesheen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga.   Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan.   Dawlada iyo Ganacsatada kulanka yeeshay ayaa isku afgartay qodobo ay ka mid yihiin:- A.In dowlada ay qaadan doonto lacagaha Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwa cusub, lagana tagayo kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah. B.In halkii dollar aan laga badin karin…

Read More

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa guriga martida ee magaalada Kismaayo maanta kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka ciidamada Mareeykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. David J.Fumess.   Kulanka oo diiradda lagu saarayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxa ciidamada badda Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday howlgalka AMISOM.   Gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka waxaa ku sugan Ciidamo Mareeykan ah oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay iyagu tababarteen, kuwaa oo howlgallo…

Read More

Dowlada Soomaaliya ayaa ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shirkaddo gaar loo leeyahay oo wada shaqeyn la leh heyadaha iyo ciidamada dowlada. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle 29-kii bishii hore oo loo diray dhamaan heyadaha dowladda Somalia, laguna wargeliyey Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka ah loo leeyahay laga bilaabo 31 July oo ah bishii dhamaatay. Halkan hoose ka akhriso:-

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.  Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda. Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada. Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada. Xubnaha kale ee…

Read More

Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare.  Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas…

Read More

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya 3-di Agoosto, 2017.   Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.   Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa…

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.   Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee,…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu horayn hambalyo u diray dhammaan shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland darteed ayaa sidoo kale xasuusiyey shacabka Puntland in asaaskii Puntland ay jiraan muwaadiniin usoo halgamay, ujeed kooduna ahaa sidii Puntland u dhismi lahayd uguna talaabsan lahayd horumar, isla markaana u keeni lahayd qaranimo Soomaaliyeed oo Mid ah. “Waa Sanadguuradii 19-aad ee asaaskii Puntland, waxaan rabaa in aan xasuusnaano inaan leenahay dad asaasayaal ah, waxaan ilaahay ka baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto oo janadii ka waraabiyo inta noolna aan u duceyno inay wanaag ay ku noolaadaan, sidoo kale Puntland jiritaankeeda…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maaanta 02 August 2017 xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoona Madaxweynuhu digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn . ‘’ In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa…

Read More

Xoogaa dad ah oo ubadan barakacayaasha Koonfurta Somaliya ka yimid,gaar ahaan kuwa miisaska loo yaqaan waratada wax ku iibsada iyo Baalashlayaal qiyaastiina gaaraya ilaa Kontomeeyo qof oo lasoo abaabulay ayaa si nabad ah ku maray mid ka mid ah wadooyinka dhexmara suuqa Bosaso,iyagoo ku qaylinaya erayo lid ku ah sicir bararka iyo diidmada shilin Somaliga.   ”Dolar maaha lacagteenu, dooni meyno dhiig miirad iyo erayo kale”ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka tirada yar ee banaanka usoo baxay.   Waxaa goor dhaw la filayaa in uu Bosaso gaaro Madaxweyne Gaas,isagoo kula kulmi doona halkaas wafti ka socda DP…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu ku began tahay 01 August 2017 ugu Hambalyeeyey Shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland 1-dii August 1998. Xafladda lagu xusayey maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, saraakiilka tirsan Madaxtooyada Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, masuuliyiin ka socdey urruradda…

Read More

DAMIIRKII TAHRIIBAY Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib Waxaa xanuun joogta ah ku haya garaad dheerta  somaaliyeed iyo inta dareemaysa xanuunka tahriibta dhalinta soomaaliyeed ee sanadkasta iyo bil kasta ku halaagsamaya kuna qaraqmaya badaha si ay u tagaan yurub oo loogu warbixiyey in ay halkaas barwaaqo ka buuxdo, laakiin waxaa iyana xanuun dheeraad ah leh oo mudan in inbadan xooga la saaro inta kale ee damiirkii, dadnimadii, soomaalinimadii iyo wadaninimadiiba ay ka duushay oo ku sifoobay damiir laawe Maxaan ula jeedaa damiirkii tarhiibay? Hadba falcelinta bulsho ee shay ama ficil…

Read More

Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in hawlgal lagu dilay madaxii ururka Al-Shabab uqaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen. Afhayeen u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in weerarkaasi oo dhacay Axaddii lagu dilay Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Cali Jabal. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalkaas,hoos ka dhagayso codka wasiirka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta. “Waxaan halkaan uga…

Read More

Madaxwaynaha dawlada Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ka dhagax dhigay Xarunta Akadimiyada Afka Soomaaliga taas oo horay madaxwayne Gaas ugu balan qaaday in Puntland laga hirgalin doono.   Dhagax Dhiga Xarunta ayaa waxaa kala qayb galay Madaxwaynaha xubno kamid ah golaha wasiirada,xildhibaano iyo maamulka gobolka kan degmada Garowe iyo marti sharaf kale iyagoo dhamaan halkaasi ka sheegay sida ay waxtar ugu leedahay Bulshada Puntland.   Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay xarunta noqonayso meel lagu ilaaliyo Afka Soomaaliga iyo Buugaagta Qoralka ee lagu qorayo Afka Hooyo.   Gaas…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda dawlada Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay dawlada Puntland sanadkii 1998-dii.   Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.   “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeele mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.  Wareegtadaan ayaa lagu shaaciyay Munaasabad kooban oo uu ka qeyb galay Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynaha Hir-shabeele taasoo ka dhacday magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan. Munaasabadda lagu magacaabay degmooyinkaan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan maamulka Hir-shabeele,kan Gobolka hiiraan,qeybhaha bulshada, Saraalkiil ka socotay UN-ka. Degmooyinka la magacaabay ayaa kala ah  Halgan, Ceel-cali iyo Far-libaax  seddexdaan degmo ee maanta uu magacaabay Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka dhigaya degmooyinka Gobolka Hiiraan Siddeed degmo.…

Read More

Warar goor dhow naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dawlada jubaland,ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay meel maqaayada ah oo dadku ay ku qaxweeyaan.   Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo qasaare xoog leh ayaa ka dhashay qaraxa,balse ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo.   Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo.   Ciidama ammaanka iyo mas’uuliyiin katirsan Jubbaland ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray.   Laosoco wararkayaga danbe iyo waxii war ah…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic ay u soo magacaabeen Soomaaliya.   Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,   Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Czech Republic u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj.   Jamhuuriyadda Czech ayaa muddo dheer wax safiir ah u joogin Soomaaliya, waxaana Safiirkan uu noqonayaa kii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawdo muddo 30 sano.   Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay…

Read More

Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.   Kulammo ay wafdiga la yeesheen madaxda India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran.   Kulamada labada dhinac socday ayaa ugu danbayntii waxay labada Wasiir ku kala Saxiixeen heshiis,kaasoo gogol xaar u noqonaya in maxaabiista Somalida ee ku xiran xabsiyada dalka india marka…

Read More

Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo. Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale. Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna  meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto. Sidoo kale Madaxweynaha…

Read More

Muxuu daaran yahay Cabaadka Feysal Cali Waraabe ?? Feysal oo aynu ku naqaano  shaqsi maangaab ah oo aan laheyn garasho fog ayna madax martay caadhifad qabiil ayaa waayadan dambe ku mashquulay wax ka sheega Maamulkeena suuban,isagoo iloowsan waxa uu hadal hayo inuu yahay dal kale oo horrumar ku tallaabsaday,halka ay S.N.M.ku fashilantay iney maareeyso shacabkeeda. Kolka aan u soo noqono cabaadkiisa iyo waxa uu ku andacoonayo waa waxba kama jiraan (False accusation), oo  waa laga dhex-hadlayaa,waxaana ka dhex hadlaya dhagarqabayaashii S.N.M. ee uu madaxda uu yahay odaygan asaasaqay ee Siilaanyo, oo xusuustii iyo garashadiiba ka tagtay ee aan labo…

Read More

Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dagaalkii shalay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka AMISOM, gaar ahaan qeybta Uganda ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo khasaare kala duwan geystay.   Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Degaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buulo Mareer, kadib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid Degaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer.   Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi looga dilay 12 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda…

Read More

Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.   Kulanka oo ka soconaya Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Baashi C/llahi Cabdi wariyaha Warbaahinta Qaranaka u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya uu soo sheegayo in uu kulanku yahay mid looga Arinsanaayo Amaanka Dalka.   Ujeedad kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaan Caasimadda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray Mareykanka inay 755 ka dhimaan shaqaalahooda diblomaasiyeed, isaga oo uga jawaabaya cunaqabateenta Mareykanka uu saaray Ruushka, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameeyeen doorashadii madaxweyne ee Mareykanka. Putin ayaa taleefishin laga leeyahay Ruushka u sheegay in dowladdiisa ay qaadi karto tallaabooyin dheeri ah oo ay uga aargudaneyso Mareykanka, balse “taasi uu kasoo horjeedo illaa iyo hadda”. Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa amarka Putin ku qeexday “mid laga shallaayo, oo aan loo qiil dayin”, waxaana ay sheegtay inay qiimeyneyso sidi ay uga jawaabi lahayd. Congress-ka Mareykanka ayaa khamiistii ansixiyey cunaqabateenta cusub ee Ruushka la…

Read More

Qadar ayaa ku gacan seyrtay dalabka waddamada carbeed ee horey xiriirka ugu jaray dalkaasi. Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani. Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa ay lid ku yihiin shuruucda caalamiga ah, waddamada xayiraadahaasi soo rogayna ay diidan yihiin in ay arrintaasi qiraan. Sucuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa waxa ay doonaya in Qadar ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadkii loo soo jeediyay ka hor inta aysan wax wada hadal ah la furin waddamadani.

Read More

Magaalada Hargaysa oo maalmo ka hor laga furay kaniisad ay leeyihiin Masiixiyiinta aaminsan madahabta Kaatoliga,ayaa waxaa ka hadlay arintaas Wasiirka Diinta iyo Awqaafta. Wasiirka oo ka hadlayay arintaas ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan,isla markaana ay tahay wax caadiya in masiixiyiinta degan Soamliland ama u dhashay ay helaan goob ay cibaadadooda ku gutaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/g6eP0FNuB18

Read More

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu wixii hada ka dambeeya shaqeyn doono 6-da subaxnimo illaa 10-ka habeenimo. “Waxaa rabnaa inaan idinla socodsiino in garoonka uu shaqo bilaabay habeenkii, kaddib markii aan sameynay nalal ifiya dhabaha ay diyaaraddda ku orodo”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay shirkadaha Isgaarsiinta in Anteenooyinkooda ku yaala degmooyinka Wadajir, Waabari, Hodan, Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Wardhiigle inay ku xiraan nalalka calaamadaha, si diyaaradaha u ogaadaana meelaha ay anteenooyinka ay suran yihiin xilliga habeenkii,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  ku qaabilay Madaxtooyada Garoowe  wafdi uu hogaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda SSF ee Bariga iyo bartaha Qaaradda Africa Mr. Gareth O’ Hagan.  Kulanka  ayaa waxaa Cabdiweli Maxamed Cal  ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xidhiidha mashaariida horumarineed ee ay hay’addu ka fuliyaan  guud ahaan degaanadda Puntland. C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland  ayaa ugu horayn Xafiiskiisa kusoo dhoweeyey waftigani, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey hawl-wadeenada hay’addani mashariicaha wax tarka leh ee ay ka hirgeliyaan Puntland ha ahaadeen kuwo hore loo qabtay…

Read More

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey shir looga hadlayey sidi ay ciidamada Dowlada Soomaaliya ugala wareegi lahaayeen kuwa Amisom mas,uuliyadda amaanka dalka. Shirkan oo socday muddo shan cisha ah, ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka mid ah Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo Taliska AMISOM. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashid Cabdullahi Maxamed. ayaa ka waramay  muhiimadda shirkan uu leeyahay.hoos ka dhagayso codka faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka faahfaahsan.

Read More

Maleeshiyada ururka Al-Shabab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday kolonyo ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Buula Mareer. Weerarkan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn tuulada Golweyn, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaadhay labada dhinac. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dileen 39 askari oo kuwa AMISOM ah, hase yeeshee saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in ugu yaraan 11 askari oo midkood Soomaali yahay ay dhinteen,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid warqada codsiga ee ka timid Wasiir Xoosh, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada, Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in cod la geliyo codsiga Wasiirka ah, waxaana cod qarsoodi ah oo loo qaaday waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, halka 77 Xildhibaan ay diideen. Intii lagu dhawaaqayay natiijada codka ayaa waxaa ka dhashay kulanka buuq iyo Xildhibaano dhex martay inay is tuuraan, kaddib markii Guddoomiye Jawaari uu mid ka mid ah…

Read More

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama. Qaraxa ayaa dhacay, xilli wadada mashquul aheyd, gaarigana uu marayay wadada, agagaarka Saldhiga Degmada Waaberi. Goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen meydadka illaa lix ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo qaarna wadada marayay, halka kuwa kalena ay saarnaayeen gaadiid. Sidoo kale illaa tobaneeyo ruux oo kale ayaa iyana ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama. Dhowr Gaadiid oo wadada marayay ayaa ku bur buray qaraxa, halka kuwa kalena ay waxyeelo soo gaartay. Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa nuuca ay…

Read More

Sida uu qortay Website ku hadlay afka Kirishtanka oo lagu magacaabo Catholic World Report ayaa xaqiijiyey in Baadari Giorgio Bertin oo ah baadariga Dalka Jabuuti iyo waliba Maamulaha qaabilsan Magaalada Muqdisho uu Magaalada hargeysa ka daah furay Kaniisada the Church of St. Anthony of Padua waana kaniisada kaliya ee Soomaaliya ka furan, 27 sano kadib sida ay sheegeen. Qoraalka Wargayska oo ay cinwaan uga dhigeen “Bulsho yar oo Kaathoolig ah ayaa Soomaaliya keenay iftiinka rajada”. Kaniisad yar oo aan ka furnay Hargeysa waqooyiga Soomaaliya ayaa ah chapter cusub oo Soomaalida yar ee Masiixiga ah uga furmay wadanka dagaaladu aafeeyeen, hoygana u ah Alshabaab iyo…

Read More

Ra’isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo  sarakiil ka tirsan ciidanka  ayaa booqasho ugu   ugu tagay  qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.  Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira  golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka. “Ra’iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa…

Read More

Shaqaaqo ayaa xalay ka dhacday magaalada Gaalkacayo taasi oo ka dhalatay fagaare ay bandhig faneed ka dhigaysay fannaanada Fartuun Birimo. Dhowr qof ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kadib makrii ay rasaas fureen ilaalada goobta oo ay iska horyimaadeen wadaaddo doonayey in bandhigga la joojiyo. Fartuun Axmed Sahal ayaa maalmahan joogtay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Koonfureed ee Baraxley,waxayna xalay ku qabatay halkaas barnaamij bandhig faneed ah oo keenay khasaarahan dhaawaca ah,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka khasaaraha

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u magacaabay xoghayihiisa Amniga gudaha John Kelly inuu noqdo madaxa Shaqaalaha Aqalka Cad, kadib marki xilkaasi laga qaaday Reince Priebus. Go,aankan ayuu madaxweyne Trump ku iclaamiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxyar kadib marki uu kasoo laabtay munaasabad uu kaga qeybgalay gobolka New York. Reince Priebus, oo horay madax uga soo noqday Guddiga Qaran ee Jamhuuriga ayaa muddooyinkba bartilmaameed u ahaa hadalo la isla dhaxmarayey oo sheegayayey inuu qarka u saaranyahay inuu waayo shaqadiisa. Waxaa ugu danbeyey hadal uu agaasimaha cusub ee Warfaafinta Aqalka Cad uu si aanan gabasha lehen ugu duray Mr. Priebus…

Read More

Ninka qofka ku dilay toorayda lixda kalena ku dhaawacay tukaanka ku yaal magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa boolisku sheegeen in uu ahaa “Islaami xag jir ah”. “Wuxu ahaa nin Islaami xag jir ah laakiin jihaadka uma heellanayn” ayuu yidhi af-hayeenka booliska Andy Grote, waxaanu farta ku fiiqay in ninkan weerarka qaaday uu qabay “xanuunnada nafsaaniga ah”. Ninkan weerarka qaaday ayaa la sheegay in loo diiday magangelyadii uu dalbaday, waxaanu u dhashay dalka Imaaradka Carabta. Jimcihii ayaanu dad macmiila oo tukaankaa wax ka iibsanayey la dhex qaaday toorray. Boolisku waxay sheegeen in uu falkaa keli ku haa oo markii dambena…

Read More

Tilmaamaha Hoggaaminta Wanaagsan Dabeecadaha wanaagsan waxaa ka mid ah jacaylka, naxariista, degganaanshaha, daacadnimada, iwm. Dhanka kale dabeecadaha cudurrada faafa ee sunta ah oo kala ah: nacaybka, khaa’innimada, aarsashada, iwm, ayaa ku faafa bulshada. Sidaas darteed hoggaamiyayaasha iyo ciddii daneenaysa in ay noqoto waa in naftooda aqoon wannaagsan u leeyihiin. Dadku hufnaan ma aamminsanyahay? Hoggaamiyayaashuse ballanqaadyadooda iyo heshiishyada ay galaan ma fuliyaan mise kuriga kolka ay ku fadhiistaan mowqifkooda ayay beddelaan? Si caddaalad leh ma u fuliyaan oo wax sax ah ma ku hawlgalaan? Dadku wuxuu jecelyahay ciddii ay aamminsanyihiin, wuxuu necebyahay ciddii aysan aamminsannayn. Waxaa madaxda, sida dhacda, aamminsanyihiin in…

Read More

Baarlamaanka puntland oo ku guda jira kala fadhigiisii 39 oo Maanta sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 29/7/2017 ,waxuu ku an sixiyey afar degmo oo dhowaan madaxweyne gaas wareegto ugu magacaabay in ay noqdaan Degmooyin buuxa.   Degmooyinka maanta Baarlamaanka ansixiayy oo gaaraya Aafar ayaa waxay kala yihiin:-     1.Dhudhub   2.Bursalax   3.Shaxda   4.Xumbeys       Golaha Baarlamaanka oo ay fadhiyeen 45-Xildhibaan ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ogolaad 39-Xildhiban,waxaana diiday 1-Xildhibaan,iyadoo ay ka aamuseen Afar-Xildhibaan,sidaa ayayna ku noqdeen ansax.   Magacaabida degmooyinkan iyo ansixinta golaha Wakiilada ee maanta,ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay Bulshada…

Read More

Magaalada Hargaysa waxaa dib looga furay Kaniisada madhabta kaatoliga ee Diinta Kiristiyaanka.   Dib u furida kaniisadan waxaa fasaxay oo ogolaaday masuuliyiinta maamulka Somaliland.   Maariya Feejiyoo oo ah haweenayda hawsha dib u furida kaniisada waday ayaa sheegtay iyadoo ka qaybgalaysay shirweyne ay kula hadlaysay dhalinyarada Hargaysa in dib u furida kaniisada ay mahadeeda leedahay Dawlada Somaliland oo noo ogolaatay ayay tiri markii ay fahantay in dalnimadoodu ku xiran tahay.   Kaniisadan ayaa xirnayd mudo ka badan Sodon sano dib ufurideeduna waxay ka dhigan tahay in bulshada Kiristiyaanka ah ay qayb muhiim ah oo muuqata ka yihiin bulsha weynta Somaliland.…

Read More

Maxaa iskabeddeli kara? Marka la kordhiyo tirada Gollaha Shacabka Puntland. (Maanta Hindisaha Mudug, waxaa ka horyimid Nugaal, sidoo kale, Shallay hindisaha Nugaal waxaa ka horyimid Karkaar, Khillaafkii Farolle iyo dhexmaray Cadde Muse (AHN) mid lamid ah ayaa ka dhaxeeya Farolle iyo Cabdiweli Gaas). Waxaan idiin soo bandhigayaa Siyaasadii lagu jaangooyey tirada Gollaha Shacabka Puntland, iyo sida loogu shaqeysto ama looga Faa’iideysto Codka (Vote).(siyaasada la Isma barro). (Caddaalad daro, khiyaamo) #Conspirecy. Xildhibaanadu waxay ku kala adag yihiin Cod. Sidaa awgeed, Xubin kasta waxa uu leeyahay Koox, isku lid ah, ama isku dan ah, Waa la qeybiyey (Divide and Rule), waa iskooxeysi joogta…

Read More

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabi’inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah. Saddex sharci-dejiye oo jamhuuri ah oo kala ah John McCain oo laga soo doorto Arizona, Lisa Murkowski oo laga soo doorto Alaska iyo Susan Collins oo laga soo doorto Maine, ayaa ku biiray xubnaha dimoqraaidga, si ay sharciga ugu diidaan cod ah 49-51. Madaxweyne Donald Trump ayaa barta twitter-ka waxyar kadib weerar ku qaaday xubnaha Jamhuuriga ee la saftay dimoqraadiga. “Saddex Jamhuuri ah iyo 48 dimoqraadi ah ayaa dhulka dhigay dadka Mareykanka. Sida…

Read More