Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa ka mamnuucday ra’iisul wasaare Nawaz Shariif inuu xafiis dadweyne qabto, kuna amartay inuu si deg deg ah isku casilo. Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxyar kadib xukunka maxkamadda ku dhawaaqay in Shariif uu aqbalay go’aanka maxkamadda, islamarkaana uu ka tagay xafiiska. Maxkamadda ayaa Shariif ku heshay inuu hanti badan dibedda ku urursaday, qariyey, islamarkaana u noolaa si ka baxsan awoodiisa dhaqaale. Guddiga maxkamadda oo ka kooban shan garsoore ayaa gebigood isku raacay xukunka maanta, waxayna ugu baaqeen mas’uuliyiinta la dagaalanka musuq maasuqa in ay baaritaan ku sameeyeen gabadha Nawaz…
Author: Jibril Qoobey.
Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen weerar gaadmo ah oo dhexmaray ciidanada militariga dalkaasi iyo kooxaha Argigixisada ee Boko Haram Gelinkii dambe ee Khamiistii. Afhayeen u hadlay Jaamacadda MaidGuri ee Waqooyiga Nigeria ayaa sheegey in uu arkay dhimashada ilaa 5 qof oo kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya wax soo saarka Saliida. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayadoo ay u badan yihiin dad shacab ah oo ku sugnaa magaaladaMaidGuuri oo ah halka uu weerarkaasi ka dhacay, Dowladda Nigeria ayaa sheegtey in laga guuleystay Koxda Boko Haram. Ciidamada…
War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyaya waxyaabaha loo doortay gabadhaasi Soomaaliyeed oo ay ka guuleysatay tartamayaal badan. Waxaa lagu sheegey qoraalkan in Munira Khalif oo ah Gabar Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Mareykanaka ay ku guuleysatay in ay xil ka qabato hay’adda Q. M. u qaabilsan Barnaamijka Youth Observer to United Nations oo ah horumarinta dhalinyarada ee UNA_USA oo la aas aasy sanadkii 2012kii si Dhalinyaradu ay uga qeybgalaan arrimaha Caalamiga ah. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan…
Guddoomiyaha, Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in Bandiga uu ku howlan yahay soo daa bicista lacag cusub oo shilin Soomaali ah, taas oo wax looga qaban doono lacagaha been abuurka ah ee dhibaatada ku haysa suuqyada wadanka. “Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir. Guddoomiye Bashiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in laamaha…
Maalintii Talaada ee la soo dhaafay ayaa magaalada Fargo ee Gobolka North Decotta ee dalkan Mareykanka haweeney Mareykan ah oo cadaan ah, oo 42 jir ah, lagu magacaabo, Amber Hensley, waxey hadallo Islam naceyb ah ku weerartay una sheegtay inay dileyso sadex gabdhood oo Somali ah, xilli ay ku jireen gaarigooda oo yaala halka baabuurta la dhigto ee Dukaanka weyn ee Walmart loo yaqaan. Gabdhahan ayaa kamerada taleefankooda ku duubay hadaladii haweeneydan oo ay ka mid ahaayeen waxaan ahay Americaan,dhamaantiin Muslimiinta waan idin dileynaa aada wadankiinna iyo kuwo kale. Waxaana fidowyga uu qabsaday baraha Bulshada,hoos ka dhagayso codka gabdhaha. …
Dadka falastiniyiinta ayaa dib ugu laabtay misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa oo aysan muddo laba todobaad ah ku tukan . Dadka muslimiinta ee misaajidka ku cibaadaysanayay ayaa si raxraxan ah u soo galiyay misaajidka ka dib markii hogaamiyayaasha muslimiinta ay qaadeen qaadacaad ahayd in aan misaajidka lagu tukan. Muslimiinta ayaa waxa ay horey u diideen in ay misaajidka ku tukadaan tan iyo inta ay Israa’iil ka qaadayso halkaasi qalab wax loogu baaro oo ay ku rakibtay. Israa’iil ayaa soo rogtay tillaabooyiinkan ammaanka ka dib markii lab ka mid ah askarteeda lagu dilay meel u dhaw misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa.…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey. Sidoo kale Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD. Danjiraha Cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana cadeeyey sida ay uga go’antahay in Xukuumadda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha mudnaanta sare u…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/boyO8l9lAak
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/RTRMiNwPeIU
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in howl-gal wada jir ah oo ay sameeyeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah lagu soo qabtay nin lagu tuhmaayo in uu ka tirsanaa kooxda al-Shabaab, kaas oo ay AFRICOM ku sheegeen in uu ahaa fududeeye Shabaabka u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada. Ninka la xirey oo lagu magacaabo C/risaaq Xuseen Tahliil, ayaa laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo, waxana uu hore u deganaa dalkan Mareykanka. Jamaal Axmed Cismaan oo ka tirsan laanta Afka Somaliga ee VOA,ayaa warbixintan isku soo soo duba ridey,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan…
Guddi baarayaal ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen inay ka masuul ahaayeen weerarkii bishii March ka dhacay xeebaha Yemen ee lagu dilay muhaajiriinta Soomaalida ah. Warbixintan oo aan weli la shaacin, oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaan si cad u sheegin dalalka sida gaarka ah masuulka uga ahaa weerarkan. Warbixintan ayaa waxaa qortay wakaaladda Wararka Reuters ayaa waxaa ka waraystay Jaamac Ismaaciil Nuur oo bartay Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kuna sugan London wariye Ismaaciil farjar oo ka tirsan laanta aafka Somaliga ee VOA. …
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda F. Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa galabta magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya Amino. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal. Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski…
Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka Qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka. Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid). Taliye Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada. Kormeerka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8ReGo58Ma5k
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 July 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo. Kulankani ayaa waxa ay guddigu Madaxweynaha uga xog-bixiyeen xogo ku saabsan meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu. Xubnaha Giddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ee Madaxweynaha layeeshay kulanka ayaa waxa ay Madaxweynaha u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka,…
Qasriga Madaxtooyadda Dawladda Puntland ayaa maanta 27 July 2017 lagu dhaariyey xubin katirsan guddiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magacaabay. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) oo ah xubinta maanta loo dhaariyey xilkaasi ayaa waxaa munaasibada dhaarinta goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe), waaxaana uu kula dardarmay inuu xilkan loo igmaday siday tahay uga soo dhalaalo uguna shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo shaqadiisa wax yeelaynaya. Sidoo kale Madaxweynaha…
Baarlamaanka Dawladda Puntland oo ku guda jira kal fadhigoodii 39aad ayaa maanta waxay ansixiyeen labo heshiis oo muhiim ahaa,Golaha oo ay maanta fadhiyeen 51-Xildhibaan ayaa codka ”HAA waxaa siiyay heshiisyadaas 50-Xildhibaan halka 1-Xildhibaana Codka diidmada ah ku yato’ay,heshiisyada maanta ay sii daayeen Golaha Baarlamanaka Puntland ayaa kala:- 1. Heshiis kii balaarinta iyo dhisidda Dekedda Bossaso. waxaana fulinaya shirkadda DPWorld oo Emirate ka laga leeyahay 2. Heshiis kii dhisidda Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo Jidka Garowe- Ayl. Waxaana fulinaya Shirkadda CCECC oo Shinaha laga leeyahay. Heshiisyadan ayaa muhiim u ah Puntland haday u hirgalaan sida la sheegay,waxayna kor uqaadi…
Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’. Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilkacase Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray ‘Igu Sawir’. Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin ku saabsan gabar lagu magacaabo Faa’iso Cabdullaahi, xidigle ciidamada xoogga dalka ka tirsan oo dhaawac soo gaaray ku curyaantay, kadibna madaxda dowladda ay…
Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Maxamed Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa shalay waraaqihiisa aqoonsiga guddoonsiiyay xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa Antonio Guterres, Wariye Jaamcac Buulle Jaamc oo ka tirsan Laanta Aafka Somaliga ee VOA ayaa uga warramay arrimo badan oo magacaabistiisa la xiriira,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Safiirka
Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan. Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha…
Wararka ku saabsan shaqaaqadan ayaa sheegaya in askar dhawr ah ay ku dhinteen iska-horimaad dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya. Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, is rasaasaynta ayaa waxa ay ka dhacday isgoyska Tiyaatarka Qaranka kadib markii ciidamada illaalada madaxtooyada ay is hortaageen ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Caasimadda oo doonayay in ay gudbaan bar koontarool. “5 askari oo uu midkood sargaal yahay ayaa ku dhintay, dhawr kalana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana jiray iska-horimaadyo kala duwan oo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda” ayuu yiri wariyaheena. Maanta oo kaliya dhawr…
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kaga qaybgalay munaasabad wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay abaalmarin ku gudoon siineysey 10kii arday ee sanadkaan ugu sareeyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda wasaaradda, maamulayaal, arday, waalidiin, ehelka ardayda iyo qaar kamid ah bulshada kunool Garoowe, waxaana wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Awyuusuf Ciise uu ardayda ugu hambalyeeyey kaalmaha ay galeen isagoona sheegay inay siiyeen waxbarasho dalka dibaddiisa ah oo lacag la’aan ah. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo soo xiray xafladda ayaa bogaadiy wasaaradda waxbarashad,…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 July 2017 xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Xafladda Xadhig Jarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Guddomiyaha golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Dr. Cabdirahmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahano, iyo qaar kamida bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe. …
Caaqil Abdirahmaan Diiriye Qoorad oo ku magac dheer Shuuqe oo maantay ay golaha Baarlamaanka Puntland ansixeyeen kadib markii dhawaan uu Madaxwayne Gaas u magacaabay xubin ka mid ah gudiga Dimuquradiyenta Puntland. Waxaa Codka siiyay Caaqilka dhamaan xubnihii madasha fadhiyay oo dhamaa 47-Xildhibaan ,iyadoo uu shir gudoominayay Golaha gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland C/xamiid Sh.C/salaan,hoos ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7WEoKJPUb4Q
Farolle, Waa Fududaadey. Hadalkiisuna Waa damac siyaasadeed, Ismuujin iyo dirir dhaawac Ku ah Odeynimadiisa. Awood Qeybsiga Punt-land waa Qabiil lagu Saleeyey Gobol, ee Maaha Goboleysi. Issimadu Waa Awooda ugu Sareysa (Stakeholders-ka) Puntland. Jaawaabta waxaa Iska leh Issimada. 66 = Devil Number, Farolle = Devil Advocate. Aaran -Jaan = Devil Sons. Farolle, Waa Xil-dhibaan Federal ah, wuxuu si toos ah ula dirirey Wasiirka dastuurka DF, abdi-hosh Jibriil (leylkase), Isagoo u sharaxan Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka DF. Misna, wuxuu ka horyimid Tabashadii beesha Leylkase, isagoo ka seexday shaqadii loo wakiishay ee arrimaha federalka iyo Puntland, madaxtooyada garowe, wuxuu ka…
Waxaa Maanta inoo soo xirmay qaybtii 1aad ee Barnaamij kii Madasha Bandhigga waxqabadka xukuumadda ee asbuucaan inoo ka socdey xarunta Shirarka ee Jaamacadda Bariga Africa faraca ay ku leedahay caasimadda Puntland. Hoos ka akhri wasaaradaha waxqabadkooda soo bandhigay. Axad 23/7/2017 —————- •W/Caafimaadka •W/Waxbarashada iyo Tacliinta sare •W/Beeraha iyo waraabka Isniin 24/7/2017 —————- •W/ Deegaanka iyo Duurjoogta •W/ Ganacsiga iyo warshada •W/ Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska Talaado 25/7/2017. ——————- •W/ Dekedaha •W/Arrimaha gudaha •W/ Xanaanadda xoolaha •W/ Dastuurka iyo arrimaha federalka Arbaca 26/7/2017 —————— •W/ kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda •W/ Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah •W/…
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa si adag uga hor yimid tabashada beesha Tanade ee ku aadan in loo furo Dastuurka si loogu kordhiyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay ku doodayaan in ay ku dulman yihiin. Madaxweyne faroole ayaa yiri”Dastuurka Puntland qabiil kuma dhisna ee Deegaan ayuu ku dhisan yahay,odoyaasha lasoo lugeeyay ee halkan layskugu keenay waxaan leeyahay waxba idinkama galin Dastuurkan xiligiinina lama gaarin Baarlamaan ayaad usoo dhisateen ee suga oo udaaya shaqadiisa. Dastuurka Puntland waxba lagama bedeli karo Lagumana Xad Gudbikaro,Isimada Puntland waxaan usheegayaa Waqtigiinii Lama Gaarin Halsano iyo Bar ayaa idiin Haray Waqtigii La idiin Iman lahaa Dawlada hada…
WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qabashada Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), oo ahaa Madaxa Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al shabaab ee gobolka Mudug. Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka “Pentagon”, ayaa u sheegay CNN in Tahliil, lagu soo qabtey Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dalkaasi iyo Militariga Somalia Axadii lasoo dhaafay. Dhanka kale, Saraakiisha Pentagon-ka, ayaa tilmaamay in ninka lagu qabtey howlgalka Gaalkacyo, uu dhawaan u safar ku tagey Mareykanka, islamarkaana ay baarayaan inuu haysto dhalashada dalkaasi. Qabashada Tahliil ayaa waxa uu Mareykanka ku tilmaamay mid muhiim ah, oo dhabar-jab…
Sida uu daabacay Wargeyska Alleastafrica.com Safiirka Somaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa la sheegay in uusan yeelan doonin wax xasaanad ah maadaama uu isticmalaayo baasaboorka Maraykanka kadib markii dawladda Maraykanku ay ka hor timid in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga aan dal-ku-gal lagu dhufan karin marba haddii uu safiirku haysto dhalasho maraykan ah. Wargeyska ayaa sheegay in Denjire Abuukar Baale oo haatan ku sugan dalka mareykanka islamarkaana ah muwaadin haysta dhalashada dalkaas in uu ka walwalsan yahay arinkaan kusoo kordhay ee ku aadan in uusan laheyn wax xasaanad ah. Dhanka kale Wargeyska ayaa qoray in sidoo kale ay arintan saamaysay…
Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay kulanka u dhaxeeyo masuuliyiinta ugu sareyso dalka iyo madaxda AMISOM oo ka socda Xarunta Xalane ayaa waxa uu ka sheegey in AMISOM kaalinta ay ka qaadato nabadeynta Soomaaliya Gaar ahaan Caasimada ay tahay wax aan la qarin Karin oo muuqda. Gudoomiye Taabit ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xaruma AMISOM ay ka deganyihiin muqdisho isagoo sheegay in Garoonka stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Ciidamada Jaalle Syaad ay yihiin meelaha ugu muhiimsan oo ay AMISOM deganyihiin loona baahanyahay in ay ka guuraan oo ay xarumo kale degaan maadama ay yihiin xarumo dowladeed…
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay aargudan doonto, si ay uga jawaabto cunaqabateynta cusub ee Mareykanka uu saaray, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii madaxweyne ee Mareykanka. Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa talaadadii ansixiyey sharci ballaarinaya awoodda congress-ka ay lu leeyihiin inay faro-gelin ku sameeyaan, haddii madaxweyne Trump uu isku dayo inuu cunaqabateynta ka qafiifiyo Ruushka. Sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka, Ryabkov ayaa ka digay in cunaqabateynada cusub ay meesha ka saari doonaan fursad kasta xiriirka Moscow iyo Washington uu kusoo wanaagsanaan lahaaa. Waxa uu sidoo kale yiri in Ruushka ay goor sii…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SPdPL4jynjk
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KgvAidJwYok
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sJXba4kMGDo
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Il49mvpwGoI
Kulan wada jir ah oo ay leeyihiin saraakiisha sar sare ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Kulankan oo muddo afar maalmood ah socon doona, ayaa looga hadlayaa sidii amaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya. marka kuwa AMISOM ay ka baxaan dalka. Kulanka waxaa furay Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled iyo wakiilka gaarka ah ee midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira. Shirka waxaa waxaa wada jir u gudoominaya wasiirka difaaca Cabdirashid Cabdullahi Maxamed iyo Taliyaha ciidamada AMISOM. General Osman Noor Soubagleh. Waxaa shirka ka qeyb…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland. Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka reer Puntland, isla markaana waxa…
Cabidrisaaq Tahliin Ina Caloolgeel madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee al-Shabaab ayaa la xaqjiiiyey in la qabtey isaga iyo saddex qof oo kale, waxaana lagu qabtey meel kamid ah gobolka Mudug. Ninkan ayaa kamid ahaa kuwii lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen dagaaladii dhex-marey Galmudug iyo Puntland, dilal aad u badan oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo iyo weliba qaraxii suuqa Dayax ee Gaalkacyo,hoos akd aawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Wr1UaYuEByM
Wasaarada Dstuurka iyo arimaha fadaraalka ayaa uguurtay xarun cusub oo ay ku shaqaynayso. Xarunta cusub ee Wsaaaradu uguurtay ayaa ah xaruntii hore ee Wasaarada haweenka Puntland ay ku shaqayn jirtay. Wasaaradaha Puntland ayaa intooda badan hada ku shaqeeya xrumo iyagu leeyihiin. Dhanka kale madaxweyne xigeenka Puntland Eng Camey ayaa daahfuray tababar lagu baranayo fahanka nidaamka Fadaraalaka ah. Puntland ayaa ah hooyada Fadaraalka Somaliya,waxyna intabadan u taagan tahay ilalainta nidaamkaas iyo ka shaqaynta hirgalintiisa. Nidaamka Fadaraalka ayaa ah hab ay qaadatay Soomalaiya,kaasoo ilaa iyo hada lagu liibaanaya guulo la taaban karana lagu gaaray door muhiim ahna ka…
Majirto Deegaan Somaliya ka mid ah oo aan lahayn Gole Xukuumadeed oo hadana wax walba sidii la rabay ay u shaqaynayaan aan ka ahayn Puntland. Waa waxaan la dhayalsan karin isbadalka Puntland ka dhacay ee Baarlamaanku kalsoonidii kala laabtay guud ahaan Golihii Wasiirada,isla markaana aysan deero deero u hardin nidaamkuna sidisii u shaqaynayo. Waa muuqaal muujinaya bisaylka iyo nidaam jacaylka shacabka Puntland. Bulshada Puntland waa same jeclayaal u taagan horumar oo ay ka go’an tahay in uusan ka burburin ama dib u dhac uga dhicin nidaamka u dhisan. Waa bulsho jecel xasiloonida. Waa bulsho jecel nidaamka.…
Maalintii labaad ayaa waxaa caasimada Puntland ee Garowe ka socda barnaamij loogu magacdaray la xisaabtanka xukuumada Gaas ee Baarlamaanku maalmo ka hor kala laabtay kalsoonida. Barnaamijkan ayay Wasaaraduhu kusoo bandhigayaan waxqabadkoodii sanadkii hore,ilaa iyo hadana tiro Wasaarada ah ayaa soo bandhigay waxqabadkoodii. Qaybtii 1’aad ee Madasha Bandhigga waxqabadka xukuumadda Puntland,waxaa shalay waxqabadka koodii kusoo bandhigay wasaaradaha kala ah:- •Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare •Wasaarada Caafimaadka •Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Barnaamijkan ayaa ka socda xarunta shirarka ee jaamacadda Bariga Africa faraceeda Garowe. Maanta ayaa la filayaa sida qorshuhu yahay in uu furmo 8:00 subaxnimo Waxaana waxqabadkooda soo bandhigi…
Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas. Guddoomiyaha Degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen. Gudoomiye Cismaan ayaa sheegay in ay ufidiyeen gurmad dadkii biyuhu saameeyeen. Dawlada Puntland ayaan ilaa iyo hada ka hadlin arintan, Gudoomiyaha Degmada Caluula oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in aysan Gurmad ka ahayn dawlada dhexe ee Puntland.waxuuna ku baaqay in si…
Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ee Soomaaliya ee kala ah Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed. ayaa si adag uga hor yimid xeerkii isgaarsiinta ee dhawaan loo gudbiyay Baarlamaanka Fadaraalka. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada kismaayo oo maalmahan uu uga socday shir ku saabsan arintaas Wasiirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayay kasoo saareen Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin oo diidmo cad ah Waxaa muuqata in wasiirka Isgaarsiinta Fadaraalku wax qarsanayo,isla markaana ay ku socoto maalgalin hoose oo diidan in xeerka isgaarsiinta uu noqdo mid laga wada tashtay oo gaarsiisan heer Qaran. Xogo hoose oo ay heshay idilnews…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8FcJ8u3tlqY
Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shaqaale ka tirsanaa NGO Fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay islamarkaana ah Soomaali oo ay Al-shabaab Afduubteen 16-kii Bishaan la siidaayay ka dib markii Shabaabku ay ka qaateen Lacag Madax Furasho ah. shaqaalahan la sii daayay oo gaaraya 7 ruux ayaa afar ka mid ah waxaa ay ahaayeen dumar halka inta kale ay ahaayeen rag waxaana ay ku jireen gacanta ururka Al-shabaab tan iyo 16kii bishan. Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa u xaqiijiyay in Todobada Qof ee u shaqeynayay NGO-ga lagu Magacaabo Career…
Waxaa maalmahan muqdisho ku joogay booqasho wafti ka socda Dawlada Seychelles,iyagoo maanta la kulmay Ra’isalwasare xigeenka Dawlada Fadaraalka Soomaaliya. Waftiga ka socda Dawlada Seychelles,ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi. Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles. Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E.…
Taliyihii Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaan Taraafiko Jen, Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab) ayaa maanta xilkii uu kusii simaha u ahaa laga wareejiyay saddex bilood ka hor markii xilkaa loossii dhiibay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilka ka wareejiyay Talye Cali Gaab. Wararka ayaa sheegaya in Jen. Cali Gaab Taleefan loogu sheegay in xilkii uu ku simaha ka ahaa laga wareejiyay. Jen. Cali Gaab ayaa ahaa Ku simaha Talyaha Ciidamada Taraafikada, iyadoo uu xilkan ku sii simayay Taliye Cali Maxamed Cali oo howlo caafimaad dibadda ugu maqnaa. Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen.…
Wefti ka socda Qaramada Midoobey oo maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka aan sharciyada fadaraalka buuxin ee Galmudug,ayaa ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP. Madaxtooyada Cadaado ayay kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Agaasimaha warfaafinta Cadaado, Maxamuud Cismaan Cabdulle, ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanadaas iyo sidii ay maamulka ugu gacansiin lahaayeen barnaamijyada horumarinta. Maxamuud Cismaan, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, Cadaado,ayaa sidoo kale, sheegay saraakiishan ka socotay hey’adda Qaramada midoobay ee UNDP uu qeyb ka…
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu wadahaddallo kula leeyayay madaxda waddankaasi. Madaxweyne Erdogan ayaa horey usoo maray waddamada Sucuudiga iyo Kuwait, waxaana uu isku dayayaa inuu qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa waddamada khaliifka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/A3WOfLlO11Y
Kalfadhiga labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa. Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku farax sanyahay dhalinyaradan Soomaaliyeed uu arko wajiyadooda si uu ula qeyb-sado farxadda ay dareemayaan, maadaama ay dib ula midoobayaan ehelkii iyo dadkoodii, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhalinayaro kale oo ku dhibaataysan dunida oo dhan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii…
Jared Kushner ayaa hor tagaya guddi ka tirsan Senet-ka oo baaraya inuu ka mid yahay koox ka tirsanayd ololihii Trump oo Ruushka wax la maleegtay si Trump uu u guulaysto. Kushner wuxuu sheegay inuusan samayn xiriir aan haboonayn, oo uusan ku tiirsanayn dhaqaale Ruushka ka yimid oo lagu maalgeliyey hawlihiisa ganacsiga. Wuxuu sii daayey hadalkiisa furitaanka ka hor kulanka uu guddiga la yeelanayo. Senetka, aqalka cad iyo guddi gaar ayaa intaba baaraya faragelinta Ruushka ee doorashada. Mr Kushner oo 36 jir ah wuxuu la taliye sare u yahay madaxweynaha, wuxuuna u xil saarnaa istaraatijiyada xagga internetka ee ololihii…
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo waxaa soo afjarmay khilafakii iyo buuqii ka dhashay xilak qaadistii uu ku sameeyay wasiirka Arimaha Gudaha Fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradaas. Sida xogta sheegayso khilaafka ayaa lagu xaliyay wada xaajood hoose,iyadoo Xoghayaha xilka laga qaaday loo balan qaaday in loo magacaabi doono xil kale. Yaxye Cali Ibraahim ayaa aqbalay maanta xilka qaadsita,iankstoo uusan samayn xil wareejin buuxda oo saxaafada loosoo bandhigay hadana waxaa shaqadisii maanta si toos ah u buuxiyay C/llaahi Maxamuud Xasan Azhari Xoghayaha KMG ah ee uu sii magacaabay Wasiir Juxaa. Xilka Xoghayaha Joogtada…
Shirweynihii afraad ee Dhalinyarada Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan Wasiirka Dhalinyarada Fadaraalka iyo Wasiirada Dhalinyarada Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa maalmo kadib ka qabsoomi doona caasimada bilicda iyo amaanka badan ee Garowe. Wafti balaaran oo ay hogaaminayso wasiirka Dhalinyarada Fadaraalka Marwo Marwo Khadiijo M.Diiriye ayaa soo gaartay Garowe,waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha masuuliyiin ay ugu horeeyaan Golaha Wsaiirada,Maamulka Gobolka Nuugaal kan Degmada garowe iyo qaybaha bulshada. “ waa kulankii afraad ee wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha federaalka maama khadiijo horseed noogu ahayd sidii aanu u taabigalin lahayn doorka nooga aadan horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha guud ahaan soomaaliya”…
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa waxa uu sheegay iney Soomaaliya u diyaar-garoobeyso iney dib usoo ceshato hawadeeda islamarkaana ay diyaar u tahay iney koontaroosho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7lPhzHdnNdk
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bHREz6hIkZI
Hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa gaaray heshiis sharciyeed si aad ah u xaddidaya awoodda madaxweyne Trump ee ah inuu cunaqabateynta ka qaado Ruushka. Aqalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadadada ah uu cod u qaado hindise-sharciyeed oggolaanaya cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo xukuumadda Moscow, si loogu ciqaabo faragelinta ay ku sameysay doorashadii madaxtinnimo ee Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa hore ugu baaqay Congresska inay u oggolaadaan in xiriir diplomaasiyadeed oo xor ah uu la yeesho Ruushka. Balse Wakiillada ayaa sheegaya in heshiiska labada xisbi uu tusaale u yahay go`aanka adag ee Congresska uu ka gaaray in…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/rc60OPi3THw
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/A43QRgKFdw0
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Tuwiiterka ku eedeeyey wargeyska New York Times inuu burburiyey qorshe uu Mareykanka ku rabay inuu ku khaarejiyo hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakr al-Baghdadi. Madaxweyne Trump mu uusan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu wargeyska ku arbushay qorshaha lagu dili rabay Al Baghdadi, balse hadalkiisan ayaa yimid daqiiqado yar kadib marki uu Telefishinka Fox News uu baahiyey xog la dusiyey oo ku saabsan arrintan. Afhayeen u hadlay jariirada New York Times ayaa weydiistay aqalka cad faah-faahinta hadalka uu Trump ku daabacay boggiisa Tuwiter-ka. Mareykanka ayaa dul dhigay…