Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Wafti ka socda Dawlada Seychelles oo booqasho ku jooga muqdisho
    Somalia

    Sawiro:-Wafti ka socda Dawlada Seychelles oo booqasho ku jooga muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa maalmahan muqdisho ku joogay booqasho wafti ka socda Dawlada  Seychelles,iyagoo maanta la kulmay Ra’isalwasare xigeenka Dawlada Fadaraalka Soomaaliya.
     
    Waftiga ka socda Dawlada Seychelles,ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar​ ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.
     
    Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.
     
    Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Adv. Mahdi Ahmed Guled ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles, waxaa ayna ka wada hadleen xiriirka taariikheed iyo midka istiraatiijiyadeed ee labada dal oo ku dhisan iskaashi dhow iyo dano wadaag.
     
    Kulankani oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda H.E. Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Daahir.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.