Author: Jibril Qoobey.

Brigadier General Tefera Mamo Maanta,ayuu ka khudbeeyay hareeraha Gondar oo Gobol muhiim ah marka laga hadlayo Deegaanka Amxaarada iyo Guud ahaan Itoobiya. Waa sarkaalkii ugu daraja sarreeyay ee Amxaarada kasoo jeeda ee ka goosta Ciidanka Fadaraalka Itoobiya. 49-Cisho ka hor,ayuu ka goostay Ciidanka Milleteriga,waxa uuna durba badalay khidadii Maleeshiyada Amxaarada. 50-Bari,iyadoon la gaarin,ayuu Qaabeeyay Maleeshiyadii FANO oo ubadalay Ciidan weerar balaaran qaadi kara. Sidoo kale,waxa uu diyaariyay qorshe uu ku dhinac wado weerarada oo ah ku dhufo ka dhaqaaq (Jidgooyo ). Isbadalka uu ka muujiyay goobaha dagaalka mudada gaaban Jen.Mamo,waxay keentay Abiy in walwal xoog badan kusoo kordho oo fududaysigii…

Read More

Lix dhallinyaro oo ka mid ahaa Culumada Xerta,ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla Magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Wardheer ee Dawlad Deegaanka Somalida. Dadka Dilka geystay,ayaa baxsaday,waxa uuna Dilkan daba socdaa Aanooyin u dhaxeeya Labada Beelood ee Ibraahim iyo Ismaaciil Gumcadle oo kawada tirsan Beesha Mikaahiil ee Ogaadeen. DDSI oo isku dayay in uu colaada Labada Beelood soo afjaro,ayaysan usooroobin,waxayna haatan wararku sheegayaan in Colaada la siyaasadeeyay oo ay soo dhexgashay loolanka Kuraasta hogaaminta Deegaanka. Lixda Wadaad ee Maanta la dilay,waxay isku hayb yyihiinWasiir hore Cabdifitaax Sh.Biixi oo warar soo baxayay maalmahan ay sheegayeen in uu noqon doono MW Deegaanka.…

Read More

#Buraan, Sep 18, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalihii u dambeeyey ku sugnaa Goboladda Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta garaay Degmada Buraan ee gobalka Haylaan. Haalkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka Degmada, Odoyaasha, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyada, Ganacsatada iyo Sarakiisha ciidanka. =DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Read More

Xingalool , Sep 17,2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Ahlxmed Siciid iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Dhahar ayaa gaarey Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag. Maamulka Degmada, odoyaasha, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyada, ganacsatada iyo sarakiisha ciidanka ayaa ku soo dhaweeyey weftiga Degmada Xingalool. Ujeddada safarka ayaa salka haya u kuurgelidda xaaladda guud ee deeganka, iyagoo kulamo la yeelanaya bulshada qeybaheeda kala duwan, waxayna booqashooyin ku tegayaan xarumaha dawladda, si ay xog dhammaystiran uga helaan baahiyaha deegaanka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Sida loola dhaqmayo KG,waa yasmo iyo quursi qaawan. 1.Gudoomiyihii Baarlamaanka, waxaa loogu hanjabay isoo raac ama Cadowgaygaad tahay. 2 .MW KG,waxaa laga xirtay Hawadii iyo Caasimadii rasmiga ahayd ee Baraawe. 3.Xildhibaanadii Labada Gole ee Fadaraalka,waxaa loogu hanjabay si Qabiiliya. 4.Saraakiishii Ciidamada Laftagareen Garoonka Aadan-cade,ayaa lagu bahdilay oo waxaa ugu danbayn baryo kusii daayay Aadan Madoobe. 5.MW Laftagareen,waxaa loo jaray Warqad soo qabasha ah oo waxaa lala sugayaa marka ugu horaysa ee uu Xamar tago. Dhaqamadaas laguma samayn karo Siyaasiyiinta Beelaha kale oo ugu yaraan waxbaa la xeeriyaa. Xaqiiqdii,waa laga gardaran yahay Dadka KG ee Gobta ah,waxa lagula dhaqmayana lama aqbali…

Read More

Ninkan oo ah Xoghayaha Guud ee IGAD,sababta uu Xamar uyimid,waa Hal qorshe oo ah….. In uu ka helo Somalida Cod maadaama Doorasho jirto. Waxa uu ku gabanayo oo isku qarinayo,waa…. In uu dhexdhexaadinayo Abiy iyo Xasan. Markuu yimid Xamar,kadib,waa badalay qorshihiisii markuu arkay in uusan gadmayn,waxa uuna ubadashay mid kale oo ah… Blue Economy Center,ayaan ka hirgelinaynaa Somaliya maadaama ay leedahay mid ka mid ah Xeebaha ugu dheer Afrika. Qorshihiisa,waxaa la galbinayay Waare oo laftigiisu rabay in BC uu ka gado,waxaan wadnaa dhexdhexaadin Itoobiya iyo Somaliya. Ninkan,waa Wasiirkii Arimaha Dibada Itoobiya ee hore,wuxuuna kasoo jeeda Qowmiyada Oromada. Hadalkiisa ah”Madaxbanaanida Qaran…

Read More

“Swan,ayaa bogaadiyay hindisaha Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ee lagu daah-furay Shirweynaha Nabadda ee Galkacyo, si wax looga qabto colaadaha u dhexeeya Beelaha wada dega Gobolka”. Fariintaas,waa waxa ugu yar ee laga faa’iday kulankii Labada MW ee Deni iyo Qoor-qoor. Wuxuu muujiyay in xalka Somaliya yaalo meel kale oo aan Xamar ahayn. Wuxuu soo jiitay kulankaas indhihii Caalamka iyo Somalida,waxuuna Waji gabax ku noqday Xasan Shiikh. Mudug iyo Galgaduud Bil ka hor Xasan,wuxuu usoo raray Hub si uu u Hubeeyo Beelo gaar ah,halka Deni ku bixiyay Nabadyanta Beelaha ee Goboladaas Nus Milyan Dolar. Tani,waa qayb…

Read More

Sanduuq lagu taageerayo horumarinta Degmada Dhahar…. 1. Xildhibaannada Golaha Wakiillada: $6,600 2. Golaha Wasiirada: $5,700 3. Ciidanka Booliska: $3,000 4.Gudoomiyaha Baarlamaanka $10.000 Mashruucan horumarineed wuxuu xoogga saarayaa dhowr Qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin…. 1Dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka iyo Adeegyada kale ee Bulshada. 2. Hirgelinta qorshayaal lagu furayo Wadooyin cusub oo isku xira Degmada iyo Deegaannada kale ee Gobolka. 3. Isku tashi bulsho oo lagu hirgelinayo horumar waara. 4.Hubinta in deeqaha iyo qaaraanka bulshada loo maareeyo si hufan oo daahfuran. 5.Isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha Deegaanka. 6.Kor u qaadidda isku xirka bulshada, nabadgalyada, iyo wada…

Read More

Garoowe: 16 September 2024: Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku timi Puntland. Guddoomiye K/X ahna siihayaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa warbixin kooban safiirka kasiiyey shaqooyinka guddiga u qabsoomay iyo qorshayaasha hadda horyaala, sidoo kalena uga mahadceliyey safiirka wada shaqaynta dhow ee midowga yurub uu laleeyahay Hay’adda Doorashada. Safiirka Mrs. Karin Johannson ayaa dhinaceeda bogaadisay shaqadii wanaagsanayd ee guddigu sida hawlkarnimadaleh uga soo qabtay 36-da degmo Doorashooyinka halqof hal codka ah. Ugu danbayn kulanka oo ay goobjoog ahaayeen qaarkamida Xubnaha Guddiga iyo Xoghayaha Guud…

Read More

Todobaadka soo socda,waxaa imaanaya Puntland,Safiiradda France iyo Germany. Qodobada ugu waa weyn ee imaanshaha,Safiirada waxaa ka mid ah……. 1.Welwelka Xuutiyiinta Yeman in ay xirir la sameeyaan argagaxisada. 2.In ay Xarumo ku yeeshaan Buuraha iyo Xeebaha Puntland hadhow ay Maraakiibta ka weeraraan Xuutiyiinta. BC,waxay siinaysaa PL ,muhiimad weyn iyo tixgelin gaar ah. Maalmihii udanbeeyay,waxaa kusoo qulqulayay Safiirada BC PL.

Read More

Waxaan xaqiijanaynaa in Amiga Garoonka Diyaaradaha Bosaso yahay mid sugan oo ay diyaaraduhu koodkoodii ama Route-koodii si caadiya hawlahoodii ugu wadan karaan”. Maanta,waxaan imaan Diyaarada Daallo Airlines,waxaana saamayn ku yeeshay Email ay udirtay Dowlada Xamar. Balse Itoobiyan Airlines Todobaadkii Laba jeer ayay tagtaa Bosaso,wayna tagaysaa sida ay xaqiijisay. Daallo haday uhogaansato amarka Xamar,waxay lumin doontaa Ruqsada PL oo uleh muhiimad Ganacsi. Dhanka kale,waxaa di caadiya uyimid Garoonka Laba Diyaaradood oo kasoo degay kadibna dib uga kacay,kuwaasoo ka yimid Imaaraadka. Dowlada Xamar oo ku gabanaysa amniga Garoonka,ayaa khatar ku jira kadib hanjabaadii ka timid Ilmo Diyaano,ayaa Warqad udirtay Shirkadaha Diyaaradaha. Waa…

Read More

Waxay ku salaysnayd booqashada Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya ay ku timid Garowe….. 1.Kahortaga burcad badeeda iyo la dagaalanka argagaxisada. 2..Ilaalinta marin-biyoodka Bada Cas iyo ka hortaga kooxaha Xuutiyiinta in ay xirir la samaystaan Kooxaha xagjirka ah. 3.Balaarinta iyo Qalabaynta Xafiiska tababarada iyo ilaalada Xeebaha Midowga Yurub ee Bosaso ee Eucup oo hada tababaro siisa Ciidanka ilaalada Xeebaha. 4.Hirgelinta Mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub maalgeliyo kana fula Puntland. 5.Dowlad dhiska Somaliya sida Dastuurka iyo arrimaha Federaalka. Waxaa muuqata in BC si weyn PL ugu soo jabtay Bilihii ugu danbeeyay. Halkan ka daawo muuqaalka Wakiilka

Read More

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya,ayaa iyaduna ukeentay MW Deni casuumada ku saabsan Shir BC iyo Madaxda Somalida ku dhexmaraya Xalane. Shalay,waxaa casuumada Shirkaas oo rasmi ah ukeenay MW Deni Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Swan. MW Deni,waa aqbalay ka qaybgalka Shirkaas. Balse Xasan Shiikh,ayaa diidan in uu ka qaybgalo,waxayse ubadan tahay gu danbaynta in uu tago Xalane,sababtoo ah looma baajinayo Shirka,taasina,waxay ku noqonaysaa fashil umuujinaya in uu yahay Qaswade aan xal rabin,waxaana si buuxda uga wareegaya Siyaasada iyo maaraynteeda. Waxaa la gaaray xiligii BC soo faragelin jirtay Xaalka Wadanka oo talo weyn ku yeelan jirtay jihaynta ugu danbaysa. Xasan,waa…

Read More

Laba Qodob,ayuu daarnaa imaanshihii Garowe ee Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliya Swan… 1.In uu PL uxaqiijiyo BC in ay isla qaadatay Mashaariicda in aan la Siyaasadayn oo toos PL Qaybteeda uhesho. 2.Dowlad Dhiska iyo Doorka PL,waxa uuna waday fariin ahayd,waxaan firfircooni gelinaynaa Shaqada Xaafiiska QM,waxa uuna codsaday wada Shaqayn. Swan,waxa uu PL ku amaanay fahankeeda Dowladnimo iyo qirida doorka Xaafiiska QM ee Somaliya. Waxaa muuqata in BC siinayso PL ahmiyad gaar ah oo weyn waliba Bilihii ugu danbeeyay ay si kale ugu soo jeesteen. Halkan ka daawo muuqaalka Swan Garowe

Read More

Waxay xaqiijinayaan Saraakiil muhiim ah oo ka mid ah Ciidamada in aysan jirin wax duulaan ah oo Maamulka Deni ku qaadayo Bosaso. Dhanka kale,waxaa jira Tusaalooyin la aamini karo oo xoojinaya hadalka Saraakiisha,kuwaasoo ah sii daynta la sii daayay Wiilkii Wariyaha u ahaa Ilmo Diyaano iyo Deni oo Odoyaal utagay uxaqiijiyay in Dhaawaca ay ka dhoofsan karaan Ilmo Diyaano Garoonka oo aan sinaba loogu diidayn. Saraakiisha,ayaa usheegay Idil News in Diyaar garowga la dareemayo ku salaysan yahay Guluf Buuraha Bari lagu qaadayo kaasoo ka dhan ah argagixisada ku dhuumaalaysata. “Dhawaan MW iyo Saraakiisha Ciidanka,waxay degi doonaan Talis KMG ah oo…

Read More

Mudug Shaqo la taaban karo,ayuu ka qabtay Maamulka Madaxweyne Deni………. 1.Ciidamada Gobolka ka jooga Dowlada Mileteri iyo Boolis oo dhan 1600 Daraawiish ah+400 Boolis ah waa la abaabulay oo la dhiirigeliyay oo la canaantay,mana jirto Hub si gaar ah looga dhigayo Dadka. 2.Odoyaashii gadoodsanaa ee Imaam Cabdiwahaab M.Gurey hogaaminayay,waa lala kulmay oo la qanciyay lana kala furay iyaga iyo Siyaasiyiintii xiligii Gaas soo baxay ee aan qaangaarka ahayn. 3.Golayaashii Deegaanka Bursaalax iyo Xarfo waa la dhisay. 4.10-ka mid ah argagixisada,waa la toogtay. 5.Dhismaha Wadada Halbowlaha u ah Magaalada,waa la dhisay. 6.Qorshihii Biyo ka saarida Magaalada waa laga hawlgalay,waxaana loo hayaa…

Read More

Sadex dhaliilood,ayuu lahaa Maamulka Deni,kuwaasoo kala ahaa…. 1.Albaabada Madaxtooyada oo xirnaa. 2.Xiriirka Caalamiga ah iyo Qurba joogta oo la dayacay. 3.Argagixisada Buuraha Bari. Albaabadii Gudaha,waa la furay oo Maamulkii oo uu hogaaminayo MW Deni,ayaa kormeer ku tagay Gobolada Mudug iyo Nugaal,isagoo Bulshada Qaybaheeda kala duwan la fariistay. Xiriirka Caalamiga ah,wax la taaban Karo,ayaa laga qabtay,waxaana macno weyn lahaa kulamadii Nayrobi. Sidoo kale Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub,waxaa loo kala diray wafuud uu ugu sareeyo M.xigeenka. Argagixisada Buuraha Bari,waxaa loo qorsheeyay in Ciidan la geliyo oo Maalmo kadib Madaxweyanaha,ayaa fariisanaya Carmo,isagoo ka hogaamin doona halkaas dagaalka ka dhanka ah Nabaddiidka ah. Xasan…

Read More

Waxaa si caadiya ushaqaynaya Garoonka Diyaaradaha Bosaso kadib isku day Dowlada Xamar ay rabtay in ay ku xirto,iyadoo adeegsanaysa Gacmaha Ilmo Diyaano. Shalay,waxaa Garoonka uga baaqday Email ay udirtay Dowlada Xamar Doyaaradaha Itoobiyaan Airlines iyo Daallo Airline,inkastoo Diyaaradaha kale kasoo dageena kana dhoofeen. Balse Maanta,waxaa si caadiya uyimid Labada Diyaaradood ee Itoobiya iyo Daallo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Daallo Airline Halkan ka daawo muqaalka Itoobiya Airline

Read More

Dareenka Dadku marka uu kaa hor yimaado,waad jabaysaa sidii ku dhacday hogaamiyayaal caalamka ah oo awood badnaa. Haatan dareenka Shacabka PL 90%,waxa uu raacay Maamulka Deni waxa uuna ka hor yimid Ilmo Diyaano. Bulshada PL,ayaa ku diiday…. 1.Garoonka hala xiro. 2.Magaalada halaga qaxo. Si ka duwan sidaas ayay udhaqmi kareen oo Deni ugu soo istaagi karay Kuna furmi lahaa wadahadal. Waa la dareemi karaa culyska haysta Ilmo Diyaano ee ah in Qandaraasyadii istaageen iyo wada Shaqayntii caalamka,isla markaana Ciidankii PSF burburay Dayn fara badana lagu yeeshay. Xalku,waa in ay waaqiciga aqbalaan oo isbadbaadshaan,isla markaana Maamulka Deni waxgaradku la hadlaan. Balse…

Read More

Tirada rasmiga ah Ciidanka kasoo baxay Xerada Ilmo Diyaano ee kusoo biiray Ciidamadii hore ee PSF oo haatan lagu daray Ciidanka Badda,waa 214-Askari. Tirada Guud ee Ciidanka PSF,waxay ahaan jirtay 400-600 oo Askari. 85-Askari,waxaa lagu qiyaasay Askarta firxatay ee kala tagtay. 95-Askari horay,waxay ugu soo gashay Dowlada oo waa Ciidankii lagu abuuray PISF,haatana loo wareejiyay Ciidanka Badda. Marka lagu daro tirada soo xarootay Labadii Maalmood ee udanbeeyay,waxaa la qiyaasi karaa in Gacanta Ilmo Diyaano ay ku harsan yihiin Lixdameeyo Ciidankii hore. Waxaa xusid mudan in Ciidanka hada soo xarooday ay ubadan yihiin xirfadlayaashii Hoobiyayaasha,Gaandhariyada iyo Farsamayaqaanada. Sida ay iisheegeen Saraakiisha…

Read More

Doonta BLUE STAR,ayaa ku gubatey Xeebaha Jasiiradaha Kuuriya Muuriya ee dalka Cumaan Doraad Galab. Doonta,ayaa kasoo goosatay Dekedda Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxay kusoo socotey Dekedda magaalada Bosaso,waxayna siday Badeecado kala duwan oo gaaraya 12-Tan. 13-Shaqaalihii Doonta ah,ayaa ka badbaaday kuwaasoo lagu hayo Xabsi ku yaal Magaalo yar oo lagu Magacaabo Xakal. Ganacsatada reer Puntland,ayaa ku khasaartay Doontaas Dabku qabsaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Dabka Doonta

Read More

Waa loo baahnaa in la muujiyo awooda iyo saamaynta PL ee Sanaag oo loo diro masuuliyiinta kasoo jeeda. Waliba in lagu soo aadiyo Maalin ay Garowe usoo baxeen Garaadada Sool oo wada Wajigii Labaad qorshahoodii wajiyo badanka ahaa, balse ay ugu magac dareen (Mahadcelinta). Wa fariin reer Sanaag udirayaan Garaadada Sool oo ay ku leeyihiin (Anagu qayb idin kama nihin,waana ku faraxsanahay PL-ta aan wax ka dhisanay). Sanaag Bari,waxaa si qurux badan oo rabitaan Shacab ah uga qabsoontay Doorashadii PL ee Golayaasha Deegaanka. Somalida Waqooyi xalkeeda iyo kan Guud ee Somaliya,waxa uu ku jiraa in aan loo dhaxayn Maamulada SL…

Read More

Gaalkacyo: 14 September 2024: Maanta oo ay taariikhdu tahay September 14, 2024, waxay Madaxweynaha Dowladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah u furey shirweynaha dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug. Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka, Maamulka heer Gobol iyo degmo ee labada dhinac iyo xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Galmudug. Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug. Ugu danbayn waxaa shirka ka soo…

Read More

“Maraykanku,waxa uu taageerayaa midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya,iyo Itoobiya iyo Somaliya oo ah Sxb isku dhow oo wada Shaqeeya,waxuu codsanayaa Itoobiya in ay Somaliya ka caawiso la dagaallanka Dhalinyarada xagjiriinta ah,waxaan rajaynaynaa in ay helaan Wado Laba Wadan kuwada Shaqayn karaan oo isku kaashaan karaan,waxaana hogaamiyayaasha Gobolka ka dalbanay in ay xal uhelaan khilaafka Labada Dal”.Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika uqaabilsan Maraykanka. Waa war weyn oo kasoo baxay hogaanka Caalamka Quwada haysa. Hadalka Maraykanka,waa fariin ku socota Dal walba oo ku mashquulsan kala dhantaalida Midnimada Somaliyed. Sidoo kale,waxa uu amar iyo usheegid ku yahay Itoobiya iyo…

Read More

Qodobo waxtar ah oo loo baahnaa ayay ku heshiiyeen Labada Dowladood ee Galmudug iyo Puntland. Shirka uu kasoo baxay heshiiska,ayaa ka dhacay Caawa xili danbe Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Laba wefti ay kala hogaaminayaan Labada MW,ayaa ka qaybgalay Shirka oo ku qabsoomay Madaxtooyada PL ee Galkacyo. Halkan ka akhriso:-

Read More

Laftagareen,waa diiday in uu ka qaybgalo Shirka Madasha,hadii lagu qabanayo Xamar, Jowhar iyo Baydhabo. Badalka,waxa uu soo jeediyay in lagu qabto Kismaayo ama dhuusamareeb. 1.Baydhabo,waxa uu udiidayaa in Maritinimada lagu gaado oo tanaasul uu bixiyo. 2.Xamar,waxa uu udiidayaa Xasan,ayaa Xeerilaaliyaha ku amray in Laftagareen lagu soo oogo Dacwad khiyaamo Qaran ah,sidaa daraadeed in Garoonka Diyaaradaha laga qabsado,ayuu ka baqayaa. 3.Jowhar,waxa uu ka diidayaa,waxay la mid tahay Xamar oo waa lagu dhibaatayn karaa. Laftagareen si qurxoon,ayuu usoo dhaweeyay fariin sidaha Xasan,waxa uuna uxaqiijiyay isaga in uusan dhib ku qabin,isla markaana dhankiisa wuxuu uga digay in aan loo isticmaalin. Waxaa kaloo xusid…

Read More

Kulanka Labada MW iyo wafuudooda ee PL iyo Galmudug,wuxuu daaran yahay Sadex Qodob oo kala ah…. 1.Isku dhicii Beelaha Sacad iyo Leelkase oo lasoo afjarayo. 2.Isku dhaca Beelaha Dir iyo Shiikhaal oo laga wada hawlgalo. 3.Xaalka Guud ee Wadanka oo ay iska waraysanayaan. Kulankan ugu yaraan Xasan,waxa uu ku yahay Culays usii raacay hadaladii iyo fariimihii cuslaa ee ka yimid Laftagareen. Waa muuqaal muujinaya Galkacyo amnigeeda heerka uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale,waa muuqaal muujinaya Galkacyo oo Nabad ah Labada Maamul iyo Labada Shacab ay wadajir uga Shaqaysanayaan danahooda. In kulan heerkiisu gaarsiisan yahay Labada MW ka qabsoomo Galkacyo xili Habeenima…

Read More

Waraysiga socday Labada Saac ee uu bixiyay Axmed Fiqi,waa hadal malagiis galay!! KG,waxaysan raali ka ahayn kama fuli karaan Deegaamadeeda. SL,waxaysan raali ka ahayn kama fuli karaan Deegaamadeeda. Waxaa dhici doonta Sanadkan oo dhamaaday iyo IItoobiyaana oo bixi waaya,isla markaana Qolada Xamar ay Saxaafada kasoo cataabaan. Damjadiid+DDaljir uma Dowladayn karaan KG iyo SL? Dowladnimadu ma’ahan erayo qalafsan oo layska yiraahdo ee waa isfahan iyo isla shaqayn. Xaqiiqdii Fiqi waa ka weyn tahay Wasaarada la geeyay mana istaahilo,Umana qalmo mana qaadi karo masuuliyadeeda. Waxaa lagu tilmaami karaa hogaamiye kooxeed Qabiilaysan oo kasoo daahay waayihii Hogaamiye kooxeedyada. Wasaaradan Gacanta ku haysa Diblomaasiyada…

Read More

Madaxweyna ku xigeenka Puntland, Wasiirka Beeraha,Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,waxaa lagu soo dhaweeyay Wadanka Jarmalka. Si gaar ah,waxay ula kulmeen Madaxda Dowlad Gobaleedka North Rhine–Westphalia Düsseldorf ee Jarmalka. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka North Rhine,ayaa qaabilay M.xigeenka Dowlada Puntland. PL iyo DG Noth Rhine,waxay ka siman yihiin ku dhagnaanshaha Nidaamka Fadaraalka oo Labada DG ay ku gaareen guulo waa weyn. DG North Rhine-Westphalia,waxa uu sameeyay horumar baaxad leh oo mudan in laga tusaale qaato oo laga faa’idaysto,waxayna PL uballanqaadeen iskaashi buuxa. Talaabo loo baahnaa ayay ahayd in Dowladu wakhtigeliso xiriirka caalamiga ah iyo Qurba joogta,waxayna ka mid ahaayeen Qodobadii…

Read More

Pl Macnaha,Miisaanka iyo Maqaamka ay ku fadhido Qof og Gorgortan ma geliyo ilaalinteeda. Qabiilku ma noqon karo Boolis? Qabiilku ma noqon Karo Maxkamad? Qabiilku ma keeni karo Cadaalad? Qabiilku ma keeni Karo adeeg Waxbarasho? Qabiilku ma keeni Karo adeeg Caafimaad? Jifidaadu kuguma filna si walba oo ay uga dhisan tahay Dhaqaalaha,Aqoonta iyo Tirada Dadka. Qabiilku xuduud maleh oo waa fasirmaa ilaa hoos. Hadii la waayay Qaran Somaliyed oo la harsado yaan la waayin Nidaam PL ah oo la dugsado. Somali,waxaad ku darsatay PL. Iftiinka Madaxtooyada Garowe,waa Qiimaheena.. Siyaasi aan qaan gaar ahayn oo danaysi uyaqaan ka Shaqaynteeda,yaanan u ogolaan in…

Read More

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah iyo Siyaasiyiin kale,ayaa ku dhawaaqay Gole ay ubixiyeen (Golaha samata bixinta Qaranka). “Golahan xili loo baahnaa,ayaa lagu dhawaaqay,waxa uuna wax ka rarity doonaa toodinta Dowladnimada iyo kusoo celinta Wadada saxda ah”Ayuu yiti mid ka mid ah Xildhibaanada. Golahan,waxa uu ka dhex loolami doonaa gudaha Baarlamaanka iyo dibadiisaba. Si guud marka loo eego,waa muhiim in loo istaago samata bixinta Wadanka oo waliba ay doorkooda qaataan Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah. Xasan waa la habaabay Dowladnimadii,waana la joogaa wakhtigii lagula dhegi lahaa talada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

“Ra’iisulwasaarow 60-kii sanno ee hore anaga waxaa noo Shidnayd Cajaladii Wadaniyada iyo Somalinimada oo waa Jidbaysneyn wixii Dowladnimada ay lahayd Soomaalinimada lagu ahaa Nimanbaa qaadanayay Marka Hada sidii Hore lama aha ee Waa la isku imaaday”Ayuu yiri Laftagareen. Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay fariin sidaha Xasan,ayuu hadaladaas ka jeediyay MW Laftagareen. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MW Laftagareen,waa diiday Qodobadii Damjadiid ay ula yimaadeen oo idil marka laga reebo la macmiilka Itoobiya in loo daayo Dowlada Dhexe. Waxa uu diiday dib udhigis doorasho oo waxa uu ku adkaystay doorasho. Fariin sidaha Xasan,waxa uu udhiibay Qodobo ay ku jiraan badalida Wasiirka Gaashaandhiga hadii ayba jirayso wada noolaansho iyo in aan toos loo kala tagin. Laftagareen,waa faahin aragti ka leh Siyaasada oo qiyamka Dadkiisu macno uleeyihiin,island markaana la socda hagardaamada Damjadiid ee ah in Godka uu ka galay laga soo saaro. Sida muuqata reer Koonfur-Galbeed haldoor Siyaasadeed,ayaa ukacay oo han leh. JQ.

Read More

Warshad Kalluumaysi oo noqonaysa mida ugu weyn Geeska Afrika,ayaa dhismaheedu ka socdaa Garacad. Waa maalgashi lagu Farxo oo bogaadin mudan xaqiiqdii. Dhismaha Dekeda Garacad,waxa usoo jiiday maalgashi kala duwan oo abuuraya Shaqo iyo Nolol. Aragtida Garacad,waa mid Guulaysatay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maqaamkii ugu sareeyay,ayay Dowlada Maraykanku ku qaabishay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland. Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka,ayaa qaabilay weftiga Puntland,waxayna kawada hadleen….. 1.Amaanka PL iyo Guud ahaan Deganaanshaha Gobolka. 2. La dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada. 3.Dawlad-dhiska Somaliya. 4.Bogaadin Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee PL uqabsoomay iyo sii dhamaystirka Dimuqraadiyada. 5.Xiriirka Dawladda Federaalka iyo Puntland. 6.Qurbe-joogta. 7.Maalgashiga. Waa weftigii ugu horeeyay oo Somali ah oo maqaam heerkaa gaarsiisan lagu qaabilo,marka laga reebo Madaxweynayaasha Dowlada Fadaraalka. Maraykanku,waxa uu balalnqaaday in uu PL ka taageerayo shuruud la’aan Dagaalka argagixisada,Dimuqraadiyada iyo Maalgashiga. JQ.

Read More

Puntland oo toos uhelaysa Deeqaha Beesha Caalamka uga yimaada Sanadkan,wixii ka danbeeya. Waxaa meeshan laga saaray nidaamkii Halka Wadan ee Xamar ay ku lahayd Ogaysiinta. Sida uu sheegay MW Deni majiri doonto Gacan Dhexe oo PL iyo Deeq bixiyayaasha udhaxayn doonta. BC way ku qanacday cabashadii PL ee ahayd in laysku xirayo Mashaariicda Caalamka uga yimaada Somalida iyo kala duwanaanshaha aragtida Siyaasadeed. Villa Somaliya MW walba oo yimaada,waxa uu u adeegsadaa Deeqaha caalamka Hub Siyaasadeed oo uu PL kula diriro si ay uga tanaasusho aragtideeda Dowlad dhiska Wadanka ay ka leedahay,taasoo PL sutida uqabatay. Waa go’aan farxadeed oo PL fursad…

Read More

Madaxweyne Putin : ileen waa Saqajaan Ciyaal Suuq ah,Warbaahinta maraykankanka ayaa sidaas qortay . Madaxweyne putin ayaa la weydiiyey Musharax Kamala haris iyo Donald kee ayad taageeraysaa ? wuxuu ku jawaabay sidan . ” Runtii Kamala haris,Waa qof qurxoon oo bishmo soo jiidasho leh,waxay leedahay qosol sixir ah oo aad jeclaysanayso in aadan ka jeesan . Waxay ku Jawaabtaa hadalo kooban oo aad is leedhay waxaa qoray qof Script Writer ah khatar ah,hadalkeeda mararka qaarkeed meel aad u qaado waad garan waayaysaa . Marka adigoo haweeney sidaas cajiib ah arkaya,sidee qof kale u taageeraysaa,Kamala haris ayaa cid kasta ka fadilaynaa…

Read More

aqoonta ardayga la keeno imtixaan uusan ka bixi karin. “Qaabka imtixaanka qaran loo soo diyaariyo laguma sameeyo qiimeyn ah ardayda heerka ay gaarsiisan tahay tayadooda, marka imtixaan yara-adag oo ardayda tayadooda aan ku saleysneyn ayaa la keenaa inta badan taasi nafteeda dhibaato kale ayay noqonaysaa” ayuu yiri mr Maxamed. “Dhanka waalidka iyo maclimiinta sidoo kale dhib ayaa ka jira, waalidka oo sidii loo baahnaa aan u dabagalayn ardayda iyo maclimiinta oo sidii loo baahnaa aan casharrada u bixin,” ayuu intaa ku daray. Waxaa uu farta ku fiiqay in xilligii hore uu jiray qish baahsan balse hadda ay adag tahay in…

Read More

Qarax xoogan,ayaa saaka ka dhacay Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo, Qaraxa,ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,waxaana Qaraxu ka dhex qarxay Maqaaxi Cunto xilli dad shacab ah ay ku sugnaayeen. Qaraxa,waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay Hal Qof,iyadoo Goobta Qaraxu ka dhacay ay ka muuqatay burbur baaxad leh oo uu qaraxu geystay.

Read More

Jabuuti ayaa mar kale Isniintii sheegtay inay u yaboohdayAddis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland. Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya — oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn — in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda. Wasiirka…

Read More

Garoowe, September 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta,ayaa looga hadlay xaalka guud ee dalka, waxaana warbixin looga dhageystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, taasoo la xiriirta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha Wakiillada. Fadhiga,ayaa intii uu socday waxaa sidoo kalena looga hadlay cabasho ka timi dadweynaha caasimadda Garoowe taasoo la xiriirta qiimaha biyaha sifaysan, waxaana loo saaray Guddiga gaar ah oo arrimahaas ka soo tallo-bixiya, iyo daraasad ugu soo sameeyaan cabashadaas warbixinna u soo gudbiyaan Guddiga Joogtada ah. Ugu dambeyn, waxaa guddiga…

Read More

Garowe: September 10, 2024: Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa) ayaa xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Bursaalax u magacaabay Cabaas Cabdiweli Gabboose. Sidaa darteed, Waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug, Iskuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug iyo kan Degmada Bursaalax in la fuliyo dhaqan gelinta magacaabidda xoghayaha cusub. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Read More

GAROWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda,ayaa warbixin ka dhegaystay Hantidowrka Gudaha Wasaaradda oo safaro shaqo ku tagey Goboladda dalka. Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka,Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa Hantidowrka Gudaha iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda. Axmed Cabdi Maxamed Madaxa hanti dhowrka gudaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirka la wadaagay natiijada baaritaanka ay ka sameeyeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Mudug, Karkaar iyo Barri. Xogtan ayaa ah mid wax badan looga ogaanayo hannanka shaqo ee dakhliga dowladda habka loo qabtay iyo sida ay…

Read More

Agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cabdicasiis Qaalib ayaa saxiixay Liiska Ardayda ku guulaystay Deeqaha Waxbarashada 2024-2025. Munaasabadda waxaa goob-joog ku ahaa Agaasimaha Tacliinta Sare Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Mahad Colaad Maxamed, khubaro iyo howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda. Lifaaq: sawirro+ Liiska.

Read More

Itoobiya in lala loolamo,waxay ubaahan tahay aragti fog iyo hogaan bisil oo haldoorka Bulshadiisa la tashta. Sidoo kal Siyaasad aan caadifad ku dhisnayn oo lagu saleeyay baaraandag,fahan iyo xog ogaalnimo ayay ubaahan tahay iska dhicinta Itoobiya. SL oo qayb ka mid ah Somaliya,ayaa Bad ugu yaboohday si ay ugu badalato aqoonsi ah in ay ka tagtay Somalida kale. Somali Galbeed oo Itoobiya ku hoos jirta,ayaa haldoorkii Dhaqan lagu khasbay in ay ku faanaan Itoobiyaanimada oo ay difaacaan danaha Itoobiya. MW fadhiya Villa Somaliya,waxaa horyaala arimahaas oo idil,wuxuuna maaraynayaa Shacab sidaa ukala qaybsan iyo Maamulo isdiidan. Marka hogaamiyahaas uu qayb ka…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid,ayaa manta la kulmay Safiirka Wadanka Qatar ee Somaliya Dr.Cabdullah bin Salem Al Nuaimi. Labada Masul waxay ka wada hadleen Iskaashiga dhinac walba leh iyo dadargalinta Mashaaricda Qatar ay ka wado Galmudug gaar ahaan Arimaha…. 1.Waxbarashada. 2.Caafimadka. 3.Biyaha. 4.Korontada. 5.Tayaynta Laamaha Amniga Galmudug.

Read More

Shirkada weyn ee caanka ah ee soo saarta Baabuurta (VW) ayaa xirtay Warshadeedii ugu weynayd ee Jarmalka ku taalay. Shirkadan oo ka mid ah kywa Baabuurta soo saara ee Jarmalka laga leeyahay,ayaa wajahaysa suuq xumo baahsan oo ku habsatay. Qodobka ugu weyn ee keenay hoos udhaca soo wajahay Iibsiga Gawaarida ay samayso,ayaa waxaa sabab u ah Qiimaha aadka Qaaliga u ah ee ay ku iibiso Baabuurta ay samayso. Shirkada,ayaa tartan adag kala kulantay Suuqii weynaa ee Shiinaha,iyadoo Shiinaysku sameeyeen Baabuur Koronto ah oo aad ujaban. Sidoo kale Shiinuhu,waxa uu Suuqyada Jarmalka kusoo sii daayay Baabuur aad uag jaban kuwa VW.…

Read More

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanideeda. “Itoobiya weligeed cidna kuma soo duulin taariikhda, ka yeeli mayno qof ku xad-gudbo madaxbannaanidayada,” ayuu yiri Abiy Axmed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij lagu xusayay maalinta dalkaasi. Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadda ka taagan gobolka. Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Abiy kuma uusan sheegin khudbadiisa arrimo ammaan la xiriira. “Ma taabaneyno dadka, laakiin haddii ay na taabtaan, waxaan caan ku nahay inaan ka jawaabno,” ayuu yiri Abiy isagoo khudbad jeedinayey. Ra’iisul Wasaaruha oo hadalkiisa sii…

Read More

11 bil,ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Qasa,iyada oo ay wali Ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Qasa iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta. Ilo-wareedyada caafimaadka,ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay Ciidamada Israa’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa ay ku dileen ilaa 61-Qof oo Falastiiniyiin ah. Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha…

Read More

Wasaaradaha Caafimaadka DG Afarta ah iyo Gobolka Banaadir ee Koonfurta Wadanka,waxay xiriirkii Wada Shaqayneed ujareen Wasaarada Caafimaadka DFS. Waxay ku eedeeyeen Wasiirka Caafimaadka DFS in uu caqabad ku noqday Mashaariicdii horumarineed ee Bulshada loogu adeegayay. Tani,waa mid banaanka soo dhigaysa xaalka Wada Shaqayneed ee DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah halka uu marayo. Horay PL,ayaa wada shaqayntii kala laabatay Dowlada Dhexe markay isku qabteen Qodobo Dastuuriya. Labadii Bilood ee udanbeeyay,waxaa qabsoomi waayay Shirkii Madasha oo ay iskugu soo hareen Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Read More

$28-Milyan ayay Shiinuhu ugu talagaleen Somaliya in ay ku taageeraan. Halka Reer Galbeedku ay bixinayaan kharashka hawlgalka cusub ee 2025 Ciidamada ka qaybagalaya ee gaaraya 12-ka kun ee Askari wax kalaba marka layska daayo. Sidoo kale Maraykanka oo kaliya,ayaa Sanadkii geliya Somaliya Dhaqaale gaaraya ku dahwaad Nus Bilyan Dolar. Deeqaha Gargaar iyo Amni ee Maraykanku Somaliya Sanad walba ku bixiyo,waa….. 1.$150-Million US AID 2.$135-Million Security Support. Wadarta Guud Sanadkii,waa $300-Million. Halka Shiinuhu $28-Milyan shaaciyay in uu ugu talagalay Somaliya 3-da Sano ee soo socota. Majirto Galbeed Cid uga muhiimsan Somaliya marka waaqiciga jira laga tusaale qaato. Somaliya,waa mid ka mid…

Read More

51-Wadan oo Afrikaan ah iyo Hal wadan oo ka mid ah Wadamada Indha yarta loo yaqaan kaasoo ah kan ugu saamaynta weyn ee Shiinaha,ayaa kulan wada yeeshay. Waa kulan muujinaya qiimaha hooseeya ee Afrika oo ah Qaarad oo a miisaan noqotay Hal Wadan oo waliba Dalkaas ay Afrika ka rabto waxtar ee aan wax lays dhaafsanayn. Kulankan Shiinuhu,waxa uu ka rabay Laba Qodob oo kala ah…. 1.Saamyntiisa Koonfurta Caalamka in uu kor usii qaado. 2.Kobcinta Dhaqaalihiisa. Shiinuhu waa Dalka ugu weyn ee Ganacsi la leh Qaarada Afrika,waxaana lagu qiyaasaa $64-Bilyan Ganacsigaas,balse waa hal dhinac oo Afrika wax badan kuma leh…

Read More

W/Q: Maxamed Axmed Xasan(Mucaarad) Todobaadkii hore waxan faallo Cinwaankeedu ahaa: ISBEDELLO ISBARKADAY AYAA SABABAY DHAQAALA XUMIDA SOOMAALIYA, oo ku eegnay Sababaha iyo qayb kamid ah xalalka. Todobaadkan waxa qormada 2aad ku eegayaa Calaamadaha tusaya Dhaqaale xumida ka jirka dalka, iyo talooyin guud. Si guud Calaamadaha tusa dhaqaale xumida waxa ka mid ah maalgashi La,aanta, Waxsoosaar yarida, Shaqo l,aanta, Sicir bararka, iyo iib yarida midkood ama iyaga oo isbaahaystay, dhibaatooyinkaaas oo ah kuwa midba mid sababo ayaa dalka Si xoog leh uga jira. Maalgashi Shisheeye maba jiro Puntland waayo caqabado badan baa hortaagan, haseyeeshee Maalgashiga guduhu waa suurtagal, waana yaryahay, Waxa…

Read More