MW waxa uu jeediyay khudbad waaqiciya oo taabanaysa baahiyaha Bulshada waliba Xubinta ugu muhiimsan ee Shaqo abuurka. Hadii erayada kasoo baxay 60% ay ufulaan sidooda,waxaa isbadal weyn ku imaan doonaa Noloshada Dadka. Si gaar ah Mudug in uu fahansan yahay xaalkeeda,ayuu muujiyay MW Deni. Bosaso waa Xaruntii Ganacsiga. Garowe,waa Caasimadii Puntland. Gaalkacyo,waxay ubaahan tahay in la muujiyo muhiimadeeda Ganacsi lagana abuuro Ilo Shaqo oo Dhalinyaradu ku hakato. Halkan ka daawo muuqaalka khudbada MW.
Author: Jibril Qoobey.
Gaalkacyo: 12 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland Laanta Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey sida wanaagsan uu u socdo qorshaha Dowladdu ku horumarinayso Bangiga Dowladda, Sida ballaarinta xarumaha iyo in la gaarsiiyey adeega uu bixiyo mid la jaanqaada Bangiyada Adduunka . Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xumuumadda iyo Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo. – DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Garaad,waa sida aad usheegtay ee midee Harti,midee Daarood,midee Puntland,midee Somali. Balse Harti,ayaan kala qaybinayaa,Puntland baan kala qaybinayaa,waxaana rabaa Daarood mid ah iyo Somali mid ah ma Shaqaynayso. Ogow,waxaad libintan ku heshay waa Midnimada Dhulbahante,Harti iyo Daarood hadaad kala kaxaysana,waad luminaysaa. Deegaamada maanta sidan lagugu soo baxay oo aad la yaabtay awoodooda Sanad ka hor,waxaad utaqaanay Dhul Cadow joogo oo lagaa neceb yahay kumana aadan lahayn karaamo oo Dadku si kale ayay kaa fahansanaayeen. Maanta Libinta aad hayso ku fara adayg oo Siyaasi Kursi raadinaya ha uloogin in uu kala qaybiyo Dadkaas. Ma shaqaynayso Puntland,ayaan kala qaybinayaa,waxaana rabaa Somali midaysan oo…
Xiligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo uu ahaa Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa utagay Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasocda Beesha Saleebaan ee HG. Waxgaradkaas,waxay ka cabanayeen Beesha kale ee la dhalatay ee Sacad,iyagoo ku haystay in Maamulkii Galmudug ay Xaafad ku haystaan. Si gaar ah,waxay uga cawdeen in Beesha Sacad kala dagaalamayso Siyaasada oo aysan waxba uga ogalayn,waxayna usheegeen MW Cabdullaahi Yuusuf in ay dhisanayaan Maamul la yiraahdo Ximin iyo Xeeb,waxayna ka codsadeen in uu siiyo Warqad uu ku aqoonsanayo. MW Cabdullaahi,wuxuu ugu jawaabay…. “Galgaduud,waa Gobol laga soo jaray Mudug,lama sii kala qaybin karo oo waxaanba is bixin karin Galmudug…
Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka, Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay sida adeegyada Caafimaadka Puntland uu yahay mid baahsan oo gaarsiisan dhammaan deegaannada Puntland. Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood…
Gaalkacyo, 11 Agoosto 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xubno tirsan Golaha Xukuumadda ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay haweenka Gobolka Mudug. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka ee nabadda iyo horumarka Puntland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku laf-dhabar u yihiin nabadda iyo horumarka Puntland, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaqaybgalka arrimaha bulshada, gaar ahaan siyaasadda iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, wuxuu Haweenka Gobolka Mudug ku booriyay in ay ka qeyb qaataan Wax-soo-saarka Beeraha, Dhaqashada Xoolaha, Kahortaga Tahriibka, Illaalinta Deegaanka…
Qodobada ah baahiyaha Guud Reer Mudug ugudbiyeen MW Deni Maanta. 1.Wax ka qabashada colaadda Deegaanadda Jiic-boor iyo Maygaagta ,Towfiiq & Buuq-qallooc. 2.Dhibaatada Maandooriyaha Khamriga. 3: Ququlka Itoobiyaanka Tahriibka ah iyo wax ka qabashada Tahriibinta dhalinyaradda Puntland. 4: Xirmooyinka dhul daaqsimeedka. 5:Dhibaatada Burcad Badeeda. 6: Biyo Saarka Magaalada Gaalkacyo iyo qorshe hagaha (Town Plan ). 7: Dhismaha Airport-ka Gaalkacyo 8.Amniga Dekada Garacad. 9.Dhismaha Wadada Gaalkacyo & Xarfo. 10.Dhismaha Wadada Garacad ilaa Galdogob. 11.Dib u habeynta Ciidankii Gobalka Mudug ee ka soo laabtay dagaalkii Laasacaanood. 12.Fariisinta golayaasha Deegaanka Jariiban & Bursaalax. Halkan ka akhriso:-
Hadalka RW Abiy marka laga soo tago Mahadcelinta MW Erdogan,waa fariin isbadbaadineed oo uu udirayo Dadkiisa. Abiy si cad,ayuu ugu fashilmay hirgelinta doonistiisii uu qaawiyay ee ahayd in uu helo Saldhig Milleteri oo Badda Cas ah. Si kale hadii loo dhigo,waa ku dhici waayay in uu ubadalo isfahankii SL dhexmaray heshiis rasmi ah. Cadaadisyada uu la kulmay,waxaa ugu weynaa kan Turkiga oo ku noqday,wuxuusan dhaafi karin marka laga tusaale qaato Laba Qodob oo kala ah….. 1.Maalgashiga Balaaran ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya. 2.Heshiiska Amni ee Turkigu kula jiro Somaliya. Sida muuqata kulanka Turkiga ka dhacaya Itoobiya,waxay kaga laaban doontaa isfahankii…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasiirka Deegaanka Kenya Aadan barre Ducaale,ayaa Baarlamaanka u sheegay in hantidiisu ay dhan tahay 980 milyan oo Kenya Shilings ah, oo u dhiganta 7.6 Milyan oo doolar . Bishii Sebtembar 2022 oo loo magacaabay Wasiirka gaashaandhiga,hantidiisu waxay ahayd Ksh.851 milyan,taasoo ka dhigan intii u dhexeysey 2022 -2024 inay hantidiisa ay kusoo korortay lacag dhan Ksh.129 milyan . Wasiir Ducaale oo baaramaanka u sharaxaya waxyaabaha ay hantidiisu ay ka kooban tahay,wuxuu yiri . “Waxaan dhul ku leeyahay Gaarisa iyo Nayroobi iyo guryo kiro ah,Waxaan Gaarisa ku leeyahay xero lo’da lagu dhaqo iyo guryo kiro ah oo ku yaal Gaarisa iyo Nairobi.…
In Dowlada ku Shaqayso Gaalkacyo,waxay utahay Gobolka dhiirigelin iyo habacsanaan laga saarayo hay’adaha Dowlada ee Gobolka Mudug. Bulshadu,waxay ubaahan tahay isbadal muuqda oo dhan walba ah,sababtoo ah,waxaa ka muuqda niyad jab. Isbadalka Bulshadu rabto ma’ahan Shaqiyaad la badalo ee waa mid ay tahay in adeega Dowladeed laga arko. Tusaale? Dowlada Hoose ugu yaraan,waa in ay jiraan wax cusub oo ay kusoo kordhiso Magaalada. Xaafiisyada Gobolka ee Wasaaradaha oo idil in ay wada furan yihiin oo ay leeyihiin Xarumo Qalabaysan oo loo Shaqo tago. Sidoo kale in Xarumaha Amniga la dayactiro oo Qalabayn joogta ah lagu sameeyo,waa muhiim. Ugu yaraan tagida…
Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka. Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi. Sidoo kale waxaa wili baxsad ah… 1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor) 2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge) 3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste) Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna…
Afarta DG ee Koonfuta &G.Banaadir iyo Dowlada Dhexe ee Dastuurka ku xadgudubtay,ayaa ku heshiiyay qaybsiga Lacag kabid Miisaaniyadeed ah oo ka timid Beesha Caalamka. Lacagtan,ayaa gaaraysa $125-Milyan,waxaana loo qaybsaday…… 1.DG iyo Gobolka Banaadir min $5-Milyan. 2.Dowlada Dhexe oo heshay $90-Milyan. Dowlada Muqdisho ee Sharciyada caalamiga ah ee Wadanka haysata,ayaa ku dooday in laga rabo Lacag dhan $50-Milyan oo Dayn bixin ah,taasoo qayb ka ah barnaamijka Dayn Cafinta. Dooda lagu qaybsaday Lacagtan,waxay socotay Sadex Cisho,iyadoo Dowlada Dhexe markii hore usoo bandhigtay Afarta DG iyo G.Banaadir min $1-Milyan in ay qaataan,wayse ku diideen. SL iyo PL,ayaan qayb ka ahayn heshiiskan,balse Saami Sharciyadeed…
Hay’adda difaaca Madaniga ah ee Xamaas ee maamusho Qasa,ayaa sheegtay in Tobanaan Qof ay ku dhinteen duqayn Cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla Magaalada Qasa. Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas Sabtidii,iyaga oo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun Taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka. Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Qasa, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 90-Qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. “Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 90 ilaa 100, waxana jira Tobanaan kale oo dhaawac ah,”Ayuu afhayeenka Wakaaladda Maxamuud…
Turkidu,waxay ku dadaalaysaa in uu guulaysto wada xaajoodka ay ka tahay dhexdhexaadiyaha ee udhaxeeya Itoobiya iyo Somaliya. Guusha wada hadalkan,waxay uleedahay Turkida faa’iidooyin dhowr ah oo laga tilmaami karo…. B.Danahooda dhaqaale ee Labada Wadan. T.Xasiloonida Siyaasadeed ee Gobolka oo muhiimad uleh danaha Turkida. J.Xasiloonida Amni ee Gobolka oo Turkida muhiimad uleh xilligan danaha Turkida. X.Miisaankooda Siyaasadeed iyo Diblomaasiyeed ee caalamka oo sii kordhaya. Kh.Reer Galbeedka oo sii xaqiiqsanaya in Turkidu yihiin Gacmo awood uleh fulinta danahooda. D.Loolanka loogu jiro Somaliya oo Turkida ka dhigaya Wadamada ugu muhiimsan ee Safka hore ku jira. Sida muuqata saamaynta Dhaqaale iyo Milleteri ee Turkigu…
Madaxweynaha Turkiga Erdogan,ayaa xiriir Taleefoon la sameeyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Warbixin lagu qoray Page-ka Madaxweyne Erdogan ee Facebook,ayaa lagu sheegay in uu kala hadlay Laba Qodob oo kala ah… 1.Khilaafka ka dhex jira Labada Wadan ee Itoobiya iyo Somaliya. 2.Dagaalka Qasa. Qodobka Somaliya,ayaa lagu sheegay in Erdogan iyo Abiy isla qaateen in la dajiyo khilaafkaas. Halkan ka akhriso:-
Xildhibaanadu,waxay dul istaageen in masiirka Ummada reer Sanaag uusan oolin Xamar iyo Hoteladeeda ee uu yaalo Puntland iyo Deegaamadeeda,waxay si cad uga hor yimaadeen wax loogu yeerayo Maamulka Maakhir State. Halkan ka daawo muuqaalka
Weftiga Somalida ku matalaya wada xaajoodka Itoobiya,waxa uu gaaray Turkiga,iyadoo uu ku jiro Lataliyaha Amniga Qaranka Xasan Shiikh. Waxay ku timid tagida weftiga Somalida ee Turkiga,iyadoon wakhtigii la ballansanaa aan la gaarin Turkidua oo soo jeediyay in wakhtigii ballanta wax laga badalo,isla markaana Somalida iyo Turkidu ay kulan hordhac ah sii yeeshaan ka hor intaan kulanku furmin. Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga,waxa uu sheegay in Itoobiyaanku aqbaleen ka laabashada heshiiskii isfahan ee ay la galeen SL. Itoobiyaanka,waxaa cadaadis ku noqday Sadex arimood oo kala ah….. B.Saamaynta Dhaqaale ee gaaraya $9-ka Bilyan ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya. T.Heshiis Simaliya iyo Turkiga ee…
After nearly two decades of foreign military presence, Somalia remains locked in a cycle of dependency that undermines its sovereignty and weakens public trust in the government. The recent announcement of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) is yet another iteration in a series of rebranded missions, succeeding AMISOM and ATMIS, with little to show for the millions of dollars invested. The underlying issue persists: Somalia’s failure to develop a self-sufficient national army capable of safeguarding its people and territory. Under the umbrella of AMISOM and ATMIS , the foreign troops have made limited progress, failing…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan kalsooni ku qabin suurtogalnimada in si Nabdoon awoodda loogu kala wareego, hadii ay dhacdo in doorashada Bisha Nofember ee soo socota looga adkaado musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. Mr. Biden ayaa hadalkan ku sheegay wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyo tan iyo markii uu isaga haray tartanka doorashada madaxweynenimada Mareykanka. Doorashada Mareykanka oo lagu wado inay dhacdo bisha nofeembar ee sannadkan ayaa waxaa xilka madaxweynaha ku tartami doono Donald Trump iyo Kamala Harris oo kala matalaya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.
War murtiyeed ka soo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegey inuu Midawga Afrika soo dhoweynayo sameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya kaas oo loosoo gaabiyo AUSSOM. Howlgalkan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab iyo xasilinta dalka. Midowga Africa ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohey in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan. Howlgalgan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-shabaab. Ka mid noqoshada Masar ee…
Gaalkacyo; 08, August, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Todobaadkan lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,ayaa looga hadlay Amniga guud, sare u qaadidda wax-soo-saarka Kalluunka Degmooyinka Xeebaha ah ee Puntland,tayaynta Waxbarashada aasaasiga ah iyo Tacliinta Sare iyo maamul baahinta Degmooyinka. Shirka Golaha Wasiirada Todobaadkan oo noqonaya kiii ugu horeeyey ee lagu qabto Gaalkacyo,ayaa sidoo kale looga hadlay xogta caafimaadka,maaraynta biyaha magaalooyinka iyo qodobo kale oo muhiim. DHAMMAAD. Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Golaha Wasiirada XFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa meelmariyay labo xeer oo ku qotoma doorashooyinka dalka iyo nidaamka axsaabta siyaasadda Soomaaliya, xilli dowladda Xassan Sheekh ay lumisay sharci ahaanshaheeda, maadama ay laashay dastuurka KMG ah ee dalka. Xeerka doorasho ee Wasiirada Xamar ayaa dhigaya in dalku aadayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan la aqoon halka lagu qaban doono, maadama inta badan deegaanada Koonfurta Soomaaliya ay joogto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sida ka muuqata xeerka – Xassan Sheekh ayaa doonaya in mashruuciisa doorasho uu isticmaalo muddo kororsi uu helo, marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa May 2026. Waxaana xeerka…
Qoryaasha Dowlada Ee Gobolka Mudug ka fulinaysa? 1.Xarig jarka Bankiga cusub ee Dowlada Puntland. 2: Dhagax dhiga Xabsiga cusub ee Gaalkacyo yeelanayso. 3.Dhagax dhiga Laamiga Bartamaha Gaalkacyo oo qaab casriya loo dhisayo. 4 Dhagax dhiga Garoonka cusub ee diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo. 5.Dhismaha Golayaasha Deegaanka Jariiban iyo Bursaalax. 6.Soo afjarida dagaalkii Jiicboore ee Sacad-Leelkase. 7.Balaarinta iyo booqashada Kastamka Tuurdibi Galdogob. 8.Booqashada Dekada Garacad iyo Wadada isku xirta Garacad iyo Galdogob. Waa hawlgal macno leh oo mudan in la bogaadiyo loona hakado. JQ .
Koonfurta Somaliya markale,ayaa loo sameeyay Magac iyo hawlgal cusub oo Ciidan Nabad ilaalin ah 20-Sano kadib markii ay Dowladnimada dib looga dhaliyay. Xasan Shiikhii lahaa,waxaan ka sifaynayaa argagixisada Koonfurta iyo Bartamaha,waxa uu xataa woodi waayay in uu sameeyo Ciidan ku filnaada amniga Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Xamar. 20-Sano kadib Xamar,Baydhabo,Kismaayo iyo Beledweyne,waxaa Maamulada fadhiya ku ilaaliya Ciidamo Shisheeye. Aragtida saxda ah,waxay tilmaamaysaa in Somaliya loo kala jaro Sadex Wadan oo kala ah…. 1.SL. 2.PL. 3.K&B Koonfurtu,waxay ubaahan tahay qorshe iyo nidaam gaar ah oo lagu maamulo,kaasoo caalamku Gacanta ku hayo. SL iyo PL,way isku filan yihiin Maamul iyo Dhaqaalaba,waana qaangaar…
Halkan ka akhriso:-
Gaalkacyo: 07 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga la socda oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise Awoowe iyo xubno isugu jira Goleyaasha Dowladda, ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kaasi oo looga hadlay warbixinta safarkii Madaxweynaha iyo Wafdiga ee Gobollada Mudug iyo Nugaal. Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xaalada Gobolka Mudug iyadoo la qorsheeyay shaqooyinka hortebinta u leh ee laga qabnayo Gobolka Mudug mudada booqashada lagu jiro. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Militariga Sudan,ayaa sheegay in hogaamiyahooda Jeneral Abdel Fattah al-Burhan, uu u rarayo xarun Madaxeedkiisa Magaalada Omdurman, oo ah magaalo weyn oo deris la ah caasimadda Khartuum. War laga sii daayay Telefishinka oo uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Jeneraalka uu dhawaan u hoggaamin doono ciidamadiisa magaaladaas. Ciidanka ayaa horraantii usbuucan ku sii siqaya Omdurman ka dib markii ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay haysteen xoogaga RSF ah ee Ka soo horjeeda. Jeneraal al-Burhaan,ayaa tan iyo markii uu ka tagay Khartoum waxa uu saldhig ku lahaa magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, iyadoo dagaaladu…
Murashaxa Xisbiga dimoqraadiga ee doorashada Madaxtinimada Mareykanka Kamala Harris iyo ninka ay u soo xulatay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeenkeeda, guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, ayaa xaly marki ugu horreysay si wada jir ah uga qeybgalay ololaha doorashada. Harris iyo Walz ayaa ka ololeeyay gobolka muhiimka u ah doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ee Pennslvania magaaladiisa Philadelphia. Walz ayaa marki ugu horreysay xalay ka hor hadlay ilaa 10 kun oo ka mid ah taageerayaasha dimoqraadiga oo isugu tagay gudaha Jaamacadda Temple. Wuxuu ka hadlay sida uu ugu soo barbaaray tuulo yar oo ku taalla gobolka Nebraska, 24 sano oo uu…
Golaha Wasiirada Dowlada haysata aqoonsiga QM ee Xamar,ayaa magacowday Safiiro ka kooban 12 oo ka kala yimid Beelaha kala ah… 1.Murursade. 2.Dhulbahante. 3.Leelkase. 4.Dir. 5.Raxanwayn. Ujeedka Magacaabistan,ayaa ku salaysan Laba arimood oo kala ah…. 1.Fashilka haysta Dowladaas in la qariyo. 2.Fulinta ballanqaadyadii Qodobadii Xasan ee Dastuurka. 3.Isticmaalka markale Xildhibaanada. Fashilka ay dhex taagan Dowlada Xamar mahan mid lagu furdaamin karo Safiiro la magacaabo. Safiirada:- 1.Dr. Cabdiqaadir Cabdullaahi Xaashi 2.Dr. Hodan Cismaan Cabdi 3.Faysal Axmed Salaad 4.Maxamed Abuukar Subeyr 5.Abiib Muuse Faarax 6.Jaamac Xasan Khaliif 7.Fardowsa Maxamed Qanyare 8.Ibraahim Cumar Sheegow 9.Sheekhnuur Maxamed Xasan 10.Ilyaas Xasan Cali 11.Sakawdiin Mustafa Maxamed 12.Cabdinuur…
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz u dooratay in uu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenkeeda, isaga oo kala qaybgeli doona ololayaasha doorashada madaxtinimada ee dhici doona bisha November ee soo socota. Ku dhawaaqistan rasmiga ah ee Salaasadii ayaa ku soo beegantay ka hor munaasibadda ololaha ee ka dhacaysa Philadelphia, taas oo ay labada masuul si rasmi ah uga wada qaybgeli doonaan. “Waan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan qaatay go’aankayga, kaasoo ah inaan xushay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz,isaga oo ku biiri doonaa ololaha xisbigeena, isagoo noqonaya ku xigeenkayga” ayay ku tiri Harris, fariin…
Daarusalaam: 06 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Daarusalaam ee degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Su’aalihii Bulshada iyo Jawaabihii MW Deni? 1.Dekeda Garacad & Abudhabi Port 2.Shilin Somaligii. 3.Pl iyo wax la qabsiga caalamka 4.Itoobiya iyo Imaaraad. 5.PL iyo baahida Dekedo badan Waxaa cajaa’ib lahaa sida uu usharaxay Shilin Somaliga joojintiisa oo Qodob loo hakankaro uu ku fariisiyay. Sidoo kale wax la qabsiga caalamka,ayuu ufaahfaahiyay si Juquraafi Siyaasadeed iyo faham Caqliyeed sareeya. PL in ay ubaahan tahay Dekedo badan,ayuu Dadka si waafiya ufahan siiyay. Xaqiiqdii kulamadan oo kale MW ha badiyo oo hala qaato Bulshada si wacyigooda iyo xiriirkooda Dowladu usareeyo. Sida muuqata Deni Xukunka waxa uu ka dhex helay xog iyo aragti. JQ.
Itoobiya iyo Imaaraad ma’ahan cadow. Sideedaba aduunku,waxa uu marayaa wax wada qabsi iyo kala faa’idayso. Hadaan reer PL nahay,waxaan ubaahanahay Dhaqaalaha iyo Aqoonta caalamka kale in ay Wadankeena soo galaan,sidaa daraadeed cidna cadow nooma ahan,waxa kaliya ee aan cadow u aqoonsan karnaa,waa Dalkii ama Dowladii aan rabin horumarkeena. MW Deni in uu yiraahdo Itoobiya iyo Imaaraad,ayaa sidaas ah waa Sheekooyin la sameeyay oo laga leeyahay dano Siyaasadeed,waa la qabnaa doodaas. “Dadkeenii iyo Dhulkeenii waxay jiraan Gudaha Itoobiya,waxaana rabnaa in aan gaarsiino Ganacsigeena 120-ka Milyan ee Itoobiyaanka ah”Ayuu yiri MW Deni. Sida uu ufaahfaahiyay kala faa’idaysiga caalamka iyo baahida PL uqabto…
Shilin Somaliga sababta ay PL ujoojisay,ayuu MW Deni si faahfaahsan oo waaqiciya ahna wax lagu qanci karo udul istaagay. Halkan ka daawo muuqaalka
Xogta Mashruucan? Baanka horumarinta Africa,ayaa bixiyay Mashruucan oo siiyay PL. Mashruucan,waa dhismaha Wadada Gaalkacyo-Xarfo. Kadib Xasan Shiikh iyo kooxdiisa,ayaa damcay in ay ka wareejiyaan PL oo Galmudug ula wareegaan,waxaase ka hawlgashay PL oo kasoo dhicisay. Markale,waxay isku dayeen in Mashruuca Lacagtiisa la fashiliyo,waxayna Wasaaradooda Hawlaha Guud ee Xamar amartay in Qandaraaska ay iyadu bixinayso oo fulinayso Mashruuca. Ujeedkoodu,waa in Mashruuca la siiyo Shirkad uu leeyahay Xasan oo ay Maamusho Gabadhiisa,markaas kadibna Lacagta Mashruuca Sadex meelood oo meel loo fasaxo,kadibna ay ku doodaan muranka Siyaasadeed,ayaa na hakiyay ee kuma fulin karno xiligii loogu talagalay hanala siiyo wakhti dheeriya. Sidoo kale marka…
Sabtida oo ay Bishu ku beegan tahay 10-Aug,qorshaysnaa in Shirka Bartamaha iyo Koonfurta & Dowlada Xamar uu ka furmo Isla Xamar. Balse Axmed Madoobe,ayaa diiday in uu kasoo qaybgalo Laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah…. 1.Isku dhac weyn oo ka dhex jira isaga iyo Xamse oo ay ugu danbaysay khudbadii Xamse Maalin ka hor jeediyay oo Axmed aad udhibsaday hadaladii sida uu uhadlay. 2.Axmed oo diidan qorshaha Xasan wato ee Doorasho rabana in uu wakhtiga lumiyo inta laga gaarayo Bishan dhamaadkeeda ama tan danbe horaanteeda oo uu qabsanayo Doorashadiisa. Xasan oo fahansan khiyaamada Axmed,ayaa go’aansaday in uu tago Kismaayo kana soo…
Buurtinle, 05 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Kulan is-xogwareysi ah la qaatay maamulka degmada Buurtinle, Golaha deegaanka, Odeyaasha iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa wax lagu farxo xaqiiqdii dhismaha socda ee Dekeda iyo Wadada Garacad. Waa Mashruuc balaaran oo aan lasoo koobi karin qiimahiisa waxtareed ee Bulshada. Mashruuc markuu soo dhamaystirmo ku kacaya ku dhawaad $500-Milyan oo Hal Deegaan ka fulay waa maalgelin,horumarin iyo Shaqo abuur caalamiya oo Dowlado waa weyn kaliya fuliyaan. Nus Bilyan Dolar Mashruuc ku kacaya in Bulshada caadiga ah ku fakarto oo ku dhaqaaqdo,isla markaana intiisii badnayd la hirgeliyay oo mira dhalkiisii durba la arko mahan,wax fudud. Dekeda ay kusoo xiran karaan Hal mar 8-Markab iyo Wado dhererkeedu dhan yahay in ka badan 400-Km in Shacab caadiya oo kan…
Waxaa loosoo dhaweeyay si sare oo uu mudnaa. Reer Mudug,gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud taageerada ay uhayaan Deni Shacab iyo haldoor Mugdi ma gelin weli,waxaana muuqata in ay hadaf kula socdaan aan isbadalayn. Waxaa cajiib ah Qurba joogta Beeshaas sida aan gorgortanka lahayn ee ay utaageerayaan Deni. Dhowr Qodob ayay kula socdaan Deni Bulshada Beesha Cumar Maxamuud markaad baaris ku samayso…. 1.Waa isku haynta PL-ta balaaran. 2.Waa Xamar iyo loolankeeda joogtada ah. 3.Amniga Gobolka Mudug. 4.Dekeda iyo Wadada Garacad. 5.Hogaamiye kale oo Siyaasadeed oo ku qabsada oo aan jirin. Su’aasha waxay tahay? Deni ma yahay hogaamiye haysan kara Bulshada iyo…
Dooda aan Xalay qabanay ee ku saabsanayd Siminaarka Hotel Jasira Xamar,waxaa kasoo baxay oo ay dul istaageen Dadkii kasoo qaybgalay ee kasoo jeeday Sanaag iyo PL -ta kale….. 1.In Beesha Warsangeli Xaal la siiyo oo lagu gafay. 2.In Beesha Warsangeli aysan ahayn Dad kooban oo Hotel ku Shiri kara. 3.In Beesha Warsangeli leedahay Deegaan balaaran oo ay ku Shiri karto oo aysan ahayn Barakacayaal Hotel Xamar ku yaal lagu Shiriyo. 4.In Beesha Warsangeli leedahay Saldano Dhaqan oo soo jireen ah iyo hormuud Siyaasadeed oo Taladu ka go’odo. 5.In Toboneeyo Siyaasiyiin ah oo Shaqadii ka dhamaatay aysan Madax goosan karin Beesha…
Raiisel wasaaraha, UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag.. Dowladiisa,ayaa kulan deg-deg ah yeelan doonta Maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taaga. Ra’iisul wasaaraha,ayaa wacad ku maray in uu sameyn doono wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno,mar uu khudbad ujeedinayay Shacabka. “Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,”Ayuu yiri Ra’iisul…
Raiisal wasaaraha Bangladesh Shiikh Xasina,ayaa is casishay isniintii waxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray. Talyaha Ciidamada Jeneral.Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay Telefishinka,ayaa sheegay in Xasina oo 76-jir ahi, ay ka baxday Dalka, lana soo dhisi doono Dowlad KMG. Warbaahinta Dalkaas,ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad Milateri, waxaana raacday Walaasheed. Shiikh Xasina,ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo Gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay…
Garaad Jaamac,waa filayay in uu leeyahay aragti wax qiimayn karta,isla markaana ku dhac leeyahay. Garaadka iyo Beeshiisa hoose ee Bah-ararsame waa hormuudka Siyaasada ee Beesha Dhulbahante wax u iftiimiya. Xogaha dhabta ah ee jira,waa in Garaadka iyo talo qabeenka Beesha Bah-ararsame ay qabaan Sool Bari iyo Buuhoodle in aysan noqon karin Maamul,sidaas ay tahayna in PL ay kasii mid ahaadaan oo Caasimada PL loo wareejiyo LC ay macno uleedahay reer Sool. Hadalkiisa Maanta,waxuu xaqiijinayaa xogtii hoose ee jirtay. “Laba Dowladood oo isku sidkan,wadaaga Dhaqaalaha,amniga iyo masiirka in la dhiso oo Waxgaradku isku jarjaraan ama isku dabraan”Ayuu yiri Garaadku. Su’aashu,waxay tahay,hadii…
Bander-Salaama: 05 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Bander-Salaama ee degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxay ahayd in Madaxweyne Deni Sida uu hadlay si ka adag uga hadlo xasuuqa Shacabka ee argagixisada. Waxaan kula talin lahaa in uu markale arinkan dul istaago oo xuso Qodobadan… 1.In Shabaab si adag uga hadlo. 2. In Tacsi waafi ah udiro. 3. In Baaq ku saabsan dagaalka cadowga uu udiro Shacabka Somaliyed. Ka hadalka dhacdadan saamayn kala duwan ayay samaynaysaa ee MW markale ku laabo hadalka. Hadalka MW Deni waa mid la mid ah Tacsida Dadka caadiga ah. JQ.
Sida ay sheegeen Ciidamada Boolidka Gobolka Banaadir 34-Qof,ayaa ku Geeriyooday Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xalay ay argagixisadu ku qaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale 140 kale,ayaa ku dhaawacmay. Saraakiisha amniga Muqdidho,ayaa sidoo kale sheegay in la dilay ilaa 5-Nin oo ka mid ahaa Malleeshiyadii argagixisada ee weerarka fulisay. Halkan ka daawo muuqaalka
Gadiidka Gargaarka deg-dega ah,ayaa daabulaya Dhawaacyada iyo Maydadka. Dadka Dhimashada iyo Dhaawaca ah,waxaa ka muuqata Rasaas caadiya,iyadoo loo malaynayo in argagixisadu u isticmaashay Qoryo iyo Buskoolado ka hor intaysan isqarxin. Dhaawacyada ugu badan,ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer. Waxaa jira Boqolaal Dadweyne ah oo baadi-goobaya Dadkooda oo isku shubay Isbitaalka. Waxaa muuqata in dhawaaqa Xabadu sii yaraanayso oo Ragii galay Hotelka ay isqarxiyeen. Ciidan fara badan,ayaa gaaray Goobta,balse weli wax masuul ah oo hadlay majiraan. Halkan ka daawo muuqaalka JQ.
Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah,ayaa isku qarxiyey Hotel Beach View ee Xeebta Liido oo Caawa ay Dad badan ku cawaynayeen maadama ay Jimco tahay. Bada Dadkii Xeebta Bacaadkeeda fadhiyay oo dhalinyaro ubadnaa,ayaa khasaaraha ugu badan soo gaaray. Magaalada Muqdisho,waxaa isqabsaday Qaylada Gaadiidka Gaar-gaarka deg-deg ah oo daad guraynaya Dadka. Wararkii ugu danbeeyay,waxay sheegayaan in Hotelka gudahiisa laga maqlayo rasaas,taasoo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo. Maydad,ayaa weli daadsan Xeebta Liido, halka dhaawacyo la geeyay Isbitaalo uu kamid yahay Umo Hospital oo Liido ku yaala. Xogta weerarkan,waxaa la helay mar hore,balse lagama taxadarin oo waxay ahayd in ay Dadka ka joojiyaan…
Haba yaraatee aragti kama leh Dowladnimada,wuxuu mar Labaad ku celinayaa khudbadii Fiqi ka jeediyay Shirkii Doha ee ahayd Dowladnimada iyo Dastuurkaba,waxaa noo keenay Xabashi oo waa tuuraynaa,waxaana samaysanaynaa mid aan leenahay. Somaliya nidaam hoos laga soo dhisay oo wax lawada leeyahay waxna lakala leeyahay,ayaa ka hirgalay. Fadaraal,waa lagu liibaanay oo waxaa ku dhismay Gobolkadii,waxaana ku baahay Dowladnimadii iyo adeegii Bulsho. Waxaa looga badbaaday Hal Qof in uu taliyo oo awaamiirta iyo awoodaha Dowladnimo Hal Xaafiis kusoo ururaan. Hadii Xamar oo fadhiga Hay’adaha Fadaraaliga ah ay Caawa burburto Wadanka intiisa kale waxba magaarayaan nidaamkuna lama burburayo. Fadaraalku,waa badbaadada Dowladnimo iyo waxa…
Hotelka Beach View oo ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayay Xabad ka dhacaysaa, waxaana gudaha ugalay Rag Hubaysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale Qof ayaa isku qarxiyay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay. Halkan ka daawo muuqaalka
Kuraasta hore,waa 7-Kursi oo loo kala fariisto… Midka dhexda,waxaa fariista Madaxweynaha D.PL. Geeska,waxaa fariista M.ku xigeenka D.PL. 2-da Kursi ee kusii xiga,waxaa fariista Labada Gudoomiye ee Baarlamaanka D.PL. 3-da Kursi ee dhinaca kale ka xiga Madaxweynaha,waxaa fariista Sadexda Marwo. Caawa,waxaa dhacay in Kuraastii Gudoonka Baarlamaanka ay si khaldan ufariisteen Axmed Karaash iyo Cabdirisaaq Khaliif oo Martida ka mid ahaa. Maamul xumadaas dhacday,waxay sababtay in Gudoonkii Baarlamaaku ka biyo diidaan in ay gadaal fariistaan oo ay banaanka uga baxeen Xaflada. Dhanka kale,waxaa laga xishooday in Cabdirisaaq Khaliif iyo Karaash laga kiciyo Kuraasta. Waxa dhacay ee ay sida khaldan usheegayaan Baraha Bulshadu,waa…
Khudbada Madaxweyne Deni Sanadguurada 26-Aad ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka… Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe : 01 August 2024. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah caawa ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday. “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda…
Dad badan,ayaa qaba PL in ay ubaahan tahay tixgelin gaar ah oo ka Madaxbanaan Xamar,sababtoo ah Maamulada Koonfurta iyo PL islama jaanqaadi karaan oo waxay ka horaysaa ugu yaraan 15-Sano. Hadaba si Dowlad dhisku usocdo Deegaan walbana lagula tacaalo heerka uu ka gaarsiisan yahay Dowladnimada,waa in PL loo fasaxaa horumarkeeda in ay sii wadato. In la dabro oo loo hakiyo Deegaamo aad uga danbeeya,waxay keenaysaa burbur,kala fogaansho iyo Dowladnimada dhismaysa oo istaagta. SL xaalkeedu waa gaar,waxaana loo sameeyay tixgelin si uusan uhakan horumarka ay samaynayso. Si la mid ah PL way ka duwan tahay Koonfurta,waxayna ubaahan tahay tixgelin gaar ah…
Dad badan oo reer Puntland ah,gaar ahaan Mustafe oo ka mid ah Dhalinyarada Qurba joogta,ayaa qaba in PL ku dhaqaaqdo hirgelinta Afartan Qodob oo kala ah…. 1.Puntland oo samaysata siyaasad arrimo dibadeed iyo wakiil u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda, tababartana xeyn diblomaasiyiin ah oo ka shaqeeya iskaashi arrimo dibadeed. 2.Puntland oo dhista hay’adda Gaashaandhig oo lagu mideeyo dhammaan laamaha amniga iyo hay’ad sirdoon oo caalami ah. 3.Puntland oo samaysata digital Currency ama Lacag danabaysan. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa. Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka. Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska…
Guud ahaan Puntland,waxaa Caawa looga dabaaldegay Sanadguurada 26-Aad ee Aas-aaska Puntland. Caasimada Garowe,ayay ka dhacday Xafladii ugu waynayd ee lagu xusayay Sanadguurada 26-Aad. Sidoo kale Shacabka Caasimada,ayaa uskugu soo baxay Wadooyinka ,iyagoo ku labisan oo hadana Gacmaha kuwata Calanka Puntland. Dadka Puntland,waxay muujiyeen Wadaniyad,rabitaan iyo ku qanacsanaan Maamul.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Mudane Axmed Maxamuud Cumar oo u weheliyo Xoghayaha guud ee PEC Mudane Asad Axmed,ayaa ku wareejiyay Guddoomiye Xigeenka Maxkamada sare ee Puntland AVV. Axmed Shiikh Cumar, Natiijada iyo Liisaskii Xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii Qof iyo Codka ahayd ee Saddexda Degmo ka dhacday 23-kii July 2024. Sida Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland dhigaayo Maxkamadda sare,ayaa awood u leh ansixinta kama danbaysta ah iyo Qaadida Dacwooyinka Doorashada. Xaqiiqdii Gudiga Doorashooyinka Puntland,waxa uu qabtay Shaqo qurxoon hufan oo PL sumcadeeda kor usii qaaday. Nidaamka Dowladeed ee Puntland,ayay Sharaf iyo karaamo utahay muuqaalladan oo kale. Hanbalyo. JQ.
Sanaag Subixii laga qabtay Doorasho Qof iyo Cod ah oo Puntland leedahay,ayay si buuxda dhinac iskugu raacday. Somaliland oo Magaaladii Caasimada Sanaag ahayd ee Ceerigaabo Maamusha,ayaan uga adkaanay,iyadoon Xabadi dhicin,waase Nin aan Qadayn oo Qaawan. Sanaag Bari si buuxda waa Puntland Dal iyo Dad. Hadii ay dhacdo in Bulshadeedu go’aansadaan ka bixista Puntland oo ay maraan habraacyada Dastuuriga ah,waa galbinaynaa. Balse,waxaan ku kalsoonahay Bulshada Bariga Sanaag in ay PL dhisteen ku leeyihiin awood qaybsi balaaran,isla markaana maqsuud ku yihiin jiritaankeeda. Reer Sanaag ka Caqli badan,ka ilbaxsan,kana fahmad badan Dad badan oo aan kala aqoon meesha dantoodu ku jirto ama ufiican.…