Author: Jibril Qoobey.

Bosaso: 05 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn…

Read More

PL Jaamacadaheeda iyo horumarkeeda,ayay ku mashquulsan tahay oo waa ka gudubtay wakhti ku lumintii Somali weyn Qaran ah. Badalka Dowlad dhis Somaliyed,waxaan gelinaynaa Dowlad dhis PL oo yoolkeedu yahay isku filnaansho dhan walba ah. Ku milanka Koonfur,waxay nagu ahayd,waxaanan ka fiirsan oo qiiro Somalinimo na gelisay,waxayna ahayd khalad weyn oo aan galay dib in aan ugu aqoonsano Caasimad Xamar oo aan weliba horkacno Dowladnimo lagu cesho. Maanta meel fiican ayay noo maraysaa,waxaana haysanaa Maamul noo dhismay iyo fursado waa weyn. Shaqada ugu horaysa,waa in aan kala miirno PL iyo Koonfur oo aanan Qayb ka noqon DG-yada Magaca ah iyo Maamulka…

Read More

Waxaan tacsi tiiraanya leh ka diraya geerida naxdinta leh ee ku timi walaalkey, saaxibkey Cabdirahman Cabdulle Cismaan ( Shuke), Allaha u naxariiste, oo Jimcaha maanta Oct 4,2024, ku geeriyoday magaalada Nairobi dalka Kenya. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaya xaaskisi Hawa Aden Camey, qoyska rer Abdulle Othman, ehelada kale iyo asxaabtiisi tirada badan, dadka rer Puntland iyo rer Somalia oo dhan. Ilaahey ha ka samir siiyo, isaga na dembigisa Allaha dhaafo oo Jannadi Firdowsa ha geeyo. Aamiin yaa Allaah. Abdirahman-Shuke AUN waxa uu ahaa aqoonyahay iyo siyaasi ruugcadaa ah ee cimrigiisi oo dhan u adeegayay dadka Somalia. Wuxu ka mid…

Read More

K&B Somaliya,waxaa weli ka dhex socda dood kusii siqaysa khilaaf oo ku aadan Doorashada. Xasan oo ah Madaxweynaha K&B,waxa uu ku adkaysanayaa oo ka samayn la’a yahay tanaasul Doorasho Qof iyo Cod ah baan qaban karnaa. Dowlad Goboleedyada KG,Hir-Shabelle iyo Galmudug,waxay ku raacsan yihiin aragtida Xasan Shiikh. JL,waxay weli taagan tahay halkeedii oo waxay ku doodaysaa Doorasho Qof iyo Cod ah ma dhici karto Laba Qodob awgood….. 1.PL oo maqan aawadeed,,waxay Doorashadan sii kala diraysaa Wadanka. 2.Nabad diidka oo aan laga xorayn Dhulka suurtagal mahan Doorasho Cod iyo Cod ah. Villa Somaliya iyo cadaadiska Axmed? Si Axmed Madoobe cadaadis loo…

Read More

Dooda Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta.. Doodda XSM: 1. Hal sano oo loo kordhiyo DG. 2. ⁠Afar bilood oo lagu ansixiyo sharciga Doorashooyinka iyo Xisbiyada. 3. ⁠Doorashada oo loo qabto Bartamaha iyo Koofurta Somaliya. (Waxaa ku raacay Qoor Qoor, Guudlawe, Madaale iyo Laftagareen) Doodda Axmed Madoobe: 1. DG Dastuurkooda, Baarlamankooda iyo Xukuumadaha aan talada la wadaagno. 2. ⁠Doorashada waxaa ka muhiimsan Midnimada Dalka,mana ahan suurto gal in aan ka tashano PL. Waa in la raadiyaa. 3. ⁠Doorashada waxaan u arkaa in la qabto tan Madaxweynayaasha ilaa iyo bisha November. 4. ⁠Kaddibna Doorashada 4-ta DG iyo tan PL aan isku geyno…

Read More

Axmed Madoobe ma diidana Sanadka ku darsiga ah,balse,waxa uu khaldayaa Laba Dowladood oo kala ah……. 1.Kenya oo kula soo ballantay in uu qabto Doorashada oo uusan raacin qorshaha Xasan,sababtoo ah Kenyanka,waxaa muhiimad uleh JL. 2.Imaaraadka oo kula soo ballamay in uusan raacin qorshaha Xasan oo uu qabsado Doorashada,sababtoo ah Imaaraadka iyo Xasan,waa kala dhaqaaqeen. Axmed oo cadaadiska Kenya iyo Imaaraadka iyo qancinta Xasan isqabadsiintooda la jahwareersan,ayaa hindisay Doodan ah… 1.PL Shirka ha timaado. 2 Khaatumo xal haloo helo. Ujeedka Axmed,waa….. B.In uu Shirka geliyo buuq oo haday umarto sidaa ku tago,isagoo isku muujinaya hogaamiye qiyam ku dagaalamay oo masiirka Daarood…

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa xariga ka jaray wejiga Labaad ee Wadada Laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso, oo la dhameystiray 3.5KM, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay wejiga Saddexaad ee wadadan oo dhan 2.4KM. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari, Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha Wadada jidka 30-ka ee Boosaaso. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay. Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha…

Read More

Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso,waxay Xarun ku meelgaar ah ka heli doonaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Xaruntaas,waxay ka hagi doonaan Duqaymaha iyo la socodka awooda Argagixisada Labada Buurood. Taliska Africom Qaybta ka hawlgalaysa Garoonka Bosaso,waa Ciidan gaar ah loo agaasimay weerarada Argagixisada. Ciidankaas,waxa uu ku hubaysan yahay Maraakiib dagaal oo Badda ah iyo Ciidanka gaar ka ah ee Cirka. Sidoo kale,waxaa Qayb ka ah hogaamo kale oo Dowladda PL kala shaqayn doona Sirdoonka iyo howlgelinta Dhulka. Dhanka PL,waxaa xogta iyo Sirdoonka la hawlgalaya Hay’ada Sirdoonka PL ee PISA,halka Dhulka iyo hawlgallada gaarka ah ay la hawlgalayaan Urur Madaxtooyada ah oo si…

Read More

Wada xaajood hoose oo socday,ayaa lagu dhameeyay intii badnayd khilaafka hogaanka PSF iyo Madaxtooyada. Waxa kaliya ee harsan,waa la kulanka Agaasimaha PSF Maxamuud Diyaano ee Madaxweynaha. PSF,waxay ka qaybgalaan howlgalka baaxada leh ee wiiqida awooda Daacish,waxayna toos ugu biirayaan Shaqada. 15-Gawaarida Gaashaman ah iyo 200-Askari,ayaa loo qoondeeyay in ay hawlaglka kaga mid noqdaan.

Read More

Waa 6-Qodob ujeedka Safarka MW ee Xarunta Ganacsiga PL Bosaso….. 1.Abaabulka Ciidamada Dowladda iyo Dadka deegaanka si loogu midoobo hawlgalka la dagaallanka Daacish. 2.La kulanka Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso. 3. La kulanka Ciimada Midowga Yurub oo uu kula kulmi doona dusha sare ee Maraakiibta dagaalka ee EU,waxaana kulan gaar ah la qaadanaya Qaybta Ciidanka ee EUCUP Somaliya. 4.Xarig jarka Dekada 5.Xalinta khilaafka PSF. 6.Kulamada Dadweynaha. Ugu badnaan 10 Beri,ayuu joogi doonaa oo dib,waxa uu ugu soo laaban doonaa Garowe Caasimada Siyaasada Dowlada PL oo uu ka furmi doono Kalfadhiga Baarlamaanka 15-ka Oktoobar. J

Read More

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo,ayaa Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo u doortay Maxamed Cabdirisaaq Daacad. Duqa cusub,ayaa haatan ahaa Gudoomiyaha Xaafada Yameyska. Sidoo kala waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dhagacade. Dadka yaqaan,waxay ku tilmaamaan in uu yahay Nin firfircoon oo aragti fiican. Gaalkacyo,waxay la’adahay hogaan DH haga oo muujiya waxqabad ilaa iyo hada.

Read More

Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen. Dalka Denmark, laba qarax,ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen. Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho Socdaalka Madaxweynaha,ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Israa’iil,ayaa Arbacada Maanta ah ku dhawaaqday in uusan soo geli karin Dalkeeda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “persona non grata”. Bayaan uu soo saaray, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku tilmaamay Guterres inuu yahay “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, mid ka soo horjeeda Israa’iil oo taageera argagixisada.” Bayaan uu soo saaray Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Katz, ayaa ku dhawaaqay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu yahay (shakhsi aan halkan laga rabin) wsxs uuna raaciyay in Qofkii aan si cad u cambaareyn karin weerarka foosha xun ee Iiraan ay kusoo qaaday Israa’iil uusan…

Read More

Israel on Wednesday declared UN chief Antonio Guterres “persona non grata”, banning him from entering the country. The decision was taken by the Israeli foreign ministry for failing to unequivocally condemn Iran’s missile attack on Israel yesterday. Foreign minister Israel Katz announced on social media that he has declared Guterres a “persona non grata” in Israel.

Read More

Iran launched at least 180 missiles into Israel on October 1, marking a further escalation in the ongoing conflict between Israel and Iran’s proxies, including Hamas, Hezbollah, and the Houthis. It remains unclear as to how much damage the Iranian missile attack caused in Israel. But reports say one of the high-profile targets was the Mossad headquarters in a residential area of Tel Aviv. Images have emerged and media outlets — such as CNN and The Guardian — have reported craters caused by one of the missiles not far from the Mossad headquarters. One of the reports described the crater…

Read More

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gudbiyaan mooshin ku saabsan xil ka qaadis la doonayo in lagu sameeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua Hogamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu, Kimani Ichung’wah, ayaa xaqiijiyay in moshinka ka dhanka ah Gachagua la hor geyn doono baarlamaanka xiliyada duhurada manta. Si mooshinka u dhaqan galo, waxaa loo baahanyahay taageerada 233 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana jira warar sheegaya in durbaba 302 xildhibaan ay saxiixeen. Madaxweyne ku xiigeenka ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobka 10-aad ee dastuurka dalka oo la sheegay inay horseedi…

Read More

Iran,ayaa weerar culus oo Gantaallo ku qaaday Israa’iil Caawa. Hawada Israa’iil,ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada. Ciraaq iyo Urdun,ayaa iyaguna xiray Hawadooda. Madaxweyne Joe Biden,ayaa ku amray Milatariga Maraykanka in ay caawiyaan difaaca Israa’iil oo ay soo ridaan Gantaalada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Israa’iil. Militariga Israel ayaa goor dhow sheegay in gantaallada ay istaageen,mana cada khasaaraha ka dhashay weerarka Gantaallada ee Iran soo qaaday. Hanaanka Difaaca ee ka hortaga Gantaallada Israa’iil,ayaa si wacan shaqeeyay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garoowe: 01 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirka Dowladda iyo Hay’adda UNICEF, Kaasi oo lagula ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay Shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay. Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn…

Read More

2-Oct,ayaa qorshaysan in uu furmo Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka,inkastoo Hir-shabelle codsanayso in dib loogu dhigo ilaa 7-Bisha. 4-ta DG ee K&B,waa ka soo wada qeyb galayaan,sababtoo ah,waxaa uga xiran Lacagtii Kabida Miisaaniyada oo Xasan si dadban rahmad ugaga dhigay imaanshaha Shirka. Qodobada looga wada xaajoonayo layslama meel dhigin oo matalayaal ka socday Axmed Madoobe oo utagay Muqdisho sii diyaarinta Qodobada,waxba uma hirgelin oo Villa-du,way ka war wareegaysaa sii diyaarinta Ajandaha. Balse,waxaa la filayaa in looga wada hadli doono si guud Shirkaas…. 1. Dastuurka 2. ⁠Ansixinta shuruucda Doorashooyinka 3. ⁠Arrimaha Itoobiya 4. ⁠Dagaalka Nabad diidka. DG,waxay wataan aragti oranaysa…

Read More

Garaad Jaamac hadalkiisa ah ..”Mudug iyo Khaatumo halaysku daro”,waa fariin maldahan oo micnaheedu yahay=Puntland. Garaad Jaamac,waa kaga fiican yahay qadiyadaha Garaadada kale,waxaana uu arkaa dhowr Arimood oo kala ah…… 1.Reer PL-ta kale oo aan kula Xisaabtamin Gefafkii horay uga soo gaaray,taa badalkeedana taageeray shuruud la’aan,Gefafakaas oo kala ahaa… B.Dhulkii Bintilaan oo uu ula jeeday hoos dhigis. T.Ma idinaan guursateen hadaad og tihiin Colaada MJ iyo Isaaq idin hayo oo ula jeeday MJ waa Cadowgiina. 2.Garaadka oo ujeeda Dagaalkii LC hadii Qof ku helay maqaam iyo Magac in uu isaga yahay,hadana aan rabin in uu dib ulumiyo oo hormuud ka noqdo…

Read More

Talyaha Ciidamada Itoobiya,ayaa sheegay in uu fashilmay qorshihii Hub ka dhigista Ciidamada Tigreega Dhaqaale la’aan darteed. “Dowlada Itoobiya ma awoodo in ay Hub ka dhigis ku samayso TPLF dhaqaale Dari awgeed oo dib,ayuu udhacay Dhaqaalihii laga sugayay BC”Ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”TPLF,waa Cudud xoogan oo ku hubaysan noocyada Hubka culus iyo midka fudud oo gaaraya 75000-100.000 oo Askari”Ayuu yiri Talyaha Ciidamada Itoobiya. Hadalkan,waxa uu ka danbeeyay markii TPLF ay markale awooda Maamul ee Deegaanka Tigreega ay si dadban ula wareegtay,iyadoo garabka Siyaasada ee Xisbiga loo doortay hogaamiyaha Rugcadaaga ah ee ay aadka ujecel yihiin Shacabka Tigreega ee Debreshon.…

Read More

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya,ayaa difaacay,isagoo ka khudbaynaya Shirka QM heshiiskii is af-garad ee ay la galeen Maamulka Somaliland. Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie,Ayuu yiri “Is af-garadkaas,waxa uu salka ku hayaa hannaanka Siyaasadeed ee Somaliya u yaalla marka heshiis la galayo”. “Ujeedada heshiiskan,ayaa ah kobcinta horumarka Gobolka,waxaana kuwo la mid ah heshiiskaas Af-garad aan la galnay dhawaan Dowlado kale”Ayuu ku daray hadalkiisa,W.Arimaha Dibada Itoobiya. “Majirto sabab DFS ay uhuriso Colaad oo ay muhiimad ysiin waydo xiisadaha Gudaha Wadankeeda ka haysta”Ayuu ugu danbayn yiri.W.A.Dibada Itoobiya. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Milatariga,Israa’iil,ayaa Maanta sheegay inay duqayn ku dileen Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan Ururka Xisbullaah. Sidoo kale Xisbullaah,ayaa xaqiijisay in Cali Karaki oo ahaa Talyaha Ciidamada Jamhadda ee Jiidda Koonfureed uu ka mid ahaa Dadkii lagu dilay isaga iyo hogaamiye Xasan Nasrullaah duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Koonfurta Beirut Jimcihii. Waa Sarkaal kale oo muhiim ah oo laga dilay Xisbullaah,xilli kooxdan reer Lubnaan ay la daalaa dhacayso dharbaaxooyin halis ah iyo dilkii hogaamiyahoodii Xasan Nasrullaah.

Read More

Mooshinka laga keenay Fiqi,waxaa ka danbeeya Xasan oo raba in uu isdhaafiyo,isla markaana eeda ay qaataan Baarlamaanka. Ujeedkiisu,waa in uu yiraahdo (Kuma diidani ee Baarlamaankaa ku diiday). Xasan,waxaa cadaadis ku noqday hadaladii uu ka qoray ama uu ku yiri Reer KG Fiqi iyo dhaleecaynta balaaran ee loogu soo jeedinayo in uusan uqalmin Wasaarada Arimaha Dibada. Fiqi,waxaa muuqata in uusan gaarsiisnayn Wasiirka Arimaha Dibada oo xataa Luuqad ahaan uusan diyaarsanayn,waxaana xoguhu sheegayaan Labadii Safar ee ugu muhiimsanaa midna in uu kaxaystay Yuusuf Garaad midna Cawaale Cali Kullan. Xasan,waxa uu rabaa in uu Fiqi Cuno oo ku badalo Qof kasoo jeeda PL,isla…

Read More

Danaha Siyaasadeed Maraykanka ee Bariga Dhexe,waxaa qayb ka ah in Shiicada iyo Sunniyiinta loolankoodu uusan dhamaan. Hadafka daneed ee Maraykanka,waa in aan laga maarmin oo loo midoobin laguna mashquulin danihiisa. 15-kii Sano ee udanbeeyay,waxaa la diciifiyay awoodii Sunniyiinta ee Bariga Dhexe,waxaana kor loosoo qaaday awoodii Shiicada. Sidoo kale,waxaa fursado loo siiyay Shiicada in ay iska dhiciyaan Sunniyiinta,balse Shiicadu markay guulo ka gaartay loolankii lagu taageerayay ee Sunniyiinta,waxay ugudubtay danihii Galbeedka iyo Israa’iil. Hadaba,iyadoo laga duulayo xakamaynta awooda Shiicada ee xuduudii loo dajiyay soo dardartay,ayaa Israa’iil laga adeejiyay. Laga soo bilaabo Xarunta Shiicada ee Tehran ilaa Yemen,waxaa lagu qaaday hawlgallo ka…

Read More

Israa’iil,waxay ka dhisan tahay Sirdoonka oo ay kaga horayso Wadamada Bariga Dhexe oo idil,waxayna ku hawlgalaan Tiknoolajiyad casriya oo sare. Israa’iil,waxay dhex gashay nidaamka Isgaarsiinta IRAN iyo kan Guud ee Shiicada ay taageerto ee Bariga Dhexe. Si gaar ah,waxayna ku guulaysatay in Taleefoono gaaraya 20-kun ay geliso Suuqyada Taleefoonada Lubnaan,kuwaasoo Dadka qaatay ay ku jireen taageerayaasha iyo Xubnaha muhiimka ah ee Xusbullaah. Dadka ay ku dishay ama dhaawac halis ah ay ku gaarsiisay Taleefoonada ay ku xiratay Aaladaha,waxaa ku jira Safiirkii IRAN oo fariin Telkiisa loogu soo diray ku Indho beelay. Sidoo kale,waxay Israa’iil ka dhex samaysatay Dad basaasiin ah…

Read More

Rabitaanka Shacabka SL,waxaad moodaa in ay aaday Xisbiga Wadani iyo Musharax Cirro. Fanaaniinta Xidigaha Geeska Heesahoodu,wax weyn ayay ka badaleen olalaha socda,waxayna garab unoqdeen Wadani iyo Cirro,iyagoo kusoo beegmay xilli xasaasiya. Gacan qaadkii Gabadha Fanaanada ah ee yax-yaxa ku noqotay guud ahaan Dimuqraadiyadii iyo bisaylkii Bulsho ee SL,ayaa Xisbiga Kulmiye Olalihiisa dhabarjab ku noqday. Berbera oo ah Magaalada Cirro Deegaan hoose ahaan uga soo jeedo,waxaa ka dhacay Wacdaro. Si Guud Olalaha Doorasho ee SL,waxa uu usocdaa si qurux badan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xisbulaah ugu danbayn,way aqbashay in la shaaciyo Geerida hogaamiyahoodii Xasan Nasrullah. Israa’iil,waxay iyadu xaqiijisay in ay dishay Shalay Duhurkii Xasan Nasrullaah. Netanyahu ka hor inta uusan uduulin Shirkii QM,ayuu saxiixay Dilka Xasan Nasrullaah. Waxaa lagu dhuftay Gantaal kuwa Shubka ka dhex baxa ah,waxaana Israa’iil uxaqiijiyay Dilkiisa,Basaasinta muhiimka ah ee ay ku dhex leedahay Xisbullaah. Sidoo kale Xisbullaah,waxaa laga dilay 11-Sarkaal oo muhiim ahaa. 75-Gantaal oo kuwa Shubka ka dhex baxa ah ayay Israa’iil ku gaaracday Xarumaha Xisbullaah Shalay oo qura. Israa’iil,waxay kaloo Koonfurta Lubnaan ka fulisay hawlgal dhaliyay 350-Qof oo dhimasha ah iyo 2700-Qof oo dhaawac ah. JQ.

Read More

SL,waxay ahayd Maamulka kaliya ee Beelaha Gacantooda laga ururshay Hubka,balse nasiibdaro 34-Sano kadib dib,ayuu ugu laabtay Gacanta Beelaha. Dagaalkii Sool,waxa uu si weyn udiciifiyay Dowladnimadii SL ku faani jirtay in ay kaga horayso Somaliya inteeda kale. Ciidankan,waa midka Beesha wax ka degta Sool,Sanaag iyo Buuhoodle ee loolanku kala dhaxeeyo Beesha kale ee ay wada degaan Deegaamadaas ee iyaduna isticmaasha Magaca Sool,Sanaag iyo Cayn. Sadex ujeedo,ayaa laga leeyahay dhisida Ciidankan….. 1.In Sool,Sanaag iyo Cayn oo Buuhoodle ah,aysan Hal Beel sheegan oo la muujiyo in Beelo kala duwan wada degaan. 2.In hadii dagaal dhaco Hab Beeleed lagu wajaho oo Maamulka SL meesha…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa u sheegay Militariga dalkaas in ay sii wadaan awoodda buuxda oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Xisbullah. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan,ayaa sheegtay in ugu yaraan 92-Qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil maalintii Khamiista, iyadoo boqollaal kalena lagu dilay tan iyo markii duqaymaha ay sii kordhiyeen Isniintii. Ururka Xisbullah,ayaa xaqiijiyay Geerida Madaxii qeybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones, kaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka fulisay Koonfurta Magaalada Beyruut, ninka la dilay,ayaa lagu magacaabaa Mohammad Surur. Mareykanka iyo xulafada kale,ayaa ku baaqay Xabbad joojin.

Read More

Madaxweyne Cadde Muuse rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaashii qiimaha badnaa ee PL ay lahayd. Siduu PL uhogaanshay,isla markaana door weyn uga qaatay Dowlad dhiska Somaliya oo ubari taaray Dowladii KMG ahayd ee MW Cabdullaahi Yuusuf hogaaminayay,waxay gashay taariikhda. Marka laga soo tago in Shaqo Qaran lawada qabanayay hadana Cabdullaahi,waxa uu kasoo jeeday Mudug,halka Cade kasoo jeeday Bari. Maanta,waxaa booskii fadhiya Siciid Deni oo kasoo jeeda Bari,waxaana loo baahan yahay reer Mudug in aysan cidna wax ula simin oo ay Naf iyo Maalba dul dhigaan. Daba dhilifnimo mahan oo ha dhibsanina Erayada khaldan ee…

Read More

8The process of state-building in Somalia and the disputes between the central government and Puntland are not recent phenomena;the historical narrative of Somali state-building is crucial to understand these dynamics. Since the establishment of the federal government in 2004, Puntland has played a significant role within this system. From 2005 to 2024, Puntland has been embroiled in various conflicts with the federal authorities on the: • Reconciliation, • Political Consensus, • Type of Federal System, • Constitution . • Power and Resource Sharing . It is essential to critically analyse the disputes between the central government and Puntland to grasp…

Read More

Hal Maalin gadaal uga degi mayno aragtida aan ka qabno Dowlad dhiska Wadanka. Sidoo kale wixii lagu heshiiyay ilaalintood,waa ku mintidaynaa. Qayb kama noqonayno ama ma aqbalayno Nin isku diyaarinaya Kalitaliye in uu noqdo. Sadex arimoodba,waan dhamaystiraynaa…… 1.Doorasho Qof iyo Cod ah,waa hirgelinay. 2.Midaynta Shacabka gudaha yo xoojinta Shaqada Dowlada meel fiican bay maraysaa. 3.Wiiqida awooda argagixisada,waa wadaynaa oo Buuraha waa loogu tagayaa,si la mid ah sida Magaalooyinka looga wiiqay. Sidoo kale xiriirka BC iyo Somalida waxgaradka ah,waa ilaalinaynaa. Kuwa Xamar ujooga (Anagaa Deni fashilinaynee wax nasii) noolama sina Deni. Xaafiis Sanad ka harsan yahay Qof loo Magacaabay,waxba kama badali…

Read More

Waa jawaab khaldan oo uu ka bixinayo baaqii PL ee ahaa si Wadanka loo badbaadiyo in lawada hadlo,waase ubaahnayn jawaabtiisa khaldan. Waxa uu Magacaabay intii uu islahaa xumaanta PL,ayay fududayn karaan. Waa tabtii iyo qorshihii Dowladii Carta lagu soo dhisay ay kula dhaqantay PL xilligii MW Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale Dadkii,waagaas MW Cabdullaahií Yuusuf loo adeegsanay,ayaa Maantana Deni loo adeegsanayaa. Ujeedka baaqa PL ee wada hadalku,waa Sadex arimood oo kala ah…… 1.Shacabka PL in ay wax ogaadaan. 2.Shacabka Somaliyed in ay wax ogaadaan. 3.BC in ay aragto PL in aysan khilaaf wadin. PL,way gaartay hadafkii ay ka lahayd baaqeedii wada…

Read More

Wasaaradii oo markii horaba Qaybta Mashaariicda Madaxtooyadu ka qaadatay,ayaa hadana Labadii Qaybood ee kale laga jaray si dadban. Arimihii Fadaraalka,waxaa laga siiyay Gallan. Arimihii Dimuqraadiyada iyo Dib uheshiisiinta,waxaa laga siiyay Ninka kale. Xoosh,waxaa usoo haray,Mushahaarka iyo Xaafiska. Hal Wasaarad,ayaa loo qaybiyay,iyagoo dhan oo Shaqo abuur looga sameeyay. Dadka Xasan umagacaabay Lataliyataasha,waxay ku dhow yihiin 80-tan mana leh Xaafiisyo,waxaana Mushahaar ahaan loo siiyaa $1000 oo Qaadka Lacagta kasoo baxda ah. JQ.

Read More

Islaan Ciise,waxa uu ka yimid Jabuti,waxaana Xamar lasoo martay Diyaarada,kadibna Xoosh,ayaa la orday oo Villa-da geeyay si uu iskugu sawiro. Islaanku,Jabuti Dano gaar ah,ayuu utagay oo Shaqsiyadeed. Isin Socdaal ah oo laysku soo sawiro maxay yeeli kartaa PL iyo hadafkeeda Dowlad dhiska Somaliya?.

Read More

Sideedadaba khayr kama filanayno Qofka Xasan meel umagacaabo oo PL kasoo jeeda,sababtoo ah,waxa lagu doorto,ayaa ah in uu yahay Qof xumaan loo adeegsan karo. Ma leh faa’ido Deegaan iyo mid Somaliyed Magacaabista Labadan Oday,isla markaana Labada Boos ee loo Magacaabay,miisaan maleh. Sidoo kale,Labada Oday Arimaha la yiri ka tala bixiya uma leh khibrad iyo Aqoon. Labadan Nin,waxay ku sugnaayeen mudo Xamar,iyagoo Shaqo doon ah,tanina,waa Shaqo abuur loo sameeyay. PL,waxba ma yeeli karaan,sababtoo ah saamayn kuma leh Deegaamada ay kasoo jeedaan,isla markaana Sanadihii ugu danbeeyay,waxay ka mid ahaayeen koox Guri looga kireeyay Xaafada Huriwaa oo PL kasoo qaxday markii looga adkaaday…

Read More

Israa’iil,ayaa sheegtay in ay xalay duqeysay 75 bartilmaameed oo Xisbullah, ay leeyihiin oo ku yaalla gobolka Bekaa ee u dhow Suuriya. Ciidamada difaaca Israa’iil,ayaa sheegaya in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Xisbullah gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Lubnaan, oo ay ku jirto Tuulada Shuba ee Koonfurta Lubnaan. Miltariga Israa’iil waxa ay intaa ku dareen in Waqooyiga Israa’iil, ilaa 45 Gantaal lagu soo ganay.waxa ay sheegeen in qaar ka mid ah Gantaalladaasi la qabtay inta kalena ay ku dhaceen meelo banaan ah.

Read More

Ciidamada Dalka Suudaan,ayaa bilaabay weerarro culus oo ka dhan ah Ciidamada ay iska soo hor jeedaan ee RSF, iyagoo bartilmaameedsanaya goobo ka mid ah caasimadda, oo ay lumiyeen 17-Bilood ka hor markii uu bilowday dagaalka. Ciidamada Dowladda,ayaa duqeymo Cirka ah iyo Madaafiic ku garaacay fariisimaha RSF ee Magaalooyinka Khartoum iyo Baxri. Goob joogayaal,ayaa kusoo waramaya duqeymo xoogan iyo dagaal culus,iyadoo Ciidamada xooga dalka ay la dagaalamayaan kuwa RSF. Dagaalkan,ayaa imaanaya,iyadoo lagu wado in hogaamiyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al Burhan, uu khudbad maanta a jeediyo,Shirka guud ee Qaramada Midoobay ee New York.

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa uga digay Reer Galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro Gantaalaha caadiga ah. Putin,ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagan tahay Dowlad ku hubeysan Niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadajir ah loogu soo qaaday. Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka,ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka Niyukleerka ah ay Dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg-dega ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

Read More

Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka. Baaqyadaas oo ku aadan in isbedel lagu sameeyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Afrika,ayaa muddo dheer ku baaqeysa in matalaad joogto ah ay ka hesho Golaha ammaanka ee ugu sarreeya Sdduunka. Wasiirka Gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa wuxuu sheegay in dib-u-habeyntu ay kor u qaadi doonto ka-qayb-galka iyo qoto-dheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka. https://youtu.be/okeJZ-CuMLs?si=drY_bdTc_AqKXvkX

Read More

Israa’iil,ayaa sheegtay in ay mar kale duqeyn Cirka ah la beegsatay kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan oo ay maalmahan si xooggan isku weydaarsanayeen gantaallo. Weeraradii ugu dambeeyey,ayaa imaanaya,iyadop tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan tan iyo Isniintii ay kor u dhaaaftay 558, halka dhaawaca uu yahay 1,835 Qof. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/RYCpLWaFj8E?si=_gjrSc54kj6o55rK

Read More

Garoowe: 25 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo qaabilay Safiirka Dowladda Denmark ee Soomaaliya Danjire.Steen Sonne Andersen. Kulanka,ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Puntland sida… 1.Dimuqraadiyadda. 2.Mashaariicda horumarinta. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Badhan: Kooxda Kormeerka Wadajirka ah oo ka koobneyd Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Guddoomiye Avv. Siciid Cabdi Mumin iyo Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland ee kala ah Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda iyo Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa ayaa kormeer shaqo ku tegay magaaladda Badhan. Ujeedka kormeerka oo ahaa mid loogu kuurgalayey xaaladda xuquuqda aadanaha iyo helidda caddaaladda da’yarta. Kormeerka waxaa diirada lagu saarayey hay’adaha Sharci-fulinta, Garsoorka, maxaabiista ku xiran xabsiga, saldhigyada iyo shaqada laamaha caddaaladda iyo amniga gobolka sanaag ee degmada Badhan. Kormeerka waxaa ka qayb-qaatay maamulka gobolka, degmada, wasaaradda Caddaaladda iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuqda…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tobaneeyo gantaal lagu garaacay waqooyiga Israa’iil saacadihii hore ee saaka.Markii hore shan gantaal ayaa la ogaaday in la ganay “qaarkood waa la qabtay inta soo hartayna waxay ku dhaceen meelo bannaan,” sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil. Intaas kadib 50-Gantaal oo kale,ayaa laga helay aagga Sare ee Galili, sida ay milatariga Israa’iil sheegeen. Inta badan waa la qabtay Gantaallada laakiin waxaa jira xoogaa burbur ah oo soo gaaray dhismayaal, dab-damiskana waxay ku hawlan yihiin daminta dabka, ay sababeen gantaalladaas. War qoraal ah oo ay soo saartay Xisbullah ayay ku sheegtay in ay ku duqeysay…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,ayaa ka digay in hubka la geeyey Somaliya uu kasii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada,sida ay maanta ku warrantay Wakaaladda wararka ee Itoobiya. Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii Markab laga leeyahay Dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho,taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen August. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan “xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya,”…

Read More

Garoowe: 24 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ciidanka Madaxtooyada iyo Ciidanka PMPF oo kawada howlgaleyay safaradii Madaxweynaha ee Gobollada Nugaal iyo Mudug. Cutubyada ciidanka Madaxtooyada ee uu la kulmay Madaxweynuhu, ayaa kala ahaa horinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada oo soo dhameysatay tababar khaas ah, horinta 12-aad ee ciidanka Madaxtooyada iyo Ciidanka PMPF ee shaqada Madaxtooyada sii waday mudadii tababarku u socday horinta 2-aad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka dhegaystay taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo saraakiisha Ciidanka, wuxuuna ku boggaadiyay sida wanaagsan ee ay waajibaadkooda u guteen Ciidanku. -DHAMMAAD-…

Read More

Garoowe: 24 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta taliska Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad shahaadooyin ku guddoonsiiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo tababar dhameystay, kuwaasi oo kala ah hurinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada iyo Saraakiisha Guutada Duufaan. Madaxweynaha ayaa Ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya . “Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay Ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha…

Read More

MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY ISBITAALKA WEYN EE GAROOWE OO DIB-U-DHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY. Garoowe: 23 september 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth, ayaa xariga ka jaray Isbitaalka weyn ee Garoowe oo dib-u-dhis , ballaarin iyo qalabeyn casri ah lagu sameeyay. Ballaarinta iyo dib-u-dhiska Isbitaalka weyn ee Garoowe waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Dowladda Germany oo adeegsanaysa Hay’adda UNICEF, waxaana lagu soo kordhiyey Isbitaalka qalabka qaliinka casriga ah, qeybta xaaladaha deg dega ah , qeybta Hooyada iyo dhallaanka oo leh dhalooyinka caruurta lagu koriyo iyo…

Read More

” Xiligaan waxaa soo baxday in dadkii Soomaaliyeed qaarkood lagga saaro Soomaalinimadda, weliba masuuliyiin ay sidaas samaynayaan. Arintaas ma aha arin iska dhacday ee waa mid lasoo abaabulay sidday u muuqato. Dalkaana meel khatar ah buu ku socdaa runtii”Ayuuyiri Dadka Somalinimada laga saaray ee MW Deni tilmaamayo,waa Reer KG iyo SL oo sidii loola dhaqmay ay ku khasbayso in ay sii fogaadaan. Sidoo kale muhiim ayay ahayd in PL ka hadasho Qodobkan oo Dadkaas Somaliyed ee la xumayanayo laga dareen celiyo. Dadka Somaliyed,waa isku Sinji,Dhaqan,Diin iyo Af wadaaga. Hogaamiyaha ugu qiimaha badan ee Somali Maanta ubaahan tahay,waa kan mideeya oo…

Read More

“Waxaan halkaan ka cadaynayaa in PL ay diyaar u tahay wada-hadal furan maaha mid qarsoodi ah. Doodeena Soomaali markhaati haka noqoto, hadaan khaldanahay hanala arko, hadii aan saxanahayna Soomaali hanaloo garaabo”.Ayuu yiri MW Deni. Siyaasada PL,waa intaas MW Deni sheegay balse ubaahan mar walba in ay la jaanqaado waaqiciga jira. Xiliga haatan lagu jiro waliba Sanadkan iyo wixii ka danbeeya,waa in la badalaa jihadii hore ee ahayd isgaabin iyo isku filnaansho. Jihada cusub,waa in ay noqotaa furfurnaan;saamayn iyo xiriir badan oo la sameeyo. DG-yada Koonfurta,waa in laysku dubaridaa oo dhaqaale la galiyaa. Siyaasiyiinta iyo haldoorka Bulshada Somaliyed,waa in la abaabulaa.…

Read More

Shirkii Nabada ee kusoo gabagaboobay Xarunta PDRC Garowe,wuxuu ahaa mid Qiimo weyn leh. PL,waxa uu ahaa fursad ay ku samaysay galaangal iyo saamayn Bulsho iyo jihayn cusub oo Siyaasadeed. Sidoo kale Shirku,wuxuu u ahaa PL Gacan iyo Af ay u isticmaashay gudbinta aragtiyaheeda kala duwan. Shirka,waxaa iskugu yimid haldoorka Bulshada Somaliyed oo ubaahnaa Xarun ay kuwada hadlaan,isku dhaafsadaan aaraahdooda oo ay kusoo gudbiyaan aragtidooda. PDRC oo ah Xarun Dowliya oo Cilmi Baaris,waxay qabatay Shaqo loo baahnaa. Maamulka Deni,waxaa laga rabaa in ay halkaas kasii wadaan wax ka badalka Siyaasadii hore. PDRC,bogaadin ayay mudan tahay. JQ.

Read More

Garoowe: 23 September 2024 : Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Caawa kulan Casho ah oo soo dhoweyn iyo boggaadin ah u sameeyay Hay’adda PDRC iyo Marti sharafta isaga kala timi dalka iyo dibedda ee ka qeybgashay Shirka Nabadda ee PDRC oo Garoowe maanta kusoo dhammaaday. Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada welwelka uu ka qabo jihada Soomaaliya u socoto iyo sida Dowladda Federaalka ah uga shaqeynayso kala irdheynta bulshada Soomaaliyeed. “In qeyb bulshada ka mid ah ay qeybta kale ka saarayso Soomaalinimada waa khatar soo korortay” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu madasha kaga dhawaaqay in Dowladda Puntland…

Read More

Xasan,waxa uu ku dhegan yahay Lacagtii Kabida ee Baanka Aduunka ka timid,taasoo loogu talagalay in Dowlada Dhexe iyo DG Miisaaniyadahooda lagu kabo. Balse Xasan,waa Siyaasadeeyay oo waxa uu Shuruud ka dhigay in ay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu kasoo qaybgalaan Shirka Madasha. DG,waxay haatan dacwad gaarsiiyeen Baanka Aduunka,waxaana Xasan iyo W.Maaliyada lagu soo amray in ay bixiyaan Lacagtaas sida ugu dhakhsaha badan. Xeerarka Lacagta Baanka Aduunka ka timaada,waxaa ka mid ah in aan la Siyaasadayn. Waxaa xudid mudan in Xasan Afartii DG ee ku harsanaa,waa sii kala dhimanayaan oo Laftagareen,waxa uu kusoo oogay Xeer-ilaaliyihiisu khiyaamo Qaran,haatana waa Lacagtii Kabida Caalamka ka timid.…

Read More