Gaalkacyo: 14 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad goboleedka Galmudug oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wafdiga Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Aadan, waxaa ay isugu jireen Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug Iyo Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo xubno kale Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta ka wada shaqeynta nabadgelyada, amniga, isu-socodka , ganacsiga iyo horumarka degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, iyo in Puntland…
Author: Jibril Qoobey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yusuuf,ayaa sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Soomaaliya Iyo Itoobiya taasi oo ku aadan arrimaha badda. Wasiirka oo la hadlayay wargeyska Al-sharqul Awsat ayaa waxa uu shaki galiyay suurgalnnimada in wadahadalada uu gar wadeenka ka yahay Turkiga ay guuleystaan. “Runtii, Mowqifyada Labada Waddan ee ku aaddan fikradda ixtiraamka Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed waa mid aad uga fog midba midka kale,” isaga oo intaa ku daray in “xalku ku jiro mid ka mid ah Labada Dal oo ka tanaasula mowqifkiisa arrimahan”Ayuu yiri. Wasiirka waxaa uu shaaca ka qaaday in dalkiisu “uu soo…
Ilhan Cumar oo ah Mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka. Ilhan,ayaa doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ah siyaasi Dimoqraadi ah. Waana marki Labaad oo xiriir ah oo ay Don ku garaaceyso doorashada is reeb reebka Kursiga Degmada Shanaad. Halkan ka daawo muuqaalka
Qaahira, Ogoosto 14, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi. Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha…
Gaalkacyo: 14 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Puntland. Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, dib-u-habeynta Ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Amniga iyo bulshada. Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Dowladda Puntland. -Dhammaad- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.l
Yay dani ugu jirtaa kala kaca Kulankan? Isfahan waaga Xamar iyo Adis,waxay fursad Dahabiya utahay Hargaysa. Sidoo kale Ingiriiska,Midowga Yurub iyo Imaaraadka,waxay utahay fursad ay Turkiga ku fashilin karaan. Yaa ku hungoobay kulankan? Marka laga tusaalo qaato Sadex arimood oo kala ah…. 1.Tagidii W.Arimaha Dibada Turkiga ee Adis iyo hadalkii uu sii daayay. 2.Xiriirkii la shaaciyay ee Erdogan uu la sameeyay Abiy ee loo hanwaynaa. 3.Soo hormarintii kulankii Sep loo balansanaa. Calamaadahaas,waxay muujinayeen in Turkidu soo karkariyeen wax macno leh. Si kastaba ha ahaatee,waxaa goobta ka cadaatay in Turkidu aysan ucuslayn sida Somalidu moodayso. Yaa isbadbaadiyay? Xasan Sh.waa ka dabaashay…
Maamulka badaha ayaa baadhaya weeraro kala duwan oo la sheegay in lagu qaaday markab marayey biyaha badda cas, gaar ahaan, meel u dhow goobaha ay Xuutiyiintu ay weerarada maraakiibta ka geystaan. Hawlgalka ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inay heleen, xog tilmaamaysa, qarax ka dhacay meel 174 KM woqooyi galbeed kaga beegan dekedda Xudayda ee dalka Yemen, weerarkaas oo dhacay subaxnimadii Salaasada. Warbixintan ayaa timi, saacado yar ka dib, markii laba qarax oo kale lala beegsaday isla markabkan, xilli uu marayey meel 117 KM u jirta xeebta Xudayda, sida laga soo xigtay shirkadda dhinaca ammaanka badaha ee Ambrey. Weerarka…
Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa ilaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah. Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aasaasay ‘kooxda’ waxaa lagu sheegay inay tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels. Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil. AIPAC…
Fashilka ku yimid wada xaajoodkii Turkiga,waxaa sababay loolanka udhaxeeya Quwadaha,si gaar ah Yurubiyaanka iyo Turkida. Warar hoose,ayaa sheegaya in Itoobiyaanka uu saamayn ku yeeshay Ingiriiska. Itoobiyaanku,waa dhawaayeen markii hore,waxayna ogolaayeen in ay ka laabtaan mowqifkoodii hore. Loolanka Turkiga iyo Yurubiyaanka salkiisu,waxa uu ku salaysan yahay saamaynta Turkiga ee Somaliya,gaar ahaan Shidaalka iyo Badda. Loolanka Quwadaha,waxa uu khatar gelin doonaa jiritaanka Qaranimo ee Somaliya. Dowlada Xasan,waxay tixgelinta siiyay siday Lacag ku samayn lahayd. JQ.
Gaalkacyo: 13 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay oo warbixin ka dhegaystay Guddiyada labada Golle ee Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo qiimeyn kusoo sameeyay hanaanka shaqo ee hay’adaha Dowladda ee degmada Gaalkacyo iyo Guud ahaan xaalada Gobolka Mudug iyagoo kormeeray Xafiisyada iyo Xarumaha Dowladda. Guddiyada ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay u socdaan adeegyada dowliga ah ee Gobolka Mudug, baahiyaha ka jira fursadaha, Caqabadaha iyo qorshaha ugu wanaagsan ee lagu xallin karo waxyaabaha hortebinta u leh in wax laga qabto. Madaxweynaha waxaa Kulanka ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda…
Mar Labaad,ayuu soo xirmay Shirkii Somalida iyo Itoobiyaanka ee Turkidu dhexdhexaadinaysay. Wararku,waxay sheegayaan in lagu heshiin waayay oo Itoobiyaanku diideen in ay ka laabtan isfahankii ay la galeen Somaliland,isla markaana cadeeyaaan in ay xushmaynayaan midnimada iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya. Mar Sadexaad,ayaa loo balamay in kulan kale layskugu yimaado.iyadoon si toos ah aysan usku hor fariisan Labada wefti ee loo kala dabqaadayay. Halkan ka akhriso:-
Uma badna in wax heshiis ah kasoo baxo kulanka Turkiga. Sida xogaha hordhaca sheegayaan Itoobiya ilaa iyo hada ma tanaasulin kamana laaban mowqifkeedii. Dhanka kale DFS ma samayn wax dabac ah oo muujinaya in ay Itoobiya teeda uraacayso. Xogo hordhac ah,waxay sheegayaan in kulan kale loo balami doono Sadex Bilood kadib,kulankan hada socdana ay kasoo bixi doonto kaliya in Dowladuhu isku soo dhawaadeen oo isfahmeen lana sii wadayo wada Shaqaynta. Xasan Shiikh si weyn,ayuu uga taxadarayaa wada hadalkan,sababtoo ah,waxa uu og yahay Card-kiisa Siyaasadeed in uu ku xiran yahay si weyna ay fursad uga raadinayaan Mucaaradka. JQ.
Farmaajo iyo Abiy,wixii dhexmaray,ma ahayn xataa isfahan (MOU) iskabadaa heshiis in uu noqdo,kaliya,waxa uu ahaa wada sheekaysi Laba Nin. Labadii wefti ee Somaliya iyo Itoobiya Maanta si toos ah iskuma hor fariisan,waa loo kala dabqaaday. Waxaa jira war sheegaya in Caawa ay isla casheeyeen,balse,waxaa la hubaa in Beri si ka fool ka fool ah ay isku hor fariisan doonaan. Inkastoo Taleefoonada Maanta laga damiyay si Shirka Xogtiisu usugnaato hadana,Caawa,waxaa la helay xog sheegaysa in Shirku kusoo dhamaan doono sida Somalidu rabto. Itoobiya,waxay si buuxda uga laabanaysaa isfahankii SL ay la gashay,waxayna heshiis cusub oo Ganacsi la galaysaa DFS,sida xogtu sheegayso.…
Gaalkacyo; 12, Agoosto,2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay aqoon-yahanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulanka Madaxweyne Deni iyo aqoon-yahanka ayaa looga hadlay adkaynta Amniga iyo xasiloonida, iyadoo la adeegsanaayo aqoon iyo caqlisaliima oo waaqici ah, hindisaha qorshe looga gudbo caqabadaha sababa Amnidarada, ololaha aqoon-yahanka ee ku wacyi-gelinta bulshada muhiimadda nabadda, horumarka iyo koncinta garaadka iyo hirgelinta hub ka dhigista bulshada, si looga gudbo waxyeeladiisa. Sidoo kale kulanka oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa looga hadlay hirgelinta mashaariic horumarineed oo laga dhaxlo…
MW waxa uu jeediyay khudbad waaqiciya oo taabanaysa baahiyaha Bulshada waliba Xubinta ugu muhiimsan ee Shaqo abuurka. Hadii erayada kasoo baxay 60% ay ufulaan sidooda,waxaa isbadal weyn ku imaan doonaa Noloshada Dadka. Si gaar ah Mudug in uu fahansan yahay xaalkeeda,ayuu muujiyay MW Deni. Bosaso waa Xaruntii Ganacsiga. Garowe,waa Caasimadii Puntland. Gaalkacyo,waxay ubaahan tahay in la muujiyo muhiimadeeda Ganacsi lagana abuuro Ilo Shaqo oo Dhalinyaradu ku hakato. Halkan ka daawo muuqaalka khudbada MW.
Gaalkacyo: 12 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland Laanta Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey sida wanaagsan uu u socdo qorshaha Dowladdu ku horumarinayso Bangiga Dowladda, Sida ballaarinta xarumaha iyo in la gaarsiiyey adeega uu bixiyo mid la jaanqaada Bangiyada Adduunka . Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xumuumadda iyo Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo. – DHAMMAAD – -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Garaad,waa sida aad usheegtay ee midee Harti,midee Daarood,midee Puntland,midee Somali. Balse Harti,ayaan kala qaybinayaa,Puntland baan kala qaybinayaa,waxaana rabaa Daarood mid ah iyo Somali mid ah ma Shaqaynayso. Ogow,waxaad libintan ku heshay waa Midnimada Dhulbahante,Harti iyo Daarood hadaad kala kaxaysana,waad luminaysaa. Deegaamada maanta sidan lagugu soo baxay oo aad la yaabtay awoodooda Sanad ka hor,waxaad utaqaanay Dhul Cadow joogo oo lagaa neceb yahay kumana aadan lahayn karaamo oo Dadku si kale ayay kaa fahansanaayeen. Maanta Libinta aad hayso ku fara adayg oo Siyaasi Kursi raadinaya ha uloogin in uu kala qaybiyo Dadkaas. Ma shaqaynayso Puntland,ayaan kala qaybinayaa,waxaana rabaa Somali midaysan oo…
Xiligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo uu ahaa Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa utagay Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasocda Beesha Saleebaan ee HG. Waxgaradkaas,waxay ka cabanayeen Beesha kale ee la dhalatay ee Sacad,iyagoo ku haystay in Maamulkii Galmudug ay Xaafad ku haystaan. Si gaar ah,waxay uga cawdeen in Beesha Sacad kala dagaalamayso Siyaasada oo aysan waxba uga ogalayn,waxayna usheegeen MW Cabdullaahi Yuusuf in ay dhisanayaan Maamul la yiraahdo Ximin iyo Xeeb,waxayna ka codsadeen in uu siiyo Warqad uu ku aqoonsanayo. MW Cabdullaahi,wuxuu ugu jawaabay…. “Galgaduud,waa Gobol laga soo jaray Mudug,lama sii kala qaybin karo oo waxaanba is bixin karin Galmudug…
Gaalkacyo: 12 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daah-furay talaalka caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan horay loo talaalin ama dhamaystiran Talaalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray dhamaan Guddoommiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka in lala shaqeeyo Howlwadeennada hirgelinaya tallaalka iyo waceygelinta si looga hortago xanuunada, waxa uu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan talaalka, Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku amaanay sida adeegyada Caafimaadka Puntland uu yahay mid baahsan oo gaarsiisan dhammaan deegaannada Puntland. Tallaalka caruurta oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100 kun oo caruur ah, ayaa 177 xarumood…
Gaalkacyo, 11 Agoosto 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xubno tirsan Golaha Xukuumadda ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay haweenka Gobolka Mudug. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka ee nabadda iyo horumarka Puntland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenku laf-dhabar u yihiin nabadda iyo horumarka Puntland, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan kaqaybgalka arrimaha bulshada, gaar ahaan siyaasadda iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Said Cabdullahi Deni, wuxuu Haweenka Gobolka Mudug ku booriyay in ay ka qeyb qaataan Wax-soo-saarka Beeraha, Dhaqashada Xoolaha, Kahortaga Tahriibka, Illaalinta Deegaanka…
Qodobada ah baahiyaha Guud Reer Mudug ugudbiyeen MW Deni Maanta. 1.Wax ka qabashada colaadda Deegaanadda Jiic-boor iyo Maygaagta ,Towfiiq & Buuq-qallooc. 2.Dhibaatada Maandooriyaha Khamriga. 3: Ququlka Itoobiyaanka Tahriibka ah iyo wax ka qabashada Tahriibinta dhalinyaradda Puntland. 4: Xirmooyinka dhul daaqsimeedka. 5:Dhibaatada Burcad Badeeda. 6: Biyo Saarka Magaalada Gaalkacyo iyo qorshe hagaha (Town Plan ). 7: Dhismaha Airport-ka Gaalkacyo 8.Amniga Dekada Garacad. 9.Dhismaha Wadada Gaalkacyo & Xarfo. 10.Dhismaha Wadada Garacad ilaa Galdogob. 11.Dib u habeynta Ciidankii Gobalka Mudug ee ka soo laabtay dagaalkii Laasacaanood. 12.Fariisinta golayaasha Deegaanka Jariiban & Bursaalax. Halkan ka akhriso:-
Hadalka RW Abiy marka laga soo tago Mahadcelinta MW Erdogan,waa fariin isbadbaadineed oo uu udirayo Dadkiisa. Abiy si cad,ayuu ugu fashilmay hirgelinta doonistiisii uu qaawiyay ee ahayd in uu helo Saldhig Milleteri oo Badda Cas ah. Si kale hadii loo dhigo,waa ku dhici waayay in uu ubadalo isfahankii SL dhexmaray heshiis rasmi ah. Cadaadisyada uu la kulmay,waxaa ugu weynaa kan Turkiga oo ku noqday,wuxuusan dhaafi karin marka laga tusaale qaato Laba Qodob oo kala ah….. 1.Maalgashiga Balaaran ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya. 2.Heshiiska Amni ee Turkigu kula jiro Somaliya. Sida muuqata kulanka Turkiga ka dhacaya Itoobiya,waxay kaga laaban doontaa isfahankii…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasiirka Deegaanka Kenya Aadan barre Ducaale,ayaa Baarlamaanka u sheegay in hantidiisu ay dhan tahay 980 milyan oo Kenya Shilings ah, oo u dhiganta 7.6 Milyan oo doolar . Bishii Sebtembar 2022 oo loo magacaabay Wasiirka gaashaandhiga,hantidiisu waxay ahayd Ksh.851 milyan,taasoo ka dhigan intii u dhexeysey 2022 -2024 inay hantidiisa ay kusoo korortay lacag dhan Ksh.129 milyan . Wasiir Ducaale oo baaramaanka u sharaxaya waxyaabaha ay hantidiisu ay ka kooban tahay,wuxuu yiri . “Waxaan dhul ku leeyahay Gaarisa iyo Nayroobi iyo guryo kiro ah,Waxaan Gaarisa ku leeyahay xero lo’da lagu dhaqo iyo guryo kiro ah oo ku yaal Gaarisa iyo Nairobi.…
In Dowlada ku Shaqayso Gaalkacyo,waxay utahay Gobolka dhiirigelin iyo habacsanaan laga saarayo hay’adaha Dowlada ee Gobolka Mudug. Bulshadu,waxay ubaahan tahay isbadal muuqda oo dhan walba ah,sababtoo ah,waxaa ka muuqda niyad jab. Isbadalka Bulshadu rabto ma’ahan Shaqiyaad la badalo ee waa mid ay tahay in adeega Dowladeed laga arko. Tusaale? Dowlada Hoose ugu yaraan,waa in ay jiraan wax cusub oo ay kusoo kordhiso Magaalada. Xaafiisyada Gobolka ee Wasaaradaha oo idil in ay wada furan yihiin oo ay leeyihiin Xarumo Qalabaysan oo loo Shaqo tago. Sidoo kale in Xarumaha Amniga la dayactiro oo Qalabayn joogta ah lagu sameeyo,waa muhiim. Ugu yaraan tagida…
Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka. Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi. Sidoo kale waxaa wili baxsad ah… 1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor) 2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge) 3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste) Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna…
Afarta DG ee Koonfuta &G.Banaadir iyo Dowlada Dhexe ee Dastuurka ku xadgudubtay,ayaa ku heshiiyay qaybsiga Lacag kabid Miisaaniyadeed ah oo ka timid Beesha Caalamka. Lacagtan,ayaa gaaraysa $125-Milyan,waxaana loo qaybsaday…… 1.DG iyo Gobolka Banaadir min $5-Milyan. 2.Dowlada Dhexe oo heshay $90-Milyan. Dowlada Muqdisho ee Sharciyada caalamiga ah ee Wadanka haysata,ayaa ku dooday in laga rabo Lacag dhan $50-Milyan oo Dayn bixin ah,taasoo qayb ka ah barnaamijka Dayn Cafinta. Dooda lagu qaybsaday Lacagtan,waxay socotay Sadex Cisho,iyadoo Dowlada Dhexe markii hore usoo bandhigtay Afarta DG iyo G.Banaadir min $1-Milyan in ay qaataan,wayse ku diideen. SL iyo PL,ayaan qayb ka ahayn heshiiskan,balse Saami Sharciyadeed…
Hay’adda difaaca Madaniga ah ee Xamaas ee maamusho Qasa,ayaa sheegtay in Tobanaan Qof ay ku dhinteen duqayn Cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla Magaalada Qasa. Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas Sabtidii,iyaga oo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun Taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka. Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Qasa, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 90-Qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. “Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 90 ilaa 100, waxana jira Tobanaan kale oo dhaawac ah,”Ayuu afhayeenka Wakaaladda Maxamuud…
Turkidu,waxay ku dadaalaysaa in uu guulaysto wada xaajoodka ay ka tahay dhexdhexaadiyaha ee udhaxeeya Itoobiya iyo Somaliya. Guusha wada hadalkan,waxay uleedahay Turkida faa’iidooyin dhowr ah oo laga tilmaami karo…. B.Danahooda dhaqaale ee Labada Wadan. T.Xasiloonida Siyaasadeed ee Gobolka oo muhiimad uleh danaha Turkida. J.Xasiloonida Amni ee Gobolka oo Turkida muhiimad uleh xilligan danaha Turkida. X.Miisaankooda Siyaasadeed iyo Diblomaasiyeed ee caalamka oo sii kordhaya. Kh.Reer Galbeedka oo sii xaqiiqsanaya in Turkidu yihiin Gacmo awood uleh fulinta danahooda. D.Loolanka loogu jiro Somaliya oo Turkida ka dhigaya Wadamada ugu muhiimsan ee Safka hore ku jira. Sida muuqata saamaynta Dhaqaale iyo Milleteri ee Turkigu…
Madaxweynaha Turkiga Erdogan,ayaa xiriir Taleefoon la sameeyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Warbixin lagu qoray Page-ka Madaxweyne Erdogan ee Facebook,ayaa lagu sheegay in uu kala hadlay Laba Qodob oo kala ah… 1.Khilaafka ka dhex jira Labada Wadan ee Itoobiya iyo Somaliya. 2.Dagaalka Qasa. Qodobka Somaliya,ayaa lagu sheegay in Erdogan iyo Abiy isla qaateen in la dajiyo khilaafkaas. Halkan ka akhriso:-
Xildhibaanadu,waxay dul istaageen in masiirka Ummada reer Sanaag uusan oolin Xamar iyo Hoteladeeda ee uu yaalo Puntland iyo Deegaamadeeda,waxay si cad uga hor yimaadeen wax loogu yeerayo Maamulka Maakhir State. Halkan ka daawo muuqaalka
Weftiga Somalida ku matalaya wada xaajoodka Itoobiya,waxa uu gaaray Turkiga,iyadoo uu ku jiro Lataliyaha Amniga Qaranka Xasan Shiikh. Waxay ku timid tagida weftiga Somalida ee Turkiga,iyadoon wakhtigii la ballansanaa aan la gaarin Turkidua oo soo jeediyay in wakhtigii ballanta wax laga badalo,isla markaana Somalida iyo Turkidu ay kulan hordhac ah sii yeeshaan ka hor intaan kulanku furmin. Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga,waxa uu sheegay in Itoobiyaanku aqbaleen ka laabashada heshiiskii isfahan ee ay la galeen SL. Itoobiyaanka,waxaa cadaadis ku noqday Sadex arimood oo kala ah….. B.Saamaynta Dhaqaale ee gaaraya $9-ka Bilyan ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya. T.Heshiis Simaliya iyo Turkiga ee…
After nearly two decades of foreign military presence, Somalia remains locked in a cycle of dependency that undermines its sovereignty and weakens public trust in the government. The recent announcement of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) is yet another iteration in a series of rebranded missions, succeeding AMISOM and ATMIS, with little to show for the millions of dollars invested. The underlying issue persists: Somalia’s failure to develop a self-sufficient national army capable of safeguarding its people and territory. Under the umbrella of AMISOM and ATMIS , the foreign troops have made limited progress, failing…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan kalsooni ku qabin suurtogalnimada in si Nabdoon awoodda loogu kala wareego, hadii ay dhacdo in doorashada Bisha Nofember ee soo socota looga adkaado musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump. Mr. Biden ayaa hadalkan ku sheegay wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyo tan iyo markii uu isaga haray tartanka doorashada madaxweynenimada Mareykanka. Doorashada Mareykanka oo lagu wado inay dhacdo bisha nofeembar ee sannadkan ayaa waxaa xilka madaxweynaha ku tartami doono Donald Trump iyo Kamala Harris oo kala matalaya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.
War murtiyeed ka soo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegey inuu Midawga Afrika soo dhoweynayo sameynta howlgal qaabilsan dhinaca xasilinta oo loo bixiyey howlgalka taageerada iyo xasilinta ee Soomaaliya kaas oo loosoo gaabiyo AUSSOM. Howlgalkan oo bedeli doona kan haatan jira ee ATMIS ayaa loogu talo galey inuu taageero dedaalada dowladda federaalku ugu jirto la dagalaanka Alshabaab iyo xasilinta dalka. Midowga Africa ayaa soo dhaweeyey dalalka Masar iyo Djibouti oo iyagu ku yaboohey in ay ciidamo ku biirin doonaan howlgalkan. Howlgalgan ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona nabadeynta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyo Al-shabaab. Ka mid noqoshada Masar ee…
Gaalkacyo; 08, August, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Todobaadkan lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,ayaa looga hadlay Amniga guud, sare u qaadidda wax-soo-saarka Kalluunka Degmooyinka Xeebaha ah ee Puntland,tayaynta Waxbarashada aasaasiga ah iyo Tacliinta Sare iyo maamul baahinta Degmooyinka. Shirka Golaha Wasiirada Todobaadkan oo noqonaya kiii ugu horeeyey ee lagu qabto Gaalkacyo,ayaa sidoo kale looga hadlay xogta caafimaadka,maaraynta biyaha magaalooyinka iyo qodobo kale oo muhiim. DHAMMAAD. Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Golaha Wasiirada XFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa meelmariyay labo xeer oo ku qotoma doorashooyinka dalka iyo nidaamka axsaabta siyaasadda Soomaaliya, xilli dowladda Xassan Sheekh ay lumisay sharci ahaanshaheeda, maadama ay laashay dastuurka KMG ah ee dalka. Xeerka doorasho ee Wasiirada Xamar ayaa dhigaya in dalku aadayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan la aqoon halka lagu qaban doono, maadama inta badan deegaanada Koonfurta Soomaaliya ay joogto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sida ka muuqata xeerka – Xassan Sheekh ayaa doonaya in mashruuciisa doorasho uu isticmaalo muddo kororsi uu helo, marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa May 2026. Waxaana xeerka…
Qoryaasha Dowlada Ee Gobolka Mudug ka fulinaysa? 1.Xarig jarka Bankiga cusub ee Dowlada Puntland. 2: Dhagax dhiga Xabsiga cusub ee Gaalkacyo yeelanayso. 3.Dhagax dhiga Laamiga Bartamaha Gaalkacyo oo qaab casriya loo dhisayo. 4 Dhagax dhiga Garoonka cusub ee diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo. 5.Dhismaha Golayaasha Deegaanka Jariiban iyo Bursaalax. 6.Soo afjarida dagaalkii Jiicboore ee Sacad-Leelkase. 7.Balaarinta iyo booqashada Kastamka Tuurdibi Galdogob. 8.Booqashada Dekada Garacad iyo Wadada isku xirta Garacad iyo Galdogob. Waa hawlgal macno leh oo mudan in la bogaadiyo loona hakado. JQ .
Koonfurta Somaliya markale,ayaa loo sameeyay Magac iyo hawlgal cusub oo Ciidan Nabad ilaalin ah 20-Sano kadib markii ay Dowladnimada dib looga dhaliyay. Xasan Shiikhii lahaa,waxaan ka sifaynayaa argagixisada Koonfurta iyo Bartamaha,waxa uu xataa woodi waayay in uu sameeyo Ciidan ku filnaada amniga Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Xamar. 20-Sano kadib Xamar,Baydhabo,Kismaayo iyo Beledweyne,waxaa Maamulada fadhiya ku ilaaliya Ciidamo Shisheeye. Aragtida saxda ah,waxay tilmaamaysaa in Somaliya loo kala jaro Sadex Wadan oo kala ah…. 1.SL. 2.PL. 3.K&B Koonfurtu,waxay ubaahan tahay qorshe iyo nidaam gaar ah oo lagu maamulo,kaasoo caalamku Gacanta ku hayo. SL iyo PL,way isku filan yihiin Maamul iyo Dhaqaalaba,waana qaangaar…
Halkan ka akhriso:-
Gaalkacyo: 07 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga la socda oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise Awoowe iyo xubno isugu jira Goleyaasha Dowladda, ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kaasi oo looga hadlay warbixinta safarkii Madaxweynaha iyo Wafdiga ee Gobollada Mudug iyo Nugaal. Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xaalada Gobolka Mudug iyadoo la qorsheeyay shaqooyinka hortebinta u leh ee laga qabnayo Gobolka Mudug mudada booqashada lagu jiro. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Militariga Sudan,ayaa sheegay in hogaamiyahooda Jeneral Abdel Fattah al-Burhan, uu u rarayo xarun Madaxeedkiisa Magaalada Omdurman, oo ah magaalo weyn oo deris la ah caasimadda Khartuum. War laga sii daayay Telefishinka oo uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in Jeneraalka uu dhawaan u hoggaamin doono ciidamadiisa magaaladaas. Ciidanka ayaa horraantii usbuucan ku sii siqaya Omdurman ka dib markii ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay haysteen xoogaga RSF ah ee Ka soo horjeeda. Jeneraal al-Burhaan,ayaa tan iyo markii uu ka tagay Khartoum waxa uu saldhig ku lahaa magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, iyadoo dagaaladu…
Murashaxa Xisbiga dimoqraadiga ee doorashada Madaxtinimada Mareykanka Kamala Harris iyo ninka ay u soo xulatay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeenkeeda, guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, ayaa xaly marki ugu horreysay si wada jir ah uga qeybgalay ololaha doorashada. Harris iyo Walz ayaa ka ololeeyay gobolka muhiimka u ah doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ee Pennslvania magaaladiisa Philadelphia. Walz ayaa marki ugu horreysay xalay ka hor hadlay ilaa 10 kun oo ka mid ah taageerayaasha dimoqraadiga oo isugu tagay gudaha Jaamacadda Temple. Wuxuu ka hadlay sida uu ugu soo barbaaray tuulo yar oo ku taalla gobolka Nebraska, 24 sano oo uu…
Golaha Wasiirada Dowlada haysata aqoonsiga QM ee Xamar,ayaa magacowday Safiiro ka kooban 12 oo ka kala yimid Beelaha kala ah… 1.Murursade. 2.Dhulbahante. 3.Leelkase. 4.Dir. 5.Raxanwayn. Ujeedka Magacaabistan,ayaa ku salaysan Laba arimood oo kala ah…. 1.Fashilka haysta Dowladaas in la qariyo. 2.Fulinta ballanqaadyadii Qodobadii Xasan ee Dastuurka. 3.Isticmaalka markale Xildhibaanada. Fashilka ay dhex taagan Dowlada Xamar mahan mid lagu furdaamin karo Safiiro la magacaabo. Safiirada:- 1.Dr. Cabdiqaadir Cabdullaahi Xaashi 2.Dr. Hodan Cismaan Cabdi 3.Faysal Axmed Salaad 4.Maxamed Abuukar Subeyr 5.Abiib Muuse Faarax 6.Jaamac Xasan Khaliif 7.Fardowsa Maxamed Qanyare 8.Ibraahim Cumar Sheegow 9.Sheekhnuur Maxamed Xasan 10.Ilyaas Xasan Cali 11.Sakawdiin Mustafa Maxamed 12.Cabdinuur…
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz u dooratay in uu noqdo musharaxa madaxweyne ku xigeenkeeda, isaga oo kala qaybgeli doona ololayaasha doorashada madaxtinimada ee dhici doona bisha November ee soo socota. Ku dhawaaqistan rasmiga ah ee Salaasadii ayaa ku soo beegantay ka hor munaasibadda ololaha ee ka dhacaysa Philadelphia, taas oo ay labada masuul si rasmi ah uga wada qaybgeli doonaan. “Waan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago inaan qaatay go’aankayga, kaasoo ah inaan xushay Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz,isaga oo ku biiri doonaa ololaha xisbigeena, isagoo noqonaya ku xigeenkayga” ayay ku tiri Harris, fariin…
Daarusalaam: 06 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Daarusalaam ee degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Su’aalihii Bulshada iyo Jawaabihii MW Deni? 1.Dekeda Garacad & Abudhabi Port 2.Shilin Somaligii. 3.Pl iyo wax la qabsiga caalamka 4.Itoobiya iyo Imaaraad. 5.PL iyo baahida Dekedo badan Waxaa cajaa’ib lahaa sida uu usharaxay Shilin Somaliga joojintiisa oo Qodob loo hakankaro uu ku fariisiyay. Sidoo kale wax la qabsiga caalamka,ayuu ufaahfaahiyay si Juquraafi Siyaasadeed iyo faham Caqliyeed sareeya. PL in ay ubaahan tahay Dekedo badan,ayuu Dadka si waafiya ufahan siiyay. Xaqiiqdii kulamadan oo kale MW ha badiyo oo hala qaato Bulshada si wacyigooda iyo xiriirkooda Dowladu usareeyo. Sida muuqata Deni Xukunka waxa uu ka dhex helay xog iyo aragti. JQ.
Itoobiya iyo Imaaraad ma’ahan cadow. Sideedaba aduunku,waxa uu marayaa wax wada qabsi iyo kala faa’idayso. Hadaan reer PL nahay,waxaan ubaahanahay Dhaqaalaha iyo Aqoonta caalamka kale in ay Wadankeena soo galaan,sidaa daraadeed cidna cadow nooma ahan,waxa kaliya ee aan cadow u aqoonsan karnaa,waa Dalkii ama Dowladii aan rabin horumarkeena. MW Deni in uu yiraahdo Itoobiya iyo Imaaraad,ayaa sidaas ah waa Sheekooyin la sameeyay oo laga leeyahay dano Siyaasadeed,waa la qabnaa doodaas. “Dadkeenii iyo Dhulkeenii waxay jiraan Gudaha Itoobiya,waxaana rabnaa in aan gaarsiino Ganacsigeena 120-ka Milyan ee Itoobiyaanka ah”Ayuu yiri MW Deni. Sida uu ufaahfaahiyay kala faa’idaysiga caalamka iyo baahida PL uqabto…
Shilin Somaliga sababta ay PL ujoojisay,ayuu MW Deni si faahfaahsan oo waaqiciya ahna wax lagu qanci karo udul istaagay. Halkan ka daawo muuqaalka
Xogta Mashruucan? Baanka horumarinta Africa,ayaa bixiyay Mashruucan oo siiyay PL. Mashruucan,waa dhismaha Wadada Gaalkacyo-Xarfo. Kadib Xasan Shiikh iyo kooxdiisa,ayaa damcay in ay ka wareejiyaan PL oo Galmudug ula wareegaan,waxaase ka hawlgashay PL oo kasoo dhicisay. Markale,waxay isku dayeen in Mashruuca Lacagtiisa la fashiliyo,waxayna Wasaaradooda Hawlaha Guud ee Xamar amartay in Qandaraaska ay iyadu bixinayso oo fulinayso Mashruuca. Ujeedkoodu,waa in Mashruuca la siiyo Shirkad uu leeyahay Xasan oo ay Maamusho Gabadhiisa,markaas kadibna Lacagta Mashruuca Sadex meelood oo meel loo fasaxo,kadibna ay ku doodaan muranka Siyaasadeed,ayaa na hakiyay ee kuma fulin karno xiligii loogu talagalay hanala siiyo wakhti dheeriya. Sidoo kale marka…
Sabtida oo ay Bishu ku beegan tahay 10-Aug,qorshaysnaa in Shirka Bartamaha iyo Koonfurta & Dowlada Xamar uu ka furmo Isla Xamar. Balse Axmed Madoobe,ayaa diiday in uu kasoo qaybgalo Laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah…. 1.Isku dhac weyn oo ka dhex jira isaga iyo Xamse oo ay ugu danbaysay khudbadii Xamse Maalin ka hor jeediyay oo Axmed aad udhibsaday hadaladii sida uu uhadlay. 2.Axmed oo diidan qorshaha Xasan wato ee Doorasho rabana in uu wakhtiga lumiyo inta laga gaarayo Bishan dhamaadkeeda ama tan danbe horaanteeda oo uu qabsanayo Doorashadiisa. Xasan oo fahansan khiyaamada Axmed,ayaa go’aansaday in uu tago Kismaayo kana soo…
Buurtinle, 05 Agoosto, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Kulan is-xogwareysi ah la qaatay maamulka degmada Buurtinle, Golaha deegaanka, Odeyaasha iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa wax lagu farxo xaqiiqdii dhismaha socda ee Dekeda iyo Wadada Garacad. Waa Mashruuc balaaran oo aan lasoo koobi karin qiimahiisa waxtareed ee Bulshada. Mashruuc markuu soo dhamaystirmo ku kacaya ku dhawaad $500-Milyan oo Hal Deegaan ka fulay waa maalgelin,horumarin iyo Shaqo abuur caalamiya oo Dowlado waa weyn kaliya fuliyaan. Nus Bilyan Dolar Mashruuc ku kacaya in Bulshada caadiga ah ku fakarto oo ku dhaqaaqdo,isla markaana intiisii badnayd la hirgeliyay oo mira dhalkiisii durba la arko mahan,wax fudud. Dekeda ay kusoo xiran karaan Hal mar 8-Markab iyo Wado dhererkeedu dhan yahay in ka badan 400-Km in Shacab caadiya oo kan…
Waxaa loosoo dhaweeyay si sare oo uu mudnaa. Reer Mudug,gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud taageerada ay uhayaan Deni Shacab iyo haldoor Mugdi ma gelin weli,waxaana muuqata in ay hadaf kula socdaan aan isbadalayn. Waxaa cajiib ah Qurba joogta Beeshaas sida aan gorgortanka lahayn ee ay utaageerayaan Deni. Dhowr Qodob ayay kula socdaan Deni Bulshada Beesha Cumar Maxamuud markaad baaris ku samayso…. 1.Waa isku haynta PL-ta balaaran. 2.Waa Xamar iyo loolankeeda joogtada ah. 3.Amniga Gobolka Mudug. 4.Dekeda iyo Wadada Garacad. 5.Hogaamiye kale oo Siyaasadeed oo ku qabsada oo aan jirin. Su’aasha waxay tahay? Deni ma yahay hogaamiye haysan kara Bulshada iyo…
Dooda aan Xalay qabanay ee ku saabsanayd Siminaarka Hotel Jasira Xamar,waxaa kasoo baxay oo ay dul istaageen Dadkii kasoo qaybgalay ee kasoo jeeday Sanaag iyo PL -ta kale….. 1.In Beesha Warsangeli Xaal la siiyo oo lagu gafay. 2.In Beesha Warsangeli aysan ahayn Dad kooban oo Hotel ku Shiri kara. 3.In Beesha Warsangeli leedahay Deegaan balaaran oo ay ku Shiri karto oo aysan ahayn Barakacayaal Hotel Xamar ku yaal lagu Shiriyo. 4.In Beesha Warsangeli leedahay Saldano Dhaqan oo soo jireen ah iyo hormuud Siyaasadeed oo Taladu ka go’odo. 5.In Toboneeyo Siyaasiyiin ah oo Shaqadii ka dhamaatay aysan Madax goosan karin Beesha…
Raiisel wasaaraha, UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag.. Dowladiisa,ayaa kulan deg-deg ah yeelan doonta Maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taaga. Ra’iisul wasaaraha,ayaa wacad ku maray in uu sameyn doono wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno,mar uu khudbad ujeedinayay Shacabka. “Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,”Ayuu yiri Ra’iisul…
Raiisal wasaaraha Bangladesh Shiikh Xasina,ayaa is casishay isniintii waxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray. Talyaha Ciidamada Jeneral.Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay Telefishinka,ayaa sheegay in Xasina oo 76-jir ahi, ay ka baxday Dalka, lana soo dhisi doono Dowlad KMG. Warbaahinta Dalkaas,ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad Milateri, waxaana raacday Walaasheed. Shiikh Xasina,ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo Gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay…
Garaad Jaamac,waa filayay in uu leeyahay aragti wax qiimayn karta,isla markaana ku dhac leeyahay. Garaadka iyo Beeshiisa hoose ee Bah-ararsame waa hormuudka Siyaasada ee Beesha Dhulbahante wax u iftiimiya. Xogaha dhabta ah ee jira,waa in Garaadka iyo talo qabeenka Beesha Bah-ararsame ay qabaan Sool Bari iyo Buuhoodle in aysan noqon karin Maamul,sidaas ay tahayna in PL ay kasii mid ahaadaan oo Caasimada PL loo wareejiyo LC ay macno uleedahay reer Sool. Hadalkiisa Maanta,waxuu xaqiijinayaa xogtii hoose ee jirtay. “Laba Dowladood oo isku sidkan,wadaaga Dhaqaalaha,amniga iyo masiirka in la dhiso oo Waxgaradku isku jarjaraan ama isku dabraan”Ayuu yiri Garaadku. Su’aashu,waxay tahay,hadii…
Bander-Salaama: 05 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Bander-Salaama ee degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxay ahayd in Madaxweyne Deni Sida uu hadlay si ka adag uga hadlo xasuuqa Shacabka ee argagixisada. Waxaan kula talin lahaa in uu markale arinkan dul istaago oo xuso Qodobadan… 1.In Shabaab si adag uga hadlo. 2. In Tacsi waafi ah udiro. 3. In Baaq ku saabsan dagaalka cadowga uu udiro Shacabka Somaliyed. Ka hadalka dhacdadan saamayn kala duwan ayay samaynaysaa ee MW markale ku laabo hadalka. Hadalka MW Deni waa mid la mid ah Tacsida Dadka caadiga ah. JQ.