Author: Jibril Qoobey.

Sida ay sheegeen Ciidamada Boolidka Gobolka Banaadir 34-Qof,ayaa ku Geeriyooday Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xalay ay argagixisadu ku qaaday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale 140 kale,ayaa ku dhaawacmay. Saraakiisha amniga Muqdidho,ayaa sidoo kale sheegay in la dilay ilaa 5-Nin oo ka mid ahaa Malleeshiyadii argagixisada ee weerarka fulisay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gadiidka Gargaarka deg-dega ah,ayaa daabulaya Dhawaacyada iyo Maydadka. Dadka Dhimashada iyo Dhaawaca ah,waxaa ka muuqata Rasaas caadiya,iyadoo loo malaynayo in argagixisadu u isticmaashay Qoryo iyo Buskoolado ka hor intaysan isqarxin. Dhaawacyada ugu badan,ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer. Waxaa jira Boqolaal Dadweyne ah oo baadi-goobaya Dadkooda oo isku shubay Isbitaalka. Waxaa muuqata in dhawaaqa Xabadu sii yaraanayso oo Ragii galay Hotelka ay isqarxiyeen. Ciidan fara badan,ayaa gaaray Goobta,balse weli wax masuul ah oo hadlay majiraan. Halkan ka daawo muuqaalka JQ.

Read More

Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah,ayaa isku qarxiyey Hotel Beach View ee Xeebta Liido oo Caawa ay Dad badan ku cawaynayeen maadama ay Jimco tahay. Bada Dadkii Xeebta Bacaadkeeda fadhiyay oo dhalinyaro ubadnaa,ayaa khasaaraha ugu badan soo gaaray. Magaalada Muqdisho,waxaa isqabsaday Qaylada Gaadiidka Gaar-gaarka deg-deg ah oo daad guraynaya Dadka. Wararkii ugu danbeeyay,waxay sheegayaan in Hotelka gudahiisa laga maqlayo rasaas,taasoo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo. Maydad,ayaa weli daadsan Xeebta Liido, halka dhaawacyo la geeyay Isbitaalo uu kamid yahay Umo Hospital oo Liido ku yaala. Xogta weerarkan,waxaa la helay mar hore,balse lagama taxadarin oo waxay ahayd in ay Dadka ka joojiyaan…

Read More

Haba yaraatee aragti kama leh Dowladnimada,wuxuu mar Labaad ku celinayaa khudbadii Fiqi ka jeediyay Shirkii Doha ee ahayd Dowladnimada iyo Dastuurkaba,waxaa noo keenay Xabashi oo waa tuuraynaa,waxaana samaysanaynaa mid aan leenahay. Somaliya nidaam hoos laga soo dhisay oo wax lawada leeyahay waxna lakala leeyahay,ayaa ka hirgalay. Fadaraal,waa lagu liibaanay oo waxaa ku dhismay Gobolkadii,waxaana ku baahay Dowladnimadii iyo adeegii Bulsho. Waxaa looga badbaaday Hal Qof in uu taliyo oo awaamiirta iyo awoodaha Dowladnimo Hal Xaafiis kusoo ururaan. Hadii Xamar oo fadhiga Hay’adaha Fadaraaliga ah ay Caawa burburto Wadanka intiisa kale waxba magaarayaan nidaamkuna lama burburayo. Fadaraalku,waa badbaadada Dowladnimo iyo waxa…

Read More

Kuraasta hore,waa 7-Kursi oo loo kala fariisto… Midka dhexda,waxaa fariista Madaxweynaha D.PL. Geeska,waxaa fariista M.ku xigeenka D.PL. 2-da Kursi ee kusii xiga,waxaa fariista Labada Gudoomiye ee Baarlamaanka D.PL. 3-da Kursi ee dhinaca kale ka xiga Madaxweynaha,waxaa fariista Sadexda Marwo. Caawa,waxaa dhacay in Kuraastii Gudoonka Baarlamaanka ay si khaldan ufariisteen Axmed Karaash iyo Cabdirisaaq Khaliif oo Martida ka mid ahaa. Maamul xumadaas dhacday,waxay sababtay in Gudoonkii Baarlamaaku ka biyo diidaan in ay gadaal fariistaan oo ay banaanka uga baxeen Xaflada. Dhanka kale,waxaa laga xishooday in Cabdirisaaq Khaliif iyo Karaash laga kiciyo Kuraasta. Waxa dhacay ee ay sida khaldan usheegayaan Baraha Bulshadu,waa…

Read More

Garoowe : 01 August 2024. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo caawa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa taariikhiga ah caawa ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday. “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda…

Read More

Dad badan,ayaa qaba PL in ay ubaahan tahay tixgelin gaar ah oo ka Madaxbanaan Xamar,sababtoo ah Maamulada Koonfurta iyo PL islama jaanqaadi karaan oo waxay ka horaysaa ugu yaraan 15-Sano. Hadaba si Dowlad dhisku usocdo Deegaan walbana lagula tacaalo heerka uu ka gaarsiisan yahay Dowladnimada,waa in PL loo fasaxaa horumarkeeda in ay sii wadato. In la dabro oo loo hakiyo Deegaamo aad uga danbeeya,waxay keenaysaa burbur,kala fogaansho iyo Dowladnimada dhismaysa oo istaagta. SL xaalkeedu waa gaar,waxaana loo sameeyay tixgelin si uusan uhakan horumarka ay samaynayso. Si la mid ah PL way ka duwan tahay Koonfurta,waxayna ubaahan tahay tixgelin gaar ah…

Read More

Dad badan oo reer Puntland ah,gaar ahaan Mustafe oo ka mid ah Dhalinyarada Qurba joogta,ayaa qaba in PL ku dhaqaaqdo hirgelinta Afartan Qodob oo kala ah…. 1.Puntland oo samaysata siyaasad arrimo dibadeed iyo wakiil u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda, tababartana xeyn diblomaasiyiin ah oo ka shaqeeya iskaashi arrimo dibadeed. 2.Puntland oo dhista hay’adda Gaashaandhig oo lagu mideeyo dhammaan laamaha amniga iyo hay’ad sirdoon oo caalami ah. 3.Puntland oo samaysata digital Currency ama Lacag danabaysan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa. Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka. Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska…

Read More

Guud ahaan Puntland,waxaa Caawa looga dabaaldegay Sanadguurada 26-Aad ee Aas-aaska Puntland. Caasimada Garowe,ayay ka dhacday Xafladii ugu waynayd ee lagu xusayay Sanadguurada 26-Aad. Sidoo kale Shacabka Caasimada,ayaa uskugu soo baxay Wadooyinka ,iyagoo ku labisan oo hadana Gacmaha kuwata Calanka Puntland. Dadka Puntland,waxay muujiyeen Wadaniyad,rabitaan iyo ku qanacsanaan Maamul.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Mudane Axmed Maxamuud Cumar oo u weheliyo Xoghayaha guud ee PEC Mudane Asad Axmed,ayaa ku wareejiyay Guddoomiye Xigeenka Maxkamada sare ee Puntland AVV. Axmed Shiikh Cumar, Natiijada iyo Liisaskii Xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii Qof iyo Codka ahayd ee Saddexda Degmo ka dhacday 23-kii July 2024. Sida Xeerka Doorashada iyo Dastuurka Puntland dhigaayo Maxkamadda sare,ayaa awood u leh ansixinta kama danbaysta ah iyo Qaadida Dacwooyinka Doorashada. Xaqiiqdii Gudiga Doorashooyinka Puntland,waxa uu qabtay Shaqo qurxoon hufan oo PL sumcadeeda kor usii qaaday. Nidaamka Dowladeed ee Puntland,ayay Sharaf iyo karaamo utahay muuqaalladan oo kale. Hanbalyo. JQ.

Read More

Sanaag Subixii laga qabtay Doorasho Qof iyo Cod ah oo Puntland leedahay,ayay si buuxda dhinac iskugu raacday. Somaliland oo Magaaladii Caasimada Sanaag ahayd ee Ceerigaabo Maamusha,ayaan uga adkaanay,iyadoon Xabadi dhicin,waase Nin aan Qadayn oo Qaawan. Sanaag Bari si buuxda waa Puntland Dal iyo Dad. Hadii ay dhacdo in Bulshadeedu go’aansadaan ka bixista Puntland oo ay maraan habraacyada Dastuuriga ah,waa galbinaynaa. Balse,waxaan ku kalsoonahay Bulshada Bariga Sanaag in ay PL dhisteen ku leeyihiin awood qaybsi balaaran,isla markaana maqsuud ku yihiin jiritaankeeda. Reer Sanaag ka Caqli badan,ka ilbaxsan,kana fahmad badan Dad badan oo aan kala aqoon meesha dantoodu ku jirto ama ufiican.…

Read More

Imtixaanka PL oo qaadistiisu soo bilaabatay in 2003 xilli aysanba dhisnayn DFS ee soo mara habraacyo loo jideeyay oo ku fadhiya shuruuc caalamiya oo aqoonsi ka haysta Hay’ado iyo Dowlado waa weyn,ayuu rabaa Faarax Dalladihiisa Xamar in la hoosgeeyo. Nidaamka Fadaraalka ah Caafimaadka iyo Waxbarashada,waa Shaqada Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee ma’ahan Shaqo Dowlada Qaran ee dhexe. Marna ma dhici doonto in Arday reer PL ah Imtixaankiisa iyo Shahaadadiisa ay ku xirnaato Dowlad Dhexe. Imtixaanka iyo Shahaadada Puntland way ka sugan yihiin oo looga kalsooni badan yahay Imtixaanka iyo Shahaadada Dalladaha Waxbarasho ee Xamar ay bixiyaan. PL,waa isku filan…

Read More

Iran markale,ayaa la ceebeeyay oo marada looga saaray Suuqa bartankiisa. Hogaamiyihii Xamaasta awooda badan,ayaa lagu dhex dilay Hoygiisa Caasimadooda Tehran. Ma’ahan,isagoo Suuqa maraya ama Masaajid galaya ama kasoo baxay ee waa Hoygiisa halkii uu kalsooni ahaan ku gam’ayay. Horay,waxaa wax Shil lagu sheegay ku dhintay MW Iran oo waliba Maydkiisa mudo la waayay. Hogaamiye sidaa muhiim u ah oo waliba ay iyagu taageeraan Martina u ah in lagu dhex dilo gudaha Dalkooda,waxay udhiganta weerar qaawan oo lagu soo qaaday Dalka Iran. Haday xitaa Iran ka danbayso Dilka Haniya,waxay ahayd in ay ku fuliyaan qorshaha meel aan ahayn gudaha Dalkooda. Israa’iil,waxay…

Read More

Caasimada Iran ee Tehran,ayaa lagu dilay hoggaamiyihii Siyaasadda Xamaas Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed Haniyeh. Haniya,waxaa la dhintay mid kamid ah ilaaladiisa,iyadoo lagu dilay Hoygiisa Tehran. Xamas,ayaa  xaqiijisay dilka hogaamiyahooda Ismaciil Haniya. Dowlada Iran,ayaa dhankeeda xaqiijisay,isla markaana sheegtay in ay baarayso dilka Ismaaciil Haniya. Bishii May 6-deedii sanadkii 2017-kii,ayuu noqday Ismaaciil Haniya Madaxa arimaha Siyaasadda ee Xamaas,isagoo baddalay Khaalid Meshaal.

Read More

Waa fahmi karnaa in Xasan Shiikh Qof Khaanada Daarood kasoo jeedaa ula tago Sadex arimood oo kala ah… 1.RW anaga nama matali karo,isla markaana Somali waxba kuma soo kordhin karo ee naga badal. 2.Wasaaradaha nacfiga leh wax naga sii kuwaan haysano waa ku dulmanahay. 3.Shaqaalaha DFS waa ku yar nahay ee Qaybtayada noo buuxi. Balse lama filayn,iyadoo RW Daarood ah joogo in RW kale la dalbado. Sidoo kale Khaatumo oo aan Dastuurka buuxin lama filayn in Siyaasi Daarood ah ah la Shir yimaado. Isku soo wada duuboo Xasan Jawaab Dastuuriya,ayuu bixiyay oo loogu riyaaqay. JQ.

Read More

Mid ka mid ah Xildhibaanada PL ee ku matala Fadaraalka,ayaa soo gudbiyay xog ku saabsan Mashaariicda,Deeqaha Waxbarasho iyo Dhaqaalaha Wasiir Faarax Cabdiqaadir ka hor istaagay Ardayda reer Puntland ee Somaliyed. Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ah Gudoomiyaha Gudiga Waxbarashada Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa su’aalo kulul oo muhiim ahaa waydiiyay Wasiir Faarax Cabdiqaadir oo hor yimid Gudiga Waxbarashada ee Golaha Shacabka Fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1-Aad Ee su’aalah Halkan ka daawo muuqaalka 2-Aad Ee jawaab

Read More

Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Daarood,ayaa la kulmay MW Xasan Shiikh,waxayna kala hadleen dhawr Qodob oo kala ah… In ay aqoonsi siiso DFS Khaatumo. In RW xigeen 3-Aad la siiyo Beesha Daarood. MW Xasan,ayaa uga jawaabay dalabkii Xildhibaanada Beesha Daarood ee gaarayay 20-ka sida tan…… 1.Khaatumo meel laga Gacan qaban karo ma joogto ee bal heerka Galmudug soo gaarsiiya. 2. ⁠Rayswasaare ku xigeen Labaad waxaan siinayaa Raxanweyn, idinkana mid Sadexaad idinma siin karo. 3.Sababta aanan idin siin karin, waxay tahay Laba DG, ayaad leedihiin,sidoo kale Senetoro ka badan Dadka kale,ayaad haysataan. Dad badan,ayaa qaba in Xasan siiyay Jawaab halkeedii dhacday oo…

Read More

Cali Xoosh,waa mid ka mid ah tilmaamaha lasoo qaadan karo ee Waayeelka Siyaasada ku jira oo raba in ay ku matalaan PL Masraxyada Somaliyed. Markaad aragto 60-70-ka Raga jira ee Siyaasada raba in ay ku matalaan PL oo hankooda iyo aragtidoodu aysan dhaafsiisnayn Shaqo aan rasmi ahayn iyo jago kooban oo 6-Bilood ah,waxaad si dhab ah utaageeraysaa Deni. Cali Xoosh cid kalaba inta uusan Xamar ugu yeerin,isagu muxuu ku haystaa? Wasaaradii loo dhiibay Magac uyaal,ayuu ka yahay oo Shaqadeedii Villa-da,ayaa laga qabsadaa,isagana Mushahaarka iyo Magaca,ayaa looga tagay. PL,waxay diiday in Dastuurka iyo waxii heshiiska lagu ahaa la burburiyo,waana la yaqaanaa…

Read More

Tagida Xamse ee Kismaayo hal arin ayay daaran tahay,waxayna tahay Ciidankii ay DFS usoo dirtay Kismaayo si ay qayb uga noqdaan dagaalka argagixisada oo kasoo baxay furimihii dagaalka. Ciidankaas oo gaaraya 900-Askari,ayaa si habqan ah kusoo gaaray Kismaayo,waxaana layskugu geeyay Buulo-guduud oo 30-KM ujirta Kismaayo. Kasoo bixi dooda,ayaysan wax mar marsiiya uhaysan oo kaliya ku sheegeen in aysan sii joogi karin Aagaas,waxayse xoguhu leeyihiin Sadex arimood in ay sabab uyihiin diidmadooda dagaalka…. 1.Markii hore oo aanba loo keenin si dhab ah in ay dagaalka daacad ugalaan. 2.Balwad saamayn ku yeelatay oo aysan la’aanteed diriri karin. 3.Ciidanka oo ubadan Beesha MW…

Read More

By.Sadia Elmi. The recent National Somali Religious Scholars Conference held in Mogadishu, themed “One Somalia” has inadvertently exposed the incompetence within President @HassanSMohamud’s administration, particularly concerning political inclusion and trust-building among Somalia’s regional states. The conference was notably marred by the absence of religious scholars from #Galmudug, #Southwest, and #Puntland states, a clear indication of the government’s failure to engage in genuine political dialogue and inclusivity. The absence of these key regional states reflects the administration’s inability to foster a sense of inclusivity within its governance framework. The lack of consultation prior to the conference has been a point of…

Read More

Hubka Bosaso lagu qabtay mahan sida loo dhigay ee waxaa iska leh Nin la yaqaan oo ka Ganacsada Hubka laguna Magacaabo Ina Huruuse Xaaji Maxamed. Guriga laga helay,waxaa lahaa Siyaad Talye hore oo geeriyooday,waxa uuna u ahaa Kayd. Ninka Yemeniga ah ee lagu qabtay,waa Nin ay wada Ganacsanayeen Ninka Hubka leh kumana imaan Wadanka qarsoodi oo waxa uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha,waxaana la siiyay Visa. Si guud in Suuqa Hubka loo xiro oo loola diriro,ayaa sax ah,balse hadii Qof gaar ah la bartilmaameedsado,waxay dhalin kartaa xaalad abuur. Warka ay shaaciyeen Qayb ka mid ah Ciidanka ee oranaya Hub Daacish leedahay,ayaan…

Read More

Waa ehelladii Macallinkii lagu dilay Seemade oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo. Si wanaagsan oo waxgaradnimo ah,ayaa loo maamulay dhacdadaas,iyadoo Aaska Maydka Macallinka ay fasaxeen Qoyskiisu markay yimaadeen. Dilaagii,wuxuu Gacanta ugu jiraa Ciidamada amaanka oo waxa uu ku xiran yahay Xabsiga Gaalkacyo. Go’aanka,laga qaadanayo,waxaa iska leh Qoyska Macallinka oo Sharciga loo marinayo. Halkan ka daawo muuqaalka JQ.

Read More

Masuuliyiin katirsan Dowlada Puntland,ayaa Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Ehelada Marxuum Macalin Xamse Muuse Ducaale oo Jimcihii lasoo dhaafey lagu diley Deegaanka Seemade. Ninkii dilay Macallinka,ayaa Gacanta lagu hayaa,waxaana lagu wareejinaya Ehellada Marxuumka. Maamulka,laamaha amaanka iyo Bulshada PL si fiican ayay uga hawlgaleen dhacdadaas ugana muujiyeen dareen xoog leh. JQ.

Read More

Ciidanka Booliska Puntland Qaybta gobolka Bari ayaa wada hawlgalka soo qabashada ninkii ku eedaysnaa dilka Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo Howlgalka hogaaminaya ayaa sheegay in uu Howl-galka baadigoobka Gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse uu socda wilina aan gacanta lagu soodhigin isagoo sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan dhacdadaas marka uu Howl-galku soo gaba gaboobo. Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa…

Read More

Khaalid Cali rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu ahaa Madaxa Maamulka iyo Maaliyada Jaamacada Bariga Afrika ee Puntland. Khaalid Maanta,ayaa lagu dilay Bosaso,isagoo Gurigiisa sii galaya. Ciidanka Boolisku,waxay Gacanta ku dhigeen Ninkii Dilka gaystay,waxayna daba joogaan Laba kale oo la fuliyay Dilka. Sida xogo hoose aan ku helay Dilkiisu ma’ahan fal argagixiso ee wuxuu xiriir la leeyahay dhacdo ka dhacday Jaamacada. “Waxaa jiray Sadex Nin oo Jaamacada Qaybteeda Maaliyada ka Shaqaynayay oo Lacag $30-kun ah la goostay,kadib Khaalid oo ay hoos imaanaysay Qaybtaas,ayaa soo xiray kana qabtay Lacagtii qayb ka mid ah oo dhan $15-kun,Qaybtii harsanayd,ayuu usoo aaday Bosaso si uu…

Read More

Garoowe: Luuliyo 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo Xaadireen 40 Mudane waxaa Goluhu ku guda jirey ka doodista wax-ka-baddelka Xeerka Warbaahinta Puntland oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo Golaha u soo gudbiyey wax-ka-baddelka Xeerka. Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibaanada ayaa aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland. Siwaafaqsan qodobka 52-aad ee Dastuurka DPL Golaha…

Read More

Cabdinuur Sh.Maxamed Isxaaq oo ahaa Saxafi soo jireen ah markale,ayuu ka mid noqday Gudiga Doorashada PL ee PEC. Horay,waxa uu usoo ahaa Xubin Gudigii Doorashada KMG ahaa ee TPEC,isagoo ahaa Afhayeenka. Cabdinuur si gaar ah matalaadiisu,waa Gobolka Mudug. Inkastoo lagu dhaliilo daal fara badan in uu ku jiro Shaqadana ay ubaahan tahay firfircooni hadana waa Oday xurmo loo hayo. Halkan ka akhriso:- JQ.

Read More

Booliska Puntland,waxay Gacanta ku dhigeen Dadkii ka danbeeyay Labadii dhacdo ee ugu danbeeyay ee ka dhacay Bosaso….. 1.Gudoomiye ku xigeenkii Jaamacada Bariga Afrika Khaalid Ninkii dilay Gacanta ayay ku dhigeen,waxayna daba joogaan Laba kale oo la fuliyay Dilka. 2.Haweenaydii dishay Wiilka ay Sodohda u ahayd Ciidanku Gacanta,ayuu ku dhigay. Waa war farxad iyo kalsooni gelinaya Bulshada. Ciidanku,waxay mudan yihiin bogaadin. JQ.

Read More

Laba dhacdo,ayaa 10 Daqiiqo gudahood ka dhacay Bosaso oo amnigeedu aad usareeyay waayahan danbe… 1.Gudoomiye ku xigeenkii Jaamacada EA Khaalid,isagoo Gurigiisa galaya,ayaa la dilay,ma cada waxa dilka sababay. 2.Haweenay,ayaa dishay Wiil ay Sodoh u ahayd oo Gabadheeda qabay ayna Uur ulahayd,ma cada waxa ku kalifay go’aankaas in ay qaadato. Dowladu amniga Bosaso,wax weyn ayay ka qabatay kana badashay mana jirin Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay waayahan. Bulshadu,waxay Indhaha ku hayaan sida Boolisku uga falceliyo Labadan dhacdo iyo xogaha uu soo bandhigo. Magaalo Bosaso oo kala ah in Laba Qof ku dhimato Maalinkii ma’ahan wax lala yaabo,balse waxa loo baahan yahay…

Read More

By Sadia Elmi.. In a recent forum, MP @AAbdishakur’s statement that “the people of Banaadir should stop claiming their resources are used by the government, instead, they should recognize that Banaadir uses a significant portion of Somalia’s resources” has ignited significant debate and dissent. MP Abdirahman’s statement disregarded the realities faced by Banaadir taxpayers. His suggestion that Banaadir disproportionately consumes national resources fails to address the pressing issue that the Somali government primarily collects taxes from Banaadir, while the residents receive minimal services in return. This disparity is particularly stark when considering that Abdishakur, an MP from Galmudug, benefits from…

Read More

Jawaab loo baahnaa in la siiyo Dadka Muqdisho xiligan ku dhaqan,ayuu siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waxayagaa la cunaa waxba kama jiraan ee Anagaa Cuna waxa Somaliyed”Ayuu yiri C.C.Warsame. “Tayda anaa leh,taada kula living,waa dood jaban”Ayuu yiri markale C.C.Warsame. Jawaabo loo baahnaa in Afkiisa laga maqlo Siyaasi ay isku khaanad yihiin Dadka haatan ku sugan Muqdisho,ayuu bixiyay C.C.Warsame. Halkan ka daawo muuqaalkiisa

Read More

The Somali government has come under intense scrutiny following the appointment of General #Goobbe as the Minister of Women and Human Rights. This controversial decision has raised significant concerns regarding the government’s commitment to the recognition of women’s roles in society, especially when numerous qualified Somali women have been overlooked for this crucial position. Additionally, this move has raised critical questions about the allocation of resources and the government’s priorities, especially when the country continues to face severe threats from terrorism. Misplaced Priorities in Governance In a country where the fight against terrorism remains a critical issue, the appointment of…

Read More

Boqortooyada Ingiriiska,ayaa iyaduna kusoo biirtay bogaadinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Qof iyo Codka ku hirgashay ee Puntland. Tani waa taariikh,waxayna kusoo aadaysaa,iyadoo Xasan ku fashilmay dagaalkii argagixisada ee uu ka dhigtay mudnaanta 1-Aad. Puntland sidaas ayay ku tahay hormuudka Dimuqraadiyada Somaliya… Halkan ka akhriso:- JQ.

Read More

The owners of the Port of Garacad have unanimously agreed to transfer its management to an Emirati company. Additionally, they have extended the tenure of the management committee overseeing the operations of the Joint Port Company. This agreement entails selling 60% of the port’s shares to the Abu Dhabi-based company from the United Arab Emirates. The contract will be in effect for a duration of 30 years. The Emirati company plans to introduce several improvements to the Port of Garacad, including: 🔹Constructing the Garacad-Goldogob Road. 🔹Establishing a Dry Port. 🔹Building hangars. 🔹Completing unfinished sections of the port. 🔹Installing cranes. 🔹Developing…

Read More

Maanta,waxaa dib loo furay Saamiga Dekeda Garacad oo horay loo xiray,wuxuuna furnaanayaa ilaa Bisha Nov ee Sanadkan. Codsi ka yimid Bulshada Somaliyed,ayaa keenay in dib loo furo Saamiyada Dekeda. Waxaa soo jiidasho leh in dhimis 40% ah loo sameeyay Dadka Saamiga ku darsanaya Dekeda ilaa Nov oo halkii Saami oo (A) looga iibinayo $97300,halkii uu ka ahaa $140-kun. Waa Saamigii ugu danbeeyay ee la iibsho mana jiri doono Saamiya danbe oo dib loo furayo. Bisha Nov,waxaa la Saxiixayaa heshiiska Dekeda Saamigeeda qayb looga iibinayo Shirkada Imaaraatiga ah,waxaana halkii Saami ee aad Maanta ku iibsato $97300 kuu noqon doonaa Sadex Jibaar…

Read More

In Dekeda Garacad lagu wareejiyo Shirkad imaaraatiya,ayay isku raaceen Mulkiilayaasha Dekeda Garacad. Sidoo kale,waxay markale mudo xileed siiyeen Gudigii hayay Shaqada Shirkada Wadaagsin ee Dekeda Maamusha. Tani waxay ka dhigan tahay in Dekeda 60% Saamigeeda laga iibinayo Shirkada Abu-dhabi ee Imaaraadka Carabta. Sidoo kale mudo 30-Sano ah,ayaa heshiiskaas jirayaa oo Qandaraaska Shirkada lagula jirayaa. Shirkada Imaaraatiga ah,ayaa kusoo kordhinaysa Dekeda Garacad…… 1.Wadada Garacad-Goldogob. 2.Dry Port. 3.Hangaro. 4.Qaybaha Dekeda ka haray. 5.Wiishashka. Sidoo kale,waxay Shirkadu keenaysaa Ganacsi balaaran oo heer caalami ah oo Magaceeda loo isticmaalayo. Maalgashiga Shirkada Imaaraatiga ah ee Dekeda Garacad,ayaa u ah fursad weyn oo ay heshay Dekeda…

Read More

In the quest for economic prosperity, Puntland stands at a critical juncture, poised to chart a course that maximizes growth and prosperity for its people. As the region navigates the complexities of development, it can draw inspiration from the principles of rational self- interest to shape its economic policies. By aligning with these principles, Puntland can unleash its entrepreneurial spirit and drive sustainable economic growth. At the core of rational self-interest lies the notion that individuals should pursue their own well-being and happiness. Applied to the realm of economics, this principle underscores the importance of free markets, individual initiative, and…

Read More

Garoowe: Luuliyo 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-badelka Xeerka Warbaahinta Puntland. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, horumarinta warbaahinta gaarka ah ah iyo ta Dawladda, ku wacyigelinta bulshada ee ku dhaqanka diinta islaamka iyo xakameynta been abuurka baraha bulshada. iyadoo Goluhu qodob-qodob uga dooday, kadibna u ansixiyey wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerkan, Waxayna maanta Goluhu ka shaqeeyeen ilaa qodobka 40-aad, iyadoo inta…

Read More

Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Gollaha Wakiiladda Somaliland, Xildhibaan Cabdikariin Aadan Cumar,ayaa faahfaahin ka bixiyay Qodobadii ku xusnaa eeddii ay Xeer-ilaalinta Somaliland ay u jeedisay mid ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland. Guddoomiyaha,ayaa sheegay in aysan eedahaasi jirin oo ay yihiin wax aan dhicin. Xeer ilaalinta Somaliland,ayaa ku eedaysay Xildhibaan Maxamed Abiib,Dastuur jebin,Falal lid ku ah Ciidanka iyo Weliba Qodobo kale oo ku xusan Xeerka Ciqaabta Guud.

Read More

Dowlada Maraykanka,ayaa bogaadisay Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland. PL,waxay utahay dhiirigelin iyo garab istaag bogaadinta Maraykanka hormuudka u ah Dimuqraadiyada Caalamka ah. Sidaanoo kale,waxaa bogaadiyay Doorashada Qof iyo Cod ee Golayaasha Deegaanka PL dhamaan BC oo ay ugu horayso QM. PL,waxay samaysay taariikh iyo hiigsigii Bulshadeeda.

Read More

Godobjiiraan: 27 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Godobjiiraan ee Gobolka Nugaal. Booqashada MW ee Degmada Godob-jiiraan,waxay sii xoojinaysaa Midnimada Bulshada reer Puntland,waana loo baahnaa. Khudbada: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay bulshada ee degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garoowe: Luuliyo 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta wax-ka-baddelka xeerka Warbaahinta Puntland. Ugu horeyn Guddiga Arrimaha Bulshada & Dhaqanka oo wax-ka-baddela akhriska 2-aad ku soo sameeyay ayaa Golaha warbixin u soo jeediyey taas oo la xiriirta la tashiyo uu la yeeshay Guddigu dhammaan dhinacyada xeerku saameynta ku leeyahay. Xeerkan ayaa si faah-faahnsan uga hadlaya dejinta mabaadida lagu hayo warbaahinta, dhiiri-gelinta…

Read More

Muqdisho, Sabti, 27 Luulyo 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan: 1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. 2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Mudane…

Read More

Shariif,waxa uu ka hadlayo waa dhab,wuuna ku dhiiraday in uu tilmaamo,waxayna muujinaysaa in uu jiro Siyaasi ay isku khaanad yihiin Xasan iyo kooxdiisa oo diidan burburinta Dowladnimada loosoo dhiig baxay. Balse Shariif waxa uu markale ku waayay in uu noqdo MW oo Khaanadiisu ugarab istaagi wayday,waxay tahay aragtidaas uu leeyahay oo ka saraysa mida ay ka duulayaan hormuudka Siyaasadeed ee Khaanadiisa Beeleed. Sharif,waa madi marka laga hadlayo Siyaasi kasoo jeeda Khaanada Beeleed ee Xasan macnana ma samaynayo hadalkiisu,sababtoo ah lagama rabo Xamar Dowladnimada uu ilaalinayo. Shacabka Xamar ee caadiga mahan,waxa laga hadlayo ee waa hormuudka Siyaasadu uxiran tahay ee hogaamiya,waxa…

Read More

Fiqi in uu yiraahdo Dastuurkii uu ku dhaartay,waxaa noosoo samaysay Itoobiya? Sidoo kale yiraahdo Dowlada uu Wasiirka ka yahay,waxaa noo keentay Itoobiya? Labadaas,waxay ku tusayaan Sadex arimood oo kala ah… 1.Xamar aragtida taala. 2.Dowladnimadii Xamar la geeyay meeshay ku danbaysay. 3.Dadka lagala xaajoonayo masiir Umadeed midabkooda sida uu yahay. PL maxaa qabta? In ay ku adkaysato mowqifka hada ay taagan tahay ee ah in aysan qayb ka ahayn Dowladnimada Xamar taala,taasoo keeni doonta in awoodihii ay horay ubixisay dib ugu soo laabtaan oo Wadanku kusoo noqdo Sadexdii qaybood halka hada uu ka yahay DFS iyo DG. PL way muujisay Siyaasiyan…

Read More

Ninka dilay,waxaa layiraahdaa Axmed Maxamuud Maxamed Jaamac,Naynaasta Aabihii waxaa la dhahaa Ina Sharibood. Ninka wax dilay,waa Jiri Dad hore dhaawacay,waxa uu ku dilay Deegaanka Seemade oo ujira Gaalkacyo 150-km oo uu ka ahaa Macallin Ninka la dilay. Ciidamada amaanka,ayaa ku baxay,waxaana la filayaa Saacadaha soo socda in Gacanta lagu soo dhigo. Dadka Deegaanka si weyn ayay uga xumaadeen Dilka Ninkan oo lagu Magacaabi jiray Xamse Muuse Ducaale oo ahaa Macallin iyo Imaam oo kasoo jeeda Gobolka Awdal SL.

Read More

Tababar ay iska kaashadeen Dugsiga Tababarada Ciidamada PMPF iyo EUCAP Somaliya,ayaa loo soo xiray Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Cutubyada Badda ee PMPF, kuwaas oo lagu layliyey:- 1. COAST GUARD FUNCTIONS (Shaqooyinka Tabaha Hawlgallada Badda) 2. COL-RAGs (Barashada Sharciyada Badda) 3. MARPOL (Ka dhawridda Badda iyo Deegaanka Qaashinka iyo Sunta) 4. RADIO COMMUNICATION 5. SEAMANSHIP (Xirfadaha Bad-maaxnimada) 6. NAVIGATION (Jiheeyayaasha Badda) 7. WEATHER (Cimilada) 8. SAFETY at SEA (Bad-qabka Badda) 9. CHART READING ( Akhrinta Halbeegyada) 10. BOAT HANDLING (Cilad Bixinta Doonyaha)

Read More

In ku dhow 6000 oo Qof sheeganaya Shaqaalaha Dowlada Fadaraalka ah,ayaa ku sugan Turkiga. Dadkan,ayaa wata Basaboorka Shaqaalaha Dowlada (Service Passport). Tani,waxay keentay in Dowlada Turkigu joojiso Basaboorka Shaqaalaha in ay ku bixiso Visa Safaaradeeda Muqdisho. Sidoo kale Midowga Yurub,ayaa kusoo rogay Basaboor Somaliga nooc walba uu yahay,si gaar ahna Service Passport ee Shaqaalaha Dowlada in aan toos loo siin Visa. Midowga Yurub,waxay soo saareen Shuruudo ay ka mid yihiin… 1.In laga dhigo Lacag rahmad ah Qofka Visa dalbada. 2.In 45-Cisho laga hayo Passport-ka. Horay,waxay Shaqaalaha Dowladu ku heli jireen Visaha 14-Cisho gudahood. Arinkan,waxaa keenay kadib markii  Dad sheeganaya Shaqaalaha…

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga. Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda. Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la…

Read More

Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia, taas oo haatan ay Qaramada Midoobay ku sheegtay tirada dhimashadu inay haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof. Kooxaha gurmadka degdegga ah,ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadan. Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka. Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo…

Read More

Warqadii usoo saaray Todobaadkii hore Wasiirka Arimaha Dibada DFS FFiqiayay Warqadan jawaab utahay. Itoobiya,waya iska beri yeeshay eedaha ay usoo jeedisay Somaliya,iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo iska hor imaanaya. Sidoo kale Itoobiya,waxay sheegtay in ay garab taagan tahay Shacabka Somaliyed. Dad badan,ayaa qaba in Warqadii Fiqi soo saaray ay uqalanto jawaabtan yasmada ah ee bahdilka ku ah Maqaamka Dowladeed ee Somaliya. “Waxay ahayd Warqad fadhi ku dirir oo ka hoosaysay mid kasoo bixi karta Wasaarad uqaabilsan Jamhuuriyad dhaDiblomaasiyadee”Ayuu yiti mid ka mid ah Diblomaasiyiintii hore. Ilaa iyo hada Dad badan,ayaa iswaydiinaya,waxa Fiqi ula jeeday Warqadaas oo ay…

Read More