Author: Jibril Qoobey.

Garoowe : 22 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaasada oo maanta lagu tukaday Allaah ha u naxariistee Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim (Baardheere) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga, Kaasi oo maanta maydkiisa la keenay Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa xusay inuu Shiikhu ku sifeysnaa inuu wakhti badan ku bixiyey Dacwada iyo fidinta diinteenna suuban, isagoo sidoo kale ka qeyb qaadan jiray nabadgelyada iyo horumarka bulshada. Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo geeyo janadii fardowsa, ehelkiisa iyo culimada Soomaaliyeedna uu dhammaantood kasiiyo samir iyo iimaan. -DHAMMAAD-…

Read More

Si macno badan leh,ayuu uga hadlay xaalka Wadanka Waare. Balse su’aashu,waxay tahay reer PL,waa fahansan yihiin intaas Waare sheegay ee Xasan iyo Xamar ma ogol yihiin in ay qaataan talada Waare amase Waare ma usheegi karaa intaas? PL dadaal kuma harin Somali badbaadinteeda ah,waxayna soo sameeyeen tanaasul xuduud dhaaf ah oo xataa gaarsiiyay in ay xaqoodii ku waayaan,waxayna haatan taagan yihiin meeshii ugu danbaysay oo ah kala tag. Wadanka Xamar,ayaa laga burburinayaa ee Siyaasigii aragti leh Xamar waxa ka socda,wsx maka badali karaa? Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waa dhab Xasan,isagaa siiyay Muuse maqaamka Dowlad la siman DFS oo sidii Laba Dowladood oo isu dhigma ula saxiixday heshiis,markii Muuse maqaamkaas kasii faa’idaystay oo Itoobiya la hor fariistayna Qaylo Afka ku shubtay. “Xasan ma Shalay,ayuu saxsanaa,mise Maanta,ayuu khaldan yahay? Maarayn,fahan iyo aragti ayay ubaahan tahay la noolaanshaha Itoobiya iyo danaheeda,iyadoo la ilaalinayo danaha Jamhuuriyada Somaliyed. Itoobiya,way maalgashatay Somalida in Cadow loo aqoonsadana heshiis laguma ahan,sababtoo ah Beelaha Somalidu iskuma waafaqsana doorka ay ku leedahay arimaha Somaliya. Dir,Raxanweyn iyo Daarood uma arkaan Itoobiya Cadow,halka Hawiye u arko Cadow xiira xiira ah. Xigmadu,waa Itoobiya ma’ahan Cadow ee waa Daris dan leh…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire.James Swan. Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray….. 1.Doorashooyinka loo diyaar-garoobayo. 2.Wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Mudoobey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo Khilaafka Itoobiya iyo Somalia . Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la…

Read More

Prof. Samatar Taladaas, waa asiibay,balse,waa sida uu sheegay Xasan qaadan mahayo…. “Xasanow Beenta aad Masaajidka ka sheegaysid ee aan fulayn ilaahay ma khiyaami kartide ee kadaa Masaajidka”Ayuu usoo jeediyay Prof.Samatar. Xaqiiqdii,waa wax laga naxo in Nin 80-jir ah oo hadana ah hogaamiye Umadeed lagu dhaliilo in uu Been sheegayo oo Umadii wada ogaatay. Qof caadiya in uu Been sheego,waxaa ka xun MW Been sheegaya,sababtoo ah,waa ka saamayn badan yahay,waana Macalin Umadu ku dayanayso. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

PDRC,waxay qabatay Shir Nabadeed muhiim ah oo ay iskugu keentay Xulka Bulshada Somaliyed iyo BC. Shirkan macno,ayuu uleeyahay PL dhinacyo badan leh… 1.Sumcada. 2.Saamaynta. 3.Xog helida. 4.Jihaynta. 5.Siyaasada. Waa ku amaanan tahay PDRC qabashada Shirka Nabada markale. PDRC oo ah Xarun Cilmi Baaris oo Dowliya,waxaa la Aas-aasay Hal Sano kadib yagleelidii Nidaamka PL,waxayna samaysay horumar fiican oo la oran karo,waxay buuxisay Shaqadii loo igmaday. PDRC,waxay soo saartay xogo,aragtiyo,talooyin iyo Haldoor oo waxtar uleh Bulshada Rubuc Qarni kadib. JQ.

Read More

Garowe,waxaa Maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ka furmay Shirweynihi Labaad ee PDRC oo Sanadkan looga hadlayo doorka Saxaafadda ee Nabadda iyo Colaadaha. Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa furay Shirka oo ay kasoo qaybgaleen Horweynta Bulshada Somaliyed iyo BC.

Read More

PL,waa Nidaam dhisan oo ka mid ah heerarka Dowladnimo ee Somaliya oo masuuliyada amni ee Wadanka Qayb ka haya. Hub iyo Saanad,wixii ah ee loo isticmaalayo amniga,way ufasaxan yihiin Dowlada Dhexe iyo DG in ay kasoo iibsadaan meesahay doonaan. PL amniga Deegaamadeeda,iyadaa ka masuul ah,meeshAy rabto ayayna kasoo iibsanaysaa Hub,isla markaana Hubkeedu magalo Gacanta Beelaha oo si nidaamsan,ayaa loo maamulaa Majirto DFS oo qaaday masuuliyada amni ee Wadanka,mana bixiso Saad iyo Hub kamana taageerto DG amaanka. Dowlada PL ,waa in ay hadashaa oo kasoo jawaabtaa Warqadan habowga ah. Halkan ka akhriso Warqada:- JQ.

Read More

Cali Xoosh markaad hadalkiisa qiimaysid,waxaa kusoo baxaya in uusan fahansanayn,waxa uu ka hadlayo iyo khaladka uu ka galayo nidaamka iyo Dastuurka Fadaraalka ee Wadanka. Waxaa kaloo kuu muuqanaysa ujeedkiisu kaliya in uu ÿahay Xasan raaligeli si aad Kursiga ugu sii fadhido. Waxaa cajiib ah Shaqo gaaban oo uu og yahay Mar ay noqotoba in laga qaadayo in uu Taariikhdiisa uwasakheeyo. Maxay tahay baahida haysa hadii uu lumiyo Shaqadan? Miyuusan ogayn,isagoo ilaalinaya Dastuurka iyo Qiyamka oo iska diida in uu Qof qanciyo in ay uga Sharaf iyo karaamo weyn tahay Shaqo bahdilan in uu sii haysto? Ninkaas,ayaa raba in uu la…

Read More

Hubka,waxaa lahayd Dowlada Puntland,waxaana galbinayay Ciidamo Liyuu Booliska DDSI ah,kuwaasoo keenay Degmada Bookh. Waxaa weeraray,Dhalinyaro Tuulooyinka iska soo urursaday oo qorshaystay sidii Hubkii CW in ay dhacaan. Balse Ciidanka Hubka ilaalinayay,ayaa si adag udagaalamay oo difaacay,waxaana Sakaayba gaaray Ciidamada PL oo aad uhubaysan,kuwaasoo lasoo wareegay Hubka. Dhalinyarada weerartay Hubka,waxay ka kala yimaadeen Tuulooyinka Marqaan,Buuhoodle,Qaawane,Jiracle,waxyana kasoo kala jeedeen Beelaha Dhulbahante iyo MJ/RB. Hubkan,waa adeeg caadiya oo Nidaamka uga yimaada Warshada Hubka ee Itoobiya oo Caalamku u ogol yahay Maamulada Masuulka ah ee Somalidu in ay la macmiilaan. Waxaa jira xog sheegaysa in Dhalinyaradan Hubka xogtiisa ay la wadaageen Dad gudaha PL…

Read More

Garoowe: 19 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo Todobaadkan looga hadlay……. 1.Amniga 2.Warbixinta xogta Shaqaalaha Ajaanibta ah 3.Dib-u-habeynta Shaqaalaha. 4.Fariisinta Goleyaasha Deegaanka. 5.Diiwaangelinta iyo Ruqsadsiinta Darawalada Dowladda. 6.Qorshaha horumarinta 5-sano.

Read More

Sweden: 18 September 2024: Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimadda labaad ee Dalka Sweden ee Gotherborg. Madaxweyne Ku-xigeenka oo safaro shaqo ku maraaya qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub ayaa maanta gaaray Dalka Sweden waxaan si diiran halkaas ugu soo dhoweeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Sweden. Madaxwayne ku-xigeenka DPL ayaa waxaa safarka ku wehelinaya masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya Jaaliyaddaha kala duwan ee Qaarada Yurub, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka Mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee jaaliyada…

Read More

Shirkii Golaha Wasiirada Fadaraalka ee laga filayay isbadal lagu sameeyo Dowlada,waxaa kasoo baxay Laba Qodob kala ah…. 1.Siminaar lagu sheegay Dowlad Wanaag. 2.Magacaabida Laba Safiir. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir,ayaa loo Magacaabay. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir,ayaa loo Magacaabay. Xaalku Wadanku,waa cakiran yahay,waxaana qabsoomi waayay Shirkii Madasha oo awalba ay PL banaanka ka joogtay. Sidoo kale,waxaa taagan khilaaf meel ba’an maraya oo dhaxeeya KG iyo Villa Somaliya. Dalku,waxa uu kaloo wajahayaa… 1.Midnimo la’aan baahsan. 2.Dowladnimadii koobnayd oo sii daciifaysa. 3.Amni xumo. 4.Dhaqaale xumo. BC,ayaa abaabulaysa Todobaadkan Shir ay ku qabtaan Xalane oo ay iskugu keenaan Madaxda Somalida.…

Read More

Brigadier General Tefera Mamo Maanta,ayuu ka khudbeeyay hareeraha Gondar oo Gobol muhiim ah marka laga hadlayo Deegaanka Amxaarada iyo Guud ahaan Itoobiya. Waa sarkaalkii ugu daraja sarreeyay ee Amxaarada kasoo jeeda ee ka goosta Ciidanka Fadaraalka Itoobiya. 49-Cisho ka hor,ayuu ka goostay Ciidanka Milleteriga,waxa uuna durba badalay khidadii Maleeshiyada Amxaarada. 50-Bari,iyadoon la gaarin,ayuu Qaabeeyay Maleeshiyadii FANO oo ubadalay Ciidan weerar balaaran qaadi kara. Sidoo kale,waxa uu diyaariyay qorshe uu ku dhinac wado weerarada oo ah ku dhufo ka dhaqaaq (Jidgooyo ). Isbadalka uu ka muujiyay goobaha dagaalka mudada gaaban Jen.Mamo,waxay keentay Abiy in walwal xoog badan kusoo kordho oo fududaysigii…

Read More

Lix dhallinyaro oo ka mid ahaa Culumada Xerta,ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla Magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Wardheer ee Dawlad Deegaanka Somalida. Dadka Dilka geystay,ayaa baxsaday,waxa uuna Dilkan daba socdaa Aanooyin u dhaxeeya Labada Beelood ee Ibraahim iyo Ismaaciil Gumcadle oo kawada tirsan Beesha Mikaahiil ee Ogaadeen. DDSI oo isku dayay in uu colaada Labada Beelood soo afjaro,ayaysan usooroobin,waxayna haatan wararku sheegayaan in Colaada la siyaasadeeyay oo ay soo dhexgashay loolanka Kuraasta hogaaminta Deegaanka. Lixda Wadaad ee Maanta la dilay,waxay isku hayb yyihiinWasiir hore Cabdifitaax Sh.Biixi oo warar soo baxayay maalmahan ay sheegayeen in uu noqon doono MW Deegaanka.…

Read More

#Buraan, Sep 18, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalihii u dambeeyey ku sugnaa Goboladda Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta garaay Degmada Buraan ee gobalka Haylaan. Haalkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Maamulka Degmada, Odoyaasha, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyada, Ganacsatada iyo Sarakiisha ciidanka. =DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Read More

Xingalool , Sep 17,2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Ahlxmed Siciid iyo wefti ballaaran oo ka kooban Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Dhahar ayaa gaarey Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag. Maamulka Degmada, odoyaasha, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyada, ganacsatada iyo sarakiisha ciidanka ayaa ku soo dhaweeyey weftiga Degmada Xingalool. Ujeddada safarka ayaa salka haya u kuurgelidda xaaladda guud ee deeganka, iyagoo kulamo la yeelanaya bulshada qeybaheeda kala duwan, waxayna booqashooyin ku tegayaan xarumaha dawladda, si ay xog dhammaystiran uga helaan baahiyaha deegaanka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Sida loola dhaqmayo KG,waa yasmo iyo quursi qaawan. 1.Gudoomiyihii Baarlamaanka, waxaa loogu hanjabay isoo raac ama Cadowgaygaad tahay. 2 .MW KG,waxaa laga xirtay Hawadii iyo Caasimadii rasmiga ahayd ee Baraawe. 3.Xildhibaanadii Labada Gole ee Fadaraalka,waxaa loogu hanjabay si Qabiiliya. 4.Saraakiishii Ciidamada Laftagareen Garoonka Aadan-cade,ayaa lagu bahdilay oo waxaa ugu danbayn baryo kusii daayay Aadan Madoobe. 5.MW Laftagareen,waxaa loo jaray Warqad soo qabasha ah oo waxaa lala sugayaa marka ugu horaysa ee uu Xamar tago. Dhaqamadaas laguma samayn karo Siyaasiyiinta Beelaha kale oo ugu yaraan waxbaa la xeeriyaa. Xaqiiqdii,waa laga gardaran yahay Dadka KG ee Gobta ah,waxa lagula dhaqmayana lama aqbali…

Read More

Ninkan oo ah Xoghayaha Guud ee IGAD,sababta uu Xamar uyimid,waa Hal qorshe oo ah….. In uu ka helo Somalida Cod maadaama Doorasho jirto. Waxa uu ku gabanayo oo isku qarinayo,waa…. In uu dhexdhexaadinayo Abiy iyo Xasan. Markuu yimid Xamar,kadib,waa badalay qorshihiisii markuu arkay in uusan gadmayn,waxa uuna ubadashay mid kale oo ah… Blue Economy Center,ayaan ka hirgelinaynaa Somaliya maadaama ay leedahay mid ka mid ah Xeebaha ugu dheer Afrika. Qorshihiisa,waxaa la galbinayay Waare oo laftigiisu rabay in BC uu ka gado,waxaan wadnaa dhexdhexaadin Itoobiya iyo Somaliya. Ninkan,waa Wasiirkii Arimaha Dibada Itoobiya ee hore,wuxuuna kasoo jeeda Qowmiyada Oromada. Hadalkiisa ah”Madaxbanaanida Qaran…

Read More

“Swan,ayaa bogaadiyay hindisaha Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ee lagu daah-furay Shirweynaha Nabadda ee Galkacyo, si wax looga qabto colaadaha u dhexeeya Beelaha wada dega Gobolka”. Fariintaas,waa waxa ugu yar ee laga faa’iday kulankii Labada MW ee Deni iyo Qoor-qoor. Wuxuu muujiyay in xalka Somaliya yaalo meel kale oo aan Xamar ahayn. Wuxuu soo jiitay kulankaas indhihii Caalamka iyo Somalida,waxuuna Waji gabax ku noqday Xasan Shiikh. Mudug iyo Galgaduud Bil ka hor Xasan,wuxuu usoo raray Hub si uu u Hubeeyo Beelo gaar ah,halka Deni ku bixiyay Nabadyanta Beelaha ee Goboladaas Nus Milyan Dolar. Tani,waa qayb…

Read More

Sanduuq lagu taageerayo horumarinta Degmada Dhahar…. 1. Xildhibaannada Golaha Wakiillada: $6,600 2. Golaha Wasiirada: $5,700 3. Ciidanka Booliska: $3,000 4.Gudoomiyaha Baarlamaanka $10.000 Mashruucan horumarineed wuxuu xoogga saarayaa dhowr Qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin…. 1Dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka iyo Adeegyada kale ee Bulshada. 2. Hirgelinta qorshayaal lagu furayo Wadooyin cusub oo isku xira Degmada iyo Deegaannada kale ee Gobolka. 3. Isku tashi bulsho oo lagu hirgelinayo horumar waara. 4.Hubinta in deeqaha iyo qaaraanka bulshada loo maareeyo si hufan oo daahfuran. 5.Isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah iyo kobcinta dhaqaalaha Deegaanka. 6.Kor u qaadidda isku xirka bulshada, nabadgalyada, iyo wada…

Read More

Garoowe: 16 September 2024: Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku timi Puntland. Guddoomiye K/X ahna siihayaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa warbixin kooban safiirka kasiiyey shaqooyinka guddiga u qabsoomay iyo qorshayaasha hadda horyaala, sidoo kalena uga mahadceliyey safiirka wada shaqaynta dhow ee midowga yurub uu laleeyahay Hay’adda Doorashada. Safiirka Mrs. Karin Johannson ayaa dhinaceeda bogaadisay shaqadii wanaagsanayd ee guddigu sida hawlkarnimadaleh uga soo qabtay 36-da degmo Doorashooyinka halqof hal codka ah. Ugu danbayn kulanka oo ay goobjoog ahaayeen qaarkamida Xubnaha Guddiga iyo Xoghayaha Guud…

Read More

Todobaadka soo socda,waxaa imaanaya Puntland,Safiiradda France iyo Germany. Qodobada ugu waa weyn ee imaanshaha,Safiirada waxaa ka mid ah……. 1.Welwelka Xuutiyiinta Yeman in ay xirir la sameeyaan argagaxisada. 2.In ay Xarumo ku yeeshaan Buuraha iyo Xeebaha Puntland hadhow ay Maraakiibta ka weeraraan Xuutiyiinta. BC,waxay siinaysaa PL ,muhiimad weyn iyo tixgelin gaar ah. Maalmihii udanbeeyay,waxaa kusoo qulqulayay Safiirada BC PL.

Read More

Waxaan xaqiijanaynaa in Amiga Garoonka Diyaaradaha Bosaso yahay mid sugan oo ay diyaaraduhu koodkoodii ama Route-koodii si caadiya hawlahoodii ugu wadan karaan”. Maanta,waxaan imaan Diyaarada Daallo Airlines,waxaana saamayn ku yeeshay Email ay udirtay Dowlada Xamar. Balse Itoobiyan Airlines Todobaadkii Laba jeer ayay tagtaa Bosaso,wayna tagaysaa sida ay xaqiijisay. Daallo haday uhogaansato amarka Xamar,waxay lumin doontaa Ruqsada PL oo uleh muhiimad Ganacsi. Dhanka kale,waxaa di caadiya uyimid Garoonka Laba Diyaaradood oo kasoo degay kadibna dib uga kacay,kuwaasoo ka yimid Imaaraadka. Dowlada Xamar oo ku gabanaysa amniga Garoonka,ayaa khatar ku jira kadib hanjabaadii ka timid Ilmo Diyaano,ayaa Warqad udirtay Shirkadaha Diyaaradaha. Waa…

Read More

Waxay ku salaysnayd booqashada Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya ay ku timid Garowe….. 1.Kahortaga burcad badeeda iyo la dagaalanka argagaxisada. 2..Ilaalinta marin-biyoodka Bada Cas iyo ka hortaga kooxaha Xuutiyiinta in ay xirir la samaystaan Kooxaha xagjirka ah. 3.Balaarinta iyo Qalabaynta Xafiiska tababarada iyo ilaalada Xeebaha Midowga Yurub ee Bosaso ee Eucup oo hada tababaro siisa Ciidanka ilaalada Xeebaha. 4.Hirgelinta Mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub maalgeliyo kana fula Puntland. 5.Dowlad dhiska Somaliya sida Dastuurka iyo arrimaha Federaalka. Waxaa muuqata in BC si weyn PL ugu soo jabtay Bilihii ugu danbeeyay. Halkan ka daawo muuqaalka Wakiilka

Read More

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya,ayaa iyaduna ukeentay MW Deni casuumada ku saabsan Shir BC iyo Madaxda Somalida ku dhexmaraya Xalane. Shalay,waxaa casuumada Shirkaas oo rasmi ah ukeenay MW Deni Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Swan. MW Deni,waa aqbalay ka qaybgalka Shirkaas. Balse Xasan Shiikh,ayaa diidan in uu ka qaybgalo,waxayse ubadan tahay gu danbaynta in uu tago Xalane,sababtoo ah looma baajinayo Shirka,taasina,waxay ku noqonaysaa fashil umuujinaya in uu yahay Qaswade aan xal rabin,waxaana si buuxda uga wareegaya Siyaasada iyo maaraynteeda. Waxaa la gaaray xiligii BC soo faragelin jirtay Xaalka Wadanka oo talo weyn ku yeelan jirtay jihaynta ugu danbaysa. Xasan,waa…

Read More

Laba Qodob,ayuu daarnaa imaanshihii Garowe ee Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliya Swan… 1.In uu PL uxaqiijiyo BC in ay isla qaadatay Mashaariicda in aan la Siyaasadayn oo toos PL Qaybteeda uhesho. 2.Dowlad Dhiska iyo Doorka PL,waxa uuna waday fariin ahayd,waxaan firfircooni gelinaynaa Shaqada Xaafiiska QM,waxa uuna codsaday wada Shaqayn. Swan,waxa uu PL ku amaanay fahankeeda Dowladnimo iyo qirida doorka Xaafiiska QM ee Somaliya. Waxaa muuqata in BC siinayso PL ahmiyad gaar ah oo weyn waliba Bilihii ugu danbeeyay ay si kale ugu soo jeesteen. Halkan ka daawo muuqaalka Swan Garowe

Read More

Waxay xaqiijinayaan Saraakiil muhiim ah oo ka mid ah Ciidamada in aysan jirin wax duulaan ah oo Maamulka Deni ku qaadayo Bosaso. Dhanka kale,waxaa jira Tusaalooyin la aamini karo oo xoojinaya hadalka Saraakiisha,kuwaasoo ah sii daynta la sii daayay Wiilkii Wariyaha u ahaa Ilmo Diyaano iyo Deni oo Odoyaal utagay uxaqiijiyay in Dhaawaca ay ka dhoofsan karaan Ilmo Diyaano Garoonka oo aan sinaba loogu diidayn. Saraakiisha,ayaa usheegay Idil News in Diyaar garowga la dareemayo ku salaysan yahay Guluf Buuraha Bari lagu qaadayo kaasoo ka dhan ah argagixisada ku dhuumaalaysata. “Dhawaan MW iyo Saraakiisha Ciidanka,waxay degi doonaan Talis KMG ah oo…

Read More

Mudug Shaqo la taaban karo,ayuu ka qabtay Maamulka Madaxweyne Deni………. 1.Ciidamada Gobolka ka jooga Dowlada Mileteri iyo Boolis oo dhan 1600 Daraawiish ah+400 Boolis ah waa la abaabulay oo la dhiirigeliyay oo la canaantay,mana jirto Hub si gaar ah looga dhigayo Dadka. 2.Odoyaashii gadoodsanaa ee Imaam Cabdiwahaab M.Gurey hogaaminayay,waa lala kulmay oo la qanciyay lana kala furay iyaga iyo Siyaasiyiintii xiligii Gaas soo baxay ee aan qaangaarka ahayn. 3.Golayaashii Deegaanka Bursaalax iyo Xarfo waa la dhisay. 4.10-ka mid ah argagixisada,waa la toogtay. 5.Dhismaha Wadada Halbowlaha u ah Magaalada,waa la dhisay. 6.Qorshihii Biyo ka saarida Magaalada waa laga hawlgalay,waxaana loo hayaa…

Read More

Sadex dhaliilood,ayuu lahaa Maamulka Deni,kuwaasoo kala ahaa…. 1.Albaabada Madaxtooyada oo xirnaa. 2.Xiriirka Caalamiga ah iyo Qurba joogta oo la dayacay. 3.Argagixisada Buuraha Bari. Albaabadii Gudaha,waa la furay oo Maamulkii oo uu hogaaminayo MW Deni,ayaa kormeer ku tagay Gobolada Mudug iyo Nugaal,isagoo Bulshada Qaybaheeda kala duwan la fariistay. Xiriirka Caalamiga ah,wax la taaban Karo,ayaa laga qabtay,waxaana macno weyn lahaa kulamadii Nayrobi. Sidoo kale Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub,waxaa loo kala diray wafuud uu ugu sareeyo M.xigeenka. Argagixisada Buuraha Bari,waxaa loo qorsheeyay in Ciidan la geliyo oo Maalmo kadib Madaxweyanaha,ayaa fariisanaya Carmo,isagoo ka hogaamin doona halkaas dagaalka ka dhanka ah Nabaddiidka ah. Xasan…

Read More

Waxaa si caadiya ushaqaynaya Garoonka Diyaaradaha Bosaso kadib isku day Dowlada Xamar ay rabtay in ay ku xirto,iyadoo adeegsanaysa Gacmaha Ilmo Diyaano. Shalay,waxaa Garoonka uga baaqday Email ay udirtay Dowlada Xamar Doyaaradaha Itoobiyaan Airlines iyo Daallo Airline,inkastoo Diyaaradaha kale kasoo dageena kana dhoofeen. Balse Maanta,waxaa si caadiya uyimid Labada Diyaaradood ee Itoobiya iyo Daallo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Daallo Airline Halkan ka daawo muqaalka Itoobiya Airline

Read More

Dareenka Dadku marka uu kaa hor yimaado,waad jabaysaa sidii ku dhacday hogaamiyayaal caalamka ah oo awood badnaa. Haatan dareenka Shacabka PL 90%,waxa uu raacay Maamulka Deni waxa uuna ka hor yimid Ilmo Diyaano. Bulshada PL,ayaa ku diiday…. 1.Garoonka hala xiro. 2.Magaalada halaga qaxo. Si ka duwan sidaas ayay udhaqmi kareen oo Deni ugu soo istaagi karay Kuna furmi lahaa wadahadal. Waa la dareemi karaa culyska haysta Ilmo Diyaano ee ah in Qandaraasyadii istaageen iyo wada Shaqayntii caalamka,isla markaana Ciidankii PSF burburay Dayn fara badana lagu yeeshay. Xalku,waa in ay waaqiciga aqbalaan oo isbadbaadshaan,isla markaana Maamulka Deni waxgaradku la hadlaan. Balse…

Read More

Tirada rasmiga ah Ciidanka kasoo baxay Xerada Ilmo Diyaano ee kusoo biiray Ciidamadii hore ee PSF oo haatan lagu daray Ciidanka Badda,waa 214-Askari. Tirada Guud ee Ciidanka PSF,waxay ahaan jirtay 400-600 oo Askari. 85-Askari,waxaa lagu qiyaasay Askarta firxatay ee kala tagtay. 95-Askari horay,waxay ugu soo gashay Dowlada oo waa Ciidankii lagu abuuray PISF,haatana loo wareejiyay Ciidanka Badda. Marka lagu daro tirada soo xarootay Labadii Maalmood ee udanbeeyay,waxaa la qiyaasi karaa in Gacanta Ilmo Diyaano ay ku harsan yihiin Lixdameeyo Ciidankii hore. Waxaa xusid mudan in Ciidanka hada soo xarooday ay ubadan yihiin xirfadlayaashii Hoobiyayaasha,Gaandhariyada iyo Farsamayaqaanada. Sida ay iisheegeen Saraakiisha…

Read More

Doonta BLUE STAR,ayaa ku gubatey Xeebaha Jasiiradaha Kuuriya Muuriya ee dalka Cumaan Doraad Galab. Doonta,ayaa kasoo goosatay Dekedda Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxay kusoo socotey Dekedda magaalada Bosaso,waxayna siday Badeecado kala duwan oo gaaraya 12-Tan. 13-Shaqaalihii Doonta ah,ayaa ka badbaaday kuwaasoo lagu hayo Xabsi ku yaal Magaalo yar oo lagu Magacaabo Xakal. Ganacsatada reer Puntland,ayaa ku khasaartay Doontaas Dabku qabsaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Dabka Doonta

Read More

Waa loo baahnaa in la muujiyo awooda iyo saamaynta PL ee Sanaag oo loo diro masuuliyiinta kasoo jeeda. Waliba in lagu soo aadiyo Maalin ay Garowe usoo baxeen Garaadada Sool oo wada Wajigii Labaad qorshahoodii wajiyo badanka ahaa, balse ay ugu magac dareen (Mahadcelinta). Wa fariin reer Sanaag udirayaan Garaadada Sool oo ay ku leeyihiin (Anagu qayb idin kama nihin,waana ku faraxsanahay PL-ta aan wax ka dhisanay). Sanaag Bari,waxaa si qurux badan oo rabitaan Shacab ah uga qabsoontay Doorashadii PL ee Golayaasha Deegaanka. Somalida Waqooyi xalkeeda iyo kan Guud ee Somaliya,waxa uu ku jiraa in aan loo dhaxayn Maamulada SL…

Read More

Gaalkacyo: 14 September 2024: Maanta oo ay taariikhdu tahay September 14, 2024, waxay Madaxweynaha Dowladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah u furey shirweynaha dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug. Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka, Maamulka heer Gobol iyo degmo ee labada dhinac iyo xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Galmudug. Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug. Ugu danbayn waxaa shirka ka soo…

Read More

“Maraykanku,waxa uu taageerayaa midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya,iyo Itoobiya iyo Somaliya oo ah Sxb isku dhow oo wada Shaqeeya,waxuu codsanayaa Itoobiya in ay Somaliya ka caawiso la dagaallanka Dhalinyarada xagjiriinta ah,waxaan rajaynaynaa in ay helaan Wado Laba Wadan kuwada Shaqayn karaan oo isku kaashaan karaan,waxaana hogaamiyayaasha Gobolka ka dalbanay in ay xal uhelaan khilaafka Labada Dal”.Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika uqaabilsan Maraykanka. Waa war weyn oo kasoo baxay hogaanka Caalamka Quwada haysa. Hadalka Maraykanka,waa fariin ku socota Dal walba oo ku mashquulsan kala dhantaalida Midnimada Somaliyed. Sidoo kale,waxa uu amar iyo usheegid ku yahay Itoobiya iyo…

Read More

Qodobo waxtar ah oo loo baahnaa ayay ku heshiiyeen Labada Dowladood ee Galmudug iyo Puntland. Shirka uu kasoo baxay heshiiska,ayaa ka dhacay Caawa xili danbe Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Laba wefti ay kala hogaaminayaan Labada MW,ayaa ka qaybgalay Shirka oo ku qabsoomay Madaxtooyada PL ee Galkacyo. Halkan ka akhriso:-

Read More

Laftagareen,waa diiday in uu ka qaybgalo Shirka Madasha,hadii lagu qabanayo Xamar, Jowhar iyo Baydhabo. Badalka,waxa uu soo jeediyay in lagu qabto Kismaayo ama dhuusamareeb. 1.Baydhabo,waxa uu udiidayaa in Maritinimada lagu gaado oo tanaasul uu bixiyo. 2.Xamar,waxa uu udiidayaa Xasan,ayaa Xeerilaaliyaha ku amray in Laftagareen lagu soo oogo Dacwad khiyaamo Qaran ah,sidaa daraadeed in Garoonka Diyaaradaha laga qabsado,ayuu ka baqayaa. 3.Jowhar,waxa uu ka diidayaa,waxay la mid tahay Xamar oo waa lagu dhibaatayn karaa. Laftagareen si qurxoon,ayuu usoo dhaweeyay fariin sidaha Xasan,waxa uuna uxaqiijiyay isaga in uusan dhib ku qabin,isla markaana dhankiisa wuxuu uga digay in aan loo isticmaalin. Waxaa kaloo xusid…

Read More

Kulanka Labada MW iyo wafuudooda ee PL iyo Galmudug,wuxuu daaran yahay Sadex Qodob oo kala ah…. 1.Isku dhicii Beelaha Sacad iyo Leelkase oo lasoo afjarayo. 2.Isku dhaca Beelaha Dir iyo Shiikhaal oo laga wada hawlgalo. 3.Xaalka Guud ee Wadanka oo ay iska waraysanayaan. Kulankan ugu yaraan Xasan,waxa uu ku yahay Culays usii raacay hadaladii iyo fariimihii cuslaa ee ka yimid Laftagareen. Waa muuqaal muujinaya Galkacyo amnigeeda heerka uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale,waa muuqaal muujinaya Galkacyo oo Nabad ah Labada Maamul iyo Labada Shacab ay wadajir uga Shaqaysanayaan danahooda. In kulan heerkiisu gaarsiisan yahay Labada MW ka qabsoomo Galkacyo xili Habeenima…

Read More

Waraysiga socday Labada Saac ee uu bixiyay Axmed Fiqi,waa hadal malagiis galay!! KG,waxaysan raali ka ahayn kama fuli karaan Deegaamadeeda. SL,waxaysan raali ka ahayn kama fuli karaan Deegaamadeeda. Waxaa dhici doonta Sanadkan oo dhamaaday iyo IItoobiyaana oo bixi waaya,isla markaana Qolada Xamar ay Saxaafada kasoo cataabaan. Damjadiid+DDaljir uma Dowladayn karaan KG iyo SL? Dowladnimadu ma’ahan erayo qalafsan oo layska yiraahdo ee waa isfahan iyo isla shaqayn. Xaqiiqdii Fiqi waa ka weyn tahay Wasaarada la geeyay mana istaahilo,Umana qalmo mana qaadi karo masuuliyadeeda. Waxaa lagu tilmaami karaa hogaamiye kooxeed Qabiilaysan oo kasoo daahay waayihii Hogaamiye kooxeedyada. Wasaaradan Gacanta ku haysa Diblomaasiyada…

Read More

Madaxweyna ku xigeenka Puntland, Wasiirka Beeraha,Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,waxaa lagu soo dhaweeyay Wadanka Jarmalka. Si gaar ah,waxay ula kulmeen Madaxda Dowlad Gobaleedka North Rhine–Westphalia Düsseldorf ee Jarmalka. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka North Rhine,ayaa qaabilay M.xigeenka Dowlada Puntland. PL iyo DG Noth Rhine,waxay ka siman yihiin ku dhagnaanshaha Nidaamka Fadaraalka oo Labada DG ay ku gaareen guulo waa weyn. DG North Rhine-Westphalia,waxa uu sameeyay horumar baaxad leh oo mudan in laga tusaale qaato oo laga faa’idaysto,waxayna PL uballanqaadeen iskaashi buuxa. Talaabo loo baahnaa ayay ahayd in Dowladu wakhtigeliso xiriirka caalamiga ah iyo Qurba joogta,waxayna ka mid ahaayeen Qodobadii…

Read More

Pl Macnaha,Miisaanka iyo Maqaamka ay ku fadhido Qof og Gorgortan ma geliyo ilaalinteeda. Qabiilku ma noqon karo Boolis? Qabiilku ma noqon Karo Maxkamad? Qabiilku ma keeni karo Cadaalad? Qabiilku ma keeni Karo adeeg Waxbarasho? Qabiilku ma keeni Karo adeeg Caafimaad? Jifidaadu kuguma filna si walba oo ay uga dhisan tahay Dhaqaalaha,Aqoonta iyo Tirada Dadka. Qabiilku xuduud maleh oo waa fasirmaa ilaa hoos. Hadii la waayay Qaran Somaliyed oo la harsado yaan la waayin Nidaam PL ah oo la dugsado. Somali,waxaad ku darsatay PL. Iftiinka Madaxtooyada Garowe,waa Qiimaheena.. Siyaasi aan qaan gaar ahayn oo danaysi uyaqaan ka Shaqaynteeda,yaanan u ogolaan in…

Read More

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah iyo Siyaasiyiin kale,ayaa ku dhawaaqay Gole ay ubixiyeen (Golaha samata bixinta Qaranka). “Golahan xili loo baahnaa,ayaa lagu dhawaaqay,waxa uuna wax ka rarity doonaa toodinta Dowladnimada iyo kusoo celinta Wadada saxda ah”Ayuu yiti mid ka mid ah Xildhibaanada. Golahan,waxa uu ka dhex loolami doonaa gudaha Baarlamaanka iyo dibadiisaba. Si guud marka loo eego,waa muhiim in loo istaago samata bixinta Wadanka oo waliba ay doorkooda qaataan Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah. Xasan waa la habaabay Dowladnimadii,waana la joogaa wakhtigii lagula dhegi lahaa talada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

“Ra’iisulwasaarow 60-kii sanno ee hore anaga waxaa noo Shidnayd Cajaladii Wadaniyada iyo Somalinimada oo waa Jidbaysneyn wixii Dowladnimada ay lahayd Soomaalinimada lagu ahaa Nimanbaa qaadanayay Marka Hada sidii Hore lama aha ee Waa la isku imaaday”Ayuu yiri Laftagareen. Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay fariin sidaha Xasan,ayuu hadaladaas ka jeediyay MW Laftagareen. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MW Laftagareen,waa diiday Qodobadii Damjadiid ay ula yimaadeen oo idil marka laga reebo la macmiilka Itoobiya in loo daayo Dowlada Dhexe. Waxa uu diiday dib udhigis doorasho oo waxa uu ku adkaystay doorasho. Fariin sidaha Xasan,waxa uu udhiibay Qodobo ay ku jiraan badalida Wasiirka Gaashaandhiga hadii ayba jirayso wada noolaansho iyo in aan toos loo kala tagin. Laftagareen,waa faahin aragti ka leh Siyaasada oo qiyamka Dadkiisu macno uleeyihiin,island markaana la socda hagardaamada Damjadiid ee ah in Godka uu ka galay laga soo saaro. Sida muuqata reer Koonfur-Galbeed haldoor Siyaasadeed,ayaa ukacay oo han leh. JQ.

Read More

Warshad Kalluumaysi oo noqonaysa mida ugu weyn Geeska Afrika,ayaa dhismaheedu ka socdaa Garacad. Waa maalgashi lagu Farxo oo bogaadin mudan xaqiiqdii. Dhismaha Dekeda Garacad,waxa usoo jiiday maalgashi kala duwan oo abuuraya Shaqo iyo Nolol. Aragtida Garacad,waa mid Guulaysatay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maqaamkii ugu sareeyay,ayay Dowlada Maraykanku ku qaabishay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland. Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka,ayaa qaabilay weftiga Puntland,waxayna kawada hadleen….. 1.Amaanka PL iyo Guud ahaan Deganaanshaha Gobolka. 2. La dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada. 3.Dawlad-dhiska Somaliya. 4.Bogaadin Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee PL uqabsoomay iyo sii dhamaystirka Dimuqraadiyada. 5.Xiriirka Dawladda Federaalka iyo Puntland. 6.Qurbe-joogta. 7.Maalgashiga. Waa weftigii ugu horeeyay oo Somali ah oo maqaam heerkaa gaarsiisan lagu qaabilo,marka laga reebo Madaxweynayaasha Dowlada Fadaraalka. Maraykanku,waxa uu balalnqaaday in uu PL ka taageerayo shuruud la’aan Dagaalka argagixisada,Dimuqraadiyada iyo Maalgashiga. JQ.

Read More

Puntland oo toos uhelaysa Deeqaha Beesha Caalamka uga yimaada Sanadkan,wixii ka danbeeya. Waxaa meeshan laga saaray nidaamkii Halka Wadan ee Xamar ay ku lahayd Ogaysiinta. Sida uu sheegay MW Deni majiri doonto Gacan Dhexe oo PL iyo Deeq bixiyayaasha udhaxayn doonta. BC way ku qanacday cabashadii PL ee ahayd in laysku xirayo Mashaariicda Caalamka uga yimaada Somalida iyo kala duwanaanshaha aragtida Siyaasadeed. Villa Somaliya MW walba oo yimaada,waxa uu u adeegsadaa Deeqaha caalamka Hub Siyaasadeed oo uu PL kula diriro si ay uga tanaasusho aragtideeda Dowlad dhiska Wadanka ay ka leedahay,taasoo PL sutida uqabatay. Waa go’aan farxadeed oo PL fursad…

Read More

Madaxweyne Putin : ileen waa Saqajaan Ciyaal Suuq ah,Warbaahinta maraykankanka ayaa sidaas qortay . Madaxweyne putin ayaa la weydiiyey Musharax Kamala haris iyo Donald kee ayad taageeraysaa ? wuxuu ku jawaabay sidan . ” Runtii Kamala haris,Waa qof qurxoon oo bishmo soo jiidasho leh,waxay leedahay qosol sixir ah oo aad jeclaysanayso in aadan ka jeesan . Waxay ku Jawaabtaa hadalo kooban oo aad is leedhay waxaa qoray qof Script Writer ah khatar ah,hadalkeeda mararka qaarkeed meel aad u qaado waad garan waayaysaa . Marka adigoo haweeney sidaas cajiib ah arkaya,sidee qof kale u taageeraysaa,Kamala haris ayaa cid kasta ka fadilaynaa…

Read More

aqoonta ardayga la keeno imtixaan uusan ka bixi karin. “Qaabka imtixaanka qaran loo soo diyaariyo laguma sameeyo qiimeyn ah ardayda heerka ay gaarsiisan tahay tayadooda, marka imtixaan yara-adag oo ardayda tayadooda aan ku saleysneyn ayaa la keenaa inta badan taasi nafteeda dhibaato kale ayay noqonaysaa” ayuu yiri mr Maxamed. “Dhanka waalidka iyo maclimiinta sidoo kale dhib ayaa ka jira, waalidka oo sidii loo baahnaa aan u dabagalayn ardayda iyo maclimiinta oo sidii loo baahnaa aan casharrada u bixin,” ayuu intaa ku daray. Waxaa uu farta ku fiiqay in xilligii hore uu jiray qish baahsan balse hadda ay adag tahay in…

Read More