Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakisay howlgalkii gargaar ee ay ka waday marinka Qasa sababo la xiriira amarro ay ciidamada Israa’iil ku amraan dadku in ay isaga baxaan bartamaha dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay saxafiyiinta in shaqaalahooda bini’aadantinimo aysan awoodin in ay shaqeeyaan isniintii sababo dhinaca amaanka ah. Awaamiirta ah dadku in ay isaga baxaan dhulka ayaa daboolaya qaybo ka mid ah aagga bini’aadantinimo ee ay Israa’iil u magacowday gudaha iyo hareeraha bartamaha magaalada Deir al-Balah. Qaramada Midoobay,ayaa ku leh Xarunteeda ugu weyn,taasina waxay qasabtay in shaqaalaha…
Author: Jibril Qoobey.
Ruushka,ayaa Ukraine la beegsaday mowjado kale oo duqeymo ah, maalin kadib markii mid ka mid ah weerarradiisii ugu weynaa ee dhanka cirka ah u uku qaaday Ukraine digniinaha duullaanka hawada ayaa la soo saaray subaxnimadii talaadada, iyadoo kormeerayaasha Ukraine ay ogaadeen in diyaaradaha Ruushka ay ridayaan gantaallada hawada sare. Waxaa sidoo kale la soo sheegay weeraro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Ciidamada difaaca Cirka ee Ukraine,ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro in lagusoo weeraro hubka ballistic-ga. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka,ayaa lagu sheegay in Hubka riddada dheer ee cirka iyo badda…
Sababaha PL iyo SL Alshabaab si muuqata uga hawlgali waayay,waxaa sharaxaya Xubnaha Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Ingiriiska. “SL iyo PL,waxaa ka jira nidaam Dowladeed adag oo Shaqaynaya,inkastoo aysan wax walba u toosanayn oo ay jiraan wax badan oo ka khaldan,hadana awoodihii Dowladnimo oo hawlgalaya,ayaa jira,halka Koonfurta Dhulka Dowladu maamusho ay yaalaan Isbaarooyin isdaba yaal oo Lacag kala duwan lagaaga qaadayo,iyadoo Alshabaab ay Hal Warqad kaaga soo jarayaan Kismaayo aad ku maraysid ilaa Muqdisho”.Ayay ku fasireen in nidaamka Shabaab ka Shaqayn waayo PL iyo SL. Xigmada ku jirta dooda Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Ingiriiska,waxay tahay… “In Siyaasad dhisan oo Aas-aas…
Waa Diyaarad yar oo Drons ah…. 1.Waxaa loo yaqaan Karamikaze R7 FPV. 1.Waxaa laga hagaa RC. 2.Waxay gaari kartaa 10 KM. 3 Waxaa sameeya Iran,Shiinaha iyo Ruushka. 4.Waxaa aad ugu isticmaalay dagaalka Ukrain Ciidamada Ruushka. 5.Waxay ku wanaagsan tahay weerarada Dhufaysyada Ciidamada,iyadoo la saaro Xabadaha Hoobiyaha iyo RPG. 5-ta Galkacyo lagu qabtay,waxaa ku xirnaa Qarax la farsameeyay,waxaana lagu soo dhex qariyay Sameecado waa weyn. JQ.
Garoowe: 26 August, 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo soo xiray Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax-soosaarka Kalluumeysiga ee Degmooyinka ku yaal Xeebaha Puntland. Shirka ayaa laga soo saaray qodobadan: 1. Maamul wanaagga B. Shirku waxa uu xoojinayaa maamul wanaagga iyo wadda shaqeynta dhammaan hay’adaha dowliga ah ee ka howlgala degmooyinka xeebaha kuyaalla. T. Shirku wuxuu dhiirrigeliyay maamul daadejinta adeegga degmoonyinka xeebaha dhaca, si nidaamka dowliga ah u gaaro bulshada ku nool deegaanadda xeebaha Puntland iyaga oo aan meel kale u safrin sida: garsoorka, booliiska, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo dhammaan adeegyadda asaasiga u…
Majiro Bangi ku dhaca in uu Akoon ufuro Dowlada si loogu shubo Canshuurta 5% ah ee ay soo rogtay. Sidoo kale majiro Qof bixin kara Lacagtaas. Amarada lagu joojinayo Canshuur qaadistaas,waxaa soo rogay Nabadiidka,waxayna si cad ugu sheegeen Bangiyada iyo Dadka in laga fogaado Canshuurtaas. Waa cajiib.!! Dowladu ma furan karto Akoon Bangi,si gaar ahna Shirkada Hormuud oo Lacagtu marto uma ururin karto Canshuurta 5% amarka argagixisada awgeed. Dowladu ma khasbi karto Bangiyada iyo Shacabka,sababtoo ah kama difaaci karto Nabadiidka uhanjabay. Bangiyada dhibka haystaa,waxa uu yahay dhan waxay ka baqayaaan Argagixisada dhanka kalana Caalamku in uu qabsado haday la Shaqeeyaan…
Hawlgal Wadajir ah oo ay ka qaybgeli doonaan Ciidamada kala duwan ee PL,ayaa dhawaan ka bilaaban doona Buuraha Bari. Sidoo kale,gudaha Magaalada Bosaso,ayaa lasii xoojinayaa adkaynta amaanka. Gabagabo,waxaa ku dhow qorshihii hawlgalkaas haday noqon lahayd,Saraakiisha hogaaminaysa,Ciidankii iyo Saadkii. Hawlgalkaas,waxaa taageeraya Quwadaha Shisheeye oo ugu horeeyo Maraykanka. Haatan guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee PL,waxaa ka socda hawlgalo aan kala joogsi lahayn… 1.Galkacyo,waxaa dib loosoo qabtay 10 ka mid ah 12 argagixisa ah oo Xabsi ka fakatay,iyadoo 9-ka mid ah la toogtay. Sidoo kale,waxaa horay loogu fuliyay Dil 5 mar ah iyo 18 mar ah oo argagixisada ka mid ahaa. Maanta,waxaa…
5-Sameecadood oo waa weyn oo ay ku dhex jiraan 5-Diyaaradaha Drones-ka ah ayay qabteen Ciidanka Booliska Mudug ee PL. Sameecadaha,ayaa ku rarnaa Gaari Bas ah oo kuwa Gobollada ukala safra ah,waxaana lagu qabtay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Ciidanka Booliska oo ku jira hawlgal amni xoojin ah,ayaa si kedis ah ula kulmay Baabuurka mar ay baarayeen Astaanka Gawaaridu ka baxdo,waxaana tuhunka dhaliyay markii mid ka mid ah Sameecadaha oo Qarax ku diyaarsanaa ay Dhulka ku dhacday oo ay Qarax samaysay. Sameecad walba,waxaa ku jira Hal Drone,waxayna ahaayeen Afar kuwa Qaraxyada qaadi kara ah iyo mid kuwa wax duuba ah. Kadib qabashada 5-tan…
Ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigey 7 nin oo ku Eedaysan iney ay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagaxisada ah. Waxa xabsiga dhexe ee Garowe maanta loo qaadey 3 kamid ah kooxdaas,halkaas waxaa marki la gaayey Iridda xabsiga isku dayey in uu baxsado mid kamid ah 3daas waxaana so gaarey dhaawac,kaas oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo mid kamida Isbitaalada Garowe. Laamaha Amnigu waxay beeninayaan wararka been abuurkaa oo baraha bulshada lagu faafiyey kuwaas oo ah waxba kama jiraan Waxaan bulshada ka codsanaynaa in ay lashaqeeyaan ciidanka booliska ayna ilashadaan amniga iyo xasiloonida ay haystaan,ilaashadaan wixii xogana ay lasoowadaagaan laamaha…
Arimaha masiiriga ah kuma badalanayno Qado. Dadka reer Puntland hakala doortaan Gunimo abidiyan ah ama Gobanimo waarta oo loo marayo halgan kooban oo laga gudbayo. Ruqsada Dowladeed ee aan Villa Somaliya gaynay ee nalagu dhibaataynayo waan ka daba tagaynaa. Maalmaha adag ee qiyam ku dirirka ah adkaysi,ayaa loo baahan yahay looga gudbo. Rag,ayaa SSDF aaday,iyagoo qaar Jaamacado ku jiraan,qaar Shaqooyin fiican haystaan,qaarna Ganacsi macno leh leeyihiin. SSDF waxay ahayd Jamhad lagu seexdo Goroonshiid,waxna lagu Cuno Gaaweeto,lana wajaho Xabad joogta ah. Saakay oo aan PL oo barwaaqa ah haysano oo uusan jirin Somali naga sadroon ma’ahan in uu na khalkhalgeliyo Mashaariicayste…
PlL $13-Milyan oo iskugu jira Saad,Qalab Ciidan iyo Mushahaar,ayay ku bixisay Xoraynta Sool Dowlad ahaan. Dagaal Diblomaasiyadeed oo aad udag ayay ku gashay,kaasoo PL usameeyay Cadow badan oo heer caalami ah. 24-Cisho oo Shacabku Dhagaxtuur waday,ayaa la amray in Ciidanka PL gudaha ugalaan Magaalada. Dagaalkii xaqiijiyay Guusha ee Goojacade,waxaa la galiyay Ciidamada ugu muhiimsan PL,iyadoo xogta dagaalka xataa laga qariyay Saraakiishii intoodii badbayd. Laascaanood,waxaa Gacanta SL geliyay Xaabsade iyo Cali Sandulle oo kasoo kala jeeda Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad oo Beesha Dhulbahante ah. Hal Sano kadib lama hayo aragti unoqon karta Gobolkaas mustaqbal. Dagaalkii,waa dhamaaday xalku,waa fahan Siyaasadeed oo jiho…
Aqalka Cad ee Mareykanka,ayaa xaqiijiyay in “horumar laga gaaray” wada-hadallada ay martigelisay caasimadda Masar ee Qaahira, dadaalka loogu jiro in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Gaza. Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da William Burns, ayaa ka mid ah masuuliyiinta wada wadahadalada gar-wadeenka ka ah. Madaxtooyada Masar;ayaa Jimcihii sheegtay in Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi iyo dhiggiisa Maraykanka Joe Biden ay ku wada hadleen khadka taleefoonka muhiimadda ay leedahay in Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyaan dabacsanaan ku aaddan wada xaajoodka lagu doonayo in xabbad-joojin lagu dhaqangaliyo Gaza laguna sii daayo la haystayaasha. Illo ka tirsan Masaarida,ayaa u sheegay Wakaalada Wararka France-Presse…
Caawa waxqabadka Xasan soo bandhigay,wax macno leh oo loo hakado kuma jirin,waxayna ahaayeen dhamaantood wax la buunbuunshay oo aan xaqiiq ahayn. Waaqiciga dhabta ah ee jiraa,waa in Xasan ku fashilmay Shaqada… 1.Dowladnimadii oo uu ka dhigtay wax isagu leeyahay. 2.RW iyo Golihii Wasiirada oo uu macno tiray. 3.Dagaalkii argagixisada oo uu fashiliyay. 4.Musuq iyo Eexda oo meeshii ugu saraysay gaaray. 5.Qodobadii hortabinta ulahaa Dowlad dhiska oo uusan waxba ka qaban. 6.Isku hayntii Wadanka oo uu lumiyay. 7.Dastuurkii lagu midaysnaa oo uu Sharcidaro ku dhexgalay. 8.Doorashada Wadanka oo uu Mugdi sii gelinayo. Saamayn ma yeelan Xaflada Xasan oo Bulshadu maba dareemin…
Caawa Argagixisadu,waxay dhib ka gaysatay Xamar goob aan ka fogayn halka Xasan Xaflada ku qabsaday. Xasan oo ku faanaya in uu waxqabtay 3-dii Sano ee uu xilka hayay ayay jawaab uga dhigeen argagixisadu. Halkan ka daawo muuqaalka
Talaabada ay qaaday Villa Somaliya,waxay hiil utahay Muuse Biixi oo ay Doorashada ka caawinaysaa. Waxa ay la mid tahay talaabada Xamar qaaday ee ka dhanka ah Ganacsiga xorta ah ee SL hadalkii ahaa….”PL waxay ku burburaysaa 24-Cisho”.kaasoo keenay in Deni taageero helo Kursigana kusoo laabto. Maanta Shacabka SL waxay aaminayaan Muuse in uu yahay Siyaasiga kaliya ee badbaadin kara qadiyada SL noqota Jamhuuriyad Madaxbanaan. Waxay kaloo fursadoodii yaraynaysaa Siyaasiyiinta kale ee dabacsanaa oo aan xagjirka ku ahayn aragtida gooni goosadka. Aragtida ah in SL ka go’do Somaliya ee Shacabka caadiga ah ay qabaan waxba kama badalayaan talaabooyinkan,taa badalkeeda waa kusii…
Waa hadal masuuliyad daro ah oo ka imaanaya Waayeel masuuliyad Qaran haya oo laga filayay in uu ka Shaqeeyo isku soo dhawaansho Umadeed. Muuse hadalkiisu waxa uu leeyahay dareen gaar ah maadaama uu la Beel yahay MW fadhiya Kursiga Villa Somaliya. Waxay ahayd in uu muujiyo matalaad uu ku matalayo MW Siyaasada oo uu noqdo Ergay ku xira Somalida kale mase ahayn in uu xumaanta ku raaco oo uga sii horeeyo. Muuse weli waa hogaamiye kooxeedkiisii oo weliba helay Sharciyad uu ku hadlo. 20-Sano ka hor ayay ahayd markuu lahaa …”Daarood A.B.C.D midna mahan oo Cabdullaahi Yuusuf Kabo ka waa…
Talaabooyinkan,waxay sii kala fogaynayaan Shacabka Somaliyed,waxayna cuqdad iyo xumaan sii galinayaan Shacabka Somaliyed ee SL. Waa talaabooyin taabanaya Bulshada caadiga ah ee SL qaybaheeda kala duwan oo reebaya xumaan. Ganacsiga ka jira SL,waxa uu ku xiran yahay xiriir dibada ah oo siyaabo kala duwan ay ula macaamiilaan. Tusaale,waxaa loosoo qaadan karaa khadka Internet-ka ee SL usoo mara Jabuti. Villa Somaliya Inta ay ku mashquulayso sii fogaynta Bulshada SL ma awoodi wayday in ay la timaado aragti xal keeni karta? Talaabooyinka Villa Somaliya qaaday,waa kuwo lagu deg-degay oo masuuliyad daro ah,isla markaana ku salaysan aragtida Dadka caadiga ah ay qabaan. Talaabooyin…
Wadahadallo Nabadeed oo uu gar-wadeen ka ahaa Mareykanka oo u dhaxeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan,ayaa ku guuldarreystay in ay soo afjaraan dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 16-ka bilood ah. Hase ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka,ayaa sheegay, in wadahadalladani ay sahleen in malaayiin qof oo ku gaajeysan Sudan ay galaangal u helaan Cunto,Dawo iyo waxyaabo kale oo Aas-aasi u ah nolosha Aadanaha oo ka xannibnaa in muddo ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/ezqeTc0eMSU?si=ziupnlG-E-A_9wWU
Waxaa jira warar sheegaya in Villa Somaliya iyo Djibouti oo wada shaqaynaya ay diyaarinayaan qorshe Labaad oo Somaliland looga xayirayo dhanka Ganacsiga. Qorshaha ay qaadayaan,ayaa ah in ay Internet Somaliland isticmaasho ee laga soo talaalay Djibouti ay Somaliya Gacanta si fudud ugu dhigto,iyadoo Shaqaalaheeda Muqdisho gayn doonta Djibouti oo ah halka laga soo jiiday xariga Internet ka ee guud ahaan laga isticmaalo Somaliland. Sidoo kale Shirkadaha Ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo dhan,gaar ahaan Xawaaladaha ayay ku khasbayaan in ay kasaaraan adeega Magaca Somaliland Shirkadahooda ka shaqeeya gudaha Somaliland. Waa talaabo kale oo SL xakamaynaysa oo caqabad ku…
Garoowe: 24 August, 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qayb galay Furitaanka Shirka Maamul baahinta iyo kobcinta wax soosaarka Kalluumeysiga ee Degmooyinka Xeebaha ah oo ka kooban 13- Degmo. Shirka ayaa looga hadlay…. 1. Baahinta, Kor-uqaadista iyo Daadejinta Maamulka Degmooyinka Xeebaha ah ee Puntland. 2. Xoojinta Iskaashiga iyo wadashaqaynta Wasaaraddaha kala duwan ee ku sugan degmooyinka Xeebaha ah. 3. Cadaynta Masuuliyadaha kala duwan ee Hay’adaha Amniga, Kalluumaysiga, Maaliyada, Arimaha Gudaha iyo Garsoorka 4. Kor-uqaadista waxsoosaarka kalluumaysiga, Xoojinta Aminga, Garsoorka iyo dakhliga xeebaha. 5. Faafinta iyo xoojinta ku dhaqanka Xeerarka Hay’adaha Dawlada gaar…
“Khaatumo DG ma’ahan ee waa MMaaml,Anaguna intii nooga aadanayd waa samaynay,iyagaana laga rabaa in ay soo buuxiyaan Shuruudaga DG”Ayuu yiri RW Xamse. Waxaa xusid mudan in Maamul xataa ay yeelan karto Shirkad,Deegaan ama Degmo,balse DG waxa uu leeyahay habraac iyo Shuruuc loo raaco oo la buuxiyo. Halkan ka daawo muuqaalka
“Somaliland oo midaysan,waa in ay wax la qaybsataa Nidaamka Fadaraalka ah”.Ayuu yiri Xamse. Jawaabtan,waxay timid mar la waydiiyay su’aal ku saabsanayd Awdal State. Waxgaradka Somaliyed,ayaa qaba in SL oo lakala qaybiyo aysan dan Somaliyed ku jirin. Halkan ka daawo muuqaalka
Warsaxaafadeed Talefishinada iyo Raadiyayaasha ku midaysan Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxay si buuxda u qaadaceen tabinta Dood uu marti ku yahay Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre, taas oo ay soo abaabuleen koox ka shaqeysa xaafiiska Warfaafinta ee Ra’iisalwasaaraha. Golaha Warbaahinta Madaxa banaan ma tabin karo dood looga been sheegayo waaqiciga dhabta ah ee ka jira dalka, waana sababta ay hay’adaha sare ee dowladdu uga war-wareegayaan la kulanka Warbaahinta madaxa banaan. Ugu dambeyn,ma ahan markii ugu horaysay ee ay warbaahinta xorta ah ay go’aano mideysan ka qaataan baahinta doodaha aynu kor kusoo xusnay oo horay waxay u qaadaceen dood su’aalo lagu waydiinayey…
Markab sida illaa 70 Kunteenar,ayaa Dekedda Garacad Gobolka Mudug ee Puntland kusoo xirtay. Markabkan,ayaa ka yimid Muqdisho,waxa uuna urarnaa Magaalooyinka Gaalkacyo;Garowe iyo Dhuusamareeb. Si gaar ah Shixnada saaran inteeda badan,waxaa iska leh Xaafiiska Unsom ee Galmudug laga furayo dhawaan. Dekeda Garacad,ayaa samaynaysa horumar,iyadoo ay isa soo tarayaan Ganacsatada isticmaalaysa. Halkan ka daawo muuqaalka 1724341055244_fb_video_1724341059889_1724341059890
Qaramada Midoobey,ayaa markale. soo bandhigtay Khariirad muujinaysa in Gobolka Sool welu ka mid yahay Dhulka lagu muransan yahay ee Somaliya. Halka Gobolka Sanaag intiisa badan ay raacisay QM Puntland,qayb ka mid ah oo ku beegan Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda ay raacisay SL. Sababta keentay in Sool lagu hayo weli Dhul lagu muransan yahay,waa jiha la’aanta Siyaasadeed ee ka jirta. SL,waxaa ku jira Dad matalaya Sool. PL,waxaa ku jira Dad matalaya Sool. Khaatumo,waxay joogtaa LC. Balse Sanaag,waa Laba Qaybood oo kala ah PL iyo SL,waana waaqiciga jira oo Ceerigaabo oo ah Magaalo Madaxda Gobolka,waxaa Maamusha SL. Si gaar ah ,waxaa uhiiliyay oo…
Ukraine,ayaa Arbacadi shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11-Diyaaradood oo ah nooca aanan Duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in Difaacooda Cirka uu burburiyay dhammaan Diyaaradahaasi. Dowladda Ruushka,ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay Ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee Sannadki 2022-ki. Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen Madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan…
Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay ra’iisul-wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay in si deg deg ah loo helo xabbad-joojin ka hirgasha Gaza, isla markaana la sii daayo la heystayaasha. Hase yeeshee, Israa’iil iyo Xamaas,ayaa wali ku sii adkeysanaya Mowqifyadooda ay ka kala taagan yihiin wadahadallada muddada afarta bil socday ee ay dhex-dhexaadiyaasha caalamiga ah ku rabaan in lagu joojiyo colaadda Qasa. Wadahadallada khadka Telefoonka ee Labada hogaamiye, oo sidoo kale ay goob joog aheyd madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris,ayaa yimid waxyar kaddib marki ay saraakiisha caafimaadka…
Muqdisho, Arbaco, 21 Agoosto 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin: Qodobka 1-aad Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA) 1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda…
Ceerigaabo oo Wadajir usoo dhawaysay MW Muuse Biixi iyo weftigiisa marayay Gobollada Bari ee SL. Dhamaan Beelaha Sanaag oo iskugu jira Dir iyo Daarood,ayaa ka qaybagalay soo dhaweyntiisa. Sidoo kale,waxaa qayb ka ahaa Taageerayaasha Xisbiyada SL Shacabka kala taageersan. Booqashada Muuse Biixi Gobollada Bari ee SL,waxay ku salaysan tahay Siyaasad ku wajahan Somaliyada kale iyo Caalamka,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka
Taliska Qaybta Booliska Mudug Gobolka Mudug oo kaashanaya Laamaha kaladuwan ee amnniga ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan Xukumane Shabaab Abdirahman Awal maxamed (Siigayste) kaa soo kamid ahaa 3 maxbuus oo baxsad ahayd horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka. Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaana ku wareejiyay Xabsiga weyn ee Magalada Galkacyo Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah mahadsanidiin.
Ku dhowaad Lix Askari ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaarxyo kala duwan oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye. Laba qarax oo waaweyn ayaa saaka laga maqlay duleekda magaalada Muqdisho, kadib markii walxaha qarxa laga soo buuxiyay gawaari. Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu raray oo uu kaxeynayay nin doonayay inuu isku qarxiyo bar kantotool oo ay joogeen ciidamada amaanka oo ku taala waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo afgooye gaar ahaan agagaarka degmada Garasbaaley. Lix askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo howlo shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay Dugsiyada kala ah Xannaanada Carruurta Aayatiin, Xaaji Cali biixi iyo Qaran Agoonta. Wasiirka ayaa kulan la qaatey maamulka Dugsiyadaas isagoo ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaaladdaha Waxbarashada iyo ardayda. Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Guddoonka Wabarashada Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale.
Wasaaradda Waxabarashada & Tacliinta Sare iyadoo tixraacaysa shaqo katagistii ay soo gudbiyeen maamulayaashii hore ee dugsiyada sare ee Bargaal waxay 20-kii Luuliyo 2024, soo bandhigtay fursad tartan furan oo lagu buuxinayo jagooyinkaas. Wasaaradda oo ka duulaysa natiijada qiimeynta tartankii furnaa ee lagu kala saarey danneeyayaashii u baratamay buuxinta jagooyinkaas waxay go’aamisey; 1. In Cabdikhayr Axmed Xirsi oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka uu buuxiyo booskii Maamulaha Dugsiga Sare ee Bargaal Gobolka Raas- Casayr. Waxaa la farayaa mas’uuliyiinta kala duwan ee ku shaqada leh inay hubiyaan dhaqangalka go’aankan.
Nairobi: 21 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson. Kulan ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Mudane Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan…
Puntland iyo Maraykanku si hoose ayay uwada hadleen,waxayna Labada dhinac isku heleen wakhti fiican. Kulankii Maalinlaha,waxaa xigay Casho dhawr Saac lawada joogay oo la sheekaystay,waxaana kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha Safaarada Maraykanka…. 1.Qaybta Siyaasada. 2.Qaybta Amaanka. 3.Qaybta Wardoonka. Maraykanku,waxa uu ballanqaaday in uu si dhow ula Shaqaynayo PL kana garabsiinayo la dagaallanka argagixisada oo hay’adaha amaanka taageerayo. Si gaar ah hawlgalka qorshaysan ee la dagaalanka Daacish,waxa uu Maraykanku xaqiijiyay in uu qayb ka noqonayo. Mudo isfahan yari ka dhex jirtay PL iyo Maraykanka ugu danbayn,waxaa la gaaray isfahan buuxa iyo isku soo dhawaansho weyn. La fariisiga Maraykanku la fariistay PL,wuxuu tilmaan…
2018, ka dib Sannado cadowtinimo ay dhex taallay Eritrea iyo Itoobiya,ayaa soo afjarmay, ka dib markii uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmay Sacuudiga,waxayna saxiixeen heshiis nabadeed. Waddooyinka isku xira labada dal ayaa sidoo kale la furay, waxaana ka mid ah waddada isku xirta Cassab . Dhuunta shidaalka ee Asabir – Finfinnee ayaa la sheegay inay muhiin u tahay dhaqaalaha labada dal. Xilligaas saraakiisha Eritrea waxay sheegeen in dekedda Cassab ay diyaar u tahay inay hawlaheeda sii waddo, ayadoo saraakiisha gaadiidka ee Itoobiyana ay sheegeen in xaaladda waddada Cassab ay tahay mid wanaagsan. Taa…
Ururka Xamaas,ayaa qaadacay hindisaha cusub ee xabad joojinta Qasa ee ay soo bandhigeen Mareykanka, Masar iyo Qatar . Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas,ayaa sheegay in Heshiiskani aanu damaanad qaadayn in Ciidamada Israel ay ka wada baxayaan Marinka Qasa. Osama oo Diidmada Xamaas sharaxaya Wuxuu yiri . “Waxaan doonaynaa oo keliya in la fuliyo hindisihii 31-dii july ee uu horey u soo bandhigay Madaxweyne Biden,kaas oo aan aqbalnay. Heshiisku meelmar ma noqonayo, haddii aan dib loogu laaban is afgaradkii aan ka gaarnay bishii July qaabka loo fulinayo qorshaha xabad joojinta Qasa iyo is dhaafsiga Maxaabiistaabada dhinac “. …
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid ka mid ah kuwi ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga. Biden,ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay Makarafoonka ku soo dhaweysay Gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka. Kumannaanka Qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday,ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”. Biden oo dhinacyo badan ka hadlay,ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu…
Ugaas Ahmed Nabadoon C/qaadir Nabadoon Xaaji Xuseyn,ayaa Maanta oo ey Taariikhdu tahay 15/08/2024 Gurigiisa uu ka dagan yahay Magaalada Gaalkacyo lagu qabtey kulan casha sharafeed ah. Kulanka,waxaa kasoo qaybgalay ku dhawaad 70-Qof oo Bulshada Indhaheeda ah. Kulanka,ayaa ugaar ahaa Haldoorka Beesha Cumar Maxamuud oo iskugu jira Siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo Nabadoono. Cashada kadib,wawaxaMakarafoonka lagu soo dhaweeyey Ugaas Axmed Nabadoon C/qaadir NaNabadooXaHaajXuHeyn. Ugaas Axmed,ayaa dul istaagay arimo ay ugu waa weynaayeen… 1.Xojinta Midnimada B.Cumar Maxamuud. 2.Xal u helida arimo taagan oo xal raba. 3.In xal laga gaaro arinka Qabooley 4.Dhismaha Golayaasha Deeganka ee Degmooyinka Jariiban iyo Bur saalax. 5.In laga shaqeeya horumarka Gobalka…
Wakiillada BC iyo Deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay kulanka PL iyo BC ee Nayrobi,ayaa kala ah…. 1.QM. 2.Midowga Yurub. 3.Canada. 4.Germany. 5.UK. 6.Sweden. 7.Netherlands. 8. Finland. 9.Denmark. 10.Norway. 11.Switzerland. 12.France. 13.USAID. 14.World Bank. 15.African Development Bank. PL,waxay la wadaagtay BC horumarada…… B.Amniga, TDhaqaalaha. J.Arrimaha bulshada X.Horumarinta X.Dimuqraadiyadda. Kh.Fursadsiinta Dhallinyarada iyo Haweenka. Sidoo kale PL,waxay BC kala hadashay xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa iyo in la hubiyo in Deeqaha BC ay si siman u gaaraan Dadka loogu talagalay. Dhanka Beesha Caalamka,waxay ka hadleen… B.Hirgelinta hanaanka Dimqraadiyadda oo ay ugu hanbalyeeyeen PL. T.Xoojinta wada shaqeynta Labada dhinac oo ay aad usoo dhaweeyeen. Waxaa xusid…
Maamul walba Deegaanka uu masuulka ka yahay,ayuu uxilsaaran yahay in uu danihiisa ka Shaqeeyo. PL,waxay qaadatay doorkeedii oo waxay u istaagtay danaha Dadkeeda. Shalay ilaa Maanta,waxay Madaxda PL ee uu hogaaminayo Mw Deni la leeyihiin kulamo Wakiilada BC. Arimaha ugu waa weyn ee looga xaajoonayo,waxaa ka mid ah… 1.Amniga. 2.Siyaasada. 3.Mashaariicda horumarineed. 4.Wada Shaqaynta. Kulamada PLaay kawado Nayrobi,waxay muujinayaan Sadex Qodob oo muhiim ah…. B.Maqaamka Dowladnimo oo ay ufiican yihiin. T.In Villa Somaliya aysan cidna matalin oo caalamku yaqaan Maamul walba masuuliyada uu hayo. J.In MW PL Diblomaasiyiin sare uu kulamo kula qaato banaanka Wadanka macno ayay uleedahay PL. Kulankan,waa…
TPLF,ayaa mar kale u dooratay Debreson Gebremichael Gudoomiyaha Xisbiga haya talada Tigray. Waxay xubintii Guddiga falinta iyo Gollahii Dhexe ka saareen Getachew Reda oo hada ah Madaxwaynaha Tigray. Khilaaf adag oo soo kala dhex-galay TPLF,ayaan ilaa hada xal loo helin. Debreson ma’ahan Nin kaftamaya oo xataa Abiy waxba uma oga khibrad iyo hogaaminba. In Tigreegi dib udoortaan,waxay ka dhigan tahay in ay diyaar uyihiin wax iska dhicin kale. Awalba Reda,waxa uu ahaa Magac uyaal uu talada Tigreega gadaal ka hayo Debreson iyo Ragiisa. Reda Nin uusan isku dhererin karin,ayuu rabaa in uu la goos goosto. Abiy oo neceb Debreson,ayaa Reda…
Nairobi: 19 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland iyo Wakiilka Puntland ee Kenya. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jhJfksynBAI?si=6URzb0v-Vw__EoLl
Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wadahadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha kala duwan. “Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara” ayuu yidhi xoghaye Blinken.…
Puntland iyo BC,waxay ku kulmeen Nayrobi Kenya. Kulamada,waxaa dhanka PL hogaaminayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana qayb ka ahaa… 1.Wasiirada Hawlaha Guud,Madaxtooyada iyo Deegaanka. 2.Wakiilada Siyaasada iyo Dhaqaalaha ee Madaxtooyada. 3.Agaasimaha Ciidamada Badda. 4.Lataliyaha Amniga MW PL. 5.Wakiilka PL ee Kenya. Kulamada oo kala gaar gaar ahaa,waxay ukala dhaceen… Kulanka koowaad,wuxuu dhexmaray Diblomaasiyiin Maraykan ah oo uu hogaaminayo Safiirka Maraykanka,waxa uuna ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa oo looga xaajooday….. B.La dagaallanka argagixisada. T.Dhismaha hay’adaha amniga. J.Mashaariicda horumarineed iyo maalgashiga. Sidoo kale PL,waxay la kulantay Safiirada Wadamada kala ah…… B.Germany. T. Denmark. J.Sweden. Kulamadaas,ayaa looga hadlay…. B. Mashaariicda horumarineed. T. Dimuqraadiyadda.…
Nairobi: 19 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada. Dowladda Puntland iyo Safaarada Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
“War PL uduceeya,ha jirto,ha guulaysato oo soo arka waxa ka jira,waa Dhul kaliya ee xorta ah oo Dad xor ah ku nool yihiin,waxna kama jiraan PL baa ma aamarad wada”.Prof.Keynaan. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka CC Warsame
Si macno leh,ayuu uhadlay Juxaa oo uu dul istaagay qadiyadaha laysku hayo ee soo jireenka ah,waaqiciga hada jira iyo sida xaal noqon doono. Muuqaalka hada jira,waxa uu la mid yahay kii xiligii Carta ee la damcay in PL la mijoxaabiyo. Halkan ka daawo muuqaalka Juxaa
Markii Turkiga lasoo geliyay Shidaalka Somaliya,ayaa la saadaaliyay in ay jiri doonaan caqabado hor leh oo ku yimaada Dowlad dhiska Somaliya. Midowga Yurub,UK iyo Dowlado Carbeed oo saamayn leh,si weyn ayay uga caroodeen talaabada DFS ee ay xirmooyinka Shidaal fasax ugu siisay Turkiga. Jawaabaha ka imaan kara Wadamadaas,waxaa ugu horeeya… 1.Hagardaamaynta Midnimada Somaliya. 2.Fashilim Dowlad dhiska iyo soo kabashada. 3.Amniga oo sii luma. 4.Garabsiinta Dowladaha Somaliya ay loolamaan. Tusaale la taaban karo,waxaa ah Shirkii Turkiga ee la fashiliyay. Xasan danta Qaran ma ilaalin ee tiisu raacday. Halkan ka daawo muuqaalka Safiirka JQ.
Dowlada Puntland,waxay ka codsatay dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ka wada Mashaariicda horumarineed Deegaamadeeda in ay si toos ah ula Shaqeeyaan Hanti-dhowraha PL si loo hubiyo habsami usocodka Mashaariicda. Warkan kasoo baxay MW PL Xaafiiskiisa,waxa uu muhiim uyahay Dowladnimada iyo wada Shaqaynta BC. Si gaar ah,waxa uu muujinayaa ama dirayaa fariin ah in PL ay leedahay hay’ado Dowladeed oo qaangaar ah aysna jurin sabab Xamar loogu baahdo. Halkan ka akhriso:- JQ.
Waxa uu kala dhig dhigayo waa Lacagtii ugu danabysay ee Kabid Miisaaniyadeed ah oo caalamka ka timaada Qayb ay ka heshay PL oo dhamayd $5-Milyan. Sidoo kale,waxaa haatan timid $125-Milyan oo kabid ah,iyadana PL Qaybteeda way ka helaysaa. Lacagtan ma’ahan kuwa la musuqmaasuqi karo,sababtoo ah hadaysan ubixin sida Baanka Aduunku ugu talagalay,waxaa istaagaya Kabida danbe,marka Xasan iyo kooxdiisu PL Qaybteeda buuq ayay ku furi lahaayeen ee tooday ku waayayaan. Kabid Miisaaniyadeed oo Sanad mar la helay oo PL ay ka heshay $ 5-Milyan wax macnaha oo ay leedahay majirto,waana og yihiin oo waa sababta ay Kooxda Xasan ufasaxaan. Waxa muranku…
Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza ayaa Sabtidii lagu dilay ugu yaraan 18 qof, oo dhammaantood hal qoys ka soo jeeday, saacado kaddib markii dhexdhexaadiyeyaashu ay rajo ka muujiyeen heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas. Weerarkii cirka ee Sabtidii ayaa lala beegsaday guri iyo bakhaar ku dhow oo ay gabbaad ka dhigteen dad barakacayaal ah oo ku yaal halka laga soo galo magaalada Zawaida, sida uu sheegay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee Deir al-Balah, halkaas oo dhaawacyo la gaarsiiyay. Wariye ka tirsan Associated Press oo halkaasi ku sugan ayaa tiriyay dadka ku dhintay weerarkaasi.…
By Shamso Shegow-@SpotonSomalia The recent signing of a Memorandum of Understanding (MoU) by Muse Bihi’s administration has sparked widespread concern and debate, both domestically and internationally. But while much of the focus has been on the document itself, the deeper problem lies in the leadership that allowed it to happen. Muse Bihi’s actions are part of a larger crisis in leadership that has plagued Somalia for years, where decisions are often driven by desperation, self-interest, and a lack of accountability. The bigger issue Somalia faces is not just dealing with desperate agreements like Bihi’s MoU but confronting the fractured political…
Xildhibaanada Puntland ku matala Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa Shir jaraa’id ay qabteen ku sheegay In DFS dagaal qaawan ay ku hayso Shacabka iyo Xukuumada PL. ”Madaxda Qaranka waxay qaadeen Tallaabo halis ah oo lagu cuna-qabateeyey Shacabka Puntland,Waxayna ka hor istaageen Mashaariidii oo dhan”Ayay ykraahdeen. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland,ayaa cadaysay mowqifkeeda ku aadan dhaqangalinta canshuurta gadidda 5% ee ay bilowday Wasaaradda Maaliyadda XFS. Halkan ka akhriso :-
10-kale oo argagixisada ka mid ah,ayaa Saakay isku mar lagu toogtay Gaalkacyo. Ma’ahan wax fudud in 18-ka mid ah,5-ka mid a argagixisada halmar la toogto,isla markaana 10-kale lagu daro. 33 ayay noqonayaan argagixisada isku mar la toogtay ee Gobolka Mudug. Go’aankan,waxa uu niyad jabinayaa argagixisada iyo kuwa ay ku adeegato,wuxuuna kalsooni gelinayaa Bulshada,isla markaana waxa uu Cadaalad uyahay Dadkii haldoorka ahaa ee ay gardarada ku laayeen. Dowlada Puntland waa ku Mahad santahay in ay si deg-deg uga Jawaabtay Baaqii Bulshada Gobolka Mudug. 12-kii Qodob ee Bulshada Gobolka Mudug ay hordhigeen MW Deni ayay ka mid ahaayeen. Halkan ka daawo muuqaalka
Baarlamaanka dalka Thailand ayaa ra’iisul wasaare u doortay Paetongtarn Shinawatra oo ah gabadha uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee Thaksin. Waxa ay jirtaa da’da 37, waxayna noqon doontaa ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa ee dalkaas, iyo sida oo kale haweeneyda labaad ee jagadan qabata, ka dib eedadeed Yingluck. Xulashadeeda ayaa ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Srettha Thavisin ay meesha ka saartay maxkamad dastuuriga ahi. L Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga Pheu Thai, oo kaalinta labaad galay doorashadii 2023, balse la sameeyay isbahaysi xisbiga talada haya. Ms Paetongtarn waa xubintii afaraad ee…