Author: Jibril Qoobey.

Hubkan,waxa uu toos fashil ugu yahay Xasan Shiikh iyo hogaamintiisa,wuxuuna saamaynayaa…… 1.Cunaqabatayntii Hubka ee la qaaday 2.Tuhunka la shaqaynta argagixisada. 3.Abaabulka Colaadaha Beelaha ee Xasan. 4.Musuqa iyo Eexda xiliga Xasan xoogaysta. 5.Maamul aan masuul ahayn. Su’aasha ilaa iyo hada lays waydiinayo,waxay tahay….Yaa sheegan doona oo bareeri doona? Su’aasha kale ee lays waydiinayo,waxay tahay……Itoobiya Lug maku leedahay fashilka? Si walba oo xaalku yahay Xasan oo awalba Shaarkiisu Wasakhaysnaa ayay dhacdadana kusii tahay Waji gabax kale oo cusub. Wax fudud mahan Hub intaa tiro le’eg in uu soo galo gudaha Dalka oo hadana uGacan galo Shacab. JQ.

Read More

Hubka,waxaa laga soo gaday Itoobiya,waxaana soo gaday Liban Shuluq oo kasoo jeeda Beesha HG Sacad. Liibaan Hubka,waxa uu kusoo iibshay Magaca DFS oo waxa uu haystaa Qandaraas Hubeed. Hubka,waxaa galbinayay Ciidanka Liyuu Booliska,waxayna Xalay seexsheen Laasacaanood oo ka tirsan Gobolka Qoraxey. Saakay ayay uga hareen Ciidanka Liyuu Booliska Deegaanka Axmed Gurey oo udhaxeeya Caabudwaaq iyo Balanbale. Xogta Hubka oo baxday,ayaa Sababtay in Ciidamo kasoo kala baxay Balanbale iyo Caabudwaaq ay weerar ku qaadaan Gaadiidkii Hubka waday. Kadib,waxaa usoo gurmaday Gawaarida Hubka siday Ciidamo Nisa-da Galmudug ah,waxaana halkaa ka qarxay dagaal kharaar,kaasoo sababay in Ciidankii Nisa laga awood roonaado oo ay…

Read More

Waa loo baahnaa in Deni ka biyo diido soo jeedintii Swan ee ahayd…. “Waxaan rabnaa in DF iyo PL wada Shaqayntoodii lasoo celiyo oo Adiga iyo Xasan aad wada hadashaan,kana yimaado RW dhanka PL marka see u aragtaa? Yaad ku tin lahayd in uu buuxin karo booskaas? Ayuu yiri Swan. MW Deni,waxa uu ku jawaabay…. “Wada Shaqaynta ma diidanin,waana qaadanaynaa doorkayaga Dowlad dhiska,balse RW,waxaan ku talin lahaa Hebel in uu noqdo oo aan filayo in uu ka bixi karo Shaqadaas”. Sida aan xogta ku helay Hebelka Deni tilmaamay,waa Siyaasi kasoo jeeda Gedo. Saan qabo Deni,waa asiibay jawaabtaas,Laba Qodob awgood… 1.In…

Read More

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u tartamaya doorashada madaxtinnimada,ayaa Isniinta maanta ah dib ugu laabanaya ololihiisa doorashada kadib markii uu ka badbaaday isku day dil maalintii Sabtidii. Dhinaca kalena shirkweynihii xisbiga Jamhuuriga ee lagu caleemi saari lahaa Trump ayaa caawa fiidka ka furmaya magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/97Fn1pgccr4?si=hC6-S1QjJwjMdU3X

Read More

Dhibka Somalida burburkii kadib soo wajahay,waa in Xamar Caasimad usii ahaato. Qodobka ugu horeeya ee ay tahay n laga doodo,hadiiba weli rajo laga qabo Somali sii wada socota,waa in Xamar Caasimada laga wareejiyo. Macno ma samaynayso nidaam walba oo la qaato,sababtoo ah marka Xamar laga dejiyo,ayuu noqonayaa hawlgab fashilma. Sidoo kale xalku ma’ahan Ninka Kursiga ku fadhiya oo la badalo,sababtoo ah kii yimaadaa wax badan kama duwana kii ka horeeyay. Si gaar ah reer PL hadaan nahay Wadankan,waan gelinay wakhti ku filan oo badbaadadiisa lagu raadiyo,waase ku hungownay. Koonfur oo aan Dowladnimo udiyaarsanayn,ayaan Dowlad ku khasabnay. Xamar oo aan Caasimad…

Read More

Wadan Somaliya la yiraahdo oo ficiliyan la arki karo miyaa jira? Dowlad Somaliyed oo macno leh miyaa jirta? Guusha la gaaray 30-kii Sano ee udanbeeyay,waa in Villa Somaliya Dowlad la geeyay,iyadiina Maanta ayay ugu rajo xun tahay. Miisaaniyad laguma midoobin 20-Sano kadib. Canshuur laguma midoobin 20-Sano kadib. Lacag laguma midoobin 20-Sano kadib. Magaca Somali,waa ka fashilmay caalamka,waxaana muuqata in uusan soo kaban karin,xataa haday jireen Wadamo dano naga leh oo na dhisayay Maanta niyad nooma hayaan danahoodiina si kalay uraadsadeen.

Read More

Ciidamada amaanka Kenya,ayaa Gacanta ku dhigay Nin dilay 42 Haween ah oo ay ku jirto Xaaskiisa. Ninkan,waxaa laga soo qabtay Soweto oo ka tirsan Kayole saaka abbaare 3-dii Subaxnimo,isagoo ku sugan goob uu ku daawanayay Ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Yurub. Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada DCI iyo saraakiisha NPC,ayaa lagu soo qabtay. Madaxa DCI-da Kenya Maxamed Amiin oo la hadlay Saxaafada Maanta oo isniin ah,ayaa sheegay in Ninkan uu qirtay dilka 42-da haween ee lagu tuhunsanaa dilkooda. “Eedaysanuhu waxa uu qirtay in uu dilay oo uu ku tuuray Qashinka Maydadkooda Labadii 42-da Haween ee lagu tuhmay dilkooda”Ayuu yiri…

Read More

“.DCI boss Amin Mohamed: The suspect was arrested at Soweto in Kayole this morning at around 3am in a joint operation by the DCI and the NPC officers. He was arrested outside a club where he had gone to watch the EURO 2024 finals”. The Directorate of Criminal Investigations (DCI) has revealed that the prime suspect behind bodies discovered in Kware, Mukuru Slums, Nairobi, murdered 42 women. DCI boss Mohamed Amin Monday said the suspected, after interrogation, revealed that he had killed the 42 women and disposed of their bodies in the dumpsite in two years. “The suspect confessed to…

Read More

Xaqiiqdii MW Deni,waa in lagu amaanaa asiibida xulashada Hanti-dhowraha Dowlada PL. Cismaan Cali,waa istaahilaa in loo dhiibo Xaafiiska Hantidhowraha PL…… 1.Aqoon waa ka diyaarsan yahay. 2.Khibrad waa ka diyaarsan yahay. 3.Hufnaan iyo Akhlaaq wanaagsan,way ka muuqataa. Sida uu ku sheegay Barnaamij ay Bulshadu ku waydiinaysay su’aalo oo aan uqabanay,Madaxtooyadu,waxay siisay taageero 100% ah. Hadii Madaxbanaanidaas iyo taageeradaas lala garab taagnaado,wax weyn,ayuu qaban karaa. Maamul wanaaga salkiisu,waa Hanti dhowre wanaagsan oo yaqaan Shaqadiisa una ah daacad. Waa markii ugu horaysay oo Xaafiiska Hanti-dhowruhu helo Qofkii uu ubaahnaa,halka uu ka ahaan jiray Xaafiis musuqa iyo kala goosiga dhiirigeliya. MW Deni,hadii gankiisu yahay…

Read More

MW Deni,ayaa Caawa qayb ka ahaa kulanka Olalaha Doorasho ee Xisbigiisa KAAH. Qoraal usoo dhigay bartiisa FC-ga,ayuu ku yiri….. “Waxaan caawa kulan la qaadanay musharixiinta Xisbiga KAAH ee Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Garowe,Dangoroyo iyo Godob-jiiraan, Aniga iyo Xoghayaha guud ee xisbiga Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor waxaa Kulanka nagala qeybgalay Goleyaasha Xisbiga iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga”. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/250baAu3v1o?si=EQW6oLIz9IA6DAfP

Read More

1.Deni ma yahay hogaamiye? 2.Deni ma yahay hogaamiyihii PL ubaahnayd? 3.Deni maku hagayaa PL Jidkii saxda ahaa?. Dood dheer oo ay kasoo qaybgaleen ku dhawaad 2000 oo Qof ayna ka hadleen 49-Qof oo Bulshada hormuudkooda ah kadib,waxaan kasoo dhex ururinay xogtan…. 1.In Deni yahay hogaamiye marka astaamo dhawr ah laga eego. 1.In Deni 65% qiimaynta guud PL ku wado jiho sax ah. 2.In loo baahan yahay waxkabadal Golaha Wasiirada iyo Lataliyayaasha ah oo la dhiso Koox wada shaqayn karta oo guul samayn karta. 3.In danta gaarka ah laga hormariyo danta guud oo arimaha masiiriga ah ee PL wax walba mudnaan…

Read More

The top United Nations official for Somalia today visited its Federal Member State (FMS) of Puntland, where he discussed a range of local and national topics with its leader, President Said Abdullahi Mohamed ‘Deni.’ In relation to Puntland, efforts at improving security and lowering tensions figured prominently. “We discussed the security situation and I commended Puntland authorities for their efforts in containing terrorist groups in Bari region, and for working to de-escalate clan conflicts over land disputes in Mudug region,” said the UN Secretary-General’s Acting Special Representative for Somalia, James Swan. He was speaking at a joint press encounter with…

Read More

Caqabadaha Garsoorka Puntland haysta,ayaan ka qabanay Dood ku saabsan,waxaana marti noogu ahaa Garyaqaan Ismaaciil Cabdulaahi Cilmi oo ah Xubin ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Dastuuriga ah ee PL,isla markaana ka diyaarinaya Shahaadada PHD Sharciga. Doodan,waxaa keenay in aan qabano cabasho door ah oo ka timid Bulshada,taasoo lagu dhaliilayo Garsoorka Dalka… 1.Musuq. 2.Karti yari. 3.Khibrad yari. 4.Aqoon yari. 5.Hufnaan yari. Doodahan oo aan sii wadi doono Qaybtoodii ugu horaysay,ayaan qabanay Xalay oo taariikhdu ku aadanayd 13.07.2024. Su’aalaha aan qaadaa dhignay,ayaa ahaa kuwan…. GARSOORKA PUNTLAND? 1. WAA MAXAY (SHARCI-CADDAALAD-GARSOOR)? 2. XAALADDA GUUD EE GARSOORKA PUNTLAND? 3. HABDHISMEEDKA MAXKAMADAHA PUNTLAND? 4. CAQABADAHA SHARCI…

Read More

US authorities say investigators have not yet identified a motive in assassination attempt on former President Donald Trump. Dozens of law enforcement vehicles posted at home of killed suspect Thomas Matthew Crooks, 20, with agents and a bomb squad on the scene, according to US media. Leaders from across the world have condemned the shooting that killed one spectator and injured two others. Politicians from across the spectrum have offered support to Trump,with President Joe Biden saying “there’s no place for this kind of violence” in the US.

Read More

Sida ay sheegta hay’adda sirdoonka ee FBI-da, Ninka looga shakinsan yahay in uu toogtay madaxweyne hore Donald Trump,ayaa lagu magacaabaa Thomas Matthew Crooks. Waxay sheegeen in uu yahay Labaatan jir ka soo jeeda magaalada Bethel Park, ee Pennsylvania, sida ay ku xuseen warka ay soo saareen. FBI-da,ayaa waxay sheegtay in arrinkaan ay ula macaamilayaan sida kiis isku day shirqool dil. War uu ku soo daabacay Trump Bogga uu ku leeyahay shabakadiisa Truth, waxa uu sheegay in baalooto ay daloolisay Xubinta sare ee dhagtiisa midig. Mar sii horaysayna Afhayeenkiisa,ayaa sheegay in xaalkiisa lagu dabiibayo isbitaal maxalli ah. Halkan ka daawo…

Read More

Millatariga Israa’iil,ayaa weerarka ku sheegay mid ay ku beegsadeen taliyaha Milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo Abaanduulaha Labaad ee Xamaas Rafa Salama. Xamaas,ayaa dhankeeda beenisay sheegashada Isra’il ee ah in goobta la garaacay uu joogay Deyf, iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay sheeko been abuur ah oo la rabo in kaliya lagu qariyo baaxadda xasuuqii foosha xumaa. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa sidoo kale sheegay in aysan wali hubin weerarka in ay ku dileen Maxammed Deyf iyo Rafa Salama. Meydadka ilaa iyo hadda laga helay teendhooyinka la duqeeyay,waxay gaarayaan 91-Qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 300. Khasaaraha weerarkaan,ayaa lagu sheegay…

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala orday masraxa isu soo bax ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania ka dib markii la maqlay dhowaqa rasaas. Trump,ayaa soo bandhigayay Shaxda tirada Dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/szm4fJLaQUU?si=JUNoqFAmAuEvlKoV

Read More

Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Sadexda Degmo,waxay PL ugu fadhiyaan qiimo weyn. Gudaha PL Siyaasiyan,waxay qiimo uleeyihiin Maamul wanaaga,ku dhawaanshaha Dowladnimada ee Bulshada iyo kusii socoshada Wadadii Dimuqraadiyada. Dhanka Xamar PL,Siyaasiyan,waxay jawaab uyihiin qorshihii Villa Somaliya Qof iyo Cod ee fashilmay iyo waxkabadalkii Dastuurka ee fashilmay,waxayna sii xoojinayaan doorkii curadnimo ee ay PL ku lahayd Dowlad dhiska Somaliya iyo in ay tahay halka ay ka nooshahay Dowladnimadu. Dhanka BC,Siyaasiyan,waxay ugoynaysaa in caalamku markhaati ka noqdo PL oo Dimuqraadiyadii ficil ahaan ufilinaysa,taasoo xurmada nidaam ee PL loo hayo kor usii qaadaysa. Doorashooyinkan ceebta kaliya ee ay leeyihiin,waa Labada Xisbi ee Shaqaalaha iyo…

Read More

Samatar macno lama joogin miisaana lama tagin. Awdal saamayn toos ah iyo mid dadban midna kuma leh. Doorashooyinka SL,waxba kama,badali karo oo waxaaba tusaale kuugu filan Xisbigiisii oo laga cayrshay. BC hadaladiisa uma hakanayaan oo maqaamkiisa Prof ee wax ka dhiga Jaamacadaha la tixgeliyo way sii yaraatay. Sideedaba Dadka Somalida ah ee gaaray darajada PHD,calaamad su’aal,ayaa fuushay marka la arkay ilaa 7-Prof oo ay macno dhaamaan Dadka xataa Dugsi hoose aan soo marin? 1.Ma awoodaan in ay Ummadda wax ka badalaan. 2.Ma awoodaan aragtida ay qabaan in ay Ummadda ku shubaan ama ka dhaadhiciyaan. 3.Ma awoodaan in ay fahmaan ama…

Read More

Warar dheerada,ayaa ka soo baxaya is-rasaasayn ka dhacday gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis kala duwan. Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, howlgalka ayaa la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay Xabsiga dhexe ee Xamar. Wuxuu Afhayeenku sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa Xabsiga. Afhayeen Cabdiqani,ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta. Waxaa kale oo intaa ku diray in Ciidamadda ay ka dhinteen Saddex…

Read More

Waa muuqaal muujinaya Dowladnimo iyo maqaam sare. Waxa uu dhiirigelin uyahay Bulshada Puntland,si gaar ah jiilka soo kacaya oo ku koraya qab iyo nidaam. Madaxtooyo qurxoon oo Calan ka babanayo laguna qaabilayo Diblomaasiyiin,waxay utahay hiigsi iyo niyad wanaagsan haldoorka hanka leh. Puntland,waa awood xoog badan dhaqaale ahaan,Dad ahaan iyo Dhul ahaan. Maqaamkan laguma gaaro Riyo iyo jacayl ee waa awoodo la arki karo oo la isticmaalay. Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Read More

Wefti sare oo uu hogaaminayo Wakiilka QM ee Somaliya James Swan,ayaa soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe. Arimaha ay kawada hadleen,ayaa kala ahaa… 1.Amaanka,si gaar ah rabashadaha ka dhasha muranka Dhulka oo ay ugu danbaysay dagaalkii Mudug iyo la dagaallanka argagixisada. 2.Dimuqraadiyada oo Sadexdii Degmo ee udanbeeyay Doorashadii Golayaasha Deegaanka la qabanayo 23-ka Bishan. 3.Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadantinimo. 4.Arimaha Qaran ee hortabinta leh ee kala ah.. B.Dagaalka Shabaab. T.Dib u Eegista Dastuurka T.Doorashada soo socota J.Wada Shaqaynta DF iyo Dowladaha Xubnaha ka ah,gaar ahaan PL iyo DF. Puntland,waxay ku qaabishay weftiga sare ee Qaramada Midoobey maqaam qurxoon oo Dowladeed. James…

Read More

Biden weli waa ku adkaysanayaa in uu yahay Musharax utaagan tartanka Madaxweynaha Maraykanka. Boqolaal taageerayaashiisa ah ,ayuu kula hadlay Magaalada Detroit Michigan. “Meelna uma socdo oo waan tartamayaa,waana ku guulaysanaynaa,waxaa khatar idin ku ah Trump”Ayuu ku yiri Dad la jidbaysan taageeradiisa. Biden cadaadiska ugu weyn ee haysta,waa Da’da oo dad badan ay qabaan in uusan awood ulahayn hogaaminta Maraykanka jir ahaan iyo Maskax ahaan. Hadal haynta ugu badan,waxay bilaabatay doodii uu lagalay Trump oo aad loo dhaliilay. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/tILEDQIVb5Y?si=k9GeEtkb4ynjK86p

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua si cad,ayuu ugu dhawaaqay in Talyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji uu ku fashilmay Shaqada oo uusan lahayn awood uu ku hogaamiyo hay’ada. Shaqadu in ay ku cusub tahay oo uu si khaldan wax umaamulay Saraakiil muhiim ah oo khibrad lahaana Shaqada ay daraadiis uga tageen,ayuu sheegay.M.xigeenka. Waa dhawaaq weyn oo ka dhan ah Nuuradiin Madaxa sirdoonka Qaranka Kenya. Waxaa muuqata Somalida Kenya oo ku fadhiday Kuraasta amniga in lagu soo jeenstay oo ay luminayaan markan. Ruto ma sii difaaci doonaa mise…? Halkan ka daawo muuqaalka M.xigeenka

Read More

Waxaa bilowday hardan cusub oo ka dhex jira Afarta hogaamiye ee Somalida Geeska Afrika ee kala ah… 1.Deni. 2.Muuse. 3.Xasan. 4.Ismaaciil Geelle. Loolanka cusub,waxaa wada oo soo qaaday Xasan iyo Ismaaciil,waxayna isticmaalayaan Mucaaradka Labada Nin ee Deni iyo Muuse. Mucaaradka Deni,waxaa layskugu geeyay Xamar,iyadoo laga xaajoonayo 2026 Xildhibaanada PL kasoo baxaya sidii Deni loogu qabsan lahaa. Halka Mucaaradka Muuse layskugu geeyay Jabuti,iyadoo laga arinsanayo sidii loo fashilin lahaa Maamulka Muuse. Hadaba su’aasha lays waydiinayo,waxay tahay.. Yaa ku adkaan doona loolanka cusub? Halkan ka dhagayso Dooda Qodobkaas https://youtu.be/sWc9gnAyRg4?si=livWqtN09SaKLF_m

Read More

Biden,waa mid ka mid ah Siyaasiyiinta taariikhda Maraykanka meel sare ka galay oo ku dhawaad Nus Qarni u adeegayay Qaranka balse haatan la liic liicaya Da’da. Xilli xun oo uu ku jiro olole Doorasho iyo xagsashada in uu sii ahaado Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweynaha Maraykanka laguna cadaadinayo in uu isku dhex yaacay oo ay tahay in uu tanaasulo,ayaa eray kasoo Fakaday. “Isagoo ula jeeda MW Ukrain,ayuu ugu yeeray MW Putin,inkastoo uu deg-deg isku saxay hadana khaladka Saxaafada horteeda iyo caalamka,ayuu uga dhacay”. Doodii uu lagalay Trump;ayaa lagu dhaliilay in ay aad uhoosaysay oo ay muujisay awood yari hogaamineed. Shirka…

Read More

Tagida Hargaysa ee Safiirka Maraykanka,waa iska dabiici ku aadan isbarasho iyo sii wadida Shaqada caadiga ah. Kulanka Safiirka iyo MW Muuse,waxa ugu weyn ee looga xaajooday,waa qabashada Doorashada SL. Safiirka,waxaa Waraaqaha aqoonsiga ka gadoomay Xasan Shiikh,socdaalkiisan uu Hargaysa ku tagayna,waa mid ka mid ah booqashooyinka caadiga ah ee Gobolada ay ku tagaan Safiirada cusub. Waa mid ka mid ah waaqiciyada Hargaysa tusa in ay ka mid tahay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Read More

Itoobiya in Somalidu la loolanto ma fiduda,sababtoo ah,waxaa jira qaybo badan oo Somaliya oo ay isku siyaasad yihiin. Saakay Ciidan ku dhow 4000-Askari oo SL ah,ayaa u anba baxay Itoobiya si loogu soo tababaro. Intaanba la gaarin JL iyo KG Itoobiyaanka jooga,waxaanba la inkiri karin xiriirka SL iyo Itoobiya. Majiraan Itoobiyaan kula socda,waxuun Dan Siyaasadeed ah Somaliya. Sidoo kale majiraan Ciidan Somaliyed oo gudaha Itoobiya ku jira oo loolan ku noqon kara Dowlada 4-Kiilo ee Adis. Loolanka Somaliya ee Itoobiya,waa loolan adag oo ubaahan Siyaasi Caqli badan oo aragti leh.

Read More

In uu Afkiisa kasoo baxo hadal udhigma ..”Shabaab in ay la dagaallamaan Itoobiya,iyagoo difaacaya Dhulka Somaliyed”,waa qayr masuulnimo. Shabaab mahan koox loo tusi karo Bulshada Wadaniyiin difaaci kara qiyam Somaliyed. Shabaab waa argagixiso khatar ku ah Amniga,jiritaanka,qiyamka,Diinta iyo Dowladnimada Somaliyed. Cabdi Siciid hadalkiisa,waa mid soo afjaray hankiisii Siyaasadeed isaga iyo kii kooxda uu ka tirsan yahay ee Nabad iyo Nolol oo muujinaya sida Shabaab iyo kooxdaas iskugu dhawaayeen. Sidoo kale hadalkiisu,wuxuu fursad usamaynayaa oo waliba umuuqdaa in lagu taageerayo RW Abiy. Waxaa muuqata Dadkii diidanaa Dowladii Fahad iyo Farmaajo aysan ku khaldanayan diidmadoodii xooganayd marka la qiimeeyo aragtidooda ay ka…

Read More

Madaxweynaha Kenya Dr William Samoei Ruto,ayaa kala diray guud ahaan Golihiisii Wasiirada marka laga reebo Madaxa Golaha Wasiirada ahna Wasiirka Arimaha Dibadda. Waxaa isna la eryay xeer ilaaliyihii guud ee Kenya horayna usoo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya. Somalida Kenya ayay ubadan tahay in isbadalkan uu saameeyo oo ay ku lumiyaan Boosas door ah oo ay haysteen,sida 1.Wasiirka Gaashaandhiga. 2.Madaxa Sirdoonka. 3.Hogaanka Danbi baarista. Talaabadan,ayaa ka dambeysay kadib markii Kenya ay hareeyeen dibadbaxyo aan kala joogsi lahayn oo Dowladda looga soo horjeedo. Madaxweyne Ruto,ayaa la tacaalaya xaalada culus ee ay Kenya gashay,waxayna xogo hoose sheegayaan in ay jirto Gacan Sadexaad oo…

Read More

Muqdisho, 11 Luulyo, 2024: — Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga iyo Xeernidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud ee Xayndaabka Siyaasadda Deymaha, Hannaanka Amaahashada iyo soo saarista Dammaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada…

Read More

Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada PMPF Gen. Abdirahman Mohamed Jama oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Boosaaso Madaxa Hawlgallada Rayidka ka ah ee European Union (Midawga Yurub) Mr. Stefano Tomat oo uu weheliyo Madaxa EUCAP Somalia Mr. Kęstutis Lančinskas. Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada Badaha ee PMPF (MOC) ayaa looga wadahadlay xoojinta Wadashaqaynta labada dhinac, sare u qaadidda hawlgallada EUCAP Soomaaliya ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan Puntland iyo dardargelinta iskaashiga Tababarada socda ee lagu tayaynaayo ciidamada PMPF, wadaagista xogta falalka Amidaro ee ka dhaca badaha iyo in la iska-kaashado waxkasta…

Read More

Milatariga Israa’iil,ayaa u sheegay dadka reer Qasa in ay ka baxaan koonfurta Magaalada,isla markaana u guuraan Marinka Qasa,iyadoo halkaana ay howlgallo ka socdaan. Waraaqo ay daadiyeen diyaarado,ayaa Dadka loogu sheegay in Qof kasta oo ku sugan magaalada Qasa uu halkaa ka baxo waxa lagu tilmaamay “aagga dagaalka khatarta ah” iyada oo la sii marayo wadooyin nabdoon oo loogu talay in ay isticmaalaan Dadku. Qaramada Midoobey,ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay amarada daadguraynta ee la siinayo dadka. Waa markii Labaad tan iyo markii uu dagaalku billowday oo Dadka laga dalbanayo in ay ka baxaan goobihii ay ku noolaayeen. Labadii…

Read More

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan. “Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan…

Read More

Garoowe: 11 July 2024 : Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:- 1. Amniga Guud. 2. Dhacdooyinka todobaadka. 3. Ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Garoowe, Godob-jiiraan iyo Dangoroyo iyo qodobo kale . -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland si habsami leh,ayuu fadhigiisa ugu wataa Caasimada Puntland ee Garowe. Su’aalo muhiim ah,ayaa lagu waydiinayaa Saraakiisha Ciidanka,Hantidhowraha iyo Wasiirada. Balse,waxaa nasiibdarra ah in Baarlamaankii Xamar ee utaagnaa midka Qaran ee ay utaalay Shaqooyin ka baaxad weyn kan PL uu kooram la’aan ufurmi waayay. Dowladnimada Garowe taala iyo mida Xamar taala intaas ayay isku jiraan oaalagu ka fahmi karaa sida loogu kala sareeyo nidaamka iyo fahamkiisa. Dowladnimada Puntland,waa Nidaam fariistay oo qaangaaray si wacana udhismeen hay’adihiisa Dowladeed. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/W1HqGwCbnZM?si=-jb8YYrCIZWW-nwy

Read More

Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo Toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya,ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan Adduunka. Mr Biden,ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot. Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin. Madaxweyne Zelensky,ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filnayn,wuxuuna ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka…

Read More

Kulankii Labaad ee Kalfahdiga Shanaad ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa maanta ubaaqday kooram la’aan. Gudoomiye Aadan Madoobe,ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka,isagoo ugu digay in mar kale ay dhacdo. Fadhiga Maanta,waxaa qorshaysnaa in looga hadlo xeerar iyo sharciyo muhiim u ah Villa Somaliya. Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa lagu tilmaamaa mid jeebka ugu jira Madaxtooyada Xamar oo aan lahayn wax aragti Qaran ah.

Read More

Garoowe, Luuliyo 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka nootaayooyinka taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, geedi socodka wax ka bedelka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka…

Read More

Hanti dhowraha Dowlada PL,ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo in dib loogu soo cesho Gacanta Dowlada Gaadiid Dowladeed oo ku maqan Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan oo soo qabtay xilal kala duwan. Dadka la tuhunsan yahay in ay ku maqan yihiin Gaadiidka Dowlada iyo Hanti kalaba oo Dowlada PL kasoo qabtay xilal sare,waxaa ka mid ah… 1. Ex Wasiir Dhabanacad 2. Ex Wasiir Xasan Abgaalow 3. Ex Wasiir Gallan 4. Ex Gudoomiye Abwaan Cabdirashiid. 5. Ex Wasiir Caarshe. 6. Ex Taliyihii Boliska Mahamd Cali Xaashi 7. Ex Wasiirkii Axmed Yaasiin. 8. Ex Duqii Magaalada Bosaaso 9. Ex Duqii Magalada Gaalkacyo…

Read More

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa gaaray Magaalada Port Sudan,isagoo booqanaya dalka ay colaaduhu aafeeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii ay colaaddu ka qaraxday Sannadkii hore bishiisii Abril. Sawirro ay baahisay warbaahinta Dowladda,ayaa muujinaya inuu la kulmay Madaxa Ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo hoggaamiyaha Milatariga Jeneraal Cabdul Fattax al-Burhan. Itoobiya oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta oo inta badan lagu eedeeyo in uu taageero Ciidamada RSF,ayaa haddana waxaa muuqanaya in Addis Ababa ay xiriir adag la lahayd Madaxda Ciidamada bilihii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, khudbad uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay,Abiy wuxuu wacad ku maray in…

Read More

Kulanka 2024 ee Gaashaanbuurta NATO oo ka furmay Maraykanka,gaar ahaan Washington DC,ayaa diirada lagu saarayaa Sadex Qodob oo kala ah… 1.Dagaalka Ruushku uu ku qaaday Ukraine. 2.Halisaha ka imaanaya Shiinaha. 3.Xaalada amaanka ee Aaga Indo Pacific. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/IgnxC0HoYmY?si=ixQWMrkWU70ksH7D

Read More

Cammar Al-Xakiim,waa Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee Wadanka Ciraaq kaas oo ah isbahaysi siyaasadeed oo dalkaas ka dhashay Sanadkii 2018-kii. Balse horay waxa uu u soo noqday Madaxa kooxo badan oo Shiico ah oo aad u saameyn badnaa, waxaana ugu waynaa Golaha Islaamiga ah ee Sare ee Ciraaq, golahaas oo isna ahaa mid siyaasi ah. Golahaas,ayaa waxaa hoos imaan jiray Maleeshiyadii aadka u xooganeed ee Shiicada ee la oran jiray Guutada Badar. Kooxdaas,ayaa markii hore waxay ahayd isbahaysi xoogan oo ka dhashay kooxo kala duwan oo Shiico ah oo midoobay, waxaana sanadkii 2005-kii ay ku guuleysteen kuraastii ugu badnayd ee Baarlamaanka…

Read More

Maleeshiyada Shene oo kasoo jeeda Gobolka Oromiyaa ee toobiya,ayaa la sheegay in ay Afduubteen in ka badan Boqol Arday oo ah kuwa Jaamacadaha. Ardayda,ayaa ka soo safray Gobolka Amxaarada,waxayna ku sii jeedeen Magaalada Adiss Ababa. Ardaydan,ayaa ka soo kala kicitimay Magaalada Debarak iyo Magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada,waxayna ku safrayeen Sadex Bas oo ay lahayd Jaamacada Debarak oo nooca Dadweynaha qaada ah ee lagu magacaabo “Tata”. Laba Arday oo kasoo baxsaday Ardayda la qafaashay,ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Basaska uu ka yimid Magaalada Bahir-Dar uuna ku sii jeeday Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana…

Read More

Dowladda Mareykanka,ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah Ciidankeeda ay Axaddii kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Caasimadda ah ee Niamey. Tallaabadan,ayaa imaneysa Todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin Saldhigga weyn ee diyaaradahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agades ee ku taalla Saxaraha Niger. Taliska Millatari ee xakuma Niger,ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan Millatariga Afganbiyeen Dowladdii hore ee Niger,Sannadki hore. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaradda Gaashaandhiga…

Read More

Hay’ada Qandaraas bixinta Puntland mudo,waxay ahayd hawlgab Magac uyaal ah. Shaqadeedii,waxaa toos uqaadatay Madaxtooyada mana jiro Qandaraas soo mara oo wax laga waydiiyo. Xubnihii hay’ada,way kala tageen,waxaa ka jooga oo kaliya Gudoomiyihii oo aan wax Shaqo ah qaban. Haatan in dib boorka looga jafo,waa loo baahnaa,waxaase iswaydiin mudan… Kulanka Maanta la qabtay ma yahay mid dhab ahaan hay’ada loogu soo kicinayo? Sida muuqata MW Deni,waxa uu rabaa in uu muujiyo Maamul Wanaag marka la qiimeeyo…. 1.Dimuqraadiyada la dhaqaajiyay. 2.Hanti dhowraha dardargelinta uu wado. 3.Dib u habaynta hay’ada Qandaraasyada. In aysan laab lakac noqon dadaalka muuqda,ayaa muhiim ah.

Read More

Garoowe, Luulyo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Axmed Sacid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha,ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Puntland iyagoo tixraacaya, Dastuurka Dawladda Puntland, Xeerka shaqaalaha Rayidka ah iyo Xeerka Doorashooyinka Golayaasha deegaannada Dawladda Puntland, wuxuu ku wargelinayaa shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Ciidanka Dawladda in ay reebbantahay qayb ka noqoshada garabyo siyaasadeed. Wargelintan oo faah-faahsan ka akhriso waraaqaha hoosse. -DHAMMAAD- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Guddiga Doorashooyinka Puntland. Halkan ka akhriso:-

Read More

WARGLIN. Ku: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Ku: Guddoomiyaasha Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. Og: Xisbiyada Siyaasadda Puntland Ujeeddo: U diyaar garowga Maalmaha Ololaha Doorashada ee Xisbiyada Siyaasadda. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan in loo diyaar garoobo maalmaha Olalaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmoo oo bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay 06/07/2024, soconna doona muddo labo asbuuc ah. Sidaa darteed, waxaa la farayaa masuuliyiinta warqaddaan sida tooska ah ugu socoto iyo kuwa ogaysiinta ku lehba in la ilaaliyo laguna dhaqmo Xeerka Doorashooyinka iyo Habraaca anshaxa Guddiga Doorashooyinka…

Read More

Masood Peseshkian,ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Iran, isagoo ka adkaaday Ninka ay is hayeen ee muxaafidka ah, Siciid Jalili. Ku dhawaaqida Peseshkian, oo 70 jir ah,ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiintu ay sheegeen in uu helay 53.3%, in ka badan 30-Milyan oo cod oo la tiriyay wareeggii Labaad ee doorashada Madaxtinimada. Jalili oo ahaa Musharaxa la loomayay,ayaa helay 44.3%. Codbixinta Labaad ayaa timid kadib markii musharrixiinta midkoodna uusan ku guuleysan aqlabiyadda codbixintii ugu horreysay ee dhacday 28-kii June, taasoo ay u soo baxeen 40% codbixiyeyaal, waana codkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979-kii. Madaxweynihii…

Read More

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Jimcihii soo jeediyay kharash dhimis iyo deyn dheeraad ah, si xukuumaddiisa ay u kabto dal-daloolka miisaaaniyeed ee ay wajaheyso, kaddib marki ay dowladda ka laabatay 2.7 bilyan oo dollar oo ay canshuur ahaan ugu krodhi rabtay shacabka. Ka laabashada qorshaha canshuur kordhinta qaranka ayaa yimid kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo ay hogaamiyeen dhalinyarada Kenya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof, tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen. Khudbad uu ka jeediyay telafishanka ayuu Rutoku sheegay in uu weydiisan doono baaralammaanka kharash dhimsi dhan 177 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa si rasmi ah u daah-furay Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo si rasmi u bilowmaya 06 July 2024 isla markaana socon doona illaa 22 July 2024, iyadoo Doorashada Saddexda Degmo ay dhici doonto 23 July 2024. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa bulshada degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ugu baaqay in ay isu diyaariyaan tartan doorasho oo caafimaad qaba, iyadoo Xisbiyada laga rabo inay ololeeyaan iyagoo illaalinaya shuruucda iyo qawaaniinta ay dejisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC). Munaasabadda oo…

Read More

Kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan,ayaa in ka badan 200 oo Gantaal iyo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaadday Waqooyiga Israa’iil, iyadoo ka jawaabeysa dilka mid ka mid ah Talyeyaasheeda ugu sarreeya. Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in mid ka mid ah Saraakiishiisa lagu dilay weerarkan, oo ku billowday tiro Gantaallo ah. Milatariga,ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyada Xisbullah ee koofurta Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay weerarkooda. Taliyihii Xisbullah,ayaa lagu dilay duqeymo Cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Magaalada koofurta Lubnaan ku taalla ee Tyre. Maxammed Nimah Nasser,wuxuu ka mid ah Saraakiisha ugu sarreeya ee kooxda ee lagu dilo…

Read More

Ilaalada xeebaha Mauritania,ayaa Isniintii ilaa 89-Meydadka muhaajiriin kasoo saaray doon ay saarnaayeen oo ku qallibantay Badweynta Atlaantikada. Sagaal Qof – oo ay ku jirto gabar shan jir ah – ayaa lasoo badbaadiyay, balse dhowr kale ayaa maqan. Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta – oo ahayd mid kalluumeysi – ay toddobaadkii hore kasoo shiraacatay xadka Senegal iyo Gambia iyadoo ay saarnaayeen ilaa 170 qof. Waxay ku quustay xeebta koofur-galbeed ee Mauritania. Mauritania,ayaa marin muhiim ah u ah tahriibayaasha isku dayaya inay gaaraan Yurub kana imaanaya Galbeedka Afrika, iyadoo kumannaan kun oo doomood ay sanadkii hore ka tageen dalkaas. Meesha ugu…

Read More

Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain. Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii. Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak. “Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga. “Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday…

Read More

Wargeysa shebaintelligence,ayaa qoray war ku saabsan fikrado ay usdhaafsadeen Dowladaha Imaaraadka iyo Maraykanka oo saamayn ku leh SL. Xogta warkan ku jirta kaliya waa talo soo jeedin Lataliyaha Amniga Qaranka Imaaraadku la wadaagay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka. Xogtu ma sheegayso go’aan ama heshiis lawada gaaray,waxayse tilmaamaysaa in uu jiro xiriir Imaaraadka soo dhexmaray oo SL lagala yeeshay arinkaas. Soo jeedinta uu Madaxa Sirdoonka Imaaraadka ugudbiyay Lataliyaha Amniga Qaranka Maraykanka,ayaa waxay tahay in Saldhiga Berbera loo isticmaalo la dagaallanka Xuutiyiinta Yemen. Sida la filayo hadii Maraykanku go’aansado in uu isticmaalo Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera,waxa uu fasax ka doonan DFS. Si…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan. Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinki danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada. Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay walwaleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump. Laba…

Read More

Sida aan xogta ku helay Dowlada Turkiga,ayaa ka codsatay DFS in aysan ka jawaabin hadalkii Abiy ka horjeediyay Baarlamaankiisa. Turkidu,waxay la wadaageen Somalida in uu hadalka Abiy yahay isbadbaadin Siyaasadeed oo uusan nuxur kale lahayn waxna udhimi karin heshiiskii lawada gaaray. Hadalka Abiy,waxa uu daaran yahay Sadex Qodob oo kala ah….. 1.Dajinta Dadka Itoobiyaanka ah,maadaama horay uu ugu sheegay wax kale. 2.Badbaadinta Muuse Biixi,maadaama 3-dii Bood ee kala ahaa July.Aug iyo Sep ee olalaha Doorasho uu ku geli lahaa ictiraaf baan keenay laga fashiliyay. 3.Ka jawaabida hadalkii Xasan jeediyay ee ahaa “Itoobiyaankaa codsaday in Ankara lawada tago”. DFS,way ku khasban…

Read More