Hadalka Abiy,waxa uu ku yahay Somalida Gobanimadeeda iyo jiritaankeeda Ummadnimo jees jees,yasmo iyo hoos udhigid. Saakay,waxaa qurxoonaan lahayd in jawaab uqalanta la siiyo,balse nasiibdaro majirto awood jawaabi karta iyo haybad Dowladnimo oo jawaab bixin karta. Qof walba oo Somaliya oo Uunka saaran,ayuu hadalka Abiy ku yahay ilhaamo iyo wax uu ka dhiidhiyo. “SL in aan la gaarno isfahan,waxaa keenay markay DFS kasoo jawaabi wayday dalabkayagii oo SL ay noqotay cida kasoo jawaabtay dalabkayagii,waa go’aan masiiriya in aan Badda adeegeeda gaarno”Ayuu yiri Abiy. Waa hadal masuuliyad daro ah oo lagu sifayn karo Gaangiistar Aag uxiran yahay oo Qabaan ka ah Dadka…
Author: Jibril Qoobey.
Kulanka Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha,ayaa looga xaajooday Todobaadkan…. 1. Amniga Guud. 2.Manhajka Waxbarashada Maxaabiista, 3. Xogaha Caafimaadka Puntland. 4.Todobaadka kor-u-qaadista cunista Kalluunka. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada. Kulankan Todobaadlaha ah,waxa uu muhiimad uleeyahay Shaqada Xukuumada.
Villa Somaliya,waxay ku dhici wayday in ay ka falceliso talaabadii uu Shalay qaaday Baarlamaanka Jubaland. Xasan iyo Xamse,waxay uyeereen Cali Xoosh oo ay ku amreen in uu Warqad kasoo saaro talaabada Axmed qaaday,balse,wuxuu ku dooday in uu Dastuurkiisa taabtay oo uusan Doorasho faragelin Axmed. Axmed Madoobe Maanta,waxaa horyaal Laba Qodob oo kala ah… 1.In uusan lumin doorkiisa Dowlad dhiska iyo ilaalinta nidaamka Fadaraalka ah. 2.In uu kasbado Bulshada Beesha Daarood oo Xamse Wadada uu maray uusan dabagelin. Axmed in uu sii ahaado hogaamiye adag oo lagu hirto,isagay ku xiran tahay. Si gaar ah Shacabka PL in uu ku qabsado Deni…
Shaqo wanaagsan,ayaa laga qabtay dib uhabaynta Dastuurka Jubaland oo waxaa lagu sii fariisiyay nidaamka Fadaraalka ah. Erayga ah Dowlada Jubaland ee Xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka”. Waa meel galaa loo baahnaa. Dowlad Goboleed in meesha laga saaro oo si rasmi ah loo qaato Dowlada,waa Qodob isaguna la asiibay. Sidoo kale mudo xileedka MW JL in 5-Sano laga dhigo,waa Qodob kale oo mudnaan leh. Hanaanka Dowladnimo ee JL in uu noqdo isku jir Baarlamaani iyo Madaxtooyo ma xuma. Sidoo kale,dib uqaabaynta Garsoorka,ayaana iyaduna xiiso leh sida loo ururshay oo loo koobay. Si guud in Dastuurka JL Qodobada uu ka kooban yahay…
Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinaysaa Ansixinta Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July ilaa -December) 2024. Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen,ayaa dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun Boqol Labo iyo Toban Dollar). Dhowaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda,ayaa horgeeyey Golaha Baarlamaanka Misaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024. akhris dheer iyo doodo ka dibna Golahu maanta ay ansixiyeen. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Xasan Shiikh oo ka hadlayay Maalmaha Xoriyada iyo Midnimada Somaliyed,ayaa ka hadlay arimaha SL. “Saraakiishii dadka dilayey ee qafaalanayey xiligii Siyaad Barre ayaa madax ka ah Somaliland”Ayuu yiri Xasan Shiikh. Erayo qurxoon oo kasoo baxaya Qof khaldan,ayaa lagu tilmaami karaa hadalka Xasan ee ku aadan SL. 114-ka Quraanka,ayaan aqaanaa,waxaa ka horaysa yaa kaa akhrisanaya? Haatan Xasan,hadalladiisa wanaagsan Dadku xiiso uma hayaan mana jirto hal Quluub oo Qof Somaliya leeyahay oo ay ku shumayaan,sababtoo ah,waxaa lagu bartay Af iyo Uur iskhilaafsan. Yaa amini kara in uu daacad ka yahay Nabada SL? Yaa aamini kara in uu daacad ka yahay Doorashada SL?…
Halkan ka akhriso:-
Majiraan awoodo kale ama Siyaasiyiin kale oo keeni kara isbadal JL ka dhaca Bishan iyo tan danbe. Majiro Siyaasi awood uleh in uu Gedo ama Jubooyinka ka abaabulo Shir ay kasoo baxaan hay’ado Dowladeed oo JL leedahay oo la loolami kara kuwa Axmed. Axmed waxa uu haystaa Hal Magaalo iyo Ciidan ugaar ah,mana agtaalo Dimuqraadiyad iyo wax wada lahaansho,waxaa wax ka ridan kara Siyaasi miisaan leh oo samaysan kara JL la mid ah mida Axmed. Axmed Madoobe mahayo Caasimadii Dastuuriga ahayd ee JL. Axmed mahayo Ciidan JL wada leedahay. Axmed mahayo Dhaqaale iyo Siyaasad JL wada leedahay. Sidaa daraadeed Qalfoofta…
Talaabada uu qaaday Baarlamaanka JL,waa khalad oo waxay ilhaamo ku tahay nidaamka iyo in la helo JL lawada leeyahay oo horumar samaysa. Balse,waa khalad in la galo Maanta la taageeri karo ama ay tahayba in la baritaaro. Koonfurta Somaliya in laga helo wax caqabad ku noqda rabitaanka Xasan Shiikh,waa loo baahan yahay. Inkastoo hadana la fahmi karo Xasan in uu Wadadaas oo kale mari karo oo tusaale ka dhigan karo Axmed Madoobe. Lkn mararka qaar khalad in aad ka shaqayso Siyaasadaa dhigaysa. Axmed Madoobe,waa ka hor dhacay dabinkii Damjadiid ee ahaa ilaa Sabtida in la meermeeriyo Axmed kadibna lagu soo…
1.BC oo Kenya kasoo wareejisay dhexdhexaadinta,kadib markii ay ogaatay in aysan ku filnayn. 2.Maraykanka iyo UK oo si cad utaageersanaa kulanka. 3.Itoobiya oo Shirka la timid in loo sii daayo MOU-ga. 4.DFS oo diiday lana timid Shirka dood adag oo ka dhan ah MOU-ga. 5.Dood adag oo ka dhacday kulanka. 6.Turkida oo door macno leh qaadatay. Maxaa la gaaray? B.Wareeg Labaad oo wada hadal in layskugu yimaado September iyo Turkiga. T.Itoobiya in ay hakiso wada hadalkii SL ee MOU-ga ilaa kulanka danbe. J.Turkiga oo damaanadqaad ka noqday heshiiska,taasoo udhiganta in Wadankii ka baxa waxa lagu heshiiyay in uusan xurmayn Dowlada…
Halkan ka akhriso:- https://x.com/JibrilQoobey/status/1807867958217318898?t=6IhGufpKObFL9eUw2btCSQ&s=19
Jariiradan oo ka mid ah kuwa loogu kalsooni badan yahay,waxay xaqiijisay dhawr arimood… 1.In Xasan iyo Abiy mar ay si qarsoodi ah ukulmeen. 2.In Somaliya ay uballan qaaday Itoobiya in ay siinayso Xeeb kale oo aan Magaceeda la shaacin. 3.In kulankan Turkiga Diblomaasiyadiisa muhiim uyahay in uu guulaysto. 4.In hadii Shirkan fashilmo kala fogaansho ku imaanayo xiriirka Turkiga iyo Somaliya oo taaasi cadaadis ku tahay Somalida. Ugu yaraaan Shirkan,waxa ay Somalidu ka faa’idayso,waa in Muuse qorshihiisii la hakiyo. JQ. middleeasteye.net/news/turkey-ho…
Dawladda Jabuuti,ayaa ka jawaabtay eedayn ugu timid Somaliland,taas oo ku aadanayd in Jamhad ka dhan ah Somaliland lagaga dhawaaqay dalkaas. Jabuuti,ayaa warkaas ku tilmaantay mid aan wax ba ka jirin. Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo barta Twitter-ka farriin ku qoray,ayaa sheegay in ay ka xun yihiin eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imaanaya Somaliland. Wasiir Ilyaas,ayaa ku dooday in “Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan. Isku xidhena u ah nabadda & xasiloonida Gobolka.” Waxa kale oo uu sheegay in aanay dhex gelin arrimaha gudaha ee cid kale.…
Somaliland,ayaa walaac xoog leh ka muujisay Shirka Ankara ee Itoobiya iyo Somaliya ee looga xaajoonayo qadiyada uu xanbaarsan yahay heshiiska isfahan ee Itoobiya ay la gaartay maamulka SL. SL walaaceeda,waxay la wadaagtay Dowlada Turkiga Qunsuliyadeeda ay ku leedahay Hargaysa. Turkigu,waa Martigeliyaha kulanka Labada Wadan,waana damaanad qaadaha heshiiska la filayo in ay wada gaaraaraan. War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Somaliland,ayaa u qornaa sidatan…. “Isniin 01-July-2024-Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu…
Maqaam intaan ka sareeya in lagu xuso Maalinta Xoriyada fashilantay ee Somaliyed looma baahnayn. Dowlada Puntland,waa ku saxan tahay in ay hoos udhigtay dabaaldegyada xuska Maalmaha Xornimada lagu ceeboobay ee Somalida. Ma’ahan maalin farax ee waa Maalin murugo. Xamar marna kama soo socoto Caqliyad Somali waxtaraysa xataa haduu Xasan meesha ka baxo . Xalku,waa in masiirka Ummadda reer PL si dhab ah loo wajaho. 40-Sano ku dhawaad Dadka laguma sii hayn karo mustaqbal la’aan iyo rajo xumo. Laba Qodob,ayaa mudnaan leh Maanta….. 1.In aysan PL qayb ka noqon Dowlad danbe oo Xamar fadhida oo ugu yaraan hal wareeg aan ka…
Qodobada laga soo sheegayo in lagu wada gaari doono Shirka Ankara ee Itoobiya iyo Somaliya,waxaa ka mid ah… 1. In MoU laga laaban doono. 2. In lawada gaari doono heshiis ganacsi. 3. In Turkey ay noqon doonto ilaaliyaha heshiiska Labada Dal. La soco Wararkayaga danbe.
Xifaaltankii JabuutiXifaaltankii Jabuuti iyo Itoobiya ku dhexmari jiray Xamar oo hadeed Somaliland loo soo raray. Somaliyana waxay u eegtahay mid dhaxashay shaqadii Somaliland ay qaban jirtay, taasi oo aheyd in mar marna itoobiyo u xagliso, badankase ay Jabuuti la jirto. 《1》Ka soo bilow June 1991, markii dawladda Jabuuti dalkeeda ku martigalisay shirkii lagu soo doortay AHUN Cali Mahdi, kaasi oo ay AHUN Gen. Ceydiid isku hayeen cida Xamar ka talin doonta. 《1.1》Shirkaa waxa Raysal Wasaare loogu doortay AHUN Cumar Carte Qaalib. Halka uu shirkaas ka hogaaminayey (co-chair) AHUN Maxamed X. Ibraahin Cigaal. 《1.2》Shirkaa waxa ka soo horjeestay Gen. Caydiid. Dabadeedna…
Warka sheegaya in Itoobiya laga siinayo Dekeda Deegaan Xeebeedka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug,waa Been abuur loogu talaagalay in tushuush loogu furo Shirka Ankara ee Itoobiya iyo Somaliya. Jiho Siyaasadeed,ayaa maalgelisay Warkan oo Saxaafada isticmaashay. Warbaahinta IDILNEWS oo dabagal ku samaysay warkan,ayaa xaqiijisay in uusan Sal lahayn. Itoobiya ma danaynayso Dekeda Hobyo iyo kuwa kale ee Koonfurta,sababtoo ah … 1.Juquraafiga. 2.Dekedaha Koonfurta oo aan diyaarsanayn. Itoobiya,badalka Dekedaha Koonfurta,waxay aad udanaynaysaa in ay Saxiix waafaqsan xeerarka caalamiga ah uga hesho DFS Dekeda Berbera iyo Deegaamada kale ee SL oo Juquraafi ahaan iyo Diyaarsanaan Dekadeed awgood uga wanaagsan Koonfurta. Sida muuqata DFS…
Garowe, Juun 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxmed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 55 Xildhibaan, ayaa Goluhu waxay warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda 6-da bilood ee Dawladda oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad. Intaas kadib Golaha ayaa u balamay…
Qodobada looga xaajoonayo kulanka Beri ka furmaya Ankara ee dhexmaraya Dowlada Itoobiya iyo Somaliya. Waxay kala yihiin Qodobada…. 1. Ka noqoshada MOU 2. Wadahadal Ganacsi 3. ATMIS iyo doorka Itoobiya. DFS waxay umuuqataa in ay dabac ka muujisay wada xaajoodka Itoobiya oo ay ka tanaasushay oraahdeedii ahayd… “Marka hore,waa in ay ka laabataaa isfahanka ay la gasahay SL ee MOU”. Cadaadis ay samaysay BC,ayaa saamayn ku yeeshay DFS oo ku khasbay in ay shuruud la’aan aqbasho kulanka,sida xoguhu sheegayaan. Dadka falanqeeya Siyaasada,waxay qabaan in aysan ceeb ku ahayn DFS dabaca ay muujisay balse uu yahay Qoob ka ciyaar Siyaasadeed oo…
Al-Shabaab,ayaa caawa fiidkii weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabelle. Ugu yaraan 5-Qof,ayaa ku dhintay weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa si cad usheegatay ururka argagixisada ah ee Al-shabaab. Khasaaraha,ayaa lasoo sheegayaa in ay sii korortay. La soco wararkayaga danbe.
26-kii June ayay ahayd in la saxiixo heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya. Ma dhicin oo 30-ka Bisha oo Maanta ku beegan,ayaa markale la sheegay in uu qabsoomayo. Si la mid ah ma hirgelin mar Labaad,waxaana taa badalkeeda la iclaamiyay in Itoobiya iyo Somaliya weftiyo ka kala socda ay ku kulmayaan Turkiga. Waxaa muuqata in cadaadiskii BC shaqeeyay oo saamayn ku yeeshay Labada dhinac ee Somaliya iyo Itoobiya oo ay dabac muujiyeen. Hadii kulamada Somaliya iyo Itoobiya ay qabsoomaan oo Itoobiya ay ka baaqsato ficil ubadalida isfahankii SL Muuse Biixi,waa ku fashilmay Siyaasada guud ahaan,waxaana uqurxoon in uu Doorasho qabto…
Somaliya waxaa la sahmiyey 265 block oo badda ah laga soo bilaabo Sanadkii 1972. 1. Sanaadihii 2015/2016 waxaa sahminta (seismic survey) lagu sameeyey inta u dhaxeysa Hobyo Basin-Jubba Basin oo ka kooban 165 block. 2. Waxaa lagu sheegay ilaa iyo 30-45 Billion oo Fuusto in laga soo saari karo. 3. Daraasadda ayaa sheegtay in dhagaxyada sahanka iyo shidaal trails ay badan yihiin markasta oo dhinaca Waqooyiga loo kaco. 4. Shirkadaha Shidaalka baara sida Stat Oil, TGS, Liberty Ool, ENI, Total, TEXACO, Shell, British Petroleum ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto waddamada qaniga ku ah Shidaalka iyo Gaaska (Hydrocarbon deposits).…
Hadafka doodu,wuxuu ahaa in la dul istaago Qodobada ugu muhiimsan ee Labada Maamul ay ka wada shaqayn karaan sida…. 1.Amaanka. 2.Siyaasada. 3.Dhaqaalaha. Wasiirka Warfaafinta PL iyo Xildhibaan Kooshin oo kasoo jeeda Gobolka Togdheer Somaliland kuna matala Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa dooda ka qaybgalay…. Halkan ka dhagayso Dooda https://youtu.be/KrtTXkD8hJk?si=o9d_Rijc3Pzqbgbk
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa Jimcihii ka hadlay walaaca ku saabsan waxa guud ahaan taageerayaashiisa iyo qolyaha dhexdhexaadka ah ay u arkeen bandhig liita oo ku aadan dooddii uu Khamiistii la yeeshay Madaxweynihii hore Donald Trump. Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa hadda ugu baaqaya in uu ka haro tartanka madaxtinimada, laakiin falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa sheegaya in madaxweynaha hadda talada haya Biden uu weli hayo dariiqii uu ku xaqiijin lahaa magacaabista xisbigiisa ee musharraxnimada madaxtinimada. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WvNSQs5oEcc?si=SQ4NlIcz6l6ehmmL
Halkan ka akhriso:-
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga ahna sii hayaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland saaka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞 Mudane Daahir Xaaji Khaliif, Guddoomiye KX Xisbiga Cabdallah Sheekh Axmed iyo Xoghaya Xisbiga, Mudane Abshir Cumar Huruuse, isagoo Guddoomiyaha Xisbiga Guddoonsiiyay Shahaadad Xisbiga 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐞𝐲𝐞 oo ka mid ah 8-da Xisbi ee Dowladda Puntland. Guddoonka iyo Xoghaya Xisbiga ayaa Guddiga uga mahadceliyay shaqada quruxda badan ee hayaan oo u horeyso diyaarinta Doorashada saddexda degmo, iyagoo sheegay in Xisbigoodu siweyn ugu diyaargaroobeen doorashada golaha degaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. #𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰 #𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬a.
Gudiga gaarka ah ee la dagaallanka musuqa PL oo MW Deni dhawaan usaaray dabagalka Hay’adaha Dowlada,ayaa soo afmeeray Shaqadoodii ugu horaysay. Qodobada ay ka duulayaan Gudiga ee loo igmaday in ay dabagalaan,waxay kala yihiin… 1.Musuqmaasuqa. 2.Dayaca Shaqadda. 3.Dabagalka Masuuliyiinta. Wasaaradda Caafimaadka,ayaa noqotay midii 1-Aad ee lasoo afmeeray baaristeedii,waxaana kasoo baxay…. B.Wasaarada gudaheeda in uu ka jiro musuq baahsan. T.Agaasimaha Guud in lugaha loo geliyay musuqa oo qayb ka noqday. J.Qaybo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo masuuliyiin hore oo Wasaarada ka shqayn jiray oo weli isku xiran kuna lug leh musuq balaaran. X.Lacag tiradeedu badan tahay oo la lunsaday. Kh.Qalab…
Ma jirto khatar amni iyo Siyaasad amni oo Somalidu ka midaysan tahay,isla markaana la dagaallankeeda lagu wada socdo. Deegaan walba,waxa uu leeyahay khatar amni oo gaar ah,waxaana ka mid ah khatarihiisa mid uga imaanaysa Deegaan kale oo Somaliyed. Jawaabaha Bulshada ka imaanaya? 1.Argagixisada habka loola dagaallamayo layslama waafaqsana. 2.Gooni goosad cida ah iyo fikrada Gooni goosadka ah ee lala dirirayo layslama waafaqsana. 3.Dowlad nugaylka mida Xasan hogaaminayo,ayaa ugu nugul oo kala daadsan. 4.Xuduudaha Beylahda,waxaa ugu hooseeya Garoonka iyo Dekeda Muqdisho ee Xasan hoos yimaada. 5.Faragalinta Shisheeyaha ee qaawan,waxay taalaa Xamar oo Xasan xukumo. 6.Isbadalka Cimilada waa khatar laga siman yahay.…
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan,ayaa maanta booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo. Kismaayo,waxa uu kula kulmay,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada. WKulan,ayaa lagaga hadlay mowduucyo kala duwan oo heer deegaan iyo heer Qaran ah oo ay ka mid yihiin… 1.Geeddi-socodka dib-udastuurkaDahorumarka 2HorumarkiyAmniga. 3.Baahiyaha bani’aadamnimo. Wakiillo ka kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNFPA, UNICEF, iyo FAO, ayaa qeyb ka ahaa weftiga Swan.
Qodobadan loo xushay Khataraha amni Qaranka,waa macquul loo hakan karo. Balse su’aashu,waxay tahay yaa wax ka qabanaya oo uheelan? Dowlada Xasan hogaamiyo markay talada la wareegtay 8-dan Qodob waa taagnaayeen,waxayna ahaayeen kuwa hortabinta uleh Dowlad dhiska. Sanadkii 3-Aad,ayaa usocda Dowlada Xasan waxbana kama qaban Hal Qodob oo ka mid ah 8-deedan,kuwii ay isku dayday in ay waxkaqabatayna,waa ku fashilantay…… 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka; 3. Dowlad-nugeylka; 4. Xuduudaha Beylahda; 5. Faragelinta Shisheeye; 6. Isbeddelka Cimilada; 7. Khatarta Tiknoolajiyadda; 8. Khataraha Bulshada; JQ. [contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]
Muqdisho, 27, Juun 2024:- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka. Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: 1. Argagixisada; 2. Aragtida Gooni-goosadka;…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Todobaadlaha ah oo Todobaadkan looga hadlay…. 1.Amniga. 2.Baaqa Nabadeed ee colaada Galbeedka Gobolka Mudug. 3.Fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland. 4.Kor-u-qaadista barashada Cilmiga Badda iyo warbixino kale .
Su’aasha iswaydiinta mudan,waxay tahay… “Warqad yar oo been abuur ah sababta Xaafiiska RW Itoobiya uga hadlay?! Dadku markii hore Warqada maba aaminin,balse ka hadalka Xaafiiska RW,ayaa tuhun dhaliyay macnana uyeelay Warqada. Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Itoobiya hoos udhigtay Saxiixa rasmiga ah ee heshiiska ay lagali lahayd SL,kadib cadaadis uga yimid BC. Sidoo kale,waxaa jira war sheegaya in ay Turkiga ku kulmayaan Laba wefti oo ka kala socda Somaliya iyo Itoobiya oo heer Wasiir,iyadoo ugu danbayna Xasan iyo Abiy kulmi doonaan. Balse SL warkaas way beeninaysaa,waxayna ku doodaysaa in Bisha soo socota 1-deeda uu dhici doono saxiixa…
Nairobi: Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay in uu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee banaanbaxyada rabshadaha sababay ka dhaliyey dalka Kenya isaga oo sheegay inuu u tanaasulay shacabka Kenya. “Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan, dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa” ayuu Madaxweyne Ruto. 22 qof ayaa shalay oo keliya ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha…
Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal,ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe. Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha,waxaana la horgeydoonaa Maxkamada awooda u leh kiiskiisa. #FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo…
22-Qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.” “Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya. Waxa ay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ku xoomay xarunta baarlamanka. Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda sharci cusub oo dowladda ay…
Somaliya oo burburtay,waxaa dib usoo nooleeyay PL iyo aragtideedii nidaamka Fadaraalka. Markale nidaamkii Fadaraalku,wuxuu ku jiraa khatar,waxaana sii libdhaya rajadii Qaranimo iyo midnimadii. Fursada kaliya ee harsan,waa in loo guuro Confadaration iyo Caasimada oo laga wareejiyo Muqdisho. Waxgaradka soo jireenka ah markaad dhan walba ka warayasato,waxay hadalka kusoo gunaanadayaan in rajadaas kaliya ay harsan tahay oo hadii la waayo ay udhamaatay rajo danbe oo Qaran mid ah oo Somaliyed lagu helo. Xaqiiqdii,waxaa muuqata in talada Wadanka ay Gacan ugashay Siyaasi Layli ah iyo Shacab usacab tumaya oo aragti gaaban. Xamar ma taalo Caqli badbaadin kara Sinjiga Somaliga,sidoo kalena Hargaysa,waxaa ka…
Magaaladii ay ka hor curatay Xoriyada Ummadda Somaliyed ee Hargaysa in Caawa Calanka Buluuga ah xaaraan ka yahay oo aan looga dabaal dagayn Midnimada Somaliyed,waa jab ku dhacay Wadajirka Ummadda Somaliyed. 40-Sano ka hor Siyaasiyiin qayb ka ahaa Qaranimada Somaliyed Caawa in ay qayb ka yihiin kala taga Qaranimada,waa jab Labaad oo ku habsaday Qaranka. Xaqiiqdii Somalida oo isxumanaysa in ay Caawa isdhaafsanayso hadalo xanaf leh,iyadoo ay tahay Maalintii Midowgeeda,waxay ku tusaysaa sida loo kala fogaaday. Si gaar ah Somalida aan kasoo jeedin Waqooyiga ee fariimaha qalafsan udiraya kuwa Waqooyi,waxay lumiyeen doorkoodii dib umidaynta Ummadda Somaliyed. Hadii 64-Sano ka hor…
Khudbadii Xuska 26-ka June haday qiimo lahayd,waxaa jeediyay RW xigeenka Saalax. 1.Waxuu dul istaagay kala qaybsanaanta maanta taagan,waxa sababay. 2.Waxa uu dul istaagay SL Raga hogaanka uhaya in ay mar ahaayeen kuwii Midnimada hormuudka u ahaa. 3.Waxa uu dul istaagay Koonfur in aysan oolin Caqli iyo Siyaasad wax midaynaysa oo baahi uqabta Somali maqan. 4.Waxa uu dul istaagay in aan lakala tagin oo wax walba oo jira la hoos joogo Calanka Buluuga ah. 5.Waxa uu dul istaagay in Somali aysan sinaba ku kala tagi doonin wax walba oo dhaca. 6.Waxa uu dul istaagay in Muqdisho iyo Hargaysaba ay kasoo yeerayaan…
Dimuqraadiyadu way uga dartaa Bulsahada aan gaarsiisnayn fahamkeeda rasmiga ah. Kenya inkastoo ay tahay Wadamada Afrika ugu sareeya markay timaado la jaanqaadida Dimuqraadiyada hadana mar walba waa Duni Sadexaad oo si khaldan u isticmaalaysa Xoriyada iyo Xuquuqda muwaadinka. Lagama baaqsan karin in muwaadinkan uu geeriyoodo,sababtoo ah fadhiga Baarlamaanka ee socda amaankiisa,ayaa khatar galay. Diidmada Canshuurta la kordhinayo,waxay ahayd in ay si nabad ah usocto oo aysan ka faa’idaysan Tuugada iyo fawdiistayaasha. Kenya,waxay ubaahan tahay Miisaaniyad gaaraysa 4-Tirilyan Kenyan Shilin ah,halka ay Dowladu Canshuur ahaan uheli karto 2.7 Tirilyan oo Shilinka Kenya ah. Waa lagama maarmaan in la kordhiyo Canshuurta si…
Magaalooyin badan oo ka tirsan Dalka Kenya,waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka Maaliyadda ee Canshuurta lagu kordhinayo. Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo Magaalooyin kale,ayaa Boqollaal Dad ahi isugu soo baxeen,waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin Sharciga lagu kordhinayo Canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah. Dowladda,ayaa Ciidamo badan gaysay xaruumaha Dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan.
Dhanka Puntland khudbada Swan,waxay ku lahayd Afar Qodob oo muhiimad gaar ah ulahaa,kuwaasoo kala ahaa….. 1. Puntland iyo saamilay kale in ay diideen Dastuurkii la badalay nidaamkii loo maray iyo nuxurkii ka soo baxayba. 2.Puntland in ay kalsoonidii kala noqotay Dowladda Federaalka ah inta lagu soo noqonayo Xayndaabka Sharciyadda. 3.In Talaabo walba oo loo qaado dhanka Dastuurka oo aan loo dhamayn in aysan dhaqangal noqon doonin. 4.In Somalidu heshiis ku wada noqto Aayo ka tashigeeda oo aysan soconayn loo joojin mahayo. PL,waxaa muuqata in ay guul Diblomaasi ay kasoo hoysay Siyaasadeedii ku fadhiday ka gaabsiga la Shaqaynta Maamulka Villa Somaliya…
Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Booliska Dowladd deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay shakabad tahriibayaal ah kuwaa oo waday dhalinyaro laga tahriibiyay deegaanada Puntland loona waday in magafe loo gacangalaiyo laguna qabtay Degmada Qabri Dahar. 1,Maxamed Maxamuud Muuse 2,Yuusuf Cabdi Ciise 3,Raxma Jaamac Maxamed 4 Caasha Maxamed Maxamuud 5,Saamiya Yaasiin Maxamuud 6:Cabdi Risaaq Geelle Maxamed 7:Farxaan Maxamed Barre 8:Ladaned Cali Cabdullaahi Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta danbi-baarista CID ee Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale wada how-galo lagu dabar jarayo shabakadahan oo caadaystay in ay marin habaabiyaan dhalinyarada Puntland. #FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama…
Sida xoguhu sheegayaan Abiy ilaa iyo hada,waa lagu qancin la’a yahay in uu ka baaqsado Aqoonsiga SL. Sacuudiga,Turkiga iyo Kenya,ayaa ka mid ah Dowladaha xiriirka tooska ah la samaynaya Itoobiya ee ka codsadanaya in uu dib udhigo heshiiska SL. Sida lagu helay Xog si hoose usoo baxday Itoobiya,waxay soo saaraysaa war cad oo uqornaan doona sida tan…. “Waxaan cadaynaynaa in Somaliland uqalanto aqoonsi Dowladeed oo ay ka hesho caalamka,Anaguna,waxaan ka shaqayn doonaa sidii ay ku heli lahayd,waxaana ka bilaabi doonaa Baarlamaanka Itoobiya”. Waa war khatar ku ah Midnimada Dhuleed iyo Madaxbanaanida Qaranimo ee Somaliya. Ma gaarsiisna warkan kii SL rabtay,balse…
Su’aalahan,ay Xildhibaanada Baarlamaanka PL ay soo bandhigeen,waa macquul loo baahnaa,balse arimo badan oo waxaa jira in ay dul istaagaan ay tahay. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WWiXUahOJ4w?si=XHEbibBsjrusTDQd
Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan,ayaa Golaha amaanka ee QM siiyay warbixin isu dheelitiran oo xaalka Somaliya ah. Somaliya,waxay sii wadeysaa sidii ay u wajihi lahayd arimaha mudnaanta koowaad ee Qaran u ah,oo ay ka mid yihiin…. 1.Geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka,. 2.Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Swan,ayaa xusay in Wajiga xiga ee dib u Eegista Dastuurka looga hadli doono,iyadoo la raacayo qaab dhismeedka Fadaraalka arrimo adag oo ay ka mid yihiin… 1.Awood qeybsiga. 2.Kheyraadka. Swan,ayaa ugu baaqay dhammaan Saamileyda Siyaasadda Somalida in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay u xallin lahaayeen khilaafaadkooda ayna…
Isagoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixinayay xaaladda Soomaaliya maanta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa xusay in “Soomaaliya ay sii wadeyso sidii ay u wajahi lahayd mudnaanta koowaad ee qaranka, oo ay ku jiraan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.” Wajiga xiga ee dib u eegista dastuurka ayaa looga hadlidoona arrimo adag, sida awood qeybsiga iyo kheyraadka iyadoo la raacayo qaabka dhismeedka federaalka ee Soomaaliya, Mr. Swan ayaa sidaas u sheegay golaha ammaanka. Wuxuu xusay muhiimadda ay u leeyihiin arrimahaan dowlad-dhisidda. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamileeyda siyaasadda Soomaaliyeed…
Erayada ay isticaamashay Qaramada Midoobey,waa kuwii horay loo isticmaalay ,waana kaliya wax hadal ku kooban,waana intay awooday. Balse Somalida,ayaa laga rabaa in ay iska difaacaan damaca Itoobiya. Xasan Shiikh waxa uu ku fashilmay in uu Somalida Siyaasadooda iyo Ciidankooda mideeyo oo iyagoo isku duuban ay iska difaacaan Itoobiya. Hab hadalkiisii Maanta,waxa uumuujinayay… 1. Diciifnimo. 2.Damac Hunguri. 3.Danaysi gaar ah. 4.Fursad Itoobiya ay ka faa’idaysan karto. Dooda Xasan Maanta,waxay iftiiminaysay in uu Itoobiya wax walba u ogol yahay ee kaliya ay isaga soo marto. Caalamku Diblomaasiyad,waa nagu taageeri karaa lkn Ciidan Itoobiya naga dhiciya nooma keeni karaan.
Xasan,waxa uu leeyahay Itoobiya Aniga ha isoo marto? Qadiyad iyo Qiyam kale kuma haysto Xasan Itoobiya sida hadalkiisa ka muuqata ee waa Aniga isoo mara oo wax ila Saxiixda. Halkaa,waxaa ka cad in ay dhab tahay doodii SL ee ahayd Xasan Nacfi,ayuu nagu haystaa ee Qiyam naguma haysto. “Itoobiya in ay gaarto Xeebaha Somaliya uma diidanin ee waxaan udiidanahay sida ay ku gaaaryso”Ayuu yiri Xasan. Sida xoguhu sheegayaan Muuse,waxa uu joogaa Adis,waxaana la diyaarinayaa isfahankii in loo badalo heshiis rasmi ah. Itoobiya,waxay si cad u aqoonsan doontaa SL oo Xuduudeedu ku eg tahay Yoocada. Xasan Todobaadkii ugu danbeeyay,waxa uu aad…
Ciidamadii dhawaan yimid Matabaan,waxay ahaayeen kuwo galbin lahaa Ciidan kale oo isla Itoobiyaan ah oo ka bixi lahaa Wadanka oo tiradoodu ahayd 3000,waxaase isfahan waaga keenay in aysan uba soo sheegin cidna. Ciidankaas Itooobiyaanka ahaa,waxaa Dalka ka baxay 500 ugu danbayntii,halka qorshuhu ahaa in ay baxdo 3000 oo Askari. Maraykanka oo la xiriiray Itoobiyaanka markay Ciidamadooda cusub gudaha soo galeen,ayaa laga soo xigtay warkan.
Gabadhan oo lagu magacaabo Raxmo Maxamuud,waxaa xiray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,isagoo ka duulaya waxkaqabasahada dhacdadii Kalabayar ee lagu dilay Ninka Ganacsadaha ah. Kadib xarigeedii,waxaa ka daba yimid Maxamed Faroole oo damcay in uu kasii daayo Gudoomiyaha,balse waa ku guulaysan waayay,wuxuuna markii danbe udiray Jimcaale iyo Ciidankiisii oo xoog ugala soo baxay Saldhiga. Waxa cajiib ah in nidaamka uu burburinayo Wasiirkii Dowlada ku matalayay Deegaanka. Dhanka kale Beesha Reer Xirsi si fiican ayay yeeshay oo way aastay Maydkii,isla markaana Dhalinyaro is urursatayna way kala direen,waxayna usaareen Gudi ka xaajooda Dilka Ninka Ganacsadaha ee Kalabayr. Sadex Nin,ayaa dishay Ninkaas aan waxba Galabsan ee…
MW Deni,waa in uu deg-deg ah udhisaa Gudigii Shaqadaas qaban lahaa oo ka saari Sool PL inteeda kale. Sidoo kale Firdhiye,waa in uu gutaa waajibkiisa ahaa in uu jiheeyo mustaqbalka reer Sool. Sadexda Qodob ee awooda loo siiyay,mid ka mid ah,ayaa ah in uu ka Shaqeeyo jihaynta Mustaqbalka Siyaasadeed ee reer Sool. PL inteeda kale,waxay dani ugu jirtaa Sool oo ka baxda,Sadex sababood awgood….. 1.Isma qaadan karaan oo waa Dad ku kala duwan dhaqanka iyo aragtida. 2.PL ma hayn karto Sool oo waxay ku luminaysaa fursado horumarineed iyo fursado Siyaasadeed. 3.Sool waxay PL ka rabtaa oo kaliya in ay isticmaasho…
Waxaa jirta cabasho ka imaanaysay gudaha Ciidanka Badda PL,taasoo ku salaysan Laba Qodob oo kala ah…. 1.Adeega Cuntada Ciidanka. 2.Adeega Caafimaadka Ciidanka. Cabashadaas,waa dabagalay,waana soo xaqiijiyay in ay jirto oo xaqiiq tahay. Ciidanka Badda,waxay leeyihiin adeeg Caafimaad oo markii Askari dhaawacmo waxna looga qaban waayo gudaha Wadanka dibada loogu qaado. Adeegaas,waa la dhexgalay oo waxaa lagu soo koobay in Askariga la siiyo $5000 oo ka imaanaysa min $10 oo laga jaray Askarta kale Mushahaarkooda. Waxaa ugu danbeeyay Askari Labada Indhood dhaawac ka gaaray hawlgalladii Garowe xilligii doorashada oo loo qaaday Hindiya,balse dhaqaale yari darteed la qali waayay oo ugu danbayna…
Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Axmed Maxamuud Samatar oo badaley Xildhibaan hore Alle ha u naxariistee Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada.
Garowe: 22 June 20ttoor, ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka Dowladda iyo Dadweynaha, oo ahaa kulan Bulshada lagula wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh xukuumadda 2024-2029, iyadoo Dadweynaha fursad loo siiyey in ay ku biiriyaan wixii tallo iyo su’aalo ah. Madasha waxaa mudnaanaha hortebinta u leh xukuummadda 2024-2029, kusoo bandhigay Afar Guddi oo ka kooban Golaha Xukuumadda kuwaasi oo kala ah :- Guddiga Maamul wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga, Guddiga horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha , Guddiga horumarinta wax-soosaarka iyo Guddiga horumarinta Arrimaha Bulshada . Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo sida furan…
Richard H. Riley, wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka. Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo. Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda. Waxa uu…
Garoowe, June 22, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 54-aad ee Goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (faqrada 4-aad) ee Xeer-hoosaadka, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan Axada berri ah. Maalinta berri ah oo taariihdu tahay 23/Juun/2024…
War-murtiyeed kasoo baxay Midowga Afrika,ayaa taageeray codsigii ay Dowladda Fadaraalka ku doonaysay in kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS,la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada. Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika.