Xildhibaanada Dalka Kenya,ayaa u codeeyay Miisaaniyadda Sannadkan 2024/2025, taasi oo noqoneysa middii ugu wayneyd ee Dalka Kenya uu yeesho. Wadanka Kenya,ayaa la qiyaasayaa in uu u baahan yahay Miisaaniyad dhan 4.1 trillion oo Shilling, halka Canshuurta la qiyaasayo in ay soo xarooto ay tahay 2.7 trillion. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/EgXNPK9GZ9o?si=uxd5KbHotpr_sgEW
Author: Jibril Qoobey.
Dhaqdhaqaaqan cusub ee Ciidamada Itoobiya,ayaa ku soo aadaya,iyadoo ay weli oogan tahay xiisad ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bishii Janaayo ee Sanadkan. Dhawaan,ayaa saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka waxay sheegeen inay doonayaan in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Somaliya. Dowladda Itoobiya oo arrintaasi ka jawaabeysay,ayaa sheegtay in aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay Dowladda Somaliya kaga dalbatay in Ciidamadeeda ay la baxdo. Qorshhaasi waxaa,sidoo kale ka soo horjeestay Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo sheegay inaan la gaarin waqtigii ay Itoobiya la bixi laheyd Ciidamadeeda oo taasi ay fursad u noqoneyso al-Shabaab.…
Wararka ka imaanaya Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaasay 4-kun oo Askari oo lugeynaya ay Magaalada soo galeen saakay. Ciidamadan oo la sheegay inay ka soo gudbeen xadka Itoobiya iyo Soomaaliya,ayaa sheegay inay ku raad joogaan Maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo ay xog ku heleen inay Aagaasi isku urursanayeen. Ciidamada,ayaa dib u noqday ka dib kullamo ay la yeesheen qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Odoyaasha Magaalada,
Xasan,waa Nin aan la bixinayan oo Xidigtiisu hoobatay. Waxaa ku qarxay qorshihii Xabaalaha ee Iskuul Boolisiya Todobaadkii hore. Todobaadkana,waxaa ku bilowday Fowsiya iyo hor istaaga doorka Haweenka ee Siyaasada. Su’aalaha lays waydiinayo? 1.Xasan maku filnaan waayay qancinta Gabadhaas? 2.Ma dareemi waayay hadalka Fowsiyo siyaasiyan,waxa uu udhimi karo oo Mucaaradku uga faa’idaysan karaan? 3.Ma fahmi waayay Gabar horaa lagugu eedeeyay mid Labaad haku darin ee ka taxadar? 4.Dareenka Shacabka muxuu uyasayaa ama udareemi la’a yahay in uu muhiim yahay?
“Kama tanaasulayo musharaxnimadeyda gudoomiyaha Midowga Afrika,Soomaaliyana muhiim ayuu u yahay kursigan”Ayay tiri Fowsiyo Xaaji Aadan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/28RnqgagXQI?si=sX5gnCXSTYir5-iz
Cismaan Cumar Dool oo ka mud ah Siyaasiyiinta heerka dhexe ee Somaliland,ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargaysa Maanta. Dad taageeraya,ayaa ku hor banaan baxay Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha,waxaana markii danbe kala cayriyay Booliska SL. Dadka lakala cayriyay ee soo dhaweynta Dool uyimid Garoonka,waxaa ku jiray Suldaan Daa’uud oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Garxajis ama SL iyo Duqa Magaalada Hargaysa Mooge. Xariga Dool,ayaa,waxaa ka lifay hadalo xasaasiyad wata oo uu horay ujeedoyay,isagoo dibada jooga. Hadaba Dool maka dhabayn doonaa hadalkiisii hore ee ahaa in uusan MW Muuse Biixi xiri karin haduu xirana Dhul garlic dhacayo…. “Hadii Muuse ixiro oo…
Xizbullah ayaa Arbacadii sheegtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, ka dib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Qasa uu fido. Madaxa Xizbullah Shiikh Xassan Nasrallah,ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri “meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.” Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda…
Wakaalada Wararka Reuters,ayaa heshay warbixino ay DFS codsi ahaan ugu dirtay Taliska Ciidamada Atmis. Codsiga Dowlada Fadaraalka Somaliya ay dirtay,ayaa ah in Ciidamada ATMIS gaabis la geliyo qorshahooda bixitaan. Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,waxay si cad udalbatay in aysan Atmis ka bixin Dalka,iyadoo qiratay in Wadanku qarka u saaran yahay in uu galo Gacanta kooxda AlShabaab haddii Ciidamada ATMIS ay wada baxaan. Maalmo ka hor ayay ahayd markii Shabaab soo bandhigeen dhoolatus Ciidan oo xoog badan. Sidoo kale warbixin ay baahiyeen warbaahinta Reer Galbeedka,ayay ku sheegeen in AlShabaab soo xoogaysteen dibna uqabsadeen 6-dii Bilood ee udanbaysay Dhul Laba Sano ka hor laga…
MOGADISHU, June 20 (Reuters) – Somalia’s government is seeking to slow the withdrawal of African peacekeepers and warning of a potential security vacuum, documents seen by Reuters show, with neighbouring countries fretting that resurgent al Shabaab militants could seize power. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), a peacekeeping force, is committed to withdrawing by Dec. 31, when a smaller new force is expected to replace it. NFL’s Africa talent search on display in NigeriaNEXTA weakened South African President Cyril Ramaphosa was sworn in for a second term in office on Wednesday. However, in a letter last month to…
Weli Dowlada Xamar iyo Maamulada Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka,waxaa ka awood badan Argagixisada. Marka laga qiimeeyo dhawr jiho…. 1.Xarumaha Tababarada. 2.Tababarada. 3.Xuuraanka iyo Sahanka 4.Qalabka. Shaqada ugu muhiimsan ee in la qabto ubaahan Sanadaha soo socda…. B.Tayaynta Ciidamada. T.Tayaynta Xarumaha Tabararada. J.Tayaynta Maamulka iyo nidaamka Ciidamada. X.Tayaynta Qalabka Ciidamada. Dowlada haatan joogta way ku fashilantay dhisida Ciidan Qaran oo la tacaala amaanka. JQ.
Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran. Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah. Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan. Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo bar. Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa Labadan Dal,ayaa badanka Waddammada Reer Galbeedku aad uga…
Madaxweynaha Ruushka Putin,ayaa gaaray Caasimada Waqooyiga Kuuriya ee Byongyang. Soo dhaweyn aad usaraysa,ayaa loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha,waxaana soo dhaweeyay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya King Jom Uun. Booqashadan oo xasaasiyad gaar ah lahayd,ayaa Isha lagu hayay,iyadoo Putin ay saaran tahay amar ah in lasoo xiro oo ay soo saartay Maxkamada Danbiyada dagaalka ee caalamiga ah. Labadan hogaamiye ee go’doonka ka ah caalamka,ayaa isuxulufaysanaya reer Galbeedka oo Labadoodaba u ah Cadowga koobaad,Balse wax badan iskuma saa’idin karaan. Putin,wuxuu isku dayayaa in uusan go’doon ahayn in uu muujiyo. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/3_9fg7OQ7zM?si=RqrBtRuSwAo8Puk4
Markii ugu dambeysay ee uu booqdo Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2000, waxyar kadib Vladimir Putin waxa uu noqday madaxweynaha Ruushka. Xiligaas Waxa uu la kulmay soo dhawayn aad u ballaaran, waxaana loo riday 21 madaafiicda maamuuska salaanta. Waxaana garoonka diyaaradaha si shaqsi ah ugu soo dhaweeyay hogaamiye Kim Jong Il oo ah aabaha hogaamiyaha hadda Kim Jong Un. Putin xiligaas waxa uu u socday soo celinta xiriirka Moscow iyo Waqooyiga. Midowgii Soofiyeeti ayaa taageeray Kuuriyada Waqooyi markii gacanka Kuuriya uu laba u kala jabay dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, Maraykanku wuxuu taageeray koonfurta Laakiin isbahaysiga u dhexeeya Pyongyang iyo Moscow ayaa…
Dowladda Kenya,ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah qoddobo ku jiray hindise-sharciyeed cusub oo dhanka Maaliyadda ah, kaas oo jaha-wareer ka dhaliyay gudaha Dalka. Waxyaabaha Dadku ka horyimaadeen waxaa ka mid ah Canshuur kordhin gaaraysa 16% oo la dul saaray burka ama daqiiqda. Booliska ayaa dad ka dibedbaxayay arrintaan u adeegsaday gaaska indhaha ilmada ka keena, iyadoo tobannaan qofna ay xabsiga dhigeen. Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Kenya William Ruto Sanadkii 2022-ka, waxa uu sameeyay tallaabooyin dhowr ah oo canshuur kordhin ah, waxaana uu u sababeeyay in dalka deyn fara badan lagu leeyahay,isla markaana uu doonayo in Kenya…
Howlgalka lagu qabtay Ninkan,ayaa ka dhacay Xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo,sida uxaqiijiyay Talyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland. Talyaha,ayaa sheegay in xog ay ka hayeen ay u sahashay in ay ku bartilmaameedsadeen Ninkaan xilli uu ku sugnaa goob ku taal Waqooyiga Gaalkacyo. “Ninkan wuxuu ahaa hogaamiyihii kooxdii Burcad Baddeeda ahayd ee sii daysay Markabkii MV Abdullah”Ayuu yiri Talye Maxamuud Cabdixakiin. “Waan ognahay midkasta oo ka mid ahaa halka iyo howsha uu u xilsaarnaa Markabkii MV Abdullah.”Ayuu yiri G/sare Maxamuud oo ka jawaabayay sida ay ula socdaan xogta Kooxda Burcad Badeeda ah. Intii howlgalka qabashada Ninkaan uu socday wuxuu Taliyuhu sheegay…
Heshiis hordhac ah oo isfahan,ayay la gaartay Imaaraadka Shirkada Wadaagsin ee Maamusha Dekeda Garacad. Heshiiska,waxaa Cod uqaaday Gudiga oo ka kooban 9-Xubnood,waxaana ogolaaday 6-ka mid ah. Heshiiska rasmiga ah,waxaa soo saxiixaya MW Deni Bishan gudaheeda,iyadoo uu ka dhacidl doono Imaaraadka. Dekeda Garacad,way ubaahan tahay maalgashade caalamiya marka la qiimeeyo heerka ay soo gaartay;si gaar ah Imaaraadka,waa muhiim in uu qayb ku yeesho Dekeda. Wadada isku xirta Garacad-Galkacyo,haatan,waxaa loo kala socdaa Afar Saac oo wax badan,ayaa laga qabtay. Keenista Alaabaha,waa ka Jaban tahay Dekedaha kale oo Halkii Kunteenar,waxaa laguugu keenayaa $1300,halka markii hore uu ka ahaa $2400,waxaad kaloo helaysaa Maraakiib kuu…
Badbaadada Dowladnimada Somaliya,waxay ku jirtaa Xamar oo laga wareejiyo fadhiga Dowladnimo… 1.Amaankeeda lama xakamayn karo. 2.Looma sina oo waa Magaalo Qabiil gaar ah. 3.Dulmi iyo Dhiig badan oo ku daatay. Somalida,waxaa horyaal Laba Qodob oo kala ah…. B.In Xamar laga raro hay’adaha Dowladnimo. T.In Wadanku ukala go’o Dowlado yar yar. In lakala tago,waxaa ka macno badan in laga ka xeeyo hay’adaha Dowladnimo Xamar si loo badbaadiyo midnimada Sinjiga Somaliga iyo Qaran ay wada dugsadaan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4aEkGOYnhgI?si=rDMH_i2BXmNXMwaN
Milatariga Israa’iil ayaa maalin kale oggolaaday Xabad joojin ay ku tilmaameen ‘taatiko’ taas oo ay ka sameeyeen xaduudaha galbeed Gaza. Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay qorshe loogu talagalay in gargaarka bini’adantinimo gaaro dadka balse waxaa go’aankaasi cambaareeyay raysal wasaaraha Irsaa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta-fog. Inkastoo ay taasi jirto hadana militariga ayaanan dhag jalaq u siinin oo weli sii wada qorshaha xabad joojinta maalin laha ah. Xabad joojinta xaddidan ayaa loogu talagalay in loogu oggolaado baabuurta xamuulka ah inay ka qaataan gargaarka is-goysyada Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay…
Eighty countries jointly called Sunday for the “territorial integrity” of Ukraine to be the basis for any peace agreement to end Russia’s two-year war, though some key developing nations at a Swiss conference did not join in. The joint communique capped a two-day conference at the Bürgenstock resort in Switzerland marked by the absence of Russia, which was not invited, but that many attendees hoped could join in on a roadmap to peace. About 100 delegations, mostly Western countries but also some key developing nations, were on hand for the conference – and experts were on watch to see how and if at all they…
Ku dhawaad 80 wadan oo ka mid ah ilaa 100 waddan oo labadi maalin ee lasoo dhaafay shir caalami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa Axaddii shalay ku baaqay in “Midnimada dhuleed” ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka laba sano jirsaday ee uu Ruushka ka wado Ukraine. Hase yeeshee Shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 100 waddan oo ay Somaliya ku jirto ayaa ku guuldareystay in qaar ka mid ah waddamadi muhiimka ahaa ee ka qeybgalay ay saxiixaan cayaanki ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka. War-murtiyeedka ayaa lagu soo…
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka. Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu…
In 2022, Hassan Sheikh Mohamud was re-elected as President of Federal republic of Somalia, marking the beginning of his second term in office. This return to power came with renewed promises and ambitious goals centred on deepening federalism in Somalia under the guise of his display in the PDRC talks in 2021, which was titled ‘Federalism and Proper implementation of its principles’. Peculiarly, I attended the night of the PDRC talk where I witnessed Hassan Sheikh answering a crucial remark with unwavering certainty, the question was titled (Is there any alternative then federalism, is there a better option out there?)…
Dowladaha Sweden iyo Iran,ayaa Sabtidi shalay is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen. Sweden,ayaa sii deysay sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa. Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in dadagaalka Cummaarn uu keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deenta dadka ay iska hayeen. Cuman waxay kaloo sheegtay in muwaadiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala…
Ciidamada Israa’iill,ayaa sheegay in Siddeed ka mid ah Askartooda lagu dilay koonfurta Qasa, ka dib markii askartan ay ka soo laabteen howlgal habeenimo ah oo ay ka sameeyeen xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafax. Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaaman ka dibna uu haleelay qarax weyn, baaritaan hordhac ayaa lagu sheegay in ‘qalab farsamo sare loo adeegsaday’ sida ay ciidamada Israa’iil sheegeen. War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda X, oo hore loo oron jiray Twitter, ayay ciidanka Israa’iil ku sheegeen in Captain Waseem Maxmoud oo 23 jir ah uu ka mid ahaa dadka la dilay, magacyada kale ee askarta…
Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo in uu Muuqaalkaas Lahaado 20-Sano kadib,waa ilhaamo iyo foolxumo Puntland. Geedo Quracyo ah iyo Dad diyaarada hoos dhooban in muuqaalkiisu Maanta yahay,waa nasiibdaro xaqiiqdii. Garoonku,wuxuu kuyaal goob muhiima oo dhamaan Gobolada Somaliya iyo Dawlad Deegaanka Somalida usiman oo masaafo ahaan Gobolo badan iyo Bulsho Badan ayuu Muhiim uyahay. Lagama Faa iidaysan Garoonka oo sidii Sac irmaan,ayaa Lacag laga Gurtaa waxna dib looguma celiyo. Garoonkan Dowladii Gaas waxba uma qaban,tii Deni ee ka danbaysayna waxba uma qaban. Haatan MW Deni Mudug ma uga dhigi doonaa waajibaad Shaqo oo taariikhda ugala iyo abaal celin dhismaha Garoonkaas…
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni,ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Shiikh Maxamud, in la ixtiraamo maytida oo dib looga laabto go’aanka lagu soo qufayo Qabuuraha Muqdisho. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/IX1ORL6MI18?si=tte7DEvpfagC_8kQ
Arimaha Siyaasadeed iyo amni ee Somalida kale nalaga dhaxeeya,ayuu si macno leh udul istaagay MW Deni. Muxuu ka yiri DFS? Puntland,waxay utaagan tahay midnimada iyo isku haynta Umada Somaliyed,waxayna diyaar u tahay iskaashi in ay la yeelato Dowladaha Xubnaha ka ah DFS. PL,waxay diyaar utahay in ay kala xaajooto Dowlada Dhexe arimaha hortabinta uleh Dowlad dhiska,iyadoo lagu Shaqaynayo Dastuurka kmg ah ee ay Umada Somaliyed ku heshiisay,isla markaana aysan PL ka tanaasulayn mowqifkii ay qaadatay markii Madaxda Xamar joogta ay tureen Dastuurkaas. PL,waxay ku dhaqamysaa awooda Sharci ee Dastuurkeeda iyo kan KMG ee Fadaraalku siinayo ilaa inta ay xayndaabka Sharci…
Garowe, June 15, 2024: Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka…
Lacagtan oo gaareysa $50bn oo Ruushka laga xanibay,ayaa lagu wareejinayaa Ukrain,sida ay go’aamiyeen Wadamada G-7 ee Talyaaniga ku Shirsan. Ukrain,waxay utahay fursad qaaliya helida Lacagtan oo kusoo aadaysa xilli ay baahi weyn uqabto taageero Milleteri oo deg-deg ah. Ugu danbayn Sanadkan dabayaaqadiisa ayay gaaraysaa Lacagtan Ukrain. Fariin dhabar jab ah ayay ku tahay Ruushka go’aanka ka dhanka ah ee G-7 ay ku gaartay in ay ku wareejiso Ukrain Lacagtii isaga laga xanibay si ay ugu isticmaasho dagaalka ay kula jirto. MW Maraykanka,ayaa hadal jees jees ah ku yiri Ruushka,kaasoo ahaa…”Nagama leexin kartid jihada aan usocono waxna kama badali kartid go’aamadayada”.…
“Waxaan aaminsanahay ugu danbayn Ciyaartu in ay kusoo dhamaan doonto wada xaajood,dhankayaga,waa udiyaarsanahay lkn ma naqaan goorta iyo goobta,balse Alshabaab in ay udiyaarsan yihiin wada xaajood ma naqaan kamana aanan arag,Shabaab waa in ay badalaan dhaqankooda cidii geli karta hawshaasna,waa soo dhawaynaynaa”.”Ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay Oslo Forum. Waa mowqif badalid weyn oo deg-deg ah oo ka muuqata Xasan marka laga tusaale qaato go’aamadiisii hore ee ka fogaa dabac loo muujiyo Shabaab ,ma cada waxa ku khasbay isbadalka intaa le’eg ee ku yimid. Su’aalaha lays waydiin karo? 1.Dagaalkii Shabaab ee uu ku fashilmay miyaa sababay isbadalka mowqifkiisa? 2.Ma…
Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,ayaa waxaa ugu hilnaa Qodobadii looga hadlay Todobaadkan…… 1.Amniga. 2.Yoolasha ay mudnaanta siinayaan Guddiyada Golaha Xukuumaddu 2024-2029. 3.Xeerka sahminta saameynta Deegaanka. Todobaadkii hal mar,ayuu qabsoomayaa Shorka Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,kaasoo dib loogu eego waxa qabsoomay iyo waxa dhiman,isla markaana lagu dajiyo Yoolalka Todobaadka danbe. Shirka Golaha,ayaa sidoo kale lagu meel mariyaa xeerar iyo Shuruuc ay soo gudbiyaan Wasaaradaha. Waxuu wax ka taraa dardargelinta Shaqada Dowlada,iyadoo laysku canaanto oo laysku dhaliilo loogana doodo xaaladaha taagan markaas. Kulanka kaliya ee MW Golaha oo isku dhan uu halmar kula kulmo.
Taleefoonada Amiirka Qatar kula hadlay Xasan Shiikh iyo Abiy waa is muujin ay Qatar muujinayso 2-Sano kadib markii Siyaasada Somalida banaanka laga dhigay. Saamaynta Qatar ee DF Xamar ku kooban hoos ayay udhacday kadib doorashadii Xasan Shiikh. Sidoo kale Qatar saamayn kuma leh B&K,PL iyo SL. Xiriirka Amiirka Qatar,waa dhaqdhaqaaq Diblomaasiyadeed oo ku salaysan muujin saamayneed oo fursad looga arkay khilaafka Itoobiya iyo Dowlada Xamar ku kooban. Si gaar ah Qatariyiintu,waxay u arkaan in ay reer Galbeedka uga helayaan soo dhaweyn isku soo dhaweynta Xasan iyo Abiy marka ay timaado xasiloonida Gobolka. Qatar,waxaa uga adkaatay Siyaasada Somalida Imaaraadka oo haatan…
Hadaad maqasho ufadwoode Nin Kursi ku fadhiya ama Wadaada la Shaqaysta nidaamyada,waa Cali Wajiis. Diintii micnaheedii,ayuu ku fariisinayaa rabitaanka Ninka Kursiga jooga markaas. Aqoontii iyo Balaaqadii rabi geliyay,ayuu iibsanayaa oo sarifanayaa halkii uu xaqa ugu adeegi lahaa. Nasiib wanaag Xasan fashilka iyo dhabar jabka ka raacay arinka Qabuuraha,waxay noqotay taariikh aan ka hari doonin Sinjigiisa danbe. Dadka Somaliyed meel ay joogaan xataa kuwii Qabyaalada ku taageersanaa,waa kaga fogaadeen,waxaana si qurux badan uga faa’idaystay Mucaaradkii oo idil,gaar ahaan Nabad iyo Nolol oo arimaha caadifadaha ku salaysan dhexmarta. Cali Wajiis fadwo Xasan Dhulka dhigtay oo dabooshay Kaararkii xataa uu ka dhigan lahaa…
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Xamaas ay soo jeedisay isbedello badan oo lagu sameeyo hidisaha xabbad-joojinta ee uu Mareykanku taageeray, waxaana uu sheegay in qaarkood aan la dhaqangelin karin, laakiin dhexdhexaadiyayaashu ay go’aansadeen inay sii wadaan hirgelinta xabbad-joojin ka hirgasha Qasa. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Osama Hamdan ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay soo bandhigeen fikrado cusub, Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Carabi, waxaana uu ku celiyay mowqifka Xamaas ee ah in Israa’iil ay tahay midda diidan soo jeedinta, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuu la heshiiyay waxa…
Ugu yaraan 49-Qof,ayaa ku dhintay dalka Kuwait, goor dambe oo Arbacadii ah, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale. Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay. Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah isbitaal, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada. Isagoo goobta dabku ka…
Sida Dad xog ogaal ah ay xaqiijinayaan Maydadka ku Aasan Iskuul Boolisiya,waxaa ugu badan Dad kasoo jeeda PL oo ahaa Ciidan ,masuuliyiin iyo Dad caadiya oo Dowladnimada raacay. Dadka ugu badan ee halkaas ku Aasan,waxay dhinteen xilligii Dowladii Cabdullaahi Yuusuf oo waa Askartii ka raacday PL. Haatan Maydadka halkaas ku aasan ehelkooda nool ma joogaan Xamar,mana yaqaanaan meel uu kaga aasan yahay oo Magac iyo Astaan maleh intooda badan kaliya Dadku,waxay haystaan in Dadkoodii halkaas lagu aasay. Way fiicnaan lahayd in Dowlada PL soo farageliso oo ugu yaraan Maydadka la garan karo ay soo qaado. Koox ka socota Wasaarada Caafimaadka…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii qorshaha ugu dambeeyay ee nabadeed ee Gaza uu fashilmo ay hoos u dhigi doonto hogaamiyaha Xamaas ee Gaza. Antony Blinken, oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayaa sheegay in caqabada keliya ee hortaagan hindisaha ay tahay “hal nin oo ku qarinaya dhulka hoostiisa toban dabaq ” –hadalkaas oo uu ula jeeday Yahya Sinwar. Ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday Xamaas. Balse waxa ay soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isniintii ku taageeray qorshaha xabbad-joojinta ee Mareykanka, waxaana sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in ay…
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan. Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay…
Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan. Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray. Qabuuro weli la adeegsado, turugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka. Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u…
Xasan socdaalkiisa Norway,waa mid ka mid ah kuwa Somaliya ku ilhaamowday…. 1.Garoonka Diyaaradaha Oslo,waxaa kusoo dhaweeyay Maareeyaha Garoonka. 2.Wax Baratakool ah ma siin,Wasaarada Arimaha Dibada oo Calanka looma saarin Gawaarida,isla markaana Mootooyinka Galbiya Madaxda laguma darin. 3.Amaankiisa,waxaa ilaalinayay Shirkad amaan oo gaar ah oo ay usoo kireeyeen Dad caadiya oo Somaliyed. 4..Soo dhaweyntiisa,waxaa ku diriray oo meel xun ay ka gaartay Beelaha HG iyo Abgaal.
Booqashadiisu ma ahayn mid Qaran oo ay casuntay Dowlada Norway. Laba arimood,ayuu uyimid Xasan Oslo,kuwaasoo kala ah…. 1.Dowlada Norway oo rabta in loo saxiixo Dad ay celinayso oo Somaliyed iyo in ay joojiso Dadka ay ku qaabisho gudaha Wadankeeda oo ay ubadasho Xeryo ay ka hirgeliso Somaliya iyo Kenya. Saxiixa Norway rabto,waxay ku badalanaysaa xoogaa Lacag ah oo fara buuxsiya,waana sababta Xasan usoo baxay. 2.Shirkadaha Shidaalka ka sahmiyay Badda Somaliya ay Kenya ku haysatay kal hore oo uu baadigoobayo maadaama haatan Ruto unoqday Shafeeca qaadkiisa Siyaasada. Boqorka iyo RW Norway in uu la kulmo,waxaa kasoo shaqeeyay Siyaasiyiinta Somalida Norway ee…
Benny Gants oo ka mid ahaa Wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu. Gants,ayaa ahaa xubinta kaliyah ee Xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Qasa muddo hadda laga joogo Siddeed Bilood. Is casilaadda Gants,ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Israa’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Israa’iil ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen Wasiirro…
Hawlgalka dib u xoraynta Deegaanada ka maqan Gacanta Dowlada JL,ayaa saaka bilowday. Qorshaha hawlgalku,waa in la xoreeyo ilaa Badhaadhe. Hawlgalkan JL,iyadaa isku tashatay mana jiro taageero ay ka helayso Nidaamka Xasan hogaamiyo ee haysta Shatiga aqoonsiga Somaliyed. Sidoo kale Jubaland,waxay geli doontaa Doorashada Madaxtooyo Sanadkan gudihiisa. MW Axmed Madoobe,waxaa horyaala Sadex Qodob oo hortabin uleh Dowladnimada JL…. 1.Nidaamka oo wada gaara Dhulka Dastuuriga ah ee Jubaland. 2.Midaynta Canshuuraha Deegaanada JL. 3.Midaynta Ciidamada Deegaamada JL. Guusha ay gaartay ilaa iyo hada Jubaland-ta jirtaa,waa in uu dhismay Qalfooftii nidaam oo dhamaan Beelaha JL iskawada dhex arkaan.
Dib udhaca,waxaa keenay codsi dhankooda ka yimid oo ah imaanshaha Safiirka cusub ee Maraykanka uqaabilsan Somaliya. Safiirka Talaadada,ayuu imaanayaa Xamar,kadib,waxa uu soo gaari doonaa PL ilaa Jimacaha. Weftiga Maraykanka ee iskugu jira Amniga iyo Siyaasada,waxaa hogaaminaya Safiirka,waana sababta ay ubaaqdeen Maanta la’aantiis in aysan soo bixin. PL in ay wada shaqayn la yeelato reer Galbeedka,waa muhiim amniga iyo Siyaasada Geeska.
Dowlada Puntland,waxay cadaysay in aysan uxayirnayn Mashaariicda fulintooda dhankeeda. Warkan,wuxuu jawaab celin uyahay war ka yimid BC oo si hoose PL looga dalbaday in ay fasaxdo Mashaariicda oo ay ogolaato in ay Saxiixdo dhankeeda. Dhanka kale,waxaa jirtay dood Xasan waday in mudo ah oo ahayd….. “PL Nin ucaraysan RW oo Dabeecad xun,ayay u afduuban tahay ee waxba iskuma hayno,isla markaana dhankayaga wax walba waa naga diyaar”. Doodaas Xasan Caawa yay soo afjarantay oo PL si cad ugu cadaysay BC in ay diyaar utahay dhankeeda Mashaariicda in aan la Siyaasadayn. Waa mid ka mid ah dhaliilihii MW Deni lagu haystay oo…
Waa muhiim in la magacaabo Xisaabiyaha si isla Xisaabtan ujiro. Xisaabiyihii hore,waa ka baxay Wadanka oo dibada,ayuu udhoofay,isla markaana lama magacaabin mid kale,taasoo ka dhigan in uusan jirin Xaafiis la Xisaabtama hay’adaha Dowlada. Tagida Xisaabiyaha,waxaa soo dadajiyay saan xogta ku helay Dhaqaale la lunsaday oo baaris kadib uu ku Lug yeeshay. Haatan MW Deni,waxaa laga rabaa in uu dadajiyo Magacaabista Xisaabiye aan lagu soo xulin iigee ee lagu keenay Aqoon,khibrad iyo hufnaan. Xaafiiska Xisaabiyaha PL,waa awood jirta,isla markaana leh Miisaaniyad gaaraysa Sanadkii $200-kun. Xisaabiyuhu,waa umuhiim Nidaamka Dowladeed. JQ.
Weftiga Shalay soo gaaray Garowe ee ka socday Dowlada UK,waxaa qayb ka ahaa Saraakiil sar sare oo ah M16 laanteeda dibada uqaabilsan. Ujeedka imaatinkoodu,waa in ay PL kala Shaqeeyaan amaanka Geeska Afrika. Si gaar ah hay’ada sirdoonka PL ee Pisa,ayay la yeelanayaan wada shaqayn rasmi ah,waxaana kor loo qaadayaa Tababarada iyo Qalabka hay’ada,iyadoo la dhisayo garab dagaallama oo hay’adu leedahay. M16 in ay ka hawlgasho Somaliya si rasmi ah,waxaa ugu danbaysay 1991-dii Dowladii Siyaad Barre,marka laga soo tago Laan la hawlgasha SL oo Gacanta ku haysa Ciidamada RRU. Ka hawlgelida M16 ee PL,waxay utahay Sharaf,maqaam iyo fursad weyn. JQ.
17-July Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wefti uu hogaaminayo,ayaa safar ku uga baxaya Wadanka Maraykanka,gaar ahaan Washington iyo Minasota, Ohio oyo Seatllle. Safarkan,waa mid loo baahnaa oo isku xiraya Bulshada iyo Dowlada. Xiriirkii Bulshada iyo Dowlada Puntland in kor loo qaado,waa muhiim loo baahan yahay. Si gaar ah,qurba joogta waa awood xoog badan oo saamayntooda leh,isla markaana horumarka Wadanka Lafdhabar u ah. Dowlada MW Deni,waxay ku dhaliilan tahay in aysan tixgelin siin xiriirka Qurba joogta,waxaana eeda ugu weyn iska leh Xaafiiska Xiriirka Qurbajoogta oo ah mid ku fashilmay Shaqadiisa. JQ.
Weftigan sare ee ka socday Dowlada UK,waxay kala ahaayeen…. 1.Madaxa Siyaasada ee Safaaradaha UK Nayrobi. 2.Uqaybsanaha arimaha Milleteriga Safaarada UK ee Nayrobi. 3.Madaxa xiriirka Safaarada UK ee Nayrobi. 4.Madax qaybeedyo kale oo muhiim ah. Ujeedka socdaalkoodu,wuxuu daaran yahay amaanka…. B.In wada shaqayn toos ah oo PL iyo UK si rasmi ah loo bilaabo. T.In xogaha lays dhaafsado. J.In UK ka taageerto PL tababarada iyo Qalabaynta Ciidamadeeda kala duwan. Dhanka PL kulanka,waxaa Shir gudoominayay MW Deni,waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Madaxtooyada iyo Talyayaasha Ciidamada Wardoonka,Booliska,Daraawiishta iyo Badda. 10-ka Bisha,waxaa Garowe kusoo wajahan wefti Maraykan ah oo sare. Waxaa muuqata in PL…
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud,ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 Qof ay ku dhinteen tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacntay, dagaal u dhaxeeya Laba Beelood. Dagaalka,ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud. Dagaalkan oo qarxay arroornimadii hore ee Maant, ayaa waxa udhaxeeya Beelaha Dir iyo Mareexaan,wuxuuna salka ku hayaa Aanooyin Qabiil . Sidaanoo kale ayay marar dhawr ah Labadan Beelood ugu dirireen Deegaamadaas mana jirin xal Nabadeed oo la dhex dhigay. Ciidamada Dowladda Fadaraalka ah iyo kuwa Galmudug,ayaa loo diray Deegaanka dagaalku ka socdo si ay u kala dhex galaan.
Afar Jiho ayay Al-Shabaab uga soo qaadeen weerar Ceeldheer. Khasaaraha ka dhashay weerarkaas,wuxuu iskugu jiraa… 1.Dhimashada tiro Ciidan ah oo ay ku jiraan Saraakiil ay ka mid yihiin… B.Yoonis Xassan Sabriye. T.Col.Cabdulle. 2.Nabaddiidku,waxay Gacanta ku dhigeen Gaadiid dagaal oo gaaraya Labaatameeyo. Shabaab,ayaa mudo gaaban la wareegay Gacan ku haynta Degmada Ceel-dheer,kadibna way iskaga baxeen. Sidoo kale,waxay Shabaab soo bandhigeen Sawirada Gaadiidka ay qabsadeen iyo Calankooda oo ay ka taageen Degmada. Weerarka Shabaab waxa uu waji gabax ku yahay Xasan Shiikh oo ku faanay in uu ku guulaystay dagaalka Wajigiisii 1-Aad. Waxaa iswaydiin mudatay Alshabaab in ay weerar kusoo qaadaan Ciidamada…
Gudi aan la Xisaabtami karin Wasaarada Maaliyada,muxuu macna ah oo uu leeyahay? Gudiga Baarlamaanka ee Dhaqaalaha uqaabilsan,waa lagu tartamaa,sababtoo ah,waxa uu helaa xoogaa Gacan maris fiican ah marka ay ansixinayaan Miisaaniyada. Xubin walba oo Gudiga ka mid ah,waxaa la siiyaa $2000 oo lagu magacaabo hawl fududayn la micno ah hanala Xisaabtamina ee duuduub usii daaya Miisaaniyada. Miisaaniyada Dowlada PL,waa mid kaliya ee aan la shaacin marka la barbardhigo tan DFS iyo SL….. B.Lama yaqaan Miisaaniyada Madaxtooyada ku baxda. T.Lama yaqaan Miisaaniyada Baarlamaanka ku baxda. J.Lama yaqaan Miisaaniyada Wasaaradaha. X.Lama yaqaan Amniga Miisaaniyada ku baxda. Sida aan xogta ku helay lama…
Shacabka Kenyanka,waxaa baqdin gelisay sida xooga badan ee Somalidu usoo degayso Wadankooda,gaar ahaan Caasimadooda Nayrobi. Barnaamij laga sameeyay soo degida Nayrobi ee Somalida,ayaa lagu sheegay 2050-ka in Qof walba oo Somaliya Guri ku yeelan doono Nayrobi. Dareen,waxaa ka dhex abuurmay Shacabka Kenya wata cunsuriyad oo oranaya “Somalidu Dhulkay naga qaadaysaa”. Waa mida keentay in haatan la Maxkamadaynayo koox isticmaashay Social Media oo kicin waday. Dareenka ugu weyn ee deg-deg ah,waxaa dhaliyay booqashadii Xasan Shiikh ee BBS Mall iyo tii Xamse. Xulka Siyaasada iyo Ganacsiga Somalida,gaar ahaan Wasiirada iyo Xildhibaanada,waxay 80% Guryo ku leeyihiin Nayrobi. 66-da Xildhibaan ee Baarlamaanka PL 36-ka…
Labo Xubnood oo argagixisada ka mid ah ayay Gacanta ku dhigeen Ciidamada PSF. Labadan Xubnood oo ay soo bandhigeen Ciidamada PSF,ayaa kala ah.. Marka ay timaado la dagaallanka argagixisada PSF,loogama maarmo,waxayna ku leeyihiin taariikh soo jireen ah,waxayna mudan yihiin bogaadin. Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso amnigeedu,waa muhiim kumana jiro gorgortan. Argagixisadu,waxay ka mid tahay kooxaha khatarta ku ah amniga Bosaso.
Kulankaas,ayaa Amniga iyo siyaasada looga wada xaajoonayaa,wuxuuna weftigu iskugu jiraa mid Siyaasadeed iyo Mid Ciidan. 10-ka Bishan,ayuu ka dhici doonaa Garowe. Qodobada laga wada hadli doono,waxaa ka mid ah…. Amaanka? Maraykanku,waxuu tababar iyo Qalab siinayaa Ciidanka PL. Sidoo kale PL waxay siinaysaa Maraykanka fariisin rasmi ah. Maraynkanku,wuxuu kaloo isticmaali doonaa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. PL,waxay ka heli doontaa wada Shaqayn uu la sameeyo Ciidankeeda. Siyaasada? Safiirka Maraykanka,waxaa ajandayaashiisa ka mid ah in uu ka dhagyasto PL aragtideeda ugu danbaysa ee Dowlad dhiska Somaliya. Si gaar ah khilaafka PL iyo DFS ee Dastuurka baalmartay,ayaa uqorshaysan Safiirka in uu dhexdhexaadin ka bilaabo. Kulankaas…
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa maanta in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026. “Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan. “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay. Soomaaliya in ay…
Somaliya,waxay utahay sharaf iyo soo kabasho. Dowlad masuul ah qaybna ka ah waxkaqabashada xasarada amni iyo Siyaasadeed ee caalamka ayay noqonaysaa Dowlada Somaliyed. Balse Dowladnimadu waa gudaha iyo maxaliga oo la hagaajiyo. Awoodaada Dowladnimo ee gudaha inta ay le’eg tahay ayay saamayntaada dibadu yeelanaysaa. Nin Gurigiisu gubanayo ama aan Gacantaba ku hayn yaa wax ka dhagaysanaya? Maxay soo kordhisay Cunaqabatayntii Hubka ee la qaaday? Maxay soo kordhisay Dayn cafintii la sameeyay? Xubinimada Golaha amaanka,waa la mid noqonaysaa hadaan loo helin Siyaasad gudo oo midaysan. Cidii rabtaa ha sheegto lkn waa wax ufiican Wadanka Xubinimada Golaha amaanka ee QM. JQ.
The UN General Assembly on Thursday elected Denmark, Greece, Pakistan, Panama and Somalia to serve as non-permanent members on the Security Council for two-year terms beginning on 1 January next year. They will replace Ecuador, Japan, Malta, Mozambique and Switzerland, whose terms end on 31 December. In a secret ballot, the elected countries secured the required two-thirds majority of Member States present and voting in the 193-member General Assembly. The new members will join existing non-permanent members Algeria, Guyana, the Republic of Korea, Sierra Leone and Slovenia, whose terms started on 1 January. The five permanent Council members, each wielding…
Militariga Israa’iil,ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda. Refael Kauders ayaa Arbacadii “ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga”, ayey ciidamadu ku sheegeen Website-kooda. Warbixin kooban oo uu siiyay warbaahinta, ayaa afhayeenka ciidamada Colonel Peter Lerner waxa uu ku sheegay in Kauders, oo 39 jir ahaa, lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Xizbullah ku qaadeen magaalada Hurfeish ee waqooyiga Israa’iil. “Waxa ka dhashay natiijo xun, dabcan,…
50-Sano kadib,waxay Somaliya Xubin ka noqotay Golaha Amniga QM. 2 -Sano ayay Xubintan haynaysaa oo qayb ka ahaanaysaa 10-ka Wadan ee aan joogtada ahayn ee la doorto Somaliya. 1972-dii ayaa ugu danbaysay Somaliya ka mid noqoshada Golaha amaanka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Ci_K9WACtfE?si=IcqR0QbF4Rk83cCd