Shariif,waxa uu ka hadlayo waa dhab,wuuna ku dhiiraday in uu tilmaamo,waxayna muujinaysaa in uu jiro Siyaasi ay isku khaanad yihiin Xasan iyo kooxdiisa oo diidan burburinta Dowladnimada loosoo dhiig baxay. Balse Shariif waxa uu markale ku waayay in uu noqdo MW oo Khaanadiisu ugarab istaagi wayday,waxay tahay aragtidaas uu leeyahay oo ka saraysa mida ay ka duulayaan hormuudka Siyaasadeed ee Khaanadiisa Beeleed. Sharif,waa madi marka laga hadlayo Siyaasi kasoo jeeda Khaanada Beeleed ee Xasan macnana ma samaynayo hadalkiisu,sababtoo ah lagama rabo Xamar Dowladnimada uu ilaalinayo. Shacabka Xamar ee caadiga mahan,waxa laga hadlayo ee waa hormuudka Siyaasadu uxiran tahay ee hogaamiya,waxa…
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Fiqi in uu yiraahdo Dastuurkii uu ku dhaartay,waxaa noosoo samaysay Itoobiya? Sidoo kale yiraahdo Dowlada uu Wasiirka ka yahay,waxaa noo keentay Itoobiya? Labadaas,waxay ku tusayaan Sadex arimood oo kala ah… 1.Xamar aragtida taala. 2.Dowladnimadii Xamar la geeyay meeshay ku danbaysay. 3.Dadka lagala xaajoonayo masiir Umadeed midabkooda sida uu yahay. PL maxaa qabta? In ay ku adkaysato mowqifka hada ay taagan tahay ee ah in aysan qayb ka ahayn Dowladnimada Xamar taala,taasoo keeni doonta in awoodihii ay horay ubixisay dib ugu soo laabtaan oo Wadanku kusoo noqdo Sadexdii qaybood halka hada uu ka yahay DFS iyo DG. PL way muujisay Siyaasiyan…
Ninka dilay,waxaa layiraahdaa Axmed Maxamuud Maxamed Jaamac,Naynaasta Aabihii waxaa la dhahaa Ina Sharibood. Ninka wax dilay,waa Jiri Dad hore dhaawacay,waxa uu ku dilay Deegaanka Seemade oo ujira Gaalkacyo 150-km oo uu ka ahaa Macallin Ninka la dilay. Ciidamada amaanka,ayaa ku baxay,waxaana la filayaa Saacadaha soo socda in Gacanta lagu soo dhigo. Dadka Deegaanka si weyn ayay uga xumaadeen Dilka Ninkan oo lagu Magacaabi jiray Xamse Muuse Ducaale oo ahaa Macallin iyo Imaam oo kasoo jeeda Gobolka Awdal SL.
Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa caawa ansixiyay Liiska xlXildhibaanada Golaha Deegaanka Sadexda Degmo ee kala ah…. 1.Garowe. 2.Dangoranyo. 3.Godobjiiraan. Halkan ka akhriso:-
Tababar ay iska kaashadeen Dugsiga Tababarada Ciidamada PMPF iyo EUCAP Somaliya,ayaa loo soo xiray Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Cutubyada Badda ee PMPF, kuwaas oo lagu layliyey:- 1. COAST GUARD FUNCTIONS (Shaqooyinka Tabaha Hawlgallada Badda) 2. COL-RAGs (Barashada Sharciyada Badda) 3. MARPOL (Ka dhawridda Badda iyo Deegaanka Qaashinka iyo Sunta) 4. RADIO COMMUNICATION 5. SEAMANSHIP (Xirfadaha Bad-maaxnimada) 6. NAVIGATION (Jiheeyayaasha Badda) 7. WEATHER (Cimilada) 8. SAFETY at SEA (Bad-qabka Badda) 9. CHART READING ( Akhrinta Halbeegyada) 10. BOAT HANDLING (Cilad Bixinta Doonyaha)
In ku dhow 6000 oo Qof sheeganaya Shaqaalaha Dowlada Fadaraalka ah,ayaa ku sugan Turkiga. Dadkan,ayaa wata Basaboorka Shaqaalaha Dowlada (Service Passport). Tani,waxay keentay in Dowlada Turkigu joojiso Basaboorka Shaqaalaha in ay ku bixiso Visa Safaaradeeda Muqdisho. Sidoo kale Midowga Yurub,ayaa kusoo rogay Basaboor Somaliga nooc walba uu yahay,si gaar ahna Service Passport ee Shaqaalaha Dowlada in aan toos loo siin Visa. Midowga Yurub,waxay soo saareen Shuruudo ay ka mid yihiin… 1.In laga dhigo Lacag rahmad ah Qofka Visa dalbada. 2.In 45-Cisho laga hayo Passport-ka. Horay,waxay Shaqaalaha Dowladu ku heli jireen Visaha 14-Cisho gudahood. Arinkan,waxaa keenay kadib markii Dad sheeganaya Shaqaalaha…
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga. Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda. Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la…
Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia, taas oo haatan ay Qaramada Midoobay ku sheegtay tirada dhimashadu inay haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof. Kooxaha gurmadka degdegga ah,ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadan. Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka. Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo…
Warqadii usoo saaray Todobaadkii hore Wasiirka Arimaha Dibada DFS FFiqiayay Warqadan jawaab utahay. Itoobiya,waya iska beri yeeshay eedaha ay usoo jeedisay Somaliya,iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn oo iska hor imaanaya. Sidoo kale Itoobiya,waxay sheegtay in ay garab taagan tahay Shacabka Somaliyed. Dad badan,ayaa qaba in Warqadii Fiqi soo saaray ay uqalanto jawaabtan yasmada ah ee bahdilka ku ah Maqaamka Dowladeed ee Somaliya. “Waxay ahayd Warqad fadhi ku dirir oo ka hoosaysay mid kasoo bixi karta Wasaarad uqaabilsan Jamhuuriyad dhaDiblomaasiyadee”Ayuu yiti mid ka mid ah Diblomaasiyiintii hore. Ilaa iyo hada Dad badan,ayaa iswaydiinaya,waxa Fiqi ula jeeday Warqadaas oo ay…
Qof walba,waa ku wareeray fasirka iyo macnaha heshiiska Maanta ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Fadaraalka ee Somaliya iyo Imaaraadka. Heshiisku,wuxuu sheegayaa in uu yahay Kalluumaysi,hadana,waxaa wadata Shirkad Dekedaha ka Shaqaysa oo la yiraahdo Abu-dhabi. Sidoo kale,waxaa cajiib noqotay in Wasaaradii Dekedaha ee DFS aysan horkeenin Shirka heshiiskan ee ay keentay Wasaaradii Kalluumaysiga. Macnaha lala yaabay,waa in heshiis Kalluumaysi ay wadato Shirkad Dekedaha ka Shaqaysa,isla markaana Wasaaradii Dekedaha uqaabilsanayd Somaliya aan meelna laga soo gelin oo tii Kaluumaysigu horboodayso. Sidaan xogta ku helay Wasiirka Dekedaha DFS si weyn,ayuu udhibsaday in isagoo fadhoya Golaha Shaqadiisii loo Gacan dhaafay oo aan la xurmayn.…
Laba arimood oo dhacay Xasan,waxay gaarsiiyeen dhaawac wey oo Siyaasadeed oo uusan kasoo kaban karin…. 1.Deni oo dhamaystiray Doorashadii Qof iyo Cod ee Golayaasha Deegaanka;iyadoo Xasan ku dhici waayay xataa in uu bogaadiyo. 2.Axmed Madoobe oo aan adeegsan Macawisley,ayaa jab xoog leh gaarsiiyay Argagixisada,isla markaana Ciidanka Maamulkiisu,waxay xagsadeen goobihii horay looga saaray argagixisada. Safiirada Xalane,waxay maqsuud ka noqdeen sida ay usoo dhamaatay Doorashadii Golayaasha Deegaanka PL,wayna hanbalyeeyeen,haatana,waxay ka hadlayaan in Xasan xataa ku filnaan waayay Xamar oo Ciidamada Atmis joogaan in uu ka qabto Doorashada Golaha Deegaanka oo Qof iyo Cod ah. Sidoo kale Safiirada Xalane oo diidanaa in Macawisley…
Shirkad Somaliyed oo ay maalgashteen Dad Somaliyed oo gaaraya 700-Qof,ayay noqotay Shirkada Wadaagsin. Wadaagsin kaliya mahan Shirkad Somaliyed ee waa mid guulaysatay oo tilmaan unoqon karta guulaha Somalidu ka gaartay Nolosha. Waxaa soo jiidasho leh maalgashiga Shirkadan in aysan ahayn kaliya Adeeg sida kuwa isgaarsiinta ee ay tahay Maalgashi Dhuleed oo abuuraya horumar Deegaan. Shirkan,waa kii 5-Aad oo ay yeeshaan Hantilayaasha,waxaana ka mid ahaa Qodobada horyaala…. 1.Dib U doorashada Golaha Fulinta. 2.Sii socoshada dhismaha Wadada iyo Dekeda. 3.Heshiiska looga iibinayo qayb ka mid ah Saamiga Dekeda Shirkad Imaaraatiya. Halkan ka daawo muuqaalka JQ.
Dhaliishii ka jirtay gudaha Ciidanka Badda Puntland wax la taaban karo,ayaa laga qabtay. 1.Adeegii Caafimaadka,wax la taaban karo,ayaa laga qabtay oo Qalab iyo Dhakhaatiir waa la dul istaagay. 2.Adeegii Cuntada,wax la taaban karo,ayaa laga qabtay. Waxaa la xiray oo la xukumay Saraakiishii keentay dayaca dhacay oo sababay in Ciidanku gadoodo. Dhanka kale Ciidankii PISF ee lagu daray Ciidanka Badda,waxaa la siiyay ku xigeenka Ciidanka Badda,waxaana loo dhiibay Maxamuud Abshir Ismaaciil oo ah Sarkaal aad loo amaanay oo ahaa Taliyihii Ciidamada PISF ka hor PISF soo noqday Madaxii hawlgelinta ee Ciidankii PSF. Si guud,waxaa muuqata in Ciidanka la ilaaliyay. Ciidanka Badda…
Garoowe : 25 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:- 1. Amniga Guud 2. Boggaadinta Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan. 3. Warbixinta guddiga nabadeynta beelaha ku dagaalamay Mudug. 4. Xogta Caafimaadka Puntland iyo qodobo kale. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Muqdisho, 25, Luulyo 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka…
Shir weynaha Sannad laha ah ee Hantiilayaasha Shirkadda Wadaagsan,ayaa maanta ka furmay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,isagoo soconaya Muddo Shan Cisho ah. Qodobada Shirkan horyaala,ayaa,waxaa ka mid ah….. 1.Dib udoorashada Gudiga hogaaminaya Dekeda. 2.Qorshaha dhamaystirka Dekeda iyo Wadada Garacad-Gaalkacyo. 3.Heshiiska Dekeda Saami looga iibinayo SShirkadaAbu-dhabi Port. Maalmaha soo socda,ayaa la ogaan doonaa waxa kasoo baxa Shirka Hantiilayaasha Dekeda.
“QM waxay bogaadisay Doorashada Golayaasha Deegaanka ee sida xasiloonida iyo fufnaanta leh ku dhacday ee Degmooyinka 3-da ah PL”. Fariinta QM macno ayay uleedahay Dimuqraadiyada bilowga ah iyo nidaamka PL. Hirgelinta Doorashada Qof iyo Cod waxay kor usii qaaday Maqaamka Dowladnimo ee PL . PL doorkeeda curadnimo ee Somaliya,ayay sii xagsatay,waxaana qirtay QM. Hooyada Fadaraalka oo noqotay hogaamiyaha Dimuqraadiyada. JQ.
Doorashada Sadexda Degmo majirto Xisbi kaligii soo dhisi kara Duq Magaalo oo helay Cod ku filan. Garowe oo Caasimada Puntland ah Xisbiga KAAH,ayaa hayay Duqeeda,haatan ma helin Xubno ku filan oo uu markale ku hanan karo Duqa Caasimada. Sida muuqata,waxuu ku khasban yahay in uu la midoobo Xisbiyada kale oo ay awood qaybsi samaystaan. Xogo,ayaa sheegaya in Mideeye oo kale rabo Wasiir Dowlada Dhexe ah hadii uu Xubnihiisa ku taageerayo Duqa KAAH wadato. Sidoo kale,waxaa jira Xisbiyo kale oo danaynaya in KAAH uga tanaasusho Duqa Godob jiraan ama Dangoronyo,iyaguna ay uga tanaasulaan kan Caasimada. Si guud Doorashada Sadexda Degmo,waxaa ugu…
Dimuqraadiyada Puntland in ay miro dhal tahay,waxaa kuu tilmaamaya,iyadoo bilow ah in Golaha Deegaanka Caasimada Garowe ay Xubno ka heleen Somalida kasoo kala jeeda KG iyo Beelaha Jareerweyne. Waa tilmaan ilbaxnimo,bisayl,is dhexgal iyo wada noolaansho. Doorasahada xigta,waxay keeni kartaa in Duq Magaalo uu kusoo baxo Qof kasoo jeeda Bulshooyinka Somaliyed ee aan Deegaanka u ahayn PL. Xaqiiqdii si weyn,ayaa loo amaanay hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Puntland. JQ.
Natiijada Hordhaca Garowe.? KAAH-12 Xildhibaan. HORSEED-6 Xildhibaan. SINCAD 5-Xildhibaan. MIDEEYE – 2 Xildhibaan. SHAQAALAHA 2-Xildhibaan. RUNCAD 2-Xildhibaan. IFIYE- 2 Xildhibaan. MUSTAQBAL – 2 Xildhibaan. Dangorayo: Natiijada Horudhaca ah ee Doorashada saddexda Degmo. Godobjiiraan: Natiijada Horudhaca ah ee Doorashada Saddexda Degmo. JQ.
Jaaliayada Puntland ee UK,ayaa dooratay hogaan cusub oo ay yeelanayso Jaaliyadaas. Gudoomiyaha Jaaliyada,ayaa loo doortay Marwo. Jawaahir C.qaadir Carabay,waxayna xilka haynaysaa ilaa 2026. Jaaliyada UK,ayaa ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan ee ugu miisaanka culus Jaaliyadaha PL ee Qurbaha. Isbadalka Jaaliyada,ayaa ah mid Dimuqraadiya oo mudo xileed leh,qabsoontana ,hoos ka daawo muuqaalka Xaflada. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/esV_9QmUXxk?si=bUq1brWZv8JzRIR2
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilaahi Deni, ayaa soo booqday Xarunta la socodka Doorashooyinka Sadexda Degmo, halkaas oo u kuur galay Sida ay qabsoontay Doorashadii maanta. Madaxweyne Deni,ayaa Shacabka fariin iyo boggaadin u diray ka hor inta aan lasoo xirin Goobaha Codbixinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa soo xirmay Goobaha Codbixinta Doorashooyinka Sadexda Degmo ee Garowe,Dangoronyo iyo Godobjiraan. “Haddii lagaaro Lixda Maqribnimo Ciidamada amaanku safka waxa ay ka jarayaan meesha udanbeysa, waxaana codeyndoona inta safka taagan oo kali ah”Ayuu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka PL. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Deni,ayaa Bulshada Puntland iyo Sonaliya,ayaa la hadlay Doorashada kadib;hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe: 23 July 2024 : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta codkiisa dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Garoowe, isagoo ka codeeyay goobta codbixinta ee Iskuulka Ilays. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay maanta ay tahay maalin taariikhi u ah Bulshada Garoowe oo markii u horeysay qof iyo cod ku dooranaya Golaha Deegaanka, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wadaagay dareenkiisa bulshada in uu ku faraxsanyhay in uu codkiisa dhiibtay maanta. Doorashada Goleyaasha deegaanka ayaa maanta ka socota degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo ay kumanaan Dadweyne ah safaf dhaadheer saaka u istaageen in ay codeeyaan.…
Waxaa Maanta si rasmi ah ubilaabatay Doorashada Sadexda Degmo Ee Dangoronyo,Godob-jiraan iyo Garowe. Doorashadan oo ka hartay 3-Da Degmo,waxay ka harsanayd 33-dii Degmo ee Golayaasha Deegaanka. Puntland waxay utahay guul taariikhiya oo soo xirtay Wajigii 1-Aad ee hayaanka Dimuqraadiyada Puntland ee ah Golayaasha Deegaanka. Majiri doonto Duq Magaalo oo danbe oo Digreeto lagu Magacaabo iyo Gole Deegaan oo Hab Beeleed lagu soo xulo. Loolanka Siyaasada Somaliya PL macno ayay uleedahay Doorashadan,si gaar ah MW Deni,waxay utahay fariin uu udirayo Somalida kale iyo hankiisa.
Waa Warqad aad uqiimo yar oo muujinaysa sida Wasiirka Arimaha Dibada umacno yar yahay. Hadaladiisii iyo aragtidiyadiisii ku salaysnaa wararka Baraha Bulshada,ayuu ku maareeyay Diblomaasiyadii Wasaarada Arimaha Dibada. Erayga ah…”Hogaamiyaha Gobollada Waqooyi”…waa luuqad fadhi ku dirir oo qayb kasii qaadanaysa kala taga Ummadda Somaliyed oo aan ku haboonayn masuul Afkiis in ay kasoo baxdo. Erayada ah…”Itoobiyaa Hub Somaliya kusoo daldalaysa”..Cida Hubka Itoobiya kasoo iibsatay,waa Dowlada Fiqi Wasiirka ka yahay ee Itoobiya Hub uma soo rarin reer CW. Erayada ah…”CW Maleeshiyo joogta,ayaa Hubka kusoo weerartay Ciidan Dowladeed”..Waa marin habaabin ee CW ,waxay ka hor tagtay Hub Sharcidaro ah oo ay wadato…
Kamala Harris haday soo sharaxaan Dimuquraadigu,waxay soo dedejinaysaa Trump in uu si fudud oo waliba kaba dhib yar sidii hore uu kusoo baxo sababahan awgood… 1.Kamala,waa Qof Dumar ah lagama jecla Maraykanka hogaanka ugu sareeya Dalka Qof Dumara in ay noqoto. 2.Waa Gabar Madow ah Maraykanka iyo taageerayaasha Cadaanku waxay codka siinayaan Trump. 3.Lalama bar bar dhigi karo Obama kamala Haris waayo wakhtigii Obama Maraykanku fadeexado Dhaqaale xumo iyo Dagaalo Badan oo uu galay,ayuu ku qarinayay Obama laftiisu Ma’ahayn nin Dabyar shidayay. 4.Hadii Qof Dumar ah hogaanka Maraykanka qabanayso Majirin Gabar Siyaasad ahaan Magac ahaan Dhaqaale ahaan uga haboonayn Hilary,sidaas…
Deegaamada Buulo-xaaji,Harboole iyo Biibi ee Jubaland ayay argagixisadu soo weerartay Xalay 3-dii Habeenimo. Dagaal socday ku dhawaad Sagaal Saac,ayaa dhacay oo ugu danbayn argagixisada lagu jabiyay. Ku dhawaad 150-Maleeshiyada argagixisada ah,ayaa lagu dilay dagaalka,kuwaasoo Maydkooda laga ururinayo goobihii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale,waxaa Gacanta looga dhigay Hub fara badan oo ubadan midka fudud ee yar-yar Dhanka JL khasaaraha soo gaaray,waa… 1.Dhimashada 6-Askari. 2.Laba Gaari oo Gacanta argagixisada si khaldan ugalay. 3.Wasiirka Diinta oo Qarax kasoo gaaray dhaawac fudud. Jubaland Xalay si adag ayay iskaga caabisay argagixisada kusoo weerartay ku dhawaad 400 oo Nin iyo Sadex Gaari oo Qaraxya ah fariisimaha…
Madaxweyne Joe Biden,ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka Madaxweynaha Mareykanka,isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho. Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee Ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025. Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan. “Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba…
Waxaa isu soo baxi udanbeeyay ee Xisbi Siyaasadeedka Kaah kala qeybgalnay bulshada Caasimada Garowe Madaxweynaha Dowlada Puntland. mW Deni,ayaa Dadweynaha ka codsanay in ay codka siiyaan Xisbiga KAAH, Maalinta Doorashada oo ku beegan 23 July 2024. Halkan ka daawo muuqaalka
Shir Qurba joog Somaliyed leedahay oo lagu qabanayo Qurbe kale maxay tahay macnaha ku jira oo RW u aadayo? Qurbajoogta Somaliyed kulankoodu,wuxuu macno yeelan lahaa markii ay gudaha Wadanka ku kulmaan. Mida kale oo iyaduna meesha ku jirta,waa in Shirkan ay Dowlad shisheeye dano dhexmarsanayso,iyada muhiimad Qaran uleh. Xamse loolanka ka socda Xaafiiskiisa in uusan waxba ka gelin oo uu Magac uyaal yahay,waxaa kuu muujinaya sida uusan udareensanayn. Markaadan waxa socda saamayn ku lahayn oo Kursigaaguna xawilan yahay,sida Xamse,ayaa laguu dirayaa meel aysan waxba ka jirin. Ma ahayn maalin uu udhoofo kulan aan qiimo ulahayn danaha Qaran RW masuul ah…
Shirkada Diyaaradaha Itoobiyan Airlines,way ku Ceebowday muuqaalkan oo uu baahiyay Wariye ka tirsan TV-ga CNN. Ilaa iyo hada war lagu qanci karo kama aysan soo saarin Shirkada Itoobiyaan Airlines dhacdadan. Marmarsiiyaha ugu weyn,waa in Tigidho ka badan intii loogu talagalay la gooyay,taasoo laftigoodu fadeexad ku ah Shirkada iyo Maamulkeeda. Itoobiyan Airlines arin sumcad dil ku ah oo fariin khaldan ka bixinaysa maamulkeeda,ayay noqotay dhacdadan. In Wasiir looga dajiyo Diyaarad Qof caadiya,waxay ka tahay caalamka horumaray wax aan dhici karin oo aan la aqbali karin balse Dunida 3-Aad,gaar ahaan Afrika waa wax dhaca. JQ.
Tiro Xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa horgeeyay Golaha Mooshin ku saabsan wax ka baddalka Ajandayaasha maalmahan ay ka doodayeen. Xildhibaanadan,ayaa dalbaday ka doodista arrimo ay ka mid yihiin amniga marxaladda uu dalka hadda ku jiro sida arrinta hubka ee Caabudwaaq oo maalmahaan aad loo hadal hayay iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaanka. Mudaneyaasha Golaha Shacabka,ayaa u codeeyay in la gudo galo mooshinka oo ay saxiixeen 18-Xildhibaan,iyadoo Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya la guda galayo ka doodista arrimaha ay mudanayaasha soo jeediyeen iyo wax ka baddalka Ajendaha. Xigasho:-VOA
Milateriga Israa’iil,ayaa sheegay in ay qabteen Gantaal laga soo tuuray Yemen Subaxnimadii hore ee Axaddan,Saacado kaddib markii Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo Xuutiyiinta oo ku yaalla Jasiiradda Carabta. Duqeymaha Cirka ee Israa’iil, oo ay kaga jawaabayaan duqeymo ba’an oo ay Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ka geysteen Magaalada TelAviv,ayaa ahaa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay ka jawaabto weerarrada soo noqnoqday ee Xuutiyiinta muddada Sagaalka Bilood ah ee ay dagaalka kula jirtay Xamaas. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/O14YRAxW0xQ?si=COOi2utiOGRCATCS
Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Garoowe: 20 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 ee 20-ka Luulyo 2024, kuna saabsan magacaabid Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Xasan iyo Aadan Madoobe,waxay isla qaateen In dib loo dhigo Magacaabista RW/X loo ballan qaaday D&M. Sidoo kale,waxay isla qaateen in Saalax Jaamac lagu bedelo Siyaasi kasoo jeeda Beesha Dirta koofureed. Isbadalladan,waxay dhacayaan sida la qorsheeyay Maalinka Axad ah ee Berri foog ku beegan inta uusan Xamse udhoofin Dalka Qatar. Sida muuqata Dirta Waqooyi Xasan,waa kala tageen,si gaar ah Saalax iyo Xasan waa kala fogaadeen oo Mudaahaaraadkii Shalay ka dhacay Xaafiiska RW,waxaa loo haystaa in uu Saalax ka danbeeyay. Xasan Geedkuu qabsadaba,waa la go’ayaa. JQ.
BANDHIG FURSADO SHAQO Fursadaha Shaqo ee Wasaaraddu ay qaadanayso ayaa kala ah; 1. Maamulaha Dugsiga Sare ee Buurtinle. 2. Maamulaha Dugsiga Sare ee Gambool-Garoowe. 3. Maamulaha Dugsiga Sare ee Baargaal. Xirfadda iyo Heerka Aqoonta looga baahan yahay codsadaha shaqada: 1. Muwaadin Soomaali ah. 2. Shahaadada darajada Koowaad ee heer Jaamacadeed oo ay Wasaaraddu ay aqoonsan tahay. 3. Khibrad macallinnimo oo aan shan sano ka yarayn. 4. Khibrad Maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 3 sano. 5. Ku tilmaaman yahay sifooyinka hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada. 6. Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax…
Dhammaan Xildhibaanada D&M ayaan saakay tagin hoolka Barlamaanka. Xildhibaanada DM,waxay ku doodayaan in marka hore loo magacaabo RW ku xigeenka 2-Aad. Gadoodka Xildhibaanada DM,waxay sii cuslaynaysaa xaalada Siyaasadeed Wadanka. Fadhiga Baarlamaanka in ay ka maqnaadaan Xildhibaanada matala mid ka mid ah Beelaha awood qaybsiga 4.5 horay uma dhicin. Hadii DM la qanciyo oo loo Magacaabo RW xigeenka 2-Aad,waxaa Markooda iyaguna gadoodaya kuwa Beesha Direed. Xasan Shiikh,iyadoo aysan 3-Sano gaarin mudo xileedkiisa ayay Siyaasadu ku cakirantay. JQ.
Qof walba oo Somaliya oo aragti leh,waa in uu ku taageeraa Xil.Abiib hadalkiisa Maanta ee uu ku ilaalshay Midnimada iyo jiritaanka Somaliland. Saakay in uu kaga dhawaaqo Awdal in uu ka go’ay SL,waxay jab kusii ahaan lahayd Somalida Geeska Afrika ee xaalada adag ku jirta. Hankiisa iyo danaha Deegaankiisa,ayuu fahmay oo usahan tagay,wuxuuna uquusgooyay isbahaysiyadii kasoo horjeeday Somaliland. Caqliga saliimka ah ma taageerayo in Dhul iyo Dad Somaliyed la burburiyo oo laga Shaqeeyo kala tagooda. Somaliland oo isku duuban,isla markaana samaynaysa horumar,ayaa wax noogu taal hadaan nahay Ummadda Somaliyed. Abiib fariin buu udiray Villa Somaliyada keeni wayday aragti midayn karta…
Golaha Wasiirada,waxaa laga ansaxsaday oo Xeer loo badalay go’aamadii Shalay kasoo baxay Kulankii Gudiga Amniga Qaranka. Waxaa dhamaan soo iibinta Hubka loo xiray Wasaarada Gaashaandhiga. Waxaa la ansixiyay Sharci ay soo gudbisay Wasaarada Amniga. Ujeedka Xasan kulankan uqabtay Caawa,waa in BC la dajiyo dareenkeeda ka kacay Hubkii CW. Waxaa Nayrobi ka yimid Gudi ka socda dabagalka Cunaqabataynta Hubka oo baaris samaynaya. Dhanka kale,waxay warar sheegayaan Maagacaabista RW xigeenka 2-Aad in aysan Ajandaha ku jirin Caawa oo Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beesha Direed xog khaldan la siiyay,halka warar kalana sheegayaan in Ajandaha laga saaray,balse ay dhici karto in Warqad caadiya ay kusoo…
Sida wararku sheegayaan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Beesha Direed,waa la qanciyay,waxaana loo xaqiijiyay in aan la magacaabayn Xaafiiska ku xigeenka 2-Aad. Xasan Shiikh Reer KG iyo Beesha Direed,waa ku ciyaarayaa oo Labadaba ,waxa uu muujinayaa in uu wax la rabo. Dir,wuxuu ku yiri..”Kursiga Difaacda KG,ayaa culays igu haysa”. KG,waxa uu ku yiri…”Waa laydin magacabaayaa Kursiga ee iska difaaca Dirta”. Ujeedkiisu,waa in uusan culays kala kulmin Xildhibaanada Labada Beelood oo qorshihiisii Dastuurka usii socdo. Xildhibaanada iyo Wasiirada KG,waxay sugayaan magacaabista Saalim Caliyow Ibrow oo ay soo gudbiyeen mana aqbalayaan ka laabasho. JQ.
Maxay tahay Xasan oo taagnaa Dalku ma qaadi karo MW iyo RW in uu Maanta rabo in la soo cesho RW xigeen 2-Aad? Maxaa looga baahan yahay RW ku xigeen 2-Aad? Ma loo hayaa Dhaqaale iyo Shaqo RW xigeen 2-Aad? Ma baahi Dan Qaran ah,ayaa jirta oo keenaysa in la magacabo? Waa su’aalaha iswaydiinta mudan ee dul hoganaya Magacaabista RW xigeenka 2-Aad ee la sugayo in la shaaciyo. Sida xogaha lagu helayo reer KG,ayaa dalbaday in ay awood ku yeeshaan Golaha fulinta. KG,waxay ku doodaysaa in Beesha Direed Aqalka sare hogaamintiisa haysato hadana fulinta ku xigeen ku leedahay. Xasan oo…
Xaruntii Shirarka ee Xaafiiska RW,waxaa hor taagan in kulankii Golaha Wasiirada ka furmo Siyaasiyiintii Beesha Dirta Waqooyi oo diidan in la magacaabo RW xigeen 2-Aad. Sida Wararku sheegayaan RW xigeenka 2-Aad,waxaa loo magacaabaya Siyaasi kasoo jeeda Koonfur-Galbeed. Beesha Dirta Waqooyi,ayaa u aragta in Booskan ku xigeenka RW ay leedahay oo la macno tirayo. Waxaa hada socota waan waan lagu qancinayo mudaaharaadka Siyaasiyiinta Beesha Direed ee kulanka hor istaagay . JQ.
WASHINGTON — Today, the U.S. Department of the Treasury’s Office of Foreign Assets Control (OFAC) is designating and identifying as blocked property a dozen persons and vessels, respectively, that have played a critical role in financing the Houthis’ destabilizing regional activities as part of the network of Sa’id al-Jamal. Today’s action includes Indonesia-based Malaysian and Singaporean national Mohammad Roslan Bin Ahmad and People’s Republic of China (PRC)-based Chinese national Zhuang Liang, who have facilitated illicit shipments and engaged in money laundering for the network. Sa’id al-Jamal’s network continues to provide tens of millions of dollars in revenue to the Houthis…
Qoor-qoor,waxaad moodaa in uu Siyaasada ku nasiib badan yahay oo Ragii looga cabsi qabay in ay Kursiga ka qaadaan,waxaa ugu hilnaa Mahad Salaad iyo Liibaan Shuluq. Mahad Salaad,waa ka dhintay oo rajadiisu aad ayay uhoosaysaa markii dhinacyo badan laga eego. Liibaan Shuluq oo fursadihiisu xoog badnaayeen haystayna Dhaqaale iyo taageerada Villa-da,waxaa dilay Hubka CW lagu qabtay. In uu Libin helay Qoor-qoor,waxaa muujinaya,waxaa Godadkii kasoo baxay Xildhibaanadii Villa-da ee dhisayay Shuluq. Loolankii qarsoonaa markii Qoor-qoor ku guulaystay,waxaa bilowday mid muuqda oo Saxaafada toos loo isticmaalayo. Sida muuqata Qoor-qoor Kursiga Galmudug markale,ayuu hanan doonaa. JQ.
Madaxweynaha Kenya,ayaa magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiraddiisa oo ay ku jiraan Lix xubnood oo ka tirsan Golihiisii hore ee uu kala diray. Madaxweynaha,ayaa magacaabay Kow iyo Toban Xubnood oo ah kala bar tirada uu Dastuurku ogol yahay. Ruto,ayaa sheegay in uu wali wado la tashiyo sababo la xiriira kala qeybsanaanta siyaasadeed ka hor inta uusan soo dhisin Dowlad sal ballaaran. Waxaa xusid mudan in dadka dib loo magacaabay ay ka mid yihiin Kithure Kindiki oo horay u ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Aadan Barre Ducaale oo isna ahaa Wasiirka Gaashaandhigga. Halkan ka akhriso Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Ruto:-…
Waa bilow wanaagsan Dimuqraadiyadeena oo muujinaya hiigsigeena halka uu yahay. PL,waa Dhul ay ku nool yihiin Dad Somaliyed oo Dhalasho ahaan,Diin ahaan iyo Dhaqan ahaanba mid ah. Majiraan wax asaasiya oo aan ku kala duwanahay,kaliya,waxaan ubaahanahay Nidaam sal weyn oo Guntiisu fog tahay oo noo fuliya adeega baahiyeed ee aan qabno. 1 Garsoor hufan. 2.Amni. 3.Caafimaad. 4.Waxbarasho. 5.Tamar. 6.Wadooyin. 7.Shaqo abuur. Sidoo kale,waxaan ubaahanahay in aan salka udhigno Nidaam ay kusoo hiran karaan haldoorka aqoonta iyo Dhaqaalaha wata ee Bulshooyinka kale ee caalamka oo aan Diinta iyo Dhaqanka ku kala duwanahay. Mustaqbal Ifaya,ayaa ka muuqda PL . JQ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka, maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024. Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan; 1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska…
Kulanka layskugu yeeray Golaha Wasiirada Fadaraalka ee lagu sheegay deg-dega,waa mid lagu raad baabi’inayo Hubkii CW lagu qabtay. Xasan Shiikh oo indhihii caalamku kusoo jeesteen,ayaa raba in uu sameeyo marin habaabin. Waxa uu ogaaday in BC bilowday baaris ku saabsan cida Hubka iska lahayd ee soo gelisay gudaha Somaliya. Kulankan,waxa uu daba socdaa midka Maanta dhacay ee lagu sheegay Golaha amniga Qaranka.
Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxa ay hakisay Iskuullada furan iyo Jaamacadaha magaalooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiran oo ay ku qabsoomayso doorashada tooska ah ee goleyaasha deegaanka. Wasaaraddu waxa ay ogaysiinaysaa goobaha waxbarashada ee saddexda degmo in ay fasaxaan Ardayda iyo Macallimiinta inta u dhaxaysa 22-24 Luulyo 2024, maadaama qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ay ku qabsoomayso doorashada Golaha deegaanka degmooyinkan. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay faraysaa Maamuleyaasha iskuullada furan, Jaamacadaha iyo guud ahaan goobaha Waxbarashada degmooyin Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiran in ay ku wargeliyaan waalidiinta iyo ardayda, fasaxa maalmaha doorashada ee kor ku…
Garoowe : 18 July 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, aya shir-guddoomiyey shirka Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland. Guddigu wuxuu warbixin iyo qorshe ka dhegaystay Hay’adda Waddooyinka kaas oo ay ku soo bandhigtay qorshaha Dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka waxaana Guddigu ansixiyey 8 Mashruuc oo kala ah :- 1. Dayactirka joogtada ah iyo buuxinta godadka : * Boosaaso – Gaalkacyo * Garoowe-Laascaanood . 2. Dhameystirka dhismaha Wadada Cawsane-Hadaaftimo. 3. Dhameystirka Wadada Lafagorayo (26km). 4. Dib-u-dhiska Buundooyinka Carmo-Boosaaso (waa 25 Buundo). 5. Dib-u-dhiska Buundooyinka Xaaji-kheyr. 6.…
Senator J.D Vance oo Madaxweynihii hore Maraykanka Donald Trump uu u xushay inuu noqdo musharaxa jagada madaxweyne ku-xigeenka ee kala qayb galaya doorashada, ayaa xalay si rasmi ah u aqbalay xulashadaas. J.D Vance ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay shirweynaha xisbiga Jamhuuriga diiradda ku saaray ammaanka Qaranka ee maanta, siyaasadda arrimaha dibadda iyo hal ku dhigga Make America Great Again. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=ifB0x7ajITA&si=EJMBD_uWgSitsWGZ
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa la qaatay Hay’adda WFP shir ku saabsan dhaqan-gelinta Istaraatiijiyadda quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe ee Puntland. Istaraatiijiyaddan oo ay wadajir u fulinayaan Dowladda Puntland iyo Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ayaa loogu tala-galay in lagu dhiirri-geliyo Waxbarashada aas-aasiga ah, iyadoo la isku raacay in qorshahan cusub uu wax ka tari doono waxbarashada ardayda, taas oo kor u qaadi doonta tirada ardayda iskuullada tagta iyo joogteynta waxbarashada. Wasiir Maxamed Diiriye Gamadiid ayaa adkeeyay iskaashiga…
Garoowe: 18 July 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay… 1.Amniga guud. 2.Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Garoowe , Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ee dhacaya 23 July 2024. 3.Warbixin arrimaha Cadaaladda, arrimaha Deegaanka ,arrimaha Caafimaadka iyo qodobo kale .
Puntland’s Democratic Journey: Electing Council Members and Empowering Youth Participation. The people of Puntland have achieved a significant milestone by electing their district council members, a long-held dream come true for many. This achievement not only represents a landmark moment for Puntland but also serves as an inspiring model for other regions in Somalia, fuelling hopes for similar progress across the nation. Electing representatives who understand the community’s priorities, needs, and values is fundamental to good governance, according to the people of Puntland. They view this milestone as a significant step toward greater inclusion in the decision-making process. A 2014…
Muqdisho, 18, Luulyo 2024: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo…
UGAASKA Beesha Sadde ” Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax Oo Soo Saaray War-saxaafadeed Ku aadan Hubkii Sharci Darada Ahaa Ay Gacanta Ku Dhigeen Shacabka Degmada Cabudwaaq Tr; 18/07/2024 Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka shircidarrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay Waqooyiga Galgaduud, 16kii July 2024. Hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, dowladda Galmudug iyo guud ahaan Dalka. Si looga baaqsado halistaas, ayuu shacabka waqooyiga Galgaduud,…