Garoowe: 06 June 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee June – December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo Todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Goluhu. Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna…
Author: Jibril Qoobey.
Garowe: 05- June – 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha HomboboroFC iyo ComsedFC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda HomboboroFC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay. “Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay…
1. Ra’isul Wasaaraha oo weerar qaaday Rishi Sunak wuxuu xafiiska joogey muddo sannad iyo bar, xisbigiisuna wuxuu talada ahayey14 sano. Haddana waxaad moodeysey in uu isagu yahay ninka mucaaradka ah, isagoo si isdabajoog ah u weerarayey siyaasadaha dhiggiisa xisbiga Shaqaalaha. Siyaasadaha uu duray waxaa ka mid ahayd su’aal la xiriirtey sida Sir Keir uu u maareyn lahaa shaqo-joojinta ay dhakhaatiira caymiska da’da yar ee ka shaqeeya nidaamka NHS iyo dhimista soogalootiga sharci darrad ah. Mararka qaarkood doodda ayaa ku laalaaneysey heer Ra’isul Wasaaruhu uu hadalka ka boobo Julie Etchingham doodad qaybineysey. 2. Starmer oo tusaale u soo qaatay Liz Truss…
Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee Koonfur Kuuriya oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah. Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka, Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique. Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta…
Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka. Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ” Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.” Sannadkii hore, in ka badan 2,000…
Garowe: 05 June 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka , ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax Bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa…
Mashrcuucii Xaafuun,ayay ubadan tahay in loo wareejiyo Laba Deegaan midkood oo kala ah… 1.Deegaanka Booli-Moog ee Degmada Caluula. 2.Deegaanka Qori-laha ee Degmada Bander-Bayla. Qorshaha looga badalayo Xaafuun dhismaha Saldhiga Milleteri ee Imaaraadka,ayaa waxa uu ka yimid isla Dowlada imaaraadka. Ciidamo iskugu jira PSF iyo Maleeshiyaad Beelaysan,ayaa Xaafuun utagay in ay hor istaagaan hirgelinta Saldhigaas,waana mida sababtay in laga wareejiyo Xaafuun Saldhiga. Imaaraadka,ayaa aaminsan in Turkigu ka danbeeyo qorshaha carqaladaynta Saldhiga Milleteri ee ay qorshaynayaan in ay PL ka samaystaan. Sidoo kale Imaaraadku,waxay aaminsan yihiin in Xasan Shiikh kala Shaqaynayo Dowlada Turkiga carqaladayntaas. JQ.
Puntland iyo Maraykanku,waa isfahmeen,wayna wada xiriireen Safaarada iyo Taliska Africom. Garowe,waxaa imaanaya Safiirka Maraykanka iyo Taliyaha Africom,Milatery Attached,gaar ahaan Taliska Bali-doogle. Shirka,ayaa ka dhici doona Garoonka diyaaradaha ee Garowe. Kulanka,waxaa looga hadlayaa.. 1.Xiriirka Puntland iyo Maraykanka. 2.Ka wada shaqaynta la dagaallanka argagaxisada. 3.Tababaradda iyo Qalabaynta Ciiidanka PL,gaar ahaan Sirdoonka iyo Daraawiishta. 4.Dib u howlgalinta Hay’adda PSF oo dib u habayn lagu samaynayo. 5.Diyaarinta Saldhiga Labaad oo ku xiga Balidoogle oo laga siiyo Deegaanka Qow ama Mareerra ee Gobolka Bari. Xogtan oo aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa haday uhirgasho sida ay isoo gaartay ah war weyn oo farxadgelinaya Puntlander-ka…
Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland,ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka slSannadkan. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS. Xuseen Shiikh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog,ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka…
Hawlgallada lagu xoojinayo amaanka ee ka socda guud ahaan Gobollada Puntland,ayuu sheegay Talyaha Boiska Puntland in lagu qabtay 24-kii Saac ee udanbeeyay 23-Xubnood oo argagixisada ka mid ah. Sidoo kale Labadii Dukhayn ee ka dhacay Buuraha Bari ee PL ayuu Talyaha Booliska Puntland xaqiijiyay in lagu dilay 11-ka mid ah Daacish oo Laba Sarkaal ay ku jiraan iyo dhaawaca 7-Xubnood oo kale. Guud ahaan Xubnaha Gacanta Ciidanka ku jira ee Maxkamad sugaha ah,ayaa dhan 98-Xubnood,sida Talyaha Boolisku xaqiijiyay. VOA,ayaa warkan sii daysay. https://www.voasomali.com/a/wareysi-taliyaha-booliska-puntland-oo-faah-faahiyey-howlgallo-amni-oo-ay-fuliyeen/7640503.html JQ.
Madaxweyne Deni markii dib loo doortay,waxa uu ballan qaaday Laba arimood oo kala ahaa… 1.In uu Albaabadiisa furayo oo Dadka la tashanayo,isku wadayo Bulshada qaybaheeda oo dib uheshiisiin samaynayo. 2.In uu BC xiriir fiican la samaynayo. Labadiiba waa ka gaabiyay mana fulin ballanqaadyadiisii,wuxuuna dib ugu laabtay Denigii hore ee Albaabadu uxirnaayeen. Tusaale gudaha PL? Shacabkii oo taageero u ah,ayuu hanan waayay,kadib iskoobitaan iyo in uu xulan waayay masuuliyiin Indhahooda buuxiya. Haldoorkii Bulshada oo mid taageersan iyo mid diidan iskugu jira,waxay go’aansadeen in ay ka gaabsadaan oo fursad siiyaan si Dalka iyo dadka wax ugu hagaagaan,waase ka faa’idaysan waayay. PSF garabka…
Madaxweyne Laftagareen,waxaa laga rabaa in uu fahmo waaqiciga oo la jaanqaado isbadalada socda. KG waa Deegaan iyo Maamul muhiim u ah Dowlad dhiska iyo Fadaraalaynta in uu fashilmana,waxay ka dhigan tahay in Dowladnimadii duntay. Si KG uga badbaado fashilka imaan kara,waa in Laftagareen sameeyaa isbadalo waa weyn oo ay ugu horeeyaan dabacsanaan,soo dhaweyn,wada xaajood iyo soo jiidasho Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka iyo haldoorka kale ee Bulshada KG. Bixitaanka Ciidamada Itoobiya hadaan la helin KG aragti midaysan ka qaadata oo qorshe ay ku midaysan tahay wada samaysata,waxaa ka imaanaya khatar jiritaanka Maamulka soo khalkhal gelin kara. PL si gaar ah,waxaa la gudboon in ay…
Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa shaaciyey Jadwalka doorashadda golayaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan. Halkan ka akhriso:-
18-ka Degmo ee KG ka kooban tahay 14-ka mid ah,waxaa jooga Ciidanka Itoobiya. Hadii la saaro Ciidamada Itoobiya,waxay ka dhigan tahay in Shabaab la wareegay Degmooyinkaas. Maraykanka oo wata qorshaha Ciidamada Itoobiya looga saarayo Somaliya waa og yahay xogtaas mase kala jecla oo waxa uu leeyahay Dadka Deegaanku,waa in ay iska difaacaan Shabaab. R.Galbeedku,way ka niyadjabsan yihiin KG,si gaar ah UK oo KG maalgelisay amnigeeda,waxay qiimaynteedii kusoo ururisay in Ciidanka ugu badan ee Shabaab helo ay yihiin reer KG si walba oo loo taageero aysan iska dhicinayn Shabaab,isla markaana Askariga KG haduu Bil waayo Mushahaar uu galayo Xerooyinka Barakacayaasha ama…
MW Deni cid ka yeelaysaa majirto in uu kala jaro PL iyo BC. Dabacsanaan,furfurnaan,maarayn,isku wadid iyo dhexgal Diblomaasiyadeed,ayaa laga rabaa Deni. Reer Galbeedku,iyagaa iska leh Wadankan oo maalgashtay,waana khasab in wada shaqayn lala yeesho Diblomaasiyiintooda. Imaaraad kuma filna in ay uga shafeeco qaadaan Reer Galbeed xatii xaaladu adkaato,waxaana tusaale Deni ugu filan Farmaajo oo ugu danbayn Qadar in uu dego fasax Maraykan looga baahday. PL ma qaadi karto loolan Maraykan si gaar ah. Ma dayici karto Maraykanka oo kuma Ciyaari karto,weli fursad baa jirta oo Reer Galbeedku,waxay u arkaan Shacabka iyo Maamulka PL hormuud qiimo badan,kaliya waxay dhaliilsan yihiin MW…
Ruto iyo Dalkiisa Kenya,waxaa lasoo saaray Taajka wakiilnimo ee R.Galbeedka,waxaana toos loo hooskeenay Bariga Afrika Amnigiisa iyo Siyaasadiisa. Doorka Amniga,waxaa looga danbayn jiray Itoobiya oo Taajku saarnaan jiray,balse hogaaminta Abiy,ayaa hoos udhigtay oo gaarsiisay in Nayrobi la hooskeeno. Somaliya oo awalba dhulka taalay,ayaa si toos ah hada loo hoosgeeyay Kenya,waxaana Ruto loosoo dhiibay fariin ku socotay Somalida,taasoo ahayd… “Sida aan Kenya ula shaqaynayno,ayaan idinla shaqaynaynaa,lkn ogaada muhiimada Istiraatiijiga ah idinkaa leh ee Wadankiina ka shaqeeya”. Ciidamada hawlgalkoodu bilaaban doono 2025,waxaa dhaqaale iyo Saadba ku taageeraya Maraykanka. Sidoo kale Maraykanku,waxa uu rabaa in si dhamaystiran looga saaro Somaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah.…
Somaliya,waxaa horyaala fursad weyn oo ka timid loolanka Siyaasada caalamka iyo danaha R.Galbeedka. Maraykanka,waxaa ka go’an in Somaliya ugu yaraan ay noqoto Nidaam ku filan amnigiisa gudaha oo wax lala qabsan karo. Maraykanku,wuxuu diyaar u yahay in uu Somalida kala shaqeeyo dagaalka argagixisada iyo dhismaha Ciidamada. Sidoo kale reer Yurub,waxay diyaar la yihiin qayb weyn in ay kasii qaataan Dowlad dhiska iyo horumarinta Somaliya,waliba waxay Maraykanka dheer yihiin in deg-deg Somalida loogu wareejiyo amnigooda oo laga saaro Ciidamada Atmis. Balse nasiibdaro Xasan ma’ahan Ninkii fursadahan uga faa’idayn lahaa Wadankan,waxayna ku beertay BC niyad jab hab dhaqankiisu. JQ.
The below is attributable to Spokesperson Matthew Miller: Secretary of State Antony J. Blinken spoke to Somali President Hassan Sheikh Mohamud and discussed shared security interests in the Horn of Africa, including the need to reduce regional tensions, focus on counterterrorism objectives, and finalize planning for a successor mission to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). They also discussed the important role of the UN Assistance Mission in Somalia.
Maraykanka,waxaa muhiimad uleh Dagaalka Shabaab oo in laga adkaado,ayuu rabaa,balse EU iyo UK kuma raacsana. Sidoo kale Maraykanku,wuxuu rabaa in Ciidamada Itoobiya dhamaantood laga saaro Somaliya Sanadkan dhamaadkiisa. Fariinta Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka,waa mid culus. JQ.
Madaxweyne Deni markii uu la wareegay hogaaminta PL,waxuu amray mudo yar kadib in Ciidamada guud ahaantood dib uhabayn lagu sameeyo. Gudi uu Gudoomiye ka ahaa Wasiirkii Maaliyada,ayaa la saaray oo ka hawlgalay,waana shaqeeyeen oo mudo gaaban kadib isbadal weyn,ayaa ka muuqday Ciidamada. Hadaba Booliska,waxaa tababarka kasoo gudbay Ciidan gaaraya 1500-Askari,kuwaasoo hawlgalay oo Shaqa la mahdiyay qabtay. Balse,waxaa niyad jab yimid markii Ciidamo diiday tababarka oo intooda badan iskaga tagay Shaqada lasoo ceshay oo iyagoon tababar iyo diiwaangelin la marsiin lagu dhexdaray Ciidankii tababarnaa oo diiwaangasahanaa sida weyna loosoo diyaariyay. Waxaa ku timid Ciidanka habacsanaan Shaqo iyo niyad jab,sababtoo ah Askarigii…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa ku boorriyay Xamaas inay aqbasho hindisaha cusub ee Israa’iil ee lagu soo afjarayo colaadda Qasa, isagoo sheegay in la gaaray waqtigii dagaalkan uu dhamaan lahaa. Hindisahan oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doona xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qasa. Waxaa sidoo kale jiri doona “kor u kaca” gargaarka bini’aadannimo, iyo sidoo kale in la isku beddesho sii deynta qaar ka mid ah la haystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta. Heshiisku wuxuu ugu dambeyntii horseedi doonaa “joojin colaadeed” oo oogto ah iyo…
Xisbiga ANC ee uu mar hogaaminayey Nelson Mandela ayaa la kulmay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorkii Koonfur Afrika, 30 sano ka hor Natiijooyinka doorashada degmooyinka ee 99% ayaa lagu dhawaaqay in ANC ay heshay 40% Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore oo ay ANC heshay 57% Natiijada Doorshada ayaa macneheedu yahay inay awoodda la wadaagto hal xisbi ama dhawr xisbi Hogaamiyayaasha ANC ayaa isku diyaarinaya wadahadalo isbahaysi oo adag Xisbiga midigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn isagoo helay 22% Xisbiga…
Waa dhab in uu hoos udhacay xiriirka Puntland iyo Caalamka kale mudadii uu talada hayay Madaxweyne Deni. Markaan isku ururshay sababaha keenay hoos udhaca,waxay noqdeen Sadex arimood oo kala ah… 1.Madaxweynaha oo aan lahayn La-taliyayaal khibrad leh. 2.Madaxweynaha oo xiriirka Waddamada Somaliya ka taageera Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda (Traditional Donors) ku beddeshay xiriir Waddamada Carabta ah oo ku saleysan heshiis Shaqsiyadeed (Personal). 3. Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka PL oo aan muddo helin Wasiir khibrad balaaran leh. Xalku muxuu yahay? 1.In la hawlgeliyo Dadka khibrada iyo xiriirka leh. 2.In MW kala saaro dantiisa shaqsiga ah iyo danta guud oo isku…
Bilowga Sanadka danbe,waxaa hawlgalka Atmis badali doona mid kale oo wata awaamiirtiisa. Dowladaha haatan ku jira hawlgalka Atmis oo laga reebay Itoobiya,ayay ka imaan doonaan Ciidamadaas,kuwaasoo kala ah… 1.Kenya. 2.Jabuti. 3.Burundi. 4.Ugandha. Halkaas,waxaa kusoo afjarmay aragtidii ahayd in Sanadkan waxii ka danbeeya ay Somalidu ku filnaato amnigooda. Si gaar ah Xasan,mudo xileedkiisu,wuxuu dhamaan doonaa,iyadoo Wadanka ay kusii sugan yihiin Ciidamadii Shisheeye. Qodobada Miiska usaaran Somalida,waxaa ugu horeeya dib udhiska Ciidanka iyo bixitaanka Ciidamada Shisheeye,sida muuqatana,weli laguma guulaysan. Hoos ka dhagayso Lataliyaha Dhanka Amniga ee Xasan Shiikh oo sharaxaya arinkan. https://x.com/JibrilQoobey/status/1796669647078515048?t=hax-VHURBYkoLJGnyf_WFA&s=19
Dadka Deegaamada Afcad iyo Sheebaab oo ka tirsan Qandala,ayaa Labo duqayn oo dhinaca cirka ah lala beegsaday tuulooyinkas, gaar ahaan saldhigyo ay Daacish ku laheyd. Si cad,waxaa usheegtay hawlgalkan Taliska Africom oo qaabilsan la dagaallanka argagixisada Bariga Afrika. Sidoo kale PL sidii caadada ahayd ogaysiin,ayaa la siiyay ka hor fulinta hawlgalkan,sida ay noo xaqiijisay Madaxtooyada PL. DFS si guud,iyaduna waxay leedahay magaca iyo maqaamka wada shaqayneed ee lagu hawlgalayo. Maraykanka,ayaa si joogta ah ula dirira argagixisada Somaliya ka hawlgasha,isagoo wada shaqayn kala leh dhinacyada Somalida. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay sheegatay Dowlada Xasan ee Dastuurka baalmartay weerar ka…
In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike in Somalia targeting ISIS militants, May 31, 2024. The airstrike occurred in a remote area in the vicinity of Dhaardaar, approximately 81 km southeast of Bosaso, Somalia. An initial assessment of the strike is that three ISIS militants were killed, with no civilian casualties. U.S. Africa Command takes great measures to prevent civilian casualties. Protecting innocent civilians remains a vital part of the command’s operations to promote a more secure and stable Africa. ISIS has conducted numerous attacks globally, including terrorist attacks in Africa, Europe, the…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo Todobaadkan looga hadlay…… 1.Amniga. 2.Diyaargarowga Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan. 3.Arrimaha Waxbarashada. 4.Fayo-Dhowrka Oonta Xoolaha. 5.Ruqsad-siinta Wadayaasha Gaadiidka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Imtixaanaadka iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal,ayaa soo xiray imtixaanaadka Shahaadiga ah oo socday 25-30 May 2024. Wasiirka,ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda galay imtixaanka,Waalidiintooda, Macallimiinta iyo Iskuullada ay ka tirsan yihiin,isagoo bogaadiyey hay’adaha Dowladda iyo howlwadeennada ka qeyb-qaatay qabsoomidda imtixaanka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JzwQ6jxp6oo?si=-PimuulH66plCvxT
Dadka Koonfur Afrika,ayaa maanta codeynaya mid ka mid ah doorashooyinka guud ee ugu muhiimsan dalka ilaa dhammaadkii Midabtakoorka. Xisbiga talada haya ee ANC kaas oo wadanka ka xoreeyay cadaanka tirada yar xukunkooda ayey suuragal tahay in uu lumiyo aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horeysay. Taageerayaasha Xisbiga;ayaa aad uga careysan musuqmaasuqa, dambiyada sii kordhaya iyo biyo iyo koronto yarida. Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo codkiisa ka dhiibanayay Soweto,ayaa sheegay in aysan shaki ugu jirin in dadka ay tusinayaan kalsoonidooda ANC. John Steenhuisen, hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Isbahaysiga Dimuqraadiyadda ayaa ku tilmaamay codeynta in ay tahay fursadii ugu horeysay ee muddo Soddon Sano ah…
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay Shir weynaha Bankiga Horumarinta Qaaradda Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaal ka socda Qaaradda Afrika iyo hoggaamiyayaal kale oo caalamka ah. Somaliya,waxaa ku matalaya Shirka wefti Dowlada Sharciyada lumisay ee Xamar oo uu hogaaminayo Xasan Shiikh. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/IC4_VF_r5gk?si=-T9icUbF_8a4rsmB
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Qasa. “Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP. “Israel khatar kuma ahan Qasa oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.” Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Qasa. “Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada…
Sharaf iyo Qiime gaar ah ayay uleedahay reer Puntland socodsiinta Dimuqraadiyada. Guusha ugu weyn,waa in doorashada soo socota Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Shacabku toos usoo doortaan. Xisbiyada iyo Xukuumadu,waxay mudan yihiin bogaadin,gaar ahaan hogaaminta MW Deni ee Gudoonka leh. Si kasta oo reer Puntland ay ugu wareegsan yihiin xaalado adag hadana Dimuqraadiyadu,waa in ay socotaa. Somaliya 30-Sano kadib waxay weli ku jirtaa colaad sokeeye,iyadoo Qabyaalada iyo cunsuriyadu ay laba kacleeyeen. PL iyo SL oo ahaa Gobolo soo kabanayay oo tartankoodu ku salaysnaa horumar iyo xasilooni,waxaa dhaawac gaarsiiyay oo hoos uriday hiigsigoodii colaada Sool. Ku tartamida horumarka iyo ilbaxnimada meesha way ka…
Garowe: 28 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah. Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024. Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud…
Ireland, Norway iyo Spain oo si rasmi ah u aqoonsanaya Dowladda Falastiin. Saddexda Waddan ee Yurub waxay rajaynayaan in la soo afjaro Tobanaan Sano oo dagaal ah oo ka socday Bariga Dhexe iyo soo nooleynta xal Laba Dowladood ah oo Israa’iil iyo Falastiin ah. Israa’iil,ayaa si caro leh uga jawaabtay talaabada,waxayna Saddexda Waddan ku eedaysay in ay abaal-gud u siiyeen argagixisada,waxay kala baxday Safiirradeedii Saddexda waddan;itadoo si rasmi ah u canaanatay ergadoodii ka joogtay Israa’iil. Xamaas iyo maamulka Falastiin,ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga. Inta badan Wadamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay u aqoonsan yihiin Falastiin in ay tahay Dowlad,Balse Wadamada…
Goobjoogayaal iyo Wariyayaal jooga Rafax,ayaa sheegay in Taangiyada Israa’iil ay la wareegeen isgoyska goobaabinta al-Cawda oo ku yaal bartamaha magaalada. Al-cawda waa meel caan ah oo ku yaaleen bangiyada waa weyn,hay’adaha Dowladda, ganacsiyo iyo Dukaamo. Goobtaas ay Israa’iil la wareegeen waxay u jirtaa Nus Kiilomitir xadka Falastiin iyo Masar ee dhanka Koonfureed. Goobjooge isaga iyo Qoyskiisa galay isbitaalka Imaraati oo ku yaal dhinaca galbeed,ayaa sheegay in Ciidamada ay galeen qeybta sare ee dhismaha kaddibna ay bilaabeen in ay toogtaan cid kasta oo dhaqaaqeysa. Ku dhawaad Hal Milyan,ayaa u qaxay Rafax Sadexdii Toddobaad ee u danbeysay sida ay sheegtay hay’adad Qaramada…
Villa Somaliya oo adeegsanaysa Gacanta Argagixisada,ayaa tuhunku dul hoganayaa. Weerar argagixiso lala beegsaday kama dhicin Buuraha Calmadow,waxaase jiray arbush argagixisadu samaysay. Sida aan xogo hordhac ah ku helayno argagixiso laga soo anba bixiyay Xamar,ayaa soo martay Hargaysa ilaa Ceerigaabo,kadibna usoo gudubtay Buuraha. Warka Alcadaala iyo qorshaha argagixisada,waa isla socdaan,waana weerar la diyaariyay oo PL ka dhan ah. Maraykanku,waa iska beri yeelay qorshahaaas,waxayna ka dhigan tahay in waxa uusan ogayn ay qayb ka yihiin argagixisada. https://www.voasomali.com/a/militariga-mareykanka-oo-sheegay-inaysan-howlgal-ka-fulin-calmadow-/7630197.html?fbclid=IwZXh0bgNhZW0CMTEAAR3Wf_b7Wq1Oco_ESzICBhYLISSlgUQs0EN62q89NSn2kqLeLOh3J9_wUR4_aem_AYub31kCTmdnrZuL-GD-L3HN8q7LxeuBYBjPYt202PO9yPiY2L8bit1wX_p7bxEDbjClUgA0jDotbV9SPZUlw1Go
Aadan Madoobe iyo Xasan Shiikh midba gaar kiisa,ayuu Kenya ugu safray,waxaase cajiib ah inay garoonka Muqdisho isku arkeen Gudoomiye Aadan madoobe iyo Xasan Shiikh. Aadan Madoobe wuxuu ka qayb galayaa Shirka Gudoomiyayaasha Baarlamaanka Wadamada East Afrika,kadibna Shirkaas markuu ka qayb galo mudo 7-8 maal mood ah,ayaa uqorshaysan in uu Kenya sii joogo. Sidoo kale Xasan Shiikh,ayaa safarkiisa isna waxa ugu muhiimsan ay tahay in uu Wiliam Rutu kala hadlo arimahii Dawlada Maraykanka uu kala soo kulmay,si gaar ah fariintii uu usii dhiibay bal jawaabta uu kala soo kulmay in aan Ciidanka ATMIS la saarin iyo Sidoo kale heshiisyo gaara oo…
Shir looga hadlayay Burcada Badeeda iyo hawlgalada ka dhanka ah,ayaa lagu qabtay Nayrobi. IOSI la dagaalanka Argagixisada iyo Geopolitical,ayaa qabatay Shirkan. Waxaa ka qaybgalay Shirka 5 -Wadan oo kala ah…. 1.Kenya. 2.Jabuuti 3.Maruushiyas 4.SiiShalis. 5.Somaliya Sidoo kale,waxaa ka qaybagalay Hay’adaha kala ah… 1.UNOPS. 2.UNODC. Puntland oo ku matalasay Shirka guud ahaan Somaliya,ayaa waxaa uag qaybgalay Agaasinka Ciidanka Bada iyo hogaanka Danbibaarista. PL,waxay ku kasbatay maqaamkan doorkeeda la dagaallanka Burcad Badeeda iyo danbiyada. Shirkan,wuxuu kusoo aaday xili Burcad Badeedu dib dhaqdhaqaaq uga bilowday Xeebaha Somaliya,waxaana looga xaajooday sidii looga hor tagi lahaa in ay dib usoo noolaato Bur ad badeed. PL,si…
Muxuu ku salaysan yahay socdaalka W.Socdaalka Sweden Ee Muqdisho? Ujeedka socdaalkiisa,waxaa lagu sheegay xiriirka Somaliya iyo Sweden iyo fududaynta Mashaariic horumarineed. Balse xogta rasmiga ah ee Wasiirka socdaalka Sweden ku yimid Muqdisho,ayaa ah sidii Dowlada Villa Somaliya usaxiixi lahayd Dad ay rabto Sweden in ay dib ugu soo celiso Somaliya,sida ay noo xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo. Sweden,waxay rabtaa ku dhawaad 200-Qof oo Somaliya oo iskugu jira kuwa Xabsiyadeeda ku jira iyo kuwo Sharciyada ay kala laabatay in ay kusoo celiso Somaliya. Dowlada Villa Somaliya,ayaa ku qaadatay $5-Milyan soo cinta Dadka Somalida ah ee Sweden laga soo celinayo. Dowladaha Ciraaq,Siiriya…
Telefishin laga leeyahay Israa’iil oo la yiraahdo kanaal 13,ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax. Telefishinka ayaa sheegay in askarta Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay. Dhinaca kale dowladda Sucuudiga,ayaa dhaleeceysay wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay Ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza. Dhacdadii ugu dambeysay,ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax. Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in Boqortooyada…
Dowladda Mareykanka,ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Mareykanka,ayaa waxaa lagu sheegay in ay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda wayn ee Muqdisho. Mareykanka,ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah. Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah. Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarreyso, loona baahan yahay in…
Sucuudiga,ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay magcaabeen Danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirayaan dalka Siiriya, ka dib markii ay 12 sano ka hor xidhiidhka u jareen Dalka Siiriya. Tallaabadan,ayaa noqonaysa mid muujinaysa xidhiidhka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Siiriya dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta. Faisal al-Mujfel, ayaa noqonaya danjirhii ugu horreeyey ee ka socda dalka Sucuudiga muddo 12 sannadood ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga. Sannadkii hore ayaa dawladda Siiriya dib loogu ogolaaday ururka Jaamacadda carabta ka dib markii xubinimada dalkaas la hakiyey sannadkii 2011, iyada…
Garowe: May 27, 2024:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya Soomaaliya Mr Chales Mballa. Waftiga UNCHR ayaa waxaa qayb ka ahaa Monique oo ah Head of Sub office Puntland and Galmudug iyo Phoebe Wanjiru oo ah external relation Officer. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxoontiyada, barakacayaasha iyo qul-qullka Muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland, sigaar ah waxaa diiradda loogu…
Garoowe: 27 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Qaxootiga , Barakacayaasha iyo magangalya doonka. Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Garoowe: 27 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC). Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan, waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Ruto,ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab ay la wareegi doonto Somaliya haddii ay ka baxaan Ciidamada ATMIS. “Xasan Shiikh,waan kala hadlay in Ciidanka ATMIS aysan ka bixin Somaliya, balse waan isku fahmi waynay arrinkaas”Ayuu yiri Ruto. Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray fariin uu udiray Dowlada Mareykanka,taasoo kaga codsaday in uu soo fara-geliyo islamarkaaana uu hakiyo qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1794793735655485813?t=ygoS0SaT6xqOuzRf21bpWg&s=19
Kusimaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho. Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda. Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa magacaabista Mr. Swan ku dhawaaqay14kii bisha Maajo. Mr. Swan ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay. Mr. Swan wuxuu horey u soo ahaa…
Wasiirka Waxbarashada Puntland Xalay,waxa uu nasiiyay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Waxbarashada Puntland. Si gaar ah Imtixaanaadka socda qabsoomidooda,ayuu si faahfaahsan uga waramay. Shacabka Puntland,ayaa su’aalo toos ah ku waydiiyay Barnaamijkii Xalay Wasiirku ku casunaa. Sidoo kale Barnaamijka Maclimiin iyo haldoor kale oo Waxbarashada ka shaqeeya,ayaa tallooyin ugu soo gudbiyay Wasiirka iyo Wasaaradaba. Waa uga Mahadcelinaynaa Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir xog warankiisii Xalay. Runtii Waxbarashada Puntland meel lagu faani karo oo lagu farxi karo ayay maraysaa,waxayse usii baahan tahay kasii shaqayn. Bulshada in loo waramo waa umuhiim Dowlad dhiska iyo wada shaqaynta. Halkan ka dhagayso Barnaamijka. https://x.com/JibrilQoobey/status/1794381723486286102?t=xPatPj9_fa9gM8NhMXIR4A&s=19 JQ.
Waa war been abuur ah oo aan waxba ka jirin sheegashada Villa Somaliya. Garaacis Maraykanku fuliyay oo ka dhacday Buuraha Bari ee PL Xalay majirto,sida ay ii xaqiijiyeen laamaha amni PL. Mida kale Buuraha Calmadow ma joogaan Shabaab iyo Daacish,halka ay mar mar isku laayaan;iyaga dhexdoodu,waa Buuraha Cal miskaad. Dhanka kale hawlaglka ATALANTA EUNAVFOR oo la falgasha Ciidanka Badda PL,ayaa caalamka uga qaabilsan Duqaymaha iyo weerarada Burcada iyo Argagixisada ee Bada cas iyo Bada Hindiya,iyaguna war kama soo saarin hawlgal dhacay. Villa Somaliya kooxda ku sugan xiligan,waxay isku dayayaan in ay Mashruuc ku raadsadaan Amniga PL. Majiro Haba yaraatee wax…
Waa dhab Kenya iyo guud ahaan Afrika,waxaa umuhiimsan meesha dantoodu taalo oo ay fursado ka heli karaan Galbeed ama Bari. Maraykanka,waxay kala shaqayn karaan Amaanka. Ruushka,waxay wadaagi karaan Ganacsiga. Shiinaha,waxay kala shaqaynsan karaan horumarka. Balse Madaxda Afrika Dal iyo Dad uma daneeyaan intooda badan oo tooda ayay ilaalsadaan,waana mida keenaysa in ay daneeyaan Ruushka oo Hub siiya ay Dadka ku caburiyaan iyo Shiinaha oo Lacag kala hadla koo aan ku fara gelin Kuraastooda iyo siday wax uxukumayaan. Galbeedka,way ak duwan yihiin oo Siyaasadoodu waxay ka duushaa Laba Qodob oo kala ah Dan iyo Qiime. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1794347266720792892?t=vHVGTcwpZNwztmhi4C3cJQ&s=19 Qiimaha oo ah qiyamka ay…
Shiinaha waxa kaliya oo lagu hakin karo,waa dagaal in Cagaha loo geliyo oo Xuduudiisa laga furo furin sida Ruushka. Waxaa burburaya dhqaalihiisa xawliga ukoraya Waxaa meesha ka baxaysa xasiloonida Gobolka,taasoo keenaysa in kalsoonida lagu qabo ay hoos udhacdo. Shiinaha kobiciisa caalamka macno uma leh,mana ahan masuul lagu halayn karo masuuliyada Sharciyada caalamka iyo kala danbaynta. Reer Galbeedka iyo Shiinaha marka lays barbardhigo,waxaa khatar badan Shiinaha dhan walba marka laga istaago. Ugu yaraan Galbeedka,waxaa celiya inta badan Xeerarka ay dhigteen kuwa caalamku isla ogol yahay iyo sidoo kale Diimaha,balse Shiinuhu intaas midna ma tixgeliyo.
Taiwan ma’ahan Ukraine,waxay leedahay Ciidan aad udhisan oo ku hubaysan Hub casri ah. Sidoo kale,waxaa degan Ciidamo door ah oo Maraykan ah,waxaana ku yaala mid ka mid ah Saldhigyadiisa Gobolka kan ugu muhiimsan. Ciidamada Maraykanka ee jooga Taiwan,ayaa lagu sheegaa ku dhawaad 90-kun oo Askari oo ku Hubaysan Maraakiibta xanbaara Diyaaradaha. Shiinuhu si fudud Taiwan dhinaceeda Dhulka uma dhigi karo,waxa uuna kala kulmi doonaa khasaare baaxad weyn oo awoodiisa si lixaad leh udhimi doonta. Maraykanku si weyn,ayuu udanaynayaa in Shiinuhu dagaal galo oo waxaa ku jirta fursad lagu celin karo Shiinaha ugu yaraan 50-Sano oo danbe. Dad badan,ayaa aaminsan in…
Kenya,waxay fursad ka heshay Gobolka ay ku taalo oo ay unoqotay hogaanka Dimuqraadiyada,Madax banaanida Saxaafada iyo Ganacsiga xorta ah. Galbeedku marka ay dib u eegis ku samaynayaan Siyaasadooda Afrika sida haatanba socota,Kenya Bariga Afrika ayay hormuud utahay. Itoobiya oo ku haysatay doorka dhanka amniga oo Galbeedka uga wakill ahayd la dagaallanka argagixisada iyo xakamaynta Ruushka iyo Shiinaha saamayntooda haatan way lumisay oo waxaa hogaan fudaydkiisa cidlo soo istaajiyay Abiy. Booqashada MW Ruto ee Maraykanka inkastoo ay si qurux badan udhacday hadana,waxaa xoogaa dhaawac ku noqday ka hor istaagida khudbadii ay ahayd in uu ka jeediyo kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka…
60-Sano ka hor Ra’isalwasaare Somaliyed,ayaa Aqalka Cad si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyay,waxaana qaabilay Madaxweynihii Maraykanka. 60-Sano kadib MW Jamhuuriyada Somaliya,waxa uu kula kulmaa Safiirka Maraykanka Garoonka Magaaladii Caasimada ahayd,iyadoo aan lagu aamini karin amnigiisa Xaruntii Madaxtooyada Qaranka. Waa tusaale cad oo loosoo qaadan karo Qaran burburay marka laga hadlayo. 60-Sano ka hor Kenedy booqashadii Cabdirashiid kadib,waxaa laga hayaa Somalidu waa Dad macno leh ee aan wax la qabano. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1794068374948852208?t=W1ufpHeUHQTwi5XvroWfMA&s=19 60-Sano kadib Somaliya,waxay caalamka caan uga tahay Wadankii fashilmay ee tilmaanta ulahaa…. 1.Fakhri. 2.Jahli. 3.Amni xumo. 4.Nidaam la’aan. 60-Sano kadib Somalidu Qabaa’ilo ayay ukala tagtay,waxayna usii kala jabeen 2024…
21,801-Arday oo kala ah Fasallada 8-Aad yo Afraad ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare,ayaa fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland. Waa wax lagu farxo oo muujinaya mustaqbal ifaya. Ugu yaraan hadii la waayay Qaran Somaliyed oo mid ah,yaan la waayin PL mid ah oo horumar samaysa. Somalidu dhexdeeda ayay isku mashquulsan tahay oo ka loolamaysaa weli ma gaarsiisna Sawirka weyn in ay wada aragto. Saakay,waxaa ka qurxoonaan lahayd in Imtixaanka Wadanka mar lawada furo oo ugu yaraan 100-kun oo Arday Madaxweynaha Fadaraalka iyo kuwa DG isku mar uqaybiyaan Waraaqaha lamase hayo mana muuqato in la helayo. Dadka caadiga ah ee Somaliyed,waxaa…
Maraykanka,ayaa udhisaya Kenya Wado (High Way) ah oo isku xiraysa Mombasa-Nayrobi taasoo ku kacaysa $3.6bn. Dhererka Wadada,ayaa gaaraya 440km,waxa ayna barbar socon doontaa tan Tareenka ee shiinuhu horay ugu dhisay. Booqashada MW Kenya ee Maraykanka,ayaa Mashruucan lagu kala saxiixday. Waa talaabo loo baahnaa si saamaynta Afrika ee Shiinaha loo yareeyo,isla markaana ay soo noolaato saamaynta reer Galbeedka. Loolanka Juquraafiga Siyaasiga ee Caalamka,ayaa soo dadajiyay saamaynta Maraykanka ee Afrika oo soo xoogaysanaysa. Somaliya way ka faa’idaysan kartaa tartanka Galbeedka iyo Shiinaha iyo loolanka Juquraafiga haday la timaado midnimo ay kuwada dhistaan Dowladnimo xushmo ku dhex yeelata caalamka sida tan Kenya. Afrika…
Ruto inta uu joogo Maraykanka waxa uu kaloo la kulmay MW hore Obama oo asal ahaan Kenya kasoo jeeda. MW Kenya sharaf ayay utahay in uu soo booqdo MW Maraykan ah oo asalkiisu Kenyan yahay. Obama waxa uu door ka qaadan karaa danaynta Kenya ee maalgashiga iyo wada Shaqaynta amaan ee Maraykanka,maadaama Xisbiga Dimuqraadigu talada hayo,isla markaana MW Biden ahaa M.xigeenkii Obama oo ay aad isugu dhawaayeen. Halkan ka daawo kulankooda https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1793764760573350380?t=mRvwv5J4KhZ8YkFruKPnjw&s=19
Madaxweynaha Kenya oo uu si xushmad leh u agtaagan yahay MW Maraykanka,islamarkaana uu kusoo dhaweeyay Makarafoonka,ayaa khudbad macno leh oo uu ku faanayo Dimuqraadiyada iyo Maamul wanaaga Wadankiisu leeyahay ee ay wadaagaan Maraykanka jeediyay. Labada MW khubado erayo soo jiidasho leh ka buuxaan oo lays xushmaynayo la muujinayo sinaan iyo iskaraamayn ayay jeediyeen. Maraykanku,wuxuu xoojiyay saamayntiisa Afrika tan iyo intii Shiinuhu saamayn ku yeeshay Afrika. Kenya waa Wadamada udub dhexaadka u ah wax wada qabsiga Afrika iyo Maraykanka wayna ka faa’idaysatay fursadahaas Kenya. Booqashada MW Ruto ee M,ayaa ah mid Qaran oo si weyn loo qiimeeyay,isla markaana loo sameeyay soo…
Madaxweyne Ruto,waxaa la waydiiyay,iyadoo baahi amni ka jirto Gobol ka mid ah Kenya oo baqdin daraadeed la aadi waayay Iskuulada Deegaankaas,sababta Kenya ugu dirayso Ciidan Amaan Haiti oo aad uga fog. Ruto si degan oo isku kalsoonaan ka muuqato kuna salaysan xog ogaalnimo,ayuu ufaahfaahiyay jawaabta su’aashaas,wuxuu tilmaamay in Gobolkaas laga hawlgalay loona diray Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo gaaraya 5000 xaaladana Gacanta lagu dhigay. Dirista Booliska Kenya ee Haiti,ayuu Ruto ku sifeeyay masuuliyad ka saaran amniga caalamka iyo bini’aadantinimada,isagoo tusaale usoo qaatay Ciidamada ka jooga Somaliya iyo Congo. Dimuqraadiyada Kenya,waxay gaarsiisan tahay Aqalka Cad iyo Biden hortiisa in laysku…
Somalia’s cabinet on Thursday approved number of bills during their regular weekly meeting in Mogadishu. The National Higher Education Act, the Somali National Teachers’ Policy, Environmental Impact Assessment Regulations, Defense Cooperation Agreement between the Governments of Somalia and Kenya; and Agreement on the Promotion and Protection of Investment between Somalia and the United Arab Emirates (UAE). Source: @SomaliPM