Muqdisho, 23, May 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah; 1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka, 2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed. 3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka 4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya 5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka…
Author: Jibril Qoobey.
Waa dhab Deni waxa uu iska dhaqay oo dib usoo jiitay Shacabka Somaliyed oo mar ku dhibsaday tagidii Itoobiya. Sidoo kale PL in ay Somali tahay oo Xasan ay kulan dhex loolamayso gudaha Wadanka,ayuu cadeeyay. Markale Deni,waxa uu xaqiijiyay hankiisa iyo PL waxa ay utaagan tahay oo ah ilaalinta Waxa heshiiska lagu yahay gudaha PL iyo dibada PL. Sida aysan PL uga soconayan Siyaasi rabitaankiisa oo lama dhaafaan utahay ilaalinta waxa ay ku heshiiyeen,ayuu xasuusiyay Somalida kale iyo BC. Waxaa la oran karaa Xasan Godkiisay Biyo ugu soo galeen oo Kubad Siyaasadeed,ayuu Deni la ciyaarayaa,waxaana Wadanka awoodiisa ku loolamaya Labadooda.…
Iyadoo laga duulayo warbixinta iyo talada ay soo gudbiyeen guddigii gaarka ahaa ee loo xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan xaaladda ardayda ka cabanaysay in laga joojiyey gelitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad. Iyadoo lagu dhaqmayo siyaasadda tayadhowrka waxbarashada islamarkaana la xoojinayo hufnaanta nidaamka waxbarashada. Iyadoo mudnaan la siinayo xallinta cabashada la xiriirta duruufaha dhaqaale ee ardaydan iyo sidii ay u dhamaystiran lahaayen waxbarashadooda. Waxaa lasoo saaray go’aankan: – 1. Gelitaanka imtixaanka; Arday kasta oo aan si sax ah ugu soo gudbin fasalka 12aad sababo la xiriira beddel aan sax ahayn ama in la bootiyey kama qaybgalayo imtixaanka…
Mar waxaa jirtay ay soo baxday xog sheegaysa in Nabadoono uu ku jiro Xarago Lacag loosoo marsiiyay dhanka Dhulka,taasoo loogu talagalay khalkhal gelinta amniga Bosaso,iyaduna wa beenowday. Kooxda Aaran-shaydaan? Maxamuud Shido Ninka la yiraahdo Geel uu Dhaqday,ayuu inta badan wakhtiga ku qaataa,waxaana jirtay Deni in uu dhowr jeer isku dayay xiriir in uu la sameeyo,waase usuuroobi wayday,sidaan xogta ku helay. Xasan Shire Wadanka,waa ka guuray oo Masar,ayuu Qoysaskiisa dajistay,wuxuuna Xamar ujoogay Visa iyo hawsheeda. Cali Xoosh,xiriir,ayuu lasoo sameeyay Deni magacaabistiisa kadib,balse ma suuroobin in ay isfahmaan,sida aan xogta ku helay. Ilmo Diyaano? Khatar kuma ahan PL xiligan mana jirto Gacan…
Maxay daaran tahay Khudbada Deni?. 1.Fariin jawaab celin u ah BC oo xiriir la samaysay. 2.Jihaynta Shacabka Puntland. Maxay macna ah oo PL ulahayd? 1.Muujinta Doorka Curadnimo ee Siyaasada Somaliya ay ku leedahay PL. 2.Xoojinta ilaalinta Sharciga iyo nidaamka ee PL ay utaagan tahay. 3.Mowqifka PL in la cadeeyo Siyaasiyan mar walba. Yay weerar ku tahay fariinta Deni? 1.Xasan Shiikh. 2.Axmed Madoobe. Isku soo wada duuboo khudbada Deni salkeedu waa jihaynta Shacabka iyo la hadlida BC. JQ.
Rishi Sunak ayaa xaqiijiyay in doorashada guud la qaban doono 4 July, taas oo waqtigeedii laga soo hormariyay. Rishi ayaa u sheegay dadweynaha dalkaasi in su’aashu hadda tahay ‘’sidee iyo qofkee ayaad aamin san tahay’’. Waa waqtigii Britain ay go’aamin lahayd mustaqbalkeeda ayuu yiri, waa in aad go’aan ka gaartaa haddii aad dooneyso ‘’inaad dhisto mustaqbalka aad sameynayso, ama inaad khatar u gasho inaad ku laabato halkii hore.’’ Sunak waxa uu sheegay in dhaqaalaha UK uu wali kobcayo, sicir bararkuna uu halkiisii caadiga ahaa ku laabtay. Waxa uu sheegay in dulsaarku hoos u dhacayo, qorshaha dawladdiisuna uu shaqeynayo. …
State- hebel markaan Doorasho magelayee hal sano ayaan siiyey, Labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellaya, waxay la micno tahay , sharciyada oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan”Ayuu yiri MW Deni. Waxa uu uduurxulay DG Koonfurta,gaar ahaan Jubaland. Sidoo kale,waxa uu toos uweeraray Xasan Shiikh iyo Siyaasadiisa. PL,ayuu mowqifkeeda cadeeyay oo ubayaaniyay BC iyo Somalida kale. Arinka xusida mudan,ayaa ah khatarta amni ee PL uga imaanaysa Xamar oo Xasan Shiikh maalginayo,taasoo gaarsiisan in MW PL Afkiisa kaga dhawaaqo. Khudbada Deni,waxay midaynaysaa Shacabka PL gudo iyo dibad,waxayna sii go’doominaysaa Xamar iyo kuwa ay adeegsanayso. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1793303837207351563?t=OQnqTJwX3_uoZ23jyra7hQ&s=19 “La isma…
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin,ayaa soo dhaweysay go’aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeeyihiin. “Tallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaarsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin. “Intaa waxaa dheer, aqoonsiga Spain, Norway iyo Ireland, waa mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhammaan qaanuunnada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrimahaan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhammaan dadaallada…
Go’aan loo baahnaa ayay qaateen Sadexda Wadan ee Yurubiyaanka ah. Reer Falastiin,waxay xaq uleeyihiin in la aqoonsado Dowlad ay leeyihiin oo ka ag dhisan Israa’iil. Sida muuqata Reer Galbeedku khaati ayay ka soo istaageen Netanyahu. Galbeedka talaabadan,waxay utahay isbadbaadin Siyaasadeed. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1793277621993664610?t=LoHOJacAtyPVMz_iUIulTg&s=19
Garoowe: 22 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday. Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqadii wanaagsanayd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dar-dargeliyo shaqada…
Dacwad oogaha ICC-da ayaa sidoo kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas. Saddexdaan nin ayaa kala ah madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa. Mr Khan ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Xamaas inay galeen dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dil, afduub, kufsi, xadgudub galmo iyo jirdil. Inta badan eedeymahaan ayaa salka ku haya waxyaabihii dhacay laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar, markii mowjado weerarro ah ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo jawaabtii ay ka bixisay Israa’iil. Xamaas ayaa mar sii horreysay dalbatay “in…
Maxkamadda caalamiga ah ee ICC-da waxaa la aas-aasay bishii July sanadkii 2002-dii, sababta loo unkayna waxay ahayd sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka ay waxyeellada ka soo gaarto dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha. Sanooyin badan kadib waxaa su’aal la galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkii loo aasaasay. Kiisaska ugu badan ee horyaalla maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad. Qaar ka mid ah dalalka Afrika ee saxiixay heshiiskii Rome ee maxkamaddan lagu aasaasay ayaa horey ugu gooddiyay inay isaga baxayaan haddii aanan wax laga badelin qaabka ay u shaqeyso. Tillaabadaan ay…
My humble view on Puntland’s strategic decision to suspend all ties with the Federal Government, and how all Somalis realized after a month or so that this decision was aimed at safeguarding the nascent Somali statehood. Puntland’s decision to suspend ties with the federal government after two months became a call for a return to inclusive, consensual governance. In fact, it was a bold step towards ensuring that Somalia’s political process remains democratic and representative of all its people. Knowing that the professional constitution, a product of consensus and extensive deliberation, was expected to be the foundation of Somalia’s federal…
Wasiir Caydiid ma matali karo Warfaafinta mana qaadi karo maqaamka Dowladnimo ee Puntland. Inta badan hadalkiisu waa gef iyo waxaan laga fiirsan oo usoo jiida PL magac xumo iyo Aano Siyaasadeed. Haatan hadalka uu ka yiri KG iyo Itoobiya,waxay PL usoo jiiday Laba khalad iyo Eed Siyaadaeed oo aan loo baahnayn… 1.KG oo aan nahay Laba Shacab iyo Laba Maamulo oo isixtiraama Eed aan loo baahnayan,ayuu naga geliyay. 2.Itoobiya oo ah Dowlad xiriir wanaagsan naga dhaxeeyana Toosh khaldan,ayuu ku ifiyayay danaheeda iyo xiriirkeeda KG. Ma’ahan markii ugu horaysay ee Wasiirka Warfaafinta PL uu ku kaco,Aano Siyaasadeed dibada ah, kicin Shacab…
Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada,ayaa amartay in lasoo xiro RW Israa’iil Netanyahu iyo Wasiirkiisa Gaashaandhiga. Labada Nin,waxaa loo haystaa danbiyo dagaal oo ay ka galeen Shacabka Falastiin ee Qasa. Israa’iil,waxay u aragtaa in amarkan Sharciga baalmarsan yahay oo uu taageerayo xasuuqa Yuhuuda markale. Si kale,waxay u aragtaa Israa’iil go’aanka Maxkamada in uu Xamaas ku dhiirigelinayo ka dagaalanka Shacabka dhexdiisa. Reer Galbeedka oo dhabarka ka taagan Israa’iil ma hor istaagin go’aanka Maxkamada,Laba arimood awgood…. 1.In aysan toos umuuqan ku tagrifalka awoodaha caalamiga ah ee ay marmar ku kacaan. 2.Netanyahu oo ay xakamayn waayeen oo laftigiisa ay rabaan in la bajiyo. Si…
Muuqaalka hoose waa Xafladii uu kala qayb galay dhigiisa Aserbijan inta uusan Shilka diyaaradeed ku dhiman Madaxweynihii Iran. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1792507485896523963?t=X6NzzxMyVuPUP6PAchot2Q&s=19 Burburka diyaarada gaaray iyo gurmadka oo saacado badan qaatay marka la qiimeeyo rajada in ay cidi diyaarada ka badbaaday waa yarayd oo xitaa hadii dhaawac jiray ,waxaana aad udheeraa Saacadaha raadinta. Helitaanka burburka diyaarada,waxaa ka saaciday Satarlaydka Midowga Yurub iyo Turkiga diyaaradiisa casriga ah,taasoo markay gurmadka soo gashay wax kayar laba Saacadood kusoo heshay halka diyaaradu ku dhacday. Dhacdadan,waxay qaawisay Iran,waxayna muujisay halka ay dhigeen Wadaada xagjiriinta ah Wadankii soo jireenka ahaa Ee Iran. 15-Saacadood haday qaadatay helida Raqda Madaxweynihii oo…
Shacabka Iran gudo iyo dibadba waa ku farxeen geerida foosha xun ee ku dhacday Madaxweynahooda. Shacabka gudaha ma muujin karaan dareenkooda si weyn,balse tirada iraniyiinta qurba joogta ah,ayaa si weyn usoo baxay. Raysi,wuxuu ahaa xagjir ay Madaxmartay Shiicanimadu oo wuxuu kasoo jeeday Qoys Diimeed,isagoo kuray ah,ayuu ku biiray Wadaada iyo Kacaankooda,wuxuuna qayb ka qaatay dilka iyo caburinta Dad badan oo kasoo horjeeday xukunka Wadaada. Kacdoonadii ugu danbeeyay,ayaa ahaa kuwii uu sida adag umaamulay oo Dil,Ciqaab iyo Xarig iskugu daray Dadkii kacsanaa,waana meesha uu ka raacay Magaca (Kawaanle). Raysi Siyaasada dibada,waa talax tagay sida mida gudaha uu ugu maamulay xagjirnimo,balse ugu…
Ugu danbayn,waa la helay Burburkii Diyaarada uu saarnaa Madaxweynaha Iran. Si rasmi ah,ayaa loogu dhawaaqday dhimashada…. 1. Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi. 2.Xuseyn Amiir Cabdel-Lahyaan Wasiirkii arrimaha dibada. 3.Malek Rahmaayi Amiirkii Gobalada xadka Azerbijan xiga. 4. Lataliyayaal sare. 5.Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatulah Cali Khumeyni. Maydadka oo uu ku jiro Maydka Madaxweynaha,ayaaa la helay. Iran dhacdadan,waxay ku noqotay Wajigabax,si gaar ah talada Wadaada xagjirka ah ayay ceebaysay. Madaxweynihii Wadanka in la waayo Raq iyo Ruux mudo ku dhow 24-Saac waxay banaanka soo dhigaysaa halka Iran taalo. https://twitter.com/clashreport/status/1792436090508341615?t=E0m8Eugw-bxeug6zsXdKjw&s=19
Following the death of Foreign Minister Hossein Amir-Abdollahian in the helicopter crash, Ali Bagheri Kani is being considered as his replacement. Ali Bagheri Kani, 56, has been a key figure in Iran’s political landscape, serving as the political deputy at the Ministry of Foreign Affairs since September 2021. He has played a critical role in nuclear negotiations and mediated the September 2023 prisoner release deal between Iran and the U.S. Known for his hardline stance, Bagheri Kani is a significant candidate to assume the role of Foreign Minister due to his extensive experience and family connections. Sources: Al Jazeera, United…
Wali lama hayo Raq iyo Ruux Madaxweynihii Iran,waxaana la baadigoobaya Iran Caalamka oo idil. Diyaaradaha Turkiga,ayaa kusoo biiray baadigoobka Madaxweynihii Iran. Israa’iil,waxay sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn Shilkaas oo aysan danaynayn. Iran,waa ku ceebowday in MW Wadanka aan lahayn 11-Saac kadib Raqdiisii iyo Ruuxdiisii. Diyaaradaha Turkiga oo baadigoobaya MW Iran https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1792289986168946829?t=PbH7SxDBBmc-xm2baTNMHw&s=19 Markii koox kaliya Wadanka ay Gacanta ku dhigaan Dowladnimadu sidaan ayay umacno liidataa oo ufashilantaa. Iran lagama filayn awooda noocaan ah in ay Maanta leedahay marka la qiimeeyo Dhaqaalaheeda iyo taariikhdeeda. Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga helo Mw. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1792288978017660972?t=HCSsHeCQAWFChuTYmv78pw&s=19
“Charles Michel”, President of the Council of Europe:The European Union closely monitors the situation of the Iranian president’s helicopter accident. Maria Zakharova, Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs of Russia: Russia is closely monitoring the information related to the fate of the passengers of the Iranian President’s helicopter, we sincerely hope that the passengers are alive and that their lives and health are not in danger. Erdogan, President of Türkiye I was very affected by the accident of the helicopter carrying my brother “Ebrahim Raisi”. The Ministry of Foreign Affairs of the Interim Government of Afghanistan: We hope that…
Mudo kudhoow 10-Saacadood wali lama hayo raq iyo ruux Madaxdii Iran. Uguna muhiim sanaayeen madaxweynihii iyo Wasiirkii arimaha dibada ee dalkaas. Dhamaan Dawladaha aduunka,ayaa kaqayb qaadanaya Gurmadka iyo Baadigoobka Madaxda Wadankaas. Waxaa wax lala yaaba ah in Diyaaradihii Galbinayay waftiga Madaxweynaha kulaabteen Tehran iyagoon ogayn waxa kudhacay diyaaradii Madaxweynaha. Awood Ciidan iyo mid gaashaandhig waa leeyihiin lkn Aduunka maanta ah waa qalab casri ah iyo xogta oo deg-deg loo heli karo markasta intaas Iran malahan. Qalabkeeda iyo wara warayn teeduba waa mid qadiim ah,sigaara diyaarada Madaxweynahu saarnaa waxay ahayd diyaarad kuwa Qumaatiga ukaca Aircopter 1973 ah oo kuwii dagaalka Vitnam…
Wasiir ka tirsan xukuumada dagaalka ee Israa’iil Benny Gants ayaa ku hanjabay in uu is casili doono haddii aanu Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uusan dejin qorshah dagaalka ka dib ee marinka Qaza. Mr Gantz ayaa u qabtay 8-da Juunyo maalinta kama dambaysta ah ee lagu gaarayayo qorshe ka koobaan lix qoddob oo ” istiraatiiji ah “, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo samaynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah. “Haddii aad qaranka ka hormarisaan shaqsiga, waxa aan noqon doonaa saaxiibada halgank” ayuu yiri. “Laakin hadii aad doorataan dariiqa xagjiriinta oo aad umadda oo…
“Unofficial Iranian media reports that President Ebrahim Raisi and at least one other high-ranking Iranian government official died in the helicopter crash this afternoon in northern Iran. Iranian security officials are already talking about a serious assassination attempt, noting that there were three helicopters in the convoy, and the other two arrived safely to their destination.” The helicopter reportedly made a “hard landing” around the village of Uzi in the forests of Arsbaran due to heavy fog. Passengers on the helicopter include: ▪️Iran’s President, Ibrahim Raisi ▪️Iran’s Foreign Minister, Hossein Amir Abdollahiyan ▪️Ayatollah Al-Hashemi, Imam of Tabriz Mosque ▪️Governor of…
Warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ay si degdeg ah u degtay Axadii, iyadoo aan faahfaahin laga bixin. Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in xaaladaha cimilo xumo ay sii adkaynayso dadaalada samata bixinta. Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa ku boorisay dadka reer Iran inay u duceeyaan Raisi. Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan,…
MAALINTA LABAAD SHIRKA JIHENTA XUKUUMADDA. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1792185294684373487?t=8P3TM3AW5rxm5c0rsuiHZw&s=19
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa qoraalkiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya shirka iyo xaaladda guud ee dalka waxaana uu u qornaa sidan:- Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka. 1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland: Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan…
Kulankan,wuxuu jawaab celin uyahay tagida Firdhiye ee Xamar iyo qorshaha Timacade fulinayo ee Damjadiid. In Dadka reer Puntland ka midaysan yihiin ilaalinta Dastuurka Wadanka iyo waxii heshiis lagu ahaa,ayuu muujinayaa kulankan. Si gaar ah reer Sool in aysan kula socon Firdhiye iyo Timacade ku dhawaanshaha Xasan Shiikh,ayuu banaanka soo dhigay. MW Deni,waxuu uyahay kulankan fariin Siyaasadeed oo uu udirayo kuwa loolanku ka dhaxeeyo ee Xamar. Xamar Dowladnimo la dugsado kama jirto Dadka reer PL waa fahansan yihiin oo ka midaysan yihiin. Halkan ka daawo muuqaalka kulanka. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1791904693347631356?t=op7Uzziy6Z56XwYb6uaYAg&s=19
“PL ma khuseeyo waxa ka socda Madasha Wadatashiga Qaran,marka horana teeday ku filnaanaysaa oo gudaheeday isla Xisaabtamaysaa,kadibna Somalida kale ayay la xisaabtamaysaa ma jiri doonto caadifad danbe oo aan ku raadino Qaran Somaliyed”Ayuu yiri MW Deni. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1791775306677629071?t=_R85spcuGG_dCFMojdhKLQ&s=19 Madaxweyne Deni runtii,wuxuu dul istaagtay Qodobo muhiim ah si loo helo Qaranimo sax ah. Dowladnimada Somaliya,waxa hor taagan ee caqabadaha ku ah,ayuu iftiinshay Madaxweyne Deni. Halkan ka daawo muuqaalka 2-aad https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1791909185971519666?t=j0w9FumLTihlEG3ZI9My-A&s=19
Garoowe: 18 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay Ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xubnaha Ururada Bulshada Puntland. Ambs Catriona Laing ayaa lagu maamusay bilad sharaf iyo Hadyado dhaqan oo uu Guddoonsiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo uga mahadceliyay…
Puntland,waxay soo bandhigtay Maanta qorshaheeda 5-ta Sano . Waa qorshe si weyn loosoo diyaariyay oo uqalma PL iyo mustaqbalkeeda horumarineed. BC,ayaa aad u amaantay ulana dhacday qorshaha 5-ta Sano ee PL,waxayna kaga qaybagalysa soo Aalada Zoom-ka. Fashilka Siyaasadeed ee Xasan Shiikh ku dhacay Maanta,wuxuu kusoo aaday PL oo soo bandhigaysa Maamul Wanaageeda iyo BC oo kala qaybgalaysa. Madaxweyne Deni oo furay,ayaa ka jeediyay khudbad qiimo badan oo dhinacyo kala duwan oo gudaha PL iyo dibada ka hadlaysa. https://youtu.be/LXTdi2Ki4yg?si=qOq-q2ECvlbD06Sr https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1791771746279829621?t=04ZQJul24tVwX5sXPQcwgQ&s=19
Tilmaamta ugu habboon ee heshiiska xalay la gaaray leeyahay waa in uu ahaa isku danaysi ku meel gaar ah, hal ku dhiggiisuna yahay “waa socon waynee aan orodno”. Sanad ka hor Madaxweynaha iyo afarta maamul gobolleed waxay ku heshiiyeen in 30-ka June oo ah dhammaadka bisha soo socota la qabto doorashooyinka Dowladaha hoose, halka doorashooyinka xubnaha Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku xigeenka la qabto 30-ka November ee sanadkan. Markii lagu guuldaraystay, rajana laga qabin in ay dhacayso ayaa lagu heshiiyey in waqti u qabashada doorashooyinka oo idilba la iska daayo, laguna gaabsado in doorasho qof iyo cod ah oo muddo…
Xogo dheeriya? 1.Xasan waxa uu hordhigay Axmed iyo Laftagareen Lacag si ay u aqbalaan qorshiisa,waase ku diideen. 2.Hal Sano oo mudo kororsiya in ay qaataan waa ka diideen Afarta DG. 3.Shirka,waxaa loo fadhiyay in Doorasahooyinka la jiheeyo ,waana ka waayay Xasan siduu rabay. 4.Shirka Caro,ayaa lagu kala tagey. Waxa la sugo waa talaabooyinka ay qaadaan KG iyo JL. Dhan walba marka laga eego Shirkan oo markii horaba ay macno tirtay ka maqnaanshaha PL hadana wax kasoo baxay majiraan. 2-Sano kadib Xasan mahayo Wadan mid ah xalna uma hayo Doorashada Wadanka oo mudaysan 2-Sano kadib. Heshiiska Doorasho waa mid Dad badan…
Fashil,ayuu kusoo idlaaday Shirkii Madaxda Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka ee Muqdisho ka socday maalmihii udanbeeyay. Qodobadii muhiimada lahaa ee quseeyay Doorashooyinka laguma xusin Warmurtiyeedka. Qodobka Amaanka si macna leh uguma aysan hadlin oo ma faahfaahin xiliga hawlgalka Galmudug soo dhamaanayo iyo qorshe guud oo dagaalkaas ku salaysan. Sidoo kale Cutubyada waxka badalka Dastuurka ee Xasan sameeyay DG si cad uma aqbalin kaliya,waxay soo dhaweeyeen Shaqada socota. Waa la filayay in Warmurtiyeed noocaan ah uu kasoo baxayo Shirkan marka la qiimeeyo xogihii laga helayay. 17-May oo Laba Sano ubuuxsantay in Xasan la kulmo waji gabaxan,waxay ka dhigan tahay in uu siyaasiyan…
Halkan ka akhriso:-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya falkii lagu toogtay reysal wasaaraha dalka Slovakiia. Madaxweynaha xilka ka sii dageysa ee Slovikia, ayaa xaqiijisay in boolisku ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka. Waxa ay sheegtay in saraakiishu ay bixin doonaan macluumaad dheeraad ah sida ugu dhakhsiyaha badan. Zuzana Caputova,ayaa hadalkeeda ku dartay in toogashada lagu weeraray siyaasigeeda ay tahay “weerar ka dhan ah dimuqraadiyadda”. Goor sii horeysay, Caputova,ayaa cambaareysay toogashada oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan naxariis lahayn”.
Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”. Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale. “Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda…
Shirka DG iyo DFS sharciyada lumisay ee B&K Dalka,waxay u badan tahay in Qodobada Amaanka,wax dhaafsiisan aysan kasoo bixin. Qodobada Doorashada ee macnaha ka dhex lahaa Ajandaha kulankooda, dib in ay udhacaan oo aan wax is afagarad ah laga gaarin ayay ubadan tahay. Kulan kale iyo Bisha June ah in loo balamo ayay ubadan tahay. Ila meerayso,isgaadid iyo wada noolaansho gaaban oo Naf ku celis Siyaasadeed ah,ayaa dhexyaal Odoyaasha shiraya. Waa lays fahansan yahay hadana layskuma cadayn karo. JQ.
Firdhiye markii Shalay laga dhagaystay warbixintii xaalada LC waa la fasaxay qaybna kama ahayn Shirka. Firdhiye warbixintiisii kadib su’aalo,ayaa la waydiiyay,waxaana ka mid ahaa kuwo uu waydiiyay RW xigeenka Saalax oo ahaa…. “Maxaabiistii SL qaar in la laayay,ayaa nasoo gaaraysa ee maxaa ka jira”. Firdhiye,wuxuu ku jawaabay… “Waa war been ah waxayna ku jiraan Gacan aamin ah Maxaabiistaas”. Tagidiisa Shirka B&K ma ahayn mid macno usamaynayay rabitaanka Beesha uu matalo,waxaana uga macno weynaan lahayd in uu PL ku garabsiiyo ilaalinta Dastuurka Wadanka iyo wixii lagu heshiiyay. Isma le eka Warbixin in laga dhagaysto Khaatumo iyo mustaqbalka horyaala ee ubaahan jihaynta.…
Qodobada laysku mari waayay?? Xasan? 1.Xasan oo ku dhagan 2025 March in ay qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah Afarta DG. 2.Xasan oo soo jeediyay hal Gudi Doorasho in uu wada qabto Doorashooyinka oo idil. DG? 1.In ay Nov qabsadaan Doorashooyiinkooda oo ay ku galaan mid dadban oo ay umadaxbanaan yihiin. 2.In la siiyo mudo kordhin siman oo ka bilaabata Nov 2024-Nov 2026. Kulankii hore ee saakay,wuxuu ahaa mid amni,kadib,ayaa laguda galay kulankii caadiga ahaa. Uma badna in wax laysku raacsan yahay kasoo baxaan,sababtoo ah Xasan ma ogola in DG ka mudo xileed danbeeyaan ama la simaan,sidoo kale DG ma…
Qodobada laysku mari waayay,waxaa ka mid ah…… Xasan muxuu rabaa? 1.Xasan oo ku dhagan 2025 March in ay qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah Afarta DG. 2.Xasan oo soo jeediyay hal Gudi Doorasho in uu wada qabto Doorashooyinka oo idil. DG maxay rabaan? 1.In ay Nov qabsadaan Doorashooyiinkooda oo ay ku galaan mid dadban oo ay umadaxbanaan yihiin. 2.In la siiyo mudo kordhin siman oo ka bilaabata Nov 2024-Nov 2026. Kulankii hore ee saakay,wuxuu ahaa mid amni,kadib,ayaa laguda galay kulankii caadiga ahaa. Uma badna in wax laysku raacsan yahay kasoo baxaan,sababtoo ah Xasan ma ogola in DG ka mudo xileed…
Madaxda B&K iyo kuwa DFS ee sharciyada lumisay qorshahoodu ma’ahayn in ay Maanta kulmaan xafladaha daraadood,balse umadaxweynayn loo samaynayay Firdhiye kadib markii aad looga xumaaday ilhaamadii lagu sameeyay,ayaa la go’aamiyay in laysku yimaado oo laga dhagaysto xaalada Laascaanood. Firdhiye markii horaba Talyaaniga,ayaa loo waday oo Shirkado Shidaal,ayaa kulamo looga qabtay,kuwaasoo koox dulaaliin ah oo Dowlada Xasan ka mid ah ay soo diyaarsadeen. Sii maridiisii Xamar ayay Timacade,Xoosh iyo Xamse ubadaleen in uu ka qaybgalayo kulanka,waase socon waayay warkaas. Haatan salaan iyo sawiro uu la qaato Odoyaasha,maku filan tahay in ay ka dhaqdo oo soo kabto ilhaamadii dhacday? Xasan waa ka…
Shirka Bahrain,waa ka baaqday MW Xasanka lumiyay Sharciyada. Baaqashadiisa,waxaa keenay kadib markii laga soo jawaabi waayay codsiyo balama ah oo uu udirsaday dhawr Wadan oo Carbeed Madaxdooda. Shirka Bahrain inta uu usocdo,waxaa jira kulamo dooceedyo ay yeelanayaan Madaxda,waana kuwaas kuwa Xasan danaynayay in uu u aado Shirka. Sida laga soo xigtay ilo Diblomaasiyadeed,ilaa Afar Wadan oo ay ku jirto Boqortooyada Sacuudiga,ayaan jawaab kasoo celin codsiyo ahaa in MW Somaliya la kulmo Boqorada iyo Amiirada Wadamadaas. Markii Dowladahaas ka aamuseen codsiga Somaliya,ayuu Safiirka Somaliya ee Sacuudiga oo isku dubaridayay kulamadaas,waxa uu soo jeediyay in uusan imaan MW maadaama la diiday codsiyadiisii.…
Maanta Baarlamaanka Jubaland,waxaa qorshaysnayd in uu waxkabadalo Dastuurka waliba Qodobka 70-aad ee dhigaya inta jeer ee MW JL isa soo sharixi karo. Balse,waxaa amray MW Axmed in Maalin dib loogu dhigo waxkabadalkaas. Axmed,waxa uu ishaafalataynayaa Shirka Xamar ee uu fadhiyo hadii ilaa Caawa ishaaro qurxoon umuuqan waydo,waxa uu amrayaa in isla beri Baarlamaankiisu hawlgalo. Axmed Madoobe,waxa uu rabaa 5-Sano oo cusub in uu qaato,wuxuuna haystaa fursad uu ku hirgelin karo oo majiro mucaarad awood leh oo ka hor istaagi kara. DFS ee sharciyada lumisay,waxay rabtaa in ay Axmed ku qancidlso Hal ama Laba Sano oo mudo kororsiya,taasoo Axmed fahansan yahay…
New York – United Nations Secretary-General António Guterres announced today the designation of James Swan of the United States as his Acting Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Mr. Swan will act as Special Representative for a temporary period following the departure of Catriona Laing of the United Kingdom, to whom the Secretary-General is grateful for her dedicated service in UNSOM and Somalia at a challenging time. Mr. Swan is an experienced diplomat with a long career in African countries facing complex political transitions. Most recently, he served as Special Representative for…
Maanta dib uma furmin Shirkii Madaxda B&K iyo DFS ee sharciyada lumisay. Dib udhaca Maanta,waxaa keenay Xafladaha 25-ka SYL iyo Laba Sano Guurada doorashadii Xasan Shiikh. Sida la filayo Maalinka Beri ah in uu halkiisa kasii socdo Shirku,ayaa la rajaynayaa hadaan wax isbadalin. Arimaha horyaala Shirka? 1.DG oo ku dhagan in loo fasaxo Doorashooyinkooda oo ay qabsadaan ama mudo xileed la siman kan DFS ee sharciyada lumisay la siiyo. 2.DG oo ku dhagan Laba Gudi Doorasho in ay jiraan oo kala heer ah kalana Shaqo ah. 3.DFS ee Sharciyada lumisay oo ku dhagan mudo xileed gaarsiisan ugu badnaan Laba Sano…
Gabadha haatan tagaysa ee kasoo jeeda UK,waxaa lagu dhaliilay in aysan ahayn Qof Siyaasada ka shaqaynteeda ku fiican,waxayna ugaga fiican tahay arimaha farshaxanka. Waxaa la sheegaa intii ay joogtay Somaliya Dadka ay la kulantay in ay ubadnaayeen Dadka mihnada Farshaxanimada ku Shaqaysta. Dadka falanqeeya Siyaasada iyo Diblomaasiyada Somaliya,waxay sheegaan in UK ku ceebowday soo dirista Gabadhaas oo ahayd Qof fudayd badan ku jiro mararna lays waydiiyo in uu jiro Xanuun Maskixiyan ah. Diblomaasiyadii Ingiriiska ee Rugcadaaga ahayd in Qof Qalbi xabxab ah kasoo dhex baxo oo waliba ku matalo Wadan muhiim u ah loolanka Juquraafiga Siyaasadeed oo UK udub dhexaad…
Swan Waxa uu noqonayaa Wakiilka SRSG ee Somaliya oo haatan ah Macalin Jaamacadeed iyo Madaxa Barnaamijka Cimilada ah. Waa Wakiilkii hore ee QM iyo kii Maraykanka oo kasoo shaqeeyay Somaliya xili adag haystana xog iyo khibrad ku dhow 20-Sano oo Siyaasada iyo amaanka Somaliya ah. Waa Nin aragti iyo hogaamin leh,waxaana lagu xasuustaa in uu ahaa Ninkii Farmaajo geeyay Teendhada,taasoo ka dhigan in uusan Xasan heli doonin fursad. Si gaar ah PL waa Nin yaqaan oo lasoo shaqeeyay ilaa MW Faroole,Gaas,isla markaana Deni ku cadaadiyay in uu s casilo markii uu utartamayay Kursiga Madaxtooyo ee Villa Somaliya Doorashadii Xasan kusoo…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM. James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag. James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir…
Waxaa Warqad udiray Xamse,wuxuuna usoo dhiibay Xoosh,taasoo ay ku qornayd in Firdhiye si rasmi ah uga qaybgalayo Shirka. Kadib markuu soo yimid Muqdisho,ayaa la geeyay meel uu dego loona sheegay in uusan Shirka tagi karin oo wax isbadaleen. Dadaal iyo loolan dhexmaray Daaroodkii Dowlada ku jiray ee RW Xamse ugu sareeyay iyo Isaaqii Dowlada ku jiray ee uu ugu sareeyay RW xigeenka Saalax,wuxuu kusoo idlaaday Xasan oo raacay Siyaasiyiintii Beesha Isaaq si Cadna Firdhiye uhor istaagay. “Kama aan warqabin saxna ma ahayn casumaada Firdhiye”Ayuu yiri Xasan Shiikh. Haatan Xasan,waxa usoo faray Xamase iyo Xoosh in marka Shirku dhamaado Warmurtiyeedka lagu…
Waa laysku mari waayay Shirkii Madaxda B&K iyo DFS ee sharciyada lumisay Maalintiisii 1-Aad oo qir iyo qir,ayaa lagu kala hoyday….. Muxuu soo bandhigay MW DFS ee Sharciyada lumiyay? 1.in DG qaataan Hal Sano oo mudo kororsiya. 2.In ay aqbalaan Gudi doorasho oo hal mid ah. DG maxay soo bandhigeen? 1.In Doorashooyinku isku mar dhacaan oo ay wada noqdaan 2027. 2.In Afar bilood kadib ay qabsadaan Doorashooyinkooda hadaan mar lawada galayn oo aysan rabin Sanad ku darsiya. 3.Gudi Doorasho oo Laba heer ah. Dood dheer kadib,iyadoon xal la gaarin oo aan meel laysku raacin,ayuu Shirku soo xirmay Galabta,waxaana la balamay…
Regardless of my personal stance on the decision made by the people of Sool to part ways from their PL region, I’m deeply concerned about two crucial matters: 1. The potential harm to our relationships and shared interests through exploitation. 2. The need to stay vigilant against any deceptive actions, especially those of Hassan Sheikh, who seems indifferent to our concerns. Ultimately, whether there’s a need for defense or a new government should be decided by the people of PL, and Hassan’s involvement doesn’t change that. To my fellow brothers and sisters from Sool, I want to convey our sincere…
Mahan in aan diidanahay Aayo ka tashiga reer Sool ama in ay Gobolkooda PL kale kala baxaan ee waxa aan diidanahay,waa Laba arimood oo kala ah.. 1.In naloo isticmaalo oo ehelnimadii iyo danihii kale ee naga dhaxeeyay la burburiyo. 1.In ay ka feejignaadaan lugooyada Xasan Shiikh oo aan haba yaraatee dan uwadin. Sool haday difaac noqoto iyo haday Maamul dhisid noqotoba PL ayay uga xiran tahay ee Xasan waxba uma hayo. Walaalahayo reer Sool,waxaan leenahay rabi ah idin tuso wanaagayaga iyo baarinimayada aan shuruudna ku xirnayn. Hadaad arki waydaan horay usocda oo gaara meeshaad ku qancaysaan. Kulayl iyo Qabow midna…
Xamse iyo kooxdii Aaran oo Cali Xoosh matalayo kuna xumaynaya MW Deni iyo PL,ayaa suuqa soo galiyay inuu ka qayb galayo Shirka Firdhiye. Balse isla Xalayba Xasan si cad,ayuu udiiday aragtidaas ah in Shirka la fariisiyo ugu yaraan oo Sawirada uu qayb ka noqdo. Ujeedka rasmiga ah ee Firdhiye Xamar loo geeyay,wuxuu yahay…. “Shirkada Shidaalka Eni ee Tlyaaniga ah, iyo Shirkadii horay u baartay Ceelka Hol-hol oo Maraykan ah,ayaa loogu gaynaya Rome”. Xamar,waa lasii marsiinayaa kadibna waa lasii gudbinayaa,waxaana dulaalka arinkan wata Dowlada Xasan iyo koox Xildhibaano ah. Buunbuuninta tagidiisa Xamar la buunbuuninayo,waa in MW Deni laga dhigo Nin lagala…
Qaraxyo iyo Ninkii waday,ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso Xarunta Ganacsiga Puntland. Ciidanka Badda Puntland,ayaa Gacanta ku dhigay Qaraxaas iyo Ninka Sharwadaha ee siday. Talaabadan waa mid bogaadin mudan oo ah Shaqo wanaagsan oo la qabtay,balse khatarta argagixisada kaga imaanaysa Bosaso kuma filna Hal Qarax iyo Hal Qof oo la helay. Si weyn ayay usoo xoogaysanaysaa saamaynta Bosaso kooxda argagixisada ah ee Daacish,waxayna kusoo badanayaan Buuraha Cal Miskaad. Sida xogaha amaan ee la helayo ay sheegayaan ku dhawaad 400 oo Maleeshiyaad ah oo 60% ay yihiin Shisheeye,ayaa ku sugan Buurahaas. Walwalka ugu weyn ee ka jira guud ahaan Gobolka Bari,waa saamaynta…
Shirkan,waa mid laysku gaadayo oo hadana lays fahansan yahay. Xasan muxuu rabaa?. Wuxuu dhigayaa siriq uu ku gaadayo Madaxda Afarta DG,taasoo ah… B.In min Hal Sano ay ku darsadaan. T.In ay taageeraan Dastuurkiisa. J.In ay aqbalaan Gudi Doorasho oo mid ah. DG maxay rabaan? Waxay dhankooda ciyaarayaan Kubad Siyaasadeed oo ah…. B.In Xasan ogolaado Laba Sano oo ku darsiya. T.In Xasan aqbalo isku mar in ay Doorashadu dhacdo oo aan lakala danbayn. J.In Xasan aqbalo Laba Gudi Doorasho oo heer DG iyo Heer Fadaraal ah. DG,waa isfahansan yiihiin oo waa isku Dan,waxayna ujilayaan Xasan in aysan isla socon. Qorshaha ugu…
Axmed Madoobe Saacado ka hor,ayuu ka tagay Kismaayo,isagoo aaday Xamar oo uu ka dhacayo Shirka Madaxda Koonfurta iyo Bartamaha Dalka. Kulankaas oo horay uqabsoomi waayay ayay hada ubadan tahay in layskugu yimaado oo furmo. Axmed waa fahansan yahay ciyaarta socota ee Xamse iyo koox la socota oo beeshiisa ah ay ku doonayaan in meesha looga saaro. Qorshe,waxay wadaan ah in Axmed aqbalo 2-Sano oo ku darsasho ah,iyagoo uga Dan leh 2-Sano kadib Axmed in sidaa lagu diro oo uusan soo laaban. Balse Axmed waa og yahay qorshahan ay riixayaan Xildhibaano iyo Senetaro uu ugu horeeyo Ilyaas,qorshahaas oo laga soo dhaadhiciyay…
Garoowe : 13, May 2024: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntand S/Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa maanta Xarunta Taliska booliska Puntland ku qaabilay Safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern. Kulanka oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland ayaa looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa mashaariicda horumarin Booliska oo ay iska kaashadaan labada Puntland & Sweden. #FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka. Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland…
Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane,Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane,Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane,Maxamed Maxamuud Cisse,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo golaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, caqabadaha jira iyo qorshaha…
Garowe : 14, May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern. Kulankan oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda PL,waxaa looga hadlay….. 1. Dowlad dhiska Somaliya gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland. 2.Dhameystirka Dimuqraadiyadda. 3.Mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1789967289929912753?t=kny3JNPoEn7Nl5aIOh0B3g&s=19 -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.