Author: Jibril Qoobey.

Hadii uu jiro Qof khatar ku ah xuduudaha iyo midnimada Wadanka,waa Xasan Shiikh. Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan.. Maxay qabanayaan Wasaaradaha Dowlada ee utaagan shaqadan loo samaystay Gudiga. Meeday Wasaaradii Gaashaandhiga? Meeday Wasaaradii Arimaha dibada? Meeye Sirdoonkii iyo hay’adihii amaan? Sida dhabta ah Sadex Qodob ayay daaran tahay Warqadan oo looga gol leeyahay… 1.In Dadka laga baqsan yahay in ay raacaan Mucaaradka loo sameeyo Shaqo. 2.In samaynta kooxdan ay Madaxtooyadu ku lunsato dhaqaale magacyo kala duwan loo bixiyo. 3.In Bulshada laga mashquuliyo Dastuurka lagu ciyaarayo. Haduu jiro Siyaasi ku fashilmay Shaqadiisa,waa Xasan Shiikh. JQ.

Read More

Garowe, Maajo 12, 2024; Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, iyadoo ka jawaabaysaa cabashada Ardayda iyo Waalidiinta ee lagu baahiyey baraha bulshada, taas oo lagu sheegey in Wasaaraddu ay u oggolaan weydey qaar ka mid ah ardayda Dugsiyada Sare ka qayb-galka imtixaanka shahaadiga ah, Wasaaraddu waxay soo saartay; 1. Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ardaydan oo tiro ahaan kooban marka loo eego tirada guud ee aradayda u fariisan doonta imtixaanka fasalka 12aad, looga joojiyey kaqaybgalka imtixaanka shahaadiga ah sabab la xiriirta inaysan buuxin qaar kamid ah shuruudihii laga rabay ardayga u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, taas…

Read More

Xogayaha Guud ee Qaramadda Midoobay António Guterres ka dib markuu arkay in Xubnaha Golaha Amaanka walaac ayka muujiyeen lixda mashruucood ayka wadaan Qaaradda Africa qaasatan Soomaaliya, wuxuu go’aan ku gaaray in dib u eegis lagu sameeyo xafiska UNSOM Soomaaliya shaqadiisa (Mandate). Go’aanadiisa: 1- Mr. Geterres Afar bilood ka hor wuxuu u saaray gudi guburo oo ka soo tala bixiya xafiiska UNSOM. 2- in aan loo xusbooneeysiin (contract) Wakiilkiisa Somalia Catriona Laing tasoo lagu micneeyay inaysan kalsooni ka haaysan xubnaha Golaha Amaanka. 3- Inuu xafiiska uu sii furnaado oo uusan u magacaabin wakiil cusub jagadana uu siina haayo ku xigeenka ilaa…

Read More

Madaxweyne Deni inta uusan aadin Mudug in uu la kulmo reer Garowe,waa loo baahnaa oo waxay meesha ka saaraysaa tuhumo si khaldan loo turjumi lahaa. Waa loo baahnaa kulankan Dowlada oo uu hogaaminayo Madaxweynuhu ay kula kulmeen Bulshada Nugaal qaybaheeda kala duwan. Iswaraysigan,wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta Dowlada iyo Shacabka iyo guud ahaan midnimada Puntland. Si gaar ah reer Nugaaleed,waxay ubaahan yihiin in lagu noqnoqdo,sababtoo ah,waxaa mudo Saldhig ka dhigtay kooxdii Midowga Shayaadiinta ee xumaanta faafin jirtay. Dowladu,waxay ka faa’idaysaa kulankan… 1.In aan loo kala waramin Dowlada iyo Bulshada. 2.In dhamaystirka Dimuqraadiyada aysan caqabad ka hor imaan. 3.In reer Garowe ay…

Read More

Garoowe: 11 May 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan Qado oo isxog-wareysi ah la qaatay Bulshada Gobolka Nugaal. Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Siyaasiyiinta, Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Nugaal, ayaa looga hadlay Amniga iyo horumarka Gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.  

Read More

The Emir of Kuwait, Mishal Al-Sabah, has dissolved the National Assembly and announced the suspension of all its meetings The Emir, in an unprecedented statement, claimed that representatives are getting too powerful in Kuwait and are scheming against the Emir, going as far as trying to influence who will be the Crown Prince. He has assumed ‘full control’ of the country’s political affairs; all democratic institutions suspended He has also suspended various articles of the constitution, for a period of up to 4 years

Read More

The Civil Democratic Forces alliance (Tagadom) founding conference, initially delayed twice, is now set to convene in Addis_Abeba on 26 May, 2024, as confirmed by spokesperson Bakri El Jak to Radio Dabanga this week. Elaborating on ongoing negotiations in Jeddah,Saudi_Arabia, El Jak hinted at preliminary discussions taking place. Established in October last year, Tagadom emerged from the amalgamation of mainstream Forces for Freedom and Change (FFC-Central Council) members and other Sudanese pro-democracy entities. Former Prime Minister Abdalla Hamdok assumed the role of chair. The alliance’s core objective is to forge a robust democratic front against the protracted conflict involving the…

Read More

In a new letter to the UN Security Council, the Somali government reiterates request to have UNSomalia terminated, reveals that there was a call between HassanSMohamud and antonioguterres on April 29 in which the former requested initiation of a planning process to “articulate a clear end state toward a transition from a special political mission to a United Nations Country Team,” per statement. The new letter hints that the previous one did not acknowledge importance of following a process to transition. The new letter emphasise the initiation of the planning process, and the appointment of a joint technical team to…

Read More

Dowlada lumisay Sharciyada ee Xamar fadhigoodu yahay,waxay soo tuurtay Warqad kale oo ay kaga laabatay codsigeedii xiritaanka Xaafiiska UNSOM. Doodeeda,waxay kusoo ururisay dib uqiimayn halagu sameeyo shaqada Xaafiiska Unsom ee Somaliya. Dib uqiimaynta horayba,waxaa uwaday isla QM,waxaana dhici karta in Magaca iyo Shaqada Xaafiiska wax laga badalo. Waxaa jiray xiriir dhexmaray Xasan iyo Xoghayaha guud,kaasoo si cad loogu sheegay Xasan in Xaafiiska Siyaasada QM aan la xirayn oo Somalidu weli ubaahan tahay taageero. Markii horeba,waxay ahayd go’aan lagu degdegay oo aan laga fiirsan oo masuuliyad dari ah. In laga laaban doono,waa layska ogaa,waxaase sii bahdilmay diblomaasiyadii awalba Dhulka taalay ee…

Read More

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar sare loogu qaadayo haykalka dowladnimo ee Falastiin, ka dib codbixin ay u qaadeen dalalka xubnaha ka ah QM,waxaa aqoonsaday in xubin buuxda oo QM ka mid ah, 143 dal, waxaa diidey 9 dal, halka 25 dal ay ka aamuseen. Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobey oo ay xubno ka yihiin 193 dal, ayaa sidaas xubin ugu aqoonsaday Falastiin, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in aqoonsadaan xubinnimada Falastiin. Falastiin ayaa tan iyo 2012 kor-joogto ka ahayd Qaramada Midoobey, wuxuuna qaraarkani siinayaa dhammaan xaquuqaaha…

Read More

Puntland dhawr jeer ayay ku celisay in ay wadashaqayntii kala laabatay Dawladda Federaalka. La yaab malaha in Puntland ka soo horjeesato go’aan xukuumadda Soomaaliya gaartay, maadaama aanu xiriirkoodu fiicneyn muddo ka badan sanad. Wasiirka Waraafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da wareysi siiyay ayaa ku tilmaamay dalabka Dawladda Federaalka mid aan laga fiirsan oo luminaya tiirarka ay ku taagneyd, wuxuna ku tilmaamay warqadda ay u dirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay mid qaris ka tuurnimo ah. ‘’Amniga iyo siyaasadda meesha ka baxday cidda caalamka uga qareemeysay bay ahayd, dalkan illaa uu isku filnaado amni ahaana uu soo kabato, dhalato…

Read More

Madaxweyne Biden,ayaa habeenimadii Arbacadii, xilli uu waraysi siinayey Telefiishanka CNN,wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono in Israa’iil uu siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome. Waxa kaloo Biden caddeeyey in Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato in ay gasho Rafax, inaanu siin doonin Hubkii ay hore u siin jirtay, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda. Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan,ayaa tallaabada uu qaaday Madaxweyne Biden ku tilmaamay in ay tahay mid adag oo aad looga xumaado, in ay ka soo yeero, Madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka. Wasiirka amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar…

Read More

The United Nations General Assembly voted overwhelmingly on Friday to grant the Palestinians some additional rights in the global body, after their drive for full membership was blocked by the United States. “I have stood hundreds of times before at this podium, but never for a more significant vote than the one about to take place, an historic one,” Palestinian ambassador to the UN Riyad Mansour said before the vote, his voice full of emotion. He added, “The day will come where Palestine will take its rightful place among the community of free nations.”. Israel reacted angrily, with its UN…

Read More

Waxaa jirtay aragti ka dhalatay dib uqiimayn lagu sameeyay Xaafiiska UNSOM Laba Sano ka hor,taasoo oranaysay in loo badalo Ergada Qaramada Mudoobey ee Somaliya. Ilaa iyo hada dooda aragtidaas,way socotaa,waxaana dhici karta in UNSOM la xiro loona guuro Xaafiiska cusub ee Ergada QM ee Somaliya ama (UN COUNTRY TEAM). Xaafiiskaas haduu hirgalo,wuxuu noqon doonaa mid Shaqadiisu ay ka duwanaan doonto kan haatan jira ee UNSOM. Sida uu sheegay Afhayeenka UNSOM,xataa hadii si kama danbaysa loo xiro Xaafiiska Siyaasada QM ma saamayn doono go’aankaas Qaybaha kale ee hay’adaha QM ee ka hawlgala Somaliya. Si guud BC iyo Somaliduba,waxay isla qirsan yihiin…

Read More

Somaliya in laga saaro Chapter-7,waxay ku xiran tahay Laba Qodob in Dowladnimada Somaliya gaarto,kuwaasoo kala ah… B.Amniga Wadankoo mid ah. T.Siyaasada Wadankoo mid ah. Somaliya,waxaa loo geliyay Chapter-7 Laba arimood awgood,oo kala ah… 1.Amniga Wadanka oo burburay. 2.Siyaasada Wadanka oo burburtay. Sidoo kale,waxaa khatar ka dareemay amnigooda iyo Siyaasadooda Dowladaha dariska ah,gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya. Ma la maray Wadadii saxda ahayd si loo qaado? B.In DFS iyo DG shiraan si Wadajir ahna iskula qaataan dalabka codsigaas. T.In Golaha Wasiirada DFS ay kulmaan soona saaraan dalabka codsigan. Nasiibdaro ma dhicin habeen xilli danbe ayay kasoo baxday Hal Xaafiis Warqada lagu…

Read More

Qaadistii Cunaqabataynta Hubka,waxaa kasii muhiimsanayd oo la socotay in Siyaasad ahaana la Madax baneeyo Somaliya. Qorshuhu,wuxuu ahaa in Bilo kadib uu ka baxo Somaliya Xaafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Unsom. Haatan DFS ee Dastuurka baalmartay dalabkeedu,wuxuu kusoo beegmay xilli uusan haysan taageero oo lala daahay,isla markaana Shaqooyin la rabay in la qabto aan la qaban. Sidoo kale,waxaa codsigan caqabad ku ah mudo xileedka DFS ee sharciyada lumisay oo gaaray kala bar iyo khilaafka Dastuurka. Somaliya in ay amaankeeda iyo Siyaasadeeda cagaha ku istaagaan oo qaan gaar caalamka wax la qaybsan kara ay noqdaan,waxay ubaahan tahay… 1.Wakhti si xoog leh loo…

Read More

Somaliya Dowlad masuul ah oo dhamaystiran kama jirto,waxaana weli socda Geediga Dowlad dhiska. Majiraan Dastuur,Siyaasad Amni,Siyaasad Dhaqaale oo lagu midaysan yahay. Hadii lagu degdego oo si aan ka fiirsi lahayn loo xiro Xaafiiska QM ee Somaliya si la mid ah qaadistii Cunaqabataynta Hubka,waxuu nowon doonaa mid laga shalaayo oo si gaar ah ay BC usamaysay khalad taariikhiya. Somaliya xiligan uma diyaarsana in lagu wareejiyo Siyaasada iyo Amnigeeda. In Xaafiiska Unsom la xiro,waxaa ka horeeya in Dowladnimada la dhamaystiro. Halkan ka akhriso Warqada DFS ee Dastuurka baalmarsan

Read More

Puntland arimaha amni xumada sababa ee lala diriro way leedahay….. 1.Argagixisada. 2.Tahriibka. 3.Ganacsiga Hubka. 4.Isku dhacyada Beelaha. 5.Xanuunada faafa. 6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka. Arimahan waxaa PL usoo jiiday meesha ay ku taalo,deganaanshaha,ganacsigeeda xoogan iyo nolosha Deegaamadeeda ka jirta. PL,waxay udhaxaysaa oo isku xirtaa Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya + Itoobiya. Dhanka Badda waxay kulmisaa Laba Badood oo istiraatiijiya oo ay sanadkii isticmaalaan in ka badan 30-kun oo Markab. PL,waxay Xuduud Badeed la leedahay Dhulweynaha Carabta ee xasaasiga ah. 1.Dadka Puntland waa 4-Milyan oo Qof. 2.Dhulku waa Labo Boqol oo Kun KM oo isku wareeg ah. 3.Xeebta Dhererkeedu waa 1630-KM. 4.Sadex Garoon…

Read More

Ugu yaraan hawlgalkii Xalay fashilmay ee la dagaallanka Hubka Sharcidarada ah,wuxuu baqdingelinayaa kuwa ka shaqaysta. Sidoo kale,wuxuu muujiyay in ay hirgashay wareegtadii lagu joojiyay Hubkii soo degistiisa loo fasaxay difaaca Sool. Dagaalkii Sool xaaladaha laga dhaxlay,waxaa ka mid ah in Hub fara badan soo galay gudaha Puntland oo Dowladu ka indhoqarsatay,iyadoo laga duuliyay xoraynta Gobolkaas. Haatan,waxaa khasab ah in la xakameeyo Hubka soo galaya gudaha Puntland oo ay wadajir uwada hawlgalaan Laamaha amaanka ee kala duwan. Nasiibdarada jirtaa,waxay tahay Bari oo ay ku sugan yihiin in ka badan 3000-Askari oo aad utababaran hadana Qalabaysan in amaankiisu yahay mid aan fadhiyin…

Read More

Booliska Bosaso,waxaa soo gaaray xog ku saabsan Hub Sharcidaro ah in laga dajinayo Xeeb ku taal duleedka Bosaso. Talyaha Booliska oo aan ogaysiin laamaha kale ee amaan,ayaa hawlgalka fuliyay,waxaana dhacday in Ilaalada Madaxtooyada Bosaso ay fahmi waayaan waxa socda oo ay Ciidankii Booliska ahaa weeraraan. Jiho la’aantaas,waxay keentay in Hubkii Sharcidarada ahaa iyo Ragii watayba baxsadaan. Sarkaal Ciidanka ah iyo Laba Qof oo Shacab ah,ayaa ku dhaawacmay hawlgalka dhicisoobay. Hubka,waxaa watay Rag kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud/Bahgareen. PSF wax Shaqo ah kuma lahayn Hubkaas,qaybna kama ahayn hawlgalka mana jirin Xabad dhankooda kasoo dhacday,iyadoo goobta laysku helay aad ugu dhawayd oo…

Read More

Xamaas,ayaa Isniintii sheegtay in ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen, hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiska, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah. Taasi baddalkeeda, Israil waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Qasa,halkaas oo ay ku noolyihiin in ka badan 1 milyan iyo badh Qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah. Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira,Saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin. Muddadaasi ayay ciidanka Israil uga baxayaan Qasa,Labada dhinac,ayaa isku weydaaranaya dadka…

Read More

Xogaha hoose ee laga helayo socdaalka RW Xamse ee Kenya,ayaa tilmaamaya in uu yahay mid daaran ujeedo qarsoon. Xamse si Madaxbanaan uma tagin Nayrobi ee waa loo diray,waxa ugu weyn ee Nayrobi loo geeyayna,waa in Kenya ay aqbasho. Heshiiska daaha la saarayo ee Kenya lala galayo,waa in Xamse uxaqiijiyo Kenya in lagu aamino karo Kismaayo oo salkeedu yahay in uu si adag ula shaqaynayo Kenya. Xasan Shiikh iyo Ruto,ayaa horay ugu heshiiyay qorshahan,kadibna Xamse,ayaa haatan lasoo diray. Dhanka kale Axmed Madoobe,waxaa uqorshaysan in 15-ka Bishan uu furo Dastuurka Jubaland si uu uhelo mudo xileed cusub.kadibna waxa uu shaacin doonaa Gudigiisa…

Read More

Heshiisyada Dowlad walba oo Somaliyed ay la gasho Kenya,balse aysan waxba ka socon oo aan soo dhaafin Waraaqaha laku kala saxiixdo,waxay kala yihiin…… 1-Heshiis Amniga ah. 2-Heshiis Ganacsiga ah. 3-Heshiis Socdaalka ah. 4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka ah. Caqabadaha ugu waa weyn ee ay ufuli waayaan heshiisyada Kenya iyo Somaliya ay wada galaan mar walba waa Nidaamka Dowliga ah ee Somaliya oo aan awood ulahayn fulinta Qodobada lagu heshiiyo. Awooda Nidaam leeyahay,waa Sadex Qaybood Dowladnimada Somaliyana kama dhisna Sadexdaas oo kala ah… 1.Awood bini’aadan oo Shaqayn karta. 2.Awood dhaqaale oo lagu Shaqeeyo 3.Awood Shuruuc oo lagu dul Shaqeeyo. Marka laga soo…

Read More

Danjire Cawad,ayaa su’aalo muhiim ah uga jawaabay Bulshada dood Space-ka lagu qabtay. Cawad,ayaa ahaa Wasiir Arimo dibadeedkii saxiixay xiligii Madaxweyne Farmaajo heshiisyadan uu haatan dib markale usaxiixayo Xamse. ‘’Sanadihii la soo dhaafay, khilaafkii annaga iyo Kenya noo dhaxeeyay oo badda ku saabsanaa iyo arimo kale oo siyaasadeed oo xiriirkii annaga iyo Kenya xumeeyay, iyaduna waxa ay dibu dhac ku sameysay horumarkii laga gaari lahaa iskaashiga inoo dhaxeeya’’Ayuu yiri Wasiir hore Axmed Ciise Cawad. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1787526442206503183?t=jZMuY5Bdz0G6ihYZWNHA9g&s=19

Read More

Heshiisyadan uu Xamse la galayo Kenya,ayaa sidaanoo kale Dowladii Farmaajo la saxiixatay. Balse ma fulin heshiisyadaas,waxaana loo aanaynayaa fulin la’aanta heshiisyadii hore khilaafkii labada Wadan dhexmaray, xiliyadii ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyata, kaas oo mar gaaray meeshiisii ugu saraysay. Danjire Cawad oo ahaa xiligii Dowladii Farmaajo Wasiir Arimo dibadeedkii saxiixay heshiisyadan uu haatan dib markale usaxiixayo Xamse,ayaa ka hadlay. ‘’Sanadihii la soo dhaafay, khilaafkii annaga iyo Kenya noo dhaxeeyay oo badda ku saabsanaa iyo arimo kale oo siyaasadeed oo xiriirkii annaga iyo Kenya xumeeyay, iyaduna waxa ay dibu dhac ku sameysay horumarkii laga…

Read More

Qodobka xiisa leh ee laga helay xogta Safarka Safiirka UK ee Puntland,ayaa ah kulankii uu la yeeshay Bulshada rayidka ah ee PL hadalo uu ka yiri….. “Laascaanood,waxaa ku wareegsan xaalado khatart leh,waxaana uga sii daray xaalka sida SL udhaqantay,waxaana muuqata in Xasan oo ka caraysan talaabada SL qaaday uu Laascaanood si hoose ula shaqeeyay oo wax uraray”Ayuu yiri Safiirku. Ma sheegim Safiirku oo Afka kuma kala qaadin si rasmi ah waxa Xasan uraray Laascaanood waxa ay yihiin. Balse Dadkii uu la hadlayay,waxay uqaateen in uu cara baabayo Saanad Hub in uu Xasan uraray Laascaanood. Sidoo kale xogo aan ka helnay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda PL Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Somaliya Étienne Peterschmitt iyo wefti uu hogaaminayo. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1787489410117783683?t=ksmcVH4rm194g6BsywNIWA&s=19 Hay’adda FAO,ayaa kala shaqeysa Hay’adaha Dowladda Puntland Mashaariicda kala ah… 1.Beeraha. 2. Kalluumeysiga. 3. Xoolaha. 4.Biyaha. 5.Illaalinta Deegaanka. 6.Isbedelka Cimilada. BC,ayaa go’aansatay in Mashaariicda horumarineed PL si toos ah loogala shaqeeyo oo aan la siyaasadayn. JQ.

Read More

PSF dib,ayaa loo midaynayaaa si rasmi ah,waxaana hogaamin doona Maxamuud Diyaano. Heshiiskii Qardho,waxaa Qodobadiisa ka mid ahaa… 1.In PSF la mideeyo oo la baaba’sho PISF-ta Aamiin Xaaji. 2.In Taliska Ciidamada la hooskeeno. 3.In Miisaaniyadeeda soo marto W.Maaliyada. 4.In wafuudeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda lala socdo. Safaarada Maraykanka oo daba socota heshiiskaas,ayaa MW Deni lasoo xiriirtay kana xaqiijisay markaas kadibna,waxaa laysla qaatay in PSF dib loo hawlgeliyo. Dhanka PSF waa aqbaleen heshiiskaas si buuxda,waxaase wax kasoo noqdeen dhanka MW Deni oo waxaa caqabad cusub noqotay celintii Saraakiishii usocotay PSF ee Maraykanka ahayd Todobaadkii hore. Safaarada Maraykanka oo lasoo xiriirtay MW Deni,wuxuu ku dooday…

Read More

Aamiin,waa uqalmaa marka la qiimeeyo khibradiisa shaqo ee dhanka amaanka,balse dhanka qaadista masuuliyada ma mudna in Amniga PL lagala tashto. Madaxweyne Deni dhaqamadiisa kama mid ah in uu cid la tashto,waxaase muuqata in Aamiin cid la tashanaysaa aysan jirin ee Madaxa loogu qarinayo. Lataliyaha Amniga ee MW PL,wuxuu Xubin ka noqonayaa Xubnaha guud ee Amniga Qaranka Fadaraalka oo hoos yimaada Lataliyaha Amniga Qaranka MW Fadaraalka. Miisaaniyad fiican,ayuu leeyahay oo ka timaada kabista BC,waase hadii Madaxtooyadu gudbiso oo si rasmi ah looga dhigo Lataliye Amniga ah ee MW Puntland. Si kastooy tahay Deni waa ku khasaaray udhiibistii Ciidanka PISF Aamiin Xaaji…

Read More

Garoowe: 05 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 5-ta May 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliye Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Jen.Maxamed-Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay La-taliye Sarre ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Beesha Caalamku,way ka dhabaysay balanqaadkeedii ahaa in PL loo fasaxayo qoondada ay ku lahayd Mashaariicda horumarineed. Madaxa UNDP oo qaybta Qaramada Midoobey ee ay taalo Mashaariicda iyo dhaqaalaheeda,ayaa soo gaaray Garowe. Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada,ayuu kula kulmay Qasriga Madaxtooyada. Mashaariicda oo ukala baxda kuwo Safaaraduhu toos umaalgeliyaan iyo kuwo lasoo marsiiyo hay’adaha caalamiga ah,ayay PL ku leedahay qoondo balaaran. Inta badan Villa Somaliya,waxay Siyaasadaysaa Mashaariicda horumarineed ee caalamku ugu deeqo Somaliya,kuwaasoo Nidaam ahaan ay Saxiix ku leedahay . Balse BC si cad ayay uga hor timid Siyaasadayntaas,waxaana toos loogu amray in Mashaariicda PL la fasaxo. Nidaamka Country System oo hada…

Read More

Somaliland government plans for Berbera port to handle 30 percent of  Ethiopia’s cargo. For this, an agreement regarding port usage and customs procedures should be signed between Ethiopia and Somaliland. The agreement is likely to be signed in the next 60 days, the head of the Somaliland Ports Authority told Deutsche Welle. *** “We have the best corridor for  Ethiopia,” the director of the Somaliland Ports Authority, Saeed Hassan  Abdelahi, believes that Berbera will be the best option. “The distance from Berbera to Mojo and from #Djibouti to #Mojo is the same,” said Saeed Hassan. But in our area, the road…

Read More

Talyaha Booliska iyo Agaasimaha Ciidamada Badda,ayaa ugeeyay Madaxweyne Deni Aamiin Xaaji Khayr. Ugaynta Madaxweynaha,ayaa daarnayd in lays fahansiiyo isaga iyo Madaxweynaha oo aad ukala fogaa. “Madaxweyne xilka waa wareejinayaa,waxaana u imid in aan xilka tiriyo,waxaase jirta Lacag dayn ah oo aan ku galay Ciidanka”Ayuu yiri Aamiin.X. Madaxweynuhu,waa ka aqbalay in dayntaas laga bixiyo,wuxuuse waydiiyay sababta uu Ciidanka udhexgalay,wuxuuna ku jawaabay,waxaa ku jira Saraakiil aan loo baahnayn oo ka shaqeeya kala fogaynta iyo tafaraaruqa Ciidanka oo aanan rabin in ay kusii dhex jiraan. Isku soo wada duuboo Aamiin dhawaan,ayuu wareejin doonaa hogaanka Ciidanka PISF,waxayna ubadan tahay in laga dhigo Agaasimaha Macdanta.…

Read More

Kulankii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada PL ee Garowe,waxa uu ahaa mid is fahan kusoo idlaaday. PL,waxay muujisay bisayl iyo diblomaasiyad qurxoon,iyadoo hadana soo gudbinaysa doodeeda ku aadan khilaafka jira. Halmar,ayaa laga maqlay Wasiir ka mid ah Wasiirada lama shaqayn karno DFS ee sharciyada lumisay,taasna,waxaa ka daba tagey Wasiiradii kale. Wasiirada PL ee kulanka qaybta ka ahaa si dhiiran ayay udoodeen una difaacdeen mowqifkooda Siyaasiga ah iyo Mashaariicda,iyadoo MW maqsuud ka noqday doodooda. Dhanka BC iyo Safiirka Ingiriisku,wuxuu la laabtay farxad iyo isfahan uu aad maqsuud uga noqday dooda Dowlada Puntland. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1787224276421988761?t=t_MIX9EuhgHw5wMuMOm74g&s=19 Natiijadii kulanka? 1.In la dhagaystay dooda PL oo lagana…

Read More

28-kii April ee Sanadkan,ayuu helay kalsoonida Seneterada iyo Saxiixa Madaxweynaha Safiirka cusub Dowlada Maraykanka ee Somaliya. Sanad ka hor,ayaa la magacaabay Danjire Richard H. Riley. Halkee ka soo shaqeeyey Danjiraha cusub? 1. Canada 2. ⁠Pakistan 3. ⁠Afghanistan 4. ⁠Iraq 5. ⁠Yemen 6.China 7.Norway 8.Russia. Waddamada uu kasoo shaqeeyay,waxaa ku jira kuwo Amnigoodu uu ahaa level 4 iyo 5. Doorka uu kusoo shaqeeyay,waa Class of Minister First Counsellor,waana Career. Diplomat. Wuxuu ku hadlaa Luuqadaha kala ah….. 1. Chinese. 2.Arabic. 3.Russian. 4.Pashtun. Taariikhdiisa marka dib loo raaco maleh wax ceeb ah iyo dhaliilo la taaban karo Safiirka cusub. Somaliya,waxaa la rajaynayaa in…

Read More

Garowe : 04, May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1786706083316170820?t=OdByby833Fz_WdBQNlpXqA&s=19 Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Ciidamo PSF ah,ayaa gaaray Xaafuun,kuwaasoo fariisin ka samaystay Warshadii hore ee Cusbada. Ciidanka gaaray Xaafuun,ayaa dhan 26-Gawaarida Gaashaaman iyo 150-Askari. Ujeedka tagistooda Xaafuun,waxay ku salaysan tahay ka carqaladaynta qorshaha Saldhiga Milleteri ee Imaaraadku halkaas ka samaysanayo. PSF waxay ka caraysan tahay ballanta uu uga baxay MW Deni ee ahayd in loo fasaxo si buuxda Mashruucoodii la shaqayanta Marayka ka. Maalin ka hor ayay ahayd markii loo diiday Bosaso in ay yimaadaan wefti Maraykan ah oo iyaga usocday sida ay sheegteen. Hogaamiyayaasha Ciidanka PSF,waxay si weyn uga cabanayayaan Sadex Nin oo Dowlada uxilsaartay Saldhiga Xaafuun iyo wada shaqaynta PSF,kuwaasoo kala ah……

Read More

Xaruntan waa halka loo diyaariyay in ay degaan koox shisheeye ah oo ka hawlgalaysa Xaafuun. Kooxdan,ayaa iskugu jirta Maraykan iyo Imaaraatiyiin,waxayna Xaruntan ku taal Bosaso. Dowlada Imaaraadka iyo Dowlada Puntland,ayaa kala saxiixday heshiis Saldhig Milleteri looga siinayo Imaaraadka Xaafuun. Waxaa la filayaa kooxdaas in ay dhawaan si rasmi ah usoo degaan Xaruntan oo ay bilaabaan diyaarinta Saldhiga Xaafuun. Imaaraadka oo ka leh Siyaasad fog Geeska Afrika,ayaa PL ka dhigtay halka uu kasoo galayo iyo Saldhigiisa Siyaasadeed. JQ.

Read More

Garowe,waxaa Berii foog kasoo degaya wefti sare oo BC ka socda,waxaana hogaaminaysa Wasaarada Arimaha dibada UK. UK waxay wakiil utahay oo ku matalaysaa booqashada Garowe Beesha Caalamka. Arimaha ay ugu socdaan Garowe,waxaa ugu muhiimsan…. 1.In PL iyo DFS ee Sharciyada lumisay ay heshiiyaan. 2.In PL soo gudbiso Ajandaha wada xaajoodka ay ka leedahay. 3.In PL loo xaqiijiyo Mashaariicdii horumarineed in loo fasaxay. Puntland booqashadaas,waxay u tahay muhiimad gaar ah oo wadata diblomaasiyad maqaam sare leh. JQ.

Read More

Representatives of the State of Qatar, the Republic of Türkiye, the United Arab Emirates, United Kingdom and the United States of America met in London on 30 April in an interagency format, on the occasion of the sixth meeting of the Somalia Quint. Federal Government of Somalia (FGS) representatives also participated in the meeting. During the meeting, Quint Partners noted on-going regional tensions in the Horn of Africa and called for de-escalation and dialogue. They re-affirmed their support to the Government of the Federal Republic of Somalia. The meeting also discussed recent steps forward on constitutional reform as well as…

Read More

Dowlada Imaaraadka,waxay si rasmi ah unoqonaysaa garabgalaha Ciidanka Booliska Puntland. Gudi ka socda Wasaarada arimaha gudaha Imaaraadka,ayaa ujoogay Garowe diyaarinta qorshaha Imaaraadku ku taageerayo Ciidanka Booliska Puntland. Sida la filayo dhawaan ayay si toos ah ubilaabanaysaa taageerada Imaaraadka ee Ciidanka,iyagoo ka garabgalaya…. 1.Mushahaarka. 2.Tababarada. 3.Qalabka. 4.Gaadiidka. Booliska Puntland haduu helo taageero caalamiya loogana faa’iideeyo oo aan la musuqmaasuqin,wuxuu noqonayaa mid ay sarayso tayadiisu. Haatan Booliska PL waxa uu dhan yahay tira ahaan 4000 oo Askari,isagoo si joogta ah uga hawlgala 150 Xarumood oo guud ahaan PL oo idil ah. Balse tayada iyo tiradiisuba waa ka hooseeyaan heerkii laga rabay. JQ.

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken,ayaa soo geba-gebeeyay Safarkiisii ugu danbeeyay ee Bariga Dhexe, isagoo aan wax war ah kasoo saarin heshiis xabad-joojin ah iyo mid lagu sii deynayo la haystayaasha Israa’iil ee Xamaas Gacanta ugu jira. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa u sheegay Blinken intii uu socday kullan ay yeesheen Arbacadii in aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ku saabsan sii daynta la haystayaasha oo shuruud looga dhigayo joojinta dagaalka Qasa. Waxaana uu sheegay in howlgal Milateri oo qorsheysan oo lagu qaado magaalada Rafah uu dhici doono haddii ay jirto xabbad joojin iyo haddii kaleba.

Read More

Heshiiskii Garsoorka ee ay gaareen Labada dal ee ka koobnaa Afar qeybood oo kala ah… 1.Iskaashi. 2.Gargaaris sharciyeed, 3.Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal. 4.Wareejin shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira. Faah-faahin  dheeriya kama aysan bixin Golaha Wasiirada heshiiskan. Heshiiska Turkiga ayaa noqonaya mid kale oo ka mid ah heshiisyo dhowr ah oo sanadihii iyo bilihii dhowaa ay wada galeen Somaliya iyo Turkiga. Golaha Wasiiradaa,ayaa sidoo kale ansixiyey heshiiska iskaashi oo u dhexeeya dalalka Somaliya iyo Pakistan,kaasi oo aan isna la faah-faahin.

Read More

Agaasimaha sirdoonka Pisa Ninka haatan ah Jamaal,waxay ubadan tahay in la geeyo Agaasimaha Ciidamada Badda. Halka Agaasimaha Ciidamada Badda uu Wadanka ka tagi doono. Waxaa kaloo dhici karta in Agaasimaha sirdoonka aan meel kale la gayn oo kaliya xilka qaadis lagu sameeyo. Sidoo kale,waxaa dhici karta in Ciidamada Badda loo dhiibo Nin lagu magacaabo Ina Cabaade. Isbadaladan,waxaa la filan karaa maalmaha soo socda. JQ.

Read More

Bosaso,waxaa kusoo siqaya Nabad-diidka oo kaga soo durkaya dhanka Buuraha Cal Miskaad. Ujeedkoodu,waa in ay ugudbaan dhanka Buuraha Calmadow oo ay rabaan in ay kula diriraan Nabad-diidkii kale. Buuraha Cal miskaad,waxaa dagaal mudo ku dhexmarayay Labada kooxood Nabad-diidka ah ee Dacish iyo Shabab. Dagaalkaas,waxaa kusoo adkaaday Nabadiidka Dacish,waxaana si dhamaystiran looga soo saaray Buuraha Cal Miskaad Shabab. Haatan,waxay Shabab kusoo urureen Buuraha Calmadow,iyadoo Dacishtuna rabto in ay uga daba tagto oo ay kula dirirto. Nabadidka,waxaa soo gaaray Qalab iyo Hub casriya. Dowlada Puntland,waa in ay xogtan oo ay hayso ay ka hawlgashaa si dhakhso ah. JQ.

Read More

Ciidamada PISF ee fadhiya Garowe ,waxaa si khaldan udhexgalay Agaasimihii ku magacownaa,balse si dadban looga dhigay hawlgabka Shaqo. Xerada Ciidankan uu ka degan yahay Garowe,ayuu Aamiin ka dhex bilaabay kala qaybin Qabyaaladaysan. Waxaa dhici karta shaqada Aamiin hayo in ay dhaliso Gacan ka hadal khatrtiisa leh. Aamiin Xaaji Khayr,waxaa laga xareeyay Ciidamadii iyo Gaadiidkii ay lahaayeen Ciidamada PISF. Ujeedka Aamiin,waa in Ciidamadu gadoodaan oo dhexdooda isku dhacaan,kadibna Dowlada iyo Ciidanku Madaxa isla galaan. Sidoo kale Aamiin,waxaa uu rabaa in Ciidanka iyo Hubka uu qayb la fakado,maadaama uu aaminsan yahay in lagu adeegtay kadibna la xooray oo xataa Mushahaarkii laga jartay.…

Read More

Puntland,waxay utaagnayd,una taagan tahay,una sii taagnaan doontaa Somaliya mid ah,Qaran ah,Dumuqraadiya,Fadaraal ah oo Nooluhu karaamo ku dhex leeyahay. In aan Xisaabtano yaysan ka dhignaan in aan Somalinimada dhibaataynayno. Mid kale oo aan la dhaafi karin oo ay tahay in aan gadaal ugu dagno oo aan ilaalino waa soo jireenkeena ku sumadan raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah. Xasan,ayaa saakay khatar ku ah Qaranimada ee aan u istaagno ka badbaadintiisa,Anagoo la kaashanayna Somalida kale ee midnimada jecel. PL,waxaa ka socotay dood ukala qaybsanayd Laba jiho oo kala ahayd… 1.Aan sii wadno baadigoobka Qaran Somaliyed. 2.Aan ka tashano oo PL isku koobno.…

Read More

Garoowe: 02 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay. 1.Amniga. 2.Xaaladda Xabsiyada Puntland. 3.Xaaladda cudurada faafa sida shuban-biyoodka, 4.Dhagaysiga ka warbixinta heerka diyaar garow ee Guddiga ka diyaar-garowga Saamaynta Roobabka. 5.Todobaadka dhireynta Puntland. Dood iyo falaaqayn ka dib ayada oo laga duulayo siyaasadda Dawladda waxa goluhu isku raacay dar dargalinta qodobada shaqo ee ka dhashay qodobada maanta goluhu ka dooday. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa laga sugayaa Magacaabista Agaasimayaasha cusub ee Wasaaradaha PL. Agaasimayaasha sida hordhaca ah loo helayo xogtooda ah in xilka laga qaadayo… 1.Agaasimaha hay’ada PHA Sugulle. 2.Agaasimaha Pisa Jamaal Carab. 3.Agaasimaha W.Maaliyada Jowle. Madaxweyne Deni,ayaa lagu dhaliilaa Gacan culays. iyo in ay wakhti qaadato . JQ.

Read More

Waxaa socda dadaal Beesha Caalamku wado oo ay ku rabto in ay kusoo afjarto khilaafka PL iyo Dowlada ay aqoonsiga kala laabatay ee Fadaraalka. Dadaalka Beesha Caalamka ay wado,ayaa maraya meel dhexe sida xoguhu sheegayaan. Deni iyo Xasan,ayaa wada aqbalay in la heshiiyo fakir ahaan balse ficil ahaan weli ma fulin. Qodobada muhiimka ah,waxaa ka mid ah…. 1. Culeys ka yimid BC oo dalbaya wada hadal iyo heshiis siyaasadeed. 2.BC oo PL iyo DFS ku riixaysa in ay wadahadal siyaasadeed iskugu yimaadaan. 3.BC oo ku balansan in ay Garowe tagto si PL loo cadaadiyo. 4.BC oo aan ku faraxsanayn caga…

Read More

Heshiiska Dekeda lagu kala saxiixanayo,waxay ubadan tahay in uu qabsoomo Todobaadka soo socda. Laba Xubnood oo Gudiga Maamulka Shirkada Wadaagsin ah,ayaa jooga Imaaraadka. Wada xaajoodkii ugu danbeeyay ee layskula fahmayo sida heshiisku noqonayo,ayaa socda. Dhanka kale inta badan Mucaaradka Dowlada Deni ee kasoo jeeda Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland,ayaa iskushubay Mudug si ay qayb uga noqdaan Sooryada Saxiixa. Xagxagashada Islaan Bashiir,waxay ku salaysan tahay Dharbaaxooyin laysku muujinayo oo hordhac ah. Waxaa xusid mudan ah Garaad Shirwac iyo golaaftankiisa Afka ah ee culus oo ka turjumaya sida uu ugu abaabulan yahay ka mid noqoshada Markhaatiyaasha Saxiixa heshiiska. Garaad Shirwac,waxaa lagu…

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay sheegay in uu ku rajo weyn yahay Xamaas in ay aqbasho waxa uu ku tilmaamay “deeqsinimo aan caadi ahayn” ee hindisaha xabbad joojinta Qasa ee Israa’iil. Mr Blinken, oo ka qayb galaya wadahadallo uu la yeelanayo dhiggiisa Gobolka shirka ka dhacaya Sucuudiga,ayaa ka hadlay waftiga Xamaas ee ka qayb galaya wada xaajoodyada xabbad joojinta ee aan tooska ahayn ee ka socda Masar. Ka dib toddobaadyo ay xaaladdu cakirneyd , Xamaas,ayaa lagu soo warramayaa in aysan dood weyn ka qabin qorshaha ay dib ugu eegeeyso, qorshaha xabdjoojinta ee ay Israa’iil ansixisay .…

Read More

Ku dhawaad 21-Qof oo rakaab ah,ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay deegaanka Kona Punda oo ka tirsan Degmada Madogo ee ismaamulka Tana River. Doonida oo ay saarnaayeen in ka badan 40-qof oo rakaab ah,ayaa ku sii jeeday Magaalada Gaarisa iyadoo ka baxday Degmada Madogo,halkaasoo ay ka soo qaaday Rakaabkii saarnaa. Ciidamada Booliska,ayaa hadda ku sugan goobta,waxaana socda gurmadka iyo howlaha samatabixinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/y9Uwj8kVeVI?si=BwVAFjuzEMNFF-uR

Read More

Waxaa jiray kulamo dhexmaray Dowlada Puntland iyo Maraykanka,kuwaasoo daarnaa sida loo wada shaqaynayo marka ay timaado dhanka amaanka. Kulamadaas,waxay dhexmareen MW Deni iyo Safiirka Maraykanka,waxaana lagu heshiiyay… 1.In Maraykanku si toos ah ula shaqeeyo Dowlada PL oo aysan jirin cid si gaar ah ay ula hawlgalaan. 2.In Dowlada PL ay siiso Maraykanka Dhul iyo Ciidan wada shaqayneed. 3.In Dowlada PL ugudbiso Maraykanka arimaha amaan ee ay danaynayso in lagala shaqeeyo oo laga taageero. Kadib,waxaa lagu ballamay in Laba wefti ay soo dirto Dowlada Maraykanka oo kala ah mid Siyaasadeed iyo mid amni. Weftiga Siyaasada,waxaa hogaaminaya Safiirka,waxayna tagayaan Garowe dhawaan. Weftiga…

Read More

Garoowe: 28 April 2024 : Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa daah-furay todobaadka dhiraynta Puntland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa Geedkii u horeeyey ku beeray xarunta Wasaaradda, isaga oo xusay muhiimada dhirtu u leedahay bilicda magaalooyinka iyo guud ahaan deegaankaba. Todobaadkan ayaa la qorsheeyey in deegaannada Puntland lagu beero in ka badan Labaatan Kun oo Geed (20,000) si looga hortago xaalufka deegaanka, sidoo kale waxay dowladdu joojisay dhirta qoyan ee loo…

Read More

Qofka marka uu ubaahdo Dhakhtar,waxa uu maraa marxaladahan… 1.kaarka la kulanka Dhakhtarka $8. 2.Raajo $30. 3.Dhiig qaadista $20. Intaas waa kulanka koobaad ee Dhakhtarka kharashka ka baxaya Bukaanka,waxaa usii haray Dawadii. Dawada laga gadayo iyaduna,waa mid aan lahayn awood oo lasoo micno tiray,waxaana dhici karta 10-Xabo oo Kaniiniga Madaxa ee Somaliya yaala in uu la awood yahay 1-Kaniini Madax oo caalamka kale ah,mararka qaarna waxaaba dhacda in Dawada Somaliya la geeyo ay iyadu Dadka dhibaatayso. Dhamaan kharashkaas laga rabo muwaadinka jiho ka caawisa majirto. Hadaba maxaa la gudboon Dhakhaatiirta,iyagoo uturaya Bulshadooda? B.In ay Kaarkooda raqiisiyaan. T.In ay Raajada raqiisiyaan ama…

Read More

Pentagon-ka Maraykanka,ayaa sheegay in ay la dhakhsan doonaan Gantaalada difaaca hawada ee Patriot iyo Rasaasta Madaafiicda ee ay geyn doonaan Ukraine taas oo qayb ka ah xirmada gargaarka Milatari ee cusub. Mareykanka,ayaa u isticmaali doona lacag dhan $6 Bilyan oo doolar isla ujeedadan, Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin,ayaa shaaca ka qaaday Jimcihii. Si kastaba ha ahaatee, nidaamyada Patriot ee ee Gantaalada rida ayaan la diri doonin. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Patriot “si degdeg ah” loogu baahan yahay si ay u wajahaan khatarta hawada ee sii kordheysa ee Ruushka “waxana ay awoodaan oo ay badbaadin karaan nolosha hadda”. Ilo…

Read More

Markab nooca Saliida qaada ah,ayaa waxyeelo kasoo gaartay gantaal lagu weeraray xeebaha dalka Yemen duqeyntii ugu dambeysay oo ay fuliyaan Xuutiyiinta. Dhacdadan,ayaa ka dhacday meel qiyaastii 15-nautical miles Koonfur-galbeed ka xigta Magaalada Mocha ee Dalka Yemen. Hay’adda ammaanka Badda ee Ingiriiska ee UKMTO ayaa sheegtay in markabka oo ka babanaayay calanka Panama ayaa laba jeer weeraray isla markaana uu burbur soo gaaray. Lama sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, waxaana la baarayaa sida ay wax u dhaceen. Sida laga soo xigtay UKMTO, weerarka koowaad ee gantaalka ayaa sababay qarax meel u dhow markabka, waxaana dareemay dadkii saarnaa.…

Read More

Buruburka faraha badan ee uu ka tagay dagaalka Qasa, oo ay ku jiraan walxo aan qarxin,ayaa qaadan kara afar iyo toban sano si loo nadiifiyo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay. Per Lodhamar, oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan wax ka qabadka miinada, ayaa sharaxay in dagaalku uu ka tagay qiyaastii 37-Milyan oo tan oo burbur ah qaybaha dadku ku badan yihiin, “taas oo ah, ku dhawaad 300 kiiloogaraam oo burbur ah halkii mitir oo labajibbaaran.” Waxa uu intaa ku daray shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva in inkastoo aan la ogaan karin tirada saxda…

Read More