Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan,ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormus, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada Maraakiibta. Wakaaladda IRNA,ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay Markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan. Hay’adaha la socda ammaanka Maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormus ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran. Dhacdadan,ayaa ku…
Author: Jibril Qoobey.
Shariif,waxa uu ka badbaaday in uu fursadiisa Madaxweyne ee miiska usaaran ubeerdareeyo Xasan Shiikh tiisa lumiyay. Sidoo kale Shariif,wuxuu ilaaliyay in aan la waayin rajo danbe oo Dowlad Somaliyed lagu baadi goobayo. Si gaar ah,wuxuu ka fogaaday in la yiraahdo Xasan,waxaa ku raacay ku tumasahada Dastuurka Siyaasiyiinta Beeshiisa kasoo jeeda. Sidoo kale,Shariif,wuxuu ka badbaaday shirqool Siyaasadeed oo Xasan udhigay. Ugu danbayn Shariif waa hogaamiye taariikhda ku galay musuq iyo Eex la’aan oo hadana fursad hortaalo. Xasan,waxaa Nayrobi uga soo dhacay dharbaaxo Siyaasadeed . JQ.
Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed,ayaa war saxaafadeed ka soo saaray kulankii ku dhex maray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Magalada Nayrobi. Shariif,ayaa sheegay in dhammaan Qodobadii ay ka doodeen ay xal ka gaari waayeen. Halkan ka akhriso:-
Kenya iyo Itoobiya,waxay isku haysteen dhul Xuduuda ku yaal. Markii Somaliya iyo Itoobiya ay isku dhaceen kenya qaab siyaasadeed ay dan ka dhex aragtay ayay Somaliya kula safatay si Itoobiya Dawladaha Gobolku cadaadis usaaraan. Abiy Axmed oo cariiri siyaasadeed dareemay,ayaa Kenya tagay si wanaagsan,ayuu uqaabilay Ruto oo Labada Wadan si furan ayay uga xaajoodeen arimihii dhexdooda yaalay…. 1.Abiy Axmed,waa ka tanaasulay arinkii Kenya ee xuduuda. 2.Musharaxa Kenya ee Midowga Afrika,ayuu balan qaaday inuu taageerayo. 3.Kenya oo culayska Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Itoobiya haysta ka qayb qaadanaysa sidii uu uyaraan lahaa. 4.Abiy heshiiiskii SL in uu khaldanaa,ayuu kenya usheegay oo farsamaduna…
Maraykanku way la kulmeen Xasan iyo Kooxdiisa la socotay,kadib Shirkii Ruto. Kulankan ma dheerayn si hoosana looma guda gelin arimaha,waxaase lagu balamay in Xamar layskugu tago oo lagu dhamaystiro wada xaajoodka. Sidoo kale Maraykanku,waxay si hordhac ah ula kulmi doonaan Deni maalmaha soo socda,isla markaana ,waxay tagi doonaan Garowe. Dadaalka Maraykanku,waa in la xakameeyo khilaafka taagan oo xal loo helo Jamhuuriyada Somalida ee Sadexda uqaybsantay. Garowe,waxaa ka dhici doona kulan BC iyo PL ay uga wada hadli doonaan hanaanka wada shaqayneed ee ay yeelan doonaan. PL,waxaa udegan oo ay samaysatay qorshe horumarineed oo 5-Sano ah,kaasoo aad loo amaanay soona jiitay…
Majiro heshiis ku saabsan arinka Badda ee dhaxeeya Itoobiya Somaliya oo la shaaciyay. Shir jaraa’id mawada qaban Raga wada kulmay ee Ruto iyo Xasan. Warmurtiyeed lama soo saarin ku saabsan in heshiis lawada gaaray,waxa kaliya ee hadlay waa Wasiir ka tirsan Dowlada Xasan ee Sharciyada lumisay. Dhanka Kenya kama aysan hadlin heshiis in uu jiro iyo in uusan jirin,waxa la maqlay waa fikrad ay keentay oo ay ku tilmaantay xalka. Si khilaafka Badda ee Itoobiya iyo Xasan udhaxeeya loo xaliyo,isla markaana Itoobiya damaceeda Badda Cas ugu hirgalo,ayay Kenya soo bandhigtay fikrada oranaysa hala wada galo heshiis guud oo Wadamada IGAD…
Ongoing efforts to reconcile key Somali political figures, including President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia, and Saed Deni, President of Puntland, are being spearheaded by American officials, underscoring a concerted push for diplomatic resolution amidst Somalia’s complex political landscape. Recent developments suggest that senior American officials will convene with President Deni in Nairobi next week. Simultaneously, President Hassan Sheikh is anticipated to arrive in Nairobi today, setting the stage for potential diplomatic engagements. The involvement of American Government underscores the gravity of the reconciliation efforts, emphasizing external support for Somalia’s political stability. However, the outcome of these diplomatic maneuvers, particularly…
kulanka Sh.Shariif iyo Xasan,waxaa abaabulay Ganacsato Beesha Labada Nin ay kasoo jeedaan ah. Maxuma in ay kulmaan,waxaase iswaydiin mudan… 1.Maxaa kalifay in ay ku kulmaan Wadan kale? 2.Muxuu Xasan ku doortay in uu Beeshiisa iyo Siyaasiyiinteeda mudnaan gaar ah siiyo? Shariif,waa Nin ka hufan Eexda iyo musuqa Xasan caanka ku yahay oo aragtidiisu gaarsiisan tahay heer Wadan. Shariif,waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta diiday Dastuurka Xasan samaystay. Ganacsatada abaabushay kulankooda,waxay ka duulayaan arimo maxaliya oo Beeleed. JQ.
The funeral of Bate Urgessa, a political officer with the opposition Oromo Liberation Front (#OLF), took place today at 12:00 AM at the Meserte Kristos church in his hometown of Meki, in the East Shoa zone of the #Oromia region. Bate was shot dead on Tuesday night, and his body was found dumped by the road early on Wednesday in Meki. An outspoken politician, Bate was a father of four children. He was recently released from prison on 100,000 birr bail after he was detained for two weeks, accused of “conspiring with two armed groups, the OLA-Shene and the Fano…
Tagidiisa Nayrobi,waxay iskugu jirtaa dhawr qorshe oo kala ah… 1.La kulanka Ruto oo wada dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Somaliya ee arinka SL MOU. 2.La kulanka Deni oo Maraykanku riixayo. 3.La kulanka Sh.Shariif oo Ganacsato Beesha Labada Nin ah ay diyaarinayaan. 4.Khilaafka Canshuurta Jaadka. MW sharciyada lumiyay,ayay Bil kadib ay ubuuxsamayso Labadii Sano ee mudo xileedkiisa ka dhigaysa kala bar,isagoon wax la taaban karo uu qabtay aysan jirin. Balse taa badalkeeda ku fashilmay dhawr arimood oo muhiim u ahaa Dowlad dhiska Somaliya… B.Dagaalka argagixisada. T.Isku haynta Midnimada Wadanka. J.Dib u eegista Dastuurka. Waxaa muuqata in Xasan ku fashilmay hogaaminta Wadanka oo Somaliya…
Maraykanku,wuxuu ku hawlan yahay isfahansiinta Xasan Shiikh iyo Siciid Deni. Todobaadka danbe,waxay ubadan tahay in Siciid Deni iyo Madax sare oo Maraykan ah ku kulmaan Nayrobi. Sidoo kale,waxay la kulmi doonaan Xasan Shiikh oo Maanta laga sugayo Nayrobi. Kadib kulamadaas Madaxda Maraykanku,waxay ubadan tahay in ay wada hadalsiiyaan Deni iyo Xasan Shiikh. “US Charge d’affairs will meet Deni in Nairobi next week. Possible meeting between HSM and Deni may follow it soon”. Ma cada in uu guulaysan doono dadaalka Maraykanku wado oo ugu danbayn Labada Nin ee Wadanka ugu awooda badan dhanka Siyaasada ay is fahansiiyaan. Waxaa jiray Shir Beesha…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa taageero u muujiyey Isra’il, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaaneysa Iran oo laga yaabo in ay weerar aargudasho ah ugeysato. Biden,ayaa sheegay in Iran qorshreyneyso weerar ballaaran oo Israa’iil ka dhan ah, kaas oo ay uga dabaaqeyso duqeyn 10-Casho ka hor loo geystey Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ka tiran Ilaalada Kacaaanka Iran. Madaxweyne Biden oo Iran ku dhego-hadlaya,ayaa ballanqaaday in Mareykanku uu sameynayo wax kasta oo ku ilaalin karo amniga Israa’iil, wuxuuna dhanka kale uga digey Iran tallaabo kasta oo halis gelin karta ammaanka Israa’iil. Hadalka…
Dowladda Ingiriiska,ayaa waxay Somaliya si buuxda uga cafisay deymihii,iyadoo la dhammaystiray hindisaha Dalalka Saboolka looga cafinayo daymaha ee HIPC. Tillabadan oo looga golleeyahay in uu Somaliya ka caawiyo galaangalka ay u yeelaneyso haya’adaha maaliyadda dunida,si ay u soo jiidato maalgashi caalami ah oo ka qaybqaata kobaca dhaqaalaha, iyo dhismaha Somaliya ammaan iyo xasilloon. Ku-xigeenka Safiirka UKSam Thomas,ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshayWasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige. “Maanta waxaan u xaqiijiyey Wsiirka Maaliyadda Biixiin, UK cafisey 100% qantii ay ku lahayd Soomaaliya”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Danjire Thomas soo saaray. https://twitter.com/UKinSomalia/status/1777677286415728699?t=awMBqzaGfhhqBZB9SVHFMQ&s=19 Wasiirka…
Garoowe, 10 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mira Awaare Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Shacabka Caasimada. Ku-simaha Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland, kan Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan farxada leh ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay in dowladda Puntland ay u taagan tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan marna aqbalayn wax aan heshiis lagu ahayn. Munaasabada Ciida waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka…
The dire U.S. cautions came amid a tense situation in Mogadishu on Monday night, when three mortars struck near the presidential palace, though no casualties were reported. Despite the palpable sense of panic in the capital, the Federal Government of Somalia has not issued any public statement regarding the high-level U.S. terror alert. The airline cancellations and stepped-up security concerns coincided with the scheduled handover on Tuesday of Mahad Salad, who was recently dismissed as director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA). The al-Qaeda-affiliated al-Shabaab has carried out scores of deadly attacks in its insurgency aimed at overthrowing…
Garoowe: 09 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Cismaan Lugatoor,ayaa warbixin ku aadan xaalada Wadooyinka Puntland ka dhegeystay masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA). Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo ay weheliyaan Injineero ka tirsan Hay’adda ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogihii u dambeeyey ee Jidadka oo ay ka mid yihiin Wadooyinka la dhisay, kuwa la dayactiray, iyo kuwa qorshaysan in dib u dhis lagu sameeyo oo hay’addu diyaarisay dhammaan daraasaadkoodii. Kulanka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. —DHAMMAAD— XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA…
Weftigii Puntland ee ku sugnaa Jigjiga Caasimada DDSI,ayaa soo gabagabaynaya booqashadoodii. 100% Shaqooyinkii ay utageen Jigjiga ee ahaa dhamaystirka heshiisyadii ay lagaleen Dowlada Fadaraalka Itoobiya,way uhirgaleen. Wasiirada DDSI iyo kuwa PL ee kala duwan,ayaa Saxiixa ku duugay in mudo Bil ah lagu dhaqangeliyo dhamaan Qodobada lagu heshiiyay. Hirgelinta heshiisyadan,ayay Dowlada Fadaraalka Itoobiya uxilsaartay wefti heer Dowlada Fadaraal ah,kaasoo galbinayay weftiga PL ee Jigjiga gaaray. Itoobiya iyo Puntland,waxay leeyihiin xiriir dhinacyo badan leh oo soo jireen ah. JQ.
Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Isutaga Imaaraadka Carabta,waxay kala saxiixdeen heshiis Tamarta ah si buuxda. Heshiiskan,waxuu wax ka tarayaa maalgashiga iyo baahida Tamarta ee Somaliland ka jirta. Saxiixa heshiiskan laguma tixgelin maqaamka ay sheegato Dowlada Sharciyada lumisay ee Villa Xamar. Sidoo kale,waxaa dhawaan kusii jeeda Imaaraadka wefti ka socda Dowlada PL ee Madaxa banaan,waxayna heshiis dhawr ah la geli doontaa Dowlada Imaaraadka. Waa wax weyn in loo helo maalgashi Tamareeed Geeska Afrika. Su’aaha meesha ku jirta,waxay tahay Imaaraadka Safiirkooda Xamar ma cayrin doontaa Dowlada Sharciyada lumisay ee Xamar? JQ.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa cadaadis kala kulmaya xukuumaddiisa isbaheysiga ah si uusan uga tagin qorshaha weerarka Rafah ee koonfurta Qasa. Wasiirka amniga qaranka midigta fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa uga digay Netanyahu in uu ka la laaban doono taageerada haddii aanu weerarku dhicin. Hadalkiisa,ayaa daba socda ka bixitaanka ciidamada Israa’iil qaarkood ee koonfurta Qasa,taasoo Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay inay u ogolaanayso inay dib isu abaabulaan. In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah,ayaa gabaad ka dhigtay magaalada Rafah, xulafada Israel oo uu ku jiro Mareykanka ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka lagu qaaday magaalada, iyagoo…
Ciidul Fidriga,ayaa bilaaban doonta Arbacada, Abriil 10, Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Isniintii. Dabaaldegga Ciidul Fidriga ayaa muujinaya dhammaadka bisha Ramadaan, muddo bil ah oo ay soomanaayeen in ka badan 1.8 bilyan oo muslimiin ah oo adduunka oo dhan ah. Sannadkan, Ramadaanku waxa uu bilaabmay March 11 Inta lagu jiro bishan barakaysan, shakhsiyaadka ayaa ka fogaada cuntada iyo cabitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa fiidkii.
Qaraxyo & weerar toos ah oo Mareykanku uu sheegay iney ka dhici karaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho . Safaaradda Mareykanka ee Nairobi,ayaa heshay xog ku saabsan jiritaanka weeraradan waxaana xigtayba in dhammaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka in la joojiyay Talaadada, Abriil 9, 2024. Halkan ka akhriso:-
Garoowe: 08 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, arrimaha amniga iyo Garsoorka. Sidoo kale, Guddoomiya Xafiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha wuxuu warbixin kooban ka siiyey Madaxweynaha waxqabadka Xafiiska iyo muhiimada doorka kor-joogtaynta xuquuqda aadanaha. Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey dedaaladda iyo waxqabadka muuqda ee Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland, wuxuuna dhiirigeliyey horumarinta hawlaha Xafiiska iyo xoojinta wada shaqaynta. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Lr 06, April 08, 2024: kuna saabsan Cafis Maxaabiis ee bisha Ramadaan. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland. Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad Markuu Arkay:- Talo soo jeedinta Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland Puntland. Markuu Tix geliyey:- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Munaasabadda Ciidul-Fidriga. Wuxuu Cafis u fidiyey Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 50 Maxbuus oo ku kala jira Xabsiyada kala duwan ee Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.
Wasiirada Xasan Shiikh magacaabay,waxay ka dhigan tahay in uu Dagaalka PL ee uu ku jiro uu sii wado. Shacabka Puntland Calooshiisa,ayuu tusay,waxayna sii xoojinaysaa midnimadooda iyo baraarugooda. Sida la filayo,waa qorshayaal isku ku xigi doona oo Tusbax go’ay ah… 1. NISA 2. Wasiirada 3. Hamse will be next?? Tan kale oo xusida mudan reer Garowe dagaalka Deni waxbuu u gooyay haday noqon lahayd Garowe iyo Xamarba. JQ.
Garoowe: 07 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Hon Ilyaas Cismaan Lugatoor oo Shir-guddomiyey Shirka Agaasimayaasha Guud ee Hay’addaha Dowladda. Shirka,ayaa looga hadlay dar-dargelinta hawl-fulinta Hay’addaha dowladda, dibu qaabaynta hanaanka shaqo ee Hay’addaha dowladda, soo bandhigida Barnaamijka Xukuumada ee 2024-2029 iyo sidii loo meel marin lahaa, diyaarinta iyo soo bandhigida qorshe hawleedka 2024, kobcinta dakhliga, Midnimada bulshada reer Puntland iyo Mawqifka Dowladda Puntland ee ku aadan Dowladda Federaalka ah iyo diyaarinta warbixinta waxqabadkii muda xileedkii hore ee dowladda. Kulanka waxa Madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdirahman (MJ). -DHAMMAAD- XAFIISKA…
Wasiirada ay Magacowday Dowlada sharciyada lumisay ee Xamar,ayaa kala ah… 1. Ahmed Macalin Fiqi, wasirka arrimaha dibadda 2. Cali Yuusuf Xoosh, wasiirka arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta 3. Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, wasiirka amniga gudaha 4. Cabdullaahi Bidhaan Warsame ,Wasiirka Tamarta iyo Biyaha. 5. Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. 6. Axmed Cumar Maxamed, Wasiiru Dowlaha Isbedelka Cimilada. Ragga la magaacay,waxay ahaayeen Xildhibaanadii shuruuda looga dhigay in Wasiiro la siinayo haday meel mariyaan Dadtuurkii Xasan samaystay. Si gaar ah kuwa kasoo jeeda Beesha Daarood in mudo ah,ayaa laga hayay boosaskooda oo ay banaanaayeen si loogaga badasho dano Xasan lahaa…
Garowe: 06 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Hon Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka dar-dargelinta Amniga ee maalmaha Ciida. Kulanka,ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Amniga guud ee Puntland, si gaar ah goobaha ay isugu imaanayaan bulshadu maalmaha farxada leh Ciida. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND.
Mawaadin ma ogtahay in Dowladda Puntland ay wado qorshe lagu dhameystiraayo wado laami ah, in ka badan 40-KM oo u dhaxaysa Deegaannada Birta-dheer iyo Xaar-xaar ee Gobolka Nugaal ee isku xirta Garowe, Gaalkacyo. Muwaadin Ma ogtahay Dhismaha Wadadan in lagu dhisayo Barnaamijka Dowladda ee iskutashiga iyada oo kharashkeedana laga bixinayo khasnada Dowladda Puntland taasi oo muujinaysa sida ay dowladdu uga go’an tahay in Cashuurtii Shacabka laga qaaday in dib loogu dhisayo Dalka. Muwaadin ma ogtahay in ay jiraan qorshayaal kale oo ay wado Dowladda Puntland oo dib udhis loogu samaynaayo Wadooyinka kale ee Gobolada Dalka. Fadlan Muwaadin bixi cashuurta ku…
ADIS ABABA: 5-APRIL 2024: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL Cabdillaahi Bile Nuur oo weheliya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gaboobe iyo Agaasimaha Waaxda Duulista Kabtan Maxamuud Xaaji Warsame ”Mooto” oo hawlo shaqo ku tagey Dalka Itoobiya,ayaa kulan kula qaatey masuuliyinta ay ka mid yihiin Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gadiidka Itoobiya Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxda ugu sareeya Shirkadda Itoobiyaan Airlines Mesfin Tasew Bekele. Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL la qaateen Madaxda Dalka Itoobiya,ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia,…
Garoowe: 06 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehelinayo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xassan Jaamac,ayaa warbixino ka dhagaystay waaxyaha qorshaynta,Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maamulka iyo Maaliyada. Saddexda waaxyood,ayaa Wasiirada la wadaagay shaqada maalin laha ah ee socota qaabka ay usocoto iyo caqabadaha jira. Wasiirada ayaa suaalo ka weydiiyay waxyaabaha ay soo bandhigeen si uu macluumaad balaaran uga helo,waxaana kuu ku amaanay kuna bogaadiyay shaqada baaxada leh ee ay bulshada uhayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaraan shaqooyinka bulshada loo hayo. Warbixinta hogaanka cusub ee Wasaaradda ay wadeen ilaa markii ay…
Duqa Magaalada Balcad Qaasim Cali Nuur,ayaa sheegay in la dilay 11 ka mid ah Al-shabaabkii kadib weerar ay soo qaaday, isaga oo halwgalkaas ku tilmaamay mid lagu guulystay. “Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Deegaanka,ayaa saaka araxda ka jabiyay kooxaha dheeriga ah ku ah Adduunyada (Al-shabaab) oo saaka jab xoog leh loogu geystay degmada Balcad”Ayuu yiri Jen. Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlayay warbaahinta Dowladda. Dhanka kale Al-Shabaab,ayaa sheegtay in Gaari walxaha Qarax laga soo buuxiyay ay ku qarxiyeen xarunta nabad sugidda ee magaalada,waxaana ay sheegeen inay khasaare xooggan gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda.
Weftiga Puntland ee ku sugnaa Adis,ayaa ugudbay Caasimada Jigjiga ee Deegaanka Somalida Itoobiya. Jigjiga,waxay kula kulmayaan Maamulka Deegaanka oo ugu horeeyo Madaxweyne Mustafe,iyadoo lasii dhamaystirayo heshiiskii DFI iyo PL. Heshiiska amaan,Ganacsi iyo Maalgashi ee PL iyo Itoobiya,waxaa saxiixay dhamaan Wasaaradihii ku Shaqada lahaa ee Dowlada Fadaraalka Itoobiya ah…. 1.Wasaarada Arimaha dibada. 2.Wasaarada Gaadiidka. 3.Wasaarada Ganacsiga. 4.Amniga. 5.Kastamada. 6.Aviation-ka. Si buuxda,ayuu heshiiskan uhirgalay oo fulintiisana loogu dhaqaaqay. Weftiga PL ee Jigjiga gaaray,waxaa la socda wefti kale oo Dowlada Fadaraalka Itoobiya ah,kaasoo xaqiijinaya hirgelinta heshiiska qaybta Deegaanka Somalida laga rabo. Heshiiska PL iyo Itoobiya,waa umuhiim horumarka Geeska Afrika. JQ.
Somalia’s central government collapsed in 1991, plunging the country into civil war, made worse with the emergence of the jihadist group al-Shabaab in the mid-2000s. Millions of people have been displaced by fighting between militants and the army, and years of drought caused by failed rains. About 6.9 million people are in need of humanitarian aid. Afyare A Elmi, a research professor at the City University of Mogadishu, said Puntland’s withdrawal from the federal system could further imperil the viability of a unified Somali state. “If a large chunk of the country is missing in this process we are simply…
An overhaul of Somalia’s constitution, scrapping its power-sharing system and handing the president increased control, is threatening to destabilise the fragile country, as its wealthiest and most stable state refuses to recognise the changes. The amendments risk worsening violence, the information minister from the semi-autonomous state of Puntland has warned. Mohamud Aidid Dirir told the Guardian that “almost a totally new constitution” had been introduced without input from the state’s leaders. He accused the Somali president, Hassan Sheikh Mohamud, of using parliament to “gather authority into his hands”. Somali lawmakers voted overwhelmingly last weekend to adopt a slew of amendments…
Milatariga Israa’iil oo shaqada ka eryay saraakiil sare kadib markii shaqaale hay’adeed lagu dilay Qasa. Ciidamada difaaca Israa’iil,ayaa sheegay inay shaqada ka eryeen laba saraakiil oo sarsare oo hoggaaminayay guutadii ku lugta lahayd dilka shaqaale ka tirsanaa Hay’adda World Central Kitchen (WCK). Dhacdadan oo dhacday Isniintii ayaa waxaa laga helay cadeeymo muujinaya in ciidamada Israa’iil ay ku lug lahaayeen weerarka.
Khasaare kala duwan,ayaa ka dhashay dab saaka abbaarihii 7-dii Subaxnimo ka kacay suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay isagoo dhul baaxad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan Ganacsatada Dharka iyo Kabaha iibiya. Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah. Laakiin sida uu qabo Xasan Xoogsade oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatda suuqa Bakaaraha, waxaa jira gaabis dhanka Dowladda. Dabka saaka ka kacay…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Khamiistii in sii wadidda taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas inay go’aamin doonto sida Israel ay u qaadato tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool marinka Gaza iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee isku dayaya inay cunto u keenaan. Maalmo ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah oo ay ku dhinteen todoba shaqaale ah oo ka hawlgelayey hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa Aqalka Cad wuxuu sheegay in wadahadal dhinaca khadka telefoonka ah oo dhexmaray Biden iyo ra’iisal…
Dawladda Puntland waxay danaheeda kala macaamilaysaa wadamada deriska ah.
“Xamar ma xiri karto xafiisyada Itoobiya Garowe,Xasanna nama xukumo amarkiisuna kama shaqeeyo meel ka baxsan Muqdisho oo ajanabi ku ilaaliyo,anaga ayaa u madax banaan go’aankayaga “Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1775951934278570393?t=C9TR7K_HnLMyK1xts_zx_g&s=19
Ambassador Rhoda Elmi, Somaliland’s Deputy Minister of Foreign Affairs, and Mahmud Aydid Dirir, Puntland State Information Minister, dismissed the warning by Somalia’s federal government to close the Ethiopian Consulates General in Hargeisa and Garowe, the capital cities of Somaliland and Puntland, respectively. Earlier today, Mogadishu told Ethiopia’s Ambassador Muktar Mohamed Ware “to depart from Somalia within the next 72 hours,” and said it has “summoned back” its envoy in Addis Abeba to Mogadishu “for comprehensive consultations.” In the same statement, Somalia also said the Ethiopian Consulates General in Hargeisa and Garowe, the capital cities of Somaliland and Puntland, “are to…
Taageerada go’aanka Dowlada Puntland,ayay Shacabka PL iskugu soo baxeen,iyagoo sameeyay munaasabado waa weyn oo ay ka dhigeen Gobollada kala duwan ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo Shacabka Bari https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1775914226735100174?t=1kRgcdNIJy1J56lDrc08Tg&s=19 Halkan ka daawo Shacabka Mudug https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1775920896475115737?t=-YuRLIxts4VhAMMxf76rxw&s=19
Garoowe: 04 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay… 1.Amniga Guud iyo Shaqooyinka socda. 2.Warbixinta Cudurada faafa, Waddooyinka, Gaadiika Dowladda iyo Dhismeyaasha, Xaaladda Deegaanka iyo qodobo kale .
Guddiga Wasiirada Puntland,ayaa kulan kula qaatay Adis-ababa Wasaarada Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya. Kulanka,ayaa ahaa dardargelinta xiriirka iskaashi Labada Wadan ee PL iyo Itoobiya. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya,Hay’adda Kastamyada Dalka Itoobiya,ayaa dhanka Itoobiya ku matalayay kulanka. Waxaa xusid mudan in dhamaan Shirarka dhexmaray Itoobiya iyo PL uu goob joog ka ahaa Qunsulka Guud ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Dowladda Puntland. Puntland,waxay udhaqmaysaa Dowlad Madaxbanaan kadib burburkii ku yimid Dastuurkii Fadaraalka Somaliya ee heshiiska lagu wada ahaa. JQ.
Warka sheegaya in la cayriyay Safiirka Itoobiya waa wax lagu qoslo. Waxa iswaydiinta mudan,waxay tahay markii PL ay heshiis la gashay Itoobiya miyaa lagu dhiiranayaa cayrinta Safiirka Itoobiya? Heshiiska PL iyo Itoobiya,waxaa ka xoog badnaa boqol jeer kan SL iyo Itoobiya mana sababin in xiriirka Diblomaasi toos loo jaro. Maamulka Xamar kama saari karo Dhulka Somalida Diblomaasiyada iyo Ciidanka Itoobiya,si gaar ah Qunsuliyadaha Garowe iyo Hargaysa kuma xirmayaan amarka Xamar. Majirto qadiyad Somaliyed oo umidaysan cadaawad ka dhan ah Dowlada iyo Shacabka Itoobiya. Sidoo kale majirto qadiyad ama Dowladnimo ama Siyaasad Somali wada leedahay oo lawada ilaalsanayo. Dowlada lumisay Sharciyada…
Baraha xiriirka bulshada ee kala ah WhatsApp, Facebook iyo Instagram ayaa xalay si kooban khadka uga baxay, ka dib markii uu damay hab-dhiska dhexe ee shirkadda iska leh barahaan oo la yiraahdo Meta. Abbaarihii 19:00 BST (xilliga xagaaga Britain) oo ku beegneyd 9-kii fiidnimo ee Afrikada Bari ayaa culeys laga dareemay khadka saddexdaas shirkadood oo wallow shaqo ahaan ay kala madaxbannan yihiin, haddana si ahaan isku sidkan maadaama hal meel laga maamulo. Cilladdan ayaa laga dareemay meelo kala duwan oo dunida ah, taas oo hadal-hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada oo macaamiil gadoodsan ku wadaageen tabashadooda. Tillaabadan ayaa maamulka shirkadahaas…
Cunta-kariye sare Jose Andres oo ah aas-aasaha Hey’adda Gargaarka ee Worl Centeral Kitchen, ayaa Arbacadi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in weerarki ay Israel ku dishay 7 ka mid ah shaqaalihiisa gudaha magaalada Gaza uu ahaa mid loo fuliyay si ula kac ah. Wareysi qiiro lahaa oo uu siiyay Rueters, ayuu Jose Andres ku sheegay, in ay xiriir cad kala yeesheen ciidamada Israil cuntada ay ka qeybinayeen Gaza isla markaana ay ciidanka Israil ogaayeen dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka. Shaqaalaha la dilay ayaa baabuurki ay la socdeen lagu dhuftay gantaal waxyar kaddib marki ay soo dajiyeen cunto gaareysa 100 tan oo…
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) inuu noqdo Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Waa markii saddexaad oo loo magacaabo Sanbaloolshe agaasimaha NISA. Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa bayaan uu soo saaray u hambalyeeyay Sanbalooshe. Golaha Wasiirrada ayaa u mahadceliyay agaasihii hore ee NISA, sida ay qortay warbaahinta dowladda Federaalka. Ma cadda sababta keentay inuu shaqada NISA ka tago Mahad Salaad. Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal…
Laba Gudi oo ka kala socda Puntland iyo Itoobiya,ayaa kala saxiixday heshiis buuxa oo iskaashi.. Labada Gudi oo ka kooban Wasiiro,waxaa kala hogaaminayay Wasiirka Maaliyada PL iyo Wasiirudowlaha Arimaha Dibada Itoobiya. 1.Tamarta. 2.Ganacsiga. 3.Amaanka. Sidoo kale,waxaa kulmi doona Madaxweyanaha PL iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya. Madaxweyne Deni iyo weftigiisa,ayaa gaaray Shalay Itoobiya. Puntland,waxay qaadatay go’aan ay ku isticmaalayso Qodobka Afraad ee Dastuurkeeda,kaasoo ufasaxaya in ay udhaqanto sidii Dowlad Maxbanaan. DFS,ayaa lumisay Sharciyadii kadib markii MW Sharciyada lumiyay ee Xasan uu laalay Dastuurkii kmg ahaa ee Fadaraalka. JQ.
Siyaasad ahaan Dowladda Puntland way ka miisaan iyo awood badantahay maamulada kale ee qaybta ka ah dowladda Federaalka, taasna waxaa kuugu caddeynayaa Senetor-ada Aqalka Sare marka la qaybinayo waxaa lagu qaybsadaa Maamul Goboleedyo, dhammaan maamul goboleedyada kale ee katirsan dowladda federaalka ah ee somalia waxay qaataan min 8-Senetor halka Puntland ay qaadato 11-Senetor, Waxay taasi kutusaysaa miisaanka siyaasadeed ay Dowladda Puntland leedahay. Dhaqaale ahaan Dowladda Puntland way ka dhaqaale badantahay 4-ta maamul ee katirsan dowladda federaalka Somalia waxaana kuugu cadeynayaa arrinkaas, Dowladda Puntland waa maamulka kaliya ee maamula dakhliga kasoo baxa 2-dekadood oo caalamiya shaqeeyana sidoo kale maamula 2-Airport oo…
Bassirou Diomaye Faye ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Senegal, si uu u noqdo hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee la soo doorto ee katalin waddan Afrika ku yaalla. Madax ka kala socota Qaarada Afrika,ayaa ka qeyb galay xaflada caleema saarka oo ka dhacday meel ka baxsan caasimada Dakar. Bishii la soo dhaafay Mr Faye,ayaa ku guuleystay doorashadii dib u dhacday, isagoo helay boqolkiiba konton iyo afar codadkii la dhiibtay, wuxuuna ka hormaray ninka la tartamayay ee Amadou Ba. Jimcihii, golaha dastuurku wuxuu xaqiijiyay Mr Faye inuu yahay ninka ku guuleystay kursiga. Waxa uu la kulmi doonaa caqabado badan oo ay…
TOOS Raadi CAALAMKA Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal 1 Hal Saac ka hor Agence France-Presse Goobta uu ka dhacay weerarka ee Dimishiq Arag Fikradaha DIMISHIQ — Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq. Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed,ayaa Aadan Faarax u magacaabay in uu noqdo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Madaxa Xafiiska Isku xirka Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda laga bilaabo 01 Abriil 2024. Aadan Faarax,yaa hore u ahaa Madaxa Xisbiga Barwaaqo iyo Gudoomiyaha Golaha Shucuubta Itoobiya. Sidoo kale Aadan Faarax,ayaa Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ka soo noqday Madaxweyne ku xigeen. Waa markii ugu horaysay taariikhda oo Siyaasi kasoo jeeda Somalida Itoobiya uu noqdo Ra’isalwasaaraha xigeenka Itoobiya.
Banaanbax lagu taageerayo go’aankii Dawladda Puntland ay kaga soo horjeesatay wax ka beddelka Dastuurka Soomaaliya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774729380607987746?t=CQqv5dalsyvByzCAphrpjw&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774793405635129424?t=Z1X8g2H-WacLW8DOi5ERaA&s=19 Wasiirka warfaafinta DPL maamulka Gobolka Nugaal maamulka Degmada iyo waxgarad,ayaa ka hadlay banaanbax bulshada Garoowe ay ku soo bandhigayeen taageeridda go’aanka DPL ee Dastuurka la badalay ee Soomaaliya. Halkan ka daao muuqaalka https://twitter.com/Puntlander416/status/1774839703339925562?t=jVY4YKkyzz5u8GNx2K85Hw&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/MaxFAROLE/status/1774850468138656218?t=2zCnoLcTD3qabKI5VzMRNg&s=19
Warbaahinta Caalamka,ayaa si weyn uqaadaa dhigtay go’aanka Puntland ay kalsoonida kala laabatay DFS iyo Madaxdeeda,kadib markii Dastuurka kmg ah lagu xadgudbay oo lalaalay. Awooda PL Dhul,Dad,Siyaasad iyo Juquraafi ahaan ayay Warbaahinta caalamku dul istaagtay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774577717700182387?t=3O0g65zQ0WaXK0ZUxHWBbw&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774919869621846510?t=JX1sr8mlYTAY8yd1FHF-TA&s=19
#NewsAlert: Prime Minister Abiy Ahmed appointed Adam Farah as the new Head of the Democracy Building Center Coordinator Office with the rank of Deputy Prime Minister effective 01 April 2024. The former Speaker of the House of Federation (HoF), Adem Farah, who hails from the #Somali region in #Ethiopia, has been serving as Vice President of the ruling Prosperity Party (PP) after being elected at the party’s first general assembly held in two years ago in March 2022. Directly appointed by and accountable to Prime Minister Abiy, the Democracy Building Center Coordinator Office is responsible for, among others, overseeing the…
TV-ga caanka ah ee Aljazeera,ayaa falanqayn macno leh ku sameeyay go’aanka Puntland iyo ku xadgudubka Dastuurka Fadaraalka ee Madaxweynihii sharciyada lumiyay Xasan Shiikh. “SL,way ka go’day Somaliya,PL hada ayay kala laabatay aqoonsigii,waxay ka talisaa DFS sharciyan qayb ka mid ah Wadanka,qaybtaasna 70% waxaa jooga Maleeshiyada Nabadiidka ah,marka awooda DFS aadbay ukooban tahay”.Ayaa lagu yiri falanqaynta Aljazeera. “Dastuurka,waxaa afduubtay MW DFS,waana waxa keenay go’aanka PL oo Dastuur aysan ucodayn ma aqbali karto”Ayaa lagu yiri markale falanqaynta oo uu TV-gu la yeeshay Sahan. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774577717700182387?t=TelQ497__B8m7XhIb0_cwQ&s=19 JQ.
Fariinta warbixinta BC,ayaa ukala qaybsan Labo qaybood oo kala ah… 1.Xuquuqda Aadanaha 2. firiin toos ugu socota Xassan Shiikh iyo Madaxda kale. Waddamada Reer Galbeedka,ayaa soo dhaweeyay Qodobadii ay ku khasbeen Xasan Shiikh iyo Guddigiisa dib-u-eegista Dastuurka,kuwaasoo kala ah… 1. Xaqa Nolosha oo micnaheedu yahay in Qofkii Qof dila aan la dili karin – taas oo ka soo horjeedda Shareecada Islaamka. 2. Qoddobka Xoriyadda Diinta oo u qornaa: In Diinta keliya ee Dalka lagu fidin karaa ay tahay Diinta Islaamka. 3. Qoddobka Qaangaarnimada oo Diinta Islaamku qabto 15-Sano jir. BC Qoddobada la laalay ee Shareecada kasoo horjeeda,iyaga,ayaa ka danbeeyay. Si…
Kulankii Puntland iyo Qaramada Midoobey kadib,waxaa Shir jaraa’id wada qabtay MW Deni iyo Wakiilka QM. Madam SRSG,waxay aqoonsatay: 1. Barnaamujka Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee PL 2024-2029. 2. Waxay taageertay Siyaasadda Dowladda PL ee ku aadan ka faa’ideysiga Dhaqaalaha Badda (Blue Economy),iyadoo xustay in PL leedahay xeebta Somaliya ugu dheer. 3. Waxay aqoonsatay khilaafka ka jira Siyaasadda Somaliya,gaar ahaan dariiqa loo maray wax ka beddelka Dastuurka. 4. Waxay sheegtay in PL diyaar u tahay wada hadal dhab ah. 5. Waxay aqoonsatay muhiimadda PL ee Somaliya arrimaha dhaqaalaha,siyaasadda iyo Amniga. Imaanshaha Garowe ee Wafuuda Beesha Caalamka oo ay hogaaminayso Wakiilka Xoghayaha guud…
Garowe: March/31/2024 The Puntland government is engaging with the international community. Today, Mr. Said Abdullahi Deni, the President of the Puntland Government, hosted a group from the United Nations at the Presidential Palace. The delegation was led by Catriona Laing, the United Nations envoy to Somalia. Following the recent decision made by the Cabinet of Ministers, the Puntland Government has declared itself an independent state. It will now engage with the international world as a separate country, distinct from South Somalia. President Deni has informed the official UN ambassador to Somalia about Puntland’s decision. The United Nations and Puntland government…