https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774411984227738068?t=4qTxZgAA71DB9Nwz-uYB7g&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774410642260217969?t=63MK2anI8_BGbF49cNCp0A&s=19
Author: Jibril Qoobey.
Somalia’s Puntland State announced its withdrawal of recognition and trust in the federal government of Somalia, stating that it no longer recognizes President Hassan Sheikh Mohamud as legitimate. In a statement delivered by Puntland’s Minister of Information following a cabinet meeting chaired by President Said Abdullahi Deni in Garowe, Puntland announced its withdrawal from recognition and trust in the federal government of Somalia. Puntland emphasized its commitment to acting as “a complete independent government” until a federal system of government, based on consensus and an agreed Somali constitution, is established through a public referendum in which Puntland participates. This decision…
Garoowe : 31 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing. Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Dowladda Puntland. Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas…
Dhamaan Wakiiladii Beesha Caalamka,waxay ka dagayaan Puntland Maalinka Beri foog ah,waxaana hogaaminaysa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Weftigaas,waxaa ka mid ah Safiirada Maraykanka,UK iyo Midowga Yurub. Ujeedka socdaalkooda,waa Wadanka in la badbaadsho.
Go’aanka Dowladda Puntland oo caawa kasoo baxay Shir Gole Wasiir oo aan caadi aheyn,kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Waxaa Warbaahinta la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamuud Caydiid Dirir. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1774205566170145032?t=JZomWPRGz8rE8gSAvmjqYA&s=19
Dastuurka in Xasan ku falaado,waxay utahay fursad weyn reer Puntland,waana sababaynayaa…. 1.Fadaraalkan ay ku waayeen xaqooda,ayay dib uga Xisaabtamayaan. 2.Caasimadnimada Xamar ee ay ku lumiyeen danahoodii,ayay dib uga Xisaabtamayaan. 3.Somaliya,ayaa kusoo laabanaysa hanaankii ay Gacmahooda kusoo afjareen ee ahaa SL.PL iyo Bartamaha iyo Koonfurta. 4.Aragtidooda Dowlad dhiska Somaliya,ayay dib u eegis ku samaynayaan. PL way Xisaabtamaysaa oo Labo Wado ayay mid qaadaysaa,kuwaasoo kala ah… 1.In ay markale Gacan Siyaasadeed uceliso Xamar oo ay loolan ka gasho badbaadinta DFS iyo Dastuurkeeda. 2.In ay ka tashato oo muhiimada siiso Puntland First. Marka Bulshada PL waa in ay ogaadaan in aan haysano fursada…
Cumar Cabdirashiid,Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Wadajir uga hor yimid xadgudubka Dastuurka uu ku sameeyay Xasan Shiikh. Halkan ka akhriso:-
30-Sano burburkii Qaran kadib saakay ayay hadana lumisay heshiiskii Dowladnimo. Xasan Maanta laga bilaabo ma’ahan Madaxweyne Qaran oo Dastuurkii uu ku ahaa,ayuu laalay. Jamhuuriyadii Somaliya,waxay ukala qaybsantay Sadex Qaybood ilaa iyo hada waxa muuqda marka laga tusaale qaato…. 1.Somaliland. 2.Puntland. 3.Bartamaha iyo Koonfurta. Sadexdan mid walba,waxay Saakay leedahay Dastuur ugaar ah oo ay haysato. Si gaar ah Maanta,wixii ka danbeeya Puntland Xasan Madaxweyne uma ahan mana quseeyo Dastuurka uu samaystay. Jamhuuriyadii Fadaraaliga ahayd ee Somaliya halkaas ayay kusoo afjarantay. JQ.
Muqdisho, Maarso 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 31-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Ku-xigeenada Labada Aqal ayaa ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa ansixinta soojeedinta wax-ka-bedelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kooramka Golaha Shacabka ayaa haa 212, Sennatarada na 42. Xogahayaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Labada Aqal Sennatar Siciid Cawke, oo ugu horreyn soo jeedyay in seddex qodob ka ka tirsan cutubka 2-aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriaydda…
Haddii habka qarda-jeexa ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara Afar arrimood. Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay. Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhisan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada. Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba…
Madaxweynihii ugu liitay taariikhda Somaliya,ayuu noqon doonaa Xasan Shiikh oo xataa,wuxuu ka hoosayn doonaa Cabdiqaasim oo degi waayay Villa Somaliya oo Beeshiisu haysatay. Qorshahan haatan Xasan wado oo ku falaado Dastuurkii Wadanka ee laysla ogolaa,waxaa ku taageeraya Laba koox Diimeed oo kala ah… B.Al islaax. T.Aala Shiikh. Ujeedka ay Xasan garab ugu siinayaan ku falaadida Dastuurka,waa in ay abuuraan qorshe iyo nidaam cusub oo Somaliya lagu maamulo oo iyaga ka yimid. Kooxahan,waxay ku kala jiraan Labada Xisbi ee Damjadiid iyo Daljir. Dastuurkii Dalka,waxay rabaan in uu noqdo mid Qof u adeega oo awood buuxda siiya Madaxweynaha,waxayna meesha ka saarayaan awoodiihii…
Dalka Jabuuti waxaa ku dhuftay daadadkii ugu saameynta badnaa ee dalkaasi soo mara, waxaana la arkay biyo fara badan oo qulqulaya wadooyinka magaalaooyinka kala duwan ee dalkaasi. Baraha bulshada ayaa lagu arkay kooxaha badbaadada oo gurmad u fidinaya dhowr qof oo ay biyuhu qaadeen, iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan badneyn, walow dadka ugu badan la soo badbaadiyay. Gobolka Carta ayey ka dhacday dhimashada, hase yeeshee daadadka badankood ayaa lagu arkayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti. Kooxaha gurmadka ayaa saacado badan baadi goobayay mid ka mid ah dadka dhintay oo ugu dambeyn meydkiisa la helay, iyadoo xilligaasi…
Guddiga,ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay baarayaan in Ruushku jabiyay qeynuunka iyagoo hub ka soo iibsaday Kuuriyada Waqooyi sida gantaalada meelaha fog gaarah si ay ugu adeegsato Ukraine. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn saaray Pyongyang ilaa 2006-dii barnaamijkooda Nukliyerka. Codeyntii Golaha ammaanka ee khamiistii, Ruushka,ayaa diidamada Fiito u adeegsaday si ay joojiyaan in dib loo cusbooneysiiyo cunaqabteynta iyadoo 13-ka kale ee Golaha ay u codeeyeen marka laga reebo Shiinaha oo aad ugu dhow Pyongyang kaas oo ka aamusay. Mareykanka, UK, Kuuriyada Koonfureed iyo isbahaysiga reer galbeedka,ayaa dhaleeceeyay diidamada Ruushka. Waa markii ugu horeysay Ruushka ay hor’istaagaan gudigan kaas…
Dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaal uu dib ugu soo ceshanayo bankiga ugu weyn dalkaas lacag si khaldan ay dad ugala baxeen xisaabaadkooda, ka dib markii nidaamka bankiga ee farsamo ahaan kaligiis is maamula uu khalkhal ku yimid, waxayana taasi keentay in la xisaabin waayo caddadka lacagaha lagala baxay akoonnada oo ay dadku la baxeen lacago ka badan intii akoonnada ugu jirtay. Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, bankiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu iminka dib u soo ceshtay in ka badan 80% lacagtii sida khaladka ah kaga luntay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, taasoo ay keentay cillad farsamo. Abe…
Si dadnimo leh,ayuu uhadlay Madaxweyne Faroole oo udifaacay Dastuurka Wadanka. Nidaamkeenu waa Baarlamaani. Madaxweynaha Baarlamaankaa dooranaya. Gudoomiyuhuna Baarlamaanku ka imaanayaa. Ra’isalwasaaraha Xisbiga ugu Xildhibaano bata Baarlamaanka,ayuu ka imaanayaa. Madaxweynuhu waa Madaxa Sadexda hay’adood ee Dowladnimadu ku dhisan tahay oo kala ah…. 1.Sharcidejinta. 2.Garsoorka. 3.Fulinta. Dastuurku Tiirar adag,ayuu ku taagan yahay oo aan la taaban karin,balse dib u eegid baa lagu samayn karaa Qodobada ku dhex jira. Dib u eegida Dastuurka,isagay ku qoran tahay habka loo marayo mana ahan wax faraha layskala geli karo. Halkan ka dhagayso Codka Faroole https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1773678770244800849?t=WEh_Rn6ZmZ4528Lm13E8Lg&s=19
Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024. Halkan ka akhriso:-
Burburkii kadib,waxaa layskugu yimid Shirar dhowr ah oo lagu raadinayay in Dowlad loogu dhiso markale Somaliya. Ugu danbayn Shirkii Carta,ayaa lagu yagleelay Dowlad Kmg ah oo Somaliyed,waxaana lagu doortay MW Cabdiqaasim Salaad. Cabdiqaasim uma suuroobin in uu dego Villa Somaliya,wuxuuna degay Guri caadiya oo ku yaal Magaalada Muqdisho. Dowladaas in ay Shaqayso Cadiqaasim iskuma taxalujin xataa Villa Somaliya in uu kala wareego hogaamiye kooxeedkii Beeshiisa ahaa ee haystay,iskabadaa in uu Xamar kusoo celiyo caasimadii Wadanka oo Beeshiisa oo ahayd mida haysatay uu Dowladnimada gaarsiiyo. Taa badalkeeda,isagoo Xamar ka degan Guri kira ah,ayuu PL oo ahayd Maamulka kaliya ee utaagnaa dib…
Madaxweynaha Doorasho Dadweyne,ayuu ku imaanayaa?. Waa in Xasan Kursiga kusii fadhiyo 20-ka Sano ee soo socota,sababtoo ah Doorasho Qof iyo Cod ah kama hirgeli doonto Somaliya. 20-ka Sano ee soo socota marka waaqiciga la duulo. Madaxweynaha,ayaa soo magacaabayo,xilkana ka qaadaya RW? Waa in meesha laga saaro awoodaha Golayaasha fulinta iyo Sharcidejinta. Macnuhu,waa Dowladnimo Gacanta Hal Qof loo galiyo,taasoo ah Gacanta Madaxweynaha. Sidoo kale,waa in Baarlamaanka la micno tiro oo awoodihiisii dheelitirka Dowladnimo la laalo,waxaana tusaale kuugu filan in uusan MW dooran karin,kana qaadi karin xil Ra’isalwasaaraha. Xisbiyada,waxay noqon doonaan 3-Xisbi Siyaasadeed? Waa in Siyaasada Wadanka loo xiro Madaxweynaha oo Xisbi,isagu…
Muqdisho, Maarso 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow, oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad, isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee…
Garoowe: 28 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, dhameystirka dimuqraadiyadda Puntland, xaaladda cudurada faafaha, xaaladda Deegaanka iyo Kor-u-qaadista Dalxiiska iyo illaalinta goobaha taariikhiga ah. Golaha Wasiirada ayaa soo saaray qodobo ku saabsan dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo la tixraacay warbixinta ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. Qodobada ayaa kala ah : 1. Dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garoowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan. 2. Fariisinta Goleyaasha…
Dubai: Emirates denied social media reports of a near-miss air collision event with an Ethiopian Airlines flight, the national carrier confirmed late on Wednesday. “Emirates can confirm that there was no instance of an aircraft proximity event compromising the safety of the aircraft over the airspace and during the date and time in question,” according to a statement from an Emirates spokesperson. “All Emirates aircraft are equipped with capabilities to maintain safe separation and distance during operations.” According to a media report on X (formerly twitter), the Civil Aviation Authority (CAA) of Somaliland announced that an Emirates B777, operating as…
The Somaliland Civil Aviation and Airport Authority has reported that an Ethiopian Airlines plane and an Emirates flight nearly avoided colliding over Somalia’s airspace on March 24th. According to a statement from the authority, around 12:43am East Africa Time, Emirates flight UAE722 and Ethiopian Airlines flight ETH690 were assigned the same altitude of 37,000 feet by air traffic controllers in #Mogadishu. “A few minutes before the collision, the efforts made by the Somaliland Air Traffic Controllers and the pilot of the Ethiopian Airlines caused the pilot to quickly change his altitude and climb to 39,000 feet,” the statement said. The…
15-Cutub,ayuu yiri halaga badalo Dastuurka markii hore MW Xasan Shiikh,kuwaasoo ay ku jiraan Qodobada Asaasiga ah ee ka dhigaya hadii la taabto in Dastuurkii oo dhan la badalay. 4-ka mid ah Cutubyadii 15-ka ahaa,ayuu hadana kala soo dhex baxay,wuxuuna meel iska dhigay 11-kii kale. Afartii meel marintooda,wuxuu amray in aan loo marin habraacyadii udaganaa Labada Gudi ee kala ah… 1.Gudiga Dib U Eegista Dastuurka. 2.Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka. Fikradihii dooda Xildhibaanada laga ururshay oo sharciyan ay ahayd in lagu daro Dib u eegista kadibna lagu ansixiyo Cod ah 51%,meesha,ayaa laga saaray sabab ah in ay wakhti dheer qaadanayaan. Haatan Afar…
Muqdisho, 27, Maarso 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo…
Madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin; 1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga. 2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka. 3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku…
Iyadoo ay Puntland cadaysay in hadii Dastuurka KMG ah ee Fadaraalka waxkabadal lagu sameeyo aan laysla ogolayn uusan qusayn,ayay hadana DFS sii wadaa qorshaheedii badalida Dastuurka. Maalinka Berri foog ah,ayaa loo yeeray Xildhibaanada iyo Seneterada Labada Aqal si loogu qaybiyo Nuqulkii ugu danbeeyay ee badalida Dastuurka. Maalinka Sabtida ah,ayaa la filayaa in Cod loo qaado badalida Dastuurka sida wararku sheegayaan. Waa qar iska xoornimo khatar ku ah Geedi socodka dhismaha Dowladnimo iyo soo kabashadii Sanadihii udanbeeyay DFS. Xildhibaanada Sharafta leh, Barri oo Khamiis ah taariikhduna tahay 28.03.2024, waxaa jira kulan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha: Dib…
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden,ayaa ku booriyey Wasiirka Gaashaandhiga Israel Yoav Gallant in ay ka tanaasulaan qorshaha ay ku galayaan Rafax oo ku taalla koonfurta Qasa. Rafax,ayaa waxaa ku nool in ka badan 1.4 Million oo ah Falastiiniyiin rayid ah oo gabaad ka raadsaday. Warkan,ayaa soo baxay xili Maraykanka iyo Israa’iil ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay hanaanka ay Israa’iil ay u wado dagaalka mudada Lixda Bilood socda ee ka dhanka ah Xamaas.
Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo Baarlamaan aan Madaxweyne dooranaynin, Raysalwasaarana xil ka qaadi karin. Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka, kaasoo dhigaya in marka ay doodda xildhibaannada soo idlaato, muddo bil gudaheed ah lagu soo turxaan bixiyo talo soo jeedintii, su’aalihii iyo sixitaankii ka yimid xildhibaannada, ka dibna lagu soo daro cutubyada laga dooday, ka dibna la tashiyo lala soo yeesho jihooyinka soo socda; 1- Madaxtooyada JFS 2- Xukuumadda JFS 3- Maxkamadda Sare 4- Makamadda Dastuurka 5- Xukuumadaha…
Garoowe: 27 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland oo maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada. Golaha xukuumadda ee cusub ayaa Shirka lagula wadaagay, hanaanka wadashqeyn ee Dowladda, Habraacyada heer walbo, Guddiyada loo kala qeybiyay Golaha, Mashaariicda iyo shuruudaha Dowladda Puntland ee la waafijiyo, sida ay u shaqeeyaan adeegyada danbeysan ee Wasaaradaha sida Khasnada Mideysan, Adeega Goluhu ku xiriiro ee E-cabinet, sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo Hab-Maamulka heer walbo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid…
Shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka ee Berri layskugu yeeray,waxaa looga xaajoonayaa Qodob ku saabsan Shidaalka. Heshiiskii Shidaal baarista ee ay la gashay Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Shirkada Maraykanka ah,ayaa lagu ansixinayaa. Heshiiskan horay,waxaa uburiyay Ra’isalwasaaraha DFS Xamse,kadib markii MW Xasan ka hor yimid,balse haatan,waxaa is afgartay Wasiirka Macdanta iyo MW Xasan oo markii hore si weyn iskugu dhacsanaa. Diidmadii Xamse,waxay noqonaysaa,waxaan macno lahayn oo awalba ka timid Xasan,waana arimaha muujiya sida Xaafiiska RW uyahay Xaafiis Xoghayn ahaan ugu adeega MW Xasan. Golaha Wasiiradu Maalinka Berri foog ah si buuxda ayay umeelmarinayaan heshiiska Shidaal ee lala galay Shirkadaas,kadib isfahanka MW Xasan iyo…
Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo. Bassirou oo 44 sano jir ah,ayaa lagu wadaa in uu noqdo Madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii. Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso,isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”. Faye – oo aan waligiis qaban Xafiis la doortay,ayaa u ballan qaaday bulshada…
Hay’adda maamusha duulimaadyada Mareykanka ee FAA,ayaa baaris xooggan ku haysa Shirkadda diyaaradaha rakaabka soo saarta ee BOEING. FAA,ayaa dhowaan amartay in baaris lagu sameeyo warshadda shirkadda Boeing ay ku leedahay magaalada Seattle, halkaasi oo lagu farsameeyey diyaaradaha 737 Max. Tani,ayaa ka danbeysay ka dib markii diyaarad nooca 373 Max ah uu albaabkeedu go’ay xilli ay hawada ku jirtay. Dhacdadan,ayaa saameyn adag ku yeelatay Shirkadda. Sidoo kale,waxaa iscasilay Madaxii Shirkada Dave Calhoun,isagoo sheegay in uu go’aankiisa tahay Shaqo ka tagida,waxaase jira warar sheegaya in lagu cadaadiyay kadib fadeexado isdaba joog ah oo ku dhacay Shirkada iyo Farsamadeeda Diyaaradaha. BOEING,waa mid ka…
Garoowe: 26 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre. Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:- 1. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirashiid Xassan Jaamac. 2. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Faarax Maxamuud Aw-Cismaan. Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Somalia’s Puntland State has warned against amending the current constitution. In a statement, Puntland claims that Somalia’s parliament doesn’t have the authority and legality to “create a new constitution.” Puntland said only limited articles need completion. Puntland also warned that if “attempts to create a new constitution” are implemented it will not uphold, recognise or apply any changes to the constitution that were made without an agreement.
Mowqif cad,waaqiciya,laga fiirsaday oo Siyaasad lalafaguray ku fadhiya,ayay Puntland sii daysay. Kani,waa bilowga Mowqifyo isdaba joogi doona oo ku xirnaan doona hadba go’aamada kasoo baxa DFS Golayaasheeda. Maxaa xigi doona? In la dhaqangeliyo Qodobka PL ufasaxaya in ay qaadan karto go’aan masiiriya haday aragto arimo khatar ku ah jiritaanka Ummadda…. 1.Golaha Wasiirada PL,ayaa laga meel marin doonaa. 2.Golaha Baarlamaanka,ayaa la horgayn doonaa oo meel marin doona. Maxaa xigi doona? Waxaa la qiimayn doona go’aamada iyo hab dhaqanka DFS Golayaasheeda kasoo muuqda. Hadii masuuliyad darida haatan jirtaa ay sii socoto PL,waxay ugudbi doontaa Shacabkeeda in ay ka qaado Afti Dadweyne. Ujeedka…
Puntland,waxay sheegtay in aan ay aqoonsan doonin, kuna dhaqmi doonin Dastuurka Soomaaliya haddii wax laga beddelo,iyadoo aan lagala tashan. Halkan ka akhriso:-
Waa muhiim in aan markale Somalida iyo caalamka ucadayso mowqifkeeda Puntland ku aadan ku falaadida Dastuurka ee MW Xasan Shiikh. Halka ay PL taagan tahay in markale la maqlo,waxay sal unoqon doontaa go’aamada BC ee mustaqbalka. Sidoo kale,waxay jihaynaysaa Shacabka reer Puntland oo ubaahan in mar walba ay helaan xog iyo tilmaan. Si la mid ah Bulshada Somaliyed,ayaa ogaanaysa halka ay taagan tahay Puntland. Waa muhiim in Dowlada Puntland war kasoo baxo xiligan. JQ.
Hamas on Monday welcomed a United Nations Security Council resolution calling for an immediate ceasefire in the ongoing war with Israel sparked by the Palestinian terror group’s massive attack on the south, saying it was ready to release hostages it abducted during the devastating assault. The Palestinian Authority and Turkey also praised the development at the UN. The war in Gaza erupted with Hamas’s October 7 onslaught, which saw some 3,000 terrorists burst across the border into Israel by land, air, and sea, killing 1,200 people. Terrorists also seized 253 hostages, mostly civilians and of all ages. Israel responded with…
Qaramada Midoobay,ayaa soo saaray qaraar ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah oo Qasa laga sameeyo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Soonqaad. Qaraarka,ayaa sidoo kale ku baaqaya in la sii daayo dhamaan la haystayaasha dhinacyada dagaalka ku jira. Waa Qaraar baahi weyn loo qabay,sababtoo ah Shacabka Qasa waxaa haysta culays weyn xiligan ay sooman yihiin. Maraykanka oo awal hor istaagi jiray qaraar ka dhan ah Israa’iil in uu kasoo baxo Qaramada Midoobey,ayaa ka aamusay midkan,taasoo ka dhigan in uu raali ka yahay Xabad joojinta. RW Israa’iil oo kusoo jeeday Maraykanka,ayaa baaqday kadib soo saarista Qaraarkan. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1772336983253094757?t=tljbVJdnt7SY_F0RuK904Q&s=19
Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlinka ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn sheegashada kooxda Daacish ee ah inay ka dambeysay weerarkii dadka badan lagu laayey ee lagu qaaday hool ku yaalla Moscow. Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan oo xiran dharka militariga ay gudaha u galeen hoolka Crocus City, iyagoo toogtay dad daawanayay bandhig faneedka, ka hor inta aysan gubin dhismaha. Daacish ayaa dhowr jeer tan iyo Jimcihii sheegatay in ay weerarka fuliyeen, waxaana warbaahinta xiriirka la leh Daacish ay baahiyeen muuqaallo ay ka duubeen raggii hubeysnaa oo gudaha goobta ku tooganaya dad daawanayay bandhig…
2-Sano ka hor,waxaa Shacabka Muqdisho banaanka usoo saaray Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeraya mudo kororsigii 2-da Sano iyo 13-kii Seneter ee lagu sheegay Matalaada Aqalka sare ee Gobolka Banaadir oo ay meel mariyeen Xildhibaanadii Baarlamaankii Fadaraalka. 2-Sano kadib Xasan oo Dastuurkii ku falaadaya,ayaa Shacabkii loogu soo saaray in ay taageeraan. Waa isla sidii oo kaliya jilaaga,ayaa isbadalay,waxaana markiisa isku dayaya in uu tijaabiyi Filinkii Farmaajo ka fashilmay ee salkiisu ahaa uxuubsiibad kalitalisnimo Xasan Shiikh. Balse,waxaa la hubaa in uu wakhtigu ka idlaan doono,isagoon Sadex arimood waxba ka qaban…. 1.Dagaalka argagixisada. 2.Dhismaha Ciidan Qaran. 3.Dastuurka iyo dib u eegistiisa. Sidoo kale,waxaa…
GARACAD- Agaasimaha waaxda Furdooyinka Puntland Mudane Eng Mahdi Faarax Qambi oo uu weheliyo Madaxa xafiiska siyaasadda cashuuraha mudane Bashir Cumar oo ku sugan Dekeda Garacad ayaa wada dardargalinta iyo isku duba ridka cashuurista badeecadaha soo gaaraya Dekada iyo kuwa ka dhoofaya. Agaasimaha ayaa tababar u qabatay shaqaalaha cusub Wasaaradda ee ku sugan Dekeda Garacad si ay ugu fududeeyaan ganacsatada cashuurista badeecadahooda. Dekeda Garacad oo ay ku xiran yihiin Maraakiib iyo doonyo wada badeecado kala duwan ayaa Wasaaradda Maaliyaddu wadaa sidii ganacsatada Soomaaliyeed loo siin lahaa adeeg bixin wanaagsan loona soo dhowayn lahaa. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda…
Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan. Sidoo kale, ayaa 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka…
Garoowe: 24 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir ee Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo Garoowe kaga qeybgalay shirkii looga hadlayey marxalada uu dalku marayo. Sagootinta waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac (MJ), Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Jaama Dabaraani iyo masuuliyiin kale. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
In loo diido tagida Laascaanood,iyadoo Xasan la ilaalinayo ma’ahayn Dhaqan gobeed oo muqdar ah. Markaan lahaa Garowe in lagu soo dhaweeyo Farmaajo ma bilna,waxaan ka duulayay danaha Siyaasadeed ee PL,balse ma ahayn qancin iyo ku dhawaansho DFS ee Xasan hogaaminayo. Ninka aragti Siyaasadeed waad ku kala tagi kartaan oo ku loolami kartaan lkn in laguu adeegsado waa ilhaamo. Marka aan leeyahay Daaroodku ma noqon karo Tol Siyaasadeed waxa aan ka duulayay waa dhaqamadan oo kale. Ma mudnayn salaan ehelnimo xataa in looga diido Laascaanood oo waliba Garaadadii ay ka meermaan in ay la kulmaan. Xasan Shiikh marna haka sugina in…
Cumar Cabdirashiid”Ficilada Madaxda DFS ee ay ku doonayaan soo saarida Dastuur cusub oo aan heshiis lagu aheyn,waxay Albaabada ugu furayaan faragalinta beesha Caalamka”. Hadalkaas mahan mid fudud oo Cumar iska yiri ee waa mid xog iyo aragti ku qotoma. Somaliya xalkeeda,waxaa dib looga baadigoobi doonaa Adis iyo Nayrobi. Sida muuqata Xasan,waxaa arinkan burburinta Dastuurka Wadanka ku maalgelinaya Gacan shisheeye oo la diriraysa Dowladnimo Somaliyed oo soo kabata. Saakay xaalku,wuxuu marayaa gudaheena,waxaase imaan doonta,iyadoo Adis ama Nayrobi loogu kala dabqaado Somalida oo Eber dib looga soo bilaabo Ciyaarta. Xasan meesha uu ka galo burburka ayay reer PL ka galayaan. JQ.
Ra’iisulwasaare hore Cumar Cabdirashiid;ayaa sheegay in ficilada Madaxda DFS ee ay ku doonayaan soo saarida Dastuur cusub oo aan heshiis lagu aheyn,ay Albaabada u furayaan faragalinta beesha Caalamka. Cumar,ayaa sheegay in ay Madaxda DFS og yihiin in cod baarlamaan, uusan natiijada iyo xaaladda Soomaaliya waxba ka bedeleyn, xalna u keeneyn. Cumar,ayaa sheegay in meelmarinta Mashruuca Dastuurka ay Soomaaliya u horseedayso qalalaase Siyaasadeed oo Albaabada u furi doona Shisheeyaha. Halkan ka akhriso:-
Qodobada Warmurtiyeedka ka soo baxay Garowe,waxaa ugu muhiimsan oo laga xusi karaa…. 1.In la qabto Shirweyne Wadatashi oo Somaliyed. 2.In MW Xasan looga digay waxa uu Gacanta kula jiro. 3.In Somalida iyo BC lagu baraarujiyay xaalka Wadanka iyo khatarta uu wajahayo Waa cadaadis xoog leh oo loo baahnaa,isla markaana yimid xiligii ku haboonaa. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1771629939118211160?t=n4O-XOLPnyLex_uM08nlUg&s=19 Halkan ka akhriso:-
Garowe : 23 March 2024: Madaxtooyada Dowlada Puntland waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo. Shirkaas,waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , Guddoomiyaha Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari , Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Golayaasha Dowladda Puntland. Inkastoo aan la faahfaahin Qodobada miiska saaran,hadana,waxaa…
“Sedex Cutub oo Dastuurka ah,ayaa la saarayaa, halka 45-Qodob iyo 97-Farqadood wax laga beddelayo,iyadoo lagu soo darayo 19-Qodob iyo 94-Farqadood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa,waxaana la tirayaa 3-Qodob iyo 26 Farqadood”CC.Warsame. Waa samaysasho Dastuur cusub ee ma’ahan wax ka badalid Qodobo kooban. Ujeedka Xasan sidan ugu dhaqmayo,waa Sadex Qodob si ay ugu hirgalaan,kuwaasoo kala ah… 1.Gudi Doorasho oo Labada heer ee Dowladnimada Somaliya ka hawlgala in uu isagu magacaabo si uu ubadalo MW DG. 2.Qof iyo Cod gaaristeeda in uu ku helo mudo kororsi. 3.Laba Xisbi oo mid isagu leeyahay midna uu Dad ku leeyahay in…
Shirkada Somlink Liner Oo ah Shirkadii ugu horaysay oo Soomaali leedahay,ayaa Maanta Dekada Garacad ku soo xirtay Markab-ka Kayan oo siday Xamuul Kunteenaro ah. Garacad,waxay muujinaysaa Shaqo adag iyo saamayn balaaran.
Dabley hubeysan,ayaa rasaas ku furay hoolka riwaayadaha ee magaalada Moscow, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 40-Qof, halka 100 kalena ay ku dhaawacmeen. Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1771314512227979605?t=l_7XyNOnz5IV2outFua2Wg&s=19
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed Marduuf,ayaa sheegay in uu Markabka hadda taagan yahay Deegaan Xeebeedka Jiifle. Taliyaha,ayaa xusay in ay dhanka Barriga ka wadaan howlgal ay uga gol leeyihiin in ay ku go’doomiyaan burcad baddeedda oo aysan galaangal u yeelan inay Barriga ka helaan wax caawinaad ah. “Waxaan hadda ku sugnnahay barriga, qorshaheennu waa inaysan burcaddu iska abaabulin iyo in kuwa hadda markabka Abdalla aysan helin gurmad dhanka barriga ah, dhanka baddana waxaa ku gadaaman maraakiib ay leeyihiin ciidamada caalamiga,marka dhankasta waa ka godoonsan yihiin,”Ayuu sheegay taliye Marduuf. “Waa inay kala doortaan inay isku soo dhiibaan…
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Qasa, ay hadda aragto horumar wanaagsan.” Blinken,ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira ku sheegay in booqashadii uu Sacuudiga ku tegay Arbacadii ay dhashay “wadahadal aad u wanaagsan,” oo uu la yeeshay dhaxal-suge Maxamed bin Salamaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Faisal bin Farhan. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka Gaza iyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, halkaasi oo Blinken uu booqday saddex jeer tan iyo 7-dii October. Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka,ayaa sheegay inuusan “waqtiyeyn karin”…
Garoowe: 22 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Ujeedka dastuur beddelka ee socda waa muddo kororsigii Farmaajo oo Shaati cusub loo soo geliyey,wakhtigiisa la soo hormariyey. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1770878520547234210?t=TirNvpIgP1MT5Pmzx3FuBg&s=19
Baahi Siyaasadeed oo loo qabo Farmaajo oo keeni karta in Garowe la keeno majirto habayaraatee. PL iyo Farmaajo waxa kaliya ee ay isku aragtida ka yihiin waa Dastuurka waxkabadalkiisa. Loolanka Dastuurka PL ugama baahna Qof iyo koox wax garab ah. Farmaajo isagaa Maanta loo sameeyay muuqasho ee PL waxba kama helin soo dhaweyntiisa. Hadii marmarsiiyo laga dhigan lahaa in Beesha Sade lagu qancinayo oo Daarood la midaynayo Farmaajo ma’ahan… 1.Mareexaan. 2.Caabudwaaq iyo Gedo. 3.Daarood. Farmaajo waa bilaa Taargo hadba balaayo ku guurto oo Gacanta ugu jira Fahad iyo Dadkiisa. JQ.
Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Shiikh Axmed oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo Qabyaalad, isagoo xusay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo. “Shalay aniga Madaxweyne Xasan Shiikh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo…
Garoowe: 21 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1770791185398866429?t=NOihhEWZiEbkUzrt1N2xRw&s=19
Deni waxa fursada siiyay oo Dad badan ugu hakadaan waa hogaaminta foosha xun ee Xasan Shiikh. Balse hadii la heli lahaa hogaamiye Qaran oo ka fog Qabyaalada iyo Eexda macno weyn ma yeesheen. Fahamikiisa Siyaasadeed,waa hooseeya sidiisaba mana talo qaato kumana xirna Dadka hibada uleh odoroskeeda oo isagaa cid walba iskala sareeya.. Dhaqamadiisa,waxaa ka mid ah…. 1.Waa la socdaa. 2.Waa ogahay. 3.Waa aqaan. 4.Tel la dansado. 5.Yaan Qofna lay soo dayn. Cilada ugu weyn ee haysata,waa aqoontiisa Maadiga ah oo yar iyo isagoo ku qariya dhuumasho. Waxaan kula soconaa ma’ahan jacayl aan uqabno iyo qiimo uu Dadka dheer yahay ee…