Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya. Duullimaadyada diyaaradaha shirkadda ee tagi jiray dalalka Aasiya ayaa waxay markii hore sii mari jireen hawada Soomaaliya, taasi oo imika ay shirkaddu sida ay sheegtay joojisay. Maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Mesef Tase oo BBC la hadlay ayaa yiri, “shirkadda ayaa go’aankan gaartay, sababtoo ah ma aysan helin “adeeg duulista hawada” oo ammaan ah taasi oo aysan ka helin maamulayaasha hawada Soomaaliya. Ato Mesfen ayaa sheegay in go’aankooda uu sidoo kale la xiriiro dhacdadii ka dhacday hawada…
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan Wararka is-khilaafsan ee ka soo baxaya,sida weerarku u dhacay. Afhayeen u hadlay Aqalka cad oo lagu magacaabo Olivia Dalton,ayaa dhimashadan ku tilmaantay in ay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco. Saraakiisha caafimaadka ee Qasa,ayaa sheegay in Ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi. Goordambe,ayaa wararku sheegeen, in Ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey in ay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira, in ay kala degaan Gaadiidka.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in ay bilaabayaan dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. Waxa uu sheegay inuu haysto hub uu ku weerari karo bartilmaameedyo ku yaalla Galbeedka. Isaga oo ku guda jira khudbadda sanadlaha ah ee xaaladda dalka, ayaa Putin uu yiri dalalka ree Galbeedka ahi “waa inay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?” In…
Nayroobi, Feberaayo 29, 2024;* Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu uu u saameeyey Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed. “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu. Dhawaan waxaan ka soo baxnay abaar na haysatay muddo 4 sano ah oo xiriir ah, hadda waxaa dalka dhan laga dareemayaa heer…
His Excellency President @HassanSMohamud, In an address at the 6th Session of the United Nations Environment Assembly, stressed the existential threat of climate change and the need for immediate global action. President Hassan Sheikh highlighted Somalia’s frontline experience with the devastating effects of climate change, including prolonged droughts and floods leading to severe humanitarian crises. He emphasized that Somalia has passed the climate crisis stage and is now in a state of climate emergency. “The time for debate is over,” President Mohamud declared. “We must act now, with effective, inclusive, and sustainable multilateral actions to tackle climate change, biodiversity loss,…
1.Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Maxamed Cabdiwahaab Axmed Mudug.R.Bicid yahan. 2.Wasaaradda Amniga Ibraahima Cartan Xaaji Bakiin Bari.Cali Saleebaan. 3.Wasaaradda arrimaha Guddaha iyo Dimuqraadiyaynta Cabdi Faarax Juxa. Nugaal Ciise Maxamuud. 4. Wasaaradda Maaliyada Maxamed Faarax Maxamuud. Mudug.Leelkase. 5. Wasaaradda Qorshaynta Daa’uud Maxamed Cumar. Sool.Dhulbahante Bah Ararsame. 6. Wasaaradda Waxbarashada Fu’aad Abshir Adeer. Mudug Cumar Maxamuud. 7. Wasaaradda Caafimaadka Siciid Jaamac Cali Qoorsheel. Sanaag.Warsangeli. 8. Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Faarax Cawad Jaamac. Sool.Dhulbahante. 9.Wasaaradda Dekedaha Shaakir Maxamed Guuleed. Sool.Dhulbahante. 10. Wasaaradda Duulista Hawada Cabdullahi Bile Nuur. Bari.Dishishe. 11. Wasaaradda Haweenka Maryan Axmed Cali. Sool.Dhulbahante. 12. Wasaaradda Warfaafinta Maxamud Caydiid Dirir. Sool.Dhulbahante.…
Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1762946185218728420?t=KonA2H04Lqe0k-tXc41Jag&s=19
“Madaxweyne Ruto iyo Ra’isulWasaare Abiy,waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la ilaaliyo Nabadda,Amniga iyo xasilloonida Qaaradda oo lagama maarmaan u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka,sidaas awgeed,waxay cadaynayaan in ay aqoonsan yihiin,ixtiraamayaan oo ay dhawrayaan Madax-bannaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Dowladaha” “President Ruto and Prime Minister Abiy underscored the need to maintain peace, security and stability within the continent as a necessary condition for economic growth and development in accordance with universal aspirations. Accordingly, they affirmed to recognise, respect and uphold the sovereignty and territorial integrity of States, and to reject unconstitutional changes of government as well as interference…
Wasiirada la magacaabayo waa kuwo ka kooban dhamaan Beelaha dega Puntland kuwa ku abtirsada iyo kuwo mudo dheer deganaa kuna ganacsada. Beelaha Mareexaan,Dir,Raxanweyn iyo Ogadeen. Waa muhiim Puntland in ay is qaadato oo waad udhalan kartaa,waana noqon kartaa waa hal kudhiga cusub ee reer Puntland. 25-tii sano ee Somaliya bur burka ku jirtay dadkii ku ganacsanayay,ku koray,ku dhaqmay in xaqooda lasiiiyo waa muhiim. Dadka usoo hayaamay Puntland ee Somalida kale ah horay Golayaasha Deegaanka ayay ugu jireen hadana fulinta in ay ku biiraan waa wax mudan in lasoo dhaweeyo. Talaabo wanaagsan oo bogaadin mudan. JQ.
Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy oo si dhakhso ah ugaaray Nayrobi,ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Ruto. Soo dhaweyn istustus iyo halagaa wariyo umuuqatay,ayaa loo sameeyay Abiy,inkastoo uu isagu jilayay ka badbadin muujin Sxb-tinimo. Abiya,ayaa umuuqda Nin Albaabada garaacaya oo xulafo doon ah kana cararaya in Kenya ka raacdo caalamka dhabarka ujeediyay. Sida wararku sheegayaan Abiy,wuxuu wada hadal ka ogolaaday dhulka xuduuda Kenya iyo Itoobiya ku yaal oo uu markii hore uu diiday in uu wada xaajood ka galo. Qoddobka 6-Aad ee Warmurtiyeedka kulanka Labada hogaamiye ee Ruto iyo Abiy,ayaa qeexaya doorka Kenya ee arimaha dhexdhexaadinta Somaliya iyo Itoobiya,inkastoo uusan cuslayn. …
Goordhow,ayaa la sugayaa shaacinta Golaha Wasiirada Puntland. Ku xigeenada Wasiirada ayay ubadan tahay in aan caawa lagu soo darin magacaabista oo ay dib udhacaan. Hadii aysan wax iska badalin xogtan oo magacaabista Wasiir ku xigeenada ay ka Harto Wasiirada,waxayna noqonaysaa markii ugu horaysay taariikhda Puntland oo la kala qaado Magacaabista Wasiiradda Iyo Ku-xigeenada. Waxaa dhici karta i JQ.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto. Kulanka Labada Madaxweyne,waxaa diiradda lagu saaray… 1.Xoojinta iskaashiga Labada Dal. 2.Adkeynta xiriirka. diblomaasiyadda. 3.Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada. 4.Hiigsiyada horumarineed ee heer Qaaradeed. .jQ.
Nayroobi, Feberaayo 28, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday. Dadka Soomaaliyeed oo ku…
Agaasimaha hay’ada PMPF ee Ciidamada Booliska Badda Puntland,waxay ubadan tahay in uu noqdo Jamaal Carab oo hada ah Taliyaha hay’ada Sirdoonka ee Pisa. Agaasimaha PMPF Cabdi rabbi Ninka lagu magacaabo,Shaqada isagaa iskiis uga tagaya oo dano ugaar ah uga baxaya Wadanka Maraykanka. MW Deni,wuxuu damcay in uu udhiibo hogaaminta Ciidankaas muhiimka ah Walaalkii Xasan Deni,waase la fool xumaatay. PMPF waa awood Ciidan,dhaqaale iyo Wardoon oo Madaxtooyada toos uhoos yimaada Qofka hogaaminayana,waa in uu noqdaa Gacanta Madaxweynaha. Talyaha Pisa Jamaal,waxay umuuqataa in MW kalsooni badan ku qabo markaad dib u eegtid sida uu ugu dhiibay boosas waa weyn oo muhiim ahaa.…
Ma xuma in Dhul ay ka dhisato Safaarad laga siiyo Garoonka Aadan-cade Dowlada Shiinaha. DFS waxay ku guulaysatay saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika in ay hoos udhigto oo aysan la boodin. Somaliya oo ah Wadan soo kabanaya,wuxuu kaga wanaagsanaaday fahamka Siyaasada Juquraafiga ah Itoobiyada soo jireenka ah. Reer Galbeedku si weyn ayay ula dhaceen ka fogaanshaha Somaliya ee Shiinaha. Shiinaha ma wadaagno Diin,Dhaqan iyo Nolol waxa kaliya ee isku kaaya xiri kara waa dano dhaqaale,kuwaasoo kuwo la mid ah laga heli karo R.Galbeedka. Saamynta caalamka ee Shiinaha xakamaynteeda in ay Somaliya qayb ka qaadato waa aragti sare. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1762768651399106978?t=UJycofYhKmODdDUC3h_pPQ&s=19 JQ.
Kenya,waxay ku samaysay Itoobiya loolan kooban oo Siyaasadeed. Abiy,waxa uu ku haystaa Dhul xuduuda Labada Wadan ku yaala oo Ganacsiga muhiim u ah,waana ka war wareegay in laga wada xaajoodo khilaafka. Abiy,markuu arkay in Kenya go’aan qaadanayso oo ay Somaliya la safanayso,ayuu deg-deg usoo gaaray aqbalayna wada hadal. Hadii Kenya ugu darsoomi lahayd Abiy Beesha caalamka dhabarka ujeedisay,wuxuu sii geli lahaa go’doon Siyaasadeed. JQ.
Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Federaalka iyo Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta in Wasaarado cusub laga dhigo ayay ubadan tahay. Labadaas Wasaaradood Gobolka Bari xagiisa,ayaa lagu tirinayaa. Wasaarada Haweenka Arimaha Qoyska iyo xuquuqul insaanka Gobolka Mudug ayay ubadan tahay in lasiiyo. Tirada Wasaaradaha lagu dhawaaqi doono,ayaa laygu sheegay 23-Wasaaradood,taasoo kadhigan Wasaaradihii hore qaar in lakala qaaday. Liiska Golaha Wasiirada,ayaa filayaa in lasii dayn doono maanta oo Arbaca ah hadii rabi idmo. Madaxtooyadu waa dhamaystirtay Liiska Golaha Wasiirada,waxayna usooroobi waayeen hawlo farsamo Saqdii dhexe in lasii daayo. JQ.
Habeenka Arbacada soo galayso,ayaa lagu dhawaaqayaa Golaha Wasiirada Puntland. GOBOLKA BARI: 1: Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada. 2: Wasaarada Qorshaynta. 3 .Wasaarada Macdanta iyo Biyaha. 4.Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada. GOBOLKA NUGAAL: 1:Wasaarada Maaliyada 2:Wasaarada Amniga. GOBOLKA SANAAG: 1.Wasaarada Duulista hawada 2 .Wasaarada Xanaanada Xoolaha. 3.Wasaarada Waxbarashada. GOBOLKA MUDUG: 1.Wasaarada Arimaha Gudaha 2.Wasaarada Cadaalada,Diinta iyo Awqaafta. 3.Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha. 4:Wasaarada Deegaanka Duur joogta iyo Dalxiiska. GOBOLKA SOOL : 1.Wasaarada Caafimaadka. 2: Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dhaliinyarada iyo Ciyaaraha. 3:Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. 80% wajiyo cusub oo horay siyaasada Puntland iyo Somaliya ugu jiray ayay ubadan yihiin. Golihii hore ee…
Abiy,wuxuu khatar ku yahay xasiloonida Bariga Afrika,wuxuuna ku jiraa go’doon Diblomaasiyadeed oo Aduunkoo idil ah. Gudaha Wadankiisa dagaalkii Sadexaad oo xoog leh,ayaa ka socda. Eretereya,waa kala tageen,Jabuti iskuma fiicna,Sudan,waa kala Goosteen xiriirkii. Somaliya,wuxuu hunguryeeyay Badeeda,isagoo ku xadgudbay Midnimadeeda iyo Gobanimadeeda. Dagaal Diblomaasi oo ay Somaliya wada galeen,waxaa ku adkaatay Somaliya oo caalamku,wuxuu taageeray doodeedii,halka Itoobiya dhabarka loo jeediyay. Kenya,ayuu ku haystaa Xuduuda Labada Wadan Deegaan ku yaal oo Ganacsiga muhiim u ah. Sababta ay Kenya ucasuntay MW Somaliya,waa dagaal Diblomaasiyadeed oo ay isaga kula dirirayso. Kenya,waxay haatan fahantay in gardarada Abiy uu ku hayo Somaliya ay iyagana kusoo wajahantay oo…
Heshiiska Turkiga iyo Somaliya,ayaa si rasmi ah loogu saxiixayaa Wadanka Turkiga maalmaha soo socda. Ka hor Saxiixa Labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Turkiga oo ka dhacaya Markab dushiis,waxaa heshiiska la marsiin doonaa Baarlamaanka Turkiga. MW Xasan marka hore,wuxuu tagayaa Kenya,kadibna,waxuu uga sii gudbi doonaa Turkiga oo xaflada Saxiixa rasmiga ah ay ka dhacayso. Turkigu si weyn,ayuu ugu faraxsan yahay in uu helo Saxiixa heshiiskan ee DFS,waxaana usii uqorshaysan in ay Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ay ukala diraan waftiyo si gaar gaar ah ugla xaajooda qaybaha ka quseeya. Dowlada Xasan May 15,waxaa ubuuxsamaya 2-dii Sano,taasoo ka dhigan in uu yahay…
Waxaa dhacay xiriir Taleefoon oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee PL iyo DFS. Xiriirkaas,wuxuu sababay in laysku soo dhawaado oo isfahan dhexmaro Xasan iyo Deni. Sida xoguhu sheegayaan,waxaa layskula fahmay Laba arimood in laga wada shaqeeyo hirgelintooda…. 1.Qabsoomida Shirka Garowe. 2.Qabsoomida Shir gaar ah oo dhexmara PL iyo DFS. Sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Villa Somaliya,wada hadalkan si weyn ayay Labada MW iskugu fahmeen. Dowladnimada Somaliya ee soo kabanaysa waa u muhiim wada shaqaynta Labada heer Dowladood Madaxdoodu. Si gaar ah MW Xasan,waxaa laga rabaa in uu gudaha mideeyo si dibada macno loogu yeesho. JQ.
Kadib markii Kenya ay ka niyad jabtay hab dhaqanka Siyaasadeed ee Ra’isalwasaare Abiy ayay go’aansatay in ay dhaqdhaqaaq ka dhan ah samayso. Waxay ku casuntay Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Wadankeeda,waxaana si rasmi ah udhexmari doona Labada Dal kulan uu kasoo bixi doono Warmurtiyeed si cad loogu cadaynayo in ay lama taabtaan tahay midnimada iyo Gobanimada Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Somaliyed. Kenyatigu,waxay ka caroodeen oo usamaynayaan arinkan…. 1. Abiy oo diiday in xal laga gaaro muran dhuleed ka dhex taagan xuduuda Labada Wadan ee Kenya iyo Itoobiya. 2. MW Kenya oo usoo jeediyay Abiy in uu faraha ka qaado oo uu…
1.Beesha Sool iyo Cayn Afar Wasiir ayay helayaan. 2.Beesha Sanaag iyo Haylaan,waxaa ku jira Wasiirada ay helayaan Qoorsheel oo ay ubadan tahay in uu noqdo Waxbarashada. 3.Beesha Duqa Bosaso haysata,waxay ubadan tahay in ay hesho Wasaarada Maaliyada oo Siciid M.Raage laga dhigo. 4.Beesha Garowe,waxaa dhici kartaa in ay hesho Sadex Wasaaradood oo Juxaa iyo Ina Faroole oo Warfaafinta la geeyo ay ku jiraan. 5.Beesha Mudug iyo Burtinle,waxay ubadan tahay in ay helaan Laba Wasaaradood oo Maaliyadu ku jirto ama Sadex Wasaaradood oo aysan Maaliyadu ku jirin. 6.Beesha MW kasoo jeedo Wasaaradooda,waxaa dhici karta Liibaan Muuse Boqor in loo dhiibo. 7.Beesha…
Fano waxay ka dhigan tahay koox dhalinyaro hubeysan, oo kasoo jeeda gobolka Amhara, kuwaasoo ku lug leh difaaca bulshada. Waa maleeshiyo ciidankeeda ka dhex qorata bulshada, iyadoo ka codsata inay si iskaa ah ugu soo biiraan. Waxay xulafo la ahayd ciidamada federaalka intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray balse xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib markii maleeshiyadu ay dowladda ku eedeysay inay isku dayeyso wiiqidda gobolka iyo iska cababintiisa gobollada deriska ah, eedyentaasoo ay dowladdu beenisay. Si kastaba, asalka magaca kooxda ayaa dib loo raaci karaa qarniyo, luqadda Amharic marka la eegana waxay ka dhigan tahay ‘qof iskiis isu abaabulay’…
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa sheegay Isniinta maanta ah in Milatariga dalkaasi ay Golaha Wasiirrada ee dagaalka soo hordhigeen qorshe ay dadweynaha uga daad guraynayaan goobaha dagaalka ee Marinka Qasa, iyo weliba qorshaha xiga ee dagaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_8M2LlcDkGs?si=KDV8dwhoMhn77_gn
UK,waxay wadaa dhexdhexaadin Somaliya iyo Itoobiya,waana sababta uu uyimid Muqdisho Wasiirudowlaha Gaashaandhiga. Shirkii Amniga Somaliya ee dhawaan ka dhacay Imaaraadka,ayaa laga soo jeediyay in UK udirto Ergay Adis,kaasoo ka dhaadhiciya Abiy ka laabashada heshiiska SL. R.Galbeedku kuma raacsana Itoobiya damaceeda Badda Somaliya,waxayna shaki ka qabaan in Dowlado kale ku daaban yihiin. Sidoo kale R.Galbeedku ma xiisaynayaan kala GO’A Somaliya,iyagoo danahooda ka eegaya. SL,ilaa iyo haatan,waxay fahmi la’adahay in kala jarida Somaliya aysan BC danaynayn,gaar ahaan hormuudka Siyaasada,dhaqaalaha iyo Milleteriga caalamka ee R.Galbeedka. Khalad siyaasi oo weyn ayay ku ahayd Muuse Biixi heshiiska isfahan ee uu la galay Abiy,waxayna keentay in…
Egypt has agreed to a $35bn deal with the United Arab Emirates to develop the area of Ras el-Hekma on its northwestern coast, Egyptian Prime Minister Mostafa Madbouly announced on Friday after weeks of speculations. Madbouly said at a news conference, which was attended by Egyptian and Emirati officials, that Egypt will receive an advance amount of $15bn in the coming week, and another $20bn within two months. The deal is the largest foreign direct investment in an urban development project in the country’s modern history, the prime minister said. It is a partnership between the Egyptian government and an…
Somalian aviation authorities are currently investigating a harrowing near collision involving an #Ethiopian_Airlines A350 and a Qatar_Airways 787 over the Gulf of Aden near Somalia. The incident occurred when air traffic control (ATC) mistakenly instructed one of the aircraft to ascend to 40,000 feet. According to a report from the Somaliland Civil Aviation and Airports Authority, the Qatar Airways Boeing 787-8 Dreamliner (registration A7-BCN) narrowly avoided disaster while maintaining a cruising altitude of 38,000 feet on 24 February, 2024. Pilots operating flight QR1383 from #Doha to #Entebbe were directed by ATC to ascend to 40,000 feet within the Mogadishu Flight…
Waa Markab kusoo xirtay Dekeda Bosaso Shan Habeen ka hor. Sadex Maalmood ayay socotay dajinta Agabka saarnaa Markabkaas,waxaana lasoo dhameeyay Maalinkii Shalay ahaa Xerada Ciidamada PMPF,ayaa lagu xareeyay dhamaan Kunteenarada saarnaa Markabka oo ahaa Qalab iyo Saad Ciidan. Waxaa kaloo Jidka kusoo jira Markab kale oo sida Gaadiid Ciidan. 150-Ciidan Imaaraatiya,ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa Bosaso,haatana waxaa kusoo biiray 150-kale. Sida qorshu yahay,waxaa si awood leh loo dhisayaa Ciidamada Puntland,iyadoo Xerooyin waa weyn oo cusub laga hirgelinayo Xeebaha Mudug iyo Nugaal. Sidoo kale Xeebaha Bari ee Xaafuun iyo Caluula,ayaa fariisiimo laga samaynayaa. Waxaa muuqata in Imaaraadku Saldhigtay…
Muqdisho, Febaraayo 25, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna Mudane Cyprian Kubai Iringo. Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii…
Muqdisho, Febaraayo 25, 2024:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka. Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA,ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Mubaarik,ayaa ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso. Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa Magaalada Muqdisho. Dad badan,ayaa ku doodaya in Dadka loo qabanayo Dilkii Agaasime Cabdinaasir ay yihiin kuwii aan saxda ahayn oo ay yihiin marin habaabin.
“Marka koowaad Cabdinaasir waxaa loo gaystay in lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu ay wayn tahay, kaas oo calaamadaha noo muuqda uu yahay ugu yaraan in xarigaas Qoortiisa lagu hayay muddo 5-daqiiqo ah illaa 7-daqiiqo inta u dhexeysay”Ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay agaasimaha in ka hor inta la dilin Marxuumka loo gaystay jirdil xoogan oo ka muuqday jirkiisa,ayna ku ogaadeen baaritaanka ay ku sameeyeen. “Waxa kale oo nooga muuqday Marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in daanka Midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay Xiniinta Bidix oo…
Madaxweyne Cabdel-Fattah Al-Sisi iyo dhiggiisa Ereteriya Isiyaas Afawerki,ayaa Sabtidii ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee Geeska Afrika. Labada Madaxweyne,waxayna si cad usheegeen in loo baahan yahay in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya. Xiisada Geeska Afrika,ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Maamulka Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya. Itoobiya,ayaa doonaysa in ay ka samaysato Saldhig Ciidan oo Badda ah iyo Deked Ganacsi Deegaan Xeebeedka Lugahaya ee SL. Heshiiska SL iyo Itoobiya kadib,Masar waxa ay mar kale sheegtay inay garab taagan tahay Somaliya oo ay ka taageeri doonto…
President Abdel-Fattah El-Sisi and his Eritrean counterpart Isaias Afwerki discussed on Saturday the latest developments in the Horn of Africa, where they stressed the need to respect the sovereignty of Somalia. Tensions in the Horn of Africa have escalated after Somaliland agreed in January to lease 20 kilometres of its coast for 50 years to Addis Ababa, which wants to set up a naval base and a commercial port in that area, giving the landlocked Ethiopia long-desired access to the Red Sea. Following this deal, Egypt reasserted that it would stand by Somalia and support its security and stability, emphasizing the need to respect…
Heshiiska Dowlada Xasan la saxiixatay Turkiga,waxa uu ka koobnaa 6-qaybood markii hore,balse haatan,waxaa la saxiixay qayb ka mid ah. Lixda qaybood,waxay kala ahaayeen… 1.Dhismaha Xarun xogaha amaanka ah. 2.Dhismaha Ciidamada SNA. 3.Dhismaha Ciidamada Booliska. 4.Dhismaha Ciidamada Badda. 5.Dhismaha Ciidamada Sirdoonka. 6.Dhismaha Ciidamada Cirka. Heshiiskan,waxaa soo diyaarsaday Turkiga xiligii Farmaajo,waxaana kala shaqaynaysay Qatar. Macanaha heshiiskan,waxuu ahaa in dhamaan Arimaha Ciidamada iyo amaanka Somaliya Turkiga Gacanta loo geliyo,waxaase si cad uhor istaagay Maraykanka markaas,balse haatan waa ogolaaday qaybtan. Waxay ilo muhiim ah xaqiijinayaan Saxiixa heshiiskan in Xasan kaga badashay Lacag cadaan ah Turkiga. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1761686661694468588?t=uLhn7Y8xmv4m1l1bRR19uw&s=19 JQ.
Sadex arimood,ayuu Xasan uga dan lahaa Saxiixa heshiiska Turkiga ee Qatar gadaal ka taagan tahay,kuwaasoo kala ah… 1.Dhaqaale fog iyo mid dhow oo Xasan Lacag cadaan ah oo fara saar ahayd,ayuu uga badashay Turkida Saxiixa heshiiskan. 2.Qatar iyo Turki in uu kasoo jiito F&F oo isku tuso in uu yahay Nin ay ka heli karaan danahooda oo u adeegi kara. 3.Cadaadiska Itoobiya. MW Xasan ma’ahan hogaamiyihii Somaliyada Maanta ubaahnayd Laba dabeecadood oo uu leeyahay dartood… B.Lacag raadinta xuduud dhaafka ah. T.Eexda xuduud dhaafka ah. Danaha Dowladaha shisheeye ay ka leeyihiin Somaliya,waxaa loo baahan yahay hogaamiye waafajiya danaha Qaranka,kaasina Xasan ma’ahan.…
Turkiga iyo Qatar,waxay siiyeen Farmaajo dhalashooyin Labada Wadanba ah,isla markaana waxay ku cadaadiyeen in uu celiyo dhalashadii Maraykanka,si uu ugu dhiirado Saxiixa heshiiskaas balaaran,isagoon ka haybaysanayn Maraykanka,waase ku dhici waayay Farmaajo. Maraykanka si cad,ayuu ugu digay Farmaajo,waxuuna usheegay in uusan Dowladnimada Somaliya khatar gelin oo uusan marin Wadadii uu maray Cabdirashiid C.Sharmarke. “Wadankan marbuu Gacantayada si buuxda uga baxay oo Ruush ugalay,waana la dirirnay ee haatan markale Gacantayada kama saari kartid”Ayaa lagu yiri Farmaajo. Haatan heshiiskii waa lasoo furfuray,waana fasaxay Maraykanku qaybtan. JQ.
Maraykanku,waa diiday Barnaamijka Turkigu soo diyaarsaday ee uu rabey in uu kula wareego arimaha Ciidamada iyo amaanka ee Somaliya xilligii F&F. Haatan mudo xileedkan Xasan,wuxuu ogolaaday qayb ka mid ah Qorshihii Turkiga oo ah Ciidanka Badda,isagoo ka duulaya Sadex arimood oo kala ah… 1.Turkiga oo Natto ka mid ah,isla markaana ah Gacmaha uu ku adeegto oo dib usoo noolaanshaha Ruushka iyo soo korida Shiinaha uu kula diriro. 2.Damaca Badda Somaliya ee Itoobiya oo uu arko khatar taabanaysa marka danbe amniga Qarankiisa. 3.Heshiiska Qaybtan oo aan macno weyn lahayn,waxa ku dhex jirana ay tahay Ganacsi Kalluun iyo qalabayn kooban oo Ciidan…
Xildhibaan hore Axmed Aadan wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo baxay Jaamacadda Madiina Al-Munawara ee dalka Sacuudiga. Wuxuu bartay Culuumta Qaanuunka iyo Shareecada Islaamka. Wuxuu ka mid noqday Barlamaankii 9aad ee Federaalka Soomaaliya, isagoo matalaayey Somaliland. Wuxuu ka mid noqday Guddiga Barlamaanka ee arrimaha Carabta, isagoo mar dambena loo doortay xubin Guddiga arrimaha teknolojiyadda ee Barlamaanka. Axmed wuxuu ahaa nin af gaaban, deggan oo aan dhac-dhac badneyn. Sida dadka yaqaana iyo kuwii ay soo wada shaqeeyeen ii sheegeen Wuxuu ahaa nin aqoontiisa diineed iyo maaddi ay ku filneyd. Weligiisna balwad ma isticmaalin haba yaraatee. Axmed shalay isagoo fiican…
Turkigu,wuxuu si cad usheegay in heshiiska uu la galay DFS uusan wax saamayn ah ku yeelanayn khilaafka dhexyaala Itoobiya. “Labada Wadan,waxaan la leenahay xiriir wanaagsan,sidaan horay uga caawinay Dowlada Itoobiya xaaladii amaan ee Gobolka Tigraay,ayaan si la mid ah,waxaan Dowlada Somaliya ka caawinaynay mudo dheer la dagaallanka argagixisada,heshiiskayaguna mahan talaabo Milleteri oo ka dhan ah Itoobiya”. “Waxaan leenahay Itoobiya waxa ay rabto haku raadsato xal Diblomaasi,isla markaana waa in Somaliya,SL iyo Itoobiya ay wada fariistaan oo ay isfaaana oo wax ku heshiiyaan,sidii dhacday 2007 kulankii Ankara ee dhexdhexaadinta Somaliya iyo SL” Waxaa mudnaan leh in Turkigu si cad ugu dhawaaqayo…
Dowladaha Itoobiya iyo Ingiriiska,ayaa saaka kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinayo Nabadda iyo xasilloonida Deegaannada dhaca xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya,ayaa sheegtay in heshiiskan isfahan MOU ujeedkiisu yahay in laga caawiyo bulshooyinka ku nool xuduudda Itoobiya iyo Kenya iyo Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ka hor tagida xagjirnimada” Ambassador Jemaludin, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya, Darren Welch, ayaa heshiiska MOU ku saxiixay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada. “Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay iska kaashadaan yareynta…
Ethiopia and the United Kingdom signed this morning a Memorandum of Understanding (MoU) to enhance peace and stability in the Kenya-Somalia-Ethiopia border areas. Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs (#MoFA) Said the MOU “aims to boost the resilience of communities across the Ethiopia-Kenya-Somali borders to the drivers of violent extremism.” Ambassador Jemaludin, Deputy Director General of the Africa Department and the British Ambassador to Ethiopia Darren Welch signed the MOU at the premises of MoFA. “The two sides expressed their commitment to working together to reduce the threat posed by Al-Shabaab in the region,” MoFA’s dispatch reads.
Somaliland,waxay markii hore furtay Radio ahaa kaydka Hawada Somaliyed hadii uu xumaado kan Muqdisho. Radio-haas looguma talo gelin in la isticmaalo si joogta ah kaliya,wuxuu ahaa in markii xaalad deg-deg ah timaado la daaro,isagoo yaalay Hargaysa. Kadib daarista Radio- haas,waxay kula hadleen Diyaaradaha isticmaalyay markaas Hawada ku Aadan. Ilaa Sadex Diyaaradood,ayaa qoraal cabasho ah gudbiyay oo sheegay in lala hadlay,waxayna DFS uga jawaabtay qoraal rasmi ah oo ay Radio-haas ku fariisinayso in ay dirto. Markaas,wixii ka danbeeyay Diyaaradaha caalamiga ah,waxay qaateen amarkii DFS iyo Kanalladii la siiyay,waxayna joojiyeen in ay dhagaystaan Radio Hargaysa kala hadla. Dhanka kale SL ma joojin…
Kalluumaysiga ugu badan Somaliya,waxa uu ka jiraa Deegaamada Puntland,waxaana lagu tilmaamaa 60%. Sidoo kale kala bar Badda Somaliya,waxay hoos tagtaa PL. Hadii Turkigu rabo in uu fulo heshiiskan,waxaa laga rabaa in ay toos ugala xaajoodaan qaybta ay ku leedahay heshiiskan PL oo waliba ku qanciyo,isagoo ka ilaalinaya Siyaasada,waxna ka siinaya fursadaha. Puntland way isku wadi kartaa danaha kala duwan ee Dowladaha caalamka,waxaana ufuran in ay Turkiga la macaamiisho,iyadoon cidna udaba fariisanayn. Dooda PL waa in ay ku salaysnaataa Dastuurka,Xeerarka habraacyada iyo heshiiskii Baydhabo oo aysan umuuqan in ay diidan tahay danaha Turkiga. Qodobada heshiisku ka kooban yahay,waxaa ka mid ah….…
Shirkii DG Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka ee uu Shir Gudoominayo MW Xasan,ayay ubadan tahay in uu qabsoomo 26-ka Bishan. Waxa ugu weyn ee looga xaajoonayo,waa taageerida qorshayaasha Xasan Shiikh wato oo ugu horeeyo badalida Dastuurka. Axmed,Qoorqoor,Guudlaawe iyo Laftagareen,waxay ku badalanayaan taageerada ay umuujinayaan Xasan qabsashada Doorashooyin dib loogu doorto. Waxay umuuqataa in Dalku ukala tagey SL,PL iyo B & K oo laga xukumo Xamar. JQ.
Ilaa Maalinta Arbacada ah,ayaa la sugayaa in lagu dhawaqo Golaha Wasiirada Puntland. Inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada,ayaa la diyaariyay sida xoguhu tilmaamayaan. Ka hor safarka Madaxweyne Deni,waxaa la qirshaysan in baarlamaanka lahor geeyo marka la magacaabo kadib. Rajo fiican,ayaa laga qabaa Dadka noqonaya Wasiirada mudo xileedkan marka laga tusaale qaato xogaha sheegaya in MW Deni raadinayo Dad macno leh oo matali kara gudaha iyo dibada Bulshada PL. Sidoo kale saraakiisha Ciidanka,ayaa isku shaandhayn lagu samaynayaa sida Police-ka,PISA,Daraawiishta iyo PMPF. JQ.
“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya. Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna. Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga…
Waa nuqulladii heshiiskii Baydhabo ee Kalluumaysiga oo ay wada gaareen DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Saxiixa heshiiskan,wuxuu dhacay 2028,iyadoo uu PL ku matalayay MW Gaas. Si faahfaahsan,ayuu uga hadlayaa heshiiskan xeerarka iyo wax qaybsiga Kalluumaysiga. Majirin heshiis ka danbeeyay oo laga gaaray Kalluumaysiga,isla markaana isaga waxba lagama badalin. PL,waxaa la aheegaa 60% Kalluumaysiga Wadanku in uu ka jiro Deegaamadeeda. Sidoo kale,waxaa lagu tilmaamaa in uu Kallluumaysigu ka mid yahay arimaha hortabinta uleh Amnigeeda. Halkan ka akhriso:- JQ.
Ethiopian Airlines, #Africa’s leading carrier, has just announced a $450 million loan agreement to finance the acquisition of five new Boeing aircraft. The fleet expansion includes three Boeing 737-8 and two #Boeing 777F (Cargo) planes, amplifying the airline’s operational capacity. This landmark loan, facilitated by #Citi’s Corporate Banking and Export Agency and Finance teams and guaranteed by the Export-Import Bank of the #United_States (EXIM), underscores the strong partnership between Ethiopian Airlines and Citi. The deal not only marks Citi’s largest aircraft financing in Ethiopia in the last decade but also reflects its commitment to supporting clients with cross-border needs. With…
Under the agreement, which was first signed on 08 February, #Ankara will provide training and equipment to the #Somali_Navy, aimed at helping #Mogadishu to protect its marine resources and territorial waters from threats such as terrorism, piracy and “foreign interference.” Prime Minister Hamza Abdi Barre, who chaired the cabinet meeting that approved the agreement, hailed it as a “historic” achievement for the country and thanked Türkiye for its unwavering support and friendship. “Today is a historic day for the country, the Council of Ministers voted on an important agreement that will be remembered in the history of Somalia,” Barre said.…
Puntland,waxay leedahay Booliska Amniga Badda oo si gaar ah uga hawlgala… 1.Burcad Badeeda 2.Kalluumaysiga Sharcidarada ah. 3.Argagixisada 4.Ka Ganacsiga Hubka. 5.Tahriibka. Shaqo fiican oo la mahdiyay ayay qabteen mudadii ay Shaqaynayeen Ciidanka (PMPF). Heshiiska DFS ay la gashay Dowlada Turkiga ee loo meel mariyay sida aan waafaqsanayn Xeerarka uu dhigayo Dastuurka Fadaraalka,PL ma quseeyo. PL Dastuurkeeda,ayaa dhigaya inta laga helayo DFS oo masuul ah in ay udhaqanto Dowlad Madaxbanaan mana qabanayaan heshiisyada ay gasho DFS ilaa ay qayb ka noqoto. PL,waxay ku taagan tahay xeerarka JFS iyo kuwa caalamiga ah,iyadoo tixgelinaysa Dowlada Turkiga,Natto,danaheeda Imaaraadka,isla markaana gudanaysa ilaalinta masiirka Bulshada ay…
MW Fadaraalka,ayaa Gacantiisa kusoo qaaday heshiiska,kadibna hor fariistay Wasiirada saakay Afar Saac kana ansixiyay,sidoo kale,waxaa loo guuray Baarlamaanka oo laga meel mariyay waxyar kadib. Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Fadaraalku ma yaqaanaan waxa ay ansixiyeen,waxayna ii xaqiijiyeen tiro ka mid ah in aan la arag waxa uu yahay. Su’aashu waxay tahay? Maxaa diidayay in la qaybiyo heshiiska nuqulladiisa oo laga doodo kadibna Cod sax ah lagu meel mariyo hadii laysla qaato? Qodobka 54 ee Dastuurka Fadaraalka,ayaa dhigaya in arimaha masiiriga ah ee saamaynaya DG lagala tashto. Sidoo kale,waxaa mudan in si gaar ah loo tixgeliyo heshiiskii Baydhabo 2018 ee qaybsiga Khayraadka…
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga Muqdisho, 21 Feebaraayo, 2024–Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan…
Maraykanka,ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo jeediyay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya Xabbad-joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Qasa. Halka Mareykanka diiday qaraar kale oo qabyo ah – oo ka yimid Aljeeriya kaasoo oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-lmAbJ2V9Cg?si=___i170D4B69wyoz
Xogo;ayaa kasoo baxaya jihada fulisay dilka Ninkan u shaqaynayay Hay’ada Duulista Hawada DFS. Hay’ada Sirdoonka DFS ee Nisa,ayaa wararka la helayo ay sheegayaan in ay fulisay Dilka Ninkan. Sababta loo dilay,ayaa xogaha la helayo;waxay sheegayaan in lagu tuhmay udirista SL xogta Kanalka cusub ee loo wareegay kadib markii laga guuray kii hore. Dagaalka Hawada ee udhaxeeya DFS iyo SL,ayaa galaaftay Ninkaas,waxayse ahayd in la Maxkamadeeyo oo si waafaqsan Sharciga la maro. Balse hadii ay dhab noqdaan xogaha soo baxaya,waxaa iswaydiin mudnaan doona Danbi hadii cadayn loo helo xarig uu ku filnaan lahaa ciqaabtiisa in Ceejin loo badalo? Muwaadin Somaliyed in…
Sida xoguhu sheegayaan MW Xasan,wuxuu marka hore Shir gudoomin doonaa Shirkii Golaha Wasiirada Khamiislaha ahaa oo loo badalay mid aan caadi ahayn oo lasoo hirmariyay ee Xukuumada FS,kadibna,waxa usoo aadi doonaa Baarlamaanka. Sadex arin,ayay wararku sheegayaan in midkood uu noqon doono hadalkiisa…. 1.Ka daba tag hadalkii Shariif oo wax weyn yeelay qorshihiisii Dastuurka iyo Siyaasada Wadanka. 2.Go’aamo Itoobiya ka dhan ah oo laga yaabo in uu shaaciyo Berri foog hadii rabbi idmo,haduusan Geelle ilaa Caawa dhexdhexaadin uu wado aysan miro dhalin. 3.Mashquulin Baarlamaanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka si aysan isaga ugu mashquulin. Wadanku xilli adag,ayuu marayaa oo baahida ugu weyn ee taagan…
MY ANALYSIS OF THE AU COMMUNIQUE OF THE 37TH ORDINARY SESSION: A WAKE UP CALL FOR SOMALIA AND AFRICA IN GENERAL. Monday 19, 2024 By Deeq S Yusuf The wording is disturbing and unacceptable. By stating “express deep concern over the ongoing tension….” this statement deliberately falls short of condemnation of Ethiopia.” Also by stating “reaffirms sovereignty, unity and territorial integrity of all member states including that of Ethiopia and Somalia” this generalized statement ignores the urgency required of AU to solely reaffirm the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia because in this case, no one has threatened the…
Madaxweynihii hore ee DFS Shiikh Shariif Shiikh Axmed,ayaa Maanta Golaha Shacabka Fadaraalka ka hor sheegay in Dastuurka wax ka badalkiisa loo maro hab wadar ogol oo aan lagu deg-degin. Sh.Shariif oo marka uu uhadlayay uu hadalka ka dhexgalayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe,ayaa ku dhiiraday hadana in uu sheego midnimada Wadanka in ay khatar ku jirto oo Dastuurka ku degdegiisa uu sababsan doono. Aadan Madoobe,ayaa isku dayay in uu carqaladeeyo hadalka MW Sh.Shariif. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759568657934381453?t=FKwuU56a5Yzgs0vkpgXSRw&s=19
Maraykanka oo bogaadiyay Doorashada PL iyo kuna baaqay in Dastuurka Fadaraalka wadar ogol wax looga badalo. “Waxaan ka walaacsan nahay xasiloonida darada uu abuuray heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya ay wada gaareen ee aysan DFS waxba ka ogayn”. Maraykanku si cad,ayuu usheegay in wax ka badalka Dastuurku uu noqdo mid laysla ogol yahay oo heshiis lagu yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759636763612479814?t=pTN3BWoiZ1RbTWT65YN88w&s=19 Sidoo kale Maraykanku,wuxuu si weyn u ixtiraamayaa Midnimada,Gobanimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya,wuxuuna kasoo horjeenstay markale heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759636347483021608?t=S8ijbefFfkMTGxK_DcSdUA&s=19 Safiirka…