Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Deni,ayaa kulan kula leh Jimcaale Gurriga Madaxweyne Faroole. Arimaha looga hadlayo kulankaas,ayaa,waxaa ka mid ah… 1. Bixinta Musharka Ciidanka 3-Blood 2. Shaqo gelinta Ciidanka. 3. Dib u habaynta Ciidanka iyo faylcelinta. 4. Celinta Gaadiidka ay dhaceen ee ay lahayd hayadda PMPF. 5. Wada shaqaynta Dowladda iyo Ciidanka Jimcaale.. 6. Soo afjarida xiisadiii Garowe. Ciidankan,waxaa si khaldan u adeegsaday Aaran-jaan oo ku khasbay in ay Caasimada Puntland oo caan ku ah amni ay ka ridaan Xabad. Haatan qorshihii Aaran,waa fashilmay,waxaana meel cidlo ah kusoo dhacay Ciidankaas. In lasoo afjaro oo la badbaadiyo Ciidanka waa muhiim. JQ.

Read More

Garoowe, January 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM). Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadceliyay shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Somaliya. Raisedon Zenenga hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020. Wuxuu…

Read More

Itoobiya wadda kasta ayey u maraysaa in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka Bad. Waxaan ku celinayaa Itoobiya Qof iyo Qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah,ayaa naga dhicin kara. Hoggaanka Dowlada waa in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaa, garaystaana in aan maanta ugu baahi badanahay…. 1- Midnimo iyo Wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta. 2- In Dadka Qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo,meeshana laga saaro hebel qancinta,kooxaysiga iyo Qof jeclaysiga. Xigasho:-C.C.Warsame.

Read More

Ujeedka qoraalku waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahawareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyadoo ku doodaysa in heshiisku uusan xadgudub ku ahayn gobonnimada iyo madaxbanaannida Soomaaliya,xiisadna ka dhex abuuraynin labada Dowladood dhexdooda,xasillooni-darrina ka dhalinaynin Gobolka,si taasi u meelmartana waxaa:- 1- Qoraalku lagu sheegay in Dekeddu tahay mid Ganacsi,maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay. 2- Wuxuu ka aamusay Ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka Saldhigga Milateriga. 3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen Dowladda Somaliya,si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland. 5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika…

Read More

Qoraalkan Dawladda Itoobiya,ayaa u dirtay Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 01/01/24 Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen,Nuxurkiisa,ayaa ah… 1- Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka Vadda,Ganacsiga,Maalgashiga,Beeraha, Caafimaadka,Ammaanka,Waxbarashada, Tamarta, iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. 2- Waxay kaloo sheegeen in ay Dowladda Somaliya ee Federaalka ah ogeysiiyeen, sidaa darteedna aysan meel uga dhicin xeerka Qaramada Midoobay iyo Midowaga. 3- Waxay kaloo Itoobiya sheegtay in Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uu Gacanta ku hayo arrinka,una magacaabeen Madaxweynihii…

Read More

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa,ayaa Jimcihii shalay ku amaanay Maxkamadda Caalamiga in ay xaq u aragtay, xukunna ay ka ridday kiis dacwo ah oo ay ka gudbisay Israa’iil. ICJ,ayaa Shalay xukmisay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin ay uga fogaaneyso dhimashada dadka rayidka ah ee Qasa, islamarkaana ay u oggolaato gargaarka bani’aadnimo. Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Africa ay dhinaca kale si weyn uga niyad jabsantahay in maxkamadu aysan Israa’iil ku amrin in ay si deg deg ah Xabadda u joojiso. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BN32kKHguG8?si=SxRoerb_nC1O7mWw

Read More

Abiy’s administration should not repeat his predecessor’s miscalculation on Somalia. No amount of saber rattling or pressure will change Somalia’s position on its sovereignty and territorial integrity. Weeks after sparking a huge diplomatic dispute with Somalia for violating its sovereignty, Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed is still stubbornly refusing to openly accept his terrible blunder and change course. Instead, he has continued to issue word-salad statements that neither addressed Somalia’s core concern nor allayed the region’s fear about a possible military confrontation between his country and Somalia. Abiy’s memorandum of understanding with a disaffected clan leader to set up a naval base…

Read More

Madaxweyne Xasan,wuxuu ku wajahan yahay Berri foog Wadanka Talyaaniga oo lagu casumay Hogaamiyayaal ay ku jiraan isaga iyo Abiy. Hadii MW Xasan la fariisto RW Abiy,isagoon soo saarin Warcad oo uu ka qeexayo mowqifkiisa,waxay ku noqon doontaa fashil xun oo shaki abuuri kara. Xasan,wuxuu horay uga diiday Madaxweynaha Ugandha la kulanka Abiy,hadiise haatan lagu gaado ama wax looga badasho Shirka Talyaanigu abaabulay,waa dhabar jab ka dhan ah Difaaca Xuduudaha,Midnimada iyo Qaranimada Somaliyed. Wuxuu noqon doonaa Xasan khaa’inul Wadan,waxaana xoogoobi doona Xantii hore. JQ

Read More

Ma jeedin Abiy hadalkii laga sugayay in uu shaaciyo oo ku saabsanaa cadaynta mowqifka Itoobiya ee Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya. “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”Ayuu yiri Abiy. “Tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay”Ayuu ku daray hadalkiisa Abiy. Abiy hadaladiisii hore kuwo ka dabacsan,balse aan ahayn kii laga sugayay oo soo afjari lahaa heshiiska isfahan ee dhexmaray SL,ayuu jeediyay. Maraykanka,ayaa cadaadis ku saaray…

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa soo geba-gebeeyay socdaal uu ku tagay afar waddan oo taageera dimoqraadiyadda oo Afrika ah. Blinken ayaa la kulmay madaxda Angola si uu u muujiyo sii kordhinta iskaashiga mashruuca kaabayaasha tareenka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZvsoQZy_C_0?si=p4T2S5s1_cnlfXEQ

Read More

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Qasa,laakiin Maxkamada ma dalban Xabbad joojin. Tallaabooyinkan,ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda. Dhageysiga dacwadda ka socota Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika…

Read More

Demeke Mekonnen, Ethiopia’s long-serving Deputy Prime Minister, who  also doubles as Minister of Foreign Affairs since November 2020, is  departing from both positions as early as today, Addis Standard has confirmed from a credible source close to the matter. Demeke, who is the third vice president of the ruling Prosperity  Party representing the Amhara wing of the party has also been relieved  of his position as of today. He is replaced by Temesgen Tiruneh, Director General of the National Intelligence and Security Service  (NISS).

Read More

Waa ka degay Doontii Abiy ee sabaynaysay. Markii ugu danbaysay ee Mingiste jabayay,waxaa ka Fakaday Wasiirkiisii Arimaha Dibada ee xilligaas. Calaamadaha fashilka ayay muujinaysaa in Wasiirka Arimaha Dibadu ka tago Shaqada. Waxaa la ogsoon yahay in Abiy ku fashilmay Diblomaasiyada iyo xiriirka caalamka. Wasiirka iscasilay,wuxuu kaloo ahaa Ra’isalwasaare xigeen iyo Nin saamayn soo jireen ah ku leh Siyaasada Itoobiya. Rug cadaa weyn,ayaa iskaga huleelay kooxda Abiy. JQ.

Read More

Garoowe: 25, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa Madaxtooyada Garoowe kaga qayb-galay munaasibad lagu soo dhoweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029. Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda dowladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda…

Read More

Xaflad qurux badan oo si heer sare ah loosoo diyaariyay,ayaa uqabsoontay Ummadda Somaliyed Madaxdeeda iyo hormuudkeeda Dhaqan,Siyaasad,waxgaradnimo iyo Aqoon. Puntland,waxay markale xaqiijisay doorkeeda curadnimo ee Somaliya,iyadoo Madal iskugu keentay taladu inta ay ka go’do iyo kuwa ehelka u ah talada. Xaqiiqdii,waa muhiim in Somalidu isqaadato,midowdo oo isku tanaasusho. Somaliya Qaran Fadaraal ah oo Nooluhu karaamo ku dhex leeyahay waa yoolkeena. JQ.

Read More

Si fiican buu uhadlay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud. Arinka Dastuurka” Waxa la ansixiyay waa Habraacii ee mahan Dastuurkii,waxaana sheegayaa in Dastuurka ka hadalkiisii uusan weli bilaaban oo uu hada bilow yahay,isla markaana wakhti aan siinayno layskula fahmo waxa lagu qorayo ama laga badalayo”Ayuu yiri MW Xasan. “Dastuurka Qabyo tirkiisa Aniga ima qusaynayo ee wuxuu ka bilaabanaya Maalinka wax laga badalo Qofka iga danbeeya,waxba kama jiraan Xasan,wuxuu rabaa MW iyo ku xigeen in ay isaga iyo Xamse isku noqdaan”Ayuu yiri MW Xasan. Sharaxaad la fahmi karo oo wax ku ool ah,ayuu ka bixiyay muhiimada ay leedahay Qabyo tirka Dastuurka Wadanka.…

Read More

Puntland,waxay si rasmi ah ufidisay Gogol ay Somalidu kuwada hadasho oo waxay kala tirsanayso uga bogato kuna heshiiso. Madaxweyne Deni,ayaa ku dhawaaqay si rasmi ah Gogosha oo fidiyay. Erayo kooban oo uu ka jeediyay Xaflada Caleema saarkiisa,ayuu ku yiri.. “Waxaa ballan qaadayaa in aan Midnimada PL ka Shaqeeyo,waxaan kaloo ballan qaadayaa in aan Midnimada Somaliya ka Shaqeeyo,waxaana noo fidsan Golgol aan Somali udhignay”Ayuu yiri MW Deni. Somaliya oo isqaadata,is aqbasha oo iskuna tanaasusha waa muhiim. Jibril Qoobey.

Read More

Puntland-ta kale,waxaa lagu lahaa in ay Sool aragtideeda la dhex timaado Somalida kale,wayna samaysay oo Madal Somali ku dhan tahay ayay dhex keentay. Hadii Somalida kale ay kala kulmeen hadallo aan farxad gelin eeda maleh Puntland-ta kale. Dowlada Puntland,waxay taagan tahay aragtidiina waan aragnay Anagu ee Somalida kalana ula taga oo tusa. Waajibkaas waa gudmay. Jibril Qoobey.

Read More

Waa matalay Golaha fulinta ee DFS iyo Gobolka uu kasoo jeedo ee Somaliland. Si guud hadalkiisa markii loo qaato,wuxuu muujiyay Midnimo iyo Wadajir Qaran oo Somaliyed wax lagu badalan karo in aysan jirin. Marka laga soo tago xoogaa caadifad ah oo ka muuqatay hadalkiisa waliba markii uu Afhayeenka Dowlada PL uu khalday Magaciisa. Wuxuu qalmaa in Laascaanood lagu soo dhaweeyo la tuso ehelkiisa walibana Maxaabiista qaybta Askarta ah lagu wareejiyo si ay umuuqato karaamaynta Dadka Aaminsan Somaliweyn ee kasoo jeeda SL.

Read More

Garoowe, 25 January 2024, madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaaya Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 2024-2029.

Read More

Garowe,waxaa ku sugan 6-kamida Raysalwasaarayaashii soo maray Somaliya kasoo bilow. 1: Cali Maxamed Geedi. 2: Cumar Cabdirashiid. 3: Cabdiwali Cali Gaas. 4: Saacid Shirdoon. 5: Xasan Cali Khayre. 6: Maxamed Xuseyn Rooble. Sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda Dowlad Goboleedyada Somaliya… 1.Qoor-qoor. 2.Laftagareen. 3.Guudlaawe. Wafuud ka socota Dowladaha dariska ah.. 1.Jabuti. 2.Kenya. 3.Itoobiya. Safiirada Beesha Caalamka Safiiro,Aqoon yahano iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Somalida ee Qurbaha. Maalinka Berri ah,waxaa soo gaaraya Garowe wafti balaaran oo ka socda DFS oo uu hogaaminayo Xasan Shiikh. Sidoo kale,waxaa imaanaya Raysal wasaare ku-xigeenka Saalax oo isna hogaaminaya qayb kamid ah Wasiirada DFS. Dhanka…

Read More

Garoowe: 24, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo weftigiisa waxay ka qayb-gelidoonaan Caleema-saarka Madaxda Puntland, kaasi oo Garoowe ka qabsoomidoona 25, Janaayo, 2024. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1750176922426810704?t=mMHOyzNNgTqxjDdbo9zAmQ&s=19

Read More

Waxa la meel mariyay waa Habraaca uu ku shaqaynayo Gudiga Dib u eegista Dastuurka. Qodobada la ansixiyay,waxay kala yihiin…… 1.Hay’adaha lala latashanayo. 2.aareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka. 3.Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka. 4.Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada. 5.Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag). 6.Nidaamka meel-marinta Dastuurka Dastuurka wax ka badalkiisa,waxay qaadan doontaa ugu yaraan Sanad kale ama Laba Sano hadiiba laysku raaco. Waxaa jira Qodobo ay khasab tahay in la taabto oo iska hor imaanaya,kuwaasoo ay ka mid yihiin… B.Magacaabida xilalka sare,sida Safiirada,Talyayaasha iyo Agaasimayaasha Guud oo Dastuurku siinayo Madaxweynaha iyo…

Read More

Milatariga Maraykanka,ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo. Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday…

Read More

Israa’iil,ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in 24 askarteeda ah looga dilay Marinka Qasa, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta. Waa mid ka mid ah maalmihii ugu xumaa ee soo mara ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu bilowday olalaha ay Israa’iil sheegtay in ay ku ciribtireyso kooxda Xamaas. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oRqHAe4LBqo?si=G4UKZ6HW0R7lVBru

Read More

Ciidamada RRU,ayaa kala cayriyay Dhalinyaro Hub ku urursanayey Xaafad ka mid ah Magaalada Burco. Qaar waa la qabtay,isla markaana qaar way baxsadeen,sida wararku sheegayaan. Beri ama Saadanbe,ayaa Golaha Guurtidu aqbalayaan soo celinta Madaxweynaha ee Xeerka Doorashada,kadibna,waxay galayaan 3-Bilood oo fasax ah,sidaana,waxaa ku baaqan doonta Doorashadii 2024 loo madlanaa. Cidamada RRU iyo Booliska caadiga ah,ayaa heegan la galiyey,si gaar ah Magaalooyinka Burco,Ceeri-gaabo iyo Xaafada Koonfureed ee Hargaysa. Sidoo kale Ciidan Beeleed Habarjeclo,ayay Dowladu qaramaysay,waxaana is afgaradka gaaray Caaqilo Beeshaas ah iyo MW Muuse Biixi. Waxaa muuqata in Muuse uusan wax weyn iskaga tirinayn Mucaaradka oo qayb ka mid ah ay isagaba…

Read More

Dastuurka: Kulanka Baarlamanka Labada Aqal ee loo madlan yahay 24 January 2024: Doodda kulanka wadajirka ee loo madlan yahay waxay khuseeysaa, hab raaca loo marayo Doodaha wax ka beddelka Dastuurka; lama beddelayo qoddobo Dastuuri ah. Go’aamaadii Madasha ee 27 May 2023 qeyb kama ahan doodda Arbacada.. Waxaa loo madlan yahay in labada Aqal meel mariyaan: 1) Hay’adaha lala latashanayo 2) Maareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka 3) Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka 4) Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada 5) Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag) 6) Nidaamka meel-marinta Dastuurka Qoddobada kore oo…

Read More

Caleema saarka Madaxweynaha Puntland,wuxuu dhacaya 25-ka Bishan. Wufuuda ka qaybgalaysa,ayaa kusoo qulqulaysa Puntland,waxaana ugu danbeeyay Madaxweynaha Hir-shabelle. Waxaa khilaafka Itoobiya iyo Somaliya dartiis uga baaqday Caleema saarka Madaxweynaha DDSI Mustafe Cumar,sida wararku sheegayaan. Sidoo kale Qoor-qoor,ayaa ka carooday M.xigeenkiisa jooga Garowe,waase laga qanciyay ugu danbayn. Madaxda kasoo qaybaglaysa,waxaa kaloo ka mid ah Madaxweynaha DFS iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya. Jibril Qoobey.

Read More

Muuse,wuxuu amray in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Baarlamaanka Somaliland,kadib markii ay soo xoogaysatay Mooshin ka dhan ah isaga. Ku dhawaad 65-Xildhibaan,ayaa saxiixay Mooshinka xilka looga xayuubinayo Muuse Biixi,sida wararku sheegayaan. Muuse,waxuu amar ku bixiyay in la xiro Baarlamaanka,wuxuuna udiray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Talyaha Booliska SL. Khilaafka cusub,waxaa dhaliyay Sharciga Doorashooyinka oo wax laga badalay oo uu Muuse ku celiyay Guurtida. Amnidarro gaarsiisan Gacan ka hadal,ayuu ku keenay khilaafkii hore Doorashooyinka SL. JQ.

Read More

Garoowe: 22 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo Wafdi uu hoggaaminayo, oo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland oo 25 January 2024 ka dhici doona Garoowe.

Read More

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad. Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Abdikadir Ali Dige, Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland,ayaa abaabulaya Mooshin ka dhan ah Muuse Biixi. Kulan ay ku yeesheen Hargaysa Caawa ku dhawaad 60-Xildhibaan,ayay isku raaceen in ay Mooshinkaas abaabulaan. Talaabadan,waxay ka danbaysay markii Muuse dib ugu celiyay Golaha Guurtida Xeerkii Doorashada. Muranka Doorashada,wuxuu Somaliland mar geliyay khatar amni markale oo uu dib usoo laabtana,wuxuu keeni karaa khatar ka badan tii hore. Balse,waxaa jira Ganacsato iyo waxgarad ka shaqaynaya isfahan. JQ.

Read More

Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Abiy xiriir lasoo sameeyay Madaxweynaha Kenya,isagoo ka codsaday in uu wada hadal siiyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh. Wararku,waxay sheegayaan in Ruto aqbalay codsiga Abiy uuna dhawaan imaan doono Muqdisho si u bilaabo dhexdhexaadinta. Xogo hordhac ah oo laga helayo arinkaas,ayaa sheegaya in Abiy laga maqlay ka laabashada heshiiskii isfahan ee SL uu la galay. Dadka Itoobiyaanka ah ee Siyaasada la socdaa,waxay kuu sheegayaan in Tigreega oo markan Sxb la ah Abiy ay arinkan ka danbeeyaan oo iyagu kasoo dhameeyeen dhanka SL. Inta badan Saraakiishii iyo Diblomaasiyiintii Tigreega,ayuu Abiy dib uhawlgeliyay,waxaana ka mid ah Gabre oo…

Read More

Qaraxyada Bosaso,waa kuwo la farsameeyay oo maxali ah,sida aan ku ogaaday baaris aan sameeyay. Waxaa laga sameeyaa Afka hore ee Qoriga Hoobiya,waxaana laga maamulaa oo lagu xiray Taleefoonka Gacanta,iyadoo Albaabada Xarumaha Ganacsiga la dhigo. Cida adeegsata ma’ahan argagixisada ee waa koox ka mid ah Ciidamada oo Siyaasadu saamaysay. Ujeedka ay ka leeyihiin,waa in Dowladu usoo istaagto iyo in ay ka dhigtaan xogo amni oo ay udiraan Gacmo shisheeye. Xalay,Qaraxii ugu danbeeyay goobtii uu ka dhacay,waxaa lagu qabtay Sarkaal ka tirsan Ciidamadaas. Bosaso,waxay ubaahan tahay dhawr arimood.. 1.Ciidanka Sirdoonka oo la xoojiyo Qalabkooda iyo Dhaqaalahooda. 2.Dhamaan Ciidamada gudaha ugu jira oo…

Read More

Axmed Madoobe iyo Xamse waxay ka caroodeen in aan loo casumin si la mid ah madaxda kale ee Caleema saarka kasoo qaybgalaysa. Laba hab,ayay Casuumadu ugaaraysay Madaxda,kuwaasoo kala ah… 1.E-mail. 2.E-mail iyo xiriir toos ah. Axmed iyo Xamse kaliya,waxaa gaaray casuumad Email-ka ah,waxayna sugayeen xiriir toos ah oo lala soo sameeyo mase dhicin. MW Deni,waa lagu kari waayay in uu toos ula xiriiro Xamse iyo Axmed Madoobe. Ka fogaanshaha Deni ee Labadan Nin,ayaa waxaa Baasiinka kusii shubay, Dhaqaale ay ku taageereen kooxdii Aaran-jaan ee Garowe Xabada ka riday iyo waliba Axmed oo usoo diray Rasaas. MW Deni,waxa uu qaadan waayay…

Read More

Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada PL ee Xubinta ka ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya,waxaa kasoo qaybgalaya Madax haatan xil haysa,Madax hore,Diblomaasiyiin iyo Bulshada qaybaheeda. Waxaa ka mid ah Madaxda kasoo qaybgalaysa… 1.Madaxweynaha Dowlada Dhexe ee Fadaraalka. 2.Madaxweynayaasha DG marka laga reebo Axmed Madoobe. 3.Madaxweyanayaashii iyo Ra’isalwasaarayaashii hore. 4.Wafuud Dowladaha Dariska ah. 5.Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka. Si gaar ah Safaarada Itoobiya ee Somaliya way kasoo qaybgalaysaa oo waxay ka mid tahay wufuuda casuman. In Safaarada Itoobiya lagu casumo caleema saarka Madaxweynaha Puntland ma’ahan wax lala yaabo,sababtoo ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya ma jarin xiriirkii Diblomaasi,isla markaana Wadanka kama saarin Safaaradii itoobiya,sidaa…

Read More

Abiy,heshiiska Somaliland uu la galay waxa ugu weyn ee ku qaaday kuna kalifay in uu iska indho tiro xeerarka caalamiga ah iyo waaqiciga jira waa carro. Xoguhu,waxay sheegayaan in uu si weyn uga carooday ka qaadistii Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya. Reer Galbeedka oo qaadista Cunaqabataynta Hubka iyagu fududeeyay,ayuu ku dhibaataynayay xadgudubka uu ka galay Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya. Reer Galbeedku,waxaa rabaan in ay Somaliya dajiyaan oo Dowlad ka dhigaan,iyagoo qorshayaal kala duwan kawata,taasina waxay culays ku noqotay Dowladaha dariska ah,gaar ahaan Itoobiya. Horay,waxaa udhici jirtay in qaadista Cunaqabataynta Hubka Somaliya laga talo gelin jiray Dowladaha dariska ah,waana mida sababi jirtay…

Read More

“Masar ma ogolaan doonto wax khatar ku ah Somaliya iyo amnigeeda,hadii ay noo baahdaana waan tagaynaa”Ayuu yiri Sisi. Si cad waxa uu uga hor yimid isfahankii Somaliland iyo Itoobiya oo ku tilmaamay xadgudub Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliya. Masar marka laga soo tago Walaalnimada ay umuujinayso Somaliya,waxaa udheer loolan ay kula jirto Itoobiya oo ugu horeeyo Biyaha Wabiga Niil. Sidoo kale Baabul Mandab oo Itoobiya ay timaado,waxay u aragtaa khatar weyn oo Istiraatijayadeed oo iyada ka dhan ah. Lughaya,waxaa lagu tilmaamaa Albaabka Baabul Mandab in ay tahay sidaa daraadeed Masar ma aqbalayso in Itoobiya timaado halkaas,waxayna ka xigtaa dagaal toos ah…

Read More

Qaahira, Jannaayo 21, 2024- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah. Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo…

Read More

Puntland waajibkii ahaa in laysku soo dhawaado way fulisay oo waa aqbashay talooyinkii haldoorka Somaliyed ee ahaa tanaasul muujiya dhankiina. Waxay si rasmi ah ugu casuntay Garowe Madaxweyne Xasan. Hadaba,waxaa laga rabaa Madaxweyne Xasan in uu dhankiisa Kubada Dhulka dhigo,talada Miiska saaro Ummaddana isku soo celiyo. Si gaar ah xilligan baahi,ayaa loo qabaa Midnimada,isagana macno weyn ayay uleedahay in caalamku arko Puntland oo lagu soo dhawaynayo iyo Madaxdii Somalida oo wada fadhida oo Astaanta Calanka uwada istaagtay. Maanta haduusan MW Xasan ka faa’idaysan fursada Garowe dib uma helayo oo Labada Sano ee u haray,wuxuu ku dhamaysanayaa horumar la’aan Siyaasadeed iyo…

Read More

Dhawr arimood oo ay Dowlada Somaliya aysan qaadin ilaa iyo hada,waa ku saxsan tahay marka la qiimeeyo natiijada ka dhalan karta… 1.Hadii diyaarada la joojiyo,waxay taabanaysaa Shacabka Somaliyed ee caadiga ah,waxayna Dowlada Xasan galaysaa khaladkii ay gashay Dowladii Farmaajo ee ay JL Diyaaradaha uga joojisay,iyadoo Siyaasad ka eegaysa. 2.Hadii Safiirka la cayriyo,waxaa isna soo baxaya kan Somaliya ee Adis jooga,waxaana lumaya xog iyo xiriir loo baahan yahay helidooda. 3.Hadii Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Atmis laga saaro Wadanka,waxaan umuuqanaynaa Dad caadifadeed oo aan isxakamayn karin welina aan masuul noqon laguna aamini karin awood oo wax walba laga filan karo.…

Read More

Qaahira, Jannaayo 20, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar. Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo…

Read More

Weftiga Baarlamaaniga ah ee Jubaland ka yimid ma’ahan mid matalaya Maamulka ee waa Xubno si iskood ah uga soo qaybgalay Caleema saarka. Madaxweynaha JL masoo wakiilan iskumana ogayn aadista Garowe,sida ay ii xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah. Axmed Madoobe,wuxuu joogaa Kenya,waxaana gaaray Email casuumad ah,balse sida Madaxda kale ma jiro Xiriir toos ah oo dhexmaray Madaxweyne Deni. Caleema saarka haduu ka baaqdo Axmed waa tilmaan cad oo muujinaysa in ay si rasmi ah ukala tageen Axmed Madoobe iyo Puntland. Isimo iyo Siyaasiyiin,ayaa Deni kula taliyay in uu toos ucasumo Axmed Madoobe,waase ku gacan sayray siday xoguhu sheegayaan. JQ.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo la kulmay Xoghayaha Guud Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Halkan ka akhriso:- https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1748751935421714505?t=NrNs1WEGha4zaiSPyIkU_w&s=19

Read More

Agaasimaha CIA waxaa lagu tilmaamaa Ninka Afraad marka laga eego dhanka awooda Dowladnimo ee Maraykanka oo ah Quwada Dhaqaale iyo Milleteri ee caalamka. Imaanshihiisa Muqdisho ma’ahan mid fudud oo iska timid,waxayna xanbaarsanayd fariimo kala duwan oo dhamaantood Somaliya u ah hiil iyo garab. “Hadaan nahay Maraykan,waxaa naloo haysta in ay Gacantayada ku burbureen Dowlado Islaam ah oo badan marka waan idin dhisaynaa ee idinkuna isqabsada oo Dowladiina dhista”Ayuu ku yiri MW Xasan. Sidoo kale,wuxuu ka yiri xadgudubka Itoobiya.. “Abiy kama yeelayno in uu gudaha ugalo Somaliya,wuxuu ku lug yeeshay colaadii Tigreega iyo mida Amxaarada ma rabno in uu colaad kale…

Read More

Maalmihii lasoo dhaafay Somaliya,waxay u ahayd Maalmo wacnaa oo taariikhda galay oo waxaa muuqatay in ay soo noolaatay dibna ugu soo laabatay masraxyada caalamka. Somaliya,waxay muujisay qaangaarnimo,bisayl iyo fahan Siyaasadeed oo ka sareeya kii ay caanka ku ahayd ee sal fudaydka. Diblomaasiyadii 3000-Sano ee Itoobiya ayay ka dhigtay mid darbi jiif ah oo aan masuul ahayn khatarna ku ah amniga iyo wada noolaanshaha. Dalkan waa la daneynayaa oo Itoobiya ,waa la qaawiyay,waana uhiilisay Beesha caalamku Somalida. Caalamku,wuxuu muujiyay in Somaliya xilligan Siyaasada ahaan ka muhiim san tahay Itoobiya. Sidoo kale Gooni goosadkii SL ay 30-ka Sano soo waday Cod,ayuu Caalamku…

Read More

Ra’isalwasaarihii hore Shirdoon,ayaa soo gaaray Garowe si uga qaybgalo Caleema saarka Madaxweyne Deni. Horay,waxaa ujoogay Madaxweyne xigeenkii Galmudug iyo wefti la socda. Dhanka Dhaqanka,waxaa jooga Garowe Ugaaska oo hogaaminaya wefti balaaran. Madaxweyne Deni,waa lasoo marsiin waayay in uu toos ula hadlo Xamse iyo Axmed Madoobe oo uu ku casumo Xaflada marka laga soo tago Email-ka loo wada diray dhmaan Marti sharafta. Si rasmi ah,ayuu ficil ugu badalay fikradii ahayd Siyaasada PL haloo jiheeyo Maraeexaan markay timaado midaynta Beesha Daarood. Siyaasada,waxaa PL ku hogaamiya Madaxweynaha Kursiga ku fadhiya markaas,waana lagu khasban yahay meeshuu aado kaliya talaa lagu kabi karaa. Ogaadeen,waxaan dhisnay…

Read More

Garowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada. Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood. Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi,ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas. Labada Madaxweyne,ayaa ka arrinsan doona xaaladda Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Read More

1. Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. 3. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku…

Read More

Midowga Afrika waxay laba todobaad gudahood soo saareen Laba qoraal oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay heshiiskii isfahamka ee ay 1-dii bishan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Baaqyadaas midkood waxaa soo saaray guddoonka midowga Afrika,halka kan labaadna uu soo saaray golaha nabadda iyo amniga. Wax badan kuma kala duwana labada qoraal, waxayna ka midaysan yihiin baaq ay u dirayaan Somaliya iyo Itoobiya, ayagoo ka dalbanaya in xiisadda la dejiyo, laakinse waxaa qoraalka dambe ku cusub in midowga Afrika uu u xil saaray madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu fududeeye ka noqdo wadahadal dhex mara Itoobiya iyo Somaliya.

Read More

Muqdisho, Janaayo 18, 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo ku saabsanaa taageerada madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan. Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo…

Read More

Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn. Shirkan ayay iskugu imaanayaan Madaxda Dalalka IGAD,waxaana looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Somaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamud iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac,ayaa shalay gaaray magaalada Kampala. “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD,ayaa kaga arrinsanaya faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya”Ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Read More

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Agaasimaha CIA ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka. https://x.com/thevillasomalia/status/1747897116700148051?s=48&t=hsizehkWv5SWUmDOBnhADQ

Read More