Goobaha codbixinta,ayaa la soo xiray doorashada guud ee Pakistan, oo ay hareeyeen rabshado goosgoos ah iyo mucaaradka oo cambaareeyay joojinta adeegyada taleefannada gacanta iyo internetka. Xisbiga PTI ee ra’iisul wasaarihii hore ee la xiray, Imran Khan, ayaa ku tilmaamay in si ula kac ah loo caburinayo xuquuqda muwaadiniinta. Maamulka,ayaa sheegay in talaabdaas ay sabab u tahay amniga oo sii xumaanaya. Shan ka mid ah Ciidamada Booliska,ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay bam ku xireen degmada waqooyi galbeed ee Dera Ismail Khan, halka magaalada Kot Azam lagu dilay askari kadib markii ciidamada la weeraray. Laba goobood oo codbixineed oo…
Author: Jibril Qoobey.
Boosaaso, February 08, 2024: Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish. Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya. 6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya. Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada…
Deni,wuxuu Xasan ka adkaaday markii uu Kursiga Madaxtooyada PL kusoo laabtay. Xasan,waxaa la moodi jiray in uu faahin Siyaasiya yahay,balse waa fashilmay oo waa la jaanqaadi kari la’a yahay waaqiciga. Xasan,waxa kaliya ee ufuran,in uu aqbalo Deni lana yimaado aragti wada noolaansho Siyaasadeed leh. Haatan Deni gogoshiisii,waa u ansaxday oo Xasan laftigiisaa laga meel marsaday,isla markaana in uu kasoo qaybgalo isagay Dan ugu jirtaa hadii kale,waxay isku badalaysaa oo Gacantooda galaysaa Mucaaradka baadigoobaya meel ay usii maraan loolankiisa. PL waa Sadex meelood oo meel Somaliya Madaxweynaheeduna,wuxuu wataa miisaankiisa culus. Sidoo kale Madaxweynaha xiligan ee PL,wuxuu haystaa mudo xileed cusub,halka Madaxweynaha…
Ciidamada PSF;waa la xaliyay wax walba oo dhexyaalay Madaxtooyada Puntland…….. B.Waxaa loo fasaxayaa Shaqadoodii si rasmiga ahayd. T.Waxaa loo fasaxayaa wada shaqayntoodii Maraykanka. Dhankooda maxay aqbaleen? B.In ay ilaaliyaan oo ixtiraamaan Nidaamka Dowliga ah,gaar ahaan Madaxtooyada iyo Awaamiirteeda. T.In ay kasoo guuraan Xaafuun iyo goobaha kale ee aysan Dowladu u amrin. Talyaha PSF Maxamuud Diyaano,wuxuu Garowe kula kulmayaa MW Deni maalinka Berri foog ah ama kasoo laabadka Laascaanood. MW Deni,wuxuu sameeyay Shaqo Nabadoonimo oo baaxad leh kadib dib udoorashadiisii. JQ.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Xisbigan Asad Cismaan Diyaano iyo MW Deni oo aad ukala fogaa waa heshiiyeen si buuxda. Heshiiska Madaxtooyada iyo taageerayaasha Xisbigan,waa baaxad weynaa marka laga soo tago arimaha laga xusi karo ee kala ah….. B.In Xisbigu qaato doorkiisa Dimuqraadiyada PL. T.In laga wada qaybgalo doorasahada Sadexda Degmo ee ka harsan Golayaasha Deegaanka. J.In Golaha Wasiirada cusub laga siiyo Xisbiga Mideeye Wasiir muhiim ah. Wasiirka Xisbiga la siinayo,waxay ubadan tahay in loo dhiibo Dhaqaaje,kaasoo noqon kara Amniga. Xisbiga talada haya,waxaa looga yaqaan guud ahaan Geeska Afrika MW markaa Kursiga ku fadhiya Beeshiisa hoose,waana muhiim in uu Gacanta ku…
Muqdisho: 08 Febaraayo, 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka Diblumaasiyadeed. Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin: 1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane) 2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi 3. Cali Cabdi Awaare 4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf) 5. Bashiir Xasan Xaaji 6. Fathudin Cali Maxamed 7. Xuseen Cabdi Xalane 8. Khadiija Cosoble Cali 9. Khadra A Dualle 10. Ridwan Xirsi Maxamed Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax…
Garoowe, Febraayo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Maxamed Maxamud Ciisse,ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax Guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ujeedada kulanka,ayaa aheyd isbarasho xubnaha cusub ee Guddiga joogta & dardargelinta waajibaadkooda shaqo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha madax-guddiyeedyada ku soo dhaweeyey hoolka shirarka Guddiyada Joogtada ah, isagoo ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay. Guddoomiyaha,ayaa kula dardaarmay in Guddi kasta ay u gudutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo xeerarka…
Intelligence chief Temesgen Tiruneh appointed deputy prime minister addisstandard.com/breaking-intel… The House of People’s Representatives (HoPR) has appointed Temesgen Tiruneh, the former director general of National Intelligence and Security Services (NISS) as deputy Prime Minister. Temesgen, who replaced Demeke Mekonnen as second deputy president of the ruling Prosperity Party last week was named head of the national intelligence agency in November 2020 amid an unprecedented security sector reshuffle by PM Abiy Ahmed in the wake of the Tigray war. Temesgen has been a notable figure in PM Abiy Ahmed’s administration and believed to be a close confidante of the PM. In…
Aragtida Siyaasiyiinta bisil ee aan caadifada iyo danaysiga hoose ka Duulin in loo hakadaa wacan si aysan ulumin rajada yar ee jirta. Hadii Dastuurka lagu falaado Somali si rasmi ah ayay ukala guuraysaa,sababtoo ah waa waxa kaliya ee ay hada isla ogoshahay. Xasan Shiikh markaad aragto hogaamintiisa,waxaa kusoo baxaysa aqoon,Cimri iyo khibrad aysan la socon Qofnimo aysan qiimo lahayn. “Aqoon lahow Igaar Ahow baa ka horaysa”. Halkan ka daawo muuqaalka Xildhibaan Cali Fiqi. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1755542386749354312?t=zyWEgbmwUzfdCxOX_Qk9Zw&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1755528323571056955?t=06-nnGafU_HdmeLzoG4QAA&s=19 JQ.
Cumar Cabdirashiid shaqo fiican buu ka qabtay Puntland. Doorasho la isla ogol yahay oo qurxoon in ay xiligeedii ku qabsoonto door weyn,ayuu ku lahaa Cumar. Sidoo kale Doorashada Deni kadib,Shaqo la taaban karo,waxuu ka qabtay isqaadashada iyo is aqbalaada hirgashay. Marba mar ka danbaysa,waxaa muuqata in Cumar miisaankiisu sii xoogaysanayo oo fahamkiisa iyo saamayntiisu kor isii kacayso. Erayada inta badan uu kusoo celceliyo ee Somali is aqbasha oo isku tanaasusha,wuxuu ficil ahaan uga hirgeliyay Puntland gudaheeda. Xaqiiqdii waxaa wax weyn ah in Siyaasigu fahmo dantiisu in ay ku jirto midaynta Bulshada iyo xoojinta amniga. JQ.
Dekeda Garacad in laga iibiyo 50%Imaaraadka ma xuma. Haatan 40% ayay ogol yihiin Maamulka Shirkada Wadaagsin ee Dekeda Gacanta ku haysa. 10% lagu kala duwan yahay,in loo raaciyo oo 50% si rasmi ah looga iibsho Imaaraadka,waa loo baahan yahay. Maalgashigu,waa muhiim waliba in Imaaraadka wax lala qabsado PL ahaan,waxay noo tahay fursad. Ka iibinta Imaaraadka Saamiga Dekeda,waxuu keenayaa in si dhakhso ah ay uhirgasho Wadada Garacad-Goldogob ee muhiimka ah. Dekeda Garacad,waxay soo gaartay meel wacan oo soo jiidatay Indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah. JQ.
Beesha Caalamku,waxay Nayrobi ku yeelatay kulan ay uga arinsanayso xaalka Siyaasada Somaliya ee xiligan. Arimaha ay isla lafa gureen,waxaa ugu weynaa.. B.Khilaafka PL iyo DFS. T.Wax ka badalka Dastuurka Fadaraalka. Kulankooda,waxa iskula qaateen,waxaa ugu muhiimsanaa.. B.In ay diraan wefti utaga Xasan Shiikh oo kala hadla joojinta wax ka badalka Dastuurka ilaa inta laga heshiinayo. T.In ay wefti kalena udiraan Deni,kaasoo kala hadla Miiska wada xaajoodka siday PL ugu soo laaban lahayd. BC ma danaynayso khilaafka PL iyo DFS in uu sii jiro,waxayna rabaan in xal laga gaaro rasmi ah. Xasan Shiikh sababta uu uga sharqaminayo Dastuurka waxkabadalkiisa waa midan oo…
Saxaafada qoraysa,waxaa gadooday Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray ee Bosaso lagu ururshay,waa mid aan xoghayn. Ku dhawaad 300-Askari oo ka mid ah Ciidamadii Eretereya ee Xasan Shiikh kala cayriyay,ayay PL isku soo ururisay,iyadoo Diyaarado uga soo daabushay guud ahaan Deegaamada Somalida ee ay ku kala firdheen. Haatan,waa lakala hufayaa oo waxaa lakala saarayaa Saraakiisha iyo Askarta,kadibna,waxaa si rasmi ah loogu diiwaangelinayaa Ciidamada. Sida wararka aan ku helayo Saldhiga Xaafuun ee Imaaraadku maalgelinayo,ayaa la dajinayaa Ciidamadaas ka yimid Eretereya. JQ.
Imaanshaha Garowe ee waftiga sare Imaaraatiga,waxay si cad umuujinaysaa PL siday ugu tahay muhiim. Waxay Mahadcelin ugu tageen Qof walba oo saamayn macno leh ku lahaa dib udoorashadii MW Deni,waxaana ku jiray oo ay Gurigiisa ku booqdeen Faroole. Waxaa muuqata Imaaraadku in uusan gorgortan gelinayn PL,si kasta oo isbadal hogaamineed ugu yimaado Kursiga Madaxtooyada. Imaaraadku,waa kaga adkaaday Qatar loolanka Siyaasada Somaliya,wuxuuna si buuxda ula jaanqaaday Raaskanbooni ilaa Raascasayr. DFS,wuxuu ubiilaa 12-kun oo Askari Bishii. JL,wuxuu la wareegay Dekeda Kismaayo,wuxuuna Biilaa Ciidamo door ah. SL,wuxuu la leeyahay Xiriir gaarsiisan Diblomaasiyad sare iyo waxa wada qabsi fogaaday. PL,wuxuu u yahay Sxb-ka rasmiga…
Xasan Shiikh markii uu aqbalay Caleema saarka Deni kasoo qaybgalkiisa,ayaa la marsaday Kaarka Siyaasadeed. Sidoo kale Gogosha PL markuu Garowe joogay in uusan aqbalin ayay ahayd oo hadal ka tagin. Saakay Xasan waxa ufuran oo kaliya,waa in uu yimaado Gogoshaas gudaheeda ku dhex loolamo. Baarlamaan laga hadal siiyo,Xildhibaano Dhabarka laga taabto oo Wasiiro loo ballanqaado iyo wax ka badal Dastuur oo laga sharqamiyo ma baajin karaan Gogosha ugumana dabcayo Deni. Ujeedka ugu weyn ee uu ka leeyahay Xasan Dastuurka iyo ka sharqamintiisa,waa awood ka raadin iyo in uu Gogosha Garowe yimaado,isagoo wax uu ku gorgortamo wata. Xasan,waa og yahay in…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland,ayaa daahfurtay Manhajka Waxbarashada Xanaanada Caruurta oo la qoray Luuqada Somaligana loo turjumay, Manhajkaan hadafkiisu waxaa weeye in lagu tababaro barayaasha. Wasaaraddu waxay isugu yeertay khuburo ku xeeldheer waxbarashada si ay u lafa guraan,una hubiyaan Qoraalka iyo Turjumaada Manhajka. Wasiirka Wasaarada Dr.Cabdullahi Maxamed Xassan iyo Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda Mudane.Dr. Cabdullahi Axmed,ayaa furintaankii ku booriyey khuburada in ay si qoto dheer u fiiriso manhajka luuqada soomaliga ah ee lagu turjumayna u hubiyaan si aan loo lumin micnaha saxda ah, loona ilaaliyo in aan la lumin erey bixinta manhajka ee ku haboon . Wasaarada…
Donald Trump ma haysto xasaanad madaxweyninimo,waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashada 2020, sida ay xukuntay Maxkamad ku taal Mareykanka. Trump,ayaa ku andacoodey kiis sharciyeed oo taariikhi ah in uu ka badbaado eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa Madaxweynenimo. Balse xukunka maanta ka dhacay Washington DC,ayaa meesha ka saaray sheegashadaas. Waxay dib u dhac ku tahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweynaha isagoo la dagaallamaya kiisas badan. Madaxweynihii hore,ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taasoo la micno ah in…
“Si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, kumanaan Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya,” ayuu yiri isaga oo ula jeeda ciidamada Itoobiya ay ku tabarucdo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab;waxaan ku dhimaneynaa Soomaaliya sababtoo ah nabadda Soomaaliya waa nabadda Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa horumarka dalkeena. Waxaan aaminsannahay inaan nahay walaalo,”Ayuu yiri Abiy. Hadalkan jawaab ku filan uma ahan soo jeedintii caalamka iyo cadaadiskii lagu saaray in uu ka laabto heshiiska uu la galay SL,isla markaana uu si cad udul ustaago Midnimada iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya. Caalamka oo idil,ayaa Itoobiya ku cadaadiyay ka laabashada heshiiskaas iyo…
Tiro Madaafiic ah,ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ,waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda. Sida aan wararka ku helnay madaafiicda,ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin. Khasaare xoog leh oo iskugu jira Todobo Qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca Saddex kale,ayaa ka dhashay weerarkaas. Qaybta lagu iibiyo Alaabta Elektoroonikada,ayaa khasaaraha ugu badan soo gaaray.
Halkan ka akhriso:-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniinti shalay aheyd magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiha Maxamed Bin Salman, kulankaas oo billow u ah booqashadi shanaad oo uu Blinken ku tagay Bariga Dhexe tan iyo inti uu billowday dagaalka ka socda Qasa. Bilinken;ayaa u tagay Bariga Dhexe sidi uu u riixi lahaa heshiis uu wax ka dhex-dhexaadinayo Mareykanka oo la rabo in lakala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, qorshaha dib u dhiska Qasa kagaalka kaddib iyo in la qaboojiyo xiisadda Gobolka. Kulanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman,ayaa qaatay muddo laba saacadood ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller,ayaa sheegay,…
Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa natiijada xanuunkan laga helay boqorka ay soo baxday xilli uu horraanba qaadanayay daweyn la xiriirta xanuunada ku dhaca qanjirka loo yaqaanno ‘prostate-ka’, Boqorku waxa uu geli doonaa marxalad daawayn, laakiin waxa la rumaysan yahay in kansarkan laga helay uu weli kujiro marxaladdiisii hore. Bayaanka ay soo saartay Qasriga Boqortooyada ma aysan shaacin nooca kansarka, laakiin waxay sharraxday in boqorku uu bilaabay qaadashada “daawaynta caadiga ah” ee xanuunkan. Boqorka ayaa si shaqsi ah ugu wargaliyay labadiisa wiil xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay in Amiir William uu xiriir joogto ah la leeyhaay aabihiis. Amiir Harry, oo ku…
Waxay iswaydaarsanayaan wada shaqayn toos ah iyo xogaha amaan. CID-da PL,waxay heshiiskan ku helaysaa.. B.Qalab. T.Tababaro. J.Gaadiid. X.Taageero Miisaaniyadeed. Waa fursad weyn oo ay heshay CID-da PL ee latacaasha Dhul dhan 200-kun km isku wareeg ah ,kaasoo ku yaal marin Biyood muhiim u ah caalamka oo kulmiya Laba Badood. PL,waxaa ka jira qaybaha Danbiyada ee kala duwan,sida…. B.Nabad diidka. T.Tahriibinta Dadka. J.Ganacsiga Hubka. X.Dhaqida Lacagaha Kh.Isku dhaca Beelaha D.Danbiyada caadiga ah. Dhamaan Danbiyadaas ka hortagoodu,waxay ubaahan yihiin Talis Danbi baaris oo aad u diyaarsan. Heshiiskan kor loogu qaadi karo awooda CID-da PL,wuxuu ubaahan yahay ilaalin iyo in sidiisa loo fuliyo,waxaase…
Dhagax-dhiga Saldhiga Melleteri oo Imaaraadka laga siinayo Deegaanka Xaafuun,ayaa dhawaan dhacaya sida xoguhu sheegayaan. Saldhigaas,ayaa ku kacaya Sanadkii $57-Milyan,waxaana Kiro ahaan uhelaysa Lacagtaas Dowlada Puntland. Sidoo kale Saxiixa heshiiska Saldhiga,ayaa lagu kala qaadanayaa 7-Milyan oo dolar,sida wararku sheegayaan. Saldhigan,waa Kiro si la mid ah kan Muqdisho ee Turkisom,waxaana Saxiixa wada leh PL iyo DFS. Mudo xileedkii hore ee MW Deni ayay ahayd in la dhagaxdhigo,waxaase ku yimid dib udhac,haatanse waa soo gabagaboobay diyaarintiisa,sida wararku sheegayaan. Bulshada Deegaanka Xaafuun,ayaa dhankeeda ku helaysa Saldhigan Wado,Iskuul,Isbitaal iyo Biyo nadiif ah. Raas-caseyr oo ku yaal Gardafuu oo ah marin Biyood muhiim ah,ayaa Saldhig laga…
Shirkii Amniga Somaliya looga xaajoonayay ee Imaaraadka,waxaa lagu go’aamiyay in Ingiriisku udiro Ergay Itoobiya si uu ugala hadlo ka laabashada heshiiska isfahan ee ay la gashay SL. Shirkaas,waxaa fadhiyay Shan Dowladood oo kala ah…. 1.Maraykanka 2.Ingiriiska 3.Turkiga 4.Qatar 5.Imaaraadka. Waa war kale oo uhiilinaya difaacasashada Somaliya ee Madaxbanaanideeda,Midnimadeeda iyo Qaranamideeda. JQ.
Faransiiska,ayaa soo jeediyay in xadgudubka Sharci ee Itoobiya ay ku samaysay Midnimada iyo Qaranamida Somaliyed lagu celiyo IGAD iyo Midowga Afrika. Ujeedka Faransiisku,waa garabsiin soo jeedintii Itoobiya ee ahayd in arinka Badda lagu xaliyo Gudaha Afrika,taasoo ay u arkaan in ay fursad utahay Itoobiya. Faransiisku,waa Madaxweynaha xilligan ee Golaha iyo maalgeliyaha Ciidamada Badda Itoobiya. Dowlada Somaliya,ayaa soo jeedinta Faransiiska ganafka ku dhufatay,waxayna dalbatay fadhi kale oo Golaha amaanku kaga xaajoodo arinkan. Maraykanka,Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka,ayaa ku taageeray Somaliya diidmadeeda iyo soo jeedinteeda Labaad. Laba Todobaad ayay qaadataa marka Dowlad soo gudbiso codsi in Goluhu fariisto oo ka xaajoodo. JQ.
Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi weysiga ficilada xishood la’aanta ah. Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta. Sababtu ma ahan wax kale, waa waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka. Xubno iskood waa…
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanani,ayaa Isniintii Asia sheegay.. “Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay mar walba si adag uga falcelineyso khatar kasta oo ku wajahan Amnigeeda,Madaxbannaanideeda Dhuleed iyo Qarannimadeeda.” Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa “Iran kama laba labayn doonto inay adeegsato awooddeeda si ay uga jawaabto weerar kasta oo ka dhaca dalkeeda,balse ma dooneyno in ay kasii darto xiisadda Gobolka.” La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan,ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono in uu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria. Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada…
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn is-difaacid ah la beegsadeen goob laga soo ganayey gantaal loo diyaariyey in lala beegsado maraakibta maraysa Badda cas. Taliska Ciidamada Maraykanka,ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Axaddii ay xaqiijinayso xorriyadda maritanaka ee Badaha. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1754277654365192417?t=rV9LNXDR_UrRWoDJXoB9gA&s=19
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya,ayaa maalinta berri ah oo Isniin ah yeelanaya kulan xasaasi ah. Kulankaas,ayaa waxa uu qorshuhu yahay in looga hadlo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka. Ma cada in kulankaas ay kasoo bixi doonaan arimo lid ku ah Gogosha Somaliyed ee Garowe ama lagu taageeri doono,waxaase la ogsoon yahay in MW Xasan isku dayay fashilinta Gogoshaas.
The UN Security Council has recommended that Ethiopia and Somalia seek resolution through regional bodies, redirecting the dispute over last month’s sea-access deal to the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the African Union (AU). Ethiopia, emphasizing economic factors, regional integration, and peace and security, expressed its stance during the UNSC meeting under the ‘Peace and Security in Africa’ agenda on January 29. Meles Alem, spokesperson for the Ministry of Foreign Affairs, revealed that Ethiopia has formally requested IGAD to convene another summit for dialogue on the sea-access agreement that has sparked tensions with Mogadishu. IGAD’s official response is pending…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron,ayaa sheegay in Iran lala Xisaabtami doono. UK iyo Mareykanka;ayaa sii wada duqeymaha Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3f8zsMBAw3E?si=VXmeDznnTS362KI-
Wajigii Sedexaad ee duqeymaha,waxaa lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaala Wadanka Yemen. Maraykanku,waxa ay sheegeen in ay burburiyeen lix Gantaal oo ah Lidka Maraakiibta oo ay Xuutiyiintu isu diyaarinayeen in ay adeegsadaa. Waxa jiray weerarro xagga cirka ah oo habeenimadii la soo dhaafay lagu qaaday Xuutiyiinta, waxa jiray duqeymo xagga cirka ah oo habeenimadii Jimcaha lagu qaaday 85 bartilmaameed oo ku yaala wadamada Suuriya iyo Ciraaq. Maraykanka,ayaa weeraradan uga jawaab celinayay weerarkii Askartiisa lagu laayay ee ka dhacay Jordan. Halkan ka akhriso:- https://youtu.be/G1s4OxsmSUY?si=Pqs73CtrWno9MoIm
Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan,ayaa sheegay in ay jiri doonaan tillaabooyin dheeri ah oo Mareykanku jawaab uga bixinayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Urdun ay ku dileen Saddex Askari Axadii lasoo dhaafay. Sidoo kale duqeymo cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen dowladda UK oo lagu beegsaday fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen. Mareykanka,ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay bartilmaameedyo ay Iran taageerto oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq. “Wixii dhacay Jimcihii wuxuu ahaa bilowgii, ma ahan dhammaadka, jawaabteena, waxaana jiri doona tillaabooyin badan – qaar ayaa la arkay, qaar laga yaabee inaan la…
Axmed Madoobe,waxaa muuqata in Caleentiisu Cirka kasoo dhacday oo Geedkiisii Siyaasadeed soo qalalayo…. 1.Kenya,way diidan tahay oo isbadal ayay JL la rabtaa. 2.DFS way diidan tahay,waxaana fashilmay qorshihii dhamaan DG wakhtiga loogu kordhiyay iyo hanaankii Doorasho ee lagu wada heshiiyay. 3.PL,waxaa kusoo laabtay Kursigeeda hogaamineed Deni oo aysan Caano isku lisayn. 4.Imaaraadku,waxaa soo kala dhexgalay madmadow,waxayna talada JL udaba fariisteen MW Deni. 5.Gudaha Kismaayo Shacabku waa ku daaaleen Maamulkiisa oo isbadal ayay rabaan. Haatan 8-da Bisha Xasan Shiikh,ayaa usocda Kismaayo,waxuuna kala hadlayaa sidii Doorasho udhici lahayd. Waxaa xusid mudan 6-dii Bilood ee ugu danbaysay,Axmed iyo Xamse in aysan isa salaamin.…
Madaxweynaha,waxaa laga codsaday in uu soo dadajiyo magacaabista Golaha Wasiirada… 1.Wasiirada haatan jooga oo intooda badan ay filayaan in aysan soo laaban doonin. 2.Dayac shaqo iyo wax is daba marin dhici karta. Balse Madaxweynuhu,wuxuu ku dooday…. 1.In uu rabo soo xulid Miisaanman oo wakhti heshay. 2.I n uu ka Gacan buuxsado oo uu xaliyo dhaliilihii ahaa macno yarida Wasiiradasii 5-tii Sano ee hore. Xogaha la helayo? 1.Wasiirka “A” ee Beesha Ciise Maxamuud,waxaa qaatay Suldaan Garaase iyo Abshir C. Huruse,waxayna ukeeneen Nin ka shaqeeya Hay’adaha QM. Wasiirka Labaad “B” ee Beesha Ciise Maxamuud,waxuu noqon doona Duulista Hawada,waxaana qaatay reer Faroole. 2.Wasiirka…
17-ka hogaan ee dhismaha Ciidanka Milleteriga Xooga Dalka Somaliyed 13-ka mid ah,waxay kasoo jeedaan Beesha Madaxweyne Xasan. Su’aalaha iswaydiinta mudan,waxay yihiin… Ciidan sidaa udhisan see loo oran karaa,waa mid Qaran? Ciidan sidaa udhisan see uga hor tagi karaan cadow shisheeye? Sidee Itoobiya looga hor tagi karaa hadii Ciidankii Qaranku yahay Hal Beel? Halkan hoose ka akhriso hanaanka dhismaha Ciidamada Milleteriga Somaliya.
Wadanka awood qaybsigiisu,wuxuu ku fadhiyaa Hab Beeleed ee kuma salaysna Hab Deegaan iyo mid Xisbiyo. Beesha Daarood saamigeeda,waxay xaq uleedahay in ay ku matalaan Dad uqalma oo matalaad leh. Cadkii ugu sareeyay oo ah Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada,waxuu MW Xasan ka dhigtay Wiil Gacan yare u ahaa oo Shaqadii Dastuurka Fadaraalku siinayay uu toos uqaatay isaga iyo Wiilka reer Burco ee ku xigeenka looga dhigay. Magac uyaal lagu buuxsho Kursiga oo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka saamayn badan yahay,ayaa laga dhigtay matalaada ugu saraysa awood qaybsiga Siyaasadeed ee Beesha Daarood. Sidoo kale,Wasiiradii awood qaybsiga ku matalayay,waxaa laga dhigay Wasaarado aan miisaan lahayn,Labadii…
Haduu imaan waayo Shirka Garowe-3 ee Somali lagu badbaadinayo loo joojin mahayo. Shirku,waa qabsoomayaa,waxaa kasoo qaybgalaya Maamulada,Siyaasiyiinta,qaybaha Bulshada Somalida oo idil iyo Beesha Caalamka,waxaana kasoo baxaya qorshe Wadanka horay loogu socod siinayo…. 1.Hanaanka loo marayo Qabyo tirka Dastuurka,ayaa si caqli gal ah layskula fariisinayaa. 2.Hanaanka Doorasho ee wadanku galayo,ayaa laysla eegayaa. 3.Dhismaha Ciidan Qaran,ayaa laysla fariisinayaa. 4.La dagaallanka argagixisada,ayaa la dul istaagayaa. 5.Midnimada Dhuleed iyo Bulsho,ayaa la xoojinayaa. Xasan talada Dalka kaligii maleh loogamana harayo ee waa lagu qabsanayaa oo lala jihaynayaa. Si gaar ah,mudo xileedkiisii waa gabagabo marka lasoo gaaro xilligan oo kale Dowlada markaa jirtaa,waxay lumisaa maqaamka awoodeed…
Shaqo wacan,ayuu qabtay Madaxweyne Deni. Sidaa haduu Wadanka kuwado oo Nabadoonka Umada mideeya ahaado waa guulaysanayaa. Haka fogaado qaraaba kiilkii,xiditinimadii iyo Dowladnimadii Xaafadaha ku dhex wareegaysay. Fursad weyn,ayuu haystaa oo uu taariikh uga tagi karo Kuna dhamaystiri karo hankiisa. Boqor Burhaan iyo Bahdir waa la heshiiyay. Suldaan Garaase iyo Abokor Ciise waa la heshiiyay. Mudug iyo Bari maahdcin,ayuu ugu tagayaa. Sanaag iyo Sool waa booqanayaa dhawaan. Midaynta gudaha PL ,waa Shaqada ugu horaysa ee hortabinta ah. JQ.
Guul-darro kale,ayaa la soo daristay Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska,gaar ahaan dhanka nidaamkii dib u celinta Dadka Ingiriiska ka dalbada magan-gelyada. Laanta Socdaalka Ingiriiska ay soo saartey War-murtiyeed sheegaya in Qaxootiga isa soo dhiiba ee ka soo jeeda Turkiye aan lagu celin karin Dalkooda. Arrintan ayey Laanta Socdaalka Ingiriiska ku sheegtay in Dadka Wadankaasi lagu celiyo ay naftoodu khatar geli karto.
Baarlamaanka Itoobiya,ayaa meel mariyay markale xaalad deg deg ah oo lagu sii hayo Gobolka Amxaarada. Dagaalo culus,ayaa ka socda Gobolkaas,kaasoo udhaxeeya Ciidamaad Milleteriga iyo kuwa Maleeshiyada Amxaarada. Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobolkaas,ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada laga awood roonaaday oo Maleeshiyada Amxraadu dib usoo ceshteen Dhul badan. Tan iyo markii Abiy xukunka qabtay,waxaa Itoobiya ka socda colaado sokeeye.
Baarlamaanaka Itoobiya,ayaa la filayaa in uu fadhi deg-deg ah ka yeesho waxa laga yeeli lahaa xaaladda deg-deg ah ee Lix Bilood ka hor la soo rogay. Xaaladaas,ayaa lagu soo rogay Gobolka Amxaarada. Baarlamaanka,ayay ubadan tahaya in uu sii dheereeyo xaaladdii deg-dega ahayd ee lagu soo rogay Gobolka Amxaarada,taasoo Todobaadkan ku eg.
Dab xoog leh oo ka dhashay Qarax uu sababay Gaaska Cunnada lagu karsado,ayaa keenay dhaawaca ilaa 300-Qqof sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warramayso. Afhayeenka xukuumadda wuxuu sheegay in Gaas la saarayey Gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay Qaraxa,iyadoo Dab xoog leh uu cirka isku shareeray. Ilaa saaka waaberigii shaqaalaha dab-damiska;ayaa la tacaalayey sidii ay u bakhtiin lahaayeen Dabkaas oo xalay saqdii dhexe ka billowday Xaafadda Embakasi.
“Hadii Xasan Shiikh laga yeeli Maanta in uu siduu doono ka yeelo Dastuurka Berrina kan ka danbeeya,ayaa siduu doono ka yeelaya”Ayuu yiri CC Sharmarke “Dhibaatada Wadanka haysata,waa Baarlamaanada heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed”Ayuu yiri RW Cumar Cabdirashiid. Waa hadal waaqiciya oo uu xaqa ku adimay Cumar. Dastuurku,waa hantida kaliya ee Ummdan ay haysato oo laga midaysan yahay,haduu carqaladoobana,waa kala tagii ugu danbeeyay. JQ. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sc06k1Aq32U?si=SP3cEKYNg3xRB1vz
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, ayaa Khamiistii sheegay in aanu Maraykanku u dulqaadan doonin, tallaabooyinka noocaas ah. Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu warbaahinta la hadlo, tan iyo wixii ka dambeeyey markii cusbitaalka la dhigay, bilawgii bishii January. “Waa inaan ka geysanaa gacan ka kulul tii hore”Ayuu yiri Xoghaye Austin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey, waxa keenay in Maraykanku uu la daaho in uu jawaab adag ka bixiyo weerarada. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/FoXPpsKQsFY?si=JOOVaweHR7EPfN2M
Iran,ayaa bilowday dhismaha afar Warshedood oo kale oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi. Wershedahan ayaa la filayaan inay soo saaraan Tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda Wararka Dalka Iran ee IRNA. Iran,ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta Nukliyeerka oo gaaraysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaaro sannadka 2041. Iran,ayaa haatan leh Hal Wershed oo ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka, taas oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wersheddani ay shaqada bilowday Sannadkii 2011,kadib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka. https://youtu.be/SxF-szcg2mo?si=wCCocmMGSLMYoZHh Iran,ayaa sidoo kale Warshad weyn oo ku…
Hay’adda Nabadsugida Xamar ee NISA,ayaa ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo sheegtay in ay ka xirtay kooxda Al-shabaab. Website-yada NISA ay soo bandhigtay,ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda. Wasiir ku xigeenka warfaafinta DFS Cabdiraxmaan al Cadaala,ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook mm “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin al Shabaab oo shaqaynaya”. Balse saacado uun ka dib markii ay DFS ku dhawaaqday xirista Mareegahaas,ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay. Waa wax muujinaya in Warkii DFS sii…
Dekada Garacad,waxaa Laga soo dajiyey Qalab ay leedahay isla Dekada Garacad iyo Qalab lagu dhisayo Wadada Wadaagsin ee Garacad-Goldogob. Dekada waxaa loo keenay Wiishash-Ka casriga ah ee Konteeranada Dajiya iyo kuwa Bagaashka lagu dajiyo. Qaybta Dhismaha Wadada Ee Shirkada Wadaagsin,waxaa usoo degay Baabuurta Xamuuulka qaada, kuwa Ciida qoda iyo qalab kale oo badan. Shaqada Dhismaha Dekada Garacad iyo wadada Wadaagsan ayaa si dar dar leh ku socota. Halkan ka akhriso:- https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1753143836820361360?t=aHtVtLmUQYpQpFQmhNZkdA&s=19
Xasan Shiikh iyo kooxdiisu,waxay ka shaqaynayaan fashilinta Sh gogosheeda PL fidisay. Waxay abaabulayaan in ay Dastuurka farataystaan oo nuqolo ka mid Baarlamaanka horgeeyaan si loo meel mariyo. Hadii Xasan Dastuurka taabto,iyadoo laga ballamay laguna heshiiyay in Shir layskugu yimaado,waxay ka dhigan tahay in uusan Rabin xal iyo wada socod Somaliyed. Villa Somaliya,waxa kaliya ee yaala,waa kala fogaynta Bulshada Somaliyed iyo dib udhac Dowladnimo. Puntland doorkii laga rabay,way qaadatay oo tanaasul iyo damqasho ayay muujisay,waxayna fidisay Gogol. Halkan hoose ka akhriso Cutubyada Dastuurka ee ay rabaan in ay dhexgalaan..
Kaddib markii Saddex Askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun,ayuu Madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas. Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, Madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo in aan dagaal ballaaran ku qaadno Bariga Dhexe’. Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka,waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay Tobanaan Askari. Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii…
Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas…
Haduu ka baaqdo socdaalka aadka loo sheegsheegayo ee nasashada ah Madaxweyne Deni,waa tala qaatay. Dad badan,ayaa kula taliyay in uusan safar gelin xiligan,sababtoo ah, Dadku aad ayay uga qabaan rajo waxqabasho oo balaaran. Tagistiisa xilligan,waxay muujinaysaa Laba arimood oo kala ah…. 1.Jileecuusan Shaqada adag ee Siyaasada ulahayn adkaysi. 2.Xurmo daro iyo damqasho la’aan Dadka iyo Dalka. Muxuu ku luminayaa? 1.Taageero badan oo uu hada haysto. 2.Fursado Siyaasadeed oo uu ka faa’idaysan karo. Ugu yaraan haduu baxayo MW,waxaa qurxoon magacaabista Wasiirada kadib iyo isagoo wakhti kooban maqnaada. Waxaa kaloo muhiim ah…. B.In uu Dadka la hadlo marka uu baxayo. T.In uu…
Amniga Caasimada?! Eedayn aan wadan aragti wax lagu saxo macno ma yeelato. Sidoo kale eedayn aan waaqiciga Dhulka yaalla ku salaysanayn qiimo maleh. Aragtidayda Gacanta loogu qaban karo Amniga Caasimada Puntland ee Garowe,waxay tahay….. 1.In la yagleelo Talis gaar ah oo la yiraahdo (Amni Caasima). 2.In loo sameeyo Agaasin Amnigaas maamula. 3.In loo diyaariyo Ciidan ugaar ah. 4.In Gaadiid,Qalab iyo Dhaqaale loo diyaariyo. 5.In Agaasinka Amniga Caasimada laga dhigo waax hoos timaada Madaxtooyada oo la leh Awaamiirta iyo Miisaaniyada. Qiimayntayda,waxaa ku filan Dad ahaan Agaasinkaas 500-Askari oo iskugu jira Ciidan Labisan,sirdoon iyo Taraafiko ah VIP. Dhaqaale ahaan,waxaa ku filan Mushahaar,Dayactir,Qalabayn…
Shir Guddoonka Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland,ayaa heshiis iyo is-afgarad ka gaaray khilaaf dhawaan ka dhex curtay kaasi oo ka dhashay Xeerarka Dooraashooyinka,sida ay Warbaahinta u sheegeen Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiilada… 1.In Golaha Guurtida ay Xeerka dib ugu celiyaan Madaxweyne Biixi. 2.In MW Biixi, dib ugu soo celiyo Golaha Wakiillada Xeerka oo iyaguna ay u sii gudbiyaan Guurtida. 3.In Golaha Guurtida dib ugu soo celiso Golaha Wakiillada,kadibna Golaha Wakiilladu ugudbiyaan MW Biixi. 4.In aan Golaha Guurtidu fasax gelin muddada hawsha lagu dhammaynayo oo la filayo in ay koobnaato. Is afgaradkan,ayaa noqonaya mid soo afjaraya murankii udhaxeeyay Labada Gole,Xisbiyada…
Puntland,waxay muujisay masuuliyad iyo damqasho ay uhayso dhismaha Dowladnimada Wadanka. Tanaasul iyo dabacsanaan ayay la Shir timid,taasoo xoojinaysa doorkeeda Dowlad dhiska Somaliya. Madaxweyne Deni hadii Shalay Dadka qaarkiis ku eedaynayeen Nin aan tanaasulin,haatan,wuxuu muujiyay tanaasul. Madaxda DFS dhankooda,waxaa laga rabaa in ay la yimaadaan tanaasul,damqasho iyo hogaamin sare. Sinjiga Somaliga ah si loo ilaaliyo Dhulkiisa iyo Dowladnimadiisa,waxaa xilligan hor tobin uleh Laba Qodob oo kala ah…. 1.Qabyo tirka Dastuurka KMG ah. 2.Dhismaha Ciidan Qaran. Madaxweynayaashii hore ee kala ah Sh.Shariif iyo Farmaajo,ayaa si buuxda utaageeray Gogosha Somaliyed ee ay Puntland fidisay. Puntland doorkeedii waa qaadatay ee hala helo doorka Somalida…
Garoowe, January 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland. Aqoon iswaydarsiga waxaa lagu baran doonaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, kormeerada iyo korjoogteynta Hay’adaha Dawladda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan mudada uu socdo, kaas oo ay qabtay Hay’adda Max Planck Foundation. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada…
Taliska dhexe ee Mareykanka,ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday Gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe,ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta,waxayna sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan Gantaalkaas. Afhayeen u hadlay kooxda Ansaarullah ee Yemen ayaa sheegay in ay Badda Cas ku weerareen Markab USS Greeley. Qoraal ay soo saareen Maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan Maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan. https://twitter.com/CENTCOM/status/1752484621281796148?t=8z9UEqdW5SMZHN2sd4OZcg&s=19
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain David Cameron ayaa sheegay in ay u badan tahay in Britain ay u aqoonsato Falastiin wadan madaxbanaan. Cameron waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay in Falastiin la siiyo dowladnimo, si loo dhiiri geliyo xasillooni ka dhalata Gobolka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PhcGamJhJek?si=FalijZSMvP8Gqb-I
Waraysi qiimo leh oo ku saabsan dhawr arimood,ayuu bixiyay Cumar Cabdirashiid…. 1.Badda iyo damaca Itoobiya. 2.R.Galbeedka qaybta ay ku leeyihiin hanka Itoobiya ee Badda. 3.Abiy iyo waxa kusoo rooba. 4.Quwad shisheeye oo Sxb ah ma ubaahan tahay Somaliya?. 5.Somalida iyo siday Wadankooda ubadbaadsan karaan. Waraysi dhaxalgal ah oo Jiilkan iyo kan danbe anfacaya,ayuu reebay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Wy_enKSUaSg?si=BIVfPBcH0t_DBX29