UK Foreign Secretary Lord Cameron signals potential early recognition of Palestinian state during his fourth Middle East visit. This marks a significant shift in British policy, aiming to give Palestinians a “political horizon” for peace. The move, described as “historic” by the Palestinian mission in London, may see UK’s formal recognition at the #UN, deviating from the traditional stance of recognition as a final peace deal outcome. Critics, including former minister Theresa Villiers, express concerns over rewarding Source: BBC
Author: Jibril Qoobey.
Historical Context: The rise of piracy off the coast of Somalia can be traced back to the early 2000s when the country was experiencing political turmoil and lacked a functioning central government. This created a power vacuum that allowed pirate groups to flourish. Economic Motivation: Somali pirates often resorted to piracy as a means of economic survival. Poverty, unemployment, and lack of economic opportunities were significant factors driving some individuals to engage in piracy. The potential for large ransom payments from hijacked ships was a strong incentive for many pirates. International Response: The international community, including various naval forces, responded…
Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni. Arimo ay ka wada hadleen,waxaa ugu weynaa,sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha Samafalka,ayaa codsaday in lagu taageero dhaqaale xoog leh oo ay wax uga qabtaan baahiyaha gargaar ee Somaliya Sanadka 2024. “Waxaa loo baahan yahay $1.6 bilyan oo doollar, si loo caawiyo 5.2-Milyan oo Soomaali ah oo u baahan badbaado.”Ayay ku yiraahdeen Qoraal kasoo baxay. Halkan ka akhriso:-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa maanta lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, wax ka yar laba toddobaad kahor inta aanay dalka ka dhicin doorasho laga xanibay xisbigiisa. Pakistan ayaa goobaha codbixinta la aadayaa Khamiista toddobaadka dambe, doorashadaas oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan ku shubasho, ayada oo Khan oo laga mamnuucay, sidoo kalena xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) lagu sameeyey cuburin xooggan. Khan ayaa kahor doorashada ku jira xabsi waxaana hareeyey kiisas maxkamadeed oo uu sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan. Khan ayaa…
Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee ay Puntland dhigtay, taasi oo uu aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1752369309693653418?t=L3coYLe6PfyZMyGyNm_hzw&s=19
Waddada 1-aad: In la duqeeyo Saldhigyada iyo Talyayaasha xulafada Iran? Tani waa waddada ugu macquulsan, waana mid horay Mareykanka uu isticmaalay. Waxa jira tiro badan oo ka kooban saldhigyo, bakhaarro hub ah iyo xarumo tababar oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya kuwaas oo ay leeyihiin maliishiyaadka tirada badan ee Iran taageerto. Maleeshiyaadkan waxaa tababara, qalabeeya oo maalgeliya ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka ee Iran (IRGC), laakiin qasab ma ahan inay iyaga maamulaan. Maraykanku wuu yaqaan cidda ay yihiin iyo meesha ay joogaan. Waxay si fudud u fulisaa weerarro badan oo gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyadan – laakiin tani ilaa…
Former Pakistan prime minister Imran Khan was sentenced Tuesday to 10 years in prison, less than two weeks before the country votes in an election his party has been hamstrung from contesting. Pakistan goes to the polls next Thursday in an election already marred by allegations of pre-vote rigging, with Khan barred from running and his Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) party subject to a massive crackdown. In the run-up to polling day Khan has languished in prison, buried under an avalanche of court cases he says have been triggered to prevent his return to office after a campaign of defiance against…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti,ayaa shaacisay codsi rasmi ah oo uga yimid Itoobiya oo ku saabsan in la qabto shir aan caadi ahayn oo ay Is kugu yimaadan Madaxda IGAD. Itoobiya waxay doonaysaa inay caddayso mowqifkeeda ku aaddan arrimaha Gobolka ee hadda taagan gaar haan xiisada kala dhaxeyso Somaliya. Shirkan,waa in uusan tagin MW Xasan oo hoos loo dhigaa sidii Abi hoos ugu dhigay Shirkii Somaliya ay codsatay. Sidoo kale,waa in aan la hor fariisan Itoobiya ilaa ay cadayso in ay ka noqotay xadgudubka Qaranimada iyo Midnimada Somaliyed oo ay bixiso raaligelin buuxda. Halkan ka…
Ilhaan Cumar kama duwana Dadka Maraykanka ah ee asalkoodu Yuhuuda kasoo jeedo ee utaagan ilaalinta danaha Dowlada iyo Dalka Yuhuuda. Sidoo kale kama duwana Siinga Siinga ah Canada ee udooda xuquuqda Siinka ee Hindiya. Eraygeeda ah Dowlada Maraykanku saan rabno ayay yeelaysaa waa asiibtay,waxayna ku salaynaysaa si la mid ah Yuhuuda Maraykanka oo say rabaan loo yeelo,waxaana keenaya saamayntooda. Somalida Maraykanku haday sida Yuhuuda isku abaabulaan way samayn karaan saamaynta Yuhuuda ee Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Maraykanka. Ilhaan eraygan waxba ma yeelayo,taa badalkeeda,wuxuu kor usii qaadayaa sumcadaeeda iyo maqaamkeeda. Si macno leh ayay uhadashay Ilhaan Cumar. JQ.
Dowladda Mareykanka,ayaa shaacisay magacyada Saddexdii Askari ee looga dilay duqeyntii Axadi ka dhacday Jordan. Saddexdaas Sarkaal,ayaa kala ah: 1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah. 2.Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo 3.Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah. Mareykanka ayaa weerarkaasi ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee garab ka haysta Iran. Pentagon-ka Mareykankana, waxaa uu sheegay inay qaadday ‘raadka’ ururka Kataib Xisbullah. Isla waaxda difaaca Mareykanka ee Pentgone-ka, mar kale waxaa uu ku celiyay, in Mareykanka uusan dooneyn dagaal uu la galo Iran. ‘Ma dooneyno in aan iclaaminno dagaal,balse tallaabo,ayaan qaadi…
Shalay Abaaro Duhurkii Tuulo u jirta Balidhidhin 25 Kilomitir dhinaca Dhadaar,ayaa lagu dhuftay 2-Gantaal Maleeshiyada Daacish. 100-ka mid ah Maleeshiyadooda,ayaa lagu dilay,waxaana laga gubay Gaadiid Dagaal oo gaaraya ilaa 7-Gaari. Haatan,waxaa socda dagaal udhexeeya Labada kooxood ee Nabad diidka ah,waxaana Gacan sareeya kooxda Daacish. Deegaanada ay ku dirirayaan kooxahan,waxaa ka mid ah…….. 1.Dhadaar 2.Dhaban caddo 3.Ceel ileed 4.Baraagaha Il 5.Cameero Weerarka Gantaallada ah;waxaa fulisay Dowlada Maraykanka. Jibril Qoobey.
Roma, Jannaayo 29, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay…
Golaha Ammaanka ee QM,ayaa kulan ka yeelanaya xiisada u dhexeysa Somaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska ay la gashay SL. Muranka,ayaa ka dhashay kadib markii Itoobiya ay horraantii bishan heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland oo 30-Sano baadigoob igu jirta Madaxbanaani ay ka hesho Somaliya inteeda kale. Kulanka oo dhacaya isniinta maanta ah,ayaa looga hadli doonaa dhacdooyinka Geeska Afrika.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola. Abiy Axmed,ayaa lagu abaalmariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii. Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha. Ra’iisul Wasaaraha,ayaa u mahad-celiyay…
Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug lahayd weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhig Maraykanku ku leeyahay meel u dhow xadka dalka Urdun uu la wadaago Suuriya, kaasoo lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah. Mareykanka ayaa ku eedeeyay weerarka, oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, “kooxaha xagjirka ah ee Iiraan ay taageerto”. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray in uu aargoosan doono wuxuuna yiri: “Waan ka jawaabi doonnaa.” Waa markii ugu horeysay oo weerar lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ku sugan gobolkaasi tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa…
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya Shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka Cuntada,Dhaqanka,Waxbarashada iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Shirkaas,ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga,sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida Gobolka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Waddamada kale, ayay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Dhanka kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan Cuntada,Nafaqada iyo Hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha…
Garoowe, January 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023. Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan…
Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Somaliya,ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa Dowladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland. Agaasimaha Xiriirka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige,ayaa u sheegay in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba. “Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,”Cabdulqaadir Cali Dige,ayaa sheegay. “MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya,…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud. Dabcan waxaa muuqata Wasaaradaha Macnaha leh in MW Xasan dib udhigtay,kuwaasoo ka kala imaanaya…. 1.Qaar waxay ka imaanayaan arimo siyaasadeed oo dalka kataagan iyo mucaaradka Dawlada in lagu dajiyo. 2.Qaar waxay ku imaanayaan boosas banaan oo la buuxinayo sida nidaamka 4 5 ku dhigayo. 3.Qaar waxay ku imaanayaan Wasaaradaha oo loo kala badalo xubnaha qaar si Musharaxiinta Koonfurgalbeed iyo Galmudug jaanis loo siiyo. Dawlada Federaalku hada waxay xooga saaraysaa Jubaland Galmudug Hirshabele iyo koonfur galbeed inay ku yeelato saamayn ka balaaran mida hada…
Kulan gaabnaa oo ay yeesheen Labada Madaxweyne ee DFS iyo Puntland,ayay iskula afgarteen in ay wada shaqeeyaan. Sida wararku sheegayaan,waxaa jiri doona Shir ay wada yeelaanayaan Puntland iyo DFS oo looga xaajoon doono khilaafka jira sidii xal looga gaari lahaa. Shirkaas MW Deni,waxaa uu qorsheeyay in lagu casumo RW Xamse oo la siiyo doorka Saxiixa. Dhanka kale,isku shaandhayn,ayaa lagu samayn doonaa Golaha Wasiirada Fadaraalka oo lala sugayay Doorashadii Puntland. Sida wararku sheegayaan MW Deni waxay isla fahmeen MW Xasan in Wasiirka Arimaha Dibada ee haatan banaan ee lala sugayay Doorashada PL lagu badalo Wasiirka Maaliyada oo loo dhiibo Shaqsi ka…
MW Deni,waxuu ka galay door Nabadoonimo hawsha Ciidankan,waana lasoo afjaray xaalkooda. MW,wuxuu booqanaya goobta ay fadhiyaan oo uu kula hadli doono wakhtiyada nagu soo socda. Ciidankan,waxaa si khaldan u adeegsaday Aaran-jaan,iyagoo u isticmaalayay ku gaarista danahooda Siyaasadeed iyo dhaqaale. Horay,waxay uga reebeen Aaran-jaan Ciidankan Diiwaangelintii iyo tababaradii Ciidamada loo samaynayay. Haatan,waxaa muhiim ah in la sameeyo Afar arimood si loosoo afjaro oo aan mardanbe loo isticmaalin….. 1.In laga kaxeeyo Jimcaale. 2 In la Diiwaangeliyo oo la tababaro. 3.In Hubka waa weyn laga xareeyo. 4.In laga fogeeyo Caasimada iyo agagaarkeeda. MW Deni,waa ku amaanan yahay tanaasulka uu ka sameeyay arinkan. …
Roma, Jannaayo 28, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub. Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida…
Madaxweynaha Deni,ayaa kulan kula leh Jimcaale Gurriga Madaxweyne Faroole. Arimaha looga hadlayo kulankaas,ayaa,waxaa ka mid ah… 1. Bixinta Musharka Ciidanka 3-Blood 2. Shaqo gelinta Ciidanka. 3. Dib u habaynta Ciidanka iyo faylcelinta. 4. Celinta Gaadiidka ay dhaceen ee ay lahayd hayadda PMPF. 5. Wada shaqaynta Dowladda iyo Ciidanka Jimcaale.. 6. Soo afjarida xiisadiii Garowe. Ciidankan,waxaa si khaldan u adeegsaday Aaran-jaan oo ku khasbay in ay Caasimada Puntland oo caan ku ah amni ay ka ridaan Xabad. Haatan qorshihii Aaran,waa fashilmay,waxaana meel cidlo ah kusoo dhacay Ciidankaas. In lasoo afjaro oo la badbaadiyo Ciidanka waa muhiim. JQ.
Garoowe, January 28, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar. Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM). Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadceliyay shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Somaliya. Raisedon Zenenga hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020. Wuxuu…
Itoobiya wadda kasta ayey u maraysaa in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka Bad. Waxaan ku celinayaa Itoobiya Qof iyo Qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah,ayaa naga dhicin kara. Hoggaanka Dowlada waa in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaa, garaystaana in aan maanta ugu baahi badanahay…. 1- Midnimo iyo Wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta. 2- In Dadka Qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo,meeshana laga saaro hebel qancinta,kooxaysiga iyo Qof jeclaysiga. Xigasho:-C.C.Warsame.
Ujeedka qoraalku waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahawareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyadoo ku doodaysa in heshiisku uusan xadgudub ku ahayn gobonnimada iyo madaxbanaannida Soomaaliya,xiisadna ka dhex abuuraynin labada Dowladood dhexdooda,xasillooni-darrina ka dhalinaynin Gobolka,si taasi u meelmartana waxaa:- 1- Qoraalku lagu sheegay in Dekeddu tahay mid Ganacsi,maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay. 2- Wuxuu ka aamusay Ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka Saldhigga Milateriga. 3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen Dowladda Somaliya,si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland. 5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika…
Qoraalkan Dawladda Itoobiya,ayaa u dirtay Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 01/01/24 Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen,Nuxurkiisa,ayaa ah… 1- Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka Vadda,Ganacsiga,Maalgashiga,Beeraha, Caafimaadka,Ammaanka,Waxbarashada, Tamarta, iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. 2- Waxay kaloo sheegeen in ay Dowladda Somaliya ee Federaalka ah ogeysiiyeen, sidaa darteedna aysan meel uga dhicin xeerka Qaramada Midoobay iyo Midowaga. 3- Waxay kaloo Itoobiya sheegtay in Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uu Gacanta ku hayo arrinka,una magacaabeen Madaxweynihii…
Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa,ayaa Jimcihii shalay ku amaanay Maxkamadda Caalamiga in ay xaq u aragtay, xukunna ay ka ridday kiis dacwo ah oo ay ka gudbisay Israa’iil. ICJ,ayaa Shalay xukmisay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin ay uga fogaaneyso dhimashada dadka rayidka ah ee Qasa, islamarkaana ay u oggolaato gargaarka bani’aadnimo. Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Africa ay dhinaca kale si weyn uga niyad jabsantahay in maxkamadu aysan Israa’iil ku amrin in ay si deg deg ah Xabadda u joojiso. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BN32kKHguG8?si=SxRoerb_nC1O7mWw
Abiy’s administration should not repeat his predecessor’s miscalculation on Somalia. No amount of saber rattling or pressure will change Somalia’s position on its sovereignty and territorial integrity. Weeks after sparking a huge diplomatic dispute with Somalia for violating its sovereignty, Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed is still stubbornly refusing to openly accept his terrible blunder and change course. Instead, he has continued to issue word-salad statements that neither addressed Somalia’s core concern nor allayed the region’s fear about a possible military confrontation between his country and Somalia. Abiy’s memorandum of understanding with a disaffected clan leader to set up a naval base…
Madaxweyne Xasan,wuxuu ku wajahan yahay Berri foog Wadanka Talyaaniga oo lagu casumay Hogaamiyayaal ay ku jiraan isaga iyo Abiy. Hadii MW Xasan la fariisto RW Abiy,isagoon soo saarin Warcad oo uu ka qeexayo mowqifkiisa,waxay ku noqon doontaa fashil xun oo shaki abuuri kara. Xasan,wuxuu horay uga diiday Madaxweynaha Ugandha la kulanka Abiy,hadiise haatan lagu gaado ama wax looga badasho Shirka Talyaanigu abaabulay,waa dhabar jab ka dhan ah Difaaca Xuduudaha,Midnimada iyo Qaranimada Somaliyed. Wuxuu noqon doonaa Xasan khaa’inul Wadan,waxaana xoogoobi doona Xantii hore. JQ
Ma jeedin Abiy hadalkii laga sugayay in uu shaaciyo oo ku saabsanaa cadaynta mowqifka Itoobiya ee Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya. “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”Ayuu yiri Abiy. “Tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay”Ayuu ku daray hadalkiisa Abiy. Abiy hadaladiisii hore kuwo ka dabacsan,balse aan ahayn kii laga sugayay oo soo afjari lahaa heshiiska isfahan ee dhexmaray SL,ayuu jeediyay. Maraykanka,ayaa cadaadis ku saaray…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa soo geba-gebeeyay socdaal uu ku tagay afar waddan oo taageera dimoqraadiyadda oo Afrika ah. Blinken ayaa la kulmay madaxda Angola si uu u muujiyo sii kordhinta iskaashiga mashruuca kaabayaasha tareenka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZvsoQZy_C_0?si=p4T2S5s1_cnlfXEQ
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Qasa,laakiin Maxkamada ma dalban Xabbad joojin. Tallaabooyinkan,ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda. Dhageysiga dacwadda ka socota Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika…
Demeke Mekonnen, Ethiopia’s long-serving Deputy Prime Minister, who also doubles as Minister of Foreign Affairs since November 2020, is departing from both positions as early as today, Addis Standard has confirmed from a credible source close to the matter. Demeke, who is the third vice president of the ruling Prosperity Party representing the Amhara wing of the party has also been relieved of his position as of today. He is replaced by Temesgen Tiruneh, Director General of the National Intelligence and Security Service (NISS).
Waa ka degay Doontii Abiy ee sabaynaysay. Markii ugu danbaysay ee Mingiste jabayay,waxaa ka Fakaday Wasiirkiisii Arimaha Dibada ee xilligaas. Calaamadaha fashilka ayay muujinaysaa in Wasiirka Arimaha Dibadu ka tago Shaqada. Waxaa la ogsoon yahay in Abiy ku fashilmay Diblomaasiyada iyo xiriirka caalamka. Wasiirka iscasilay,wuxuu kaloo ahaa Ra’isalwasaare xigeen iyo Nin saamayn soo jireen ah ku leh Siyaasada Itoobiya. Rug cadaa weyn,ayaa iskaga huleelay kooxda Abiy. JQ.
Garoowe: 25, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa Madaxtooyada Garoowe kaga qayb-galay munaasibad lagu soo dhoweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029. Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda dowladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda…
Xaflad qurux badan oo si heer sare ah loosoo diyaariyay,ayaa uqabsoontay Ummadda Somaliyed Madaxdeeda iyo hormuudkeeda Dhaqan,Siyaasad,waxgaradnimo iyo Aqoon. Puntland,waxay markale xaqiijisay doorkeeda curadnimo ee Somaliya,iyadoo Madal iskugu keentay taladu inta ay ka go’do iyo kuwa ehelka u ah talada. Xaqiiqdii,waa muhiim in Somalidu isqaadato,midowdo oo isku tanaasusho. Somaliya Qaran Fadaraal ah oo Nooluhu karaamo ku dhex leeyahay waa yoolkeena. JQ.
Si fiican buu uhadlay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud. Arinka Dastuurka” Waxa la ansixiyay waa Habraacii ee mahan Dastuurkii,waxaana sheegayaa in Dastuurka ka hadalkiisii uusan weli bilaaban oo uu hada bilow yahay,isla markaana wakhti aan siinayno layskula fahmo waxa lagu qorayo ama laga badalayo”Ayuu yiri MW Xasan. “Dastuurka Qabyo tirkiisa Aniga ima qusaynayo ee wuxuu ka bilaabanaya Maalinka wax laga badalo Qofka iga danbeeya,waxba kama jiraan Xasan,wuxuu rabaa MW iyo ku xigeen in ay isaga iyo Xamse isku noqdaan”Ayuu yiri MW Xasan. Sharaxaad la fahmi karo oo wax ku ool ah,ayuu ka bixiyay muhiimada ay leedahay Qabyo tirka Dastuurka Wadanka.…
Puntland,waxay si rasmi ah ufidisay Gogol ay Somalidu kuwada hadasho oo waxay kala tirsanayso uga bogato kuna heshiiso. Madaxweyne Deni,ayaa ku dhawaaqay si rasmi ah Gogosha oo fidiyay. Erayo kooban oo uu ka jeediyay Xaflada Caleema saarkiisa,ayuu ku yiri.. “Waxaa ballan qaadayaa in aan Midnimada PL ka Shaqeeyo,waxaan kaloo ballan qaadayaa in aan Midnimada Somaliya ka Shaqeeyo,waxaana noo fidsan Golgol aan Somali udhignay”Ayuu yiri MW Deni. Somaliya oo isqaadata,is aqbasha oo iskuna tanaasusha waa muhiim. Jibril Qoobey.
Puntland-ta kale,waxaa lagu lahaa in ay Sool aragtideeda la dhex timaado Somalida kale,wayna samaysay oo Madal Somali ku dhan tahay ayay dhex keentay. Hadii Somalida kale ay kala kulmeen hadallo aan farxad gelin eeda maleh Puntland-ta kale. Dowlada Puntland,waxay taagan tahay aragtidiina waan aragnay Anagu ee Somalida kalana ula taga oo tusa. Waajibkaas waa gudmay. Jibril Qoobey.
Waa matalay Golaha fulinta ee DFS iyo Gobolka uu kasoo jeedo ee Somaliland. Si guud hadalkiisa markii loo qaato,wuxuu muujiyay Midnimo iyo Wadajir Qaran oo Somaliyed wax lagu badalan karo in aysan jirin. Marka laga soo tago xoogaa caadifad ah oo ka muuqatay hadalkiisa waliba markii uu Afhayeenka Dowlada PL uu khalday Magaciisa. Wuxuu qalmaa in Laascaanood lagu soo dhaweeyo la tuso ehelkiisa walibana Maxaabiista qaybta Askarta ah lagu wareejiyo si ay umuuqato karaamaynta Dadka Aaminsan Somaliweyn ee kasoo jeeda SL.
Garoowe, 25 January 2024, madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaaya Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 2024-2029.
Garoowe, 25 January 2024, Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay wakiilka Ergayga ah ee Qaramada mdoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing iyo Wafti ay hoggaaminayso oo ka qeybgalaaya xaflada Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.
Garowe,waxaa ku sugan 6-kamida Raysalwasaarayaashii soo maray Somaliya kasoo bilow. 1: Cali Maxamed Geedi. 2: Cumar Cabdirashiid. 3: Cabdiwali Cali Gaas. 4: Saacid Shirdoon. 5: Xasan Cali Khayre. 6: Maxamed Xuseyn Rooble. Sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda Dowlad Goboleedyada Somaliya… 1.Qoor-qoor. 2.Laftagareen. 3.Guudlaawe. Wafuud ka socota Dowladaha dariska ah.. 1.Jabuti. 2.Kenya. 3.Itoobiya. Safiirada Beesha Caalamka Safiiro,Aqoon yahano iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Somalida ee Qurbaha. Maalinka Berri ah,waxaa soo gaaraya Garowe wafti balaaran oo ka socda DFS oo uu hogaaminayo Xasan Shiikh. Sidoo kale,waxaa imaanaya Raysal wasaare ku-xigeenka Saalax oo isna hogaaminaya qayb kamid ah Wasiirada DFS. Dhanka…
Afar kamid ah Ra’isul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo soo gaaray magalaada Garoowe kuwaa oo ka qayb galaya caleemo saarka madaxda ladoortay ee Puntland. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1750175202246304052?t=dWVAUvF5v1ZWEABw18vu4Q&s=19
Garoowe: 24, Janaayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo weftigiisa waxay ka qayb-gelidoonaan Caleema-saarka Madaxda Puntland, kaasi oo Garoowe ka qabsoomidoona 25, Janaayo, 2024. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1750176922426810704?t=mMHOyzNNgTqxjDdbo9zAmQ&s=19
Waxa la meel mariyay waa Habraaca uu ku shaqaynayo Gudiga Dib u eegista Dastuurka. Qodobada la ansixiyay,waxay kala yihiin…… 1.Hay’adaha lala latashanayo. 2.aareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka. 3.Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka. 4.Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada. 5.Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag). 6.Nidaamka meel-marinta Dastuurka Dastuurka wax ka badalkiisa,waxay qaadan doontaa ugu yaraan Sanad kale ama Laba Sano hadiiba laysku raaco. Waxaa jira Qodobo ay khasab tahay in la taabto oo iska hor imaanaya,kuwaasoo ay ka mid yihiin… B.Magacaabida xilalka sare,sida Safiirada,Talyayaasha iyo Agaasimayaasha Guud oo Dastuurku siinayo Madaxweynaha iyo…
Milatariga Maraykanka,ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo. Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday…
Israa’iil,ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in 24 askarteeda ah looga dilay Marinka Qasa, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta. Waa mid ka mid ah maalmihii ugu xumaa ee soo mara ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu bilowday olalaha ay Israa’iil sheegtay in ay ku ciribtireyso kooxda Xamaas. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oRqHAe4LBqo?si=G4UKZ6HW0R7lVBru
Ciidamada RRU,ayaa kala cayriyay Dhalinyaro Hub ku urursanayey Xaafad ka mid ah Magaalada Burco. Qaar waa la qabtay,isla markaana qaar way baxsadeen,sida wararku sheegayaan. Beri ama Saadanbe,ayaa Golaha Guurtidu aqbalayaan soo celinta Madaxweynaha ee Xeerka Doorashada,kadibna,waxay galayaan 3-Bilood oo fasax ah,sidaana,waxaa ku baaqan doonta Doorashadii 2024 loo madlanaa. Cidamada RRU iyo Booliska caadiga ah,ayaa heegan la galiyey,si gaar ah Magaalooyinka Burco,Ceeri-gaabo iyo Xaafada Koonfureed ee Hargaysa. Sidoo kale Ciidan Beeleed Habarjeclo,ayay Dowladu qaramaysay,waxaana is afgaradka gaaray Caaqilo Beeshaas ah iyo MW Muuse Biixi. Waxaa muuqata in Muuse uusan wax weyn iskaga tirinayn Mucaaradka oo qayb ka mid ah ay isagaba…
Dastuurka: Kulanka Baarlamanka Labada Aqal ee loo madlan yahay 24 January 2024: Doodda kulanka wadajirka ee loo madlan yahay waxay khuseeysaa, hab raaca loo marayo Doodaha wax ka beddelka Dastuurka; lama beddelayo qoddobo Dastuuri ah. Go’aamaadii Madasha ee 27 May 2023 qeyb kama ahan doodda Arbacada.. Waxaa loo madlan yahay in labada Aqal meel mariyaan: 1) Hay’adaha lala latashanayo 2) Maareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka 3) Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka 4) Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada 5) Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag) 6) Nidaamka meel-marinta Dastuurka Qoddobada kore oo…
Caleema saarka Madaxweynaha Puntland,wuxuu dhacaya 25-ka Bishan. Wufuuda ka qaybgalaysa,ayaa kusoo qulqulaysa Puntland,waxaana ugu danbeeyay Madaxweynaha Hir-shabelle. Waxaa khilaafka Itoobiya iyo Somaliya dartiis uga baaqday Caleema saarka Madaxweynaha DDSI Mustafe Cumar,sida wararku sheegayaan. Sidoo kale Qoor-qoor,ayaa ka carooday M.xigeenkiisa jooga Garowe,waase laga qanciyay ugu danbayn. Madaxda kasoo qaybaglaysa,waxaa kaloo ka mid ah Madaxweynaha DFS iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya. Jibril Qoobey.
Muuse,wuxuu amray in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Baarlamaanka Somaliland,kadib markii ay soo xoogaysatay Mooshin ka dhan ah isaga. Ku dhawaad 65-Xildhibaan,ayaa saxiixay Mooshinka xilka looga xayuubinayo Muuse Biixi,sida wararku sheegayaan. Muuse,waxuu amar ku bixiyay in la xiro Baarlamaanka,wuxuuna udiray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Talyaha Booliska SL. Khilaafka cusub,waxaa dhaliyay Sharciga Doorashooyinka oo wax laga badalay oo uu Muuse ku celiyay Guurtida. Amnidarro gaarsiisan Gacan ka hadal,ayuu ku keenay khilaafkii hore Doorashooyinka SL. JQ.
Garoowe: 22 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo Wafdi uu hoggaaminayo, oo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland oo 25 January 2024 ka dhici doona Garoowe.
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad. Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Abdikadir Ali Dige, Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland,ayaa abaabulaya Mooshin ka dhan ah Muuse Biixi. Kulan ay ku yeesheen Hargaysa Caawa ku dhawaad 60-Xildhibaan,ayay isku raaceen in ay Mooshinkaas abaabulaan. Talaabadan,waxay ka danbaysay markii Muuse dib ugu celiyay Golaha Guurtida Xeerkii Doorashada. Muranka Doorashada,wuxuu Somaliland mar geliyay khatar amni markale oo uu dib usoo laabtana,wuxuu keeni karaa khatar ka badan tii hore. Balse,waxaa jira Ganacsato iyo waxgarad ka shaqaynaya isfahan. JQ.
Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Abiy xiriir lasoo sameeyay Madaxweynaha Kenya,isagoo ka codsaday in uu wada hadal siiyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh. Wararku,waxay sheegayaan in Ruto aqbalay codsiga Abiy uuna dhawaan imaan doono Muqdisho si u bilaabo dhexdhexaadinta. Xogo hordhac ah oo laga helayo arinkaas,ayaa sheegaya in Abiy laga maqlay ka laabashada heshiiskii isfahan ee SL uu la galay. Dadka Itoobiyaanka ah ee Siyaasada la socdaa,waxay kuu sheegayaan in Tigreega oo markan Sxb la ah Abiy ay arinkan ka danbeeyaan oo iyagu kasoo dhameeyeen dhanka SL. Inta badan Saraakiishii iyo Diblomaasiyiintii Tigreega,ayuu Abiy dib uhawlgeliyay,waxaana ka mid ah Gabre oo…
Qaraxyada Bosaso,waa kuwo la farsameeyay oo maxali ah,sida aan ku ogaaday baaris aan sameeyay. Waxaa laga sameeyaa Afka hore ee Qoriga Hoobiya,waxaana laga maamulaa oo lagu xiray Taleefoonka Gacanta,iyadoo Albaabada Xarumaha Ganacsiga la dhigo. Cida adeegsata ma’ahan argagixisada ee waa koox ka mid ah Ciidamada oo Siyaasadu saamaysay. Ujeedka ay ka leeyihiin,waa in Dowladu usoo istaagto iyo in ay ka dhigtaan xogo amni oo ay udiraan Gacmo shisheeye. Xalay,Qaraxii ugu danbeeyay goobtii uu ka dhacay,waxaa lagu qabtay Sarkaal ka tirsan Ciidamadaas. Bosaso,waxay ubaahan tahay dhawr arimood.. 1.Ciidanka Sirdoonka oo la xoojiyo Qalabkooda iyo Dhaqaalahooda. 2.Dhamaan Ciidamada gudaha ugu jira oo…