Author: Jibril Qoobey.

Axmed Madoobe iyo Xamse waxay ka caroodeen in aan loo casumin si la mid ah madaxda kale ee Caleema saarka kasoo qaybgalaysa. Laba hab,ayay Casuumadu ugaaraysay Madaxda,kuwaasoo kala ah… 1.E-mail. 2.E-mail iyo xiriir toos ah. Axmed iyo Xamse kaliya,waxaa gaaray casuumad Email-ka ah,waxayna sugayeen xiriir toos ah oo lala soo sameeyo mase dhicin. MW Deni,waa lagu kari waayay in uu toos ula xiriiro Xamse iyo Axmed Madoobe. Ka fogaanshaha Deni ee Labadan Nin,ayaa waxaa Baasiinka kusii shubay, Dhaqaale ay ku taageereen kooxdii Aaran-jaan ee Garowe Xabada ka riday iyo waliba Axmed oo usoo diray Rasaas. MW Deni,waxa uu qaadan waayay…

Read More

Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada PL ee Xubinta ka ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya,waxaa kasoo qaybgalaya Madax haatan xil haysa,Madax hore,Diblomaasiyiin iyo Bulshada qaybaheeda. Waxaa ka mid ah Madaxda kasoo qaybgalaysa… 1.Madaxweynaha Dowlada Dhexe ee Fadaraalka. 2.Madaxweynayaasha DG marka laga reebo Axmed Madoobe. 3.Madaxweyanayaashii iyo Ra’isalwasaarayaashii hore. 4.Wafuud Dowladaha Dariska ah. 5.Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka. Si gaar ah Safaarada Itoobiya ee Somaliya way kasoo qaybgalaysaa oo waxay ka mid tahay wufuuda casuman. In Safaarada Itoobiya lagu casumo caleema saarka Madaxweynaha Puntland ma’ahan wax lala yaabo,sababtoo ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya ma jarin xiriirkii Diblomaasi,isla markaana Wadanka kama saarin Safaaradii itoobiya,sidaa…

Read More

Abiy,heshiiska Somaliland uu la galay waxa ugu weyn ee ku qaaday kuna kalifay in uu iska indho tiro xeerarka caalamiga ah iyo waaqiciga jira waa carro. Xoguhu,waxay sheegayaan in uu si weyn uga carooday ka qaadistii Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya. Reer Galbeedka oo qaadista Cunaqabataynta Hubka iyagu fududeeyay,ayuu ku dhibaataynayay xadgudubka uu ka galay Madaxbanaanida Dhuleed ee Somaliya. Reer Galbeedku,waxaa rabaan in ay Somaliya dajiyaan oo Dowlad ka dhigaan,iyagoo qorshayaal kala duwan kawata,taasina waxay culays ku noqotay Dowladaha dariska ah,gaar ahaan Itoobiya. Horay,waxaa udhici jirtay in qaadista Cunaqabataynta Hubka Somaliya laga talo gelin jiray Dowladaha dariska ah,waana mida sababi jirtay…

Read More

“Masar ma ogolaan doonto wax khatar ku ah Somaliya iyo amnigeeda,hadii ay noo baahdaana waan tagaynaa”Ayuu yiri Sisi. Si cad waxa uu uga hor yimid isfahankii Somaliland iyo Itoobiya oo ku tilmaamay xadgudub Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliya. Masar marka laga soo tago Walaalnimada ay umuujinayso Somaliya,waxaa udheer loolan ay kula jirto Itoobiya oo ugu horeeyo Biyaha Wabiga Niil. Sidoo kale Baabul Mandab oo Itoobiya ay timaado,waxay u aragtaa khatar weyn oo Istiraatijayadeed oo iyada ka dhan ah. Lughaya,waxaa lagu tilmaamaa Albaabka Baabul Mandab in ay tahay sidaa daraadeed Masar ma aqbalayso in Itoobiya timaado halkaas,waxayna ka xigtaa dagaal toos ah…

Read More

Qaahira, Jannaayo 21, 2024- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah. Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo…

Read More

Puntland waajibkii ahaa in laysku soo dhawaado way fulisay oo waa aqbashay talooyinkii haldoorka Somaliyed ee ahaa tanaasul muujiya dhankiina. Waxay si rasmi ah ugu casuntay Garowe Madaxweyne Xasan. Hadaba,waxaa laga rabaa Madaxweyne Xasan in uu dhankiisa Kubada Dhulka dhigo,talada Miiska saaro Ummaddana isku soo celiyo. Si gaar ah xilligan baahi,ayaa loo qabaa Midnimada,isagana macno weyn ayay uleedahay in caalamku arko Puntland oo lagu soo dhawaynayo iyo Madaxdii Somalida oo wada fadhida oo Astaanta Calanka uwada istaagtay. Maanta haduusan MW Xasan ka faa’idaysan fursada Garowe dib uma helayo oo Labada Sano ee u haray,wuxuu ku dhamaysanayaa horumar la’aan Siyaasadeed iyo…

Read More

Dhawr arimood oo ay Dowlada Somaliya aysan qaadin ilaa iyo hada,waa ku saxsan tahay marka la qiimeeyo natiijada ka dhalan karta… 1.Hadii diyaarada la joojiyo,waxay taabanaysaa Shacabka Somaliyed ee caadiga ah,waxayna Dowlada Xasan galaysaa khaladkii ay gashay Dowladii Farmaajo ee ay JL Diyaaradaha uga joojisay,iyadoo Siyaasad ka eegaysa. 2.Hadii Safiirka la cayriyo,waxaa isna soo baxaya kan Somaliya ee Adis jooga,waxaana lumaya xog iyo xiriir loo baahan yahay helidooda. 3.Hadii Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Atmis laga saaro Wadanka,waxaan umuuqanaynaa Dad caadifadeed oo aan isxakamayn karin welina aan masuul noqon laguna aamini karin awood oo wax walba laga filan karo.…

Read More

Qaahira, Jannaayo 20, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah Khawaarijta Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar. Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo…

Read More

Weftiga Baarlamaaniga ah ee Jubaland ka yimid ma’ahan mid matalaya Maamulka ee waa Xubno si iskood ah uga soo qaybgalay Caleema saarka. Madaxweynaha JL masoo wakiilan iskumana ogayn aadista Garowe,sida ay ii xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah. Axmed Madoobe,wuxuu joogaa Kenya,waxaana gaaray Email casuumad ah,balse sida Madaxda kale ma jiro Xiriir toos ah oo dhexmaray Madaxweyne Deni. Caleema saarka haduu ka baaqdo Axmed waa tilmaan cad oo muujinaysa in ay si rasmi ah ukala tageen Axmed Madoobe iyo Puntland. Isimo iyo Siyaasiyiin,ayaa Deni kula taliyay in uu toos ucasumo Axmed Madoobe,waase ku gacan sayray siday xoguhu sheegayaan. JQ.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo la kulmay Xoghayaha Guud Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Halkan ka akhriso:- https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1748751935421714505?t=NrNs1WEGha4zaiSPyIkU_w&s=19

Read More

Agaasimaha CIA waxaa lagu tilmaamaa Ninka Afraad marka laga eego dhanka awooda Dowladnimo ee Maraykanka oo ah Quwada Dhaqaale iyo Milleteri ee caalamka. Imaanshihiisa Muqdisho ma’ahan mid fudud oo iska timid,waxayna xanbaarsanayd fariimo kala duwan oo dhamaantood Somaliya u ah hiil iyo garab. “Hadaan nahay Maraykan,waxaa naloo haysta in ay Gacantayada ku burbureen Dowlado Islaam ah oo badan marka waan idin dhisaynaa ee idinkuna isqabsada oo Dowladiina dhista”Ayuu ku yiri MW Xasan. Sidoo kale,wuxuu ka yiri xadgudubka Itoobiya.. “Abiy kama yeelayno in uu gudaha ugalo Somaliya,wuxuu ku lug yeeshay colaadii Tigreega iyo mida Amxaarada ma rabno in uu colaad kale…

Read More

Maalmihii lasoo dhaafay Somaliya,waxay u ahayd Maalmo wacnaa oo taariikhda galay oo waxaa muuqatay in ay soo noolaatay dibna ugu soo laabatay masraxyada caalamka. Somaliya,waxay muujisay qaangaarnimo,bisayl iyo fahan Siyaasadeed oo ka sareeya kii ay caanka ku ahayd ee sal fudaydka. Diblomaasiyadii 3000-Sano ee Itoobiya ayay ka dhigtay mid darbi jiif ah oo aan masuul ahayn khatarna ku ah amniga iyo wada noolaanshaha. Dalkan waa la daneynayaa oo Itoobiya ,waa la qaawiyay,waana uhiilisay Beesha caalamku Somalida. Caalamku,wuxuu muujiyay in Somaliya xilligan Siyaasada ahaan ka muhiim san tahay Itoobiya. Sidoo kale Gooni goosadkii SL ay 30-ka Sano soo waday Cod,ayuu Caalamku…

Read More

Ra’isalwasaarihii hore Shirdoon,ayaa soo gaaray Garowe si uga qaybgalo Caleema saarka Madaxweyne Deni. Horay,waxaa ujoogay Madaxweyne xigeenkii Galmudug iyo wefti la socda. Dhanka Dhaqanka,waxaa jooga Garowe Ugaaska oo hogaaminaya wefti balaaran. Madaxweyne Deni,waa lasoo marsiin waayay in uu toos ula hadlo Xamse iyo Axmed Madoobe oo uu ku casumo Xaflada marka laga soo tago Email-ka loo wada diray dhmaan Marti sharafta. Si rasmi ah,ayuu ficil ugu badalay fikradii ahayd Siyaasada PL haloo jiheeyo Maraeexaan markay timaado midaynta Beesha Daarood. Siyaasada,waxaa PL ku hogaamiya Madaxweynaha Kursiga ku fadhiya markaas,waana lagu khasban yahay meeshuu aado kaliya talaa lagu kabi karaa. Ogaadeen,waxaan dhisnay…

Read More

Garowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada. Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood. Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi,ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas. Labada Madaxweyne,ayaa ka arrinsan doona xaaladda Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Read More

1. Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. 3. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku…

Read More

Midowga Afrika waxay laba todobaad gudahood soo saareen Laba qoraal oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay heshiiskii isfahamka ee ay 1-dii bishan kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Baaqyadaas midkood waxaa soo saaray guddoonka midowga Afrika,halka kan labaadna uu soo saaray golaha nabadda iyo amniga. Wax badan kuma kala duwana labada qoraal, waxayna ka midaysan yihiin baaq ay u dirayaan Somaliya iyo Itoobiya, ayagoo ka dalbanaya in xiisadda la dejiyo, laakinse waxaa qoraalka dambe ku cusub in midowga Afrika uu u xil saaray madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu fududeeye ka noqdo wadahadal dhex mara Itoobiya iyo Somaliya.

Read More

Muqdisho, Janaayo 18, 2024: – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo ku saabsanaa taageerada madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan. Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo…

Read More

Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn. Shirkan ayay iskugu imaanayaan Madaxda Dalalka IGAD,waxaana looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Somaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamud iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac,ayaa shalay gaaray magaalada Kampala. “Madaxda Urur-Goboleedka IGAD,ayaa kaga arrinsanaya faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya”Ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Read More

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Agaasimaha CIA ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka. https://x.com/thevillasomalia/status/1747897116700148051?s=48&t=hsizehkWv5SWUmDOBnhADQ

Read More

Ra’isalwasaare xigeenkii Itoobiya Demeke Mokenen ee ay ahayd in uu hogaamiyo weftiga Hargaysa imaan lahaa Maanta,wuxuu joogaa Switizerland oo uu kaga qaybgalaya Shirweynaha World Economic Forum. Xubnaha Hargaysa gaaray,waxay kusoo galeen si tahriib oo kale ah,mana lahayn maqaam Diblomaasiyadeed iyo soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo,waxaana xataa lagu dhici waayay in la shàaciyo muuqaalkooda. Kadib ku celintoodii Adis,waxay dib usoo raaceen Diyaaradii Rakaabka siday si la mid ah Dadka caadiga ah. Loolankii Maanta ee booqashada Hargaysa,waxaa ku adkaatay Dowlada Somaliya oo si cad umuujisay in SL ay tahay Maamul iyada hoos yimaada. Abiy iyo Dowladiisa hab dhaqankoodan foosha xun wax macna ah…

Read More

Diyaarada ka degtay Hargeysa,waa midii Dadka caadiga ah ee Maalinlaha qaadi jirtay. Lambarka duulimaadkeeda,ayaa ah ETH372. Diyaarada weftiga siday ee dib loo celiyey,ayaa Lambarkeedu ahaa ETH8372. Xaqiiqdii waji gabax Diblomaasiyadeed,ayaa ku dhacay Dowlada Itoobiya,waxayna umuuqatay mid aan masuul ahayn ,waxayna Dad badan qabaan hadiiba ay ogayd in ay jirto awood celin karta weftigeeda in aysan fadeexadan raadsan. Dowlada Somaliya,waxay utahay talaabadan Sharaf iyo maqaam ilaalin Qaranimo. Halka Maamulka SL ay ku tahay fariin oranaysa “Anagaa idin xukunna”. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1747570445694451744?t=D9xKxCoo7_9ZkxYv7lrYUQ&s=19 JQ.

Read More

Awood Dowladnimo,ayaa loo sheegtay Maamulka Somaliland Saakay kadib markii Hawada laga celiyay weftigii sare ee Itoobiyaanka ahaa. Waa talaabo muujinaysa in nidaamka caalamiga ah aan la dhaafi karin oo laysku maamulayo. Somaliland talaabadan,waxay ku tahay waji gabax iyo dharbaaxo tusaysa maqaamkeeda Dowladnimo. Waxa kaliya ee ufuran Itoobiyaanka,waa in ay isticmaalaan Dhulka oo ay kasoo gudbaan Xuduuda. Somaliya saakay burhaanteeday muujisay. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka IGAD,ayaa dhacaya 18-ka Bishan,waxaana Qodobada Miiska usaaran ee looga xaajoonayo ay kala yihiin… 1. Somaliya vs Ethiopia 2. ⁠Sudan Conflict Hadii uu kasoo baxo Shirka go’aamo Itoobiya ka dhan ah oo taageero u ah Somaliya,waxay noqon doontaa in Itoobiya looga adkaaday IGAD oo Maqnaanshaheedu muujiyay diciifnimo Diblomaasiyadeed. Itoobiya,waxaa umacno badnaan lahayd in ay Madasha timaado oo ay ka dhex dagaallanto,balse waxay hada umuuqanaysaa in aysan haysan wax garab Diblomaasi ah. JQ.

Read More

Maxkamad Turkish ah ayaa maanta ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku talo-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muwaadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas maanta weriyey warbaahinta gudaha. Sidoo kale,waxaa lagala noqday Ruqsada Gaari wadida ee Turkiga muddo Lix bilood ah. Maxkamadda,ayaa ku heshay Maxamed Xasan Shiikh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023. Yunus Emre Gocer, oo ahaa Aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin…

Read More

Goor dhaweyd waxa qarax weyn laga maqlay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho. Qof goobjoog ah,ayaa sheegay in Qof walxaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay dibadda maqaaxi aan ka fogeyn Aqalka Dawladda Hoose. Gawaarida gurmadka degdegga ah,ayaa goobta gaaray, iyadoo la bilaabay in goobta laga qaado dadka waxyeeladu soo gaartay. Illaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay qaraxa, iyo halka uu bartilmaameedka. Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyagoo bilaabay baaritaan la xiriirra sida ay wax u dhaceen. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1747196603482460310?t=CLH9byrX2_Pmkz9STS7hsw&s=19 https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1747197426740482231?t=e1l7ArOdTgj8cKyiqgjXYw&s=19

Read More

Dib,ayaa loo furay xarunta weyn ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Bakaaraha iyo sidoo kale xarunta weyn ee Salaam Bank oo ku yaala isla Bakaaraha. Wararku waxay sheegayaan in Xassan Shiikh kulan la yeeshay taliyaha NISA, Mahad Salad, halka lagu wado inuu manta la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud. Cumar Cabdirashiid oo ka gadlay khilaafka Nisa iyo Hormuud,ayaa bartiisa Twitter-ka  kusoo qoray… https://twitter.com/OmarSharmarke/status/1747163066444210368?t=39OeHdvSfzdPnWktzJrZiA&s=19

Read More

Fariin ku socota DFS oo ku aadan Diblomaasiyada iyo ka faa’idaysashadeeda oo haatan lagu dhaliilay siday umaaraysay marka ay timaado heshiiska isafahan ee SL iyo Itoobiya. “Waa in aan lagu maaweelin Somaliya Shirka ay leeyihiin Madaxda IGAD ee ka dhacaya Kampala erayada ay ka mid yihiin,dhex dhexaadinta,is afgaradka iyo is dhex galka Gobolka, haddii aysan dhammaan dalalka xubnaha ka ah IGAD si aan leex leexad laheyn u taageerin mowqifka Somaliya,adeegsiga erayadaasi,waxay muujin karaan in Madaxbanaanideena iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay u furan tahay in laga hadlo”Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. JQ.

Read More

Maanta,waxaa tagey Hargaysa Talyaha Ciidamada Itoobiya Berhanu iyo Xubno kale. Berri,waxaa ku aadan Ra’isalwasaare xigeenka Itoobiya iyo wefti kale oo sare. Ra’isalwasaare Abiy,ayaa tagi doona Berbera Todobaadka danbe. Booqashadan,waxay qayb ka tahay heshiiskii Itoobiya iyo SL,waxayna hordhac utahay aqoonsiga SL ee Jamhuuriyad Madaxbanaan oo Itoobiya ay ku dhawaaqdo. Waxaa la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha Hargaysa iyo Hotel Maansoor. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’isalwasaare Abiy iyo wefti la socda,ayaa kusoo wajahan Somaliland Maalmaha soo socda. Abiy,ayaa Berbera booqan doona,waxaana halkaas lagu saxiixi doona heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya si rasmi ah. Wefti hordhac u ah booqashada RW Abiy,ayaa soo gaaray Hargaysa,waxaana hogaaminaya RW xigeenka Itoobiya. Waa markii ugu horaysay oo Ra’isalwasaare Itoobiyaan ah booqdo Somaliland. Booqashadan SL waxay uleedahay macno sare oo Diblomaasiyadeed,waxayna waji gabax ku tahay Dowlada Villa Somaliya. Sidoo kale,waxaa jira warar sheegaya in ku dhawaad 32-kun oo Askari ay Itoobiya udiyaarisay in ay gudaha ugalaan Somaliland,kuwaasoo aad uhubaysan. Jibril Qoobey.

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken,ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Taiwan William Lai kadib markii uu ku guuleystay doorashada, waxaana Beijing ay ku tilmaantay fariintaasi mid xadgudub ku ah Washington iyada oo khalad ku tilmaantay in uu xiriir aan toos ahayn la yeesho Taiwan. Lai oo ah hoggaamiyaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu ballan qaaday in uu Taiwan ka ilaalinayo waxa uu ku tilmaamay gardarrada sii kordhaysa ee Shiinaha, halka Beijing ay u aragto Taiwan in ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, si adagna ay ula dagaalanto dowlad kasta oo si…

Read More

Geerida Cabdirashiid Janan oo uu xaqiijinayo Ugaas uu waraystay Shabelle TV. Dilka Janan in uu ka danbeeyo Axmed Madoobe oo uu la fududeeyay Aadan Barre iyo Madaxa Sirdoonka Kenya,ayuu Ugaasku sheegay. Haday dhab noqoto Geerida Janan waxay noqon doontaa mid saamayn adag reebta oo colaad iyo kala tag dhex dhigta Beelaha Reer Jubaland. Halkan ka dhagayso:- https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1746843784006996017?t=wbGGNbjAs7a974addNfk8Q&s=19

Read More

Maleeshiyada Isbaarada dhigatay,waxaa dhaqaale ku bixinaya Xasan,isagoo usoo marinaya Sacdiyo Salaad Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Fadaraalka iyo Khadar Faroole oo La taliye ugu qoran. Ujeedka Villa Somaliya usoo abaabulayso qorshahan,ayaa ah in la carqaladeeyo Caleema saarka Madaxweyne Deni ee 23-Bishan. Waxaa lagu tilmaami karaa dagaal hoose oo aan macno samaynayn,balse sii kala fogaynaya Somalida,isla markaana dib udhac ku ah Dowlad dhiska Wadanka. Isma qaadan karaan udoodista Badda SL ay heshiiska kala gashay Itoobiya iyo colaad la abuurida Garowe ee Xasan wado. Horay,wuxuu uyiri 24 -Saac ayay PL ku burburaysaa?. Kadib,wuxuu Dhaqaale ku bixiyay fashilinta Doorashada Puntland,isagoo raba in aysanba Nabad iyo…

Read More

Cabdirashiid Janan iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Jubaland,waxay usoo socdeen Garowe. Sababta loo xirtay,ayay wararku xaqiijinayaan in ay tahay ka hortagida tagidooda Garowe. Mahad Salaad  Talyaha Nabadsugida Xamar iyo Madaxweyne JL Axmed Madoobe,ayaa si weyn loogu tuhmayaa Afduubka loo gaystay Siyaasiyiintaas reer Gedo. Axmed Madoobe, si gaar ah dib udoorashada Deni waxay ku noqotay Qalbi jab,wuxuuna si weyn uga wal wal qabaa in Garowe laga soo abaabulo Hogaamiyihii JL ee badali lahaa. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 13 Jan 2024 Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey dhigiisa Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo ka qayb gelaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Soo dhoweynta waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Mudanayaal heer Federaal ah, Ururada bulshada, Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka iyo masuuliyiin kale. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1746159887606825327?t=6n0sRwwALHqogyYDLnnJmQ&s=19

Read More

Habayaraatee wax aragti hogaamineed ah oo macno samaynaysa kama muujin arinka SL. Hogaamintu ma’ahan in xaalad la abuuro oo Shacab la kiciyo,isla markaana erayo adag la adeegsado… 1.Waa keeni waayay aragti lagu kala reebo Shacabka SL iyo Muuse Biixi. 2.Waa keeni waayay aragti ay kala dooran karaan reer SL oo ay uga tanaasuli karaan gooni goosadka iyo heshiiska Itoobiya. 3.Talaabooyinka uu qaaday waxay wax tar unmodernised Muuse oo umidaysay Shacabkii SL. 4.Hab beeleed oo nacayb iyo cunsuriyad ku fadhiya oo loo abaabulay ka hortaga heshiiska Itoobiya iyo SL. 5.Ka hortagii Somaliya ee damaca Itoobiya oo uturjumay mid Diimeed oo xataa…

Read More

Garoowe, January 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta…

Read More

Mustafa Cagjar oo ah Madaxweynaha Somalida DDSI,ayaa si weyn utaageeray heshiiska isfahan ee Itoobiya iyo SL. Su’aalaha lays waydiinayo,ayaa waxay yihiin… 1.Hadii SL oo ah Dad Somaliyed oo waliba iyagu Dhulka Itoobiya dagayso gaar uleh ay gashay heshiiska yaa laga difaacayaa? 2.Hadii Mustafe Cagjar oo Somaliya uu taageeray heshiiskan una arko mid faa’ido uleh Itoobiya oo ay ku jiraan Somalida Jigjiga,yaa laga difaacayaa? Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1745849066951446818?t=UAAuMkKFnihRIe0FGwKZeQ&s=19

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad uu salaadii Jimcaha ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada waxa uu ku sheegey in Soomaaliya aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo. Hadalkan ayaa imaanaya saacado kadib markii uu la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Ethiopia Redwan Xuseyn uu sheegey in diyaar u yihiin cagajugleyn, iyo eedeyn walba oo ka soo gaarta marinka Badda ee ay doonayaan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/shi1malMBsQ?si=P-9F_plnMwQ0bEVV

Read More

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska,ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay ku soo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo. “Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada…

Read More

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas. Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waa markii ugu…

Read More

As war clouds hover over the Middle East and the Persian Gulf tonight, Iran, Yemen, Qatar, Saudi Arabia, UAE, Djibouti, the US, and Israel all under high alert. British and Hebrew media are reporting tonight that U.S. and British warplanes all over Yemen, including several American spy planes that are also detected off the coast of Lebanon. American reconnaissance planes have also taken off from their military base in Qatar towards Yemen. President Biden is also reported back in the White House for an expected war announcement. Leaders of Yemen’s Ansarullah have responded to the war rumors by declaring that…

Read More

Laba fariimood oo wax ku ool ah,ayaa kasoo baxay kulankaas dhex maray Madaxweyne Deni iyo Madaxdii hore ee PL iyo heer Fadaraal.. 1.Qodob waa gudaha PL oo fariin midnimo loo diray Bulshada. 2.Qodobka kale waa fariin loo diray Madaxda DFS oo leh “Aan isku nimaano oo kawada hadalno arimaha masiiriga ah,isla markaana hakiya Qodobada saamaynta leh ee aad kaligiin wadaan”. Waa bilow Siyaasad degan oo uu muujiyay Madaxweyne Deni, kana talo galiyay hormuudka Siyaasada PL. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Wefti heer sare ah oo ka socda Masar,ayaa Axadii booqasho ku tagey Caasimada Somaliya ee Muqdisho. Sidoo kale wafti uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaaraha Masar Sameh Shoukry,ayaa booqasho ku tagay Dalka Eretereya,wuxuuna ugudbiyay Madaxweyne Asiyas dhambaal uu ka siday Madaxweyne Al-Sisi. Labadaas wefti,ayaa kala geeyay Labada Wadan Casuumado rasmi ah oo Madaxweynaha Masar ufidiyay Labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Eretereya sida wararku xaqiijinayaan. Masar,waxay aad udanaynaysaa in ay samayso isbahaysi xoog leh oo ka dhan ah Itoobiya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka Biyaha Wabiga Niilka ah. Sidoo kale Somaliya markan,waxay baahi uqabtaa garab istaaga Masar si ay uga hor tagto…

Read More

China Asserts Somaliland as Part of Somalia and Supports Somali Federal Government in Safeguarding Sovereignty Amid Somaliland and Ethiopia MOU Controversy. In a recent statement, China has reiterated its commitment to upholding the principles of the UN Charter and supporting nations in safeguarding their sovereignty and territorial integrity. Specifically addressing the situation in the Horn of Africa, China emphasizes that Somaliland is an integral part of Somalia. China stands firmly behind the Federal Government of Somalia, advocating for the protection of national unity, sovereignty, and territorial integrity. The statement comes in the wake of the controversial Memorandum of Understanding #MOU…

Read More

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Madal uu martiqaad ugu sameeyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowlada Puntland,ayaa sheegay in 23-ka Bishan ay dhacayso Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha. Markii hore,waxaa qorshaysnayd in ay dhacdo 21-ka Bishan,balse waxaa loo badalay 23-ka Bisha. 5-tii Sano mar waliba Bishan bartankeeda in xilka lakala wareejisto waa nidaam PL ka hirgalay. 16-17-ka Bishan Janaayo 5-tii Sanaba mar,waxaa 20-kii Sano ee udanbeeyay PL Madaxweynayaashu ku wareejiyeen xilalkii ay hayeen kuwo kale oo la doortay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1745527120833458364?t=fHS6QqF9aaWzXhT7DCJ2vA&s=19

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado sharaf iyo is-xogwareysi ah la qaatay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Ka hor Caleema saarka,waa talo sax oo lagu bogaadin karo Madaxweyne Deni in uu la fariisto Qof kasta oo waxtirsanaya oo uu furo Albaabada. Sidoo kale waa in doorkii PL ee Somaliya kadib doorashada oo mudo lagu mashquulay la muujiyaa oo Garowe layskugu keenaa Somali. Puntland oo isku duuban,waa in ay kawada…

Read More

Waa dhab Baarlamaanadii Puntland soo maray mid ka mid ah kuwii ugu qiimo badnaa,ayaa udhismay mudo xileedkan. Waxaa ku jira Dhalinyaro firfircoon,kuwo heer dhexe ah iyo Waayeel. Waxaa ku jira Dad Aqoon bilow ah leh,kuwo Aqoon dhexe wata iyo kuwo Aqoon sare leh. Waxaa ku jira,Dad khibrad Shaqo oo heer sare ah leh oo soo jireen ah,waxaana lagu tilmaami karaa Sadex Meelood oo meel in ay ka yihiin Baarlamaanka. Waxaa ku jira Dad qiyamkoodu fadhiyo oo ay ku weyn tahay Puntlander-nimadu ahna soo jireen la socda isrogroga Siyaasada Geeska Afrika. Madaxweyne Deni,wuxuu door ku lahaa soo dhisida Baarlamaankan,waxaana muuqata in…

Read More

Madaxweynaha Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD,ayaa kubaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya. Shirkan oo ka dhici doona 18-ka Bisha dalka Uganda,ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee Caalamka. Halkan ka akhriso:-

Read More

Garoowe: 11 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyna Dowladda Puntland…

Read More

Amiir Khalid bin Banda,ayaa sheegay in heshiisku soo dhowaa markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October. Sacuudi Carabiya,ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israa’iil in kasta oo Qasa uu ka jiro khasaare baaxad leh. Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto guul darro dhanka bini’aadantinimada ee Qasa, iyada oo beesha caalamku aysan ku filneyn joojinta dagaalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko mowqifka UK oo dhex dhexaad ka ah xaaladda sida waddamada kalana ula…

Read More

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, ayaa maanta dhageysaneysa kiis ka dhan ah Israa’iill oo ku saabsan dagaalka Qasa iyo duqeymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta. Dowladda koonfur Afrika,ayaa gudbisay dacwaddaan waxaana ay ka dalbatay Maxkamadda in ay ka baaraan degto go’aanka laga gaarayo arrintaan. Balse Israa’iil,ayaa si adag u diiday eedaymaha loo jeediyay.

Read More

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya. Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd. Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka qeydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula…

Read More

The helicopter was captured after it was forced to make an emergency landing in an area controlled by the armed group, according to international media reports. “I can confirm that there was an incident involving a UN-contracted helicopter that took place today in Galmudug in Somalia,” UN Spokesperson Stéphane Dujarric told journalists in New York at the regular daily briefing. “Response efforts are underway, but I think you will all understand for the sake of the safety of all those involved we are not going to say anymore at this point,” he said, adding that “our primary concern is for…

Read More

Garoowe: 10 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah Kula qaatay Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Read More

Dowladda Ingiriiska,ayaa sheegtay in Maraakiibteeda dagaalka iyo kuwa Mareykanku ay iska caabiyeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Marinnada Maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas. In ka badan Labaatan Gantaal iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn,ayaa la soo riday,wax dhaawac ah ama burbur ah lama soo sheegin. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay dhawaan u codeeyaan qaraar dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo weerarada. Shirkadaha xamuulka qaada ee ugu waaweyn caalamka ayaa aagga ka wareejiyey maraakiibtooda si ay uga fogaadaan badda cas. Falaagada ay Iran taageerto,ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan…

Read More