Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa weli ku jira isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Washington DC. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka,ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xoghaye Austin laga helay cudurka kansarka dhammaadkii bishii December, Kowdii bishanna isbitaalka loo dhigay infekshin ka dhashay qalliinkii December. Laakin xogta la xiriirta in Xoghayaha uu qabo Cudurka Kansarka,ayaa laga qariyay Madaxweyne Biden oo sidoo kale aan muddo saddex maalmood ah lala socodsiin in Xoghaye Austin uu ku jiro qeybta daryeelka degdegga ah ee Xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed.
Author: Jibril Qoobey.
Wararka ka imaanaya Gobollada dhexe ee Somaliya,ayaa sheegaya in diyaarad helikobar ah oo u kiraysnayd Qaramada Midoobay ay ku degtay Deegaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan Gobolka Galguduud. Deegaanka ay ku degtay,ayaa waxaa ka taliya Ururka al-Shabaab,waxaana dhowr Ilo-wareed sheegeen in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u Gacan galeen Ururka Al-Shabaab. Qaramada Midoobay kama aysan hadlin dhacdadan.
UN Helicopter Emergency Landing Turns Hostile: Al_Shabaab Takes At Least Seven Passengers Captive in #Galgadud. A United Nations helicopter, en route from Beledweyn to Wisil in Mudug, was compelled to make an emergency landing on the outskirts of Hiindheer town in Galgadud due to technical malfunctions. Unfortunately, at least seven passengers on board are reported to have been taken hostage by the #Al_Shabaab terrorist group, which controls the area. In response to this critical situation, the Somali Armed Forces are actively working to secure the release of the hostages. This mobilization follows the Somali federal government’s declaration of war against…
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen. Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon. Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay…
Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uu qabto Shir Saxaafadeed uu kaga hadlayo arimaha masiiriga ah ee Puntland iyo guud ahaan Somaliya… 1.In uu fariin wada shaqayn iyo midnimo uu udiro gudaha Puntland. 2.In uu fariin wada shaqayn udiro DFS iyo DG. 3.In uu fariin wada shaqayn udiro BC. Waxaa kaloo laga rabaa MW Deni Caleema saarkiisa in uu ka dhigo mid caalami oo uu ku casumo dhamaan Madaxda Somalida uu ugu horeeyo MW DFS uuna ku jiro MW JL. Si gaar ah BC waxay isha ku haysaa hab dhaqanka cusub ee MW Deni,iyadoo la og yahay in aysan ku faraxsanayn…
Garoowe: 09 January 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1744712075572560352?t=UOO_mvYgvtLRkN9xki0MYA&s=19 DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Madaxweyne Xasan,wuxuu isku marayaa dhowr Wadan oo muhiim ah Siyaasada Somaliya. 1.Eritrea. 2.Egypt. 3. Qatar . 4.Turkey. Ujeedka socdaalkiisa,waxay sheegayaan xogo lagu kalsoonaan karo,in ay ku salaysan tahay Laba Qodob oo kala ah… B.Dagaal Diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Itoobiya. T.Loolan Diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Imaaraadka. Xasan,waxaa horyaala loolan Siyaasadeed oo adag,kaasoo kaga imaanaya gudaha iyo dibada Wadanka,waxaana laga filayaa dhaqaaq Siyaasadeed oo weyn. Jibril Qoobey.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa dib u doorashada madaxweyne Deni ugu hambalyeeyay guud ahaan shacab reer Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa madaxweynaha Puntland alle ugu baryay in uu u fudadeeyo masuuliyada loo dooortay. Raisul Wasaarihii hore Ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Puntland oo maanta mar kale loo doortay Saciid Cabdulllahi Deni . Rooble ayaa madaxweynaha ugu duceeyay in uu alle u fudadeeyo masuliyaada culus ee loo doortay Sidoo kale Raisul Wasaarhii hore Ee Soomaaliya ayaa amaanay dhinacyadii ka shaqeeyay in ay si nabdoon ku dhacdo doorashadan. Madaxweynihii hore Ee soomaaliya Maxamed Cabdulllahi…
Madaxweynaha Dowlada Puntland 2024-2029. Yaa doortay? 12-Xildhibaan Gobolka Mudug. 18-Xildhibaan Gobolka Bari. 8-Xildhibaan Gobolka Sanaag. 15-Xildhibaan Gobolka Sool. Hal Guri oo ka mid ah Guryaha Olalaha Deni ka socdo,waxaa ku sugan 38-Xildhibaan. Musharax Cawad,wuxuu ku biiray Deni,wuxuuna qaatay heshiis. Wax dhaqaale bixiyay ilaa iyo hada,waxaa jira Guuleed Saalax oo Sadex Xildhibaan siiyay midkiiba $50-kun,kuwaasoo ka kala yimid Laba Nugaal ah iyo Mid Reer Bari ah. Kani galbay. Hanbalyo Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.
Maanta,waxaa ka dhacay Magaalada Boorame oo xarunta Gobolka Awdal bannaanbax markii hore loo soo abaabulay in lagu taageero is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee bishan kowdeedii ka dhacay Addis Ababa. Balse markii dambe,wuxuu isku bedelay banaanbixii mid lagaga soo horjeedo is-afgaradkaas. Dadka banaanbaxayeya,ayaa u badnaa dhalinyaro, waxayna socod ku mareen wadooyinka magaalada Boorama. Lugahaya oo ah Deegaan Xeebeedka laysku afgartay in Itoobiya ay ka samaysato Saldhig Badeed oo Ciidan,ayaa ku taal Gobolka Awdal,waana midaas mida macnaha gaarka ah. Bannaanbaxa,ayaa kusoo dhammaaday si nabadgelyo ah. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1744007065675169804?t=eGA8Y2jUvBMaWFzOjv4J0A&s=19
Ururka suxufiyiinta ee Somaliland,ayaa sheegay in laamaha amniga ee Somaliland ay xireen Saddex Weriye oo ka tirsan Telefiishanka MMTV xilli ay socotay dood lagu falanqaynayey is-afgaradka ee 1-dii bishan gaareen Itoobiya iyo Somaliland. Telefiishanka MMTV ayaa bartooda Facebook ku sheegaya in saxafiyiinta la xiray ay kala yihiin Maxamed Cabdi Ili oo ah guddoomiyaha MMTV, Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdullaahi Andar. Ururka suxufiyiinta Somaliland ayaa cambaareey xarigga weriyayaashaas.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu yahay hadal-jeedinta musharixiinta isu soo diiwaan-gelisay qabashada xilalka Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, kuwaas oo ay ku soo bandhigayaan qorsheyaashooda waxqabad oo ay ku hoggaamin doonaan Dawladda Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LFuxSEWpTgY?si=LwMYCPIdzJk5eklX
44-Cod Wareega 1-Aad waa macquul aad usareeya in uu Deni ku guulaysto Doorashada. Wareega 1-Aad,waxaa Caawa Garowe looga doodayaa in uu Deni heli doono waxa ku Laba jibaaran,isku darka waxa ay helaan Musharaxiinta oo idil. Tartamaha ugu soo dhow,waa Xasan Shire oo hoos uga dhacay sadaashii hore ee ahayd 15-kii Cod. Majiro Musharax bixiyay Dhaqaale ilaa iyo hada. Sidoo kale,waxaa ka jira dhaqaale yari laga dareemayo Garowe,iyadoo Musharaxiinta Deni kasoo horjeeda oo laga taageerayo Xamar aysan soo gaarin ballanqaadyadii dhaqaale,waxaana loo tirinayaa in Villa-du aamintay guusha Deni ee xooga badan. 80% Xildhibaanadu,waxay qabaan in tartanku udhaxeeyo PL masiirkeeda iyo danaysiga…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed…
11-Musaharax Madaxweyne iyo 11-Musharax Madaxweyne xigeen,ayaa isku diiwaangeliyay Doorashada 8-Janaayo 2024 ee Puntland. Halkan ka akhriso Magacyada:- https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1743635234141196398?t=9m-afTB8Q7XusczHH-qvHw&s=19
Dowladda Itoobiya,ayaa difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland. Ridwan Xuseyn oo ah la-taliyaha amniga Qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali waraysi uu siiyay TV-ga Qaranka Itoobiya EBC,ayaa yiri….. “Marka nalagu wareejiyo halka Saldhiga aan ka dhisanayno oo aan degno kadib,ayaan aqoonsanaynaa Somaliland” Markaad daawato waraysiga Lataliyaha Amniga Abiy,waxaa macquul kula noqonaysa Xogta sheegaysa in Abiy 7-jeer soo wacay Xasan oo uu ujawaabi waayay. Sidoo kale,waxaa kuu muuqanaysa in ay wax ka jiraan xogta kale ee sheegaysa in Itoobiyaanku ay leeyihiin,waan ka saaraynaa heshiiska Saldhiga iyo Kirada ee Dowlada Somaliya wada hadal hanala furto. Hadii isfahanku noocaan yahay SL…
Wefti uu hogaaminayo Muuse oo ay qayb ka yihiin Xisbiyada Mucaaradka,ayaa Imaaraatka iyo Maraykanka u baqoolaya Axada,sida ay noo xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoon yahay. Booqashadan waxay utahay Somaliland dadaal Diblomaasi oo macno leh marka la qiimeeyo xaalada cakiran ee uu wajahay isfahankii dhexmaray Itoobiya. Xogo,ayaa sheegaya in isfahanka Somaliland iyo Itoobiya ay dhabarka ka taagan yihiin Wadamo awood leh oo ay ugu horeeyaan Imaaraatka iyo Israa’iil. Jibril Qoobey.
“Itoobiya,waxaan leeyahay Muuse Biixi Dhul idin ma siin karo”Ayuu yiri MW Xasan. “Saami laga helo Itoobiyaan Airlines iyo Itoobiyan Telecom laguma badalan karo Dhul Somaliyed”Ayuu yiri markale. Waxaa muuqata in Bulshada Somaliyed meel ay joogtaba ka midowday Difaaca Badda Somaliyed iyo heshiiska isfahanka Itoobiya iyo SL. Sidoo kale Somalidu waxay garab istaag weyn uga heshay ilaalinta mudnimadeeda iyo Madaxbanaanideeda Qaran Beesha Caalamka. Halkan ka Daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1743276174086640010?t=cUOieHa9I-cuuxDtDPhdOg&s=19
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah oo soo dhoweyn iyo is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland iyo Guddoonka cusub ee ay shalayto doorteen. Madaxweynaha u hambalyeeyay Baarlamaanka iyo Guddoonkooda, wuxuuna u rajeeyay in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka hor yaalla oo ay ugu horeyso Diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee loo madlanyahay 08- January 2024. DHAMMAAD
Garoowe, January 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1743239465588384230?t=Jx2t8pcUYZgeHYDEcI4IYg&s=19 Guddoomiye Cabdirisaaq oo shirka furay ayaa Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Madaxtooyada, taas oo ku asteysan Isniinta 08/01/2024, haddii EEBBE idmo, iyadoo Goluhu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey. DHAMMAAD Halkan ka akhriso:-
Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1743242504860782879?t=yk2QANBUmo3B_vNd4m7FSQ&s=19 Halkan ka akhriso:-
Kadib Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka oo ugu qabsoontay Madaxtooyada siday uqorshaysatay,waxay ugudubtay qorshaha Labaad iyo Doorasahada Madaxweynaha…. Saadaasha hordhaca ah” Wareega 1-Aad. 1.Deni 29-Cod. 2.Xasan Shire 15-Cod. 3.Abshir Huruse 11-Cod. 4.Axmed Cawad. 7-Cod. Wareega 2-Aad? 1.Deni 36-Cod. 2.Xasan Shire 19-Cod. 3.Abshir Huruse 11-Cod. Madaxweynaha Dowlada Puntland 2024-2029. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa saadaasha hordhaca ah ee Caawa ay tilmaamaysaa. Jibril Qoobey.
Halkaa markay marayso Ciise Maxamuud ma midaysna Dhaqan iyo Siyaasiba,waxaana ordaya Siyaasiyiin tiro beel ah ismana salaamaan Labada Isin. Sidoo kale taageero kama haystaan Gobollada kale,taa badalkeeda,waa ka dirirayaan in uu xukumo hogaamiye Ciise Maxamuud kasoo jeeda. Hab dhaqanka Aaran-jaan iyo kor uqaadida Erayga ah “Taraha Anagaa leh” lagu daray Labadii dagaal ee Bosaso iyo Garowe,waxay usamaysay Siyaasiga Ciise Maxamuud rabitaan xumo Bulshada kale ee reer PL ah. Arinkaa,waxaa fahmay Faroole oo Deni dhisaya,Wiilkiisana uwata Wasiirka Maaliyada ee ‘A”. 21-ka Xildhibaan ee Bari ma siinayaan Codka Siyaasi Ciise Maxamuud ah. 11-ka Xildhibaan ee Mudug oo lagu daray 2-da Burtinle ma…
Midowga Yurub iyo UK waxay si cad ugarab istaageen mowqifka Dowlada Fadaraalka Somaliya ee ku aadan heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya. Dowlada Shiinaha,ayaa iyaduna aamusnaan hiil ah ku garab siisay DFS mowqifkeeda. Sida hada muuqata BC,waxay hiil umuujisay Midnimada iyo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyada Fadaraaliga Somaliya. SL waxay ku tahay dhabar jab Diblomaasiyada caalamka ee ka hor timid isfahanka dhexmaray Itoobiya. Dadka Siyaasada odorasa,ayaa qaba in SL arinkan ay uga faa’idaysato cadaadis ay saarto DFS wada hadalada usocda in ay miro dhalaan. Si gaar ah,waxaa u haboon SL in ay gorgortanto oo wax weyn uga badalato DFS cadaadiskan. Jibril…
Gudoomiye ku xigeenka koowaad waxa ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Baari Shire oo 39-Cod kaga guuleystay Xildhibaan Abuubakar Maxamed Cumar oo helay 26-Cod. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1742924729374368006?t=uS4snreYHovqvw4p00MxqA&s=19 Halka ku xigeenka Labaad uu ku guulaystay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ciise Awoowe,kaasoo helay 34-Cod. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1742924729374368006?t=cd4q2kHsjMRyX9y-m6ER1Q&s=19 Waxaa sidaas kusoo dhamaystirmay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Puntland.
Sida la saadaalinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland 5-ta Sano ee soo socota,ayuu si rasmi ah unoqday Cabdirisaaq Axmed Siciid. Wareega 1-Aad,ayuu ku guulaystay 37-Cod,halka Wareegii 2-Aad loo tanaasulay. Mursal oo ay riixayeen kooxaha Mucaaradka,gaar ahaan Aaran-jaan;ayaa helay 10-Cod,waana Musharxii ugu soo dhawaa. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowlada Puntland Abwaan Jibril,ayaa helay 8-Cod. Puntland,waxay yeelatay Gudoon Baarlamaan oo Sharciyad haysta. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1742845192460435822?t=POk5g5DjHEUVnFMM2BMHKA&s=19 Jibril Qoobey.
Majiro Hal Wadan oo ka turasan IGAD oo Somaliya ku garab istaagay go’aanka ay ka qaadatay heshiiska isfahan ee Itoobiya iyo Somaliland. Waxay muujinaysa sida Diblomaasiyada DFS dhulka utaal oo ay ukasban wayday haba yaraatee hal Wadan oo ku taageera ilaalsashada Midnimadeeda iyo Qaranimadeeda. DFS waa in ay ku cadaadisaa Dowladaha xubnaha ka ah IGAD in ay u istaagaan mabaadiida Midnimada & Wadajirka dhuleed ee uu qeexayo Dastuuradooda. Somaliya,waxay soo saartay Warqad cabasho ah oo ay ku diiday warka kasoo baxayIGAD ee ku aadan heshiiska isfahsn ee SL iyo Itoobiya. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Maraykanka,ayaa sheegay in isku dayada kala dhantaalida Midnimada ay dhaawacayso xaalka Geeska Afrika,ayna xooga sarayaan in xaaladda la dajiyo. Mareykanka,wuxuu cadeeyay in aysan sharci aheyn oo aysan aqbali doonin kala dhantaalida Midnimada JFS ee la qaatay 1960-kii, taas oo ay sheegeen in ay lama taabtaan tahay. Dawladda Mareykanka,waxay xaqiijisay in aysan aheyn wax sax ah heshiiskii 1-dii bishan lagu gaaray Itoobiya, kaas oo kala dhantaalayay Midnimada Somaliya, Itoobiyana ay doonaysay in ay ku xadgudubto Midnimada caalamiga ah ee Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1742644086342025529?t=xgy0yk8cIRiO8CX-fIpAHg&s=19 Jibril Qoobey.
Itoobiya,waxay shaacisay heshiiska ay la gashay Somaliland waxa uu ka kooban yahay. Qoraalka heshiiska isfahan ee Itoobiya iyo SL,waxaa lagu cadeeyay in hawshan mudo soo soocotay oo ay Labada Wadan faa’ido uwada tahay. SL in ay Saamilayda Ethioi airlines ka mid noqonayso iyo aqoonsi in lala raadiyo,ayaa ugu muhiimsan waxa lagu cadeeyay heshiiska. Heshiiskan,waxaa kaloo riixaya oo taageeri doona Wadamada US, Israel iyo Emirate. Heshiiskan Xasan,waa og yahay,waana Saxiixi doonaa marka ugu danbaysa. Ujeedka heshiiska,waa in la helo Saldhig looga duulo Xuutiyiinta lagana ilaaliyo Badda Cas inta udhaxaysa Somaliya iyo Yemen. Waxaa xusid mudan in Muuse Biixi maalmaha soo socda…
Labada Sadar ee ugu horeeya ayey ku cadaysay qiilka ay u haysato Aqoonsiga ay siinayso SL Todobaadka soo socda. “In ay dal ahayd la qoonsan yahay 1960-kii si iskeed ahna ula midowday Muqadisho,isla markaana dib ula soo noqotay Sanadkii 1991″Ayay qirtay. Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in heshiiskan mudo laga soo shaqaynayay oo uu Dan uyahay Labada Wadan. SL,ayaa Saami ku yeelanaysa Shirkada Itoobiyan Airlines,isla markaana waxay Itoobiya la baadigoobaysaa aqoonsi ay hesho. Halkan ka akhriso:-
Ururr Goboleedka IGAD oo Soomaaliya ay xubin ka tahay,ayaa War kasoo baxay ku muujiyay walaac xooganoo ka qabo xiisadda dhanka Badda ee Somaliya iyo Itoobiya. “Isaffgarad iyo walaalnimo ha lagu dhameeyo Xaalada taagan”Ayaa lagu yiri qoraalka dulucdiisa. Marka la qiimeeyo Luuqada Diblomaasi ee qoraalka kasoo baxay IGAD,wuxuu garab umuujinayaa Itoobiya,waxaana ay ka dhigeen arinka Badda wax lagu muransan yahay oo dood ku jira. Badda,waxaa iska leh Sharciyan Somaliya,heshiiska ay kusoo galayso Itoobiya maleh Sharciyad caalamiya oo SL weli mahan Wadan la aqoonsan yahay,waxay ku hoos jirtaa Qaranimada Somaliya. IGAD is diligently monitoring the situation and recognises the potential implications for…
January 3, 2024 (Djibouti, Djibouti): The Executive Secretary of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Dr. Workneh Gebeyehu expresses deep concern regarding recent developments in relations between the Federal Democratic Republic of Ethiopia (FDRE) and the Federal Government of Somalia (FGS). IGAD is diligently monitoring the situation and recognises the potential implications for regional stability. Given the circumstances, the Executive Secretary urges IGAD leaders to be seized, and appeals to the two sisterly countries to collaborate towards a peaceful and amicable resolution of the situation, upholding the shared values that unite the IGAD family. IGAD remains steadfast in its commitment…
Tallaabada koobaad ee ay qaadeyso Ethiopia,waa aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho Bad ay isticmaasho,”Ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, sida lagu baahiyay bogga BBC News Ahmaric. Waa hadal cad oo aan lee leexad lahayn oo uysan daah saarnayn. Hadalkiisa,ayaa sii xoojinaya isfahamkii dhexmaray Muuse iyo Abiy ee ahaa in 20-km oo Saldhig Milleteri ah oo Badeed ah laga kireeyo Itoobiya. https://www.bbc.com/amharic/articles/cxe6dlvnejeo
Saleh al-Arouri wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya marka la eego hoggaanka Xamaas – wuxuu ahaa hormuudka xagga siyaasadda iyo militarigaba. Ninkan oo da’diisu ahayd 57 jir,waxa uu ahaa ku xigeenka Madaxa Xamaas ee Xafiiska Siyaasadda, wuxuuna Gacan ka geystay aasaaska garabka militari ee kooxda, Izz al-Din al-Qassam Brigades. Wuxuu aad ugu lug lahaa weligiiba arrimaha Militariga kooxda Xamaas. Waxaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka koofurta Bayruut ku yaalla ee Dahiyeh, wuxuuna ahaa weerar si weyn loogu eedeeyay Israa’iil. Saleh al-Arouri,ayaa Xamaas ku biiray sanadkii 1987, wuxuuna Gacan ka geystay joogitaanka Militariga kooxda ee Daanta Galbeed ee la…
Somali President Hassan Sheikh Mahmoud, and Egypt’s President Abdel Fattah El-Sisi held a telephone call to discuss bilateral relations between the two countries. The two leaders discussed “ways of developing joint cooperation, continuing coordination and deepening in various fields, in accordance with the historical nature of relations between the two countries”, according to the Spokesperson of President El-Sisi and a readout from Villa Somalia. During the call, President El-Sisi “emphasized Egypt’s firm position to stand by Somalia and support its security and stability,” Spokesperson of President El-Sisi said. Similarly, President Hassan Sheikh Mahmoud called and spoke with Emir of #Qatar,…
2 Janaayo, 2024; HORDHAC. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu Janaayo 2, 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa…
“1-dii Janaayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,ayaa kala saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya in ay marin u hesho Badda”Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Arimaha dibedda Midowga Yurub. Waxaa kaloo lagu yiri Qoraalka…. “Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo dhan.”. Midowga Yurub,wuxuu umuujiyay Garab iyo hiil Madaxbanaanida Qaranimo ee Somaliya. Waxaa kaloo la filayaa in uu…
02.01.2024 EEAS Press Team On 1 January, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somaliland President Muse Bihi Abdi signed a Memorandum of Understanding on granting Ethiopia access to the sea. The European Union would like to remind the importance of respecting the unity, the sovereignty and the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia pursuant of its constitution, the Charters of the African Union and the United Nations. This is key for the peace and stability of the entire Horn of Africa region. CONTACT DETAILS NABILA MASSRALI Spokesperson for Foreign Affairs and Security Policy nabila.massrali@ec.europa.eu +32 (0) 2 29 88093 +32 (0) 460 79 52 44 JENNIFER SÁNCHEZ DA SILVA Press Officer for…
Xisbiga WADDANI waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan. Xisbiga WADDANI waxa uu ka digayaa wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed, waxaa Xisbigu sugayaa xogta rasmiga ah ee heshiiyada Madaxweynuhu ku saxeexay dalalka Djibouti iyo Ethiopia. Sida laga warqabo waxaa Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa khilaafiyo siyaasiya ah oo dhammaan waayay, isla markaasna ay faraheeda ka baxeen qaybo dhan…
Dhulgariirku wuxuu waxyeeleeyay 1,000 Guri oo ku yaal Magaalo Xeebeedka Suzu,iyadoo Duqa Magaalada, Masuhiro Izumiya, uu ku tilmaamay dhibaatada ka dhalatay mid “masiibo”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Suzu, oo ay ku nool yihiin 5,000 oo qoys, waxay ku taal meel u dhow xudunta u ah xudunta dhulgariirka Maalinta Sannadka Cusub. Dhulgariirka,ayaa sidoo kale waxyeeleeyay macbad iyo dhowr ka mid ah qabuuraha magaalada, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan ee NHK;hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_V0amCpHer0?si=0m42DaOmd7osJdkK
Dawladda Soomaaliya ayaa si xooggan uga soo horjeesatay Is-afagradka ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland. Kadib kulan uu yeeshay Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in is-afgaradkaasi uu yahay “waxba kama jiraan.” Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista…
Garoowe, January 02, 2024: Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Xasan Cabdalla Xasan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Maxkamadda Sare ee Puntland dhaarisay xubnaha Golaha Wakiillada ee ka maqnaa kulankii dhaarinta ee shalay, kuwaas oo dhamma 8 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhamaystirmay 66-da xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay. Intaas ka dib, waxaa Guddoomiyaha Ku meel gaarka ahi Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerkhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen. “Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.
Siyaasiyiinta hogaanka uhaya Saldanada Hargaysa,xaq ayay uleeyihiin in ay dheelaan Ciyaar Siyaasadeed oo iyaga dantoodu ku jirto. Wadaniyadu ma’ahan Cunsuriyad,cuqdad iyo Caadifad ee waa fahamka waxa dantu kuugu jirto. Somalidu maleh qiyam wada mideeya oo ay wada ilaalsadaan,waxayna kusoo ururtay hadafyadoodu Qabiilaysi iyo dan gaar ah,taasaana Hargaysa ufasaxaysa in ay teeda raacato. Hargaysa danaha laga leeyahay in ay ku badalato danaha ay leedahay kuma ceebaysna. Ilaa iyo hada hadafyo cad cad ayay ka duulaysaa oo macno uleh Hargaysa. Jabuti iyo Xamar,waxaa uga macno badan Adis reer Somaliland. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1741863165669818483?t=NlF4VBaNbOZn_0AWPXHUnQ&s=19 Jibril Qoobey.
Xirfad Siyaasadeed,ayaa ka dhacday Puntland oo aan abid ka dhicin Somaliya inteeda kale laguna qaadan doono Jaamacadaha. Wixii la doono hala sheego ee Deni,wuxuu dheelay Qoobka Ciyaar Siyaasadeed oo culus. 90% Xildhibaanada Mudug ishaysi kama jiro. 100% Xildhibaanada Nugaal ishaysi kama jiro. 90% Xildhibaanada Karkaar ishaysi kama jiro. 100% Xildhibaanada Sool ishaysi kama jiro. 90% Xildhibaanada Bari ishaysi kama jiro. 90% Xildhibaanada Sanaag ishaysi kama jiro. 100% Xildhibaanada Gardafuu ishahaysi kama jiro. Isku cel cells 90% Xildhibaanada guud ahaantood lagama daba qaylinayo,waxaana lagu suurta geliyay xirfad. Gudoomiyaha Gudiga khilaafaadku,isagaa is badbaadinayay oo u been guurayay Musharaxiinta uu Gacan toogleeyay ee…
Somaliland markale ayay Masraxa Siyaasada Geeska Afrika kusoo laabatay oo heshay garab istaag Diblomaasiyadeed oo xoog leh. Itoobiya,waa awood Siyaasadeed iyo Amni oo wax ugoynaysa cidii garab ka hesha. Qodobada ay isla fahmeen Somaliland iyo Itoobiya,waxay kala yihiin… 1.In ay hesho Itoobiya Deked ay maalgashato oo SL ku taal. 2.In wada hadallada Somaliya iyo SL dib loogu soo celiyo Gacanta Dowlada Itoobiya. 3.In SL laga caawiyo Aqoonsi raadinta iyo Diblomaasiyada. 4.In SL laga caawiyo colaada Sool. 5.Iskaashi Amniga iyo Ganacsi. Jabuti iyo Villa Somaliya si weyn ayay uga caroodeen tagida Muuse ee Adis iyo heshiiskan,waxaana ka fashilmay qorshe ay wateen.…
Garoowe, January 01, 2024:Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhaarisay 58 mudane oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.” Xildhibaannada cusub ayaa dhaarta kadib waxay Guddoomiye KMG ah u doorteen Mudane, Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan. Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay doortaan Guddoonka rasmi ah ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka. DHAMMAAD. Halkan ka daawo muuqaalka
15-ka mid ah Xildhibaanada cusub waa haldoor Siyaasadeed oo reer Puntland ah oo ay ku jiraan Laba Xildhibaan oo heer Fadaraal ah,waxaana laga xusi karaa… 1.Cismaan Yuusuf Xaràare,Aas-aasayaashii PL oo hadana noqday Xildhibaan Fadaraal ah. 2.Xareed Cali ,waa Xildhibaan heer Fadaraal ah oo hadana noqday Wasiir heer Fadaraal ah. 3.Cabdi kaafi Cabdi Abshir Lataliyihii hore ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,ahna Aas-aasayaashii Puntland. 4.Abwaanad Muna Diyaano. Dhanka kale Isimada Saxiixooda Gudigu taabtay,waxaa ka mid ah… 1.Boqor Burhaan oo Afar soo gudbiyay,waxaana laga taabtay Hal Xildhibaan. 2.Beeldaajaha Cali Jibraahiil Hal Xildhibaan,ayaa laga taabtay. 3.Suldaan Cabdisalaan oo soo gudbiyay Sagaal,waxaa laga taabtay Laba Xildhibaan.…
Muuse maqaam sare,ayaa loogu soo dhaweeyay Adis… 1.Waxaa loo dhigay Roogii Madaxweynayaasha la aqoonsan yahay. 2.Waxaa galbiyay Ilaaladii Madaxtooyada Itoobiya. 3.Waxaa loo xiray Wadooyinka,iyadoo lagu galbiyay Gaadiidkii Madaxtooyada. Balse Calanka Somaliland lama ag dhigin kan Itoobiya. Dadaalada Diblomaasiyadeed ee SL tàageerada u ah,waxaa gadaal ka riixaysa Dowlada Ingiriiska oo dano Juquraafi iyo mid Dhaqaaleba ka leh Somaliland iyo guud ahaan Somaliya. UK haatan waxay Gacanta ku haysaa talada iyo go’aamada BC ee Siyaasada iyo amaanka Somaliya. JQ.
Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Xabsiga ku jira iyo inta badan taageerayaashiisa,ayaa loo diiday in ay isku sharxaan doorashada dhaceysa 8-da bisha February, sida ay Axadda maanta ah sheegeen saraakiisha xisbiga oo hadlayay ka dib markii ay dhammaatay waqtigii la isku diiwaangelin lahaa. Khan,ayaa Xabsi ku jiray illaa bishii August, isaga oo wajahaya dacwado la xiriira dhowr kiis oo uu ku tilmaamay in loo soo abaabulay si looga reebo in uu doorasho ka qeyb galo isagoo hoggaaminaya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI). Xiddiggii hore ee Cricket-ka,ayaa horraantii sanadkan lagu helay dambi ah in uu ku kacay fal dambiyeed, laakin…
Afarta Xildhibaan ee Beesha Cumar Maxamuud ku matalaya Baarlamaanka PL 5-ta Sano ee soo socota. 1.Gablax-Cabdi-ciise. 2.Yaasin Taakilo-R.Mahad. 3.Cabaas C.Kacaan-R.Khalaf 4.Siciid C.Dheeg-R.Warsame Faarax. Dood socotay ku dhawaad Laba Todobaad,ayay gabagaba utahay natiijadan soo baxday ee lagu soo xushay Afartan Xildhibaan. Gobolka Mudug,waa Gobolkii ugu danbeeyay ee soo xula Xildhibaanada ku matalaya Baarlamaanka. Jibril Qoobey.
Waxaa sannadka cusub ee 2024 galay dalka Kiribat ee bartmaha badda Pacific-ga halka 26 saacadood kadib ay geli doonaan dalal kale. 33-ka Jasiiradood ee uu ka kooban yahay dalka Kiribati- oo loogu dhawaaqo Kiribass- waxay ku fadhiyaan dhul ballaaran oo ka tirsan dhul-baraha badda Pacific-ga- ku dhawaad 4,000km bari ilaa galbeed iyo in ka badan 2,000km waqooyi ilaa koonfur. Kiribati waxaa ku xigi doona New Zealand, taasoo sannadka cusub geli doonta marka saacaddu tahay 11:00 GMT.
Ciidamada Badda Mareykanka,ayaa burburiyay Doomaha yar yar ee Xuutiyiinta oo isku dayay in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas. Afar Doon oo ka yimid deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay ka taliyaan,ayaa rasaas ku furay markabka Maersk Hangzhou, waxayna soo gaareen meel mitir u jirta Markabka, sida ay sheegeen Militariga Mareykanka. Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa,ayaa ka jawaabay baaqa ay u soo dirsadeen dadki Markabkaas saarnaa. Saddex ka mid ah,ayaa quusay,iyaga oo is difaacaya kooxdii saarneyd,ayaa la dilay, waxaana meesha ka baxsatay doonidii Afraad. Xuuthiyiinta,ayaa tan iyo bishii November weeraro ku…
Si walba oo loogu hunbaaleeyay,waa usoo dabci waayay Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta isxanbaarka ah ee raba in ay boobaan Xildhibaanada Gobolka Sool. Karaash uma hiillinayo Sool ee waxuu waayay 7-Xildhibaan oo uu si gaar ah uga rabay Xildhibaanada Sool. Sidoo kale Siyaasiyiinta kale,waxay ku Xisaabtamayeen 7-da Xildhibaan ee Karaash helo in ay ka iibsadaan,waana waayeen,sidaa ayayna Shirka Isimada qaarkood u abaabuleen ee 49-ka. Dhamaan Dhaqan iyo Siyaasiba,waxay duullaan ku yihiin boobka Xildhibaanada Sool ee Dan Ummadeed ma agtaal. Deni,waa in uu ka dhabeeyaa oo uusan faragashan Shaqada Gudiga khilaafaadka ee Berri foog soo dhajinaya Liiska Xildhibaanada 66-da ah ee cusub. Deni,waa…
Shirkan horay uma sii qorshaysnayn oo waa mid deg-deg loo abaabulay,waxaana iska lahayd fikrada oo lagu raali gelinay Dowlada Ingiriiska,maadaama ay iyadu ka caawisay DFS Dayn cafinta,Cunaqabataynta Hubka iyo ku biirista EAC. Ingiriisku si qaawan,ayuu ugarab taagan yahay Somaliland,waxuuna DFS Qalinkeeda ugaga faa’idaynayaa Maamulka Hargaysa. Xaqiiqdii,waa Diblomaasiyada Ingiriiska waa mid sare oo ay adag tahay in lala loolamo,si gaar ah Sool mustaqbalkeeda mugdi gelinaya. Jibril Qoobey.
Wax macno ah oo kasoo baxay majiraan kulankan. Qodobka la yaabka leh,waa in aan lasoo hadal qaadin xasuuqii Shacabka Sool halka kii 1988 ee Shacabka Waqooyi Galbeed la xusay. Heshiiskan haduu Qof wax ugooyay,wuxuu wax taray MW Deni oo kulanka Sadexda Nin,wuxuu umideeyay Bulshada Daarood. Saakay Deni,waxaa loo arkaa Ninka kaliya ee ka hor tagi kara Hargaysa iyo Xamar. Kulankan iyo hadalkii Xasan uu Masaajidka kasoo tuuray ee ahaa Cid loo joojinayo majirto,waxay u xoojiyeen Deni Olalihiisa Doorasho. Waxa laysku haysto waa Dhul Daarood ee ma’ahan Dhul Isaaq iyo Hawiye,sidaa daraadeed Daarood,waxuu ubaahi qabaa hogaamiye ka difaaca isbahaysiga Jabuti. Road…
Sool in ay ka baxdo Puntland,waxaa gadaal ka riixaya Sadex Garab oo kala ah… 1.Nabad iyo Nolol oo ka duulaysa ka guurista nidaamka Fadaraalka iyo dib ugu noqosahada nidaamka Halka Xaafiis iyo Halka Qof. 2.Xasan Sh iyo kooxdiisa oo ka duulaysa foolxumaynta Fadaraalka;waxayna rabaan in laga dhigo sida Kenya oo Gudoomiyayaal Gobollo la doorto xoogaa Miisaaniyad ahna loo sameeyo oo ay toos uhoos tagaan Xamar. 3.Qolada kale waa BC oo rabta in Sool iyo Sanaag loo daayo SL oo PL ka saarto Dastuurkeeda. Musharaxii aan aragtidaas lahayn oo aan fahansanayn khataraha nagu gadaaman PL loogama baahna. Sidoo kale Musharaxii ay…
Deni dhaliilo,ayaan uhaynay oo waxaan aaminsanayn in ay ku qurxoon tahay xilligan isbadal in uu yimaado. Balse,waxaa dib noo jeclaysiinaya kuwa la tartamaya aragtidooda markaad aragto. Sidoo kale Isimo Dhaqan oo meel ufadhiya Siyaasi hankiis Dal iyo Dad aan xeerinayn,ayaa dib noogu soo celinaya Deni. Haatan Isimada Garowe ku shirsan,waxay ufadhiyaan hal arin oo ah….”Deni 17-ka Xildhibaan ee Sool Adiga iyo Siyaasiyiinta aan wadano qaybsada,hadii kale Sool oo dhan PL waa ka saaraynaa”. Waa danaysi halkii ugu saraysay iyo aragti gaaban. Deni,waxaan ku taageeraynaa Isku haynta Puntland iyo ilaalinta Dastuurka. Reer Sool Xildhibaanadooda waa soo xusheen,waxaana kala saaraya oo Habraaca…
Madaxweyne DDeniayaa fariin jawaab u ah hadal kasoo teeray MW Xasan Shiikh Xalay ka sheegay Xafladiisii ku dhawaaqista Musharaxnimada. Sidoo kale,Madaxweyne Deni wax ka yiri Shirka Jabuti ka furmay ee ay iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha DFS,Jabuti iyo Maamulka SL. “Ninka ku fakaraya in uu keensado mid unacamleeya PL waa Nin aan aqoon Dadkan iyo taariikhdooda”. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1740490309937803513?t=cGLg_0GiZcg9aUoYvNgW8w&s=19