Maraykanka,ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo jeediyay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya Xabbad-joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Qasa. Halka Mareykanka diiday qaraar kale oo qabyo ah – oo ka yimid Aljeeriya kaasoo oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-lmAbJ2V9Cg?si=___i170D4B69wyoz
Author: Jibril Qoobey.
Xogo;ayaa kasoo baxaya jihada fulisay dilka Ninkan u shaqaynayay Hay’ada Duulista Hawada DFS. Hay’ada Sirdoonka DFS ee Nisa,ayaa wararka la helayo ay sheegayaan in ay fulisay Dilka Ninkan. Sababta loo dilay,ayaa xogaha la helayo;waxay sheegayaan in lagu tuhmay udirista SL xogta Kanalka cusub ee loo wareegay kadib markii laga guuray kii hore. Dagaalka Hawada ee udhaxeeya DFS iyo SL,ayaa galaaftay Ninkaas,waxayse ahayd in la Maxkamadeeyo oo si waafaqsan Sharciga la maro. Balse hadii ay dhab noqdaan xogaha soo baxaya,waxaa iswaydiin mudnaan doona Danbi hadii cadayn loo helo xarig uu ku filnaan lahaa ciqaabtiisa in Ceejin loo badalo? Muwaadin Somaliyed in…
Sida xoguhu sheegayaan MW Xasan,wuxuu marka hore Shir gudoomin doonaa Shirkii Golaha Wasiirada Khamiislaha ahaa oo loo badalay mid aan caadi ahayn oo lasoo hirmariyay ee Xukuumada FS,kadibna,waxa usoo aadi doonaa Baarlamaanka. Sadex arin,ayay wararku sheegayaan in midkood uu noqon doono hadalkiisa…. 1.Ka daba tag hadalkii Shariif oo wax weyn yeelay qorshihiisii Dastuurka iyo Siyaasada Wadanka. 2.Go’aamo Itoobiya ka dhan ah oo laga yaabo in uu shaaciyo Berri foog hadii rabbi idmo,haduusan Geelle ilaa Caawa dhexdhexaadin uu wado aysan miro dhalin. 3.Mashquulin Baarlamaanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka si aysan isaga ugu mashquulin. Wadanku xilli adag,ayuu marayaa oo baahida ugu weyn ee taagan…
MY ANALYSIS OF THE AU COMMUNIQUE OF THE 37TH ORDINARY SESSION: A WAKE UP CALL FOR SOMALIA AND AFRICA IN GENERAL. Monday 19, 2024 By Deeq S Yusuf The wording is disturbing and unacceptable. By stating “express deep concern over the ongoing tension….” this statement deliberately falls short of condemnation of Ethiopia.” Also by stating “reaffirms sovereignty, unity and territorial integrity of all member states including that of Ethiopia and Somalia” this generalized statement ignores the urgency required of AU to solely reaffirm the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia because in this case, no one has threatened the…
Madaxweynihii hore ee DFS Shiikh Shariif Shiikh Axmed,ayaa Maanta Golaha Shacabka Fadaraalka ka hor sheegay in Dastuurka wax ka badalkiisa loo maro hab wadar ogol oo aan lagu deg-degin. Sh.Shariif oo marka uu uhadlayay uu hadalka ka dhexgalayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe,ayaa ku dhiiraday hadana in uu sheego midnimada Wadanka in ay khatar ku jirto oo Dastuurka ku degdegiisa uu sababsan doono. Aadan Madoobe,ayaa isku dayay in uu carqaladeeyo hadalka MW Sh.Shariif. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759568657934381453?t=FKwuU56a5Yzgs0vkpgXSRw&s=19
Maraykanka oo bogaadiyay Doorashada PL iyo kuna baaqay in Dastuurka Fadaraalka wadar ogol wax looga badalo. “Waxaan ka walaacsan nahay xasiloonida darada uu abuuray heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya ay wada gaareen ee aysan DFS waxba ka ogayn”. Maraykanku si cad,ayuu usheegay in wax ka badalka Dastuurku uu noqdo mid laysla ogol yahay oo heshiis lagu yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759636763612479814?t=pTN3BWoiZ1RbTWT65YN88w&s=19 Sidoo kale Maraykanku,wuxuu si weyn u ixtiraamayaa Midnimada,Gobanimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya,wuxuuna kasoo horjeenstay markale heshiiska isfahan ee SL iyo Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759636347483021608?t=S8ijbefFfkMTGxK_DcSdUA&s=19 Safiirka…
“Dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,” Catriona Laing ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1759665577369420045?t=hTmdvbDXJFj2oY7CWzuDfg&s=19
Iyadoo manta khudbad ka jeedinaysay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa ka hadashay Horumarka balaaran ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay ee ku aaddan hirgelinta waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, waxayna warbixin ka bixisay arrimaha siyaasadda, amniga, gobolka, xaaladaha bani’aadamnimada iyo arrimo kale. “Dhanka dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,”…
Wariyahan,waa la waraystay,waxaana lagu hayay Hotelkii uu kusoo degay ilaa Shalay. Wariye Jamaal Cismaan,waxa uu sheegtay in uu uyimid Puntland duubista Barnaamijyo Dhaqan,lagumase qancin hadalkaas oo xogtiisa,waa lasii ogaa. Sirdoonka Puntland,waxay xaqiijinayaan in ay hayaan xogo sheegaya in uu usocday Buuraha Bari si uu uga diyaariyo Barnaamijyo kooxaha argagixisada ah. Maanta,ayaa dib loogu celiyay diyaaradii uu la socday ee uu ku yimid Garowe,taasoo ahayd Itoobiyaan Airlines Wariye Jamaal Cismaan. Sirdoonka Puntland,waxay mudan yihiin in la bigaadiyo;sababtoo ah,waxay Gacan buuxda ku dhigeen Garoomada iyo Dekedaha wixii kasoo dega iyo wixii ka dhoofa. JQ.
Wasiir ka tirsan golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil,ayaa muddeeyay waqti kama dambeys ah oo ay militarigoodu billaabayaan duullaanka ay doonayaan in ay ku qaadaan magaalada Rafah ee koonfurta Qasa. Benny Gantz waxa uu sheegay in weerarku bilaaban doono haddii aaney Xamaas sii daynin dhamaan dadkii ay ku afduubteen weerarkii toddobadii Oktoobar ee sanadkii tagay toddobaadyo gudahood. Hadalkaan,ayaa imaanaya iyadoo dadka ku nool Marinka Rafax ay la’yihiin meel ay u ciirsadaan maadama markii horaba qaar badan oo ka mid ah dadkaan ay ka soo carareen qaybaha kale ee Qasa. Hay’adaha gargaarka,ayaa sheegaya in xaalad bini’aadanimo oo adag ay ka taagantahay Rafax,…
Midowga Afrika si weyn,ayuu uga xumaaday hab dhaqankii Dowlada Itoobiya ay kula dhaqantay MW Somaliya,waxayna sababtay in Gudi loo saaro arinkaas si dhab ah usoo qiimeeya. Inkastoo aan qoraalka kasoo baxay lagu qorin hadana,waxay abuurtay xiisad weyn hab dhaqankii Ciidamada Itoobiya. Dhanka kale MW Kenya,ayaa lagu dhaliilay habkiisa dhexdhexaadnimo ee Labada Wadan Somaliya iyo Itoobiya. Haatan Gudi uu ku jiro MW Geelle,ayaa loo saaray dhexdhexaadinta arinkan. Warmurtiyeedkii kasoo baxay Midowga Afrika,waxaa si weyn loogu taageeray Midnimada iyo Madaxbanaanida Somaliya. SL si cad,wuxuu Midowga Afrika uqiray in ay tahay Gobol ka mid ah Somaliya oo Itoobiya ay la gashay heshiis. JQ.
Shir Madaxeedka Midowga Afrika,ayaa lagu soo gabagabeyey Magaalada Addis Ababa,waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024”.Ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka. “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada,sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka…
Madaxweynaha,waxaa laga rabaa in uu Afar Shay ku dhaqaaqo,kuwaasoo kala ah… 1.In Shacabka SL iyo Muuse lakala reebo. 2.In Shirka Garowe la qabto. 3.In la hakiyo Dastuurka waxka badalkiisa. 4.In looga faa’ideeyo Wadanka… B.Dayn cafinta fursadeeda. T.Cunaqabataynta Hubka fursadiisa. J.Diblomaasiyada Caalamku na tusay. Aduunku,wuxuu noo muujiyay rabitaan ah in aan Dowlad noqono oo aan dib ugu soo laabano masraxayada. Marka si fursadaas looga faa’idaysto,waa in aan kobcinaa Dowladnimadeena,waxayna ku xoogoobaysaa gudaha Dalka oo laga shaqeeyo. Xasan,wuxuu ku jiraa markiisii Labaad oo la doortay,waxaana hortaala taariikh in uu ka tago,wuxuu noqon doona hogaamiye si xun loo xasuusto ama mid dadaalay,inkastoo wakhti…
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay sida uu ku gaaray xarunta Midowga Afrika kadib is hor istaag lagu sameeyay. “Markaan damcay in aan aado Xaruntii Midowga Afrika ee Shirku ka socday,waxaa Gawaaridaydii hor istaagay Askar Itoobiyaan ah oo ii diiday in aado Xarunta”.Ayuu yiri MW Xasan. Sidoo kale”Markaan Gawaaridii MW Geelle raacayna,waxaa nalaga hor istaagay si Wadajir ah in aan galno Shirkii,Aniga iyo MW Geelle” Dad badan,ayaa qabay in uu tago MW Itoobiya in ay markii horaba khalad ahayd,isla markaana ilhaamada dhacday ay taasi fududaysay. Balse haduusan tagin Shirka Midowga Afrika fariintaas fashilisay oo ceebaysay Diblomaaaiyadii Itoobiya miyaa gudbi lahayd?…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir Madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika. Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay kulanka,ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda. Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa…
Madaxweynaha Somaliya,wuxuu tixgeliyay Maraykanka,Ingiriiska iyo Kenya,waana sababta uu u aaday Itoobiya. Kadib Saakay ayay soo diyaariyeen kulan dhexmara Abiy iyo Xasan,balse MW Somaliya,waa diiday in uu la kulmo Abiy ilaa uu si cad uga laabto heshiiskii uu la galay SL. Kadib,waxaa dhacday in Itoobiyaanku wax loo yaqaan dagaal Shaanshiyeed ay sameeyeen oo carqalad galiyeen weftiga Somaliya ee galayay xarunta Midowga Afrika oo ay isku dayeen in ay kala reebaan. Kadib MW Somaliya khudbad adag oo Itoobiya ka dhan ah,ayuu ka jeediyay Shirkii Midowga Afrika. Waxa dhacay,waa dhaqan ciyaal suuq oo ay samaysay Itoobiya,iyadoo Wadankeedii la joogo,isla markaana ma aysan tixgelin…
Wadar ogol” Wax ka badalka Dastuurka oo dhacda ka hor Bisha May,ma jiri doono,sida wararku sheegayaan. Dooda kadib,waxaa lakala aadi doonaa Bisha Soonqaad,kabacdina waa la Ciidayaa,waxa laysku soo laaban doonaa April 20-keeda iyo wixii ka danbeeya,iyadoo markaasna doodu sii socon doonto. Reer Galbeedka oo dabada ka riixaya dhexgalka Dastuurka,ayaa diidan PL oo ka maqan in la taabto. Garowe,waxaa ka qabsoomaya Shirkii Gogishiisa ay dhigtay PL oo uu ka qaybgalayo MW Xasan. Shirkaas kadib,waxaa Xamar ka dhici doona Shirka DFS iyo DG oo ay PL ku jirto. Halkaas,ayaa laga sii socon doonaa hadii rabi idmo,waxayna ubadan tahay in uu baaqdo kulan…
Waa wax lasii ogaa in ay adag tahay Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka in ay ka maarmaan Ciidamo Shisheeye oo ilaaliya Xarumaha Dowlada iyo goobaha adeega Bulshada sida garoomada iyo Dekedaha. Haatan si cad ayay usoo baxday in marka uu dhamaado wakhtiga loo qabtay in ay Wadanka uga baxaan Ciidamada Atmis in la keeno kuwo hor leh oo yeelan doona Magac iyo waajib cusub. Ciidamadaas,waxaa ku jiri doona 2000 oo Boolis Ugandhays ah,mase cada in Wadamo Afrikaan ah ay kawada koobnaan doonaan,waxaase jira xogo sheegaya in Wadamo kuwo R.Galbeed ah ay ku jiraan. Tiradooda,waxaa ku sheegay La taliyaha amniga Qaranka ee…
Puntland,waa in aan nalaga xigsan dhanka Galbeedka oo aan haysanaa doorkiinii la macmiilka Reer Galbeedka ee Somaliya. Maraykanka markan,waxaa ka go’an in uu Somaliya Dowladnimadeeda istaajiyo,isagoo tiisa ka dhex arkay,taasina waxay ubaahan tahay la jaan qaadid. In aan Xasan la loolano iyo in aan Galbeedka nalaga xigsan waa Laba Shaqo oo noo taal. Galbeedku,waa hogaanka Siyaasada,Milleteriga iyo Dhaqaalaha caalamka. Si gaar ah,hadaan nahay Somali,waxaan wada yeelanay isdhexgal Diimeed,Dhaqan iyo Nololeed oo in ku dhow Hal Milyan oo Somaliya,ayaa ka mid ah Bulshooyinka Reer Galbeedka Maanta,kuwaasoo la wadaaga Nololaha ay ku nool yihiin. Reer Puntland hadaan sii nahay,isfahanka Dimuqraadiyada,bisaylka nidaamka iyo…
Golaha Wasiirada Midowga Afrika,ayaa isku raacay Wadanka Somaliya inuu noqdo musharaxa kaliya ee Afrika ku matalaya Golaha Amaanka. Xasan,waxaa uqorshaysan shaqsi kasoo jeeda beeshiisa in uu geeyo boos kaas,sida xoguhu sheegayaan. IGAD,wuxuu geeyay Waare oo beeshiisa kasoo jeeda. Sidoo kale Safaarada New york Safiirku waa Baale oo Beesha Madaxweynaha kasoo jeeda. Hadaba maadaama Somaliya 4.5 wax ku qaybsato Xasan Shiikh waa in uu ixtiraamaa habraaca awood qaybsiga Wadanka. JQ.
Weli lama dhamaystirin qiimayntii ugu danbaysay,waxaana harsan arimo muhiim ah si loogu gudbo dillaacinta Shidaalka. Waxaa xusid mudan in Saldhigyada cusub ee loo dhisayo Ciidamada Danab ee Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka ay qayb ka yihiin hawshan oo laga wada dhisayo goobaha Shidaalkaas laga dillaacin doono. Ugu danbayn,waxaa horay loo qorsheeyay in December Sanadkan lasoo gabagabeeyo qiimaynta ugu danbaysa. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1758247023768162690?t=KNmwutnUzG0ofU_H7z4jnw&s=19 JQ.
Sida Wararku sheegayaan,waxaa si hoose loo hakiyay ansixintii badalida Dastuurka ee Xasan Shiikh. Dooda,ayaa sii soconaysa maalmaha soo socda,kadibna,waxaa lakala aadayaa Soon Qaadka,sida xoguhu sheegayaan. Waxay kaloo wararku intaas ku darayaan in Garowe uu tagayo Wasiirka arimaha gudaha Fiqi,isagoo kala shaqaynaya PL diyaaarinta Ajandaha Shirka ay gogoshiisa fidisay PL. DFS oo markii horaba aqbashay gogosha Garowe,ayaa markale xiriir la samaysay PL si buuxdana usheegtay in ay kasoo qaybgalayso. JQ.
Feberaayo 16, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta…
President Hassan Sheikh Mohamud travelled to Adis Ababa to join other African Heads of State and Governments for the 37th Ordinary Session of the Assembly of the African Union, scheduled for 17-18 February 2024. The significant gathering offers a platform for mutual discussion on critical issues facing the continent, including peace and security, economic integration, and climate change. During the Summit, President Mohamud will hold side meetings with various heads of state and government and other heads of delegations to strengthen Somalia’s bilateral relationships, explore new partnerships, and discuss issues of bilateral and regional importance. In his speech to the…
Kaliya ii ogolow in aan 5-Sano oo kale isku Caano shubo;ayuu Axmed Madoobe hor dhigay Xasan. Dastuurka ku falaad? Kursiga RW kufso? Dhankiisa Xasan,wuxuu ugu jawaabay bal Sanad ku darsiya qaado Doorashada aan dib iskugu soo laabano. Xasan iyo kooxdiisu way og yihiin in Axmed yahay Mas oo wax walba oo ay heshiis kula galaana uusan fulinayn. Balse hadafkoodu,waa in ay tooda marsadaan,kadibna dilaan,waxayna ku ballameen 26-ka Bishan in Xamar uu ka dhaco kulan DG kaasoo lagu taageerayo qorshaha waxkabadalka Dastuurka ee Xasan. Waxaa muuqata in RW iyo MW JL noqdeen madluumiin Siyaasadeed oo aan han iyo aragti ka lahayn…
Raaadaarkii hagida ee Garoonka Diyaaradaha Hargaysa,ayaa laga saaray Hawada. Waxaa Hawada ka saartay DFS,sababta ay uqaaday talaabadan,ayay ku sheegtay in Maamulka SL ku xadgudbay xeerarka,soona gudbay xuduudii. Radio-yaasha lagu hago Diyaaradaha isticmaala Hawada Somaliya,ayaa ah Laba heer,kuwaasoo kala ah.. 1.Mid Dowlada Dhexe ee Fadaraalka ah ay maamusho oo Caalami ah. 2.Mid heer DG ay maamulaan oo Maxaliya. Maamulka SL,ayaa soo gudbay xuduudii loogu talagalay in ay ka hawlgalaan Radio-yaasha DG,waxayna isku dayeen in ay carqaladeeyaan Duulimaadyada caalamiga ah ee ay maamusho Dowlada Dhexe. Haatan,iyadoon duulimaadyada Shacabka caadiga ah ee SL aan wax la yeelin,ayaa fadhiid laga dhigay hanaankii Garoonka Hargaysa.…
Heshiiskan,waxaa lagu dhisayaa 5-Xarumood oo ah kuwa ay isticmaali doonaan Ciidamada Somalida ee la dagaallanka argagixisada… 1.Danab. 2.PSF 3.RRU Sidoo kale,waxaa la kordhin doonaa tirada Ciidamada oo lagu siyaadin doono 3000 oo Askari. Waxaa kaloo kor loo qaadi doonaa tayadooda Qalab iyo Tababar. Dhanka PL,waxaa heshiiskan uga qaybgalaya Ciidamada PSF,iyadoo qaybta PL ee heshiiskan lagu soo saxiixay Nayrobi. Saxiixa Maanta ka dhacay Muqdisho,waa midka guud ee DFS,balse PL iyo SL horay,ayaa heshiiska looga saxiixay. JQ.
Maraykanka iyo Ingiriiska,ayaa ku khasbay Xasan Shiikh in uu tago Adis. Maraykanka,ayaa Abiy ku cadaadiyay n uu ka laabto heshiiskii SL uu lagalay,waana aqbalay. Waxaa jiraya kulan dooceed dhexmaraya Maraykanka,Ingiriiska iyo MW Kenya Ruto oo dhexdhexaadiyayaal ah iyo Dowlada Somaliya iyo Dowlada Itoobiya,halkaas,ayuu Abiy uga dhawaaqi doonaa ka laabashada heshiiskii uu la galay SL. MW Xasan markii hore,waa diiday in uu tago Adis,waxuuna shuruud ka dhigtay in Abiy ka laabto heshiiska uu lagalay SL,waxaase xaqiijin siisay Gabadha kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka ee kulankeedii Abiy kadib Maanta soo gaartay Muqdisho. Hadii xogahan ay ufulaan sida loo helay,waxay noqonaysaa in DFS…
Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda loogaga qaaday taageerayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka. Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka eee Arbacada maanta ah, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka. Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xiray ilaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baarayo. Graves waxay sheegtay in aanan wali la…
Xisbiga Ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan, Nawas Sharif iyo xulufadiisa siyaasadda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan dowlad wadaag ah, tallaabadaas oo soo afjari karta hubanti la’aanti ka jirtay mustaqbalka siyaasadda Pakistan. Pakistan ayaa todobaadki hore u muuqatay in ay cagaha gelisay dariiq hubanti la’aan siyaasad ah, kaddib marki uu xisbina ku guuleysan waayay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee dalkaasi ka dhacday. Hase yeeshee kaddib kulamo xiriir ahaa oo ay magaalada caasimadda ah ee Islamabad ku yeesheen xisbiyada mucaaradka ku ah ra’isulwsaarihi hore Imran Khan ee hadda xabsiga ku jira, ayay kasoo saareen go’aanka qaabeynta dowladda cusub ee wadaagga…
13-Nin oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish,ayay Ciidamada amaanka PL ku qabteen Magaalada Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1757795043438457244?t=RhJa6Jf0thE69vtvvyuHsg&s=19
Xaqiiqda ka hadalka Dastuurka,waa inta uu ka yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Lama fahmi karo sababta loo dadajinayo Dastuurka,iyadoo Wadanka aan dariska nahay ee naga Dowladnimo sareeya ee Kenya Dastuurkiisu ahaa 37-Sano Qabyo,halka Qabyo tirkiisana uu qaatay 2-Sano loona Gacan geliyay MW hore oo Siyaasada ka fariistay. Waxaa xusid mudan markii Dowladii Uhuru ee Kenya ay damacday in ay badasho Dastuurka,waxaa diiday Maxkamada Sare,iyadoo ucuskatay in uu Gacanta kula jiro MW xil haya oo la rabay in uu ahaado Geed fadhiga Wadanka. “Dastuurka taabashadiisa,waa in uu Gacmaha kala baxaa Madaxweynaha haatan xilka haya”. Halkan ka daawo muuqaalka CCWarsame https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1757772306909200638?t=ki2x2nVrRGuFGve4ePcAyw&s=19
Ciidamada kala duwan ee amaanka Puntland hawlgal durba guulo laga gaaray ayay ka wadaan Caasimada Ganacsiga Puntland ee Bosaso. Todobaadyo Qaraxyo iyo Dilal ay Nabaddiidku ka fuliyeen Bosaso,waxay Dowladu ka dhaqaajisay Cutubyo kala duwan oo ku amaanka ah. 1.PSF 2.PMPF 3.Boolis 4.Pisa Ciidamadu hawlgallada socda,waxay Gacanta ku dhigeen Qarax khatartiisa leh hadii la qarxin lahaa. Taliska Booliska Bari,ayaa ah ubucda hogaaminta Ciidamadan wada hawlgalaya. Booliska Puntland kaligiis,waa ku filnaan waayay sugida amniga sida muuqata haatan,waxaana xoojinaya Ciidamo xoojin ah oo lagu daray. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1757774217402048688?t=j4UWv-yzpe3jAus2lcQniA&s=19 Sidoo kale Qaraxa Bosaso ay ku qabteen Ciidamada amaanka,ayaa lagu qarxiyay…
Trump,waxa uu ka kacay hadal si weyn uruxay Caasimadaha Yurub oo khalkhal geliyay Gaanshaanbuurta Natto. “Wadankii aan bixin Lacagta Natto ma difaacayno oo waxaan leenahay haduu damco in Ruushku ku duulo weerar”Ayuu yiri Trump. Xiligan,waa Musharax MW Trump,waxaana dhici karta in uu noqdo MW badali doona Biden,taasoo ka dhigan in uu ficil ubadali doono hadalkiisa. Wadan kasta oo Xubin ka ah Gaanshaanbuurta Natto,waxaa waajib ku ah in 2% Miisaaniyadiisa u isticmaalo Difaaca,waxaana jira Dalal aan sidaas yeelin sida Jarmalka oo Sanadkii tagey aan gaarin heerkaas. Maraykanka,ayaa ku bixiyay Difaaca dhaqaale gaaraya $877-Bilyan halka Dallaka Midowga guud ahaantood ay ku bixiyeen…
Maanta waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Jamuhuriyada Federalka Somaliya Mudane Dr Xassan Shiikh uu booqasho shaqo ku tago Magaalada Kismayo,waxaase la iswaydiinayaa muxuu yahay arrimaha hortabinta leh ee ku jiri kara Ajendeyaasha Madaxwaynaha. Ilo lagu kalsoonaan karo oo Madaxtooyada Somaliya ku dhow waxay muujinayaan in Madaxwaynuhu kala hadli doono Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Islaam arrimo la xiriira fulinta Qodobadii ku jiray heshiiskii NCC ee bishii May 2023. Qodobada laga filayo in Mudane Axmed kala shaqeeyo Madaxwaynaha Qaranka fulintooda waxaa kamid ah… 1. In laga guuro habka Baarlamaaniga ah oo loo guuro habka Madaxwaynaha. 2. In Dalku yeesho Laba Xisbi oo…
War-saxaafadeed Muqdishu, February 13, 2024-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).” Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.” —Dhammaad- Halkan ka akhriso:-
No change in the management of airspace, and the federal government is in charge of it – says Somalia’s civil aviation authority in an apparent response to a statement made earlier by Somaliland civil aviation and airports authority. Somaliland’s aviation and airport authority has accused the federal government of Somalia of “misusing” management of the airspace by targeting passenger planes, medical aircraft and other planes used by leaders and officials that are traveling to Somaliland. The federal civil aviation authority of Somalia has not yet responded to the accusation from Somaliland civil aviation and airport authority.
Midowga Yurub,ayaa maanta soo saaray bayaan ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ay ka qabaan dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Merawi ee Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Midowga Yurub,ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-banaan. Midowga Yurub,ayaa sidoo kale sheegay in xaalada deg-dega ah ee dhawaan lagu kordhiyay Gobolka Amxaarada ay tahay go’aan welwel leh oo hoos udhigaya xuquuqda aadanaha ee dadka halkaas ku nool.” Ururka oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in ay mar kale cadeynayaan in ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Geeddi-socod kasta oo horseedi kara wada-hadal,dib-u-heshiisiin iyo nabad,si…
The European Union (EU) released a statement today expressing serious concern “by the alleged targeted killings of civilians in the town of Merawi, in the Amhara region of Ethiopia.” The bloc has also called for “an independent investigation” into the killings, which has been confirmed by the state-appointed Ethiopian Human Rights Commission’s (EHRC) latest report. The EU also said the recent extension of the state of emergency in Amhara region is “a worrying development as it can seriously limit the human rights of the population there.” The bloc further said that it once again reaffirms “its readiness to support any…
Muqdisho, Febaraayo 13, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone. Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada. DHAMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Abdikadir Ali Dige, Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya…
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-sayid Cabdulaahi Aadan,ayaa ku eedeeyay Muqdisho inay ku xadgudub tahay heshiisyada Labada dhinac ee Maamulka hawada, isaga oo sheegay in ay siyaasadeeyeen maamulka hawada. Waxa uu sheegay in Somaliland ay dacwad u gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee duulimaadyada caalamiga ah. Waxa uu intaa ku daray in ay tilaabo ka qaadi doonaan xadgudubyo ay sheegeen in DFS ay ku hor istaagay duulimaadyo ku socda Hargeysa. Waxa uu Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland intaa ku daray in DFS ay ku tagrifasho dakhli ka badan Lixdan milyan oo dolar oo Sanad walba…
Raysal wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed,ayaa maalinkii Labaad ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida. Magaaladaas ayuu yimid shalay kadib markii uu soo furay madaarka Goday oo dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay. Waxa safarka uu uga yimid Godey ku wehliyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka iyo saaraakiil kale oo sare. Raysal wasaaraha,ayaa maanta ka qeybgalay xarig jarka Warshada Furunka iyo Daqiiqda ee laga hirgeliyay dowlad deegaanka iyo mashruucyo kale. Faahfaahin dheeraad ah weli kama soo bixin qorshaha shaqo ee laga yaabo in uu u tagay Jigjiga, iyo xitaa inay marin nasiino u tahay Magaalada.
Press Statement We, the undersigned former Presidents of Somalia, have successfully undertaken separate telephone discussions with the President of the Federal Republic of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud and President of the Puntland State of Somalia, Saed Abdullahi Deni to address the pressing political differences between them through dialogue, this was to eventually culminate in a sit down. To this give seminal matter a chance, we agreed with President Hassan Sheikh to halt the ongoing efforts to amend the constitution for a period of two weeks. Sadly, it has become apparent to us that President Hassan Sheikh was not responsive to…
Bismillahi, Warsaxaafadeed, Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol. Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne…
Muqdisho,waxay ahaanaysaa Magaalo Somaliyed oo ku fiican Ganacsiga. Balse masii ahaan karto Caasimad Somaliyed hadii la rabo in ay sii jirto Jamhuuriyad lawada leeyahay. Xamar ma’ahan meel ku haboon Caasimad xilligan Laba arimood oo jira awgood…. 1.Amniga. 2.Sinnaan la’aanta iyo in aan loo sinaan doonin. Shirweynaha Garowe ka dhici doona ee Somaliyed Caasimadu,waa arimaha looga hadli doono. Somaliya,waxay taagan tahay kala goys adag oo ay kula tagi doonto si dhamaystiran ama isku raaci doonto. JQ.
Go’aankii ay horay ugaareen Golaha Wasiirada Puntland ee ahaa inta laga helayo Dowlad Somaliyed oo sax ah in ay udhaqanto PL sidii Dowlad Madax banaan ayay meel marinaysaa oo horgaynaysaa Baarlamaanka. Waxaa kale oo ay Puntland lasoo laabanaysaa Xildhibaanada iyo Seneterada ku matala Golayaasha DFS si sharciyan ah. Sidoo kale PL waxay qabanaysaa Shirweyne Ummadda Somaliyed ay ku hordhigayso Wadatashigii Qaran ee ugu danbeeyay,kaasoo looga hadlayo… 1.Nidaamka. 2.Caasimada. Nidaamka Fadaraalka ah kuma filna isku haynta Jamhuuriyad Somaliyed marka la eego rabitaanka SL ee goosashada iyo tala xumada Xamar taal,hadii lasii wada joogayo. Caasimada masii ahaan karto Xamar,waxaana loo baahan yahay…
Puntland in ay ku dhawaaqdo in at ka baxday DFS waa go’aan kharaar oo dhimasho u ah Dowladnimada soo kabanaysay ee Somaliya. Balse doorasho maleh oo waa lagu khasbay. Xasan Shiikh waxa uu rabo in lagu qoro Dastuurka Fadaraalka iyo sida uu ugu falaadayo jawaab aan ahayn in laga baxo DFS majirto. 14-ka Bisha haduu taabto Dastuurka,waxay PL xaq uleedahay 15-ka in ay ku dhawaaqdo ka bixida DFS. Shacabka Somaliyed meel ay joogaan,waa ku garab siinayaan go’aankeeda. Sida xogaha aan ku helayo,waxaa diyaarsan qoraalka la horgaynayo Baarlamaanka Puntland ee ka bixida DFS. JQ.
Bosaso laguma fiirsan karo xaalka amaan ee ay hada ku jirto,waxaana si xawliya uga hawlgalaya Nabad diidka…. 1.Waxay toos uwacayaan Ganacsatada. 2.Waxay dul saarayaan Lacag baad ah. 3.Waxay ku amrayaan in la xiro Meheradii bixin wayda Lacagta Baada ah. Fashilkan,waxaa keenaya dhawr arimood oo kala ah… B.Ku mashquulkii Doorashada. T.Hogaamada laamaha amniga oo liita. J.Dhaqaalaha ku baxa amniga oo yar. Xalku muxuu yahay? B.In isbadal lagu sameeyo Taliska Booliska si balaaran. T.In isbadal lagu sameeyo hogaanka CID Gobolka. J.In isbadal lagu sameeyo hogaanka Pisa ee Gobolka. X.In kor loo qaado Dhaqaalaha iyo Qalabka hawlgelida Ciidamada dharcadka iyo Booliska. Kh.In hawlgal…
Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd in wixii harsanaa la dhamaystiro oo uu la kulmo Talyaha PSF MW Deni. Balse isfahanwaa dhexmaray Ciidamada ilaalada Madaxtooyadayada iyo Maxamuud Diyaano,ayaa sababay in uu baaqdo oo uu caro uga laabto mid ka mid ah Baraha laga ilaaliyo amniga Madaxtooyada. Waxa ugu weyn ee laysku maandhaafay,waxay ahaayeen Ilaalada uu la gudbayo Talyaha PSF ee uu la galayo gudaha. Kadib,waxaa arinka soo dhexgalay MW Deni,waxaana Gacanta arinka ku dhigay Boqorka,Asad iyo Cumar,waxaana dhacaya kulankii baaqday. Arimaha ugu waa weyn ee harsan,waxaa ka mid ah… 1.Ka heshiinta Shirkad Macdanta ah oo ka hawlgalaysa Xaafuun. 2.Shirkad Cusbada ah…
Xero baaxad leh oo ku taal goob muhiim ah,aadna uqalabaysan laguna tababari karo intii la doono oo Ciidan ah,ayaa ku taal Bosaso. Xeradaas,waxaa Gacanta ku haya Dowlada PL,waxaana suga amnigeeda Ciidamada Badda PL oo ah dhalinyaro Somaliyed oo ka fog xagjirnimo iyo musuq. Dowlada Imaaraadka oo fulinaysa qorshe ay ku tababarayso Ciidamo Somaliya oo la rabo in la gaarsiiyo ilaa 20-kun,ayaa soo jeedisay in ay isticmaasho Xeradaas,iyadoo ku xulatay arimaha aan soo sheegnay. Balse MW Xasan oo ka duulaya dhaqaale raadin iyo Eex,ayaa diiday oo ku khasbay Imaaraatiyiinta in ay ku hawlgalaan Xerada Jen.Gordan ee Muqdisho. Waxaa jira haatan warar…
Dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay inay diiddantahay heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee Adis-Ababa. Qoraal Dowladda Soomaaliya ay soo saartay,ayaa u qornaa sida tan… Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diidaysaa waxa loogu yeero “heshiiskii is-afgaradka” ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolo ka mid ah Soomaaliya ee Somaliland 1-dii Janaayo, 2024. Is-afgaradkaas sharci-darrada ah wuxuu xadgudub cad ku yahay madax-bannaanida, midnimada iyo Soomaaliya. midnimada dhuleed. Waxaa intaa dheer, tallaabada Itoobiya ee aan loo meel dayin ayaa ah xadgudub halis ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo hab-dhaqanka iskaashiga ka…
Madaxweyne Sisi,waa hakiyay imaanshihiisii Somaliya ee Maanta qorshaysnaa. Waxaa muuqata in weerarkii xalay hadafkii looga Dan lahaa ufulay sidii la rabay,taasoo ahayd… 1.In lagu baajiyo socdaalka MW Masar ee Somaliya. 2.In la waxyeeleeyo danaha Imaaraadka ee Somaliya. Baaqashada MW Masar,waxay la xiriirtaa shaki dhanka amaanka ah oo ka yimid weerarkii Xalay,waxaana dib loo eegayaa xili kale oo ku haboon oo ayba dhici karto in ay noqdaan maalmaha soo aadan,sida wararku sheegayaan. Somaliya soo kabashadeeda Dowladnimo ayay baaqashada MW Masar iyo weerarkii Xerada Jen.Gordan ay dib udhac ku tahay. JQ.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo weerarka dib dhaawacyada ku booqaday isbitaalka Digfeer,ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris deg-deg ah. Madaxweynaha,ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. “Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,”Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Dawladda Fadaraalka Soomaaliya illaa hadda faahfaahin badan kama bixinin,…
Weerar toogasho ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Jeneral Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan Afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen saraakiil kale. Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo Askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin. Dawladda Fadaraalka Soomaaliya illaa haatan faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana isla goobtii lagu dilay Askarigii ka…
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta,ayaa shaaca ka qaaday in shahiideen Saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Baxreyn iyo dhaawaca labo kale fal argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Imaaraadka,ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal. Dowladda Imaaraadka ,yaa sheegtay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo.
“ABU DHABI, 10th February, 2024 (WAM) — The UAE Ministry of Defence (MoD) has announced the martyrdom of three members of the UAE Armed Forces and an officer from the Bahrain Defence Force, along with the injury of two others, in a terrorist act in the Republic of Somalia, while fulfilling their mission to train and qualify the Somali Armed Forces as part of a bilateral agreement between the United Arab Emirates and the Republic of Somalia that falls within the military cooperation between the two countries. In a statement, the MoD prayed to Allah Almighty to have mercy on…
Madaxweynaha Somaliya in uu ku booqdo isbitaalka Dhaawaca Saraakiisha iyo Ciidamada Xerada Jeneral Gordan,waa loo baahnaa. Sida dhakhsaha badan ee uu uga jawaab celiyay,waxay garab utahay xiriirka Somaliya iyo Imaaraadka,waxayna muujinaysaa sida Somalidu utixgelinayso. Khasaaraha soo gaaray Walaalaha reer Imaaraad ee garab taagnaa Dowladnimada Somaliya in lala qaybsado,waa muhiim. Imaaraadka Carabta,wuxuu taageero dhaqaale,tababar iyo Saadba siiyaa guud ahaan hay’adaha amaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah. JQ.
Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Molly Phee,ayaa u safri doonta Itoobiya Toddobaadka soo socda. Socdaalkeedu,wuxuu ku aadan yahay ka qaybagalka Shirwaynaha Midowga Afrika ee Sanadlaha ah. Marka laga soo tago ka qaybgalka Shirweynaha Midowga Afrika,waxay kaloo balansan yihiin oo ay la qaadan doontaa kulan muhiim u ah Gobolka RW Abiy. Arimaha Miiska saaran ee ay kala xaajoondoonto Abiy,waxaa ka mid ah… 1.Xasiloonida gudaha ee Itoobiya oo sii xumaanaysa oo ay ugu horeeyaan colaada Amxaarada iyo xaalada Gobolka Tigreega. 2.Walaaca Maraykanku ka qabo heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland MOU. Maraykanku si gaar ah,wuxuu u arkaa heshiiskaas kaas inuu…
Marka laga soo tago sheegashada weerarkan ee Alshabaab oo ah koox siyaabo kala duwan loo isticmaalo Afar jiho ayay ka imaan karaan weerarka ka dhacay Xerada Jeneral Goordan ee Muqdisho….. 1.Qatar oo loolan kula jirta Imaaraadka. 2.Itoobiya oo khalkhal gelinaysa Booqashada MW Masar ee Muqdisho. 3.Kacdoon ka dhashay Dhulka Dowlada ee laga saarayo Beelaha Habar-gidir. 4.Villa Somaliya oo laftigeedu xumayn karta Imaaraadka. Weerarkan,wuxuu saamayn ku yeelan karaa taageerada Imaaraadka ee Ciidamada DFS hoos taga kuwaasoo gaaraya 12-kun oo Askari. Somaliya,waa Dal farooje ah oo cid walba ka adeegan karto lagana fulin karo qorshe kasta oo xumaan ah. JQ.
Caasimada Itoobiya ee Adis,waxaa ka dhacaya Shirkii Midowga Afrika ee Sanadlaha ah. Somaliya,waxaa ku matalaya Ra’isalwasaare xigeenka Saalax. Dowlada Somaliya,waxay go’aansatay in ay hoos udhigto weftiga ku matalaya kulan weynaha Madaxda Afrika….. 1.Heshiiska isfahan ee ay Itoobiya la gashay SL oo xadgudub ku ah Madaxbanaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Qaranimada Somaliya. 2.Ixtiraam darro ay ka muujisay Itoobiya Shirkii IGAD ee Uganda iyo goobo kale. Talaabadan Somaliya ay qaadatay si weyn,ayay Shacabka Somaliyed ugu riyaaqeen,wuxuuna markale ku helayaa MW Xasan kasbasho Bulsho. Itoobiya,waxay udhaqantay si masuuliyad darro ah markay timaado heshiiska ay la gashay SL. JQ.