Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Deni,ayaa sheegay in Doorashada lagu galayo 66-Xildhibaan oo Gobolka Sool qayb ka yahay Dastuurka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1740473710895907154?t=A0QALX3Sy63FPeuJsIrssQ&s=19
Author: Jibril Qoobey.
Ciidamada Eretereya,waxaa ku jiray kuwo loo tababaray in ay fuliyaan Galmada isku Jinsiga ah. Sidoo kale Askarta midkii laga helo Beer xanuun,waxaa lagu sii dhufanayay Irbad oo waa la dilayay. Khayre in xilka laga qaadayo,waxaa loosii sheegay Ciidankii Eretereya 10 -Beri ka hor intaan xilka laga qaadin. Farmaajo in uu ku darsanayo mudo 2-Sano ah Ciidanka Eretereya mudo ka hor,iyadoo Xaflad dabaal deg ah loo sameeyay. Xasan Shiikh,waxaa lagu xiray shuruud oranaysa hadaad rabto in aan kusoo celino Ciidamada Eretereya adna waa in aad keentaa badalkooda,waana dhacday oo 3000 la siiyay,wuxuu kusoo badalay 4300 oo cusub. Ujeedka Ciidankaas loo keenayo,waa…
Maanta,waxaa Jabuti ku kulmaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi. Wada hadalkoodu,wuxuu daaran yahay sidii dib loogu bilaabi lahaa waxa loo yaqaan wadahadallada Somaliya iyo Somaliland. Kulankan,waxaa qayb ka ah Cabdikariin Guuleed oo ah Ergayga Xasan Shiikh ee Somaliland wada xaajoodkeeda uqaabilsan. Somaliland-ta Muuse matalayo,waa mid ay qayb ka yihiin Gobollada Sool iyo Sanaag. Su’aalaha muhiimka ah ee mudan in lays waydiiyo waxay kala yihiin?? 1.Afar Nin oo isbahaysi Siyaasadeed oo Beelaysan ah maka wada hadli karaan arin quseeya masiirka JFDS? 2.Arin saamaynaya Dhul iyo Dad Beesha Daarood ah la’aantood Malaga shiri karaa oo…
Villa soomaaliya oo cadaysay dhoofka MW Xasan ee Jabuti waxa uu daaran yahay. Madaxweyne Xasan oo u weheliyo Erygeyga gaarka ah ee arimaha SL uqaabilsan Villa Somaliya Cabdikariin Guuleed,ayaa Jabuuti u tegay si ay ula kulmaan Madaxweynaha Somaliland oo isna kasoo dhoofay magaalada Hargeysa. Casuumadan,waxaa uwada fidiyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Villa Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxa ay ku sheegtay in ujeedka kulankaas uu yahay dib u bilaabidda wada-hadallada u dhexeeya walaalaha Somaliya iyo Somaliland.
Waxgaradka Beesha Dhulbahante oo Bayaan ka soo saaray Doorashada Puntland. Bayaanka,ayaa lagu sheegay in la soo Xulayo Xildhibaanada Matali Doona Deegaanada Beesha. Siyaasiyiinta,waxgaradka iyo Aqoon yahanka Beesha Dhulbahante ee soo saaray Warqadan,ayaa cadeeyay in ay kasoo horjeedaan warkii ay soo saareen Musharaxiinta oo ay yihiin Puntlander Dastuurku qeexay. Halkan ka akhriso:-
Markale in uu yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Gaas,waxaa muujinaya saadaashaas hogaamintiisa xilligan. Musharaxiinta hada hor fadhiya qaar badan oo ka mid ah waxay noqon doonaan Wasiirada Dowlada cusub ee 8-Janaayo. Deni,waa Madaxweyne hore sida muuqata oo taariikhda galay. Dowlada Imaaraadka oo u ahayd taageero adag,waxay markan la sintay Gaas oo sida xoguhu sheegayaan waxaa lasoo wada siiyay dhaqaale isku mid ah isaga iyo Gaas. Qorshe walba oo uu iskugu dayo in uu kusoo laabto ma’ahan mid usoconaya oo xataa Xildhibaanada sida saxda ah ay ugu soo saxiixeen Isimada,ayaan Cod siinayn. Xildhibaanku,waxa uu rabo waa Laba Qodob… 1.Xurmo iyo wax…
Kornayl Maxamed Cali Gardam oo dagaalkii shalay ee Laascaanood ku dhaawacmay,ayaa ugeeriyooday dhaawicii. Kornaylka,ayaa ku dhaawacmay dhexgalka Ciidamadii shalay diriray. Waxaa isna horay ugu Geeriyooday Buqdharkeyn Curadkii Kornayl Maxamed Cali Gardam. Sidoo kale,waxaa isna Shalay ku Geeriyooday dagaalkii Laascaanood Taliye C/qani Cawil Cawshan. Rabbi ha uwada naxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu dagaalkii Shalay mid baqdin galiyay guud ahaan Geeska Afrika muujiyayna khatarta kasoo socota Sool. Jibril Qoobey.
Wardoonka Itoobiya,ayaa fariin digniin ah ka keenay Musharaxnimada Aadan Sh.Doon. Warqada digniinta ah waxay soo gaartay Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale waxay Warqadu gaartay Musharax Aadan Sh.Doon,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka mid ah Qunsuliyada. Itoobiya,waxay ka walwal qabtaa in uu hogaanka Puntland qabto Nin aad u aaminsan fikrada Xagjirnimada oo waliba tuhumo waa weyn ay sheegayaan xiriir kala dhaxeeya kooxaha Nabadiidka. Wardoonka Itoobiya,waxuu wakiil ka yahay oo si dadban umatalaa Wardoomada R.Galbeedka lamana fududaysan karo walaacooda. Aadan Warqadan,waxay ku noqotay waxyeello weyn oo soo gaartay Olalihiisa,kaasoo haatanba nuxuusiyay. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Gaas,ayaa ka hor yimid 17-ka Xildhibaan ee Sool kasoo jeeda in laga hor istaago Doorasahada ka qaybgalkeeda. Musharaxiinta,ayaa iska waraystay Xildhibaanada Sool,waxaana qaarkood soo jeediyeen in la hakiyo oo doorashada lagu galo 49-Xildhibaan. Musharaxiinta soo jeedinta sameeyay,waxay ka duulayeen baqdin ay ka qabaan in Deni kaligii soo xusho 17-ka Xildhibaan ee Sool. Balse Gaas,ayaa si adag udiiday oo ku dooday in ay waajib tahay ka qaybgalka Doorashada 17-ka Xildhibaan ee Sool… 1.Ilaalinta Dastuurka Puntland,ayuu ku saleeyay. 2.Hubanti la’aan ku dhacda mustaqbalka Sool,ayuu ku saleeyay. Dhamaan Musharaxiintii kale,ayaa dooda Gaas aqbalay Kuna raacay in aan la hor istaagin ka qaybgalka…
$13-Milyan oo iskugu jira Saad,Qalab Ciidan iyo Mushahaar,ayuu ku bixiyay Xoraynta Sool MW Deni. Dagaal Diblomaasiyadeed oo aad udagna waa ku galay,kaasoo PL usameeyay Cadow badan oo heer caalami ah. 24-Cisho oo Shacabku Dhagaxtuur waday,ayuu amray in Ciidanka PL gudaha ugalaan Magaalada. Dagaalkii xaqiijiyay Guusha ee Goojacade,wuxuu galiyay Ciidamada ugu muhiimsan PL;iyadoo xogta dagaalka xataa laga qariyay Saraakiisha intooda badan. Laascaanood,waxaa Gacanta SL geliyay Xaabsade iyo Cali Sandulle oo kasoo kala jeeda Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad oo Beesha Dhulbahante ah. Ugu danbayntii Sool waa in laga ilaaliyaa in aysan Gacanta SL markale ku noqon oo horgal uusan uloogin. Jibril Qoobey.
Guud ahaan Musharaxiinta Madaxweynuhu,waxay isku soo shubeen Gurigiisa. Sidoo kale,waxaa saf ugu jira Bulshada caadiga ah qaybaheeda kala duwan. Qiimaynta xilligan ee Musharaxiinta,wuxuu soo fuulay Madaxa hore,iyadoo laysku raacsan yahay haduu kasoo gudbo Wareega 1-Aad in uu yahay Madaxweynaha Deni badali doona. Musharax walba oo aad waydiiso Plan-B uu leeyahay;wuxuu kuu sheegayaa in uu Gaas yahay. Hab dhaqankiisa dabacsan ee lala moolaanshaha ogol,ayaa sababay in uu xataa Deni unoqdo Plane-B. Jibril Qoobey.
Shan ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka kuwooda ugu waa weyn ee xambaara Nukliyeerka,ayaa ku soo xirtay Dekedda Berbera. Maraakiibta haatan ku sugan Dekeda Berbera,waxay kala yihiin…… 1.USS Carney. 2.USS Sea Ticonderoga 3.USS Dwight D. Eisenhower. 4. USS Stethem (DDG-63) 5.Naval Surface Commander and the Guided Missile Destroyer. 107. Maraakiib dagaal oo Maraykan leeyahay,waxa ugu danbaysay Biyaha Somaliya 1987-dii. Garoonka Diyaaradaha Berbera,ayaa isna wakhtigan mashquul ah,waxaana la xoojiyay amnigiisa,iyadoo laga joojiyay Dadka,waxaana ka hawlgalaya Sirdoonka Maraykanka. Ciidamadan,ayaa ka hawlgalaya Marin Biyoodka Yemen ee Baabul-Mandab. Dhanka isticmaalka Biyaha Somaliya,waxay fasax ka heleen Dowlada Fadaraalka Somaliya. Jibril Qoobey.
Bulshada caadiga ah ee reer Puntland,ayaa si weyn uga xumaaday Warkii kasoo baxay Garaadada Sool 23-kii Bishan ee ka dhsnka ahaa soo xulista Xildhibaanada Sool ku matalaya Baarlamaanka Puntland. Dowlada Puntland dhankeeda hoos bay udhigtay warkaas Garaadada,waxayna si caadiya uwadataa soo xulista Xildhibaanada. 17-kii Xildhibaan ee Gobolka Sool ayay xoguhu sheegayaan in ay dhamaystiran yihiin oo Gudiga khilaafaadku diyaariyay. Sidoo kale Musharaxiinta kala duwan ee Madaxweynaha Puntland,ayaa ka carooday hab dhaqanka Garaadada iyo reer Sool,waxayna taageereen soo xulida Xildhibaanada 17-ka ah. Bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan waxay u aragtaa in reer Sool ay xilli adag dhabar jabiyeen oo ay…
Mudug iyo Bari ma’ahee inta kale Gobollada waa la diyaariyay Xildhibaanada,waxaana loogu daray Hal Maalin oo ah 26-ka Bisha Labadaas Gobol. Hadalka Gudoomiyaha,ayaa ka dhigan in Xildhibaanada Gobolka Sool soo dhamaystirmeen. Gudoomiyaha Gudiga khilaafaadka,ayaa sidaa shaaciyay mar uu Caawa Saxaafada la hadlayay. Ilaa iyo hada shaqada Gudiga khilaafaadku waxay usocotaa si habsami leh oo ay aad urursan tahay xogteedu laguna wada faraxsan yahay. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1739430178969801150?t=Iz0XbZGcQaDZ87mYmq3hCA&s=19 Jibril Qoobey.
Beesha Bahrarsame,ayaa weerartay Saldhigga Booliiska Dhexe Hal Nin;ayaa kaga dhintay. Ciidanka Booliiska Saldhiga way iska difaaceen Weerarkaas. Gaari Habarjeclo looga qabsaday Buqdharkeyn ayay maqleen in Qolo kale lagu wareejiyay. Gaariga waxaa hadda Gacanta ku haya Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1739300927020949529?t=JbG-rQaAcVOG_1Vv2rYrPg&s=19
Muhiimadu waa in Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu noo qabsoontaa si loo helo Madax Sharciyad haysata oo buuxisa doorka Puntland ee Dowlad dhiska Somaliya. Puntland waa Maamul Dhul iyo Dadba saamayn weyn leh oo iskaga filan dhinacyada… 1.Maqaamka 2.Dhaqaalaha 3.Amaanka Sidoo kale PL waa Maamul leh Laba Dekadood, iyo Sadex Garoon Diyaaaradeed,isla markaana qayb weyn oo muuqata ku leh dhaqaalaha Wadanka. Si kale hadii loo yiraahdo Beesha MJ oo aan lahayn Maamul ahna kaligeed,ayaa ubabac dhigi jirtay loolanka Siyaasadeed iyo la goos goosiga hogaamiye walba oo yimaada Somaliya. Hogaamiye aan cuqdad qabin oo raba Dowladnimo miisaanka reer PL waa umuuqdaa. Sool…
Maxaan reer Sool ugu Mahadceliyay? Reer Sool waa Mahadsan yihiin,sababtoo ah,waxay isbareen reer Puntland iyo Somalida kale ee aan si dhab ah ufahansanayn. Sool,waxay garan wayday Dadkaas kale ee reer PL xataa hadàad ka tagaysaan Sharaf uga taga oo ha iska niyad xumaynina hana umuujinina Abaal Darri. Reer PL kale difaaca Sool waxay ku kasbadeen cadàawad BC iyo Somalida kale ah,waxayna ku bixiyeen Dhiig iyo Dhaqaale Naf hurid ah umana qalmaan in la ilhaameeyo. Reer Sool cidna kama yeelayso oo waa danaysi qaawan Amniga iyo Dhaqaaaluhu waa naga dhaxeeyaa lkn Siyaasadu nagama dhaxayso. Firaaq Dastuuriya PL kama dhacayo,waana lasoo xulayaa…
Xasan Dowladiisa,waxaa uharsan 5-bilood marka la qiimeeyo Saamaynta Siyaasadeed, balse mudo xileednimada,waxaa ubaaqiya 2 Sano iyo 5-bilood. 5-Bilood kadib,waxa ugu horeeya ee hoos udhigaya waa QM oo ku qiimaynaysa arimo ay ka mid yihiin awoodiisa isku haynta Wadanka iyo Qodobo kale. Sidoo kale,waxaa kusoo fool leh hoos udhac weyn oo dhaqaale,waxaana istaagaya Kabida Miisaaniyada iyo taageerida Adeegyada Bulshada ee Deeq bixiyayaasha. Labadaas Qodob waxay Dowladiisa ka dhigi doonaan mid aan saamayn lahayn oo taladu Dhulka ka taal.
Madaxweyne Xasan Shiikh,waxaa ka muuqata in uu soo degay oo waaqiciga kusoo dhawaaday. Hadalkiisii Saakay,waxuu ahaa mid muujinaya jabka Siyaasi ee ka raacay qorshihii wax ka badalka Dastuurka. Khudbadii ka horaysay midan,waa ku hanjabay,wuxuuna ku sheegay in aan cidna loo joo jiinayn.. ” Waa la badalaa Dastuurka,cidna loo jiijin mahayo”. Haatan,waxuu aqbalay in mudo xileedka harsan laga faa’idaysto,iyadoo la marayo habraaca wax ka badalka Dastuurka ee ah wada tashi iyo isla ogol. Qodobka 54-Aad ee Dastuurka, ayaa qeexaya in DG lagala tashto arimaha saamaynaya sida midkan wax ka badalka Dastuurka oo kale. Jibril Qoobey.
Cumar waa Nin furdaamin kara arimaha xasaasiga ah ee hor yaala Dowlada Fadaraalka ah,kuwaasoo kala ah.. 1.Hoos udhaca dhaqaale ee soo wajahan kadinb dayn cafinta. 2.Qabyo tirka Dastuurka. 3.Midaynta Canshuuraha. 4.Midaynta Miisaaniyadaha. Xasan,waa ku adkaatay hirgelinta wax ka badalka Dastuurka,waxuuna rabaa fashilka ka yimid in uu usaaro Wasiirada iyo Ra’isalwasaaraha. Kulanka mudada dheer qaatay ee ay saakay wada qaateen Xasan iyo Cumar,waxuu dhaliyay dareen marka laga eego xilliga uu kusoo beegmay. Cumar,waxaa laysku raacsan yahay in uu wajihi karo caqabadaha kusoo socda Dowlada Xasan oo waliba kusoo aadaya 2-dii Sano ee ugu danbeeyay. Jibril Qoobey.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland,Xildhibaano,Madax kale iyo Bulshada qaybaheeda,ayaa kusoo dhaweeyay Duldaan Siciid Caasimada Garowe. Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan;ayaa usoo gaaray Garowe si uu u Saxiixo Xildhibaanada Sanaag ee PL. Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland;ayaa 30% lasoo xulay,waxaana qorshuhu yahay ugu danbayn 25-ka Bishan in lasoo dhamaystiro,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1737837064668996067?t=7qUT7pHYSu7YC3I-_HSW6g&s=19
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Madaxda Qaranka, Wasiirro ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, siyaasiyiin, culamaa’uddiin iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada,ayaa ka qaybgalay janaasada Allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, oo shalay ku geeriyootay magaalada Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha,ayaa shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija,waxa uuna magacaabay Guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo usameeya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.
Wareeg kale oo wadahadal ah oo ku saabsan biyo-xidheenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka Buluuga ah ayaa ku dhammaaday guuldarro. Shirkan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka socday Itoobiya iyo labada dal ee Masar iyo Suudaan. Masar iyo Suudaan ayaa muddo dheer walaac ka muujinayay in biyo-xireenku uu halis gelin karo sahaydooda muhiimka ah ee biyaha. Masar oo ka hadlaysa fashilka ku yimid wadahadaladii ugu dambeeyay, waxay ku eedaysay Itoobiya ” diidmo joogto ah” oo ah inay aqbasho tanaasulaad dhinaca farsamada iyo…
Ciidamada Cirka Israa’iil,ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay weerareen Xarunta hawlgalka ee kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah ee Dalka Lubnaan. Milatariga Israa’iil,ayaa sidoo kale sheegay in ay garaaceen kaabayaasha argagixisada oo ay ku jiraan goobaha weerada laga soo qaado iyo Bakhaar hubka ah. Shalayna kooxda Xisbullah,ayaa sheegtay in ay weerar Gantaalo ah ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Israa’iil oo ay ku jirto meel u dhow magaalada Metula ee Waqooyiga dalkaasi ku taal,waxana ay shaacisay dhimashada Lix ka mid ah dagaalyahanadeeda muddo 24 saac ah. “Warbaahinta Lubnaan,ayaa ku warrantay in Laba Qof oo rayid ah la dilay maanta,mid waxaa toogtay…
Dawladda Somaliya,ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka Cirka ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Somalida iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”. Talyaha Ciidanka Dowlada Fadaraalka Jen. Ibraahim Shiikh Muxudyidiin;ayaa sheegay in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib. Dawladda Maraykanka,ayaa Madaxiisa dul dhigtay 10-Malyan oo dollar,iyadoo ku eedeysay in uu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada Manda Bay ee Gobolka Xeebta Kenya bishii Janaayo 2020.
Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, sida uu baahiyey telefishinka ku hadla codka dawladda Soomaaliya. Sida uu sheegay Telefishinka, Wasiirka oo ka mid ahayd Waftiga Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneyd. Khadiija Maxamed Diiriye,ayaa ku jirtay dowladda federaalka ku dhowaad 20 sano, oo ay aheyd xildhibaan, ayada oo dhowr marna soo qabatay xilal wasiir oo kala duwan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa…
Sadexda Xildhibaan ee Sanadkan ku matalaya Baarlamaanka Puntland Beesha Cismaan Maxamuud,ayaa kala ah… 1- Mustaf Maxamed Cismaan (Asbaro) -Reer Ugaar yahan -Isxul Beesha Cismaan Maxamuud 2- Cabdulqaadir Xassan (Daadir ) Samantar Cumar -Beesha Cismaan Maxamuud 3- Maxamed Salaad Cabdi -Caamir Maxamed Beesha Cismaan Maxamuud. Xildhibaanadan,ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee lasoo xulo kana mid noqon doona Baarlamaanka cusub.
Dowladda Mareykanka,ayaa Talaadada maanta ah shaacisay, in Ciidamo ka socda dhowr Waddan oo uu Mareykanka ku jiro ay hadda kaddib waardiye ka qaban doonaan Marin biyoodka Baabal Mandab ee Badda Cas. Dalalka is bahaysigan ka qaybgalaya,waxaa ka mid ah Maraykanka,Canada iyo Bahrain,waxayna ilaalin doonaan Marinka Maraakiibta ee Baabul-Mandab ee Yemen udhow. Marinkan oo amnigiisu sii xumaanayo,ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Xuutiyiinta Yemen ku weerareen qaar ka mid ah Maraakiibta caalamiga ah. Xuutiyiinta Yemen oo ku hubaysan Drones iyo Gantaalo Balaastika ah,ayaa hiil u ah Xamaasta ka dagaallamaysa Qasa. Hawlgalka sugida amniga Badda Cas ee Maraykanku hormuudka ka yahay,ayaa ah…
Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da,ayaa u duulay Bariga Dhexe, si uu wadahadal ula yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Qatar, isaga oo ka dhawaajiyay suurta-galnimada heshiis xabbad-joojin cusub ah iyo sii deynta la haystayaasha Qasa. Dhanka kale Xoghayaha difaaca Mareykanka,ayaa hoggaamiyeyaasha Militariga Israa’iil kala hadlay dagaalka Qasa. Booqashada Madaxda CIA-da,ayaa kusoo aadaysa,iyadoo mudadii Maraykanku ucayimay Israa’iil in ay kusoo gabagabayso hawlgalladeeda Qasa ay ka harsan tahay 11-cisho.
Hogaamiye loo xiisay hogaamintiisii,ayaa masraxa Siyaasada kusoo laabtay markale. Cabdiweli M.C.Gaas Nin macno badan leh oo ay reer PL ubaahi qabaan hogaamintiisa,ayaa lagu tilmaami karaa… 1.Isku wadkiisii Dadka gudaha. 2.Xiriirkiisii Caalamiga ahaa 3.Fahamkiisii Dowlad dhiska. Puntland Maanta,waxay ubaahan tahay hogaamiye Abqariya,bisil oo ka sareeya aragtida Siyaasiga caadiga ah. Gaas oo wata waayo aragnimadii uu ka bartay hogaamintiisii hore PL meel magac leh,ayuu ku furi karaa. Waa uga Mahadcelinaynaa aqbalaadiisa in uu PL markale u adeego. Jibril Qoobey.
Si dhamaystiran,ayuu ufulay heshiiskii Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudiga khilaafaadka,waxuu kusoo dhaweeyay Xaafiiskiisa,waxuuna ku wareejiyay Galkii Gudoomiye Jibril. Waa tallaabo ka dhigan in uu si rasmi ah u aqoonsaday Gudiga khilaafaadka ee Madaxweyne Deni magacaabay. Halkaas,waxaa kusoo idlaaday isjiidjiidkii Madaxda sare ee Dowlada Puntland udhaxeeyay. Puntland,waxay aaday Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda. Jibril Qoobey.
Waxaan maanta xafiiskayga ku soo dhaweeyey Guddiga Xallinta khilaafaadka iyo Ansixinta Golaha Wakiillada, anigoo ka duulaya heshiiskii jiheynta doorashada ee ay wada galeen madaxda sare ee Dowladda Puntland, waxaana ku wareejiyey Guddiga Diiwaanka galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka, habaraacaas oo uu ku yimi Baarlamaanka 5-aad ee mudo xileedkiisu ku egayahay 31/12/2023. ALLAAH MAHADLEH ALLOW DHOWR PUNTLAND
Madaxweynihii,ku xigeenkiisii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka waa is fahmeen,wayna ka heshiiyeen wixii dhex yaalay,waana laysla qaatay Gudigii khilaafaadka. Mucaaradka Hubaysan ugu danbayntii,waxay hor fariisteen Gudiga khilaafaadka ee Madaxweyne Deni magacaabay Gudigii khilaafaadku,waxuu Shaqadiisii si habsami leh ugu bilowday Xarunta Baarlamaanka,iyagoo soo saaray habraaca Xildhibaanka iyo Jadwalka Shaqadooda. Gudigii Amniga Doorashada,waxay shaaciyeen Awaamiir amaanka ku aadan oo loo baahnaa. Musharaxiinta Doorasahada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka si qurxoon ayay uwataan Olalhooda,iyagoo xataa isticmaalaya Warbaahinta Dowlada. Muhiimadu,waa in Puntland hesho 1-8 Janaayo 2024 Baarlamaan iyo Madaxtooyo Sharciyad haysta oo qayb ka noqda Dowlad dhiska Wadanka ee socda. Jibril Qoobey.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay ilaa hadda ka heleen godkii ugu weynaa ee Xamaas ee Qaza, kaas oo 400m u jira xuduudka Erez ee u dhexeeya waqooyiga Qasa iyo Israa’iil. Sawir qaade ka tirsan AFP ayaa loo oggolaaday inuu galo godka waxa uuna sheegay in uu yahay god weyn isla markaana gaari la dhex marin karo. Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in marinku uu ku kici lahaa malaayiin doollar oo ay sanado ku qaadan lahayd dhismihiisa. Waxa ay sheegtay in nidaamka godka marinka ah uu lahaa wareeg weyn kuwaas oo wada daboolay in ka badan 4km. Waxay sheegtay in…
Kenya iyo Midowga Yurub,ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi dhaqaale oo weyn (EPA) kaas oo dammaanad qaadi doona in Waddanka ku yaalla Bariga Afrika uu canshuur la’aan iyo gelitaanka aan xadidneyn ee badeecadaha la soo xulay uu gaarsiiyo Midowga Yurub, oo ah Suuqa ugu weyn ee dhoofinta. Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula Von Der Leyen ayaa ku sugnaa xaflad lagu saxiixayay magaalada Nairobi. “Udub-dhexaadka heshiiskan ayaa ah rabitaankayaga inaan lacag dhab ah gelinno jeebabka dadka caadiga ah: beeralayda, xirfadleyda iyo haweenka, farsamayaqaannada, gaadiidleyda iyo noocyada kale duwan ee shaqaale ee ka qaybqaata wax soo saarka, gaadiidka…
Dowladda Mareykanka,ayaa Toddobaadkii tagay Lacag dul dhigtay Xubin ka mid ah Madaxda Alshabaab. Abaal-marinta,ayaa gaareysa Shan Milyan oo dollar,waxaana la siinayaa ciddii soo sheegta xog la xiriirta halka uu ku suganyahay ama far muuqda ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-Shabaab. Dhanka kale Mareykanka,ayaa soo dhaweeyay cuna-qabateyntii Hubka ee Golaha Ammaanka ee QM uu ka qaaday Soomaaliya kadib 32-sano oo ay saarneyd.
Guddiga Amniga Doorashada Puntland,ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray go’aanno lagu xoojinaayo Amniga Guud ee Puntland. Halkan ka akhriso:-
Bismilaah. Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen. Halkan ka akhriso:-
Ugu danbayn markii ay ka fashilmeen Mucaaradka Hubaysan isku dayadoodii oo idil waxay go’aansadeen in ay la kulmaan Gudiga khilaafaadka oo aqoonsadaan. Sida aan xogta ku helay,waxay waydiinayaan hal Su’aal oo oranaysa… Ma waxaad tihiin Gudi Deni mise Gudi dhexdhexaad ah? Mucaaradka Hubaysan la kulankooda Gudiga khilaafaadka,waxaa soo dadajiyay markii Karaash iyo Abwaan ugaleen Deni oo uu fashilmay qorshe ahaa in ay Caawa wada weeraraan Xarunta Baarlamaanka. Legdin Siyaasadeed,ayaa ku dhacday Mucaaradka Hubaysan. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1736476619450056818?t=CopA0d07optZdeE5X3CUsg&s=19 Jibril Qoobey.
Karaash iyo Abwaan;waxay la joogaan Madaxweyne Deni haatan. Madaxweyne Deni,waxa uu ka dhagaysanayaa cabashadooda oo ku aadan Laba arimood oo kala ah… Karaash? B.Lacag iskugu jirta Adeeg iyo Mushahaar oo ka maqan in la siiyo. T.Xildhibaanada Dhulbahante in qayb ahaan lagu tixgeliyo. Abwaan? B.Lacag Adeeg iyo Mushahaar ah oo gaaraysa $580-kun oo ka maqan Baarlamaanka in la siiyo. T.Siduu mar kale uheli lahaa Kursiga Xildhibaan ee uu ku fadhiyo oo uu san Deni caqabad ku noqon. Kulankan,waxaa kasoo shaqeeyay Gudiga Amniga oo Shalay uu ka codsaday Abwaan Jibril in ay kulan siiyaan Madaxweynaha. Sida aan xogaha ku helayo dhamaan cabashadooda…
Garoowe: 17 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Qunsulka Itoobiya ee Puntland Dagnachew Yitberke iyo Saraakiil ka tirsan Qunsuliyada.
Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada cusub Baarlamanka Puntland,ayaa soo saaray Jadwalka iyo Shuruudaha Musharrixiinta Xildhibaannada laga rabo. Halkan ka akhriso:-
Guddiga amniga Doorashooyinka,ayaa la wareegay Xaruntii Golaha Baarlamaanka Puntland si rasmi ah. Majiri doonto Xildhibaano danbe oo fariisanaya Golaha. Gudiga khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada cusub,ayaa ku shaqo bilaabaya saakay. Gudga Amniga,waxay Shalay gaarsiiyeen Gudoomiyaha wakhtigu ka idlaaday fariin ahayd in ay Golaha la wareegayaan oo lagu shaqo bilaabayo. Gudoomiye Jibril,waxa uu Gudiga ka codsaday in ay la kulan siiyaan Madaxweynaha,balse Gudigu uma ballan qaadin la kulansiinta Madaxweynaha. Jibril Qoobey.
158-Wadan oo Xubin ka ah Golaha guud ee Qaramada Midoobey,ayaa isku raacay in Israa’iil ay joojjiso dagaalka Qasa. 10-Dal,ayaa diiday,waxaana ka aamusay 28-Wadan qaraarka looga dalbanayo Israa’iil Xabad joojinta. Israa’iil waxay uga jawaabtay dalabkaas.. “Xabad joojinta rasmiga ah,waxay ku xiran tahay hogaamiyaha Xamaas,iyadoo fadhiga kusoo bandhigtay Telkiisa iyo Sawirkiisa,kuna boorisay Madaxda caalamku in ay toos uwacaan oo ay usheegaan in uu joojiyo Xabada”. Israa’iil doodu,waxay ku qotontaa in weli laga haysto Dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagana soo weerarayo Qasa. Maraykanka,ayaa ka mid ah Wadamada Israa’iil ku canbaareeyay weerarada Dadka Rayidka ah. Ku dhawaad 18000 oo Qof,ayaa ku…
Olalaha Doorashada Madaxtooyo ee Puntland,waxaa iskugu soo haray oo garoonkii loo baneeyay Deni iyo reer Garowe difaacanaya Taraha. Afarta Musharax ee ugu cad-cad Doorashadan ee la saadaalinayo in ay ugudbi doonaan wareega 2-Aad,waxay kala yihiin… 1.Deni. 2.Aadan Sh.doon. 3.Abshir C.Huruuse. 4.Xasan Shire Abgaal. Afartan Siyaasi,waxaa ugu rajo hooseeya Xasan Shire,sababtoo ah Siyaasi kasta oo ka mid ah Sadexda la loolamaysa haday isku soo haraan,waa laga raacayaa. Xasan,waxaa la fili karaa in uu soo xodxodan karo 20-Xildhibaan,balse ay 12 u codayn doonto wareega 1-Aad. Cawad,Mashruuc,Guuleed iyo Rag kale oo badan,waxay ubadan tahay in aysan soo dhaafin Wareega 1-Aad. Qormadan waa xog…
Madashii Mucaaradka,waa lagu kala caraabay,waxaana ku haray Sadex Siyaasi Rag ay uyihiin haldoor,kuwaasoo kala ah.. 1.Xasan Shire. 2.Asad Diyaano. 3.Maxamed Faroole. Olalaha Doorashadu si mug leh oo habsami ah,ayuu uga socdaa guud ahaan Puntland. Gudigii khilaafaadku Garowe,ayuu kusoo xarooday,wuxuuna udiyaar garoobayaa qabashada Araajida Xildhibaanada Beelaha. Isimadii dibada ku maqnaa in badan way soo xaroodeen,waxaana ugu danbayn doona saan filayo Islaan Bashiir oo 21-ka imaanaya. Ilaa iyo hada 2-Xildhibaan oo kasoo kala jeeda Cayn iyo Haylaan,ayaa helay Saxiixa Isimadooda oo aan muran ku jirin. Jibril Qoobey.
Shaqo RW,mid Wasiir iyo mid Agaasime intaba anaa ku filan,waa fariimaha socdaallada MW Xasan dirayaan. Xadan,wuxuu noqday shaqsi ay kumaad sadaan Madaxda Afrika,hay’adaha caalamiga ah iyo Safiirada Dalalka kale,kuwaas oo markii lasoo marsiiyo kulamada casumadaha lana wadaagaan dhigooda ay arkaan meeshay ka sugayeen RW,Wasiir ama Agaasime Madaxweynihi oo sooba safray. Mararka qaar;waxaad ka dareemaysaa Wajiyada shaqsiyaadka kulanka qaybta ka ah sidaysan ugu faraxsanayn waxa uu Xasan Sh. ku dhaqmayo. Wasiiradii waxay qabtaan ayay inta garan waayeen ayay Hotellada Muqdisho isaga xaraysan yihiin. Sidoo kale mararka qaar waxaad arkaysaa Wasaarad ama Wasiir munaasabad shaqo leh oo Wasaaradiisa kusaabsan oo Wasiiro badan…
Markii Xamse tagey Kismaayo,waxuu usiday Axmed Madoobe Laba fariimood oo kala ahaa… 1.Taageer wax ka badalka Dastuurka. 2.Doorasho JL oo aad talada ku wareejisid ha dhacdo. Axmed Madoobe,waxuu ugu jawaabay Xamse..”Kaala hadli mahayo arimahaas Adiga”. Haatan Xasan,ayaa usoo socda Kismaayo dhawaan sida la qorsheeyay,waxuuna iska sii hormariyay Qoor-qoor oo door Nabadoonnimo muujinaya. Balse Qoor-qoor daacad uma aha Xasan,waana dareensan yahay in isagana lagu soo maqan yahay. Axmed Madoobe,waxaad Moodaa fahamkiisu in uu ka sareeyo kan Xamse oo uu ka war wareegayo in Magac iyo taariikh xun raacdo. Jibril Qoobey.
Umalayn maayo in Deni wax uga badalayo Gudiga khilaafaadka hadalka Faroole Xalay ula tagey. 1.Gudiga khilaafaadka sidiisa udaah,balse ku kab Afar Isin oo dul joogteeya. 2.Garaadada Sool la hadal oo Saxiixa iyagu ha yeeshaan intii Caaqilo soo Saxiixi lahaayeen Xildhibaanadooda. Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin? B.Gudiga Deni magacaabay muxuu xoojin ugu baahday oo kuwii Cadde,Faroole iyo Gaas uga duwan yahay? T.Reer Sool,waa la yaqaan Saxiixa Xildhibaanada cida leh ee maxaa tilmaanta gaar ahaaneed uyeelay? Aaran-shaydaanka Xamar,ayaa laga biilaa,waxayna ku Lacag qaataan qorshaha ah.. B.Garowe ha gubato. T.Deni Geeri iyo Xabsi mid halagu helo. Dantoodu ma’ahan Doorasho ee waa burburin;waana sababta…
Deni markale,ayuu Aaran-shaydaan Siyaasigan Dhulka dhigay,waana markuu ogolaaday 66-da Odoyaashu soo xulayaan oo uu sii daayay Lifaaqii;Gudigii khilaafaadka,Gudigii Amniga soona xiray Bangiga Dowlada si aan Lacag loola bixin xiliga Doorashada. Afar Musharax oo Miisaan leh kana soo jeeda Beesha Aaran usheegtaan in ay Tarahooda ilaalintiisa utaagan yihiin,ayaa aqbalay Gudigii khilaafaadka ee MW Deni magacaabay,waana dhabarjab ku dhacay Aaran.. 1.Aadan Sh.doon. 2.Guled Saalax. 3.Abshir C.Huruuse. 4.Axmed S.Awnuur. Waxay Dadku haatan ka doodayaan musharaxa Aaran Hoolka Doorashada magalayo iyo waa galayaa,sababtoo ah,waxaa loo arkay in aysan awood lahayn,isla markaana fursadihii ay wax ku heli jireen meesha ka baxeen. Doorashadan,waxay noqon doontaa midii…
Sool in ay kaligeed meel istaagto’waxaa hor taagan caqabado waa weyn sida Somaliland u hor taagan yihiin caqabado gooni istaageeda… 1.Dastuurka Fadaraalka ah. 2.Somaliland iyo doodeeda Dhulkii British SL. 3.Danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika. Sool uma babac dhici karto caqabadaha ku wareegsan hardankooda,waxaana danteeda ku jirtaa oo ay ku badbaadi kartaa kasii mid ahaanshaha Puntland. Hadii ay ka baxdo PL waxay noqon doontaa in SL ay cidlo ka hesho Milleteri ahaan iyo Siyaasad ahaan,iyadoo ay jujuubayaan DFS iyo BC. Hadalkii Firdhiye ku hadlay,waxuu ahaa mid ka baxsan Diblomaasiyada oo dhabarjab ku ah danaha Siyaasi ee Sool,isla markaana fursad siinaya…
Dayn Cafintu,waxay soo martay heerar kala duwan,waxayna soo socotay ilaa 2012,waxaana kasoo shaqeeyay Afar Dowladood oo kala danbeeyay. 1.Dowladii Cumar Cabdirashiid. 2.Dowladii Gaas. 3.Dowladii Farmaajo. 4.Dowladii Khayre. Waa hab waa hore soo bilowday nasiibka uun baa la kulmiyey Dowlada Xamse ee MW ka yahay Xasan Shiikh. Dowladii Khayre aad bay ugu soo dadaashay. Laakiin barnaaminkan,wuxuu si fiican u soo bilowday markii kala guurka laga baxay,waxaana habku ahaa… 1.Fragile State Principles. Kabacdi 2.New Deal Kabacdi 3.Debt Forgiveness Waa horumar uu gaaray Qaranku oo xaqiijinaya Madax banaanida Wadan ee dhanka Maaliyada. Jibril Qoobey.
Khamiista ama Jimcaha midkood,ayuu ku dhawaaqayaa Musharaxnimadiisa markale iyo Madaxweynaha Puntland. Waa Gaas mid ka mid ah hogaamiyayaashii PL soo xukumay oo loogu tixgelin weynaa. Maxay Dadku ku jeclaayeen….. 1.Dabacsanaantiisii. 2.Dulqaadkiisii. 3.Naxariistiisii. 4.Fahamkiisii Siyaasi. 5.Isku wadidiisii. 6.Aragtidiisii Dowlad dhiska. Fursadihiisa uu markale ku hogaamin karo Puntland,waxaa ugu horeeya…. 1.In uusan ku jirin Siyaasi maqaam leh oo Deni la loomi kara Ragga haatan Sharaxan. 2.In Bulshadu ku daashay dabeecadaha Deni ee qalafsan oo isbadal la raadinayo. 3.Xiriirkiisa Caalamka iyo Somalida kale. Dhadhan weyn,ayuu uyeelayaa Olalaha Doorasho ee Puntland kusoo biirista Gaas. Jibril Qoobey.
Cadde Muuse Gudiga khilaafaadka,waa laga daba hadlay umana joojin oo waa socday. Faroole,waa laga daba hadlay umana joojin ee waa socday. Gaas,waxaa girgirka kula dhagey ku xigeenkiisii Camey,umana joojin oo waa socday. Deni maxaa ku gaar ah? Magacaabista Gudiga khilaafaadka,waa awood uu si buuxda uleeyahay Madaxweynaha Dowlada Puntland ee markaas Kursiga ku fadhiya. Dooda Madasha Mucaaradku mlh miisaan,isla markaana waxba kama badalayso Gudiga MW magacaabay. Jibril Qoobey.
Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee). Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaas oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee). Markuu tixgeliyey: Baahida loo…
Dooda Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ku Aadan go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah,waa mid aan haysan Qodob sharci oo difaac unoqon kara. Maxkamada Dastuuriga ah,waxay fasirtay Sharcigii lagu meel mariyay Muddo kororsigii Sanadka ahaa ee Baarlamaanka. Ma qaadin Maxkamadu Dacwad Labo dhinac u dhaxaysa. Gudoomiyaha Baarlamaanka,waxaa la gudboon in uu aqbalo mudo xileedka ka dhamaaday oo uu Gobolkiisa uraadsado matalaad cusub ogolaanshaheed. Doodiisa ah Deni,waa igu danaystay oo xataa Dhiig,ayuu faraha iigeliyay kumana fadhiyeen Kursiga hadaanan Baarlamaanka joogin,haatana,isagoon ila tashan,ayuu go’aan kaligii gaaray kama gadmayso xilligan. Sidoo kale Deni gorgortan kama galayo Gudiga khilaafaadka Xubnihiisa in lala magacaabo. Abwaan waa in uu waaqiciga…
Cadde Muuse Gudiga khilaafaadka markii lagu qabsaday cariiqsi daraadiis,waxuu kawada dhigay Wasiiradiisii iyo Agaasimayaashiisii,waana socday. Faroole,waa ku qoslay Musharaxiintii xilligiisii ku qabsaday magacaabista Gudiga,umana joojin. Gaas,waxaa girgirka kula dhagey ku xigeenkiisii Camey,dushuuna ka maray oo waa socodsiistay Gudigiisii. Deni maxaa ku gaar ah oo loola qaybsanayaa Gudiga khilaafaadka? Magacaabista Gudigaas,waa awood uu si buuxda uleeyahay Madaxweynaha Dowlada Puntland ee markaas Kursiga ku fadhiya. Karaash,waxa ugu weyn ee uu samayn karo,waa in uu Gudi khilaafaad soo magacaabo sidii Camey,taasna ma soconayso. Deni marna Xubnaha Gudiga waxba ka bixin mahayo. Jibril Qoobey.
Fadhiga Baarlamaanka ee Berri waxay ubadan tahay in Xildhibaanadu Labadan Qodob uga xaajoodaan,kuwaasoo kala ah… 1.In ay ujawaabaan Maxkamada oo ay duraan go’aankeeda,iyagoo ku dhaliilaya in Xubnaha soo saaray aysan Sagaal gaarsiisnayn. 2.In ay mudooyeen Maalinka ay dhacayso Cod uqaadida Mooshin laga keenayo Madaxweynaha oo xilka looga qaadayo. Labadaas Qodob,waxay usamaynayaan bajin ay Madaxweynaha uga raadinayaan dabac ah in uu wax uga ogolaado Xubnaha Gudiga khilaafaadka. Waxaa kaloo jira warar sheegaya Laba Qodob oo kala ah… 1.In ay kala dirayaan Maxkamada. 2.In ay Madaxweynaha xilka ka qaadaan haday uhelaan Kooramka 44-ah. Sidoo kale,waxaa macquul ah in aysan Labadaas Qodob taaban…
40-Xildhibaan,ayaa ayiday go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah ee laalida Mudo kororsiga Sharcidarrada ah. Gudoomiyaha Baarlamaanku Caawa,ayuu fariin ukala diray Xildhibaanada uu ugu sheegayo in ay Berri foog yimaadaan Golaha. Fadhiga Baarlamaanka,waxaa qorshaysnayd 14-ka Bisha in uu yeesho kulankiisii ugu danbeeyay,kaasoo ay ku ansixinayaan Miisaaniyada. Uyeerida Xildhibaanada ee Berri,waxuu uga gol leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanku in uu uga jawaab celiyo Maxkamada go’aankeeda,balse Xildhibaanadu,waxay leeyihiin..”Waan tagaynaa,waxaana uxaqiijinaynaa in Baarlamaankan wakhtigiisii dhamaaday oo uu kala tagay”. Abwaan Jibril,waxa uu waxan oo idil usamaynayo,waa in Deni looga soo qaado Xubin ka mid ah Gudiga khilaafaadka,taasoo aan sinaba ku dhacayn. Madaxweynaha PL isagaa magacaaba Gudiga si buuxda,Denina…