Author: Jibril Qoobey.

Dekeda Garacad oo qaybo ka mid ah Xariga laga jaray dhismaheeda,isla markaana si dardar leh loogu istcmaalo wax dhoofinta iyo wax soo dejinta,ayaa hadana,waxaa ka socda dhismaha Jan biyaha 3-Aad iyo Afraad. Sidoo kale,waxaa dhismihiisu gabo gabo marayaa Maxjarka Xoolaha Dekeda ka dhoofaya lagu diyaarinayo,hoos ka daawo muuqaalllada… Muuqaalka Dekeda https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1733828995932721607?t=r-UZ-Cnn8bsZgfefkXlwIw&s=19 Muuqaalka Maxjarka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1733947197526352005?t=1Seu4El2_LcOnwYCszqfsA&s=19

Read More

Somalia has secured a $4.5 billion debt write-off from global lenders, marking the culmination of a decade-long process of negotiations and reforms. The nation, which is just settling into the East African Community (EAC) after its admission two weeks ago, has been exempted from debt repayment under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. The move by multilateral and bilateral lenders, including the World Bank, International Monetary Fund (IMF), significantly reduces the country’s debt to $600 million from a high of $5.2 billion, according to the World Bank. Somalia’s external debt has now declined to less than six percent…

Read More

Shacabka Masar,ayaa udareeray in ay soo doortaan Madaxweynaha hogaaminaya 6-da Sano ee soo socota. C/fataax Al-Sisi,ayaa markii Saddexaad utartamaya in loo doorto xilka Madaxweynaha. Codbixinta oo bilaabatay 9-Subaxnimo ee Saakay oo Axad ah,ayaa soconaysa ilaa 9-Galabnimo Saacada Masar. Saddexda Maalmood ayay Cod bixintu soconaysaa,iyadoo natiijada la filayo in lagu dhawaaqo 18-ka December. Wadanka Masar,ayaa,waxaa haysta dhibaatooyin iskugu jira dhaqaale-xumo iyo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa oo xuduud la leh.

Read More

Booskan oo ah mid dhawaan la sameeyay horayna aan uga jirin Ururka dhexdiisa,ayaa Somaliya ka caawin doona in ay ka dhex muuqato Siyaasadda Ururada Gobolka iyo caalamka oo idil. Ku xigeenka Xogeeyaha ururka IGAD waxaa uu carabka ku adkeeyay in kursigaan uu noqon doon mid lagu raadiyo danaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale iyo amni ee ka jira Soomaaliya. Arrimo dhawr ah,ayay Somaliya uga faa’idaysan kartaa booskan,kuwaasoo laga xusi karo… 1.In diiradda lagu saaro fursad u raadinta Somaliya ee dalalka Gobolka iyo caalamka.. 2.Dagaalka Dowladdu ay kula jirto argagixisada. 3.Xasilinta amniga guud iyo Dowlad dhiska Somaliya ee socda.…

Read More

Dagaal culus,ayaa ka socda Waqooyiga Qasa. Taangiyada Israa’iil,ayaa si tartiib ah ugu sii siqaya bartamaha Khan Yunis. Waxaa jira warar sheegaya in ay xaafadaha gudaha ugalayaan Ciidamada Israa’iil. Inta badan Dadkii daganaa magaalada Khan Yunis,ayaa u cararay Deegaanada Xeebta u dhow,qaar kalana waxa ay aadeen marinka Rafax ee Waddanka Masar. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/JK-IVHYN8S4?si=x_UXBZZYQuSKmnJK

Read More

Saddex iyo Toban ka mid ah Shan iyo Tobanka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa u codeeyay Haa. Halka ay UK ka aamustay,balse Maraykanka,ayaa ka soo horjeestay Codka. Maraykanku wuxuu sheegay in codsigaan oo ay miiska soo saareen Dowladda Imaaraadka Carabta uu yahay ‘mid aan dheeli tirnayn oo dhalanteed ah. Maraykanka,wuxuu ka mid yahay Wadamada joogtada ah ee haysta Codka Veto-ga.

Read More

A new law was passed in Denmark’s parliament on Thursday that makes it illegal to desecrate any holy text in the country, after a recent string of public desecrations of the Quran by a handful of anti-Islam activists sparked angry demonstrations in Muslim countries. The Scandinavian nation has been viewed abroad as a place that facilitates insults and denigration of the cultures, religions and traditions of other countries. The purpose of the law was to counter “the systematic mockery” which, among other things, has contributed to intensifying the threat of terrorism in Denmark, the justice ministry has said. “We must protect…

Read More

Waxa ugu weyn ee ay Labadan Oday xilligan u loolamayaan,waa wax ka helida Gudiga khilaafaadka ee soo xulida Xildhibaanada cusub. Inqilaabkii la diyaariyay ee Xasan Shire looga dhigi lahaa Madaxweynaha,Karaashna ku xigeen,Abwaana Gudoomiye Baarlamaan,waa fashilmay. MW Deni,waxaa lagula taliyay in uusan la goos goosan oo dib udhigo kala dirista Baarlamaanka iyo magacaabida Gudiga khilaafàadka ilaa Arbacada soo socota. Siyaasiyiin Waayeel ah oo uu ugu horeeyo MW Faroole,ayaa dhexdhexaadin wada tagayana gudaha maalmaha soo socda. Karaash iyo Abwaan,waxaa la rogmaday Khamaar Siyaasadeed oo ay ciyaareen,sidaa daraadeed Deni waji uguma harin. Jibril Qoobey.

Read More

Laamaha ammaanka dalka Itoobiya,ayaa xirxiray Tobannaan Qof, iyadoo lagu wado in magaalada Adis Ababa lagu qabto isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo colaadaha ka dhacaya qaybo ka mid ah dalkaas oo ay soo qabanqaabiyeen u dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada iyo xubno ka tirsan mucaaradka. War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen laamaha ammaanka iyo waaxda sirdoonka ayaa lagu sheegay in la xirxiray dad gaaraya 97, qof kuwaas oo lagu eedaynayo in ay khalalaase ka abuuri rabeen caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku eedeyay dadka xabsiyada la dhigay in ay qorsheynayeen…

Read More

Vladimir Putin,ayaa ku dhawaaqay in uu mar kale isu soo taagi doono in uu noqdo Madaxweynaha Ruushka marka uu xilkiisa dhamaado sanadka soo socda. Go’aankan oo si weyn loo wada sugayey,ayaa sida muuqata shaaca waxaa ka qaaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga, kadib xaflad abaal marin ah oo ka dhacday magaalada Moscow, waxaana hadda tabinaya wakaaladaha kala duwan ee Ruushka. Afhayeenka rasmiga ah ee Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in tiro “la yaab leh” oo dadka Ruushka ah ay doonayeen in Mr Putin uu sii wado hogaaminta Ruuhska. Codbixintu waxay dhici doontaa inta u dhaxaysa March 15-keeda iyo…

Read More

UK ayaa Rwanda siisay £100m oo dheeri ah sanadkan, taasoo qayb ka ah heshiiskii ay dad magangelyo doonka ah ee jooga UK ugu rari lahayd halkaas. Lacagtan ayaa la bixiyay bishii Abriil, shaqaalaha rayidka ah ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warqad u diray xildhibaannada, ka dib markii £140m mar hore loo diray waddanka Rwanda. Sir Matthew Rycroft ayaa sheegay in lacag kale oo dhan £50m la filayo sanadka soo socda. Arriintan ayaa timid saacado ka dib markii Rishi Sunak uu wacad ku maray inuu “dhammayn doono shaqada” ee uu dib u soo noolaynta qorshahaas ka dib markii uu…

Read More

Baarlamaanka Denmark,ayaa Khamiistii meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah. Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas. Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo…

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA LIFAAQA 5-AAD EE DASTUURKA DPL. Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 44-aad. Markuu tixgaliyey: talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda. Waxuu go’aamiyey: in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.…

Read More

Garoowe: 07 Diseember 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo u mahadceliyey Isimada dhaqan iyo guddiyadii weheliyey ee soo saaray xalka nabadeed, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Wakiilada ansixintii xalkaas. “Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay. Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay”. ====•DHAMMAAD•==== XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA…

Read More

Deni oo doorasho raba 8-da Janaayo iyo Mucaaradka oo leh sii joog aan sii murannee??!! Markale,ayuu ka adkaaday oo ku qaawiyay Somalida horteeda kuwa sheegta Mucaaradka PL. Saakay,waxuu gaarsiiyay in ay iyagu ka shaqeeyaan mudo kordhin iyo in uu Kursiga kusii fadhiyo. Markaan lahayn kuwa Deni wax ku haysta ma’ahan qaan gaar Siyaasadeed dad baa diidanaa,saw Maanta idinma cadaan. Maxamud Shido iyo Xasan Shire,Waa,ayaa ku baryay mana aysan filayn in Deni go’aankan qaadan karo. Lacag ay doorasho ku galaan mahayaan,haday xataa helaana cid dooranaysaa majirto,waxa kaliya ee ay wax ku heli lahaayeen waa qaxa shacabka Garowe,iyadiina waa lasoo afjaray. PL…

Read More

Garoowe, Diseembar 07, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal. Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga Beesha Dhulbahante ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa: 1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta…

Read More

Ciidamada Israa’iil,ayaa sheegay in ay Waqooyiga Marinka Qasa ka heleen mid ka mid ah kaydka ugu weyn ee hubka Xamaas. Hubkaas,ayaa ka koobnaa Boqollaal Gumacyo Madaafiic ah,Gantaalo, Bam-gacmeedyo, diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo Aaladaha qarxa. Afhayeenka IDF Avichay Adra,ayaa sheegay in hubkan laga helay meel u dhow xarun caafimaad iyo iskuul. “Dhammaan hubkii ciidamada,ayaa gacanta ku dhigay, qaar ka mid ah hubka,ayaa lagu qarxiyay gudaha, halka qaar kalena ay u direen in ay dabagal ku sameeyaan”.Ayuu yiri Afhayeenka IDF. https://twitter.com/IDF/status/1732145650060427524?t=lVmTt80lVIBVTJnxAu4fOQ&s=19

Read More

Maxkamad ku taalla Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka in ay bixiso ku dhawaad $50-Bilyan oo ah magdhow. Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump,ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasim Sulaymani iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020. Maxkamadda Tehran,ayaa ku xukuntay Dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah. Maxkamadda,ayaa dambiyo ku heshay 42-Qof oo ay ku jiraan Trump, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, iyo…

Read More

Dowlada Ingiriisku,waxay u olalaynaysaa badbaadinta Muuse Biixi iyo Maamulka Somaliland. “Goojacade,waxa ku jabiyay Ciidamaad SL waa idinka PL ah,waxaan haatan idinka rabnaa in aad kasoo baxdaan,iskana ururisaan Sool”Waa hadalkii uu ku yiri Safiirku MW Deni. ‘Anaga BC ah Somalida Qabiilo ahaan uma aqoonsan karno,waxaanse u aqoonsanaynaa Juquraafi ahaan”Ayuu sii raaciyay hadalkiisa Safiirka UK. Isagoo hadalkiisa sii watana,waxuu yiri Safiirku “MW Xasan,waa ku deg-degay la kulanka SSC Khatumo,waana la saxayaa”. Imaanshihiisa Garowe,waxa ugu weyn ee uu daarnaa waa soo gaarsiinta fariintaas PL. Ingiriiska,ugama jirto gorgortan in laysku hayo Dhulkii laysku oran jiray British SL. Jibril Qoobey.

Read More

MW Xasan qorshihiisii wax ka badalka Dastuurka,waa la laabtay ugu danbayn. Laba culays,ayaa ku khasbay in uu hakiyo qorshahaas,kuwaasoo kala ah… 1.Culays gudaha ah oo ka imaanayay Xildhibaanada,Siyaasiyiinta iyo Madaxda DG qaarkood. 2.Maraykanka oo si cad ugu gudbiyay in uu joojiyo qorshahaas. Haatan dib,ayuu udhigtay,waxa uuna la sugayaa fursad Siyàasadeed oo kale. Balse Dadka Siyaasada faalleeyaa,waxay qabaan 5-ta Bilood ee uga harsan Labada Sano ee ugu horaysa mudo xileedkiisa,haduu fulin waayo qorshahaas,waa fashilmay. Jibril Qoobey.

Read More

Su’aalaha lays waydiin karo,waxaa ka mid ah …. Hadii Isimo go’aamin karo habka Doorasho ee Dowlada Puntland ay qaadanayso maxay ujiraan hay’adaha Dastuuriga ah? Dowladu in ay ku adkaysato qorshaheeda Doorasho waa hogaamin sare,hadii wax ka badalmayaana ay ka timaado isla iyada oo ilaalinaysa Dastuurka. Isimadan kama weyna kuwii Garowe ku shiray ee go’aamada soo saaray oo Boqorku Shir Gudoominayay. Oday iyo Dowladnimada in  la kala reebo,waa shaqo  loo baahan yahay oo ay tahay in la qabto. Muhiimadu,waa in 16-ka Bishan ay bilaabato Diiwaangelinta oo dib loo furay. 25-Feb 2024  oo ay qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod ah. 9-ka Janaayo…

Read More

Qaar ka mid ah Garaadada Sool,ayaa soo saaray go’aamo  ay xal ugu arkeen muranka Doorasho ee Puntland. Igo’aamadoo,waxaa ugu muhiimsanaa… 1.In Doorashada xiligeedii lagu qabto. 2. In 8-da Janaayo Baarlamaanka hadda jira doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. In 12 bilood ka dib xildhibaannada lagu soo doorto Qof iyo Cod. Go’aamadaas,waxaa ka hor yimid Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in uusan ku waafaqsanayn oo ay kali ku yihiin. “Go’aamadaan waxay ahaayeen kuwa lagu naxay , ma ahayn kuwo laga wada tashaday ama la isku ogaa, ujeedadu waxay ahayd in ciidamada iyo dhaq dhaqaaqyada Garowe la kala qaado,intaas kadib reer SSC ay…

Read More

Garowe: December 05, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa magacaabay Agaasimaha Mac’hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee (LGI). Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland:- Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Sharciga maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland (LR.7). Markuu tixgeliyey: Shaqada baaxadda leh ee laga sugayo Mac’hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee Puntland (LGI). Marku la tashaday: Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Marku arkay: Aqoonta iyo waayo aragnimadiisa shaqo. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Cabdifitaax Muuse Axmed (Weheliye), loo magacaabay Agaasimaha Mac’hadka Tababarada…

Read More

Tirada dadka lagu dilay Qasa tan iyo markii uu dagaalku bilowday,ayaa gaartay 15,899, sida ay sheegtay waaxda Caafimaadka ee Xamaas. Sidoo kale Maalin ka hor Mas’uuliyiinta Qasa,ayaa sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 15,200 oo Qof. Israa’iil,ayaa billowday duullaanka ka dhanka ah Xamaas kaddib weerarkii 7-dii Oktoobar, kaasoo Xamaas ay ka tallaabeen xadka ayna dileen 1,200 oo qof,iala markaana 240 kale ay qafaasheen.

Read More

Faransiiska,ayaa ku dhawaaqay in uu xayiray hantida hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar, taasoo qeyb ka ah cunaqabateynta cusub. Sida lagasoo xigtay wareegtada lagu daabacay joornaalka rasmiga ah, lacagaha Sinwar iyo ilaha dhaqaalaha waa la xayiri doonaa lix bilood laga bilaabo 5-ta Disembar. Ma cadda inta ay le’eg tahay hantida Sinwar ee Faransiiska. Bishii la soo dhaafay, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Lord Cameron ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda Falastiiniyiinta iyo maal-geliyayaasha Xamaas, taasoo ka tarjumaysa tillaabooyin dhowr ah oo la mid ah oo uu qaaday Maraykanka.

Read More

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed. Putin ayaa xaddiday safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo iyadoo ku eedeysay inuu masaafuriyey carruur reer Ukraine ah. “Madaxweyne Putin waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariyeyaasha Talaadadii. Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Ruushka uu…

Read More

Gudoomiyayaasha Baarlamaanada DG JL,KG,Galmudug iyo Hirshabelle oo qaadacay wada shaqaynta Baarlamaanka Fadaraalka iyo ka shaqayanta dib u eegista Dastuurka. Kulan ay ku yeesheen Muqdisho Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 3-4 Decembar 2023. ayaa soo saaray Go’aano iyo Jawaab Celin.

Read More

Ballistic missiles fired by Yemen’s Houthi rebels struck three commercial ships Sunday in the Red Sea, while a U.S. warship shot down three drones in self-defense during the hourslong assault, the U.S. military said. The Iranian-backed Houthis claimed two of the attacks. The strikes marked an escalation in a series of maritime attacks in the Mideast linked to the Israel-Hamas war, as multiple vessels found themselves in the crosshairs of a single Houthi assault for the first time in the conflict. The U.S. vowed to “consider all appropriate responses” in the wake of the attack, specifically calling out Iran, after…

Read More

Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay,ayaa ku soo riday Badda Cas diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta. Warar horey u soo baxay,ayaa sheegayay in fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay sheegeen inay beegsadeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee marayey Badda Cas. Wixii markaas ka dambeeyay, Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo kormeera howlgallada militari ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu soo riday saddex diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, ka dib weerarradaas. Taliska ayaa sheegay in markabka USS Carney uu caawiyay Saddex Markab oo ganacsi kuwaas oo xiriir la lahaa 14-wadan oo UK ay…

Read More

Duqeymo culus,ayaa ka socda koonfurta Qasa,iyadoo hay’adaha udooda xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in waxa halka ka dhacaya ay tahay wax aan horey loo arkin. Waxaa la soo warinayaa argagax daran oo ay la kulmayaan dadka halka ku nool oo duqeymuhu ay ugu socdaan si aan kala go’ lahayn. Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xamaas ayaa sheegay in dib u bilaabista wadahadalada ku saabsan is dhaafsiga maxaabiista Falasiiniyiinta ah iyo kuwa Israa’iil ay tahay in lagu xiro xabad joojin joogto ah. Hase yeeshee Israa’iil,ayaa sheegtay in ay sii wadeyso dagaalka iyo duqeymaha ilaa ay meesha ka saarayso Xamaas.

Read More

Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa ku warramaya in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay Qasa. War qoraal ah oo saaka la daabacay, ayaa IDF waxa ay ku xaqiijisay dhimashada Sarreeye Gaas oo 22 jir ahaa, Saajin 19 jir ahaa iyo Taliye 36 jir ahaa. Dhimashada,ayaa ka dhigaysa tirada askarta Israa’iil ee Qasa kaga dhimatay 75-Askari tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Read More

Qof sitay Jaakad qarax ku xiran yahay,ayaa isku qarxiyay dhalinyaro doonaysay in ay qortaan Ciidanka Gorgor. Afar Qof,ayaa dhaawacmay kaddib markii Nin sita jaakad walxo qarxa ay ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee Magaalada Muqdisho. Illo ku dhow-dhow Ciidanka,ayaa sheegay in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan Ciidanka Gorgor ka soo horjeedka Xerada TURKISOM, laakiin ay Ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhaliyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay. Afar kamid ahaa dhalinyaradii doonayay in…

Read More

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qasa,ayaa sheegtay in 7 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Israa’iil ku qaaday Guri ku yaalla Degmada Rafax. Wakaaladda warrarka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Qasa ayaa sheegtay in todobada qof ay ku dhinteen guri ku yaalla degmada Rafax ee Koonfurta Marinka Qasa. Sida laga soo xigtay Wasaaradda, weerarka ayaa sidoo kale sababbay dhaawaca tiro kale oo Falastiiniyiin ah. Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa,ayaa shalay sheegtay in ilaa 240 Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii Israa’iil ay dib u billowday duullaanka ay ku hayso Qasa Jimcihii la soo dhaafay.

Read More

Cunaqabataynta Hubka,waxaa kasii muhiimsan oo la socota Siyaasada la Madax banaynayo. Bilaha soo socda,waxaa ka bixi doona Somaliya Xaafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee Unsom. Halkaas,waxaa kusoo afjarmaya Siyaasada iyo amaanka in Somaliya ay kusii hoos jirto QM. Somaliya in ay amaankeeda iyo Siyaasadeeda cagaha ku istaagaan oo qaan gaar caalamka wax la qaybsan kara ay noqdaan,waxay ubaahan tahay… 1.Wakhti si xoog leh loo shaqeeyo. 2.Midnimo iyo wada socod. 3.Kasbashada Beesha Caalamka Fursadan Somaliya hortaalla ee ay kasoo shaqeeyeen Dowladihii kala danbeeyay ee ah danaynta caalamka,gaar ahaan reer Galbeedka Xasan ma’ahan hogaamiyihii uga faa’idayn lahaa.? Musuq iyo Eex,ayuu ku mashquulsan yahay,waxuuna…

Read More

Garoowe: 02 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. Madaxweynaha iyo…

Read More

Israa’iil ayaa ku wargelisay dhowr waddan oo Carbeed inay doonayso inay ka abuurto aag difaac ah dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weerarrada mustaqbalka taasoo qayb ka ah soo jeedinta go’doominteeda kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masar iyo gobolka ah u sheegeen Reuters, Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israa’iil waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, kaas oo caadi ka dhigay xiriirkii Israa’iil sannadkii 2020. Waxa kale oo ay sheegeen in Sucuudiga oo aan xiriir la lahayn Israa’iil oo joojiyey hab-raacii caadiga ahaa ee…

Read More

Garowe, December 02, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa magacaabay Xoghayeyaasha Degmooyinka hoos ku xusan:- 1. Waxaa Xoghayaha Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug loo magacaabay Marwo Ayaan Cismaan Jaamac. 2. Waxaa Xoghayaha Degmada Caluula ee Gobolka Raas-casayr loo magacaabay Marwo Saabiriin Cali Jaamac. 3. Waxaa Xoghayaha Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari loo magacaabay Marwo Fowsiyo Jaamac Ciise. Sida darteed, waxaa la farayaa maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay qusayso in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayeyaasha cusub ee loo soo magacaabay Degmooyin kor ku xusan. Fulin Wacan Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Puntland wuxuu baahiyay Qandaraasyada hoos ku xusan oo kala ah 1. Qandaraaska Kiraynta Baabuurta (Provision of Rental Vehicle Services) 2. Qandaraaska Adeegyada Daabacaadda (Printing Services) 3. Qandaraaska Keenidda Alaabta (Supply of Stationery Items) sidaa darteed dhammaan Daneeyayaasha qandaraasyada waxa la xasuusinayaa inay codsiyadooda ku soo gudbiyaan ugu danbayn 10-Dec-2023. https://pec.pl.so/job/supply-of-stationery-items-for-pec-in-puntland-somalia-2/. https://pec.pl.so/job/printing-services-for-pec-in-puntland-somalia-2/. https://pec.pl.so/job/provision-of-rental-vehicle-services-for-the-puntland-electoral-commission-pec/ 𝖷𝖺𝖿𝗂𝗂𝗌𝗄𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖿𝖺𝖺𝖿𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖦𝗎𝖽𝖽𝗂𝗀𝖺 𝖣𝗈𝗈𝗋𝖺𝗌𝗁𝗈𝗈𝗒𝗂𝗇𝗄𝖺 𝖯𝗎𝗇𝗍𝗅𝖺𝗇𝖽(𝖯𝖤𝖢) #𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰 #𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬a

Read More

Garoowe : 02, December 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garoowe: 01 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan qado sharaf ah ugu sameeyay Ugaaska Beesha Sadde, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax iyo Wafti uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Read More

Maanta oo Jimca ah,ayaa la khafiifinayaa Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya mudo ku siman 30-Sano. Taangiyada,ayaa ku jira Hubka loo fasaxayo Somaliya oo aan horay ugu jirin. Gudiga ilaalinta Cunaqabataynta Hubka ee QM,ayaa la siin doonaa mudo 6-Bilood ah oo ay sii joogi doonaan Somaliya. Somaliya,ayaa dalbatay in mudo 90-Cisho gudaheed ah ay si dhamaystiran uga baxaan Wadankeeda Gudiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee QM,waxayna badalkooda codsatay in Wadamo gaar ah kala shaqeeyaan ilaalinta Hubka,balse waa uheli wayday taageero. Joogista gudaha Somaliya ee Gudigan,waxay ka dhigan tahay in weli Wadanku ku hoos jiro Chapter 7. Dowladaha Shiinaha iyo Ruushka,ayaa Somaliya…

Read More

Militariga Israa’iil,ayaa dib u bilaabay howlgallo ka dhan ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaarka ahayd oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil Maanta oo Jimcaha ah. Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7-Subaxnimo, Israa’iil,ayaa sheegtay in ay qabatay Gantaal laga soo riday Qasa. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan. Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii Noofambar oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Qasa lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis falastiiniyiin ah, taas oo sidoo…

Read More

Shiinaha oo ah awooda Labaad ee Dhaqaalaha caalamka,waxuu Somaliya ugu deeqay Lacag ka yar $140-kun. Halka Midowga Yurub ugu deeqay Somaliya $7.7 Milyan iyo Diyaarado helicopter oo lagu gaaro goobaha go’doonka ah. “EU announces that it allocates US 7.7 M to emergency humanitarian aid to the people most affected by the current floods in Somalia. The EU is also launching a helicopter deployment for hard-to-reach areas scheduled for Dec 2023, with a two-month duration”. Saamayntooda Somalida ee dhinacyada Siyaasada iyo amaanka sidaas ayay ukala ballaaran tahay. Indha yartu Aduunka kulama loolami karaan reer Galbeedka marka la qiimeeyo qorshayaashooda,wax quuristooda iyo…

Read More

Waa markale iyo Shir,isagoo Gacantu uduuban tahay Madaxweyne Xasan. Shirka isbadalka Cimilada,waxaa ku filnaa heer Wasiir,hadii laga fursan waayana Ra’isalwasaare,balse majirin baahi MW xanuunsan soo khasbi karta. MW Gacantu uduuban tahay oo aan Timaha iska jarin iyo fadeexada ka dhacday Safaarada Qatar,waxay udanbeeyeen ilhaamooyinka ku dhacaya Dowladnimada Somaliyed mudada 2-Sano ku dhow ee Xasan hogaaminayo. Xaqiiqdii waa nasiibdarro weyn hab dhaqanka MW Xasan. JQ.

Read More

Ammaanka,ayaa sare loo qaaday Magaalada Quddus ka dib toogashada Saddex Qof iyo dhaawaca16 kale. Afhayeen u hadlay Booliiska Israa’iil,ayaa sheegay “Dadka dhaawacmay, Saddex ka mid ah waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah inta soo hartayna waxaa soo gaaray dhaawacyo heerar kala duwan ah”. Boolisku waxay sheegeen in weerarka ay fuliyeen Laba argagixiso oo hubaysan, oo walaalo ah oo 30 jir ah, waxayna ka yimaadeen xaafadda Zur Baher ee Bariga Jerusalem abaaro 07:40 wakhtiga maxaliga ah. Kooxda weerarka geysatay ayaa Toogtay Dad rayid ah oo ku sugnaa Boosteejooyinka Basaska iyo goobaha gaadiidka laga raaco. Labada Nin ee Toogashada fuliyay,ayaa u…

Read More

Ugu yaraan 23 Qof,ayaa ku dhintay Daacuun ka dilaacay bulshooyinka ku barakacay fatahaadihii dhawaan ka dhacay Bariga Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Save the Children. War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii hay’adda gargaarka ee fadhigeedu yahay UK,ayaa lagu sheegay in in ka badan 770 xaaladood oo Daacuun ah la xaqiijiyay Laba Toddobaad gudahood Gobolka Somalida, oo ah meesha ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee aan caadiga ahayn. Roobabkan ayaa saameeyay 1.5 Milyan oo Qof oo ku nool dalka Itoobiya oo dhan iyadoo tirada lagu qasbay inay guryahooda ka baxaan ay gaareyso 600,000″Ayay…

Read More

Dowladda Puntland,ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Doon kaluumeysi oo shalay lagu qafaashay Xeebaha Qandala ee Gobolka Bari. Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe oo hadlay,ayaa sheegay in Doonida laga leeyahay Dalka Iran. Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe,ayaa xaqiijiyay in Doonida laga leeyahay Wadanka Iran. “Doonta waxa ay joogtay Aagga Qandala markii la Afduubanayay. waxay ahayd Doon shaqadeedii dhameysatay oo dib ugu laabaneysay Iran,”Ayuu yiri Axmed. Gudoomiyaha,ayaa intaas ku daray in Afduubka looga shakisan yahay kooxo burcad badeed ah. Guddoomiyahu waxa uu sheegay in doontu ay u kireysneed ganacsato deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo kaga kaluumeysan jiray Xeebaha Soomaaliya…

Read More

Israel ayaa sheegtay inay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale, sida ay ciidamada difaaca Israa’iil ku sheegeen qoraal kusoo baxay bartooda X oo hore u aheyd twitter. “Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalkan. Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintu. Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku qanci wayday liiska la haystayaasha la sii dayn doono ee ay Xamaas soo jeedisay in la kordhiyo. Xamaas…

Read More

Hubka Somaliya loo fasaxayo waa noocee? Taangiyada kuma jiraan. Diyaaradaha kuma jiraan. Madaafiicda qaar kuma jiraan. Yay Hubka ka keensan kartaa? Dowladaha loo cayimay,ayaa kala ah… 1.Maraykanka. 2.Shiinaha. 3.Masar. 4.Turkiga. Arimaha farsamo ahaan in laysyla fahmo ay tahay,waxaa ka mid ah… 1.DFS iyo DG in ay isla waafaqaan wadaaga Hubka,hayntiisa,maamulidiisa iyo soo iibintiisa. 2.DFS iyo DG in ay isla fahmaan Siyaasada Amniga ee ay hoos imaanayso dib udhiska Ciidanka Qaranka. Hubka loo ogol yahay Somaliya in ay soo iibsato waa midkii horayba sida qarsoon looga soo gadan jiray Itoobiya. DFS,SL iyo PL,ayaa si caadiya Hubka uga soo iibsada Warshada Hubka…

Read More

Garowe : 29 November 2023 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nabadgelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo…

Read More

Duulimaadyada gargaarka ee siday cunnada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar. Duulimaadyada ayaa billowday maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza, iyo iyadoo dadaallada caalamiga ah ay sii wadaan inay sii kordhiyaan xabbad-joojinta. “Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan,” ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku…

Read More

Dowladda Kenya,ayaa Talaadadii sheegtay in daadad xooggan oo ka dhashay cimilada ee El Niño ay ku dhinteen 120 oo qof gudaha Kenya, halka ku dhawaad 90,000 oo qoy ay ka barakaceen guryahoodii. Qiyaastii ugu dambeysay ee dhimashada Kenya ayaa laba jibaartay, iyadoo roobab mahiigaan ah oo da’ay kadib abaartii ugu darneyd ee soo marta afartankii sano ee lasoo dhaafay ay qarqiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan. Kumannaan guri ayay waxyeello soo gaartay, dhul-beereedka ayaa biyuhu fariisteen, halka tobanaan kun oo xoolo ah ay qaraqmeen, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka. Dalka deriska la ah Soomaaliya, fatahaadaha ayaa dilay ugu yaraan 96 qof,…

Read More

Garoowe, November 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto. Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse…

Read More

Buuqii dhacay ee fursada unoqday Mucaaradka Hubaysan,waxaa sababay Gudoomiyaha oo fududaystay arimaha qaarkood,balse haatan Shaqadu Gacantiisay si buuxda ugu jirtaa. Loolamada ka dhex jira Baarlamaanka ee saamaynta yeeshay,waxaa ka mid ah,Qodobka Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,kaasoo reer Sanaag ay qabaan in lakala Madax baneeyo,halka reer Sool ay qabaan in mid laga wada dhigo. Sanaag,waxay u ordaysaa qaadashada M.xigeenka,waxayna ku doodaysaa Sool hawada baxdo,halka Sool ay weli taagan tahay kama aanan bixin PL lamana qaadan karo booskayaga. Baarlamaanka Puntland kama soo baxayo,wax la yiraahdo Lifaaq lagu Aado 66 ay Odoyaashu soo xulaan ee waxuu soo saarayaa Xeerar Doorasho Qof iyo Cod…

Read More

Kalfdhiga Afraad ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa Maanta si rasmi ah ufurmay. Waxaa la filayaa in uu ka duwanaado Sadexdii Kalfadhi ee ka horreeyay midkan 4-Aad ee saakay furmay. Doodo siyaasadeed oo aad u adag iyo Mooshino iska soo horjeeda oo xildhibaanada qaar ku doonayaan in lagula xisaabtamo hoggaanka Xukuumadda,ayaa la sadaalinayaan in ay hareeyaan. MW Xasan Shiikh,ayaa xoojinaya in la meel mariyo Warmurtiyeedkii Madasha ay PL ka maqan tahay,kaasoo dhigayay in Wadanku yeesho MW iyo ku xigeen lagana guuro nidaamka Ra’isalwasaaraha,isla markaana Xisbiyada Siyaasada lagu soo koobo Labo. Dhanka Xildhibaano diidan qorshaha MW Xasan,ayaa wada Mooshin ay kula Xisaabtamayaan Xukuumada.…

Read More

Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM, AU, IGAD, AL iyo OIC oo ah ururo mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay iskaaahi dhanka siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka. Daladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay kaga duwan tahay in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taa loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka. Soomaaliya maanta ma haysato afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso, waxaase jira in aan hayno rasumaal uu dal weliba doonayo in aan ku maalgashano. Tusaale ahaan qof kasta ee Soomaali…

Read More