Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in asaga iyo kooxdiisu ay toddobaadyo ka shaqeynayeen joojinta dagaalka, sidoo kalena ay cadaadis ku saarayeen in gargaarka bini’aadantinimo loo oggolaado Gaza iyo waliba sii deynta dadkii ay Xamaas ku afduubatey Israel 7-dii Oktoobar. https://twitter.com/POTUS/status/1728209449523847418?t=Q6oFKXyiC1I4kOwWEAlrqA&s=19 Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Qatar, Masar iyo Israel heshiiska horseeday in la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiistii Xamaas ay qafaasheen. “Kaliya waa bilow laakinse, ilaa hdda, si fiican ayey wax u socdaan” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Read More

Muuqaalkan,waa Maleeshiyada Jimcaale oo Hoobiyaha tuuraya. Dooxada kasoo horjeeda Ligle,ayuu Hoobiyuhu uyaalaa Maleeshiyada Jimcaale,waxaana duubtay Drons Sirdoonka PL leeyihiin. Markii Labaad ayay Magàalada kusoo tuureen,waxaase jira marar kale oo Tababar la siinayay oo ay Baadiyaha ku tuureen. Ujeedka ay usoo tuurayaan Hoobiyaha,waa Laba Qodob… 1.In Bulshada la kiciyo oo laga hor keeno Dowlada,sida Caawa dhacday oo Guri cidlo ah inta lagu dhuftay la diyaariyay Gabar sheeganaysa iyo Saxaafad. 2.In la bajiyo Dadka Dowlada taageersan ee muhiimka ah. Waxaa la yaab leh in Hoobiye lagu ciyaarayo oo Aaran-jaan damiirkoodu halkaas marayo. Dhaqamadan way yaqaanaan Aaran-jaan oo Dowladii Faroole Dad badan ayay…

Read More

Way dhabowday xogtii sheegaysay in Gudiga Baarlamaan ee loo xilsaaray soo diyaarinta Xeerka Doorashada ay Gacanta ku hayaan Mucaaradku. 11-kii Xildhibaan iyo Gudoomiyahoodii loo xil saaray Xeerarkaas,haday isku raaceen go’aanka ay soo saareen,waa fulay qorshihii Mucaaradka. Deni fursadaha uu haystay,waxaa ka mid ahayd Dowlada umidaysnayd oo aan culays ka haysan gudaheeda. Hadiise saakay Baarlamaankii laga dhexgalay,waxaa soo gaaray dhaawac weyn xilli xun. Mucaaradku haday fahmeen ciyaarta oo intay Qoriga la qarqarayaan,waxay ahayd in ay Ciyaarahan oo kale Ciyaaraan. Saadiq Saakay Deni meel uusan filayn,ayuu uga soo baxay. Jibril Qoobey.

Read More

Guddiga Baarlamaan ee loo xilsaaray dib u eegista Xeerka Doorashooyinka Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumada,ayaa Baarlamaanka ka codsaday in dib loo dhigo ka doodista xeerka si xal siyaasadeed loo gaaro. Arintan,ayaa Baarlamaanka maanta ka dhalisay buuq waxaana kulankii Baarlamaanku kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyadoo guddoonka Baarlamaanku sheegeen in ay kala direen Guddiga tala bixinta soo jeediyey. Halkan ka akhriso:-

Read More

Garowe, SOMALIA – In a pivotal meeting held in Garowe, the President of the Puntland Government, Mr. Said Abdullahi Deni, along with Vice President Mr. Ahmed Elmi Osman Karaash, led the weekly Council of Ministers meeting. Central to their discussions was the unwavering opposition to the proposed amendments to the Somalia Constitution, alongside topics such as security, the imminent Puntland elections, and the delineation of roles between political offices and ministries. The dialogue also encompassed the Puntland census code, underscoring the administration’s commitment to governance and demographic understanding. Preparations for Puntland Elections With a vision to strengthen democratic processes in the region,…

Read More

Garoowe: 23 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashooyinka Puntland, Go’aanka Dowladda Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland. Kulanka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo hadda loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada. Waxaana Goluhu isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni…

Read More

Mooshin ka dhan ah Gudoonka Baarlamaanka,ayaa bilowday,waxaana ilaa iyo hada abaabulan 26-Xildhibaan. Sida ay ii xaqiijiyeen Xildhibaanada Mooshinka abaabulaya ilaa Sabtida waxay gaarsiinayaan 45-Xildhibaan. Qorshahoodu,waa fadhiga Axada in ay soo gudbiyaan Mooshinka,hadii uu Gudoomiyuhu diido fadhiga iyo qabashada Mooshinka,waxay fariisan doonaan Xildhibaanadu Goob kale,iyadoo Gudoonka uu la wareegi doono Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Axmed Jaamac Cabdille,sida ay iisheegeen Xildhibaanada Mooshinka wada. Waa dharbaaxo kale iyo Gool Siyaasadeed oo laga dhaliyay Deni iyo qorshihiisa. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda Israa’iil iyo Xamaas,ayaa Arbacadii ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Qasa,taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan. Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay. Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku…

Read More

Waxaa saaka ku qabsoomay xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland munaasabadda dhaarinta Guddoomiyayaasha Gobollada ee Hay’adda Doorashooyinka puntland ee PEC. Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabadda dhaarinta Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Mudane 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙪𝙪𝙙 𝘾𝙪𝙢𝙖𝙧 oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee PEC Mudane 𝘼𝙨𝙖𝙙 𝘼𝙝𝙢𝙚𝙙 𝙓𝙞𝙧𝙨𝙞. Gudoomiyaha,ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta la dhaariyey in ay waajibaadkooda iyo howlaha shaqo u gutaan si hufan oo howlkarnimo leh. 𝖷𝖺𝖿𝗂𝗂𝗌𝗄𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖿𝖺𝖺𝖿𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖦𝗎𝖽𝖽𝗂𝗀𝖺 𝖣𝗈𝗈𝗋𝖺𝗌𝗁𝗈𝗈𝗒𝗂𝗇𝗄𝖺 𝖯𝗎𝗇𝗍𝗅𝖺𝗇𝖽(𝖯𝖤𝖢) #𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰 #𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬a

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden,ayaa sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israa’iil. Saacadihii la soo dhaafay, wararku waxay sheegayeen in mas’uuliyiinta Xamaas ay heshiis la galayaan Israa’iil, kaas oo ku saabsan in la soo siidaayo dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil. Wadaxaajoodka Labada dhinac,ayaa ka soconayay dalka Qadar, oo heshiiskan dhex dhexaadinayay. Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh,ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka’ sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhaka Israa’iil

Read More

Ogow fursadahaas Siyaasadeed,waa ufurnaayeen,waana ku Caano maali lahaa Deni? 1.Haduu Faroole la heshiin lahaa oo Wiilkiisa Wasiirka siin lahaa,waxuu heli lahaa Xisbigooda iyo Hubka Jimcaale hayo. 2.Xasan Shire haduu ku sii hayn lahaa Wasiirka Maaliyada oo Madaxa usii salaaxi lahaa,waxuu Geed ku xiri lahaa Maxamuud Shido. 3.Boqorka haduu karaamayn lahaa oo Boqornimadiisa uqiri lahaa,isla markaana Ilmo Diyaano u ogolaan lahaa Nolol iyo in shaqaystaan,waxuu heli lahaa Beeshiisa oo umidaysan. 4.Qarjab in uu ka dhigo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,waxay keeni lahayd Dad badan in aysan kusoo deg-degin. Dhamaan arimahan,waxay ubaahan yihiin dabacsanaan,kala gadasho iyo fahan uusan lahayn Deni. Dadkaas aan Magac dhabey…

Read More

Madaxweyne Deni,waxuu ku dhawaaqay Wada xaajood in uu diyaar u yahay,hadana hawlihiisa,ayuu sii watay. Shalay Ciidan xoojin ah,ayuu soo geliyay Magaalada,waxaa ka hor baxay imaatinkooda xog sheegaysa in ay weerarayaan kuwa Aaran-jaan,waana sababta keentay in jawiga Magaaladu kaco. Islaan Ciise,waxuu ku yiri..”Anigu Magaalada Ciidan masoo gelin ee Nimanka soo geliyay haka saaraan”. Wasiiro Dowladiisa ah,ayaa Shalay ku qabsaday talada oo soo istaagay,wada hadalka aan fursad siino,wuuna dhibsaday. Warar baa sheegaya in uu Carro la dhacay oo Wasiiradii Shalay ku warceliyay uu raadinayo kuwii uu ku badali lahaa. Haduu awood isticmaalayo,waa muquunin karaa Aaran-jaan,khasaare kadib,waxaana haboon in uu hada ku dhaqaaqo,hadiise…

Read More

Sirdoonka Puntland xaqiiqdii Shaqo wanaagsan ayay hayaan,waxayna muujiyeen Laba kaclayn mudadii ugu danbaysay. Si gaar ah Ciidamada Dharcadka ah ee laga hawlgeliyay Magaalooyinka waa weyn,ayaa muujiyay Shaqo sare oo tayo leh. Xalay Qaraxa la fashiliyay ee Gacanta lagu dhigay,waxaa sababay hawlgalka Ciidamada Dharcadka ah ee sida joogtada ah Bosaso uga hawlgala. Inkastoo Ninkii Qaraxa siday ka baxsaday,hadana,waxaa wax weyn ah in ay Qaraxii qabteen. Haatan,waxay Ciidanku wadaan baaris dheeriya oo ku aadan Qaraxaas la helay. Jibril Qoobey.

Read More

Dib,ayaa loo dhigay Laba Todobaad gaarista go’aanka fududaynta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya. 1-da December,ayaa loo fariisanaya markale,waxaana dood ka taagan tahay oo laysku mari la’a yahay…. 1.Warbixinta Maamulka Hubka,ayaan dhamaystirmin weli. 2.Maamulka Qaraxyada (EID) 2.Sii joogista Guddiga Madaxa banaan ee la socodka arrimaha Somaliya (UN Panel of Experts). Shiinaha iyo Ruushka,waxay rabaan in Guddiga QM aan wakhtiga loo cusboonaysiin,waxayna u arkaan in ay nusqaan ku yihiin Madax banaanida Somaliya. Dowlad kasta oo Somaliyed,ayaa dalbata in Dalka laga saaro ilaa iyo 2012. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Maxay Xasan Shiikh ugudbiyeen Mucaaradka hubaysan? Siyaasada? B.In ay xiriir la leeyihiin 3-ka mid ah Xisbiyada oo aysan Doorashada galayn,taasina way beenoowday oo Xisbiyadii waa xaqiijiyeen in ay galayaan Doorashada. T.In gorgortan Baayac ah uu usocdo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada PL,taasina way beenowday oo Gudoomiyihii,waa ku dhawaaqay Doorashada. J.In ay Gacanta ku hayaan 12-ka Xildhibaan ee dul marka ku samaynaya Xeerarka Doorashada,taasina Berri ayay kala cadaanaysaa jiritaankeeda. Milleteri ahaan? B.In ay kala xirayaan Dalka,taasna Dowlada PL waa ka hawlgashay. T.In ay xirayaan Garoomada iyo Dekedaha oo ay udigayaan Ganacsatada,iyadana Dowladu,waa ka hawlgashay oo Ciidamo dheeraad ah,ayaa la geeyay,Xiriirna waa lala samaysay…

Read More

Fariintayda Madaxweyne Deni? Xaalada aad hada ku jirto,waxaa,iyadoo kale soo maray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf rabbi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Cabdullaahi la mid ma timid oo waxuu lahaa astaamo kuwaaga ka fiican,sida…. 1.Geesi. 2.Deeqsi. 3.Aftahan 4.Haybad 5.Dad wadasho. 6.Aragti. 7.Hal adayg 8.Han Laba,ayaad iskaga dhow dihiin hal adayga iyo Hanka. Marka MW Deni adoon lahayn 6 Astaamood oo Cabdullaahi lahaa oo usahlay in uu jiiro xaaladii uu wajahay xiligaas,ayay saakay ku haysataa in aad Adiguna jiirto tiiyoo kale. Waa Maxamuud Shido oo markale Qandaraas kasoo qaatay Xamar,rabana in uu PL ka dhigto Maamul uu Mashaariicda iyo Canshuurta Dadka ku leexsado. Nina…

Read More

Dowladu waxay xoojinaysaa amaanka Caasimada,sababa jira aawadood. Ma jiri doono hal Xubin oo Mucaaradka ka mid ah oo Gurigiisa la galayi,haduusan isagu dhaqdhaqaaq bilaabin,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka. Reer Garowe 90% way kasoo horjeedaan qorshaha Aaran-jaan oo waxayba fursad u arkaan in laga kor qaado saamayntooda. Mucaarad kale majiro oo dhib wada aan ka ahayn Maxamuud Shido iyo Xasan Shire oo ay gubayso Lacagtii Canshuurta Ummadan ahayd ee ay nidaamka ku urursadeen 15-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Read More

Sida xoguhu sheegayaan kulankii Caawa ee Golaha Wasiirada Fadaraalka,waxuu ka macquulsanaa kii uu kasoo qaybgalay MW Xasan ee hanjabaada iyo eedaynta ahaa. RW,waa dajiyay Wasiirada,waxuuna usheegay marka hore in ay iyagu fahmaan,waxa ay gadayaan oo ay kuwada qancaan markaas kadib ay ula tagaan matalaadooda iyo Xildhibaanadooda. RW,waxuu sheegay in Sharciyadan la meel marinayo aysan kaligood fulin karin oo loo baahan yahay in Ummada laga gado,iskabadaa in ay hada la aadaan Baarlamaanka. Majirin amar ah Wasiir dhoofi karaa majiro iyo keena Xildhibaanadiina si loo ansixiyo Xeerarkan. Waxaa muuqatay in RW dajiyay xaaladii uu abuuray MW. Sidoo kale majiraan Madaxweynayaasha DG in…

Read More

Madasha oo aan daawaday jawaabteedii ay kaga jawaabayeen baaqii Madaxweyne Deni,waxay ahayd mid aan jiho lahayn. Baaqii wada xaajoodka ma aqbalin? Baaqii wada xaajoodka ma diidin? Fikrad cusub ma keenin? Maxaa ufurnaa oo ay Deni ku dili Kareen ? PL Doorasho Qof iyo Cod ah ayay aaday,waxaan iyada ahayna lagama wada hadli doono,marka waxay ahayd aragti cusub oo ay Deni kula rogaan Ciyaarta in ay keenaan. Si buuxda in ay u aqbalaan wada xaajoodka,isla markaana aqbalaan Doorasho Qof iyo Cod ah. Kadibna ay soo istaagaan Doorashada Qof iyo Cod,waan galaynaa,Anagoo tixgelinay Dalka iyo Dadka,balse waa in Shuruudahan la fuliyaa…. 1.In…

Read More

Sidii la filayay Xisbiyada iyo Gudiga Doorashada wadajir ayay Shir jaraa’id uqabteen saakay oo Sabti ah. Lix ka mid ah Xisbiyada oo ay ka maqan yihiin Labo,waxay xaqiijiyeen in ay Doorashada si buuxda ugalayaan shuruud la’aan. Go’aanka Xisbiyada,waxuu sii xoojinayaa dooda MW Deni ee Doorasho Qof iyo Cod ah. Sida muuqata MW Deni Mucaaradka diidan Doorashada Qof iyo Cod legdin Siyaasadeed,ayuu ku dhuftay oo wada hadal iyo Gacan furan,ayuu ugu baaqay. Mucaaradku Wada xaajoodka ma diidi karaan oo waxay noqonayaan qaswadayaal,sidoo kale ma oran karaan Qof iyo Cod hala joojiyo si toos ah. Kubad Siyaasadeed oo ay adag tahay in…

Read More

Kulankii Islaan Ciise iyo Madaxweyne Deni ee qaatay dhawrka Saac Todobaadkii hore,ayaa waxaa ka dhashay hadalka Madaxweynuhu Maanta sii daayay. Sidoo kale,waxaa jira kulan Axada dhacaya oo Safiirada BC ku go’aaminayaan wefti xoog leh oo Maraykanku hogaaminayo in Garowe loosoo diro. Maxay kuwada hadleen Islaan Ciise? “Islaanoow Adiga iyo Islaan Bashiir Wadanka badbaadiya,Boqorkii Dhabarkuu Mindi iga geliyay”Ayuu ku yiri Islaan Ciise. “Ma waxaad rabtaa in aan ka daba hadalno Isimada wax soo saaray,maxaan qabanaa?”Ayuu ku jawaabay Islaan Ciise. “May haka daba hadlina Isimada hadlay ee Nabad ka shaqeeya”Ayuu ku yiri MW Deni markale. “Nabad ku dhawaaq marka hore Adigu si…

Read More

Qaramada Midoobay,ayaa xaqiijisay in aysan maanta gargaar geynin Qasa sababo la xiriira shaqaalaheeda iyo khadadka taleefannada iyo internetka oo maqan maalintii Labaad. Juliette Touma oo ka socota UNRWA oo ah hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee caawisa Falastiiniyiinta,ayaa sheegtay in ay si dhaqso ah ugar gaari karaan Falastiniyiinta hadii isgaarsiinta iyo Shidaalka la fasaxo. Toddobaadkii tagey Booyad,ayaa Shidaal geysay Qasa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil bishii Oktoobar, balse mar hore,ayuu dhammaaday Shidaalkaas. Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in sahayda Cuntada iyo Biyaha ay dhamaadeen,isla markaana Dadka reer Qasa ay kusii siqayaan Macaluul.

Read More

Sudan,ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay khamiistii inay si dhakhso ah u joojiso howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee dalka ee (UNITAMS). Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Sudan Cali Sadeq,aya usheegay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay,sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. “Dawladda Sudan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS,isla markaana waxaan jeclaan lahayn inaan idiin xaqiijinno in Dowladda Sudan ay ka go’an tahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso golaha ammaanka iyo xoghaynta,”Ayuu Sadeq ku yiri qoraalkiisa. “Ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan wuxuu ahaa in la caawiyo Dowladdii KMG ahayd ee Sudan kadib kacdoonkii…

Read More

Garoowe :16 November 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay . Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay Guddigii Wasaariirada ahaa ee loo xilsaaray fatahaada Gaalkacyo iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka waxaa looga…

Read More

The UK will host a global food security summit with the Bill & Melinda Gates Foundation and the Children’s Investment Fund Foundation (CIFF) to galvanize action to tackle hunger and malnutrition. It will focus on the best of science and innovation to prevent food insecurity and malnutrition. Nearly one billion people worldwide do not have enough to eat and 345 million face acute hunger and starvation. The UK will gather governments, international organisations, scientists, NGOs and the private sector on 20 November for a reset moment on the global food security crisis. Speaking at the G20, the Prime Minister announced…

Read More

IBM on Thursday said it has stopped advertising on X due to a report its ads were shown next to pro-Nazi posts at the platform formerly known as Twitter. The move came as X owner Elon Musk faced criticism for endorsing an unfounded antisemitic conspiracy theory on the service. Nonprofit Media Matters on Thursday reported that it found Apple, Oracle and IBM ads displayed next to posts touting Hitler and the Nazi Party on X. “IBM has zero tolerance for hate speech and discrimination and we have immediately suspended all advertising on X while we investigate this entirely unacceptable situation,”…

Read More

Labada Nin ee ugu awooda badan xilligan caalamka,ayaa ku kulmay Sanfrancisco. Shiinaha kulankan macno,ayuu ulahaa oo waxuu aad udanaynayaa Maalgashadayaasha Maraykanka xilligan oo dhaqaalihiisu uusan muujinayn koboc,ayna kor usii kacayso Shaqo la’aantu. Labada hogaamiye ee Maraykanka iyo Shiinaha,ayaa kawada hadlay,arimo ay ugu waa weynaayeen… 1.Ganacsiga. 2.Taiwan. 3.Milleteriga 4.Bariga Dhexe. Maraykanku,waxuu uga digay Shiinaha in uusan faragashan Doorashada soo socota ee Taiwan. Halka Shiinuhu ka dalbaday Maraykanka in uu joojiyo Hubaynta Taiwan. Maraykanka iyo Shiinaha oo ah Quwadaha Dhaqaalaha caalamka hogaamiya,ayaa isku afgartay….. 1.In hoos loo dhigo loolanka dhanka Milleteriga. 2.In la sameeyo xiriir toos ah oo heer Madaxweynayaal ah. Kulankan…

Read More

Muuqaalada hoos ka muuqda,waa Somaliyada uu matalo MW Xasan Shiikha ay Todobàadkii ku baxdo Safarada uu galo ku dhawaad $300-kun. Todobaadkan oo kaliya,iyadoo ay Somaliya fatahaadaha Roobabku barakiciyeen Nus Milyan Qof,ayuu MW Xasan Aadayaa Sadex Safar…. 1.London 2.Tansaaniya 3.Imaaraadka. Safaradaas,hal mid oo ka mid ah Qaranka ugama soo xaroonayso $100-kun ama wax udhogma oo maqaam ah Todobaadkii. Baardheere Dadku Geedo ayay saaran yihiin,waxaana loo isticmaalayaa gudaha Xaafadaha Doomo yar-yar. Haba yaraatee qorshaha uguma jirto gurmad iyo booqasho Dadkaas Daadadku la tageenMadaxweynaha Xasan iyo Dowladiisa. Jibril Qoobey. Jibril Qoobey.

Read More

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,ayaa looga hadlay…. 1.Amniga 2.Fatahaada Gaalkacyo 3.Waxyeelada Roobka ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. 4.Xaalada Maxjarada Puntland. 5.Guddiga Dhaqaalaha Dowladda Puntland. 6.Siyaasadda iyo Xeerka Tirakoobka Puntland. Halkan ka akhriso:- https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1725127501331017996?t=1I-D9PkKqv5f220Bp04COw&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Shalay,ayuu soo bilowday,saakay ayay markale iskugu soo laabteen,Jimcaha way nasanayaan,waxayna soo Afmeerayaan Sabtida. Maxay ku heshiiyeen? 1.100% in ay Dimuqraadiyada kawada qaybgalaan oo ay Doorashada wada aadaan. 2.Waxay si buuxda oo iswaafaqsan ugu xaqiijiyeen PEC in ay Doorashada kawada qaybgalayaan oo ay bilaabi karto wacyigelinta. Maxay weli dhiraandhirinayaan? 1.Gudoomiye Jabiye oo arimo yaryar xalisanaya oo wakhti la siiyay. 2.Gudoomiyaha Xisbiga Mustaqbal Siibad iyo ku xigeenkiisa Cabdikaafi oo khilaafkooda xalintiisa wakhti la siiyay. Ugu danbayn Sabtida,waxay soo wada saari doonaan Warmurtiyeed ay si buuxda Doorashada ugu Aadayaan Lixda Xisbi. Jibril Qoobey.

Read More

“President Malawi Chakwera has cancelled all his international trips from now till the next fiscal year as one way of saving public funds amid the economic downturn. Cabinet ministers and senior government officers using government funds abroad to return home immediately”. Malawi waa Qaran mid ah oo Dowlad leh ayna umidaysan yihiin Miisaaniyadihiisa iyo Canshuurihiisa oo gaarsiisan heerka Dayn qaadashada ee caalamiga ah. Halka Somaliya aysan ka lahayn Dowlad Qaran,Miisaaniyad midaysan,Canshuuro midaysan,Dalkuna uusan helin Dayn,waxa kaliya ee ay ku socoto Dowlada ku kooban Muqdisho ee Villa Somaliya farisata ay tahay Deeqo iyo Canshuurta yar ee laga qaado Garoonka iyo Dekeda…

Read More

Soo laabadkiisa Muqdisho ee Burundi,waxuu aadayaa London oo uu kaga qaybgalayo Shirka Gaajada Aduunka oo ay wada jir ay u Gudoomin doonaan Ra’isalwasaaraha UK. Shirkaas Somaliya,waxuu ku yahay calaamad Gaajo,waana sababta ay Gudoonka wax ugu yeelatay. Wadamada kale ee Saboolka ah Madaxdoodu waa ka maagteen maqaam ahaan in lagu sawiro Calaamada Gaajada oo waxay udirsanayaan Wafuud hoose. Balse Somaliya Madaxii ugu sareeyay haykalkeeda Dowladnimo,ayaa isgaynaya oo waliba Gudoonka Gaajada noqonaya. Safarkaas kadib MW Xasan,waxuu kusoo laabanayaa Xamar,waxuuna usocdaali doonaa Tansaaniya,kadibna,waxuu kusoo laaban doonaa Muqdisho,waxuuna usocdaali doonaa Imaaraadka. Dhamaan Safaradaas,waxaa ku matali kara Somaliya RW,ku xigeenkiisa,Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud. Jibril…

Read More

Haba yaraatee wax nuxur ah oo heshiiskan uu uleeyahay Somaliya majirto. Sidoo kale Safarka Burundi macno MW Jamhuuriyadu ugalo,waliba isagoo Gacantu u duuban tahay malahayn. Safarkaas kaliya,waxuu ku koobnaa ka raali gelinta Dowlada Burundi Eray horay uga dhacay Lataliyihiisa Amniga Qaranka oo ahaa.. (Ciidamadiinu waa fulayaal) Eraygaas,ayuu Lataliyaha Amniga Qaranku ka dhex yiri Shir Uganda ka dhacay. Raaligelintaas,waxaa ku filnaa Agaasimaha Guud mana uqalmin in MW usafro. Jibril Qoobey.

Read More

Xamaas waa Koox da ugu qanisan kooxaha dagaalama ee caalamka,waxayna hantidoodu gaaraysaa ku dhawaad $1-Bilyan. Afar qaybood ayay kasoo gashaa Lacagtaas,kuwaasoo kala ah… 1.Taageero uga timaada Dowladaha. 2.Canshuur ururinta. 3.Maalgashiga 4.Deeqo. Dowlada ugu weyn ee taageerta Xamaas,waa Dowlada Iran oo Sanadkii waxay siisaa $100-Milyan. Canshuurta soo gasha Bishii,waa $12-Milyan,waxayna ka uruuriyaan Qasa,si gaar ah Ganacsiga ukala goosha Masar iyo Qasa. Maalgashiga Ganacsi ee ay ka sameeyaan dhaqaalaha,waxaa ugu weyn Crypto Currency,oo waxay Bitcon ka sameeyeen faa’ido gaaraysa $41 Milyan 2019-2023. Crypto Currency waa meel aysan Dowlado maamulin,sidaa daraadeed lama ogaan karo Lacagaha udhexmara oo xataa,waxaa si Ganacsi ah ugu soo…

Read More

Jeneral Cabdifataax Alburhaan, Madaxweynaha Golaha KMG ee Wadanka Sudan,ayaa gaaray Caasimada Itoobiya ee Adis-ababa. Ra’isalwasaare Abiy,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Bole. Abiy,wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka in ay kawada xaajoon doonaan Jen.Cabdifitaax arrimo muhiim ah oo taagan xilligan. Su’aalaha haldoor badan ay is waydiinayaan,ayaa ah.. Maxay yihiin arrimaha muhiimka ah ee ay kawada xaajoonayaan Abiy iyo Cabdifitaax? Sidee hogaamiye lagu dhaliilo hogaaminta Wadankiisa in uu ku fashilmay Dal kale ugu noqon karaa Nabadoon wax xaliya? Sidoo kale haldoor kasoo kala jeeda Labada Wadan,ayaa ku doodaya in Abiy laga baran karo oo kaliya.. B.Kala qaybin. T.Dagaal…

Read More

Sida ku cad qodobka 13-aad, farqadiisa 1-aad ee Sharciga Guddiga Doorashooyinka Puntland oo qeexaysa dhaarinta Xoghaya Guud ee Guddiga, waxaa saaka Garsoore Sheekh 𝙎𝙞𝙘𝙞𝙞𝙙 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙁𝙖𝙖𝙧𝙖𝙭 oo ka mid ah garsoorayaasha Maxakamadda Sare ee Puntland uu dhaariyay Xoghayaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Puntland Mudane Asad Ahmed Hersi oo Guddigu u magacaabay jagadaan. Dhaarinta kaddib, Xoghayihii hore ee Guddiga ahna xubin ka tirsan PEC Marwo Ubah Abshir ayaa xilka ku wareejisay Xoghaya Cusub. Guddiga ayaa soo dhoweeyay Xoghayaha Cusub kulana dardaarmay shaqo wanaag iyo inuu masuuliyadda uu qaaday uga soo baxo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka Guddiga, sidoo kale waxa ay…

Read More

Xamaas,waxaa laga burburiyay Xaruntii Taliska qaybteedii Dhulka hoostiisa ee Qasa. Godkan,ayaa ku hoos yaallay Taliska sare ee Milleteriga Xamaas Qasa. Waxaa la yaab leh baaxadda iyo sida ay casri utahay Godka hoose ee Xamaas,waxaana la tilmaamay in la barbar dhigi karo Qaybta Dhulka hoose ee Xarunta Dhexe ee Ciidamada Israa’iil Kirya Tel Aviv. Xaruntan,waxay leedahay Wiish dhererkiisu dhan yahay 30-Mitir oo si casri ah loo dhisay,Ogsijiin, Qaboojiyayaal iyo isgaarsiin casriya. Waxaa ku hawlgeli jiray Madaxda sar-sare ee Xamaas oo ay ugu horeeyaan Madaxa Xamaas ee Qasa Yahya Sinwar Madaxa Militariga Xamaas Maxammed Deyf. 30% ayay Ciidamada Israa’iil burburiyeen Godkaas iyo…

Read More

Xarumaha muhiimka ah ee ay qabsadeen Ciidamada Israa’iliyiinta,ayaa kala ah….. 1.Baarlamaankii Xamaas. 2.Xarumihii Maamulka iyo Hoygii Gudoomiyaha Xamaas. 3.Xarumihii Booliska Xamaas. Ciidamada Israa’iil waxay kaloo qabsadeen dhismaha Kulliyadda Injineeriya ee Jaamacadda Qasa oo ahayd Machad usoo saara una horumariya Hubka iyo waliba Xarun Xamaas oo leh Saldhig tababar,Qayb talis ah,Qayb Xabsi oo leh Qolal wax lagu baaro laguna Xiro. Sidoo kale Isbitaallada Al Shifa iyo Al Qudus oo Xamaas Qaybahooda hoose ay u isticmaali jireen gudbinta Hubka,Ciidan iyo Talisyo kmg ah oo hogaamineed ayay Ciidamada Israa’iil la wareegeen. Xigasho: Times of Israel.

Read More

Rwanda,Burundi iyo UK,ayuu isku marayaa MW Xasan maalmaha soo socda. Sabab ku khasbi kartaa,isagoo Gacan uduuban tahay in uu Shirarka caalamiga ah dhex wareego Madaxweynaha Somaliya majirto. Waxaa ku matali kara Somaliya Ra’isalwasaaraha,ku xigeenkiisa iyo Wasiirada. Balse dhamaan Dowlada uu Odayga ka yahay MW Xasan kuma kalsoona umana quuro in ay matalaan Xubnaha qaybta ka ah. Laba arimood,ayuu udiidan yahay in matalaada Somaliya ee fagaarayaasha caalamka lala wadaago kuwaasoo kala ah… 1.Fursad walba oo Dhaqaale lagu heli karo in uusan Qof kale arag,xataa Sooryaynta. 2.Fursad muuqasho in uusan yeelan Ra’isalwasaare iyo Wasiir toona. Tusaale? Shirkii Afrika iyo Sacuudiga,waxaa Boqortooyadu Sooryo…

Read More

Berri foog,waxuu usocdaalayaa Wadamada Rwanda iyo Burundi oo ay ka dhacayaan Shir ay leeyihiin Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Somaliya. Ujeedka Shirkaas,waa in mudada Ciidamadoodu sii joogayaan Somaliya ay sii kordhiyaan oo Wadajir udalbadaan taageero dhaqaale. MW Xasan qayb,ayuu ka yahay soo jeedintaas,waana sababta uu utagayo Shirkaas. 3-bilood oo dheeriya ayay Somaliya dalbatay in mudada lagu daro Ciidamada Atmis,balse Dalalka ay ka yimaadeen Ciidamadaas,ayaa Sadex kale dalbanaya,iyagoo ku doodaya Somaliya in aysan isku filnayn,waxayna tusaale usoo qaadanayaan dagaalkii argagixisada ee Wajigiisii koobaad dhamaystirmi waayay. Wadamada ay ka joogaan Somaliya,ayaa ku hela hawlgakaas dhaqaale ka kaafiya miisaaniyadahooda Wasaaradaha Gaashaandhiga,waxayna Somaliya utahay…

Read More

Waxaa soo baxaya xogo laga helayo sida ay ugu hirgashay Xamaas in ay ka gudbaan Xayndaabka Dhererkiisu dhan yahay 65-ta km ee ay ku xiran yihiin Qalab casri ah oo wax ilaaliya,isla markaana heegan sare ay kaga jiraan Ciidamo badan. Xogahan,waxay sheegayaan in uu ahaa qorshe Xamaas ufulay oo ay ku khiyaantay Dowlada Israa’iil,taasoo iskugu jirta Siyaasiyan,Milleteriyan iyo Wardoon…. 1.Xamaas,waxay Israa’iil umuujisay dabacsanaan,iyadoo ogolaatay wada hadal iyo mowqifkeeda in ay dabciso,balse dhab kama ahayn ee Siyaasiyan ayay wax khaldaysay. 2.Xamaas Milleteri ahaan,waxay udiyaar garowday si sare oo waxay diyaarisay 3000 oo Gantaal,Baaldoosaro iyo Ciidan ku hawlgala wax ka yar Hal…

Read More

Inta badan Isbitaaladii Qasa,ayaa uxirmay Dawo la’aan,Shidaal la’aan iyo Biyo la’aan. Israa’iil,waxay ku doodaysaa in Isbitaallada Qaybtooda hoose ay isticmaalaan Xamaas oo ay soo marsadaan Hubka,isla markaana ku leeyihiin Xarumo ay ka hagaan dagaalka oo Saraakiishoodu ku kulanto. Maraykanka,ayaa ku raacay hadalka Israa’iil kasoo baxay,waxayna la qabaan Xamaas in ay u isticmaasho dhiamayaasha Shacabka Milleteri ahaan. Israa’iil,waxay haatan soo gaarsiisay Isbitaalada Shidaal yar oo ay kusii Shaqeeyaan.

Read More

57-Wadan oo Islaam ah,ayaa ku kulmay Sacuudiga.. Wadamadaas,kulankooda Ajandaha ugu sareeya,waxaa ka mid ahaa xaalada cakiran ee Qasa. Maxay isku raaceen? 1.In la canbaareeyo Israa’iil. 2.In loo gurmado Shacabka Qasa. 3.In Golaha amaanka lagu canbaareeyo in ay ku fashilmeen soo saarida baaq Xabad joojin ah. Iran oo dhankeeda soo jeedisay Laba Qodob,ayaan uhelin taageero……. 1.In la hubeeyo Falastiniyiinta. 2.In Cunaqabatayn Saliida ah lasoo rogo. Dalal ay ugu horeeyaan Sacuudiga  Shirka martigeliyay,ayaa ka hor yimid soo jeedinta Iran,waxayna Wadamada Islaamku muujiyeen in aysan Rabin hubaynta Ururo Xamaas oo kale ah. Reer Galbeedka saamayntooda caalamka,ayaa keentay in aan lagu dhiiran soo saarida…

Read More

Aragtida ah Israa’iil oo Qaran ah iyo Falastiin oo Qaran ah,isla markaana deris is xushmeeya waa xal kaliya ee Nabad looga abuuri karo Bariga dhexe. Inta badan Dowladaha caalamka oo ay ugu horeeyaan Dowladaha Carbeed,ayaa qaba aragtidaas. Somaliya kuma khaldana qaadashada go’aankaas,waxaana muuqata hadalkii Ra’isalwasaaraha in uu ahaa mid lagu degdegay oo Caadifad ku yimid. Diblomaasiyan Siyaasada arimaha dibada ee Somaliya,waxaa saxan hab hadalka Madaxweynaha ee arinkan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1724403315700568384?t=lzvPPIZSmXuHpo7Cf2eUpA&s=19

Read More

Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod oo si rasmi ah loogu gudbiyay Baarlamaanka Puntland. Tani,waxay soo afjaraysaa rajo walba oo lagu geli lahaa doorasho laysa ogol yahay oo ku timaada wada xaajood. Deni,waa ku adkaystay qorshihiisii Doorasho Qof iyo Cod ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1724437822243807691?t=aoNIF_W_3aF8pl9mHjB51w&s=19

Read More

Garoowe, November 14, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandihiisa oo ahaa ka doodista Xeerka Cashuuraha Berriga oo Goluhu maalintii 2-aad akhriska 3-aad ku samaynayo, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 3-aad farqadiisa 1-aad ee iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisbaadka Golaha Wakiillada uu gacanta ku hayey xeerka ayna kulamo latashi kala yeesheen…

Read More

Dhamaan fariimihii soo gaaray ee ay ugu danbaysay tii BC ee haa in uu wada xaajood wax ku dhameeyo,waa iska dhaga tiray. Gudi Ganacsato iyo Culumo ah,ayaa la filayaa in ay Kenya ka yimaadaan,kuwaasoo iyaguna wada fariin wada hadal. Dhaqdhaqaaqii koobnaa ee uu sameeyay Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Deni waxuu iska ahaa marin habaabin iyo maaweelo. Qorshihiisii Doorasho Qof iyo Cod ah,ayuu aadayaa. Xeerarkii Doorashada,waxaa la ansixinayaa 3-berri kadib,isla markaana 17-ka Xildhibaan ee Sool doorashadooda xal bay ka gaarayaan isaga iyo Karaash. Qorshaha ay Dowladu udajisatay qabashada Doorashada,waa… 1.Garowe in la go’doomiyo,Aadna loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara,balse lagu diriro.…

Read More

Shirka uu la qaatay Golaha Wasiirada Fadaraalka Madaxweyne Xasan saakay,waxa uu kala hadlay hal arin oo ah socod siinta Warmurtiyeedkii Shirkii Madashii ee ay PL ka maqnayd. Wasiirada,waxaa loo sheegay in ay qayb ka qaataan sidii Baarlamaanka looga gadi lahaa Warmurtiyeedkaas iyo wixii ku qornaa,waxaana Wasiir walba laga rabaa 5-Xildhibaan oo taageera Warmurtiyeedkaas. Si kale hadii loo dhigo,waa haal socodsiiyo qorshaha dhigaya Wadanka Dastuurkiisa hala burburiyo hana loo badalo Dowlad Hal Xaafiis ah oo leh Madaxweyne iyo ku xigeen,isla markaana shuruucda ay ku shaqaynayso ay yihiin Dowlad dhexe oo aan Fadaraali ahayn. Xasan way kaga dhagan tahay socod siinta Warmurtiyeedkaas,waase…

Read More

Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay. Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay Booliiska London in ay ay dhinac la safteen marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbaxa ka dhigay London. Wasiiraddaan,ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xilli ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan Marinka Qasa. Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbixii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta. Dhowr jeer oo hore ayay Wasiiraddan waxay ku baaqday in la xakameeyo Dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan…

Read More

Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron,ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay Golaha Wasiirada. Isku shaandhayntan waxaa shaqadeedii ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad uga soo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii dagaalka Xamaas iyo Israa’iil. David Cameron,ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May. Arimaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa inuu ahaa Maskaxdii ka danbeysay Shirkii ballaarnaa ee Somaliya iyo BC loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo…

Read More

Kadib codsigii MW uu M.xigeenka kaga codsaday in uu wada hadal siiyo Mucaaradka,ayaa Karaash,waxa uu la xiriiray Mucaaradka Rag ka mid ah,kuwaasoo kala ahaa Guuleed iyo Diyaano. Guuleed,waxa uu ugu jawaabay M.xigeenka..”Waa Shiraynaa kadibna,waa kugu soo warcelinaynaa Madaxweyne”. Halka Diyaano isla markiiba ugu jawaabay…”Lama hadlayno ee ha fuliyo Go’aankii Isimada ay soo saareen”. Shir saakay ay yeesheen Mucaaradku,waa isku fahmi waayeen sida loola fariisanayo Madaxweyne Deni,waase isku laabanayaan oo go’aan baa kasoo wada baxaya. Qayb waxay qabtaa in Shuruudo lagu xiro la kulankiisa,waxaana Ragaas ka mid ah Diyaano iyo Xasan Shire. Qaybta kalena,waxay qabtaa in Shuruud la’aan lala kulmo,waxaana ka…

Read More

Xalay,waxuu kasoo baxay Madaxatooyadii uu ku jiray mudo Madaxweyne Deni ee keentay in lays waydiiyo in uu maqan yahay iyo in kale. Islaan Ciise,ayuu markii ugu horaysay utagay,waxayna wararka laga helayo sheegayaan in aysan is afgran oo Islaanku soo istaagay qabo Doorashada oo Wadanka hubanti la’aanta ka saar. Kadib,waxuu tagey Hotel Caduun oo ay degan yihiin Odoyàal R.Mudug ah,iyagana xoogaa buu lasoo joogay. Kadib,waxuu utagey M.xigeenka Karaash oo ka codsaday in uu wada hadalsiiyo Mucaaradka,waana ka aqbalay. Madaxweynaha qorshihiisii,waxaa saamayn weyn ku yeelatay fariintii BC ee ka dhanka ahayd sida uu wax uqorshaystay. Wararka qaar,ayaa sheegaya in ayba dhici karto…

Read More

Ciidamada Israa’iil,ayaa sheegay in Gantaalka Lidka Taangiyada laga soo riday xadka Lubnaan. Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid kamid ah la sheegay in xaaladiisa ay aad u Liidato. Rasaasta la is weydaarsaday,ayaa timid saacado kadib markii wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant uu booqday askarta Israa’iil ee ku sugan waqooyiga, wuxuuna si cad u sheegay in Xisbullah aysan ahayn in xilligan ay ka cadhaysiiyaan Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray in guulihii ay ka gaareen Qasa, goobtaas lagu soo celin karo Beirut. Markaa si cad ayuu ugu digayaa Xisbullah.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Qasa ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, mowqifkaas oo ah mid khilaafsan kan Madaxweynaya Mareykanka Joe Biden. “Waa inay jiraan wax intaas ka badan,” Netanyahu ayaa ku yiri shir jaraa’id Sabtidii isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in maamulka Falastiin, oo qayb ahaan gacanta ku haya Daanta Galbeed ee la haysto, uu maamuli karo Gaza dagaalka kadib. “Ma jiri doonto maamul rayid ah oo caruurtooda bara naceybka Israel, laadayaan Israa’iiliyiinta iyo baabi’inta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Netanyahu. Xoghayaha arrimaha dibadda…

Read More

Kulankii Mucaaradka iyo Qarmada Midoobey? Wakiilka QM,Waxay la kulantay Mucaaradka aan Xisbiyada ku jirin. Xisbiyada Mucaaradka ah in aysan la kulmin Wakiilka Xoghayaha Guud,waxaa lagu sababeeyay in aysan arag Xisbiyo Firfircoon oo Dimuqraadiyad ka shaqaynaya ee kaliya ay muuqdeen Rag Kursi isku haysta. Maxay kala hadashay? 1.Waxay usheegtay in xasiloonida PL la ilaaliyo,sababtoo ah waa muhiim ay BC si gaar ah u aragto,Somaliduna ku faanto. 2.Waxay usheegtay MW Deni ay ka dalbatay in uu wada hadal furo oo uu aqbalay. 3.Waxay usheegtay 8-da Jan iyo 25-Feb in ay isku mid yihiin oo ay dulqaad sameeyaan. Dhankooda Mucaaradka? 1.Waxay ugu jawaabeen…

Read More

Kulanka Koobaad,waxaa wada yeeshay Madaxweyne Deni,ku xigeenkiisa Karaash iyo Wakiilka Xoghayaha Guud,waxuuna socday ku dhawaad Hal Saac. Kulanka Labaad,waxaa yeeshay Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud oo kaliya,waxaana uu socday ku dhawaad Saacad iyo jajab. Kulanka,waxaa markii ugu danbaysay kusoo biiray Wasiirada,waxaana lawada joogay 5-daqiiqo wax gaaraya. Arimaha laga wada hadlay? 1.Madaxweyne Deni,waxaa lasoo gaarsiiyay go’aanka BC ee Doorashada Puntland,kaasoo udhignaa.. “Waan taageernay Dimuqraadiyada,lagamase gaaro wakhtiga haray,sidaa daraadeed keen wax heshiis lagu yahay oo ay kusii socon karto,8-Jan Bulshada PL waa ku weyn tahay,wayna ilaalsadaan,ma rabno in dhibaato ka dhacdo Doorashada PL,adaana iska leh masuuliyadeeda oo aan kugula xusaabtamaynaa”. 2.Waxaa…

Read More

Sacuudi Carabiya,ayaa Sabtida maanta ah martigelineysa hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta oo shir aan caadi ahayn oo wadajir ah uu uga furmay magaalada Riyadh, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay awooddeeda isugu gaysay si ay Mareykanka iyo Israa’iil ugu cadaadiso in la joojiyo colaadda Qasa. Hoggaamiyeyaasha jooga Riyadh waxaa ka mid ah Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, kaasi oo la filayo in uu si adag u cambaareeyo duqeymaha Israa’iil ee Qasa, iyo in uu diro baaq ah in la joojiyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo…

Read More

Ururka Bisha Cas ee Falastiin,ayaa ku eedeeyay Ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen Afar Isbitaal oo ku yaalla Marinka Qasa 24 saac gudahood. Madaxa Ururka Caafimaadka WHO,ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii Caafimaadka ee Qasa uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal Cunug lagu dilo Qasa 10-daqiiqaba. Ciidamada Israa’iil,ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday Ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay Isbitaalka.

Read More

Garoowe: 11 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso. Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah. Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland. -DHAMMAAD-…

Read More

Madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyagoo ka wadahadlaya dublamaasiyad heerkeedu sarreeyo oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda u dhexeysa labada quwadood ee adduunka ugu awoodda badan. Kulankan oo si dhow siha loogu wada hayo, dhici doono inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington. Waxaa la filayaa inay ka hadlaan…

Read More