Beesha Caalamka,waxay hoos udhigtay maqaamka MW Deni,markay xiriir la samaysay Mucaaradka aan Xisbiyada ahayn,waana fariin dagaal Diblomaasiyadeed ah. Sidoo kale,Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa hadalkii VOA ee ahaa *Waxaan heshiis lagu ahayn Doorasho laguma galayo),wuxuu ahaa hadal kale oo aan farxad gelin Deni,kana soo dhex yeeray Dowladiisa. Fahan la’aanta iyo xiriir yarida Bulshada kala dhaxaysa MW Deni,ayaa ka kaxaysay Dad badan siina gelisay go’doon. Waxaa muuqata in Dadku aysan niyad u ahayn hogaaminta Deni 5-Sano oo kale. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Dowladda Kenya,ayaa qiimo cusub ku soo rogtay kaararka aqoonsiga waddanka, taas oo ay caro badan ka muujiyeen shacabka Kenya. Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar. Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent) Arrintan ayaa…
Al-Zawari,ayaa lagu dilay rasaas oodda looga qaaday isagoo ku sugan gurigiisa hortiisa oo ku yaal magaalada Isfax, galabnimadii Oktoobar 15, 2016. Xamaas ayaa dilkiisa shirqoolka ku eedeysay sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Intii aan la dilin waxaa cadayd inuu diyaarinayey shahaaddada saddexaad jaamacada isagoo doonayey inuu hindiso gujisyo lagu hago meelaha fog fog. Howlgalka lagu qaarajiyey Maxamed Al-Zawari waxa la ogaaday inay fuliyeen rag u dhashay dalka Bosnia. balse Boosniya waa ay diiday in tuhmanaha dilka Al-Zawari lagu wareejiyo Tunuusiya.
Ciidamada Israel iyo kuwa Xamaas ayaa Khamiista maanta ku dagaallamay magaalada Gaza, iyadoo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay ka qaxeen aaggaas oo diiradda lagu saaray hawlgallada milatari ee Israa’iil kadib markii ay Xamaas weerar ku qaadday bishii hore. Marka laga soo tago dagaalka dhulka ee ka socda magaalada ugu weyn ee Marinka Qaza, ciidamada Israel ayaa sidoo kale duqeymo cirka ah ku garaacay deegaankaasi. Dagaalka ayaa sababay barakaca dad aad u badan, iyadoo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada uu sheegay in 50,000 oo qof ay Arbacadii u qaxeen dhanka koonfureed ee marinka Qaza. Tiradan ayaa…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya. Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan…
Axmed Faarax Mohamed oo ka mid ah Aqoonyahanka Puntland ayaa magaalada Qardho ku qabtay munaasabad qado-sharaf ah oo ku shaacinayay hankiisa la xariira musharaxnimada xildhibaan ka tirsan Puntland sanadka 2024. Waxaaa kasoo qayb-galay miida iyo haldoorka gobolka Karkaar oo ay horumuud u yihiin gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, Xildhinaanada golaha deegaanka Qardho, Gudoonka dalada dhalinyarada gobolka karkaar, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Axmed Faarax ayaa soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed iyo waxa uu doonayo in uu qabto, waxa uu si qoto-dheer uga waramay xildhibaanka iyo mataalaada laga doonayo, baahiyaha jira iyo sidda uu wax uga…
Walwal weyn,ayaa galay Beesha Caalamka,kadib markii ay heshay xogo wardoon oo la xaqiiyay,kuwaasoo cadaynaya in Muuse Biixi soo wado dagaal xoog leh oo saf balaaran ah. Qiyaastii 4000-Askari iyo Hub ay ku jiraan Taangiyo,ayuu dib usoo abaabulay Muuse Biixi. Sida xogaha Beesha Caalamka gaaray ay xaqiijinayaan,waxuu qorshaynayaa in uu weerar ku ekeeyo Aaga Buuhoodle,kan Sool ilaa Sanaag. Weerarka Muuse,waxaa la filan karaa mar walba,sida xoguhu xaqiijinayaan. BC,waxay deg-deg ubilaabaysaa cadaadis ay saarayso Muuse Biixi. Dhanka PL iyo reer Sool,way kala daadsan yihiin xilligan,waxaana intooda badan kala tagey Ciidamadii layskugu keenay Beelaha ee difaaca ku jiray. Si dhakhso ah hadaysan u…
Codbixiyeyaasha Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minneasota,ayaa Naadiya Maxamed u doortay in ay noqoto Duqa Magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas. Naadiya,ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay. Naadiya,ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas. Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd…
Looma sinna Ceebta dhacday oo waxaa masuuliyadeeda iska leh Madaxweyne Deni. Sababta uu uleeyahay,waa in uu Ciidankii iyo Qalabkii Dowlada Puntland Gacanta ugeliyay Wiil Dhalinyaro ah oo Youtuber-le ah. Caasimadii amniga iyo nidaamka hormuudka ugu ahayd Somali ee aan dhisaynay 30-ka Sano hoygana unoqotay taariikh iyo hide Dowladnimo in Bartankeeda Wiil Youtuber-le ah dartiis Xabbad uga dhacdo waa taariikh noo qorantay. Ilmo Faroole awalba maqaam maysan ku dhex lahayn Ummadan,haatana waa sii dhinteen oo waxay udulqaadan waayeen Cay Wiil Dhalinyaro ah,iyagoo usocda Kursiga PL ugu sareeya. Ilmo Diyaano waa Gobanimo dhaqmeen oo waa yaseen,hoos bayna udhigeen Wiilkaas markii Bosaso iyo…
Gaalkacyo,waxaa ka da’ay Roobab xoog leh,kuwaasoo Biyo dhigay Wadooyinkii Magaalada oo kala xiray Xaafadihii. Awooda Dowlada hoose ee Magaalada,way ka baxsan tahay Xakamaynta Daadadka soo rogmaday. Waa khasab in ay hesho gurmad Gaadiid iyo Qalab ah oo ka yimaada Dowlada Dhexe ee Puntland. Si gaar ah Dowlada hoose ee Magaalooyinka Bosaso iyo Garowe,waa in ay ugurmadaan oo Gaadiidkooda ku caawiyaan Gaalkacyo. Madaxweynuhu in uu tago waa dareen soo jeedin muhiim u ah ah xilligan Gaalkacyo https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1721675308909080677?t=L2ucttqn3zAUAFzFNCS4XA&s=19 Jibril Qoobey.
Tagida MW Deni ee Gaalkacyo xilligan,waa muhiim. Balse waa in aysan noqon igu sawir iyo Olale doorasho. Ugu yaraan haduusan MW iska hor marinayn Booyado iyo Cagafyo door ah oo Biyaha nadiifiya yuusan tagin. Mudug,waa Saldhiga Xisbiga KAAH ee Dowlada,waa in ay heshaa abaalkeeda iyo mudnaanteeda. Baahi weyn oo nadiifinta Biyaha ah,ayaa ka jirta Gaalkacyo. Jibril Qoobey.
Kulan usocday ku dhawaad 6-Saac MW Deni iyo Gudoomiye Jabiye,ayaa kusoo idlaaday faashil. Arinka laga wada hadlay ee laysku afgaran waayay,waxuu ahaa in MW Deni aqbalo soo jeedintii 3-Xisbi ee ahayd in MW ay doortaan Xildhibaanada,halkii Shacabku ka dooran lahaa. MW Deni arinkaas,waa diiday,waana kusoo ceshay Jabiye. Jabiye dhankiisa,waxuu Deni usheegay in uusan doorashada kala qaybgalayn oo uusan la tartamayn,haduusan aqbalin soo jeedintooda. Deni kuma kalsooni qabo hadii MW uu dooranayo Baarlamaanka,waxuuna aad urabaa oo kalsooni ku dareemayaa Shacabku in ay doortaan MW. Halka Mucaaradku ku niyadsan yihiin Baarlamaanka oo doorta MW. Jabiye waa Oday wakhti iyo dhaqaalaba geliyay hirgelinta…
Sida qorshuhu ahaa Adis,waxaa iskugu tegi lahaa MW Deni,Gudiga Maamula Dekeda iyo Wefti Imaaraatiya. Halkaas,ayaa waxaa lagu kala saxiixan lahaa heshiis dhigayay sida tan…. 1.Imaaraadka in la iga iibsho 51% Saamiga Dekeda. 2.Imaaraadka 60% in ay yeeshaan Maamulka Dekeda. 3.Imaaraadku in ay dhisaan Wadada Garacad-Goldogob. 4.Imaaraadku in ay bixiyaan $20-Milyan oo Xuquuqul Qalin ah oo Dowlada PL si gaar ah uqaadanayso. Heshiiskaas,waxaa fashiliyay Mulkiilayaasha Dekeda oo Cod laga qaaday ku diiday in Imaaraatiyiintu haba yaraatee aysan soo gelin Dekeda iyo lahaanshaheeda. Gudiga Maamula Dekeda,sidaa ayay uga baaqdeen Adis-ababa. Jibril Qoobey.
Ciidanka Booliiska Somaliland,ayaa sheegay in Xalay Magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Nimcaan Maxamed Cumar oo 23 jir ahaa. Marxuumka,ayaa waxaa Minddi ku dilay eedeysane Abshir Saleebaan Xuseyn oo 17 jir ah, sida ay ku sheegeen Booliisku qoraal ay soo saareen. Booliiska,ayaa sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha.
To strengthen their dwindling foreign exchange reserves and provide budgetary support, the International Monetary Fund (IMF) has examined the economic, financial, social, and governance policies of about eight African countries over the last month (October). Seven of the eight countries that were subject to approval by the IMF Executive Board have committed to financing exceeding $1 billion as a result of the evaluations’ completion. Africa has long been a region grappling with a complex array of challenges, ranging from economic disparities to healthcare inadequacies, infrastructure deficiencies, and political uncertainties. The financial assistance offered by the IMF holds the promise of…
Somaliya,ayaa ku dhawaaqday in ay u tartami doonto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo Labo sano ah 2025 ilaa 2026. Qaarada Afrika,ayaa Olole ugu jirta sidii ay UNSC uga heli lahayd Kursi joogto ah iyo Kuraas kale oo aan joogto ahayn. Haatan Qaaraddu waxay leedahay Saddex Kursi oo aan joogto ahayn oo ay ku kala fadhiyaan Mozambique, Algeria iyo Sierra Leone. Waddamada joogtada ah ee Golaha amaanka Qaramada Midoobey,ayaa kala ah US, Russia, China, UK, iyo France,waxayna xaq u leeyihiin in ay diidaan Qaraar kasta iyada oo aan loo eegin Xubnaha kale in ay taageersan…
Faroole oo lasoo hadlayay waxgarad kasoo jeeda Garowe,ayaa soo gaarsiiyay in aysan dagaal danbe gelin,sababahan awgood… 1.Magaca Beesha oo la sii naco,isla markaana Dekanada oo sii badata oo Harti oo dhan idin dakanaystaan. 2.Magaalada oo dhaqaale ahaan burburta,loona arko Magaalo reereed oo ay hantidooda iyo maalgalintooda kala baxaan Bulshooyinka kale. 3.Dad kale oo si buuxda idin kaga aamin baxa. Madaxweyne Faroole,waxuu Waxgaradkaas usheegay in uusan imaanayn,sababtoo ah,Deni baan aqaan oo waxba ma yeelayo,hadii dagaal dhaco anoo jooga qayb in aan ka ahay ayay noqonaysaa. Xaqiiqdii waa talo Nin weyn oo masuul ah oo mudan in loo hakado. Jibril Qoobey.
Badhan,waxaa ka dhici doona Shirweyne Dhaqan oo ay iskugu imaanayaan Isimada Puntland. Ilaa iyo hada,waxaa aqbalay saan xogta ku hayo 7-Isin oo soo jireen ah,kasoo qaybgal Shirka. Shirka,waxaa Martigelintiisa leh Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud. Shirka,waxaa leh maalgelintiisa Beesha Warsangeli oo Ganacsatadu,waxay qaadatay dhanka Dhaqaalaha,Bulshada kalena Xoolaha iyo Marti soorka. Shirka ujeedkiisu,waa xal uhelida khilaafka Doorashada ee xilligan ka jira Puntland. Ma cada doorka Dowlada ee Shirkaas ay ku leedahay abaabulkiisa iyo go’aamadiisa. Shirkan,haduu qabsoomo,waxaa iska cad in uu macno tiri doono kii Garowe ee Boqorku Shir Gudoominayay. Suldaan Cabdisalaam,waa Isim saamayn leh oo ku fadhiya Saldano soo jireen…
Mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee Israa’iil ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa,ayaa lagu sheegay galitaankeeda qaybaha Waqooyi iyo Bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool Xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola. Illaa Shan Aag,ayuu dagaal qaraar ka socda,waxaana ugu daran kan ka socda Waqooyiga Galbeed halkaas oo ay galeen Tobannaan Taangi iyo Gawaarida Qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan Xeebta, waxayna gooyeen 6-7KM Gudaha Qasa. Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku…
Boqorka Urdun Cabdillaahi 2-Aad,ayaa adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la joojiyo dagaalka Qasa, isla markaana la soo rogo deganaanshiyo aadaninimo, si uu gargaarku u gaaro marinka Qasa, dammaanad buuxdana la siiyo in aan la carqaladayn shaqada hay’addaha caalamiga ah ee gargaarka. Intii lagu jiray kulan uu la yeeshay xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken, waxa uu ku baaqay boqorka Urdun in la xoojiyo dadaalka caalamiga ah ee cunto, biyo, dawo iyo shidaal lagu gaarsiinayo Qasa, iyada oo aan la kala goynaynin. Boqorku waxa uu tilmaamay in wadada kaliya ee xal loogu helo karo khilaafka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil…
Xildhibaano ka tirsan G.Deegaanka Bosaso oo ka maqnaa Maalinkii dhaarinta iyo doorashada Golaha oo la dhaariyay. Munaasabad Kooban oo lagu dhaarinayay Xubnahan oo 11-Xildhibaan ah,ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Shaahdoon. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/O1MMjJy5-cY?si=U6PD28DlLzaGf4Ci
Waxaa saaka wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Waxyeelada Masiibooyinka DPL iyo Hay,adda Qaramidoobay uqaabilsan Xiriirinta Arimaha Gargaarka (UNOCHA), Isugu yimi shir oo lagaga hadlayey xaaladda waxyeelo ee roobabka ka da,ay Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalooyinka Galkacyo iyo Bandarbayla oo runtii waxyeelo fara badan ay ka soo gaartyay roobabkii ugu danbeeyay. Waxaan isla qaateen in si deg deg Dhamaan hay,adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ahi ugu gurmadaan magaalada Galkacyo oo waxyeelo Aad ubadan kasoo gaartay roobkii xalay da,ay. Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Waxyeelada Masiibooyinka Dowlada Puntland waxay markasta Garab taagantahay xaalada kasta oo bulshadeeda lasoo derista inay Uqareento. Allah mahadleh.
Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo. Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka. Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo la dareen ah shacabka Degmada Gaalkacyo, waxay ugu baaqaysaa hay’adaha Gar-gaarka deg deg ah, Dowladda Puntland iyo shacabka…
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta Golaha Wakiillada Puntland u gudbisay miisaaniyadda sanadeedka 2024, taas oo dhan ($387,550,700), iyadoo sannadkan ay korodhay 3%. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wiirudowlaha Wasaaradda. Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasimaha Waaxda Miisaniyada iyo Mas’uulyiin kale ayaa ka qab galay hor geynt Miisaniyada ee Gollaha. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Maraykanka,Imaaraadka iyo Itoobiya waxay ka Shaqeeyeen Shaqo looga gudbinayo xaalka cakiran DFS iyo Doorashooyinka Puntland. 1.Xasan,waxay hor dhigeen Gaas in uu buuxiyo Kursiga Ra’isalwasaaraha,waana aqbalay oo Gaas,waa Nin aan wada shaqayn karno,ayuu raaciyay. 2.Deni,waxaa loo sheegay in uu aqbalo Wada shaqaynta Villa Somaliya iyo Ra’isalwasaaranimada Gaas,waana aqbalay. 3.Gaas,waxaa loo sheegay in uu aqbalo Doorashada Qof iyo Cod iyo in uu qayb ka qaato Kursiga PL in Deni 5-Sano oo kale kusii fadhiyo,waana aqbalay. Adis,waxaa iskugu tagey wefti Maraykan ah,mid Imaaraatiya iyo Dowlada Itoobiya,waxaa kaloo la keenay Deni,Karaash iyo Gaas,waxayna si cad usaxiixeen is afgaradkii. Kadib kulankaas,waxaa loo yeeray Garaad Jaamac…
Milateriga Pakistan ayaa sheegay Sabtida maanta ah weerar ay malayshiyo hubaysan ku qaadeen saldhig lagu tababaro ciidamada cirka ee magaalada Mianwali ee bartamaha dalkaasi uu waxyeelo gaarsiiyay saddex diyaaradood, waxaana uu weerarku yimid maalin ka dib weeraro dhawr ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ka mid ah oo lagu dilay 22 qof, oo u badan askar. War ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen saddex ka mid ah dableydii weerarka qaadday ka hor inta aysan gudaha u gelin saldhigga, ayna lix kale ku dileen iska-horimaad xigay. Waxa ay ciidanku sheegeen in “jawaab degdeg…
Save,waxaa si Dadban udhex degan oo maamusha Aaran-jaan,waana sababta looga joojiyay Shaqadeedii Puntland. Ku xigeenka guud ee Somaliya,waa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada PL Ninka lagu magacaabo Ina Cabdi Ladiif,waxaana Deni ugeeyay Maxamuud Shido markay isla socdeen. Madaxa PL,waxaa ahaa Xaange oo waxaa gaystay Maxamuud Shido,markuu Wasiirka ka dhigayna,waxaa lagu badalay Adeec oo Maxamuud Abti uyahay. Adeega Gaadiidka,waxaa qaata Abshir Darbo oo Maxamuud Shido ku daaban yahay. Qandaraasyada oo dhan,waxaa la siiyaa Shirkado Maxamuud leeyahay. Deni waa la socday xogta Save oo waagii lawada socday,waxay ahayd meelihii laga helay Lacagtii Deni lagu dhistay oo calaa Shaqaale hoose Lacag baa lagu qoray.…
Warqadan,waxay qusaysaa khilaafka ka dhex jira Cabdi Madoobe iyo Firdhiye ee Garaadadu Buuhoodle utageen si ay uxalliyaan…. Firdhiye,waxuu rabaa in uu Ciidamada ka dhex saaro Cabdi Madoobe,kadib codsi uga yimid Dowlada Fadaraalka ah oo ku saabsan tuhun Shabaabnimo. Firdhiye,waxuu ku dhegan yahay fulinta heshiiska uu lasoo galay Xasan Shiikh ee meesha looga saarayo Cabdi Madoobe. Ilaa iyo hada Firdhiye ujeedkiisa,waa la fahmi la’ yahay,waxuuna ku doodayaa taageero kama helayno Xalane,hadaan Cabdi meesha laga saarin. Cabdi Madoobe,waxuu heegan gashtay Ciidankiisa,waana mida keentay in looga shakiyo Guuris dhanka Buuhoodle ah oo Warqadan loosoo saaray. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni,waxuu usafaray Saakay Wadanka Itoobiya oo uu ka helay martiqaad rasmi ah Ra’isalwasaare Abiy. Maalinka Berri foog ah in ay wada kulmayaan,ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan. Kulanka Deni iyo Abiy,ayaa Saraakiisha Madaxtooyada Puntland sheegayaan in uu muhiim uyahay Labada dhinac. Axada in uu dib ugu soo laabanayo Puntland ayay wararku intaas kusii darayaan. Inkastoo ay jiraan Warar aan la hubin oo sheegaya kadib Itoobiya in uu aadi doono Imaaraadka oo ay ku kulmi doonaan MW Xasan Shiikh. Xalay Lix Saac,ayaa Deni ka aqbalay Imaaraadka Codsi uga yimid oo ahaa in uu la fariisto Xasan Shiikh,sida wararkaas aan 100% la…
Waxa iska badalay jawiga Magaalooyinka Puntland majiraan. Dadku waxey dareemayaan go’aanka uu soo saaray Boqorku inuu dhinac la safan yahay. 90% Dadku waxay u arkaan Warkii Madasha Garowe oo go’aan Dhaqan lagu soo saaray umana leh tixgelin masiiriya Warqada Boqorka,markaad waraysato. Dhaliil walba oo ay Deni uhayaan,waxay ku liqayaan dhawr arimood oo kala ah….. 1.Hogaamiye qiyam ku dhaama oo ay ku badashaan mahayaan. 2.Dhaqanka oo ay u arkaan kuwo Dowladnimada khatar ku ah. 3.Aaran iyo Ilmo Faroole oo ay ka fog yihiin. 4.Joogista Xasan ee Villa Somaliya. 5.SNM iyo gulufkeeda aan dhamaadka lahayn. 6.Dimuqraadiyada oo ay aad uxiisaynayaan. Inkastoo Siyaasiyiinta…
WAR – SAXAAFADEED Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah. Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada. Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go’aanada…
Garoowe: 01 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo looga hadlay Amniga, Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka, Wax-ka-bedelka Xeerka Guddiga Doorashooyinka, Wax-ka-bedelka Xeerka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Diiwaangelinta. Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Haweenka iyo Arrimaha Doorashooyinka, Maadaama Doorashooyinka qof iyo cod ay fursad siyaasadeed oo furan ay siinayaan Haweenka iyo Dhallinyarada, Dowladdu waxay qaadatay siyaasad ah in Haweenku tiro ku filan ka helaan xoghayeyaasha Degmooyinka soo doortay Goleyayaashooda deegaanka ee Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Wado khaldan ayay raaceen,mana soo saarin wax xal noqon kara,waxay toos ula safteen Siyaasiyiinta Madasha. “Odoyaashii Shirku Garowe uga socday,ayaa soo saaray in Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,isla markaana la joojiyo Doorashada Qof iyo Codka ah laguna soo xulo Barlamaanka sidiisii hore ee 66-da”.. Ugu yaraan,waxaa la filayay in ay meel dhexe wax keenaan,balse waa uga sii dareen. Warka kasoo baxay qayb ka mid ah Odoyaasha,waxuu taageero uyahay MW Deni oo xataa Dadkii ku diidanaa sida uu umaaraynayo Doorashada Qof iyo Cod Indho la’aan ayay ku raacayaan. Odoyaashu,waxay muujiyeen in ay qayb ka yihiin Madasha Garowe laga sameeyay. Laba dhinac,ayaa ishayay,waxay…
Garoowe: 01,November, 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay bandhigga buugta ee Nugaal, Kaasi oo ay sanadka kasoo qeybgaleen qoreyaal iyo aqoonyahan isaga yimi dalka iyo dibeddiisa. Bandhigga oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa sidoo kale ka qeybgalaya dhallinyaro hal abuurkooda soo bandhigayo iyo xarumo ganacsi oo muujinaya horumarkooda. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay bandhigga buugta Nugaal iyo hal abuurka dhallinyarada ka qeybgalaya, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dowladda Puntland ay Garoowe ka dhisayso xarun Cilmi Baaris iyo Maktabad taasi oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.…
Hadaljeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta furay bandhiga buugta ee Nugaal (Nugaal Book Fair). Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eTPJFg5srxM?si=IxZ6dg6saHsetYL_
Muqdisho, Nofeembar 1, 2023 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Cabdirisaaq Maxamed – Handal, ayaa ka qeyb galay munaasabad maanta lagu daah furay Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya ee SERP. Mashruuca SERP, oo ay iska kaashanayaan Bangiga Adduunka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka faa’iideysan doona Wasaaraddo kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed sida: Wasaaradda Maaliyadda oo ah hormuud-ka ka faa’iidaystayaasha mashruuca iyo sidoo kale Wasaaraddaha kala ah: Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Caafimaadka. Mashruuca…
“Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha,waxii kasoo baxay,waxay ahaayeen in Warqada Dhimashada iyo tan Meherka Xamar loosoo raadsado oo PL waxa kaliya ee loo ogol yahay,waa Dowladaha hoose,marka Fadaraal meeshaa kama soo socdee,waxaan sugaynaa waagay Fadaraal ogolaadaan oo aan la hadli doonaa”Ayuu yiri MW Deni. Waa mid ka mid ah Qodobada Dad badan ay kula socdaan Deni la xisaabtanka Nimanka Xamar fadhiya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1719675428749676664?t=3W6MvQXrzE5alMP3L47Sug&s=19
Laba Qolo Deni,waxay uyihiin taageero uusan waxba ku bixin… 1.Joogitaanka Villa Somaliya ee Xasan Shiikh,waxaa kula socda Dad badan oo aaminsan inta Xasan joogo ha joogo isaguna,isla markaana ficil yar oo Xasan sameeyo,waxuu Deni ku helaa taageero,sida dhacdadii Xildhibaan Marwo. 2.Aaran-jaan iyo Ilmo Faroole ku jirkooda Siyaasada iyo raadinta Kursiga,waxay utahay hiil oo Dad badan,ayaa Deni kula socda ,inta kuwaas fuuli lahaayeen,isagu ha joogo,isla markaana Saacad walba oo ay masraxa kusii jiraan oo ay hadlaan Deni,waxuu sii helayaa taageero. Niman aan Burtinle iyo Qardho gaari karin,ayaa raba in ay Garowe ku helaan 66 ay Kursi ku fuulaan,kadibna Dadka ku dhibaateeyaan.…
Xurmadle Islaan Ciise Hoygiisa,waxaa ka dhacay kulan isagu iskugu yeeray haldoor Beesha ah. Kulanku,waxuu daarnaa soo jeedin Islaanku kusoo jeediyay in lawada dhiso Musharax Axmed Ciise Cawad. Waxaa kasoo qaybgalay Rag ay ku jiraan Maxamuud Shido iyo Cali Xoosh,waxaana soo jeedintii Islaanka ka cudurdaartay Maxamuud oo ku dooday….”In uu dhisayo Xasan Shire Abgaal”. Balse Islaanka,ayaa ku ceshay in ay tahay Gudoon uu riday in Cawad lawada dhiso. Sida xoguhu sheegayaan Maxamuud,waxuu ka Aaday Nayrobi,waana dansaday Taleefoonadiisa. Xasan Shire oo utagay Islaanka,ayaa la sheegay in uu ku yiri… “Islaan,waad i Qabyaaladaysay”. Waa laga dareemay Olalaha Xasan arinkan soo kordhay oo waxaa…
FIFA,ayaa hada kudhawaaqday in Sa’udi Arabia ku guulaysatay Koobka aduunka in lagu qabto 2034. Sida la sheegay dhaqaale xoogan ayay kubixisay Boqortooyadu in Koobka Aduunka lagu qabto Sacuudiga. Dalalka Carabta,ayaa tartan xoogan iyo xifaaltan ugu jira marti galinta Koobka Aduunka,iyagoo dhaqaale badan ku bixinaya FIFA iyo dalalka tartanka lagalay intaba. Wadamada Imaaraatka,Bahrayn iyo Kuwait,ayaa laga filayaa sidaas si lamida in dhaqaale badan ay ku bixiyaan. Koobka Aduunku hada ma’ahan sidii hore oo loomaba xiiseeyo si lamid ah waayadii hore. Tusaale macno wayn hada dunida uuguma fadhiyo oo ,Maraykan,Canada iyo Mexico oo ah Dalal waa weyn oo dhaqaale haysta,ayaa Hal Sanad…
6- Bilood oo ay joogtay Somaliya,waxa ugu weyn ee ay soo kordhisay,waa khafiifinta Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya saaran. 15-Nov,ayaa la rajaynayaa in la khafiifiyo Cunaqabataynta,iyadoo la fasaxayo Hubka aysan ku jirin,Taangiyada,Diyaaradaha iyo Madaafiicda,waxayna kasoo iibsan kartaa Somaliya Afar Wadan oo qura,iyadoo ay la soconayso QM ayna ka heshiinayaan Labada heer ee Dowlada Fadaraalka Somaliya. Arimaha ugu waa weyn ee hortabinta uleh Dowlad Dhiska Somaliya ee loo siiyay mudo xileedka cusub,waxaa ka mid ah… 1.Doorashooyinka SL 2.Arrimaha Sool 3.Doorashooyinka PL 4.Dagaalada Shabaab 5.Muddo kororsiga DG Koofurta Somaliya. Waxaa lagu tilmaamaa Qof fahamsan culeyska Siyaasadeed, Amni ee Somaliya. 12-Bilood oo cusub,ayaa la…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ee ku salaysan taageerada dawlad dhiska iyo nabadaynta Somaliya, muddo 12 bilood oo kale ah. “At #UNHQ in @NYC today, the @UN Security Council unanimously voted to renew @UNSomalia’s mandate, centred on support for #Somalia’s state- and peacebuilding, for another 12 months”. Somaliya,waxaa lagu maamulaa Qodobka 7-Aad ee QM,kaasoo ah in aysan ku filnayn maaraynta Siyaasadeeda. Weli Somaliya kama dhismin Dowlad masuul ah oo qaadata doorkeeda maaraynta Siyaasada iyo Amniga Wadanka. Dowlada Xasan Shiikh ilaa iyo hada wax…
MW Deni waa kaligii Taliye,taasi dood kuma jirto oo waa udhamaystiran yihiin Calaamadihii…. 1.Deni Qofna xiriir lama leh. 2.Deni Qofna Sxb rasmi ah lama aha. 3.Deni Qofna ma dhagaysto. 4.Deni Qofna ma tixgeliyo. 5.Deni Qofna wax kama badali karo. Kaligii Taliye laguma aqoon reer Puntland in uu kasoo baxo,waase la hayaa haatan. Khatarta ugu weyn,waa Kaligii Taliye reer PL ah dhibka uu ka hayn doono PL iyo guud ahaan Somaliya. Muhiimadu,waa in reer PL fahmaan in aysan ku dayan oo la goos goosan,sababtoo ah waa tagi doonaa ee yuusan tagin,iyadoo la burburay. 5-Sano kadib PL oo qurxoon halaga dhaxlo,haduu isku…
Xurmadle Boqor Burhaan dadaalka uu wado,waxaa haysta culays ubaahan ka baaraan dagid iyo ka fiirsasho. 1.Boqorku mahayo Isimadii waa weynaa ee isaga la maqaamka ahaa dhamaantood. 2.Boqorka uma fiicna hawshii uu u Gacan qaaday ee uu Garowe ufadhiyay mudada in ay fashil ku dhamaato. 3.Boqorku ma rabo in isku dhac kale dhasho,isagoo dhex fadhiya,sidii Bosaso. 4.Boqorka,waxaa culays kale ku ah Macangagnimada MW Deni. Sida la filayo Boqorku Labada dhinacba,waa iska uruurinayaa in la xijiyo,waxuuna soo saari doonaa waxuun dhexdhexaadnimo ah. Xurmadle Boqor Burhaan,waxuu aad uga taxadarayaa Warqadii Bosaso ee uu ka danbeeyay isku dhicii xumaa in aysan noqon mida Garowe…
Markii uu kasoo laabtay Safarkii dheeraa ee qaatay 60-ka Cisho MW Deni,waxuu Shir la qaatay Golaha Wasiirada,waxuuna usheegay Sadex Qodob…. 1.In ay joojiyaan Erayga kala guur oo aysan Dowladan meel usocon,isla markaana xajistaan Kuraasta. 2.In ay iska ilaawaan oo aysanba muhiimad siin Isimada,Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka. 3.In ay Laba ka hawlgalaan keenista 400 oo Dhalinyaro Baraha Bulshada ka hawlgasha iyo in ay ku dadaalaan Nin Qori sita oo PL jooga in aan loo adeegsan Dowlada,isaguna 6-Bilood oo Mushahaar ah halmar ufasaxayo Ciidanka. Soo jeedintii MW,waa laga hawlgalay oo waa ay muuqataa haatan. Waxaa xusid mudan in 7-Bilood aysan Khasnada Dowlada wax…
Michael Keating,waa Wakiilkii hore Xoghayaha guud QM ee Somaliya. Markale,waxuu hada yahay Madaxa Mashruuc QM maalgelinayso oo lagu kobcinayo Nabada Afrika. Waxaa Gacanyarayaashiisa ka mid ah Nuuradiin Aadan Diiriye oo la taliye kasoo noqday Madaxtooyada PL. Shaqada ugu weyn ee ay ka fulinayaan LC xilligan,waa isku soo dhaweynta reer Sool iyo Somaliland. Ajandahoodu waxaa ugu muhiimsan Labo Qodob….. 1.In ay abuuraan jawiga deganaansho si ay usuuroobi karto wada xaajood dhexmara Labada dhinac. 2.In Maxaabiista ay ukala waydaariyaan. Dhanka Garowe,waxay maalgelinayaan Odoyaasha ku Shirsan,waxayna bixiyaan Kharashka ku baxaya Shirkooda. Si dadban hawshan,waxaa uwadata Dowlada Ingiriiska oo soo dhexmaraysa QM. Jibril Qoobey.
Waxay qaybsadeen Ciidan iyo Hub,kadib hadalkii Madaxweyne Deni ee Shalay iyo 54-Aad. Qaybsigu sidee udhacay? 1.Aaran-jaan,waxay soo gudbiyeen 25-Gaari iyo 300-Nin in ay heli karaan. 2.Ilmo Diyaano,waxay soo gudbiyeen 15-Gaari iyo 150-Nin in ay heli karaan. 3.Cabdi Jamaal,waxuu soo gudbiyay 16-Gaari iyo 100-Nin in uu heli karo. 4.Koox reer Mudug ah,waxay sheegeen in ay wax keenayaan,balse wax ma cayimin. Balse culayska ugu weyn,waxuu ka haystaa Madasha Mucaaradka Dhaqaalo la’aan oo Cabdi Jamaal oo kale,waxuu ku xiray yaboohiisa in uu dhaqaale helo. Dowlada iyo hawlgalkeeda? 1.Waxay xoojisay Kayntaroolada,Xawaaladaha,Shirkadaha Ganacsiga si Lacag aysan la socon aysan usoo gelin gudaha. 2.Waxay heegan gelisay…
Mashruuc,waxaa ka muuqata bisayl aysan lahayn Musharaxiinta kale,waxaana soo jiidasho lahaa hadalkiisii ahaa “Xabbad Kursi kuma raadinayno”. Sidoo kale,waxaa ka muuqata in uu dawo uyahay Sadex arimood oo kala ah… 1.Waa Musharax maalgashtay Xisbi oo Dimuqraadiyada uhaya rabitaan,isla markaana udiyaarsan in uu ku tartamo. 2.Taraha lagu sheego MS,waa Nin unoqon kara xal oo lagu kala nasan karo. 3.Waa Nin aan is leeyahay,waa isku wadi karaa Wadaniyiinta Qiyamka leh iyo Macdaarleyda. Mucaaradka Garowe isku urursaday kuma jiro Nin udhow Musharaxan markaan qiimeeyay aragtiyadiisa,awoodiisa hogaamineed iyo Wadaniyadiisa. Marka Musharaxan oo kale aad aragto,waxaa ku galaya rajo iyo in Ummadan weli Dad unool…
Xarunta Golaha Wakiilada Puntland,ayaa loo diiday in ay ka khudbeeyaan Odoyaasha Dhaqanka ee Garowe ku shirsan. Odoyaasha,ayaa horay udalbaday in ay la kulmaan Xildhibaanada,balse,waxaa loo sheegay markay saakay yimaadeen Golaha Banaankiisa in aysan Sharciyan ka khudbayn karin Golaha. Kadib,waxaa laysku afgartay in Gudi ka socda Baarlamaanka loo diro Odoyaasha. Marka laga reebo Xurmadle Boqor Burhaan inta kale waa Odoyaal Dhaqameed aan lahayn Saxiixa soo xulida Xildhibaanada. Xildhibinaada Baarlamaanka,ayaa isku raacay in Sharciyan aysan sax ahayn Oday Dhaqmeed in uu soo dhexgalo hay’adaha Dastuuriga ah. Jibril Qoobey.
Garoowe, October 30, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha ayaa ahaa dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta aheyd maalintii 3aad. Waxaa Golaha warbixino ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1. Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. 2. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddiyadda ayaa ka warbixiyey kormeeradii ay ku…
Kala qurxoon oo kala mudan hanaanka ay udhacday iyo goobta ay ka dhacday Xil wareejintii tan ka horaysay iyo mida Saakay ee Taliska Ciidamada Puntland. Isbadal qurxoon,ayaa ka muuqda Xaafiis iyo hogaaminba. Ciidamada Difaaca Puntland waa Astaan ay hoos harsanayaan Bulshada. Tayaynta Ciidamada,waa xoojinta Dowladnimada. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1718636386780156380?t=WZzNvyxoAWQ2TXOD2a65fw&s=19
Khudbad ay ka muuqato Qiyam iyo Qiimo Dowladnimo,ayuu ka jeediyay Madaxweyne Deni xil ukala wareejintii Taliskii hore iyo midka cusub ee Ciidamada Puntland. Si weyn,ayuu u amaanay oo udul istaagay Qiimaha Ciidamada PL ugu fadhiyaan Dalka iyo Dadka. MW Deni,wuxuu toos ugu adkaystay in Dalku Aadayo Doorasho Qof iyo Cod ah. Ciidamada amaanka,waxuu ka codsaday in ay hirgaliyaan Doorashadaas oo iyagu ay yihiin kuwa lagu hurdo. Sidoo kale Ciidamada,waxuu ku tartarsiiyay in ay difaacaan saraynta Sharciga,isagoo sheegay in PL ka gudubtay heer looga baqo gadaal unoqosho. Khudbadiisu,waxay iskugu jirtay digniin,hanjabaad,guubaabin,Hogo tusaalayn iyo Dowladnimo. Ilaa iyo hada Mucaaradka Kursiga ku haysta…
Garoowe : 29 October 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda uu xilka Kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Darawiishta ee xerada 54-aad. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada Dowladdu siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidanka, taasi oo hadda ka muuqata guulaha laga gaaray difaaca iyo horumarka xarunta Ciidanka Darawiishta iyo hanaanka kala sareynta iyo kala danbeynta. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliska Ciidanka Daraawiishta, Taliska Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha kale ee laamaha Amniga Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Ka hor Dhismihii Dowlada PL,waxay Dadkii Gobolladii Waqooyi Bari Somaliya ee markaas ay Siyaasada ku matalayeen SSDF iyo SNDU hormuud xoog leh ka ahaayeen Shirar layskugu dayay in dib loogu yagleelo Qarankii burburay,waxaana ugu waa weynaa… 1.Shirkii Jabuti ee Cali Mahdi lagu soo dhisay. 2.Shirkii Xamar ee Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf. 3.Shirkii Soodaree. 4.Shirkii Qaahira. Kadib dhismihii PL oo uu MW-ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed,waxay Shaqooyinkii hor tabinta ulahaa ka dhigatay helida Dowlad Somaliyed,waana mida keentay in la abaabulo Shirarkii Ceel dooreed iyo Imbagaati. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu noqday Madaxweynihii Dowladii Fadaraalka kmg ahayd ee ka dhalatay Shirkii Kenya loo fadhiyay…
Xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir,ayaa ka hadashay guuldarradii ay kala kulantay tartankii Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka. Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir,ayaa beenisay hadal uu warbaahinta ka sheegay Gudoomiye Abshirow dhabar jabin la isla ogyahayna ku tilmaantay Warqadii uu qoray Gudoomiyaha GSH Shiikh Aadan Madoobe. Xaqiiqdii waxa ku dhacay Gabadhaas,waa la Dhabar jabiyay oo waa mida keentay in ay waydo Cod,sababtoo ah Xildhibaan Baarlamaankiisii si cad usoo sheegay in uusan taageerayn cidna Cod siin mayso. Ururkan Baarlamaanka Aduunka,waxaa loo dhisay in ay wada shaqeeyaan Baarlamaanada caalamka,sidaa daraadeed Xildhibaan uusan la shaqaynayn Baarlamaankiisa Cod laguma khasaarin karo,hoos ka daawo muuqaalka. Hoos ka daawo muuqaalka.…
Raiisel wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson,ayaa la siiyey shaqo saxafinimo. Waxa shaqaaleysiiyay talefishin lagu magacaabo GB News. Johnson wuxuu telefishankan u noqon doonaa soo-jeediye, soo saare iyo falanqeeye. Boris Johnson, oo wax ku qori jiray wargeyska Daily Mail, ayaa shaqadiisa bilaabi doona sanadka cusub ee Yurub. Boris Johnson,ayaa muuqaal soo dhigay boggiisa X isagoo leh: “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan ku biirayo GB News.” “Waxaan soo bandhigi doonaa aragtidayda dhabta ah ee ku saabsan Ruushka, Shiinaha, Ukraine iyo arrimo kale,” ayuu yidhi. Wuxuu ku daray: “Waxaan ka hadli doonaa awooda England ee adduunka iyo caqabadaha naga haysta.”…
Muuqaalka ay sii daayeen Ciidamada Difaaca Israa’iil,ayaa muujinaya daraasiin Taangiyo ah iyo Gaadiid dagaal oo Israa’iil ah oo ku sugan Qasa. Milatariga Israa’iil,ayaa sheegay in ay ballaarinayaan howlgalladooda dhulka, isla markaana xalay ku dhawaad Boqol diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay u adeegsadeen duqeynta Marinka Qasa. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nIOPcyj7EV8?si=XVFrSnuE20iALR7H
Kubbad in aan wada ciyaarno iskadaaye Xamar xataa Dowladnimo masii wada wadaagi doono,waxaa la joogaa wakhtigii Somalidu ahaan lahayd Deris. Somalidu nidaam mawada yeelan karto,sidaa daraadeed hakala noolaato,waa aragtida ay ku kala badbaadi karto. Siyaasiyiinta saakay eeda uga dhigaya MW Deni in uu ka reebay Kooxda Kubbada Cagta PL Ciyaaraha Xamar,waxay muujiyeen in aysan gaarsiisnayn waxa socda. Nin Shaqo raadis ah oo raba in uu wax ku helo isdullayn iyo isdiciifin Puntland ma hogaaminayo. Waa in laga Shaqeeyaa in ay noqoto Qaramo kala Nool oo deris ah,sidaas ayay ku macno badan tahay. Jibril Qoobey.
Garoowe, October 28, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Ajandaha rasmiga ah, dhageysiga Warbixinada Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana maanta Golaha Warbixin ka soo jeediyey Guddiyada kala ah; 1.Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 2. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka & Dimuqraadiyadda…
Deeq Midowga Yurub uqeybisay dhowr Dal oo Afrikaan ah,ayaa Somaliya ka heshay 89.5 Million Euro. Deeqdan,ayaa loo isticmaalayaa arrimo ay ka mid yihiin…… 1.Waxbarashada 2. Caafimaadka 3. Shaqo Abuurka Heshiiska,waxaa kala saxiixday Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaliya,maqaam ahaan sida Xeerarku qabaan. Balse Midowga Yurub,iyaga,ayaa qaybinaya Mashaariicda,isla markaana fulinaya umana dhiibayaan Gacan kale. Mashaariicda horumarineed ee caalamku ku deeqo,ayaa loo qaybsan jiray Sadex qaybood ka hor DFS intaysan ka bixin KMG,balse haatan dib,ayaa loogu soo noqonayaa hab qaybsigaas, kadib markii DFS noqon wayday Dowlad masuul ah. Sadexda qaybood ee loo qaybsado Deeqaha caalamka uu Somaliya ku taageero,ayaa kala ah… 1.SL 2.PL…