Author: Jibril Qoobey.

Xalay,waxuu la kulmay Gudiga Doorashada,Baarlamaanka iyo Gudoonkiisa Madaxweyne Deni. Kulankooda,waxaa kasoo baxay,sida ay ii xaqiijiyeen Ilo hoose… 1.In lagu sii socdo Dimuqraadiyada dhamaystirkeeda. 2.In mudo kororsi 5-bilood ah la sameeyo. Heshiiska laysla fahmay,waa in 8-Bilood lagu hirgeliyo Doorashada Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Baarlamaanka oo 3-da Bilood ee Dowladan uhartay iyo 5-Bilood oo kale lagu daro. Dhanka kale,waxaa jira xogo sheegaya in Madaxweyne Deni aadayo Laascaanood Isniinta ama Talaadada,halkaas oo uu Garaadada kaga soo qaadanayo Saxiixa 17-ka Xildhibaan,sidaana ku qabanayo Doorasho 66-dii wax lagu doorto haduu soo helo Saxiixa. Looba Jooge.!! Jibril Qoobey.

Read More

French police are guarding the homes of leading MPs as fears grow of antisemitic violence triggered by Israel’s war with Hamas. Police have said they are protecting National Assembly President Yaël Braun-Pivet and MP Meyer Habib. France’s interior minister said 100 antisemitic acts had been recorded since Saturday. In a separate move, Germany’s chancellor declared “zero tolerance” for antisemitism. He told parliament a pro-Palestinian group that had celebrated the murders of Israeli civilians on Saturday would be banned. French President Emmanuel Macron was due to meet political leaders and give a TV address in a bid to prevent the war…

Read More

Golaha Amaanka Qaramada midoobay,ayaa ka had lay xaalada Laascaanood,waxuuna soo saaray go’aan cad oo lagula xisaabtamayo dhibtii dhacday shaqsiyaadkii ka dambeeyay. Dawlada Federaalka,ayaa loogu baaqay in gar gaar bani’aadannimo iyo garab istaag ay ka samayso Gobolka Sool. Sidoo kale Gobolka Sanaag,ayaa Deeqihiisii,waxaa toos loosoo marsiinayaa Puntland,waxaana go’aankaas durba fulisay USAID. Jibril Qoobey.

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken,ayaa booqday Israa’iil wuxuuna la qabtay Shir jaraa’id ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu,ayaa umahadceliyay Blinken iyo Dowlada Maraykanka,waxuu kaloo sheegay Xamaas in loola dhaqmi doonaa sidii Isis. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka,ayaa dhiniciisa Carrabka ku dhuftay in Xamaas ay dooneyso in ay burburiso Israa’iil. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1712311437090328732?t=X4r2rUNEPXGs-u4PRQyKIQ&s=19

Read More

In ka badan 300,000 oo Askari oo Israa’iili ah,ayaa heegan ku ah Xadka ay la wadaagaan Qasa. Maraykanku waxa uu udhaqaajiyay Laba Markab oo kuwa Diyaaradaha xanbaara oo garab istaagaya Ciidamada Israa’iil. Israa’iil,waxay qorshaynaysaa duullaan kama danbays ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1712269381965640062?t=DANm9LGKluuPDpgnNqhiJw&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee dalkan Maraykanka ayaa u doortay xildhibaan Steve Scalise inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya Afhayeenka Aqalka Wakiillada, kadib markii toddobaadkii hore xilka laga qaaday Kevin McCarthy oo hore xilkaas u soo hayey. Xubnaha Jamhuuriga ayaa cod qarsoodi ah ku doortay xildhibaan Steve Scalise, waxaana xisbiga dhexdiisa kula tartamayey Jim Jordan oo haatan ah guddoomiyaha guddi hoosaadka Garsoorka ee Aqalka Wakiillada. Xildhibaan Steve Scalise,ayaa hortagi doona fadhiga guud ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, isaga oo xilkaas ku guulaysan doona haddii uu helo aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha. Xisbiga Jamhuuriga ayaa tiro aad u yar ku hoggaaminaya Aqalka Wakiillada,…

Read More

Firdhiye oo sheeganaya hogaamiyaha Khaatumo,waxuu ka degi doonaa Hargaysa,isagoo heshiis buuxa la galay ugu danbayn. Heshiiskaas,waxaa qandaraaskiisa qaatay Geelle iyo Xasan,waxaana maalgelinaya Ingiriiska. Muqdisho,waxaa ugu xigi doonta Jabuti oo uu uga sii gudbi doono mudo kadib Hargaysa. Waxa hada laga shaqaynayo,waa in Sharciyan looga saaro Sool Puntland-ta kale oo dooda lagu soo koobo SL iyo Sool. Siyaasad xumida Firdhiye,waxaa tusaale kuugu filan.. 1.Villa Somaliya aqoonsi xataa magac uyaal ah kama haysto. 2.BC ,xataa uma aragto Gudoomiyaha Gobolka Sool. 3.Puntland-tii Ciidan,Dhaqaale iyo Siyaasadba ku haysay meeshana,waxuu ku luminayaa ka qaybgalka Heritage oo ah Xarun falkisa Siyaasadaha Irir-samaale. Hadalka Firdhiye Deni Dan…

Read More

Doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha Puntland wax saamayn ah kuma leh hadalka Firdhiye. Deni fursad uu kaga hoos baxo Doorashada laga sugayo uma noqon karo hadalka Firdhiye. Sidoo kale wax Mucaaradka lagu shiiqiyo ma noqon karo hadalka Firdhiye. Si walba oo xaalku yahay,waa lama taabtaan maqaamka Dowladnimo ee Puntland iyo maalinka Doorasho ee 8-da Janaayo. 17-ka Xildhibaan ee Sool iyo Buuhoodle,waxaa looga gudbi karaa lama Qodob midkood hadii la qaato… 1.Dastuurka Puntland wuxuu qorayaa in Baarlamanka ay wax dooran karaan hadii la helo 2/3 tirada guud, taas oo ka dhigan 49, inta laga heshinayo hab-qeybta Baarlamanka, 49-kaas in ay doorashada galaan.…

Read More

Firdhiye,waxuu sheegay in 17-ka Xildhibaan ee Puntland ku matala Gobolka Sool aysan qayb ka noqonayn Doorashada soo socota. Hadalkan inta badan Garàadada,Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo Wasiirada Beesha Dhulbahante,ayaa sheegay in aysan kula socon warkaas Firdhiye kasoo baxay oo uu kaligii ku yahay. Xaqiiqdii waa war laga naxo,sababtoo ah,waxuu ku qurux badnaa in uu yahay mid Beesha Dhulbahante 100% isku raacsan tahay. Waxaa xoogaysanaya xogihii sheegayay sababihii loo casumay Firdhiye in ay qayb ka ahayd kala jabinta reer Sool,iyadoo SL loo shaqaynayo. Waa nasiib darro in waxaysan ku midaysnayn reer Sool kasoo baxaan Firdhiye. Jibril Qoobey.

Read More

Sida ay ii xaqiijiyeen warar aan ka helay Xalane,waxaa hor istaagay codsigii Firdhiye ee ahaa in uu la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka Dowlada UK. Ilaa iyo hada jawaab lagama soo siin Codsigiisii. Ingiriisku ma danaynayo Diblomaasiyad ka dhan ah Hargaysa in uu arko,waana mida keenaysa in uu hoos udhigo abaabulada ka dhanka ah. Ilaa iyo hada Firdhiye,waxaa qaabilay Safaaradaha Turki iyo Shiinaha. Jibril Qoobey.

Read More

Dowlada Imaaraadku waxay ka hor timid qorshe Madaxweyne Deni watay oo ahaa in hal Urur oo ka mid ah Ciidamada Badda uu ka hawlgeliyo Magaalooyinka xiligan oo uu ka baqayo kacdoonka Mucaaradka. 400-Askari,ayuu amar ku bixiyay in ay ka hawlgalaan Magaalooyinka,gaar ahaan Bosaso iyo Garowe,waase ku Gacan say reen Imaaraadku. Tani waxay wax ka taraysaa in uu waayo Deni awood xoog badan oo wax ucaburisa xiligan muhiimka u ah isaga oo uu rabo in uu sameeyo mudo kororsi baalmarsan Dastuurka Puntland. Dowlada Imaaraadku waa mida bari taarta Ciidamada Badda PL dhan walba,waxayna diidmadeedu ka dhigan tahay in uusan Deni u…

Read More

Shirweynaha Mucaaradka Puntland,ayaa Saakay Garowe si rasmi ah uga furmay. Halka Shirku ka furmay,waa mid ka mid ah Beeraha Dalxiiska Garowe oo lagu magacaabo (Aarlo Park). Waxaa ka qaybgalaya Shirkan ku dhawaad 200-Ergo,waxaana lagu falan qayn doonaa 8-da Janaayo siday Doorasho xor iyo xalaal ah udhici lahayd. Shirkan,waxaa bari taaraya Isimada Puntland oo diyaar u ah in ay xoojiyaan,waxii kasoo baxa. Jibril Qoobey.

Read More

Go’aammada kasoo baxay Gudiga Amniga ee ku aadan Musharaxiinta,waa kuwo lala soo daahay oo dhacay laguna tilmaami karo ..”Sanbuuse laga adimay”. Markii inta badan Musharaxiintii soo dageen miyaa lasoo saarayaa go’aamo? Saw loo turjuman mahayo in Dad gaar ah lagu bar tilmaameedsanayo? Xasan Shire,Ina Faroole,Guuleed,Cawad markii ay soo dageen oo aan wax go’aan ah lagu fulin,miyaa la hor dhigayaa imaanshaha Musharraxiinta kala ah… 1.Diyaano. 2.Xayir. 3.Mashruuc. 4.Sanyare. 5.Cali Xaaji. Musharaxiintu waa isku maqaam,waxaana loola dhaqmayaa isku mid. Jibril Qoobey.

Read More

Golaha Wasiirada Israa’iil,ayaa si rasmi ah ugu codeeyey go’aanka ku dhawaaqista dagaal ka dhan ah Xamaas. Israa’iil,ayaa ka jawaab celinaysa weerarkii lama filaanka ah ee Xamaas ay subaxnimadii Sabtidii ku qaadeen Israa’iil. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu,ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu dagaal kula jiro Xamaas, hase ahaatee warkaasi muu ahayn mid rasmi ah. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni Maalinka Berri foog ah,waxay Adis ku kulmayaan Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo. Kulankaas kadib 10-ka ama 11-ka,waxuu kusoo aadan yahay Garowe caasimada Puntland,sida ay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada. Afar Cisho kadib imaanshihiisa dib,ayuu ugu laaban doonaa Imaaraadka Carabta,isagoo u aadaya arimo ugaar ah shaqsiyan,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil Madaxtooyada ka tirsan. Socdaalkiisa Labaad lama yaqaan inta uu qaadan doono hadii rabbi idmo. 11-ka Bishan,waxaa ku eg mudadii Dastuurku u ogolaa in Madaxweynuhu Wadanka ka maqnaado. Garowe,waxaa si weyn uga socda qaban qaabada Shirweynaha macnaha leh ee Mucaaradka Puntland oo ay kasoo qaybgalayaan ku…

Read More

Dhimashada Guud ee ka dhalatay weerarrada kooxda Xamaas ee Israa’iil,ayaa kor u dhaafaya 600-Qof,waxaana in ka badan 250-Mayd laga soo saaray goob ay ka socotay xaflad Muusig, meel ku taal Koonfurta Israa’iil. Dhanka Qasa, in ka badan 400-Qof oo Falastiiniyiin ah,ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay fulisay. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1711166826158153902?t=E8XGrCmYxScGiyKRwn-yiA&s=19 Millateriga Maraykanku waxay Maraakiib iyo diyaarado dagaal geeyeen Bariga Mediterranean-ka, taasoo qayb ka ah taageero dheeri ah oo Aqalka Cad u ballanqaaday Israa’iil,isla markaana waxay direen gargaar kale oo dheeri ah oo ay ku jiraan Rasaas. Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan iska horimaadkan,ayaa ka socda New York.…

Read More

Safarka Deg-dega ah ee uu ku tagey Eretareya maahan mid horay loosii qorsheeyay,waana mid ku saabsan sidii uu uuga hortagi lahaa Odaygu warbixin qolada mucaaradka ah soo wado oo maal mahan diyaarinteeda ay ku jireen. Warbixintaas oo ku saabsan halkay ku danbeeyeen Ciidankii lagu soo tababaray Dalka Eretereya oo markii hore lagu sheegay 5000-Askari,balse hada ay ka joogaan wax kayar 600-Askari intii kalena meel ay jaan iyo cirib dhigeen aan la aqoon. Kala tagista Ciidankaas,ayaa loo sababeeyay mushaar iyo Saad la’aan ay kaliftay Dowlada Xasan hogaamiyo. Mucaaradka,ayaa ku eedeeyay Xasan in uu Ciidankaas wax kalsooniya ku qabin una yaqaan Ciidan…

Read More

Dhamaan Hoteladii Garowe Deni,ayaa xirtay,si gaar ah Marti-soor oo ay ahayd in lagu qabto Shirka Mucaaradka oo ballansanaa,waa ka baxeen Ballantii. Sidoo kale Maamulka Hotel Grand,ayaa diiday in Shirka Mucaaradka lagu qabto Hotelka,waxayna keeneen marmarsiiyo. Waa wax la fahmi karo diidmada Hotellada Garowe ee Martigelinta Shirka Mucaaradka marka lagu qiimeeyo Sadex Qodob oo kala ah… 1.Marti-soor Deni,waxa uu ku leeyahay 10% Saami ah,sidoo kale 7-Qol,ayaa Dowlada si joogta ah ugu xiran,isla markaana ku dhawaad $49-kun,ayuu Bishii ka helaa Martida iyo Shirarka Dowladu usoo leexiso. 2.Grand Hotel,waa La mid oo si joogta ah,ayuu ugu xiran yahay Madaxtooyada iyo Wasaaradaha,haduu Martigeliyo Shirkaasna…

Read More

10-ka Bisha ayay rabaan Gudiga Doorashadu in ay shaaciyaan khariirada Doorasho ee ay diyaariyeen. Xogo hordhac ah oo laga helayo,waxay sheegayaan in ay khariiradu udhignaan doonto sida tan… “Sadex Bilood oo mudo xileedka Dowlada ka hartay iyo 6-Bilood oo dheeriya oo udhiganta in ay ubaahan yihiin 9-Bilood oo ay ku qabtaan Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha”. Sidoo kale Baarlamaanka,ayaa ku dari doona Hal Sano,waxayna isku noqon doontaa mudo kororsiga loo marayo Gudiga Doorashada Hal Sano iyo Sagaal Bilood. Baarlamaanku,waxuu ansixin doonaa soo jeedinta Gudiga Doorashada 15-ka Bishan. Ujeedka loosoo dadajiyay khariirada Doorashada shaacinteeda,waa in buuq la galiyo Shirka Mucaaradka ee 10-ka…

Read More

Maraykanka iyo Midowga Yurub,ayaa si cad ugarab istaagay Israa’iil,waxay sheegeen in ay xaq uleedahay difaacida muwaadiniinteeda. Xamaas ayay ku yilmaameen Urur argagixiso oo khatar ku ah nolosha bini’aadamka. https://twitter.com/ElonMuskAOC/status/1710732127292227729?t=kEDktGmhahYZqLLMAYiT_Q&s=19 https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1710776216779690086?t=XBZvibn9rw2v4ZW_EYCptA&s=19 https://twitter.com/vonderleyen/status/1710777462391443590?t=BVNt2lr5gRcsqnqvkMJzUg&s=19

Read More

Quus iyo niyad jab,ayuu Muqdisho kula laabtay. Laba maalmood kadib safar nasiino iyo caafimaad ah,ayuu ugu baxayaa Wadamada Imaaraatka iyo Kenya oo Qoyskiisu degan yahay. Safarada dibada ah markuu kasoo laabto isku shaandhayn kooban,ayuu rabaa in uu ku sameeyo Xukuumadiisa. Fashilka dagaalka,ayuu ku eedeeyay gaabinta Beesha Caalamka ee gurmadkii loo bahnaa iyo mucaaradka u badan Xukuumadii hore iyo Beeshiisa. Dhanka Hirshabelle,ayuu sheegay in looga baahan yahay hogaan cusub in talada maamulkaas loo dhiibo. Galmudug waa kala jeesteen. Jibril Qoobey.

Read More

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil,ayaa burburiyay dhisme 11-Dabakh ah oo ku yaala Bartamaha Magaalada Qasa. Daartan,ayaa ka koobnayd 100-Guri,waxayna ahayd mida Labaad ee ugu weyn Magaalada Qasa. Israa’iil waxay udigtay Shacabkii deganaa in ay ka guuraan ka hor intaysan garaacin Daartaas iyo guud ahaan Deegaanka. Netanyahu,ayaa wacad ku maray in uu Xamaas tirtirayo. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1710779787784945849?t=juVAIrDn80eplDSAALz9XA&s=19

Read More

Weerarkan ma ogaan kari waayin Sirdoonka Israa’iil ee khiyaamo dhagareed aad iweyn,ayaa ka danbaysa. Ujeedka ugu weyn ee ay Israa’iil ufududaysay dayaca sahlay weerarkan,waa in si dhamaystiran ay ugalaan Ciidamada Israa’iil gudaha. Netanyahu oo xag jir ah,kooxaha Diimaha iyo isbahaysiyada kale ee aaminsan in lasoo afjaro wax la yiraahdo Dhul Falastiin,ayaa hawshan maleegay. Waxa ugu yar ee dagaalka Maanta Israa’iil ay ku dhawaaqday lagu waayayo waa dadaalkii la waday ee lagu samayn lahaa Laba Wadan oo isgarabyaala oo Israa’iil iyo Falastiin ah. Xamaas,waa ku deg-degeen weeraradan sidaa uculus,waxayna udhaqmeen si masuuliyad Darrington Siyaasadeed ah oo caadifad ku fadhida. Jibril Qoobey.

Read More

Dhowr Dal,ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xiisada iyo dagaalka ee ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil. Mareykanka,ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna ku booriyay Labada dhinac in ay ka waantoobaan kala aargoosiga. https://twitter.com/HadiNasrallah/status/1710507014772634095?t=OCUYOuxu8VkJ5yOJgH4zkg&s=19 Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Israel iyo mintidiinta Falastiin,ayaa Labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Masar,ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah. Midowga Yurub iyo dhowr Waddan oo ah kuwa Qaaradda Yurub,ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Read More

Israa’iil ayaa leh mid ka mid ah Shabakadaha Sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba. Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamaarkana ku dhex jira kooxaha xagjirka ah maahan dhulka Falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale. Waxaa horey Sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaasha xagjirka ah iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada Gacanta. Haddana maanta, dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in lagu qabtay hurdadii oo la gaaday. Xamaas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay…

Read More

Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan,ayaa waxaa uu lahaa Labo Weji. Tobaneeyo Nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas,ayaa u muuqda in ay gudaha u galeen Israa’iil. Raggan hubeysan,ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Koonfureed,islamarkana ay weerar ku qaadeen Ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay. Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh,ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay Qalabka bixiya digniinada. Maleeshiyaadka,ayaa ku galay Israa’iil Mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan Labaatan goobood. Raadiyaha Israel,ayaa…

Read More

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza. Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil. Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa…

Read More

Imaanshaha Xamar ee Firdhiye si weyn ayay uga caroodeen Xildhibaanada SL ku matala Baarlamaanka Fadaraalka iyo kooxaha Damjadiid+Daljir. Casuumadan,waxaa lahaa Ra’isalwasaare Xamse,waxaana aqbalay Madaxweyne Xasan. Ujeedka MW Xasan u aqbalay imaanshaha Firdhiye ee Xamar waa in Ra’isalwasaaraha miisaankiisa iyo matalaadiisa kor loo qaado. Reer Sool booqashadan,waxay uga dhigan tahay dadaal Diblomaasi oo ay heleen. Sidoo kale Xamse waxuu ka dhiganayaa nafis uu kaga nasanayo hadalka caan baxay ee “Xoghaya Xasan”. Reer Sool baahida Siyaasadeed ee ay qabaan waa in si rasmi ah loogu aqoonsado Maamul. Jibril Qoobey.

Read More

Golaha Deegaanka Degmada Isku-shuban,waa la dhisay si muran la’aan ah oo waafaqsan nidaamka. Wasiir Juxaa,ayaa tagey oo dhisay,waxaana laga baajiyay Wasiiru-Dowlihii ku fashilmay Bosaso. Dib,ayaa loogu laabanayaa Bosaso iyo Waaciye fariisinta Golayaashooda Deegaanka dhawaan. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa jiray kulan dhexmaray BC iyo Madaxweyne Deni,kaasoo ka dhacay Nayrobi ka hor inta uusan kasoo tagin ee Adis uusan imaan. Kulankaas BC waxay kaga xog waraysatay Laba arimood.. 1.Doorashada Puntland. 2.Wada shaqaynta Dowlada Dhexe iyo Puntland. Ilo xog ogaal ah,waxay ii xaqiijiyeen in ay Safiiradii BC waxba ka fahmi waayeen jawaabihii MW Deni oo ay ka mid ahayd…. “PL waxba kama jiraan,ha dhagaysanina Dadka yar ee qaylinaya”. Su’aalaha la waydiiyay,waxaa ku jirtay….. ’30-Qof see ugu dhimatay Garowe hadaysan waxba ka jirin”. BC waxay Shalay yeelatay kulan Khadka Intarnedka ah oo lagu go’aamiyay… B.In si dhow loola socdo Doorashada Puntland.…

Read More

Shirkii Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ee Khamiislaha ahaa Wasiir Juxaa,waxuu ka jeediyay Khudbad dheer. “21-Degmo in Golahoodii Deegaanku dhismay,ayuu sheegay,waxuuna ka reebay Degmooyinka Dhismay Bosaso iyo Waaciye.” Majirin cid ka dabahadashay,Wasiirro qaar isku dayay in ay ujawaabaana,waxaa aamusiyay M.Xigeenka Mudane. Karaash. Dhanka kale,waxay xogo sheegayaan in Wasiiru-Dowlihii Wasaarada Arimaha Gudaha ee uxilsaarnaa fariisinta Golayaasha Deegaanka Bosaso iyo Isku-shuban Wasiir Juxaa ku amray in uu soo galo Garowe. Sida muuqata Duqa Bosaso ee Shalay sida khasabka ah loogu wareejiyay Dukumiyiitiyadii Dowlada Hoose ee Bosaso mahaysto Sharciyad iyo aqoonsiga Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Wax lala yaabo ma’ahan in Dowlad usoo magacaabato Qunsuliyad Magaalo aan Caasimadiisa ahayn Dal kale. Hargaysa,waa mid ka mid ah Caasimadaha DG Somaliya oo baahi looga qabo arimaha Visa-ha ee Kenya. Si gaar ah Qaadka iyo isku socodkiisa,ayaa keenaya in Kenya ku yeelato Qunsuliyad Hargaysa,taasina macnaheedu ma’ahan in Kenya u aqoonsatay Hargaysa Jamhuuriyad ka madax banaan Somaliya. Dowlado door ah oo uu ugu horeeyo Maraykanka,ayaa Wadamo badan ku leh Magaalooyinkooda aan ahayn Caasimadaha Qunsuliyado fududeeya adeegyada Dal ku galka iyo IWM. Jibril Qoobey.

Read More

1. Establish clear timelines and deadlines: Set specific dates for each stage of the transition, from the selection process to the election. This will ensure that the process moves forward in a timely manner. 2. Define selection criteria: Create a transparent and inclusive selection criteria that outlines the qualifications and qualities required for candidates. Include factors such as experience, expertise, and leadership skills. 3. Publicize the selection process: Advertise the vacancies within the government and invite qualified individuals to apply. Use various channels such as government websites, social media, and national newspapers to reach a wider audience. 4. Form a…

Read More

Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh. Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh. Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in…

Read More

In Somalia, dozens of local fighters have been killed on Wednesday after a deadly firefight against al-Shabaab militants between Wisil and Shabeelow. The fighting started after senior military and civilian officials who have been at the frontline went to a hill to get a better phone signal, only to be ambushed by al-Shabaab fighters who have been monitoring their movements in recent days. Sources say as many as 30 local fighters have died in the ensued fighting. Among the dead is a senior military officer, and civilian officials who travelled from Galkayo town to stay with the troops. Al-Shabaab militants…

Read More

Tobaneeyo dagaalyahano Deegaanka ah,ayaa lagu dilay Saakay kadib dagaal khasaare badan dhaliyay oo Maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen inta u dhaxaysa Wisil iyo Shabeelow. Dagaalka,ayaa bilowday kadib markii saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Macawisleyda oo ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ay fuuleen Buur ah si ay uhelaan Anteenada Taleefoonka. Alshabaab oo maalmihii u dambeeyay la socday dhaq dhaqaaqooda,ayaa weerar gaadmo ah ku ekeeyay. Ilo wareedyo,ayaa sheegaya in ilaa 30 ka mid ah Maleeshiyada Macawisleyda ay ku dhinteen dagaalkaas. Dadka ku dhintay dagaalka,waxaa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada iyo Saraakiil kale oo…

Read More

Golihii Deegaanka Bosaso ee ay diiday Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Shalay saakay,ayaa xoog loogu wareejiyay Xilkii. Ciidamada Badda,ayaa lasoo qaaday oo gees walba laga dhigay,kadibna xilkii,ayaa si jujuub ah loogu wareejiyay. Wasiirkii Arimaha Gudaha looma joojin amarkiisii lamana tixgelin Nidaamka,waxaana amarka lagu fuliyay bixiyay Madaxweyne Deni. Juxaa saakay,waxaa ubanaan in uu iscasilo. Dimuqraadiyadii,waxuu Deni kusoo ururiyay Qori caaradii. Ninka Duq Magaalo doorashadii lala wadaagi waayay miyaa Doorasho Madaxweyne lala wadaagayaa? Dimuqraadiyadii damaca xuduud dhaafka ah ee Deni,ayaa soo afjaray. Jibril Qoobey.

Read More

Sida aan xogta ku helay Maamulka Dekeda Garacad,ayaa looga yeeray Imaaraadka si ay usaxiixaan heshiis Saami looga siinayo Dekeda Shirkad Dalkaas laga leeyahay. Balse Maamulkii Dekeda Garacad ee loo yeeray way diideen in ay saxiixaan heshiiskaas,iyagoo shuruud uga dhigay ka hor Saxiixa in Shirkadu tagto Garacad oo ay gayso Qalabkeeda,Isla markaana bilowdo shaqada dhismaha Wadada. Dadaal badan oo uu sameeyay Deni oo uu xataa lasoo xiriiray Islaan Bashiir way usuuroobi wayday in heshiiskaas ay saxiixaan Maamulkii Dekeda Garacad ee Imaaraadka tagey. Sababta Maamulka Dekeda Garacad udiideen Saxiixa ee ay Shuruuda ugu xireen,ayaa lagu sheegay in ay shaki iyo kalsooni xumo…

Read More

Juxaa Caawa hadii Shaqada laga fariisiyo ama uu isagu iscasilo waa halyeey Ummadu ixtiraam uhayso. Dimuqraadiyada in la aamino,waxaa qayb weyn ka ahayd Wasiirnimada Juxaa. Shaqadiisii,ayaa loo Gacan dhaafay oo laga adeejiyay Wasiiro iyo Kaadiriinta Xisbiga KAAH. Fariisintii Golayaasha Deegaanka,waxaa laga dhigay fariisin Xubno Deni leeyahay. Dimuqraadiyadii,waxaa soo afjaray damaca xuduud dhaafka ah ee Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Dimuqraadiyadii Qof iyo Cod Deni,ayaa fashiliyay oo ka dhigtay wax uu ku gaaro mudo kororsi. Hadafkiisu,waa 2-Sano oo uu 2026 iyo Doorashada Somaliya ku gaaro in uu helo. 2-daas Sano,waxay ka caawinaysaa in uu Puntland sii xukumo oo soo xusho markale Xildhibaanada Fadaraalka kuna urursado Dhaqaale. Aragtidii ahayd Doorasho Dadweynuhu codeeyaan halkaas,ayuu uga tagey umana soo jeedo. Markay halkaa marayso,waxaa na qabta in aanan qayb ka noqon mudo kororsi PL jiritaankeeda khatar galinaya. Wax kalaba ha joogtee hadaanan helayn Dimuqraadiyad Bulshadu codayso yaysan naga lumin mideenii 8-da Janaayo ee awooda sida Nabada ah loola kala wareegi jiray. Jibril Qoobey.

Read More

Juxaa si cad,ayuu uga hor yimid Doorashooyinkii Waaciye iyo Bosaso,waxuuna ku dhawaaqay in aysan waxba ka jirin. Waa hadal cad oo ku fadhiya hogaamin sharciyad iyo aragti leh. Hadii loo daayo fariisinta Golayaasha Deegaanka Wasiir Juxaa waa guulaysanayaan. Balse hadii Deni iyo Xisbigiisu ay ku sii wadaan faragelinta xuduud dhaafka ah ceebtan oo kale,ayaa dhacaysa. Juxaa weli dulqaad buu muujiyay,haduusan iscasilin marka la qiimeeyo sida loogu xadgudbay. Halkan ka dhagayso Codka Juxaa https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1709227973423833550?t=Ih28aSilJpuBBdNFOMK37w&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Wadadii Waaciye qaaday ayay Bosaso qaaday oo waxay yeelatay Laba Gole Deegaan. Waa nasiibdarro xaqiiqdii laga baaqsan karay. Dhibka,waxaa keenay,waa Xisbiyada heshiinaya ee aan tixgelinayn Xubnaha Golaha Deegaanka ku jira aragtidooda iyo rabitaankooda. Cabashada ugu weyn waxay ka imaanaysaa Xubnaha Golaha Deegaanka ugu jira Xisbiga KAAH oo diidan sida Xisbigoodu wax umaamulayo. Dimuqraadiyada,waxaa foolxumaynaya damaca xuduud dhaafka ah ee Madaxweyne Deni oo haba yaratee aan hanbo ogolayn. Jibril Qoobey.

Read More

WAR-SAXAAFADEED | BAAQ NABADGELYO : Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hoggaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada. Talaabooyinka dowladdu qaaday. 1. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda…

Read More

Hadii mudayntaas loo Gacan baneeyo Wasiir Juxaa oo uu faragelinta ka daayo Deni iyo Xisbigiisu waa guulaysanayaan fariisinta Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinkaas. Balse hadii la farageliyo,waxay ku danbayn doonaan sida Degmada Waaciye oo waxaa macno beeli doona Dimuqraadiyadii Shacabku Codkooda ku dhiibteen. Waa muhiim in la xushmeeyo Dimuqraadiyada higelinteeda iyo rabitaanka Shacabka. Halkan ka akhriso Degmooyinka la mudeeyay:- Jibril Qoobey.

Read More

Dhimashada dhanka Beesha Leelkase,waa 14-Qof halka Dhaawucu aad ubadan yahay,walina Xabadu waa socotaa. Waxaa la ii xaqiijiyay in Maydadka Beesha Habar-gidir lagu arkay Askar Dowlada Federaalka ah oo iskugu jira Danab iyo Gor-gor. Dagaalka,waxaa eediisa leh Beesha Habar-gidir oo Deegaanka lagu diriray,waxaa degta Beesha Leelkase. Mudug uma baahna colaad cusub iyo kala qaybin Bulsho. Xasan Shiikh waxuu caan ku yahay colaad ka hurinta Mudug. Jibril Qoobey.

Read More

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa maantay war kasoo saartay Fariisinta iyo dhaarinta Golayaasha degaanka Degmoyinka Puntland. Juxaa hadii loo daayo fariisinta Golayaasha Deegaanka,waa guulaysanayaan oo waxay noqonayaan Dimuqraadiyad sax ah. Hadiise lagu sii socdo bahdilida iyo awood ka qaadida lagu hayo Juxaa,waxay ku danbayn doonaan fashil iyo waxii ka dhacay Degmada Waaciye. Majiri karto Xisbiya heshiiya ee waxaa jiri kara Cod lagu kala baxo. Go’aan masiiriya,ayuu qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha Juxaa,waana ku laabasho doorashada Degmada Waaciye.

Read More

Madaxweyne jooji dhabarjabinta Dimuqraadiyada. 2-Sano oo ku darsasha ah,waxay toos uga hor imaanaysaa Dimuqraadiyadii aad bilowday kuuna ahayd taariikhda wanaagsan. Puntland iyo nidaamkeeda ha bahdilin,ha foolxumayn hana ku samayn fashilin. Shacabka Puntland ee midaysan ee u diyaarsan Doorasho Qof iyo Cod ah ha niyad jabin oo fursad ha siin kuwa Dimuqraadiyada diidan. Mida kale soo gal gudaha Wadanka oo Ummada la hadal,karaamee oo usoo istaag. 30-Cisho,ayaad lahayd Dastuuriyan in aad maqnaan karto hadaadan Xanuunsanayn marka Bulshada usheeg hadaad Xanuun ku maqan tahay ilayn masiirkoodii,ayaad sidaa. Wasiiro Bulshada kaa xigsada mahaysatid,sidee Wadanka ku hogaaminaysaa?? Jibril Qoobey.

Read More

Gudoomiye kadaa hagardaamaynta oo bohol haka tuurin Puntland. Jooji mudo kordhinta aad abaabulayso ee miiska kuu saaran,adoo tixgelinaya Ummadan jiritaankeeda. 18-Bilood oo mudo kororsi ah iyo 3-da Bilood ee ka harsan mudo xileedka Xukuumadan,ayaa kuu qorshaysan in aad meel mariso,waana danbi aad ka galayso shacabka Puntland. Mida kale way dhamaatay mudadii Baarlamaanku awooda ulahaa wax ansixinta oo waa lasoo dhaafay xiligii lakala diri jiray,waxa kaliya ee uharsan waa in ay xilka ku wareejiyaan Baarlamaan lasoo doortay. Puntland utur adaa ugu badsada nacfigeeda. Jibril Qoobey.

Read More

Sadexda Bilood ee harsan,waa lagu qaban karaa Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lasoo hormariyay. Sidoo kale 3-da Bilood ee xigana,waa lagu qaban karaa Doorashada Xildhibaanada. 8-da Janaayo waa astaan ay Puntland dheer tahay DG kale iyo Dowlada Fadaraalka. Waa Maalin utaagan Dowladnimo iyo Dimuqraadiyad oo awooda loola kala wareego si Nabad ah oo xor ah. In la inkiro,waa danbi weyn oo laga galayo Dadweynaha Puntland ee ilaalsada una arka rajo ay leeyihiin. Madaxweyne Deni,waxaa taariikh unoqon kara 8-da Janaayo oo uu qabto Doorasho Madaxweyne oo ku dhacda Cod Dadweyne. Jibril Qoobey.

Read More

Degmada Waaciye,waxii ka dhacay,waxay tusaale uyihiin fawdaynta Dimuqraadiyada ee la wado. Laba Gole Deegaan,ayaa loo dhaariyay Waaciye. Mid,waxaa lagu doortay Gudoomiye Xisbiga KAAH ka socda oo ay doorteen Xubnihii Xisbiga KAAH ku matalayay Golaha Deegaanka. Halka Gudoomiye Xisbiga Sincad ka socdana ay doorteen Xubno kale. Sidaanoo kale,waxay ka taagan tahay Bosaso,Burtinle,Jariiban iyo Bursaalax. Waxa dhibka keenaya,waa Dimuqraadiyadii oo laga guurayo oo ay heshiis toos uwada galayaan Xisbiyada,iyadoo la laalay Cod in lagu kala adkaado. Sidoo kale Wasaaradii Arimaha Gudaha oo shaqadan lahayd,ayaa awoodii laga qaaday,waxayna noqotay magac uyaal laysku Sawiro. Dimuqraadiyada,waxaa khatar ku ah damaca Deni ee xuduud dhaafka ah.…

Read More

Xasan iyo kooxdiisa,waa looga adkaaday loolankii Saxaafada. Sababta looga adkaaday,waxay tahay in Xasan iyo kooxdiisu ay u arkaan Mucaaradka Beel Daarood ah oo duulaan ku ah Xukunka Hawiye. Halka aysan is waydiin war Xukunka aad Beesha Hawiye ku koobteen Dadkii N.N,kasoo ritay oo Jilbaha Dhulka udhigay in aad qabataana sababteeda lahaa soo ma’hayn Daarood? Halka Beesha Hawiye badankeed NN la shaqaysanaysay,iyagoo karaad sanayay Badar iyo Beeso Maalin Qado ah. Mucaaradkii Farmaajo waxa uu ahaa mid ka koobnaa Beelaha Somaliyed,isaguna waxa uu watay Beesha Hawiye isaga oo Daarood ahaa. Balse wax kasta Xasan,ayaa ku ciyaaray oo Tola’ay iyo Beeshayda ka bilaabay…

Read More

Garoowe: September 30, 2023: Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) Mudane, Fu’aad Abshir Axmed(Adeer) oo uu weheliyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga Mudane, Axmed Maxamuud Cumar(kk) ayaa shir guddoomiyey kulanka seddexaad ee guddiga. Kulanka maanta ayaa ajendihiisu ahaa ka doodista qorshaha shaqo ee Guddiga iyo diyaarinta tubta kala hormarinta howlaha horyaalla Guddiga, iyadoo xubnaha PEC isla qaataeen dejinta arrimahaan. DHAMAAD Xafiiska Warfaafinta Guddiga Doorashooyinka Puntland(PEC). #codkaaguwaaxaqaaga #codkaaguwaamustaqbalkaaga

Read More

Puntland hal Doorasho,ayaa ka dhacaysa,waana mida Dadweynuhu ku dooranayo Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Baarlamaanka. Gudiga Doorashada rasmiga ah ee PEC,ayaana ay Gacanta ugu jirtaa khariirada lagu galayo Doorashadaas. Musharaxii han hogaamineed leh,waxaa khasab ku ah in uu kasoo dhex muuqdo Xisbiyada jira mid ka mid ah. Macno samayn mayor in la abaabulo Olale dib loogu laabanayo Doorashadii 66-da Xildhibaan ay Qabiilladu toos usoo xuli jireen. Puntland waxay ugudubtay Dimuqraadiyad,dibna loogu laaban mahayo hab Beeleed. Jibril Qoobey.

Read More

Codsigii Dowlada Somaliya ee ahaa in dib loo dhigo bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ka socda mudo 3-bilood ah,waa la aqbalay. QM waxay amartay Qaybteeda UNSOS in ay hakiso daabulida Ciidamada iyo Qalabkooda. Sidoo kale 15-ka Wadan ee ugu muhiimsan Golaha amaanka ee Midowga Afrika,waxay wada taageereen Codsiga Somaliya,waxayna ballan qaadeen dhaqaalaha ku baxa Mushahaarka iyo kharashka kale ee Ciidamada ATMIS in ayagu kabayaan hadii Midowga Yurub laga waayo. Nigeria iyo South Afrika,waxay ballanqaadeen min $3-Milyan,halka Dowladaha kale ay ku yabooheen inta udhaxaysa $400-kun ilaa 500-kun. Sida xogaha hoose sheegayaan maba jiri doonaan Ciidamo ATMIS ah oo ka baxaya Somaliya 5-ta…

Read More

Jabuti,ayaa Codsi udirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay,kaasoo lagu codsanayo in dib loo dhigo bixitaanka 3000-Askari. Codsigaan,ayaa waxaa saxiixay Wasiirada Arimaha dibada ee Dalalka Ciidamadu ka joogaan Somaliya. Safarkii Xasan Shiikh ee Jabuuti,ayaa,waxaa qayb ka ahaa in lala xoojiyo oo lagula dadaalo in aan Ciidankaas 3000 ah Somaliya wakhtigan laga saarin oo baahi wayn loo qabo. Xasan,ayaa Dalalka Ciidanka Somaliya ka jooga usheegay in ay la qaataan baaqaas maadaama iyagaba dani uugu jirto in Ciidamadoodu Somaliya sii joogaan. Dowlada Somaliya ma diyaarin Ciidan badala Atmis. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa la joogaa xiligii uu Madaxweyne Laftagareen ubareeri lahaa ka hor imaadka Xasan iyo kooxdiisa. Waxaa muuqata in mudo kordhintii Xasan usameeyay DG Galmudug,Hirshabelle,KG iyo JL ay ka shaqayn wayday KG oo kaliya,waxaana sababay Xasan oo aan daacad ka ahayn kana daba tagey oo jilaafooyin ku bilaabay Laftagareen. Haatan,waxuu ku sugan yahay Nayrobi Laftagareen oo ka bilaabay Olale Diblomaasiyadeed oo isku difaacayo. Laba Garab,ayuu ubaahan yahay Laftagareen si uu uwajaho iska caabinta Xasan iyo kooxdiisa,kuwaasoo kala ah… 1.Gudaha,waxuu uga baahan yahay isbahaysi Puntland. 2.Dibada,waxuu uga baahan yahay Hiil Dowlada Itoobiya. Laftagareen Nayrobi,waxuu kula kulmay Madaxweyne Deni oo ay awalba si…

Read More

Waxa kulmay,waa Madaxweyne Deni iyo Wasiir Aadan Barre ee maysan kulmin Deni iyo Axmed Madoobe. Aadan Barre,waxuu mudo ka Nabadoonaynayay dhexdhexaadinta Deni iyo Axmed,kulankooduna,waxuu daba socday kulamo iyo ballamo hore. Deni waa garawsan yahay muhiimada wada dhalashada sokeeyanimo ee Beesha uu kasoo jeedo Axmed Madoobe. Sidoo kale ilaalinta Jubaland,waa garawsan yahay in ay muhiim utahay wada socodka hogaamiyayaasha Labada Maamul. Balse weli,waxuu qaadan la’a yahay Ballan xumada,Todobo Wajiilaynta,Siyaasada Maalin Qadada ku salaysan ee Axmed Madoobe. Dhawaan way dhici kartaa in lays hor fariisiyo Labada Madaxweyne Axmed iyo Deni si rasmi ah. Jibril Qoobey.

Read More