Madaxweyne Deni,waxuu soo gaaray Nayrobi kadib mudo Bil ah oo uu ku maqnaa Wadamada Carabta. Durba,waxuu Nayrobi kula kulmay Wakiilada Beeaha Caalamka oo ay hogaaminayso Wakiilka QM. Arimaha ay kawada hadleen,waxaa ugu waa weynaa….. 1.Taageerida Dimuqraadiyada Puntland. 2.Gurmadka Bini’aadantinnimo ee LC. 3.Dowlad dhiska Somaliya. Dhanka kale Madaxweyne Deni,waxuu kasoo gaaray Guulo waa weyn socdaalkiisii Carabta…. B.Dhismaha Wadada Ceel-daahir-Ceeri-gaabo oo Daamuurkii Laamiga loosoo helay. T.Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo loosoo helay Shirkad dhisaysa oo Saami ku qaadanaysa maalgashigeeda. J.Mushahaarka,tababarka iyo Qalabaynta Ciidamada Daraawiishta PL oo garab loo helay. X.Kabida Miisaaniyada Dowlada oo garab loo helay. Dowladnimada Puntland iyi mida Qaran ee Guud…
Author: Jibril Qoobey.
Golaha Deegaanka Bosaso,ayaa dhawaan la dhisayaa haduu rabbi idmo. xisbiyada,ayaa ukala helaya Sidatan… 1.Duqa Magaaladu,waxuu ka imaanayaa Xisbiga Sincad. 2.Ku xigeenka Duqa Magaaladu,waxuu ka imaanayaa Xisbiga Mustaqbal. Xisbiga KAAH,waxuu isbahaysi Siyaasadeed la noqday oo Codka Xubnihiisu aadayaan Xisbiga Sincad. Waa naqshad qurxoon oo ay ka muuqato ilbaxnimo iyo isbahaysi ka maran Qabiil. Jibril Qoobey.
Trump iyo Wiilashiisa Eric iyo Don Jr waxay sameeyeen wax is-daba marin, iyagoo sanado badan sare u qaadayey qiimaha hantida ma guurtada ah iyo tan maaliyadeed ee shirkadda Trump Organization, waxaa sidaas Talaadadii xukmiyey garsoore ku sugan New York. Xukunka garsoore Arthur Engoron ayaa dhabar jab ku ah madaxweynihii hore ka hor inta aan la qaadin dacwadda kiis madani ah oo billaaban doonta Isniinta, waxayna guul qabyo ah u tahay xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka New York Letitia James. James ayaa ku eedeysay Trump, labadiisa wiil ee ugu weyn iyo madaxda kale ee Trump Organization in ay sanado badan ka u…
Midowga Afrika,ayaa diiday Codsigii Dowlada Fadaraalka Somaliya ee ahaa in 90-Cisho dib loogu dhigo bixintaanka Ciidanka Atmis Farsamo ahaan. Codsiga Dowlada Fadaraalka,ayaa yimid,iyadoo ay Wadanka ka baxayaan Sanadkan dhamaadkiisa 3000-Askari oo Atmis ah. Goobaha ay ka baxayaan ee muhiimka ah,waxaa ka mid ah Aqalka Dalka looga arimiyo ee Villa Somaliya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1706954397769482624?t=aiPYZY86hiRNrflcyV6TLg&s=19
Xaqiiqdii Shaqo la mahdiyay ayay qabteen Gudigii KMG ee Doorashooyinka Puntland. Taariikhda baal dahab ah,ayay ka galeen,waxayna kasbateen Quluubta Shacabweynaha. Si gaar ah hogaamintii Gudoomiyaha xilka wareejiyay Cabdirisaaq,waxay ahayd mid la yaab leh. Waxay xilka ku wareejinayaan Gudiga cusub ee rasmiga ah (PEC),kuwaasoo sii daadihin doona dhamaystirka qabashada Doorashada qaybaha ka harsan ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Gudiga cusub,ayaa laga sugayaa soo diyaarinta khariirada Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1706822310148055310?t=R1m9R3uw6zwKMURzJrIjIg&s=19
Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo Wasiirka Difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale,ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo Shan Sannadood ah. Xoghaye Austin,ayaa sheegay in Maraykanku uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee Gobolka iyo weliba kuwa caalamka. Sidoo kale,waxuu Kenya uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee ku aaddan Ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo in ay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti. Austin,ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay in ay…
Al-Sissi oo ahaa Wasiirkii hore ee difaaca,ayaa hoggaamiyey Afgmabi xukunka looga tuuray Madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa halka sano jiray. Al-Sissi oo markii ugu horreysay la doortay 2014, waxaana muddo xileedkiisa Labaad loo doortay 2018,weli kuma dhawaaqin in uu mar kale yahay Musharax. Isbeddel Dastuur oo lagu ansixiyey Afti 2019-kii,ayaa Laba Sano ku daray muddo xileedkiisa Labaad, wuxuuna u ogolaaday in uu mar Saddexaad u ordo muddo xileed Lix Sano ah. Waleed Xamsa, Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaran ee Masar,ayaa sheegay in Cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay…
Socdaalka Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka ee Jabuti,waxuu ahaa mid guud oo dhoolatus Siyaasadeed u ah Ruushka iyo Shiinaha. Ujeedka Maraykanku,waa “Afrika anaa leh Ruush iyo Shiinoow”. Lugta uu Jabuti ku maray kaliya,waxaa qorshaysnayd in uu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha Somaliya kuma jirin qorshaha in uu la kulmo,waxaase fududeeyay Ismaaciil Cumar Geelle. Kulanka Xasan iyo Xoghayaha marka laga soo tago dhiirigelinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab,waxa kaliya Xasan ka faa’iday waa Sawirka. Dad badan,ayaa qaba tagida Jabuti ee Xasan in aysan qurxoonayn oo ay bahdil ku ahayd Diblomaasiyada Somalida oo awalba dhulka taalay. Xoghayuhu,haduu danaynayo Somalida,waxuu kula kulmi karay Madaxweynaheeda…
Ajandaha Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland,Waxaa ku jira uyeerida Garsoorayaasha Maxkamada Sare oo lagu eedeeyay musuq,waxayna ubadan tahay in Baarlamaanku kalsoonida kala laabto. Halkan ka akhriso:-
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin,ayaa shalay magaalada Jabuti kula kulmay Madaxda Jabuti iyo Madaxweynaha Somaliya. Weli ma soo shaac bixin,waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen Xoghayaha iyo Madaxweynayaasha Jabuti iyo Somaliya. Waa safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago Afrika isagoo ah xoghayaha Gaashaandhigga,taodobaadka danbe,ayuu uu u safri doonaa Kenya iyo Angola. Jabuuti waxay marti gelisay Saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika. Xoghaye Austin,ayaa sheegay in Camp Lemonnier uu “muhiim u yahay” ka hortagga xagjirnimada rabshadaha iyo taageeridda ammaanka Gobolka oo dhan. Mareykanka,ayaa u arka muhiim wada shaqaynta uu la leeyahay Ciidamada Jabuti iyo Guud ahaan…
U.S. Defense Secretary Lloyd Austin met with Djiboutian leaders and the president of Somalia in Djibouti on Sunday, marking his first trip to Africa as Secretary of Defense amid continued violence in the region. Later in the week, he will travel to Kenya and Angola. Djibouti is home to the U.S. military’s major base on the continent, and Austin said Camp Lemonnier was “critical” to “countering violent extremism and supporting security throughout the region.” He added that the U.S. is proud to partner with Djiboutian forces and African Union forces in support of neighboring Somalia, where al-Shabab militants are increasingly…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay u hambalyeynaysaa Goleyaasha Deegaanka 19 Degmo ee la dhisay, kuwaas oo yeeshay maamulkii Degmada hogaamin lahaa 5-ta sano ee soo socota haddi alle idmo. Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda fariisinta iyo dhaarinta Goleyaasha Deegaanka, sida Xisbiyada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan Dowladda iyo shacabka Reer Puntland. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Ciidanka Dembi-baarista ( CID) ee Booliska Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Mohamed Saalim Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen, ka tirsanaa Kooxda Daacish inuu ku geeriyooday agagaarka Degmadda Dhudhub ee Gobolka Karkaar, xilli uu ka yimi Kooxda uu ka tirsanaa, uuna la socday nin kalena oo Soomaali ah kaas oo Hay’adaha amniga baadi-goobayaan. Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay. Weli waxaa socda…
Waxaa laga xareeyay Ciidamadii uu Talyaha u ahaa ee PISF. Sidoo kale,waxaa la xiray Xaruntii Taliska u ahayd. Sababta keentay in la xareeyo Ciidamada lana xiro Taliskoodii,ayaa xoguhu waxay xaqiijinayaan… 1.Hogaan xumo iyo masuuliyad darri ka timid Talyaha. 2.Tirada iyo xogta Ciidanka oo uu ka been sheegay hogaanka. 3.Xogo khaldan iyo xil gudasho xumo hogaanka Ciidanka lagu helay. Haatan Ciidankii PISF oo gaaraya 160-Askari iyo Gaadiidkoodii,ayaa si rasmi ah loogu daray Ciidanka Badda Puntland. Talyihii Ciidamada Aamiin Xaaji Khayr lagama qaadin xilka lamana baabi’in Magacii Ciidanka PISF. Ciidamada PISF oo la Aasaasay isku dhicii Talyaha PSF iyo Madaxtooyada Puntland kadib,ayaa…
Sawiradan,waa Gaadiid sida Qalabkii Ciidamada Atmis ee la qorsheeyay in ay ka baxaan Somaliya Bishan 25-keeda. Dadku waxay iswaydiinayaan halka uu ku danbeeyay Codsigii Dowlada Somaliya ee ahaa ilaa December in dib loogu dhigo bixitaanka Ciidamada Atmis. Sababaha loo anaynayo in uu keenay jahwareerka jira ee xataa gaarsiisan Taliska Ciidamada Atmis,ayaa ah….. 1.Wakhtiga ay Dowladu codsigeeda soo dirtay oo daahitaan badan ku jiro,waxaana mar hore bilowday bixitaankii Ciidanka. 2.Warqada Codsiga oo ay udirtay Dowladu Golaha Ammaanka QM halka ay ahayd in ay udirto Golaha amaanka iyo Nabada ee Midowga Afrika. 3.Codsiga Dowlada oo ay ahayd in uu ka hadlo Wasiirka…
At least one AU official appears to be unhappy with the way the Somali government handled the matter in requesting “technical pause” of the drawdown. The official who cannot be named says the Somali government bypassed the right authority. Here is a summary of what he said: •This letter should have been addressed not to the UN Security Council but to the mandated organ which is the AU Peace and Security Council. They are the ones who mandated the deployment of ATMIS forces. •The request should have been addressed by the Minister of Foreign Affairs or above, and then the…
Musefeni,ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ergayga Somaliland ee Uganda uu Aqalka Madaxtooyada kusoo booqday, haseyeeshee uusan Yuweri ahaan taageersanayn kala Go’a Soomaaliya. “Ma taageersani in Somaliland ka go’do Soomaaliya, waayo, xeelad ahaan, waa khalad”Ayuu qoraalka ku yiri Musafeni. Waxa uu ku baaqay Madaxweyne Musafeni in Somaliya oo mid ah ay ka qayb qaadato Ganacsiga iyo horumarka Afrika. Waa dharbaaxo ku dhacday hanka gooni goosadka reer Hargaysa.
Madaxa Ciidamada Suudaan,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la xaajoodo Ciidamada ay is hayaan ee RSF, si loo soo afjaro dagaallada sokeeye ee dalkaas ka socda tan iyo bishii April. Jeneral Abdul Fataax Al-Burhaan,ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in guulo laga gaari doono wada hadalada nabadeed ee socda. Madaxa Ciidamada RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo,ayaa isna soo saaray fariin muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay joojinta xabadda.
Jimce, 23kii Sebtembar 1983kii, waxaa magaalada Addis-Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, ku geeriyooday, Eebbe haw naxariistee, Max’ud ”Gurey” Cilmi Sarmaan. Afartan sannadood ayaa ka soo wareegatay kolkii haldoorkaa Soomaaliyeed uu go’ay. Nabaddoon caan ka ah geyiga Soomaalidu degto, gaar ahaan gobollada Puntland iyo Kililka Shanaad ee Itoobiya, ayuu ahaa. Halgamaa danaha guud ee dadweynaha dega deegaankuu ku noolaa ayuu ahaa. Codkar (eloquent orator) ayuu ahaa. Wuxuu ahaa dagaalyahan (warrior) leh hammi iyo itaal xoog badan (great vigor and strength). Max’ud “Gurey” wuxuu ahaa qof dadku u wada simanyihiin, eexda aqoonnin oo si caddaaladi ku dheehantahay wixii ummadda dhex mara ugu kala…
Ilaa Labaatan Qof oo badankood shacab ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax Gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah Qoys degganaa meel u dhow barta Kayntarool. Sidoo kale Qaraxa,ayaa waxaa ku gubtay kaalmo Shidaal iyo Goobo Ganacsi oo ku yaalla hareeraha Laamiga. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada,ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay, oo lagu sheegay meel ay ku yaalaan Makhaayado iyo Dukaamo ganacsi oo mashquul badan. Qaraxan,ayaa jugtiisa laga maqlay…
Kulanka Xamse iyo Biden,waa mid quseeya salaan mana ahayn Shir doceed Labada Dowladood dhexmaray. Intaas marka laga yimaado waxuu booqan doonaa Xamse Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka,taasoo wada qaban qaabada taakulo Ciidan oo Somaliya lagu caawiyo dabayaaqada Sanadkan. Taageeradaas oo dalabkeeda ay Dowlada Somaliya gudbisay dhawr Bilood ka hor,iyadoo Dawlada Maraykanku aqbashay. Kadib waxaa lafilayaa Raysal wasaare Xamse in uu la kulmo Jaaliyada Somalida Maraykanka. Madaxweyne Xasan,ayaa ka Gaabsaday inuu beesha caalamka soo hor istaago sababo fashil awgeed… 1: Majiraan ilaa hada Guul Laga Gaaray Dagaalka Argagixisada. 2: Somali heshiis ah Majirto oo Dowlad Goboleedkii ugu Faca weynaa ee PL iskuma…
Jabuuti,ayuu Gaaray si uu kaalmo Ciidan iyo Taageero uga dalbado Ismaaciil Cumar Geelle. Arimaha ugu waa weyn ee kulanka Labada Oday waa Dalabka Xasan Shiikh wato ee ku aadan sidii Ciidanka Midowga Africa usii Joogi lahaayeen qaybo kamid ah Koonfurta Somaliya kuwaas oo la rajay nayay in ay 3000 oo kamida ka baxaan hawlgalka Atms Dabayaaqada Sanadkan. Waxaa Xusid Mudan in Midowga Yurub uu Joojiyay qayb ka mid ah Dhaqaalaha ku baxa Hawl galka Midowga Afrika ilaa laga fulinayo qorshihii la qorsheeyay sanadkan Dabayaaqadiisa ee ay Somaliya isaga bixi lahaayeen Ciidan gaaraya 3000 oo Atmis ah. Villa Somaliya,ayaa rabta in…
Puntland si cad,waxay usheegaysaa in la hakiyo Dayn Cafinta,hadii la Cafiyana aan la qaadan Dayn cusub. Waxay soo jeedisay in la hakiyo Daynt ilaa Somaliya ay gaarayso Sadex arimood oo kala ah… 1.Xasilooni Siyaasadeed. 2.Xasilooni Amni. 3.Xasilooni Dhaqaale. Taas badalkeeda,waxay ku doodaysaa in Somalidu wada fariisato oo ay soo saarto waxay heshiis ku tahay. Hadiise laga deg-dego soo jeedinteeda oo Daynta la cafiyo lana bixiyo mid cusub,waxay noqonaysaa in Somaliya la saaray Guri Dabakh ah oo ku taagan Tiirar Bulukeetiya oo dumi doona. Dayn gaaraysa $3-Bilyan oo aan laga heshiin sida loo qaybsanayo ama waxa lagu qabanayo,hadii la qaato…
Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya. Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda. Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta…
Garoowe: 21 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Go’aan laga soo saaray Buugta taariikhda ee Dugsiyada sare ee Puntland oo ay ku jiraan qaladaadka Dastuuriga ah, Warbixinta Guddiga Gurmadka ee deegaanka Milxo, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Ciyaaraha Gobolada Puntland. Golaha Wasiirada kadib markii uu dood ka yeeshay qaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugaagta Taariikhda ee Manhajka Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:- 1: In la buriyey in wax laga barto Buugta khaladaadka Dastuuriga ah lagu helay ee ah Maadada Taariikhda…
Puntland,waxay soo ceshatay awoodihii ay horay sida fudud uwareejisay. Sida uu dul istaagay Wasiir Dhabancad Puntland wax Qaybsiga Mashaariicda,waxay qabtaa in uu noqdo siday ahaan jirtay ee ahaa… 1.SL 2.PL 3.K iyo B. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1705018090944118791?t=pHPk-4GwUtvcmdmbJrIw7g&s=19
Halkan ka akhriso:-
Marka laga soo tago in fariintan ku socoto Maamulka iyo Xisbiyada Hargaysa,waxaa xusid mudan in Safaarada Maraykanku muujinayso si dadban in Laascaanood qayb ka tahay SL. Qoraalka laguma xusin Magaca Khaatumo iyo hogaankeeda,waxaana qormada lagu soo koobay wadahadal in laga galo xaalada Laascaanood….. 1.Waa fariin cad oo lagu sheegayo in uusan jirin Maamul Khaatumo layiraahdo. 2.Laascaanood in ay ka tirsan tahay SL. 3.Puntland in ay ka gaabsato colaada Laascaanood. 4.Muuse in uu wadahadal ka galo colaada Laascaanood. Reer Galbeedka oo Ingiriisku horboodayo,waxay uxaglinayaan Hargaysa mana baritaarayaan Sool iyo SL in lakala guro. Jibril Qoobey.
Markii hore,ayaa la oran karaa,waa lagu degdegay dalbashada bixida Ciidamada Atmis. Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii dalbaday in la saaro Ciidamada Atmis,ayaa dhaliisha ugu weyn leh. Haatan Xasan Shiikh,waxaa lagu dhaliili karaa in uusan ka diyaar garoobin markii uu talada la wareegay qorshahaas. Qorshuhu,waxuu ahaa halkii Askari oo Atmis ah in ay badalaan Sadex Askari oo Somali ah,taasoo udhiganta 60-kun oo Askar Somali ah in la helo. Waxaa xusid mudan Goobihii ay ka baxeen Ciidamada Atmis in durba ay la wareegeen argagixisada. 90-Cisho ayay Dowladu codsatay in dib loogu dhigo bixida Ciidanka,waxaase muuqata in aysan mudadaas ku diyaarin karin Ciidan oo…
Wasiirkii Waxbarashada Dowlada Puntland,waxaa laga joojiyay Shaqada Dhawr Bilood ka hor. Sababta looga joojiyay,waa Laba arimood oo kala ah… 1.Xamar oo uu tagey kulana kulmay Wasiir Faarax Cabdiqaadir,iyadoo looga digay Wasiirada PL xataa in aysan sii mari karin. 2.Khariiradan muujinaysa Sool iyo Sanaag in ay yihiin SL oo uu isagu siiyay Qandaraaska Shirkada soo daabacday Buugaagtaas oo si buuxdana ay u ahayd masuuliyadiisa. Haatan,Buugaagtaas,waxaa hakiyay Golaha Wasiirada PL,waxaana dib loogu celiyay Shirkadii Daabacday. Shaqada Wasaarada,waxaa sii wada Wasiir ku xigeenka,halka Wasiirkii shaqada laga joojiyay ku laabtay Qoyskiisii iyo Minisota. Dhawaan,ayaa la filayaa in Wasiirka Waxbarashada iyo kan Amniga la magacaabo.…
Puntland 5-Shuruudood ayay ku xirtay qayb in ay ka noqoto Mashaariicda Baanka Aduunka,kuwaasoo kala ah… 1.In ay cadahay Qoondada PL ay ku leedahay Mashruucaas. 2.In Madaxa Mashruucaas maamulaya fadhigiisu yahay gudaha Puntland. 3.In Dhaqaalaha ku baxaya lagu soo shubo Bangiga Puntland. 4.In Hanti dhowraha Puntland door ilaalin ah ku leeyahay fulinta Mashruucaas. 5.In Shaqaalaha loo qaadanayo Mashruucaas Puntland ay ku leedahay Qaybteeda. Dhamaan Qodobadan,waa Dastuuriyan ku qotoma Dastuurada PL iyo kan kmg ah ee Fadaraalka. PL waxay diiday in hanaanka Maaliyada Somaliya loo dhiso si baalmarsan Nidaamka Fadaraalka ama si iga gaarsii ah oo berri fashilmi doona. Puntland,waxay samaysatay nidaam…
Dowlada Deni waa mida kaliya ee kor uqaaday Mushaharaadka Shaqaalaha,isla markaana bixisay 95% xaqooda intay xilka haysay. Kordhinta Mushaharaadka? 1.Ciidamada $70 loo raray $243. 2.Agaasime Waaxeed $130 loo raray $340. 3.Agaasime Guud $350 loo raray $800. 4.Wasiir $1000 loo raray $3000. 5.Xildhibaan $1500 loo raray $2500. 4-Sano iyo 9-Bilood oo aan laga bixin Mushahaar 4-Bilood waa dadaal weyn oo la muujiyay oo aysan jirin Dowlad horay usamaysay. Waxaa xusid mudan in Shaqaalaha Dowlada Puntland Rayid iyo Ciidan ay caga-cagaynayaan ku dhawaad 16000-Qof oo kala ah.. B.8000 oo Ciidan Mushaariya iyo 2-kun oo Raashin kaliya qaadata. T.5400 oo Shaqaale Rayid ah.…
Garoowe: 21 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Shir-sanadeedka Barashada Nabadda ee PDRC iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda adduunka oo sanad walba la xuso 21-ka September. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madasha ka sheegay muhiimada nabaddu ugu fadhido aadanaha asaga oo xusay in dadka reer Puntland inay yihiin dad nabada ku caan ah, mar walbana loo baahanyahay in nabadda laga shaqeeyo. Shir-sanadeedka Barashada Nabadda ee ay soo qaban qaabisay hay’adda PDRC, oo socon doona saddex maalmood ayaa…
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland Maxamed Dhabancad,ayaa Waraysi uu siiyay Radio Daljir kaga warbixiyay kororka Miisaaniyada iyo Maqnaanshaha Mushahaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamada. Halkan ka daawi muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1704808274053279920?t=a_lkx_6ZptBrkB8d__eoGQ&s=19
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa Arbacadii kula kulmay magaalada New York ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si uu ugala hadlo qodobo ay ka mid yihiin tallaabooyinka deegaan ballaadhsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas, kuwaas oo dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka dalkaas. “Waxaan doonaynaa inaan ka wada-hadalno qaar ka mida arrimaha ugu ad-adag” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo u digay Netanyahu, inkasta oo uu markale dib u xaqiijiyey in taageerada Maraykanka ee Israa’iil inay tahay “mid gun dheer”. Hoggaamiyayaasha Israa’iil ayaa…
Curasha Dayrta 2023 ayaa lafilayaa inay bilaabato asbuuca soosocda Qaybo kamid ah deeganada Puntland. Goboladda Sool, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raas-casayr ayaa la filayaa in ay helaan roobab dhex-dhexaad ah xaddi ahaana u dhaxeeya (40-100) mm. Sida kamuuqata khariidadda saadasha roobka meela kamid ah degmooyinka Ceerigaabo, Badhan, iyo Balidhidin ayaa laga yaabaa inuu gaaro 200mm. Bulshada kudhaqan Gobolada Sanaaag, haylaan, Bari, iyo Karkaar waa inay taxadar dheeriya muujiyaan ilaa 24 bisha September 2023. Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, Xarunta macluumaadka khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dawladda Puntland waxa ay sidhow ula soconaysaa markasta isbad-badalka cimilada ee…
Waxaa la xukumay Labadii Nin ee ka tirsanaa kooxaha Nabad-diidka ah,kuwaasoo dhawaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Mid ka mid ah Raga la qabtay,ayaa kasoo jeeday Koonfurta,waxa uuna kasoo duulay Xamar,isla markaana,waxaa la xaqiijiyay in uu ahaa dhawaan soo gal lagu qanciyay fikrada Nabad-diidka,iyadoo lagu xukumay 15-Sano oo Xarig ah. Halka midka Labaad uu ahaa Nabadoon Deegaanka Bari kaasoo jeeda oo la xaqiijiyay in baqdin iyo khasab lagu hawlgeliyay una qaabilsanaa Damaanada Xubnaha gudbaya,waxaa lagu xukumay 5-Sano oo Xarig ah. Wardoonka Puntland qaybtooda Bari,waxaa ka muuqata firfircooni Siyaada ah Sanadkii ugu danbeeyay. Jibril Qoobey.
Midowga Yurub,ayaa joojiyay Gargaarkii Bini’aadantinnimo ee uu siin jiray Somaliya,kaasoo ay marin jireen Hay’adaha UNICEF iyo WFP. Go’aankan,waxuu ku yimid,markii ay soo baxeen musuq balaaran oo lagu sameeyay Deeqihii Sanadkii 2022-2023. Wefti dabagal ah oo ka socda QM kana yimid Newyork,ayaa gaaray Magàalooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Gaalkacyo oo ay degan yihiin Barakacayaasha ugu badan. Kooxdaas baarayaasha ah,waxay soo xaqiijiyeen in uu jiro musuq baahsan oo isku xiran ilaa Horjoogaha Xerada,Qofka Dhulka leh,Xaafiisayada NGO-yada iyo Ilaa Dowlada Fadaraalka Somaliya. Dhanka Dowlada,waxay kooxdan dul istaagtay Xaafiiska Maaraynta Masiibooyinka oo dhawaan loo dhiibay Nin ay isku hayb hoose yihiin MW Xasan kuna xiran mid…
Dekeda Garacad oo weli ku jirta Dhismaheeda lagu dhamaystirayo,ayaa hadana qaybaha la diyaariyay,waxaa ka dega Badeecado. Garacad waa Mashruuc ay reer Puntland kaga qaybgaleen tartanka Ganacsiga Geeska,kaasoo soo jiitay guud ahaan Somalida. Ku dhawaad 10-Bilood oo ay ufurnayd kasoo degida Badeecadaha kala duwan,waxaa kusoo xurtay in ka badan 40-Markab oo waa weyn. Garacad aragti hirgashay oo mira dhashay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1704115876423663687?t=H78eXoFZpnJOjq_Uvo4bUA&s=19 Jibril Qoobey.
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo udhaxeeya Habar Yoonis iyo Habar Awal,ayaa ka socda Deegaanka Cali Saahid oo udhow Burco. Sidoo kale Burco,waxaa Gaari Maamulku leeyahay ka kaxaystay Jamhada Gacan Libaax Maalin cad. Dhamaan arimahaas,waxay dhacayaan,iyadoo Shacabka Somaliland la ildaran yihiin fakhri daran oo ay sababeen sicir bararka,Shaqo la’aanta iyo Dhaqaalo xumida baahsan ee ku habsatay Somaliland. Waxaa muuqata in talada Muuse Biixi ay eersatay Somaliland oo mar ahayd maamul loo hanweynaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1704107838727934310?t=eEmA1oqmK0Rr2R_2jXksmw&s=19
CARMO, September 19, 2023: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mohammed Mosadak Saadeq ayaa daahfurey fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari. Madasha dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Carmo waxaa qayb ka ahaa Guddomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo Dibu-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka. Golahaan oo ah golihii ugu horreeyey ee ay dadku toos u soo doortaan ayaa maanta xilka loo dhaariyey, Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa waxaa isla dhistay Xisbiyada…
Canada ayaa Isniintii ku eedeysay dowladda India inay ku lug leedahay dilka hoggaamiye Canadian ah oo kasoo jeeda bulshada Sikh, kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Vancouver, bishii June. Eedeyntan ayaa dhalisay in labad dal ay isugu jawaabaan diblomaasiyiin la eryey kadib markii New Delhi ay eedeyntaas diiday kuna tilmaamtay “doqonimo.” Eedeymaha ayaa sii xumeeyey xiriirka markii hore liitay ee Ottawa iye New Delhi oo hadda gaaray heer cusub oo hoose. Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa u sheegay kulan deg deg ah oo baarlamanka uu yeeshay in dowladdiisa ay hayso “xog la isku haleyn karo” oo wakiilo Indian…
Kulanka 78-aad ee Golaha Guud ee QM ayaa shalay ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka, wuxuuna socon doona illaa 26-ka bishan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wLiO0EDH3DI?si=R2Ezvi5sGlM-mzDF
Halkan ka daawo mmuuqaalka https://www.youtube.com/live/sV8LwqhK1yA?si=JRcDHm_VJJUFTA8w
Garoowe: 18 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Dowladda Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah. 1. Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland. 2. Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo. 3. Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha. 4. Bilawga dadaalka mustaqbalka…
Dhudhub, September 17, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar. Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/se Xuseen Cali Maxamuud, Nabaddoono, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland. Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday…
Bayla, September 17, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar. Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/se Xuseen Cali Maxamuud, Nabaddoono, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland. Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday…
Waa nasiibdarro in Xasan Shiikh dhabar jabiyo,iyadoo inta badan Dowladaha Afrika oo ay ugu danbaysay Jabuti ay taageereen Musharaxnimada Xil.Marwo oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlmaanka Fadaraalka Somaliya. Xil.Marwo,ayaa usharaxan Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka,waxayna soo gashay Wareega Afarta Qof ee la kala dooranayo. Sanadkan,waxaa leh Madaxweynanimada Baarlamaanka Aduunka Afrika,siiba Geeska,waxaana loo rabaa Gabar,waxaana ku tartamaya Xil.Marwo iyo Laba Gabdhood oo Kenya iyo Tansaaniya ka socda. Baarlamaanka Somaliya,waa garab istaagay Marwo,balse,waxaa dhabar jabinaya Xasan Shiikh ,waxuuna taageeray Gabadha ka socota Tansaaniya,isagoo ka duulaya Laba arimood oo kala ah… 1.Tansaaniya oo uu degan yahay kuna leeyahay Guri iyo Ganacsi. 2.Xil.Marwo oo kasoo jeeda…
Kadib guul darooyinkii is xig-xigay ee dagaalka argagixisada Xasan,waxa uu garow saday in uusan haysan wax uu Beesha Caalamka iyo Shirka Qaramada Midoobay la hor tago,taas badalkeeda raysal wasaare Xamse,ayuu udiray Maraykanka iyo Shirka Qaramada Midoobey. Xamse oo saaka Muqdisho ka amba baxay ma ahayn wax lagu fakarayay Laba Bilood ka hor aadistiisa Kulankaas. Fashilka Xasan Shiikh ee hogaaminta Wadanka,ayaa si weyn umuuqda… 1.Siyaasad ahaan Dowladiisu madhaafsiisna Muqdisho oo Siyaasadii Arimihii Gudaha,waa ku fashilmay. 2.Dagaalkii argagixisada ku dhawaad 2-Bilood oo uu waday Hal Degmo laguma qaban,markii Labaad,ayaana jab weyn la gaarsiiyay Ciidankii la galiyay. 3.Dhaqaalihii Wadanka oo meeshii ugu hoosaysay…
Waa khasab in la xakameeyo Warbaahinta oo lakala hufo mideeda masuulka ah ee leh Wadaniyada iyo aragtida. Warbaahintu khal-khal gelinta amaanka door weyn ayay ku leedahay markaysan waxba Xeerinayn. Ciyaarta kama danbaysta ah ee Mudug iyo Nugaal,waa xasaasi ay si khaldan ay uga faa’idaysan karaan argagixisada iyo kuwa kale ee diidan horumarka Puntland. Marka laga reebo Ciyaarta dhiman,Guud ahaan Ciyaarihii soo dhacay,waxay uqabsoomeen si qurux badan. Ciyaarahan quruxdoodu,waxay ka turjumayaan awooda amni,bisayl,maamul iyo Bulsho ee Puntland. Koonfurta Wadanka,waxay la daalaa dhacaysaa argagixiso iyo amni xumo,halka Puntland ay ku mashquulsan tahay Ciyaaro iyo Doorasho.
Gaalkacyo, September 17, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka qaybgalay shir lagu xoojinayo amniga Ciyaaraha 9-aad ee Gobolada Puntland oo ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta kana duwan ee Dowladda Puntland ayaa waxaa looga hadlayay xoojinta Amniga ciyaarta kama dambaysta ah ee u dhaxaysa Gobolada Mudug iyo Nugaal. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Degmada Towfiiq,ayaa yeelatay Dowlad Hoose oo Dadku soo doortay markii ugu hiraysay Taariikhda. Waxaa noqday Duqa Magaalada C/Nuur Jaamac Cali Xirsi. Halka uu Duq ku xigeen noqday Cabdinaasir Cabdillaahi Cabdisalaan. Labada masuul,waxay Xubno ka yihiin Xisbiga SINCAD,sidaana Degmada Towfiq,waxay ku noqotay Deegaan Sincad. Dardar xoog leh,waxaa ku socda fariisinta Golayaasha Deegaamada Doorashadu ka dhacday. Ilaa iyo hada,waxay ku dhow yihiin Degmooyinka la dhamaystiray 10-Degmo.
Somaliya ma gaarin xili ay wada samaysato Aqoonsi Qaran oo lagu midaysan yahay,waxaana ka horaysa in Dastuurka la Qabyo tiro oo laga heshiiyo. Inta ka horaysa DG walba,waxuu leeyahay Aqoonsi ugaar ah sida Puntland oo 2010 samaysatay. Sidoo kale Gobolka Banaadir,wuxuu samaysan karaa Aqoonsi ugaar ah. (Banaadir ID Card). Haatan Mashruucan Xasan daahfuray,waa mid lagu helayo Dhaqaale ka kala imaanaya.. 1.Maalgelin Baanka Aduunku ku samaynayo Mashruucan. 2.Dadka qaadanaya oo Lacag laga qaadayo. 3.Dayn Cafinta Shuruudaha ku xiran oo ay ka mid tahay in uu jiro Aqoonsi Qaran. Su’aasha iswaydiinta mudan,ayaa waxay tahay… Xasan oo qadiyadiisa lawada og yahay ku Aadan…
Somaliya ma gaarin xili ay wada samaysato Aqoonsi Qaran oo lagu midaysan yahay,waxaana ka horaysa in Dastuurka la Qabyo tiro oo laga heshiiyo. Inta ka horaysa DG walba,waxuu leeyahay Aqoonsi ugaar ah sida Puntland oo 2010 samaysatay si la mid ah Gobolka Banaadir,wuxuu samaysan karaa Aqoonsi ugaar ah. Hadaba arimaha ubaahan in laga wada hadlo oo meel la saaro,waxay kala yihiin… Aqoonsiga Qaran ma heer DG baa mise heer Dowlad Qaran? Arinka Aqoonsiga Qaran waxaa ku gadaaman Siyaasad iyo dano dhaqaale oo ubaahan wada xaajood? Yaa Somaliya? Xuduudaheena Qaran ee rasmiga ah waa halkee? Ma leenahay Qaran aan ku midaysanahay?…
Argagixisada,ayaa soo bandhigtay Maydadkii iyo Gaadiidkii dagaalka ee ay ku qabsadeen Saldhigii Ceel-la helay. Sida ay xaqiijinayaan Ilo Madax banaan Ciidamo lagu qiyaasay 70- 400,ayay argaguxisadu ku laysay Saldhigaas. Sidoo kale,waxaa tiradaas dhimatay ku jira Macawisley Dowladu soo abaabushay oo ubadan Beesha Duduble. Waxaa aad loo dhaliilayaa Maleeshiyo Macawisley ah kana soo jeeda Beesha HG oo intaan argagixisadu soo weerarin Saldhiga,iskaga baxay. Kala shaki weyn,ayaa jira oo dhanka Maleeshiyaadka Beelaha,Ciidanka DFS iyo kuwa Galmudug ah. Waxaad moodaa argagixisadu in ay xooga saarayso sidii dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo Jidgooyo ay dagaalkooda ugu ubadalai lahaayeen,waana mida keenaysa in…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland waxaa 10-09-2023 soo gaaray dacwad ay u soo gudbiyeen Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha. Qiimayn Guddigu ku sameeyay dacwadaas wuxuu go’aan ku gaaray in Xisbiga Shaqaalaha Gudoomiyahiisa rasmiga u yahay Cabdirashiid Shiikh Maxamuud. F,G: Go’aanka Guddigu waa mid ku qotoma Xeerarka Doorashooyinka Puntland iyo Xeerka XisbigaShagaalaha, Faahfaahinta go’aankan ka akhriso waraaqda hoosse.
Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug,ayaa gaaray Degmada Galxamur ee DDSI,halkaas oo lagu soo wareejinayo Gacan ku dhiiglihii ku dilay Burtinle Sarkaalkii Booliska ahaa maalmo ka hor. Sarkaalka la dilay,ayaa kasoo jeeday Boocame,halka Gacan ku dhiigluhu kasoo jeedo Burtinle. Talyaha Qaybta Booliska Nugaal,ayaa lagu sii wareejinayaa,isagoo haatan gaaray Degmada Galxamur. Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud,ayaa ku sharfan wada shaqaynta ay umuujiyeen Labada Maamul. Wada shaqaynta Labada Maamul ee PL iyo DDSI,ayaa door ka qaatay adkaynta Amniga Labada dhinac. Jibril Qoobey
Warar kala duwan,ayaa xaqiijinaya in Al-Shabaab ay maanta weerar ku qaadeen Saldhiga Ceel-la helay. Khasaare xoog leh in lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowladda ee Gor-gor iyo kuwa Macawisleyda,ayay Ilo Wareedyo xaqiijinayaan. Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay Gacanta ku dhigeen Saldhiga Ceel-la helay kuna qabsadeen Hub,Gaadiid iyo Askar Maxaabiis ah. Dowlada Villa Somaliya,waxay dhankeeda sheegtay in ay Gacanta ku hayso Saldhiga Ceel-la helay. Dhanka kale Qarax ismiidaamin ah,ayaa lagu dhaawacay Madaxweynaha Galmudug iyo Labada Xildhibaan ee ugu miisaanka culus kuwa laga soo doorto Galmudug Cabdiqaybdiid iyo Dhabancad. Hadii ay dhab noqoto sheegashada Alshabaab,waa dharbaaxo kale iyo jab ku dhacay marka laga soo tago…
Ciyaartii ugu xasaamadda badneyd oo la iran karo waxay Boqiradii Ciyaaraha Koobka Gobollada Puntland,ayaa ku dhexmartay Garoonka Cawaale Mudug iyo Bari. Ciyaarta,ayaa wakhtigii (Extra Time) la isla dhaafa,waxayna ka dhacday Garoonka Kubada Cagta Cawaale Gaalkacyo. Waxay u dhaxaysay Ciyaarta Xulalka Bari iyo Mudug,waxaana kusoo baxay Rigoorayaal Xulka Mudug. Ciyaaraha ka socda Gaalkacyo,ayaa wata xamaasad xoog leh. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1702716216895238613?t=tCpDCCSRP8dLu8aJBvoKfg&s=19
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1702682726116065441?t=brVf1t7pugzByzT9V7hFNA&s=19