Author: Jibril Qoobey.

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Masiibooyinka Puntland waxay abaabushay Hay’adaha ka hawlgala Garowe in ay tagaan Laascaanood si ay u soo qiimeeyaan baahiyaha biniaadantinimo ee ka jirta Laascaanood. Ujeedka loo abaabulay,ayaa ahaa in Dadka Laascaanood gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo. Qiimaynta hay’adaha kadib, hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Puntland ayaa iyagana qorsheeyay inay soo qiimeeyaan amaanka Laascaanood, qiimayntaas waxaa hogaaminaysay United Nations Department of Safety and Security (UNDSS) Garowe, ujeedka qiimaynta amniga waxay ahayd in la soo hubiyo in shaqaalaha QM ay tagi karaan magaalada Laascaanood. Kooxda amniga soo qiimaynaysay waxay la kulmeen Duqa magaalada Laascaanood iyo Firdhiye,iyagoo soo xaqiijiyay…

Read More

Ciidamada Booliska Degmada Goldogob,waxay qabteen shaqo adag oo mudan in la bogaadiyo. La dagaallanka Khamriga,waxay ka muujiyeen dadaal sareeya oo hoos udhigay qul-qulkii xad dhaafka ahaa ee ay ku socotay. Ciidanku,waxay udhaceen Xarumihii iyo Shaqsiyaadkii lagu yaqaanay ka Baayacmushtarka Khamriga. Sidoo kale dhankooda Booliska Gaalkacyo,ayaa sameeyay hawlgallo macno leh. Haatan kala Iibsiga Khamrigu,waxuu gaaray in si Suuq Madow oo Caagadaha Biyaha lagu Cabo lagu soo shubayo lagu kala qaato mana jiraan goobo loogu soo hagaago.

Read More

Xasan Shiikh waxa uu usii daayay Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland Lacagtii kabka Miisaaniyada ee BC ay bixisay. Lacagta uu usiidaayay,ayaa gaaraysa $8-Milyan. Waxaa muhiimad gaar ah leh wakhtiga lagu beegay sii daynta Lacagtan oo ah xili Muuse baahi uqabo Lacag Cadaan ah oo wada socota si uu Hub uhelo. Sidoo kale Xasan,waxuu jilayaa Munaafaqad oo waxuu usoo diray LC wefti uu hogaaminayo Tima-cade si loo maaweeliyo oo loo majara habaabiyo reer Sool. Xassan Shiikh,waa fahansan yahay baahida Hargaysa,waana ka dharagsan yahay xogta colaada Sool,balse muhiimadiisu waa taageero qayaxan oo uu siiyo SNM. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan Shiikh marna lagama filayo wax dan u ah Qof kasoo jeeda Beesha Daarood in uu sameeyo si walba oo Dhulka layskugu dhigo oo layskugu jilciyo. Gudoomiyaha Gobolka Sool xataa uma aqoonsanayo Qof kasoo jeeda Daaroodka Sool dega. Ma dhici doonto in uu kala qaybiyo waxa uu uyaqaan Dhulweynaha Somaliland,waxuuna aaminsan yahay oo ku ficil tamayaa ilaalinta Somaliland. 61-ka Xildhibaan ee Beesha Direed,ayaa uga muhiimsan 8-da Beesha Dhulbahante mana jiro Daarood midaysan oo miisaan leh. Tima-cade Guulwadayntiisu Sool waxba uma goynayso ee isagay Qado ubislaynaysaa. Xildhibaanada tagey Laascaanood in lagu niyad xumeeyo Hargaysa oo Shacabka Niyada loogu dhiso ma’ahee Calaf…

Read More

Tima-cade iyo kooxdiisu,waxay sideen fariin ay kasoo qaadeen Xasan Shiikh,taasoo ahayd… 1.Waxaad iga rabtaan waa iga diyaar. 2.Maxaabiista igu soo wareejiya. 3.Wada hadal in aad la gashaan Hargaysa aqbala. Fariintaas,waxaa ka aqbalay Firdhiye iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,balse,waxaa ku Gacansayray Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku yiri… “Maxaabiista SNM,waxay utaalaa taladoodu Harti-weyne”. Baarlamaanka Fadaraalkula Somaliya,ayaa umuuqda Madal laga soo karkariyo Siyaasadaha ka dhanka ah Beesha Harti,(Gooja-cadihii Labaad). Jibril Qoobey.

Read More

Odoyaasha Dhaawacyadoodu waa mid fudud,sida la xaqiijinayo. Qaraxa lala beegsaday iyaga Madaxweyne Qoor-qoor,waa mid lasoo abaabulay oo tuhun xoog leh abuuray. Si gaar ah,waxay Fartu ugu mudan tahay Xasan Shiikh oo dagaalkan 10- qorshe ku dhex wata. Dagaalka aragagixisada markii hore,waxaa laga leexiyay jihadii Qaranka,haatana Jihadii Beeleed ee wax lagu abaabulayay,ayuu sii luminaya oo waxuu kusoo ururayaa mid Dan gaar ah u adeegaya. Hadafyada Xasan watay ee dagaalka uu ku dhex qarsanayay,waxaa ku jirta badalida Qoor-qoor. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan Maxamed Jaamac oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud Xubina ka ah Xisbiga KAAH,ayaa loo doortay Duqa Magaalada Gaalkacyo. Maxamed Ciise Xuseyn oo kasoo jeeda Beesha Leelkase Maalis-moge,Xubina ka ah Xisbiga Ifiye,ayaa loo doortay Ku-xigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo 5-ta Sano ee soo socota. Gaalkacyo Saakay,waxay heshay Maamul Dowlad Hoose oo Shacabku doortay. Jibril Qoobey.

Read More

Ninka Dilay Dhakhtarka ee lahaa Gacanta,waxaa la yiraahdaa Salmaan,waxuu ka shaqayn jiray Maqaaxi uu lahaa Nin Seedigiis ahaa oo qabay Walaashii oo ahaa argagixisada kuna jiray 18-kii lagu toogtay Gaalkacyo. Dilalka Gaalkacyo ka dhaca,waxaa si dadban iyo si toos ah umaalgeliya oo u abaabula argagixisada. Beelaha Gobolka Mudug wax ka dega ee Majeerteen balse aan ahayn Cumar Maxamuud,waxay ku kiciyaan in ay iska dulqaadaan Gumaysiga Maxamuud Saleebaan. Halka kuwa Daarood ay ku abuuraan Cadaawad ah iska dhiciya Majeerteen. Waa hababka ay argagixisadu ku shaqaysato oo ay iskugu dhufato Bulshada meel walba oo Somaliya ka mid ah. Sidoo kale argagixisadu waxay…

Read More

Ninkan,waa Xubin muhiim ah oo argagixisada ah,sida uu Afkiisaba ka qirtay,wuxuuna isku qarin jiray in uu yahay Oday Nabadoon ah oo Beesha Leelkase danaheeda utaagan. Inta badan,waxuu abaabuli jiray kacdoon ka dhan ah Dowlada Puntland oo uu ku kicinayo Bulshada Beesha,isagoo hal hays ka dhiganaya (Majeerteen,ayaa idin haysta). Xerada haatan Beesha Leelkase ku leedahay Gaalkacyo,isagaa abaabulay oo Qaaraankii lagu dhisayay ka ururshay Dadka,waxuuna uga dan lahaa in uu ku ururiyo Maleeshiyo kasoo horjeeda nidaamka. Sidoo kale dhacdo Beesha iyo Beel kale ay isku dhaceen oo Dad ku dhintay,waa Ninka hor istaagay in Booliska PL Maydadkii qaadaan,isagoo ku qaylinayay (Ma Majeerteen,ayaa…

Read More

Booliska Mudug,waxay ku guulaysteen in ay ogaadaan in aysan bixin Nimankii Dhakhtarka dilay oo ay ku jiraan gudaha Magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale,waxay ku guulaysteen in ay ogaadaan Guriga ay ku jiraan oo ay isku wareejiyeen,balse Odoyaal Beeshooda ah,ayaa codsaday in ay ugalaan oo si nabad ah kusoo wareejiyaan,waxaana la siiyay ugu danbayn ilaa Berri foog. Nimanka dilay Dhakhtarka way usuuroobi wayday in ay baxaan,sababtoo ah,waxaa si Deg-deg ah uhawlgalay Booliska… 1.Waxaa la xiray dhamaan Wadooyinka baxa. 2.Waxaa lala hawlgalay Booliska DDSI. 3.Waxaa lala hawlgalay Booliska Galmudug. Shaqo fiican ayay qabteen Booliska iyo Maamulka Gobolka,waxaana la rajaynayaa in hawlgalkan guul kusoo…

Read More

Puntland,waxay ku guulaysatay in ay si gaar ah uhesho Deeqaha Caalamka,gaar ahaan kuwa Baanka Aduunku maalgeliyo. Barnaamijka Damal Caafimaad oo mudo ka socday Somaliya,ayaa qayb cusub lasoo fasaxay. Puntland,ayaa Mashruucan ka heshay $45-Milyan oo lagu taageerayo Caafimaadkeeda,waxaana fulinaysa hay’ada PSI -Population Servise International. Sidoo kale,waxaa ku mataanaysan Barnaamijkan kuwo kale oo dhaqaalaha ku baxaya udhow yahay $40-Milyan. Marka laga soo tago hab maamuska Magaca Somaliyed ee Madaxda Dowlada Dhexe ay ku leeyihiin daahfurka Mashruucan ku kacaya $200-Milyan,majiri doono kormeerid DFS ay ku leedahay qaybaha ka fulaya PL iyo SL. Ku adkaysiga go’aamadeeda iyo dadaalka ahaa in PL aysan la qayb…

Read More

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy,ayaa Talaadadii Shalay shaaciyay, in Aqalku uu billaabayo baaritaan xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Joe Biden. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda,ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Sidoo kale,waxuu dareenka Shacabka,ayuu ujiheynayaa dhanka Aqalka Cad. Warkan,ayaa soo baxay xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda.

Read More

Maamulka iyo Taliska Booliska Gobolka Mudug eed kuma leh fashilka amni ee jira,waana ka hawlgaleen dhacdooyinkii dhacay,isla markaana waa ku guulaysteen Gacan ku dhigida intoodii badnayd. Dilalka iyo Aanooyinka Qabiilka ee xalka laga gaaray… 1. Dhimasho Reer xaaji iyo Reer Kuulbeer. 2. Dhimasho Reer Axmed Iyo Reer Kuulbeer. 3. Dhimasho Reer Bicid yahan,Maxamed gaal eri iyo reer Maxamed Xasan Dil (Ina Afdheere). 4. Dhimasho Reer Mahad iyo Reer Maxamed Xasan (Maxamed Cumar Gurey). 5. Dhimasho Reer Bicid yahan,Reer Samatar iyo Reer Khalaf (Ina Wardheere). 6. Dhimasho Reer Bicid yahan,Reer Waceys iyo Reer Mahad. 7. Dhimasho Reer Horogle Dhexdooda Cabdimahad Maxamuud…

Read More

Waxaa Kismaayo ka baxay Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku hawlgalayay Magaca ATMIS,kuwaasoo tiradoodu dhamayd ilaa 500-Askari. 200-Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Itoobiyaanka,ayaa Saldhig ay u ahayd duleedka Garoonka Diyaaradaha,waxayna sugi jireen amniga Xarunta UNSOM oo ku taal halkaas. Sidoo kale ATMIS waxay Villa Somaliya ka guuraysaa 25 Bishan September. Bixitaanka Ciidamada Atmis ma saamayn doonto Xarumaha UNSOM ee Muqdisho oo waxaa gaar ugu xil saaran amnigooda ATMIS POLICE kumana jiraan Ciidanka baxaya. Bixitaanka Ciidamada ATMIS ee Koonfurta Somaliya,waa qorshe socday oo horay loogu heshiiyay.

Read More

Gudiga Doorashada Puntland oo doortay Gudoomiye iyo ku xigeen. Fu’aad Abshir Adeer iyo Axmed Maxamuud,ayaa loo kala doortay Gudoomiye iyo ku xigeen. Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah (PEC),ayaa ah shaqsi uqalma hogaamintaas culus ee xiligan xasaasiga ah. Doorashadan,waxay ka dhigan tahay in Dimuqraadiyadii Puntland hirgelinteedii meel wanaagsan ay marayso. Gudiga cusub,waxaa looga fadhiyaa diyaarinta khariirada Doorashada Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Jibril Qoobey.

Read More

Abwaan Jibriil iyo Dhaashane,waxay foolxumaynayaan Dimuqraadiyadii loosoo halgamay. Fursada ay ku burburinayaan Dimuqraadiyada,waxaa siiyay Madaxweyne Deni. Waxay ka shaqaynayaan ma’ahan wax la qaadan karo oo la aqbali karo. 100%,waa suuro xumayn iyo niyad jabin Dimuqraadiyadeed,waxayna umuuqataa in ay rabaan fashilinta Barnaamijkan. Shacabka karaamada leh ee reer Puntland uma qalmaan in lagu sii daayo Abwaan Jibriil iyo Dhaashane xaqiiqdii. Masuuliyadii Wadanka,ayaa cidli taal oo heehaabaysa lamana hayo Madaxweynihii 30-Cisho meel uu Jaan iyo Cirib dhigay si cad marka laga soo tago Xan iyo Taleefoono gaar ah. Jibril Qoobey.

Read More

Fashilka Gaalkacyo ka jira,waxaa leh Dowlada oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyada. Waa marka koobaad ee Madaxweynuhu,waxuu hoos udhigay dareenkii gaarka ahaa ee ay lahayd Magaaladan muhiimada gaarka ah uleh amniga PL,waxuuna yareeyay dhaqaalihii iyo ka warqabkii uu siin jiray Sanadihiisii ugu horeeyay. Wasiirka Maaliyadu,waxuu ku fashilmay bixinta Mushahaaraadka iyo Adeega Ciidanka iyo Maxkamadaha guud ahaan PL. Si gaar ah Gobolku,waa matalaadiisii Siyaasadeed,waana muujin waayay hogaamin,waxayna noqotay shaqadiisu Xoghayn iyo Khasnaji Madaxweyne Deni oo kaliya in uu isku muujiyo. Booliska Mudug ma qaadan Lix Bilood Mushahaar,halka Taliska Qaybtu uusan helin dhaqaalihii ku bixi jiray Adeega Afartii Bilood ee…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mathew Miller, ayaa Isniinti u sheegay wariyeyaasha, in Mareykanka u diyaar u yahay inuu soo rogo cuno qabateyn hor leh, hadii Vladimir Putin iyo Kim Jong-un ay ku heshiiyaan in Kuuriya laga iibsado hub, kahor kulankooda magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka. “Waxaan doonayaa in aan labada dal xasuusiyo in hub laga keenay Kuuriyada Waqooyi loo wareejiyo Ruushka ay xadgudub ku tahay go’aanno dhowr ah oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaan cunaqabateyn buuxda ku soo rognay shaqsiyaadka hubka siiya Ruushka, waana sii wadi doonnaa inaan cunaqabateyno hor leh soo rogno hadii…

Read More

Maleeshiyada Al-Shabaab,ayaa xalay tiro Madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee Gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen Makeeshiyo Beeleedyada Dowladda Fadaraalku abaabushay. Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay ku beegsatay fariisimaha Ciidamada Dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas. Shabaab ma bixin faah-faahin intaas dheer. Saraakiisha Ciidamada Dowladda,ayaan weli ka hadal weerarka ay sheegteen Al-Shabaab. Shabaab,waxay Ciyaaraan qorshe ay uga baxaan Magaalooyinka marka Guluf xoog leh kusoo wajahan yahay,jadibna weeraro Gaadma ah ay ku sameeyaan.

Read More

Bareeda, September 12, 2023: Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr. Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Raasi-Casayr, Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Raasi-Casayr, hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland. Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland. Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan…

Read More

Qatar waxay wadaa Olale ay ku badbaadinayso argagixisada. Waxay ka hor tagaysaa in laga adkaado argagixisada oo aan awoodooda la wiiqin ama waxay rabtaa in ay sii jiraan oo aysan soo afjarmin. Dowlada Somaliya,ayay ku casuntay wadahadal ku aadan sida loo furi karo wada xaajood dhexmara Dowlada iyo Shabaab. Madaxweynaha Fadaraalka oo diidan qorshaha Qatar,ayaa udiray Ra’isalwasaaraha. Lama garan karo waxa ay Qatar ka faa’idayso baalgelinta argagixisada,waxaase la hubaa in ay garab utahay,waxayna qabaan xeeldheerayaal dhanka amaanka ah in Qatar Gacmo kale ugu adeegayso naaxinta argagixisada Wadamada Islaamka. Jibril Qoobey.

Read More

Weerarkii hore,waa ku jabay,waxaana Dhimasho,Dhaawac iyo wax la waayay noqday ku dhawaad 2500-Askari. 15-kun oo Askari,ayuu abaabushay oo la Aaday Galgaduud si uu ugula dagaallamo argagixisada ubadan Beeshiisa oo lagu qiyaasay in ay dhan yihiin 6500-Maleesiyo. Dhanka argagixisada,waxaa xogaha la helayo ay sheegayaan in ay iska difaaca weerarkaas ku waayeen ku dhawaad 2000-Maleesiyo ah. Jabka ku dhacay Maleeshiyadii iyo Ciidamadii uu abaabulay Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa sabab u ahaa Laba arimood oo kala ah…. 1.Dhaqaale loo qaybiyay Saraakiisha Ciidamada oo ka kala yimid Qadar,Ganacsato Xamar joogta iyo Shabaab laftigooda. 2.Beelaha aan ahayn Beesha Madaxweynaha oo ka gadooday Hubkii iyo Gaadiidkii oo uu…

Read More

Garoonka Diyaaradaha Bosaso,waxay ku qabteen Wardoonka Puntland Xubin ka tirsan argagixisada,waxaana la qabtay mar uu kasoo degay Diyaarad ka timid Xamar. Baaris kadib,wuxuu qirtay in uu ka tirsan yahay ,dhawaana lagu soo daray kooxda,sida ay u xaqiijiyeen Idil News Saraakiil Pisa ka mid ah. Sidoo kale,waxaa Gacanta lagu dhigay Nabadoon Deegaanka caanka ahaa oo uqaabilsanaa kooxda Damaanada iyo gudbinta Xubnaha Argagixisada,kaasoo isku dayay in uu Damiinto oo sheegtay in uu isaga Marti uyahay. Ninka la qabtay ee Xamar ka yimid,ayaa qorshihiisu ahaa in uu ugudbo Buuraha si uu qayb uga noqdo hawlgalada argagixisadu ku waxyeelayso Bulshada. Hay’ada Sirdoonka PL ee…

Read More

Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Axaddii sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto “bartmaha Tehran” si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay inay ka dambeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha Israel iyo Yahuudda ee caalamka. Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfurbari Asia iyo Koonfur America. “Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv. Waxa uu…

Read More

Magaalada Gaalkacayo,ayaa lagu dilay Dhakhtar ka shaqeeya Caafimaadka Bulshada, kaas oo lagu magacaabi jiray Allah ha u naxaristee Dr Zakariye Cabdi Jaamac, waxaana dilkiisu argagax geliyey bulshada Gobolka iyo guud ahaan Puntland. Dilkiisa,ayaa waxaa sababay Aano Qabiil oo udhaxaysa Beesha uu kasoo jeeday iyo Beel kale oo isla Gobolka ah. Saakay,ayaa lagu Aasay  Magaalada Gaalkacyo,waxaana ka qaybgalay Aaskiisa guud ahaan Dhakhaatiirta Gobolka,waxayna ku dhawaaqeen Sadex Beri oo Shaqo joojin ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1700827248595501206?t=V6hVfj2KIqNgVXqdU2-6ew&s=19

Read More

Dhimashada dhul-gariirkii waddanka Morocco ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo Qof, kaas oo sidoo kale burburiyay tuulooyin, waxaana uu ahaa dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa in ka badan 60-sano. Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii Morocco,ayaa hal habeen isku urursaday meel bannaan ah oo ku taal buuraha Atlas Sabtidii, iyada oo Magaalada qadiimka ah ee Marrakech uu sidoo kale burbur weyn soo gaaray. Wasaaradda arrimaha gudaha,ayaa sheegtay in 2,012 qof ay dhinteen, 2,059 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo xaaladoodu liidato. Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka,ayaa sheegtay in dhulgariir uu cabirkiisu dhan yahay 6.8 uu ku dhuftay meel…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaasi oo keenay xiisad kala dhaxaysay dalalka ay biyaha wabigu u hooraan ee Masar iyo Suudaan. “Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xidheenka,” ayuu Abiy ku yiri farriin uu ku soo qoray X, oo markii hore lagu magacaabi jiray Twitter. Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo wadaxaajoodka saddexda dal uu 27-kii August dib u billowday. “Waxaa jiray caqabado badan, marar…

Read More

Waxaa Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Puntland loo doortay Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane. Dhaashane,ayaa horay uga mid ahaa Xisbiga Kaah,balse Maalin ka hor,ayuu iska casilay xubinimadii Xisbiga. Todobaadkii hore,ayay ahayd markii Golaha Dhexe ee Xisbiga Shaqaalaha uu xilkii ka qaaday Gudoomiye Cabdirashiid oo lagu eedeeyay ku tagrifal awoodeed iyo musuq. Dhaashane,waa Siyaasi Da’a yar oo firfircoon lehna han iyo aragti uu hiigsanayo. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1700839389172015576?t=kk0Dv0oZkLkuqOPFN_vC4A&s=19

Read More

A multinational rail and ports deal linking the Middle East and South Asia will be announced Saturday on the sidelines of the G20 summit in New Delhi, a White House official said. The pact comes at a critical time as U.S. President Joe Biden seeks to counter China’s Belt and Road push on global infrastructure by pitching Washington as an alternative partner and investor for developing countries at the G20 grouping. The deal will benefit low and middle-income countries in the region and enable a critical role for the Middle East in global commerce, Jon Finer, the U.S. deputy national…

Read More

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 6.8,ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Morocco, waxaana ku dhintay ugu yaraan 820 Qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi. Meesha xudunta u ah,ayaa ku taalla buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan Magaalada Marrakesh, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka. Dhulgariirka,ayaa dhacay 23:11 Wakhtiga Maxaliga ah (22:11 GMT) Jimcihii. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/POC2BBxz3X8?si=8etwX3DI2wZryNWJ

Read More

Ururka Midowga Afrika oo ka kooban 55-Dal oo xubnaha ka ah,ayaa yeelan doona maqaam la mid ah kan Midowga Yurub. Hindiya waxay u doodaysay ka mid noqoshada AU-da muddo Bilo ah. Sidoo kale Wadamada Russia, US, Australia iyo Japan,ayaa taageeray tallaabadan kadib markii Madaxweynaha Senegal Macky Sall uu soo jeediyay 2022-kii markii uu ahaa Guddoomiyaha Midowga Afrika. Waddamada Afrika,ayaa heli doona Madal caalami ah oo ay ku muujiyaan dhibaatooyinka ay la kulmaan waddamada soo koraya, iyo sidoo kale inay wax weyn ka sheegaan go’aannada iyaga khuseeya marka ay gaaraan waddamada barwaaqaysan. Aduunka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/A1qFIjVzUQ4?si=QTpDV9-Sh1Q45Jwu

Read More

Cabasho xoog badan,ayaa ka imaanaysa Shacabka Puntland,taasoo ku socota Shirkada Diyaaradaha Itoobiyaan Airlines. Cabashadu,waxay ku salaysan tahay Qiimaha Tigidhada,gaar ahaan Bosaso-Adis-ababa. Sida saxda ah Qiimaha Tigidka Bosaso-Adis,waa $370 Tagid iyo soo laabasho. Balse Xaafiiska Shirkada Itoobiyaan Airlines ee Bosaso,ayaa ku jara Tigidka $600,waxaana dul saar u ah $230. Markaad Adis ka goosato Tigidka ama Online-ka,waxaad Shirkada ushubaysaa Lacag dhan $370. Balse Xaafiiska Bosaso si uu uga hor tago in aan Dadku kasoo goosan Adis ama Online,wuxuu khasab ka dhigay in Xaafiiska Bosaso kaliya laga jarto Tigidka oo aysan aqbalayn mid laga jaray Adis ama Online-ka. Wakiilka rasmiga ah ee Shirkada…

Read More

Xisbiga Shaqaalaha oo ka mid ah Xisbiyada Puntland ee Siyaasada,ayaa inqilaab lagu kala qaaday. Golihii Dhexe ee Xisbiga,ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Cabdirashiid Sh.Maxamuud,waxayna kmg ahaan Xisbiga hogaamintiisii ay udhiibeen Gudoomiye xigeenkii. Sidoo kale,waxaa la badalay Xubintii ku matalaysay Gudiga Doorashada ee Gudoomiyihii Xilka laga qaaday uu horay umagacaabay. Sida xogo hoose ay sheegayaan maalmo kadib,waxaa la filayaa in Gudoomiye loo doorto Xil.Dhaashane. Xilka qaadista Gudoomiyaha,ayaa Golaha Dhexe ucuskadeen ku tagrifal awoodeed iyo lunsasho dhaqaale Xisbiga magaciisa lagu helay. Inqilaabkan,ayaa xogo hoose oo lagu kalsoonaan karo,waxay sheegayaan in ay isku bahaysteen Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xil.Dhaashane. Xubinta Gudiga Doorashada ku matalaysa…

Read More

Cadaadiska Beesha Caalamka oo Maraykanku hormuud ka yahay,ayaa Labada dhinac ku khasbay in ay dabac muujiyaan. Deni oo sii socodkiisii kula kulmay Adis-ababa Saraakiil Maraykan ah,ayaa aqbalay in uu soo gudbiyo waxa uu ka rabo awood qaybsiga Siyaasadeed ee Dowlada Fadaraalka. Sida xoguhu sheegayaan ,Deni,waxuu ballamay soo laabadkiisa in uu soo gudbin doono tabashadiisa ku Aadan Awood qaybsiga Siyaasadeed. Marka laga soo tago khilaafka Dastuuriga ah ee ka dhex jira Dowlada Dhexe iyo Puntland,waxaa iyaduna khilaaf weyn ka jiraa awood qaybsiga Siyaasadeed. Jibril Qoobey.

Read More

13-hogaamiyayaasha caalamka kuwa ugu awooda badan,ayaa iskugu tagey Hindiya oo Sanadkan uu ka qabsoomayo Shirka G-20. Sidoo kale 14-Madax hay’ado caalamiya,ayaa iyaguna gaaray Caasimada Hindiya ee New-Delhi. Waxaa kaloo Shirka goobjoog ahaan loogu casumay 9-Wadan oo aan Xubin ka ahayn G-20. Shirkan,waxaa ka baaqday hogaamiyaha Shiinaha oo ah Wadanka Labaad ee ugu Dhaqaalaha weyn caalamka,iyadoo baaqashadiisa aan si waadix ah loo ogayn waxa sababay,waxaase xogo hoose ay tilmaamayaan in uu jiro khilaaf dhanka Xuduuda ah,gaar ahaan Wabi Labada Wadan ee Hindiya Shiinaha isku xira. Sidoo kale,waxaa Shirka ka maqan Madaxweynaha Ruushka Putin oo ay saamaysay Dacwada ay kusoo oogtay Maxkamada…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Hajji. Ahmed E. Osman Karaash ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Huteel Nugaal. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1699423950994870298?t=UX0i9qtrs9nC_5tU5WTohg&s=19 Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaan hore Siciid Diiriye oo ah Mulkiilaha Huteelka sida uu uga qayb qaatay Shaqa abuurka bulshada iyo maal-gashiga joogtada ah ee uu dalka geliyey, isaga oo xusay kaalinta weyn ee uu ka qaatay Nabada iyo Horumarka Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Alle Caafimaad Sareecana uga baryey Xildhibaanka oo safar Caafimaad ugu maqan dalka dibediisa. Munaasabada waxaa ka qayb galay Wasiirka Ganasiga Puntland, Wasiirka Warfaafinta, Xildhibaano, Duqa degmada Garoowe, Suldaan Siciid Maxamed Garaase,…

Read More

Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go’naa toddoba sano. Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China oo lagu dhowaaqay bishii Maarso. Riyadh iyo Tehran ayaa xiriirka kala goostay 2016 kadib markii xarumaha diblomaasi ee Sacuudi Carabiya ay ku laheyd Iran ay weerareen dibad-baxayaal ka careysan dilka Riyadh ee wadaad shiico ahaa Nimr al-Nimr. Hoggaanka Sacuudi Carabiya wuxuu aqoonsan yahay…

Read More

Cali Jeyte,ayaa kulan 4-saac socday oo aan loo kala kicin kula yeeshay Maxaas Xasan Shiikh Xalay. Shuruudo adag,ayaa la hor dhigay Xasan Shiikh,kuwaasoo kala ah…. 1.In Saldhiga Mareykanka ee Danab loo soo wareejiyo Maxaas. 2.In Saanad Hub ah si deg deg ah Maxaas loogu keeno. 3.In Mashruuca Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Maxaas iyo mashaariicda kale si deg deg ah loogu bilaabo. Qodobadan,ayaa reer Hiiraan shuruud uga dhigeen fulintoodu in ay noqoto itus oo itaabsii. Sida wararku sheegayaan Xasan,waa aqbali waayay Shuruudahaas,waana lagu kala kacay kulan kale oo Saakay mudo Laba Saac ah socday. Waa Waji gabax kale oo Xasan kasoo wajahay…

Read More

Kadib guul darooyinkii is xig-xigay ee dagaalka argagixisada Xasan,waxa uu garow saday in uusan haysan wax uu Beesha Caalamka iyo Shirka Qaramada Midoobay la hor tago,taas badalkeeda raysal wasaare Xamse,ayuu udiray Maraykanka iyo Shirka Qaramada Midoobey. Xamse oo saaka Muqdisho ka amba baxay,ayaa sii mari doona Dalka Qatar. Xasan Shiikh,waa ku fashilmay hogaaminta Wadanka… 1.Siyaasad ahaan Dowladiisu madhaafsiisna Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Dalka,gaar ahaan Deegaamada Beeshiisu degto. 2.Dagaalka argagixisada oo uu dhaqaale ku raadinayay,waa ku fashilmay. 3.Dhaqaalaha Wadanka oo meeshii ugu hoosaysay gaaray,ayuu ku fashilmay. Safarkiisa Maxaas kadib Muqdisho,ayuu dib ugu laabanayaa,isagoon wax natiija ah ka keenin…

Read More

Argagixisada Shabaab,ayaa weerar ay kusoo qaaday Deegaanka Daaru-nicma ku qabsatay,balse gurmad ka yimid Degmada Aadan-Yabaal,ayaa ka saaray markii danbe. Daarunicma oo ka tirsan Degmada Aadan-yabaal oo horay ayay Maleeshiyada Macawisley ee Dowladu abaabushay uga saareen argagixisada. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ku dhawaad 700-Askari iyo Saraakiil door ah iyo Hubkoodii lagu xasuuqay Caws-weyne. Waa war aan wanaagsanayn oo aan farxadgelinayn Bulshada Somaliyed iyo tan caalamka. Xaqiiqdii,waa niyad jab kale oo ka hor yimid Olalaha la dhaliilay ee la dagaallanka argagixisada ee Xasan Sh. Ilaa iyo hada dagaalka argagixisada looga soo horjeedo ee guulaystay,waa kan daacada laga yahay ee Bulshada…

Read More

Waxay ahayd in uu iscasilo,sababtoo ah 700-Askari iyo Saraskiishoodii,ayaa hogaamin xumidiisa ku baaba’ay. Meeyay qorshihii Dhuusamareeb uu la Aaday ee xoraynta Ceel-buur? Maxaas Bulshada daacada ah ee reer Hiiraan,ayaa xoraysatay. Xasan dagaalka argagixisada daacad kama ah ee 10-qorshe oo qarsoon,ayuu ku dhex wataa,waana mida fashilisay. Maxay yihiin waxa agyaal ee lagu garabsiiyo Xasan oo dan Qaran ah? Ma waxaa Dan Qaran ah,dhaqaale aan sameeyee itaageer? Ma waxaa Dan Qaran ah Deegaanka aan ku matalo Siyaasada aan xoreeyee itaageer? Ma waxaa Dan Qaran ah Deegaamada kale aan usoo didayo argagixisadee itaageer? Xasan waa yaqaan waxa uu rabee Adigu maxaad rabtaa oo…

Read More

NAIROBI- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirada Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay’ado ka hawl gala Dalka Somaliya,gaar ahaan Puntland. Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini’aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin…

Read More

Gaas iyo Cumar ma aysan ahayn in ay ka qaybgalaan Space-ka Xasan soo abaabushay ee uu taageerada ku raadinayay markii Bulshada Somaliyed dhabarka ujeedisay. Cumar maba xumayn oo waxyar oo madax tusid ah,ayuu muujiyay kadibna,waa iskaga baxay. Balse Gaas,ayaa iska dhex fadhiyay oo sidii Shacabkii goobta looga tagey. Cabdiweli Waa Nin aan ogayn in isaga loo baahan yahay oo iska dhiga raqiis,waana ka xumahay in mid ka mid ah Siyaasiyiintayada waa weyn uusan han lahayn . Farmaajo ma imaan Space-ka,wuxuuna ku taageeray qoraal aan macno badan lahayn. Sh.Shariif kuma taageerin qoraal mana imaan goobta,waana dhaliilay hogaaminta dagaalka argagixisada. Deni waa…

Read More

Xarumaha dib u dhiska lagu samaynayo ee Laascaanood,waxaa ka mid ah… 1.Isbitaalka guud ee Laascaanood. 2.Guriga Maamulka Gobolka Sool. 3.Dhismaha Xaafiisyada xarunta Dowlada Hoose . Dhamaan Xarumahan,waxaa Madaafiic ku burburisay Somaliland. Shirkada Golis ee bixinaysa kharashka dib udhiska waxay mudan tahay bogaadin. Jibril Qoobey.

Read More

Sadexdii Nin ee dejistay qorshihii ka dhanka ahaa Beesha Harti Afkay ciida dareen,kuwaasoo kala ah… 1.Xasan Shiikh. 2.Ismaaciil C.Geelle. 3.Muuse Biixi. Maxay ku heshiiyeen? 1 Isbahaysi Siyaasadeed iyo mid Ganacsi oo Xamar,Jabuti iyo Hargaysa ah. 2.Beesha Daarood oo laga ilaaliyo Kursiga Madaxweyne mar danbe . 3.Beesha Harti oo laga ilaaliyo Cadka matalaad Siyaasadeedka Beesha Daarood in ay qaadato. Xasan waa fashilmay? 1.Isku wadidii Wadanka,waa ku fashilmay. 2.Dagaalkii argagixisada,waa ku fashilmay. 3.Fulinta Barnaamijyadii hor tabinta lahaa,waa ku fashilmay. Muuse waa fashilmay? 1.Rajadii Gooni goosadka oo luntay. 2.Qorshihii Somaliya iyo Somaliland oo xirmay 3.Hub lagu qiyaasay $15-Milyan iyo ku dhawaad 3-kun oo…

Read More

Caawa,waxuu qirtay in hogaamintiisii Wadanka uu ku fashilmay,waxaana hadalkiisii Space-ka lagu soo koobi karaa Sadex arimood oo kala ah…. 1.Qorshihii aan udajiyay dagaalka Shabaab,waa fashilmay. 2.Dagaalkii Shabaab,waan joojiyay,Ciidankiina Xeryahoodii,ayaan dib ugu celinayaa. 3.Atmis,waxaan codsanayaa in ay sii joogto oo la baajiyo bixidooda. Dagaalka Shabaab waa waxa kaliya ee Xasan uu ka dhigtay Yool oo uu la Shir imaan lahaa haduu ku guulaysan lahaa. Balse Caawa Xasan si cad,ayuu uqirtay dagaalkaas in uu ku fashilmay. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan galabta magaalada Gaalkacayo ka daah-furay tartanka 9-aad ee ciyaaraha gobolada Puntland, ciyaaruhu waxay xoojiyaan is dhexgalka bulshada, sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaataan Nabadda, Midnimada iyo horumarka bulshada. Waxaan bogaadinayaa Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo oo sanadka marti galiyay ciyaaraha gobolada, Ciidamada Amaanka ,dhammaan kooxaha waxaan u rajaynayaa guul iyo ciyaar wanaagii lagu yaqaanay gobolada Puntland.

Read More

Badhan, August 30, 2023: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka daahfurey fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda Puntland Madasha daahfurka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland waxaa Goob-joog ahaa Guddomiyaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, xubno ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha xukuumadda, Maamulka Gobolka, Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee…

Read More

Puntland-ta kale,waajibkoodii,waa guteen oo hawlgalkii Sool,waa kasoo dhalaaleen. Beesha Sool Dhul iyo Dadba waa Xor,iyagayna Gacantoodu ku jirtaa Aayaha masiirkooda. Sadex arimood,ayaa ka haray reer Puntland-ta kale… 1.Laascaanood Gacantiinay ku baxday. 2.Cuqdad lakala dhex-dhigay Beelaha. 3.Tacadigii SNM ee Sool. Reer Sool,waxaa utaal si gaar ah Shaqo adag iyo jihayn mustaqbal oo ay tahay in ay dareemaan masuuliyadaas culayskeeda…. 1.Jihaynta Dhalinyarada Hubka Gacanta ku dhigay. 2.Jihaynta masiirka Gobolka. 3.Qaadashada doorka Qadiyadaha guud kaga aadan. Sadex arimood,waxaa laga rabaa in ay ku baraarugsan yihiin…… B.Gaadmada SNM iyo qorshahooda xiga,kadib jabka gaaray. T.Udabacsanaanta iyo saamaynta Maskaxeed ee ay SNM ku dhex yeelatay Bulshada…

Read More

Shirkii Dhuusamareeb,wax macno ah ma yeelan,waxuuna kusoo idlaaday saamayn la’aan. Sidoo kale waxii uu ugu magacdaray dagaalka argagixisada Wajigiisa 1-Aad,waxuu kusoo idlaaday faashil,markalana Wajigii Labaad waa ku ceeboobay. Qorshihii uu uyimid Dhuusamareeb saamayna kuma dhex yeelan Somalida,isla markaana Caalamku ma danayn. Ceel-buur awalba waa la tagi jiray oo waliba Sanado la joogi jiray,wax yaalana majiraan oo waa Magaalo cidlo ah oo argagixisadu go’doomisay. Haatan Xamar,ayuu kusoo laabanayaa Xasan,isagoo aysan waxba udhaqaaqin… 1.Mahayo Dal midaysan. 2.Ma hayo qorshe Dowladeed. 3.Mahayo dagaal argagixiso. Dadaal walba iyo dhaqaale walba oo uu geliyay Saxaafada saamayn ma yeelan igu Sawirtiisii. Jibril Qoobey.

Read More

Garowe, August 28, 2023: Wargalin shaacinta Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Maanta oo taatiikhdu tahay 28/08/2023, waxaa shir wadatashi ah oo ku aadan Fariisinta Goleyaasha Degaanka ee la soo doortay isugu yimi Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Xisbiyada Siyaasadda DPL. Wadatashi dheer kadib, Waxaa la isla qaatay in fariisinta Goleyaasha Deegaanka guud ahaan Gobolada oo dhan laga bilaabo 05/09/2023, markii laga reebo Degmada Baran oo ah Meesha laga daahfurayo fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay. Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, waxay idin ogaysiinaysaa in maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha ay…

Read More

Beesha Caalamka ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay jabka ciidamada maamulka Somaliland lagu gaarsiiyay dagaalkii jimcihii ka bilowday duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo sababay in ciidamada Biixi lagala wareegay ilaa deegaanka Guumeys oo qiyaastii 20-KM u jira magaalada Oog. WAR-SAXAAFADEED KASOO BAXAY BEESHA CAALAMKA. Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada. Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo.…

Read More

Haday jirto Dowlad Somaliyed iyo Madax Qaran oo Dhuusamareeb ufadhiya Dan Ummadeed,waxaan ka rabnaa in ay taageeraan guusha Gooja-cade ee Shacabka SSC. Berri Warmurtiyeedka kasoo baxaya,hadii isku si loo bogaadin waayo Gooja-cade iyo Ceel-buur,wax walba waa cad yihiin. Xasan waxuu noqonayaa si rasmi ah Madaxweyne Beel gaar ah oo waxuu lumin doona maqaamka Madaxweyne Qaran ama waxuu xaqiijin doonaa in uu hayo masuuliyada loo dhaariyay. Madaxda kale ee DG,waxay iyaguna umuuqan doonaan Rag aan waxba gelin oo lahayste u ah Xasan dantiisa. Xujaa hortaalla Shirka Dhuusamareeb. Jibril Qoobey.

Read More

Talyihii iyo Labadiisii ku xigeen ee Ciidanka Gor-gor, waa la dhaawacay. Ciidan door ah,ayay ku laysay argagixisadu Deegaanka Cawsweyne,waxayna nolol ku kaxaysteen Tiro Askar ah 18-Beebe,ayay Gacanta ku dhigtay,halka ay gubeen 9-kale argagixisadu. Waxay kala jareen gurmadyadii Ciidanka,iyagoo burburiyay difaacyadii Ceel-buur. Waxa kaloo aad usii kordhaya khasaaraha Ciidamada Gorgor ee Cadowgu ku miray deegaanka Caws-weyne. Ciidanku 4-saacadood ayey gurmad dalbanayeen Laakiin looma jawaabin. Ceel-buur waa Magaalo cidlo ah oo go’doon ah,Askarta tagtayna,argagixisadu sidan ayay ugaadi karaan Saacad walba. Dad badan,ayaa ku doodaya in uusan Xasan wadin Dagaal argagixiso ee igu sawir caalamka taageero uu uga raadsanayo ay socoto. Jibril…

Read More

Diyaarad uu saarnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Shacab kale,ayaa kasoo degi wayday Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Jen.Maxamed Abshir. Sadex jeer ayay ku noqo-noqatay,wayse usuuroobi wayday in ay cago dhigato Garoonka. Diyaarada,waxaa qabsaday cillad,taasoo sababtay in ay degi waydo,balse nasiib wanaag,waxay ku degtay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Nayrobi oo ay dib ugu soo laabatay. Gudoomiyaha,ayaa haatan ku sugan Nayrobi,waana baajiyay Safarkiisii Maanta ee Garowe.

Read More

Xisaabka xirka dagaalka? 1.80-km Dhul ah,ayaa laga sifeeyay,waxayna Ciidanku Difaac ka xirteen 16-km meel ujirta Oog. 2.120-Maxbuus,ayaa laga qabtay oo uu ku jiro Talyihii Ciidanada hogaaminayay. 3. 100-Gaari oo ay ku jiraan 4-Taangi iyo 8-Beebe iyo 25 iskugu jira Suu iyo Tarantasate,ayaa Gacanta looga dhigay. 4.Hubka la qabtay,waxaa ku jira mid Maraykan ah,waxaana guud ahaan Geeska Afrika Hubka Maraykanka haysta Jabuti. 5.Siyaasadii Juquraafi ee Dalka way isbadashay,waxaana soo afjarmay,waxii la oran jiray Somaliya iyo Somaliland. Beelaha Harti,waxay gaareen guul taariikhiya,waxayna muujiyeen Cududooda Jamhuuriyada ay ku dhex leeyihiin. Waa dagaal Juquraafi,Siyaasad iyo Milleteri huwan oo Beesha Harti ku xaqiijisay saamaynteeeda,awoodeeda iyo…

Read More

Muuse Biixi,Ina Kaahin iyo Nuux Taani oo wada xoogaa gurmad Ciidan ah,ayaa soo aaday Oog si ay u ururiyaan habqanka Ciidankooda,isla markaana ay uga difaacaan Habarjeclo Ciidamada Difaaca Sool ee haatan ku sugan Gumays. Waxaa jkra ilaa 55-Gawaarida dagaalka ah oo Ciidamada SL ah oo ku firxaday Dhulka Dhoodiga ah,kuwaasoo lunsan. Ciidamada Somaliland,ayaa markii Xabafu kululaatay Askari walba Gaarigii uu saarnaa la cararay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1695047669197029627?t=SGfr_qc_iqjKVXTBjhw06Q&s=19

Read More

Weerarkan,waxuu ahaa mid la qorshaynayay 6-dii Bilood ee udanbeeyay,waxaana laysku duba riday Saad iyo Ciidan door ah oo ay ugu danbeeyeen Labadii Taangi. Saakay 3-dii Habeenimo,ayaa Ciidan ismiidaamin ah oo gaaraya 500-Askari lakala dhexgeliyay Difaacyadoodii Gooja-cade. Ciidankaas dhabarka ka jabiyay Maleeshiyada SNM,waa kuwa khasaaraha ugu badan soo gaaray,waxayna ka koobnaayeen dhamaan Beelaha Harti. Khasaaraha soo gaaray SNM ee iskugu jira Hubka,Dhimashada,Dhaawaca iyo Maxaabiista inta la xaqiijiyay,waa….. Dhimashada iyo Dhaawaca rasmiga ah weli ma sugna marka laga soo tago war Suuqa. Maxaabiista la xaqiijiyay waa 65-Maxbuus. 4-Taangi. 3-Beebe. 2-PM ama D-30. 15-Suu/37. 25-Cabdibile ah isugu jira Baroono/ Dhashiike/ Shilke. 15-Baabuurta waaweyn…

Read More