Dadaalkii uu ku doonayay in isaga iyo Deni lagu dhex-dhexaadiyo,waxuu Axmed ula galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Nayrobi,ayuu kula kulmay Axmed Gudoomiye Abwaan Jibril,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Jubaland. In uu aqbalay Abwaan Jibril ergada Axmed ula yimid ma cada. Maalmahan Axmed,waxuu waday dadaal uu ku baadigoobayo heshiis la dhex dhigo Deni. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Axmed Fiqi si macquul ah,ayuu uhadlay kulankii Maanta,waxuuna sheegay…. 1.In uusan ahayn kulankan mid Siyaasadeed oo uusan wakiil ka ahayn Dowlad ee uu yahay Oday Beesha Sacad ka dhashay oo utaagan ka shaqaynta amniga Gobolka. 2.In uusan ku raacsanayn warka kasoo baxay Hanti dhowraha Xamar ee ka dhanka ah Dekeda Garacad. 3.In uu dadaal gelinayo helida Mashruuca Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob. 4.In Beesh Sacad ay ka go’an tahay ilaalinta Xasiloonida iyo wada noolaanshaha Mudug. Islaan Bashiir iyo Isimadii kale dhankooda,waxuu usheegeen Fiqi… 1.In uu yahay Wiilkoodii oo sokeeye ah oo ay soo dhawaynayaan. 2.In xasiloonida iyo Amniga Mudug lama taabtaan yahay,Fiqi…
Nayrobi,waxuu ka wadaa olale uu ku kicinayo Ganacsato iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda guud ahaan Beesha Daarood,kuwaas oo uu ku codsanayo in isaga iyo Deni la dhexgalo. Ujeedkiisu,waa socdaalka Deni ku imaanayo Nayrobi in lagu heshiisiiyo. Balse Deni oo ka war helay olalaha Axmed,isla markaana aan rabin in uu hor fariisto,ayay ubadan tahay in uu baajiyo socdaalkiisa Nayrobi. Axmed Madoobe,waxay isku soo dhaceen Xasan oo uu wax ka waydiistay Hubka uu Dhuusamareeb urarayo in wax laga siiyo si uu dhankiisa ula diriro argagixisada,balse,waxuu Xasan ugu jawaabay..”Kuma siinayo Hub ee Ciidan baan kusoo dirayaa”. Sidoo kale,waxaa hoos udhigay xiriirkii ay la lahaayeen…
Madaxweynaha Shiinaha oo ka degay Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo Shirka. Balse Putin waxay ubadan tahay in uu uga qaybgalo Aalada layska arko. Sidoo kale maalin ka hor,waxaa sii tagay Koonfur Afrika Madaxweynaha Brazil. Brics,waa loolan ay ka danbeeyaan Shan Wadan oo lagula loolamayo dhaqaale ahaan Maraykanka,kuwaasoo kala ah…. 1.Ruushka. 2.Shiinaha. 3.Hindiya. 4.Brazil. 5.K.Afrika. Dalalkan,waxay ka yihiin Dhaqaale ahaan caalamja 23%,halka Dad ahaana ay ka yihiin 40%. Ruushka oo Dalalkan ka mid ah,waxuu si weyn ugu Dhiig baxay dagaalka Ukrain. Shiinaha oo asna ku jira 5-ta Wadan,waxaa soo wajahay Sanadkan hoos udhac Dhaqaale oo balaaran. Hindiya,waxay Maraykanka uga heshay…
Dowlada imaaraatka,ayaa heshiis Ganacsi iyo maal gashi balaaran la galaysa Dowlada Itoobiya. Imaaraatka,ayaa kaalinta Labaad kaga jira Ganacsiga iyo Maalgashiga Itoobiya ee Wadamada Carbeed marka laga soo tago Sacuudiga. Itoobiya,waa dalka 3-Aad ee Dahabka ugu badan udhoofiya Dalalka Carabta. Sodoo kale waxay udhoofisaa Itoobiya Wadamada Carabta Bunka iyo Xoolaha. Itoobiya,waa Suuq Ganacsi oo balaaran,waxuuna Imaaraatku udanaynayaa in Dekadaha Fujayra iyo Jabal Cali noqdaan Ilaha koowaad ee wax looga soo dhoofiyo dalka Itoobiya,waxuuna ka wal wal qaba Dekadaha Turkiga,Shiina iyo Sacuudigu in ay kala wareegaan dhoofinta Badeecadaha Itoobiya usocda. Wadamada Carabtu waxay rabaan in ay xag sadaan kaalintooda dhaqan dhaqaale ee…
Madaxweynaha Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxammed bin Zayed Al Nahyan,ayaa maanta ka degay magaalada Addis Ababa Caasimada Itoobiya. Shiikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali. Waa kulankii Labaad oo dhexmara Abiy iyo Maxamed Bin Sayed mudo Todobo Bilood gudahood ah. Booqashada Madaxweynaha Imaaraadka ee Itoobiya,ayaa ah mid rasmi ah.
More than 60 migrants are feared dead after a Spanish fishing vessel rescued a boat off the Atlantic archipelago of Cape Verde that originally had more than 100 people aboard, authorities and migrant advocates said Thursday. Seven bodies were found on the boat and an estimated 56 people are missing at sea and presumed dead, said International Organization for Migration spokesperson Safa Msehli. According to Senegal’s foreign affairs ministry, 38 people were rescued earlier in the week near Cape Verde, about 620 kilometers (385 miles) off the coast of West Africa. The Spanish migration advocacy group Walking Borders said the…
Turkey,ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaas Khamiistii sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. “Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan. Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore. Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay…
“Alshabaab Maanta ayay ugu xoog badan yihiin taariikhda intay jireen,waxayna maamulaan Dhulweyn,oo wax helaan Lacag ka badan tan Dowladu hesho,waxayna kasbadeen Dhalinyaradeenii”Ayuu yiri M.Gaas. Hadalka Madaxweyne Gaas oo ku fadhiya xaqiiqooyin la taaban karo,ayaa sii xoojinaya warbixino horay looga qoray awooda Shabaab ee xiligan. Waa hadal cad oo xaqiuqda banaanka soo dhigay waaqiciga argagixisada Somaliya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1691215056782893056?t=Lsy4VHZz8KMH_fvRRhk8LQ&s=19
Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690562572964028416?t=eAvuJmn0aDfivUhtT6dYRQ&s=08
Shiinuhu,waxuu wajahayaa war aan wanaagsanayn oo ku saabsan koboca dhaqaalihiisa. Soo kabasha la’aanta haysata dhaqaalaha Shiinaha,kadib Covid-kii,ayaa ka imaanaysa… 1.Maalgashiga gudaha ee Bangiyada Shiinaha ee Dowlada hoose oo dhibaato ka jirto. 3.Wax iibsiga Dadka Shiinaha oo hooseeya. 4.Maalgashiga dibada oo ku kalsoonaan waayay hogaaminta Madaxweynaha Shiinaha. 12.5% koror ah,ayuu Sanadkan sameeyay dhaqaalaha Shiinaha,halka Sanadkii hore uu sameeyay 14.5% Waxaa kaloo hoos udhac ku yimid Alaabaha Shiinuhu udhoofiyo Maraykanka iyo Yurub. Warshadaha Shiinaha,ayaa mudo Sadex Sano ah markii koobaad macaamiushoodu hoos udhacday 0.3%,halka Maalgashadayaasha caalamiga ah 25-Sano kadib hooseeyaan. Waa war aan ufiicnayn dhaqaalaha caalamka ee Shiinuhu uyahay hormuudka Labaad marka…
Urur Goboleedka ay ku bohoobey Wadamada Galbeedka Afrika,ayaa shaaciyay in Ciidamadoodu udiyaarsan yihiin talaabo Milleteri oo ay ka qaadaan Saraakiisha Afgenbiday Dowladii Dimuqraadiga ahayd ee Niger. Dhanka kale,waxay warka ay soo saareen ku dareen in ay furan yihiin Albaabada Diblomaasiyada. Hadalka Ecowas,ayaa loo arkaa mid dhinacna cadaadis looga saarayo kuwa Afganbiga sameeyay,halka dhinaca kale la siinayo fursad ay dib ugu laabtaan Xeryahoodii. Maraykanka,ayaa sheegay in uu ka wal wal qabo Nolosha Madaxweynaha la Afganbiyay iyo Qoyskiisa,waxuuna Blinken si cad umuujiyay walaac xoogan oo ka jira Caafimaadka Madaxweynaha,waxuuna udigay saraakiisha hogaaminaysa inqilaabka. Ecowas,waa Urur Goboleed xoogan oo horay faragelin ugu sameeyay,Wadamada…
Golaha amaanka ee Qaramada midoobey,ayaa yeeshay kulan ay uga xaajoonayaan Cunta yarida caalamka soo wajahday. 780-Milyan oo Qof,ayaa guud ahaan caalamka ay haysataa duruuf Cunna yari,kuwaasoo intooda badan ku nool Yemen iyo Afrika. Tirada Sanadkii hore Dadka Cunna-yaridu soo wajahday Caalamka oo idil,ayaa ahayd 340-Milyan oo Qof. Laba Qodob,ayaa sal u ah Cunna yarida caalamka wal walka ku haysa,kuwaasoo kala ah.. 1.Colaadaha. 2 .Isbadalka Cimilada. Dagaalka Ruushka iyo Ukrain iyo fatahaada wax yeelaysay Dalagii Beeraha Bariiska ee Shiinaha oo ah Wadanka Beera Bariiska caalamka ugu badan,ayaa qaybta ugu weyn leh. Si kastooy tahay xal,ayaa loo heli karaa Cunna yarida caalamka…
Sa’udi Arabia iyo Srael waxay samaysanayaan xiriir rasmi ah ama si caadi ah ayay uwada dhaqmayaan oo aan colaadin lahayn. Waa qorshe Maraykanku kasoo shaqeeyay oo qsyb ka ah braahimiya,kaasoo Srael loogu samaynayo Sxbo Muslim ah. Qorshahan,waxuu hoos udhigayaa colaadii Islaamka iyo Yuhuuda,maadaama Sacuudigu yahay Boqortooyadii Carabta iyo astaantii Islaamka oo uu ku yaalo Xaramkii barakaysnaa. Sacuudigu in uu xiriirka Srael caadiyeeyo,waxay ka dhigan tahay in caalamka Islaamku aqoonsaday ama caadi u arkay Dowlada Yuhuuda. Sacuudigu,waxuu ku badashay caadiyaynta xiriirka Yuhuuda Sadex arimood oo kala ah… 1.Srael oo tanaasul weyn usamaysa Falastiin. 2.Srael oo ogolaata Sacuudiga oo samaysta Warshad Niyukler…
Qardho: 12 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Mashruuca Xalka Waara ee Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Masuuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan ayaa munaasabadda kusoo bandhigay sida loo maarynayo daadka kusoo rogmada magaalada oo ah Hab xal waara ah. Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey Sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugusoo rogmada Qardho xili roobaadka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada in ay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Masuuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soojeedin iyo farsamo shaqo ah…
Ugu yaraan 7000-Askari iyo ku dhawaad 300 oo Gawaarida dagaalka oo ay ku jiraan 7-Taangi,ayaa heegan ku ah. Waxaa haatan ku biiray Taangiyadii ugu danbeeyay ee lasoo kiciyay,kuwaasoo Cillad Farsamo ugu dayacnaa Gobolka Cayn,waxaana soo kiciyay Farsamo yaqaano reer Mudug ah. Sool waxay ka heshay guud ahaan Gobollada kale ee PL hiil buuxa oo dhan walba leh. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690369265260519425?t=npDVZkbIdx-A6-FDW8cslQ&s=19
“Ha la aamino codka Shacabka oo ha lagu tartamo ha la iska dhaafo kooxeysi”Ayuu yiri M.Deni oo ka hadlayay Qardho. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690369061002055680?t=zIrgsjMKuMn990UzJJHSfQ&s=19
Madaxweyne H.E Said Cabdullahi Deni oo ugu baaqay Xisbiyada Siyaasadda Puntland in ay ku dhiiradaan ka qeybgalka Doorashooyinka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690365898849153024?t=oNZWJkDSQdSh1BwrPrrhvQ&s=19
Isku Aadka Tartanka kubadda Cagta Gobolada Puntaland Ee ka qabsoomaya Magaalada Gaalkacyo. Halkan ka akhriso:-
Dr. Cabdiweli M. Cali Gaas oo ka hadlayay Twitter Space-ka Jibril Qoobay,ayaa ka warbixiyay arrimo badan oo la xiriira.. 1. SSC 2. Puntland. 3.DFS “Waxaan ku qancin waynay Ajnabigii noo imaanayay in ay tagaan dhulka SSC, waxay ku oranayaan wax kastoo calaamad Dowladmimo muujinaya oo ka jirta SSC ma taageeri karno”Ayuu yiri M.Gaas. Sidoo kale,waxuu ka hadlay Madaxweyne Gaas oo si weyn ubogaadiyay Dimuqraadiyada Puntland kuna tilmaamay horumar la gaaray. “Puntland meel Ilaahay loogu mahdiyo ayay joogtaa oo horumarka ka socdaa meel uu Somaliya ka jiraa majiro ee Dadku rabigood haku xamdiyaan”Ayuu yiri M.Gaas. Halkan ka dhagayso Waraysiga Gaas…
Sagaal Ciidanka Somaliland ah,ayaa ku dhintay,halka dhaawacu gaarayo 17-kale iska hor imaadka dhexmaray Jamhada Gacan Libaax”Sidaa waxaa xaqiijiyay Talyaha Booliska SL. Talyaha Booliska Somaliland oo ka waramaya khasaaraha soo gaaraya Ciidanka Somaliland ee weeraray Jamhada Gacan Libaax hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690080896626413569?t=HBv1OOLwCSMIR28fXO94Qw&s=19
Kacdoono Shacab,ayaa ka bilowday Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ee Somaliland. Kacdoonasa,ayaa lagu taageerayaa Jamhada Gacan Libaax ee ka diriraysa mudo kororsiga Muuse Biixi iyo khariirada Doorashada Xisbiyada iyo Madaxtooyada SL. Sidoo kale iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyada Jamhada Gacan Libaax iyo Ciidamada SL,ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Daawo Kacdoonka Shacabka Ee Ceeri-gaabo https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690038104269238280?t=yEB9zmZvpxINUanuUNhuCg&s=19 Daswo Calanka Buluugga ah oo la suray SL https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690037927428993032?t=7qOs9Hs9W5Uf2Cl1dELDqw&s=19 Daawo muuqaalka Kacdoonka Shacabka Burco. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1690038220006789120?t=_zYacFOd0jEIPJZBd6OhCw&s=19
Mareykanka iyo UK,ayaa ku biiray Sadex Waddan oo kala ah Japan, Australia iyo Newzealand, kuwaas oo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee Wadanka Itoobiya. Rabshado dhawaan ka dhacay Gobollada Oromada iyo Amxaarada,ayaa horseeday dhimashada Dad Shacab ah iyo xasilooni darro”Ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen. Khubarada arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa hore u sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda amnidarada ay ee Itoobiya wajahayso,waxayna Dowladda ugu baaqeen in ay xaalad deg-deg ah ku soo rogto Gobolka Amxaarada oo uu dagaal haatan ka socdo. Dhanka kale, Israel ayaa shaacisay inay soo…
Milkiilaha Shirkadda Twitter Elon Musk,ayaa xaraashaya Astaantii hore ee Twitter-ka iyo Agab kale oo Shirkaddu laheyd kaddib markii uu ka guuray astaantaas. Wuxuu iibiyay alaab gaareysa 584 oo ay ku jiraan kuraasta Xafiiska, Sawirro iyo qalabka Muusigga. Ilaa bilowgii Sanadkii hore waxay Shirkaddu isku dayeysay in ay dhinto qarashka,iyadoo shaqada ka joojisay kumanyaal Shaqaalihii Shirkadda ah. Liiska Agabka la xaraashayo waxaa ku jira calaamadda Shirkadda Shimbirta taas oo weli ku dheggan qeyb ka mid ah dhismaha Shirkadda. Xarunta Shirkadda waxay ku taal San Francisco Wadanka Maraykanka. Bishii hore waxay Madaxda Shirkada si kumeel gaar ah dhowr meel uga joojiyeen astaanta…
Shirka Golaha Wasiirada Puntland,ayaa Tdobaadkan looga hadlay… 1. Amniga 2.Diyaar garowga dhismaha Goleyaasha deegaanka. 3.Ciyaaraha Gobollada Puntland. 4.Horumarinta Machadka Tababarka Shaqaalaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland,ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Puntland “Doorashada Duq Magaalo ee Gole Deegaan,waxay udhici doontaa si Gacan taag ah oo aan qarsoonayn,”Sida uu dhigayo Xeerka la ansixiyay Saakay. Taasi waxay meesha ka saaraysaa in Xubin Gole Deegaan oo Xisbi nu fadhida ucodayso Xisbi kale. Waa Xeer Doorasho oo Qaawinaya kuwa muluq-muluqleeya ee guur -guurka badan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6XSIHd6iRkc Jibril Qoobey.
Berri,waxaa la dhagax dhigayaa Mashruucii Biyo leexinta Qardho oo loo hayo dhaqaalihiisii. Madaxweyne Deni Maanta,ayuu u anba baxay Qardho si uu Mashruucaas usoo Dhagax-dhigo. Qardho baahideeda xiligan waxaa ugu weyn ka leexinta Biyaha. Dowlada iyo Bulshada,ayaa iska kaashatay ururinta Dhaqaalaha ku baxaya Mashruucaas macnaha leh. Jibril Qoobey.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda oo gacanta ku hayay labada xeer, waxayna Golaha ka soo horjeediyeen warbixinta wax-ka-bedelka xeerarka. Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista &…
Puntland maxay ka rabtaa Baanka Aduunka iyo BC kale ? 1.In uu cad yahay qoondada Puntland ay ku leedahay mashruuc walba. 2.In qaybta hawlgelinta mashruuc kasta uu fadhiyo Puntland,awood buuxdana leeyahay. 3.In Lacagta lagu fulinayo Mashaariicda aysan soo marin Xamar. 4. In wixii Shaqaalaysiin ah iyo iib ah ay Puntland umadax bannaan tahay oo Federaalku shaqa ku lahayn. Waxaa la hakiyay dhamaan Mashaariicdii cusbaa ee Baanka Aduunku ka fulinayay PL inta laga saxayo. Dooda Puntland ee Mashaariicd Baanka Aduunka,ayaa ku salaysan in lagu dulmiyay oo 28-Mashruuc oo Baanka Aduunku ka fulinayo Somaliya ay PL 8-ka mid ah wax ka heshay,halka…
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ansixinta Tartanka furan ee iibka dhulka Dowladda Hoose ee Degmadda Garowe. Dhulkaas,ayaa cabirkiisu yahay 90×30, kadib soo jeedintii Madaxweynaha Dowladda Puntland. Dhulkaas,ayaa loo iibinayaa si loogu dhiso dhismaha cusub ee Dowladda Hoose Caasimada Garowe.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyay Ansixinta Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Goleyaashada Deegaanka Puntland. Faahfaahinta nagala socda.
Garoowe: 10 August 2023 :Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa gudoomiyay Shirka todobaad laha ah ee Hoggaanada Ciidanka Booliska Puntland. kulanka waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska S/guuto caydiid Axmed nuur Iyo Hogaanadda booliska. Shirka ayaa todobaadkan looga hadlayay Xaaladda amniga ee Puntland,Warbixinta hogaanadda dhacdooyinkii dhacay iyo qodobo kale. Baahintii Xafiiska warfaafinta Ciidanka Booliska Puntland.
Maxay yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee PL lagu taageero oo ay rabto in Wasaarada Waxbarashada Fadaraalku joojiso? Halkan ka akhriso:- 1.Global Partnership Education oo ay fuliso UNICEF,Mashruucaan waa gabagabo xiligan lacagtiisuna waxay ahayd 8.8M iyo 3.6M loogu talagalay Dugsiyada Abaaruhu saameeyeen. 2.Waxaa jirta Lacag cusub oo Somaliya la siiyay,taasoo loo qaybsan jiray Saddex Aag oo kala ah.. B.Faderaalka. 2.Puntland. 3.Somaliand. Balse hadda Wasiir Faarax wuxuu xusul duub ugu jiraa in meesha laga saaro Puntland oo loo qaybsado Somaliya iyo Somaliland. 2. Education Can not wait,waa dhamaaday xilligan, mashruucan,waxaana fulinayay Save the Children iyo CARE ,waxaa la sugayaa Lacag cusub oo la…
Xaqiiqdii waa Mashruuc la yaab leh hirgelinta Dekeda Garacad oo ay ku lamaansan yihiin dhismaha Wadada dheer ee Garacad-Goldogob iyo Magaalo Xeebeed ku taal Badweynta Hindiya. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1689424824987189248?t=IiRjxgEA4VPQFBCJ6kwVNA&s=19
Waa Talaabo Mar hore loo baahnaa in laqaado. Dowlada Puntland in ay la socoto waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya Dalka,aadbay muhiim utahay. Sigaar ah dhanka Amniga waa umuhiim la socodkan. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.
Wasaarada Maaliyada Puntland,waxay gaartay horumar balaaran 25-kii Sano ee lasoo dhaafay. Miisaaniyada Dowlada Puntland,waxay ku bilaabatay $360-kun Bishii,waxayna haatan maraysaa $30-Milyan Bishii. Xaqiiqdii waa talaabsi sare oo aan la dhayalsan karin,waxaana xusid mudan sida Bulshada looga dhaadhiciyay bixinta Canshuuraha. Waxaa hada gaba-gaba maraya Midaynta Khasnada Dowlada oo Wasaarado door ah,ayaa hirgeliyay nidaamkaas. Wasaaradu,waxay leedahay Dhismayaal ay ku shaqayso oo si casri ah loo dhisay iyo Shaqaale khibrad leh. Lama soo koobi karo horumarka ay samaysay Wasaarada Maaliyada 25-kii sano ee ay Puntland jirtay. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1689417936887271424?t=mZOnlPM7b_0w6KFUF7Peww&s=19 Jibril Qoobey.
Sawiradan waa dabaaldega Maalinta Ciidanka Itoobiya oo Baydhabo lagu qabtay waynaynteeda. Baydhabo,waa qayb ka mid ah Kilinka 5-Aad ee Somalida Itoobiya si dadban,hadii 19-Sano oo danbe lasii joogana si toos ah,ayay unoqonaysaa. Gedo waa la mid,waxaana si dadban umaamula Wardoonka iyo Milleteriga Itoobiya. Kismaayo waa qayb ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari Somalida Kenya si dadban,10-Sano oo danbe waxay toos uhoos tagaysaa Kenya. Hargaysa waa go’day oo banaan ayay taagan tahay. Yaa Qaran ah? Yaa la Xukumaa? Yaa Dowlad ah? Villa-da,Garoonka Aadan-cade iyo Dekeda Atmis ilaaliso miyaa Dowlad ah?. Shaqadii loo igmaday ee ahayd sii socodsiinta Geediga Dib udhiska Dowladnimo…
Kooxda Xasan la shaqaysata intooda badan ma rabaan Mahad Salaad in lagu badalo Qoor-qoor oo qaybna Beel ahaan ayay udifaacanayaan,qaybna sidooday Mahad udiidan yihiin. Ujeedooyinka Dhuusamareeb loo tagey,waxaa ka mid ah in Mahad Salaad loo diyaariyo Madaxweynaha Galmudug oo sumcad loo sameeyo,iyadoo loo marayo weerarka Ceel-buur. Madaxweyne Qoor-qoor,ayaa ka hor yimid in Maleeshiyada Ceel-buur loo jihaynayo uu hogaamiyo Mahad Salaad,waana sababta Xasan ugu deg-degay Dhuusamareeb,isagoo Libin udiidaya Qoor-qoor. Ceel-buur way geli karaan Maleeshiyada loo dirayo,sababtoo ah qorshaha dagaal ee argagixisada kuma jiro dagaal ka fool ka fool ah oo waa ubanaynayaan,kadibna waa ka hawlgalayaan sida horay uga dhacday Dhul badan…
Maxay kala yihiin Mashaariicda waa weyn ee lagu taageero Waxbarashada Puntland….. 1.Global Partnership Education oo ay fuliso UNICEF. 2. Education Can not wait,waxaana fulisa SAVE the Children iyo Care. 3: Waxbarashadu Waa Iftiin 7.5M ah oo uu ku deeqay midawga Yurub waxaana fuliya CARE iyo Save. 4. Mashruuca quudinta Dugsiyada oo ay ka faa’daystaan Arday badan iyo 116-Dugsi oo ku kala yaal 9-ka Gobol ee Puntland ayna fuliso WFP. 5.Mashruuca World Bank ee loo yaqaan RCRF oo taageera 80% Gunnada 2117- Macallin oo kala jooga 9-ka Gobol ee Puntland ayna dawlada Puntland ku kabto 20%. 5-taasaa ugu waa weyn uguna…
Somaliya,waxaa wax loo qaybiyaa Sadex qaybood oo kala ah… 1.Somaliland. 2.Puntland. 3.Bartamaha iyo Koonfurta. Dowladihii Faroole iyo Gaas oo xeerinaya in Dowladnimada Somaliya soo kabashadeedu dhaqaaqdo,ayaa tanaasul ka sameeyay arimo dhawr ahaa… 1.In Somaliya KMG laga saaro oo loo aqoonsado Dowlad rasmi ah. 2.Heshiiskii Baydhabo ee Khayraadka. 3.Usoo wareejinta Xamar Hawada Somaliya. 4.Barnaamijkii (New Deal). Haatan Dowlada Deni hogaaminayo way ka hawlgashay ka daba taga arimahaas lagu deg-degay Saxiixooda. Way ku guulaysatay Qodobo dhawr ah,iyadoo iska caabisay cadaadiskii BC iyo dagaalkii Villa Somaliya. PL waxay ku adkaysatay in dib loogu laabto wax qaybsigii Sadexda Waaxood ilaa inta laga helayo Dowlad…
Garoowe: 08 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Puntland, Kaasi oo ku qabsoomay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta ayna ka qeybgaleen inta badan Wasiirada ku shaqo leh Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha, Mashaariicda iyo Arrimaha Bulshada. Kulanka ayaa waxaa looga dhawaaqay in la dhiso Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland ( Puntland Economic Development Council), talaabadaasi oo mid wax weyn kusoo kordhinaysa adeega dowladnimo ee loo hayo Bulshada. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Halkaan ka akhriso Wax-ka-bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah Dawladda Puntland kaas oo lagu soo saaray Faafinta Rasmiga ah. https://puntlandparliament.com/wp-content/uploads/2023/08/Wax-ka-bedelka-Xeerka-Shaqaalaha-Rayidka-ah-Puntl_230808_112316.pdf Halkan ka akhriso:-
Diblumaasi sare oo Mareykan ah,ayaa sheegtay in uu wadahadallo furan oo adag la yeelatay taliska millateriga Afgembiga kula wareegay dalka Niger. Victoria Nuland, oo ah ku simaha ku xiigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka,ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Afgembiga kula wareegay dalka aanay ogolaan in ay Dalka dib ugu soo celiyaan nidaamkii dimuqraadiga ahaa. Sidoo kake waxay sheegtay in ay ka hor istaageen in ay la kulanto Madaxweynaha xilka laga qaaday, Mohamed Bazoum. Xubnaha Ururka Dhaqaalaha ee Wadamada Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS,ayaa lagu wadaa inay kulmaan khamiista. ECOWAS,ayaa hore Taliska Millateriga Niger ugu sheegay in ay qaadi doono tallaabo…
Deegaanka Amxaarada ee Itoobiya,waxaa ka socda dagaal xoog leh oo u dhexeeya Maleeshiyaad Deegaanka ah iyo Ciidamada Dowladda. Magaalooyinka Bahir-Dar iyo Gonder,ayaa dagaalka ugu xooggan ka socdaa. Dagaalkan,ayaa laysku adeegsaday Hubka cul culus oo ay ku jiraan Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn,waxaana muuqata in uusii xoogaysanayo. Sidoo kale dagaalka,ayaa ka socda Magaalada Warshadaha caanka ku ah ee Debrebirhan, oo 130km ama 80-Mayl dhanka Waqooyi ka xigta Caasimada Wadanka ee Addis Ababa. Adis-ababa,waxaa iyadana ka socda xariga loo gaysanayo Siyaasiyiinta,Wariyayaasha iyo Dadka kale ee udhaqdhaqaaqa danaha Dadka Qowmiyada Amxaarada.
Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland oo lagu soo saaray faafinta Rasmiga ah,ayaa la sii daayay. Halkan ka akhriso:- Halkaan ka akhriso:- https://puntlandparliament.com/wp-content/uploads/2023/08/Xeerka-Khayraadka-Biyaha-Puntland_230808_110103.pdf
Garoowe, Augusto 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Hindse-xeereedka Maamulka Maaliyadda Guud ee Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda kaas oo ka kooban 70 Qodob. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, Guddiga ayaa Golaha warbixin ka horjeediyey kadib akhriska 2aad ku sameeyn. Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista &…
Garoowe: 08 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Gary Mackuk iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Qorshaynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo La-taliye Madaxweyne, ayaa looga hadlay dardargelinta Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Dowladda iyo Hay’adda Care International, sida Horumarinta Waxbarashada Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Muuse Biixi,ayaa go’aamiyey in Doorashada Madaxweynaha iyo Xisbiyada Somaliland ay dhacdo… 1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023. 2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024. Waxayna u dhignayd Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023 Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka. Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u…
Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xiray hawada dalkaasi ilaa amar dambe,iyaga oo sabab uga dhigay hanjabaad faragalin milatari oo kaga imanaysa deriskooda. Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujineysa in hadda aysan jirin wax diyaarad ah oo jooga hawada Niger. Kooxda Galbeedka Afrika ee Ecowas, ayaa mar sii horreysay ka digtay inay awood u adeegsan karto haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loo soo celin talada kama dambeys 23:00 GMT ee Axadda.
Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaa ku eedeeyey maleeshiyada gobolka Amxaara inay isku dayayaan inay afgmabiyaan dowladda federaalka iyo tan gobolka, kadib maalmo ay socdeen dagaallo keenay in dowladda ay ku dhowaaqdo xaalad deg deg ah. Dagaallada u dhaxeeya maleeshiyada Fano iyo ciidamada qaranka ayaa sii socday dhammaadkii toddobaadka. Dadka degan Gondar, magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Amxaara, ayaa sheegay in hub culus oo billowday Axaddii ay dhacayeen illaa subaxnimadii Isniinta. Dagaalka ayaa durba noqday xaaladda amni ee ugu darran Itoobiya tan iyo markii dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray, oo deris la ah gobolka Amxaara, uu dhammaaday bishii November.…
Tagidii Ruushka iyo hadalladii sida fudud uga soo baxay,waxay ugu kaceen qiimo weyn Ra’isalwasaare Abiy. Durba,waxaa Dab looga shiday Deegaanka Amxaarada,waxaana loo maaliyay Eretereya. Maleeshiyada Amxaarada,ayaa si fudud loogu sahlay Hub iyo Saad fara badan in ay Gacanta ku dhigaan. Eretereya oo ay sii kala fogaanayeen,kana falcelinaysa hadalkii ugu danbeeyay ee ahaa (Waa in Itoobiya heshaa Deked) oo in badan la fahansan yahay in uu ku wajahnaa,ayaa ka faa’idaysanaysa fursadan,waxayna garab utahay Maleeshiyada Amxaarada. Reer Galbeedku,waxay Abiy ku karbaashayaan dabacsanaanta uu umuujiyay Ruushka. Abiy,waxaa lagu tilmaamaa Nin fudud oo aan muujin deganaansho iyo bisayl Siyaasadeed. Jibril Qoobey.
Wajigii Labaad waxa kooxda Villa Somaliya ay ugu yeertay dagaalka argagixisada,wuxuu umuuqdaa mid fashilmay. Hadaba maxaa fashiliyay? 1.Gudaha Wadanka? Looma diyaarin qorshe Qaran,loomana abaabulin si Qaran, Majirto Siyaasad Qaran oo lagu midaysan yahay iyo Ciidan Qaran,waana mid ka mid ah fashilka yimid. 2.Dibada Wadanka? Waxaa la waayay ballanqaadkii BC ee ahaa Garabka ugu muhiimsan ee lagu xisaabtamayay. Indhihii caalamka,waxaa qaatay Niger iyo Galbeedka Afrika Afganbiyada kasoo cusboonaaday. Sidoo kale Haiti iyo hawlgalka Kenya hogaaminayso,ayaa jiitay taageeradii BC. Jabuti waxay sheegtay in ay diyaarisay 2000-Askari,balse Qalab iyo dhaqaale uma hayso. Itoobiya,waxay ku xisaabtantay dhaqaale uu bixin lahaa Imaaraadka oo la waayay…
Tagida Xasan Shiikh ee Dhuusamareeb,waxay daaran tahay Sadex Qodob oo kala ah… 1.Ka jeedinta Indhaha Dadweynaha fashilka Dowlada. 2..Ka jeedinta Indhaha BC fashilka Wajigii Labaad ee dagaalka argagixisada iyo guud ahaan Dowlada. 3.Isku muujinta Oday Beesha Hawiye markale. Shaatiga uu huwanayo,waa xoraynta Magaalada Ceelbuur iyo in Beesha Murursade iskugu muujiyo Nin wax uqabanaya oo ka jawaab celinaya cabashadoodii. Balse,iyadoo Xasan isku muujinayo Oday Beesha Hawiye isku wadi kara,ayuu hadana wadaa qorshe jalaafo ku ah Beesha Murursade markale,kaasoo ah in Ciidamada loo isticmaalayo dagaalka Ceelbuur ay yihiin kuwo Beesha Habargidir oo kaliya. Beesha Murursade oo qorshahan ka carootay,ayaa si buuxda utaageertay…
Gudiga Khaatumo loo doortay,waa mudan yahay in la bogaadiyo oo lasoo dhaweeyo. Sida loo dhisay,waxay ka turjumaysaa baahida xiligan jirta ee Waaqiciga ah. Sadex Qodob,ayaa horyaala oo ay tahay in uu ka miro dhaliyo… 1.Xoojinta midnimada Beesha Dhulbahante dhexdeeda ah. 2.Difaaca Sool. 3.Jihaynta Mustaqbalka Siyaasadeed ee Beesha Dhulbahante. Gudiga Khaatumo iyo hogaamiyayaasha loo doortay,waxaan urajaynaynaa in ay ku guulaystaan Shaqada loo igmaday. Puntland,waxay taageeraysaa wax walba oo ay doortaan kuna midoobaan Shacabka reer Sool. Jibril Qoobey.
Axmed Madoobe,waxuu uyimid Xamar Laba Qodob oo kala ah… 1.In la mideeyo dagaalka argagixisada Wajigiisa Labaad. 2.In dhaqaalaha,Saadka iyo Ciidanka wax laga siiyo Maamul ahaan. Axmed waa ku qaday codsigiisa oo Xasan waa ku Gacansayray. “Hubka,Dhaqaalaha iyo Ciidankuba Anaga naga badna”Ayuu Xasan ku yiri Axmed. “Sidoo kale dagaalka isku mar mawada bilaabi karno oo naguma filna awooda aan heli karno hada”Ayuu Xasan ku yiri Axmed markale. Waxaa fashilmay qaybtii JL iyo KG ee Wajiga Labaad dagaalka argagixisada,kaasoo ay fulin lahaayeen Ciidamo isku dhaf ah. Itoobiya oo hogaamin lahayd hawlgalka,ayaa hakisay Ciidankeedii,waxayna ku dooday in aysan helin taageero dhaqaale iyo mid…
Garowe, August 06, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kala wareegay buugga xogta guud ee xubnaha ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dowladda Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland TPEC Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliso Xoghayaha Guud ee Guddiga Marwo Ubax Abshir Cabdullaahi kala wareegay buugga Liiska xubnaha ku soo baxay Goleyaasha…
Halkan ka dhagayso https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1687946983665733632?t=kh9ByUEl3PxSayR4RQO54Q&s=19
Bosaso waxay ka muujisay dadaal Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Puntland. 10-ka ugu sareeya kaalmaha,waxay heshay 5-ka mid ah Bossso. Waa wax lagu farxo oo mudan in la bogaadiyo Macallimiinta,Maamulka Iskuulada,Gudoonka Waxbarashada Bari iyo Ardayda. Waxaa ceeboobay Gudoonka Waxbarashada Mudug,Macallimiinta,Maamulayaasha Iskuulada iyo Ardayda oo hoos uga dhacay heerkii ay joogi jireen. Guud ahaan Ardayda reer PL ee ku baastay Imtixaankan,waa bogaadinaynaa,kuwa ku dhacayna,waxaan leenahay dadaal wacan markale. Wasaarada Waxbarashada Puntland hanbalyo,shaqo adag,ayaad qabateen. Jibril Qoobey.
10-ka Arday ee ugu sareeya Dugsiyadda Dhexe ee Puntland. Celceliska Maadooyinka sida ay u kala sareeyeen. Natiijada Imtixaanka Ardayda gudubtay iyo Ardayda dhacday. Tiradda Imtixaanka u fariisatay Fasalka 8aad Dugsiyadda dhexe ee Puntland 2022-23. Celceliska maadooyinka Fasalka 8-aad Dugsiyadda dhexe Ee Puntland 2022-23.
Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo shidaal siday,ayaa waxaa duqeeyey oo naafeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine. Markabka,ayaa lagu dhuftay marinka Kerch ee u dhexeeya Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee la haysto. Waxay keentay in muddo kooban la hakiyo isu socodka waddada iyo buundada tareenka ee Marinka. Booyada, SIG, waxaa soo gaaray burbur xaddidan laakiin waxay lumisay awoodda matoorka iyadoo aysan wax shidaal ah daadan. Dhowr xubnood oo ka mid ahaa kow iyo tobankii shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen muraayado jabay. Labo doomood,ayaa goobta soo gaaray si ay u caawiyaan. Weerarkan,ayaa ah kii ugu horeeyey ee…