Author: Jibril Qoobey.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay la xiriira musuqmaasuq, isaga oo ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska iyo saraakiisha Pakistan. “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta. Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad. Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay…

Read More

Qaramada Midoobey waxay Dowlada Somaliya usoo jeedisay in ay horumar ka samayso 12-ka Bilood ee soo socda 8-Qodob oo kala ah…. 1. Heshiis Siyaasadeed oo DG iyo Dowlada Dhexe ah. 2. La-dagaaalanka Musuqa. 3. Horumarinta Dowlad wanaagga. 4. Dhowrista nidaamka loo marayo deyn cafinta. 5. Hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka. 6. Ka miro dhalinta wadahadalada SL. 7. Dib u habeynta Cadaaladda. 8. Dhameystirka bixidda Ciidamada Midowga Africa si xasiloon. Qaramada Midoobey,ayaa qoramadeeda ku sheegtay in intaas lagu gaari karo xasilooni siyaasadeed iyo Dowladnimo taam ah oo caalamku la fal galo. Soo jeedinta QM,waa amar dadban oo hadii la qaadan waayo go’aamo…

Read More

The following is attributable to Spokesperson Matthew Miller: Secretary of State Antony J. Blinken spoke with Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry on shared efforts to advance regional stability, including through intensified coordination to end the conflict in Sudan, to support UN Special Representative Bathily in mediating a path for successful elections in Libya, and to advance equal measures of security, dignity, and prosperity for Israelis and Palestinians. The Secretary affirmed full U.S. support for a diplomatic resolution on the Grand Ethiopian Renaissance Dam that safeguards Egypt’s water needs and advances the interests of all parties. The Secretary welcomed the recent…

Read More

Mideeye in uusan Dimuqraadiyad rabin oo Lug ugu jirto,mid kalena banaanka utaal waa cadaatay. Deni danihiisa Siyaasadeed iyo danaha guud ee Bulshada Puntland,ayaa is qaatay,waana midaas mida uu ka faa’idaysanayo,marka Siyaasigii aan fahmin oo aan la jaanqaadin Bulshada rabitaankeeda,sida Aaran-shaydaan,ayuu daadku qaadayaa. Waxaa la filay Siyaasiyiinta Mideeye in fahamkoodu sareeyo oo la goos-goosiga Deni ay la gashanayaan hadba Shaatiguu xirto,markanse waa Ilduufeen oo Deni,ayay fursad siiyeen. 600-kun oo Wiilal Cadaan ah,ayaa unaf waayay xorayntii Ninka Madow ee Maraykanka,haatan waa in 600-Wiil oo si gaar ah kasoo jeeda Beesha MS ugu Naf waayaan ka gudbida ( Laandheere Qabiil iyo ugudbida Laandheere…

Read More

Xisbiyadu waa Sideed,hadii mid qaadacay Doorashada 7-da kale,ayaa galaysa loo dhutin mahayo. Sidoo kale Gudiga Doorashada waa 14-Xubnood,hal Xubin looma hakanayo oo kooramku waa udhan yahay. Mida kale Xisbigii isticmaala awood,waxuu luminayaa Xisbinimada sida Xeerarku dhigayaan. Qaadacidoodu,waxay fursad utahay Xisbiyada kale oo ka faa’idaysanaya Taageerayaashooda. Waraaqdaan sidaan xogta ku helayo,waxaa soo saaray garab ka mida Ururka Mideeye,waxaan sugnaa waa Garabka kale oo ka hor yimaada Saacadaha soo socda. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Trump,ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka. Trump,ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/X3oDPKl3C2k?feature=share

Read More

Garowe, Augusto 03, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03 August, 2023 soo saaray qoraal ku saabsan muddeynta Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: – MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 113-aad, farqadiisa 1-aad. MARKUU TIXGELIYAY: – Baahida loo qabo Ansxinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa la socodsiinaya dhammaan Xisbiyadda Siyaasadeed ee Puntland in wakhtiga loo muddeeyey Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland tahay 03-09-2023 Haddii Alle idmo. Sidaas darteed, waxaan idinka rajeynaynaa inaad Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland u soo gudbisaan Golaha Wakiillada…

Read More

Madaxa Dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha la dagaallanka argagixisada Matt Jukes, ayaa sheegay in tiro badan oo dhalinyaro ah loo xirxiray laguna sameynayo baaritaanno ku saabsan dambiyo argagxiso. Sanadkii la soo dhaafay waxay tiradu gaartay 166-Qof oo lala xiriiriyay arrimo argagixiso oo ka dhacay gudaha Uk. Shantii Qof oo Dadkan ka mid ah mid,ayaa lagu warramayaa in da’diisu ay ka yartay 18-Sano. Mr Jukes,ayaa sheegay in Cudurkii Covid-19 iyo adeegsiga baraha Internedka ay saameyn ku yeesheen tirada.

Read More

Mareykanka,ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa ee dalkaas. Arrintaan,ayaana daba socota Afgambigii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Niger. Boqollaal ajaanib ah,ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal. Hoggaamiyaha AfgambigaJeneraal Jeneral Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digay faragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda. Dalka Niger waa wadan soo saara Uranium-ka kuna yaalla marin muhiim ah socdaalka Waqooyiga Afrika iyo Mediterranean-ka.

Read More

Ra’’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagay 18 sano kadib oo ay nolol wadaag ahaayen. Qoyskan kala huleelay ayaa farriin lagu baahiyay barta Instagram, ku yiri “waan sii wadi doonaan xiriirka qotada dheer ee qoysnimo kuna saleysan jaceylka,” Waxay isku guursadeen magaalada Montreal ee dalka Canada, sanadkii 2005-tii, waxayna haystaan saddex carruur ah. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’’iisul wasaare Trudeau, ayaa lagu sheegay in haddii lammaanuhu saxiixaan furiinkooda, ay wali si wada jir ah u soo muuqa karaan.

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump,ayaa Guddi xeerbeegti ah oo ku sugan Washington waxay dacwad la xiriirta inuu sifo aan sharci ahayn isugu dayay inuu beddelo natiijada doorashadii 2020-kii ee uu ku guuldarraystay,ayaa maanta oo Khamiis ah ka soo muuqan doona Maxkamad federaali ah oo ku taalla magaaladan Washington DC. Trump,ayaa lagu amray in uu maanta yimaado maxkamaddan federaaliga ah. Kiiska ayaa waxaa loo xilsaaray Garsoore federaali ah oo lagu magacaabo Tanya Chutkan taasi oo uu magacaabay madaxweynihii Trump ka horreeyey ee Barack Obama,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/5asNEq8SYTg

Read More

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen,ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka. Go’aanka dowladda ay bishii April ku gaartay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo rabshado leh ka dhaliyey gobolka Amxaara. Dadka u dhashay gobolka ayaa ku dooday in tallaabadaas ay wiiqeyso gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya. Arbacadii tagtay, ra’iisul wasaare ku-xigeen Demeke ayaa sheegay “in dhibaatooyinka amni ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ay noqonayaan kuwo walaac leh.” “Waxaan…

Read More

Garoowe: 03 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Muxammad Waare. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland. Halkan ka akhriso:- https://youtu.be/47vqf-dVyxU

Read More

1. Laamiga isku xira Bosaso Baran iyo Ceerigaabo oo gabo gabo maraya. 2: dhismaha Dekad Cusub Garacad. 3: Dhismaha Buundooyinka iyo Casriyaynta Laamiga weyn ee isku xira Bosaso iyo Gaalkacyo. 4: Casriyaynta Garoomada diyaaradaha Puntland . 5. Bilaabida Dhismo Cusub oo Laamiya Kaasoo isku Xiri Doona Garacad,Gaalkacyo iyo Galdogob. 6: Balaarinta Dekadii hore ee Puntland Bosaso. 7: Dhismaha xarumaha Dawlada Qayba Kamida Dhamaan Xarumaha Wasaaradaha Puntland Kuma jiraan wax kiro ah . 8: Gaarsiinta iyo Baahinta Adeegii Dowliga ahaa Dhul Masaafo ahaan Aad ukala Durugsan dherar ahaana gaaraya 2000-KM. 9: Qabashada Doorasho Bulsho diyaarinta Xisbiyada iyo Daadajinta Awoodaha Dowliga ah…

Read More

Hadalka Madaxweyne Deni ee SSC micnihiisu,waa… 1.PL oo aad qayb ka tihiin xiligan in aad si buuxda uga baxdaan ama si buuxda uga sii mid ahaataan ka tashta. 2.PL inteeda kale waxay idin siinaysaa fursad aad Aayihiina uga tashataan oo aad si rasmi ah iskugu raacdaan hal jiho. 3.PL inteeda kale waxay idinku bogaadinaysaa midnimadiina iyo Aayo ka tashigiina. 4.PL inteeda kale idinkuba faragelinayso Aayo ka tashagiina,waxayse idinku boorinaysaa in aad kala barataan Xabiibkiina iyo Xaasidkiina. 5.PL inteeda kale,waa idin jeceshahay,waxayna jeclaan lahayd in aad qayb ka sii ahaataan midowga PL,balse doorashada idinkaa xor u ah. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb-qaatay dabaaldega Xuska Sanad Guurada 25-aad ee kasoo wareegatay aasaaskii Dowladda Puntland 1-dii August 1998. Madaxweynaha,ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada, waxaana kala qeybgalay munaasabadda Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland , Goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ElnsvljAC54

Read More

“Dowladda aan masuulka ka ahay khaasatan golaha Xukuumadda iyo anigaba, waxaan dadka reer Puntland u sheegaya oo cod dheer ugu sheegayaa Dowladdaan aan Madaxda ka ahay, waxay diyaar u tahay inay Doorashada xiligeedi ku qabato 8-da Janaayo 2024”.Ayuu yiri M.Deni. Lix Qodob,ayaa ugu muhiimsanaa khudbada Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Deni,kuwaasoo kala ah… 1. Doorashadu waa in ay ku qabsoonto wakhtigeeda. 2. In aan la rabin muddo kordhin. 3. Diyaar u noqosho doorashada iyo adeegga Dadweynaha. 4. Waxaa la qorsheynayaa in 8-da Janaayo la qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo Xisbiyo Siyaasadeed . 5. Ballanqaadka xil wareejinta si sharaf leh oo wakhtigeeda…

Read More

Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Xariga ka jaray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhiyey Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1686046063214366720?t=MNqu7Ha_pygkclDIXYC1dQ&s=19

Read More

Garoowe: 31 July 2023: Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Xariga ka jaray Dhismaha cusub ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1686046064984375296?t=cqV6S_FiagbQX5ftdjE1Tg&s=19

Read More

Garoowe: 31 July 2023: Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Sirdoonka Puntland (PISA). Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1686046028460376064?t=mAoD6quSEJHLCgKgUj8jPw&s=19

Read More

Iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldega sanad guurada 25-aad ee Aasaaskii Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Sirdoonka Puntland (PISA). Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1686031169870012422?t=vsMUdl4ADlgCs36TSsfuTQ&s=19

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 31 July 2023, cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee Dowladda Puntland oo ah Xisbiyada warsaxaafadeedka Guddiga ka muuqd. Sidoo kale Guddigu waxay soo saareen natiijada rasmiga ah ee Doorashadii saddexda degmo iyo Doorashadii 30-ka degmo (Labada natiijo oo la isku daray ayaa noqonaya natiijada rasmiga ah ee Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka Dowladda Puntland). #codkaaguwaaxaqaaga #codkaaguwaamustaqbalkaaga.

Read More

“Afrika,waxaan kala shaqaynayaa sidii ay ku heli lahaayeen Hub,Qamadi iyo Wardoon mararka qaarkood bilaash ah”Ayuu yiri Ruushku. Waa Sadex waxyaalood oo baritaar u ah kaligood talyayaasha Kuraasta ku dhegan ee Afrika,taa badalkeedana ceeb iyo yax-yax ku ah Shucuubta Qaarada. Qamadi,Hub iyo Sirdoon uma qalanto Bulshada Qaarada in lala hor yimaado. Ugu yaraan reer Galbeedku,waa ka xishoodaan waxaas oo kale in ay masraxa lasoo istaagaan oo,waxay dantooda ku dhex darsaan arimo uqalma Bini’aadamka sida… 1.Ilaalinta Xuquuqda Bini’aadamka 2.Xoojinta Dimuqraadiyada. 3.Adeegyada Asaasiga ah ee Bulshada. 4.Taageerada Miisaaniyadaha Dowladaha. 5.Taageerida Hay’adaha gargaarka. 6.Kobcinta Dalagyada Cunnada. Markii horaba,waxaa bahdil ahayd in Putin iyo 50-hogaamiye…

Read More

Garoowe: 30 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyey Shaqaalaha Rayidka ah ee dhameystay Waxbarashada Machadka tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa muujiyey in Dowladdu dadaal ku bixisay kor u qaadista aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha si loo tayeeyo adeegyada ay Dowladdu u hayso Bulshada, wuxuuna Munaasabadda kadib Madaxweynuhu goobjoog ka noqday heshiis wada shaqeyn iyo horumarin, oo u dhexeeya Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Machadka Tababarada Shaqaalaha Kenya ee (KSG) oo ay wada shaqeyn leeyihiin machadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garowe, July 30, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa daahfurey shirka qorshayaasha Horumarinta 13 Degmo ee (2023-2027). Shirkaan oo ku saabsanaa daahfurka qorshaha shanta sano ee Degmooyinka uu ka shaqeeyo Mashruuca horumarinta Degmooyinka Puntland ee UN/JPLG, kuwaas oo dhan 13 Degmo oo kala ah:- Garowe, Gaalkacyo, Bosaaso, Buurtinle, Galdogob, Jariiban, Eyl, Dangorayo, Qardho, Caluula, Iskushuban, Qandala iyo Bayla, ayaa ugu horeyn waxaa faahfaahin kooban ka bixiyey madasha shirkana ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwanaa ee ka soo qaybgalay shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland…

Read More

Waxaan u hambalyeeynaya Kooxda Kubadda Cagta ee Degmada Galdogob, oo ku guuleystay tartankii Kubadda Cagtada ee degmooyinka Gobolka Mudug, dadaal iyo xirfwad wanaagsan ayeey soo bandhigeen waana mid boggaadin mudan. Sidoo kale Waxaan horumar u rajeynayaa Kooxda Degmada Gaalkacyo oo iyana kaalinta labaad galay, Waa boggaadinayaa Masuuliyiinta Wasaarada, Xiriirka Ciyaaraha, Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Amniga , Warbaahinta tebinaysay Koobka iyo Shacabweynaha kala taageerayey Kooxaha degmooyinka. Ciyaaruhu waxay qeyb weyn ka qaataan isdhexgalka Bulshada, nabadda iyo horumarka, Sidaasi darteed Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay Horumarinta Ciyaaraha , Garoomada cagaaran iyo dhiirigelinta dhallinyaradeenna. Hambalyo Galdogob,

Read More

Hogaamiyayaasha afgambiga militari ee Niger ayaa sheegay in urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS uu sameyn karo faragelin militari oo dhow. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ECOWAS ay shir aan caadi ahayn ku qabsanayso caasimadda Nigeria ee Abuja, si ay uga wadahadlaan cunaqabataynta suurtagalka ah ee ka dhanka ah kuwa awoodda qabsaday. War qoraal ah oo ay soo saareen golaha milateriga ayaa lagu sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa in la ansixiyo qorshaha gardarada ah ee ka dhanka ah Niger, iyadoo lala kaashanayo dalalka kale ee Afrika iyo qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka. Askarta afgambiga geystay ayaa xabsiga…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa sheegay inaanu diidanayn fikradda wada hadallada Ukraine. Isagoo ka hadlayay kulan uu hogaamiyayaasha Afrika kula lahaa magaalada St Petersburg ayuu tilmaamay in soo jeedinta Afrika iyo Shiinaha ay aasaas u noqon karaan in nabad la helo. Laakiin Mr Putin waxa kale oo uu sheegay inaanay jiri doonin xabad joojin inta ciidamada Ukraine ay wadaan duulaanka. Saacado uun kaddib markii uu hadalkaasi jeediyay, Ruushku waxa uu sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay weerar ku qaaday magaalada Moosko, iyadoo khasaare gaarsiisay labo xafiis. Duulimaadyada garoonka Vnuko ayaa muddo kooban la hakiyay, kaas oo…

Read More

Ku dhawaad 700 oo Gawaarida dagaalka ah oo ay ku jiraan Todobo Taangi iyo Sadex BM,ayaa Caawa Laascaanood hareeraheeda difaac uga jira. Sidoo kale ku dhawaad 10,000-Askari,ayaa heegan ku ah Fariisimo ku teedsan Laascaanood. Beesha Harti ee difaacanaysa Dhulkeeda,waxay muujisay awood ka dhex muuqatay Geeska Afrika. Laascaanood,waxay utahay Beesha Harti muhiim oo in looga adkaado difaaceeda,waxay uga dhigan tahay Siyaasadii iyo amaankii Geeska oo looga itaalroonaaday. Dagaalkaan waa dagaalkii ugu baaxada weynaa,Taariikhda Somalida inta la ogyahey, marka laga fiirsho… Dhanka Tirada Ciidamada. Dhanka Militariga Dhanka Machines ka. Dhanka Qaddiyadda lagu dagaalamayo. Dhanka Cadaawadda iyo naceybka uu abuurey. Dhanka ka qayb…

Read More

Ku dhawaad 1500 oo Nin oo ku hubaysan Hub ay ku jiraan 50-BKM,ayaa galay Buurta Gacan Libaax oo aan Caasimada Hargaysa sidaa uga fogayn. Beesha Garxajis,ayay kasoo jeedaan Maleeshiyaadkan,waxayna ka gadoodeen Doorashada Xisbiyada iyo Madaxtooyada ee lakala hormariyay. Garxajis,waxay tirsanayaan in 30-kii Sano ee ay jirtay Somaliland la Gacan bidixeeyay oo Gaashaanbuur loo yaqaan (Jeegaan) oo ay ku bahoobeen Beelaha Habar Awal iyo Habar-jeclo loo dhistay. Haatan,waxay aaminsan yihiin in la joogo wakhtigii ay dulmiga iska dulqaadi lahaayeen,waxaana muuqata in Bulshada caadiga ah ee Beeshu ay qayb ka tahay Kacdoonkan. Maamulka Muuse Biixi,waxuu udiray Ciidan Gacan Libaax ka hortaga Ragaas…

Read More

Mudug in ay yeelato muuqaalkan,waxaa iska leh amaanteeda oo mudan in lagu bogaadiyo… 1.Maamulka Gobolka. 2.Taliska Booliska Gobolka. 3.PIA iyo CID-da Gobolka. 4.Haldoor si gaar ah iskaga xil saaray. Xarunta Gobolka ee Gaalkacyo,waxay la ciir-ciiraysaa Bulsho iskugu soo guurtay oo ka kala timid guud ahaan Somaliya. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1685394798675378176?t=VVIW8yaoaUCkXMmdKyDfow&s=19 Xasiloonida siyaaday,waxay sababtay Ganacsigii oo xoogooba iyo Noloshii oo dib usoo kobocda. Dowlada Puntland,waxay xil gaar ah iska saartay adkaynta amaanka oo si xoog leh,waxay xataa uga hawlgashay isku dhacyada Xoola dhaqatada Gobolka. Haatan,waxaa kusoo gaba-gaboobay Koobkii Kubada Cagta ee Degmooyinka oo aad uxiiso badnaa,waxuu kaloo Gobolku martigelinayaa Koobka Gobollada Puntland. Mudug,waxay ubaahnayd…

Read More

Xulka Degmada Goldogob,ayaa ku guulaysatay tartankii Degmooyinka Gobalka Mudug ee Puntland kadib Rigoorayaal 5-4 ah oo ay uga qaadeen Degmada Gaalkacyo ciyaar xiligii loogu talagalay ku soo idlaatay 0-0. Koobka Degmooyinka Gobolka Mudug,ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad sare watey. Gaalkacyo oo martigelisay Koobka,ayaa umuuqatay mid si weyn dib ugu soo kabatay.

Read More

Garoowe : 29, July 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda. Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay,…

Read More

Jen Cabdourahmane Tchiani,ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger kadib afgambi yaab leh oo dalkaasi ka dhacay. Sidoo kale waxaa loo yaqaan Omar Tchiani, waxa uu sameeyay la wareegis billaabatay Arbacadii markii ciidamada ilaalada madaxtooyada ee uu hoggaaminayay ay qabteen hoggaamiyaha dalka. Tani waxay burburisay dimuqraaddii Niger tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii. Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa loo malaynayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana weli gacanta ku haya ilaaladiisa gaarka ah. Inqilaabka ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Afrika, urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaanoEcowas, EU iyo UN. Gen…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika Khamiistii in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow. Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.” Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/sahouraxo/status/1684565903290302467?t=Wvv9HvyYVR5BQieWGHdYnQ&s=19

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacishta Somaaliya. Cabdiweli Maxamed Yuusuf,ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay. “Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo…

Read More

HORDHAC Toddobo sannadood burburkii xukuumaddii militariga Siyaad Barre kaddib, dadka Reer Puntland (PL) oo ay hormuud u yihiin madax-dhaqameedka, isimmada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxay si wada jir leh u go’aansadeen inay dhidibbada u aasan maammul ay u dhanyihiin dadka dega shan gobol iyo degmo ay PL ka koobanayd, in kastoo haatan gobollada Puntland ay ka kooban yihiin sagaal gobol, taas oo micnaheedu yahay in lagu kordhiyey gobollo cusub kaddib PL asaaskeedii. Juhdi fara badan, dadaal dheer kaddib iyo Ilaahay Mahadii waxay ku guulaysteen dadkii hormuudka u ahaa dhismaha Puntland in ay dhisaan Dowladda Puntland, Agoosto 1-dii,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 16-aad iyo Qodobka 139-aad. Markuu arkay: Ansixinta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Summadeedu tahay XGGW/DPL/41/2022, kuna taariikhaysan 26-ka July 2023. Wuxuu soo saaray Sharciga soo socda: Qodobka 1aad Golaha Wakiiladu waxay ansixiyeen Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowadda Puntland. Qodobka 2aad Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Qodobka 3aad Dhaqangal…

Read More

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum,ayaa maanta wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhowaaqeen inay la wareegeen xukunka. Bazoum ayaa waxaa Arbacadii xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in “dhammaan hay’adaha dowladda” ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay. Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan. “Guulaha sida adag lagu helay waa la ilaalin…

Read More

Garoowe: 27 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada. Todobaadkan,ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin… 1.Amniga. 2.Dhacdooyinka Todobaadka. 3.Horumarinta Amniga Garoomada Diyaaradaha. 4.Diyaargarowga munaasabadda 1-da August. 5.Horyaalka Kubadda Cagta Gobolada Puntland iyo qodobo kale . -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Isku shaandhayn,ayaa lagu sameeyay Golaha Wasiirada Dalka Kanada. Axmed Xuseyn oo asalkiisu yahay Somali horayna u ahaa Wasiirka Guryaynta,ayaa hada noqday Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/G6z7J9D60AU?feature=share

Read More

Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa. Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo. Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska. Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda…

Read More

Gudoomiye Aadan Madoobe waxa uu sheegay in weerarkii lagu qaaday kuliyada Jaalle Siyaad uu ahaa mid qorshaysnaa. “Kuliyada Jaalle Siyaad,waxay ahayd meel aan cid kasta iska geli karin Dowladana Lagula xisaab tamayo”Ayuu yiri A.Madoobe. Dhimashada Askarta,ayaa sii kordhaysa oo hada maraysa kudhawaad 50. Halka Dhaawaca Askartu marayo 80-Askari. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683838174236381187?t=e6LodO9FMXqYSJTT4tr75Q&s=19 Ujeedkii Shalay Sacdiyo diyaarada Garowe loogu soo saaray,waxay ahayd weerarkaas in laga jeediyo Indhaha shacabka oo Puntland lagu jeediyo. Gudoomiye Aadan Madoobe,waxuu umuuqdaa Nin fahmay qorshahaas oo hadlay ugu danbayn muujiyayna dareenkiisa damqashada ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=BubDJyXEyhQ&feature=share7

Read More