Author: Jibril Qoobey.

Xildhibaannada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku Ansixiyey wax-ka-bedelka Dastuurka. 1- Qodobka 7-aad Dhulka iyo Soohdimaha. 2- Qodobka 44-aad Doorashooyinka. 3- Qodobka 46-aad Xisbiyada Siyaasadda. 4- Qodobka 47-aad Shuruudaha furashada Xisbiyadda. 5- Qodobka 56-aad Hanaanka Dawladda. 6-Qodobka 62-aad sababa lagu lumin karo xubinada Golaha Wakiillada. 7- Qodobka 64-aad Awoodaha Golaha Wakiillada. 8-Qodobka 89-aad ee qaab dhismeedka Garsoorka. 9-Qodobka 90-aad Maxkamadda sare. 10-Qodobka 110-aad Guddiga Doorashooyinka. 11- Qodobka 113-aad Nidaamka Doorashada Guddiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=_VT-LKDXo98&feature=share7

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland Waxaa Oggol ugu codeeyay 54 mudane, Diidmo 6, cid ka aamustayna ma jirin. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan. Puntland guul taarikhiya,ayay gaartay Maanta.

Read More

Ciyaaro xamaasad leh,ayas ka socda Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo,kuwaasoo dhrxmaraya Xulalka Degmooyinka Gobolka. Xarfo iyo Jariiban oo ay dhexmartay Ciyaartii ugu danbaysay,syaa Xulks Jariiban,waxaa looga adkaaday 1-0. Halkan ka daawo xamaasada Taageerayaasha https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683554056537620483?t=BZf6UMAHgwwY6S5iI0K1bw&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka guusha Xarfo https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683700636636831749?t=8CDi38oe8u6k3O9YHFODUw&s=19

Read More

A congressional Democrat told NBC News that Democrats need to be more responsive to concerns about President Biden’s age as aides continue to make adjustments in an effort to avoid “embarrassing and dangerous” incidents. “The Democratic Party needs to be responsive to what people are saying about Biden and their concerns that they have with his age,” the congressional Democrat, who remained anonymous, told the outlet. “The number of text messages that I got after the president fell … I mean, my phone was blowing up. People are like, ‘Oh, this is so bad.’” After the president tripped at the Air Force Academy’s…

Read More

Odoyaasha Beesha Meheri,ayaa been abuur ku tilmaamay Caano shubka Suldaanka ay sheegtay in ay ka qaybgalayso Sacdiyo Gudoomiye xigeenka Golaha Shacabka Fadaraalka. Odoyaashan Shirka jaraa’id qabtay oo uu ku jiro Suldaanka ay been abuuratay,ayaa sheegay in Sacdiyo usocotay kala qaybinta Beesha. Dowlada Puntland ayay ku bogaadiyeen baajinta safarkeeda lagu sameeyay. Halkan ka daawo muuqaalka Odoyaasha https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683555085324779520?t=chywrI3g6-_lt4ZvtM0Cpg&s=19 Sidoo kale,waxaa Shir jaraa’id qabtay qasr ka mid ah Haweenka Beesha Meheri,kuwaasoo sheegay Sacdiyo in ay waday Bam ay ku dhex qarxin lahayd Beesha gudaheeda oo celintooda loo baahnaa. Halkan ka daawo muuqaalka Haweenka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683546822789279744?t=nOb2H6kBfzKnmiKFn2A4Kg&s=19

Read More

Ujeedka Sacdiyo Salaad ee Garowe,waxuu ahaa Laba Qodob,sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka oo ka gaabsaday in aan soo xigano Magacyadooda…. 1.Amnixumada Xamar oo Dadka laga mashquuliyo. 2.Gaarsiinta dhaqaale kooxda Aaran-shaydaan. Balse raadgadashadu,waxay ahayd Caano shub aan jirin oo Suldaanka  Beesha Meheri lagu been abuurtay. Dowlada Puntland oo heshay xogta socdaalkeeda,ayaa ka hor tagtay kuna khasabtay in laga reebo Diyaarada,iyada iyo Sadex Wasiir iyo Xildhibaano ka mid ahaa weftigeeda. “Si karaamo darro ah,ayaa looga dajiyay Diyaarada,waxaana gudaha usoo gashay Diyaarada Talyaha Nabadsugida Garoonka Aadan-cade oo wadata Magaca Sacdiyo iyo Wasiirada”Ayuu noo sheegay mid ka mid ah Rakaabkii…

Read More

Dhimashada Guutadii 14-Oktoober,ayaa la sheegayaa in ay korartay oo marayso ku dhawaad 40-Askari,halka Dhaawacu gaarayo 60-Askari. Dhaawacyada culus,ayaa Turkiga loo qaadayaa Maanta. Nin is miidaamiyay,ayaa Ciidanka oo saf ku jira gudaha kuliyada Jaalle Siyaad isku qarxiyay. Hadii kuliyada Jaalle Siyaad oo kutaal Degmada Hodan ee Muqdisho Ciidanka lagu dhex laayay? Habeen horena Ceelasha Biyaha weerar toosa lagu soo qaaday? Su’aashu waxay waa kuwee Qolada uu Xasan Shiikh dagaalka kula jiro,hadiiba Muqdisho gudaheeda laysku haysto?

Read More

Shirka Qaramada Midoobay ee Ladagaalanka Cuna yarida iyo Macaluusha oo ka qabsoomay Dalka Taliyaaniga,ayuu ka qaybgalay M.Xasan. Shirkan maqaamkiisu,waxuu ahaa heer Agaasime,balse Xasan oo dano kale leh,ayaa ku matalay Somaliya. Ujeedka Shirku waxa uu ahaa ka hor tagida macaluusha iyo ladagaalanka Cunayarida. Arimaha looga hadlayay,ayaa,waxaa ka ahaa… 1.Sidii kor loogu qaadi lahaa wax soosaarka Dalaga Beeraha. 2.Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha si gaar ah Cunada. 3.Dalalka mucaawimada ubaahan sidii loo gaarsiin lahaa. 4.Dalalka maalgashiga ubaahan sidii loo maal galin lahaa. Dagaalka ka socda Ukrain,ayaa saamayn balaaran ku yeeshay Cuntada Aduunka,gaar ahaan Afrika. Somaliya xiligan uma diyaarsana maalgashi,balse waxay codsan kartaa mucaawino dheeriya.

Read More

Roma Raysalwasaaraha Itaalya,Madaxweynaha Somaliya,Madaxweyne ku-xigeenka Kenya,Raysal wasaaraha Jabuti iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya. Waa kulan ku saabsan iskaashi Dhaqaale oo Dalalka Bariga africa iyo Taliyaaniga udhaxeeya,waxaana Somaliya matalaad ahaan uga filnaa Ra’isalwasaaraha. Kulankan kii ka horeeyay waxa uu ka dhacay Dalka Itoobiya. Taliyaanigu,ayaa raba in uu soo celiyo xiriirkii uu la lahaa bulshada Geeska Africa walow uusan hada saamayn buuran oo dhaqaale iyo mid Ciidan ku lahayn Dalalkaas. Taliyaaniga,ayaa aad udanaynaya maalgashiga.. 1.Beeraha 2.Shidaalka 3.Qandaraasyada dhismaha. Xiriirka Geeska Afrika,waxaa uga dheereeyay Dalalka Turkiga,Shinaha iyo Maraykanka,kuwaasoo saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh Wadamada Bariga Afrika Maanta. Wadamada kale,waxay udiyaarsan yihiin maalgalin,isla…

Read More

Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxday khasaaraha nafeed ee qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya. Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa saaka ka dhacay xerada ciidamada ee Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey ciidanka xilli ay saf ku jireen. Laba sarkaal oo ka tirsan laamaha amniga ayaa u sheegay VOA inay weerarkan ku dhinteen 25 ka tirsan ciidanka, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen. 24 ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la sheegay in dhaawacoodu halis yahay. Ururka al-Shabaab ayaa markiiba…

Read More

Maqaam sare,ayaa loogu soo dhaweeyay Zambia Garaad Jaamac Garaad Cali. Jaaliyada Puntland ee Zambia,ayaa casuntay Garaadka iyo weftigiisa. Jaaliyada Puntland ee Zambia waa Lafdhabarta difaaca Sool,markalana waxay udiyaariyeen dhaqaale xoog badan. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1683615720976928768?t=zhcZotdJDrfc9kONSqq1RQ&s=19

Read More

GARACAD- Wasiir ku-xigeen Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe oo u waheliyo Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga Abdiqaadir Xaashi,ayaa saaka koormeer shaqo waxaa ay ku tageen Kastamka Dekada Garacad. Koormeerka shaqo waxaa ku waheliyay Xisaabiayaha Wasaradda ee Gobolka Mudug iyo sarakiil ka tirsan Wasaaradda. Xisaabiyaha Gobolka iyo Mas’uuliyiinta ka shaqeya kastamka Dekada,ayaa waftiga Wasiir ka ugu warbixiyay Cashuurista badeecadaha ay keenaan Doonyaha iyo Maraakiibtu. Dhic kale Madaxda,ayaa kulan la qatay Maamulka Shirkada wadaagsin oo ah shirkada gacanta ku haysa dhismaha waxaana kulanka ka qayb galay la Gudoomiyaha deegaanka Garacad. Ujeedka kulankan,ayaa ah in Madaxdu ay wax…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka…

Read More

Xasan,waxuu leeyahay,waxaan uguurayaa oo fariisin ka dhiganayaa Saldhig xoogaa Ciidan ah lagu ururshay oo ku yaal duleedka Dhuusamareeb. Sidoo kale Xamse,ayaa fariisin looga dhigayaa caasimada Hir-shabelle ee Magaalada Jowhar. Wasiirka Amniga,ayaa isna loo dirayaa Degmada Xarardheere. Qorshahan,waa mid Xasan dajistay oo uu leeyahay,waxaan ku xoojinayaa dagaalka Shabaab iyo bilaabida Wajiga Labaad. Balse Dadka la socda dagaalka Shabaab iyo xaalada amni ee B iyo K Wadanka,waxay u arkaan qorshe lagu mashquulinayo Bulshada loogana jeedinayo fashilka Dowlada. Xasan safar diyaaradeed,ayuu ku gaaray Jowhar oo waxyar ujirta Muqdisho,isagoo Magaalada Gudaha ugeli waayay oo Garoonka Diyaaradaha kula kulmay Maamulka Gobolka iyo kan Hirshabelle,kadibna isla…

Read More

Lacagtii taalay Sudan ee horay Suuqa usoo gashay,waxaa lagu bililiqaystay dagaalka Khartuum qayb ka mid ah. Lacagtaas,waxay ahayd mid loogu talagalay Somaliya oo xiligii M.Sh.Shariif,ayaa la saxiixay heshiiskeeda. Haatan Gudi loo saaray qiimaynteeda,ayaa soo gudbiyay warbixin oranaysa in aysan rajo lahayn,isla markaana Suuqa gashay Dayn dhan $14-Milyan looga leeyahay Somaliya. Qorshe cusub oo Somaliya Lacag loogu samaynayo,ayaa Baanka Aduunku gadaal ka riixayaa. Samaynta Lacagtaas,waxaa lagu qiimeeyay in ay ku kacayso $80-Milyan,waxaana Somaliya laga rabaa $30-Milyan oo ka mid ah. Ilaa iyo hada lama aqoonsana dhaqaalaha Somaliya,sababtoo ah,waxuu ku jaan go’an yahay Lacag Wadan kale,taasoo ah Dolar oo Dalku maleh Lacag…

Read More

Socdaalkiisa Talyaaniga kadib,waxuu uga sii gudbi doonaa Ruushka,sida Wararku nagu soo gaarayaan Xasan Shiikh. Ujeedka socdaalka ee Ruushka waa lasoo wareegid Hub laga helay Ruushka. Hubkaas,waxaa laga soo dejin doonaa Jabuti,maadaama aysan saarnayn Cunaqabatayn. Kadib Jabuti,waxaa loo qaybin doonaa Labo oo Hargaysa,ayaa loo dirayaa qayb ka mid ah,halka qaybna Muqdisho laga soo dajin doono,sida wararku sheegayaan. Qaybta Hargaysa,waxaa loogu talagalay in Muuse looga caawiyo dagaalka Sool uu kawado,sida Wararku noo xaqiijiyeen. Xasan oo fulinaya danaha isbahaysiga uu kula jiro Geelle,ayaa si weyn ugarab taagan SNM. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankii Xalay dhexmaray RW Xamse iyo Xildhibaanada,Seneterada laga soo doorto Puntland,waxuu kusoo idlaaday fashil. Xamse ujeedada uu casumay Xildhibaanada iyo Senetereda kasoo jeeda Puntland,waxay ahayd amar ka yimid M.Xasan oo loogu olalaynayo meel marinta heshiiskii Madasha. 80% Sen iyo Xil ka qaybgalay kulanka,waa ku Gacansayreen taageerada heshiiskaas,taa badalkeeda,waxay Xamse ku eedeeyeen… 1.In uusan Matalaad lahayn oo uu difaacan waayay xataa Kursiga uu ku fadhiyo ee RW. 2.In uu kala jabiyay midnimadii Labada Maamul ee JL iyo PL. 3.In uu waxba tari waayay SSC oo ku xigeenkiisu si cad ugu xadgudbay laguna hagardaameeyay Dowladnimada uu ka yahay RW. 4.In uu taageeray…

Read More

Yaasiin Xaaji Faratoon,ayaa ku guullaystay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka SNM ee Hargaysa. 46-Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka Xildhibaan Maxamed Khadar oo la tartamayay ay u codeeyeen 35-Xildhibaan. Doorashada Faratool waa mid farsamaysan oo Madaxtooyada Hargaysa kasoo shaqaysay si loogu muujiyo matalaad Sool. Su’aasha iswaydiinta mudan,waxay tahay..”Indho-indho,Koore iyo Faratool ma noqon karaan Shacabkii Sool oo matalaadoodoodu wax ma ugoynaysaa Hargaysa? Maamulka SNM ee Hargaysa 100%,ayaa Gacantiisa ay ka baxeen Dhul iyo Dad reer Sool mana dhici doonto in ay dib fursad ugu helaan.

Read More

Muqdisho, Luuliyo, 22,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka. Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane…

Read More

Imtixaankii Macalimiinta Dugsiyadda Hoose/Dhexe ayaa dhamaan ka furmay Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland,ayaa maanta daah-furtay imtixaan qaadista Wejigii Labaad ee Macallimiinta Puntland (Teacher Proficiency Test). Waxaa maanta la qaaday Imtixaankii xaqiijinta tayada Macallimiinta Wajigiisa Labaad, kaas oo intii uu socday kormeer joogto ah lagu hayay. Imtixaankan, oo lagu eegayo isbeddelka aqooneed ee Macallimiinta iyo soo ifbixidda juhdigii ballaarnaa ee la galiyay,ayaa la rajaynayaa in wax badan iska beddelaan xaaladdii hore & tan dambe.

Read More

Loolanka Siyaasadeed ee Wadanku waa hab Beeleed,waxaana hormuud u ah Daarood iyo Hawiye. Xasan sida uu udhaqmay,waxay fashilisay Siyaasadii iyo Siyaasiga kasoo jeeday Beesha Hawiye. Dalku,waxuu gaari doonaa 2026,iyadoo laga fogaaday hogaaminta Siyaasi kasoo jeeda si gaar ah Beesha Abgaal. Waxaa fursad weyn ubanaanaan doontaa Siyaasiga Beesha Daarood,waxaana 80% la filayaa in uu ka imaan doono Madaxweynaha badali doona Xasan Shiikh. Ninka Daarood ee loo baahan yahay Somali in uu hogaamiyo,waa in uu noqdaa….. 1.Nin dajin kara Qabyaalada Xasan karkariyay. 2.Nin masuul ah oo Hawiye iyo Dir ay ku aamini karaan amnigooda iyo dhaqaalahooda. 3.Nin musuqiisu xad leeyahay. 4.Nin qabkiisa…

Read More

6-dii Bilood ee udanbeeyay maysan wada hadlin Labada hogaamiye ee MBS iyo MBZ. Mid waa 37-jir hogaamiya Boqortooyada ugu awooda badan Caalamka Islaamka,midna waa 62-jir hogaamiya Dalka ugu furfuran Khaliijka Carabta. Waa isbahaysi ay mideeyaan arimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan Diinta iyo Dhaqanka Labada Wadan. Haatan,waxaa ka dhexqarxay khilaaf lagu tilmaamayo mid ka xoog badan kii ka dhex qarxay Sacuudiga,Imaaraadka iyo Qatar oo dhinac ahayd… Arimaha ay isku maandhaafeen,waa Sadex Qodob oo kala ah… 1.Soo jiidashada maalgashiga Shirkadaha reer Galbeedka,Dalxiisayaasha iyo Dadka Caanka ah  oo hada Imaaraadku uyahay Saldhig,halka Sacuudigu bilaabay furfurnaan uu kusoo jiidanayo,isagoo isticmaalaya awoodaha dabacsan…

Read More

Kadib dib udoorashadiisa Erdogan,waxuu qaatay jiho Siyaasadeed oo ka badalan tiisii hore. Reer Galbeedka oo uu ku ad-adkaa,ayuu umuujiyay dabacsanaan iyo tanaasul. Isbadalka Erdogan,waxaa sababay dhaqaalaha Dalkiisa oo dhulka sii galaya. Kulan dhexmaray isaga iyo Biden,ayaa keenay in uu ka hor leexdo Sweden ku biiristeeda Natto iyo ka fogaansho uu umuujiyo Putin. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha caalamiga ah in uu ka helo maalgashi iyo heshiisyo Ganacsi Wadamada Khaliijka Maraykanka,ayaa door ku lahaa,gaar ahaan Iibsashada Diyaaradihiisa Drons-ka ee Sacuudiga. Turkiga,waxuu la liicliicayas sicir barar daran,hoos udhac weyn oo Lacagtiisa ah iyo liicitaan dhaqaale,kuwaasoo loo sababaynayo arimo Siyaasadeed. Haatan,waxuu soo helay $150…

Read More

Garoonka Cawaale Stadium ee magaalada Gaalkacyo waxaa galabtay ka dhacay ciyaar aad loo wada sugayay oo dhexmartay xulalka Degmooyinka Jariiban iyo Saaxo. Jariiban waa degmada difaacanaysa koobka degmooyinka Gobalka Mudug oo ay qaatay sanadkii 2015, Full-time: Jariiban (1-1) Saaxo ayay kusoo idlaatay Ciyaarta. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1682414545980063745?t=jPGAGDm_E9DN3pd7JuQ6rA&s=19

Read More

Xamse,waxuu casumay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland si gaar ah. Casuumadiisu,waxay ku salaysan tahay in uu kala hadlo garab siin,sida wararku sheegayaan. Xamse,waxuu dareemayaa in Xasan kasii fogaanayo oo ay soo dhowdahay xiligii laga maarmi lahaa oo lagu kaarto bixi lahaa. Haatan Xamse agtiisa,waa lagu xantaa Xasan,mararka qaarna,isagaaba tilmaama dhaliilihiisa,waxaana muuqata in uu hada udhaqmayo sidii Qof soo baraarugay. Balse Xamse Maanta cidna uma hiilin karto,isaguna isma difaaci karo oo mustaqbalkiisa Siyaasadeed,waxuu la mid yahay Sanbuuse laga adimay.

Read More

Alshabaab,waxay ka qaadeen go’doomintii ay ku hayeen Baydhabo mudo 10-Cisho ah. Waxay fasaxeen Gaadiidkii ku xanibnaa Wadada udhaxaysa Muqdisho-Baydhabo. Sida wararka aan ka helayno Baydhabo sheegayaan,waxaa soo gaaray Gaadiidkii ugu horeeyay oo Shabaab soo fasaxeen. Amarka fasaxida,ayaa yimid kadib heshiis ay la galeen Ganacsatada,kaasoo ay ku aqbaleen Canshuur ay kusoo rogeen. Maamulka KG iyo Dowlada Dhexe waxba waa ka qaban waayeen go’doominta iyo Canshuurta Shabaab soo rogay. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan,waxuu uyeeray 10-Xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Harti,waxuuna ka codsaday in ay ka daba hadlaan Garaadka. Sideed,ayaa ku diiday oo si cad ugu tiri Garaadka kama daba hadlayno,waxaase qaatay soo jeedintii Xasan Bidhaan iyo Timo-cade. Todobaad,ayaa Garaadka cadaadis lagu hayay ku aadan in uu ka laabto hadalkiisii,balse ugu danbayn,waxuu ku yiri “Qora Warqad,waxii ka yimaada Ceeb iyo kala jabna idinku qaada”. Timacade iyo Bidhaan,waxay adeegsadeen koox Garaadada ka mid ah oo cadaadiska Garaadka la saartay. Warqadii maxay dhashay? Ciidankii safka hore ku jiray oo buuq iyo gadood galay. Qurba-joogtii oo kala qaybsantay oo waxaa qarka usaaran in uu fashilmo Shirweyne…

Read More

Doorashada Madaxweynaha Dowlada Puntland wakhtigeeda,ayay ku dhacaysaa oo waa udiyaarsan tahay dhankiisa nooca lagu galayo. Isimada,waxuu uxaqiijiyay in Doorashada ay wakhtigeeda ku qabsoomayso oo habayaraatee dib udhac uusan jirin. Si kadis ah,ayuu usoo saari doonaa nooca Doorasho ee lagu galayo Doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Sanadkan dabayaaqadiisa. Ujeedkiisu,waa in aan loo diyaar garoobin oo uusan jirin Olale xilli hore bilowda iyo Siyaasi miisaan leh oo la loolami kara. Rog-rogida Siyaasada,waxaa laysku raacsan yahay in uu aad ufahmay oo aysan ka khaldamin waayahan danbe. Habka dagaallanka Siyaasada,waa ku sarreeyaa,waxaase dhib ka haystaa haysashada haldoorka waxtari kara. Dabeecado shaqsiyan ah oo uu leeyahay,ayaana…

Read More

Deni Siyaasiyan,ayuu ubaaba’ashay Aaran-shaydaan oo si weyn ugu diyaarsanaa mudo xileedkan Doorashada. Sumcadii,maqaamkii,tuhunkii la tuhmay,hulaabtoodii,ballanqaadyadoodii huuhaada ku dhisnaa,ayuu marada ka fayday. Caasimadii,ayuu ku kalifay in ay Xabad ka ridaan,waxayna ku lumiyeen halkaas Dadkii reer Nugaaleed oo ugu horeeyo Islaan Ciise. Reer Sool,ayaa xaqiiqsaday in ay jiritaankooda,qiyamkooda iyo difaacooda khatar ku yihiin oo ay la shaqaystaan cadowga SNM. Reer Sanaag,ayaa u arkay kuwo bahdila Siyaasigooda oo mar walba kusoo deg-dega,wada noolaansho Siyaasadeedna aan lahayn. Reer Bari,ayaa uhaysta dagaalkii Bosaso,soo raridii hay’adaha iyo layntii haldoorkooda. Reer Mudug,ayaa u arka in aysan masuul ahayn,Cunno raadinta wax ku dilaan,Siyaasada ka barteen Xan iyo isku…

Read More

Ciidamada milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn cusub la beegsadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kadib markii codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya ay ciidamada Maraykanku fuliyeen duqayn is-wada difaac ah oo lala beegsaday Al-Shabaab July 19-keedii. Duqaytntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel fog oo u dhow degaanka Hareeri Kalle oo 15km Koonfur ka xiga magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud. Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan lagu dilay 5 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, taasi oo lagu ogaaday kadib qiimayn ay wada sameeyeen…

Read More

Garoowe: 20 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Dhacdooyinka Todobaadka, Diyaargarowga munaasabadda 1-da August iyo Ansixinta wax ka bedelka Lix Xeer oo ay soo gudbiyeen Xafiisyada khuseeya. Golaha Wasiirada,ayaa dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :- 1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka. 2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland. 3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland. 4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda. 5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga. 6-Xeerka lagu…

Read More

Waxaa loo dirayaa Tansaaniya oo Shir Baanka Aduunka ah uu ka dhacayo Xamse. Shirkaas,waxaa qorshaysnaa in uu Xasan Aado,balse kan Talyaaniga oo uga nacfi badan,ayaa kasoo galay. Shirkaas,waxaa kasoo qaybgalaya Wasiirada Maaliyada ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Jibril Qoobey.

Read More

Sida muuqata cid walba way uhogaansantay Go’aamada Isimada laga sugayo,kuwaasoo hada isla wada jooga. Guriga Suldaan Siciid ayay 2-da Islaan ee Bashiir iyo Ciise joogaan si ay uga wada arinsadaan go’aamada ay wada qaadanayaan. Madaxweynaha iyo Dadka kasoo horjeedaa,waxay uqoor dhiibteen Isimada. Saacadaha soo socda,ayaa la sugayaa go’aanka Isimada. Jibril Qoobey.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu. Waxaa Oggol ugu Codeeyay 44-Mudane, diidmo 2-Cod,mana jirin cid ka aamustay. Ugu dambeyntii,waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dowladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladad Puntlan

Read More

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay. Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u…

Read More

Wefti sare oo ka socday Midowga Yurub oo uu la kulmi lahaa,ayaa laa baajiyay. Sidoo kale Shirkii Aasiya oo laga sugayay,ayaan lagu arag. Dowlada Shiinuhu,waxay mar sheegtay in uu xanuunsan yahay,balse taasi waa socon wayday. Wararka soo baxaya,waxay haatan sheegayaan in ay isqabteen hogaamiyaha Shiinaha,sidaana lagu waayay. Arinka laysku qabtay ayay sheegayaan,wararku kulamo qarsoonaa oo uu Maraykanka la galay. Wasiirka la waayay,waxuu horay usoo noqday Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ka hor intaan loo dhiibin Xaafiiskan arimaha dibada ee maareeya Siyaasada Shiinaha ee ay horyaalaan caqabadaha waa weyn. Shiinaha,waxaa ka jira dhaqan lagu waayo Dadka ay iska hor yimaadaan hogaamiyaha sare,waxaana…

Read More

Dalka Kenya waxaa ka soconaya mudaaharaadyo goos-goos ah oo ay samaynayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka. Dawladda Kenya,ayaa sheegtay in mudaaharaadyadan aysan haysanin oggolaansho. Dhinaca kale, waxaa maanta xiran goobaha ganacsi ee magaalada Nairobi, iyadoo ay saameeyeen mudaaharaadyada ka socda dalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/live/-calMJPphac?feature=share7

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill. Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad. Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah. Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay…

Read More

Garoowe: July 19, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga…

Read More

Wargalin. Xarumaha Imtixanaadka Gobolada iyo Degmooyinka ay ku galayaan Macalimiinta Dugsiyadda hoose/Dhexe ee Puntland. Sida qorshuhu yahay waxaa subaxa Sabtida ah ee 22 ka bisha bilaabanaya imtixaankii qorshaysnaa ee Macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ee Puntland. Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan macallimiintii isdiiwaangalisay inay u diyaargaroobaan imtixaanka horena usoo qaato macallin kasta 2 sawir oo teesare ah. Imtixaanku waxa uu ka dhacayaa 12 degmo oo kala ah: Galdogob dugsiga Caynushamsi. Galkacyo dugsiga Cumar Samatar. Burtinle dugsiga H/dhexe ee Burtinle. Garowe dugsiga Darwiish. Dangoroyo dugsiga Kalyaxeed. Qardho xarunta gudoonka Waxbarashada Gobolka. Carmo dugsiga Xaaji Salaad. Bosaso Dugsiga saree ee Boosaaso Public. Dhahar dugsiga…

Read More

Mudug-ta Maanta jirtaa waa midan ku naaloonaysa Nabad,isdhexgal iyo Ciyaaro. Saaxo mudo dhawayd oo Sanado ah,waxay ahayd Ceelal Xooluhu ka cabaan,saakayna waa Degmo buuxda oo leh Adeegii Dowladnimo. Sidoo kale,waxay ka mid noqotay Degmooyinkii ay ka qabsoomeen Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. Waxay haatan udiyaarsan tahay in ay wax ka doorato Xildhibaanada iyo Madaxweynaha. Caasimada Gobolka ee Gaalkacyo,waxaa ka socda tartan xiiso leh oo Degmooyinka Gobolka Mudug ku ciyaarayaan Kubada Cagta. Dowlada Puntland,ayaa leh amaantaas. Jibril Qoobey.

Read More

Dhamaadka sanadka,ayaa Dalka Maraykanka lagu qabanayaa kulan Dhaqaale loogu uruurinayo Ciidanka Somaliya. Kulankaas Qaaraanka loogu uruurinayo Ciidanka,waxaa ka qayb galaya Madaxweyne Xasan Shiikh sida laga soo xigtay Hawl wadeenada Madaxtooyada. Odaygu Shaqadii Raysal wasaaraha,tii Wasiirada iyo midii Agaasimayaasha intaba isagaa isku Haya. Si gaar ah markay arintu tahay kulamada lagu helayo Lacag iyo Raashin Odaygu ma dhaafo. Jibril Qoobey.

Read More

Waxay ubadan tahay in Xilka laga qaado Wasiirka Ganacsiga Dowlada Fadaraalka Jibril Cabdirashiid. Waraysigii uu Bixiyay Wasiirku,waxuu Toosh khaldan ku ifiyay Dowlada iyo Barnaamijkeedii musuq maasuqa ay sheegto in ay kula dagaallamayso. Waraysiga,ayaa noqday mid Caawa buuq iyo Jah wareer kuriday Laamaha Dowlada iyo Daacad nimadooda gaar ahaan markay timaado Musuq maasuqa. Villa Somaliya waxay u aragta in sigaar ah meeshii Wasiirka ay bulshadu eegi lahayd in Indhaha Shacabku ay kusoo jeesteen dhanka Qoyska Xasan Shiikh. Jibril Qoobey.

Read More

Hey’ad Cunto waxaa loo diraa in uu Wakiil ka noqdo Agaasime ama Wasiir Balse Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa weftiga hogaaminaya la kulmaya Hey’ada Cunada Aduunka ee (FOA”Food-Organizatiom-Agriculture). Xasan,waxuu horrey u sii kaxeysanayaa sida Waraaqda ku xusan 16-Shaqaalaha Madaxtooyada ka-tirsan oo Gabadhiisu ay ka mid tahay. Madaxweyne Xasan-Shiikh oo Roma-Talyaaniga ku wajahan booqashana ku tagaya Xafiiska Hey”ada Cunada Aduunka ee(FAO) Waxaa layaab noqotay inuusan Waftiga qayb ka ahayn Wasiirkii Beeraha. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Safar diyaaradeed,ayuu ku gaaray Jowhar oo waxyar ujirta Muqdisho xaalad amni awgeed. Waxaa intaas sii dheer in uu magaala Gudaha ugeli waayay oo Garoonka Diyaaradaha kula kulmay Maamulka Gobolka iyo kan Hirshabelle,kadibna isla Diyaaradii Muqdisho dib ugu soo celisay,iskabadaa in uu Dhulka maro. Ninkaas isku aamini waayay Magaaladii Qabiilkiisu Deganaa Cabsi uu argagixisada kaqabo awgeed,ayaa ku leh waxaan la dagaalamayaa argagixiso. Jibril Qoobey.

Read More

Si weyn,ayaa loogu Jabiyay SNM dagaalkii Maanta kasoo socday in kabadan 9-Saacadood. Weerarka,waxaa soo qaaday SNM,waxayna soo riixeen markii hore Ciidan fadhiyay meel Dooxo ah,kadib,waxaa xoojiyay Ciidamo ka tagay Maraaga. Ciidamadaas,waxaa usuura gashay in ay jabiyaan Ciidamada SNM. Wararku waxay sheegayaan in Sadex fariisin laga qabsaday oo Aaga Bari ah,balse Habeenkoo damay si rasmi ah looma xaqiijin karo. Dhimashada dhanka Hartiga Maanta waa =20 Dhimashada dhanka SNM Maanta waa =42 inta lagu arkay goobihii dagaalku dhacay. Dhaawaca dhanka Hartiga Maanta waa =32. Dagaalka Maanta dhanka SNM si weyn,ayaa loogu jabiyay. Saraakiil door ah in ay ku waayeen SNM dagaalka Maanta,ayaa…

Read More

Marti-qaadkan,ayaa loo fidiyey ra’iisal wasaaraha ,maalin ka hor booqashoo uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku tegayo Washington. Biden,ayaa marar kala duwan ku gacan-saydhay inuu marti-qaad u fidiyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil. Arrimaha ay isku maandhaafeen Maraykanka iyo xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa khuseeya, qulqulatooyinka ka jira daanta galbeed, iyo weliba tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Israa’eel ee ku aaddan deegaamaynta iyo hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhay xubno ka mida golaha wasiirada ee Netanyahu. Masuuliyiin Maraykanka ah oo uu ku jiro xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa dhaleeceeyey. Netanyahu iyo Biden ayaa la filayaa inay soo saaraan bayaan wada-jir ah oo…

Read More

Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka Lacagta iyo Sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda. Shirkad Turkish ah,ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada. Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee…

Read More

Eeday sanihii Labaad,ayuu Dowlad Deegaanka Somalidu usoo gacan galisay Gudoonka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland. Eedaysanahan,ayaa horay Dil uga gaystay Degmada Goldogob. Waxaa isna xusid mudan in shalay lasoo dhiibay Eedaysane dhawaan dil uga gaystay Deegaanka Mayle. Labada eedaysane,waxaa loo Gacan geliyay Laamaha Amniga Gobolka Mudug. Doollo iyo Mudug,waxay muujiyeen wada shaqayn Amni,Dhaqaale iyo isku xirnaan Bulsho. Jibril Qoobey.

Read More

Is faham,ayaa lagu gaaray kulankii Labada isim iyo Madaxwene Deni,sida xoguhu sheegayaan. Qodobada laysla fahmay? Doorashada Puntland in la dhamaystiro mida Dawlada hoose,Baarlamaanka iyo Madaxtooyada,ayaa laysla qaatay. Wax kabadalka Dastuurka ayay isla qaateen Isimada iyo Madaxweynuhu in loo daayo Baarlamaanka kulankiisa. Xisbiyada,ayaa laysla qaatay in ay noqdaan kuwa furan oo aan xadidnayn. Mudo xileedka Madaxweynaha is faham,ayaa laga gaaray,walow aanan helin faah faahin nooca uu noqonayo. Waxaa jira arimo Dawladu ka tanaasushay oo aan cadayn. Waxaa laysla qaatay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka kulanka lala sugo ka hor inta aan bulshada lala wadaagin. Xogahan,waa hordhac,waxna,waa iska badali karaan. Jibril…

Read More

Weli lagama fududayn Cunaqabatayntii Hubka Dowlada Somaliya. Sanadkan dabayaaqadiisa Shirka Qaramada Midoobey,ayaa loo ballamay in dib u eegistii ugu danbaysay lagu sameeyo. Ka hor,waxaa la rabaa in la helo midnimo Siyaasadeed iyo qorshe farsamo oo Somalidu heshiis ku tahay si loo fuliyo fududaynta Cunaqabataynta Hubka. Ilaa iyo hada ma muuqato in Dowlada Dhexe iyo DG ku heshiin karaan qorshe Farsamo oo Hubka loo baahan yahay lagu maareeyo. Dowladaha reer Galbeedku,waxay danaynayaan in loo fasaxo Somalida soo iibsashada Hubka oo aysan ku jirin… 1.Diyaaradaha. 2.Taangiyada. 3.Madaafiicda qaar. Dowlado kooban,ayaa hadana loo qorshaynayaa in ay Somalidu Hubka ka soo iibsan karaan…. 1.Maraykanka.…

Read More

The arms embargo on the Somali government has not been eased yet., A final review is scheduled at the end of this year at the United Nations Conference Before that, there is a need to find popular politica will, unity and a technical plan that Somalis agree to in order to implement the easing of the arms embargo. Until now, it does not appear that the Central Government and the federal member states have in agreeable technical plan in place to manage the required weapons. Western governments are interested in allowing Somalis to purchase weapons that do not include… 1.…

Read More

Islaan Ciise,waa gar qaatay,markii Madaxweynuhu kula garnaqsaday….. “Islaan 3-dii Bilood ee lasoo dhaafay 6-,jeer,ayaan kaa codsaday in aan kawada hadalno Labadeennu xaalka Garowe,waana iga Biyo diiday,hadalkaas Islaan Ciise garowshiyo,ayuu ka bixiyay”. Haatan Islaanka iyo Madaxweynihii waa isku fahmeen kulamadoodii hore. Islaanku,waxuu ka codsaday Madaxweynaha Laba Qodob in dib loogu dhigo oo fursad la siiyo,kuwaasoo kala ah… 1.Ku dhawaaqista Natiijadii Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Maxkamada Dastuuriga ah. 2.Ansixinta waxka badalka Dastuurka. Dhankiisa Madaxweynuhu,waxuu codsaday in uu kala soo tashanayo ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Xalay ayay kulmeen Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,iyagoo kawada hadlay soo jeedinta Islaan Ciise. Caawa,ayaa mar Sadexaad…

Read More

Diyaaradahan masoo iibsan lamana siin Dowlada Somaliya. Waxaa iska leh Dowlada Imaaraadka Carabta,waxayna ugu talagaleen in ay qayb uga noqdaan hawlgalka la dagaallanka Alshabaab. Si gaar ah,waxay ku caawinayaan Saadka iyo Dhaawaca Ciidamada ay Gacanta ku hayaan ee loo yaqaan (Ciidamada Imaaraadka). Diyaaradahan,waxaa xogtooda la ogaysiiyay Xaafiiska QM,waxaana Gacanta ku haya Pilot-yo Imaaraatiya oo amarka ka qaadanaya Saraakiil Imaaraatiya. Hawlgalka kadib,waxaa dib loogu celinayaa Diyaaradahan Wadanka Imaaraadka. Sidoo kale Dowlada Turkiga,ayaa iyana loo ogolaaday Diyaaradaha noocaana in ay keensadaan si Ciidanka ay tababareen hawl galka qayb uga noqdaan oo u adeegsadaan. Fududaynta Cunaqabataynta Hubka ee Somaliya kuma jiraan Diyaaradaha iyo…

Read More

In the latest assessment, it was found that the terrorists can take over the Central and Southern cities of the country except Beledweyne. How is it expected to happen? In principle, the departure of the Atmis forces is important for the country, because they are obstacle and hindrance to the National Army Building. The finances, training and equipment of the Somali Army was received by Atmis. this attributed to many flaws made by the successive governments however one point that stand out is the mistake by government, that have usurped other problems, is the lack of coherent and inclusive national…

Read More

Bixitaanka la qorsheeyay ee Ciidamada Atmis,waxay fursad unoqonaysaa argagixisada. Qiimayntii ugu danbaysay ee la sameeyay,waxaa lagu ogaaday in ay argagixisadu la wareegi karto Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Magaalooyinka ku yaal marka laga reebo Beledweyne. Maxaa dhacay? Mabdi’iyan in Ciidamada Atmis baxaan,waa umuhiim Dalka,sababtoo ah,waxay hor taagan yihiin Dhismihii Ciidanka Qaranka. Dhaqaalihii,tababaradii iyo Qalabkii Ciidanka Somalidu heli lahaayeen,waxaa qaata Atmis. Balse Hal Qodob oo ay Dowladu khaladay,ayaa dhibka keenay,kaasoo ah in aysan jirin Siyaasad amni Qaran oo hawlgalka ka horraysay. Waxay ahayd in Dowlada Dhexe iyo DG isku yimaadaan,iyagoo midaysan,kadibna ay wada sameeyaan Siyaasad amni. Waxaase dhacday in Dowladii Dhexe qorshe…

Read More

Dalka,waxaa lagu maamulaa Xeerka Qaramada Midoobey ee Dowladaha aan Siyaasad ahaan isku filnayn. Gabadhaas,ayaa hogaamiye awoodo door ah leh ka ah guud ahaan Dalka Lowyacado ilaa Raaskanbooni. Somalida Maamuladooda oo idil,waxay umadaxbanaan yihiin Arimaha Maxaliga ah. In Siyaasiyan Wadanku qaangaar noqdo oo nalaga hoos saaro Xeerka kuwa aan ismaamuli karin,waxay ubaahan tahay… 1.Midnimo. 2.Isqaadasho. 3.Isu tanaasul. 4.Is aqbalaad. Dhamaan Qodobadaas,waxaa hirgelin kara hogaamiye leh… B.Aragti. T.Qabyaaladiisu xuduud leedahay. J.Musuqiisu Xad leeyahay. X.Burhaanta Qaranimo fahansan. Kh.Damiirkiisu heer fiican gaarsiisan yahay. Hogaamiyahaasi ma’ahan Xasan Shiikh. Jibril Qoobey.

Read More

Alshabaab way adag tahay in laga adkaado,sababahan awgood….. 1.Majiro Ciidan Qaran oo lagula dagaallamo. 2.Majiro Dhaqaale lagula diriro. 3.Majiro qorshe Qaran oo lagula tacaallo. Beel iskeed isku abaabushay oo Shabaab iska dhicin karta,waxaa ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Beesha Xawaadle. Abgaal Maleeshiyaadkoodii ilaa iyo hada way ka gaari waayeen guul la taaban karo Alshabaab. Habar-gidir wax badan iskugumaba dayin oo waxaa lagu tilmaamaa in Labada dhinacba ay Talyayaasha Ciidamada ka yihiin. Murursade,waa la Siyaasadeeyay Maleeshiyaadkoodii. Daarood iyo Raxanweyn dagaalka lagama qaybgelin. Haatan Shabaab waxay go’doomiyeen Baydhabo,waxayna meel ujirta 1-km ugu yeereen Ganacsatadii iyo Macallimiintii,waxayna usheegeen in ay Canshuur ka bixiyaan…

Read More