Author: Jibril Qoobey.

Sida ay kusii siqayso,waxaa PL nidaamkiisu kasii gudbayaa mid ka mid ah caqabadaha hor taagnaa,kaasoo ah Oday Dhaqameed. Kala qaybsanaanta ay muujiyeen Dhaqanku,waxay fududaynaysaa in ay yaraato caqabadooda. PL waxay ugudbaysaa in Xeerarka nidaam ee dhigan ay noqdaan waxa layskula laabto ee lagu kala baxo,halkii ay ka ahaan lahaayeen Oday Dhaqan oo leh aragti,rabitaan iyo dan ugaar ah. Odoyaasha Dhaqanku xilli la burburay oo Somalidu ay dib ugu laabatay bilowgii Noloshooda halkii ay kasoo askuntay ayay wax badbaadsheen. Balse saakay oo uu noo dhisan yahay Maamul qaangaaray in aan weli daba haysano Xeer Dhaqmeed oo Xeer Dowladeedkeena uu ka xoog…

Read More

Garoowe: July 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga…

Read More

Fadhiga maanta,ayaa waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin Jaamac oo bedalay Xildhibaan hore Jaamac Yaasiin Jaamac oo geeriyooday June 12, 2023, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Kadib soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo Golaha ka hor akhriyey soo jeedinta ka mid noqosho ee Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare.

Read More

Kulankii Beelweynta Abokor Ciise ee uu Shir Gudoominayay Suldaan Garaase,wuxuu daarnaa sidii looga arinsan lahaa xaaladaha kasoo cusboonaaday Garowe iyo guud ahaan Gobolka Nugaal. Maxaa lagu dul istaagay? 1.Sadexdii Degmo ee Nugaaleed oo Doorashadii 7-da Gobol ee Puntland ka dhacday laga reebay oo lagu tilmaamay talo xumo iyo khalad dhacay. 2.Dagaalkii Garowe ka dhacay oo laysku raacay in aan la oran karin waxuu ahaa dagaal Beesha Ciise Maxamuud iyo Dowlada udhaxeeya. 3.Suldaanka oo sheegay in uu 30-Sano isagu Ciise Maxamuud isku hayay oo uu ugs Tanaasulay wax badan oo Suldaan ahaan uu Mudnaa Ama Beel ahaan Abokor Ciise ay mudnayd.…

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkan qaaday tallaabo weyn oo uu ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la leeyahay reer Galbeedka. Wuxuu badalay hannaanka siyaasadda, isagoo si degdeg ah u sameeyay qaabkii uu u xalin lahaa dhibaatada dhaqaale ee daba dheeraatay, ee ka sii dareysa ee dalkiisa uu la ildaran yahay. Erdogan ayaa isniintii ka yaabiyay xulafadiisa isbaheysiga militariga ee NATO, markii uu si lama filaan ah uga tanaasulay diidmadiisa codsigii Sweden ee ahaa in ay ku biirto isbaheysiga militariga. Saacado ka hor inta uusan imaan dalka Lithuania, Erdogan waxa uu dhalleeceeyay Sweden inay ku guuldareysatay in ay wax…

Read More

Madaxa Golaha Madaxbanaanida ee Sudan ayaa diiday in la geeyo wadankaasi wax ciidan ah oo ka socda Wadamada Africa, iyadoo halkaa ay mudo Sadex Bilood ah ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhexeeya Ciidamada iyo xoogag ka soo horjeeda oo loollanka adag ugu jiro sidii ay u heli lahaayeen awooda dalkaasi. Sida laga soo xigtay warbixinnada rasmiga ah ee warbaahinta, General Abdel Fattah Al-Burhan ma uusan aqbalin tallaabada lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika (ISAF) taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Suudaan ee dhulkeeda. In ciidankaas la diro toddobaad ka hor ayaa lagusoo soo jeediyay…

Read More

Wakiilo ka socda Milleteriga Sudan,ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wadahadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF). Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay Labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta. Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan. Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.

Read More

Odayaashii mudo ujoogay Hargaysa in ay Muuse la kulmaan,balse lagu adkeeyay la kulankaas,ayaa Muuse uyeeray oo la kulmay. Ujeedka la kulanka Odoyaashan ee Muuse,waa in la muujiyo waan-waan ay Dowlada Fadaraalku wado in ay socoto. Waa qorshe ay isla og yihiin Xasan iyo Muuse oo looga jawaabayo hadalkii Garaad Jaamac laguna khaldayo Beesha Caalamka iyo Somalida. Si gaar ah Shirka QM ee Madaxda caalamku kawada qaybgalayso dhamaadka Sanadkan,ayaa la rabaa in Xasan la shir tago oo yiraahdo,waxaa meel wanaagsan noo maraya waan-waan Nabadeed oo aan ka dhex wadno Labada dhinac. Laba jeer,ayay QM casuntay Odoyaashan si ay uga warbixiyaan,waxa uqabsoomay,balse…

Read More

Wadadii Saxda ahayd,ayaa lagu soo laabtay oo loo maray gaynta Baarlamaanka heshiiskii Madasha aan loo dhamayn. Gudiga Labada Aqal uqaabilsan Dastuurka,ayaa lagu wareejiyay,sidii Sharcigu qabey,kadib Kacdoonkii Xildhibaanada,waxaana laga soo laabtay Wadadii Suuqa Madow ahayd ee la damcay in la marsiiyo. Gudigan,waxuu qiimayn doonaa in heshiiskan Qodobada ku qoran ay waafaqsan yihiin Dastuurka,kadib,waxaa la gelin doonaa Wadatashi Dalkoo idil ah,marka ugu danbaysa,waxaa loo gudbin doonaa Gudiga Dastuurka oo ubadali doona Luuqad Dastuur soona hordhigi doona Baarlamaanka si looga doodo oo ay udiidaan ama u ansixiyaan. Balse way adag tahay heshiiskan Qodobadiisu in ay halkaa gaaraan oo waxuu ku saqiiri doonaa Gacanta…

Read More

Argagixisadu,waxay Cunaqabatayn kusoo rogtay Magaalada Baydhabo. Majiraan wax Geli kara iyo wax kasoo bixi kara,sida Shabaab ku dhawaaqeen. Waa arin yaab keeda wadata in argagixiso awood iyo amar intaa le’eg ay kusoo rogto Xarun ay ku sugan yihiin Maamulkii iyo Madaxdii Dawlad Goboleedka. Mudo Asbuuc kudhow,ayuu saaran yahay xayiraada argagixisadu Magaaladaas,waxaana sare ukacday Noloshii bulshada oo waxaa qaaliyoobay Raashinka iyo Shidaalkii. Xasan iyo kooxdiisu dagaal lama gelin argagixisada,ayaa la oranan karaa oo taa badalkeeda in ay Hubeeyeen,ayaa lagu tilmaami karaa. Sidookale waxaa muuqata in ay weli xoogan yihiin argagixisadu hadiiba ay ku dhiiradeen Baydhabo oo Magaalo weyn ah in ay…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer Sabtida maanta ah, laakiin xaaladiisu way wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, iyada oo aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya suurtagalnimada inuu xilka wareejiyo. Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil. Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu. War kooban oo ka soo…

Read More

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Ururka Mideeya? Hal Qodob waa looga hakan karaa? 1.Dib udhaca ansixinta Natiijadil Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee Maxkamada Dastuuriga ah. Qodob looma hakan karo? 1.Dhibkii ka dhacay Garowe oo Ururku saaray eediisa Dowlada,taasoo aysan waxba ka jirin loona jeeday cida masuuliyada dhibkaas qaaday. Qodobka wax ka badalka Dastuurka? Dastuurka in wax laga badalo xiligan,waa umuhiim reer PL,sababtoo ah,waxaa uga xiran Labo arimood oo masiiriya…. B.In Xisbiyada la badiyo si fursad loo siiyo Qof walba oo han Siyaasadeed leh. T.In Shacabku doortaan Madaxweynahooda. Baarlamaanku awood,ayuu uleeyahay wax ka badalka Dastuurka,isagoo umaraya Wadooyinka Sharci ee isla Dastuurku dhigayo,waana…

Read More

Shalay Isimadu,waxay isku gareen ilaa 01:00 iyaga oo kali ah mana is fahmin. Islaan Ciise,wuxuu soo jeediyay in Shirka uu dib udhigo Suldaanku si khilaafka Beesha Ciise Maxaamud marka -aad loo xaliyo. Suldaan Garaase,wuxuu ku adkaystay in Shirku Sabtida Garowe ka furmayo oo uusan baajin karin. “Waxa kaliya ee ku fuuran in aad Shirka kaso qaybgasho iyo in Adigo Garowe jooga Shirku furmo”Ayuu ku yiri Islaanka. Sida xogo hoose sheegayaan Islaan Ciise,wuxu aqbalay in uu Shirka imaan doono,isagoo Isimada kale lamid ah. Jibril Qoobey.

Read More

Suldaan Garaase rabbi hakaraameeyo,waxuu qaatay door dayacnaa. Khatarta wajahaysa dadaalka Suldaanka,waa Aaran-shaydaan oo qorshaysanaya in ay agdagaan. Suldaanka,waxay rabaan in ay ka dhaadhiciyaan maalgelinta Shirka in iyagu qaadanayaan si ay Daaha gadaaahiisa saamayn ugu yeeshaan Shirkaas. Shirkaas,waa macno beelayaa,waana lagu kala tagayaa hadii Dadku dareemaan Aaran in ay meel kasoo galaan. Suldaan ka fogow kuwaas oo yaan xataa lagugu xaman,waxaad tahay Maanta Suldaan PL,mid Daarood,mid Harti iyo mid Majeerteen. Aaran-shaydaan,waxay soo dubteen oo fashiliyeen,ceebeeyeen oo soo isticmaaleen Koofiyadii Islaanka. Jibril Qoobey.

Read More

“Maraykanku waa awoodaa, waana inuu xukuumadda Israa’iil u isticmaalaa saamayntiisa diblomaasiyadeed, laakin in xukuumadda hadda jirta lagu sharfo khudbad TVga laga daawanayo waxay diraysaa farriin khaldan, xilli khaldan,”Ayey tiri Ilhaan. “Bishii hore waxaan ka hor imid casumaad loo fidiyey ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi inuu hadal u jeediyo labada aqal oo wadajira, sababtuna waxay ahayd rikoorkiisa xuquuqda aadanaha. Bishan kama qayb gali doono hadal jeedintaas oo kale oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,” ayey Twitter ku qortay Ilhaan. Herzog,ayaa sannadkii hore waxaa ku casuntay inuu 75 guurada Israa’iil ka jeediyo khudbad aqalka koongareeska, afhayeenkii xilligaas ee aqalka Nancy Pelosi,isla…

Read More

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka 2030-ka dunida laga ciribtiri doono AIDS-ka. Warbixinta,ayaa sidookale lagu xusay in si hadafkan loo gaaro ay ku xiran tahay barnaamijyada lagula dagaallamayo cudurka oo si buuxda loo maalgeliyo. Dalalka Saxaraha ka hooseeya, oo 65% dadka qaba fayraska difaaca jidhka bini’aadamka (HIV) ee sababi kara AIDS-ka ay ku nool yihiin, ayaa horumar weyn ka samaynaya ciribtirka cudurka. Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah; Botswana, Eswatini, Rwanda, Tanzania iyo Zimbabwe oo durba gaaray bartilmaameedka “95-95-95”, sida ay sheegtay UNAIDS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka. Tani ayay…

Read More

Dhamaan Qodobadii uu Xasan la shir yimid,waa lagu diiday. Cumar iyo Gaas,ayaa si adag uga hor yimid,sheegayna Dalkan in uusan gaarin in wax laga badalo,waxii horay loogu heshiiyay oo aanba fulin ilaa iyo hada. Waxaa ku raacay Gaas iyo Cumar diidmadooda,Sh.Shariif iyo Khayre. Xasan si rasmi ah,waxaa loogu cadeeyay in uu la laabto Qodobadan aan ka gadmayn waaqiciga Siyaasadeed ee Somaliya. Waxa soo baxay,waa Afgobaadsi iyo Wado fur,sidaan horay usheegnayna waxba kama soo bixin Shirka oo waa lagu kala carraabay. Majiri doono waji Labaad sida lagu sheegay Warka soo baxay. Jibril Qoobey.

Read More

Xogaha dheeriga ah ee laga helayo kulanka,waxay sheegayaan in dhamaan Qodobadii uu Xasan la shir yimid lagu diiday. Cumar iyo Gaas,ayaa si adag uga hor yimid,sheegayna Dalkan in uusan gaarin in wax laga badalo,waxii horay loogu heshiiyay oo aanba fulin ilaa iyo hada. Waxaa ku raacay Gaas iyo Cumar diidmadooda,Sh.Shariif iyo Khayre. Xasan si rasmi ah,waxaa loogu cadeeyay in uu la laabto Qodobadan aan ka gadmayn waaqiciga Siyaasadeed ee Somaliya. Halkan hoose ka Akhriso Ajandaha Shirka:- Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Dakhliga Dowladda , Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga iyo qodobo kale. Golaha ayaa ka hadlay u diyaargarowga xuska 1-da August, Sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Puntland, Iyadoo loo saaray Guddi howshaasi ka shaqeeya. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Mucaaradkii Puntland markii dhamaan dariiqyadiii fowdada ahaa ay ka soo xirmeen ayay hadda doorteen dariiqii saxda ahaa ee sharciga iyo garsoorka. Waxaan maqli jiray nin qooro baraar doonaya oo looga fadhiyo qooro barbaar. Weerarkii Aaranjaan iyo mucaaradku abaabuleen ee lagu weeraray baarlamaanka Puntland waxaa ku dhimatay in ku dhow 40 qof oo Reer Puntland ah. Mucaaradku hadda mar kale raadinayaan xukun iyo hagbad iyo wax la mid ah halka looga fadhiyo inay qaataan masuuliyadii dadkii ay ku laayeen Garowe. WQ:-Farah Jama. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1679435622455410688?t=WW0EEggg_Lw_8_3KeCu9WA&s=19

Read More

Kulankii Shalay iyo hadalladii ugu kululaa ee laysku dhaafsaday… 1.M.Xasan” PL ila raadiya waa umuhiim Dalka iyo Dowladnimada oo ma jiro Dhul baaxadaa leh oo urursan,nidaamsan,Dimuqraadiyad ka hirgashay ee intiinaan meesha fadhida Deni Aada,wax walba PL,ayaa ka horaysa,awalbaana SL joogin”ayuu yiri. Sh.Shariif? Madaxweyne haday PL saa in ay utahay muhiim aad og tahay maxaad awooda,wax uga siin wayday ilayn Dalku waa awood qaybsi”Ayuu yiri. Gaas? PL Anagu hadaan ka nimid,waxaan ugu laabanno majiraan,Adiguna si gaar ah,ayaad ula dirirsan tahay oo mudo xileedkaagii hore sidaan oo kale ayay ahayd”Ayuu yiri. Khayre? Halka Sano ee aad Xukunka haysay Madaxweyne Dowladayadii,ayaa lala dirirayaa…

Read More

Qoryahaan mudo ka hor,ayaa la keenay tababar iyo diyaarin kadib waxay hawl galeen dagaaladi ugu danbeeyay. Waxayna qayb ka ahaayeen Hub badan oo iskugu jiray Su 23 iyo Qoriga 37 oo ilaa 10 gaaraya oo qaarna la rakibay qaarna hada Gacanta lagu hayo. Qorshuhu waa in Godka Goojecade gabigiisaba lagu gubo oo uu isku basbeelo. Beesha Cumar Maxamuud door balaaran ayay ka qaadatay qadiyada SSC oo taariikhiya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1679355883120209921?t=qCX1h2Bo_8VMf8pTfTyQjw&s=19

Read More

Xaalku waa ku adag yahay oo Lix Nin iyo Islaankii,ayaa cidlo yuurura Caawa.. 1.Doorashadi ayay Degaankii ka reebeen. 2.Ciidan Beeleed ayay hubeeyeen. 3.Dagaal aan loo baahnayn ayay galeen. 4.Magaaladi Caasimada ahayd ayay dumiyeen 5.Magaaladi,ayaa laga qaxay. Dhaqankii Beesha kala jab oo Suldaankii,waxuu taagan yahay reer PL,ayaan ka mid nahay,waxay qaataan,ayaan la qaadanaynaa. Wax garadkii Beeshu Abokor iyo Muuse,ayuu ukala jabay ama Dimuqraadiyad iyo Tarre,ayuu ukala carraabay. Waxaas oo dhan wixii ay usameeyeen xalkeedii ma hayaan oo Dimuqraadiyadii iyo qorshihii Dowladu si habsami leh ayay usocdaan. Shirkii Isimada oo ay islahaayeen ku kaarta baxa oo ku marmarsiyooda soo jeedinta Dhaqankaan tixgelinay,waa…

Read More

Maxaa la yaab lahaa oo Xasan laga maqlay kulankii Maanta,sida aan xogaha ku helnay?? 1.In uusan isagu rabin mudo kororsi oo uu awalba horay udiiday ee uu kaliya doonayo in Dalka nidaamkiisa laga dhigo 5-sano oo Dowlada danbe ku shaqayso,balse Dowladan ku taagnaanayso mudo xileedkeedii 4-ta Sano ahaa. 2.In uusan hirgelin karin Maamul la yiraahdo SSC tixgelin uu siinayo Somaliland darteed,waxuuna sheegay in uu ballanqaad ka hayo Madaxda Hargaysa,kasoo ah in ay wax la qaybsanayaan Dowlada Fadaraalka hadaan lakala qaybin oo iyagoo isku ah hal waax lala galayo heshiis. Waa la yaab Xasan oo saxiixay mudo kororsi in uu yiraahdo…

Read More

Xasan oo ka walaacsan in Shirka uu Madaxdii hore kula jiro fashil ku yimaado,ayaa arinkaas cod saday. Balse Aadan Madoobe,wuxuu dhankiisa ku micneeyay baaqashada kulankaas mid Ajandihiisu baxay oo shacabku ogaadeen taasoo ay ka danbeeyeen Xildhibaanada qaar lana qaban doono maalin kale oo munaasib ah. Aadan Madoobe waxa uu toos ugu mil may Golaha fulinta waxaana amarka laga siiyaa Villa Somaliya. In Gudoonkii uu noqday mid Gacanta ugu jira Villa Somaliya,waxay aad uga caraysiisay Xildhibaanada. Waxaa xusid mudan Madaxdii hore in ay horay uga soo horjeesteen Shirkii Madasha Qaran ee aan loo dhamayn oo Dastuurka Dalka lagu baal maray. …

Read More

Labadan Oday ma matalaan Daarood,waxayna ku tageen oo ku aqbaleen casuumadii Xasan danahooda ugaarka ah. Dowlada Xasan Daarood banaankuu ka joogaa kumana lahan matalaad iyo maqaam. Cumar iyo Gaas kama duwana Xamsaha Xoghaynta ah. Haday wax xeerinayaan oo matalaad leeyihiin uma aysan tageen Xasan,iyadoo… 1.Xasan iyo PL oo kala tagay. 2.Xasan oo SNM kala shaqaynaya burburinta LC. 3.Xasan oo Gedo go’doomiyay bahdilayna. 4.Xasan oo Kursigii matalaada Daarood Xoghayn ka dhigtay. Goormuu shaqayn doonaa damiirka Cumar iyo Gaas,saakay haday dhiidhiyi waayeen? Maxay usoo kordhinaysaa hor fariisiga Xasan? Xamse in lagu badasho oo Xoghayn cusub laga dhigto maxay maqaam ah oo ay…

Read More

Si fiican,ayaa looga hawlgalay Dabka kacay Xarunta Ganacsiga Fadhisamo Bosaso. Dowlada hoose iyo Ciidanka amaanku,waxay muujiyeen gurmad sare. Inkastoo la xakameeyay Dabka oo uusan gaarin Goobo kale oo Ganacsi,hadana Gaari Bareeg qaban kari waayay,ayaa dilay Hal Qof,dhaawacayna 6-kale. Dowlada hoose ee Bosaso sida ay ugu diyaar garowday Dabka,ayaa mudan bogaadin. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1679080766137876486?t=iwLbmFL4QGykEuTrFlOT1Q&s=19

Read More

Somaliya ma gaarsiisna in awooda Hal Qof Gacanta loo wadageliyo,sidaa daraadeed amni ahaan iyo maamul ahaanba loogama maarmo jagada Ra’isalwasaaraha. Dastuurka,ayaa qeexaya awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaruhu kala leeyihiin. Nasiibdarro,waxaa xadgudba mar walba Madaxweynaha oo faraha la gala shaqada Ra’isalwasaaraha. Hadaba si taa looga baaqsado oo awooduhu iskugu dheeli tirmaan,waa in meesha laga saaraa Qodobka dhigaya…. (Ra’isalwasaaraha,waxaa magacaabaya Madaxweynaha). Xadgudubka Dastuur ee jira waxaa tusaale la arki karo u ah Ra’isalwasaare Xamse in uu ka maqan yahay fadhiga Wadanka masiirkiisa looga xaajoonayo saakay. Madaxdii hore ee fadhida Shirka Muqdisho ka furmay,waxaa laga rabaa in ay ilaaliyaan oo aysan ka leexan Qodobada…

Read More

Laba arimood,ayuu rabaa Madaxweyne Xasan in lagu raaco oo uu taageero uga heli Madaxda kale,kuwaasoo kala ah…. 1.Mudo kordhinta uu usaxiixay DG. 2.Ka guurida jagada Ra’isalwasaaraha. Waxay ubadan tahay in aan lagu raacin oo lagu kala tago,iyadoon waxba kasoo bixin kulanka marka laga reebo hadalo iska qurxoon oo ay ugu horeeyaan Shabaab Wadajir haloola diriro. Horay,waxaa Labadan Qodob ugu diiday haldoor Somaliyed oo uu casumay Madaxweyne Xasan kuwaasoo usheegay in aan la aqbali karin Qodobadan oo ay yihiin arimo masiiriya oo ku qotomo miisaamida awooda iyo amniga. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka. Arimaha ay sheegtay Villa Somaliya in looga xaajoonayo Shirka,ayaa kala ah… 1.Amniga. 2.Ciribtirka Khawaarijta. 3.Dib u eegista dastuurka. 4.Dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka. Maalinta koobaad Ajandaha kulanka Madaxdii hore iyo Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu muujinayaa wada sheekaysi kaliya in uu dhacayo si guud ama kala warqaadasho. Halkan ka akhriso Ajandaha:-

Read More

Turkigu waxa uu ogolaaday In Dalka Swedan ku biirto Quwada Nato ee reer Galbeedka. Badalkeedeeda Swedan waxay balan qaaday inay fulinayso Dhamaan sharuudihii Turkiga. Dalalka reer Galbeedku waxay sheegeen in ay Turkiga kala shaqaynayaan inuu isna ku biiro Midowga Yurub “Turkigu,waxa uu ku badashay Xubinimada Nato ee Sweden in lagala shaqeeyo xubin ka noqoshada Midowga Yurub”Ayaa lagu soo ururin karaa go’aanka Turkiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=f-dEjSDwAbc&feature=share7

Read More

Ogow hadalka Ina Kaahin,wuxuu markhaati fur uyahay hadalka Garaad Jaamac ee isku xirnaanta SNM iyo M.Xasan Shiikh. “Dowlada Fadaraalka Somaliya kuma jirto dagaalka LC”Ayuu yiri Ina Kaahin. Waa cadayn ku filan wada shaqaynta SNM iyo Villa Somaliyada Xasan joogo Maanta. Ina Kaahin,waa ku deg-degay hadalkan marka laga eego SNM-ta qorshaheeda oo waxuu fashiliyay Xantii Xasan inkiri jiray. Ina Kaahin ma’ahan Siyaasi qaangaar ah oo caadifada iska xakamayn kara markii xaalku adag yahay wax badana dabooli kara. Jibril Qoobey.

Read More

Reer Puntland ha ogaadaan oo haku seexdaan in ay Dimuqraadiyad ugudbeen oo Somali ay hormuud ugu noqon doonaan markale…. 1.Bishan,waxaa hirgalaya ansixinta natiijadii Doorashada Golayaasha Deegaanka si Dastuuriya. 2.Wax ka badalkii Dastuurka,ayaa dhamaystirmaya. 3.Bisha danbe,waxaa samaysmi doona Gudiga rasmiga ah ee Doorashooyinka PL (PEC). 4.Waxaa xigi doona diyaarinta iyo shaacinta Jadwalka Doorashada Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Majiri doonto mudo kordhin marka laga reebo ugu badnaan 3-bilood oo farsamo ah,waxaana Shacabka PL si toos ah ay usoo dooran doonaan Xildhibaanadooda iyo Madaxweynahooda inta udhaxaysa Oktoobar Sanadkan iyo Maarso Sanadka danbe. Siyaasi Kursi doon ah iyo Isimo 66-doon ah,waxaa ka adkaaday Shacab…

Read More

Xasan xilligan,waxuu dareemayaa diciifnimo Siyaasadeed oo ay adag tahay in uu ka dabaasho…. 1.Kacdoonka Xildhibaannada. 2.Kacdoonka Siyaasiyiinta miisaanka culus. 3.Kacdoonka ka dhashay waxa uu ugu yeeray la dagaallanka musuqa. 4.Fashilka dagaalkii argagixisada. 5.Fashilka Barnaamijkii Deyn cafinta. 6.Dhaqaalo yarida baahsan. Laba arimood oo uu nafis bidayay,waxay ku keeneen jab oo waa uga sii dareen culayskii haystay,waxayna kala yihiin… B.La dirirka musuqa ee farsamaysan. T.Isku Shaandhayntii koobnayd. Sida la saadaalinayo Xasan waa say ugu bilaabatay diciifnimada Siyaasadeed oo marba marka kasii danbaysa karku waa kusii siyaadayaa. Jibril Qoobey.

Read More

Beesha Gadabuursi waxay ugarnaqsatay si Gobannimo ah oo nadiif ah. Waxay sheegatay cabashadeeda,iyadoon gefin oo soo bandhigtay xaqa ay ku leedahay awood qaybsiga hogaaminta Wadanka. 60-kii Sano ee Somaliya Qaranka ahayd Beeshu marna ma lumin Wasiir “A” oo ka mid ah Cadadka Hilbaha sare marka laga reebo xiligan iyo hogaaminta M.Xasan Shiikh. Way cadahay 20-ka Xildhibaan ee Beeshu in ay difaacayaan xaqa Beesha oo ay Xasan la dirirayaan. Halkan ka akhriso:-

Read More

Xaqiiqdii Garaadka hadalkiisu,waa ka sarreeyaa Dhulbahante,Harti iyo Daarood. Somali midnimadeed iyo wadajirkeed qiyam ku fadhiya,ayuu dul istaagay. Waxuu Biyo ku shubay cid walba iyo qorshe walba oo lagu hagardaamaynayo Qaranimada Somaliyed. Madaxweyne Xasan Shiikh oo xaq loogu lahaa in uu hiil iyo hooba siiyo difaaca Qaranimada ee LC,balse ka gaabiyay,isagoo ka duuliya aragti hoose oo Qabyaaladeed,ayuu ku dhuftay Madfac. Laba wajiilaynta Xasan ku dhaqmayo iyo midabkiisa rasmiga ah,ayuu Toosh ku ifiyay,waxuuna Bulshada caadiga ah utilmaamay Ninka dagaalka kula jira qadiyadooda. Garaad Jaamac hadalkii ugu cuslaa Sanadkan oo masuul Somaliyed jeediyo,ayuu sii daayay,kaasoo gilgilay Qalbiyada Bulshada Somaliyed ee waxgaradka ah. …

Read More

Villa-da oo fulinaysa qorshaha badbaadinta Muuse Biixi,ayaa Timacadde u xilsaartay fulinta kala jabinta Dhulbahante,waxaana laystusay in Jaamac Siyaad la kasbado oo haday Shalay Hargaysa Siyaasiyiintoodu ku xirnaayeen Maanta si dadban Xamar loosoo marsiiyo. Aragtida laystusay,waa in Maxamuud Garaad dego Sadexda Degmo ee Dhulbahante sida gaarka ugu leeyahay Sool,sidaa daraadeed Ugaaryahan 80% ay ka fog yihiin xiriirka SNM marka ay khasab tahay in Jaamac Siyaad lahelo markale,hadii ay awal toos ugu jireen Gacanta Hargaysa hada loo maro Gacanta Villa Somaliya. Aragtidaas,waxay u arkaan isbahaysiga Xasan,Geelle iyo Muuse in ay keenayso kala jab Dhulbahante oo waliba Faarax Garaad banaanka ka dhigayso difaaca…

Read More

Kulanka Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiintii hore ee Wadanka masuuliyadaha kala duwan kasoo qabtay,waxay ubadan tahay in aysan waxba kasoo bixin. Kulankan in uu yimaado,waxaa suurageliyay Sh.Shariif oo ku adkaystay markii uu Xasan la kulmay qabsoomida kulan balaaran oo Qaran. Xasan hal ujeedo,ayuu dhankiisa ka leeyahay kulankan,kaasoo ah.. 1.In uu isku muujiyo Nin Dimuqraadiya,wax dhagaysta,aqbalsan mucaaradada. Balse midabkiisa dhabta ah,waa ka badalan yahay kaas oo tiisu meel ayay utaal,Odayaashana waa dhagaysanayaa una joojin mahayo. Dhawr arimood,ayaa xiraya Xasan oo uusan ka boodi karin… B.DG uu siiyay mudo kororsiga kama daba tagi karo oo dagaal lama geli karo,isagoo awalba PL ka maqnayd.…

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraallka Somaliyed,waa difaacdeen maqaamkooda oo waa ka saareen Ajandaha la Xisaabtankii Xukuumada ee Villa-du soo abaabulatay. Gudoomiye Aadan Madoobe Kursigiisa,ayuu ubaqay oo gadaal uga dajisay heshiiskii uu lagalay Villa-da. Haatan Xildhibaanada,waxay hirgelin doonaan Ajande la xisaabtan Xukumadeed oo soo maray sifo sharci. Dhankaas,waa looga adkaaday Madaxweyne Xasan. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 11 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India . Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu AHUN Gen. Cali Nuur u ahaa shakhsi Wakhtigiisa ku bixiyey Dowladnimada iyo u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna Tacsi u diray dhammaan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidanka , gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo Shacabweynaha Puntland. “Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka…

Read More

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaana ee garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha. Diyaaradda ayaa nooceedu yahay E120. Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha. Diyaaradda,ayaa siday 34-Qof oo iskugu jira shaqaale iyo rakaab, isla markaana ay ka timid magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Diyaaraddan,ayaa la sheegay in ay ku duulaysay magaca shirkadda Halla Airlines. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1678796510245404675?t=dw9KWG5g356jWVxrk6hAig&s=19

Read More

Waxaa magaalada Addis Ababa ka socda shir Afar Geesood ah oo ay yeelanayaan Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xal u helida dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Sudan. Si la isugu keeno Labada Jeneral ee isku haya dalka Sudan,ayaa waxaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan madaxda ugu sareysa Dowladda Mareykanka iyo madaxda dalalka geeska Afrika iyo sidoo kale kuwa Suudaan. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuti Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha IGAD Workneh Gebeyehu (Dr.) ayaa ka qeyb galaya shirka.

Read More

Madaxweynaha Turkiga,ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa. Madaxweynaha ayaa sidookale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO. Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul wasaaraha Sweden. Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.

Read More

Ugu yaraan Toddobo Qof oo shacab ah,ayaa lagu dilay Qarax Miino Gobolka Hiiraan. Waddada dhinaceeda,ayaa la galiyay, Qaraxan meel ku dhow Deegaan lagu magacaabo Jicibo oo ka tirsan Degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan. Duqa Degmada Buulobarde Sadaam Cabdi Iidow, oo la hadlay,ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa Mooto kuwa Seddexda Lugood leh ay ku baaba’een Qaraxa. Ilaa hada cid sheegatay Qaraxan majirto,waxaase caanku ahaa Qaraxyadan oo kale Alshabaab.

Read More

Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka. “Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).” In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka…

Read More

Mooshinka iskiis u abaabulan,ayaa Muqdisho kasocda. Lama yaqaan cida ku bixi doonta Gudoonka Baarlamaanka ama Ra’isalwasaaraha. Dawlada Xasan hogaaminayo waxay Lacago badan ilaa xalay ilaa maanta ku bixinaysaa sidii Mooshinkaas loo joojin lahaa. Xubno badan oo mucaarad iyo siyaasiyiin isagu jira,ayaa xooga saaraya sidii ay ukasban lahaayeen xildhibaanada mooshinkana loo gayn lahaa Golaha Baarlamaanka. Xidhibaanada 70% Dowladu taageero kama haysato wakhtigan. M.Xasan hogaamintiisu,waxay umuuqataa mid jahwareersan.

Read More

Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha . Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa milateriga ah ayaa tan iyo bishii April ku dagaallamayay gacan ku heynta caasimadda.

Read More

Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Wasiirka shaqada laga eryay ayaa sida tan bartiisa Facebooga ku soo qoray ”Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.” Wasiirka ayaa sidookale sheegay in wasaarada uu culeys siyaasadeed saaran yahay. ”Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan rajeynayaa…

Read More

Ruushka ayaa ka falceliyay markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalka dib ugu soo celiyay shan taliye oo ku sugnaa Turkiga. Taliyeyaasha oo Ruushku ku qabtay dagaalkii magaala xebeedka Mariupol ayuu Turkigu dhexdhexaadiyey sii deyntooda, waxayna tan iyo markaas ku sugnaayeen gudaha Turkiga. Ruushka ayaa sheegay in heshiisku ahaa in ay taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga tan iyo inta uu dagaalku ka dhamaanayo. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkigu ku xadgudbay heshiiska wuxuuuna yiri, “cidi nama ogeysiin sii deynta,” iyo in sida heshiisku ahaa loo baahnaa in taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga. Sidaas ay tahay wuxuu sheegay in Turkiga…

Read More

Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabab. Duqaymahan ayaa dhacay xalay, waxayna ka dhaceen meel fog oo u dhow degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo. AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in hawlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo…

Read More

Fadhigii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhaamay buuq ka dib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen ajnadaha oo ahaa dhagaysiga Wasiirka Amniga Gudaha oo qayb ka ahaa isla xistaabtanka xukuumadda. Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 30 mudane ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dareen ajandaha iyaga oo dalbanayay in wasiirka aanu ka hadlin fadhiga maanta. Halkan ka daawo muuqaalka Xil.Jeesoow https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677667943851741185?t=xqsA_Txrfrmv2p1NhFkw1g&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka Xil.Sanyare https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677667145575018497?t=9KOUgy3nTm8ytgXQz7fiyA&s=19

Read More

Laba Qodob,ayaa muhiim ah iyaguna in la dul istaago…. 1.Wasiirada hadana ah Xildhibaanada oo aan imaan fadhigii saakay oo aan difaacin Dowladooda,marka laga reebo tiro yar. Waxaa muuqatay in Dadka markii hore loo xushay Wasiirada ee ahaa Xildhibaanada in ay jilicsanaayeen oo aysan ku filnayn difaacashada Kuraastooda. 2.Awood qaybsiga 4.5 ee dhanka Beesha Direed oo ubaahan dib usixid,maadaama Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare ku xigeenkii ay noqdeen isku beel (Garxajis). Habar Awal waxay haysataa Gudoonka Aqalka sare,waxaase hada qatan Habar-jeclo. Sida muuqata Beesha Isaaq,ayaa isku heli doonta Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare xigeenkii iyo Aqalkii sare,halka Beelaha kale ee Direed lagu hayn…

Read More

Ujeedka loo sameeyay isku shaandhaynta kooban,waa in Wasiirka Maaliyada la cuno,waana la cunay. Wasiirku,waxa uu eersaday way iska cadahay,waana shaqo ka joojintii Agaasimaha Xasan Shiikh tooska ugu xiran. Wasiirka,waxaa umacno badnayd in uu ku adkaysto Shaqo joojintii uu ku sameeyay Agaasimayaasha. Dhaawac kale oo gaaray Dowladnimada ayay tani tahay. Ma jiri doonaan gadaashiisa,wax wanaagsanaan doona oo lagu naaloon doono,sababtoo ah waxa la maaraynayo,ayaa Xaaraan ah. Waddanku,waxuu gaaray meel hoose oo lagu dhawaaqi karo badbaado in la helo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=aFRjS0gUi5g&feature=share7 Jibril Qoobey.

Read More

Aagga Maraagga,gaar ahaan Jihada ku beegan Gooja-Cadde,ayaa dagaal ba’an ka bilaamay saakay. Dhinaca Galbeedka Dagaal aad u xun ayaa dhacay khasaare badan,ayaa ka dhashay. Aagga Galbeedka ee Ciidanka Saciid Harti ee Reer Hagar, Jaamac Siyaad & Bah Ararsame,waxaa ku dhacay Gacan culus. Dhinaca Galbeedka,waxaa si weyn loogu Jabiyay Maleeshiyada SNM. Magaalada,waxay ku garaaceen Madaafiic ku dhacday Guryo Shacab. Dagaalku,xiligan,ayuu sii ballaartay oo waa sii cuslaaday.

Read More

Laba Inqilaab,ayuu sameeyay Gudoomiye Aadan Madoobe.. 1.Waxuu Inqilaabay soo jeedintii Xildhibaanada ee ahayd halala Xisaabtamo Xukuumada. 2.Dul istaagida heshiiskii Madasha aan loo dhamayn lagu gaaray. Xildhibaanadu way difaacdeen Saakay maqaamkooda,waxaase shaki ku jiraa in ay kusii adkaysan doonaan. Aadan Madoobe qiimo dhaqaale,ayuu ku badashay socod siinta Qodobadan,waxaana la og Gudoonka kale iyo Gudiga joogtada ah. Xildhibaanada dagaallamaya waxay ubadan tahay in ay wax ka rabaan wax kala goosiga ee aysan Sharciyad ilaalinayn. Dhaliishu waa in Baarlamaanadu aysan qiimo lahayn oo ay Jeebka ugu jiraan Villa Somaliya. Isku soo wada duuboo Xasan waa nugul yahay,waxaana sii xoogaystay Mucaaradkiisa iyo fursadaha lagu…

Read More

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Cali Doodishe,ayaa magacaabay agaasimaha KMG ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha. Wasirrka ayaa Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Maalin ka hor,ayaa lagu soo eedeeyay Agaasimihii hore in uu lunsaday dhaqaale oo uu ku kacay musuq baahsan,inkastoo uu beeniyay. Agaasimaha xilka laga qaaday,ayaa ku sugan Kenya.

Read More

Garowe waxay muujisay Amni,Qurux,Xadaarad iyo Cawaysin Caawa. Fanaan Iskalaaji,ayaa si weyn umadadaaliyay Bulshada Caasimada ku dhaqan. Garowe waa mid ka mid ah Caasimadaha Geeska Afrika ee caanka ku ah Amni iyo Bilic. Garowe liicimayso. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677498666028789762?t=kY3zD9fQ7vFW6oQU59KJqg&s=19

Read More

Waxaa weli socda dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo dab xooggan oo Caawa ka kacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida Itoobiya. Suuqa loo yaqaan NEW Taiwan,ayuu Dabkan ka kacay. Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay Dabkaasi in uu kaco,waxaana socda dadaal lagu xakamaynayo. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677468115821527041?t=UMB9fm46DF26vNJk17FDEw&s=19

Read More