Author: Jibril Qoobey.

Somali region battles to control massive fire in Jigjiga city’s major commercial district Efforts are ongoing to control a massive fire that broke out in Jigjiga city, the capital of Somali regional state, in a shopping district housing commonly known as the New Taiwan Market. The cause of the fire is yet to be determined. Local media, Somali Fast Info., reported that efforts are currently underway to control the fire by coordinated efforts involving emergency prevention teams, security forces and medical professionals who are working together to prevent the fire from spreading to other parts of the city.

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur,ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan. Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda,ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan. Warar lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii…

Read More

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto barnaamijka cusub ee Threads oo ay leedahay shirkadda Meta. Mulkiilaha shirkadda Meta, Mark Zukerberg,ayaa sheegay in barnaamijkani uu ‘saaxiib la yahay’ Twitter oo ay loolamaan. Threads, oo si rasmi ah loo soo bandhigay Arbacadii ayaa waxaa iska diiwaan geliyay in ka badan 30-Milyan oo Qof. Mulkiilaha twitter, Elon Mask ayaa yiri “in la tartamo waa wax iska caadi ah balse khiyaanada lama ogola”. Muddooyinkii u danbeeyay waxaa muuqatay inuu xifaaltan u dhaxeeyay Labada Nin ee iska leh Labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk. Arinta wel-welka ku…

Read More

Agaasimaha hay’ada socdaalka ee la amray in lasoo xiro,waxaa geeyay Shaqada uu joogay Ra’isalwasaarihii hore Rooble. Waxaa la aaminsan yahay in Rooble Gacanta Agaasimahan ku lunsaday dhaqaale fiican. Waxaa iswaydiin mudan……Rooble mala amri doonaa in lasoo xiro isagana? 50% masuuliyiinta lasoo eedeeyay,waxay kasoo jeedaan Beesha Habar-gidir. Su’aalaha iswaydiinta mudan,waxay yihiin.. Isbahaysigii Damjadiid+Daljir ee hadafkiisu ahaa Qabyaalada makala daadan doonaa? Xasan masii ahaan doonaa hogaamiye ay ku midoobeen Beelaha Hiraab Caydiid kadib? HG ma usii arki doontaa Xasan,hogaamiye ay dhisteen oo ay saamayn ku leeyihiin? Xasan horay,waxaa uhaystay kacdoon Somalida kale ah,haatana,waxaa ku furmay mid Beeshiisa ah.

Read More

Ciidamada Xasilinta Xamar,ayaa Mushahaar la’aan noqday Bishan,kadib markii isfahan waa ka dhashay Villa Somaliya oo dalbatay in iyadu maamusho oo lasoo marsiiyo Lacagta Mushahaarka loo siiyo Ciidankaas. Dowlada Imaaraadka Carabta oo bixisa Mushahaarka Ciidankan,ayaa hakisay,kana hor timid dalabka Dowlada dhexe ee Somaliya. Lama oga ujeedka ka danbeeya dalabka Dowlada Dhexe ee caanka ku ah musuqa. Ciidanka xasilinta Xamar,ayaa dhan ilaa 2900-Askari,waxaana abuuray Sanad ka hor Xasan Shiikh. Jibril Qoobey.

Read More

Dowlada Somaliya waxay lumisay Kab Miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Wadamo reer Yurub ah Bishan. Kabka Miisaaniyadeed ee ka baaqday,ayaa gaaraya $4-6 Milyan. Dalalka bixin jiray Kabkaas,waxaa ka mid ahaa Ingiriiska iyo Wadamada Iskaandaneefiyaanka. Hakinta Kabida dhaqaale ee ay Dalalkan sameeyeen,waxaa sababay dhawr arimood oo kala ah… 1.Siyaasada M.Xasan ee kala qaybisay Dalka. 2.Mudo ku darsashadii DG iyo DF ee Madasha 3.Musuqa baahsan ee gaaray ilaa Xaafiiska Madaxweynaha. Mabdi’iyan talaabooyinka la dagaallanka musuqa M.Xasan qaaday,waa loo baahnaa. Balse,waa in dagaalka musuqu taabtaa Xaafiisyada Wasiirada,RW iyo Madaxweynaha. Si gaar ah Lacagta kasoo xaroota Qaadka ee toos ugu gudubta Xaafiiska Madaxweynaha,ayaa…

Read More

Daarood guud ahaantiis,waxay ugu hirteen in uu yahay hogaamiye macno uleh xilligan muhiimka ah. 75% Bulshada Beesha Daarood,waxay muujinayaan dareen kusoo hirasho oo hogaamintiisa ah. Bulshadu,waxay ka dugsanayaan khataraha ay dareemayaan… 1.Majeerteenku waxay u arkaan hogaamiye miisaan leh,han leh,Mayal adag oo ay ka muuqato astaamo uu lahaa hogaamiyihii ay isku raacsanayeen hogaamintiisu in ay sarraysay ee Cabdullaahi Yuusuf. 2.Dhulbahantuhu,waxuu u arkaa hogaamiye ay ka dugsan karaan weerarka SNM. 3.Marreexaanku,waxay u arkaan hogaamiye xilligan ka badbaadin kara Mijo xaabinta Damjadiid +Daljir ee ku wajahan Gedo. 4.Leelkase iyo Awrtable,waxay u arkaan hogaamiye adag oo la loolami kara soo laabashada aragtidii USC/SNA ee…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,ayaa Shaqo ka joojin degdeg ah ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda. Shaqo ka joojinta,ayaa la xiriirta amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta Dowladda ee SFMIS. Sidoo kale waxaa hakad galay bixinta lacagaha kaalmada Deeq bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar ka mid ah loogu tala galay in loo wareejiyo Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Read More

Yevgeny Prigozhin oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner oo hoggaaminayay kacdoonkii ciidan ee muddo kooban ka jiray bishii hore Ruushka – ayaa ku sugan gudaha Ruushka, sida uu sheegay hoggaamiyaha, mudada dheer ee Belarus Alexander Lukashenko. Meesha uu ku sugan yahay Prigozhin ayaa ahayd qarsoodi tan iyo markii lagu arkay koonfurta Ruushka intii uu socday kacdoonku. Sida uu dhigayo heshiis lagu soo afjarayo amar diidada, ayaa dhigayay in eedeymaha ka dhanka ah Prigozhin la laalo, loona oggolaado inuu u guuro Belarus. Mr Lukashenko ayaa gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska si loo soo afjaro rabshadaha.

Read More

Dowlada Somaliya waxay wajahaysaa Miisaaniyad la’aan Sanadkan dhammaadkiisa,waxii ka danbeeya. Dowlada Dhexe,waxay ku guuldarraysatay in ay gudaha Waddanka kasoo saarto dhaqaale wanaagsan,sababo jira awgood… 1.Waxay hirgelin wayday Siyaasada Midaynta Canshuuraha Fadaraalka. 2.Waxay midayn wayday Dakhliga gudaha kasoo xarooda. Sidoo kale waxay ku guuldarraysatay Dowlada Dhexe in ay buuxiso Shuruudihii ay ku heli lahayd Dayn dibada ah… B.Waxay midayn wayday Siyaasada gudaha Wadanka oo muhiim u ah aaminaada dibadda. T.Waxay muujin wayday hufnaan iyo la dagaallan musuq oo lagu kalsoonaan karo. J.Waxay sii wadi wayday isku dheelli tirka Miisaaniyada. Sep Sanadkan,waa Bisha loo qabtay in Somaliya ay soo buuxiso Shuruudaha si…

Read More

Ogaysiis muhiim ah. Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Nugaal Garowe. Shaqo: Macalin Luuqada Englishka ah,ayaa looga baahanyahay Dugsiga Dhexe iyo Sare ee Nugaal. Macalinkaas,ayaa shaqaynaya Labadda gelin,waxaana laga rabaa.. 1. In uu wato shahaado waxabarasho jaamacadeed oo degree ah( Degree of Education) 2. Inuu leeyahay khibrad Macalinimo ugu yaraan 2-sano, kana soo shaqeeyey Dugsiyada sare ee Puntland. F.G: CV- yada iyo Shahaadoyinka oo ay la socdaan Transcript waxaa lagusoo hagaajinayaa whatsup-number 0907794081 ama 0907647176 Arji qabashada ugu danbayn waxay dhacaysaa 15 Julay 2023. Mahadsanidin.

Read More

Garoowe:- 05- Jul-2023: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta furay shirka dib u eegista qorshaha hawlgalka hay’adda UNICEF ee Puntland labada sano iyo barkii tagay iyo qorshaha labada sano iyo barka soo foodleh. Shirkaan waxaa lagu gorfeynayaa hab-qorsheedka hawlgaleed ee hay’adda iyo sida ay u maareyn-doonto hawlaha shaqo ee ay ka fuliso gobolada iyo deegaanada Puntland, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay talooyin ku aaddan arrimaha hortebinta leh, kuwaas oo ay soo jeediyeen hay’adda dowladda ee wada-shaqeynta laleh UNICEF. Shirka waxaa ka qayb galay madax katirsan dawladda Puntland,…

Read More

WARMURTIYEED Garowe, July 05, 2023, waxaa xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Caasumadda Dowladda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasumadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha. Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdi Xirsi…

Read More

Garoowe : 03 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Ansixinta Lix Xeer oo isugu jira kuwo wax ka bedel lagu sameeyay iyo Kuwa cusub. Xeerarka uu Goluhu ansixiyey waxaa ay kala yihiin: – 1. Xeerka Maamulka Maaliyadda 2. Xeerka Maamulka Dakhliga 3. Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga 4. Wax-ka-bedelka Xeerka Bangiga 5. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka 6. Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka iyo Bulshada. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Xeerarkan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha ku…

Read More

GAROOWE- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad. Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad fadhigan Golaha waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,…

Read More

Waxaa fiicnaan lahayd in Gaas iyo Cumar baaqdaan Maalinka Berri foog ah oo aysan tagin Garowe. Laba Qodob ayay xal unoqon kartaa baaqashada Cumar iyo Gaas,kuwaasoo kala ah.. 1.Baaqashadoodu waxay fursad siinaysaa dadaalka Isimada. 2.Waxay kaloo noqon karaa kayd hadii dadaalka Isimadu fashilmo. Tagidooda Berri ee Garowe waxay noqon kartaa mid Mucaaradku ka dhigtaan nafis kuna helaan fariisin ay ku hirtaan,taasoo meesha ka saari doonta in loo arko Odoyaal dhexdhexaad ah. Jibril Qoobey.

Read More

Laba Qodob,waa in aysan Isimada iyo haldoorka Siyaasadeed ee kusoo wajahan Garowe ka hor imaan,kuwaasoo kala ah.. 1.Madaxweynaha in Shacabku doorto. 2.Xildhibaanada in Shacabku doorto. Balse in Deni lagu cadaadiyo in uusan dhaafin 8-Janaayo oo uu Doorasho xiligeeda ku qabto,waa loo baahan yahay. M.Deni iyo Xukuumadiisa,waxaa laga rabaa 6-da bilood ee uharsan in ay ku hirgaliyaan Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo Cod Dadweyne ah. Ismu imaatinkan,waxaa wacnaan lahayd in Deni horay ugu dhawaaqo oo Dowladu hogaamiso,waase qaadan waayay taladii lagu siiyay sidaas. Haatan,muhiimadu waa in Dimuqraadiyada loo hiilliyo lana ilaaliyo 8-da Janaayo. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in ilaa 45,000 oo askari oo booliis ah la diri doono caawa taasoo la mid ah tiradii xalay. Wuxuu xaqiijiyay in xoojin loo dirayo magaalooyinka Marseille iyo Lyon ka dib markii saraakiisha halkaas ku sugan ay codsadeen gargaar dheeri ah. Ma cadda in xoojintaas ay ku kordhinayaan 45,000, ama haddii mas’uuliyiinta ay si fudud booliiska ugu rarayaan Marseille iyo Lyon meelo kale. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=OyFZ2TdRin0&feature=share7

Read More

Midowga Yurub,ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub. Midowga Yurub,ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden kula biiray sida xooggan ee ay u diiddan yihiin qur’aanka lagu gubay Sweden. Afhayeen u hadlay Midowga Yurub,ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xiriirka oo lagu faafiyay mareegaha Internet-ka ayaa lagu yiri “In la gubo kitaabka qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah.” Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub. Waxa…

Read More

Garoowe, July 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada la wadaagay in maalinka berri ah taariikhduna tahay 3-da Luulyo ay Golaha hor imaanayso Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland si ay Golaha ugu soo gudbiso warbixinta Xisaabka Xirka Miisaaniyada sannadkii tagay ee 2022-ka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=rW-4sI19s8I&feature=share7

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xalay ka hadlayay Xaflad lagu xusayay Maalinta Xorriyada ee 1-da Luulyo,ayaa sheegay in Dastuurka PL wax laga badalayo Gacantana lagu hayo. Qodobada wax laga badalayo,ayuu ku sheegay Lux Qodob Gudoomiye Jibril. Baarlamaanka PL,ayaa ucodeeyay Bishii lasoo dhaafay 20-keedii wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka PL,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1674961811601276930?t=MzZbUGb19MSSIqyiakBGdw&s=19

Read More

Waxaa mudo kordhin loo sameeyay wakhtiga Ciidamada Atmis kasii shaqayn karaan Somaliya. Mudo 6-bilood ah oo ka bilaabanaysa 30-ka Jun ilaa 30-ka Dec ee 2023,ayaa la kordhiyay wakhtiga hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya. Sida la filayo hadaan wax isbadalin ,waxaa qorshaysan in Dec 2024 lasoo afmeero hawlgalka Atmis ee Somaliya. Ku dhawaad 20-ka Kun ee Ciidamada Atmis,ayaa laga saarayaa Somaliya sida la qorsheeyay,iyadoo la rabo in lagu badalo Ciidamo Somaliyed oo BC taageerto.

Read More

Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Atmis Somaliya,ayaa shaaciyay in ay kala baxeen Laba kun oo Askari oo ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Somaliya. 30-kii Jun oo shalay ku aadanayd ayay Ciidamadaas 2000- Askari ah ka baxeen Somaliya. Sidoo kale 30-ka Sep iyo 30-ka Dec ee isla Sanadkan min 2000-Askari oo kale,ayaa laga saarayaa Somaliya. Guud ahaan Sanadkan,waxaa qorshaysan in Ciidamo gaaraya 6000-Askari oo ka mid ah 19000-Askari ee hawlgalka Atmis laga saaro Somaliya. Saldhigyada ay banneeyeen Ciidamada Atmis,ayaa lagu wareejiyay kuwo ay diyaarisay Dowlada Dhexe ee Somaliya.

Read More

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska. Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah, waxaana lagu waday in ay qaadato berri ilaa Talaadada. Madaxtooyada Jarmalka,ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa. Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka. Weli lama helin taariikh la qorsheeyay safarka Macron uu ku…

Read More

Kooxda Al-Shabaab,ayaa saaka Qarax miino kula eegtay Deegaanka Daaru-Nimca oo hoostaga Degmada Ruun-Nirgood Xoghayihii Degmada Abuurkar Jawiin Caddow. Qaraxa,ayaa waxaa ku geeriyooday Xoghaye Abuukar iyo Darawalkiisii. Maalin ka hor ayay ahayd markii Shabaab ay sheegteen in ay la wareegeen Gacan ku haynta Deegaanka Daaru-Nimca. Dowlada Fadaraalka,ayaa horay ushaacisay in Degmada Ruun-Nirgood iyo Deegaamadeeda ay ka sifaysay Shabaab.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadda xuska 01 Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda mugga weyn ee ay inoo leeyihiin maalmaha Xuriyadda…

Read More

Safarka Madaxweyne Deni ee Itoobiya iyo Kenya… Itoobiya? 1.Itoobiya oo weli wada Wadahal dhex-dhexaadin oo ku aadan Deni iyo Xasan. 2.Xal uhelida Dagaalka Laascaanood. 3.Sii xoojinra tababarada Itoobiya ay siiso Ciidanka Puntland. 4.Xoojinta amniga Labada dhinac. Kenya? 1.Shir ku saabsan (Quick Project),Degmooyinka ay ka hirgaleen Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. 2.Ka qaybgalka Mashaariicda World Bank oo PL loosoo fasaxayo. Jibril Qoobey.

Read More

Somalia and Comoros agreed to send senior officials as observers to a ministerial meeting of the Negev Forum, a group that includes the U.S., Israel, Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain and Morocco, two Israeli officials tell Axios. Why it matters: The two Muslim-majority countries, which are also members of the Arab League, don’t have formal diplomatic relations with Israel. Officials from both countries have been conducting quiet talks with Israel for years and have recently visited Israel secretly, the Israeli officials said. Attending the meeting could be a modest, yet significant, step forward in the normalization process between Israel…

Read More

Madaxweyne Ruto,ayaa si ka fool ka fool ah ujeediyay hadalo ka dhan ah reer Galbeedka iyo Hay’adaha Lacagta Aduunka. Hadalladiisii,waxaa ka mid ahaa…. 1.Mar dambe ma rabno IMF iyo Bangiga Adduunka. 2. Waxaan ubaahannahay qaab-dhismeed maaliyadeed oo cusub oo dawladnimada iyo awooddu aanay gacanta ugu jirin in yar (Urur cusub oo siman). https://twitter.com/russembkenya/status/1673916634489311233?t=zOg8W2UDtqwrgbj0Hme5Nw&s=19

Read More

In ka badan 1.8 milyan oo Qo oo gudanaya Xajka Sannadkan,ayaa ku ciidaya Xaramka barakeysan ee Magaalada Makka. War Talaadadi kasoo baxay Dowladda Sacuudiga,ayaa lagu sheegay in xujyedaasi ay ka kala yimaadeen in ka badan 150-Waddan oo caalamka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/live/uKvtQyOtmA0?feature=share7

Read More

Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan. Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah. Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah…

Read More

As we know, Russia is a closed communist country, it has a dictatorial president who ruled the country for more than 20 years, it is a country armed with nuclear weapons, and it is one of the countries that produces the most weapons. Less than a failure in his administrative capacity, Prigozhin, who was President Putin’s chef, has no prior political history. Who is Yevgeny Prigozhin? A notorious mercenary leader, Prigozhin leads Wagner’s special forces in Russia’s aggressive war against Ukraine. His leadership history in Moscow spans decades. What is Wagner Group? The Wagner group is a mercenary organization that…

Read More

Sida aynu ognahay wadanka Ruushka oo ah wadan shuuci ah oo xir xiran dhankasta, oo leh madaxweyne kaligii taliye in ka badan 20sano xukumayay wadanka, wadankaas oo ah wadan ku hubeysan nukliyeer, islamarkaana ka mid ah wadamada ugu badan wax soo saarka hubka, ayaa waxaa 24saac wax ka yar ku fashiliyey awoodiisi maamul, Prigozhin , oo ahaa cunto kariyaha madaxweyanaha wadanka ee Putin, kaas oo aan lahayn taariikh hore oo siyaasadeed. Waa kuma Yevgeny Prigozhin? Hogaamiye calooshood u shaqeystayaal ah oo caan ah , Prigozhin ayaa hogaaminaya kooxda gaarka ah ee Wagner ee dagaalka gardarada ah ee Ruushka ka dhanka ah Ukraine. Taariikhdiisa…

Read More

90-jirkii Aqalka sare dhowr mudo xileed soo hogaamiyay ee Siyaasada Wadanka kusoo jiray 50-sano,in uu sidaa uhadlo waa nasiibdarro. Haduu yiri Cabdi Xaashiyoow Gabaygii Ergo Daarood,waxuu kala firdhiyay Somali weyn,saw Irir-samaale olalayntiisu God kuma sii ridayso rajadii Calanka Buluuga ah ee 5-ta Xidigood? Xafladii 26-ka ma waxay noqotay mid Beesha Daarood si toos ah iyo si dadban loogu weerarayo? Munaasabadii Xoriyada in loo badalo mid Beel ka mid ah Beelaha Somaliyed lagu weeraro,waa nasiib darro kale. Madaxweynihii oo 70-jir ah iyo Gudoomiyihii Aqalka-sare oo 90-jir ah haday isku aragti iyo isku hadal noqdeen Tik-tok-layda halkee loo ciirsanayaa? Halkan ka…

Read More

Inta badan khudbadii xuska 26-ka ee M.Xasan Shiikh,waxay ahayd mid si toos ah iyo si duurxul ah fariimo weerar ah oo ka dhan ah Beesha Daarood lagu soo gudbinayay. Dadka uu leeyahay Burus ayay wataan Dowladnimada lagu burburinayo oo horay ayay ugu soo burburiyeen,waa Daarood. Dadka uu leeyahay Tol’ayeey ayay la ordayaan,waa Daarood. Marka uu leeyahay,Waqooyi waa Nabad oo shido kama jirto malaha LC Koonfur buu ku xisaaabay.? Madaxweynihii oo 70-jir ah iyo Gudoomiyihii Aqalka-sare oo 90-jir ah haday isku aragti iyo isku hadal noqdeen Tik-tok-layda halkee loo ciirsanayaa? Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=2KU93BiUSp8&feature=share7

Read More

Muwaadin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland wuxuu idinla wadaagayaa ololaha wargelinta oo ku saabsan dib-u- habaynta, si dadweynaha oo dhan ay xog-ogaal ugu noqdaan isbadalka lagu samaynayo Dastuurka “ si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobka 139-aad farqada 3-aad”. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=CVrqIDBB4Eg&feature=share7

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Khadar Faroole iyo Laba kale oo Aaran-shaydaan ah,ayaa tagey Hargaysa kulana kulmay Muuse Biixi.. “LC gal,Anagaa Garowe mashquulinayna,taa badalkeeda nagu taageer hawlgalka iyo doorashada,markaan guulaysano adoo qabtay LC,waxaan Ciidanka gayn doonaa Ganbadhe”.Ayay ku sheekaysteen. Garowe? Cali Xaaji,Shaacuur iyo Cismaan Xoosh (Muna Key),ayaa abaabulaya waxay ugu yeereen Qado Cumar Maxamuud oo looga soo horjeedo Dimuqraadiyada. Balse dareenka Bulshada ee Beeshu,waxuu la jiraa Dimuqraadiyada,wax kasta oo ay ku hadlaan ama soo saaraana macno kuma dhex leh. Garowe? Baaqii isku imaatinka Isimada ayay ubadan tahay in uu Garowe ku qabsoomo,waxaana dhawaan soo gaari doona Islaan Bashiir,Boqor Burhaan iyo Ugaas Xasan. Garowe? Aaran-shaydaan waxay…

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Agaasimayaal Guud. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland 2. Waxaa Axmed Jaamac Jawle loo magacabaay Agaasimah Guud ee Wasaaradda Maaliyadda 3. Waxaa Cabdulqaadir Axmed Xaashi loo magacaabay Agaasime Ku-xeenka Guud ee…

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ururka Kamaandoosta Danab ee Ciidanka Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe Qaasim Jaamac Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka Danab ee Kamaandoosta Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Gardafuu Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cumar Cismaan Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 24-ka Juune 2023, kuna saabsan magacaabid iyo Isku bedel Taliyayaasha Qaybaha Boliiska ee Goboladda Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal 2. Waxaa G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal loo bedelay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar 3. Waxaa G/Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha…

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36, Lr . 37 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo wacygelinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga. 2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna…

Read More

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 31 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nuraal 2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal 3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal 4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa…

Read More

Dhoolatus fiican baa la tusay oo jawaab u ah isku dhererinta Dollar-ka. Ciyaarta Siyaasadeed halka ay gaari karto,ayaa si fudud loo tusay haduu garaaco xarig khaldan. Waxuu ballan qaaday in uu gadaal uga degayo qorshaha fashilinta Dollar-ka. Sidoo kale,waxuu ogolaaday in uu badalo Wasiirka Gaashaandhiga iyo Talyaha Ciidamada,lana joojiyo isku day walba oo Wagner lagu wiiqayo. Wagner waxay wada shaqayn la leeyihiin CIA iyo xulafadeeda. CIA ma rabto in Putin ka baxo meesha arimo waa weyn oo jira awgood,balse isagaa ciyaarta meel khaldan gaarsiiyay. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: June 24, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa goob-joog ka ahaa 46 Mudane, Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada…

Read More

Xaalada Caasimada Ruushka ee Moscow,ayaa gashay hubanti la’aan kadib hanjabaadii hogaamiyaha Ciidamada Wagner. Dowlada Ruushka,ayaa hogaamiyaha ku furtay Maxkamad danbiyo dagaal ah,waxaana loo soo jeediyay in uu iscasilo. Taa badalkeeda,waxuu dhankiisa uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dowlada Putin. Hogaamiyahan,waxuu xukumaa 200-300-kun oo Askari oo hawlgab ka noqday Ciidamada Ruushka lehna khibrad sare. Isku dhaca hogaamiyaha Wagner iyo Putin,waxaa xoguhu sheegayaan in ay ka danbeeyaan reer Galbeedku oo uu yahay qorshe lagu inqilaabayo Putin. Reer Galbeedku waxay ku dadaalayaan in uusan qabsoomin Shirka Koonfur Afrika ee Wadamada raba in ay ka guuraan Dolar-ku ay ku kulmayaan. Waa dagaal Siyaasadeed,dhaqaale,Awoodeed iyo…

Read More

Somaliya,waxaa cunaqabataynta Hubka laga qaadayaa ugu danbayn Nov Sanadkan. Hubka loo fasaxayo waa noocee? Taangiyada kuma jiraan. Diyaaradaha kuma jiraan. Madaafiicda qaar kuma jiraan. Yay Hubka ka keensan kartaa? Dowlad walba Somaliya Hub kama keensan karto,waxaana loo cayimay dhawr Wadan oo kala ah… 1.Maraykanka. 2.Shiinaha. 3.Masar. 4.Turkiga. Ka hor Nov? Waxaa la rabaa in Somalidu ka heshiiso arimaha Farsamada oo Dowlada Dhexe iyo DG gaaraan heshiis ku saabsan Hubka. Somaliland iyo cunaqabataynta? Waa laga diiday qorshe gaar ah oo ay wadatay,kaasoo ahaa in si gaar ah loogu sameeyo wax gaar ah. Yaa ka danbeeya qaadista Cunaqabataynta? Maraykanka,ayaa hawshan gadaal ka…

Read More

Warbixinteedii ugu horeysay ee dhawaan ay ka jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ku boorisay beesha caalamka in ay xoojiyaan taageerada Somaliya si ay ula tacaasho ugana guulaysato caqabadaha kala duwan ee horyaalla. “Guulaha ay Somaliya gaartay Sanadkan,waxaa ugu weyn Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland ka hirgashay”Ayay tiri Wakiilka QM. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1672280929207824403?t=UePImeRljgSzIrMdqIgcKQ&s=19

Read More

Despite gains made in tackling terrorism and advancing the electoral process in Somalia, top UN officials warned the Security Council on Thursday that extra effort and funding are needed to address multiple threats, from climate shocks to spates of violence amid a looming food crisis. “Whilst many challenges and risks lie ahead, there are also many opportunities, and I urge all international partners to lean in and provide additional support to the people,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Catriona Laing. Regarding current security conditions, Ms. Laing, who also heads the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), raised…

Read More

Shirkii Qaramada Midoobaya ee Maanta lagu qabtay Magaalada New York ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa fariin adag ka soo jeediyey Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Qaramada Midoobay. “An inclusive discussion of the National Consultative Council proposals on the constitution and elections is critical to ensuring such changes have broad popular support”. Taas oo macnaheedu yahay in kulamada la wada ay ahaadaan kuwo loo dhan yahay oo laga wada qeyb galo. Haddii kale wax ka beddelka Dastuurka iyo Doorashooyinku ay noqon doonaan kuwa aan loo dhameyn oo aan miro dhal noqon doonin. Beesha caalamkuna ay ka gows qabsan…

Read More

Ergeyga QM,ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin.. 1.Qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland. 2.Magacaabista Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka. 3.Meel marinta 11 sharci. In Doorashada Qof iyo Cod ee lagu daro guulaha Qaran ee Somaliya ay gaartay,waxay PL iyo Madaxweynaheeda utahay guul weyn. M.Xasan waxuu garan waayay in Doorashadaas ay isaga waxqabad iyo magac utahay,taa badalkeeda,waxuu ka muujiyay cadaawad. Balse QM,ayaa doorkaa buuxisay oo diiwaangelisay. PL markale,ayaa loo diiwaangeliyay in ay Fadaraalka kadib dalka…

Read More

Garoowe: 22 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo qodobo kale. Golaha Wasiirada Dowladda Puntland wuxuu ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Isagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba. Sida la wada ogsoonyahay…

Read More

Garoowe: June 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane,Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta ugu danbeysay ee Guddiyada Golaha Wakiilada , waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda 2. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka 3. Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu Gobollada Puntland iyo kulamo la xisaabtanka Hay’addaha…

Read More