Author: Jibril Qoobey.
Maxaa kuu baxay iyo DSTV? 1.Xasan iyo Deni? 2.Imaanshaha Xoghayaha guud. 3.Laascaanood. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=h1Av3RslwN0
Xisbiyada Siyaasada Puntland oo sharciyan ay qoran in ay yihiin Sadex,ayaa lagu darayaa Labo lagana dhigayaa 5-Xisbi. Dhawaan,ayaa loo gudbinayaa Baarlamaanka si ay u ansixiyaan wax ka badalkaas. Cadaadis ka yimid Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dimuqraadiyaynta,ayaa sababay in wax laga badalo Sadexda Xisbi. Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland ee dhici doona 25/5-Aad,ayaa,waxaa kusoo bixi doona Xisbiyada jaangoyn doona Siyaasada Puntland. Haatan Olalihii oo bilow ah,ayaa muujinaya in Ururka Mideeye hogaaminayo kalsoonida Bulshada. 400-kun oo Qof,ayaa udiyaarsan in ay Codkooda dhiibtaan guud ahaan Puntland. Waa taariikh ay samaynayso Puntland xili xasaasiya. Jibril Qoobey.
Reer Baydhabo si weyn ayay uga xumaadeen in Deegaankooda loo isticmaalo yaboohsi Abaareed. Falcelin xoog badan ayay ka sameeyeen Sawirkan iyo kuwo kale oo loo isticmaalay gurmadka Abaaraha. Xoghayaha guud imaanshihiisa Somaliya fursadaha looga faa’idaysanayo,waxaa ugu horeeya Abaaraha oo loo samaynayo dacaayado caalamka looga raadinayo dhaqaale. 2400-Milyan oo dolar ayay Qaramada Midoobey codsatay in lagu taageero si ay wax uga qabato Abaaraha. Lacagtaas Qaramada Midoobey,waxay la haraysaa $600-Milyan oo Adeeg loo isticmaali doono. Waxaa xusid mudan in Labadii Bilood ee ugu danbeeyay Baydhabo uusan Roobku ka qaadin,isla markaana muuqaaladii Saxaafadu soo gudbisay ay Waji gabax ku noqdeen Abaartii iyo Macaluushii…
Khamiista,waxaa ka dhici doona Muqdisho Shirkii ugu danbeeyay ee qorshaha qaadista Cunaqabataynta Hubka Somaliya. Shirkaas kadib,waxaa dhici doona kulanka Golaha amaanka oo la horgayn doono cunaqabataynta Hubka ee Somaliya. Sida la filayo,waxaa Dowlada Somaliya loo ogolaan doona in ay toos usoo iibsan karto Hubka. Taangiyada iyo Diyaaraduhu kuma jiraan Hubka loo fasaxi doono Somaliya dhawaan. Shuruudo,ayaa la socda qaadista cunaqabataynta,ay ka mid yihiin… B.In ay sugnaato haynta iyo maamulida Hubkaas. T.In D G iyo Dowlada dhexe isla ogol yihiin Hubka lasoo iibsanayo. J.In la dhiso Ciidamadii Qaranka. Dowlada Maraykanka,ayaa go’aanka qaadista cunaqabataynta wadata. Jibril Qoobey.
Beri,waxaa ka dhacaya Xalane Shir ay Beesha caalamku si gaar ah uga xaajoonayso xaalka Laascaanood. Sidoo kale Caawa,waxaa warbixin ku aadan xaalada Laascaanood la siinayaa Xoghayaha guud. Dadaal ay sameeyeen haldoor,ayuu ku yimid kulankaas muhiimka u ah Sool. Jibril Qoobey.
Wardoonka iyo Milleteriga Itoobiya,Siyaasiga ay uwadaan Jubaland hogaaminteeda,waa Jeneralka. Sidoo kale Villa Somaliya,ayaa la og Itoobiyaanka qorshahaas. Kaliya,waxaa harsan in si rami ah ay u ogolaadaan Wardoonka iyo Milleteriga Kenya. Axmed,waxuu og yahay in uu wax ku noqday xarigii lagu xiray Itoobiya iyo heshiiskii Wardoonka Itoobiya ay kula galeen Hotel Giyoon Adis-ababa. Axmed,waxaa umuuqata,iyadoo 2024 la gaaray oo Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka la dagaallanka argagixisada ay xoreeyeen Bu’aale laguna qabanayo doorashadii Madaxweynaha Jubaland. Kadibna uu qaadacay oo lagu tilmaamay hogaamiye kooxeed khatar ku ah amniga iyo kala danbaynta oo Ciidamada Kenya ee Kismaayo joogaa Hubka ka dhigeen.…
26-ka May,waxii ka danbeeya,waxaa Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada noqonaya Siciid Deni. Xasan Shiikh iyo Siciid Deni waa heshiiyeen sida xoguhu sheegayaan. Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa arinkan ka samaysay dhex-dhexaadin,sida wararku sheegayaan. Ergo uu dirsaday Xasan Shiikh,ayaa tagtay Imaaraadka oo la kulantay Deni iyo Dowlada Imaaraadka. Xasan iyo qorshihiisa? Xasan waxba waa udhaqaaqi waayeen gudo iyo dibad,taasina waxay ku kaliftay in uu jilbaha dhulka dhigo oo aqbalo wada noolaansho Siyaasadeed. Hal ujeedo,ayaa uqorshaysan Xasan,taasoo ah in uu Deni soo dhaafiyo Puntland. Deni iyo qorshihiisa? Deni,waxaa ka go’an in uu noqdo Madaxweynaha Fadaraalka 2026 mana hayso dhaqaale la’aan,waxuuse ubaahan yahay sii dhexgal Siyaasada Fadaraalka. Mudo…
During the fasting period, the Secretary General chooses to visit a Muslim country every year. His arrival in Somalia, several things, can help Somalia… 1.Somalia to be supported in humanitarian issues (burden of drought). 2.Somalia to be supported in the issues of climate change for which Africa has donated a lot of money. 3. It boosts Somalia’s diplomacy (Also, staying tonight is a great recognition). What did he say to his experts? 1. To support the Government of Somalia 2.To support Somalia in the fight against terrorism. What did Somalia benefit from his visit? Unfortunately, his visit came at a…
Soonqaadka,ayuu doortaa booqasho uu ku tago Dal Muslim ah Sanad walba Xoghayaha Guud. Imaanshihiisa Somaliya,dhowr arrimood,ayay wax uga tari kartaa Somaliya… 1.Somaliya in laga taageero arrimaha baniaadminimada (Culayska abaaraha). 2. Somaliya in laga taageero arrimaha is-beddelka cimilada oo Africa Lacag badan loogu deeqay. 3.Waxay kor u qaadaysaa Diblomaasiyada Somaliya (Weliba inuu caawa ku hoydo waa ictiraaf weyn). Muxuu ku sheegay khubadiisa? 1.In Somaliya laga taageero Dowlad dhiska 2.In Somaliya laga taageero Dagaalka Argagixisada. Malaga faa’idaystay booqashadiisa ? Nasiibdarro,waxaa la oran karaa lagama faa’idaysan oo socdaalkiisu,waxuu kusoo aaday markale,iyadoo Somalidu kala qaybsan tahay.. 1.Puntland oo aan qayb ka ahayn hogaaminta Xasan.…
Maraykanku waa Quwad caalamku wada leeyahay hadana gaar loo leeyahay. Kala danbaynta caalamka,waxuu uyahay muhiim,marka la qiimeeyo.. B.Ilaalinta Dimuqraadiyada. T.Ilaalinta Shuruucda caalamiga ah. J.Ilaalinta Xuquuqda Bini’aadamka. Awoodaha saamaynta Maraykanka ee caalamka sii bimiya waxaa kaloo ka mid ah… 1.Nidaamkiisa hab maamul oo lawada qaatay (Dimuqraadiyada). 2.Luuqadiisa oo lawada isticmaalo.(English) 3.Dhaqankiisa oo ah Filimadiisa.(Holly Wood) 4.Cuntadiisa oo caalami (KFC iyo MCDonalds) 5.Tiknoolajiyada (Google iyo Microsoft) 6. Milleteri ahaan oo uu yahay Dalka leh awooda Ciidan ee Gees walba oo caalamka ah ku hawlgelin kara Saacado. 7.Deeq bixiyaha ugu weyn caalamka waa USAID. Maraykanku waa dhaqaalaha ugu xooga badan caalamka,waxaana Dalkiisa ku…
Maraykanku waa difaacayaa Taiwan,waana ka awood badan yahay Shiinaha. Ciidamada Badda ee caalamka ugu balaaran,waxaa leh Shiinaha,sidaas oo ay tahay,waxaa ka awood badan kuwa dul fadhiya ee Maraykanka. 11-Markab oo kuwa dagaalka ah oo xanbaara Diyaaradaha kuna gaashaaman Niyukleer,ayaa dul taagan Taiwan. Halka Ciidamada Badda Shiinuhu haystaan Laba Markab oo qura. Maraykanku waa Dalka kaliya ee 24-saac ku hawlgelin kara Ciidamadiisa Afarta jiho ee caalamka oo aan ubaahnayn Ciidan uu daabulo. Koonfurta Kuuriya,waxaa ku sugan 50-kun oo Ciidan Maraykan ah,kuwaasoo ka difaaca Waqooyiga Kuuriya. Halka Japan ay fadhiyaan 90-kun oo ka ilaalinaya Shiinaha. Italy iyo Germany,ayuu ku leeyahay Saldhigyo,waxaana Madaxyo…
Ansixinta Wasiirada DDSI ay ansixiyeen go’aanka kala dirista Ciidamada Deegaanka waa mid waaqici ku dhisan. Wado aan ahayn aqbal uma furna maamulka Deegaanka,sababtoo ah awood ay ku hor istaagaan maleh. 50-kii sano ee halganka ay Somali Galbeed kusoo jirtay,waxu kusoo idlaaday in ay aqbaleen waxii ay Qoriga ka qaateen,mana jirto wax isbadal ah oo ay ku badasheen halgankoodii. Haatan waaqiciga horyaala Bulshada Deegaanka waa in ay wajahaan xaqiiqda oo ah in ay ku milmaan Itoobiyada kale waxna la qabsadaan. Somalidu kama mid ah Shaqaalaha iyo Bayloodada Shirkada diyaaradaha Itoobiya. Ciidamada Milleteriga Itoobiya waxay ka yihiin Dadka ugu tirada yar mana…
Abiy,wuxuu isu diyaarinayaa in uu noqdo Meles-kii Labaad ee Itoobiya. Waxaa khatar ku ahaa Tigreega,iyagiina waa iska xaliyay oo waxbay kala goosteen. Haatan,waxuu dhisayaa Itoobiya umuuqata Fadaraal iyo Dimuqraadi hadana Awoodu urursan tahay oo hal meel laga hago. Kala darista Ciidamada Deegaamada waa fursadiisa uu ku hanan karo awooda si buuxda. Ciidamada Milleteriga,ayuu dib uhabayn weyn kuwadaa oo uu rabaa markale in uu istaajiyo ayna la wareegaan amniga guud. Deegaamada,ayaa lagu soo koobayaa Booliska caadiga ah in ay ka hawlgalaan. Sida la saadaalinayo wax weyn kama hor imaan doonaan hanka Abiy gudo iyo dibad. Amxaarada kacdoonkooda,waxaa lagu tilmaamayaa mid aan…
Faysal waa Siyaasi u ordaya in uu Umadda reer Hargaysa hogaamiyo kana mid ah hormuudka wax laga waydiiyo mustaqbalka Dadkaas hadana aan la fahmi karin waxa uu ka hadlayo? Erayo ay cuqdadeen,xumaan iyo nacayb ka buuxo,ayuu Shir jaraa’id ku qabanayaa. Markaad si dhab ah uqiimayso waaqiciga Dadka Hargaysa,waxaa kusoo baxaya in ay khiyaali isku qanciyaan,waxaana sababaya Laba arimood oo kala ah.. 1.Balwad soo jeed badan wadata oo sababtay Xanuunada Maskaxda ku dhaca. 2.Cuqdad iyo Xaasidnimo keentay in ay huuhaa isku qanciyaan. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1645440350146756609?t=ABnSAlTZ6uWOaYnh04pvgg&s=19
World Bank Group President David Malpass said on Monday that the lender has revised its 2023 global growth outlook slightly upward to 2% from a January forecast of 1.7% but the slowdown from stronger 2022 growth will increase debt distress for developing countries. Malpass told a media briefing that the upward revision was due to an improved outlook for China’s recovery from COVID-19 lockdowns, with growth now pegged at 5.1% this year compared to 4.3% in the bank’s. Advanced economies, including the U.S., are also doing a bit better than the World Bank anticipated in January, Malpass said. But the…
Waxaan nahay Jamhuuriyad la yiraahdo Somaliland oo ka kooban Beelo Somaliyed oo aan Isir wadaag ahayn waa dooda Hargaysa? Waxaan nahay Irir Samaale oo Wiilka Dhuusamareeb jooga,ayaa iiga sokeeya kan Sool ku nool ee Jamhuuriyada ila leh,waa dood kale oo Hargaysa taal? Wiilka reer Sool waxba mawadaagaan Wiilka reer Garowe ee waa Shisheeye hanoogu baxo LC,waa dood kale oo taal Hargaysa? Tala’ayeey yaa Irir ah iyo LC Anagaa leh see isku qaban karaan?? U olalaynta qorshahan Irir,waxuu dhabar jab ku yahay hankii reer Hargaysa ee Qaranimo raadiska,iyadoon meel kalaba laga raadin. Sidoo kale U olalaynta Irir waxuu noqday mid ka…
Shabaab,ayaa weerarta Ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya ee iyagu masoo weeraraan,waa wax cad taas. Labadii weerar ee ugu danbeeyay oo Alshabaab ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada JL waxay ku burburiyeen Saldhigyadii,Gaadiidkii Dagaal,Saadkii iyo tiro badan oo Ciidanka ah. Janaay Cabdalla iyo Baar Sanguuni,ayaa tusaale loosoo qaadan karaa,waxii ka dhacay,marka laga soo tago Dhoolatuska Tuutaha Axmed. Doodu waxay hada taagan tahay Laba Qodob oo kala ah… 1.Ciidanka JL iyo kuwa Kenya waa looga adag yahay dagaalka ka fool ka foolka ah. 2.Ciidanku ma jilicsana ee Axmed,ayaan daacad ka ahayn dagaalka,xoraynta Dhulka JL iyo baahinta maamulka,waxaana jira tuhun weyn oo laga qabo…
Hoos udhaca dhaqaale ee soo wajahay Maamulka Muuse Biixi,waxuu sababay in la bixin waayo Mushahaarkii Wasiirada oo loo wareejiyo dagaalka LC. Sidoo kale Muuse,waxuu amray in Mushahaarka Xildhibaanada la jaro,waase laga diiday. Waxuu uyeeray Ganacsatada oo ku amray in ay keenaan dhaqaale dagaalka lagu sii wado,gaar ahaan Mulkiilaha Dahabshiil,ayuu ka dalbaday in uu bixiyo 2-Milyan oo dolar,waase ku Gacansayray,sida xoguhu sheegayaan. Dagaalka LC maalinkii,waxaa ku baxa 300-kun oo dolar,isla markaana Askarigii ku dhinta dagaalka,waxaa Qoyskiisa la siiyaa 2000-kun dolar,sida la xaqiijiyay. Waxaa la yaab leh in Shirkii Wasiirada ee Maanta aan xataa fariinta caadiga ah ee ogaysiinta aan loo dirin…
Koror ku yimaada miisaaniyada Puntland,ayaa larajaynayaa Sanadkan in uu ka bato 400-Milyan oo dolar. Kadib markii Garoomada diyaaradaha Bosaso,Garowe iyo Dekadaha Garacad iyo Bosaso ay noqdeen kuwo aad umashquulsan. 5-ta Sano ee soo socota waxaa larajaynayaa in Miisaaniyada PL ay noqoto 1-Bilyan oo dolar. Kor ukaca Ganacsiga Puntland,waxaa loo sababaynaa Maalgashiga sareeya ee Qurbo joogta. Dhaqaalle yahanadu waxay ka bixinayaan saadaal wanaagsan kobaca dhaqaalaha Puntland 10-ka Sano ee socda. Jibril Qoobey. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1645200090691141632?t=r2Vrw8MnUO3wfaqWYXIiMA&s=19
Maraykanka iyo Sacudiga,waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo aan si fudud ku go’ayn. 50-sano oo Sacuudigu ahaa Wadanka Saliida ugu badan dhoofsha ee caalamka,waxaa ku mataanaysaa Maraykanka. Shirkadaha Maraykanku,waa kuwa maalgelintaas sameeyay kuna haya Gacanta shaqadaas. Dhanka kale,waxay Labada Wadan ka midaysan yihiin dhanka amniga… 1.La dagaallanka argagixisada waa ku mataanaysan yihiin. 2.Iran iyo ka hor tagida saamaynteeda Gobolka waa ka midaysan yihiin. 3.Amaanka Baddaha. 4.Tababarada iyo iskaashiga Hubka waa ka midaysan yihiin. 5.Wardoonka iyo ilaalinta danaha Labada dhinac,waa ka midaysan yihiin. Sacuudigu,waxuu fuliyaa oo Gacanyare ugu yahay Maraykanka isbahaysiyada iyo qorshayaasha Gobolka sida.. 1.Masar iyo ka ilaalinta Islaamiyiinta…
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen Agagaarka Madaxtooyada Villa Somaliya. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. La soco wararkayga danbe.
Bishan 15-keeda ayay ahayd in Wajigii ugu danbeeyay ee Dayn cafinta Somaliya lasoo gabagabeeyo,wayse fashilantay. Waxay ahayd in Sadex Qodob ay Somalidu ku heshiiso ka hor Bishan,kuwaasoo kala ahaa… 1.Dhaqaalaha oo lagu heshiiyo. 2.Midaynta Canshuuraha oo lagu heshiiyo. 3.Ilaalinta isku dheeli tirnaanta Miisaaniyada. Haatan dib,ayaa loo dhigay qorshihii ahaa in Somaliya ay soo gaarto Wajigii ugu danbeeyay ee dayn cafinta iyo qiimeeynta in ay uqalanto qaadashada Dayn cusub. Dayn Cafinta,waxay qayb ka tahay Barnaamijyada Dowlad dhiska Somaliya ee Dowlada Xasan dhaqaajin wayday Sanadka ay talada haysay. Jibril Qoobey.
Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah,ayaa war kasoo saaray hadalkii Ra’isalwasaare xigeenka Saakax. “Ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Dastuurka iyo Midimada dalka ayuu ku xad gudbay,Talaabo deg deg ah halaga Qaado” Ayay ku yiraahdeen War saxaafadeedka Xildhibaanada. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1645124313786339329?t=ajShEihOlrKMLom8rcrIsQ&s=19
Somaliland dagaalka Laascaanood,waxuu fashiliyay Siyaasadeedii gudaha iyo dibada. Sidoo kale,waxuu galaaftay dhaqaalihii oo sagxada ayay isku waraysatay… 1.Canshuurtii Maamulka usoo xaroon jiray oo hoos ugu dhacay si weyn,waxaana sababay… B.Dekeda Berbera oo uu ka wareegay Ganacsigii. T.Wajaale,ayaa ahayd Deked qalalan oo xirantay. J.Suuqii Waaheen oo ahaa Il dhaqaale oo muhiim ah,ayaa Gubtay kal hore. 2.Mashaariicdii Deeqaha caalamka oo laga joojiyay… B.BC oo ka caraysan dagaalka LC iyo dhaga-adayga Muuse waxay jartay Mashaariicdii ay maalgelin jirtay ee SL. T.Mudo kororsiga Muuse iyo qabsoomid la’aanta Doorashada SL,iyaduna waa Qodob kale oo BC ujoojisay taageeridii Maaliyadeed ee SL aysiin jirtay. Sida uu masuulkan…
Shir la yiraahdo Somaliya iyo Somaliland majiro ee waxaa jiri doona Shir ay iskugu imaanayaan isbahaysiga Rag is fahansan. Geelle,Xasan,Muuse iyo Cabdikariin oo xiriiriye ah,ayaa la qorshaynayaa in ay kulan ku yeeshaan Jabuti. Itoobiya ilaa iyo hada,way ku qanci la’adahay kasoo qaybgalka kulankaas,sida xoguhu sheegayaana Cabdikariin waa kusoo hungoobay. Sidoo kale ma cada in Wakiilada BC iyo QM ay qayb ka noqon doonaan kulanka la abaabulayo. Ujeedka ugu weyn ee kooxdan waa Laba qorshe oo kala ah… 1.In Indhaha caalamka laga jeediyo colaada LC. 2.In Muuse laga soo saaro Godka Siyaasadeed ee uu ku dhacay loona furo Wado Diblomaasi. Khatarta…
The Ethiopian government has asked the over 17,000 ethnic-Tigrayan members of the Ethiopian National Defense Forces (ENDF) – who remain detained for over two years – to sign a guilty plea in exchange for their release. Credible sources close to the matter told The East African Daily that the Ethiopian government has assigned a lobbying team led by a senior military official, Major General Belay Seyoum, to handle the negotiations between the government and the Tigrayan ENDF members. To effect the “ill arrangement”, Major General Belay Seyoum, a former commander-in-chief of the Northern command of ENDF, dispatched its lobbying team to the…
Abiy Axmed,ayaa ka hadlay kala Dirista Ciidamadda Deegaanada ee Liyuu Booliska loo yaqaan. “Macno ma keenayso Ciidamo badan oo kala aragti ah balse,waxaa loo bahan yahay Hal Ciidan oo Awood leh, Khibrad leh oo Tayaysan kuwaas oo Difaaca Qaranka Itoobiya”Ayuu yiri Abiy. Wuxuu kaloo sheegay in Dowladiisu Shaacin doonto cid walba oo diidan aragtida kala Dirista Ciidamadda Deegaanada ayna Talaabo Sharci ah ka qaadayaan. Itoobiyaanja,ayuu ka codsaday in loo baahan yahay Xoojinta aragtida wadaniyadeed iyo Difaaca Qaranka.
36-Gawaarida Gaashamaan oo ay ku jiraan Taangiyo iyo Hal Urur oo Ciidan ah,ayaa lagu soo xoojiyay difaaca Sool. Ciidankaas iyo Hubkaas waxay kasoo ruqaansadeen Mudug. Beesha Cumar Maxamuud,ayaa gurmadkan soo dirtay markale. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1644671681082916865?t=QeRDfDRqCuze1TRjz_Vwlw&s=19
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dawladda Puntalnd,ayaa maanta xukun dil ah ku ridey 14-Nin oo ka tirsana argaagxisada Al shabaab oo kala ah…. 1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho. 2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Galkacyo dil toogasho. 4-Cabdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) Ina Sureer Cabdi 26-jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi Ina Ubax Axmed Weheliye 19-jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho. 6-Cabdulaahi Faysal Xuseyn ina…
Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka. Shiinaha,ayaa si weyn ucanbaareeyay kulankii uu Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles Madaxweynaha Taiwan. Shiinaha,ayaa u arka Taiwan in ay tahay Dhul ay iyadu leedahay. Wasaaradda Difaaca ee Taiwan waxay sheegtay in ay la socoto xaaladdan, isla markaana ay si weyn u feejigan tahay, ayna uga jawaabi doonto sida ku habboon,iyadoo difaacanaysa ammaankeeda. https://twitter.com/Reuters/status/1644689046495694848?t=1e5ZdKApDfGiDcfJbqVGGA&s=19
Santuukha Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka iyo Dowlada Itoobiya,ayaa horumar ka sameeyay wadahadallada ku saabsan taageerada santuukhaas ee barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha dalkaas. Wadahadallada,ayaa ka sii socon doona Washington toddobaadka soo socda”Sida laga soo xigtay IMF. Saraakiisha IMF-ta,ayaa ku sugnaa Itoobiya ilaa dabayaaqadii bishii March, markaasoo Afhayeen u hadlay Santuukha uu sheegay in ay qabanayaan shaqo farsamo oo ay ugu diyaar garoobayaan barnaamij ay IMF taageerto. “Waxaan horumar ka sameynay ka doodista baaxadda taageerada IMF ee barnaamijkan dib u habeynta,” Alvaro Piris Madaxa weftiga howlgalka IMF,ayaa ku yiri sidaas war uu soo saaray. Dabayaaqadii bishii March, IMF waxa ay…
International Monetary Fund and Ethiopia made progress in talks on the fund’s support for the country’s economic reform programme and discussions will continue in Washington next week, the fund said on Friday. Officials from the IMF have been in Ethiopia since late March, when a fund spokesperson said they were doing technical work to prepare for a potential IMF-supported programme. “We made progress in discussing the scope for IMF support for this reform programme,” Alvaro Piris, who led the IMF mission visit, said in a statement. “Discussions will continue in Washington, DC, next week, in the context of the IMF-World…
Madaxweynaha Tigray Getachew Reda,ayaa sheegay in 2.4 Milyan oo Arday ah uu dib ugu soo celinayo iskuulada,hoos ka daawo muuqaalka. https://twitter.com/Tigrai_TV/status/1644393459355205632?t=ojFqPKHD7NZscT7fwmIApA&s=19
Madaxweynaha Faransiiska,waxuu mar walba isku dayaa Siyaasad ka madax banaan Maraykanka in uu sameeyo. Iyadoo loo sheegayo in uusan guulaysanayn isku daygiisii uu Madaxweynaha Ruushka kaga raadinayay joojinta weerarkii Ukrain,ayuu ku dhaqaaqay. Haatan,waxuu isku dayayaa in Shiinaha uu sheego in uusan ku deg-degin taageero Milleteri oo uu siiyo Ruushka. Sida ay qabaan Saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka dadaalka Madaxweynaha Faransiisku ma guulaysan doono. Shiinuhu,waxuu ka faa’idaystay jabka ku dhacay Ruushka oo waxuu suuq madow kaga iibsaday kaydkii Dahabka iyo Saliida ee Ruushka. Reer Yurub waxay Shiinaha xasuusiyeen in uu Dab ku ciyaarayo oo uu lumin doono suuqiisa Ganacsi ee Yurub…
Shiinaha,ayaa ku dhawaaqay inuu saddex maalmood ka bilaabayo marin biyoodka Taiwan dhoolatus milateri,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/U70fLeFexZQ
Wajigii Labaad ee dagaalka argagixisada B iyo K Dalka,ayaa la qorshaynayaa in uu bilowdo dhawaan. Dagaalka Wajigiisan,waxaa qayb ka noqonaya Ciidamo Shisheeye,gaar ahaan Dowladaha loo yaqaan Safka hore sida.. B.Itoobiya. T.Kenya. J.Uganda X.Jabuti. Sida qorshuhu yahay Ciidamo gaaraya ilaa 30-Kun oo 15-kun oo ka mid ah ay tahay Itoobiyaan,ayaa loo qorsheeyay hawlgalkan. Itoobiyaanka,ayaa ku Aadan Gobollada Gedo,Jubooyinka,Bay iyo Bakool. Jabutiyaanka iyo Kenyanku waxay ka cudur daarteen in ay ka qaybgalaan weerarada,waxayse ballan qaadeen in ay sugayaan Magaalooyinka la qabto. Abaabulka iyo diyaarinta hawlgalkan,waxaa iska leh Dowlada Maraykanka oo ka taxadaraysa kala daadsanaanta Somaliya in ay fududayso soo gelida Shiinaha ee…
Isagoo Jeebaysan,ayaa lasoo qabtay Sarkaalkan isku dayay in uu la goosto Gaadiid dagaal oo Ciidamada Daraawiishta PL leeyihiin. Waxuu ka mid ahaa Ciidanka fadhiya Kalabayr oo ah difaaca Buuraha Bari ee argagixisada lagala diriro. Sadex Gaari oo ka mid ah,Gaadiidka Ciidamada ee difaaca kaga jiray halkaas,ayuu la tagey. Dowladu amar ayay ku bixisay in laga daba tago,waxaa lagu guulaystay Laba Gaari markii hore laga soo qabto,waxuuna la fakaday Hal Gaari oo uu ula leexday dhanka Baadiyaha Soolka. Ugu danbayn meel udhow Xudun,ayaa looga daba tagey oo Gacanta lagu soo dhigay isaga iyo Gaarigii uu la baxsaday. Sidaanoo kale,ayuu PSF horay…
Magacaabista Cabdikariin Guuleed,waxaa lagu fashilinayaa halganka reer Sool. Dhanka kale,waxaa lagu baritaarayaa Muuse Biixi oo looga soo saarayaa Godka Siyaasadeed uu ku dhacay. Marka laga soo tago Somalida iyo siday uga falcelisay magacaabista la yaabka leh ee Cabdikariin,waxaa dhankooda cajabay BC oo iswaydiisay,iyadoo Dhiig daadanayo wada hadalada Ergayga loo magacaabay. Haatan Cabdikariin,waxuu joogaa Adis,waxuuna soo maray Jabuti oo uu Laba Beri soo joogay. Ujeedka socdaalkiisa,waa abaabulida Shir lagu qabanayo Jabuti oo loogu yeerayo wada hadalka Somaliya iyo Somaliland. Waa iska cadahay in uusan macno yeelanayn,waana sii fashilan yahay Shirkaas. Waxaa kaaga filan fahamka fashilka Shirkaas dagaalka LC ka socda.
Puntland waa ku amaanan tahay in ay buuxisay booskii uu lahaa Siyaasiga reer Sool. Magacaabidii Cabdikariin,waxaa si Afgobaadsi ah uga hadlay Garaadada kumana filnaan hadalkoodu jawaabtii loo baahnaa. Laba Beri oo la sugayay in Siyaasiyiinta Sool ee PL ka madax banaan ay hadlaan,waxay dantu kaliftay in PL ay uhadasho oo utiraahdo intii ay oran waayeen. Waa door shariif ah oo ay qaadatay Puntland maamul ahaan,waxuuna qayb ka yahay gurmadka lagu garab istaagayo Shacabka Sool. Xildhibaan Qowdhan oo hadlay si jilicsan oo aan cadayn,ayuu uga jawaabay hadalkii Ra’isalwasaare xigeenka. Waxaa muuqatay Siyaasiyan reer Sool in aysan isku filnayn ee ay ubaahan…
Waa magaalo balaaran oo Bulsho fara badan ku nooshahay oo ah Hooyo Dadka barbaarisa oo baahi tirta Bosaso. Waa Magaalo uusan Qofna ku qaloonayn oo aysan ka jirin cunsuriyad iyo kala lahaansho gaar ah. Waa Magaalo aad ka heli karto Xaafado badan oo Dadka wada degan aysan xataa Lahjada iskaga ekayn. Waa magaalo ay ku yaalaan Garoon Diyaaradeed oo casri ah iyo Deked. Nasiibdarro Magaaladaas leh awoodaas maleh Maamul waxtar ah oo wax ka qabta baahiyaheeda. 1.Bilicda Magaaladu dhulkay taalaa. 2.Wadooyinku waa wax burbursan ama dayacan. 3.Maleh qorshe magaalo. Amaanka Magaaladu dhulka,ayuu yaalaa mana jiraan Ciidan macno leh oo utaagan…
Magacaabista Cabdikariin Guuleed,waxaa lagu fashilinayaa halganka reer Sool. Dhanka kale,waxaa lagu baritaarayaa Muuse Biixi oo looga soo saarayaa Godka Siyaasadeed uu ku dhacay,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/7sF1I7WyDpM
Ciidamada Millateriga Israa’iil,ayaa duqaymo ku wada magaalada Qasa ee Falastiin tan iyo fiidnimadii Caawa. Sidoo kale,waxay Gantaalo huwiyeen caawa Lubanaan. https://twitter.com/AJEnglish/status/1644163303571173376?t=F0ZfCwdxbrBmy4BKcSZNxQ&s=19
Madaxweyne Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau,ayaa si wadajir ah ugu baaqay in si deg deg ah loo sii daayo weriye ka tirsan Wall Street Journal oo lagu xiray Ruushka,kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo. Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka,ayaa sheegtay in weriye Evan Gershkovich, oo ah muwaadin Mareykan ah, la xiray todobaadkii hore,isagoo looga shakiyay inuu basaas u ahaa Dowladda Mareykanka. Wargeyska Wall Street Journal,ayaa beeniyay Gershkovich in uu ku shaqaynayay basaasnimo. Aqalka Cad,ayaa ku tilmaamay eedeynta basaasnimo ee lagu riday Wariyaha mid lagu qoslo. Eedaymaha Basaasnimada,ayaa ka ah Ruushka Xabsi 20-sano ah. https://twitter.com/Reuters/status/1644155531064401922?t=WZ_2fRbXIkAf_si5a3uyDQ&s=19
US. President Joe Biden and Prime Minister Justin Trudeau of Canada called on Wednesday for the immediate release of a Wall Street Journal reporter arrested in Russia on spying charges. Russia’s Federal Security Service said reporter Evan Gershkovich, a U.S. citizen, was arrested last week because he was “suspected of spying in the interests of the American government”. The Wall Street Journal denied Gershkovich was spying. The White House has called the espionage charge, which carries a prison term of up to 20 years, “ridiculous. “The prime minister and the president spoke about Russia’s illegal detention of Wall Street Journal…
Shiinuhu,waxuu isku dayayaa in uu ku qabsado saamaynta caalanka Maraykanka. Isku daygiisii ugu horeeyay,waxuu ku guulaystay in uu isa soo hor fariisiyo Iran iyo Sacuudiga oo Cadow khatar ah isku ahaa. Afar Beri oo wada xaajood qarsoonaa uu ka socday Beijin,ayaa ugu danbayn Labada Dal wada gaareen heshiis Diblomaasi. Shiinuhu waa macmiilka ugu weynaa ee Saliida Sacuudiga Sanadkii hore,waxaana loo dhoofshay Shiinaha 27% wax soo saarka Saliida ee Sacuudiga. $87.3 Bilion,ayuu gaaray Sanadkii hore 2022 Ganacsiga Shiinaha iyo Sacuudiga Sidoo kale Iran,ayaa udhoofisay Wadanka Shiinaha 17% wax soo saarkeeda Saliida. Saamaynta dhaqaale ee Shiinaha,ayaa sahashay ugu yaraan isa soo hor…
Xasan Shiikh,Geelle,Muuse iyo Cabdikariin,ayaa Bishan bartankeeda iskugu imaanaya Shir ka dhici doona Jabuti. Magaca Shirka,waxaa la yiraahdaa Somaliya iyo Somaliland wada xaajoodkooda,waxaase lagu qarinayaa qorshaha qarsoon ee kooxdan ay abaabulayso. Geelle,waxuu rabaa in uu isku muujiyo Oday Somaliyed oo is hor fariisinaya dhinacyada Somalida,isagoo hadana ah Bud-dhigaha qorshaha Irirsimka. Xasan,waxuu aad uraadinayaa in uu noqdo Madaxweynihii Somaliyed ee xaliyay arinka Hargaysa,isagoo hadana qayb ka ah qorshaha Iririsimka ee lagula dirirayo qayb ka mid ah Ummadda Somaliyed. Muuse,waxuu baadigoobayaa badbaadin Siyaasadeed,waana ufursad kulanka Jabuti,isagoo isku muujinaya Madaxweynaha SL-ta Xasuuqa kawada LC ay hoos timaado. Cabdikariin,waxay utahay fursad uu ku muujinayo in…
Madaxweyne Deni Caawa,ayuu saxiixayaa Heshiis cusub oo Puntland iyo Imaaraadku ay iskaga kaashanayaan amniga iyo horumarinta. Heshiiskaas,waxaa lagu Aas-aasayaa Saldhig Ciidamo PL ah iyo kuwo Imaaraad ah ay kawada hawlgalayaan oo laga dhisayo Raas-caseyr Gardafuu oo ah figta ugu daraysa Qariirada Somaliya. Fariisinkaas,waxay lagu kayntaroolayaa Maraakiibta tira beelka ah ee isticmaala Biyo mareenkaas. Puntland,waxaay ku heli doontaa heshiiskan Il dhaqaale oo cusub. Halka Imaaraadku uu heshiiskan ku helayo saamaynta marin Biyoodkaas muhiimk ah iyo qayb ka mid ah dhaqaalaha xooga badan ee soo xaroon doona. Maraykanka,ayaa hor istaagay heshiiskan markii hore,sababtoo ah,waxuu ahaa Saldhig Milleteri oo buuxa,haatanse,waxaa loo badalay wax…
Somalia has suffered decades of complex emergencies and is facing one of the most protracted crises in the world, pervaded by political instability, conflict, environmental and economic shocks. In 2020, the food security situation improved with reduced numbers of people affected and their geographic spread, however, the overall situation remains poor and again worsened in 2021. In this context, FAO started its Cash and Voucher Assistance (CVA) activities in 2008 with a cash for work programme. Since then, CVA has become an important component of its country programme. The cluster evaluation covers FAO projects in Somalia that incorporate cash transfers…
WAR-SAXAAFADEED Magacaabis la yaab leh In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan. Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh. Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa. Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin…
Waxaa saaka Qaadi ka socda Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal uu dhaariyay Guddoomiyayaasha heer Gobol iyo Degmo ee Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1644024632280752174?s=20
https://twitter.com/Reuters/status/1643977105510903813?s=20
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga iyo Iran,ayaa kulmay markii ugu horeysay muddo ka badan 7-sano. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, ka dib wada hadalo uu Shiinuhu dhexdhexaadinayey oo ka dhacay magaalada Beijing, ayay ku xaqiijiyeen inay doonayaan inay dib u furaan xafiisyadooda diblomaasiyadeed muddo laba bilood gudahood ah. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo bilaabo safaradii laba geesoodka ahaa ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo wufuudda rasmiga ah, iyo in laga wada hadlo sidii dib looggu bilaabi lahaa duulimaadyadii dalalkooda. War saxaafadeedka,ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ballaarin doono kalsoonida labada dhinac, isla markaana…
Laamaha amaanka Bosaso,waxaa laga rabaa in ay hadlaan soona saaraan xog hordhac ah,isla markaana ugu danbayn keenaan xogta rasmiga ah ee weerarkan. Waa markii ugu horaysay oo Xarun Ganacsi khasaare intaas le’eg la gaarsiiyo Bosaso. Inkastoo weerarada argagixisadu ay dhacaan,hadana Bosaso Xarumaha Ganacsi waxay la beegsan jireen Bambo Gacmeed aan khasaare weyn gaarsiin. Macruuf,waxaa loo beegsaday waa xarun soo jiidatay macmiil fara badan oo ay ku jiraan hay’adaha caalamiga ah. Waxay kasbatay Adeega PMPF iyo DP World oo waxay hada bixinaysay Raashinka Soonka ay siinayso DP World Dadka danyarta ah. Sidoo kale waa Xarun si qurxoon oo Adeeg sare leh…
Waxay ahaayeen Sadex Nin waxa weerarka kusoo qaaday Al-macruf Super Market Bosaso. Intaysan gudaha usoo gelin Super Market,waxay irida ku dileen Waardiyihii oo lagu magacaabi jiray Faruur. Waxay ku dhaawaceen Hal Wiil,waxaa kaloo jira dhaawacyo Dabku sababay. Dad badan kuma le’an,waxaana yareeyay Geerida wakhtiga weerarku dhacay oo aan ahayn xiliga Macaamiishu ka adeegato Super Marke,isla markaana Shaqaaluhu rawaxay. Bambooyinka argagixisadu ay ku tuurtay gudaha Super Market,ayaa sababay Dab balaaran oo la damin kari waayay. Waa markii ugu horaysay xarun Ganacsi oo sidaa ubaalaran argagixisadu weerarto marka laga reebo Bambooyin Tuurya ah oo ay samayn jireen. Al-macruuf waa Super Market-kii ugu…
Waa hadal gef ah oo ku digasho,marin habaabin iyo difaacid khaldan ku fadhiya. Dagaalka Laascanood,waxaa soo qaaday Maamulka Somaliland ee ay hogaaminayaan Siyaasiyiinta Beesha Isaaq. Maaraynta Siyaasadeed,maxaa ka galay Odoyaal Dhaqan? Dagaalka Milleteri ee Saraakiisha SL hogaaminayso,maxaa ka galay Odoyaal? Ra’isalwasaare xigeenku waa caadifad hadlayaa,waxuuna difaacanayaa Siyaasiyiinta Beeshiisa ee Hargaysa colaada LC ka hogaaminaysa. Nasiibdaradu waa in Dowlada Fadaraalka aysan ku lahayn matalaad Beesha Daarood oo Xamse noqday Wiilkii Curad ee Xasan. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1643589452567134209?s=20
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii maxkamada gobolka New York ka sheegay in aanu wax danbi ah galin 34 dacwadood oo lagu eedeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsgiisa iyo lacag aamusin ah oo uu siiyay gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016. Trump ayaa diiday inuu qirto eedda dambiga lagu soo oogay ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha maxkamada sare ee gobolka New York Juan Merchan kadib markii sharciyaqannadu ay soo bandhigeen eedaha loo heysto. Qareennada difaacayay ee Todd Blanche, Susan Necheles iyo Joe Tacopina ayaa labada dhinac…
36-Gawaarida Gaashamaan oo ay ku jiraan Taangiyo iyo Hal Urur oo Ciidan ah,ayaa lagu soo xoojinayaa difaaca Sool. Ciidankaas iyo Hubkaas waxay kasoo ruqaansanayaan Mudug. Beesha Cumar Maxamuud,ayaa gurmadkan soo diyaarisay markale. Horay,waxay ugeeyeen Gobolka Ciidankii ugu horeeyay ee sababay in SNM ay ka baxdo Tukaraq,Ganbarre iyo hareeraha LC. Sidoo kale waxay door muuqda ku leeyihiin difaacyada laga difaaco Magaalada ee Galbeedka,Bariga iyo Bartamaha. Waa Ciidanka fadhiya Taliskii Ina Canbaashe oo ka saaristiisii halkaasna doorka weyn ku lahaa. Beesha Cumar Maxamuud waxay kaloo qayb lixaad leh uga qayb qaadatay difaaca Sool dhanka hiilka dhaqaalaha,waana Beesha ugu badan ee bixisay Dhaqaalaha…
Cabdikariin waa fahansan yahay shaqadiisa haduuba casuntay Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka jooga Beesha Isaaq Magaalada Muqdisho. Waxa wax tirsanaya oo gooni goosadka raba,waa Beesha Isaaq. Cabdikariin maleh awood iyo karti uu qadiyadan ku wajaho,waxa kaliya ee ku filan yahay,waa uu in Muuse ufududeeyo danaha Villa-da iyo Xalane kaga xiran. Sidoo kale cadaadiska caalamiga ah ee saaran ka fududayntiisa iyo ka xigsado,isagoo isticmaalaya magaca Dowlada Somaliya,ayuu utaagan yahay. Cabdikariin waa Wakiilka dadban ee Muuse ufadhiya Muqdisho. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1643418346635902978?s=20
Donald Trump,ayaa la dhigay xabsiga isagoo noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo eedeymo badan oo lagu soo oogay dartood xabsiga u gelaya,hoos ka daawo muuqaalka. https://twitter.com/CNN/status/1643304803995615232?s=20