Waxaa la furay Saami ka iibsashada Dekeda Garacad ee gaar oo ka mid noqo kuwa nasiibka uyeeshay in ay Mulkiilayaasha ka mid ahaadaan. 100 Share A “Boqol Saami”,ayaa la furay,waxaana ka faa’iidaysan kara dhaman Umada Somaliyed. Saamiga A waa Boqol Kun oo dolar qiimihiisu,balse hadaadan haysan kaligaa la Shiraakoow Dad badan. Garacad waa Dahab Maanta aadan beri fursad uheli doonin Iibsiga Saamigeeda. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1653976802451247104?t=laSsAdZ02m0G7ydTPLET2w&s=19
Author: Jibril Qoobey.
Waa Warqad uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo lagu cadaynayo in Baarlamaanku aqbalay Codsi Madaxweyne oo uu ku dalbanayo Laalid Qodob Dastuuriya. Qodobkaas,ayaa ahaa in Doorasho Dadweyne oo toos ah ay ku yimaadaan 66-Xildhibaan ee Baarlamaanka PL. Markii la hirgelin waayay doorashada Baarlamaanka,waxaa si nidaamiya loo laalay Qodobkaas qeexaya doorashada Xildhibaanada,iyadoo lagu badalay soo xulida Odoyaasha Dhaqanka. Laalidan waa soo jireen la sameeyo doorasho walba ilaa Madaxweyne Cadde Muuse. Hadaba Maanta si loo balaariyo ka qaybgalka Siyaasada ,waxaa la hirgelinayaa in Sadexda Xisbi looga guuro 5-Xisbi,waxaana ansixin doona G.Wasiirada,iyadoo horay Ururadu Cod ugu…
Waxaa kaloo kasoo baxaya baaqashadiisa Ingiriiska war kale oo oranaya,waxuu ubaaqday in uu 21-ka Bishan Aado Uganda oo Ciidan ugu xaraysnaa halkaas usoo xirto tababar. Hadaba,isagoo lagula taliyay in uu yareeyo safaradiisa faraha badan,ayuu door biday labada Safar kan Uganda Xasan Shiikh. Waxaa culays ku noqday in uu horaanta Bishan Aado Ingiriiska,kadibna Ugandha toos usii Aado. Sidoo kale baaqashadiisa,waxaa looga faa’idaysanayaa daminta Tooshka ku ifay bahdilida Ra’isalwadaaraha. Sida warku sheegayo Ra’isalwasaare Xamse,ayaa loo dirayaa Nayrobi si Dadka looga mashquuliyo Safarada Madaxweynaha. Xamse,ayaa Nayrobi utegi doona Mija baxsi maadaama uu ku curqay Xaafiiska oo uusan meelna uga bixin. Jibril Qoobey.
Markab-ka Tritex Glory ayaa Safarkiisii ugu horeeyey Xamuul Kunteenaro ah keenay Dekada Garacad. Maamulka Shirkada Wadaagsan ayaa sheegay in Markab-ka Tritex Glory Uu bilkasta 2 ama 3 jeer Imaan doono dekada Garacad.
Ganacsatada Muqdisho waxay wajahaysaa Canshuur dheeriya oo gaaraysa 100%500 oo uu dul saaray M.Xasan Shiikh. Ganacsatada Muqdisho waxay ku doodayaan in aysan macquul ahayn canshuurta intaas le’eg in la saaro. Ganacsatada Muqdisho waxay wax kasoo dhoofsadaan Suuqyo la mid ah kuwa ay kasoo dhoofsadaan Ganacsatada Puntland iyo Somaliland oo aysan saamaynayn Canshuurtan.. Ganacsatada,ayaa ka wal-wal qabta in Macaamiishu uga wareegto PL iyo SL. Xasan oo cabashada Ganacsatada Muqdisho raba in uu qanciyo,ayaa qorshaynaya Shirka ugu horeeya ee Madasha in lagu mideeyo Canshuuraha guud ee Dalka. DG,ayuu uballan qaaday haday fuliyaan midaynta Canshuuraha in si siman loo qaybsan doono Deeqaha,loogana wada…
Reer Galbeedku waxay ugu deeqeen ku dhawaad 120-Taangi Ciidamada dagaalka kula jira kuwa Ruushka ee Ukrain. Taangiyadaas,ayaa ah kuwii ugu danbeeyay oo casri ah,waxaana tirada ugu badan ku deeqay Maraykanka oo bixiyay 31-Taangi. Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in Ciidamada Ukrain ku hawlgalaan Taangiyadan oo ay baahi weyn uqabeen. Wadamada ku deeqay Tangiyada,ayaa waxaa ka mid ah.. 1.Maraykanka 2.Ingiriiska. 3.Jarmalka. 4.Norway. 5.Poland. 6.Canada. Sidoo kale Ciidamada Ruushka,waxaa gabaabsi ku noqday Hubka,taasoo sababtay in Dowladu wefti udirto Waqooyiga Kuuriya. Ruushka,ayaa usoo jeediyay Waqooyiga Kuuriya in uu Cunto uga badasho Hub. Dhanka kale weerarkii Aqalka Kremlin,waxaa soo baxay war sheegaya in…
Dagaalada ka socda Sudan ayay ku naf waayeen ilaa xiligan in ka badan 400-Qof,waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 5000-Qof,halka ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo Qof. Dagaallka,ayaa Sudan ka qarxay bishii April 15-keedii. Ilaa Maanta,waxaa loo la’a yahay Xal rasmi ah,waxaana jira heshiisyo laysla waafaqay oo Xabad joojin,balse weli dagaalku waa sii socdaa. Waxaa xirmay Xarumihii Caafimaadka,Waxbarashadii,Ganacsigii,waxaana sii yaraanaya Cuntadii,Korntadii iyo Biyihii. Hadii dagaalku sii socdo,waxaa lumi doona kala danbaynta iyo maamulka hoose ee Dowladnimo,iyadoo haatanba ay bilaabatay bililiqo. Sudan waxay noqotay meel ay isku hardiyaan Dowlado shisheeye danahooda. Milliterigu waxay ku adkaysanayaan in ay soo afjarayaan…
Waxaa si buuxda uwada baaqday socdaalkii Xasan Sh ee Uk ,gaar ahaan kulankii Madasha ee Chatam House. Baaqashada Xasan,ayaa,waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo iska soo horjeeda,kuwaasoo laga xusi karo… 1.Caafimaad deg-deg ah oo uu u Aadayo Belgium. 2.Markii hore oo uusan casuumad ka haysan Boqortooyada. 3.Wefti gaaraya 40-Qof oo raaci lahaa oo loo diiday Visa-ha laguna soo koobay 4-Qof. 4.Mudaaharaad iyo su’aalo ugu diyaarsanaa Madasha oo wajiga gabax ahaan uga gabaday. Markii horaba waxaa loo arkayay tagida M.Xasan ee UK mid aan macno ulahayn Dowlada Somaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay Britain loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), waxayna xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka. Bayaan kasoo baxay xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto inay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Catriona…
Somalia Jubbaland PresidentMadobe trip to Addis Ababa, Ethiopia,it can be said, totally failed. AhmedMadoobe had two goals in his trip to Addis, which were… 1. Ethiopia Government to help to control Gedo regional administration 2. his administration should lead the Bu’ale operation against Alshabaab He met with the Ethiopian intelligence and military they told him that the two points of Bu’ale and Gedo he should work with the Somali government, so he should negotiate with the Federal Government of Somalia. After Ahmed, he asked to meet Abiy, but his request was excused and refused. Ahmed’s meeting with Adan Farah and…
Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo xalay bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Kremlin-ka,ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagusoo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroonigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeenkiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha. Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la…
Presidential adviser Mykhailo Podolyak told Reuters news agency that the allegation that Kyiv was behind the attack, and Russia’s arrest of alleged Ukrainian saboteurs could mean Moscow was preparing for a “large-scale terrorist provocation” soon. “Of course, Ukraine has nothing to do with drone attacks on the Kremlin. We do not attack the Kremlin because, first of all, it does not resolve any military tasks,” he said. “In my opinion, it is absolutely obvious that both ‘reports about an attack on the Kremlin’ and simultaneously the supposed detention of Ukrainian saboteurs in Crimea.” Ukraine’s offensive has already begun, says Wagner…
Socdaalkii Axmed Madoobe ee Adis,waxaa la oran karaa waa fashilmay. Laba ujeedo,ayuu kalahaa Axmed safarkiisa Adis,kuwaasoo kala ahaa… 1.In Gedo Gacantiisa la hooskeeno. 2.In hawlgalka Bu’aale isagu hogaamiyo. Waxuu la kulmay Sirdoonka iyo Milleteriga Itoobiya,waxayna usheegeen in Labadaas Qodob ee Bu’ale iyo Gedo ay Dowlada Somaliya kala shaqeeyaan,sidaa daraadeed uu kala xaajoodo Dowlada Fadaraalka Somaliya. Kadib Axmed,waxuu codsaday in uu Abiy la kulmo,waase laga cudurdaartay codsigiisa oo waa la diiday. La kulanka Axmed ee Aadan Faarax iyo Shide,waxaa ka shaqeeyay Ismaaciil Cumar Geelle oo uu uhabarwacday. Imaaraadku waxay ku filnaadeen in Itoobiyaanku ogolaadaan imaanshaha Axmed ee Adis oo uu ku…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sgXvVMObAMg
Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka,ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico. Go’aankan,ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19. Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda. “Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan…
“Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey. Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana…
Dhinacyada isku haya Suudaan, ayaa isku raacay in ay u diraan wakiillo uga qeyb gala wada-xaajood, kuwaasoo laga yaabo inay ku sugan yihiin Sucuudiga, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Folker Bertes. Bertes,ayaa u sheegay wakaalada wararka ee (AP) isniintii, in wada hadaladu ay marka hore diiradda lagu saari doono sidii loo samayn lahaa xabad joojin la isku halayn karo, oo ay kormeerayaan goobjoogayaal heer qaran iyo caalami ah. Wuxuu intaa ku daray in labada dhinac ay markiiba magacaabeen wakiiladooda, si ay wada hadalo hordhac ah u yeeshaan. Bertes, ayaa waxa kale oo uu…
Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay maanta dib u billaabayaan mudaaharaadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha Azimio ahna Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga,ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Agoosto sanadkii hore. Odinga,ayaa hakiyay mudaaharaadyada Saddex Toddobaad ka hor kaddib markii Madaxweyne Ruto uu sheegay in wadahadal lala yeesho mucaaradka. Odinga,ayaa hadda Dowladda ku eedeeyay in aysan dhab ka ahayn wadahadallada. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/De_JWDesul4
In ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. “Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby. “Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri.…
Hadalka dabacsan iyo dhoola cadaynta uu Dadka ku khaldo marka laga soo tago Xasan waxba masoo kordhin hadalkiisu. 1.Waa Nin Laba Weji leh. 2 Waa Nin Eex badan. 3.Waa Nin Musuq badan. 4.Waa Nin aan ku fiicnayn ballanta iyo Runta. Hadallada qurxoon ee kasoo baxaya Afkiisa iyo ficilka uu samaynayo si weyn ayay ukala duwan yihiin. Majiro Qof Aamini kara oo ku kalsoonaan kara hadalkiisa. Tusaale” LC oo Dhiigu daadanayo,ayuu uga dhigay Dhiig joojin Ergay Muuse lagu badbaadinayo. Haatana,waxuu ka shaqaynayaa oo BC kaga xigsaday inta aan Gooja-cade laga saarin in uu Jabuti Shir ugu qabto la yiraahdo SL iyo…
Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is xogwareysi ah Kula qaatay Qasriga Madaxtooyada, Isimada dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL, Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Ruushka ayaa dhowr gantaal iyo madaafiic ku garaacay dalka Yukreen, waana weerarkii labaad ee dhacay inta aanu waagu baryin labaddii maalmood ee lasoo dhaafay. Hal qof ayaa ku dhintay gobolka Kherson iyo 25 qof – oo ay ku jiraan saddex carruur ah – ay ku dhaawacmeen Dinibrobetrofiski. Ciidamada qalabka sida ee Yukreyn, ayaa sheegay in 15 ka mid ah 18 gantaal oo la riday ay qabteen hannaanka difaaca cirka ee dalkaasi. Mid kamid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan, ayaa waxay ahayd magaalada Baflohrad oo u dhow Dinibro – sarkaal katirsan kuwa Ruushku uu geeyey halkaasi, ayaa sheegay in agabkii weerarka Yukreyn…
Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay xireen 47 qof oo isugu jira suxufiyiin, iyo dad u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada. Sidoo kale dowladda, ayaa qabatay hub iyo walxaha qarxa, taaasoo lagu “fulin rabay fal argagixisanimo”, sida ay sheegtay, iyadoo la isku dayayey in la afgambiyo ismaamulka dhaca woqooyi dalka Itoobiya ee Amxaarada. Xarigga ayaa yimid maalmo, kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Itoobiya, ay dabley hubaysan ay toogteen. Qaar ka mid ah dadka la xiray oo ay aqoonsadeen ciidamada ammaanka iyo sirdoonka ee dalka Itoobiya, ayaa hadda kahor la xiray, iyadoo sii deyntooda kadibna uu haatanna…
“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk. Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi. Weerarka,ayaa ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero. IS ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee IS lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qeDpka6kkLU
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale ku heshiiyey inay kordhiyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa oo ku ekaa habeenimadii Axadda, iyaga oo haatan markale kordhiyey illaa 72 saacadood oo kale. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/Zv76jA5S2lM?feature=share
Dukheymo dhinaca Cirka ah iyo Madaafiicda goobta,ayaa Sabtidii shalay gilgilay qeybo badan oo ka mid ah Caasimadda Sudan ee Khartoum, xilli uu Todobaadki Saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeya Millatariga iyo Xooggaga RSF. Dowladda Mareykanka,ayaa sheegtay, in Boqollaal muwaadiin Mareykan ah oo kasoo cararay dagaalka Magaalada Khartoum,in ay gaareen magaalada Dekedda leh ee Port Sudan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZSTzZZfNEzk
Habeen hore, mar uu wareysi ku siinayay Madaxweynaha Kenya Mo_Ibrahim Fdn xarunta KICC ee Nairobi,ayuu sheegay in Somaliya aysan Dowlad lahayn. “54-Wadan oo xor ahaa laga soo bilaabo 1960-kii miyaysan maarayn karin $85-Milyan oo lagu taageero Somaliya oo aan Dowlad lahayn,halka ay ka sugayaan Midowga Yurub”Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya. Waa hadal canaan ahaan uu ku iftiiminayay Ruto Wadamada Afrika iyo waxtarxumadooda,iyagoo Qaramo ah in ku dhow Qarni welina ay si dadban uhoos joogaan Gumaystayaashii Yurub. Balse waa hadal niyad jab,bahdil iyo foolxumo ku ah Umadda Somaliyed hadana aan lagu dhibsan karin Ruto,sababtoo ah waaqiciga,ayuu ka duulay. Villa Somaliya Dowlad laguma…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4yCnlkKV9jo
Ciidamada RSF,ayaa Ciidamada kasoo horjeeda Millatariga Sudan ku eedeeyay dhowr weerar oo xagga cirka ah, oo lagu qaaday Saldhigyada ay ku leeyihiin qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khartuum. RSF,ayaa sheegtay inay dib u soo cusboonaadeen weerarada, inkastoo ay weli jiro xabad joojin. Ciidamada RSF,ayaa waxay sheegeen in weeraradii u danbeeyey lala beegsaday xaafado ka tirsan Magaalada Khartuum. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/81tbOFPqD9E
Kemal Kilicdaroglu, oo ah 74 jir hoggaamiya xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee CHP siyaasaddiisuna tahay bidixda-dhexe wuxuu horay ugu guul darreystay doorashooyin uu madaxtinimo iisu soo taagay. Balse doorashada sanadkan dhaceyso uu musharraxa ka yahay wuxuu uga duwan yahay waa musharraxa keli ah oo ay isku raaceen lix xisbi oo mucaarad ah. Kamal Kilicdaroglu hoggaanka xulafada mucaaradka ee ay isbahaysteen wuxuu kula heeshiiyey hoggaamiyeyaasha xisbiyadaasi iney iyaguna wadaagaan xilka madaxweyne ku xigeenka. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ay Kurdiyiintu leeyihiin ee HDP wuxuu doorashadan ku tilmaamay ‘mid muhiim u ah taariikhda dalka Turkiga’. Mr Kilicdaroglu oo horay shaqaale dowladeed u…
Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu. Turkiga oo muuqda inta uu xilka qabtay Erdogan inuu keligii-talisnimo dalkaasi ku mamulayey ayey mucaaradka doonayaan iney wax ka baddalaan. Waxaana si gaar ah Erdogan u nugleeyey sicir bararka cirka isku shareeray welina taagan iyo dhul gariirki mataanaha ahaa ee sababay dhimashada inka badan 50,000 oo qof. Malaayiin shacab ah oo ku nool 11 gobol oo Turkiga ka tirsan ayaa ku guryo beelay. Iyada oo deegaannada uu dhul gariirka ku dhuftay badankood ay ahaayeen deegaanno…
CC Warsame,waxaa Qormadiisa macno tiray,markii uu Madaxweynaha kaliya ka dhigtay halyeey oo uu iska indho tirtay… 1.Musuqiisa 2.Eexdiisa 3.Safaradiisa aan macnaha lahayn. 4.Tixgelin la’aantiisa Dastuurka. 5.Rabitaankiisa mudo kororsi. Fashilka saakay taagan Xasan lalama wadaago ee in uu ku dhiirado sheegida ayay ahayd oo aysan Qabyaaladu Indho tirin. Xasan,waxuu nabaray C.C.Warsame hankiisa iyo midabkiisa rasmiga ah. Jibril Qoobey.
“Somali loo heshiiyay oo laga heshiiyay”Ayuu ku fasiray Prof.Samatar hal hayskii M.Xasan. Shan Qodob,ayuu ucuskaday dhaliishiisa Madaxweyne Xasan… 1.Rabitaan mudo kororsi. 2.Safaro badan oo aan waxba laga ogayn. 3.Tixgelin la’aan Dastuur. 4 Musuq baaxad leh. 5.Eex xuduud dhaaf ah. Xasan Shiikh laysma lahayn Sanadka ugu horeeya ee hogaamintiisa,ayuu fashilmayaa. Waxaa muuqata in Da’ mooyee aysan wax kale ukordhin Madaxweyne Xasan. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1652281085772935169?t=DwXoeaTn_QBlYeYzR-rK2w&s=19
Qosolka Xasan iyo Bixi iyo Eeg mada Ismaciil (Samale Foundation Center)?? Salaanta,isla jooga,Qosolka iyo Dhoolacadaynta farxadeed ee sawirkan ka muuqda,waa kii soo afjaray qorshihii 30-ka sano laga soo shaqaynayay ee Gooni-goosadka. Irir-samaale Dad badan oo Somaliya,ayaa dhibsaday una arkay xumaan iyo Qabyaalad cusub oo dib loosoo faagay. Balse xaalku sidii looga walwalsanaa ee ls moodayay ma noqon oo Irir-samaale,waxuu soo afjaray hankii Qaran madax banaan ee Hargaysa. “Kulankaasi,waxuu caalamka tusay in ay Somalidu tahay Dad wada dhashay,isku mid ah kaliya caadifad Qabiil dhextaalo oo xataa Jabuti aysan ahayn Qaran ee ay Beelaha Somaliyed ka mid tahay”. Qolyihii BC,gaar ahaan Chatam…
Chatam House waa Xarunta ay kasoo baxaan dhamaan fikradaha lagu burburiyo Dowladaha Islaamka. Inta badan hay’adaha,kooxaha iyo Sirdoonada dajiya Siyaasadaha ka dhanka ah Shucuubta Islaamka Diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan,ayaa soo dhexmara oo ku hanuuniya Dadka ay isticmaalayaan. Gaar ahaan Somaliya waxyaabaha ka socda ee lagu burburinayo Dowladnimadeeda,midnimadeeda iyo Dhaqankeeda,waxay kasoo fulaan Chatam House.. 1.Argagixisada 2.Colaadaha sokeeye 3.Kala goynta Dalka 4.Faafinta dhaqamada khaldan. 5.Foolxumaynta Dowladnimada Waxaa la sheegaa in 30-Dhalinyaro gaaraysa oo Somaliyed laga soo maalgeliyay si dadban iyo si toos ah Chatam House,kuwaasoo Maanta ah Siyaasiyiin saamayn leh. M.Xasan,waxuu ka mid ahaa kuwii sida Dadban loo hanuuniyay oo loo maalgeliyay,isagoo…
London waxay Dowlada Somaliya kaga qaybgalaysaa kulan lagu qabanayo Chatam House. Xarunta Cilmi Baarista ee Chatham House,ayaa qabanaysa. Arrimaha Somaliya ee looga hadlayo,ayaa waxay kala yihiin.. 1.Amniga 2.Siyaasadda. 3.Bulshada Waa Machad saamayn ku leh Siyaasada,iyadoo ay kasoo qaybgeli doonaan ku dhawaad 20-Safiir iyo hay’ado caalami ah. Kulankan,waa ku matali karay Ra’isalwasaare Xamse Somaliya,halka Xasan isku marayo Kambala ilaa London. Waa nasiibdarro iyo bahdilaad Dastuur. Jibril Qoobey.
Shirka Madasha Qaranka oo ay ahayd in uu qabsoomo 23-ka May,waxay ubadan tahay in dib loo dhigo markale. Ujeedka loo baajinayo,ayaa lagu sheegay xal uhelida khilaafka PL iyo Dowlada Fadaraalka. Sidoo kale,waxaa isla Bisha May dhici doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka PL,taasoo iyadana la tixgelinayo. Dhawaan,waxaa la filayaa in ay gaaraan Garowe Laftagareen iyo Qoor-qoor. Tagidooda kadibna,waxaa la rajaynayaa in ay kulmaan Gudiyada khilaafaadka ee PL iyo Fadaraalka. Jibril Qoobey.
PL iyo JL markii lagu dhawaaqayo,waxay kuula muuqanayaan Laba Maamul,balse sidaa ma’ahan. JL waxay utaagan tahay midnimada,matalaada,horumarka iyo helida Adeeg Bulsho ee Daarood iyo Somalida kale Koonfurta Dalka rabbi kuwada beeray. In wakhti,dhaqaale iyo Dhiig la geliyay kama dhigna in Axmed Madoobe la taageerayay ee waa waajib lagudanayay. Axmed nasiib,ayuu uyeeshay in uu ahaado hogaamiyihii maamulkaas 12-kii Sano ee lasoo dhaafay. PL=JL wayna sii ahaan doontaa si walba oo ay Deni iyo Axmed ukala fogaadaan. JL cid gaar uleh majirto ee waa lawada leeyahay. Shaqada ugu weyn ee noo taala waa in la xaliyo Gedo tabashadeeda. Si gaar ah M.Deni,waxaa…
Halkan ka daawo muuqaalka https://m.youtube.com/watch?v=8jfENW8fp0o&t=318s
Halkan ka dhagayso dooda https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1651817965627506689?t=avKvyODRIOu1TbuPjRUR4A&s=19
Imaaraadku waa ka baxay garabka Xasan Shiikh,sida ay sheegayaan Ilo xog ogaal ah. Waxaa iska hor yimid danihii imaaraadka iyo danaysigii Xasan ee Masar,Qatar iyo Sacuudiga,waxayna u arkeen Nin aan la aamini karin. Haatan,iyagoo ka jawaab celinaya hab dhaqankiisa,waxay Axmed Madoobe uga damaanad qaadeen Itoobiya oo geeyeen Adis. Sidoo kale waxay heshiisiinayaan Deni iyo Axmed Bisha danbe,sida xoguhu sheegayaan. Hadafka Imaaraadku waa in ay isku dubaridaan isbahaysi xoog leh oo la loolami kara Villa Somaliya. Jibril Qoobey.
Shirkii hogaamiyayaasha Dowladaha ay Ciidamadu ka joogaan Somaliya ee Ugandha kusoo gabagaboobay,waxuu ahaa mid loogu quusgooyay Geelle iyo Musefeni. Shirkan,waxaa ka horeeyay kuwo hore oo looga xaajoonayay qorshaha looga saarayo Ciidamada Atmis Somaliya. Si cad,ayaa reer Galbeedku ugu sheegeen Xasan Shiikh in uusan dalban sii joogista Ciidamada Atmis oo la gaaray wakhtigii la saari lahaa. Maraykanku waxay usheegeen in ay Farmaajo Madaxweynihii hore kula galeen heshiis saarista Ciidamada Atmis,taa badalkeedana Somaliya loo dhisayo Ciidan Qaran lagana kabayo Miisaaniyadooda,sidaa daraadeed uu fuliyo heshiiskaas. Si walba ayay iskugu dayeen Madaxweynayaasha Jabuti iyo Uganda in ay helaan mudo dheeriya oo Ciidamadoodu sii joogaan…
Caalamka oo uu hormuud uyahay Maraykanka,waxay qorsheeyeen in Somaliya Dowladnimadeeda la kiciyo. Waxaa miiska saaran Shan arimood oo kala ah… 1.December Sanadkan oo Shabaab la jabiyo. 2.December Sanadka danbe oo ugu danbayn Ciidamada Atmis laga saaro Somaliya. 3.24000-kun oo Askari Ciidan ah oo loo dhiso Somaliya,oyadoo 5-sano mushahaarkooda ay bixinayso BC. 4.Shidaalka oo Sanadkan gudihiisa la dilaaciyo. 5.Khafiifinta Cunaqabataynta Hubka. Balse dhamaan Qodobadaas,waxaa ku xiran Shardi ah Somali wada socota oo midaysan. Xasan Sh xili caalamku noosoo jeenstay oo isbadalada Siyaasadeed ay fursad siiyeen Somaliya,ayuu noqday Madaxweyne,umase muuqdo mid uga faa’idayn doona? Jibril Qoobey.
Ciidamada Milateriga,ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta, oo dhacayey fiidnimadii Khamiista lagu daro saddex maalmood oo kale. Maleeshiyada RSF ee la dagaalamaya ciidamada Dowladda Sudan,ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabanaysa maalinta Jimcaha. Hadalkan ka soo baxay labada dhinac, waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD iyo Wadamada Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sucuudiga. https://twitter.com/AJEnglish/status/1651734218958049281?t=15OLiULaxe9rb-EbdXOoxQ&s=19
The Sudanese army and the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) have agreed to extend their ceasefire amid ongoing violence in the capital Khartoum and the western Darfur region. In the final hours of the repeatedly broken three-day truce, due to end at midnight (22:00 GMT) on Thursday, the army said it would extend the ceasefire “for an additional 72 hours” following mediation efforts by Saudi Arabia and the United States. tended truce, adding that the proposal came from two diplomatic groupings that include the US, Saudi Arabia, Norway, the United Kingdom and the United Arab Emirates. On Thursday, warplanes patrolled…
Hogaamiyayaasha Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Somaliya,ayaa isku raacay in la sii wado dhimista Ciidamada ATMIS ee Somaliya.
Garoowe: 27 April 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 27-da April 2023, kuna saabsan dhismaha Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-araginmadooda shaqo Markuu arkay: Baahidda loo qabo Horumarinta Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa la Aasaasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. 2. Waxaa Maxamuud Xassan Aw Yuusuf loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland 3. Waxaa Nuur Ciise Maxamed loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda…
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨,𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟐𝟕, 𝟐𝟎𝟐𝟑; Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda. Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee…
Xalay,waxaa kulmay 9-ka Urur Siyaasadeed ee Puntland 7-ka mid ah. Waxaa la hor dhigay hindisihii ahaa Sadexda Xisbi in looga guuro 5-Xisbi oo Siyaasada Puntland ka arimiya 10-ka sano ee soo socota. Lix ka mid ah,ayaa isku raacday in laga guuro Sadexda Xisbi loona badalo 5-Xisbi. Golaha Wasiirada,ayaa la horgaynayaa oo ansixin doona,waxaana kadib loosii gudbin doonaa Baarlamaanka oo lifaaq ka dhigi doona Dastuuriya. Xulka Siyaasada reer PL,ayaa qabay fikirkan kana soo horjeeday in Sadex Xisbi loo xiro Siyaasada,balse Deni tiisuu dhex raacsaday oo waa ka faa’idaystay. Xalay ayay ufariisatay rajadii mudo kororsiga Deni oo hankiisu waa in Doorashada Golayaasha…
Isbadal ku Aadan Agaasimayaasha Guud iyo Talyayaasha Daraawiishta iyo Booliska,ayaa dhacaya. Talyaha Daraawiishta Abshir London,waxaa lagu badalaya Talyaha Ilaalada Madaxtooyada xiligan Ninka ah. Sidoo kale Talyaha Booliska,waxaa lagu badalayaa Muxyidiin oo hada jooga la dagaallanka argagixisada. Agaasimayaasha Maaliyada,Caafimaadka,Waxbarashada,Duulista Hawada,Amniga,PHA iyo Arimaha gudaha,ayaa la filayaa in isbadalku ku dhaco. Isbadalkan,waa mid Olale doorasho ku saabsan oo Madaxtooyadu Ururkeeda taageero ugu raadinayso. Ugu badnaan Laba Todobaad gudahood in uu dhaco isbadalkaas ayay ubadan tahay. Jibril Qoobey.
3500 Dad ka badan oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud,ayaa iska diiwaangeliyay Bosaso. Nasiibdarro Dadkaas,waxaa loo diiday in ay helaan Goob ay ka codeeyaan oo ay Musharaxiintooda kusoo saartaan. 750-Qof haday Dadku gaaraan,waxaa sharciya in ay helaan goob doorasho. Waxa hor istaagay waa Gudoomiyaha Gobolka,Duqa Bosaso,masuuliyiinta Ururka KAAH iyo Gudiga doorashada. Taladayda waxay tahay hadii laydin ogolaan waayo Goob aad Codkiina ku dhiibataan dulqaad ku dara oo kaliya,waxaad samaysaan Ucodeeya Mideeye. Sidoo kale Gobolka Mudug,waa in looga Codeeyaa Mideeye,sababtoo ah Madaxweyne Deni waxba waa ka qaban waayay cabashada Beesha,waxuuna wax la raadinayaa Beelo aysan Bosaso ka joogin 100-Qof. Jibril Qoobey.
Hal Sano oo safaro ku dhamaaday waxba uma soo kordhin Somaliya. Tagidiisa Uganda ee Maanta,waxay ku salaysan tahay Ciidamo Beeleedka 10-ka kun ah qalabayntooda. Qodobka ka bixida Ciidamada Atmis Somaliya 2024 uma badna in uu hirgalo,sababtoo ah majiraan Ciidan Qaran oo badalaya. BC ee bixisa dhaqaalaha Ciidamada Atmis waxay khaati ka taagan tahay waxqabad xumida,musuqa iyo qorshe la’aantooda. Sidoo kale waxay ka niyad jabsan tahay Somalida iyo dadaal xumidooda ay ugu diyaar garoobi waayeen hanashada amniga dalkooda. Dalku maleh Siyaasad Amni oo wadata khariirad lagu midaysan yahay. Madaxweyne Xasan Qodobadii horyaalay ee ay ahayd in uu waxkaqabto,waxaa ugu muhiimsanaa fulinta…
BBC-du waxay wax ka badashay Khariiradii hore ee ay u isticmaali jirtay marka ay tilmaamayso Dhulka maamulka Somaliland ka taliyo. Haatan Sool iyo Sanaag ayay si buuxda ugu dartay Dhulka qaybta ka ah Dowlada Fadaraalka. BBC-da,ayaa ah Shirkad Warbaahin oo ay leedahay Dowlada Ingiriiska oo ah musdanbeedka tixraaca u ah dooda gooni goosadka maamulka Hargaysa. Khariirada,ayaa saamayn ku yeelan doonta Deeqaha caalamka iyo jaangoynta Siyaasada. Waa talaabo guul u ah Midnimada Somaliya,gaar ahaan Dadka reer Sool iyo Sanaag. Maamulka Muuse Biixi waxay ku tahay dharbaaxo Siyaasadeed oo atsan kasoo kaban doonin. Jibril Qoobey.
Odayaasha dhaqanka ee ku jira dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa maanta kulan la yeeshay shir Guddoonka Golaha Guurtida ee maamulka Muuse Biixi. Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa gaarey shaley magaalada Hargeysa. Sidaanoo kale Odayaashan waxay kal hore tageen Garowe iyo Laascaanood oo ay kula soo kulmeen Garaadada. In Muuse aqbalo tagidooda Laascaanood waxay ku timid cadaadis kaga yimid Beesha caalamka. Tani waxay macno tirtay doodii Maamulka Muuse ee ahayd in Laascaanood ay ku dirirayaan Maamul iyo Beel ka mid ah Beelihiisa oo waxtirsanaysa. Sidoo kale,waxaa soo afjarmay sheegashadii ahayd (Jamhuuriyad madaxbanaan).
Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Talaadadii gaartay 90 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34 qof. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka illaa hadda la la’yahay ku sheegtay 213 qof. Paul Makenzi, oo hoggaamiya kaniisadda Good News International Church, ayaa lagu eedeeyey inuu xertiisa ku ururiyey beer ku taalla magaalada Malindi,hoos ka daawo muuqaalka.…
In ka badan 400-kun oo Qof,ayaa qaadanaya Kaararka Aqoonsiga ee Codbixinta Doorashooyinka Puntland. Hadaad horay isku diiwaangelisay doono Kaarkaaga si aad Codkaaga wax ugu badasho. Puntland macno weyn ayay uleedahay doorashadan… 1.Waxay xoojinaysaa doorkeedii Curadnimo ee Somaliya. 2.Waxay kor usii qaadaysaa nidaamkeeda. 3.Waxay ka raraysaa Hab Beeleed oo uraraysaa Dowladnimo salkeedu yahay Dimuqraadiyad. 4.Waxay xoojinaysaa midnimada iyo cadaalada. Doorka qaado Doorashadan hirgalkeeda. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1651190895495069697?t=J2zeCyh5Q_ws67Yx2gC6cQ&s=19 Jibril Qoobey.
Milleteriga Sudan,ayaa xaqiijiyay in uu Xabsiga ka baxsaday Madaxweynihii hore Albashiir. Hadaba ka baxsashada Xabsiga ee Cumar Albashiir maxay ka badali kartaa dagaalka iyo Siyaasada Sudan?,hoos ka daawo falanqaynta Aljazeera. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/48hVhq1l8UM