Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynhii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo la filayo in maanta oo talaado ah ay uga bilaabanto dacwad ka dhan ah, taasoo ah markii ugu horraysay ee abid dacwad lagu soo oogo madaxweyne xilka haya ama mid ka degay. Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaaban doonto dhageysiga dacwado uu wajahayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/ERh355bVMLI?feature=share

Read More

Ergayga gaarka ah ee Madaxtooyada uqaabilsan gaarsiinta Adeegyada muhiimka ah Bulshada Deegaamada dib looga xoreeyay argagixisada,ayuu noqday Waare. Waa shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Fadaraalka ay qaban lahayd,balse ay ku filnaan wayday oo loo baahday Ergay qabta Shaqadaas oo Villa Somaliya toos uhoos yimaada. BC oo bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya Adeegyadan Deegaamada la gaarsiinayo,ayaa muujisay in ay khaati ka taagnayd wada shaqaynta Fiqi,waxayna si la yaab leh usoo dhawaysay magacaabista Waare. Madaxweynihii hore ee Hir-shabelle Mudane Waare Nin shaqsiyad fiican oo leh aragti caafimaad qabta. Masuuliyada loo dhiibay waxay fursad utahay reer Hiiraan oo ah Dadka ugu mudan ee udiyaarsan…

Read More

Sanna Marin oo ahayd Raysal wasaaraha dalka Finland ayaa ku guul darraystay in ay sii xejisto xilkii ay muddada haysay ka dib markii xisbigeeda lagaga adkaaday doorashadii Baarlamaanka ee halkaas ka dhacday. Xogaha hor dhaca ah ee tirinta codadka laga helayo ayaa sheegaya in ay guushu raacday xisbiga is bahaysiga midigta ee NCP loosoo gaabiyo kaas oo helay 20.8% codadkii la dhiibtay. Dhinaca kale Musharrixiintii Soomaalida ahaa ee u xusul duubnaa in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka waddanka Finland ayaa gebi ahaantoodba ku guul darraystay in ay hantaan booskii ay Soomaalidu hore u haysatay. Ka dib markii ay is sharraxeen…

Read More

Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo toddbaadyadii lasoo dhaafay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowlada madaxweyne Ruto waday,ayaa shaaciyay inay hakiyeen dibadbaxyadii. Maanta,ayaa lagu waday inay ka dhigaan qeybo kamid ah dalka Kenya dibadbaxyo waa weyn Mucaaradka. Madaxweyne Ruto,ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada. Sidoo kale,waxaa ka qeyb qaatay dadaallada lagu hakinayo dibadbaxyada Mucaaradka beesha caalamka oo uu Maraykanka kamid yahay. Xukuumada iyo mucaaradka Kenya,ayaa loogu baaqay in ay khilaafka wadahadal ku dhameeyaan.

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa. Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada. Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka u uku noqdo waxa uu khudbad…

Read More

“Haddii Ingiriis tabasho qabo hanoo yimaaddo, san-ku-neefle kale ka dhegeysan mayno xuduudaha SSC.”Ayuu yiri Garaad Mukhtaar oo jawaab gaaban ka bixiyay hadalkii Muuse Biixi ee Caawa uu ka jeediyay Hargaysa. https://twitter.com/GaraadMukhtaar/status/1642665235495501824?s=20

Read More

Muuse Biixi hogaamiyaha Maamulka SNM ee Hargaysa oo Caawa ka hadlay dagaalka Laascaanood,ayaa la shir yimid dood jilicsan oo aan jiha lahayn kana fog waaqiciga Sool ka taagan saakay. Muuse,waxuu isku dayay in uu isku muujiyo Nin Nabad iyo wada xaajood raba,balse sida looga bartay markan oo kale,waxuu abaabulayaa guluf colaadeed oo cusub. Puntland,ayuu uga dacwooday Dowlada Xamar kuna eedeeyay in ay dagaalka LC qayb uga tahay wax walba oo ay awooday. Ma dhawa Muuse welina xaqiiqda uma dhaadhicin markaad hadalkiisa qiimayso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/ysTRHLFcFM8?feature=share

Read More

Garaadadu way hadleen,waana iska beri yeeleen waxa loogu yeero SL in ay qayb ka yihiin. Doorkii Dhaqanka ee jawaabta hab dhaqanka Xasan si macno leh,ayuu umuuqdaa. Puntland doorkii kaga aadanaa arinkaas waa buuxisay si weliba firfircoon oo dhiiranaan leh. Waxaa haray oo la tabayaa in la helo Siyaasi reer Sool ah oo ka madax banaan PL oo ku dhiirada in uu dul istaago si faahfaahsan khaladka Xasan Shiikh. Siyaasi,waxaa loo baahan yahay buuxsha booska Siyaasadu ku leedahay jawaabahan oo ku dhaca Erayada iyo tilmaamaha Garaadadu ka Afgobaadsadeen. Xasan waa nacab ay leedahay qadiyada Sool oo isqariya,Muusana waa Cadowga muuqda ee…

Read More

Somali iyo Shisheeyaba uma soo dhaweyn magacaabista Cabdikariin sida Waare loo soo dhaweeyay. Sababtu waxay tahay dhawr qodob oo mudan in la dul istaago… 1.Xiliga la magacaabay. 2.Shaqada loo diray oo uusan qaadi karin. 3.Dhex-dhexaadnimadiisa oo hoosaysa. 4.Hogaamintiisii hore oo ceebaysan,sida Galmudug iyo Wasaaradihii amniga iyo Arimaha Gudaha. Haldoor fara badan oo reer Muqdisho ah,ayaa ka hor yimid magacaabista Cabdikariin kuna dhaleeceeyay Xasan,iyagoo ku dhaliilaya in ay khalad tahay xiliga magacaabista iyo Qofka la magacaabay. Warar hoose oo laga helayo Villa Somaliya,waxay sheegayaan cida ku qalqaalisay Xasan magacaabista Cabdikariin in ay tahay Faarax Cabdiqaadir. Ujeedka looga gol leeyahay,waa in Muuse…

Read More

Xilalka uu Magacaabay Xassan Shiikh Maxamud ee Page Villa Somaliya Lagu Soo Daabacay Laga soo Bilaabo 23/May-2022 ilaa Maanta 1/Apr-2023 1- 23-May-2022 Hussein Sheekh Mohamud Agasamaha guud ee Madaxtooyada J.F.S “ Digil&Mirifle, Hadamo” 2- 23-May-2022 Mohamed Amiin sheekh Osman agasime ku xigeenka madaxtooyada J.F.S “Hawiye, Abgaal” 3- 24-May-2022 Abdirahman Abdishakur Warsame Ergeyga gaarka ah ee arimaha abaaraha “Hawiye, Habar gidir” 4- 24-May-2022 Hussein moalim Mohamud lataliayaha amniga qaran J.F.S “Hawiye, Mursade” 5- 26-May-2022 Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S. “Dir, Isaaq” 6- Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S. “Dir, Fiqi Maxamed” 7- Hassan Adam…

Read More

Puntland,ayaa cambaareysay, ergayga Xassn Sh.u magacaabay wada hadalada Somaliland & Dawladda faderaalka. “Xasan Shiikh wax siyaasad ah uma kordhin, mana garowsana Midnimada dalka”.Ayuu yiri W.Warfaafinta PL. Wasiirka warfaafinta Puntland,ayaa ugu baaqay in Dowladda Faderaalka looga baahan yahay in ay taageero nooc kasta oo ay tahay ay siiso dadka deegaanada SSC, oo u taagan Midnimadii Somaliyed. Warka PL kasoo baxay ee ku Aadan Ergayga Xasan umagacowday Hargaysa,waxuu dharbaaxo ku yahay qorshaha Jabuti buddhiga utahay. Jibril Qoobey.

Read More

Xukuumadda Puntland,ayaa sheegtay in Somaliland ay abuurtay kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab. Ujeedka ay u abuurtay,ayuu ku sifeeyay Wasiirka Warfaafinta PL ahaa si koonfurta dalka ay u gubato Goboladooda Waqooyi Galbeedna ay udhismaan. “Dhaawacyadooda,ayaa lagu dabiibaa magaalooyinka Somaliland, Baasabaroodana looga sameeyaa dalka Jabuti”Ayuu yiri W.Warfaafinta Puntland. Puntland tiro dhawr jeer ayay horay usheegtay in SL taageerto Ururada argagixisada ah sida Shabaab. Dhawaan Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas,ayaa si cad uxaqiijiyay in baaris ay PL samaysay xiligii uu madaxda ka ahaa Lagu ogaaday wada shaqaynta argagixisada iyo SL. Jibril Qoobey.

Read More

Puntland minster of information H.E Mohamud Aideed Dirir has stated in his recent press conference that the somaliland secessionist admistration in Northern Somalia having it’s a secretive alliance with Al-Shabaab terrorist group. Honorouble Mohamud Dirir Aideed , the minster of information of puntland has exposed these hidden facts. ” somaliland and Al-Shabaab are true friends and they have one aim, which is causing insecurity and massive distructions in Southren somalia whilst they turned somaliland safe zone”. ” Al-Shabaab never attacks somaliland terretrories becouse of both parties’ secretive friendship” said minster Mohamud Dirir. Whilst the minster has continued his speech he…

Read More

Garaadada,waxaa laga rabaa in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan in aysan qayb ka ahayn Sool,waxa loogu yeero Somaliland markale. Ujeedka Xasan leeyahay waa Madax goosi iyo Gashaanti Aamuskaa lagu meheriyaa,taasna waa in la fashiliyaa. Muuse,ayuu badbaadinayaa Siyaasiyan oo usamaynayaa Wado uu ka baxo. Caalamka,waxaa la tusayaa in Sool ay hoos tagto hogaaminta Muuse Biixi. Halganka Bulshada Sool waxuu rabaa in uu waxba kama jiraan ka dhigo. Waa umuhiim qadiyada xiligan dul istaaga arinkaas iyo cadaynta in aysan khusayn magacaabida Cabdikariin Guuleed. Jibril Qoobey.

Read More

Magacaabistan ma haboonayn munaasabna maba ahayn xiligan. Cabdikariin Guuleed in loo magacaabo Ergay SL ku wajahan waxay ka dhigan tahay in SNM lagu garabsiiyay xumaanta. Muuse Biixi iyo kooxdiisa ma mudnayn in xiligan laga dhigo Maamul udiyaarsan wada hadal. Waxay ahayd oo M.Xasan ku heli lahaa Sharaf iyo Magac in uu ka hadlo xasuuqa Laascaanood. Balse in uu is ilowsiiyo Dhiiga Laascaanood ku daadanaya oo Muuse umagacaabo Ergay waxay ka dhigan tahay in lagu abaal mariyay xasuuqa Shacabka. Muuse wada hadal iyo wanaag diyaar uma ahan,wuxuuna weli wadaa xasuuqa Shacabka LC oo Maanta ay ugu danbaysay. Xasan waa cad yahay…

Read More

Dhimashada ay Oog gaarsiiyeen Ciidamada SNM,waa 43 inta la xaqiijiyay. Dhaawaca,ay gaarsiiyeen Oog,waa 76 uu ku jiro Faysal Bootaan oo ay Madaxa uga dhacday,sida wararka aan ku helayno. 23-Maxbuus waa laga qabtay oo uu ugu hilan yahay Abaanduule Ciidan ugu magacaaban Guutada 8-Aad SNM-ta,waxaana lagu magacaabaa Gaashaanle Sare.Siciid Nuux Waylood,kana soo jeeda Beesha Habar-jeclo. Bariga dagaal kharaar,ayaa ka dhacay,waana la riixay Ciidamada SNM.

Read More

Hawlgalka Maanta,waxuu ahaa burburinta Sahayda iyo goynta Wadooyinka ay usoo marto SNM. Beesha J.Siyaad oo degta Dhulka Sahaydu soo marto,ayaa hogaaminaysay hawlgalka,waana xaajo qaateen. Beelaha Harti ee dagaalka galay guushana ka gaaray,waxay kala ahaayeen Maanta. 1.Cali Saleebaan. 2.Qayaad. 3.Reer Hagar. 4.Jaamac Siyaad. 5.Cumar Maxamuud. Dhimashada dhanka Beealaha Harti ee dagaalka Maanta waa 24 inta la xaqiijiyay. 4-Cumar Maxamuud ah. 6-Qayaad ah. 5-Jaamac Siyaad ah. 9-Reer Hagar ah. Dhaawaca soo gaaray Beelaha Harti,waa 34 oo kala ah… 6-Cumar Maxamuud ah. 11-Qayaad ah. 17-Jaamac Siyaad ah. Maxaabiista laga qabtay Beelaha Harti,waa 7-kala ah.. 6-Jaamac Siyaad ah. 1-Cali Saleebaan ah. Gawaarida laga qabsaday…

Read More

Ciidanka Xildhibaankii hore ee ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland uu watay waxay Jidgooyo u galeen Ciidan Urur ah oo Sahay usiday SNM kana yimid magaalada Oog. Ciidankaa waxaa loo galay Wado ay samaysteen markii dagaalkii hore looga qabsaday Waddadii ay marsiin jireen sahayda oo ku taal Aaga Canjiid. Markii ay isheleen Ciidankii Xildhibaanku ku jiray iyo Ciidankii Sahayda siday ee SNM,waxaa Gacanta sare helay kuwii Xildhibaanka,waxayna ka gubeen Booyad Shidaal ah. Kadib,waxaa gurmad uga kala yimid SNM-ta Goojacade iyo Ari-Cadeeye,waxaana lagu sameeyay Ciidankii Laba Aabur,halkaas,ayaana lagu qabtay Xildhibaanka. Dagaalku markaas,ayuu balaartay oo Ciidamo Cumar Maxmuud ah iyo kuwo Qayaad ah soo…

Read More

Halkani waa Garowe oo ah Caasimada Siyaasada Ee Puntland,waxuu muuqalkan utaagan yahay horumarka ay sameeyeen reer Puntland 20-kii Sano ee udanbeeyay. Ganacsi,Waxbarasho,dhisme kaabayaal iyo kobcinta Maskaxda Bulshada. Labada Muuqaal mid waa Xarunta haldoorka PL ee PDRC,midka kalana waa Dhisme Shirkad Ganacsi oo ku dhex samaysmantay,kuna hana qaaday dhismihii Puntland. Hogaan aragti leh oo daacad ah haday helaan Shacabka Puntland,waxay jari karaan xawaare dheer mudo gaaban. Puntland micnaheedu waa hormuud. Jibril Qoobey.

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo martigelisay Casho ku aadan Bisha barakaysan ee Soonqaad. Dadka goob jooga ka ahaa,waxaa ka mid ahaa basaasiinta ugu weyn CIA-da Muqdisho iyo Roobow oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababar la qaatay al-Qaacidada Afgaanistaan. Sanadkii 2012-kii,maamulkii Obama,ayaa ku yaboohay lacag dhan 33-Milyan oo dolar si loo helo xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin xubnaha ugu sareeya kooxdaas oo uu ku jiray. Balse isla sanadkaas, Roobow waxa ay isku dhaceen Amiirkii kooxda — Axmed Godane, oo ay dishay dukheyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2014-kii. Rooboow,ayaa sanadkii 2017-kii…

Read More

Dowlada Maraykanka oo mar kale caawa ka hadashay xasuuqa Laascaanood ee SNM,isticmaashayna erayo kale oo adag,isla markaana jeedisay digniintii ugu danbaysay. Sidoo kale Dowlada Maraykanku,waxay uga digtay Maamulka Muuse Biixi in uu joojiyo daahinta doorashada Somaliland. Cunaqabatayntii in la hirgelinayo,ayaa la xasuusiyay kuwa ku hawlan hurinta colaada iyo fashilinta Dimuqraadiyada Somaliya. Halkan ka akhriso Warka kasoo baxay Maraykanka:- https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1641959403136987138?s=20 Jibril Qoobey.

Read More

“Iyadoo ay jirto xaaladdan adag, dowladda Somaliland waxay codsanaysa taageerada Maraykanka si Puntland loogu qanciyo in ay joojiso dagaallamayaasha iyo hubka ka soo qulqulaya degaannadooda ee soo galaya Laascaanood”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay SL. Waa hadal jilicsan oo muujinaya jab Siyaasadeed iyo mid Mileteri oo soo gaaray  SL marka la barbardhigo Erayadii ay horay u adeegsan jirtay markay PL la hadlayso. “Puntland hadaysan joojin faragelinta Xuduuda Jamhuuriyada SL,waxaa lagu murmi doonaa Garowe”Waa erayadii ay isticmaali jirtay SL. Halkan ka akhriso warka kasoo baxay Somaliland:-

Read More

Muuse,waxaa loo sheegay in uu Ciidamadiisa dib uga saaro Laascaanood si dhakhso ah. Sidoo kale xoogaga difaaca Sool,waxaa loo sheegay in aysan weerarin Ciidamada Muuse Biixi. Dib udhaca doorashada in uu soo afjaro oo sameeyo Khariirad mudaysan oo lagu qabanayo,ayaa loo sheegay in laga sugayo. Odoyaasha ka yimid Muqdisho in uu ku qaabilo Hargaysa in ay khasab tahay,ayaa la xasuusiyay Muuse Biixi. Maraykanku,waxuu sheegay sii socoshada colaada LC in ay keeni karto fursad argagixisadu ka faa’idaysato. Ugu danbayn warbixinta,waxaa lagu cadeeyay in loo isticmaali doono awooda cunaqabataynta cidii caqabad ku noqota Nabada. Warkan waa dhaafay fariin ee waa dhabarjab Siyaasadeed…

Read More

The United States is increasingly concerned by the continuing violence in Lascanood and joins other international partners and neighbors in calling for de-escalation, adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution. Continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis. We call on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles. We call on the militias in Lascanood to refrain from any offensive actions against Somaliland forces. We support the Federal Government of…

Read More

Xeer-beegti Maraykan ah oo ku sugan gobolka New York ayaa u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyada oo loo haysto eedo la xidhiidha, inuu lacago siiyay gabadh lagu magcaabo Stormy Daniels, intii lagu guda-jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2016, sida ay ku warameen warbaahin kala duwan oo Maraykan ahi. Go’aanka xeerbeegtida oo aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha hore ee Trump uu doonayo inuu markale u tartamo Aqalka Cad, ka dib markii uu guuldaraystay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020. Tallaabadan ayaa noqonaysa, markii ugu horraysay ee dacwad…

Read More

Waa muhiim doodahan oo kale in ay qabtaan Gudiga loo saaray khilaafka Fadaraalka iyo Puntland. Bulshada in wax loo sheego oo la dhagaysto fikradaha ay ka qabaan khilaafka Fadaraalka la siiyana fursad ay talo ugu darsan karaan waa loo baahnaa. Sidoo kale Gudigu in uu hadlo oo la maqlo doodooda waxay wax ka taraysaa in aan hal dhinac doodiisa la maqlin. Xasan Sh.waa isbihin bihinayaa oo is Oohinayaa,isagoo leh wax walba oo aan PL ku helayo,waa iga diyaar ee hala afgarto. Puntland,waxaa laga rabaa in ay tiraahdo Anaguba,waxaan diyaar unahay Dowlad dhiska Somaliya in aan usamayno tanaasul walba oo wax…

Read More

Maraykanka oo kor uqaadaya hawlgaladiisa Diblomaasiyadeed iyo amni ee Aftika gaar ahaan Geeska,ayaa badalay Safiirkiisa Somaliya. Wal walka ugu weyn ee Maraykanka,waa saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika,isagoo taa ka hor tagaya,ayuu Richard H. Riley loosoo wakiishay hogaaminta diblomaasiyada Maraykanka Dalka colaaduhu la dageen ee Somaliya. Richard,wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka. Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr…

Read More

Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka. March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata. Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha. Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid…

Read More

Today, President Joe Biden announced his intent to nominate the following individuals to serve as key leaders in his administration. Richard H. Riley, IV, Nominee for Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary to the Federal Republic of Somalia. Richard H. Riley, IV is a career member of the Senior Foreign Service, class of Minister-Counselor. He currently serves as Minister Counselor for Economic Affairs at the U.S. Embassy in Ottawa, Canada. Previously, Riley was the Consul General at the U.S. Consulate General in Peshawar, Pakistan. He has also served in senior leadership assignments such as Charge d’Affaires, ad interim, and Deputy Chief of…

Read More

Madaxweyne Biden,ayaa u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Somaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka-cad. Safiirka cusub ee Somaliya loo magacaabay ayaa haatan xil ka haya Safaaradda Maraykanka ee Kanada. Richard H. Riley,ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afgaanistaan, Iraq, UK, Shiinaha,Ruushka iyo Yemen. Danjiraha cusub,ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Somaliya ee Larry Andre.

Read More

Warbixintii Midowga Yurub ee Somaliya laguma xusin Doorashada Golayaasha Deegaamada Puntland. In Midowga Yurub uu soo hadal qaadi waayo Diiwaangelinta hirgashay iyo Cod bixinta loo mudaysan yahay ee Doorashada Golayaasha ma’ahan war farxad u ah Dimuqraadiyadaynta PL. Waa iska cadahay Midowga Yurub waxa uu ka biyo diidsan yahay. Horay waxay Midowga Yurub uga codsadeen M.Deni in uusan isku sharixin doorashadii Madaxweyne ee Somaliya,waase ka diiday. “Dalabkoodu,waxuu ahaa Puntland iyo Dimuqraadiyada dhamaystir waa muhiim” Markale ayay talooyin ka siiyeen dib ubilaabidii Dimuqraadiyada kasoo laabashadii Xamar kadib,si la mid ahna tixgelin kama aysan helin Deni. Wasiirada laguma dhaliili karo dayaca dhacay oo…

Read More

Fariin cad,ayaa la taabsiiyay Muuse Biixi. “In uu Ciidamadiisa ka saaro Laascaanood,sameeyana qorshe uu ku qabanayo doorashada Madaxweynaha Somaliland” Maraykanku si aan leex leexad lahayn,ayuu ula hadlay Muuse,waxaana fariinta gaarsiiyay Safiirka Maraykanka ee Somaliya. Warka Safaarada,ayaa kusoo gunaanadmay in laga sugayo fulinta Labadaas qodob. Waa amar cad oo la dul dhigay oo ay tahay in uu fuliyo ee mahan talo uu iska diidi karo. Maraykanku waa Dalka ugu saamsynta Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Somaliya. Waa Nabar xun oo Dhabarka uga dhacay Muuse Biixi warkan. Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxweyne Deni,waxuu ku amray Wasaarada amniga in ay joojiso dhamaan wada shaqaynihii ay la lahayd hay’adaha. Wasaarada,ayaa qortay Warqad si toos ah ugu socota hay’adaha oo lagu joojinayo wada shaqayntii guud ee kala dhaxaysay. Si gaar ah waxay talaabadan usaamaysay Booliska Puntland oo taageero ka heli jiray hay’adaha,weliba UNDP. Waxaa go’aankan ku shaqo waayay dhawr Qof oo isku xiri jiray hay’adaha iyo Booliska,iyadoo amar lagu siiyay kuwo ku maqnaa tababaro in ay gudaha PL kusoo laabtaan. Ma cada si rasmi ah ujeedka Madaxweynaha,inkastoo warar tiro badan laysla dhexmarayo. Jibril Qoobey.

Read More

Shiinaha,ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto daandaansi. “Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay…

Read More

“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA).”Ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda. Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii,ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn,waxaana uu intaas ku daray in 10-ka isku day ee uu soo hadal…

Read More

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weeraro saaka aroortii hore ay ku qaadday saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Jubbada hoose ee dalka Somaliya. Weeraradaas ayay ku dileen 32-Askari, sida ay baahisay warbaahinta taabacsan kooxdaasi. Al-Shabaab,ayaa si buuxda usheegatay mas’uuliyadda weeraradan. Tuulada Baardheere ee dhacda duleedka Beledweyne,ayay ku dileen 15-Askari halka Baar Sanguuni oo duleedka Kismaayo ahna ay ku dileen 17-Askari. Waxay sidoo kale kooxda sheegatay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku heynta saldhigyadaas. “Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose iyo deegaanka Baardheere…

Read More

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey,ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso. Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka. Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria. Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve…

Read More

Xamsa Yuusuf,ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland. Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murashaxa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda. Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray. Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: “Mr Yuusuf…

Read More

1-Ciidamadii Ereteeriya Lagu Soo Tababarey Maxaa Kasoo Cusboonaadey? 2- Hantidii Danta Guud ee Dowlada Soomaaliya oo Baryahan Hadal Haynteedu Socotey Maxaa Kaaga Baxay? 3-Arinka Gedo iyo weftiga ku aadan Garowe. 4-Odoyaasha LC tagay iyo dagaalka. 5-PL iyo khilaafkii fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://m.youtube.com/watch?v=U_viIRBa-D0

Read More

Argagixisada Shabaab waxay ka faa’idaysatay dayaca Dowlada ee Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray. Shabaab waxay dhexgaleen Ciidamada,waxayna sameeyeen koox hanuunin ah oo ku qancisa Askari walba in uu aado Deegaankiisa. Ma aysan oran nagu soo biira,waxayse usheegeen in ay jiscimayaan oo ay ufududaynayaan kala aadidooda Deegaamadii laga keenay markii hore. “Horay Eretereya,ayaad ugu dayacanteen,haatana Xeradan,ayaad ku jabteen oo xataa Cuntadii,ayaa laydin awoodi waayay ee waan idin jiscimaynaa oo amaankiina waa sugaynaa Askari kasta ha aado Deegaankiisii”Ayay ku shubeen koox Ciidanka ay dhex gashteen Shabaab. Tiro ku dhow 2000-Askari ayay Shabaab anba bixiyeen oo siiyeen Lacag sahay ah sugeen amnigooda intii…

Read More

Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh… 1. Warshada Caanaha waxaa la siiyey Cabdinasir Cali Adoon iyo Faysal Xaaji (Salaam Bank) waxa uu noqday 108 Boos oo midkiiba yahay 20M*15M waxaana midkiba lagu qiimeyay 110-Kun dollar. 2. Wakaalada Hargaha iyo Saamaha oo horey loo siiyey Xaaf,ayaa laga warejiyay waxaana lagu wareejiyey Saabir Shuuriye, sida qorshuhu yahay waxaa laga dhigi Doonaa Supermarket weyn iyo Suuq (Mall). 3. Carwadii Taleex waxaa ka soo baxday 340 Boos midkiiba lagu qiimeyey 140 kun,waxaana loo xilsaaray howshaas Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa. 4.Shiirkoole Ofishaale…

Read More

Laascaanood Laba hadaf,ayaa ku hurdamayay oo kala ah… 1.Beelo,ayaa ku diriraya lakala yiraahdo Harti iyo Isaaq. 2.Beel ka mid ah Beelaha SL oo wax tirsatay iyo Maamulka,ayaa ku diriraya. Saakay,waxaa guulaystay hadafkii ahaa Laba Beelood oo Somaliyed,ayaa ku diriraya Laascaanood. Tagida LC ee Odoyaasha Dhaqanka Beelaha B iyo K Dalka,waxay dhabarka ka jabisay doodii Muuse iyo SNM ee Qaran Madax banaan. Ugu yaraan Odoyaashan in la geeyo LC waxay dharbaaxo ku tahay dhanka Beesha Isaaq,waxayna taageero Siyaasadeed utahay dhanka Beesha Harti.

Read More

Ictisaam waxay wadaan olale xoog leh oo ay ku diyaarinayaan Musharax Madaxweyne ee Puntland. Waxay ku amreen Shaqaalaha Shirkada Golis ee Gobol walba in ay dhexgalaan Beelaha oo ka keensadaan Xubin Baarlamaan ama Qof noqda Xubin Baarlamaan. Aadan Sh.Doon koox ka mid ah Ictisaamka,ayaa soo jeedisay in ay sharaxaan kuna taageeraan Maaliyad. Halka qayb kale ay ku doodayaan in uusan Aadan ka gadmayn.. “Aadan waa Nin Macaan oo Gob ah balse aan gaarsiisnayn hogaamiye”Ayay qaybaan Rag badan oo Ictisaamka ka mid ah. Haldoorka Bulshada ee aadka uyaqaan Ururka Ictisaam waxay qabaan in uusan guulaysanayn qorshahooda,iyagoo ku sababaynaya….. 1.Ka adkaantii Cabdullaahi…

Read More

25-Dhaawaca iyo 5-dhimasho ah oo Ciidanka SNM ka mid ah,ayaa la gaarsiiyay Oog. Sidoo kale Ciidamada Difaaca Sool waxay ii xaqiijiyeen in ay Gacmahooda ku Aaseen 39-Askari oo SNM ah. Ujeedka SNM ay usoo qaaday weerarkii Maanta waxay ahayd in ay carqaladeeyaan Odoyaasha Xamar ka yimid oo ay u arkaan in Siyaasiyan dhabar jab ku yihiin. Sida la filayo Beri foog waxay soo qaadi doonaan weerar kale Ciidamada SNM. Ciidamada Difaaca Sool si weyn ayay Maanta uxaajaysteen,haatana heegan ugu jiraan. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan Shiikh wax walba oo uu qaaday way kasoo xirmeen. La dagaallankii argagixisada,waxii lagu heli lahaa,waxaa Shuruud looga dhigay Somali wada socota. Shidaal baaristii waxay ugudubtay Wajigii Sadexaad ee loo yaqaan 3-B,waxaana lagu xiray in Puntland la helo oo isku mar ay Dalka kawada bilaabato. Dayn cafintii waxay ku socon kartaa is ogol Somaliyed. Xasan saakay,waxuu baadigoob ugu jiraa helida Deni,wayse adag tahay oo Albaab walba waa xirtay Deni. Maraykanka oo Shiinaha ka wal-walqaba in uu Somaliya soo galo,ayaa danaynaya in Somaliya Dowlad loo dhiso,taasna cadaadis ayay ku noqotay Xasan oo kasbo Somalida,ayaa loo sheegay. Garowe,waxaa tegi doona wefti Madaxweynayaasha…

Read More

Fartaag iyo Siyaasiyiin kale oo reer Jubaland ah,ayaa Garowe ku aadan maalmahan. Waxay ka casuumad ka heleen Madaxweyne Deni oo isaguna Garowe ku aadan maalmaha soo socda. Siyaasiyiintan oo iskugu jira Somalida Jubaland wada degta,ayaa u olalaynaysa isbadal lagu sameeyo hogaanka Maamulka iyo yagleelida JL lawada leeyahay. Dhawr iyo Toban Sano oo JL maamulkeedu dhisnaa weli laguma guulaysan sal udhigida JL lawada leeyahay. Puntland waxay ka qaadan kartaa door muhiim ah helida Jubaland lawada leeyahay oo Dadkeedu ku midaysan yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Lix Askari,ayaa ka geeriyooday,Sagaal kalana waa ka dhaawacmeen Ciidamada Difaaca Sool. Dhaawaca,waxaa culus Laba Askari oo Garowe lasoo gaarsiiyay. Ciidanka dagaalku qabsaday saakay ee jilibka udhigay weerarka ay soo qaadeen Ciidamada SNM ee Muuse Biixi waa kuwa Beesha Cismaan Maxamuud. Lixda Nin ee Geeriyootay 4-waa Bahdir-rooble,hal waa Caamir Maxamed iyo Hal Wabeeneeye ah,rabi ha’unaxariisto. Ciidamada difaaca Sool waxay ku durkeen Aagii ay horay ujoogeen kuwa SNM ee ku beegnaa Bohalaha Xargaga,waxayna ka qabsadeen Deegaan balaaran. Dhimashada soo gaartay Ciidamada SNM waa tiro badan tahay,waxayna yaalaan Maydadkoodu Dhulka lagu diriray saakay. Ciidamada saakay jilibka u aasay SNM,waxaa gaaray gurmad fiican. Jibril…

Read More

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku uu geyn doono hubka Nukliyeerka dalka Belarus, isaga oo digniin u diray isbaheysiga NATO, taasoo ku aaddan taageerada militari ee ay siiso Ukraine. In kasta oo hadalka Putin aanu ahayn mid lama filaan ah, waxa uu sheegay in tallaabadani aanay jabin doonin ballan-qaadyadii xakameynta hubka Nukliyeerka, haddana waa mid ka mid ah calaamadaha Nukliyeerka ee uu Ruushku ku dhawaaqayay tan iyo bilowgii duullaanka uu ku qaaday Ukraine 13 bilood kahor. Maraykanka – oo ah quwad kale oo ka mid ah quwadaha nukliyeerka ah – ayaa si taxadar leh uga jawaabay hadalka Putin,…

Read More

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dagaalka lagaga hortagayo duullaanka Ruushka, uusan bilaaban karin illaa xulafada Reer Galbeedka aanay usoo dirin taageero militari oo dheeri ah. Waxa uu wargeys ka soo baxa dalka Japan u sheegay in aanu ciidamadiisa u diri doonin jiidaha hore ee dagaalka, haddii aanay jirin taangiyo badan, madaafiic iyo gantaalaha Ximaar. Wareysi uu siiyay Yomiuri Shimbun, ayuu ku sheegay in xaalada bariga Ukraine aysan wanaagsaneyn. “Waxaan sugaynaa hub iyo rasaas fara badan, oo inooga timaado xulufadeena iyo asxaabteena,” ayuu yiri. Mar wax laga waydiiyay weerarka la filayo in uu ku soo wajahan yahay, ayaa waxa…

Read More

Ugu yaraan 26 qof, ayaa ku dhintay gobollada Mississippi iyo Alabama, kadib markii duufaan ku dhufatay gobollada koonfureed ee Mareykanka. Dadaalka baadi goobka iyo samata bixinta ayaa sii socda, waxaana dowladda gobolka Mississippi ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah. Fork-ga Rolling, baabuurta la jajabiyey iyo qashinka quraarada ah ee waddooyinka daadsan – ayaa magaalada gebi ahaanba ka dhigay wax baaba’ay. Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay inuu nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu kusii noolaado, ka dib markii uu gabaad ka raadsaday saxanka qubeyska. Guryihii ay qoyska iyo asxaabtu isugu yimaaddeen wax ka yar 24…

Read More

Maxkamadda Darejada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobaladda Mudug iyo Cayn,ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10-kamid ah Alshabaab xukun sugayaal ahaa,waxayna kala ahaayeen… Eedaysanyaashii dilay Wariye Jamaal Faarax Aaden,ayaa markale lagu xukumay.. 1.Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi 2.Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor. Sidoo kale,waxaa Dil lagu xukumay oo markii hore Xabsi ku xukunaa… 1.Xasan Jaamac Maxamed. 2.Maxamed Cali Axmad Muuse. Eadaysanayaasha kale ee dilka la xukumay,ayaa kala ah.. 1. Farxaan Faysal Salaad Xirsi 2. Cabdulahi Faysal Xuseyn 3. Barkhad Cawil Xirsi Nuur 4. Liibaan Aaden Muuse 5. Cabdiqani Farxaan Xabdulahi 6. Cabdiraxman Cawil Maxamed.

Read More

Ergo uu soo diray,ayaa Adis-ababa mudo ku sugnayd. Sidoo kale Imaaraadka,ayuu ka codsaday in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo Dowlada Itoobiya. Waxaa jira shuruudo Itoobiyaanku usoo dhiibeen Imaaraadka oo ay ku xireen in uu fuliyo Axmed Madoobe,kuwaasoo kala ah.. 1.In Ciidamadooda jooga Kismaayo la Laba jibaaro. 2.In Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo. 3.In Wasiirada JL laga siiyo Xubno muhiim ah. Dhanka Axmed Madoobe,waxuu codsaday dhawr arimood oo ay ka mid ahaayeen… 1.In Itoobiyaanku hakiyaan weerarka Bu’aale. 2.In imaanshaha Adis uu ku amaan galo. 3.In heshiis rasmi ah dhexmaro isaga Itoobiya. Talyaha iyo Madaxa hawlgelinta Ciidanka Itoobiya mar ay kula kulmeen Siyaasiyiin…

Read More

Imaanashaha Garowe ee Isimada kasoo jeeda B iyo K dalka waa mid ay soo abaabushay Villa Somaliya. Ujeedka laga leeyahay waa waji badalasho laysku dayayo in lagu daboolo qorshaha Qabyaaladaysan ee Xamar ka socda,gaar ahaan abaabulka waxa loogu yeero Iririsimka. Ugu yaraan waxay isku dayaysaa kooxda fadhida Villa Somaliya in ay isku muujiso in ay yihiin hogaamiyayaal Qaran oo aan qayb ka ahayn abaabulka Xamar Qabyaaladaysan. Odoyaashan waxba kama badali karaan dagaalka LC,sababtoo ah awood uma leh in ay Muuse ku khasbaan ama ku qanciyaan la bixida Ciidankiisa. Dhanka Beesha Harti waajibkii saarnaa ee ahaa in ay si gobanimo ah…

Read More

General Mark Milley, oo ah madaxa Talyaha guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, “markii ay go’aansato”, ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka,in ka yar laba Toddobaad. General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo “waqtiga uu go’aansado” maamulka. Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya “dhowr bilood oo dheeraad ah” si loo helo hub nukliyeer ah. Waxa uu u sheegay guddiga…

Read More