Author: Jibril Qoobey.

Ciidanka Danab waxay beeniyeen wararka sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa uu ka dagaal galay Laascaanood. “Maxamuud Sulaymaan horay,ayuu ugaga tagey Ciidanka Danab arimo shaqsi awgood”Ayuu yiri Talyaha Ciidamada Danab. “Anagoo ka faa’idaysanayna warkan,waxaan cadaynaynaa in Ciidanka Danab ee ka tirsan Xooga Dalka ay mudnaantooda koobaad ay tahay la dagaallanka argagixisada ee gudaha Somaliya”. “We would like to take this opportunity to make a clear statement regarding recent media reports. The primary objective of the Danab Unit within the Somali National Army is to fight against terrorist organizations within Somalia.”. Dagaalka LC ayay warbixinta kasoo baxday Axmed Beeryare Talyaha Danab,waxay ku…

Read More

Hay’adda Wadooyinka Puntland oo maanta kormeer iyo qiimayn ku samaysay burbur kooban oo soo gaaray Geesaha Laamiga Buundada 3-Qolay ee Burtinle. Burburkaan oo soo gaaray Geesaha Wadada,ayaa yimid kadib markii fatahaad Biyo badan ay jidka ku soo rogmadeen. Buundada oo awal ahayd 3-Qol,ayaa lagu daray Hal Qol waxayna hada tahay 4-Qol oo biyuhu maraan,wax cilad ahna ma soo gaarin Shubka Buundooyinka (No Structural Damage) Qandaraaslaha shaqada mashruucaan waday wali waa wadaa shaqada waxuuna ku jiraa marlaxada u danbaysay ee tijaabada iyo calaamadaynta jidka. Waxaana si dag dag ah loo dayactiri doonaa burburka soo gaaray laamiga dhawaan. Hay’ada Wadooyinka Puntland.

Read More

Degamda Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay roobab xoogan ka da’ayeen,ayaa waxaa xalay mar kale ku fatahay tog weyn oo ku yaalla duleedka Degmada. Fatahaaddaas,ayaa waxaa ku dhintay illaa Sideed Qof, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba burburay suuqii weynaa ee degmadaasi, iyadoo dadka qaar ay wali ku go’doonsan yihiin xaafadaha Baardheere,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PmDiOuNxXVE

Read More

Weerar la tuhunsan yahay inay fulisay diyaarad drone ah oo ay sameysay Iran ayaa qandaraasle Mareykan ah ku dilay, shan askari oo Mareykan ahna ku dhaawacay waqooyi bari Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay durbadiiba ku aarguteen “duqeymo toos ah” oo lala beegsaday saldhigyo ay adeegsadaan kooxo ku xiran Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kuna dileen ugu yaraan afar qof,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SfDzAOfDr9w

Read More

Waxa uu ka hadlay Safiirka Maraykanka ee Somaliya,waa Maqsin lagu kaydinayo Rasaasta loogu talagalay Ciidamada dagaalka kula jira argagixisada. “Bakhaar kayd Hub oo la nadiifiyay,kadibna Rasaasta la dhigayo loo samaynayo Sumad oo aan lala bixi karin ayay Dowlada Maraykanku maalgelisay”. Somaliya ayay ceeb ku tahay xataa in ay awood uyeelan waydo diyaarinta Bakhaaro kayd. Maraykanka oo adeegsanaya Gacanta Masar,ayaa keena Xamar Rasaas iyo Qoryaha fudud oo loogu talagalay dagaalka argagixisada. Kaydkan la sameeyay waa mid lagu haynayo Rasaastaas iyo Qoryahaas fudud,iyagoo sumad leh oo sugan si aysan Gacan kale ugelin. Maraykanku,waxuu maalgelinayaa guud ahaan Kaydadkii Hubka ee Somaliya dib udayactir…

Read More

Gaadiidkan oo gaaraya 55-Gaari,ayaa 35 ka mid ah,waxaa laga sii iibiyay Ganacsato,sida ay xaqiijinayaan Dad xog ogaal ah. Calaa Gaari 25-kun oo dolar,ayaa lagu siiyay Laba Nin oo ka mid ah Ganacsatada Kismaayo ee maamulka ku xiran,sida Iluhu sheegayaan. Ujeedka Gawaarida looga iibshay Ganacsatadan,ayaa ah in maamulku helo Lacag cadaan ah oo uu wax ku furdaansho. Sida la qiyaaso ku dhawaad Hal Milyan oo dolar,ayuu Maamulku kasii hormarsaday Ganacsatada. 20-ka kasoo haray Gaadiidkan,waxaa si toos ah Gacanta ugu haysta Axmed Madoobe mana jiri doonto hab maamul iyo mid Deegaan oo loo qaybsanayo Gaadiidkaas lagu soo helay magaca Jubaland-ta lawada leeyahay.…

Read More

Mogadishu, Somalia March 22, 2023 AS DELIVERED Good afternoon. It is an honor to be here with you, distinguished members representing the Federal Government of Somalia, Federal Member States, and the international community. We welcome theopportunity to sponsor this conference on the important topic of Weapons and Ammunition Management. President Hassan Sheikh Mohamud’s administration is taking decisive steps to meet the sanctions regime benchmarks. Doing so produces benefits for Somalia and addresses the UN Security Council’s criteria for lifting the sanctions regime. We welcome the Federal Government of Somalia’s commendable progress on weapons and stockpile management. The modifications in…

Read More

Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg ee New York, ayaa Khamiistii diiday dalab ka yimi saddex xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kaas oo ku saabsanaa inuu ku wareejiyo dukumiintiyada la xidhiidha baaritaanka Madaxweynihii hore ee Donald Trump ee inuu lacag siiyey gabadh eedo galmo usoo jeedisay si ay u aamusno oo aanay arrimahaas uga hadlin. Lacagta la sheegay in la siiyey gabadhan ayaa ahayd illaa $130,000, waxaana lagu waramayaa in la bixiyey wax yar ka hor doorashadii madaxrinimada ee sannadkii 2016,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NiupmTfX9Rw

Read More

Hoos udhaca ku yimid amniga Galkacyo,waxaa sabab u ah Sadex Qodob oo kala ah.. 1.Dowlada oo yaraysay dhaqaalihii ku bixi jiray xoojinta amniga. 2.Diiwaangelintii Gobolka ka socotay oo mudnaanta koobaad la siiyay. 3.Muranka Dhulka oo sare ukacay gaarayna heer isku dhac Beeleed. Xalka dib uxoojinta amniga waa Dowlada oo soo celisa muhiimadii ay siin jirtay amniga Mudug. Jibril Qoobey.

Read More

Jubaland-ta Maanta jirta nolosheeda iyo dhaqaalaheeda waa Magaalada Kismaayo. Mudooyinkii ugu danbeeyay,waxaa hoos usii socday dhaqaalaha Magaalada,iyadoo Ganacsi badan xirmay. Ku dhawaad 4000-Meheradood oo ka furnaa Magaalada,waxaa isxiray kala bar. Nin Ganacsade ah oo ku lahaa 6-Meheradood Magaalada,waxuu ii sheegay in dhamaan ay iska xireen oo uu kasoo guuray Kismaayo. Dekeda,ayaa Sanadkii ugu danbeeyay Maamulka,waxaa kasoo galayay wax ka yar 300-kun oo dolar Bishii. Cakrinaanta Kismaayo haysata,waxaa sabab u ah.. 1.Cunaqabataynta Alshabaab kusoo rogtay Dekeda. 2.Lacagta baada ah ee Shabaab ay Dadka si toos ah ugaga qaadaan gudaha iyo dibada Magaalada. Xalku waa in argagixisada laga sifeeyo JL oo ugu…

Read More

The decline in security in Galkayo is due to three factors. 1. The government has reduced the amount spent on security. 2. Registration in the State was given first priority. 3. The land dispute has escalated to the level of a tribal conflict. The solution to strengthening the security is the government which restores the importance it gave to the security of Mudug.

Read More

The delegation from the Puntland Government that had meetings with the international community in Nairobi achieved diplomatic success. With the exception of the World Bank, which is still negotiating, the rest of the organizations that support PL development projects have promised that they will continue directly and will not be affected by the current dispute. The Federal Government tried to prevent those meetings but it was not possible and the international community did not consider her email. President Deni has traveled to the UAE, and the diplomatic efforts of the Ministers are continuing. Puntland is conducting diplomatic efforts to convey…

Read More

Weftiga ka socday Dowlada Puntland ee kulamada kula lahaa Beesha caalamka Nayrobi waxay gaareen guulo diblomaasi. Marka laga reebo Baanka Aduunka oo weli wada hadal usocdo inta kale hay’adaha taageera Mashaariicda horumarineed ee PL waxay ballan qaadeen in ay si toos ah usii wadayaan oo aysan saamayn ku yeelanayn khilaafka jira. Dowlada Fadaraalka waxay isku dayday in ay hor istaagto kulamadaas balse uma suuroobin oo Beesha caalamku ma tixgelin Email-keedii. Madaxweyne Deni,ayaa isagu usafray Imaaraadka,waxaase dadaalka diblomaasiyadeed sii wada Wasiirada. Puntland waxay wadaa dadaal diblomaasiyadeed oo ay aragtideeda ku gudbinayso kuna difaacanayso deeqaha ay caalamka ka hesho.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray. TPLF oo muddo laba sano ah dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda usoo xushay in uu noqdo madaxweynaha gobolka. Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Tigray, waxaana ka dhashay xaalad banii’aadanimo oo daran, Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeeyay inay dambiyo dagaal ay ka galeen halkaas. Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika. Maamulka…

Read More

Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa taleefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kulmaan “dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas maanta sheegtay Riyadh. Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan,ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna labada mas’uul “ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadan” oo maanta ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay twitter-ka. “Labada Wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowaan yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u furista safaaradaha iyo…

Read More

Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin. Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee…

Read More

NAIROBI -Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa Maantay Magaalada Nairobi waxay kulan kula yeesheen Masuuliin ka socda FCDO, gaar ahaan Agaasimaha horumarinta FCDO, Madaxa arrimaha caafimaadka iyo bini’aadanimada iyo Madaxa arrimaha Maamulka (Governance). Waasiirada Maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada iyo Taliyaha arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo FCDO ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin: 1. Mashaariicda caafimaadka ee ay Dowladda Ingiriisku ka caawiso Puntland iyo guud ahaan arrimaha bini’aadanimada, khaasatan xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay dagaalada ka socda Laascaanood. 2. Mashaariicda horumarinta ee ka socda Puntland iyo sidii ay Dowladda UK…

Read More

Ujeedada socdaalka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku tagay Ruushka ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa saameynta Shiinaha ee heer caalami. Tagitaanka Ra’isalwasaaraha Japan ee Ukraine waxay diraysaa calaamad xooggan oo ku saabsan halka ay Labada Waddan ka taagan yihiin xilligan jaahwareerka jira. Japan iyo Shiinaha xiriirka ka dhaxeeya waa mid dabacsan oo Bishii la soo dhaafay labada dal waxay ku yeesheen Tokyo wada-hadallo amni. Kulamadaas,ayaa Shiinuhu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xoojinta ciidamada Japan,halka Japan ay ka cabatay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka iyo adeegsiga buufinnada basaaska ee looga shakisan yahay. Shiinaha iyo Japan,ayaa ah dalalka Labaad iyo…

Read More

Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid…

Read More

Waa muhiim in la dhiso Sanduukha Horumarinta Puntland. Puntland Trust Development Fund (PTDF). Santuukhaas,waxaa loo samayn karaa Xarun dhexe iyo Gudi labada dhinac ee Puntland iyo Beesha Caalamka ah. Si gaar ah xoghaynta Santuukhaas,waxaa la siin karaa Beesha Caalamka si loo helo hufnaan iyo is aaminaad. Santuukhaas,waxuu xal unoqon karaa horumarka Puntland hiigsanayso. Sidoo kale,waxuu soo afjarayaa lugooyada Dowlada Fadaraalka ee Mashaariicda horumarinta Puntland. Dhaqaale xoog badan in la sameeyo waxay kor uqaadaysaa awooda Dowladnimo,Bulsho iyo saamayn ee Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankii BC iyo Puntland,waxuu kusoo idlaaday isfahan buuxa. Waxuu ahaa kulan hordhac ah oo laysku xog waraysanayay,si gaar ah PL ay ku gudbinaysay halka ay ka taagan tahay khilaafka jira. Arimaha la dul istaagay,ayaa kala ah… 1.Dayn cafinta. 2.Dimuqraadiyaynta. 3.Dagaalka argagixisada. 4.Dagaalka LC. 5.Mashaariicda horumarineed. Kulankan hordhaca,waxuu gogol xaar unoqday kulan weyne ka balaaran oo ka dhici doona Garowe oo ay ku kulmi doonaan BC iyo Puntland markale. Dowlada Puntland,ayaa shaacin doonta xiliga kulankaasi qabsoomayo. Dhankeeda Beesha caalamku waxay ku boorisay guud ahaan Somalida in aan lakala tagin oo lasii wado Geedi socodka dhismaha Dowladnimada Somaliya. Si gaar ah BC…

Read More

“Buugayga Qaad oo Iibi,Lacagta kasoo baxdana ku maamuus Taariikhdii Xabashida ee Kaaraamardha”Waa Erayo la yaab leh. Madaxweynayaasha Deegaamada kale sidaas loolama hadlin kaliya kan Somalida ayay ku gaar ahayd. Fahamka guud,waxaa loo qaadan karaa hadalka Abiy mid lagu tijaabinayo damiirka Umadda Somali Galbeed. Balse markii Siyaasiyan loo dhadhansado ujeedka Abiy,waxaa muuqata in uu Mustafe dilayay oo isaga iyo Shacabka iskaga horkeenayay dhan walba. Mustafe,waxaa lagu xantaa Nin Amxaarada jecel isbahaysigeeda Siyaasadeed,taasna Abiy waa ka dagaallamayaa. Abiy waa og yahay xasaasiyada Kaaraamardha Deegaanka Somalida ku dhex leedahay,mana ahan Doqon ee Mustafe,ayuu siyaasiyan soo afjarayay. Jibril Qoobey.

Read More

Ilaa Dastuur loo dhan yahay oo qabyo tiran Dalku yeesho Sharciyada la samaynayo kama duwana kuwa Cabdalle Shideeye. Dowladii tan ka horaysay sidan oo kale ayay usamaysay oo Madaxweynihii markaas joogay usaxiixay maalin la maamuusay 14-Sharci,midna kama fulin oo isagay raaceen. Sharciyo cusub oo la sameeyo,waxaa ka horeeya in la ixtiraamo kuwii ku qornaa Dastuurka Kmg ah. Inta badan Sharciyadan uu saxiixayo Xasan waa kuwo dano gaar ah larabo in lagu fushado mudo xileedkan. Odoyaashan dul taagan M.Xasan waa lasoo lugooyay kumana jiro hal mid oo Deegaankiisa ka fulin kara Sharciga uu saxiixiisa markhaatiga ka yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Horta Xukuumad majirtaa,waa su’aal Dad badan iswaydiinayaan? Dowlada Fadaraalku ma leedahay Ra’isalwasaare? Hadayba jirto Xukuumad waxqabadka ay sheegan karto muxuu yahay? Ra’isalwasaarihii shaqadiisu,waxay kusoo ururtay xoghaynta Madaxweynaha. Wasiirkii Arimaha dibada Shaqadiisa,waxaa ku haysta Madaxweynaha. Wasiirkii Maaliyada shaqadiisa,waxaa qabanaya Shirkado Qoysaska Madaxweynuhu leeyihiin. Wasiirkii Gaashaandhiga,waxaa ah Madaxweynaha. Wasiirkii Qorshaynta,waxaa buuxiyay Shaqadiisa Madaxweynaha. Wasaarad Amni maba jirto oo xataa Wasiirka magaciisaa lays waydiiyaa. Magaalada kaliya ee Dowladan ay saamayn ku leedahay waa Xamar,iyadana lagama hirgelin.. 1.Hal Wado. 2.Hal Iskuul. 3.Hal Isbitaal. 4.Amni. 5.Bilic. 6.Nidaam Dowlo. Waxaan filayaa waxa ay sheegan doontaa iska xoraynta Shabaab ee Bulshada reer Hiiraan ay isku xilqaantay. Jibril…

Read More

Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka waa la foolxumeeyay oo la xushmayn waayay Sharciyada ku qoran. Dooda xiligan taagan waa in Konfedereshin loo guuro oo la dhiso Gudi uqalma qabashada shaqadaas laguna kalsoonaan karo,isla markaana mudo cayiman la siiyo. Arimaha la rabo in la dul istaago,waxaa ka mid ah… 1.Awooda,mudo xileedka iyo maqaamka Madaxweynaha Qaranka. 2.Maqaamka iyo meesha ay noqonayso Caasimada Jamhuuriyada. 3.Siyaasada dhaqaalaha. 4.Siyaasada Amniga. 5.Siyaasada Waxbarashada. 6.Garsoorka. Qabyo tirka Dastuurka la rabo Umaddan in ay kuwada joogto Wiilal Qol isku soo xiray kama talin karaan. Shaqada Qarankan utaalla xiligan waa helida Dastuur rasmi ah oo matali kara Jamhuuriyad Somaliyed…

Read More

Beesha Caalamku waa qaangaar siyaasiya oo waaqiciga iyo soo jireenka sooyaalka Siyaasadeed ee Somaliya la socota,isla markaana tixgelisa. Markii laga hadlayo Dowlad dhis iyo horumar Somaliyed waa khasab in la helo doorka Puntland ee curadnimo. Puntland waxay la wadaagtay BC aragtideeda iyo doodeeda fashilka haysta hay’adaha fadaraaliga ah ee Somaliyed. BC waa ka garowday,waana tixgelisay dooda Puntland,wayna qirtay doorkeeda shariifka ah. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1637835997571346433?s=20

Read More

Ka baaqashadiisa Gedo,waxaa la oran karaa waa waxuu si dadban ugu faraxsan yahay Xasan Shiikh. Sadex Qodob,ayaan ucuskanaynaa arinkaas oo kala ah… 1.Xasan ma rabo in JL amni iyo maamul ahaan uhanaqaado. 2.Xasan uma diyaarsana Ninkii uu usharixi lahaa booska Axmed Madoobe hadii doorasho xor ah la olaleeyo. 3.Xasan wakhtiba magelin maaraynta danaha Siyaasadeed ee Dadka reer Gedo iyo Itoobiya. Reer Gedo iyo Itoobiyaanka in Xasan uyimaado waxay ka jecel yihiin in uusan u imaan,waxayna si caadiya uwataan hawlahooda. Balse Ninka ay dharbaaxada Siyaasadeed ku tahay waa Axmed Madoobe oo Shirkii Baydhabo uga baaqan gaaray tagid la’aanta Gedo ee M.Xasan,waxaana…

Read More

Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay Madaxweyne William…

Read More

Waxaa fashilmay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh Gobolka Gedo uqorshaysnaa in uu ku tago Arbacadan soo socota. Fashilka ku yimid,waxaa sababay Laba Qodob oo kala ah.. 1.Dadka reer Gedo oo ku xiray shuruud oranaysa,”ka jooji ku darsashada Axmed Madoobe ama yaysan aqoonsan Dowlada Fadaraalka’,taasoo Xasan uusan rabin in uu sameeyo,sababtoo ah laftigiisu diyaar uma ah doorasho xor ah oo JL midayn karta in ay dhacdo xiligan. 2.Itoobiya oo dhankeeda shuruudo ku xirtay,taasoo oranaysa “Hadaad rabto in asn Gobolkan kaala shaqayno nala dumi JL-ta Axmed Madoobe hogaaminayo oo aan kula dhisano mid cusub”taasna Xasan haatan waa ka war wareegayaa oo uma diyaarsana…

Read More

Dadaalka kooxda fadhida Villa Somaliya,waa in ay helaan dayn gaaraysa 30-Bilyan oo dolar,taasoo Somaliya loo ballan qaaday. Bisha Sep ee Sanadkan,waxaa qorshaysan in loo aqoonsado Somaliya Dal iskufilan lagana joojiyo Deeq oo dhan nooc walba ay tahay. Taa badalkeeda,wuxuu Dalku awood uyeelanayaa in uu qaadan karo dayn,waana sababta M.Xasan ugu dhagan yahay nidaamka midaynta Canshuuraha Dalka. Hadafka Xasan waa in Miisaaniyada Fadaraalka laga dhigo 2-Bilyan Sanadkii,isla markaana DG kasta lasiiyo 10-15 Milyan oo dolar Bishii. Taa badalkeeda DG walba ku wareejiyo Dowlada Dhexe Dekedihiisa iyo Garoomadiisa dakhliga uga soo xarooda. Dhamaan DG bartamaha iyo Koonfurta Dalka ku yaal,waxaa ka leh…

Read More

Kulanka Beri foog Afar Saac ku dhexmari doona Puntland iyo BC Nayrobi waa umuhiim Dowlad dhiska Somaliya. Puntland waxay la wadaagaysaa BC doodeeda ay ka qabto khilaafka iyada iyo Dowlada Fadaraalka dhexyaal. Waxay soo bandhigi doontaa qorshaheeda ku aadan diyaar garowga in lawada hadlo. Sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee ka yimaada BC,ayaa kulanka looga xaajoon doonaa. Villa Somaliya kooxda fadhida xiligan,waa ku filnaan waayeen in ay hogaamiyaan Dalka,waxaa khasab noqotay in girgirka lagula dhago oo aan lagu halayn Dowladnimada.

Read More

Madaxweyne Xasan,waxuu tagey Ugandha si uu tababar ugu soo xiro Ciidan halkaas ku xaraysnaa. Waa shaqo uu ku filnaa Ra’isalwasaaraha ama Wasiirka difaaca,balse loo Gacan banayn waayay. Ujeedka socdaalka Xasan waa ka weyn yahay tababar soo xirid ee waxaa ku hoos jira Rasaas iyo Hub Musafeni laga soo qaadayo oo la qarinayo. Waxa ugu weyn oo Xasan iyo kooxdiisu isla gaabinayaan waa Ciidamo gaaraya 10-kun oo loogu kala tababarayo Turkiga,Masar,Eretereya,Jabuti iyo Ugandha in ay soo laabtaan oo ay qalabaystaan. Qorshaha Ciidankaas laga leeyahay waa in bartamaha iyo Koonfurta Dalka laga hirgeliyo Hawiye Power Kursiga lagu sii haysto laguna lunsado Deeqaha…

Read More

Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZVpYi1DHTuc

Read More

Golaha dhexe ee TPLF,ayaa waxaa la sheegay in Getachew Redan ayu doorteen inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega doorashadii uu qabtay. Telefishinka Gobolka Tigray, ayaa sheegay in Getachew Reda ay kooxda TPLF u dooratay inuu noqdo madaxweynaha maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Tigrayga. Sida ku cad heshiiskii ay dawlada dhexe iyo kooxda TPLF bilo ka hor ku gaadheen magaalada Pretoria, ayaa ahaa in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddaasi, iyadoo lagu go’aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo sameeyo gobolka Tigray. Ka dib marka la dhiso ay maamulka ku meel gaarka…

Read More

GOORMAAD WAX GARATAAN Ujeedada laga leeyahay dagaalka lagula jiro Shabaab ma ka duwan tahay middii laga lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah ee markii dambe Shabaab u xuub siibtay. Waxaan ognahay in aasaaska Maxkamadaha Muqdisho aysan ka dhalan mukhlisnimo iyo niyad wanaag loo qabo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee looga dan lahaa in lagu maareeyo dilalka, dhaca, kufsiga, boobka iyo dulmigii xad dhaafka ahaa oo ka dhex socday dagmooyinkii Muqdisho oo beel beel loogu habsaday oo marakan dulmigii iyaga harqiyey oo har iyo hoyaad u diidey ayaa waxay damceen iney diinta Islaamka ka dhigtaan “AALAD BEELAHA HAWIYE LAGU KALA CELIYO”. Waad xasuusataan…

Read More

Sideedaba siyaasaddu, waa ku dhiirasho wakhtiga munaasabka ay tahay si aad dhaxal iyo xusuus uga tagto. Taarikhdu iyadaa dib isu qorta. Waxaan soo xusuustaa, si la mid ah waxa maanta taagan, in laga bilaabo 2012 ilaa 2014 in xiriirka Puntland iyo dowladii hore ee Hassan Sheikh uu aad u xumaa oo wax wada shaqayn ah aysan jirin. Iyadoo uu xaal sidaasi u cakirnaa, ayaa waxaa xalkeeda u guntaday PM Abdiweli Sheikh Ahmed magacaabistiis kadib December 2013, isagoo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin odaytinimo oo dib loogu soo celinaayey kalsoonida labadda dhinac (Confidence building measures). Ugu dambayntina wuu guuleystay, taasoo keentay…

Read More

Khasaarihii dagaalkii Maanta? Hargeysa? Waxaa la geeyay 110-Askari oo dhaawac oo ay kujiraan 4-Saraakiil sar-sare ah. Oog? Wadarta guud Askarta dhaawaca ah ee la geeyay oo markii danbe geeriyootay laguna aasay Oog waa 45-Askari. Waxay kala ahaayeen 7-Sarkaal oo ay kujiraan Labo Taliye Guuto,Madaxii Tababarada Guutada 9-aad, 2 Abaanduule Guuto. Burco ? Wadarta Guud ee dhaawaca la geeyay waa 165-Askari. 10-waxay Ku dhimatay Isbitaalka Burco. 50-Askari waa Dhaawac halis ah. Ciidamada SL ee goobta dagaalka ku maqan? Inta ku dhimatay goobtii dagaalka ama lala yahay ama la qabtay Askarta SL waxay isku dar noqonayaan 73-Askari. Wadarta guud khasaaraha soo gaaray…

Read More

400-kun iyo jajab Shacabka PL ee ka weyn Da’da 18-jirka ah,ayaa isku diiwaangelisay Doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Laba Gobol aysan Diiwaangelin ka qabsoomin,kuwaasoo kala ah Sool iyo Cayn. Sidoo kale Bulshada Puntland Boqolkiiba Lixdan waa Dadka ka yar Da’da 18-jirka. Taasi waxay ka dhigan tahay Boqolkiiba Toban in Bulshada PL isdiiwaangelisay. Ma xuma xaqiiqdii marka la qiimeeyo Diiwaangelintan caqabadaha ku hareeraysnaa. Runtii Saakay PL in ay shaaciso Diiwaangelin,iyadoo dhanka kalana dagaal ka socdo Gobol ka mid ah Gobolladeeda waa wax weyn. Dadkii Madaxweyne Deni ku diiday sii wadida Diiwaangelinta oo aan Anigu ku jiray waa nalooga lahaa,waana saxsanaa go’aankii…

Read More

Dhaawicii Siyaasadeed ee Sanadka 2023,waxuu ku dhacay Xamse iyo Axmed. Dhaawacaasi,waxuu ahaa markii,iyagoo fadhiya PL oo ehel soke la ah loo xilsaaray Masuuliyiin kale in ay xal ka raadiyaan. Iyaga iyo hogaanka PL waa kala fogaan karaan,siday ku timid dib ugu mashquuli mayno,waxayse ahayd xataa ugu yaraan in ay diidaan in lagu qoro Warmurtiyeedka oo ay ku dagaallamaan si isfahan Odaytinimo ah in loogu diro Ergadaas. Ceeb iyo bahdil way ka saraysaa waxa ku dhacay Axmed iyo Xamse ee waa dhaawac Siyaasadeed oo taariikhda galay kuna yimid damiinimo Siyaasadeed. Puntland loolankii Villa Somaliya way ku adkaatay si buuxda,talada Dalkana,iyadaa marti…

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday. Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xiri doono Talaadada toddobaadkan.”…

Read More

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubaland oo gaaraya 200 oo Qof,ayaa ku shiray Nayrobi. Kulankooda waxay ku falanqeeyeen xaalka xiligan ee Jubaland waxayna soo bandhigeen dib udhacyada waa weyn ee jira. Haldoorka isku yimid,ayaa soo saaray Warmurtiyeed ay kaga hadleen Jubaland iyo guud ahaan Somaliya. Dareenka taagan waa mudo kororsiga sharcidarada ah ee Axmed Madoobe samaysanayo iyo horumar la’aanta Gobolka haysata. Jibril Qoobey.

Read More

Dagaalka Laascaanood,ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaas. Dagaalka,ayaa markii hore ka bilowday Aaga Bari ee Maraaga,waxaana isku haleelay Ciidamada uu hogaaminayo Jimcaale iyo kuwa Somaliland. Khasaare,ayaa ka dhashay dagaalkaas iskugu jira dhimasho,dhaawac,Maxaabiis,Gawaari lakala qabsaday iyo kuwo lakala gubay. Dagaalku,waxuu ku fiday markii danbe Aaga Galbeed oo uu ka dhacay dagaal xoog badan oo dhaliyay khasaare xoog leh,waxaana si weyn ugu jabay Ciidamada Somaliland. Aaga Galbeed,waxaa Somaliland looga gubay 3-Gaari,iyadoo looga qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal oo gaaraya Sadex Gasri oo kala ah.. 1.Gaari Suu ah. 2.Gaari Beebe ah. 3.Gaari Jiib ah. Ciidamada Somaliland,ayaa Madaafiic kusoo garaacay Guryaha…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sameeyay guddi hoggaamin doona xisbigiisa haddii la xiro, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saacado ka hor inta aan la horgeyn maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo. Halyeeygii hore ee cricket-ka xulka Pakistan ayaa hoggaaminayay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay, kadib markii xukunka laga riday sannadkii hore, waxaana la diiwaan geliyay kiisas badan oo isaga ka dhan ah. Booliska ayaa isku dayay inay qabtaan Talaadadii, laakin kuma guuleysan, taasoo keentay in ay isku dhacaan taageereyaasha xisbigiisa. “Waxaan sameeyay guddi go’aano qaadan doona – haddii – la i xiro”…

Read More

Xalku waa kaliya in Calanka iyo Basaboorka lagu midaysnaado oo ay utaagnaadaan midnimada sinjiga Somaliga. Amniga iyo dhaqaalaha waa in dib loogu kala baxaa oo DG walba yeeshaa Lacag ugaar ah iyo Ciidan ugaar ah. Somaliland gooni istaag bay weli taagan tahay,waxaa lagu soo xarayn karaa Konfedereeshin ay iyagu haystaan amnigooda iyo dhaqaalahooda. Bartamaha iyo Koonfurta Dalka wax ka badan Calan iyo Basaboor lalama wadaagi karo loomana Gacan gelin karo,sababtoo ah mahan Deegaamo laga tixgeliyo Sharciga iyo nidaamka. Qabyo tirka Dastuurku waa Konfedereeshinka oo loo guuro lagana heshiiyo Xarunta,hogaaminta iyo mudo xileedka. Somalida layskuguma dhiibi karo awoodaha dhaqaalaha iyo amniga.…

Read More

Sadexda Qodob Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka marnaba PL qayb kama noqon karto. Amniga? Ma jiro haba yaraatee Saad Amni oo Xamar uga yimaada PL. Majirto Qalab iyo Gaadiid Amni oo Xamar usoo mara PL. Majirto Mushahaar,Guno iyo tababar Ciidan oo Xamar uga xiran Puntland. Majiro qorshe,hogaan iyo xog amni oo ka dhaxeeya PL iyo Xamar. Midaynta Canshuuraha? Puntland kuma wareejinayso Ilaheeda dhaqaale Dowlad aan laysku halayn karin oo aan masuul ahayn. Dastuurkeeda,ayaa uqeexaya awoodaha ay ku wareejin doonto Dowlada Fadaraalka marka lays waafajiyo Labada Dastuur oo la qabyo tiro kan Fadaraalka. Puntland habayaraatee majiri karo caqli saliim ah…

Read More

Warmurtiyeedka Shirka Madasha Baydhabo ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka,ayaa maanta lasoo saarayaa. Qodobada kasoo bixi doona,waxaa ka mid ah… 1.Baaq xoojin iyo dardargelin ah oo ku aadan dagaalka argagixisada. 2.Is afgarad ku aadan midaynta Canshuuraha. 3.Doorashooyinka oo laga dhigayo Galmudug,Hirshabelle iyo JL Dec 2024,halka KG ay noqon doonto Jan.2024. Dhamaan Qodobadan waxay ubaahan yihiin hirgelintooda Somali midaysan iyo Dastuur qabyo tiran. Sidii la filayay Shirkan,waxaa macno tiray maqnaanshaha PL,waxaana laga ilaalshay oo kaliya in uu fashilmo oo lagu soo kala dareero. Warmurtiyeedka kasoo bixi doona Shirkan kama duwanaan doono Waraaqo lagu sii qoray Imtixaan tijaabo ah. Jibril Qoobey.

Read More

12-ka Kun ee Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kasoo gudbaya Xuduuda Gedo iyo Ciidamada la diyaarinayo waxay Aas-aas uyihiin Jubaland-ta cusub. Ciidamadaas waxay isku furi doonaan Gobolka Gedo,kadibna waxay xorayn doonaan Caasimada JL ee lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha Aug 2024. Qorshahan,waxaa wax ka og Xasan Shiikh,waxuuna ku garabsiinayaa Siyaasiyiinta ay xiligan jaanta isla hayaan ee reer Gedoodka ah. Axmed Madoobe,waxuu Baydhabo ufadhiyaa oo usamaynayaa tanaasul walba oo ka hor imaanaya Dastuurka JL iyo kan fadaraalka in ilaa December 2024 loo sharciyeeyo mudo kororsigiisa. Jubaland,waxaa la joogaa markii loo heli lahaa hogaamiye mideeya. Jibril Qoobey.

Read More

Baarlamaanka Puntland,waxuu go’aamin doonaa in Doorashada Baarlamaanka soo socda ee badali doona kan hada jooga lagu soo doorto doorasho dadban. Halkii Xildhibaan,waxaa dooran doonta 400 oo Ergay. Fikradan,waxaa isla qaatay Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiga doorashada,waxaana ansixin doona Baarlamaanka. Deni,waxuu go’aansaday in uusan isku dayin mudo kororsi markii uu arkay sida aysan PL uga gadmayn. Balse,waxuu rabaa in ugu yaraan uu wax kusoo kordhiyo hanaankii doorashada PL ee 20-kii sano udanbeeyay ay ku soo dhaqmaysay. Aragtidan Bulshadu way soo dhawaynaysaa oo waxay meesha ka saaraysaa Odoyaashii dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ku daabnaa ee soo qoran jiray Xildhibaanada. Waxayse ku qurxoon tahay in…

Read More

Qodobkii Doorashooyinka dib,ayaa looga soo daray Shirka Baydhabo. Si guud,waxaa laga xaajoonayaa Sadexdii Qodob ee kala ahaa.. 1.Doorashooyinka. 2.Amaanka. 3.Midaynta Canshuuraha. Qodobadan waxay qayb ka yihiin dhamaystirka Dastuurka,balse waa la farataysanayaa. Doorashooyinka in la mideeyo,waxaa ka horeeya in uu jiro Dastuur qeexaya oo rasmi ah. Amaanka,waxaa la rabaa in ay jirto siyaasad amni oo Dalka midaysa,waana in Dastuurku dhamaystirmaa. Canshuuraha in la mideeyo,waxaa ka horeeya in Dastuurka la qabyo tiro. Dastuurka qabya tirkiisana waxay ku xiran tahay in Somaliland xaalkeeda meel la saaro.

Read More

Tuli-guuleed waa Deegaankii uu kasoo go’ay Qamadigii uu ku faanayay Abiy in dalka dibadiisa loo dhoofinayo. Waa Deegaan Beereed Qani ah oo Deegaanka Somalida ka tirsan,waxayna ku taal Xuduuda Oromada. Deegaankan,waxaa qandaraas ay ku maalgelinayso oi ku kacaya 300-Milyan oo dolar u ogolaatay Shirkada samaysa Biirta. Abiy oo ka duulaya Deegaankaas Barwaaqadiisa in Somalida Gacanteeda laga saaro,ayaa Degmo ka dhigay Makanisa oo ka tirsan Oromiyaa. Deegaankan,waxuu kaloo 97-km ujiraa Seylac oo Oromadu qorshaysanayso in ay Deked ka dhisato mustaqbalka dhow. Haatan Deegaanka Tuli-guuleed waxuu bartanka ugalay Laba Degmo oo Oromo leedahay oo kala ah Makanisa iyo Jinacsaney. Shalay Dadkii Deegaanka,ayaa…

Read More

Baydhabo, Maarso 15, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka…

Read More