WAR-SAXAAFADEED Magacaabis la yaab leh In kabadan labo bilood waxaa magaalada Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan. Colaadda Laascaanood ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh. Baahida ugu weyn ee maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa. Waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023 Cabdikariin…
Author: Jibril Qoobey.
Waxaa saaka Qaadi ka socda Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal uu dhaariyay Guddoomiyayaasha heer Gobol iyo Degmo ee Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1644024632280752174?s=20
https://twitter.com/Reuters/status/1643977105510903813?s=20
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga iyo Iran,ayaa kulmay markii ugu horeysay muddo ka badan 7-sano. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, ka dib wada hadalo uu Shiinuhu dhexdhexaadinayey oo ka dhacay magaalada Beijing, ayay ku xaqiijiyeen inay doonayaan inay dib u furaan xafiisyadooda diblomaasiyadeed muddo laba bilood gudahood ah. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dib loo bilaabo safaradii laba geesoodka ahaa ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo wufuudda rasmiga ah, iyo in laga wada hadlo sidii dib looggu bilaabi lahaa duulimaadyadii dalalkooda. War saxaafadeedka,ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ballaarin doono kalsoonida labada dhinac, isla markaana…
Laamaha amaanka Bosaso,waxaa laga rabaa in ay hadlaan soona saaraan xog hordhac ah,isla markaana ugu danbayn keenaan xogta rasmiga ah ee weerarkan. Waa markii ugu horaysay oo Xarun Ganacsi khasaare intaas le’eg la gaarsiiyo Bosaso. Inkastoo weerarada argagixisadu ay dhacaan,hadana Bosaso Xarumaha Ganacsi waxay la beegsan jireen Bambo Gacmeed aan khasaare weyn gaarsiin. Macruuf,waxaa loo beegsaday waa xarun soo jiidatay macmiil fara badan oo ay ku jiraan hay’adaha caalamiga ah. Waxay kasbatay Adeega PMPF iyo DP World oo waxay hada bixinaysay Raashinka Soonka ay siinayso DP World Dadka danyarta ah. Sidoo kale waa Xarun si qurxoon oo Adeeg sare leh…
Waxay ahaayeen Sadex Nin waxa weerarka kusoo qaaday Al-macruf Super Market Bosaso. Intaysan gudaha usoo gelin Super Market,waxay irida ku dileen Waardiyihii oo lagu magacaabi jiray Faruur. Waxay ku dhaawaceen Hal Wiil,waxaa kaloo jira dhaawacyo Dabku sababay. Dad badan kuma le’an,waxaana yareeyay Geerida wakhtiga weerarku dhacay oo aan ahayn xiliga Macaamiishu ka adeegato Super Marke,isla markaana Shaqaaluhu rawaxay. Bambooyinka argagixisadu ay ku tuurtay gudaha Super Market,ayaa sababay Dab balaaran oo la damin kari waayay. Waa markii ugu horaysay xarun Ganacsi oo sidaa ubaalaran argagixisadu weerarto marka laga reebo Bambooyin Tuurya ah oo ay samayn jireen. Al-macruuf waa Super Market-kii ugu…
Waa hadal gef ah oo ku digasho,marin habaabin iyo difaacid khaldan ku fadhiya. Dagaalka Laascanood,waxaa soo qaaday Maamulka Somaliland ee ay hogaaminayaan Siyaasiyiinta Beesha Isaaq. Maaraynta Siyaasadeed,maxaa ka galay Odoyaal Dhaqan? Dagaalka Milleteri ee Saraakiisha SL hogaaminayso,maxaa ka galay Odoyaal? Ra’isalwasaare xigeenku waa caadifad hadlayaa,waxuuna difaacanayaa Siyaasiyiinta Beeshiisa ee Hargaysa colaada LC ka hogaaminaysa. Nasiibdaradu waa in Dowlada Fadaraalka aysan ku lahayn matalaad Beesha Daarood oo Xamse noqday Wiilkii Curad ee Xasan. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1643589452567134209?s=20
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii maxkamada gobolka New York ka sheegay in aanu wax danbi ah galin 34 dacwadood oo lagu eedeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsgiisa iyo lacag aamusin ah oo uu siiyay gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016. Trump ayaa diiday inuu qirto eedda dambiga lagu soo oogay ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha maxkamada sare ee gobolka New York Juan Merchan kadib markii sharciyaqannadu ay soo bandhigeen eedaha loo heysto. Qareennada difaacayay ee Todd Blanche, Susan Necheles iyo Joe Tacopina ayaa labada dhinac…
36-Gawaarida Gaashamaan oo ay ku jiraan Taangiyo iyo Hal Urur oo Ciidan ah,ayaa lagu soo xoojinayaa difaaca Sool. Ciidankaas iyo Hubkaas waxay kasoo ruqaansanayaan Mudug. Beesha Cumar Maxamuud,ayaa gurmadkan soo diyaarisay markale. Horay,waxay ugeeyeen Gobolka Ciidankii ugu horeeyay ee sababay in SNM ay ka baxdo Tukaraq,Ganbarre iyo hareeraha LC. Sidoo kale waxay door muuqda ku leeyihiin difaacyada laga difaaco Magaalada ee Galbeedka,Bariga iyo Bartamaha. Waa Ciidanka fadhiya Taliskii Ina Canbaashe oo ka saaristiisii halkaasna doorka weyn ku lahaa. Beesha Cumar Maxamuud waxay kaloo qayb lixaad leh uga qayb qaadatay difaaca Sool dhanka hiilka dhaqaalaha,waana Beesha ugu badan ee bixisay Dhaqaalaha…
Cabdikariin waa fahansan yahay shaqadiisa haduuba casuntay Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka jooga Beesha Isaaq Magaalada Muqdisho. Waxa wax tirsanaya oo gooni goosadka raba,waa Beesha Isaaq. Cabdikariin maleh awood iyo karti uu qadiyadan ku wajaho,waxa kaliya ee ku filan yahay,waa uu in Muuse ufududeeyo danaha Villa-da iyo Xalane kaga xiran. Sidoo kale cadaadiska caalamiga ah ee saaran ka fududayntiisa iyo ka xigsado,isagoo isticmaalaya magaca Dowlada Somaliya,ayuu utaagan yahay. Cabdikariin waa Wakiilka dadban ee Muuse ufadhiya Muqdisho. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1643418346635902978?s=20
Donald Trump,ayaa la dhigay xabsiga isagoo noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo eedeymo badan oo lagu soo oogay dartood xabsiga u gelaya,hoos ka daawo muuqaalka. https://twitter.com/CNN/status/1643304803995615232?s=20
Madaxweynhii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo la filayo in maanta oo talaado ah ay uga bilaabanto dacwad ka dhan ah, taasoo ah markii ugu horraysay ee abid dacwad lagu soo oogo madaxweyne xilka haya ama mid ka degay. Trump, ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu hortago maxkamad ku taallada magaalada New York, halkaas oo ay uga billaaban doonto dhageysiga dacwado uu wajahayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/ERh355bVMLI?feature=share
Ergayga gaarka ah ee Madaxtooyada uqaabilsan gaarsiinta Adeegyada muhiimka ah Bulshada Deegaamada dib looga xoreeyay argagixisada,ayuu noqday Waare. Waa shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha ee Fadaraalka ay qaban lahayd,balse ay ku filnaan wayday oo loo baahday Ergay qabta Shaqadaas oo Villa Somaliya toos uhoos yimaada. BC oo bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya Adeegyadan Deegaamada la gaarsiinayo,ayaa muujisay in ay khaati ka taagnayd wada shaqaynta Fiqi,waxayna si la yaab leh usoo dhawaysay magacaabista Waare. Madaxweynihii hore ee Hir-shabelle Mudane Waare Nin shaqsiyad fiican oo leh aragti caafimaad qabta. Masuuliyada loo dhiibay waxay fursad utahay reer Hiiraan oo ah Dadka ugu mudan ee udiyaarsan…
Sanna Marin oo ahayd Raysal wasaaraha dalka Finland ayaa ku guul darraystay in ay sii xejisto xilkii ay muddada haysay ka dib markii xisbigeeda lagaga adkaaday doorashadii Baarlamaanka ee halkaas ka dhacday. Xogaha hor dhaca ah ee tirinta codadka laga helayo ayaa sheegaya in ay guushu raacday xisbiga is bahaysiga midigta ee NCP loosoo gaabiyo kaas oo helay 20.8% codadkii la dhiibtay. Dhinaca kale Musharrixiintii Soomaalida ahaa ee u xusul duubnaa in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka waddanka Finland ayaa gebi ahaantoodba ku guul darraystay in ay hantaan booskii ay Soomaalidu hore u haysatay. Ka dib markii ay is sharraxeen…
Isbahaysiga mucaaradka Kenya oo toddbaadyadii lasoo dhaafay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowlada madaxweyne Ruto waday,ayaa shaaciyay inay hakiyeen dibadbaxyadii. Maanta,ayaa lagu waday inay ka dhigaan qeybo kamid ah dalka Kenya dibadbaxyo waa weyn Mucaaradka. Madaxweyne Ruto,ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada. Sidoo kale,waxaa ka qeyb qaatay dadaallada lagu hakinayo dibadbaxyada Mucaaradka beesha caalamka oo uu Maraykanka kamid yahay. Xukuumada iyo mucaaradka Kenya,ayaa loogu baaqay in ay khilaafka wadahadal ku dhameeyaan.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa. Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada. Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka u uku noqdo waxa uu khudbad…
Mowqifka Wasaaradda Isgaarsiinta Dawladda Puntland ee ku aadan khidmadaha dheeraadka ah ee Dawladda Federaalku kusoo rogtey shirkadda Isgaarsiinta Dalka.
“Haddii Ingiriis tabasho qabo hanoo yimaaddo, san-ku-neefle kale ka dhegeysan mayno xuduudaha SSC.”Ayuu yiri Garaad Mukhtaar oo jawaab gaaban ka bixiyay hadalkii Muuse Biixi ee Caawa uu ka jeediyay Hargaysa. https://twitter.com/GaraadMukhtaar/status/1642665235495501824?s=20
Muuse Biixi hogaamiyaha Maamulka SNM ee Hargaysa oo Caawa ka hadlay dagaalka Laascaanood,ayaa la shir yimid dood jilicsan oo aan jiha lahayn kana fog waaqiciga Sool ka taagan saakay. Muuse,waxuu isku dayay in uu isku muujiyo Nin Nabad iyo wada xaajood raba,balse sida looga bartay markan oo kale,waxuu abaabulayaa guluf colaadeed oo cusub. Puntland,ayuu uga dacwooday Dowlada Xamar kuna eedeeyay in ay dagaalka LC qayb uga tahay wax walba oo ay awooday. Ma dhawa Muuse welina xaqiiqda uma dhaadhicin markaad hadalkiisa qiimayso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/ysTRHLFcFM8?feature=share
Garaadadu way hadleen,waana iska beri yeeleen waxa loogu yeero SL in ay qayb ka yihiin. Doorkii Dhaqanka ee jawaabta hab dhaqanka Xasan si macno leh,ayuu umuuqdaa. Puntland doorkii kaga aadanaa arinkaas waa buuxisay si weliba firfircoon oo dhiiranaan leh. Waxaa haray oo la tabayaa in la helo Siyaasi reer Sool ah oo ka madax banaan PL oo ku dhiirada in uu dul istaago si faahfaahsan khaladka Xasan Shiikh. Siyaasi,waxaa loo baahan yahay buuxsha booska Siyaasadu ku leedahay jawaabahan oo ku dhaca Erayada iyo tilmaamaha Garaadadu ka Afgobaadsadeen. Xasan waa nacab ay leedahay qadiyada Sool oo isqariya,Muusana waa Cadowga muuqda ee…
Guddigan oo ka kooban 33-xubnood,ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan magacaabista Rrgayga wada-hadallada Dowladda federaalka Somaliya iyo Somaliland. “Waa soo dhawaynaynaa magacaabista Ergayga,balse Anaga nama khuseeyo qaybna kama nihin SL horayna ugama noqon”Ayay yiraahdeen Garaadadu. Halkan ka akhriso:-
The 33-member committee issues a press release concerning the appoint ment of the Federal Government of Somalia-Somaliland talks envoy.
Somali iyo Shisheeyaba uma soo dhaweyn magacaabista Cabdikariin sida Waare loo soo dhaweeyay. Sababtu waxay tahay dhawr qodob oo mudan in la dul istaago… 1.Xiliga la magacaabay. 2.Shaqada loo diray oo uusan qaadi karin. 3.Dhex-dhexaadnimadiisa oo hoosaysa. 4.Hogaamintiisii hore oo ceebaysan,sida Galmudug iyo Wasaaradihii amniga iyo Arimaha Gudaha. Haldoor fara badan oo reer Muqdisho ah,ayaa ka hor yimid magacaabista Cabdikariin kuna dhaleeceeyay Xasan,iyagoo ku dhaliilaya in ay khalad tahay xiliga magacaabista iyo Qofka la magacaabay. Warar hoose oo laga helayo Villa Somaliya,waxay sheegayaan cida ku qalqaalisay Xasan magacaabista Cabdikariin in ay tahay Faarax Cabdiqaadir. Ujeedka looga gol leeyahay,waa in Muuse…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/mNKJoRgzbyo
Xilalka uu Magacaabay Xassan Shiikh Maxamud ee Page Villa Somaliya Lagu Soo Daabacay Laga soo Bilaabo 23/May-2022 ilaa Maanta 1/Apr-2023 1- 23-May-2022 Hussein Sheekh Mohamud Agasamaha guud ee Madaxtooyada J.F.S “ Digil&Mirifle, Hadamo” 2- 23-May-2022 Mohamed Amiin sheekh Osman agasime ku xigeenka madaxtooyada J.F.S “Hawiye, Abgaal” 3- 24-May-2022 Abdirahman Abdishakur Warsame Ergeyga gaarka ah ee arimaha abaaraha “Hawiye, Habar gidir” 4- 24-May-2022 Hussein moalim Mohamud lataliayaha amniga qaran J.F.S “Hawiye, Mursade” 5- 26-May-2022 Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S. “Dir, Isaaq” 6- Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S. “Dir, Fiqi Maxamed” 7- Hassan Adam…
Puntland,ayaa cambaareysay, ergayga Xassn Sh.u magacaabay wada hadalada Somaliland & Dawladda faderaalka. “Xasan Shiikh wax siyaasad ah uma kordhin, mana garowsana Midnimada dalka”.Ayuu yiri W.Warfaafinta PL. Wasiirka warfaafinta Puntland,ayaa ugu baaqay in Dowladda Faderaalka looga baahan yahay in ay taageero nooc kasta oo ay tahay ay siiso dadka deegaanada SSC, oo u taagan Midnimadii Somaliyed. Warka PL kasoo baxay ee ku Aadan Ergayga Xasan umagacowday Hargaysa,waxuu dharbaaxo ku yahay qorshaha Jabuti buddhiga utahay. Jibril Qoobey.
Xukuumadda Puntland,ayaa sheegtay in Somaliland ay abuurtay kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab. Ujeedka ay u abuurtay,ayuu ku sifeeyay Wasiirka Warfaafinta PL ahaa si koonfurta dalka ay u gubato Goboladooda Waqooyi Galbeedna ay udhismaan. “Dhaawacyadooda,ayaa lagu dabiibaa magaalooyinka Somaliland, Baasabaroodana looga sameeyaa dalka Jabuti”Ayuu yiri W.Warfaafinta Puntland. Puntland tiro dhawr jeer ayay horay usheegtay in SL taageerto Ururada argagixisada ah sida Shabaab. Dhawaan Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas,ayaa si cad uxaqiijiyay in baaris ay PL samaysay xiligii uu madaxda ka ahaa Lagu ogaaday wada shaqaynta argagixisada iyo SL. Jibril Qoobey.
Puntland minster of information H.E Mohamud Aideed Dirir has stated in his recent press conference that the somaliland secessionist admistration in Northern Somalia having it’s a secretive alliance with Al-Shabaab terrorist group. Honorouble Mohamud Dirir Aideed , the minster of information of puntland has exposed these hidden facts. ” somaliland and Al-Shabaab are true friends and they have one aim, which is causing insecurity and massive distructions in Southren somalia whilst they turned somaliland safe zone”. ” Al-Shabaab never attacks somaliland terretrories becouse of both parties’ secretive friendship” said minster Mohamud Dirir. Whilst the minster has continued his speech he…
Garaadada,waxaa laga rabaa in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan in aysan qayb ka ahayn Sool,waxa loogu yeero Somaliland markale. Ujeedka Xasan leeyahay waa Madax goosi iyo Gashaanti Aamuskaa lagu meheriyaa,taasna waa in la fashiliyaa. Muuse,ayuu badbaadinayaa Siyaasiyan oo usamaynayaa Wado uu ka baxo. Caalamka,waxaa la tusayaa in Sool ay hoos tagto hogaaminta Muuse Biixi. Halganka Bulshada Sool waxuu rabaa in uu waxba kama jiraan ka dhigo. Waa umuhiim qadiyada xiligan dul istaaga arinkaas iyo cadaynta in aysan khusayn magacaabida Cabdikariin Guuleed. Jibril Qoobey.
Magacaabistan ma haboonayn munaasabna maba ahayn xiligan. Cabdikariin Guuleed in loo magacaabo Ergay SL ku wajahan waxay ka dhigan tahay in SNM lagu garabsiiyay xumaanta. Muuse Biixi iyo kooxdiisa ma mudnayn in xiligan laga dhigo Maamul udiyaarsan wada hadal. Waxay ahayd oo M.Xasan ku heli lahaa Sharaf iyo Magac in uu ka hadlo xasuuqa Laascaanood. Balse in uu is ilowsiiyo Dhiiga Laascaanood ku daadanaya oo Muuse umagacaabo Ergay waxay ka dhigan tahay in lagu abaal mariyay xasuuqa Shacabka. Muuse wada hadal iyo wanaag diyaar uma ahan,wuxuuna weli wadaa xasuuqa Shacabka LC oo Maanta ay ugu danbaysay. Xasan waa cad yahay…
Dhimashada ay Oog gaarsiiyeen Ciidamada SNM,waa 43 inta la xaqiijiyay. Dhaawaca,ay gaarsiiyeen Oog,waa 76 uu ku jiro Faysal Bootaan oo ay Madaxa uga dhacday,sida wararka aan ku helayno. 23-Maxbuus waa laga qabtay oo uu ugu hilan yahay Abaanduule Ciidan ugu magacaaban Guutada 8-Aad SNM-ta,waxaana lagu magacaabaa Gaashaanle Sare.Siciid Nuux Waylood,kana soo jeeda Beesha Habar-jeclo. Bariga dagaal kharaar,ayaa ka dhacay,waana la riixay Ciidamada SNM.
Hawlgalka Maanta,waxuu ahaa burburinta Sahayda iyo goynta Wadooyinka ay usoo marto SNM. Beesha J.Siyaad oo degta Dhulka Sahaydu soo marto,ayaa hogaaminaysay hawlgalka,waana xaajo qaateen. Beelaha Harti ee dagaalka galay guushana ka gaaray,waxay kala ahaayeen Maanta. 1.Cali Saleebaan. 2.Qayaad. 3.Reer Hagar. 4.Jaamac Siyaad. 5.Cumar Maxamuud. Dhimashada dhanka Beealaha Harti ee dagaalka Maanta waa 24 inta la xaqiijiyay. 4-Cumar Maxamuud ah. 6-Qayaad ah. 5-Jaamac Siyaad ah. 9-Reer Hagar ah. Dhaawaca soo gaaray Beelaha Harti,waa 34 oo kala ah… 6-Cumar Maxamuud ah. 11-Qayaad ah. 17-Jaamac Siyaad ah. Maxaabiista laga qabtay Beelaha Harti,waa 7-kala ah.. 6-Jaamac Siyaad ah. 1-Cali Saleebaan ah. Gawaarida laga qabsaday…
Ciidanka Xildhibaankii hore ee ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland uu watay waxay Jidgooyo u galeen Ciidan Urur ah oo Sahay usiday SNM kana yimid magaalada Oog. Ciidankaa waxaa loo galay Wado ay samaysteen markii dagaalkii hore looga qabsaday Waddadii ay marsiin jireen sahayda oo ku taal Aaga Canjiid. Markii ay isheleen Ciidankii Xildhibaanku ku jiray iyo Ciidankii Sahayda siday ee SNM,waxaa Gacanta sare helay kuwii Xildhibaanka,waxayna ka gubeen Booyad Shidaal ah. Kadib,waxaa gurmad uga kala yimid SNM-ta Goojacade iyo Ari-Cadeeye,waxaana lagu sameeyay Ciidankii Laba Aabur,halkaas,ayaana lagu qabtay Xildhibaanka. Dagaalku markaas,ayuu balaartay oo Ciidamo Cumar Maxmuud ah iyo kuwo Qayaad ah soo…
Halkani waa Garowe oo ah Caasimada Siyaasada Ee Puntland,waxuu muuqalkan utaagan yahay horumarka ay sameeyeen reer Puntland 20-kii Sano ee udanbeeyay. Ganacsi,Waxbarasho,dhisme kaabayaal iyo kobcinta Maskaxda Bulshada. Labada Muuqaal mid waa Xarunta haldoorka PL ee PDRC,midka kalana waa Dhisme Shirkad Ganacsi oo ku dhex samaysmantay,kuna hana qaaday dhismihii Puntland. Hogaan aragti leh oo daacad ah haday helaan Shacabka Puntland,waxay jari karaan xawaare dheer mudo gaaban. Puntland micnaheedu waa hormuud. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vUJUZHVYG5I
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo martigelisay Casho ku aadan Bisha barakaysan ee Soonqaad. Dadka goob jooga ka ahaa,waxaa ka mid ahaa basaasiinta ugu weyn CIA-da Muqdisho iyo Roobow oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababar la qaatay al-Qaacidada Afgaanistaan. Sanadkii 2012-kii,maamulkii Obama,ayaa ku yaboohay lacag dhan 33-Milyan oo dolar si loo helo xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin xubnaha ugu sareeya kooxdaas oo uu ku jiray. Balse isla sanadkaas, Roobow waxa ay isku dhaceen Amiirkii kooxda — Axmed Godane, oo ay dishay dukheyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2014-kii. Rooboow,ayaa sanadkii 2017-kii…
Dowlada Maraykanka oo mar kale caawa ka hadashay xasuuqa Laascaanood ee SNM,isticmaashayna erayo kale oo adag,isla markaana jeedisay digniintii ugu danbaysay. Sidoo kale Dowlada Maraykanku,waxay uga digtay Maamulka Muuse Biixi in uu joojiyo daahinta doorashada Somaliland. Cunaqabatayntii in la hirgelinayo,ayaa la xasuusiyay kuwa ku hawlan hurinta colaada iyo fashilinta Dimuqraadiyada Somaliya. Halkan ka akhriso Warka kasoo baxay Maraykanka:- https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1641959403136987138?s=20 Jibril Qoobey.
“Iyadoo ay jirto xaaladdan adag, dowladda Somaliland waxay codsanaysa taageerada Maraykanka si Puntland loogu qanciyo in ay joojiso dagaallamayaasha iyo hubka ka soo qulqulaya degaannadooda ee soo galaya Laascaanood”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay SL. Waa hadal jilicsan oo muujinaya jab Siyaasadeed iyo mid Mileteri oo soo gaaray SL marka la barbardhigo Erayadii ay horay u adeegsan jirtay markay PL la hadlayso. “Puntland hadaysan joojin faragelinta Xuduuda Jamhuuriyada SL,waxaa lagu murmi doonaa Garowe”Waa erayadii ay isticmaali jirtay SL. Halkan ka akhriso warka kasoo baxay Somaliland:-
Muuse,waxaa loo sheegay in uu Ciidamadiisa dib uga saaro Laascaanood si dhakhso ah. Sidoo kale xoogaga difaaca Sool,waxaa loo sheegay in aysan weerarin Ciidamada Muuse Biixi. Dib udhaca doorashada in uu soo afjaro oo sameeyo Khariirad mudaysan oo lagu qabanayo,ayaa loo sheegay in laga sugayo. Odoyaasha ka yimid Muqdisho in uu ku qaabilo Hargaysa in ay khasab tahay,ayaa la xasuusiyay Muuse Biixi. Maraykanku,waxuu sheegay sii socoshada colaada LC in ay keeni karto fursad argagixisadu ka faa’idaysato. Ugu danbayn warbixinta,waxaa lagu cadeeyay in loo isticmaali doono awooda cunaqabataynta cidii caqabad ku noqota Nabada. Warkan waa dhaafay fariin ee waa dhabarjab Siyaasadeed…
The United States is increasingly concerned by the continuing violence in Lascanood and joins other international partners and neighbors in calling for de-escalation, adherence to the agreed ceasefire, unhindered humanitarian access, and resumption of constructive dialogue towards peaceful resolution. Continued violence will increase the potential for extremist groups to sow broader instability and further exacerbate the ongoing humanitarian crisis. We call on Somaliland to pull back its security forces as a demonstration of its commitment to these principles. We call on the militias in Lascanood to refrain from any offensive actions against Somaliland forces. We support the Federal Government of…
Xeer-beegti Maraykan ah oo ku sugan gobolka New York ayaa u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyada oo loo haysto eedo la xidhiidha, inuu lacago siiyay gabadh lagu magcaabo Stormy Daniels, intii lagu guda-jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2016, sida ay ku warameen warbaahin kala duwan oo Maraykan ahi. Go’aanka xeerbeegtida oo aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha hore ee Trump uu doonayo inuu markale u tartamo Aqalka Cad, ka dib markii uu guuldaraystay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020. Tallaabadan ayaa noqonaysa, markii ugu horraysay ee dacwad…
Waa muhiim doodahan oo kale in ay qabtaan Gudiga loo saaray khilaafka Fadaraalka iyo Puntland. Bulshada in wax loo sheego oo la dhagaysto fikradaha ay ka qabaan khilaafka Fadaraalka la siiyana fursad ay talo ugu darsan karaan waa loo baahnaa. Sidoo kale Gudigu in uu hadlo oo la maqlo doodooda waxay wax ka taraysaa in aan hal dhinac doodiisa la maqlin. Xasan Sh.waa isbihin bihinayaa oo is Oohinayaa,isagoo leh wax walba oo aan PL ku helayo,waa iga diyaar ee hala afgarto. Puntland,waxaa laga rabaa in ay tiraahdo Anaguba,waxaan diyaar unahay Dowlad dhiska Somaliya in aan usamayno tanaasul walba oo wax…
Maraykanka oo kor uqaadaya hawlgaladiisa Diblomaasiyadeed iyo amni ee Aftika gaar ahaan Geeska,ayaa badalay Safiirkiisa Somaliya. Wal walka ugu weyn ee Maraykanka,waa saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika,isagoo taa ka hor tagaya,ayuu Richard H. Riley loosoo wakiishay hogaaminta diblomaasiyada Maraykanka Dalka colaaduhu la dageen ee Somaliya. Richard,wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka. Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr…
Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka. March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata. Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha. Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid…
Today, President Joe Biden announced his intent to nominate the following individuals to serve as key leaders in his administration. Richard H. Riley, IV, Nominee for Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary to the Federal Republic of Somalia. Richard H. Riley, IV is a career member of the Senior Foreign Service, class of Minister-Counselor. He currently serves as Minister Counselor for Economic Affairs at the U.S. Embassy in Ottawa, Canada. Previously, Riley was the Consul General at the U.S. Consulate General in Peshawar, Pakistan. He has also served in senior leadership assignments such as Charge d’Affaires, ad interim, and Deputy Chief of…
Madaxweyne Biden,ayaa u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Somaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka-cad. Safiirka cusub ee Somaliya loo magacaabay ayaa haatan xil ka haya Safaaradda Maraykanka ee Kanada. Richard H. Riley,ayaa hore uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afgaanistaan, Iraq, UK, Shiinaha,Ruushka iyo Yemen. Danjiraha cusub,ayaa bedelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Somaliya ee Larry Andre.
Warbixintii Midowga Yurub ee Somaliya laguma xusin Doorashada Golayaasha Deegaamada Puntland. In Midowga Yurub uu soo hadal qaadi waayo Diiwaangelinta hirgashay iyo Cod bixinta loo mudaysan yahay ee Doorashada Golayaasha ma’ahan war farxad u ah Dimuqraadiyadaynta PL. Waa iska cadahay Midowga Yurub waxa uu ka biyo diidsan yahay. Horay waxay Midowga Yurub uga codsadeen M.Deni in uusan isku sharixin doorashadii Madaxweyne ee Somaliya,waase ka diiday. “Dalabkoodu,waxuu ahaa Puntland iyo Dimuqraadiyada dhamaystir waa muhiim” Markale ayay talooyin ka siiyeen dib ubilaabidii Dimuqraadiyada kasoo laabashadii Xamar kadib,si la mid ahna tixgelin kama aysan helin Deni. Wasiirada laguma dhaliili karo dayaca dhacay oo…
Fariin cad,ayaa la taabsiiyay Muuse Biixi. “In uu Ciidamadiisa ka saaro Laascaanood,sameeyana qorshe uu ku qabanayo doorashada Madaxweynaha Somaliland” Maraykanku si aan leex leexad lahayn,ayuu ula hadlay Muuse,waxaana fariinta gaarsiiyay Safiirka Maraykanka ee Somaliya. Warka Safaarada,ayaa kusoo gunaanadmay in laga sugayo fulinta Labadaas qodob. Waa amar cad oo la dul dhigay oo ay tahay in uu fuliyo ee mahan talo uu iska diidi karo. Maraykanku waa Dalka ugu saamsynta Siyaasada,dhaqaalaha iyo Amniga Somaliya. Waa Nabar xun oo Dhabarka uga dhacay Muuse Biixi warkan. Halkan ka akhriso:-
Madaxweyne Deni,waxuu ku amray Wasaarada amniga in ay joojiso dhamaan wada shaqaynihii ay la lahayd hay’adaha. Wasaarada,ayaa qortay Warqad si toos ah ugu socota hay’adaha oo lagu joojinayo wada shaqayntii guud ee kala dhaxaysay. Si gaar ah waxay talaabadan usaamaysay Booliska Puntland oo taageero ka heli jiray hay’adaha,weliba UNDP. Waxaa go’aankan ku shaqo waayay dhawr Qof oo isku xiri jiray hay’adaha iyo Booliska,iyadoo amar lagu siiyay kuwo ku maqnaa tababaro in ay gudaha PL kusoo laabtaan. Ma cada si rasmi ah ujeedka Madaxweynaha,inkastoo warar tiro badan laysla dhexmarayo. Jibril Qoobey.
Shiinaha,ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto daandaansi. “Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay…
“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA).”Ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiyaanku ay taageeraan geeddi-socodka nabadda. Afhayeen u hadlay jabhadda oo la yiraahdo Odaa Tarbii,ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn,waxaana uu intaas ku daray in 10-ka isku day ee uu soo hadal…
Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weeraro saaka aroortii hore ay ku qaadday saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Jubbada hoose ee dalka Somaliya. Weeraradaas ayay ku dileen 32-Askari, sida ay baahisay warbaahinta taabacsan kooxdaasi. Al-Shabaab,ayaa si buuxda usheegatay mas’uuliyadda weeraradan. Tuulada Baardheere ee dhacda duleedka Beledweyne,ayay ku dileen 15-Askari halka Baar Sanguuni oo duleedka Kismaayo ahna ay ku dileen 17-Askari. Waxay sidoo kale kooxda sheegatay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku heynta saldhigyadaas. “Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose iyo deegaanka Baardheere…
Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey,ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso. Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka. Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria. Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve…
Xamsa Yuusuf,ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland. Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murashaxa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda. Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray. Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: “Mr Yuusuf…
1-Ciidamadii Ereteeriya Lagu Soo Tababarey Maxaa Kasoo Cusboonaadey? 2- Hantidii Danta Guud ee Dowlada Soomaaliya oo Baryahan Hadal Haynteedu Socotey Maxaa Kaaga Baxay? 3-Arinka Gedo iyo weftiga ku aadan Garowe. 4-Odoyaasha LC tagay iyo dagaalka. 5-PL iyo khilaafkii fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://m.youtube.com/watch?v=U_viIRBa-D0
Argagixisada Shabaab waxay ka faa’idaysatay dayaca Dowlada ee Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray. Shabaab waxay dhexgaleen Ciidamada,waxayna sameeyeen koox hanuunin ah oo ku qancisa Askari walba in uu aado Deegaankiisa. Ma aysan oran nagu soo biira,waxayse usheegeen in ay jiscimayaan oo ay ufududaynayaan kala aadidooda Deegaamadii laga keenay markii hore. “Horay Eretereya,ayaad ugu dayacanteen,haatana Xeradan,ayaad ku jabteen oo xataa Cuntadii,ayaa laydin awoodi waayay ee waan idin jiscimaynaa oo amaankiina waa sugaynaa Askari kasta ha aado Deegaankiisii”Ayay ku shubeen koox Ciidanka ay dhex gashteen Shabaab. Tiro ku dhow 2000-Askari ayay Shabaab anba bixiyeen oo siiyeen Lacag sahay ah sugeen amnigooda intii…
Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh… 1. Warshada Caanaha waxaa la siiyey Cabdinasir Cali Adoon iyo Faysal Xaaji (Salaam Bank) waxa uu noqday 108 Boos oo midkiiba yahay 20M*15M waxaana midkiba lagu qiimeyay 110-Kun dollar. 2. Wakaalada Hargaha iyo Saamaha oo horey loo siiyey Xaaf,ayaa laga warejiyay waxaana lagu wareejiyey Saabir Shuuriye, sida qorshuhu yahay waxaa laga dhigi Doonaa Supermarket weyn iyo Suuq (Mall). 3. Carwadii Taleex waxaa ka soo baxday 340 Boos midkiiba lagu qiimeyey 140 kun,waxaana loo xilsaaray howshaas Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa. 4.Shiirkoole Ofishaale…
Laascaanood Laba hadaf,ayaa ku hurdamayay oo kala ah… 1.Beelo,ayaa ku diriraya lakala yiraahdo Harti iyo Isaaq. 2.Beel ka mid ah Beelaha SL oo wax tirsatay iyo Maamulka,ayaa ku diriraya. Saakay,waxaa guulaystay hadafkii ahaa Laba Beelood oo Somaliyed,ayaa ku diriraya Laascaanood. Tagida LC ee Odoyaasha Dhaqanka Beelaha B iyo K Dalka,waxay dhabarka ka jabisay doodii Muuse iyo SNM ee Qaran Madax banaan. Ugu yaraan Odoyaashan in la geeyo LC waxay dharbaaxo ku tahay dhanka Beesha Isaaq,waxayna taageero Siyaasadeed utahay dhanka Beesha Harti.
Ictisaam waxay wadaan olale xoog leh oo ay ku diyaarinayaan Musharax Madaxweyne ee Puntland. Waxay ku amreen Shaqaalaha Shirkada Golis ee Gobol walba in ay dhexgalaan Beelaha oo ka keensadaan Xubin Baarlamaan ama Qof noqda Xubin Baarlamaan. Aadan Sh.Doon koox ka mid ah Ictisaamka,ayaa soo jeedisay in ay sharaxaan kuna taageeraan Maaliyad. Halka qayb kale ay ku doodayaan in uusan Aadan ka gadmayn.. “Aadan waa Nin Macaan oo Gob ah balse aan gaarsiisnayn hogaamiye”Ayay qaybaan Rag badan oo Ictisaamka ka mid ah. Haldoorka Bulshada ee aadka uyaqaan Ururka Ictisaam waxay qabaan in uusan guulaysanayn qorshahooda,iyagoo ku sababaynaya….. 1.Ka adkaantii Cabdullaahi…
25-Dhaawaca iyo 5-dhimasho ah oo Ciidanka SNM ka mid ah,ayaa la gaarsiiyay Oog. Sidoo kale Ciidamada Difaaca Sool waxay ii xaqiijiyeen in ay Gacmahooda ku Aaseen 39-Askari oo SNM ah. Ujeedka SNM ay usoo qaaday weerarkii Maanta waxay ahayd in ay carqaladeeyaan Odoyaasha Xamar ka yimid oo ay u arkaan in Siyaasiyan dhabar jab ku yihiin. Sida la filayo Beri foog waxay soo qaadi doonaan weerar kale Ciidamada SNM. Ciidamada Difaaca Sool si weyn ayay Maanta uxaajaysteen,haatana heegan ugu jiraan. Jibril Qoobey.