Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NXEesCmyv7A
Author: Jibril Qoobey.
Waa loo baahnaa isku dayada Itoobiya ee ku aadan LC in la fashiliyo. Garaadadu go’aan waxtar leh ayay qaateen markii ay diideen in ay tagaan Adis-ababa. Itoobiya waxay isku dhex wadaa qorshayaal is hardinaya oo aan lahayn jiho loo raaco. Balse fahamka ugu weyn waa in ay reer Galbeedka aragtidooda ka fogaanshaha Beesha Daarood la qabto ama uga horayso. LC in ay waa la difaacayaa xataa hadii Nato laysku arkayo. Jibril Qoobey.
Waxaa jira warar sheegaya in laga saaray Ajandaha Shirka Baydhabo Qodobkii Doorashooyinka. Sababta looga saaray Ajandaha,ayaa lagu sheegay maadaama Puntland ay ka maqan tahay Shirka. Shirkan oo markii hore qorshaysnaa in uu furmo 15-ka Bisha,ayaa kadib dhacay,waxaana maqaamkiisa hoos udhigay kasoo qaybgal la’aanta PL. Jibril Qoobey.
Markab siday Geel dhan 1634 Neef oo kasoo anba baxay Dekeda Berbera,ayaa laga celiyay Dekeda Jidah ee Sacuudi Carabiya. Waxaa lagu amray Markabka in uu soo maro Wado sax ah iyo habraac la aqoon san yahay. Aqoonsiga laga rabo waa midka Dowlada Somaliya ee la aqoonsan yahay. Safaarada Somaliya ee Sacudiga ku taal,ayaa horay ugala hadashay Ganacsatada Somalida ee xoolaha kasoo dhoofsada Berbera in ay maraan habraaca la aqoonsan yahay ee Dowlada Federaalka Somaliya. Somaliland waxay bixisaa aqoonsi calaamadeedu ay saaran tahay oo aan la aqoonsanayn,waana midaas mida dhibka keenaysa. Dhawr mar ayay arintan oo kale horay ugu dhacday Ganacsatada…
War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland (Puntland Economic Corridor & Investment Conference) oo maanta ku soo geba-gaboobay magaalada Garoowe Shirkan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 40 shirkadood oo isugu jira shirkado Caalami ah iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa intii uu socday si weyn loogu lafa guray Fursadaha maalgashi ee kajira Puntland. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xiritaankii shirka Khudbad dheer ka jeediyay ayaa kasoo qaybgalayaasha la wadaagay qodobo badan oo laga faa’iidey shirka mudadii Sadexda maalmood ahayd. Halkan ka akhriso:-
Kadib markii ay xaqiiqowday in aysan PL sinaba uga qaybgalayn Shirka Baydhabo la baajiyayna socdaalkii Laftagareen ee Garowe,ayaa lagu adkaystay in Shirku qabsoomo. Puntland waa uguul Siyaasadeed in Dowlada Fadaraalku kusoo ururto Bartamaha iyo koonfurta Dalka,si gaar ahna iyada loola macmiilo. Shirkan,waxuu xaqiijinayaa doodii PL ee ahayd waxqaybsiga Dalku,waa Sadex meelood oo kala ah… 1.PL 2.SL. 3.B.iyo K. Mar walba oo PL iska ilaaliso ku milanka Xamar iyo Maamulada laga biilo Dekeda Muqdisho waxay helaysaa Mashaariicdeeda horumar,waxayna difaacaysaa Fadaraalka iyo Dowladnimada Somaliya. Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay in uu Albaab walba kasoo xirtay kooxaha qabsaday Villa Somaliya ee D+D.…
Shirka Baydhabo,waa mid ku kooban B&K Dalka oo aan miisaan lahayn. Caalamka ay ku tiirsan tahay taageeradooda Dowladnimada Somaliya waxay kula shaqeeyaan Somalida is ogol. Qodobada looga xaajoonayo waa Sadex kala ah… 1.Amaanka. 2.Fadaraalaynta hanaanka maaliyada. 3.Doorashooyinka. Sadexda Qodob midna wax kama qaban karaan… 1.Amaanka majirto Siyaasad midaysan oo Dalka kawada dhaxaysa,waxa ugu weyn ee kasoo bixi kara waa baaq la dagaallanka argagixisada ah. 2.Hanaanka Maaliyada ee lawato waa mid Dowlad Dhexe usamaysan oo la rabo in hal Gacan lagu shubto Canshuuraha kasoo xarooda Dekedaha iyo Garoomada Dalka. Galmudug,Hir-shabelle iyo KG maleh Ilo dhaqaale kasoo xaroodo oo lagala wareegayo oo…
Itoobiyaanku waxay wadaan waa badbaadinta Muuse Biixi. Deni casuumadiisa Adis waa in ay jihada dagaalka khaldaan kuna saaraan cadaadis PL in ay dagaalka ay sida dadban ugu jirto ka baxdo. Balse M.Deni mowqifkiisa uu la hor tagayo Itoobiyaanka waa cad yahay,waana ” PL dagaal kuma jirto”. Gudoomiyaha Baarlamaanka SL iyo Xisbiga Cirro,waxaa loo casumay iyagana in ay culayska ka yareeyaan Muuse oo doorashada aqbalaan,isla markaana joojiyaan taageerada ay uhayaan kacdoonka Shacabka LC. Itoobiya waxay fahansan tahay dagaalka LC in ay PL wado,isla markaana Xisbiga Waddani door ku leeyahay. Muuse Maanta,ayaa Adis laga sugayaa. Jibril Qoobey.
Waxba kama jirin ku dhawaaqistii Madaxweyne Xasan ee ahayd in uu hayo Dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Wadada Garacad-Goldogob. Waxa uu madasha ka sheegayay waxay ahayd Lacag Laba Milyan oo dolar ah oo xiligii Fahad ay Odoyaal reer Goldogob ah si Abtinimo ah uga codsadeen Fahad in uu ugu daro qorshaha Qaranka Wadada Goldogob-Galkacyo,taasoo hada ADB usoo ogolaaday. Wax kale uma hayo Wadadaas,dhawaan weftigii Xamar kula kulmay ee ka socday Dekeda,waxuu ku yiri qorshaha Qaranka,ayaan idinku daray. Kuma jirin arimaha lagu yaqaanay M.Xasan Beenta marka laga soo tago Eexda iyo musuqa. Wadada Garacad-Goldogob xiligan dhismaa ku socda,waxaana Gacanta ku haysa Shirkada…
Xeer- ilaaliyaha Fadaraalku,waxuu udanbeeyay Dadka kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Dowlada Fadaraalka oo la beegsanayo. Waa go’aan cad oo Madaxweyne Xasan soo jeediyay kuna amray kooxdiisa in Qofkii PL kasoo jeeda aan shaqo laga siin Fadaraalka kan hayana laga qaado. Xeer- ilaaliyaha,waxaa laga dalbaday in uu iscasilo,qaatana Lacag Rubuc Milyan dolar ah,markuu diidayna,waxaa loo gudbiyay Baarlamaanka. Booskiisa,waxaa udiyaarsan oo lagu badalayaa Mungaab oo la rabo in uu sharciyeeyo mudo kororsiga la diyaarinayo. Puntland waa awood xoog badan markay timaado Siyaasada Somalida,Madaxweyna walba oo la dirira ugu danbayn isagaa Siyaasada ka baxa. Jibril Qoobey.
Ruwaayad iyo ka fogaansho waaqici,ayuu weli ku dhex jiraa hogaamiyaha SNM Muuse Biixi. Shalay Garaadada,waxa uu ku sheegay argagixiso,maantana waa la hadlayaa oo iyagaa Sool matala,ayuu leeyahay. Dagaalka LC horay,waxuu ku sheegay mid SL dibada looga soo duulay oo ay iska kaashadeen PL iyo argagixiso,saakayna,waxuu leeyahay waa dhibaato reer SL dhextaal oo iyadoo kale ay horay uga dhex dhici jirtay. Miyuusan ogayn in Garaadadii Sool ay la kulmeen QM oo dhawaan qaraar cad soo bixi doono? Miyuusan ogayn BC in ay xoortay oo Mucaaradkiisii iyo Gudoonkii BL Adis lagu shirinayo? Miyuusan ogayn LC in ay xor tahay loona sameeyay difaac…
Muqdisho, Maarso 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Muktar Mohamed Ware…
Shirweynaha Maalgashiga Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland oo si habsami leh usocda Garowe,ayaa waxaa ka mid ah wafuuda ka qaybgalaysa wefti ka socda DDSI. “Bulshada DDS waxay kasoo wareegayaan Dekeda Berbera,waxayna usoo wareegayaan Dekeda Garacad”Ayuu yiri Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-JIrfD2RJA4
Garoowe: 14 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad ay Dowladda Puntland Kula wareegtay 13 Gaadiid ah oo ay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Dowladda Hoose ee Garoowe. Gaadiidka ay maanta la wareegtay Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka kooban Cagaf-cagafyo, Dabdamis, Basas, Bukaan-Laroor, Gawaari nooca xamuulka ah iyo kuwo yaryar , waxaana loogu talagalay in lagu dardargeliyo adeega Dowladnimo ee Xafiiska Degmadu u hayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay deeqdan Gaadiidka ah, wuxuuna kormeeray gaadiidka oo lagu soo bandhigay Munaasabadda isagoo warbixinta Gaadiidkan ka dhegaystay Guddoomiyaha Degmada…
Waxaa faahaahin dheeraad ah ka soo baxaysa qarax saaka arroornimadii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Warrarka,ayaa sheegaya in ugu yaraan shan askari iyo afar qof oo ra’yid ah ay ku dhinteen weerarkaas. Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa,ayaa la sheegay in lala beegsaday Gurigaaas oo ku dhawaa xarumo Dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere. Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.
Weftigii Golaha amaanka QM ee xaqiiqo raadinta ahaa,waxay kula kulmeen Caasimada PL ee Garowe Garaadada Beesha Dhulbahante. Garaadadu waxay ka hadleen Gudiga xaqiiqo raadinta ah Lix Qodob oo kala ah… 1. Taariikhda Dhulbahante. 2. Daraawiish. 3. Doorka xornimada ee Dhulbahante. 4. SL in aysan qeyb ka ahayn. 5. Dhibkii dhacay oo SL dusha ka saareen. 6. Magaca siyaasadda SSC-Khatumo. Gudiga oo qorshahoodu ahaa in ay tagaan Laascaanood ayaysan usuuroobin maadaama dagaalku weli socdo. Sidan oo kale Gudi xaqiiqo raadin ah ayay Qaramada Midoobey udirtay Hargaysa si ay wax uga soo waydiiyaan xasuuqa dhankooda maamulka SNM ee Muuse Biixi. Kulamadan kadib…
Go’aano ka soo baxay ka soo baxay Gudiga Amniga Gobolka Mudug kuwaas oo lagu dardargalinayo adkaynta Amniga Gobolka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/gpLEKyZemMc
Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai. Riyadh Air “ayaa ujeedkeedu yahay inay duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 goobood oo caalamka ah kahor 2030,” waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA. Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu…
Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada PL ee Shirka Xamar? Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay go’aan ku qaadatay in aysan ka qaybgelin Shirka Xamar ee uu diyaarinayo Wasiir Faarax. Sababta aysan uga qaybgalayn ayay ku sheegtay in danta laga leeyahay ay tahay igu sawir la tusayo Deeq bixiyayaasha caalamka. BC,ayaa shuruud uga dhigtay Wasiir Faarax in uu Puntland keeno Shirka,hadii uu awoodi waayana,waxeeda gaar loo siinayo oo loo tixgelinayo cabashadeeda. Faarax,waxuu si cad utaagan yahay in wax loo qaybsadaa Somaliya iyo Somaliland. Somaliya oo uu udhigayo Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray oo PL ku jirto in Xamar la hoos keeno,ayuu qabaa. PL waxay taagan…
Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uusan Xasan Shiikh kasoo saarin Godka Siyaasadeed ee uu ku dhacay. Xasan Shakal Siyaasadeed,ayaa qabsatay… 1.Maraykanka oo dagaalka argagixisada taageerayay,waxuu ka niyad xun yahay sida shaqadu usocoto. 2.Reer Yurub maba ku faraxsana dagaalka argagixisada. 3.Qatar shuruudeedu waa Alshabaab oo lala heshiiyo lala sameeyo awood qaybsi Dowladeed. 4.Imaaraadku waxay taagan yihiin saxiix Saldhiga Milleteri hadaad hiil naga rabto. 5.Turkigu si Odaytinimo ah,ayuu uxeeladaysanayaa. 6.Gudaha dalka,waxay wax ku socon karaan wada shaqaynta Dowlada Dhexe iyo DG,taasna,waxaa fashiliyay khilaafka PL oo ah (Awood Siyaasadeed aan la dhayalsan karin). Puntland oo ka duulaysay isbahaysi Siyaasadeed macnana uusan usamaynayn isbahaysi…
Garoowe : 13 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garoowe ka socon doona muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shirweynahan oo uu tilmaamay in wax weyn laga faa’idi doono, xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga , Ka Dowlad ahaana Puntland soo dhoweynayso in la maalgashto Dalka . Furitaanka Shirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo iyada soo diyaarisay Kulanka iyo Goleyaasha kale ee Dowladda Puntland, Rugti Ganacsiga ,…
Bosaso: 13 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 ee 11-da March 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahidda loo qabo dardar-gelinta dhismaha Wadada Dangoroyo – Ely ee Gobolka Nugaal. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin :- 1. Aadan Maxamed Ciise Guddoomiye 2. Cismaan Guureeye Kaarshe G.Kuxigeen 3. Cawil Xasan Tooxyare Xubin 4. Mukhtaar Cabdiraxmaan Xubin 5. Faysal…
Garowe: March 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxay mudanayaashu ku falanqeeyeen xaaladda Bani’aadanimo ee Gobolka Sool iyo doorka Golaha Wakiillada ee ka qeyb galka arrimaha Bani’adanimino ee dadka ku waxyeeloobey weererada arxandarada ah ee maamulka labaxay Somaliland uu geystay magaalada Laascaanood. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go’aamiyeen in Golaha Wakiilladu qaaran lacageed kaga qeyb gaato Gurmadka Bani’aadanimo ee Laascaanood. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada…
Maxay yihiin caqabadaha ugu waa weyn ee ku gadaaman helida Jubaland lawada leeyahay.? 1.Axmed Madoobe oo aan rabin in JL lala yeesho,maamulkeedu baaho lagana baxo Kismaayo,si gaar ah ma danaynayo in Gedo xal loo helo oo ay JL-ta kale soo raacdo. 2.Waa itoobiyaanka oo raba in Gobolkan uu noqdo mid ay kula gorgortamaan JL iyo Fadaraalka,diyaarna uma ah in ay wareejiso oo waxay urabtaa in uu ahaado balo xijaab Somaliya ay ku dhex haysato. 3.Waa kooxaha ku xiran Itoobiyaanka oo hankoodu hooseeyo kuna kooban yahay Canshuurta,Maamulka iyo Nabadsugida in ay iska haystaan. 4.Waa Fadaraalka oo mar walba M.fadhiyaa uu dibindaabyeeyo…
Waxaa jira iskuday Gawaarida Qudaarta ukala qaada PL iyo Koonfurta Dalka loogu soo rarayo Hub,sida xogo la helayo sheegayaan. Rasaaasta lagu soo rarayo Gaadiidkaas,ayaa iskugu jirta mida culus iyo Gumucyada Madaafiicda Goobta M-30 D-30 jntapinte. Waxay usocotaa Rasaastaas Ciidamada SNM ee ka dagaallamaya duleedka Laascaanood. Rasaastan,ayaa laga soo raray Xeryaha Ciidanka Hiil Walaal ee Jabuti oo ku kala yaal Hiiran iyo Galguduud,sida xoguhu sheegayaan. Jabuti dhawr jeer,ayaa lagu tuhmay in ay Saanad Ciidan ugu soo gudbisay Ciidamada SNM Diyaarado. Balse xogtan waa qorshe cusub oo ka duwan kuwii hore khatartiisana leh. Jibril Qoobey.
M.Xasan si weyn,ayuu ugu soo hungoobay Qatar iyo Imaaraadka booqashooyinkii uu ku tagey ee ku salaysnaa dhaqaale raadinta. Imaaraadka iyo Xasan ? Markii ugu horaysay waxay shuruud uga dhigeen in uu lasoo heshiiyo Yuhuuda,waana aqbalay oo qarsoodi,ayuu ku tagey kuna soo saxiixay heshiiskii (Abraham). Kadib,waxay ku xireen Saxiixa Dekedaha Bosaso,Berbera iyo Muqdisho oo qayb ahaan laga siiyo iyaga,waa fuliyay Berbera iyo Bosaso,wayse ku adkaatay faragelinta mida Muqdisho ee Turkigu haysto. Markale,ayuu ku laabtay Imaaraadka,waxayna hordhigeen in uu Saxiixo Saldhig Milleteri oo 50-sano ah,kaasoo Bosaso ay ka samaysanayaan,waase ku dhici waayay oo Maraykanka,ayaa uga digay. Xasan,waxuu soo jeediyay in Saldhiga loo…
ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND. Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo…
Boosaaso: 11 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta. Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta. Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga…
Madaxweyne Deni,waxaa casuntay Dowlada Itoobiya,waxuuna aadayaa maalinka Berri foog ah. Sidoo kale waxay Dowlada Itoobiya casuntay Muuse Biixi hogaamiyaha SNM. Itoobiya waxay rabtaa in dagaalka LC ay ubadasho mid dhexyaal PL iyo SL oo ay kawada xaajoodaan isna hor fariisiso Muuse iyo Deni. “Dowlada Puntland waxay ku bixisay dagaalkan Hub,Saanad,Dhaqaale iyo adeegyo kale oo muhiim ah”Ayay leedahay Itoobiya. “Itoobiya waxay og tahay waxa ka dagaallamay LC ilaa hadana difaaca ku jira in ay yihiin Ciidamada Dowlada Puntland oo Shaarka loo badalay”Ayay kula dooday PL. Waa siyaasad cusub oo maaraynteeda ubaahan qorshaha Itoobiya la Shir timid. Jibril Qoobey.
Xasan Shiikh Siyaasiyan Dhulkuu galay bisha 5-Aad ma gaari doonto Dowladiisa hada dhisan. Sadex,ayaa qarka usaaran fashil? 1.Isku dheeli tirkii kharashaadka baxaya iyo kan soo galaya Dowlada oo lumay,waxayna Dowladu hada ku jirtaa $58-Milyan oo isdhimis ah. 2.Mushahaaraadka Shaqaalaha Dowlada oo bixintoodu istaagayso Bisha 4-Aad kharash yari darteed,maadaama dakhliga Dowlada soo gala uu hoos udhacay oo 6- Ilood oo Dakhli kasoo xaroon jiray Shirkado gaar ay uleeyihiin Xaasaska iyo Qaraabada Madaxweynaha lagu wareejiyay. 3.Kabidii Miisaaniyada Dowlada iyo dhamaan Mashaariicdii BC-ka ka imaanaysay oo istaagaysa 31-ka Bishan ka hor hadaan la helin heshiis Dowlada Fadaraalka ah iyo guud ahaan DG-yada ah.…
Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Tallaabadan,ayaa waxey ka dhigan tahay in Qof walba ay tahay in uu qaato Kaarka Aqoonsiga (National ID). Tani,ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha Dowladda. Wasaaradda Arrimaha guduha Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan. Sida lagu qoray bogga Golaha Aqalka sare, hindise sharciyeedkan,ayaa Golaha Shacabku meelmariyeen Bishan March 1-deedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Jimcihii, iyadoo walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen. Booqashadan oo lagu wado in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeeyo sidii uu mar kale uga soo dhex muuqan lahaa masraxa caalamka kadib dagaalkii Tigray ee labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa kusoo aadeysa iyadoo ciidamada shisheeye ay kusii jiraan gobolka iyo caqabadaha maamulka ee caqabadda ku…
Dekeda Garacad Todobaad walba,waxaa kusoo xirta Laba Markab iyo Laba Doonyood isku cel celis ahaan. Waxaa kaloo fursad tartan unoqon doona Ganacsatadii Dekeda Berbera kala soo degi jirtay Kunteenarada,gaar ahaan kuwa reer PL oo lagu qaaliyayay Canshuurta. Sidoo kale,waxaa dagaalka LC gooyey Wadadii Berbera-Garowe. Dhanka kale,waxaa meel wanaagsan maraysa dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo Wajigeeda 1-Aad uu yahay Garacad-Galkacyo oo dhan 240-km. Waxaa kaloo Garowe ka furmaya 13-ka Bishan Shirweyne Dekedaha PL iyo Shirkadaha isticmaala oo ay kasoo qaybgalayaan Dowlado Reer Yurub ah,kuwa Carbeed,kuwo Aasiyaan iyo Afrikaan. Shirkaas,waxaa lagu soo bandhigayaa fursadaha jira ee maalgashi iyo hanaanka ay ushaqeeyaan Labada Dekadood…
Shirka Madasha Qaranka ee ay iskugu yimaadaan Madaxda Fadaraalka iyo kuwa DG ee la qorshaynayay in uu markale qabsoomo 15-ka Bishan,ayaa dib udhici doona,sida xoguhu xaqiijinayaan. 23-ka ayay ubadan tahay in loo badalo taariikhda mar Sadexaad loo astaynayo qabsoomida Shirka. M.Xasan Shiikh,ayaa ka codsaday Laftagareen in uu Garowe aado oo bilaabo dhex-dhexaadin isaga iyo Deni. Sida xoguhu xaqiijinayaan masoo guulaysan doono socdaalka Laftagareen oo Deni masoo ajiibi doono kasoo qaybgalka Shirkaas. Dhanka kale Safiiro door ah oo BC ka socda,ayaa Garowe utagi doona in ay khilaafka wax ka qabtaan. BC,waxaa walwal weyn ku haya in ay fashilmaan Mashruucyada Baanka Aduunka…
Safaarada iyo Jaaliyada Somalida ee Zambia waxay xaqiijiyeen in aysan waxba ka jirin Eedaha la sheegayo. Labadan Nin waxay ka mid ahaayeen Dadka Somalida ah ee ka xoogsada Wadankaas. Mid waxuu ku lahaa meel yar oo Cuntada laga cuno kuna qiimaysnayd 400 oo dolar Tuulo ka fog caasimada Dalkaas. Halka kan kale uu ahaa Nin iska joog-jooga Masaajidada oo mar mar ku shaqaysta xirfada Darawalnimada. Laamaha amaanka ee Dowlada Zambia,ayaa qabtay oo markii danbe masaafuriyay. Mid,waxay ku eedeeyeen Tahriibin,halka midka kalana lagu eedeeyay falal argagixisanimo. Magacyada Labada Nin,ayaa kala ah…. 1.Xasan Sangaab Xaayoow 2.Daadir Dhuxul Maxamed. Labada Nin ma’ahayn Ganacsato…
https://www.youtube.com/watch?v=GG1-m3um29A
Khubarada dhinaca socdaalka iyo saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ee gacanta ka gaystay dadkii sida deg degga ah looga soo daad-gureeyay Afghaistan ayaa ka marag furay in kasoo bixitaankaasi uu ku yimid go’aanno khaldan oo sanado badan la qaadanayay. Aqalka Golaha Wakiilada ee Congresska Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga uu aqlabiyadda ku leeyahay,ayaa billaabay Arbacadii in uu baaro go’aankii xukumadda Madaxweyne Biden ay ciidamada Mareykanka kaga soo saartay dalka Afghanistan bishii August ee sanadkii 2021-kii,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/V6ok3uTYs3I?feature=share
Miisaaniyadda cusub,ayaa waxaa ku jira siyaasado kala duwan, sida in kor loo qaado cashuurta shirkadaha waaweyn iyo maalqabeenada. Hase ahaatee xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka ah, ayaa markiiba ka horyimid hindisaha miisaaniyadda ee madaxweynuhu soo bandhigay, iyaga oo sheegay inaanay ansixin doonin. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa Khamiistii daaha ka rogay qorshaha kharashaadka Dowladda ee sannadka 2024, kaas oo gaaraya illaa $6.8 Trillion oo dollar,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zTLy0k1x5O8
Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal. Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah. “Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran…
Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa la wadaagtay Madaxweyne Xasan Shiikh talo ku aadan isbadal uu ku sameeyo Xukuumada,sida laga helayo ilo muhiim ah. Waxay Safaaradu soo jeedisay in Ra’isalwasaare loo qaadan karo Sadex Nin midkood oo ay u arkaan kuwo lala shaqayn karo… 1.Cabdiweli Gaas. 2.Sharmarke Nin la yiraahdo oo ay isku beel yihiin Ra’isalwasaare Xamse. 3.Axmed Ciise Cawad. Fariintaas way gaartay Madaxweyne Xasan sida xoguhu xaqiijinayaan. Aragti uu Xasan damcay in uu ku qaato Ina Nuur Bidaar,waxaa kaga hor yimid isbahaysigiisa Damjadiid+Daljir. Maraykanku,waxuu aad udanaynayaa Dowladan in ay shaqayso,maadaama uu rabo soo saarista shidaalka ku jira Somaliya. Jibril Qoobey.
Hoobiye soo daalay ayay kusoo tuureen Xero ay fadhiyaan qayb ka mid ah Ciidamada Beesha Cismaan Maxamuud. 6-Nin,ayuu Hoobiyahaas dhaawacay,waase mid fudud Dhaawacoodu oo Afar ka mid ah durba waa kasoo baxeen isbitaalka. Ciidamada SNM-tu waxay isku qaybiyeen Laba Madax oo Gooja-cadde ah. Tiknikada,ayaa ku badan,waxaana ku yar Ciidamada Lugta kuwa SNM. Ciidamada difaaca Sool si weyn ayay udiyaar garoobeen,waxayna ku durkeen fadhiga kuwa SNM-ta. Dagaalku saacadan iyo waxii ka danbeeya waa la filan karaa. Jibril Qoobey.
Ciidamada SNM ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi waxay qorshaynayaan weerar abaabulan oo laba waji leh… 1.Dagaal toos ah oo ay kusoo qaadayaan Magaalada,iyagoo culayska ugu badan saari doona difaacyada Ciidamada kasoo gurmaday Mudug. 2.Dilal qorshaysan oo ay ku dilaan haldoorka ay ugu maqaam sareeyaan Garaadada. Qorshaha dilalka qorshaysan ee SNM waa in ay adeegsadaan Qof reer Sool ah kana soo jeeda Beelaha Gobolka mid ka mid oo Beel kale oo isla reer Sool ah wax ka tirsanaysa. Tusaale” Waxaa la dili karaa Garaad Jaamaca/Jaanac Siyaad,iyadoo Gacanta uu gaysan karo Qof kasoo jeeda Ugaar-yahan reer Cilmi,taasoo keeni karta in uu…
Xasan Shiikh,waxuu kaga codsaday Amiirka Qatar kulankoodii Doha in Dowladiisu ka taageerto Miisaaniyada,sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah. Xasan,waxuu hor dhigtay dalabyo taageerid dhaqaale ah Amiirka Qatar,kuwaasoo kala ah… 1.Mushahaarka iyo Saadka Ciidamada. 2.Qorshe ay soo hindistay Dowlada Xasan kadib markay ku fashilantay dagaalkii Shabaab,kaasoo dhigaya in Ciidamo huwan ah oo gaaraya 45-kun kana koobnaan doona Wadamada Jabuti,Kenya,Itoobiya,Eretereya iyo Somaliya ay isku mar guluf ugu qaadaan Shabaab. Qatar iyo jawaabteeda? Dowlada Qatar waxay ku xirtay Laba Shuruudood dalabka Xasan Shiikh,kuwaasoo kala ah.. B.In uu badalo Ra’isalwasaaraha oo ay talo ku yeeshaan Qofka noqon doona. T.In uu Agaasimaha Nisa ka…
Itoobiya iyo Maamulka Somaliland,ayaa isku fahmi waayay oo ku kala tagey colaada LC. Maamulka Muuse Biixi,waxuu ka dhaga-adaygay dhex-dhexaadintii Itoobiya ee colaada LC,taasoo keentay in Labada dhinac uu khilaaf ka dhex qarxo. Itoobiya waxay ku cadaadisay Muuse in uu la baxo Ciidankiisa joojiyana dagaalka,balse waa ka dhago adaygay. Somaliland oo Itoobiya la loolamaysa,ayaa wefti udirtay Masar ay hogaaminayaan Wasiirka Arimaha dibada iyo kan Gaashaandhiga. Labada Wasiir waxay ku sugan yihiin Jabuti oo ay uga sii gubayaan Masar. Su’aashu waxay tahay,maxay noqon doontaa falcelinta Itoobiya? Jibril Qoobey.
Waxaa kala fogaansho la dareemi karo ku yimid xiriirkii Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh iyo Dowlada Imaaraadka. Khilaafka soo kala dhexgalay,waxuu salkiisu yahay Xasan oo Imaaraadka ka waayay ballan qaadyo dhaqaale oo uu ka sugayay. Dhankooda Imaaraadka,ayaa ka biyo diiday arimo isbiirsaday oo danahooda ah,kuwaasoo M.Xasan ka caga jiidayo fulintooda. Imaaraadka,waxaa si weyn loogu xantaa in uu door ku lahaa doorsshadii Xasan Sh loogu doortay Madaxweynaha mar Labaad. Jibril Qoobey. [contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]
DEG DEG: War saxaafadedkan hoose ayaa kasoo baxay maamulka Deeganka DDS. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda DDS 9 March 2023.GC Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid. In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay…
Hankii Wiilka Beesha Isaaq ee ahaa in uu dhiso Jamhuuriyad ka mid noqota Dalalka Geeska Afrika uu leeyahay Caasimadeeda,Dekedeeda kana yahay Bulshadeeda Boqolkiiba Konton,waa fashilmay. Saakay LC waa xor,waxaana gudaheeda fadhiya ku dhawaad 8-kun oo Nin iyo Qalabkooda. Taliskii Ina Canbaashe ee looga talinjiray Sool laguna dhibaatayn jiray Dadka,loona isticmaali jiray horgalnimada ee laga horgayn jiray cid walba oo isku dayda in ay xorayso Gobolka,waxaa fadhiya Ciidamada difaaca Sool. Quluubta Bulshada Sool Boqolkiiba Boqol ayay ka jeensatay wax la yiraahdo Somaliland,Dadkuna waxa kaliya ee ay saakay ka midaysan yihiin waa ka fogaanshaha maamulkaas iyo ujeedooyinkiisa. SL maxaa ka fashilmay? 1.Nabadii…
Wasiirka cusub ee Maaliyada Jubaland oo xilka ula wareegay si rasmi ah saakay. Axmed Handal,waxuu ka mid ahaa haldoorkii u istaagay in Gobollada Jubooyinku helaan Maamul,waxuu qayb ka ahaa Maamulkii Asaaniya ee uu hogaamin jiray Prof.Gaandi,markii danbe,waxuu noqday Aas-Aasayaashii Jubaland-ta maanta jirta. Agaasime,Wasiir ku xigeen,Wasiir iyo haatan oo uu noqday Wasiirka Maaliyada,ayuu kasoo qabtay Maamulka. Handal waa Nin degan,macquul ah,shaqsiyad wanaagsan leh oo haybad hogaamineed aragti fiicanba leh. Guud ahaan Somaliya Wasaarada Maaliyada waa Cadka Labaad ee ku xiga Madaxtooyada oo macno ku dhex leh Golayaasha. Inkastoo Jubaland ay kooban tahay dhaqaalaheeda iyo maamulkeeda hadana,waxaa la oran karaa waa cadka…
Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayna ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed ku aadan LC. Qodobada ka soo baxay waxay udhignaayeen sidan.. 1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga…
Duqa Magaalada Minisota,ayaa umagacaabay Yaasiin Maxamuud Cismaan Keenadiid Xubin ka mid ah Gudiga sare loo yaqaan Metropolital-Counci. Gudigan oo ka kooban 16-Xubnood,ayaa waxuu ka shaqeeyaa dajinta Sharciyada iyo adeegyada Aas-aasiga ah. Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil oo ah Wakiilka TV-ga Qaranka ee Minisota,ayaa ka diyaariyay Barnaamij gaar ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tSVlh-lmnEo
Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa saaxiixay sharci u oggolaanaya muhaajiriinta ay Soomaalidu ku jirto ee aan heysan deganaashaha ama sharciga Mareykanka inay qaadan kaaraan shatiga darawalnimada. “Maadaama aan muddo dheer taageere u ahaa shatiga darawalnimada ee qof kasta, waxaan ku hanweynahay inaan saxiixo sharcigan oo u tallaabsanaya inaan ka dhigno Minnesota gobol qof kasta ammaan u ah” ayuu Walz bartiisa Twitter-kiisa kusoo daabacay kadib markii uu saxiixay sharcigan. Senator Zaynab Maxamed oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Sare ee gobolka Minnesota, madaxna u aheyd guddigii qoray sharcigan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay hirgelinta sharciga. “Waa…
Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana…
Hogaamin,ayuu muujiyay Madaxweyne Axmed ka saraysa mida Deni. Dimuqraadiyadii aan jihada lahayn ee uu suura xumeeyay kana dhigay wax Qof hankiisa ku jaan go’an Madaxweyne Deni,ayuu jiho usameeyay. Erayo laga kari waayay cadee oo Dadka usheeg halka ay usocdaan Deni,ayuu qeexay Karaash. Aadbaa loogu nafisay,looguna diirsaday hadalkiisii shalay ee ahaa… “Dimuqraadiyadu waxay ku kooban tahay Golayaasha Deegaanka,shaqo kuma leh tan Madaxweynaha,waxayna ku dhacaysaa mudo xileedkii loogu talagalay”. Qiimo walba oo Dimuqraadiyayntu ay lahayd,waxaa macno tiray danaysiga Deni ee uu ka dhex raadinayo mudo kororsiga Puntland xaaraanta ka ah. Puntland ma qaadi karto hogaaminta Deni 9-bilood ka badan. Waa badbaadada Puntland…
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland,ayaa dil toogasho ah ku fulisay 18-Xubnood oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada ah. Xubnaha,ayaa lagu kala toogtay magaalooyinka Bosaso,Qardho,Garowe iyo Gaalkacyo. Bosaso: 10-Xubnood. Gaalkacyo 5-Xubnood. Qardho 2-Xubnood. Garowe 1-Xubin. Magacyada Xubnaha la toogtay,ayaa kala ah… 1.Siciid Cabdiqaadir Cali. 2.Bashiir Siciid Jaamac. 3.Farxaan Abshir Aadan. 4.Cabdirisaaq Maxamed Cali. 5.Maxamed Ibraahim Cabdi Xasan. 6.Jaamac Aadan Tusbaxle. 7.Ayuub Cumar Shire (Biixi). 8.Cabdullaahi Salaad Boos (Mahoonge). 9.Maxamed Abshir Muuse (Olyo). 10.Maxamuud Cabdirixiin Cabdiqaadir (Xifdiye). 11.Cismaan Badey Cismaan. 12.Mukhtaar Maxamed Yuusuf. 13.Xuseyn Cali Faarax. 14.Mustafe Cabdirisaaq Cismaan. 15.Xassan Isaaq Maxamed (Maax). 16.Maxamed Sharafle Maxamuud (Culusow). 17.Maxamed Cabdullaahi Xuseyn Juba. 18.Sadiiq…
Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Cilmi,ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood. karaash,ayaa sheegay in Puntland haatan aysan ku jirin xiligan,balse ay geli doonto hadii loo baahdo. “Xasuuqa Somaliland ka wado Magaalada Laascaanood mudada bisha ah waan cambaaraynaynaa”. Sidoo kale,waxuu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda Itoobiya ay wado ee dhex-dhexaadibta ah… “Dowlada aynu deriska nahay ee Itoobiya,waan uga mahadcelinaynaa doorkooda wanaagsan”Ayuu yiri Karaash. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GMzidc3hiSs
Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weerar ay saaka ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose lagu dilay 89-Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somaliya, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas. Warka ka soo baxay Al-shabaab,ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Shabaab waxay intaa ku dareen in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka ku qaadeen hase-yeshee ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab. Dhanka kale, saraakiisha Ciidamada…
Xiriidhka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA,ayaa u aqoonsaday doorashadii dhawaan ka Muqdisho ka dhacday ee loogu doortay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) inuu noqdo Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Somaliya. Balse Musharaxii la tartamayey,ayaa sheegay in aanu ku qanacsayn qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo hambalyada aqoonsiga ah ee uu Cali Shiine ka helay FIFA. Xasan Xaaji Aadan Yabarow,ayaa sheegay in uu dacwad u gudbinayo Goleyaasha FIFA ee ay arintani khusayso.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in la baajiyey macluushii laga cabsi qabay inay ka dhacdo Soomaaliya balse weli malaayiin qof ku sugan yihiin cunno yari. FAO ayaa sheegtay in maalgashi istiraatijiyad ku salaysan loo baahan yahay si loo wanaajiyo cuntada iyo biyaha ay helayaan malaayiin qof oo Soomaali ah. War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Rome ayey hay’addu sheegtay in nolosha iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha ee malaayiin qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin. Hay’adda FAO waxay ku baaqday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka degdegga ah ee bani’aadaminnimo iyadoo dhinaca…
Mucaaradka Turkey ayaa soo afjaray bilo dood kulul ah Isniintii, waxayna isku raaceen inay madaxa xisbiga calmaaniga ee ugu weyn u magacaabaan musharaxa ka hortagaya madaxweyne Erdogan, doorashada dhaceysa 14-ka May. Heshiis la gaaray xilli dambe oo looga dan leeyahay in laga weecdo kala jab ku yimaada codka mucaaradka ayaa ka dhigan in madaxa xisbiga CHP, Kemal Kilicdaroglu uu labada duq ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara u magacaabo madaxweyne ku-xigeeno haddii ay soo afjaraan 20 sano oo xukunka Erdogan ah. “Waa na laga adkaan lahaa haddii aan kala jabi laheyn,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay dadweyne badan oo isugu soo baay…
Shalay ayey ku kulmeen Mus-dameedka argagixisada Doha. 11-Sano ayey Somaliya u ahaayeen Madaxweynayaal,midkoodna ma dhaafin Villa Somaliya,Xaafiisyadooda waxaa wax ka maamula Al-Shabaab,hadal jeedintoodana waxaa u badan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab,kumana soo kordhin dalka wax horu-mar ah. Farmaajo” Waxaa lagu eedeyey in uu keli talis ahaa,awoodda dalka u dhiibay NISA oo ay maamulaan Al-Shabaab,Dastuurkii oo uu cagta hoosteeda saaray,ballan daro,isagoo la dagaalamay Dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,isaga oo sameysta Ciidan caburiya shacabka kuna dhowaaday in loo qaado “Guulwade Farmaajo” Amni darro iyo cabsi gelin uu dhammaan dalka ku fidiyey iyo isku daygii muddo kororsiga oo khatar geliyey jiritaanka DFS. Xasan Shiikh?…