Author: Jibril Qoobey.

Waa ku garab siinaynaa Madaxweyne Deni ka hor imaadkiisa Madaxweyne Xasan Shiikh ee danaha horumarineed ee Puntland. In uu uleexiyo Jabuti Qandaraaska Tababarada Ciidamada Somaliya ee Puntland loo ogolaaday,waa dagaal toos ah oo horumarka lagula dirirayo. In uu hor istaago Madaxweyne Xasan Saxiixa Saldhig Imaaraadku ka samaysto Bosaso,isagoo ka duulaya in aysan jirin Beeshiisa maahee Somali kale oo wax ka hesha dhaqaalaha Caalamku geliyo Somaliya waa waxaan la qaadan karin. Xasan,waxuu rabaa in Imaaraadku dib ugu soo laabto Xamar si dhaqaalaha ku baxa Saldhigooda uu ugalo reer Muqdisho oo kaliya. Iyadoo la og yahay in Xamar iyo Agagaarkeeda ay ku…

Read More

Islaanka Mudug taariikhiyan,waxuu utaagan yahay qiyam,qadiyad iyo loolan fog. Islaan Bashiir,waxaa dhalay Islaan Cabdille oo ahaa Isin Xalaal cun ah,karaamo badan oo ilaaliya midnimada iyo qadiyada Bulshada. Saldhigyadiisu waxay ahaayeen Xarfo iyo Bookh. Kacaankii dhaqaale iyo baqdin gelinba waa ku loodin waayay mana noqon macaan jecel Islaan Cabdille. Diidmadiisii kalitalisnimada waxay sababtay in uu halgankii Dimuqraadiyada iyo ka hor imaadka kaligii talyaha uga tago Mudug doorna ka qaato Ururkii SSDF. Awr,ayaa looga gudbiyay Xuduuda oo lagu geliyay Halgankii SSDF. Islaan Cabdille difaacii Gobolada Waqooyi Bari iyo dhismihii Puntland door muuqda,ayuu ku lahaa. Waxuu ahaa Astaan utaagan midnimo,qiyam iyo Sharaf reer…

Read More

Diyaaradahan,waxaa fasaxa siisay Dowlada Fadaraalka sidaas ayayna ku yimaadeen Garoonka Diyaaradaha Garowe. Waa diyaarado cusub oo mid ka mid ah ay waxyar shaqaysay oo lakala iibsaday. Ujeedkooda socdaal,ayaa ku salaysnaa wax la yiraahdo Kuruu badalasho. Turkiga ayay ka yimaadeen,waxayna kusii jeedaan Pakistan. Shirkada iska leh ilaa 10-diyaaradood oo laga iibsaday ayay Kuruu badalasho usoo marsiisay Xamar iyo Hargaysa,waxaana hada ay kusoo dartay Garowe. Garoonka diyaaradaha Bosaso,ayaa ah kan ugu badan ee Diyaaraduhu ugu hakadaan Shidaal kasii qaadasho. Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Amiir Maxamed Binu Salmaan,ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Somaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Somaliyed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Somaliyed. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in…

Read More

Warbixin si faahfaahsan uga hadlaysa habka Alshabaab u urursadaan Canshuuraha,ayay soo saartay Global Intviative. Warbixintu waxay soo bandhigtay xogta cadadka dhaqaalaha usoo xarooda Alshabaab ee ka yimaada Canshuuraha ay ku ururiso gudaha Somaliya. 100-Milyan oo dolar,ayaa Sanadkii Alshabaab kasoo gala Canshuurta ay ka qaado Ganacsatada,Gaadiidleyda,Guryaha iyo Shacabka caadiga ah. 24-Milyan oo dolar oo Lacagtaas qayb ka ah waxay ku bixisaa qaybteeda Saadka Hubka. Warbixintu waxay soo bandhigtay Gobolada Canshuurta uga badan ay ka hesho iyo waliba sida hanaankeeda Maaliyadeed uga hirgalay Goboladaas iskugina xiran yahay. Cadaymo muujinaya Waraaqaha ay siiso Gaadiidka ay ka qaado Canshuurta,ayaa Warbixintu soo bandhigtay. Gobolada Jubbooyinka,ayaa…

Read More

Dhanka amaanka horumar muuqda,ayuu ka sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali mudadii uu xilka hayay oo gaaraysa Afar Bilood. Arimaha uu waxkaqabtay,waxaa ka mid ah… 1.Laba dhacdo oo Magaalada Gaalkacyo ka dhacay. 2.Dhacdo ka dhacday Deegaanka Xerro Jaalle 3.Dhacdo Degmada Bursaalax lagu dhameeyay oo taagnayd muddo 12-sano ah. 4.Dhacdo Degmada Xarfo ka dhacday. Fadhiyada xiligan ka socda Gobolka ee lagu xalinayo dhacdooyin dhacay,waxaa ka mid ah… B.Gogosha Bursaalax T.Gogosha Gaalkacy J.Gogosha Garacad ee lagu xalinayo khilaafaadka Beelaha Gobolka Mudug. Laamaha amniga kala duwan,ayaa si fiican Gobolka uga hawlgala,iyagoo iskaashanaya. Baaxada Gobolku ka kooban yahay oo aad ubalaaran iyo Xuduudaha…

Read More

Xafiiska Difaaca Xuquuqal Aadanaha Puntland (OPHRD) ayaa maanta magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku qabtay munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ku beegan Maanta oo Bishu tahsy 10.12.2022. Munaasabadan waxa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo,isu-duwayaasha wasaaradaha cadaaladda iyo haweenka,Laamaha Amniga iyo Garsoorka, cuqaal, Ururada Bulshada,Haween,Dhalinyaro, qaybo kamid ah hay’adaha ka howlgala Gobolka iyo Bahda Waxbarshada. Munaasabadan oo sannad walba la xuso,ayaa Xafiiska difaacaha xuquuqal Aadanaha Puntland sannadka u qorsheeyey in lagu qabto magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Read More

Kulan maanta lagu waday in ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Fadaraalka Somaliya,ayaa baaqday sababo lagu sheegay in kooramkii uu buuxsami waayay. Kulanka,ayaa looga doodi lahaa sharciyo iyo Mooshin lasoo gaarsiiyay Guddoonka. Mooshinkaas si rasmi ah looma oga waxa salka uu ku hayo inkastoo wararka qaar sheegayaan in laga keenay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Sacdiyo Salaad. Khamiistii ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Shirkoodii Ra’isalwasaaruhu uga codsaday Wasiirada ah Xildhibaanada in ay tagaan Baarlamaanka oo ay buuxiyaan fadhiyada. Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Fadaraalka,ayuu qorshahu ahaa in kulanka baaqday ay Guddoomiyo. Qaar ka tirsan Xildhibaannada baarlamaanka Fadaraalka,ayaa soo jeediyay in tallaabo…

Read More

Madaxweyne Laftagareen waa ka anba baxay Garowe oo waa lasagootiyay. Ma qaban Shir jaraa’id oo la filayay in ay qabtaan isaga iyo Madaxweyne Deni. Sidoo kale socdaal la saadaalinayay in ay iskugu raacaan Adis-ababa ma dhicin. Waxaase Ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay si weyn uwada xaajoodeen Labada Madaxweyne. Puntland Dhaqaale iyo Ciidanba waa ku garabgalaysaa adkaynta amniga,nidaamka iyo la dirirka argagixisada Koonfur-galbeed. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Duqa Degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed.Jaamac,ayaa waxaa kasoo qeyb galay Isimo,Siyaasiyiin,Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Gaalkacyo. Ujeedka kulanka,ayaa ah jihaynta Horumarka Gaalkacyo iyo Shaacinta Gudigga Hormarinta. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Bilowgii kala taga Aaran-shaydaan iyo Madaxweyne Deni waxay isku sii daayeen Madaxweyne Xasan. Mahad Salaad,ayuu Xasan Shire ugalay,waxuuna ugudbiyay Madaxweyne Xasan. Kulamadaas kadib,waxay isla qaateen in Dowlada Xasan taageerto Aaran-shaydaan. “Deni Anagaa wax ka dhignay haatana Taraha Anagaa leh ee na taageera”Waa soo jeedintii Aaran-shaydaan. Qorshe uu qayb ka ahaa in 20-Qof oo Nisa ka tirsan laga hawlgeliyo Puntland oo Mahad hogaaminayo,ayaa la diyaariyay. Balse si dhakhso ah,ayuu Deni ku ogaaday,waxaana xogtii faraha laga saaray Imaaraadka. “Khad Cas,ayaad ka gudbaysaa ee Deni iyo PL haku deg-degin hadaad taageero naga rabto”Ayay Imaaraadku si cad ugu gudbiyeen Madaxweyne Xasan. Imaaraadku waxay muujiyeen…

Read More

H.H. Sheikh Hamad bin Mohammed Al Sharqi, Supreme Council Member and Ruler of Fujairah, led the UAE delegation at today’s China-Gulf Cooperation Council (GCC) Summit for Cooperation and Development in Riyadh. Hosted in Saudi Arabia at the invitation of HRH King Salman bin Abdul Aziz Al Saud, the summit was inaugurated by HRH Prince Mohammed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Crown Prince and Prime Minister of the Kingdom of Saudi Arabia. The summit was attended by leaders and representatives of the GCC countries and President Xi Jinping of the People’s Republic of China, in addition to delegates from several…

Read More

Islaanka Laba Kooxood,ayaa ku tartamaysa in ay isgaanbuursi Siyaasadeed lagalaan,kuwaasoo kala ah… Aaran-shaydaan?! Waxay ula tageen in uu la dhisto Dowlad oo uu ku garabsiiyo Madaxweynaha soo socda ee Puntland. Dowladaas,waxay uga ogol yihiin Wasiirka Maaliyada oo isagu uu keensado. Doorka Islaanka ay garabka kaga rabaan waa 11-ka Xildhibaan ee Mudug kasoo baxa. Aaran maxay tahay Siyaasadoodu? Maleh Siyaasad qiyam ku dhisan oo mabaadii ka duusha ilaalisana danaha iyo jiritaanka reer PL. Somaliland uma yaqaanaan Maamul loolan ku ah PL oo Dhul iyo Dad kula tartamaya,mana fahansan qaacidada ah ..SL=SNM=Alshabaab. Midnimada reer PL lama weyna Siyaasadooduna waa Maxali ka dhex…

Read More

Saxiixa heshiiska dhismaha Dekeda Bosaso ee ka dhacay Imaaraadka,waxaa qayb ka ahaa Xasan Cabdullaahi Deni oo ay Walaalo laxmiya yihiin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Wakiilka Xaafiiska Madaxweynaha Puntland,ayuu ku saxiixay darafkiisa heshiiska Xasan Cabdullaahi Deni. Waa wax laga yaxyaxo Qof in uu ku dhexgali Shaqada Dowlada in ay Walaalo yihiin Madaxweynaha. Shirkada dhisaysa Dekeda Mulkiyadeeda,waxaa isla leh Imaaraadka iyo reer Deni. Sidoo kale Shirkada dhisaysa Garoonka diyaaradaha Bosaso,waxaa wada leh reer Deni iyo Imaaraadka. Korontada iyo Biyaha Macaan ee Bosaso,waxaa qandaraaskeeda haysta reer Deni. Qaadka,waxaa qandaraas ku haysta Wiilka Madaxweyne Deni. Sidoo kale Hotel Marti-soor Garowe si cadaadis ah,ayaa Madaxweynaha…

Read More

Deni iyo Lafta-gareen Dowlada Itoobiya heshiis amni ayay horay ula gaareen hadana safar kooda Adis heshiis kaas,ayuu daba socdaa. Beri oo Sabti ah,yaa la filayaa in ay ubaxaan Itoobiya. Kulamadii Xalay Madaxtooyada Puntland ka dhacay si weyn ayaa layskugu af gartay. Dhanka Lafta-gareen waxa uu sheegay in Villa Somaliya taageerada Amni iyo dagaalka khawaarijta ay uwakiilatay xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,iyaga ayayna Ciidamada heer federaal uga dabayn doonaan dagaalka koonfurgalbeed ee Khawaarijta. Madaxweyne Laftagareen,waxuu cadeeyay in uu si weyn uga Biyo diidsan yahay sida abaabulku usocdo. Villa Somaliya way inkirsan tahay oo waxay taagan tahay reer…

Read More

Dilka Bakaal Kooke oo kasoo jeeda reer Axmed ee Mareexaan,waxaa lagu tuhmayaa in ay shirqooleen Kooxda Fahad maadaama Canjeex ay isku qabteen Maamulida Gobolka iyo Canshuuraha. Sidoo kalle Fahad,waxuu Bakaal ku tuhmayay in uu Gacansaar la yeeshay Damjadiid iyo Daljir. Dhuumaal oo ah Wasiirka Amniga isku Beelna ay kasoo jeedaan Bakaal,isla markaana jooga Kismaayo oo u waramay VOA idaacadii galabnimo wuxuu sheegay in uu hayo tuhumo shirqool oo uusan ka hordhacayn. Tuhunka waxaa dhaliyey Miinada waxaa lagu xirey Kursiga Bakaal fadhiyay ilaaladiisii badnaydna waxba kuma noqon. Gedo waxay noqotay Guri aysan cidnana lahayn oo ay ka muraadsadaan Fahad,Damjadiid,Daljir iyo Alshabaab.…

Read More

Riyaad, Diseembar 9, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta,ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan…

Read More

Kooxaha ku hareeraysan Xasan Shiikh ee Damjadiid iyo Daljir waxay isku dayayaan in ay hor istaagaan qorshaha Puntland looga hirgelinayo Saldhigyada Imaaraadku maalgelinayo. Sida laysla ogaa waxay ahayd in Puntland uu hoostago dhaqaale iyo maamulba Saldhigaas Dowlada Imaaraadku maalgeliso ayna isticmaasho Dowlada Fadaraalka. Qorshe waxay keeneen carqaladayn ah oo ah in Dowlada Fadaraalka uu hoos yimaado Maamul iyo Dhaqaaleba Saldhigaas. Hadii Xasan udabco oo uu maarayn waayo arinkan fulin waayana balamaha oo saamaynta kooxahan ay ka tanbadato PL waxba kama daadanayaan. Inta badan hawshii Saldhigaas,waa la dhamaystiray Dowladu Imaaraadkuna waa ku qanacsan tahay wayna udiyaar garowday dhaqaajintiisa.

Read More

Taliyihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo Cabdirahmaan Cabdullahi Bakaal Kooke,ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay degmada Luuq, isagoo ku sii jeeday degmada Doolow. Masuuliyadda qaraxa,waxaa sheegtay Ururka argagixisada Al-shabaab. Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal,ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan madax-bannaan oo la xiriira dilka taliyaha NISA, isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridiisa. Dhinaca kalena, qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda NISA,ayaa lagu sheegay in taliyaha hay’adda NISA Mahad Salaad, uu amray ‘baaritaan dhab ah’ oo ku saabsan kiiska taliye Bakaal Kooke.

Read More

Shalay,ayaa loo gudbiyay Dowlada Fadaraalka Somaliya Waraaqda casumaada Shirka Dalalka Carabta iyo Shiinaha. Wasiirka arimaha dibada Somaliya,ayaa uuga sii hor mari doona Madaxweyne Xasan Shiikh Shirka. Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa uga sii gudbi doono Shirka Carabta dalka Maraykanka oo uu uga qayb gali doono Shirka Dalalka Afrika iyo Dowlada Maraykanka.

Read More

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF,ayaa warbixin ay soo saartay ku bogaadisay Dowladda Federaalka Somaliya hirgelinta dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah lagu bixiyo siyaasadda canshuuraha iyo dib-u-habeynta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta kastamka iyo sharciga cusub ee canshuurta dakhliga. “Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday” Ayaa lagu yiri warbixintan Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaliya…

Read More

Aqalka Golaha Wakiillada ee Maraykanka ayaa meel mariyey sharciga miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka soo socda, kaas oo ku kacaya illaa $858 billion. Miisaaniyaddan la ansixiyey ayaa ka badan $45 bilyan oo dollar, intii ay hore u soo codsadeen xukuumadda madaxweyne Joe Biden. Sharcigan oo loogu yeedho National Defense Authorization Act ama NDAA ayaa ah, sharci ay tahay in sannadkiiba hal mar la ansixiyo, kaas oo hagaya ama gundhig u ah, habka loo maamulayo miisaaniyadda tirada badan eek u baxda difaaca iyo danaha qaranka ee Maraykanka, waxaana maamula wasaaradda difaaca ee Maraykanka. Sharcigan waxaa ansixiyey 350 mudane halka ay…

Read More

Si rasmi,ayuu Gudoomiye Jibril usoo xiray kalfadhiga oo aysan hor imaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaa bahdil ku ah Baarlamaanka Puntland in ay kala tageen,iyagoon fulin la xisaabtankii Xukuumada iyo soo gole joojintii Madaxweynaha. Xildhibaanadana way qaymo tirtay,Gudoomiyahana waxay ku tahay taariikh foolxun oo uhirgashay. Gudoomiyuhu,waxuu ka dalbaday Xildhibaanada in ay cafiyaan hadsy juraan wax ay ku dhibsadeen. Abwaan Jibril,waxuu kusoo aadan yahay Arhus Denmark 14-ka Bishan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maxkamadii sare waa ka ansaxsaday Baarlamaanka. 6-dii Wasiir ee xasaanada ubaahnaa waa uga helay Baarlamaanka xasaanadii. Uyeeridoodii Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisana waa la laalay si dadban. Ururadii Siyaasada waa hanjabiyay,waxuuna aqbal siiyay ka qaybgelida doorashada oo looga badashay dib udhigida diiwaangelinta. Dekedii Bosaso dhismaheedii waa dhaqaaqday. Aaran-shaydaan Geed buu uga xiray Siyaasada. Damjadiid+Daljir isbahaysi miisaanka Siyaasada Dalka kula loolama,ayuu abuurayaa. Qodobka muhiimka ah ee ay tahay in uu hirgeliyo waa in taageerada Maraykanka ee hay’adaha amaanka qaybtooda si sharciya loo siiyaa Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska uu hogaamiyo Maxamuud Diyaano. Sidaas degan,haduu Puntland kuwado Deni mana jiri doono Siyaasi la…

Read More

Haybado waa Gabar Jookar iyo Biti Siyaasadeed u ah Madaxweyne Geelle. Nin lagu magacaabo Jaamac oo ka shaqaynayay Carta markaas,ayaa Olalihii Ismaaciil Cumar Geelle ee Doorashada si dadnimo leh uga dhex muuqday. Geelle iyo Qoyskiisu waa ubogeen Ninkaas,waxayna usoo qaadeen kor oo,waxaa lasoo gaar siiyay Agaasime Caafimaad heer Gobol ilaa heer Wasaarad. Kadib,waa lasii dalacsiiyay,waxaana lasoo gaarsiiyay Wasiirka Caafimaadka,waxaana loo guuriyay Gabadhan Haybado Ismaaciil. Wasiirada Jabuti,waxaa dhaqan ah in la dhagaysto Taleefoonadooda,sidaas daraadeed,waxaa la duubay Wasiirkii oo Xamanaya Gabadhii uu qabay ee ina Ismaaciil. Sidaas,ayuu ku waayay shaqadii balse lama xirin ee Suuqaa lagu sii daayay. Haatan markale ayay Haybado…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo. Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garowe iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku nool magaalada Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8.12.2022,waxaa Qandaraaska dhismaha Dekadda Magaalada Bosaso la siiyey Shirkada ( Mar Marine ) . Saxiixa Qandaraaska Dhismaha waxaa goobjoog ka ahaa.. B.Wasiirka Wasaarada Dekaddaha iyo Gadiidka Bada Axmed Yaasiin Saalax. T.Gudomiyaha Gobolka Bari Shaahdoon Cali Yare. J.Duqa Magaalada Bosaso Xasan Cabdale Xasan . Qandaraaska,waxaa dhinaca Dowlada Puntland usaxiixay.. -Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax. Shirkada DP World waxaa u saxiixay Suhail Al Banna, CEO and Managing Director DP World Middle East and Africa. Shirkada qaadatay qandaraaska dhismaha,waxaa uu u Saxiixay ,Nabil Milad Abou Rjaili General Manager of (Mar Marine)

Read More

Dib,ayaa loo dhigay Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha oo ku astaysnayd 13-ka Bishan. 5-ta Janaayo 2023 ayay isla qaateen Gudiga Doorashada iyo Ururada Siyaasada Puntland. Waa Qodob kale oo ka mid ah shuruudihii Ururada oo la fuliyay marka laga soo tago dhisidii Maxkamada Dastuuriga ah. Gudiga Doorashadu,waxuu muujiyay Maanta masuuliyad iyo in uusan ku jirin Jeebka Madaxtooyada. Madaxweynaha iyo Ururadu waxyaabihii ay kusoo kala kaceen,waxaa ka mid ahaa dib udhigista Diiwaangelinta. Puntland waxay utahay wax weyn,iyagoo isgarab taagan oo heshiisku ah Qodob Doorasho in ay wada qabtaan Shir jaraa’id Gudiga Doorashada iyo Ururada Siyaasada. Inkastoo Dadka qaarkiis ay qabaan in ay ahayd…

Read More

Ugu danbayn dadaal xoog leh kadib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,ayaa sii daayay dhamaan Wasiiradii xasaanada ubaahnaa ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni. Waxaa Oggol ugu codeeyay 45-Xildhibaan,waxaa diidmo ugu Codeeyay 2-Xildhibaan,wax ka aamusay majiraan. Xubnaha Golaha Wasiiradda ee xasaanada helay,ayaa kala ah.. Fadhiga waxaa joogay 47-Xildhibaan. Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankii Xalay wuxu ahaa kulan ay isku fahmi waayeen Ururada iyo Deni. Waxay Ururadu ku adkaysteen kaliya in Laga wada hadlo 13-kii Qodob ee shirkii jaraa’id Ururada 29-ka November 2022. Waxay kaloo soo jeediyeen in dib loo dhigo diiwaangelinta,balse Madaxweyne Deni waa diiday. Madaxweyne Deni,wuxuu soo jeediyey in uu ugu darayo maalmo haday rabaan. Ugu danbayn waa lagu kala kacay kulankii Xalay ee Madaxweynaha iyo Ururada Siyaasada Puntland. Kulanka,waxaa si sharci daro ah uga soo qayb galay garab ka mid ah Ururka Shaqaalaha er kala qaybsamay. Waxaa Saaka socda Shir Ururada iyo Gudiga Doorashada ee TPEC. Ururadu waxay qabanayaan shir…

Read More

MAXKAMADDA DASTUURIGA AH: Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 4 xubno oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah , waxaa Oggol ugu codeeyay 43, diidmo 3 , aamus 2 mudane. Xubnahaa ayaa kala ah: Fadhiga waxaa joogay 48 Xildhibaan. 23 sanno ka dib markii 1aad oo ay Puntland yeelto Maxkamad Dastuuri ah. Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare. Dhaarta Dastuuriga ah: ” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu…

Read More

Baarlamaanku Berri foog waxay kalsoonida udiidi doonaan Wasiir Juxaa iyo Wasiir Maxamed Siciid Faroole,sida xoguhu sheegayaan. Balse waxay ansixin doonaan Wasiiradii kale ee lala magacaabay. Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Deni,ayaa ka danbeeya kalsooni udiidista Labadan Wasiir ee Arimaha Gudaha iyo Qorshaynta ee kasoo jeeda Nugaal. Si kastooy tahay Baarlamaanku Beri,ayuu uyeeray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa,waxaana la baajiyay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada. Jibril Qoobey.

Read More

Geelle in loo muujiyo Sokeeyanimo waa wax loo baahan yahay,balse waa in aan loo ogolaan in uu yeesho Somaliya. Jabuti oo Somali ah ahna Jamhuuriyad Madaxbanaan oo sokeeya ah waa in loo tixgeliyaa. Ismaaciil door weyn oo iskugu jira dhaqaale iyo abaabul Xildhibaanimo,ayuu ku lahaa doorashadii Xasan Shiikh. Geelle iyo Somaliya” Ismaaciil Somaliya,waxuu ka rabaa in ay noqoto Dowlad iyo Dad nugul oo isagu wax uyeeriyo ugana faa’idaysto dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan . Siyaasiyiintii iyo Ganacsatadii kasoo jeeday Beesha Isaaq ee deganaa Jabuti waa ka qaaday xilalkii iyo qandaraasyadii ay haysteen intoodii badnaydna waa ka saaray Dalka. Sidoo kale,waxuu…

Read More

Maxakamada Dastuuriga ah ee Puntland,waxaa Dastuurku qeexayaa in ay ka koobnaato Xubnaha Maxkamada Sare oo lagu siyaadiyay Afar Xubnood. Afartaas Xubnood Labo,waxaa soo xulaya Golaha Xukuumada Labana,waxaa soo dooranayaa Golaha Wakiilada. Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah,waxaa noqonaya Gudoomiyaha Maxkamada sare. Sidoo kale,waxaa Xoghaye unoqonaya Kaaliyaha Maxkamada Sare. Go’aamadeeda,waxay waafajinaysaa Shareecada Islaamka ,Dastuurka iyo Xeerarka kale. Sida muuqata Labadii ka imaanayay Golaha Wakiilada kuma imaan xeerkii Dastuurku qeexayay,waxaase Wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha. Si kasta oo ay tahay Bulshadu waxay ku faraxsan tahay in la dhamaystiray Garsoorkii oo la helay Maxkamadii Dastuuriga ahayd.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah. Madaxweyne Deni wuxuu la wadaagay Bulshada…

Read More

isla warqadaa waxaa ku qoran, waxaa la bedelay Magacii hore. Waxaana la bedelay laga Bilaabo 30/11/2023. taa oo u muuqato in bedelku uu bilaabanayo Sannad kadib waa 2023, hore ayaana loo yiri: Waxa uu dhaqan galaa marka uu saxiixo RW oo aheyd 30/11/2022. Halkaa khalad ayaa iiga muuqdo. ( F.S: 1aad) Mar haddii la yiraa Dhaqaalaha Buluuga ah, Kaluunku waa ka mid, waxaa haboon intii la dhihi lahaa “Wasaarada Kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugaa” in lagu soo koobo “wasaarada Dhaqaalaha Buluuga ah” oo kaliya oo aan Kaluunka laga soocin dhaqaalaha kale ee Buluuga ah, sida ku cad qeexidda Dhaqaalaha Buluuga ah…

Read More

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Somaliyed ee Heritage,ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha,ayaa sidoo kale ka warbixiyay Abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha Dadka Somaliyed. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Laba Maalmood ka hor,waxaa Dhahar lagu dilay Nin ka ganacsada Qaadka,waxaana dilka gaystay Talyihii ilaalada Canshuuraha Gobolka Haylaan. Dilkaas kadib xiisad,ayaa ka abuurantay Magaalada,waxaana xaalada uga sii daray markii Talyaha Qaybta Booliska Gobolku garab siiyay Ninka wax dilay. Xaaladu hada waxay isku badashay xiisad weyn oo beeleed,waxaana socda Hub urursi. Inkastoo Taliska Boolisku ka hawlgalay hadana xoojin ayay ubaahan tahay. Jibril Qoobey.

Read More

Xeebta Garacad,Jifle ilaa Dhinowda waxaa jiray dhaqdhaqaaq argagixiso oo laga soo sheegay caawa. Laamaha amaanka Puntland dhamaantood xogtaas waa hayaan. Waxaa Maanta xili hore soo baxay Ciidamo uu wato Kaba-kutukade oo gaaraya Lix Gaari oo ah nooca BG-ga loo yaqaan ay kasoo baxeen Aadan-yabaal. Gawaaridaas,waxaa ku rarnaa Warshadii Qaraxyada usamaynaysay argagixisada ee taalay Aadan-yabaal. Jibril Qoobey.

Read More

Markab uu leeyahay Nin Ganacsade reer Puntland ah oo markii hore ka shaqaysan jiray Kalluumaysiga,ayaa la qabtay. Markabka,ayaa loo wareejiyay Shixnadaha caadiga ah,waxuuna mar ka keenay Shixnad iskugu jirta Shidaal,Khudrad iyo Digaag Dalka Iran. Safarkiisii Labaad,ayuu kusoo daray Shixnadii uu soo qaaday Qaraxyo iyo Hub uu usoo qaaday Xuutiyiinta Yemen,iyadoo qorshuhu ahaa in si jahwareerin ah loogu raadgato Dekeda Bosaso. Balse nasiib wanaag Gacantaa lagu dhigay Markabkii iyo 17-Shaqaale ah oo saarnaa,waxuuna hada ku xiran yahay Jabuti. Ganacsadaha Markabka leh,ayaa ku sugan Iran. Jibril Qoobey.

Read More

Guud ahaan kulamadii Amni ee Muqdisho Madaxweyne Deni ku galay guul ayay kusoo dhamaadeen. Dawlada Maraykanku waxay balan qaaday in ay laba laabi doonto dhaqaalihii Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo taageerida ciribtja Nabad diidka ku sugan Buuralayda Gal-gala. Sidoo kale kulankii Villa Somaliya,ayaa si weyn lays kula afgartay in Puntland qaadato door keeda kaga aadan la dagaalanka Nabad diidka. Xeryaha tababarada heer federaal qaybo ka mid ah oo laga furayo Puntland,gaar ahaan kuwa Ciidamada Police-ka iyo ilaalada Xeebaha Somaliya. Dhaqaalaha ku baxaya hirgelinta Xeryahaas,waxaa iska kaashan doona Dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka. Puntland,ayaa dhawaan marti galin doonta kulamo Safiirada caalamka…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LABO XUBNOOD OO KA TIRSAN GUDDIGA SARE EE MAAMULKA GARSOORKA. Garoowe: 06 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Waa war aad loogu farxo in Dayntii Somaliya lagu lahaa ay ku dhowdahay in laga cafiyo. Daynta oo laga cafiyo Dalka,waxay keenaysaa in aan helno maalgelin iyo dhaqaale xoog badan. Waxay sababaysaa in Dalku guud ahaan ka gudbo xaaladii gurmadka deg-dega ahaa oo uu ugudubo horumarin iyo Mashaariic balaaran. Waxaa qorshaysan hadii Somaliya Bilaha soo socda ay soo dhamaystirto Shuruudaha uga haray si Daynta looga cafiyo in la siiyo Dayn cusub oo Boqolaal Bilyan ah. Madaxweyne Xasan haduu sidaa hada kusii wado hogaaminta Dalka,waxaa la gaarayaa Somaliya ka badalan mida hada jirta. Waa muhiim la dagaallanka argagixisada iyo wada shaqaynta…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa rasmi ah u xaqiijiyey in Ciidamada Dowladdu ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellada Dhexe. Madaxweynaha,ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen dadkii rayidka ahaa magaalada, isla markaana Matooraddii Biyaha soo saarayey ay ceelasha ka bixiyeen. Madaxweynaha,ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladu gaynayaan Matoorro,si ay biyo uhelaan Dadka Deegaanka. Degmada keliya ee xilligan Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabellada Dhexe,ayaa ah Ruun Nirgood,sida Madaxweynuhu xaqiijiyay.

Read More

Garoowe, December 06, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajandaha fadhiga,ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka xeerka Shaqaalaha Rayidka Dawladda Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhallinyaradda yo Ciyaaraha DPL, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis iyo wax-ka-bedel ku…

Read More

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamud oo kulan la qaatay wakiillo ka kala socda dalalka Turkiga iyo Norway,ayaa u sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wadahadaladii u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Somaliland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliya,ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu la wadaagay wakiilada uu la kulmay oo kala ah, danjiraha dawladda Turkiga u jooga Somaliya mudane Mehmet Yilmaz, sii hayaha xilka danjiraha Norway u jooga Somaliya mudane Haakon Svane iyo wakiilada gaar ah ee dalalka Turkiga iyo Norway, sida ay dhinaciisa uga go’an tahay in dib loo…

Read More

President Hassan Sheikh, has demonstrated remarkable leadership until now far higher than expected. This evaluation is based on the first 6 months of President HSM four year office tenure. Particularly, how he managed relations with the Federal Member States and the de-ligitimizing Alshabab mafia. In his previous tenure at the helm of the leadership during his first term tenure two practices became norm. Run away corruption.Vicious clashes clan boundaries. However he’d matured and his days outside office has taught him vital experiences that the man most of time outlast the office striving to leave a legacy is his only hope.…

Read More

Farmajo failed re-elected bid was a setback and blow for Al-Shabaab. There was a hideous covert agreement unconfirmed made between the Farmaajo team and AS to smoothly hand over power to the terrorist outfit in exchange to outfit will ease their incessant attacks eventually taking the helm of power in a Taliban like style in Afghanistan. His departure from Villa, has caused alot distress looming anxiety and disoriented. Hassan Sheikh’s decision to fight al-Shabaab was a dangerous one. Respite now the intense mobilization that is going on at least has made some progress but has not yet caused severe blow.…

Read More

Sadex arimood oo aad igu samaysay kaa yeeli mahayo,ayuu ku yiri Xasan Shiikh. 1.Wiilkaad iikeentay,ayaan kaaga dhigay Wasiir isla habeenkiina waxaad ku khasabtay in uu iscasilo,waxayna igu noqotay waji gabax foolxun. 2.Adoon ii sheegin,ayaad aaday Bosaso,waxaana ku dhintay 16-Qof oo uu sababay safarkaagii. 3.Arinka Jinsiga oo aad Bulshadii qaybaheeda nagu kicisay si khaldana noogu soo jeedisay. “Hadii Mooshinka ansixinta Xeerka Jinsiga lagaaga adkaado ma iscasilaysaa ilayn adaa yiri ma joogayee”,Waa su’aal uu waydiiyay M.Xasan. Xaqiiqdii waji gabax iyo kacdoon xoog badan oo lagu diidan yahay ayay dareemaysaa Sacdiyo. Waxaa la oran karaa uma bisla Siyaasada mana laha fahamkeedii iyo hibooyinkii…

Read More

Waxaa lagu wadaa inuu dhaqan galo xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka. Waxaa sidoo kale la filayaa in uu dhaqan galo in 60-dollar lagu jaangooyo Barmiilkiiba shidaalka Ruushka. Tallaabadan,ayaa waxaa Jimcihii ku heshiiyay Midowga Yurub, dalalka hodanka ah ee G-7 iyo Australia. Waddamada reer Galbeedka,ayaa doonaya in ay xaddidaan awoodda Moscow ay ku sii wadi karto duullaanka ay ku hayso waddanka Ukraine. Reer Galbeedku waxa ay rajaynayaan in ay yareeyaan awooda Moscow ee ah in ay dagaal ku qaadaan Ukraine. Cunaqabateynta waxaa ka hor yimid Kremlin-ka looga arrimiyo Ruushka. Ukraine,ayaa dhankeeda soo dhaweysay tallaabada Midowga Yurub.

Read More

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellada Dhexe,ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda federaalka Somaliya ay galeen Degmada Aadan Yabaal. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Deegaanka,ayaa u sheegay idaacadda in ay Ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris. Ciidanka,ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan Gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab. Ciidanbka,ayaa la sheegay in ay galeen magaalada iyadoo uusan dagaal ka dhicin. Maalmo kahor, Ciidamada,ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah Gobolka, kuna dhow Degmada Aadan Yabaal.

Read More

In aan dib loo dooran Farmaajo waxay ku ahayd dhabar jab iyo waxaysanba filayn Shabaab. Waxaa jiray isfahan buuxa oo umuuqday ugu danbayn sida Daalibaanka Afgaanistaan,ayaan idinku wareejinayaa talada Dalka. Shabaab waxii ka danbeeyay Habeenkii Farmaajo ka baxay Villa Somaliya,waxaa ubilowday wal-wal xoog badan. Qaadashada go’aanka ah la dagaallanka Alshabaab ee Xasan Shiikh waxay ku ahayd khatar ku bilaabatay. Haatan abaabulka xooga leh ee ku socdaa ugu yaraan waxbuu udhimay welise xanuun xoog leh ma gaarsiin. Argagixisadii Ajaanibka ahayd iyo kuwii Beelaha aan Hawiyaha ahayn kasoo jeeday waxay ku urureen Koonfurta fog ee Dalka. Shabeelooyinka,Hiiraan iyo Gobollada Dhexe,waxaa ka dagaalamaya…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh,waxuu muujinayaa hogaamin macquul ah ilaa iyo hada,waxuuna ka sareeyaa intii laga filayay. Hogaamintiisii mudo xileedkiisii hore,waxaa looga bartay Laba dhaqan oo kala ah… 1.Musuq xuduud dhaaf ah.2.Eex xuduud dhaaf ah. Haatan waxaa ka muuqata bisayl,khibrad iyo in uu rabo taariikh uu ka tago. Fahankiisa ah in uu la dagaallamo Shabaab oo weliba Bartamaha iyo Koonfurta ugu yaraan ka xoreeyo waa aragti sare. Sidoo kale waaqicinimadiisa ah in Dalkan aysan Dowladnimo ka jirin,Bulshadu midaysnayn oo dhaqaale jirin loona baahan yahay isku wadid iyo dabacsanaan waa mid hogaamintiisa xiligan macno uyeeshay. Dadka aysan isku Siyaasada ahayn ama uu aaminsan…

Read More

Madaxweyne Axmed,waxaa haysta dhibaato ku aadan sida uu ugu biiri karo dagaalka argagixisada. Ciidamada uu haysto waa kuwo ubadan Hal Beel mana aaminsana Beelaha kale ee reer Jubaland. Kama barbar dagaalamayaan Ciidamada Beelaha kale ee muhiimka u ah dagaalka argagixisada Ciidamadiisa. Wal-walka kale ee haystaa waa in awoodu ay gacantiisa ka baxdo hadii Jubaland Kismaayo ka waynaato. Haatan,waxaa laysla wadaa in Ciidamadiisu ay ka bilaabaan hawlgallo la dagaallanka argagixisada ah Deegaamada Kismaayo ku hareeraysan. Dowlada Fadaraalku waxay ku caawin doontaa Rasaas iyo Shidaal. Ugu yaraan hawlgalladaas,waxay mashquulinayaan argagixisada oo ku furayaan furin Cusub oo Jubooyinka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Wax-ka-bedelka xeerka oo labadii cishe la soo dhaafay doodiisa soctay, ayaa ka kooban 54 Qodob, Dooda ugu badan ayaa ka dhaltay Qodobka 21-aad kaas oo ka hadlaya Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay, sida ku cad wax-ka-bedelka Guddiga. Qodobka 21-aad – Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay B. Haddii hawlgabuhu dhinto isaga aan dhammaysan muddadii uu hawlgabka…

Read More