Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Shirka dibu-eegista Mashruuca JPLG iyo Qorshaha Sanadka 2023. Kulanka oo soconaya mudo Laba Maalmood ah yaa looga hadlayaa guulaha la taaban karo ee laga gaaray Mashruuca Maamul baahinta Puntland (JPLG,) wejigiisa Sadexaad, Caqabadaha jiray iyo Qorshaha wejiga xiga ee mashruuca. Shirka oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maamul baahinta Puntland waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Mashruuca, Guddoomiyayaasha degmooyinka mashruucu ka socdo, Hayโaddaha taageera Maamul baahinta iyo masuuliyiin kale. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND .
Author: Jibril Qoobey.
Xasan Shiikh ilaa iyo hada Lacagtii Shidaalka qoondadii JL ay kula hayd ma wareejin. Dooda Xasan waxay ku salaysan tahay in Axmed Lacagtii hore ee Baanka Aduunka qoondadii ay ka heshay JL ee 3-da Milyan ahayd uusan Hal dolar ka gayn Kismaayo oo uu si gaar ah ugu tashtay. Madaxweyne Xasan,waxuu kaloo baajiyay safar uu damacsanaa in uu Gedo ku tago. Sidoo kale dagaalka argagixisada sida JL looga dhaqaajinayo waa isla fahmi la’a yihiin Labada dhinac. Waxaa maqan doorkii Ra’isalwasaare Xamse. Jibril Qoobey.
Kulanka Madaxweyne Deni iyo masuuliyiinta Maraykanka ee Xalane,waxuu daaran yahay amniga. Si gaar ah Puntland,waxaa looga rabaa in ay garab xoog badan ka muujiso hawlgalka Gobollada Dhexe. Xarardheere,waa Saldhiga Labaad ee argagixisada marka laga soo tago Jilib,waana halka hada loo diyaar garoobayo gulufkeeda. Puntland waxaa ku yaal Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo oo muhiim u ah gulufkaas. Dhanka kale dagaalka lagula jiro argagixisada sidii la rabay uguma dhex muuqdaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada. Si gaar ah Madaxweyne Deni,waxuu saamayn ku leeyahay Madaxweyne Laftagareen oo la rabo in lasoo geliyo dagaalka argagixisada. Sida la filayo Deni is afgarad,ayuu kala soo laaban doonaa…
Madaxweynaha Dowlada Puntland,waxuu si gaar ah ula kulmayaa Madaxweyne Dowlada Fadaraalka mudane Xasan Shiikh. Waxay kawada hadlayaan arimo ay isku ogaayeen oo iskugu jira xilal iyo dhaqaale oo qayb ahaantood aysan ka fulin dhanka Madaxweyne Xasan. Kulanka Xasan iyo Deni in uu beri qabsoomo ayay ubadan tahay hadii rabi idmo. Madaxweyne Xasan,waxuu uga baaqday socdaal uu geli lahaa la kulanka Deni dartiis. Xasan Shiikh,waxaa culays xoog badan ku ah la macmiilka Deni,sababtoo ah la mid ma’ahan Madaxweynayaasha Maamulada kale. Deni waa hogaamiyaha Puntland-ta leh awooda Siyaasadeed ee xooga badan oo haday Saldhig unoqoto mucaaradka Xasan kasoo horjeeda khatarteeda leh. Xasan,waxuu…
Xarardheere waa Saldhig sal weyn,istiraatiijiya oo argagixisadu leedahay oo ay ujoogaan ku dhawaad 2000 oo Maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 200 oo ismiidaamiyayaal ah,Tikniko,Hub iyo Saad fara badan. Dhawr jiho,ayaa laga geli karaa Xarardheere oo kala ah.. 1.Wisil2.Baxdo3.Qaayib. Mid walba,waxay ujirtaa Xarardheere ugu yaraan 130-km. Masaafadaas 150-ka km ah ee udhaxaysa Magaalooyinkaas iyo Degmada Xarardheere,waa Dhul dhibadan oo lehโฆ 1.Buuro.2.Togog.3.Boholo Bacaad ah. Xarardheere,waxaa lagu tilmaami karaa meesha ay ku taalo markii la qiimeeyo Gal-galadii Labaad ee Somaliya. Shabaab Dhulka ka sokeeya Xarardheere,waxay meelo badan oo ka mid ah ku aasteen Hub,Biyo iyo Raashin si hadii laga soo…
Raโiisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim. Kulanka Raโiisul Wasaare Xamse iyo Wasiir Anne Beathe Tvinnereim,ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada Dowladood iyo iskaashiga Labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka. Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Raโiisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka goโantahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Somaliyed. Raโiisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta,ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland kaas oo shalay Golaha bilaabeen ka doodistiisa. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland,ayaa maalintii 2aad qodob-qodob uga doodaya Xeerkaan oo ka kooban 54 Qodob, waxayna cod gacan taag ah mid mid ugu ansixiyeen 20 Qodob oo ka mid ah xeerka. Dooda wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland,ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida uu…
Madaxweyne Biden waxa uu Washington, DC ku martigelinayaa hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika December 13-15, 2022, shirka madaxda Maraykanka iyo Afrika. Shir-madaxeedkaas,ayaa Mareykanku uga dan leeyahay in uu ku muujiyo saamayntiisa Afrika,muhiimadda xiriirka Mareykanka iyo Afrika iyo kobcinta iskaashiga arimaha muhiimka ah. Shirka hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afrika,ayaa looga xaajoon doonaa arimo waa weyn oo mideeya Labada dhinac,kuwaasoo kala ah… Kobcinta ka-qaybgal dhaqaale oo cusub. Horumarka Nabadda,Amniga, iyo maamulka suuban. Xoojinta ka go’naanta dimuqraadiyadda, xuquuqda Aadanaha, iyo Bulshada rayidka ah. Si wada jir ah oo looga shaqeyeeyo xoojinta amniga caafimaadka Gobolka iyo kan caalamiga ah. Kor u qaadida sugnaanta Cuntada. Ka jawaabida dhibaatada…
President Biden is hosting leaders from across the African continent in Washington, DC on December 13-15, 2022, for the U.S.-Africa Leaders Summit. The Summit will demonstrate the United Statesโ enduring commitment to Africa, and will underscore the importance of U.S.-Africa relations and increased cooperation on shared global priorities. Africa will shape the future โ not just the future of the African people, but of the world. Africa will make the difference in tackling the most urgent challenges and seizing the opportunities we all face. The U.S.-Africa Leaders Summit will build on our shared values to better: Foster new economic engagement Advance peace,…
Booqashadii Madaxweyne Xasan ee Bosaso,waxaa dhici karta in ay dib udhacdo. Labada Madaxweyne ee Xasan iyo Deni,ayaa kaga wada hadli doona kulankooda Xamar. Bishan 4-teeda,ayaa la filayay in ay dhacdo booqashadaas,balse way ka dib dhacday. Madaxweyne Xasan oo booqan doona Jabuti maalmaha nagu soo aadan,ayay ubadan tahay soo laabadkiisa inta uusan ugudbin Maraykanka in uu Bosaso ku hormaro. Shirka Maraykanka iyo Afrika ee ka dhacaya isla Maraykanka,ayuu ka qaybgalayaa Madaxweyne Xasan,isagoo soo mari doona inta uu joogo Maraykanka Taksis iyo Minisota. Socdaalkiisa Bosaso,ayaa ku kooban xariga jarid iyo dhagax-dhig Mashaariiceed. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni,waxuu soo faray Wasiiradii dardargelinta Doorashada uqaabilsanaa Xukuumada.. ” Ururada waxaan la kulmayaa markaan Xamar kasoo laabto oo aan Beri ukicitimayo”. Waa qabsoomay kulankii Caawa ee Gudiga Wasiirada ka kooban ee Xukuumada uqaabilsan socodsiinta Doorashada iyo Ururada Siyaasada. Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Doorashada,waxaa lasoo xiriiray Gudiga uqaabilsan Wadamada BC ee taageera doorashooyinka,waxayna ku dhiirigeliyeen in uu dhagaysto Ururada soo jeedintooda. Hadii ay fusho balanta Madaxweynuhu qabtay,waxay noqon doontaa Dimuqraadiyadii oo loo hiiliyay. Waxaa laga rabaa Dowlada iyo Ururada in ay kulmaan oo isla fahmaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen qabsoomida Doorashada qorshaysan. Jibril Qoobey.
Laba Diyaaradood oo kuwa Qumaatiga ukaca ah,ayaa Sadex Habeen ka hor Abaare 12-kii Habeenimo Saacada Somiya ka degay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo. Diyaaradahaas,waxaa saarnaa Ciidamo Maraykan ah oo lagu qiyaasay 20-meeyo. Ujeedka socdaalkoodu,waxuu ahaa xoojinta dagaalka argagixisada iyo hawlgal lagu qaadayo Saldhiga ugu weyn argagixisada ee Xarardheere. Ciidamada Maraykanka,ayaa ku hawlgalaya Diyaaradaha Drones-ka,iyagoo kaabaya Ciidamada Danab,Mileteriga iyo kuwa Deegaanka. Fariisinka ay ka duulayaan,ayaa noqonaya Xerada Ciidamada Puntland ee Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. Isfahan waa koobnaa oo soo kala dhexgalay Ciidamada PL iyo kuwa Maraykanka,ayaa hakadgeliyay Diyaarad subixii u imaan lahayd Ciidamada Maraykanka. Isfahan waagaas,ayaa ugu danbayn,waxaa soo faragelisay Madaxtooyasa…
Ma’ahayn safar lasii qorsheeyay socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho,balse sida aan xogta ku helay waa safar ku saabsan xaalada amni ee Somaliya kasoo korortay. Villa Somaliya,ayaa ku casuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada Shirkan oo daba socda Shirkii Gudiga amniga ee Muqdisho horay uga dhacay. Shirkan,waxaa ka qaybgalaya Safiirada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Xalabe. Qodobada looga xaajoonayo,waxaa ka mid ahโฆ 1.Sidii laysaga kaashan lahaa Guluf si siman uga wada bilaabanaya Koonfur-galbeed,Jubaland iyo Galmudug. 2.Dhaqaale iyo Hub ka yimid beesha caalamka iyo yabooh dhaqaale kale. 3.Heshiiski Ciidamada Atmis oo gaba gaba maraya iyo sidii looga wada hadli lahaa qaabka ay Ciidamada ugu…
Waxay Ururada Siyaasadda Puntland fadhigooda ugu yeereen Guddiga Kumeel Gaarkaa Ee Doorashoyinka. Waxay u sheegeen in Guddigu dhayalsaday Warmurtiyeed Kii 29-ka bisha ka Soo baxay 7-Urur iyo Ururka Shaqaalaha oo Ku raacay. Waxay uga digeen inuu ku dhaqaaqo jadwalki uu Soo dhajiyey ilaa inta Laga wada hadlayo shuruudihii Ururadu Soo jeediyeen. Waxaa la hakinayaa Jadwalkii Gudigu Soo Jeediyey. Waxaa caawa kulmaya Gudigii dardar Gelinta Deni magacaabay Ee Wasiradiisa ahaa si ay u lafa guraan shuruudihii Ururada Siyaasadda. Wali waxaa si xoog leh u midaysan Ururada Siyaasadda oo wali shaki ka qaba Guddiga Doorashoyinka.
Gudiga Doorashada Puntland,waxuu iska indhotirayaa soo jeedintii Ururada Siyaasada iyo aqbalidii Madaxweynaha. Shaqadiisii jadwalsanayd,ayuu uwataa si caadiya Gudigu. Sida muuqata Madaxweynaha,ayaa ka dhex hadlaya,waxuuna Gudigu fulinayaa Laba Wajiilaynta Madaxweynaha si dadban. Dhaliisha ugu weyn ee hab dhaqanka khaldan ee Gudiga Doorashada,waxaa leh masuuliyadiisa Gudoomiyaha Gudiga oo umuuqda in uu toos ugu jiro Jeebka Madaxweynaha. Balse Gudoomiyuhu,waxuusan ogayn in isaga ay ku filan tahay oo kaliya Ururada oo soo jeediya in aan lagu kalsoonaan karin oo uusan dhex-dhexaad ahayn. Madaxweyne Deni waa danayste markuu Siyaasada Qofka ku adeegto hadana ku Kaarta baxa oo dilistiisa xalka ka dhiga. Waa khasab in soo…
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo uu waheliyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad Cabdi Baaley Xuseyn,ayaa maanta shir Guddoomiyey kalfadhiga 4-Aad fadhigiisa 6-Aad ee Baarlamaanka Jubbaland. Kulanka oo ay soo xaadireen 52-Mudane,ayaa Ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ansaxinta miisaaniyadda 2023. Dood iyo falaqeyn ka dib waxaa Xildhibaanada Golaha wakiilada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2023. 50 mudane,ayaa “HAA” ku codeeyay,waxaana ka aamusay 2-Mudane, wax didayna ma jiran. Miisaaniyadan lama waadixin inta ay dhan tahay,sida loo kala leeyahay,halka ay ka kala imaanayso gudo iyo dibad. Waxay umuuqataa mid la qariyay oo si mugdi ah lagu meelmariyay,inkastoo Dad badan…
Dowladda Uganda,ayaa isbitaalka ka saartay bukaankii ugu danbeeyay ee cudurka Ebola, sida uu sheega sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka Jimcihii, taasoo sare u qaadeysa rajada laga qabo in cudurkan oo dilay ugu yaraan 56 qof uu soo afjarmi karo. Saraakiisha,ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay cudurkan bishii Sebtembar, mana jiraan wax tallaal ah oo la xaqiijiyay. Diana Atwine, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, ayaa kusoo qortay Twitter-ka inay ku faraxsan yihiin in qofkii ugu dameeyay ee xanuunka laga saaray isbitaalka. Waxay sheegtay in dhakhaatiirtu ay sii wadi doonaan la socodka dadka u dhaawaday bukaannada cudurka…
Raโiisul wasaaraha Finland, Sanna Marin, ayaa sheegtay in Yurub aysan ku filneyn inay ka hortagto duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine, iyadoo aan taageero ka helin Mareykanka. Mar ay booqatay Australia, SANA, oo wadankeedu uu sugayo go’aan ku saabsan codsigeeda ku biirista NATO, ayaa sheegtay in Yurub loogga baahan yahay inay taageerto difaaceeda. “Waa inaan si daacad ah u hadlaa, Yurub hadda kuma filna, waxayna la kulmi doonaa dhibaato haddaanu Mareykanka garab istaagin,” ayay raacisay. Dalka Finland, ayaa xuduud la leh dalka Ruushka.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya Saalax Axmed Jaamac,ayaa ka qeyb galay munaasabadda dib u wareejinta xarunta Qaran ee how-gallada gurmadka deg-degga ah oo lagu wareejiyay Heyโadda Maareynta Masiibooyinka ee (SODMA). Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka,ayaa tilmaamay in heyโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SODMA) la Aas-aasay sannadkii 2011, iyadoo dib loo howl geliyay kadib markii la dhisay xukuumadda Dan-Qaran. Ujeeddada loogu daray,ayuu ra’isalwasaare xigeenku ku sheegay in ay tahay ah sidii sare loogu qaadi lahaa loona midayn lahaa dadaallada maaraynta masiibooyinka iyo arrimaha gurmadka deg-dega ah.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna. Kulankaa waxa lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo la xiriira mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland. Qodobada looga wada hadlay kulankaas,ayaa kala ahโฆ 1.Dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone). 2.Ugudbida fulinta wejiga Labaad. Halkan ka daawo muuqaalka
Xukuumadda Deeganka Somalida Itoobiya,ayaa magacowday Guddiga ka hortaga musuqa. Gudigan,ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka caddaalada ee Deegaanka Somalida Itoobiya. Halkan ka akhriso:-
Garoowe, December 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay. Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa tababar u furay Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland oo lagu tababarayo Kulliyada tababarada Ciidanka Asluubta ee Jen. Cali Nuur. Halkan ka daawo muuqaalka
68-jir,ayuu ku qaatay Shahaadada sare ee PHD Madaxweyne Xasan,waxayna qayb ka noqotay maqaamyada uu gaaray noloshiisa. Maamulida shaqada ugu saraysa Somaliya ee uu hayo wax badan kuma soo kordhin doonto Shahaadadan sida la filayo. Somalida iyo PHD iskuma sancana oo dhamaan Dadka gaaray darajadaas aqooneed ma’ahan hormuud taariikh macno leh ka tagay marka laga saaro in darajo ahaan loogu yeero. Tusaale” 1.Xasan Cali Mire oo ahaa Shaqsigii ugu horeeyay ee Darajadaas gaara,waxaa ka taariikh sareeya Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn oo aan xataa Degree gaarin,rabi ha uwada baxariisto Labadaba. 2.Prof.Samatarkii reer Goldogob,waxaa ka taariikh sareeya Cabdullaahi Khaliif Xaashi Carro-buro oo Oday dhaqmeed…
Ciidamada Dimuqraadiyada Siiriya ee gacanta weyn ka gaysatay jabinta Islaamiyiinta xagjirka ah,ayaa joojiyay dhammaan hawlgalladii wadajirka ahaa ee ka hortagida argagixisada. Go’aanka kasoo baxay Ciidamadan,ayaa ka dhashay dukheymaha uu Turkiga ka geysanayo Aagga ay maamulaan ee gudaha Siiriya. Ciidamadan oo uu garabsiiyo Maraykanka,ayaa afhayeen u hadlay sidaa ku dhawaaqay. Qaraxii ka dhacay Istanbuul kadib Turkigu,waxuu xoojiyay weerarada uu ka fuliyo gudaha Siiriya oo uu ku bartilmaameedsanayo kooxaha Kurdiyiinta ah. Maraykanka,ayaa kaga hor yimid Turkiga hawlgalladan. Jibril Qoobey.
Kaniisadaha iyo masaajidda ku yaalla magaalada caasimadda u ah dalka kenya ee Nairobi,ayaa lagu booriyey inay ka fakaraan yareynta codka xoogan ee kasoo baxaya goobahooda. Bartiisa twitter-ka,ayuu barasaabka ismaamulka magaalada Nairobi ee, Johnson Sakaja, ku sheegay inuu wada hadal la yeelan doono hoggaamiyeyaasha diinta, si loo xakameeyo heerka codadka. Magaaladu,ayaa waxay dhawaan mamnuucday goobaha lagu caweeyo ee sawaxanka xoogga leh ay kasoo baxayaan, gaar ahaan kuwa ku yaalla goobaha deegaanka ah, ka dib cabasho ka timid dadka deegaanka oo ku saabsan buuqa iyo sawaxanka. Dad badan ayaa dalbaday in sidan oo kale loo mamnuuco codadka kasoo baxaya goobaha cibaadada. Sakaja…
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo kamid ah guddiga doorashada, oo diiday inay ansixiyaan natiijadii doorashadii madaxtinimo ee u danbeysay, taasoo keentay guushiisa. Ruto ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in maxkamad uu madax u yahay garsoore ay baaritaan ku sameyn doonto afartan masโuul, oo lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga, kuna kaceen anshax-xumo weyn iyo xil gudasho laโaan, taasoo keeni karta in ugu dambeyn laga eryo xilalka ay hayeen. Balse hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay tillaabada Ruto inay tahay qorshaha dowladda, ee ku aadan musuq maasuq lagula kacayo doorashada soo socota, ee dhacaysa sanadka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qayb-galaya Xafladda qalin jabinta dufcaddii labaad ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha,ayaa ka mid ah Ardayda sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacadda. Madaxweynaha,ayaa qaadanaya shahaadada sare “PhD” ee cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.
Hay’adaha taageera mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin,ayaa kormeeray goobaha waxbarashada ee uu mashruucu horey uga socday iyo waxyaabihii u qabsoomay mashaariicdii hore. Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adda Care iyo Save oo wadaaga mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee Gambool, Kulliyadda Tababbarka Macallimiinta ee GTEC, iyo dugsiga dhagoolayaasha ee Garowe. Ujeedka kormeerkan,ayaa ahaa mid loogu kuurgalayey wajigii 3aad ee mashruuca wkxii laga hirgaliyey iyo sida looga faa’iidaystay mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin.
Taliyaha oo ay wehliyaan Taliye Xigeenka 2aad ee Ciidanka Daraawiishata Puntand S/Guuto Axmed Cali Salaad iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Gobalka Mudug G/Sare Sharamaake Shiikh Doon iyo Sarkiil sare,ayaa maantay kormeer ku gaaray Xeyaha Ciidamada Difaaca ee Jeexdin iyo Dugsigga Tababarka Jeneraal Careys Godod . Kormeerka Talyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland uu ka marayo Gobolka Mudug waxuu dhiirigelin iyo dardargelin uyahay Ciidamada iyo shaqada amniga. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka qorshaynta Puntland,ayaa ka qeybgalay shirka Golaha Horumarinta Qaranka ee Muqdishi ka dhacay. Shirkan waxaa isugu yimid Wasiirada wasaaradaha qorsheynta ee Somaliya,iyadoo uu shir gudoomiyay Wasiirka Qorsheynta ee dawlada federalka ah ee Somaliya.. Shirkan,ayaa looga wada hadlay sidii qorsheyaasha iyo mashaariicda horumarinta wadanka loo daadejinlahaa oo loo waafajinlahaa habka Federaalka ah ee Wadanku udhisanyahay. Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole,ayaa shirka la wadaagay in Shantiii sano ee la soo dhaafay Puntland aysan mashaariicda magaca Somaliya lagu soo helay aysan qeybteedii ka helin. Wasiirka Qorshaynta Fadaraalka Beene-beene iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland,ayaa isku raacnay in qaabka hada wax usocdaan wax laga badalo,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa xariga ka jaray Bangiga IBS xaruntiisa Puntland oo laga hirgeliyay magaalada Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya Saalax Axmed Jaamac,ayaa galabta daah-furay shir lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey kooxaha argagixisada oo ay ka soo qayb galeen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya. Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaaradaha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa lagu soo bandhigay warbixinno waafi ah oo sharraxaya hawl-galladii u dambeeyey ee xorraynta iyo horumarrada laga sameeyey sidii adeegga aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa goobaha soo galay gacanta Dawladda. Raโiisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gacan…
Dowladda Somaliya,ayaa sheegtay in illaa 40-xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah. โHowlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan,โ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. โHowlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada,ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada. Madaxweynaha,ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hayโadaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar…
Caluula waxay ujirtaa 950-km Caasimadda Puntland ee Garowe. Sidoo kale Garowe iyo Gaalkacyo waxay isku jiraan 229-km. Gaalkacyo iyo Caluula,ayaa noqonaya 1179-km. Halka Gaalkacyo ilaa Kismaayo ay isku jiraan 1250-km. Puntland sidaas ayay ku tahay Laba meelood oo meel Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray guud ahaan Somaliya oo lagu daray Somaliland waxay ka tahay Sadex meelood oo meel. Dhulkaas,waxuu kaga yaala Somaliya meel muhiim ah. Dhulweyn oo leh khayraad dabiiciya Dadkiisuna yahay kuwa nidaamka iyo Xasiloonida ubisil ayay Puntland tahay. Dadkaas iyo Dhulkaas,waxay leeyihiin dhaqaale xoog badan oo Canshuurta laga helaa ay Bishii gaarto 10-milyan oo dolar. Hadii loo helo maamul…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha. Shirka Golaha Wasiirada,ayaa Todobaadkan looga hadlay arimo ay ka mid yihiin 1.Amniga.. 2.Maalgashiga Puntland. 3 Dardargelinta Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka Puntland.
Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka ee IS,ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday hogaamiyihii ururkaasi Abuu Al-Xassan Al-Hashimi al-Qurayshi. Fariin cod ah oo uu soo saaray afhayeenka kooxda ayaa lagu sheegay in la dilay xilli uu la dagaallamayay waxa uu ugu yeeray โCadowga Alleโ, balse ma uusan bixin faah faahin intaas dheer. Maraykanka,ayaa sheegay in lagu dilay hawlgal ay fallaagada Free Syrian Army ka fuliyeen koonfurta-galbeed ee dalka Suuriya bartamihii bishii Oktoobar. Afhayeenku wuxuu sheegay in hoggaamiyaha geeriyooday lagu badlay hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo Abuu al-Xuseein al-Xuseyn al-Qurayshi. Balse afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa dhabta ah, dhalashadiisa iyo…
Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya,ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta Sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF. Danjire.Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka. “Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay TPLF soo dhiibaan 17-kii Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yiri. Bacha,ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda…
Sucuudiga,ayaa qorshaynaya inuu bisha December 9-keeda marti geliyo shir-madaxeed ay isugu imanayaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, kaas oo la filayo inuu ka soo qaybgalo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen illaa saddex diplomaasi oo Carbeed oo ku sugan gobolka oo xog badan ka haya qorshaha shirkan. Madaxweynaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu Riyadh soo gaadho bisha December 7-deeda, waxaana safarka madaxweyne Xi Jinping uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Sucuudiga, taas oo salka ku haysa dhinaca Shidaalka iyo weliba walaaca ku saabsan saamaynta Shiinaha ee bariga…
Warqadan waxay toos uga hor imaanaysaa Labadii War ee Ururada iyo Madaxweynaha ee kala ahaaโฆ 1.Warmurtiyeedkii Shuruudaha ee Ururada. 2.Aqbalidii Madaxweynaha Shuruudaha Ururada. Gudiga Doorashadu waa ku deg-degay in uu Warqadan soo saaro,iyadoon laga fariisan Shuruudaha Ururada oo aan loo saarin Gudi. Waa khasab in la fuliyo Shuruudaha Ururada soo jeediyeen hadii la rabo Dimuqraadiyad lawada leeyahay. Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa habka foggaan araga ee โZoomโ-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Somaliya. Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Somaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee NorwayOle Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Somaliya Amb. Haakon Svane. Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan ShIikh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Somaliya. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah. Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda…
Madaxweyne Deni si cad,ayuu usoo dhaweeyay una aqbalay Shuruudihii Ururada Siyaasada. “Anigoo ah Madaxweynihii iyo Gudoomiyihii Ururka KAAH waa soo dhawaynayaa wax walba oo ay ku hagaagayso doorashada oo ku salaysan hufnaan iyo wanaag,waana soo dhawaynayaa Warka Ururadu soo saareen”.Ayuu yiri M.Deni. Kubadii Mucaaradku soo laadeen Odaygu waa iska badbaadshay,waana diiday in Dimuqraadiyadu Gacmihiisa ku dhimato. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee Doorashooyinka Golayaasha Degmooyinka Puntland, oo muddo Saddex Cisho ah ka socday Garowe. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirka waxaana uu muujiyay muhiimada uu u leeyahay Haweenka Puntland in ay ka arrinsadaan doorkooda ku aadan Dimuqraadiyadda, wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in tallaabada awooda loogu dhoweynayo Shacabka dadka ugu badan ee ay fursada u tahay ay yihiin Haweenka iyo Dhallinyarada, sidaasi darteed loo baahanyahay in ay ka faaโideystaan fursadan. Shirka,ayaa intuu socday looga hadlay doorka Haweenka ee Siyaasadda iyo Fursadaha siyaasadeed ee furan ee ay ku heliyaan Doorashooyinka qof iyo…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore. Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe,ayaa jawaab ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u danbeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka loo la sheegay in Baarlamaanka uu ansixin doono shuruuc ka soo horjeeda Diinta Islaamka. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxamed Cabicasis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California, sida ay baahisay warbaahinta Times of San Diego. Horaantii sanadkan,ayaa ninkan lagu xukumay dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd. Muna,ayaa waxaa la dilay sannadkii 2019-kii. Waaxda Booliska ee magaalada San Diego,ayaa Kerow u aqoonsaday in uu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku soo saaray ku sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda halka Kerow laba Todobaad ka…
Tehreek-e-Taliban Pakistan,ayaa ku dhawaaqday in ay jebtay xabad joojintii xilli Asiim Munir uu doonayo inuu la wareego hoggaanka Ciidamada Pakistan isaga oo bedelaya Jeneral Qamar Javed Bajwa. TTP,ayaa sheegtay in ay jebinayso xabad joojintii Shanta Bilood ahayd ee ay Ciidamadu kula galeen Deegaannada Bannu iyo Lakki Marwat ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa. TTP,ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri.. โWaxaan si isdaba joog ah uga digaynay xadgudubyada xabad joojinta ee ciidamada. Dhanka kale, waxaan muujinnay is-xakameyn badan oo aanaan sameyn aargoosi . Si aan naloogu eedayn in aan nabada wax u dhimeyno,โ. Ku dhawaaqistaan kadib,ayaa TTP waxay ku amartay xubnaheeda in…
TTP,waxaa loogu yeeraa Taalibaanka Pakistan. Waxaa jira kooxo yaryar oo badan oo hoos yimaada Ururkan oo la sameeyay 2007. Tehreek-e-Taliban Pakistan,ayaa 14-kii sano ee ugu danbeeyay u dagaalamaysay sidii dalkaas looga dhaqangelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka. TTP,ayaa doonaysa in Dowladdu ay sii deyso xubnaha u xiran, isla markaana ay yareyso joogitaanka ciidamada ee deegaannadii ay markii hore joogi jireen. Maadaama TTP ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo awooddeeda aagaggaas, ma rabto in ciidan laga helo meelahaas. TTP waxa ay doonaysaa in ay xukunkeeda ku maamusho deegaannadaas, sababtaas awgeed ciidanku waxa ay sii wadaan in ay iska…
Dawladda Maraykanka,ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo Hub gaaraya illaa $1-Bilyan oo dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran. Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan. Qatar iyo dalalka kale ee ku yaalla Gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo…
Waa laga badiyay Madaxweyne Deni,Gacantiisana,waxaa laga saaray hogaamintii Siyaasada Dimuqraadiyada. Kubad qurxoon oo si xirfadaysan looga soo shaqeeyay lagana baaraan dagey,ayaa lagu soo laaday. Dhamaan Qodobada ay Ururadu soo gudbiyeen waa waaqici waliba masiiriya oo loo baahnaa in la taabto. In badan,ayaa Deni lagala hadlay in uu isbadal sameeyo,isdabciyo oo uu dhexgalo Ururada kana dhex samaysto isbahaysi. In xitaa ay Dowladu waydo Hal Urur oo aragtideeda ku raacsan waxay muujinaysaa sida loogaga adkaaday ciyaartii Siyaasada Dimuqraadiyada. 9-ka Urur markii laga reebo Ururka KAAH oo Xukuumada ah iyo Ururka Shaqaalaha oo khilaaf dhexdiisa ah looga saaray Shirka 7-dii kale waxay wada…
Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee โWaxbarashadu waa Iftiinโ oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Wasaaradda iyo Midowga Europe iyo Hayโadaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruuca fulintiisa. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, Ku-xigeenka Madaxa Hayโadda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hayโadda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Europe oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Wafdi ka socda Hayโadda Care International oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Care International ee Somaliya Ummykaltun Abdimajid. Midowga Europe, Hayโadda Care Iyo Hayโadda Save the Children oo iyana Saraakiil ka socotay ay qeyb ka aheyd Wafdiga, waxaa ay Dowladda Puntland kala shaqeynayaan Mashruuca Waxbarashada Waa Iftiin oo kor loogu qaadayo Waxbarashada Puntland, gaar ahaan tayada macalimiinta iyo Heerka Waxbarasho. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Muuqaalka Burburka soo gaaray Hotelka Villa Rose ee ay weerarka arxandarada ah ka fulisay argagixisada. Halkan ka daawo muuqaalka
Talaabo loo baahnaa ayay Dowladu ka qaaday xoojinta amniga Gaalkacyo. Labada Talye ee Daraawiishta iyo Booliska,ayaa saakay gaaray. Cutubyo Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska ka kooban oo xoojin ah,ayaa galay Magaalada. Sidoo kale,waxaa heegan iyo amar deg-deg ah la siiyay Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka fadhiyay. Afar Qodob ayay fulinayaa,kuwaasoo kala ahโฆ 1.Soo celinta kala danbaynta iyo Sharciga. 2.Kala cayrinta Jirida is urursatay. 3.La wareegida dhamaan Dhulalka laysku haysto. 4.Is hor fariisitinta Beelaha wax kala gaareen. Waxaa jira koox abaabulan oo udiyaarsan ku habsashada Dhulalka si ay dhaqaale uga sameeyaan. Kooxdaas,waxaa maalgeliya Dad leh xarumo Ganacsi. Ilaa iyo hada,waxaa diiwaangashan 13-Qof oo…
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dawladdda Puntland, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed Libaaxe oo uu wehlinayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Dayib Guure ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed, oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Xanaanada Xoolaha Dawladdaha xubnaha ka ah DFS ee Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Waftiga ayaa u yimid caasimadda Puntland ee Garowe ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Xanaanada Xoolaha dalka oo ka furmay Garoowe, ayna martigelisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Maxamed Libaaxe,ayaa sheegay in ay sharaf u tahay inay Garoowe kusoo dhoweeyaan Mas’uuliyiinta…
Madaxweyne Kagame โ Wariye Kasta oo Reer galbeed ah oo i Waraysta Wuxuu Wax iga Weydiiyaa arimaha Qowmu Luudka,Aniguna runta ayaan u sheegaa ,Waxaan iraahdaa waxaasi annaga muhiim nooma aha,Rwanda inay taranto ayay rabtaa ee Wax iga weydii Halganka aan ugu jirno inaan Nolosha Dadkeena hagaajino . Dhowaan waxaan tegay Qatar oo si fiican u martigelisey Koobka Adduunka,Waxaasba iyaga uma muuqdaan,waxay rabaan Koobkii adduunka inay Dunida kaga mashquuliyaan Ajendahooda Qowmu Luudka ,Waxaasi waa Gardaro fadlan diirada hala saaro Koobka. Wanaag haduu jiro,oo ay run sheegayaan Galbeedku ,Kaalaya nooga faaโiideeya oo faafiya Waxyaabaha aad ku fiican tihiin Sida Quwada tamar dhalinta…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiska ku qaabilay masuuliyiin ka socda Hay’adda Diakonia oo ay hogaaminaysay Mss Anna Eggelind oo ah Agaasimaha caalamiga ah ee Diakonia oo fadhigeedu yahay (Stockholm), ku xigeenka Gobolka Mr Philemon Jazi oo fadhigiisu yahay (Nairobi) iyo Madaxda Somaliya ee hay’adda Diakonia oo fadhigeedu yahay (Garowe). Kulankaan oo daba socday kulamo hore oo u dhaxeeyay labada dhinac waxaa looga wada hadlay meesha uu marayo geeddisocodka Dimuqraadiyadda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta laba dhinac. Agaasimaha caalamiga ah ee Diakonia oo markii ugu horaysay Soomaaliya timaada ayaa…
Wasaaradda Arrimaha Dibidda ee Maraykanka,ayaa sheegtay in Ruushku uu dib u dhigay wada-hadalladii hubka nukliyeerka ee la filayey inuu la yeesho dalka Maraykanka, kuwaas oo la qorsheeyey inay ka dhacaan magaalada Qaahira ee dalka Masar. Maraykanka iyo Ruushka toonni wax faahfaahina kama bixinin sababta keentay dib u dhigista. Waxaa hore loo qorsheeyey in masuuliyiin ka kala socota Ruushka iyo Maraykanku inay ku kulmaan dalka Masar, inta u dhexeysa 29-ka bishan November illaa 6-da bisha December, si ay uga wada xaajoodaan in dib loo soo celiyo heshiiskii kormeerka iyo yaraynta hubka nukliyeerka ee ay wada galeen Maraykanka iyo Ruushku sannadkii 2011,…